25.3 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha ninkii isku qarxiyey isgoyska Ceel Gaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi uu bixiyey ninkii isku qarxiyey Koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel Gaabta eemagaalada Muqdisho, kaasi oo uu kaga hadlay qorshaha uu naftiisa ku dilay.

Wareysiga uu bixiyey naftii haligahaan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona garan ogaa (Carafaat).

Ninkaan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow.

Ninkaan oo ahaa 20 jir ayaa markii hore ka tirsanaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ee ka dagaalamo Gobolka Shabeelada Hoose ka hor inta uusan ku biirin qeybta is-qarxinta, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda, iyadoo sheegtay inay ku dishay 16 qof oo ka tirsan Dowladda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa isna dhankiisa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, ku dhawaad 9 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee 25 Bishaan ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

Qaraxyadaan ayaa sidoo kale ku soo aaday iyada oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday dalkuna uu isku diyaarinayo doorasho.

Maxay tahay mudnaanta gaarka ah ee Qoorqoor ku dhex-dhexaadinayo Maxamed Farmaajo iyo R/W Rooble?

0

Ujeedada qoraalkaan waa qiimeynta dhexdhexaadinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Karie usbuucyadaan ka dhex waday Madaxweynaha DF ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/W Xukuumadda Xilgaarsiinta DF, ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaranka, Inj. Maxamed Xussein Rooble. 

Sida lala wada socdo, maalmahaan baraha bulshada waxaa qabsaday hadal haynta Madaxweyne Qorqor oo ilaa maalintii Taliyihii hore Fahad Yaasin Xaaji Daahir shaqada laga joojiyay, kaddibna la yiri waa is casilay, ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta Farmaajo + Fahad Yaasin iyo R/W Rooble.

Dad badan waxay is weydiinayaan mudnaanta gaarka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku muteystay inuu dhexdhexaadiyo labada mas’uul, mudnaantaaso aysan laheyn madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle ama mas’uulin kale iyo Beesha Caalamka. Muddo dheer waxaa la ogaa in Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe iyo Golaha Midowga Musharrixiinta ka soo horjeedeen siyaasadda Farmaajo halka Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen, iyo Guudlaawe taagersanaayeen siyaasadda Farmaajo iyo Fahad. Madaxweyne Sicid Deni, Axmed Madoobe, iyo Guudlaawe waa ka gaabsadeen inay dhexdhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble. Si gaar ah, Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madobe waxay caddeeyeen in Farmaajo gardaran yahay, kuna dhawaaqeen in Farmaajo joojiyo qaska iyo carqalada si R/W Rooble u gudo xilkiisa hoggaaminta xukuumadda xilgaarsiinta, loona dhammeystiro doorashada muddo dhaafka ah.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor diiday inuu taagero mowqifka Sicid Deni iyo Axmed Madobe qaateen, taaso soo dedejin laheyd xakameynta qaska Farmaajo, isla markaana dardargelin laheyd dhammeystirka doorashada iyo caddaalad marinta kiiska sarkaalad Ikram Tahliil Faarax ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugidda, sarkaaladdaaso nolol iyo geeri lagu la’yahay, lana tuhunsan yahay saraakiil uu madax u yahay Fahad Yaasin Xaaji Daahir ay mas’uul ka yihiin afduubkeeda iyo khaarijinteeda (kidnapping and assassination).

Haddii khilaaf dhexmaray Farmaajo iyo Rooble, muxuu yahay heerka ku kalsoonaanta dhexdhexadnimada Qoorqoor oo ay R/W Rooble ay isku beel yihiin, hase yeeshe aysan isu laab furneyn, iyo Farmaajo iyo Fahad Yaasin ay kala dhexeyso abaal gudid, nafti hurid, laab furnaan, iyo daacadnimo?

Dad badan waxay qabaan in ujeedada dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor ay tahay jaahwareerin, waqti lumis iyo waqti dheereyn, beddelka dulucda khilaafka, abuuritaanka riwaayado been ah, taaso ah xeeladaha Farmaajo iyo Fahad ku gaaraan ujeedooyinkooda gurracan ee siyaasadda.

Taagerayaasha R/W Rooble iyo dad badan oo dhexdhexaad ah waxay qabaan in dhexdhexaadinta tooxsiga ah, jujuubka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ay abuurtay khilaaf iyo kala eed sheegasho ballaaran oo dad badan saameysay, faafinta sheekooyin iyo warbixinno been ah, marin habaabin bareer ah, talooyin lagu hor istaagayo baaris sharciga waafaqsan ee kiiska Ikram Tahlil Faarax si runta iyo cadaaladda loo gaaro, iyo kala aamin bax iyo is cadowsi.

Inkastoo Madaxweyne Qoorqoor hadlin, haddana wasiirro la shaqeeya waxay warbaahinta ka sheegeen in dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor guuldarro ku dhammaatay, sababtana dusha laga saaray Farmaajo. Haseyeeshe, Madaxtooyada iyo taagerayaasha Farmaajo iyo Fahad Yaasin waxay warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegayaan in dhexdhexaadinta Qoorqoor aysan dhammaan, taaso u eg marin habaabin iyo waqti gadasho lagu abuurayo colaad sokeeye iyo dib u dhaca doorashada muddo dhaafka ah. Madaxweyne Qoorqoor wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka hagraday inuu u sheego aragtida dhexdhexaantiisa iyo sababaha fashilkiisa. Aamusnaanta Madaxweyne Qoorqoor waxay sare u qaaday saluugga iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka qabo Madaxdooda.

Inta Madaxweyne Qoorqoor ku jiray dhexdhexaadinta waxaa dalka ka dhacay qaraxyo iyo ismiidaaminno dad badan ku dhinteen, ku dhaawacmeen, hanti badanna ku burburtay, dhibaatooyinkaasoo Al Shabab sheegteen, haseyeeshe loo aaneynayo qaska Farmaajo iyo Fahad wadaan oo shaqadii hay’adaha maamulka iyo nabadgelyada curyaamiyay.

Waxaa la isweydiinaya qiimaha iyo culeyska Madaxweyne Qoorqoor siiyay ama siinayo qoraalka Fahad Yaasin ugu soo jawaabay R/W Rooble markuu weydistay warbixin ku saabsan kiiska Ikram Tahlil Faarax, iyo warqadaha Farmaajo ku baabi’iyay go’aankii sharciga ahaa ee R/W Rooble shaqada uga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasin, kuna amray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida inay baaraan waxna ka qabtaan kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay geeri iyo nolol, fulinta amarkaaso ilaa maanta Farmaajo iyo Fahad hortaagan yihiin, warqaddii Farmaajo ku magacaabay Fahad Yaasin jagada laTaliyaha nabadgelyada Madaxweynaha taaso sharci darro ah, laguna xadgudbay R/W Rooble, iyo warqaddii Farmaajo ku sheegay inuu ku dhimayo ama awood ugala soo noqonayo R/W Rooble, kuwaasoo dhammaantood ka soo horjeeda dastuurka, ilaalinta cadaaladda, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo. Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday inaan la hor is taagin baarista kiiska Ikram Tahlil, isla markaana la carqalateyn, la wiiqin guulaha R/W Rooble ka soo hooyay hirgelinta doorashada daahday, lana taagero dhammeystirkeeda.

Waxaa kaloo la isweydiinaya in Madaxweyne Qoorqoor maanka ku hayay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka isku raacay 27 Maajo 2021 iyo isbeddelka siyaasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee uu xambaarsanaa marka uu dhexdhexaadinayay Farmaajo+Fahad iyo Rooble.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu dhaliyay shaki weyn oo ah in Farmaajo ahaan karo Madaxweyne ama mas’uul qaran Fahad Yaasin la’aantiisa. Sidaaso kale, dhexdhexaadinta afduubka ah waxay dhalisay shakiga ah in Madaxweyne Qoorqoor gudan karo xilkiisa Madaxweynaha Galmudug Farmaajo iyo Fahad Yaasin la’aantooda?

Dadka Reer Galmudug waxay ku cabanayeen muxuu Madaxweyne Qoorqoor u dayacay danaha dowlad goboleedka Galmudug, uguna mashquulsan yahay difaaca iyo daboolka xadgudubyada dowladda federaalka oo muddo dheer caqab ku ah nabadda, midnimada, iyo horumarka Galmudug. Aqlabiyadda Reer Galmudug waxay jecel yihiin in Madaxweyne Qoorqoor mudnaanta siiyo arrimaha ay ka mid yihiin:

1- Dhammeystirka doorashada Aqalka Sare iyo diyaargarowga iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacbiga oo ku dhacda jawi nabad ah, xor iyo xalaal ah;

2- Wax ka qabashada halista Al Shabab ku hayaan Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhusamareb iyo deegannada kale ee Galmudug kaddib markii Al Shabab ay dedeg dib u qabsadeen deegammo laga xoreeyay;

3- Wax ka qabashada colaadda dabadheeratay ee ka dhex taagaan beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug;

4- Ka heshiinta iyo daawoobidda cabashooyinka iyo uur xumida laga dhaxlay dagaalkii Ahlu Sunna iyo Wal Jamaaca lagu muquuniyay oo ciilqabkiisa dul hoganayo deegaanka Galgudud.

Waxaan rajeynaya in qoraalkaan isu soo dhoweeyo dareenka reer Galmudug, isla markaana Galmudug ka badbaadiyo dhibaatooyinka dowladda federaalka lugaha kula jirto kaddib markii ay ku xadgudubtay ilaalinta dastuurka kmg. Danta iyo sumcadda wanaagsan ee Galmudug waxay ku jirta la safashada R/W Rooble sida ku cad dastuurka kmg iyo heshiiska 27 Maajo 2021 si loo helo dowlad sharciyad heysata oo hanata hoggaaminta dalka.

Dr. Maxamud M. Culusow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maxay tahay arrinta uu Cabdikariin Guuleed sheegay in Farmaajo uu ka baqayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan caqabadaha hortaagan hirgelinta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib darro tahay in haatan dalka uu ku jiro xaalad hubanti la’aan, iyada oo heshiiska doorashooyinka dalka uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sanad ka hor, gaar ahaan 20-kii Septembar 2020-kii.

“Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii 20-kii Septembar 2020-kii uu baarlamaanka federaalka meel-mariyey heshiiska doorashooyinka dadban. Sanad, kadib doorashadii waxay ku jirtaa hubanti la’aan,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdikariin Guuleed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is jiid-jiidka siyaasadeed iyo caqabadaha taagan uu halis ku yahay amniga iyo dhaqaalaha dalka,  isaga oo shaaciyey inuu mas’uuliyadda qaadayo Farmaajo.

“Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya waxay ku jiraan khatar. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa mas’uul ka ah,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.

Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey  “Farmaajo wuxuu ka baqayaa in uu doorasho galo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay hakad-galeen doorashooyinka dalka, waxaana saameyn ku yeeshay khilaafka hadda u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

FARMAAJO oo ku qasban in uu soo ceshado maamulka doorashada + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu si weyn daaha uga qaaday is-maandhaafka Farmaajo iyo Rooble, haddana waxaa la fahamsan yahay in aysan labada nin isku wacneyn muddo dhowr bilood ah, waxa ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa lagu sheegay arrimaha doorashooyinka dalka ee hadda socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la diriray Ra’iisul wasaarihiisii hore ee Xasan Cali Kheyre, isagoo ka careysan damiciisa kursi doonka ah, wuxuuna laba bilood raadinayey qof aan kusoo jeesaneyn oo aan musharax noqon doonin, haddii uu Ra’isul wasaare u magacaabo.

Rooble oo malaha qaatay heshiis noocaas ah, illaa hadda wuxuu diidan yahay inuu u tartamo xilka madaxweynaha, ballantii aheyd ha is sharaxin iyo aniga i dhis waxaa ka dambeeyey dagaaladii ka dhacay Muqdisho, waxaana awoodii doorashada cadaadis badan kadib iska wareejiyey madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo uusan Rooble ka bixin ballantii musharaxnimada, haddana waxaa si weyn isku badalay jadwalkii u Farmaajo u qorsheystay dib u doorashadiisa.

Rooble uma muuqan waqti dheer nin raba inuu Farmaajo dakano u galo oo uu doorashada u boobo, tan iyo marki uu Rooble muujiyey inuu yahay siyaasi dhexda ka taagan loolanka doorashada, waxaa kor usoo kacday rajada dhinacyada kale.

Farmaajo marna kuma qancin doorka uu Rooble albaabada ugu wada furay tartamayaasha, waxay aheyd sunno soo jireen ah inuu mar walba madaxweynaha xilka haya gacan weyn ku yeesho sida ay doorashadu u socoto, laakiin hadda waxaan daawaneynaa mid taas ka duwan.

Rooble waxaa si aan rasmi aheyn loogu arkayey inuu daacad u yahay Farmaajo oo uu isaga dhisi doono, xittaa Farmaajo waa sii aamini karay arrintaas, laakiin wixii ka dambeeyey wada-hadaladii uu Rooble la furay Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya. Farmaajo waxaa la sheegay inuu ka laab-xirtay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wax walba ayaase cirka isku shareeray markii uu dilaacay kiiska Ikraan Tahliil, hadda labada nin waxay kala fogaadeen masaafo aad u dheer, si walba oo hadda loo xaliyo khilaafkooda way adag tahay in Rooble lagu qanciyo inuu Farmaajo dhiso ama inuu mar kale Farmaajo aamino inuu Rooble dhisi doono.

Taas waxa ka dhigan tahay in gorgortanka hadda jira uusan ku dhammaan karin arrinta Ikraan Tahliil, Bashiir Gooble iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur .

Dhowr jeer ayaa Farmaajo lagu eedeeyey inuu fashiliyey wada-hadalada xal doonka ah, sababtu kaliya maahan inuu difaacayo Fahad Yaasiin ee sidoo kale wuxuu Farmaajo xoogga saarayaa inuu gacanta dib ula galo maamulka doorashada.

Waa adag tahay inuu Farmaajo aqbalo inuu banaanka ku sugo natiijada doorashada oo uu marti ka ahaado ayey leeyihiin dadka sida fiican u yaqaana hab-dhaqankiisa siyaasiga ah.

Marka la eego ahmiyadda maamulka doorashada ku fadhiyo waxaa adag inay si fudud ku dhammaato xiisadda hadda taagan.

Farmaajo uma badna inuu aqbali doono inuu galo doorasho uusan wax talo iyo awood ah ku laheyn, Rooblana way ku adag tahay inuu dib usoo celiyo maamulkii doorashada ee uu madaxweynaha ugu wareejiyey baarlamaanka hortiisa.

Sidoo kale, saamileyda kale ee siyaasadda ayaa iyagana la aamisan yahay inay ka hor imaan doonaan in mar kale la badalo hab-maamulka doorashada, waxayna ka dhigan tahay arrintaan inaan si fudud looga gudbi doonin xiisadda labada nin.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay sheegayaan inay u sawiran tahay natiijo guuldaro ah, haddii ay galaan doorasho uu Rooble maamulayo, iyadoo la wada ogyahay wixii dhex maray muddooyinka lasoo dhaafay, waxayna aamisan yihiin inay khasab tahay inay miiska maamulka doorashada dib ugu soo laabtaan.

Xog: Maxaa looga hadlay kulankii xalay dhex-maray Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan la yeeshay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Qoor Qoor ka degan yahay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado Fahad.

Sida aan xogta ku hadalnay, Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ee weli xalka loo la’yahay.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xilligan loo arkaa inuu yahay garabka ugu weyn ee Villa Somalia ay heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isaga oo horey isugu dayey inuu Rooble ku shirqoolo heshiis u daneynaya Farmaajo, balse ku fashilmay.

Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya ciidanka Waran ee NISA, taasoo ka dhigan inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabad-Sugida oo aanu faraha kala bixin.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli aad u daneyneyso inay heshiis la gaarto Rooble, oo hadda gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha iyo warbaahinta dowladda, balse dooneyso heshiis u daneynaya Farmaajo, kaasi oo la marsiin la’yahay Rooble

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka la-taliyaha amniga qaranka ee dhowaan loo magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Cabdi Muriidi Dheere (AJAKIS)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saarayu geerida naxtinta leh ee maanta ku timid Allaha u naxariistee Jilaagii Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Ugu horreyn Farmaajo yaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.”

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka hadlay geerida ku timid Marxuumka oo maalmahan ku xanuunsanayey Muqdisho.

Rooble ayaa ehellada marxuumka, bahda fanka, saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Jilaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

“Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri.

AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, kuwaas oo ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.

Jamaal oo sheegay laba arrin oo ay isku hayaan Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Wasiir Jamaal ayaa shaaca ka qaaday inay laba qodob isku hayaan isaga iyo hoggaanka sare ee Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii uu wanaagsanaa xiriirkoodu ay kaliya kala hadli jireen inuu siiyo arrimo mashariiic ah iyo sidoo kale dad shaqaaleysiinta dad ay ehel dhow yihiin.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in xayiraadaha lagu sameeyey ay sidoo kale keeneen kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee haatan u dhexeysa isaga iyo Saciid Deni.

“Madaxda Puntland waxa aan isku qabanay dhaqaalaha & siyaasad kala duwanaanta, wax gaar ah iskuma heyno balse keliya waxa ay igala soo xiriirayeen intii aan isku fiicneen mashaariic in aan siiyo & u shaqo gelinta dad ehel dhaw ay yihiin, Siyaasadda hadda dhaceysa oo keliya ay ka eegayaan doorashada hadda dhaceyso” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan doonayo u tartamo ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray odayaal kale ee ay is hayaan.

“Qof ahaan waxa aan doonayaa in aan dib ugu soo laabto xubinta Beesheyda balse waxaa jirto gacmo-gacmeen badan, Odoyaasha aan is heyno waxa aan leeyahay yaan isku soo degdegin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay kolonyo uu watay lagu xanibay duleedka Garoowe, balse mar dambe oo laga soo reebay ilaaladii uu watay uu galay magaaladaas.

Guddi warbixin u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, Waxuuna ka dhageystay warbixin ku aadan waxa uga qabsoomay doorashooyinka dalka ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga kula dardaarmay inay dardar-geliyaan kaalinta uga aadan qabsoomida doorashada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda uu guddigu ugu fadhiyo hannaanka hufnaanta doorashada, maadaama ay iyagu yihiin kuwii kala saari lahaa wax walboo khilaaf ka dhasha doorashada, bulshaduna uga fadhido in ay caddaalad u wada sameeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas.

Guddigaan oo kaalintiisu tahay inuu xaliyo Khilaafaadka ka dhasha doorashada ka socota dalka ayaa horay u korjoogteeyey doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garowe,  Dhuusamareeb iyo Jowhar.

28-ka bishan waxaa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo guddiga xalinta khilaafaadka laga doonayo inuu xaliyo wixii cabasho ah ee ka yimaada doorashada 11-kaas kursi ee gobollada waqooyi.

Majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), kaas oo maalmihii dambe ku xanuunsanayey gudaha caasimada.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda TV-ga Universal oo uu la shaqeynayey.

“Allaha unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho,” ayaa lagu yiri wr qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Telefishinka caalamiga ah ee Universal.

Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ,halkaas oo lagu la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, xilli uu ku sugnaa xaafadiisa.

Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyey qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe.

Wasiirka ayaa u tacsiyeeyey qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka waxaana uu Alle uga baryey in Jannadii Farowdsa aheyd ka waraabiyo.

AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, isla-markaana ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.

Doorashadii berri oo dib u dhacday iyo shir xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa u yeertay 8 ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku jira Ergada soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Farmaajo loogu geeyay Madaxtooyada oo haatan uu shir kula leeyahay.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in 8-da Oday dhaqameedka ee Madaxtooyada la geeyay ay ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan xubnaha Gobolada Waqooyi ee maanta lagu xareeyay teendhada Afisyooni, waxuuna qorshuhu ahaa in maalinta Talaadada ah ay soo doortaan Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland.

Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya ayaa maanta la xareeyey, balse tallaabadan uu caawa Farmaajo qaaday ayaa loo arkaa mid durba carqalad cusub noqotay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

Markii laga soo tago in guddigu musharaxiinta ku wargeliyey in dib u dhac uu ku yimid jadwalka oo berri ay baaqatay hadal jeedintii loo balansanaa, hadana guddigu waqti kale ma cayimin oo wuxuu qoraalkaan ku sheegay in dib laga soo sheegi doono goorta ay bilaabaneyso hadal jeedinta Musharaxiinta.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid  hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

JAMES SWAN oo ka digay halis kasoo socota khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta magaalada Garoowe kula kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka ay walaac ka qabaan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

James Swan ayaa sheegay in beesha caalamka ay rumeysan tahay in khilaafka madaxda Soomaalida uu halis ku yahay hanaanka doorashooyinka dalka ka socda.

“Waxaan kala hadalnay Deni dedejinta wejiga xiga ee doorashooyinka, oo ah doorashada Golaha Shacabka. Waxaan la wadaagnay walaaca beesha caalamka ay ka qabto halisaha ay khilaafyada taagan ee u dhaxeeya madaxda qaranka kusoo rogi karaan hanaankan,” ayuu yiri James Swan oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Waxa uu sheegay in wafdigii uu hoggaaminayey iyo madaxweyne Deni ay isku raaceen in madaxda Soomaalida ay sii wadaan inay wada-shaqeeyaan, si ku dhisan midnimo qaran, ayna ka guuleystaan khilaafyadooda.

“Waxaan dhammaan ku boorineynaa inay horey u socdaan, si ay uga dhabeeyaan ballan-qaadyadooda ah inay qabanayaan doorashooyin qaran oo la isku haleyn karo, kuna dhacwa waqtigooda, si waafaqsan heshiiska 27-ka May,” ayuu yiri James Swan.

Hadalka James Swan ayaa imanaya ayada oo ay burbureen wada-hadallo u socday Farmaajo iyo Rooble, oo ay dhex-dhexaadinayeen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Wada-hadalladaas ayaa u burburay kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in taliyaha NISA iyo wasiirka amniga laga dhigo xubno isaga daacad u ah, islamarkaana xilalka laga qaado taliye Bashiir Goobe iyo wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur. 

Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya inaan la baarin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’adda NISA. 

GALMUDUG oo war kasoo saartay duulaan la sheegay in uu kasoo socdo Ahlu-Sunna

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegaya in ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca uu qorshenayo duulaan uu dib ugula wareegayso magaalada Dhuusamareeb oo ay hore gacanta ugu haysay.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax welwel ah oo maamulka Galmudug uu ka qabo duulaan uga yimaada dhanka Ahlu-Sunna.

“Maamulkeena dhibaato uma arko in Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, kuna sameystaan siyaaro, taasi oo qeyb ka ah dabacsanaanta ay muujineyso dowlad goboleedka Galmudug,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Saraakiil Ahlu-Sunna ka tirsan oo ku sugan Galgaduud, kuna howlan yihiin arrimo la xiriira siyaarada Sheekh caan ah, islamarkaana meesha ka saaray in uu jiro duulaan iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulkooda.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili ay soo baxayaan warar la xiriira in Ahlusunna ay ku howlan tahay ururinta hub iyo ciidamo, gaar ahaan deegaano ka tirsan Galgaduud.

Ahlusunna ayaa dhawaan maamulka Galmudug ku eedeysay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab oo ayagu ay kal hore ka xoreeyen deegaanadaas, lamana oga in arrintaas ay daba socoto dar-darta cusub ee ay wadaan.

R/W Rooble ‘oo billaabaya’ bixinta dhaqaale ku baxaya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dar-dar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi.

Kulanka ayaa sidoo kala looga hadlay bixinta dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada gobolada Waqooyi oo muddo badan uu curyaamiyey muran hor leh.

Waxaa ka qeyb-galay kulankaas Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ka warbixiyey kulankaas ayaa sheegay in la isla qaatay in la dadajiyo bixinta dhaqaalaha doorashadaas.

“Diiwaan-gelinta waxay noo soo gaba-gabowi doonta caawa, berrina waxaa noo bilaabmi doona khudbad jeedintii musharaxiinta, saddexda cisho ee ku xigana doorashada ayaa noo dhici doonta, meel fiican ayey wax noo marayaan,” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland.

Wasiir Jamaal oo laga reebay ilaaladiisa iyo amar culus oo kasoo baxay Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhoweyd gudaha u galay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii laga reebay ilaaladii la socotay.

Wasiir Jamaal ayaa watay kolonyo ciidamo ah oo galbinayay, taasi oo keentay in muddo ku dhow saacad ku xanibnaado duleedka magaalada Garoowe, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online.

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar deg deg ah oo gebi ahaanba lagu joojinayo in musharaxiinta Golaha Shacabka aysan isticmaali karin gaadiid gaashaman iyo ciidan ilaalo intaba.

“Iyadoo laga duulayo waajibaadka joogtada ah ee adkeynta amniga Dowladda Puntland, lana tixgalinayo xaalada ololaha qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee heer federal iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, waxay Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ku wargelinaysa musharaxiinta inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah toona,” ayaa lagu yiri waraaq wargelin amar ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Puntland.

“Qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaala wuxuu lasoo xiriiriya Taliyaha Booliska Puntland. Haddaba waxaa dhamaan la farayaa laamaha amniga fulinta awaamiirtan iyo gudashada waajibaadkooda.”

Amarka Musharaxiinta ay Puntland uga maamnuucayso ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ayaa imanaya un kadib markii Wasiir Jamaal lagu xanibay duleedka Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa kal hore ku eedeyay Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka in uu abaabulayey kacdoon bulsho, kadib markii ay si weyn u faafeen warar sheegaya in la kala ceyriyay dad kusoo dhaweynayay garoonka Garoowe.

Yaa ka dambeeyey dilkii Cabdiraxiim Maxamed?

0

Leicester (Caasimada Online) – Booliska Magaalada Leicester ee dalka UK ayaa qofkii todobaad usoo xiray dilkii loo geystay Cabdiraxiim Maxamed oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Soomaaliya oo u dhintay dhaawacyo badan oo kasoo gaaray toorey lagu dhuftay.

Cabdiraxiim Maxamed ayaa 8-dii bishaan September waxaa laga soo qaaday isagoo dhaawac ah wadada Melbourne ee magaalada Leicester, waxaana la geeyey Isbitaal halkaas oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Qofka cusub ee loo xiray kiiska dilka wiilkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Zakir Brant oo ah 25 jir ku nool Magaalada Leicester.

Booliska ayaa sheegay in Ninkaan la qabtay Maalintii Jimcaha aheyd uu kasoo muuqan doono maxkamad Isniinta soo socoto isagoo qeyb ka ah dadka lagu tuhunsan yahay dilkaan loo adeegsaday Toorey.

Sidoo kale, nin kale oo magaciisa la helin oo noqonayo kii sideedaad ayaa loo soo xiray kiiskaan.

Tirada eedeysanayaasha kiiskaan ee la shaaciyey inay maxkamadda kasoo muuqaan doonaan ayaa illaa hadda kala ah:-

1- Mohammed Israfeel Gul oo  27 isla markaasna dagan  of New Way Road
2- Daniel Pollard oo 29, dagan Calder Road
3- Mohammed Hansrod oo 29, degan Dulverton Road
4- Abdul Hemid Suleman oo 58, dagan Jupiter Close
5- Bhavic Parmar oo 25, Dagan  Bowling Green Street

Horraantii toddobaadkan, Fahad Ali Saleem, oo ah 25 jir deggan waddada Frederick Street ee magaalada Leicester, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu caawiyey mid ka mid ah ragga weerarka geystay.

Sidoo kale, Muhamad Firoz Khan, oo 32 jir, iyo Khatib Gul oo 57 jir ah, islamarkaana degan Apollo Court, Leicester, ayaa wajahaya eedeymo kuwaas la mid ah, waxaana la filayaa inay maxkamada kasoo muuqdaan bisha dambe.

Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay taliyeyaasha ciidamada ee uu maanta la kulmay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland.

Doroashada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland ayaa lagu wadaa inay qabsoomto toddobaadkan gudahiisa, wuxuuna kulankaan qeyb ka ahaa dar-dar gelinta amni ee doorashada.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay billaabato jeedinta khudbadaha musharaxiinta, waxaana kadib si rasmi ah loo gudo gali doona doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi.

Doorashada Somaliland ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee Aqalka Sare, halka ay dowlad goboleedyada badankooda ay soo dhameystireen.

FAHAD Yaasiin oo xilkii loo magaacabay la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilkaas cusub ee dhowaan loo magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Xilkaas ayaa waxaa horey u hayey oo laga qaaday Cabdisaciid Muuse Cali, oo loo wareejiyay inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada, xilkaas oo uu si rasmi ah ula wareegay 11-kii September 2021. 

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa maanta la wareegay waajibaadkiisa kadib markii dhowaan la magacaabay.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Fahad ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey xilkan, halka uu ballan-qaaday inuu dalka ugu adeegi dooni, naf-hurid iyo wadanninimo, si sare loogu qaado amniga.”

Farmaajo ayaa xilkan u magacaabay Fahad 7-dii September, markaasi oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Go’aanka Farmaajo ugu magacaabay Fahad la-taliyaha amniga qaranka ayaa yimid maalin kadib markii uu ku guul-darreystay isku day uu ku hor-istaagay shaqo ka-joojin uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey Fahad, oo ahaa agaasimaha NISA.

Fahad Yaasiin ayaa 21-kii September kusoo laabtay magaalada Muqdisho maalmo kadib markii diyaarad uu la socday laga celiyey dalka Jabuuti, kadibna uu dib ugu laabtay magaalada Istanbul.

Xuseen Macalin: Al-Shabaab afar bil ayey sugeysay in la kala baxo, hadda kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaad gudahiisa waxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka fulisay illaa seddex qarax kuwaas oo ay ku dhinteyn in ka badan 15 qof, sidoo kalana dhaliyey khasaare maaliyadeed.

Qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho waxaa ugu dambeeyey midkii ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna qaraxyadaan kusoo aadayaan xilli uu sii socdo khilaafka u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Su’aalaha ugu badan oo ay dadka Muqdisho is waydiinayaan maalmahaan ayaa ah: Maxaa keenay qaraxyadaan iyo sida looga hortagi karo, waxaa ka jawaabay su’aalahaan Xuseen Macalin Maxamuud oo horay usoo noqday la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo haddana ah madaxa machadka amniga ee Hiraal.

Xusesen Macalin ayaa sheegay in Al-Shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, sidoo kalana wuxuu sheegay inay aad u badnaayeen aaggaga amniga.

“Bilaha February ilaa July qaraxyo ma sameyn Al-shabaab, oo waxaa ay sugayeen in la kala baxo, waxaa caasimadda joogay Badbaado qaran, ciidan ayaa meel walba daadsanaa, waxaa badnaa aaggaga amniga, hadda waxaa ay dareemeen in hey’adaha amniga dabceen, oo amniga furfurmay, in lasoo celinaya fududeen, marka waa ka faa’ideysteen,” ayuu yiri.

Mar la waydiiyey sida qaraxyadaan looga hortagi karo ayuu ku jawaabay “Waa sii socon doonaan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, oo aan laga heshiin”.

Madaxa Hiraal Xuseen Macalin welwelka uu qabo waa in dib u dhac ku yimaado heshiis siyaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hey’adaha amnigana la siyaasadeeyo, taasina ay keento in qaraxyada sii socdaan, taasi oo saameyn doonta doorashada iyo guud ahaan nolosha dadka.

Musharaxiinta oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaq ciidan oo socda iyo arrimo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda xoogan ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka 2021-ka.

Ugu horrey golaha ayaa garab istaag u muujiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo shaaciyey inay ku garab taagan yihiin qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Golaha ayaa qoraalkan ku soo koobay lix qodob oo ay uga hadleen doorashooyinka dalka & khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday & Ra’iisul wasaaraha, waxayna yiraahdeenm Golaha:

1- Wuxuu ku dhiirragelinayaa ra’iisul wasaaraha in uu darda geliyo howlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gor-gortan ka gelin heshiiskii 27 May.

2- Wuxuu ku boorinayaa golaha wada-tashiga qaran in la dadajiyo howlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto.

3- Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan golaha wada-tashiga qaran sidii dalka uga dhici laheyd doorasho.

4- Wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay golaha wada-tasha qaran ku gacan siiyaan degdeg ku qabsoomida doorashada.

5- Wuxuu indhaha ku hayaa dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo agaasimihii hore ee hay’adda NISA, si ay u carqaladeeyaan howlaha doorashooyinka, una abuuraan xasilooni darro & qal-qal amni.

6- Wuxuu dalbanayaa cadaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqayaa in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska.

Halkan hoose ka aqriso:-

Militariga Sudan oo si weyn isaga caabiyey kuwa Ethiopia iyo xiisad ka taagan xadka

Khartoum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa maanta sheegay inay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.

Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay in arrintan ay dhacday Sabtidii.

Waxa uu sheegay inay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay.

Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan.

Xiisadda ka taagan xuduudda Sudan iyo Ethiopia ayaa xoogeysatay tan iyo markii uu sanadkii tegay uu dagaalka ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, dagaalkaas oo sababay in kumanaan qof oo Ethiopian qaxooti ah ay galaan bariga Sudan.

Xiisadda ayaa ka taagan dhul ku wanaagsan beerashada oo loo yaqaan al-Fashqa, halkaas oo ah goobta lagu muransan yahay.

REUTERS + VOA