25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta wax ay ka dhaceen gaaray, kuwaas oo isku geedaamay halkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku taalla bar-koontarool oo laga ilaaliyo dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Waa qaraxii labaad oo 24 saac gudihiis ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.

“Faraha ayaan kala baxnay dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble,” Waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble ay faraha kala baxday, kadib markii ay wadahadalladu ka socon waayeen garabka madaxweyne Farmaajo, waxaana hadda gabi ahaanba burburay rajadii laga qabay in dhinacyadu ay heshiis ka gaaraan khilaafkooda.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen.

“Socodsiinta wadahadallada waxaa laf-dhabar u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiye Maxamed Mursal, isku dayo qaatay in ka badan waqtigii loogu tala galay ayaa lagu bixiyey xal u helidda khilaafkaas, laakiin albaabkaas xalay ayuu soo xirmay, shirarkii iyo dadaaladii socdana xalay ayaa albaabada loo laabay,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Waxuu sheegay in sababta keentay in laga quusto sii socoshaad wadahadallada ay tahay in la waayey haba yaraatee wax isku soo dhawaansho ah, “Si walba oo la isugu dayey waxay isugu soo aruurtay in wax tanasul ah la waayey, xaaladuna waxay aheed mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa,” ayuu yiri.

Sadoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug waxa uu sheegay in hadda madaxweynaha Galmudug uu ka dhex-baxay dhinacyada, isagoo sheegay in maamul goboleedyada kale ay fursad siiyeen hadii ay xalin karaan khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Waqtigii aan ugu tala galnay iyo juhdigii aan ku binay wadahadalaas waxaa socon waayeen, waxaana cadeyneynaa in ay guul dareysteen dadaaladii aan wadnay,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Howlo badan oo hor yaallay maamulkeena Galmudug waxay u dayacmeen in qaranka Soomaaliya uusan jilbaha dhigan, balse hadda waa naga soo afjarantay howshaas, xalkeedana waan keeni weynay.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Fiqi oo hal arrin kula taliyey Rooble kadib fashilkii ku yimid wada-hadallada Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in cidda illaa hadda ay wada-hadallada Farmaajo iyo Rooble ka dhaqaaqi laayihiin madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ogolaaday xalkii ay ula tageen guddigii waday waan-waanta, hase yeeshe uu taas bedelkeed uu ka gows adaygay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Fiqi ayaa kula taliyey Rooble in markale aan waqti lagu sii lumin wada-hadaladaas, oo xal looga gaarayey khilaafka Farmaajo iyo Rooble, oo ku qotomay ceyrintii Fahad Yaasiin, magacaabiistii Bashiir Goobe iyo Kiiska Ikraan Tahliil.

“Waxaa muhiim ah in waqti danbe aan lagu lumin musharax quus ku sii dhow oo raba talada dalka inuu rahmad isaga haysto, RW Rooble waxa la gudboon in waqtigiisa uu siiyo doorashada, Lana bilaabo doorashada golaha shacabka, sanduuquna uu noqdo garsooraha musharixiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku booriyey Ra’iisul Wasaaraha in uu dar-dar geliyo howlaha horyaala oo ay ugu horeyso dhameystirka doorashooyinka, oo qaarkood ay ka billowdeen maamulada dalka.

Si kastaba, sida aan xogta ku helnay, wada-hadalladii xalay dhacay ra’iisul wasaare Rooble wuxuu meel adag ka istaagay laba qodob, halka qodob kalena uu u furnaa inuu aqbalo haddii uu xal iyo heshiis horseedi karo, ayada oo isla qodobka uu ogolaaday uu haddana ka socon waayey dhanka Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ogolaaday in la magacaabo taliye cusub oo NISA ah, oo aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey, balse wuxuu dalbaday inuu noqdo qof la yaqaan oo magac iyo sumcad ku dhex leh Soomaalida oo dhex-dhexaad ah.

Farmaajo ayaa dalbaday in taliyaha laga dhex keeno shaqaalaha NISA ee iminka, taasi oo ra’iisul wasaarah uu diiday, sababo la xiriiro inuu tuhmayo xiriirka ay weli la yihiin agaasimihii hore Fahad Yaasiin, Sidoo kalena taliyaha NISA laga dhigo wasiiru dawlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo saaxiib aad u dhow la ah Fahad Yaasiin, hase yeeshee Rooble ayaa ku gacan seeray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabista Cabdiraxmaan Dheere ama shaqaalaha kale ee NISA ay ka dhigan tahay baabi’inta baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo uu ku sheegay qad cas oo lama taabtaan ah.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka go’an in wasaaradda amniga iyo xilka taliyaha NISA la geeyo shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay, taasi oo ah caqabadda hortaagan in heshiis ay gaaraan labada dhinac.

Xog: R/W Rooble oo xalay daacadnimadiisa uga bad-baaday SHIRQOOL weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ka bad-baaday shirqool weyn oo ay u dhigeen kooxda dhex-dhexaadineysa isaga iyo Farmaajo, sida ay xog cusub ku heshay Caasimada Online 

Waxaa xalay saqdii dhexe ka shifmay heshiis qorsoodi ah oo dhex maray madaxweyne Farmajo iyo guddigii dhex-dhexaadinta ee ay horkacayeen Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Axmed Qoor Qoor, heshiiskaas oo laga qariyey balse Rooble. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiska ayaa u jeedadiisu ahayd in meesha laga saaro awoodda Ra’iisal Wasaare Rooble, Farmaajo-na loo soo celiyo awooddiisii amni iyo siyaasadeed ee uu horay ugu wareejiyay Rooble, dhanka kalena xubnaha guddigaan loogu abaalmariyey adduun lacageed oo aad u badan iyo dhulka DRYPORT-ga ee ku yaalla ka soo horjeedka Airport-ka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 

Guddigan ayaa loo diray in ay Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo dhameeyaan saddex qodob oo kala ah:

1. In la magacaabo guddi soo baara kiiska dacwada Ikraan ee loo haysto hay’adda NISA, maxkamaddana laga soo celiyo kiiska dacwada ay u gudbiyeen ehelada Ikraan Tahliil, islamarkaana Rooble uu amray in la baaro.

2. In Farmaajo u magacaabo taliyaha Nabad Sugida xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo ah nin ay Farmaajo iyo Fahad aad ugu kalsoon yihiin, laguna aamini karo kiiska Ikraan iyo howlaha kale ee Fahad iyo Farmaajo uga baahan yihiin Hay’adda Nabad Sugida, inta doorashada ka dhiman!

3. In wasiir Cabdullahi Maxamed Nuur laga beddelo waaaarada amniga lana geeyo wasaarada ganacsiga. Sidoo kalena Bashiir Goobe laga dhigo wasiiru Dowle. 

Marka guddigu kasoo dhameeyaan sadexdaan qodob Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagula balamay in loogu badali doono:

1. Aduun lacageed oo aad u badan oo lagu qiyaasay malaayiin dollar.

2. In Madaxweyne Farmaajo u saxiiyo xubnaha guddigaas dhulka weyn ee loo yaqaano DryPort ee ku yaalla waddada jayga ee ka soo horjeeda Airport-ka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dhulkaas ayaa gaaraya 86 boos oo midkiiba uu ku qiimeysan yahay 270-300 kun oo dollar. 

Xubnaha guddigaan ayaa u qaybsanaa labo qaybood oo qoloba shaqo gaar ah u xil saarneyd:

1. Xubnaha u xilsaarnaa in Madaxweyne Farmaajo ay ka soo dhameeyaan lacagta iyo dhulka DryPort-ga waxay kala ahaayeen: 

1- Senator Yusuf Geele Ugaas
2- Senator Cabdi Axmad Dhuxulow
3- Xildhibaan Cabdishakur Cali Mire
4- Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere
5- Wasiir Galmudug, Aadan Qoryooley.

2. Xubnaha u xilsaarnaa in Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku soo qanciyaan qorshaha Farmaajo waxay kala ahaayeen:

1- Guddoomiye Maxamed Mursal
2- Madaxweyne Axmad Qoorqoor
3- Wasiir Cabdullahi Carab
4- Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, kooxda Farmaajo loo diray ayaa heshiiska soo ogoleysiisay, halka kooxda Rooble loo diray ay aad ugu qanciyeen ra’iisul wasaaraha in haddii aanu heshiiska qaadan uu dalka burburi karo, taasi oo ra’iisul wasaaraha cabsi gelisay, kuna sigtay inuu aqbalo.

Si kastaba, Rooble ayaa daacadnimadiisa ku baxsaday, waxana heshiiskii qarsoodiga ahaa uu ka fashilmay laba dhinac. 

Dhinaca kowaad ee kashifaadu ka timid waxa uu ahaa Farmaajo oo saxiixa dhulka ku xiray in marka hore heshiiska la saxiixo, islamarkaana Cabdiraxmaan Dheere loo magacaabo Taliyaha Nabad Sugidda, kadibna uu dhulka saxiixi doono.

Dhinaca kale, Wasiir Amniga Cabdulahi Maxamed Nur iyo Taliye Bashiir Goobe ayaa si hoose uga war helay heshiiska waxayna Rooble u sheegeen shirqoolka loo dhigay ee lagu iibiyey, ayaga oo si buuxda ugu sheegay inaysan xil kale ka qaadan doonin haddii uu heshiiskan qaato.

Intii aanu Rooble ka jawaabin heshiiska, ayaa isla kooxdii heshiiska kasoo qaaday dhanka Farmaajo, oo garowsan inuusan ku wanaagsaneyn ballanta, waxay ka adkeysteen inuu horumariyo saxiixa dhulka, haddii kalena aanu heshiis dhici doonin.

Farmaajo ayaa isna dhankiisa ka cabsaday in haddii dhulka uu saxiixo, oo uu Rooble diido heshiiska, aanu ka laaban karin, wuxuuna ku adkeystay mowqifkiisa ah in saxiixa heshiiska la horuamriyo. 

Isla kooxdii u heshiisay Rooble, ayaa sidaas isugu dhacay, wuxuuna ra’iisul wasaaraha ka fakaday shriqoolkaas, isagoo aan wax tallaabo ah qaadin. 

Siyaasiyiin dalab cusub soo jeediyey kadib burburkii wada-hadallada Rooble iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid Musharaxiinta Mucaaridka ayaa dalbaday in guddiga waan-waanta ka dhex wada madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, cadeeyan mowqifkooda.

Waxay sheegen inay lagama maarman tahay in dadkii wada-hadaladaas waday ay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday, si loo ogaado mas’uulka diidan in horumar laga sameeyo arrimaha taagan.

Sidoo kale waxay si wada-jir ah garab istaag ugu muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaga oo ku booriyay in uu hore u sii wado arrimaha doorashooyinka, maadama ay tahay midda keli ah ee xiligan isbedel horseedi karta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga.

Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo.

Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan. Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale yiri: Waa cadeyd in Farmaajo rabin wadahadal iyo tanaasul midna, mana aheyn wax horay looga bartay inuu wax tanaasul ah sameeyo, odaytinimana muujiyo.

Waa ku mahadsan yahay RW Rooble inuu muujiyey wax kasta oo tanaasul ah si xal loo helo ama dadka dadaalada wadahadal waday ay u soo quustaan. Waxaa laga doonayaa dadkii wadahadalada waday inay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday. Sidoo kale waxaa laga doonayaa inay garab istaag buuxa u muujiyaan Raisu wasaaraha.

Raisu wasaare Rooble waxaan u soo jeedinayaa inuu horay u socdo oo uu doorashada dardar galiyo, maadaama ay tahay wada kali ah ee isbadal keeni karta, dalka lagu samato bixin karo, cadaaladna lagu xaqiijin karo.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay aagga Villa Baydhaba ee Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay meel ku dhow inta u dhaxeysa Isbitaal Media iyo Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla xarumo ay degan yihiin saraakiil militari oo ka tirsan dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof soo xirtay jaakadaha qarxa. Wararka horudhaca ah ee ana heleyno ayaa sheegaya in illaa hadda khasaaraha kaliya ee la xaqiijiyey inuu yahay qofkii is-qarxiyey.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

Qaraxa ayaa imanaya laba toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September.

Maxkamadda ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ee Somalia iyo Kenya

0

Hage (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku xaqiijisay inay ku dhowaaqi doonta xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021.

“Fadhi shaaacsan oo ay maxkamadda leedahay ayaa ka dhici doona 3:00pm xarunta Peace Palace ee Hague, markaasi oo madaxweynaha maxkamadda garsoore Joan E. Donoghue uu aqrin doono go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay maxkamadda.

“Ayada oo la eegayo xaaladda COVID-19, kaliya xubnaha maxkamadda iyo wakiilada dhinacyada ayaa jooga doona Hall-ka Cadaaladda. Xubnaha diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo shacabka kale waxay awoodi doonaan inay aqrinta kala socdaan website-ka maxkamadda iyo UN Web TV.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda ugu dambeeyey15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

GALMUDUG oo shaaca ka qaaday cidda fashilsay wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa shaaca ka qaaday sida ay ku fashilmeen wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble, wuxuuna faah-faahiyey waxa dhaliyey fashilka.

Cumar waxa uu tilmaamay in wada-hadalka socday maalmihii lasoo dhaafay in mararka qaar uu soconayay 18-saac, balse aanay jirin natiijo muuqata oo lasoo bandhigi karo wada-xaajoodkaas ay garwadeynka ka ahaayeen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Galmudug ayaa intaas ku daray in dhanka Ra’iisul Wasaaraha uu biseyl siyaasadeed uu ka muuqday balse caqabadda ay kala kulmeen Madaxtooyada Soomaaliya sida uu ku muujiyay Qoraalkiisa oo bannaanka soo dhigay halka uu marayo wadahadalka.

“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu yiri Cumar Shido.

Qodobada la isku mari waayay waxa kamid ahaa, Xil ka qaadista wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Farmaajo ku adkeystay iyo in qof isaga ku dhow loo magacaabo taliyaha hay’adda NISA.

Fashilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad ah ku yimaada wada-hadallo laga dhaxwaday Farmaajo iyo Rooble, waxana muuqata in labada nin kan hore uu doorbidayo in cadaalad aysan helin Ikraan tahliil.

Xog: Ma Rooble ayaa xalay tanaasulay- Sidee u dhaceen wada-hadalladii Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku saabsan inay ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulay qodobo dhowr ah, oo uu qarka u saarnaa heshiis uu la galo madaxweyne Farmaajo ayaa xalay qabsaday baraha bulshada, taasi oo aad u niyad jebisay taageerayaasha ra’iisul wasaaraha.

Hase yeesheee, Caasimada Online ayaa xaqiijin karta in marnaba labada dhinac aysan heshiis ku dhowaan, marka la eego halka ay ka taagan yihiin, islamarkaana inkasta oo Rooble uu isku dayey in si xal loo helo uu mowqifkiisa dabciyo, haddana aanu ka tegin qodobada muhiimka ah.

Haddaba side xalay wax u dhaceen?

Sida aan xogta ku helnay, wada-hadalladii xalay dhacay ra’iisul wasaare Rooble wuxuu meel adag ka istaagay laba qodob, halka qodob kalena uu u furnaa inuu aqbalo haddii uu xal iyo heshiis horseedi karo. Si kastaba, isla qodobka uu ogolaaday ayaa haddana ka socon waayey dhanka Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ogolaaday in la magacaabo taliye cusub oo NISA ah, oo aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey, balse wuxuu dalbaday inuu noqdo qof la yaqaan oo magac iyo sumcad ku dhex leh Soomaalida oo dhex-dhexaad ah.

Si kastaba, Farmaajo ayaa dalbaday in taliyaha laga dhex keeno shaqaalaha NISA ee iminka, taasi oo ra’iisul wasaarah uu diiday, sababo la xiriiro inuu tuhmayo xiriirka ay weli la yihiin agaasimihii hore Fahad Yaasiin.

Farmaajo ayaa kadib soo jeediyey in taliyaha NISA laga dhigo wasiiru dawlaha wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, oo saaxiib aad u dhow la ah Fahad Yaasiin, hase yeeshee Rooble ayaa ku gacan seeray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magacaabista Cabdiraxmaan Dheere ama shaqaalaha kale ee NISA ay ka dhigan tahay baabi’inta baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo uu ku sheegay qad cas oo lama taabtaan ah.

Dhankoodana, kooxda Farmaajo ayaa soo jeediyey in la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo la geeyo wasaarad kale, islamarkaana Farmaajo uu soo magacaabo wasiir amni oo cusub.

Balse, Rooble ayaa sheegay in sida kaliya ee uu wasiirka amniga ugu beddeli karo wasaarad kale ay tahay inuu isaga dalbado, taasi oo wasiir  Cabdullahi Maxamed Nuur uu ku gacan seeray.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in haddii wasaarad kale la geynayo uu is-casilayo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha kadib u sheegay inaanu marnaba beddeli doonin, haddii aanu raali ka aheyn.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka go’an in wasaaradda amniga iyo xilka taliyaha NISA la geeyo shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay, taasi oo ah caqabadda hortaagan in heshiis ay gaaraan labada dhinac.

Xog: Villa Somalia oo xiratay gaari aanay xabaddu karin oo ay siisay Bashiir Goobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo katirsan hay’adaha amaanka iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya in kansashay gaari nuuca aan xabada karin oo hore loo siiyay Janaraal Bashiir Goobe. 

Gaarigaan waxaa bixisay Villa Somalia sanado ka hor, hase yeeshee todobaadyo ka hor ayaa shirkada gaariga laga iibiyay loo diray warbixin sheegeysa in gaarigaan uu u gacangalay Al-Shabaab, waxaana gaariga loo diiwaan geliyay in uu jiro dhinaca Al-Shabaab. 

Xogta la helay ayaa tilmaamaysa in shirkada ay awood u leedahay in ay la socoto dhaq dhaqaaqa gaariga, maadaama u uku shaqeeyo system computer, sidoo kale waxaa jirta xog kale oo sheegeysa in shirkada ay awoodo in ay damiso gaariga inkastoo aysan sugneyn xogtaan dambe. 

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in sababo amni uu isaga dhigay gaari kadib markii la gudbiyay xogta gaariga, waxaana lagu wareejiyay gaari kale iyo ciidan Milateri ah. 

Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ayaa aad u diidan magacaabista Janaraal Bashiir Goobe ee taliyaha nabad sugidda Soomaaliya, waxaana la soo werinayaa in ay saareen culeysyo badan oo dhanka ammaanka ah. 

Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku cadaadisay Bashiir Goobe inuu diido magacaabista Rooble, uuna beddlkeed qaato lacag, balse waa u uku gacan seeray.

Maxkamad dil ku xukuntay Donald Trump iyo Bin Salman

0

Sanca (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku xukuntay 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump iyo dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Maxkamadda ayaa sidoo kale liiska 10-ka ee la xukumay ku dartay Boqorka da’da ah ee Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, waxaana dadka la xukumay loo heystaa xasuuq laba sano ka hor lee geystay arday reer Yemen ah.

Riyaad al-Ruzaami oo ah garsooraha xukunka riday ayaa sheegay inuu seddexdaan eedeysane xukunka ku riday iyagoo ka maqan maxkamadda horteeda isla markaasna mar uun lagu fulin doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Maxkamadda xukunka riday ayaa ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, waxaana xukunka ay soo saartay si weyn u hadal hayo warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Carabta.

Xasuuqa loo heysto 10-kaan qof ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha xulafada Sacuudiga, waxaana sanadkii 2018 lagu beegsaday Bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA.

Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda. 50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Garsooraha Xukunka riday ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan 10-ka la xukumay laga rabo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta.

Dadka kale ee xukanka kasoo muuqday ayaa waxaa kamid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen.

Sawirro: Xarunta labaad ee suuqa HAYAT MALL oo lagu furay magaalada Muqdisho

0

Xaflad lagu furayey Suuqa Hayat Mall oo ah Suuqa labaad ee Hayat market ayaa lagu qabtey Xarunta Suuqaas oo ku taal isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.waxaana ka qayb galey Xildhibaano iyo Wasiiro iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada

Ugu horeyn waxaa Warbixin ku saabsan Suuqaas ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hayat Market Mudane Cabdinuur Guutaale wuxuu sheegey in Suuqaan Dhismihiisa iyo qalabeyntiisa uu soo socdey muddo Afar Sanno ah isagoo sheegey XAYAAT MALL uu yahay Suuq Casri ah oo aad ka heleysid wax walba oo aad u baahato ayna ku dhex yalaan Super Market casri ah, Bank yada , Shirkadaha isgaarsiinta dalka, Hospital da iyo Dahablaha.

Waxaa Munaasabadaas ka hadley Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Furitaanka Suuqaas wuxuun ugu duceeyey Ganacsatada leh Suuqaan in Xoolahooda Ilaah u Barakeeyo

Waxaa kaloo Xaflada ka qeyb galey qaybaha kala duwan ee ganacsatada soomaaliyeed iyo maalgashiyaal caalami ah waxaana ka hadley Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo sheegey Suuqa Xayaat Mall uu Albaabada u Furi doono in Soomaaliya ay la jaan qaado Suuqyada Casriga Adduunka wuxuuna u soo jeediyey in ay ka qayb qaataan Horumarinta Dalka

Gudoomiyaha haweenka Qaranka Batuulo Shiikh Axmed Gabbele oo ka hadashey Xafladaas ayaa u Mahdcelisey Ganacsatadii furtey xarunta labaad ee Xayat waxay sheegtey in Furitaanka Suuqaan uu Calaamad u yahay sida Soomaaliya ay marba marka dambeysa ugu Talaabsaneyso Horumar iyo Nabadgelyo

Sidoo kale Xildhibaanada kala ah Cabdiraxmaan odowaa iyo Cabdixakiim Macalin waxay qireen Gansatada Shiradda Xayaat ay ku soo shaqeeyeen Xaalad adag iyo dhabar adeyg taasoo u suurtagelisey in maanta gaaraan Horumarkaan

Ugu Dambeyn Waxaa Suuqaas Xariga ka jarey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khaliif Cabdi Cumar mahadcelin ka dib wuxuu sheegey in Dowladda ay soo dhaweyneyso Furitaanka Suuqayada noocaan ah sida Xayaat Mall wuxuuna Balan qaadey in Gancsatada Maalgashata Dalka ay u sameyn doonaan Canshuur Dhimis.

Guddiga dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble oo saddex qodob soo jeediyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka socdo wada-hadallo xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wada-hadallada ayaan weli laga gaarin natiijo rasmi ah, balse waxaa haatan socda kulamo iyo dadaallo ay wadaan guddiga ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in guddiga uu kalan gaar ah la yeeshay Farmaajo, isla-markaana ay kala hadleen xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Qodobada laga wada-hadlay ayaa waxaa ka mid ah:-

  • In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga ah ee kiiska dacwadu hor yaallo, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa in marka hore Guddigi uu magacaabay uu shaqeeyo.
  • NISA: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Gen. Bashiir si KMG ah u sii hayo xilka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, balse Farmaajo ayaa diiday wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda.
  • Wasiirka Amniga: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Ra’iisul Wasaare Rooble u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood, sidoo kale Farmaajo waxaa uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale qodobadaan iyo waxyaabaha kale oo uu guddiga dhex-dhexaadinta kala soo kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa loo gudbin doonaan dhanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan cadeyn waxa ka imaan doono dhinaca Rooble.

Si kastaba, arrintan ayaa muujineyso in weli labada dhinac ay kala joogaan meelo aad u kala fog, iyada oo xiisadooda ay saameysay geeddii socodkii doorashooyinka 2021-ka.

Sheekh Soomow oo sheegay arrin aysan diinta ogoleyn oo la xiriira xildhibaanada la dooranayo ee BF (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa sheegay in Diinta Islaamka aysan ogoleyn Dadka ayagu xil doonka ah ee aysan wadan bulshada ay matalayaan ama raali ka aheyn, sida uu sheegay.

Sheekh Soomow oo si gaar ah uga hadlayey doorashada labada Aqal ee BFS oo dhawaan ka bilaabatay dalka, ayaa sheegay in Qofka xiligaan xildhibaanimo isku soo taaga Gabar ama Nin ha noqdeen Diintu raali kama aha, sida uu sheegay.

“Cid soo doonanatay maya, cid lagu dirqinayoo Aqoonteeda/Aqoontiisa fiican tahay aan wasiir ka dhigano Culimada waa ok ayey leedahay, laakiin wiilka/gabadha soo doonta yaan la siin ayaa leenahay,” ayuu yiri.

“Gabar ama Igaar kursiga raba in aan arkeyn iga ballan-qaada, Soomow uma diidin ee Diinta ayaa u diiday, haddaa Diin rabto kursiga aad soo doonantay lagu siin maayo ee waa in lagu keeno.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xuquuqda ay Diintu u sinto Haweenka iyo Ragga, wuxuuna sheegay inay rabaa qof wanaagsan oo umadda u naxa, islamarkaana hogaan u noqon kara.

“Lama ogola Nin/Gabadh lacag la ordeysa, waxaa rabnaa dad qiyam leh oo umadda u naxaya, Soomow uma diidin ee Diinteena sidaas dhahday.”

Si kastaba, Arrinta uu Soomow ka hadlay ayaa inta badan isku khilaafsan-yihiin culimadda, ayada oo ay tahay mas’alo ay culimada si kala duwan u fasiraan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Koox burcad ah oo jabsatay website-ka mid ka mid ah wasaaradaha DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad ah ayaa jabsatay oo la wareegtay website-ka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee moci.gov.so, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga cida ka dambeysa arrintan, balse waxaa gebi ahaanba ka maqan hawada website-ka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxaana kooxda qabsatay ay isku magacaabeen Derakson.

Kooxda qabsatay website-ka ayaa ku qoray luuqado isugu jira Tukish iyo English, iyo farriin ah “ma jiro system ammaan ah.”

Ma jiraan illaa hadda wax dalabyo ah oo kooxda ay soo jeediyeen oo la xiriira arrintan, ayada oo lagu yaqaan inta badan kooxaha jabsaday website-yada inay dalbadaan lacago.

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa aad u kordhay kooxaha jabsada website-yada shirkadaha waa weyn ee caalamka, kadibna dalba lacag malaayiin dollar ah oo marar badan la siiyey.

Wada-hadallada Farmaajo: Shirqool miyaa loo dhigay Ra’iisul Wasaare ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka digay shirqool uu sheegay in uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday u maleegayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in la rabo in Ra’iisul Wasaaraha waqtiga iyo dar-darta laga dilo, islamarkaana lagu furo mowjado kale oo dib u dhiga hanaanka geedi socodka doorashada iyo howlaha uu wado.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay shaqsiga bulshada Soomaaliyeed ku abuuray cabsi amni, doonayana in uu qori caaradii ku maamulo dalka.

“Waxa uu aaminsan yahay (Farmaajo) waddada keli ah ee siyaasad lagu xaqiijiyo ay tahay qori caaradii iyo bambo gaajada ka furan, oo qofka ay ku qarxayso aan la aqoon. Anaga waxaa rabnaa in aan ka badbaadino oo asaga iyo anaga midna ku qarxin, laakiin asaga dan kama laha middaas,” ayuu yiri.

“Ninkaad beri ku baran wayday, bil kuma baratid. Waa iga waaya aragsan yahay qofkii inta sheegay wax gedisan keena. Keliya waxaa la doonayo in RW waqtiga iyo dardarta laga dilo, la daaliyo, dadkiisana la niyad jebiyo, ka dibna la buurto.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hore uga digay Rooble in tanaasul iyo gorgortan uu ka galo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa wajahaya cadaadisyo hor leh oo uga imaanaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo asagu dhawaan soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku dhimay awoodihiisi Dastuuriga ah

Maxaa ka jira in Jamaal lagu xanibay garoonka Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd loo sii galbiyey dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, oo laga soo doorto.

Socdaalka Wasiirka ayaa waxaa iska soo tarayay warar uu maamulka Puntland ku sheegay been abuur, kaasi oo ahaa in afaafka hore ee garoonka lagu celiyay dad soo dhaweynayay Jamaal.

Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa Saraakiisha Amniga garoonka diyaaradaha Garoowe ku eedeyeen in uu ka dambeeyo Wasiirka oo asagu doonaya in uu abuuro jawhareer bulsho.

Waxay sheegen in Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka Soomaaliya uu ujeedo siyaasdeed ka lahaa arrintaas, maadama lagu tiriyo xubnaha sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee is-hayaan Saciid Deni.

Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan, halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin, wuxuuna isu diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga uu hadda ku fadhiyo ee Aqalka hoose ee BFS.

Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa si weyn ay siyaasad ahaan isku hayaan maamulka Saciid Deni, iyagoo marar badan iska weeraray warbaahinta.

Si kastaba, Puntland ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashada golaha shacabka ee heer federaal, taasi oo loolan adag ay u gelin doonaan xubnaha u sharaxan golahaasi.

Kenya iyo Qatar oo uu wada-hadal u billowday ka hor xukunka ICJ ee kiiska badda

0

Doha (Caasimada Online) – Xoghayaha Golaha Wasiirada Kenya, Dr. Fred Okengo Matiang’i oo gaaray magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Khalid Bin Abdulaziz Al-Thani.

Socdaalka Matiang’i ayaa waxay warbaahinta Kenya ku sheegtay in uu la xiriiro heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo ay kala saxiixan doonaan Kenya iyo Qatar.

Hase yeeshe, Matiang’i ayaa farriin uu ka sido Uhuru Kenyatta la wadaagay Amiirka Qatar, taasi oo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxayna ku soo aadeysa xilli la filayo in bisha October 12-keeda ay maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo xukunka dacwada muranka badda.

Matiang’i ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray heshiiska cusub ee lagu wado inay kala saxiixdaan Qatar iyo socdaalkiisa Qatar, ayaa waxa uu ku yiri “Waxay ii tahay sharaf weyn in aan farriin gaar ah oo ka socota Madaxweyne Kenyatta aan gaarsiiyo Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha Qatar.”

“Labadayada dowladood (Kenya iyo Qatar) waxay ku socdaan inay saxiixaan heshiis amni oo dhameystiran oo ku xiran danaha labada dhinac.”

Kulanka Matiang’i iyo Sheikh Khalid ayaa dib u soo nooleynaya tuhun cusub oo la xiriira in dowladda Qatar ay isku dayeyso in heshiis ku saabsan muranka badda kala dhex dhigto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ay hore ugu fashilmatay.

Dowladda Qatar ayaa hore ugu guuleysatay inay demiso xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo dib u soo celisay xiriirkii labada dal oo saameyn ku yeeshay labada bulsho.

Qatar ayaad u dooneysa heshiis dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya, oo laga gaaro muranka badda Soomaaliya, sababtoo ah, dhul badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ayaa waxaa qandaraas shidaal baaris ah ku haysta shirkadda ENI ee Talyaaniga oo Qatar ay saami ku leedahay.

Sawirro: Qeybo ka mid ah Islii oo lagu kala cararay kadib markii la sheegay in qarax…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Suuq wayn oo mall ah oo ku yaala xaafadda Islii, ee magaalada Nairobi, gaar ahaan Yare Tower, oo ku yaalla 12 Steeat ayaa maanta lagu kala cararay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu qarax ka dhici karo halkaas.

Warar horudhac ah, oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in meesha lagu arkay ama looga shakiyay walxaha qarxa, taasi oo keentay in dhammaan shacabka laga saaro.

Waxaa kadib goobta soo gaaray ciidamo aad u badan oo dadka ku war galiyay in laga dhaqaaqo aaggaas, si loo baaro qaraxa laga shakisan yahay.

Ciidamada aagga soo gaaray oo ahaa kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ka hortagga qaraxyada, kuwaas oo watay eeyaha wax u riya, ayaa kadib baaritaan ku sameeyey mall-ka, waxayna kadib xaqiijiyeen in warka ku saabsan qaraxa uu been ahaa.

Ma cadda cidda ka dambeysay wararkan qaraxa ah ee la faafiyey.

Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo laabatay, waxaana shacabka lagu wargeliyey in suuqa uu amni yahay, oo ay ku laaban karaan. Ciidanka ayaa sidoo kale halkaas ka tegay.

Inkasta oo marar badan ay qaraxyo ka dhaceen Nairobi, haddana badanaa ma dhacdo in la beegsado xaafadda Islii, oo ah meel ay aad ugu badan yihiin Soomaalida. Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya 

XOG: Maxaa kasoo baxay kulanka Fahad Yaasiin iyo taliyeyaasha ciidamada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo uu xalay saraakiisha ammaanka isugu yeeray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranla,  sida Yaasiin Farey oo uu dhowaan si KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay agaasimaha hay’addaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka oo uu albaabada u xirnaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ka qeyb-galay kulankaasi oo ah mid xasaasi ah dhamaan laga reebay taleefanada, maadaama shirku ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankani waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee dalka, iyada oo la-taliyaha amniga qaranka uu faray taliyeyaasha ciidamada inay gutaan waajibaadka saaran, isaga oo sidoo kale ku war-geliyey in haatan wixii ka dambeeya ay si toos ah ula shaqeyn doonaan.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu xbunaha ka qeyb-galay kulanka u xaqiijiyey in xalka khilaafka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu dhow-yahay, sidoo kalena ruux aan aheyn Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey loo magacaabi doono taliska hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu ballamay in kulamada ay sii socdaan, si loogu kala warqaado xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan xiisadda taagan ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulankan ayaa u muuqdo mid uu awaddiisa ku muujinayo la-taliyaha amniga qaranka oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu kulankani ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay socdaan wada-hadallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.