25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Taalibaan oo wiish surtay meydadka dad ay dishay

0

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ayaa meydadka dad ay dileen soo suray wiish la soo dhigay barxadda magaalada Herat ee dalka Afghanistan, halkaas oo boqolaal dad ah ay daawadeen falkan naxdinta lahaa, taas oo sidoo kale muujineysa inay soo celiyeen xukunkii araxan darrada ahaa.

Saraakiisha Taalibaan ayaa markii hore afar mayd keenay barxadda magaalada galbeedka ah ee Herat, kadibna saddex ka mid ah meydadkaas u wareejiyay qeybaha kale ee magaalada si loogu soo bandhigo dadweynaha, sida uu sheegay Wazir Ahmad Seddiqi, oo ah maamulaha farmashiye ku yaal barxadda magaalada.

Saraakiisha Taalibaan ayaa ku dhawaaqay in afartan qof la qabtay iyagoo ka qeyb qaadanaya falal afduub ah horraantii Sabtida waxaana dilay booliska Taalibaan sida uu sheegay Seddiqi.

Ziaulhaq Jalali, oo ah taliyaha booliiska degmada Herat oo ay Taalibaan magacoowday ayaa markii dambe sheegay in xubnaha Taalibaan ay soo badbaadiyeen aabbe iyo wiil ay af-duubteen afartan nin ee la dilay, kadib ay rasaas is-weydaarseen.

Waxa uu sheegay in dagaalyahan Taalibaan ka tirsan iyo qof rayid ah ay dhaawaceen kooxaha wax afduubtay.

Muuqaal ay baahisay walaaladda wararka ee AP ayaa muujinayay dad badan oo isugu soo baxay fagaaraha magaaladaas oo daawanayay meydka, iyadoo qaarkood ay ku cel-celinayeen erayo ay ku taageerayeen Taalibaan.

“Ujeeddada tallaabadan ayaa ah inaan u sheegno dhammaan dambiileyaasha in aysan badbaadi doonin,” ayuu taliye ka tirsan Taalibaan oo qariyay magaciisa u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

VOA

Rooble ‘oo qalad weyn ku sameeyey’ wada-hadalladii uu dhowaan la galay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu sameeyey qalad siyaasadeed weyn kadib markii uu ogolaaday inuu wada-hadallo la galo madaxweyne Farmaajo.

Dr. Mukhtaar ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu la yaaban yahay waxa meesha yaalla oo ay ka wada hadlayaan Farmaajo iyo Rooble, sababtoo ah buu yiri ra’iisul wasaaraha wuxuu haystaa laba qodob oo dastuur ah, oo cad.

“Marka aad fiiriso Qodobka 103-aad ee dastuurka waxaa ku qoran: Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah. sidoo kale, Qodobka 91-aad ee dastuurka  ee Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, wuxuu leeyahay: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka,” ayuu yiri Dr. Mukhtaar. 

“Marka waxaan la yaabanahay, maxaa lagu wada hadlaa, waxaa la yiri af-magaalo warqad ayuu ku yaallaa. Qaanuunka iyo dastuurka waa in lagu dhaqmaa. Haddii la wada-hadlo waxaa micnaheedu yahay waxbaan kugu qabsanayaa. Marka in la wada hadlo maba aheyn, qaanuunka iyo dastuurka ayaa fasiraya awoodda qof kasta,” ayuu yiri.

Dr. Mukhtaar ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu waqtigiisu dhammaaday 7 bil kahor, waxa kaliya ee uu haysatana ay tahay xushmad ah inuu kursiga kusimo madaxweynaha kale, islamarkaana aanu wax shaqo ah ku laheyn howlaha dowladda. 

“Haddii aan dastuurka la xushmeyneyn, oo Farmaajo weli ay ka dhaadhacsan tahay inuu yahay madaxweyne, dee dastuurka ha la tuuro, oo yiraah, anigaa waddanka madaxweyne ka ah,” ayuu yiri Dr. Mukhtaar.

Waxa uu sheegay in xitaa haddii Farmaajo uu haysan lahaa sharciyad, aysan dastuurka, gaar ahaan qodobka 90-aad ee awoodaha madaxweynaha, meelna uga qorneyn inuu awood u leeyahay inuu iskiis magacaabo ayada oo aanay usoo jeedin golaha wasiirada, 

Dr. Mukhtaar ayaa ugu baaqay Rooble inuu shaqadiisa wata, islamarkaana aanu u joojin Farmaajo, haddii kale uu dalka qalalaase u horseedayo.

Hoos ka dhageyso Dr. Mukhtaar 

Qatar oo soo saartay war ku saabsan Soomaaliya (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala bar-tilmaameedsaday barkoontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar oo qoraalkan soo saartay ayaa shaacisay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Qatar ayaa tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Qatar ayaa markale ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada, waxayna intaasi ku dartay inay garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soonmaaliya.

Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka Villa Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay illaa sideed qof oo ay ku jirtay gabar ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad kale oo rayid ah.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sidoo kale dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab oo shaacisay inay la beegsatay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxaana dowlada federaalka ah ay ka taageertaa dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha iyo dhismaha ciidanka.

Daawo: Saciid Deni oo si kulul ugu jawaabay wasiir Jamaal

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalmihii lasoo dhaafay maamulkiisa u jeediyey wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xasan, oo sheegay in maamulka Puntland uu kala kulmay is hor-taag, kadib markii laba maalin ka hor uu ka degay magaalada Garowe.

Wasiir Jamaal oo Khamiistii la soo dhaafay ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa uga sii gudbay degmada laga soo doorto ee Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Shir jaraa’id oo magaalada Dhahar uu wasiir Jamaal ku qabtay ayuu ku sheegay in dadkii ku soo dhaqeyn lahaa Garowe ay hor-istaag ku sameeyeen qolyo uu ugu yeeray ‘siyaasiyiin iyo shakhsiyaad qowleysato ah.’

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo maanta ka hadalayey xaaladaha siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in dad waayahaan ka maqnaa deegaanka ay hadda dacaayado raqiiska ah ka faafinayaan maamulkiisa.

“Dad badan oo beryahaan naga maqnaa oo nidaamkaan iyo degaanaantaan soo ilaaway ayaa raba inta deegaanka doorashada federaalka darteed u yimaadeen inay buuq nagu furaan, laakiin waxaan ugu nasteexeynayaa war dadkaan ka mid tihiine la qabsada sida ay wax u rabaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gabi ahaanba aysan jirin cid la hor istaagay, “Dacaayadaha raqiiska ah ee dadka mustaqbalkooda lagu xumeynayo halaga waantoobo, reer Puntland waa il-bax cid been u sheegi kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Saaxiibada siyaasadda ku jira waxaan kula talinayaa qof kasta waxa uu ku hadlaayo waa la xisaabinaayaa, waxaana ku jaan go’naa doonta mustaqbalkiisa siyaasadeed.”

Hoos ka daawo muuqaalka Deni

Guddoomiyihii deegmada Doolow oo xilka laga qaaday, kadibna xabsiga la dhigay

0

Doolow (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa shakay waxa uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Doolow, Cali Faarax Mire, wuxuuna wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow.

Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore ayaa lagu sababeeyay ku takri-fal awoodeed iyo musuq maasuq.

“Dhammaan laamaha amniga waxaa la farayaa inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow, Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), si uu u guto waajibaadka adag ee horyaalla.” Ayaa lagu yiri wareegtada.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Degmada Doolow ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada lagu xiray degmadaasi.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlay Universal TV ayaa yiri “Gudoomiyihii Degmada waa la jirdilay, waana la xiray. Xabsi kunteenar ah oo ku yaala Degmada Doolow ayuu ku xiran yahay.”

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa yiri “Waddo sharci ah looma marin xariga Gudoomiyihii Degmada. Gudoomiyaha Gobolka Gedo xilka waa uu ka qaadi karaa, laakiin iskama xiri karo sharci ahaan, waxa lagu eedeynayana waa inay marka hore maxkamad ku caddeysaa, ka dibna la xiro, haddii la rabo in sharciga lagu dhaqmo.”

KENYA oo markale duqeyn ka fulisay gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay markale xalay ka fuliyeen qeybo ka mida gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay xoogeeda ka dhacday deegaano iyo tuulooyin hoostaga magaalada Ceelwaaq, halkaasi oo lagu arkay diyaarado joog hoose ku socoda.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Warbeele, Buralaha-Samaroole iyo Golgola Cali, halkaas oo ay ku nool yihiin dad shacab ah, isla-markaana ah Xoolo Dhaqato.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa shaaciyey in weerarkan dhanka cirka ah uu khasaare ka soo gaaray rayidka, balse ma cadda inta uu gaariisan-yahay tiro ahaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku sugan deegaanada la duqeeyey ay bilaabeen barakac xoogan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo iyo maamulka gobolkaasi oo ku aadan duqeynta ka dhacday halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya weerarada is-daba jooga ah ee ay Kenyo ka fulineyso gobolka Gedo oo ku yaal koonfurta Soomaaliya.

S- kastaba, marar badan ayaa Kenya lagu eedeeyey inay tacadiyo iyo dhibaatooyin kale ay dadka shacabka ah ugu geysatay deegaanada Jubaland oo ay ka howlgalaan ciidamadeeda.

Qoryooley wey duntay wado maleh waxbarashadii eber..

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ka taagan tahay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dadka ku dhaqan degmadaasi ay jawahayaan xaalado is-biirsaday.

Caafimaadka ayaa ugu daran, waxaana gaabis uu ku yimid howlihii caafimaadka ee isbitaalka guud ee magaaladaasi, kaas oo ay daawo yari iyo dhaqaatiir la’aan ka jirto.

Xaaladda Qoryooley ayaa waxaa uga sii daray go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay degmadaasi oo ka mid ah kuwa ugu faca weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay VOA ayaa shaaciyey in muddo 7 sano illaa 8 sano ah ay wajahayaan xaalado caafimaad darro iyo kuwa nololeed intaba.

“Isbitaal warkiisa ma jiro todobo sano illaa sideed sano ayaan mareynaa ra’iisul wasaarihii koowaad ee yimid iyo Cabduqaadir Siidii isbitaalkaan geynay waxbaan ka qabaneynaa ayaa la yiri wasiirka imaado isbitaalka ayaa la geeyaa wax laga qabtayne maleh,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in haweenkii ay u dhammaadeen Umul-bax, dadkii kalen ay cuduro u dhammaanayaan, maadaama uusan shaqeynin isbitaalka degmada.

“Naagihii Dhiig-bax ayey u dhamaadeen, dadkii waxay u dhamaadeen shil, cuduro isbitaal la’aan waaye, Qoryooley wey duntay waddo maleh waxbarashadii eber,” ayuu raaciyey.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Mudane Seyd Cali Ibraahim oo ka hadlay xaaladaha ka jira gudaha degmadaasi ayaa xaqiijiyey in isbitaalka guud ee ku yaalla halkaasi uusan heysan daawooyin, qalab iyo dhaqaatiir ku filan, wuxuuna tilmaamay inay u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg-deg ah.

“Hadda isbitaalkii guud ee Qoryooley ma shaqeeyo, sidii la rabayna uma shaqeeyo,” ayuu yiri guddoomiye Seyd Cali Ibraahim.

Qoryooley ayaa ka mid ah degmooyinka faca weyn ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sanado badan gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo saldhigyo ku leh agagaarka degmadaasi, iyaga si weyn u suga amniga guud magaaladaasi .

Daawo: Wasiir Jaamac oo shaaca ka qaaday ujeedka uu ka lahaa heesta “Maanta oo kalena madaxaa na furan”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay heestii uu soo qaaday maalinkii uu dhaarinayey wasiirka cusub ee amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, taas oo markii uu soo dhigay bartiisa Tiktok-ga aad ugu baahday baraha bulshada, dadkuna ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Heesta oo erayadeeda ugu caansan ay ka mid yihiin “Maantoo kalena madaxaa na furan” ayaa abuurtay hadal heyn badan, maadaama uu taagnaa khilaafkan weli jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Heesta Madaxaa na furan fariin bay iga ahayd aniga, qofku suu doono ha u qaato, fariintaas meeshaan rabay way gaartay, oo shacabku sida ay uga falceliyeen waan arkay, marka hada iyaga dhanna shacabka madaxaa wada furan maanta,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa ka mid ahaa wasiirrada saaxiibka la ahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo madaxweyne Lafta Gareen, balse hadda waxa uu u wareegay dhanka ra’iisul wasaare Rooble, taas oo dad badan ay heestiisa ku macneeyeen inay ku kaliftay inuu soo qaado heestaan.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay warar sheegaya in loo diiday inuu olole doorasho u aado deegaanada Koonfur Galbeed oo deegaan doorashadiisu tahay, gaar ahaan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Hoos ka Daawo

Daawo: Deni oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, sheegayna ballan laga baxay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markiisii ugu horreysy ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo weli xal loo la’yahay.

Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Farmajo uu si cad baarlamanka hortiisa ka sheegay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib qalalaasihii April dhacay ee ka dhashay isku daygii muddo kororsiga.

“27-kii May dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan rajeynayaa in heshiiska uu sidiisa u hirgelo, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka uu u guto sidii loogu talo-galay, madaxda kalena, oo madaxweynuhu ugu horreeyo ay fuliyaan wixii ay ballan-qaadeen, oo ay ra’iisul wasaaraha siiyaan fursad uu shaqadiisa ku guro.”

Hadalka Saciid Deni ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo la sheegay in dalka uu u horseeday hoos u dhac dhaqaale iyo amni daro, maadama labada dhinac uu mid kasta ku taagan yahay go’aankiisa.

Waxaa burburay wada-hadallo maalmihii tegay laga dhex-qaday labada dhinac kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in shaqsi isaga ku xiran loo magacaabo taliyaha NISA, sidoo kalena la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xalay sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen.

Farmaajo oo war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Isgoyska Ceel Gaabta.

Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku dhintay qaraxii ay Al-Shabaab maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah gabdhaho walaalo ah oo saarnaa gaari nuuca raaxada ah, waxaana gaari oo guud ahaan bas beelay ka badbaaday halgabar sida ay saraakiisha Caafimaadka u sheegeen warbaahinta.

Al Shabaab dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan. Shalay ayay ahayd markii ismiidaamin ay ka dhacay afaafka Villa Baydhabo.

Gabar ka tirsaneyd xafiiska ROOBLE oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay QARAXA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hibaaq Abuukar Xasan oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta.

Geerida Hibaaq ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.”

“Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la isku kaashado dagaalka ka dhan ah argagixisada.

Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya,” ayuu yiri Rooble. 

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha, ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab.

Dhaawaca ayuu sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Booliska Soomaaliya oo shaaciyey khasaaraha ka dhashay qaraxii Ceelgaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta.

Cabdifitaax Aadan ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab.

Dhaawaca ayuu  sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale xusay in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo saarnaa gaari xilligaas marayey wadada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in khasaaraha uu intaasi ka badan karo, isla-markaana ay weli wadaan tira koob ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka qaraxa ah.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya Muqdisho waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho.

Axmed Daaci oo soo jeediyey in FARMAAJO laga saaro madaxtooyada oo la dejiyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Wadajir, Axmed Xuseen Cadow (Daaci) sidoo kalena ka mid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee sanadkan, balse laga guuleystay ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Muqdisho.

Axmed Daaci oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka.

Siyaasiga caanka ah ee Axmed Daaci oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay haddii ay sidaan kusii socota xaaladda in uu ka dhalan karo gacan ka hadal, ayna tahay in laga hortego.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ayaa ugu baaqay beesha caalamka in Farmaajo ay ka saarto Villa Soomaaliya, ayna dajiso Xalane, si loo qaboojiyo xiisadda.

“Beesha caalamka iyo dowladaha Soomaaliya daneeyana waxaan leeyahay madaxtooyada madaxweynaha ha ka saaraano oo ha dajiyaan Xalane, sida ay hadda xaaladda kusii socoto hadii ay kusii socoto dhibaato ayaa dhaceysa oo gacan ka hadal ah,”  ayuu yiri Daaci.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble inuu go’aan cad qaato, isla-markaana uu ka shaqeeyo dhammeystirka doorashada.

Hadalka Axmed Daaci ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay hakad-galeen wada-hadalladii u dhexeeyey labada dhinac ee ka socday xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda dalka ee dalka & doorashooyinka.

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 10-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

0

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka banaadir qaarkood, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa xafiiska suuq-geynt shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane Axmed Ciise xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay ubaahnaayeen bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga  Waxaan balan qaadeeynaa in todobaadka soo socdo loo tartami doono gaariga Hyundai Waliba nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo waxaan rajeeynayaa in gaariga Hyundai -ga cusub u uku guuleyso qof ka mid ah macaamiisheena Xmar ha joogo ama Gobolada Ha joogo ka Somtel ahaan macaamiisheenu wey inoo siman yihiin meel kasto ay joogaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Xildhibaan idris Cabdi Dhakhtar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan Waxaan si gaar ah uga codsanayaa in shirkaddu xooga saarto deeqda waxbarasho taasoo waxtar u leh ardayda soomaaliyeed Waxaan si dhow ula socday Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 10aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waliba abaalmarino wax tar uleh bulshada soomaaliyeed la gudoonsiiyo Sida Dahab-ka Bajaajka, Gaariga Hyndai Kuwaasoo wax ka taraya shaqo abuurka dhalinta soomaaliyeed Kuwooda wax bartay & kuwa aan mutacalimiinta ah intaba”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane; C/laahi Cali Caamir oo aad u bogaadiyay kalinta shaqo abuurka  shirkadda isgaarsiinta somtel 

“Waxaan bogaadinayaa somtel oo shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiya waxaan bixinay labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan ku faraxsanahay inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed waliba macamiisheena ku guuleysatay qaaliga sida bajaajyada, gaariga Hyundai aan bishii hore macaamiilkii ku guuleystay ku abaalmarinay waa macaamiishii ugu habooneyd ee shirkaddu abaakmariso nasiibkooduna uu saacido marka ay sameeyeen ku shubasho ku hadal ama Data internet-ka Somtel”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay daahir Mxamed Maxamuud oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan

‘Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano”

Waxaa erayo kooban munaasabada ka yiri Jibriil ibraahiim Cali oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah

“Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay  in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darted ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay”

Ugu danbeyntii waxaa Shucuurtiisa Cabiray Shariif xasan Maxamuud oo ku guuleystay Cooking Machine

‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada  oo aan dhawaan qoraayo”

Si kastaba ha ahaatee  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaasoo todobaadka soo socda aan bixin doono gaarigii labad waxaan leenahay ka macaamiisheena ka faa’ideysta ilaa galabta inta laga xusayo macaamiilka guuleeystay waad u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyntii uga shubo adeegga eDahab ama adeegga Easy load

 Waxaa xusid mudan in horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan  Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi badan uguna haboon si shirkadda ajar fara badan ugu hesho”

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa isgoyska Ceelgaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday bar- koontarool oo laga galo dhimshaa xarunta madaxtooyada, kuna ku taalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku burburay gaadiid u badan kuwa raaxada iyo mootooyin nooca bajaajta oo xilligaas marayey isgoyska Ceelgaabta oo ah meesha uu qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo faah faahin horudhac ah ka bixiyey qaraxa ayaa xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari, wuxuuna intaasi ku daray inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan inta uu gaariisanyahay khasaaraha ka dhashay is-miidaamintaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho.

Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah DF Somalia ee loo gudbiyey maxkamada ICC?

0

Hague (Caasimada Online) – Ururka ay ku mideysaniyiin qareennada Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah, fadhigiisuna yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa haatan dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC, taas oo ku taalla magaalada Hague ee wadanka Netherlands.

Guddoomiyaha ururkan Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, isla-markaana la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay Hague u gudbiyeen illaa 4 kiis oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, dadkii lagu dilay Baydhabo, xilligii doorashada ee Lafta Gareen, cunaqabateyntii la saaray Kismaayo iyo arinta dhalinyarada la geeyey Eritrea.

“Kiisaska aan u gudbinay maxkamada dambiyada ee caalamiga ah ayaa kala ah afar kiis oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo, cunaqabateyntii Kismaayo lagu soo rogay oo dhibaato fara badan ay kasoo gaartay shacabka Jubbaland iyo dhalinyarada Soomaalida ah ee loo qaaday wadanka Eritrea,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay maxkamaddu ka aqbashay dacwadda ay ka gudbiyeen dowladda federaalka ah, isla-markaana ay jawaab ka heleen, sida uu hadalka u dhigay.

“Haa afarta kiis waa naga qabteen maxkamadda, jawaabna waan ka helnay in dukumintigaas uu gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Yuusuf Cabdi oo hoggaan u ah qareennada dacwadda gudbiyey ayaa intaasi ku daray in la guda-galo kiisaskan ay ku xiran tahay fursadda maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, isla-markaana ay iyada ka war dhowrayaan, maadaama ay gacanta ku heyso kiisas kale.

“Waxay ku xiran tahay fursadooda, maadaama kiisas badan ay jiraan, iyaga ayaa garanaayo sidii ay kiisaska u kala hormarin lahaayeen,” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Si kastaba, Soomaaliya ayaan xubin ka aheyn maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, waxaana arrintan ay kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka ay ka jirto xiisad xoogan.

Rooble oo joojiyay baahinta muuqaal laga duubay wasiir Dubbe + Qorshaha laga lahaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la joojiyo baahinta muuqaal uu duubay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, kaasoo jawaab u ahaa maamulka Somaliland. 

Wasiir Dubbe ayaa duubay muuqaal jawaab u ah warqad ay dhowaan Somaliland u dirtay xubnaha beesha caalamanka iyo ururada caalamiga, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan Somaliland wax shaqo ah ku laheyn doorashada ka socoto Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay in uu ka jiro maamul fadhiid ah. 

Muuqaalka Wasiir Dubbe ee la joojiyay ayaa ahaa mid u badan hadalo durid ah una badan suugaan si dadban loogu weeraryo Somaliland oo uu wasiirka ka soo jeedo. 

“Hadalkiisa waxaa ku jiray in Somaliland ay tahay maamul gobaleed ka tirsan Soomaaliya, 30 sano oo baadi goob madaxbanaani ay tahay maaweelo lagu seexiyo dadka reer waqooyiga ah oo badankood diyaar u aheyn gooni isu taagga balse ay wataan dad gaar ah ayuu ahaa hadalka Wasiirka,” ayuu yiri qof kamid ah xubnaha maamulka Telefishinka Qaranka oo daawaday muuqaalka. 

“Badanaa wararka xanafta leh maalmahaan waa lala socodsiiyaa xafiiska Rooble, waxaana aad ula socda wararka Telefishinka Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo dad gaar ah oo katirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay oo aan ka gaabsanay baahinta magaciisa. 

Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad ee waqtiga dhamaaday ayaa hadda ka mid Murashaxiinta Aqalka Sare ee lasoo saaray liiskooda doorashada, toosoo todobaadkaan ka qabsoomi doonto Muqdisho sida ku cad jadwalka Guddiga.  

Sababta uu u joojiyay Rooble ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in hadalkaan ay dhibsadaan maamulka iyo bulshada Somaliland oo dhibaatooyin badan ka tabanayey Farmaajo ee 4-tii sano ee uu madaxweynaha ahaa. 

KENYA oo u muuqata inay guuldarro qiratay war cusub-na kasoo saartay kiiska badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin haddii si ka dhan ah ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) u xukmiso kiiska badda Soomaaliya, taasi oo ay qirtay inay u muuqato inay dhici doonto.

Maxkamadda ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku xaqiijisay inay ku dhowaaqi doonta xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021.

Hase yeeshee, Kenya ayaa wacad ku martay inaysan aqbali doonin wax ay ugu yeertay “hanaan sharci-darro ah,” oo maxkamadda ay u martay kiiskan.

“Waxaan ku soconaa malo ah in xukunka uu noqon doono mid naga soo horjeeda. Habka ay maxkamadda u dhaqantay markii ay la macaamileysay Kenya, oo ay ku jirto inay diiday codsiyo dhowr ah oo qiil lahaa, waa waxa noo tilmaamaya,” waxaa sidaas wargeyska Daily Nation u sheegay sarkaal Kenyan ah.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray “Tallaabooyin dhowr ah ayaa la qaaday amni ahaan. Arrintan waa mid leh cawaaqib amniga qaranka ah. Dalka waa inuu xaqiijiyaa amniga iyo badqabka shacabkiisa.”

Sarkaalkan ayaa sheegay, in xitaa Kenya ay aysan aqbali doonin haddii Maxkamadda ay go’aamiso in dhulka la isku hayo loo kala qeybiyo labada dhinac, sababtoo ah buu yiri “waxay ka dhigan tahay in dhul ka mid ah Kenya la dhiibay.”

Kenya ayaa ku doodeysa in maxkamadda ay ula dhaqantay si cadaalad darro, oo ay ku jiraan codsiyo badan oo laga diiday, sida in garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah uu iska casilo maxkamadda.

Cabdulqawi ayaa ahaa madaxweynaha maxkamadda tan iyo 2018, waxaana bishii Febraayo beddelay garsoore Joan Donoghue oo Mareykan ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda ugu dambeeyey15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

Xog: Xafiiska Farmaajo oo ku adkeysanaya inay socdaan wada-hadallada ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeysanaya inay weli socdaan wada-hadallada ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online ayaa og in wada-hadalladaas ay burbureen kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in shaqsi isaga ku xiran loo magacaabo taliyaha NISA, sidoo kalena la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Hase yeeshee, mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa BBC-da u sheegay in wada-hadallada ay wali socdaan, islamarkaana uu filayo inay guul ku soo dhammaadaan.

“Waxaan bogaadineynaa dedaallada ay wadaan guddoomiye Maxamed Mursal iyo madaxweyne Axmed Qoor Qoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.

Xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaan illaa hadda ka hadlay burburka ku yimid wada-hadallada.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xalay sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen.

“Socodsiinta wadahadallada waxaa laf-dhabar u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, isku dayo qaatay in ka badan waqtigii loogu tala galay ayaa lagu bixiyey xal u helidda khilaafkaas, laakiin albaabkaas xalay ayuu soo xirmay, shirarkii iyo dadaaladii socdana xalay ayaa albaabada loo laabay,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sadoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu sheegay in hadda madaxweynaha Galmudug uu ka dhex-baxay dhinacyada, isagoo sheegay in maamul goboleedyada kale ay fursad siiyeen hadii ay xalin karaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed oo kasii daraya

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa ku warramaya inuu ka sii darayo khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ka dhashay kuraas ka mida doorashada Aqalka Sare ee maamulkaasi.

Muranka oo haatan cirka isku sii shareerayo ayaa ka dhashay labada kursi ee ka harsan doorashada Aqalka Sare, taas oo ay isku qabteen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-faham waa uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’uul, kaas oo looga hadlayey xalinta khilaafka dhexdooda ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in Cali Guudlaawe & Dabageed ay kala wataan laba musharax oo u wada tartamaya kursiga beesha Xawaadle, wuxuuna mid kasta uu doonayaa inuu soo saarto musharixiisa, taas oo dhalisay khilaafka haatan hareeyey doorashada Aqalka Sare, oo hakad-gashay sababo la xiriira xiisadda soo korortay.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay xalinta khilaafka ku baxeen guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo ku xigeenadiisa oo waan-waan ka dhex bilaabay labada mas’uul.

Khilaafkan ayaa waxaa uga sii daray, kadib markii ay musharixiinta qaar cabasho ka keeneen hab maamulka loo wajahayo kursiga ay damacsan yihiin in ay u tartamaan.

Doorashada HirShabelle ayaa si habsame leh ku bilaabatay, iyada oo si furan loogu tartamay 6 kursi ee doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.