25.7 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Shan Senatar oo maanta lagu dooranayo Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sii soconeysa, iyada oo maanta la dooranayo shanta kursi ee ka hartay kuraasta 11-ka ah ee ay Somaliland ku leedahay xubnaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Kuraastan ayaa waxaa kan ugu yar ku tartamaya laba musharrax, halka midka ugu dabadana ay ku tartamayaan illaa saddex musharrax, waxayna isku arki doonaan:-

Kursiga Koowaad, Siciid Cabdi Xasan iyo Jaamac Cabdilaahi Maxamed. Kursiga labaad, Muno Cumar Xasan, Nacima Xasan Xaaji maxamuud iyo Sucaad Xasan Maxamed. Kursiga Saddexaad, Cabdirisaaq Axmed Cali,  Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Siciid. Kursiga Afaraad, Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane) iyo Baashe Maxamed Ismaacil. Kursiga Shanaad, Deeqa Xasan Xuseen iyo Hodan Abokor Xasan.

Qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada gobollada waqooyi ayaa looga codsaday musharixiinta inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay soo xaadiraan hoolka Afisyoone.

Xubnahan ayaa waxaa dooranaya ergo lasoo xulay, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, halka Senatarada kale ay soo doorteen xildhibaanada dowlad goboleedyada.

Doorashadan ayaa qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo maanta, iyada oo shalay la doortay illaa lix Senatar oo ka mid ah kuwa gobollada waqooyi ee Somaliland.

Si kastaba, qabsoomida doorashadan ayaa daaha ka rogeysa horumar laga sii gaarayo doorashada, maadaama muddo fog uu khilaaf culus ka taagnaa kuraasta Somaliland.

Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey guusha Dubbe uu ka gaaray dagaalkii Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ku guuleystay kursigii uu maanta u tartamay ee doorashadii Aqalka Sare, saacado kadib markii lagu soo qaaday dagaal xoog leh oo kaga yimid dhanka Villa Somalia.

Wasiir Dubbe ayaa ka adkaaday musharaxii Villa Somalia ay wadatay oo ahaa Cabdikariin Maxamed Xasan oo helay 17-cod, halka Cusmaan Dubbe uu ku soo baxay 28-cod.

Guusha uu gaaray Wasiir Dubbe ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayaga oo ku faraxsan guul-darrada Villa Somalia.

Halkan hoose ka akhriso falcelinta siyaasiyiinta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri, “Hambalyo mudane Cismaan Obokor Dubbe oo kamid noqday xubnahay Aqalka Sare ee maanta la doortay. Waxaan Eebbe uga rajeynayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.”

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna yiri, “Hambalyo sanetor Cismaan Obokar Dubbe oo loo doortay xubinimada kursiga Aqalka Sare ee reer Somaliland. Doorashada Somaliland ee maanta waxay si cad u muujineysaa guuldarida ku soo wajahan nidaamka Farmaajo. Hambalyo reer Somaliland waad u hiiliseen demoqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.”

Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan hambalyo u dirayaa Prof. Cusmaan Obokar Dube oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Dube wuxuu tilmaam u yahay guuldarida kooxda N&N, maadaama uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii  isdabaqabtay xilligii danbe, qaybna ka noqday dib u heshiisiinta reer Somaliland.”

Axmed Macallin Fiqi ayaa yiri, “Hambalyo senatarada gobolada Somaliland ku mateli doona golaha aqalka sare ee BFS. Allaha idinla garab-galo gudashada waajibka adag ee idin hor yaalla. Si gaar ah waxaan ugu hambalyaynayaa saaxiibkay wasiir Dubbe oo N&N la’aanteed kursigiisa soo qaatay astaanna u noqon doona inta aaminsan in la heli karo kursi ayadoon N&N aysan ku wadan.  Aqalka sare sanadkan gobolada waqooyi dad miisaan culus leh ayaa u soo galaya sida muuqata.”

Mahad Salaad ayaa isna yiri, “Hambalyo Senator Cusmaan Obokar Dubbe oo loo doortay in uu ka mid noqdo Senetarada Aqalka Sare BFS. Hoolka Afisyoone duqii Farmaajo ahaa maanta labo guuldaro ayaa looga soo xambaariyay: doorashadii Senetarada oo dhamaan dadkii uu watay looga soo adkaaday iyo maalintii Arbacada ee faalshowgu u curraafeyn jiray oo sixirfurkeedii la soo helay! Arbaco dambe iyo doorasho hoolka Afisyoone lagu qabanayo hada kadib duqa Farmaajo ah in lagu kari waayo ayaan u malaynayaa!”

Dubbe: Laba maalin iyo laba habeen ma jiifan + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta ku guuleystay mid kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan guushii uu maanta ka gaaray tartankii doorashada iyo sida ay ku timaaday.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay inuu kursigaan u galay tartan adag, taas oo keentay inuu guushaan gaaro, isagoo u mahadceliyey dadkii ku taageeray inuu gaaro guushaan.

“Waxaan galnay kaambeyn aad u weyn, xilligaan aan idinla hadlaayo laba maalmood iyo laba habeen waan soo jeeday oo ma jiifan, sidaan oo kale ayaa la rabaa in kuraasta loogu tartamo oo la iska dhaafo malxiis,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ay ka muuqatay farxad aad u weyn.

Wasiir Cusmaan Dubbe oo cadaadis xoog leh kala kulmayey Villa Somalia oo taageero u aheyd musharixii la tartamay ayaa sheegay inuu ogyahay qof kasta oo kala shaqeeyey inuu kursiga helo iyo midkii diidanaa intaba.

“Waxaan ballaan qaadayaa in afarta sano ee xilkaan la ii doortay aan Shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaan sidoo kale u adeegi doonaa shacabka gobollada aan ku metelo baarlamaanka,” ayuu yiri Senator Dubbe.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa doorashadaan uga guuleystay Cabdikariin Maxamed Xasan oo ahaa musharaxii kula tartamay kursiga, kaas oo helay 17-cod, halka Dubbe uu ku soo baxay 28-cod, Cabdikariin waxaa la sheegay inay wadatay Villa Somalia oo maalmahaan dambe aysan isku wanaagsaneyn Cusmaan Abuukar Dubbe.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Dubbe guushiisa kadib

Sawirro: Maxaa lagu fasiray arrintii yaabka laheyd ee ay sameeyeen ergadii dooratay Senator-ada SOMALILAND?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta sawiro laga qaaday qaar kamid ah ergada Somaliland ee soo dooraneyso Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya Gobolada Waqooyi Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawiro laga soo qaaday qaar ka tirsan ergada ayaa muujinaya shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab (Face-Mask) kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa taasoo keentay in fasiraad kala duwan laga bixiyo sababta ku kaliftay.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen qaar ka tirsan ergada Somaliland inay tahay cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somalialnd, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan.

Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Somaliland ayna jirto walaac ku aadan in hadii lagu arko ka shaqeynta arrimaha doorashada Soomaaliya xabsiga loo taxaabo.

Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’day Soomaaliya ayaa dhawaan mar kale shaacisay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa falkaan ku tilmaamay in ay jiri karaan cabsi dhinaca ammaanka ah oo laga cabsanayo in Al Shabaab ergadan beegsadaan hadii wajiyadooda la aqoonsado.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey u toogtay qaar ka tirsan ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday, waxayna dhawaan ku hanjabtay inay beegsan doonto cid kasta oo ka qeybgasho doorashada Soomaaliya.

Sidee u fashilmay dagaalkii Villa Somalia ay ku qaaday Dubbe iyo Prof. Samatar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Maxamuud Dubbe ayaa ku guuleystay doorashadii Aqalka Sare ee kursigii uu maanta ku tartamay, saacado kadib markii lagu soo qaaday dagaal xooggan.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka adkaaday Cabdikariin Maxamed Xasan, isaga oo helay 28 cod, halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan helay 17 cod.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacdihii ugu dambeeyey wadday dagaal culus oo ku xaqiijineyso in Dubbe looga adkaado doorashada Aqalka Sare, kadib markii labada dhinac ay siyaasad ahaan kala jeesteen.

Dubbe, oo mar saaxiib dhow la ahaa Farmaajo, islamarkaana dartiis u aflagaadeeyey dowlado ay ka mid tahay Jabuuti, shacab, siyaasiyiin iyo hooyooyin Soomaaliyeed, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ka furtay kuna xirtay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay Farmaajo is-hayaan.

Sida aan xogta ku helnay, Dubba ayaa dhanka Rooble ugu wareeegay saddex sabab oo kala ah:-

1 – In Rooble uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka, islamarkaana xilliga uu doono uu xilka ka qaadi karo, ama hoos ugu dhigi karo wasiir ku-xigeen.

2 – Inuu garowsaday in awoodda dowladda, gaar ahaan dhaqaalaha uu ka baxay gacanta Farmaajo, oo ra’iisul wasaaraha uu si buuxda hadda u maamulo.

3 – In Rooble uu gacanta ku hayo maamulka doorashada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, sidaas darteedna caqabad ku noqon karo hamigiisa senator, isaga oo ka shaqeyn karay inaan lagu soo darin liiska musharaxiinta.

Dubbe ayaa markii uu ku biiray xulufada Rooble wuxuu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Farmaajo, isaga oo qoraallada kasoo baxa Villa Somalia ee la xiriira siyaasadaha ay isku hayaan Rooble, ka mamnuucay warbaahinta dowladda, taasi oo aad u bah-dishay Farmaajo.

Isaga oo ka aargudanaya ayuu Farmaajo qaaday loolan xooggan oo ka dhan ah Dubbe, wuxuuna dhowr habeen ka hor madaxtooyada kula kulmay odayaal reer Somaliland ah, isaga oo kala hadlay inay kala shaqeeyaan in Dubba looga adkaado doorashada.

Madaxtooyada ayaa saacidihii ugu dambeeyey aad u xoojisay, islamarkaana taageero u raadisay Cabdikariin Maxamed Xasan, kuna bixisay dhaqaale sidii uu u guuleysan lahaa, hase yeeshee dadaalladaas ayaa meel cidlo ah ku dhammaaday.

Guul-darrada Villa Somalia ee kursiga Dubbe, waxaa uga sii horeeyey kursigii Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo isna ay ku taageertay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, balse looga adkaaday.

Prof. Samatar ayaa afartii sano ee uu Farmaajo ahaa madaxweyne, wuxuu si aad ah u dhaliili jiray siyaasadaha Farmaajo ee xoog sheegadka iyo kali-talisnimada, waxaana Villa Somalia ka go’neyd in maanta laga adkaado.

Hase yeeshee, dhaqaalihii ay Villada ku bixisay Allabari ayaa goyn waayey codad looga adkaaday, si la mid ah sidii ay wax u tari weysay lacagtii lagu bixiyey in laga guuleysto Dubbe.

Sidoo kale, afarta kursi ee kale, ee maanta lagu doortay Afisyoone, ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Xaashi Cabdllaahi, Layla Axmed Ismaaciil, Saalax Axmed Jaamac iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Marka laga reebo wasiir Saalax, saddexda Senator ee kale, waa kuwa aan raacsaneyn Villa Somalia. Inkasta oo wasiir Saalax lagu tiriyo dhanka Farmaajo, haddana waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay dhex-dhexaad.

Doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Muqdisho iyo maamul goboleedyada waxaa lagu xusuusan doonaa in Villa Somalia ay aad ugu jabtay, waxaana illaa hadda la ogyahya kaliya saddex Senator oo taageersan inay kusoo baxeen.

Lix Senator oo maanta lagu doortay AFISYOONE – Maxay ka heshay VILLA SOMALIA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd soo dhamaatay doorashada Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, taasi oo ay ku baxeen mas’uuliyiin hore loo sii ogaa iyo kuwa ay loolan adag la gashay Villa Somalia.

Kursiga 1-aad: Waxaa loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland.

Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare.

Kursiga 2-aad: Waxaa ku soo baxay oo ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac, waxaana tartamay Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan.

Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2-aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod.

Kursiga 3-aad: Waxaa loo doortay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxaana kula tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, oo asagu ku haray wareega 1-aad.

Wareega labaad ee doorashada oo ay isku soo hareen Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari ayaa waxa uu helay Prof Samatar 25 cod, halka 21 Cod uu helay musharaxa la tartamayey.

Kursiga 4-aad: Waxaa loo doortay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, waxaana kula tartamayey Cabdikariin Maxamed Xasan, wuxuuna kaga guuleystay Dubbe 28 cod, halka uu musharaxa kale helay 17 cod.

Dubbe ayaa loolan adag kala kulmay Cabdikariin Maxamed Xasan oo ay wadatay Villa Somalia, si looga adkaado doorashada Dubbe oo muddooyinkii dambe ay aragti ahaan sii kala fogaadeen.

Kursiga 5-aad: Waxaa ku guuleysatay Leylo Axmed Ismaaciil, waxaana la tartami lahaa Maxamed Maxamuud Cabdi oo markii dambe u tanaasulay Leylo, waxayna cod gacan taag ah ku heshay 30 cod, halka ay 6 kalena ka aamuseen.

Kursiga 6-aad: Bilaal Idiris Cabdilaahi ayaa ku guuleystay kursigaas oo asagu horey ugu fadhiyay, wuxuuna helay codad gaaraya 37 cod.

Waxaa kula tartamayey Bilaal kursigaan Seynab Axmed Boqore oo ayadu heshay 8 cod oo keli ah.

Doorashada maanta ayaa lagu soo afmeeray doorashada Lixdaas Senator, waxaana loo ballamay oo dhiman shan kursi oo kale, kuwaasi oo kamid ah 11-ka Kursi ee gobollada Waqooyi ee ku metala Aqalka Sare.

Marka laga reebo wasiir Saalax, lixda Senator ee kale ayaa ka koobnaa kuwa ay dagaal la gashay Villa Somalia sidii looga guuleysan lahaa, balse ay ku fashilantay, kuwaasi oo kala ah Dubbe iyo Prof. Samatar. Iyo kuwa aysan dagaal la gelin balse aan raacsaneyn, oo kala ah, Bilaal, Layla iyo Cabdi Xaashi.

Inkasta oo wasiir Saalax lagu tiriyo dhanka Farmaajo, haddana waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay dhex-dhexaad, taasi oo ka dhigan in madaxtooyada ay gacmo maran maanta kala noqotay Afisyoone.

Doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Muqdisho iyo maamul goboleedyada waxaa lagu xusuusan doonaa in Villa Somalia ay aad ugu jabtay, waxaana illaa hadda la ogyahya kaliya saddex Senator oo taageersan inay kusoo baxeen.

Xildhibaan reer Somaliland ah oo dhagax lagu dhaawacay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in saaka oo Arbaca ah si xun loogu dhaawacay magaaladaasi Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee maamulkaasi.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu dhaawac gaarsiiyey xildhibaanka, isagoo dhagax uga dhuftay madaxa.

Labada nin ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyey dagaal dhinaca afka ah, iyaga oo horey eedo kulul isugu mariyey warbaahinta, kaas oo sababay gacan ka hadal-kooda.

Sawirro laga soo qaaday xildhibaanka, kadib dhacdada ayaa muujinaya isaga oo uu dhiig fara badan ka socda madaxa, kadibna loogu duubay shaatigiisa, iyadoo dad badan ku soo xoomeen goobta, kuwaas oo isla markiiba caawimaad deg-deg ah u fidiyey mas’uulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda caafimaada ee xildhibaanka lagula tacaalayo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

“Waa nasiib darro in xildhibaan Axmed Nuur Guruuje lagu fara-saaro Magaalada Hargeysa oo loo geysto dhaawac, sida sharciga ku xusan haddii gacan ka hadal dhaco oo qof waxyeelo qof kale waa dambi, sidaas awgeed waa in la xiraa lasoo xiro oo maxkamad la horgeeyo“ ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada oo ka hadlay falkaasi

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan falka lagu dhaawacay xildhibaankaasi.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana ay keentay in si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada oo lagu baahiyey sawirrada xildhibaankaasi.

Cabdirisaaq Waaberi oo loo haysto lacag $515,000 ah iyo dacwado lagu soo oogayo

0

Gothenburg (Caasimada Online) – Maamulihii hore ee iskuul madax-banaan oo Islaami ah oo ku yaalla dalka Sweden ayaa waxaa loo baarayaa xiriir ku saabsan lacag dhan $515,000 oo la rumeysan yahay in la qiyaameeyey. 

Abdirizak Waberi ayaa waxa uu maamule ka ahaa iskuulka Romosseskolan ee magaalada Gothenburg. Waxaa la tuhunsan yahay inuu maamulayey urur adeeg waxbarasho u fidinayey iskuullada Islaamiga ah ee magaalada.

Waaberi, oo hadda madax ka ah xisbi siyaasadeed ka dhisan Soomaaliya, oo la sheego inuu xiriir la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa iskuulka laga eryey sanadkan. 

Waxa uu sidoo kale madaxweyne ka ahaa xiriirka ururada Islaamiga ah (Federation of Islamic Organisations), oo dowladda Britain ay sheegtay inuu ahaa garabka Ikhwaanul Muslimiin ee Yurub.

Isniintii, dacwad-oogayaasha maamulka dambiyada dhaqaalaha Sweden ee loo yaqaan Ekobrottsmyndigheten ayaa ku dhowaaqay inay dacwado kusoo oogayaan laba wakiil oo ka tirsan urur xiriir la leh iskuulka. 

“Mid ka mid ah dadka la eedeeyey waa hoggaamiyihii hore ee iskuulka iyo siyaasi,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay Ekobrottsmyndigheten. 

Henric Fagher, oo ah dacwad oogaha ugu sarreeyay maamulka dambiyada ee magaalada Gothenburg, ayaa sheegay in eedeymaha loo haysto eedeysanayaasha ay yihiin “dambiyo waaweyn oo dhanka xisabaadka ah.”

“Tani waxay ku leedahay lacag aad u badan oo dhan 4.5 milyan oo SEK ah ($514,830) oo aan la diiwaan-gelin,” ayuu yiri Henric Fagher. 

“Inkasta oo uu sameeyey dhacdooyin badan oo ganacsi, haddana ururka wuxuu la’aa xiisaabaad.” 

Waxa uu intaas ku daray in dambiga la tuhunsan yahay uu dhacay 2016 illaa 2018. 

“Waxaan go’aan la xiriir dacwad oogis sameyn doonaa dabayaaqada sanadka. Baaritaanka weli waa socdaa, mana ka hadli karo intan ka badan,” ayuu yiri Fagher. 

Abdirizak Waaberi ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey. 

Axmed Madoobe oo sheegay in Rooble uusan qabin karin doorasho hal sabab darteed

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay ka hadlayay kulan uu magaalada Kismaayo kula qaatay qaybaha kala duwa ee bulshada ayaa soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku dhisan tahay qori isku dhiib, doorasho in la qabtaana ay muhiim u tahay jiritaanka dowladnimada dalka.

“Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, saan horeyba u sheegayay dowladnimadeedu waxay ku dhisan tahay qori isku dhiib iyo wax la yiraahdo kugu sin, kugu sug. Marka ay doorashadu socoto dadka waa wada cadow, waa la dagaalamayaa, wax baa la’isku hayaa, laakiin marka ay arrintu dhammaato, qof weliba waxaa weeyaan waxa sharciga bisadaha la yiraahdo. Bisaduhu marka ay wax isku haystaan, aad bay u qayliyaan, way jiitamaan, laakiin marka midi ay wixii qaadato wax ka daba hadlayo ma jiro, doorashaduna waa noocaas,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxa Dowladnimada Soomaaliya ee maanta aan abuureynaa, kuna socotaa waa doorashada iyo xilliga kala guurka, mar walba inay doorashada sideeda ku dhacdo. Waxaa nasiib darro ah doorashadii February 8, 2017 inaan maanta mareyno dhowr iyo labaatankii September, 2021, oo ay dhaaftay maanta muddo sanad ku dhowdhow. Waxaad ogaataan xilli kasta oo ay doorashadu jiitanto ama ay wax dhici waayaan xaaladda amnigu waxay ku taagan tahay faro yar-yaroo miskiina, khatar kasta ayay gelaysaa, caqabad kasta ayaa ku imanaysa.”

Axmed Madoobe ayaa xusay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorashada la fillayo, inta aanu Ra’iisal Wasaaruhu u madaxbannaaneyn waajibaadkii loo igmaday.

“Doorashadu ma soconayso, haddaanan amniga iyo tiirarka kale iyada wehliya aan gacanta lagu qabaneynin. Ra’iisal Wasaaruhuna shaqo dhinaca la haysto ma qaban karo. Haddii maalin labaad ay bilaabato arrintii shalay dhacday ee Ilaahay naga badbaadiyay, Badbaado Qaran iyo ciidankii gadooday maalinta dambe ee dhacdaa cidina ma xakameyn doonto oo gacantee ka bixi doontaa, laakiin waxaa nasiib darro ah qofka isaga meel uu u cararo haysanin, ee isagu caqabadiina qayb ka noqonaya, intuu wixii jooggaa arkaya ee markaa wax ka qabaneynin,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ku celiyay inaanu Rooble dalka ka qaban karin wax doorasho ah, inta lagu haysto cadaaladda uu u raadinayo qoyska Ikraan Tahliil Faarax.

“Midda Ikraan waxay nasri u noqonaysaa dulmi badan oo la gaystay oo sabab u tahay inay kashifantoo bannaanka ay timaado, middaan kale ee ku saabsan in kiiskan siduu yahay loo qaadana Ra’iisal Wasaaraha tijaabee u tahay isaga naftigiisa. Waxaan oran lahaa Ra’iisal Wasaaroo si cad baa masuuliyadda ummaddani ay kugu dhiibtay, oo lagugu ogyahay, oo kugula shaqeynaynaa ee shaqada aad leedahay intaad qabato, diyaar baan kula nahay, waana kugu garab taaganahay, qofka la dulmiyayna cadaaladda u raadi, gabadha dhibana kiiskeeda maxkamaddii lahayd ee ciidanku ha qaaddo, doorashaduna ha noqoto mid xalaala oo sida ay tahay loo qabto, oo aan la qabanin doorasho mindi daabkeeda la haysto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sirdoonka Suudaan oo shan askari looga dilay dagaal

0

Khartoum (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska imaad u dhexeeyey ciidamada siroonka waddanka Suudaan iyo rag ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo ka dhacay xaafadda Gabra oo ku taalla koofurta magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee uu dhexmaray iska hor imaadka.

Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka ay howl-gal ku qaadeen xaafadda Gabra, kadib markii ay heleen xogo amni, waxaana marka ay tageen halkaasi ay iska caabin kala kulmay rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Daacish.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi Suudaan looga dilay ugu yaraan 5 sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka dalkeeda, halka mid kalena looga dhaawacay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqijiyey in dhankooda ay dileen illaa toban ka tirsanaa kooxda hubeysan ee ay dagaalka la galeen, dad kale oo laga shakisan-yahayna ay gacanta ku dhigeen, kuwaas oo lagu tuhumayo inay ka tirsan yihiin Daacish.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk ayaa ka hadlay weerarkan, isagoo ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad raba inay qalalaase gelinayaam dalkaasi.

Cabdalla Xamduuk ayaa sidoo kale tacsi u diray ehehllada saraakiisha iyo askarta ku dhimatay iska hor imaadka ay la galeen kooxda hubeysan ee ka dhacay Khartoum.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo 21-kii bishan September uu Suudaan ka dhacay afgembi dhicicsoobay, kaas oo ay ka hortageen ciidanka amaanka ee dalkaasi.

Xog cusub oo laga bixiyey sababta uu Jeneral Muhoozi u tagay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay sababta ka dambeyso safarkii uu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku yimid Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda (CLF), Sarreeye Guud, Muhoozi Kainerugaba.

AMISOM ayaa sheegtay in taliyaha ciidamada Lugta ee Uganda oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda uu Soomaaliya u booqay si uu u qiimeeyo Shaqada Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo inuu ku bogaadiyo howsha ay hayaan ee Taageeradda Nabadda.

“Lt. Gen. Kainerugaba wuxuu Soomaaliya joogay intii u dhaxeysay 23-kii ilaa 27-kii Sebtember, isagoo tegay xarumaha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah dagaalka Al-shabaab iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AMISOM.

“Ujeeddada booqashadayda ayaa ah inaan ku bogaadiyo ciidamada howlaha baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya. Marka labaad, waa in lala hadlo oo la dareemo dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wajahayaan ciidamada,” ayuu yiri Lt. Gen. Kainerugaba.

Intii ay socotay booqashadiisa shaqo ee shanta maalmood ah, Lt. Gen. Kainerugaba, wuxuu u tagay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la sheegay inuu kala hadlay hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka.

Sidoo kale taliyaha wuxuu la kulmay hoggaanka militariga AMISOM wuxuuna booqday saldhigyo kala duwan oo hore u hawlgala, halkaas oo uu kula falgalay ciidamada Uganda ee jiidaha hore.

“Wuxuu kormeeray ciidamada Uganda ee AMISOM, wuxuuna markii dambe kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto, Don William Nabasa, iyo Maj. Gen. Lucky Joseph. Kidega, Lataliyaha Difaaca Uganda ee Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Saldhigyad AMISOM ee uu taliyaha booqday ayaa waxay kala yihiin: Carbiska, Ceeljaale, Baraawe, iyo Balidoogle, halkaas oo uu kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, xirfadda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshooyinka maxalliga ah maadaama ay gudanayaan waajibaadkooda nabad -ilaalineed.

“Waa inaad fahanto inaad tihiin safiirrada Uganda ee halkan jooga Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo raaciyay, “Ha sameynina wax sumcad -darro u keenaya magaca Uganda iyo UPDF,” ayuu yiri, isagoo la hadlayey ciidamada Uganda.

Puntland oo shaacisay sida ay ku xalineyso dilkii ilaalada Deni u gaysteen Maryan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in ay magdhow siin doonto qoyska gabadhii dhallinyarada ahayd, ee ay habeen hore ciidamadeeda ku toogteen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa rasaaseeyay gaari ay la socotay Maryan Axmed Maxamed, xilli wadada uu marayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in ciidamada ay si aan ku talagal ahayn u dileen gabadhaasi, ka dib markii ay ka shakiyeen wadihii gaariga oo damcay inuu ka cararo ciidamadii amniga sugayay.

“Ninka gaariga waday illaa iyo hadda waxaan fahmi la’nahay sababta uu ciidanka uga soo orday, inuu sasay (naxay) iyo in wax kale ka si noqdeen. Gaariga wadada ayuu taagnaa in laga dhaqaajiyaa la rabay, laakiin gaariga xaggii ciidamada buu ula soo orday.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Ciidankuna rasaas bay huwiyeen, iyagoo ka taxadaraya inuu yahay dadka dhagarqabe-yaasha.”

Taliyaha ayaa yiri “Ninkaasi illaa iyo hadda wuu xiran yahay, waana la baari doonnaa, jawaab baana laga soo saari doonnaa sababta kaliftay inuu ciidanka oo la hadlaya uu haddana xagga ciidanka uu gaariga ula soo ordo, arrintaasi geeri baa ka qorneyd, gabadhaasi baana ku dhimatay. Gabadhaasna arrinteeda waa la dhammeeyay.”

G/sare Maxamed Aadan Jaamac, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa dhanka kale sheegay in Puntland ay qaaday masuuliyadda dilka gabadhaasi, ayna bixin doonto wixii xuquuq ay yeeshaan qoyskeeda.

“Gabadhaasi waxay ku dhammaatay kiiskeedii Dowladda Puntland oo qaadatay masuuliyadda, qaabishayna dadka ehelka ah. Dadkaasi wixii ay xuquuq u yeeshaan dowladda ayaa bixineysa,” ayuu yiri Taliyaha.

Wasiir ka hadlay dhibaatada ay reer Somaliland ku qabaan baasaboorka Soomaaliga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shalay jeedinayay khudbadiisa musharaxnimo ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inuu Aqalka Sare usoo wareegsado.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Aqalka Sare usoo aaday si uu miiska usoo saaro doodaha masiiriga ah ee Gobolada Waqooyi iyo midka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dhibaato ku qabaan helitaanka Basaaboorka Soomaaliga, taasina ay ka dhalatay dhibaatooyin farabadan.

“Dadka ku dhaqan Gobolada waqooyi waxay dhibaato xoog leh ku qabaan helitaanka Baasaboorka la aqoonsan yahay ee Soomaaliya, waxaa aragnay dadka xanuunsan oo kiliyaha fadhiya oo Muqdisho loo keeno sidii ay Baasaboor u heli lahaayeen, inta loo raadinayo baasaboorkana ay nafta ka baxdo, waxaana rabaa inaan ka shaqeeyo sidii dhibaatadaan looga saari lahaa dadka reer Somaliland oo loo heli lahaa xal siyaasadeed,” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka shaqeeyo sidii dadka Gobolada Waqooyi ay u noqon lahaayeen dhammaantood kuwa wadaniyiin ah oo ka shaqeeya midnimada Soomaaliya isagoo sheegay in siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho aysan kaligood keeni karin Somaliland oo midnimo ogol.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Matalaada Reer Somaliland ee Aqalka sare laga siiyay 11 kursi in ay ku yartahay oo aysan ku filneyn.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay weli aaminsan tahay  inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Senataro cusub oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadaha soo socda ee maanta ka dhaceysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi ayaa shaaciyey in ay maanta si rasmi ah u bilaabaneyso doorashadaas, isla-markaana la dooranayo illaa 6 Senatar.

Xubnaha tartamaya ayaa kala ah: 1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi, 2 Siciid Cumar Xuseen, 1.Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahin lidle Saleebaan, 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar., 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali, 1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan, 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi, 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi iyo 2. Saynab Axmed Boqore.

Kursiga ugu horreeya ayaa waxaa ku loolamaya Cabdi Xaashi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Saciid Cumar Xuseen.

Sidoo kale kuraasta kale ee la dooranayo ayaa waxaa ugu saameyn badan, isla-markaana isha lagu hayaa midka ay ku tartamayaa saddexda musharrax ee kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, halka kan labaad uu noqonayo kursiga ay u tartamayaan Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka dastuurka iyo Ibraahin lidle Saleebaan guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka.

Waxa kale oo kursiga saddexaad ee la sugayo tartankiisa uu yahay midka ay u sharraxan yihiin Cismaan Abokor Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Cabdikariim Maxamed Xasan oo isna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursigaasi.

Musharixiinta tartameysa dhammaantood shalay ayey jeediyeen khudbadooda ku aadan doorashada, iyaga oo ballan qaadyo u sameeyey ergada & dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba, doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu koobay Axmed, waxaana dilka uu ka dhacay goob ganacsi oo uu ku lahaa deegaanka Ga-Mawa Block 7 oo u dhaw magaalada Tzaneen oo ka tirsan gobolka Limpopo ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka ay geysteen kooxo burcad ah oo weerar ku qaaday dukaanka ganacsadahaasi, iyaga oo dilay, kadibna dhacay goobtiisa ganacsi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xilliga la dilayey muwaadinkaasi ay la joogeen dhalinyaro kale oo Soomaali ah, kuwaas oo cagahooda uga baxsaday burcadda.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka dilka ah, kadib.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey deegaanka uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika

Senator-kii labaad oo maanta lagu doortay Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta si rasmi ah uga billaabatay xerada teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayaa goordhoweyd lagu doortay Senator-kii labaad.

Kursiga 2aad oo ay ku tartamayeen Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan, ayaa waxaa ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod.

Waxaa billaabaneysa goordhow doorashada Kursiga 3aad, kaasi oo ay ku tartamayaa Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waana mid isha lagu wada hayo oo saameyn xooga leh.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay, Kursiga 1aad loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland.

Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi oo dib loogu doortay Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay xerada teendhadhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaana Senatarada cusub soo dooranayo ergo la soo xulay.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku soo baxay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland.

Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa doorashada 5-ta kursi kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale kuraasta dooranayo ayaa waxaa ku jira kuwa saameyn leh, isla-markaana isha lagu wada hayo waxaana ka mid ah midka ay ku tartamayaa saddexda musharrax ee kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, halka kan labaad uu noqonayo kursiga ay u tartamayaan Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka dastuurka iyo Ibraahin lidle Saleebaan guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka.

Waxa kale oo kursiga saddexaad ee la sugayo tartankiisa uu yahay midka ay u sharraxan yihiin Cismaan Abokor Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Cabdikariim Maxamed Xasan oo isna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursigaasi.

Si kastaba, doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Daawo: Axmed Madoobe oo si cajiib ah uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay isugu yimaadeen ururrada bulshada rayidka Jubaland iyo hay’adaha kala duwan ee maamulkaas, waxuuna ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Waxuu sheegay in mowqofka Jubaland uu cadyahay oo arrimaha doorashada ay u daba fadhiyaan Ra’iisul wasaare Rooble oo meel fagaare ah uu kula wareejiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

“Ma laba labeynayo shaqada maanta dalka ka socota ee doorashada hoggaaminteeda waxaa iska leh golaha fulinta ee Ra’iisul wasaaruhu hoggaamiyo, waxaa lagula dhegan yahay inuu go’aan ka gaaro, oo maxkamad u diro kiiska gabar la dilay ee ma doorashuu qaban karaa? Arrinta Ikraan waxay banaanka soo dhigi doontaa dulmi badan oo horay looga geystay dalkaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska Ikraan sida cadaaladda loo waafajiyo ay tusaale u tahay shakhsiyada ra’iisul wasaaraha, isagoo sheegay in wado saxan uu u maray markii uu u xil-saaray inay baarto maxkamadda ciidamada.

“Waxaan dhihi lahaa Rooblow si cad ayey umadaan mas’uuliyadda kuugu dhiibatay ee qofka la dilay cadaalad u raadi oo gabadhaas kiiskeeda maxkamadda ciidanka ha qaado, doorashadana u qabo si xalaal ah oo yeysan noqon doorasho midida daabkeeda lagula heysto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Jubbaland.

Axxmed Madoobe ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in markii uu culeys dareemo uu golaha wadatashiga qaran isugu yeero, si wixii caqabad ah ay uga wada tashadaan.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan uga diyagayaa oo aan leeyahay kiiska gabadhaas yuusan ku sababsanin, mustaqbal xumo iyo madow siyaasadeed yuusan idiin hor seedin adiga iyo dad badan oo maanta siyaasada ku jira, arrinta doorashooyinka ka wareeg oo u daa ra’iisul wasaaha, kana dhaaf caqabadaha aad maalin kasta hor dhigeyso,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo, ka biloow daqiiqadda 6-aad

Cabdi Xaashi: Midnimada Soomaaliya iyo gooni isu-taagga Somaliland midna muqadas maaha (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta hadal ka jeediyey munaasabadii ay khudbadahooda ka jeedinayeen musharaxiinta Aqalka Sare ee xubnaha Somaliland, ayaa sheegay in markii laga hadlayo midnimada Soomaaliya ay reer waqooyiga iyo reer koonfurku hal heys ka dhigteen laba eraya oo midkood uusan sax aheyn.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dadka reer koonfurka ah ay mar kasta dhahaan  midnimada Soomaaliya waa muqadas, halka reer waqooyiguna ay dhahaan gooni isu-taaga Somaliland waa muqadas, balse midkood labadaas eray uusan sax aheyn.

“Laba eray oo aan leeyahay midna sax maaha ayaa ka yeera halkaan iyo Hargeysa, waxaan qabaa labadaas eray midna muqadas maaha, waxaa muqadas ah kaliya Kitaabka Qur’aanka, labada dhinac waxaan u soo jeedinayaa inay aragtidaas meel iska dhigaan, waxa isku kaana diray waa baahi, dalkaana maaha kii lagu baahan lahaa ee aan wax wada qabsano,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Waxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ka dhisan tahay xukuumad xil-gaarsiin ah oo kaliya, isagoo dib u dhacaas ku eedeeyey dowladda madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo.

“Dowladdi waxay fulin weysay doorashadii, taasina waxay keentay in xukuumadda loodhiibo doorashada, waxaana hadda Ra’iisul wasaaraha ka sugeynaa in deg deg uu doorashada u dhameystiro, dadka Soomaaliyeed-na waxaan ka codsanayaa inay ku gacan siiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hoos ka daawo

Daawo: Rooble oo ka hadlay afar qodob oo xasaasi ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii hadal jeedinta musharraxiinta doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, taas oo ka dhacday xerada Afisyoone, ayaa ka hadlay dhowr arrimood.

Inta badan hadalka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu diiradda ku saarayay arrimaha doorashada ee hadda taagan, hase ahaatee Rooble ayaa si guud u soo hadal qaaday afar qodob oo uu ku soo daray khudbaddiisa.

1- Hufnaanta doorashada Aqalka Sare

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaarah wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in uu ku faraxsan yahay hannaanka guda galista doorashada gobollada Waqooyi ee Somaliland, taas oo uu sheegay “inay astaan u tahay sida ay Soomaaliya u aadday doorasho”.

Waxa uu dalbaday in la xaqiijiyo hufnaanta doorashada kuraasta Aqalka Sare ee hadal jeedinta musharraxiinteeda ay maanta qabsoontay.

“Waxaan farayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka, guddiga wax dooranaya, odayaasha, iyo musharraxiinta, in la ilaaliyo hufnaanta doorashada, in la ilaaliyo caddaaladda doorashada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shacabka oo dhan ayuu sheegay in ay si gaar ah ula socdaan doorashada kuraasta Somaliland.

Isagoo taas sharraxayana waxa uu yiri: “Gobollada Waqooyi, Somaliland, waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo caddaalad ah, sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan indhaha ayay idinku hayaan, marka waxaan rabaa in ay noqoto doorasho lagu dayan karo oo taariikhda gasha.”

Odayaasha ayuu uga mahad celiyay “dadaalkooda”, waxa uuna ku adkeeyay in ay xaqiijiyaan caddaaladda doorashada, “oo ah mid dadka oo dhan deeqda”.

2- Farriin ku saabsan khilaafka hadda taagan

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kooban uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba laga hadal hayay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Inkastoo uusan si toos ah carrabka ugu dhufanin magaca madaxweynaha oo ay isku khilaafeen arrimo dhowr ah, haddana waxa uu sheegay in xaaladdu ay “mareyso meel wanaagsan”.

Shacabka ayuu u diray farriin uu ugu sheegayo in aysan khilaafkaas wax walwal ah ka qabin.

“Dalku maanta meel fiican ayuu marayaa, doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad way iska imaadaan, carrab iyo ilko ayaa isugu dhow laakiin wax weyn ma aha, wax weynna yaan loo qaadanin, wax walba waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka, nabadgelyada, wada noolaanshaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay ilaaliyaan xasiloonida, cadowga shabaabna uusan ka faa’iideysanin waxyaabaha tuhunka abuuraya ama xaaladda uga sii daraya ee dhinaca siyaasadda ah. Wax weyn oo siyaasadda la isku hayo maba jiraan,” ayuu yiri Rooble.

3- Kiiska Ikraan Tahliil

Sida ay dad badanba ka war sugayeen, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khudbaddiisa dhinacyada badan taabaneysay kusoo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ka tirsaneyd saraakiisha hay’adda Sirodonka aranka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, oo la la’yahay tan iyo bishii June.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan mar kasta u taaganahay caddaaladda, dhammaanteen caddaalad ayaa na deeqdo. Walaasheey, gabadheennii Ikraan Tahliil caddaalad way heleysaa, kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno inshaAllah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in “howsha lagu guda jiro, oo maxkamadda militariga loo xil saaray, go’aankeedana la wada sugayo”.

“Maxkamadda howlaheeda inay wadato ayaan rajeynayaa, horayna waan u faray haddana waan farayaa inay sida ugu dhakhsiyaha badan howlaheeda u billowdaan.”

Kiiska Ikraan ayaa la aaminsan yahay inuu xuddun u yahay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan qarsoodi ahayn oo toos ah isugu qabtay arrimaha ku biyo shubanaya kiiskan, sida uu BBC-da u sheegay Mursal Maxamed Saneey, oo ka tirsan macadka Heritage.

“Waa hal kiis oo isku wada xiran. Qof walba oo caqli leh, oo arrimaha Soomaaliya la socdana wuu garan karaa meesha ay wax ka khaldan yihiin. Haddii uusan jiri lahayn Kiiska Ikraan lama taaban lahayn taliyeyaasha, lagamana wada hadli lahayn amniga dalka, sidii uu u socday ayuuna u socon lahaa,” ayuu yiri.

4- In Aqalka sare uu noqon doono meel madax u ah dalka

Arrimaha uu khudbadda maanta ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah in uu doonayo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare, si uu u noqdo meel loogu soo hagaago Soomaaliya.

“Khilaaf kasta iyo isqabqabsi kasta wuxuu dhammaanaya amar ay doorashada noo hagaagto,” ayuu yiri.

Dowlad goboleedyada wali ku howlan doorashada Aqalka Sare ayuu ka dalbaday in ay soo dhammeystiraan kuraasta wali harsan.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro saaxiibbadeey dowlad goboleedyada oo aan rabo inaan u sheego in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u billaabaan Aqalka Hoose.”

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan xasuusiyo siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee ku hartay dowlad goboleedyada – 4 Jubaland, 2 Galmudug iyo 2 Hirshabeelle – inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo gudbiyaan,” ayuu yiri Rooble.

Marka uu Aqalka Sare istaago ayuu sheegay inuu noqon doono masiir loogu soo hagaagi karo arrimaha Soomaaliya.

“Marka lasoo afjaro doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaan rabaa taariikhda inay gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya si ay si ay u sameystaan guddonkoodii iyo nidaamkoodii, sidaasna ay Soomaaliya u yeelato hay’addii ugu horreysay ee dastuuri ah, dalka uu u yeesho madax lagu soo hagaago, oo anigana ila xisaabtama anigana aan la xisaabtamo.”

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi lagu dhammeystiro, haddii kuraasta ka dhiman dowlad goboleedyada kale lasoo gudbiyana waxaa billaaban doonta howsha doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Isha: BBC