25.3 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Daawo: Rooble oo ka hadlay afar qodob oo xasaasi ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii hadal jeedinta musharraxiinta doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, taas oo ka dhacday xerada Afisyoone, ayaa ka hadlay dhowr arrimood.

Inta badan hadalka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu diiradda ku saarayay arrimaha doorashada ee hadda taagan, hase ahaatee Rooble ayaa si guud u soo hadal qaaday afar qodob oo uu ku soo daray khudbaddiisa.

1- Hufnaanta doorashada Aqalka Sare

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaarah wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in uu ku faraxsan yahay hannaanka guda galista doorashada gobollada Waqooyi ee Somaliland, taas oo uu sheegay “inay astaan u tahay sida ay Soomaaliya u aadday doorasho”.

Waxa uu dalbaday in la xaqiijiyo hufnaanta doorashada kuraasta Aqalka Sare ee hadal jeedinta musharraxiinteeda ay maanta qabsoontay.

“Waxaan farayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka, guddiga wax dooranaya, odayaasha, iyo musharraxiinta, in la ilaaliyo hufnaanta doorashada, in la ilaaliyo caddaaladda doorashada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shacabka oo dhan ayuu sheegay in ay si gaar ah ula socdaan doorashada kuraasta Somaliland.

Isagoo taas sharraxayana waxa uu yiri: “Gobollada Waqooyi, Somaliland, waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo caddaalad ah, sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan indhaha ayay idinku hayaan, marka waxaan rabaa in ay noqoto doorasho lagu dayan karo oo taariikhda gasha.”

Odayaasha ayuu uga mahad celiyay “dadaalkooda”, waxa uuna ku adkeeyay in ay xaqiijiyaan caddaaladda doorashada, “oo ah mid dadka oo dhan deeqda”.

2- Farriin ku saabsan khilaafka hadda taagan

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kooban uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba laga hadal hayay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay.

Inkastoo uusan si toos ah carrabka ugu dhufanin magaca madaxweynaha oo ay isku khilaafeen arrimo dhowr ah, haddana waxa uu sheegay in xaaladdu ay “mareyso meel wanaagsan”.

Shacabka ayuu u diray farriin uu ugu sheegayo in aysan khilaafkaas wax walwal ah ka qabin.

“Dalku maanta meel fiican ayuu marayaa, doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad way iska imaadaan, carrab iyo ilko ayaa isugu dhow laakiin wax weyn ma aha, wax weynna yaan loo qaadanin, wax walba waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka, nabadgelyada, wada noolaanshaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay ilaaliyaan xasiloonida, cadowga shabaabna uusan ka faa’iideysanin waxyaabaha tuhunka abuuraya ama xaaladda uga sii daraya ee dhinaca siyaasadda ah. Wax weyn oo siyaasadda la isku hayo maba jiraan,” ayuu yiri Rooble.

3- Kiiska Ikraan Tahliil

Sida ay dad badanba ka war sugayeen, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khudbaddiisa dhinacyada badan taabaneysay kusoo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ka tirsaneyd saraakiisha hay’adda Sirodonka aranka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, oo la la’yahay tan iyo bishii June.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan mar kasta u taaganahay caddaaladda, dhammaanteen caddaalad ayaa na deeqdo. Walaasheey, gabadheennii Ikraan Tahliil caddaalad way heleysaa, kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno inshaAllah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in “howsha lagu guda jiro, oo maxkamadda militariga loo xil saaray, go’aankeedana la wada sugayo”.

“Maxkamadda howlaheeda inay wadato ayaan rajeynayaa, horayna waan u faray haddana waan farayaa inay sida ugu dhakhsiyaha badan howlaheeda u billowdaan.”

Kiiska Ikraan ayaa la aaminsan yahay inuu xuddun u yahay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan qarsoodi ahayn oo toos ah isugu qabtay arrimaha ku biyo shubanaya kiiskan, sida uu BBC-da u sheegay Mursal Maxamed Saneey, oo ka tirsan macadka Heritage.

“Waa hal kiis oo isku wada xiran. Qof walba oo caqli leh, oo arrimaha Soomaaliya la socdana wuu garan karaa meesha ay wax ka khaldan yihiin. Haddii uusan jiri lahayn Kiiska Ikraan lama taaban lahayn taliyeyaasha, lagamana wada hadli lahayn amniga dalka, sidii uu u socday ayuuna u socon lahaa,” ayuu yiri.

4- In Aqalka sare uu noqon doono meel madax u ah dalka

Arrimaha uu khudbadda maanta ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah in uu doonayo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare, si uu u noqdo meel loogu soo hagaago Soomaaliya.

“Khilaaf kasta iyo isqabqabsi kasta wuxuu dhammaanaya amar ay doorashada noo hagaagto,” ayuu yiri.

Dowlad goboleedyada wali ku howlan doorashada Aqalka Sare ayuu ka dalbaday in ay soo dhammeystiraan kuraasta wali harsan.

“Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro saaxiibbadeey dowlad goboleedyada oo aan rabo inaan u sheego in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u billaabaan Aqalka Hoose.”

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan xasuusiyo siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee ku hartay dowlad goboleedyada – 4 Jubaland, 2 Galmudug iyo 2 Hirshabeelle – inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo gudbiyaan,” ayuu yiri Rooble.

Marka uu Aqalka Sare istaago ayuu sheegay inuu noqon doono masiir loogu soo hagaagi karo arrimaha Soomaaliya.

“Marka lasoo afjaro doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaan rabaa taariikhda inay gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya si ay si ay u sameystaan guddonkoodii iyo nidaamkoodii, sidaasna ay Soomaaliya u yeelato hay’addii ugu horreysay ee dastuuri ah, dalka uu u yeesho madax lagu soo hagaago, oo anigana ila xisaabtama anigana aan la xisaabtamo.”

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi lagu dhammeystiro, haddii kuraasta ka dhiman dowlad goboleedyada kale lasoo gudbiyana waxaa billaaban doonta howsha doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Isha: BBC

Maxay is-casilaada Filsan Cabdullaahi uga dhigan tahay siyaasiyiinta Soomaalida?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa go’aan cajiib ah oo ku dayasho mudan ku tilmaamay is-casilaada Wasiirkii Arrimaha Haweenka Ethiopia, Filsan Cabdullaahi Axmed.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in is-casilaada Filsan ay ka dhigan tahay in xilka uu qofku hayo ay ka muhiimsan tahay mabda’a iyo damiirkiisa dadnimo, taasi oo ugub ku ah Soomaalida, sida uu sheegay.

“Filsan C/laahi waxay iska casishay xilka wasiirka haweenka, dhallinyarada iyo dhallaanka Itoobiya. Waxay sabbab uga dhigtay in ay is diideen xaaladda laga doonayo in ay ku shaqeyso iyo mabda’a ay aaminsantahay, qiyamkeeda iyo damiirkeeda dadnimo. Waa arrin ugub ku ah dhaqan siyaasadeedka qowmiyadda Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale wanaagsan u noqoneyso Jiilka Soomaaliyeed, si ay uga hortagaan cadowga ugu weyn ee siyaasadda, midaasi oo mas’uulka oo ka dhigta mid keliya ilaashada xilkiisa.

“Waxay tusaale u tahay jiilka Soomaaliyeed ee laga doonayo in ay jebiyaan cadawga ugu wayn ee siyaasadda Soomaalidu leedahay oo ah siyaasad ka maran mabda’a iyo mowqif sugan, qiyam iyo akhlaaq. Siyaasadda muufaysiga, maxaa iigu jira iyo macaashka maalinlaha ah.”

Filsan ayaa aheyd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashifa in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, waxayna is-casilaadeeda ku sheegtay sababo shaqsi ah oo aad ugu weyn damiirkeeda.

“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida.

“Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.”

Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara.

Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.

Daawo: Mahdi Guuleed oo shaaciyey in kursiga Cabdi Xaashi lagula tartami doono – Maxaa cusub oo isbedelay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa shaaciyey in wax ka bedel lagu sameeyay liiskii musharaxiinta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay ka timid cabashooyin dhowr ah.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Kursiga 1-aad oo markii hore loo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi hadda dib loo furay, islamarkaana uu kula tartami doono musharax kale.

Musharaxa lala qorayo Cabdi Xaashi ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Cumar Xuseen, midaasi oo ka dhigan in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu wajahi doono loolan cusub.

“Nasiib darro waxaa markii hore weynay hal qof oo la tartama Kursiga 1-aad Guddoomiyaha, sidaasa ku shaacinay, hase yeeshe marka aanu la tashi sameynay oo dhageysanay odayaashii deegaanka ee Kursiga 1-aad, waxaanu soo xulnay Saciid Cumar Xuseen oo kula tartami doono kursigaas Guddoomiye Cabdi Xaashi,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Musharax cusub ee lala qorayo Cabdi Xaashi ayaa waxa uu imanaya xili uu Liiska musharaxiinta Somaliland ee ay hore u soo saareen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi u gudbay Guddiga doorashooyinka.

Lama oga in arrintaan ay Mahdi Guuleed ka wada socdaan Cabdi Xaashi, ayada oo walaac laga muujinayo inay abuurto khilaaf cusub oo curyaamiya doorashada kuraasta gobollada Waqooyi.

Si kastaba, waxay ku soo aadeysa tallaabadaan xili ay maanta qoraal cabasho ah soo saareen siyaasiyiin ka tirsan kuwa gobolada Waqooyi, oo ayagu ku eedeeyay Cabdi Xaashi inuu jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey.

Hoos ka daawo muuqaalka Mahdi Guuleed

Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden + Khasaaraha

Gothenburg (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dhaawacay, oo ay ku jiraan afar xaaladdooda ay liidato, qarax maanta kala dhantaalay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa intaas u daray in qaraxa uusan u muuqan inuu ahaa mid kama’ ah, ayada oo dalkaas ay sanadihii dhowaa ka dhaceen qaraxyo ama isku dayo qaraxyo oo lala xiriiriyo kooxaha burcadda ah. 

Baaburta gurmadka deg degga ah, kuwa dab-damiska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa ku cararay goobta qaraxa, sida ay muujinayaan muuqaallo ay baahiyey taleefishinada.

Waxa sababay qaraxa, oo dhaliyey dab ku baahiyey dhismaha badankiis, ayaan weli caddeyn. 

“Goobta waa la xiray, waxaana socda howlgal gurmad ah,” waxaa sidaas yiri Hans-Jorgen Ostler, oo ah afhayeenka booliska gobolka galbeed ee Sweden.

Wargeys kasoo baxa Gothenburg oo lagu magacaabo GP ayaa ilo-wareedyo boolis kasoo xigtay inay rumeysan yahay in walxo qarxo la dhigay mid ka mid ah marinada qolalka laga galo ee apartment-ga.

Isbitalka Sahlgrenska University, oo ah kan ugu weyn magaalada Gothenburg ayaa la dhigay 20 qof oo ku dhaawacmay qaraxa iyo dabkii ka dhashay ee xigay, sida ay sheegtay Ingrid Fredriksson oo dhanka warbaahinta u qaabilsan.

Afar ka mid ah dhaawaca, oo kala ah saddex haween iyo nin, ayaa xaaladdoodu ay aad u liidataa sida ay sheegtay Fredriksson.

Dadka degan apartment-ga ayaa taleefishinka TV4 u sheegay in qaraxa uu waxyeello xooggan gaarsiiyey dhismaha.

Sweden ayaa sanado badan la xarbineysay inay ka hortagto sare u kaca dambiyada xiriirka la leh burcadda hubeysan, kuwaas oo sare u qaaday dilalka iyo qaraxyada ka dhaca dalkaas, oo sidiisa kale ah mid nabdoon.

Sanadii 2020, booliska ayaa diiwaan geliyey 107 qaraxyo yar yar ah oo ka dhacay dalkaas, oo ay ku nool yihiin 10.3 milyan oo qof, iyo sidoo kale 102 isku day qaraxyo ama diyaarintooda ah.

DAAWO: Beesha Habar-gidir oo go’aano culus kasoo saartay xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Hogaaminta beelaha Habargidir oo maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa si adag uga hadlay xaalada dalka iyo khilaafka madaxda sare, ayaga oo taageero u muujiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Golaha oo warbaaahinta la hadlay ayaa ugu horeyntii sheegay in cidda ka hor timaada hanaanka doorashada dalka ay u aqoonsanayaan Qaswade aan raali ka aheyn in waddanka nabad ka dhalato oo doorasho la gaaro.

“Waxaa u arkeynaa cidda ka hortimaada in waddanka uu dowlad yeesho Qaswade anagana ma taageereyno, waxaa rabnaa in doorashada u dhacdo hanaankii lagu heshiiyo, ciddii ku guuleysaneysa ha ku guulaysate,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku rabo in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, laguna wada qanacsan-yahay, ayaga oo taageero u muujiyey in Kiiska Ikraan si cadaalad ah loo qaado, iyo go’aanka uu ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha

“Xilkii Dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waa dhamaaday, waxa keli ah oo hadda hogaanka haya waa xil-gaarsiinta Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada, waxaa soo jeedinayna wanaag bey tahay in doorasho la aado, ciddii uu calaf u galo la doorto waxna doorato.”

“Howsha doorashadu ha socoto, Xil-gaarsiinta (Ra’iisul Wasaaraha) ayaa mas’uul ka ah arrimaha doorashooyinka iyo amniga loona daayo howlahaas, waxna laga raad-raadin, laguna garab istaago.”

Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in waan-waanta muddooyinkii dambe laga dhex waday Rooble iyo Farmaajo aan loo curyaamin howlaha doorashada iyo amniga oo uu mas’uul ka yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka daawo muuqaalka

R/W ROOBLE oo war cusub kasoo saaray xiisadda Villa Somalia iyo kiiska IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey munaasabadda hadal-jeedinta musharixiita Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Rooble ayaa ayaa muujiyey in weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee u dhexeeyo isaga iyo Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in wax weliba ay ka muhiimsan tahay xasiloonida dalka.

“Xaaladda dalka Alxm maanta meel fiican ayuu marayaa doorashaan ku jirnaa carab iyo ilkaa isugu dhow khilaafaad waa iska yimaadaan, laakiin wax weyn ma’ahan wax kasta waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka iyo nabad-gelyada,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in is-qab-qabsigan siyaasadeed iyo khilaafka jira uu soo dhammaan doono, marka ay hagaagto doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Khilaaf kasta iyo is-qab-qabsi kasto wuxuu dhammaanayaa, marka ay doorashadan noo hagaagto,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna shaaciyey inuu weli cadaalad u taagan yahay, uuna ku dadaali doono cadaalad u helida qoyska Ikraan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu markale yiri Rooble.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Qalbigiina qeyr u sheega howsha waa lagu daba jiraa maxkamadda milatariga ayaa loo xil-saaray go’aankeeda ayaan sugeynaa dhammaan,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo uu haatan gaabis ku yimid wada-hadalladii ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ilaalada Saciid Deni oo dilay Maryan Axmed Maxamed

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dilka ayaa waxaa lagu warramayaa in loo geystay gabar dhalinyaro aheyd oo la socotay gaari marayey bartamaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maryan Axmed Maxamed Caato waxaana ay ka mid aheyd dadka deegaanka ee ku dhaqan caasimada Puntland ee Garoowe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu yimid, kadib markii gaariga ay la socotay haweeneydaasi uu soo dhex-galay kolonyada galbineysay madaxweynaha, taas oo keentay inay rasaas ku furaan ciidamada ilaalada ee madaxweynaha oo ka shakiyey baabuurkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilka loo geystay haweeneydaasi.

Ehellada marxuumadda oo si adag uga hadlay dhacdadan ayaa dalbaday in cadaalad loo helo dilka marxuumad Maryan Axmed Caato oo ay ku eedeynayaan ilaalada Saciid Deni.

Garoowe ayaa waxaa marar badan rasaas ay fureen ciidanka amaanka waxaa ay waxyeelo isugu jirta dhimasho & dhaawac kasoo gaartay dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ethiopia ‘oo usoo socota’ Shabelle iyo Jubba iyo farriin loo diray DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Biyo xireenka ay ka sameysatay Itoobiya webiga Nile-ka ayaa muddo badan waxaa ka taagana khilaaf, kaasi oo saameyn ku yeelan doona mustaqbalka Soomaaliya, sida uu sheegay Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin.

Prof. Xasan oo PHD ka haysta xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in arrinta muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya aysan ku koobnaan doonin labada dal, maadama uu ku doodayo in Itoobiya ay u soo jeesan doonto Jubba iyo Shabeelle, kadib marka ay kasoo dhamaato Nile-ka.

“Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxa uu saameyn nagu yeelan doona waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeelle soo aado ayey saameynta iman doontaa,” ayuu yiri Prof. Xasan Macalin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in Soomaaliya ay hadda taageero u muujiso Masar oo ay si weyn biyo xireenka Nile-ka iskugu hayaan Itoobiya, oo ayadu saaxiib dhow la ah madaxda sare ee dalka.

“Haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Masar ay isku dan yihiin, saameyn xoogana ay bulshadooda ku yeelan doonto qorshaha Itoobiya ee keli faa’iideysiga.

Muranka biyo xireenka Nile-ka ayaa muddo badan ka dhex taagna dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya, ayada oo muddooyinkii dambe ay si weyn uga dhex tafantay Masar iyo Itoobiya, mana jiro ilaa hadda heshiis rasmi ah oo laga gaaray arrintaas.

“Doorashadii xildhibaanada waqooyi oo noqon weysay sidii la filayey” – Siyaasiyiin soo saaray qoraal xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kala ah Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka soo wada jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa wadajir u soo saaray war-saxaafadeed ay uga soo hor jeedaan hanaanka ay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed u maamulayaan doorashada kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga.

Seddaxdaan siyaasi oo ra’iisul wasaare ku xigeen ka soo wada noqday dowladihii dalka soo maraya ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “lyadoo aan aad soo dhawaynay heshiiskii labada daraf ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo aan qayb ka ahayn, waxaa la rajaynayey in ay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ku dhisan tartan loo siman yahay kuna dhacda si caddaalad ah.”

Siyaasiyiintaan oo nuoxurka qoraalkooda ku soo koobay shan qodob ayaa sheegay inay filayeen in doorshadaasi ay noqon doonto mid hufan oo tusaale u noqota doorashooyinka kale ee dalka, balse Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed markii ay la wareegeen doorashada xubnaha Aqalka Sare ay u soo baxeen qodobada kala ah:

1 – Waxay si caddaallad darro ah oo baalmarsan sharciga iyo daah-furnaanta tartanka doorashada u soo qoreen liiska musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ah musharaxiin la tartamaysa dadka ay qorayaan.

2 – Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu isagu xayndaabtay kursiga 1-aad kaligiis, si aan cidina ugula tartamin, isagoo jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey.

3 – Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed waxay kuraasta inteedii kale u xireen dad gaar ah, iyagoo si gef ah oo bareer ah liiska uga reebay tartamayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa hadda kuraastaasi ku fadhiya xaqna u lahaa inay ku tartamaan, taasoo baal marsan hadalkii Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka jeediyay kulankii iscafinta oo uu ku sheegay in xildhibaanada kuraasta ku fadhiya lagula tartami doono, si siman oo cadaalad ah.

4 – lyagoo sheeganaya magaca Guddoonka Sare ee doorashada Somaliland, waxay soo saareen habraac ay ku sheegeen in lagu maamulayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo aanay xaq u lahayn inay soo saaraan Habraac doorasho. Arrintaasi waxay khilaafsan tahay heshiisyadii 17-kii Sep. 2020 , 1-dii Oktober2020 iyo 27-kii May 2021 ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran. Magacaa ay iskood ula baxeen meelna kagama jiro shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka ee soo baxay.

5 – Waxay fara galin ku sameeyeen Odayada Dhaqanka( Saxiixayaasha) qaarkood oo ay ka qaadeen xuquuqdii iyo masuuliyadii ay dadkii ay wakiilka ka ahaayeen u dhiibteen , taas oo aan horay loogu arag dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka leh dano gaar ah.

Ugu danbayntii Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed qoraal ay soo saareen waxay baaq ugu direen Ra’iisul Wasaaraha Rooble, iyagoo ka dalbaday in la saxo qaladaadka ku jira doorashada, lana waafajiyo shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka ee lagu heshiiyey, waxayna soo jeediyeen in laga digtoonaado tan oo kale laga ilaaliyo doorashada Golaha Shacabka, loona qabto si caddaalad ah oo daahfuran.

JUBALAND oo war ka soo saartay khasaaraha qaraxii xalay ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda amaniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka wasaaraddaasi Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof, 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Jaamac Joofane ayaa sidoo kale xusay in todobada qof ee dhaawacantay saddex ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay weli wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas oo lala beegsaday goob maqaaxi ah.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah, inta aan ognahay waxaa ku dhintay 2-ruux oo mid kamid ah uu carruur yahay, waxaana ku dhaawacmay 7-qof oo saddex ka mid ah Askar yihiin, Laamaha ammaanka waxa ay wadaan baaris,” ayuu yiri afhayeenku.

Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan, waxaana haatan dadka dhaawacyada ah lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaaladaasi, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

War cusub oo kasoo baxay gudiga maamulka doorashada xildhibaanada G/Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka ee gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in Talaadada maanta ay bilaaban doonto hadal jeedinta musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana oo horay loo soo saaray liiska xubnaha u tartamaya 11-kaas kuraasi ee reer waqooyiga.

Guddiga ayaa dhamaan musharixiintii is diiwan gelisay ku war-geliyey in Talaadada maanta ee 28-ka bisha ay si rasmi ah u bilaaba doonto hadal jeedinta musharaxiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisyooni oo xeyndaabka Xalane ku taalla.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u  bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta. Goobta: Xerada Afisiyoone Saacada: 8:00 Am, subaxnimo Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Khudbadaha musharaxiinta kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga oo loo balansanaa in Isniintii shaalay la bilaabo ayaa waxaa habeen ka hor lagu baajiyey qoraal ka soo baxay isla gudigaan, iyadoo aan weli la shaaciyey sababta keentay dib u dhacaas halka maalin ah.

Qoraalkii horay uga soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa lagu yiri, “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid  hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga.”

Dowladda Kenya oo sheegtay in xubno Shabaab ah ay ku dhinteen qaraxii LAMU

0

Nairobo (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya Esther Wanjiku ayaa faah faahiyey qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Laamu, kaas oo uu tilmaamay inay waxyeelo kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Esther Wanjiku ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Sarira iyo Ras Kiamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County, weliba Isniintii abaare 9:30 subaxnimo.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku dhinteen ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay miinadu la kacday gaarigii ay la socdeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay hayeen  laba kooxood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana mid ka mid ah kooxahaasi ay dhigeenmiinada, kadibna kooxdii kale oo aan ka war heyn ay la kulmeen qaraxa, sidaasina ay miinada ku haleeshay.

“Waxaan xaqiijin karaa inay dhinteen 15 ka tirsan Al-Shabaab. Waxay ahaayeen laba kooxood. Mid ka mid ah kooxaha ayaa wadada dhigay miino si ay ula eegtaan balse kooxda labaad oo aan ka warqabin miinada wadada ku jirta si ay u maraan way garan waayeen wadadii, Gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen, ”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya.

Waxa kale oo uu Esther Wanjiku intaasi kusii daray “Haddii cadow dhinto, taasi waa noo muhiim. Dadka deegaanka ah yaan la niyad jabin. Hay’adaheena amniga waxaa ka go’an inay ilaaliyaan amaanka shacabka iyo hantidooda. ”

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka bixisay hadalka Kenya, balse waxaa jirtay in shalay kooxdu baahisay in qaraxa ka dhacay Laamu ay laayeen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda dalka Kenya.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ka fuliso deegaanada dhaca xadka dheer ee ay wadagaan labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota AFISYOONE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Mudisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo furay hadal jeedinta musharixiinta, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso hore u socodka doorashooyinka bilowday ee ka dhacaya guud ahaan dalka.

Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in Isbuuc gudihiis ay ku soo dhammaan doonto doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, isaga oo kula dar-daaramay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi inay ka shaqeeyaan cadaaladda doorashadaasi.

“Maanta cadaalad ayaa ina deeqdo, qof kasto haku xisaabtamo inay jirto meel kale oo lagula xisaabtami doono,” ayuu yiri ra’iisu wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda-galay khudbad jeedinta musharixiinta isku soo sharraxay kuraasta gobollada waqooyi ee ku tartamaya 11 kursi ee Somaliland, waxaana hadalka ugu horreeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la tartami doono Saciid Cumar Xuseen.

Musharixiinta ayaa la siiyey ugu badnaan illaa 10 daqiiqo, waxaana guddiga uu shaaciyey in isla maanta lasoo gaba-gabeyn doono dhammaan hadal-jeedinta musharixiinta.

Sidoo kale beri oo Arbaco ah ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Aqalka Sare ee kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Si kastaba, doorashada kuraastan ayaa waxaa muddo dheer ka taagnaa khilaaf xoogan, kaas oo u dhexeeyey 2 garab oo ay kala hoggaaminayeen Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed.

Galmudug oo soo saartay digniin ku socota Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, kuwaasi oo abaabul ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan maamulkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ayaa lagu faray hogaanka Ahlu-Sunna inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud.

“Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu faray ciidamada ayagu wata darajada iyo dirayskii ciidamada ee qeybta ka ah abaabulkan ay 24 saac gudahood ugu laabtaan xeryahooda, ciddii u hogaansami waysana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaa u sheegaynaa shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qof walba oo ku howlan gacan-siinta kuwa ka shaqeynaya colaadda iyo duminta maamulka Galmudug in ay kala baxaan abaabulka iyo kicinta dadweynaha, ogaadaanna in ay tahay fal-danbiyeed, taliska ciidanka Booliskuna uu la socdo dhaq-dhaqaaqooda.”

Taliska Ciidanka ayaa waalidiinta dhalintooda loo adeegsanayo abaabulka ka dhanka ah maamulka ugu baaqay inay ka ceshadaan caruurtooda raga hurinaya dhibaatada, sida lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka baaq nabadeed loogu diray beelaha colaaddu ku dhexmartay deegaanada Xanan-Buuro, ayagoona ugu baaqay inay ka wada-shaqeeyaan nabada iyo xasilinta deegaankooda, meelna iska dhigaan colaada soo noq-noqotay.

“Waxaa bogaadineynaa dadaalada ay wadaan mas’uuliyiinta labada beelood iyo wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana kula talineynaa in ay sii wadaan howlaha nabadeynta.”

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qarax ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in caawa qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyey ku dhowaad 5 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ugu yaraan 7 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Kismaayo.

Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen.

Sida aan xogta ku helnay Maqaayada waxaa iska leh sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Jubbaland, kaas oo dadka nala hadlay magaciisa noogu soo koobeen Mafoofe.

Maqaayada qaraxu ka dhacay waxay ku taallaa xaafad lagu magacaabo Qoryooley oo ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. 

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland ay durba tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna haatan xaafadaas ka wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kuwii ka dambeeyey qaraxaas Maqaayada gudaheeda lagu sii diyaariyey.

Wasiir Soomaali ah oo iska casishay xukuumadda Abiy Ahmed kadib sir ay kashiftay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashiftay in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay.

“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida.

“Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.”

Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara.

Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas’uulka ka ah.

Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta “ay sameynayaan intii karaankooda ah” laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto.

Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda.

Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.

AFP + VOA

SOMALILAND oo taliye sare looga dilay DAGAAL culus

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyihii Boolsika degmada Xudun ee gobolka Sool, Cismaan Maxamuud Saalax ayaa maanta ku geeriyooday iska hor-imaad ka dhacay degmadaas, sida uu xaqiijiyey maayirka degmada Xudun.

Maxamed Jaamac Xirsi, maayirka degmada Xudun ee gobolka Sool oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in Taliyaha uu ku baxay iska hor-imaadkaas oo u dhaxeeyay ciidamada iyo kooxo soo weeraray saldhiga booliska Xudun.

“Howl-gal laga galayay degmada ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii saldhiga booliska, waxaan tacsi u direyna ehelladii uu ka geeriyooday iyo dhamaan dadka reer Xudun, tacsi baa uga direynaa falkaas dhacay ee foolxumada lahaa,” ayuu yiri.

“Waxaa ku dhaawacmay nin askari ah oo saarna gaadiidkii nooga yimid Laascaanood, meel xun ayey xabadu kaga tiiley inkasta oo uu iska ladnaa, waxaana ku celinay Laascaanood.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka kooxda uu daba socday gaari khamri ah oo ay gacanta kusoo dhigeen iyo raggii waday, oo ay ku xireen saldhiga booliska Xudun.

Maayir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ciidamo yari iyo mukhadaraadka oo uu sheegay inay faro ba’an ku hayaan deegaanadaas, isagoona ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay kala qeyb qaatan sugida amaanka.

Sawirro: General Muhoozi oo Villa Somalia kula kulmay Farmaajo iyo Rooble, xilli la faro-geliyey khilaafkooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa soo faro-gelisay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Generaal Muhoozi oo uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa la geeyay madaxtooyada, ayada oo uu la kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay Muhoozi iyo Saraakiisha ku wehlinayay safarkiisa kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha.

Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka.

Si kastaba, Wafdigan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Ugand uu sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, haddii aan xal loo helin khilaafka madaxda sare ee dalka, taasi oo wax u dhimeysa howl-galada amaanka.

Museveni oo xiligaas la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is-jiid-jiidka weli ka jira qabsoomida doorash ooyinka dalka.

Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego ciidamada waddamada ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha ninkii isku qarxiyey isgoyska Ceel Gaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi uu bixiyey ninkii isku qarxiyey Koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel Gaabta eemagaalada Muqdisho, kaasi oo uu kaga hadlay qorshaha uu naftiisa ku dilay.

Wareysiga uu bixiyey naftii haligahaan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona garan ogaa (Carafaat).

Ninkaan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow.

Ninkaan oo ahaa 20 jir ayaa markii hore ka tirsanaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ee ka dagaalamo Gobolka Shabeelada Hoose ka hor inta uusan ku biirin qeybta is-qarxinta, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda, iyadoo sheegtay inay ku dishay 16 qof oo ka tirsan Dowladda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa isna dhankiisa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, ku dhawaad 9 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee 25 Bishaan ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

Qaraxyadaan ayaa sidoo kale ku soo aaday iyada oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday dalkuna uu isku diyaarinayo doorasho.

Maxay tahay mudnaanta gaarka ah ee Qoorqoor ku dhex-dhexaadinayo Maxamed Farmaajo iyo R/W Rooble?

0

Ujeedada qoraalkaan waa qiimeynta dhexdhexaadinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Karie usbuucyadaan ka dhex waday Madaxweynaha DF ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/W Xukuumadda Xilgaarsiinta DF, ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaranka, Inj. Maxamed Xussein Rooble. 

Sida lala wada socdo, maalmahaan baraha bulshada waxaa qabsaday hadal haynta Madaxweyne Qorqor oo ilaa maalintii Taliyihii hore Fahad Yaasin Xaaji Daahir shaqada laga joojiyay, kaddibna la yiri waa is casilay, ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta Farmaajo + Fahad Yaasin iyo R/W Rooble.

Dad badan waxay is weydiinayaan mudnaanta gaarka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku muteystay inuu dhexdhexaadiyo labada mas’uul, mudnaantaaso aysan laheyn madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle ama mas’uulin kale iyo Beesha Caalamka. Muddo dheer waxaa la ogaa in Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe iyo Golaha Midowga Musharrixiinta ka soo horjeedeen siyaasadda Farmaajo halka Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen, iyo Guudlaawe taagersanaayeen siyaasadda Farmaajo iyo Fahad. Madaxweyne Sicid Deni, Axmed Madoobe, iyo Guudlaawe waa ka gaabsadeen inay dhexdhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble. Si gaar ah, Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madobe waxay caddeeyeen in Farmaajo gardaran yahay, kuna dhawaaqeen in Farmaajo joojiyo qaska iyo carqalada si R/W Rooble u gudo xilkiisa hoggaaminta xukuumadda xilgaarsiinta, loona dhammeystiro doorashada muddo dhaafka ah.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor diiday inuu taagero mowqifka Sicid Deni iyo Axmed Madobe qaateen, taaso soo dedejin laheyd xakameynta qaska Farmaajo, isla markaana dardargelin laheyd dhammeystirka doorashada iyo caddaalad marinta kiiska sarkaalad Ikram Tahliil Faarax ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugidda, sarkaaladdaaso nolol iyo geeri lagu la’yahay, lana tuhunsan yahay saraakiil uu madax u yahay Fahad Yaasin Xaaji Daahir ay mas’uul ka yihiin afduubkeeda iyo khaarijinteeda (kidnapping and assassination).

Haddii khilaaf dhexmaray Farmaajo iyo Rooble, muxuu yahay heerka ku kalsoonaanta dhexdhexadnimada Qoorqoor oo ay R/W Rooble ay isku beel yihiin, hase yeeshe aysan isu laab furneyn, iyo Farmaajo iyo Fahad Yaasin ay kala dhexeyso abaal gudid, nafti hurid, laab furnaan, iyo daacadnimo?

Dad badan waxay qabaan in ujeedada dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor ay tahay jaahwareerin, waqti lumis iyo waqti dheereyn, beddelka dulucda khilaafka, abuuritaanka riwaayado been ah, taaso ah xeeladaha Farmaajo iyo Fahad ku gaaraan ujeedooyinkooda gurracan ee siyaasadda.

Taagerayaasha R/W Rooble iyo dad badan oo dhexdhexaad ah waxay qabaan in dhexdhexaadinta tooxsiga ah, jujuubka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ay abuurtay khilaaf iyo kala eed sheegasho ballaaran oo dad badan saameysay, faafinta sheekooyin iyo warbixinno been ah, marin habaabin bareer ah, talooyin lagu hor istaagayo baaris sharciga waafaqsan ee kiiska Ikram Tahlil Faarax si runta iyo cadaaladda loo gaaro, iyo kala aamin bax iyo is cadowsi.

Inkastoo Madaxweyne Qoorqoor hadlin, haddana wasiirro la shaqeeya waxay warbaahinta ka sheegeen in dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor guuldarro ku dhammaatay, sababtana dusha laga saaray Farmaajo. Haseyeeshe, Madaxtooyada iyo taagerayaasha Farmaajo iyo Fahad Yaasin waxay warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegayaan in dhexdhexaadinta Qoorqoor aysan dhammaan, taaso u eg marin habaabin iyo waqti gadasho lagu abuurayo colaad sokeeye iyo dib u dhaca doorashada muddo dhaafka ah. Madaxweyne Qoorqoor wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka hagraday inuu u sheego aragtida dhexdhexaantiisa iyo sababaha fashilkiisa. Aamusnaanta Madaxweyne Qoorqoor waxay sare u qaaday saluugga iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka qabo Madaxdooda.

Inta Madaxweyne Qoorqoor ku jiray dhexdhexaadinta waxaa dalka ka dhacay qaraxyo iyo ismiidaaminno dad badan ku dhinteen, ku dhaawacmeen, hanti badanna ku burburtay, dhibaatooyinkaasoo Al Shabab sheegteen, haseyeeshe loo aaneynayo qaska Farmaajo iyo Fahad wadaan oo shaqadii hay’adaha maamulka iyo nabadgelyada curyaamiyay.

Waxaa la isweydiinaya qiimaha iyo culeyska Madaxweyne Qoorqoor siiyay ama siinayo qoraalka Fahad Yaasin ugu soo jawaabay R/W Rooble markuu weydistay warbixin ku saabsan kiiska Ikram Tahlil Faarax, iyo warqadaha Farmaajo ku baabi’iyay go’aankii sharciga ahaa ee R/W Rooble shaqada uga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasin, kuna amray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida inay baaraan waxna ka qabtaan kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay geeri iyo nolol, fulinta amarkaaso ilaa maanta Farmaajo iyo Fahad hortaagan yihiin, warqaddii Farmaajo ku magacaabay Fahad Yaasin jagada laTaliyaha nabadgelyada Madaxweynaha taaso sharci darro ah, laguna xadgudbay R/W Rooble, iyo warqaddii Farmaajo ku sheegay inuu ku dhimayo ama awood ugala soo noqonayo R/W Rooble, kuwaasoo dhammaantood ka soo horjeeda dastuurka, ilaalinta cadaaladda, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo. Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday inaan la hor is taagin baarista kiiska Ikram Tahlil, isla markaana la carqalateyn, la wiiqin guulaha R/W Rooble ka soo hooyay hirgelinta doorashada daahday, lana taagero dhammeystirkeeda.

Waxaa kaloo la isweydiinaya in Madaxweyne Qoorqoor maanka ku hayay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka isku raacay 27 Maajo 2021 iyo isbeddelka siyaasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee uu xambaarsanaa marka uu dhexdhexaadinayay Farmaajo+Fahad iyo Rooble.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu dhaliyay shaki weyn oo ah in Farmaajo ahaan karo Madaxweyne ama mas’uul qaran Fahad Yaasin la’aantiisa. Sidaaso kale, dhexdhexaadinta afduubka ah waxay dhalisay shakiga ah in Madaxweyne Qoorqoor gudan karo xilkiisa Madaxweynaha Galmudug Farmaajo iyo Fahad Yaasin la’aantooda?

Dadka Reer Galmudug waxay ku cabanayeen muxuu Madaxweyne Qoorqoor u dayacay danaha dowlad goboleedka Galmudug, uguna mashquulsan yahay difaaca iyo daboolka xadgudubyada dowladda federaalka oo muddo dheer caqab ku ah nabadda, midnimada, iyo horumarka Galmudug. Aqlabiyadda Reer Galmudug waxay jecel yihiin in Madaxweyne Qoorqoor mudnaanta siiyo arrimaha ay ka mid yihiin:

1- Dhammeystirka doorashada Aqalka Sare iyo diyaargarowga iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacbiga oo ku dhacda jawi nabad ah, xor iyo xalaal ah;

2- Wax ka qabashada halista Al Shabab ku hayaan Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhusamareb iyo deegannada kale ee Galmudug kaddib markii Al Shabab ay dedeg dib u qabsadeen deegammo laga xoreeyay;

3- Wax ka qabashada colaadda dabadheeratay ee ka dhex taagaan beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug;

4- Ka heshiinta iyo daawoobidda cabashooyinka iyo uur xumida laga dhaxlay dagaalkii Ahlu Sunna iyo Wal Jamaaca lagu muquuniyay oo ciilqabkiisa dul hoganayo deegaanka Galgudud.

Waxaan rajeynaya in qoraalkaan isu soo dhoweeyo dareenka reer Galmudug, isla markaana Galmudug ka badbaadiyo dhibaatooyinka dowladda federaalka lugaha kula jirto kaddib markii ay ku xadgudubtay ilaalinta dastuurka kmg. Danta iyo sumcadda wanaagsan ee Galmudug waxay ku jirta la safashada R/W Rooble sida ku cad dastuurka kmg iyo heshiiska 27 Maajo 2021 si loo helo dowlad sharciyad heysata oo hanata hoggaaminta dalka.

Dr. Maxamud M. Culusow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid