25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Lacag la siiyey iyo yaab kale – Cabdiwahaab Cabdisamad oo bixiyey xogta afduubkiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan Somali-Kenyan ah oo si weyn u taageera madaxweyne Farmaajo, kaasi oo dhowaan lasii daayey kadib 10 malamood oo la haystay, ayaa sheegay inuusan aqoonsan karin kooxdii afduubatay.

Sababta waxay tahay in kooxda ay wejiyada qarsanayeen mar kasta oo ay su’aalo weydiinayeen. 

Sida uu qoray wargeyska The Star ee Nairobi, Cabdiwahaab ayaa xubno ka mid ah qoyskiisa iyo saaxiibadiisa kula hadlay gurigiisa oo ku yaalla xaafadad South C ee Nairobi, wuxuuna shaaca ka qaaday qaar ka mid ah waxyaabihii qabsaday intii la haystay.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadkii uu la hadlay, Cadbiwahaab ayaa sheegay in kooxda afduubatay ay aad u danaynayeen xiriiradiisa Soomaaliya iyo amniga gobolka. 

Arrimaha yaabka leh ee uu sheegay ayaa waxaa ka mid ah, in kooxda afduubatay aysan ka qaadan bistoolad uu watay oo ay ku jireen 15 xabad.

Waxaa bastooladda dib loo siiyey markii ay soo dhigeen xaafadda South C habeenkii Axadda. Cabdiwahaab ayaa haysta hub sharci ah, oo dowladda ay diiwaan-gelisay.

Waxa uu sheegay in kooxda afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeeen, ku siiyeen dawooyinkiisa waqtigooda, si wanaagsan u quudiyeen, oo ay siiyeen qol uu salaadda ku tukado. 

“Waxa uu sheegay in mar ay tuseen sawirro laga qaaday safar uu ku tegay Soomaaliya. Dhammaan intii uu joogay Soomaaliya waa la sawiray. Waxayna u muuqatay in sababta loo xiray ay la xiriirto safarkaas,” ayuu yiri xubin ka mid ah qoyskiisa oo la hadlay wargeyska The Star.

 “Waxaan filaa inay tijaabinayeen daacadnimadiisa. Waa Kenyan kasoo jeeda Wajir,” ayuu yiri qofka ehelka ka mid ah.

Cabdiwahaab ayaa sheegay in kooxda afduubatay ay mar kasta weydiinayeen su’aalo ku saabsan amniga Kenya, argagixisada, kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo xiriirada uu ku leeyahay Soomaaliya.

Weli ma uusan go’aansan inuu sharciga la beegsan doono arrimaha lagu sameeyey iyo in kale.

Dadka la kulmay ayaa sheegay inuu u muuqday mid aad u argagaxsan oo welwelsan oo aan diyaar u aheyn inuu arrintan kala hadlo dowladda.

Waxa uu sheegay in markii ay go’aansadeen inay sii daayaan ay ugu waceen mooto bajaaj, kadibna siiyeen lacag 2,000 oo Kenya shilling ah, una sheegaan qofka waday mootada inuu geeyo gurigiisa xaafadiisa South C. 

Booliska Kenya ayaa beeniyey inay ku lug leeyihiin xarigiisa. 

Maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku riday ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimad Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday laba nin oo ajaaniib ah, isla-markaana muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Labada nin ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay kooxda Al-Shabaab ku soo biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii, si ay xoog iyo xeelad-ba ugu biiriyaan Shabaab.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Darren Anthony ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu qeyb ka ahaa weerar kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska, isaga oo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay aheyd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysa.

Ninkan ayaa sidoo kale hay’adaha amniga u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika.

Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo ahaa ninka labaad ee la xukumay, una dhashay wadanka Malaysia ayaa dhankiisa Al-Shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg-dega ah, wuxuu isna ka qayb galay dagaallo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxkamadeynta raggan ayaa heerar kala duwan soo martay, iyada oo 18-kii bishii April ee 2019-kii ay u gacan galeen Puntland, kadibna loo soo wareejiyey dowladda dhexe.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada sida ayaa Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ku kala xukuntay mid-kiiba 15 sano oo xabsi ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, wuxuuna xusay inay heystaan fursad ay ku dalban karaan rafcaan.

Xog: Maxay tahay sababta Cumar Filish uu xilligan usoo gatay hub iyo gaadiid dagaal? 

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog sugan ku heshay Caasimada Online, guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa soo iibsaday laba gaari oo nuuca dagaalka ah. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Cumar Filish uu soo iibsaday hub culus oo u badan BKM iyo Sabano lamana oga sababta ka dambeysa arrintaan, balse waxaa Muqdisho muddooyinkaan ka jira hadal sheegeysa in uu socdo qorshe xilka looga qaadayo guddoomiyaha Gobalka Banaadir. 

Sidoo kale arrintaan ayaa ku soo aaday iyadoo ay magaalada Muqdisho maalmahaan wajaheyso xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil, kaasoo sababay masuuliyiinta dowladda u kala qeybsamaan qaar la safan Farmaajo iyo qaar lasafan Rooble. 

Dhamaan xubnaha maamulka gobalka ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, waxaana jira warar sheegaya in Cumar Filish uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka diidan go’aanada uu qaatay ra’iisul wasaare Rooble. 

Ma cadda, haddii Rooble uu awood u leeyahay inuu xilka ka qaado Filish, hase yeeshee xilal qaadis uu horey ugu sameeyey xubno ku dhowaa Farmaajo ayaa hir-galay sida Fahad Yaasiin iyo Xasan Xundubey.

Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa muddo 2 sano iyo 50 cesho ku magacaaban maamulka gobalka, waxaana lagu eedeeyaa maamul xumo, nadaafad darro gobalka ah iyo musuq-maasuq badan. 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ka cudur daartay arrin uu usoo jeediyey Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa, sida ay ogaatay Caasimada Online, ka cudur daartay amar uu siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo ahaa dhaarinta wasiirka cusub ee amniga Qaranka Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Inkastoo dhaarinta Wasiirka ay aheyd 9-kii September ayaa haddana xog cusub oo aan helnay waxay xaqiijisay in ra’iisul wasaare Rooble uu ku guul dareystay in guddoomiyaha Maxkamada Sare uu dhaariyo Wasiirka amniga, kadib markii uu Guddoomiyaha sheegay in ay ku adagtahay arrintaas. 

“Guddoomiyaja waa u yimid Rooble waxa uuna kaga cudurtay amarkaas, sababta waxa uu ugu sheegay in uusan awoodin ka qeybgalka dagaalka siyaasadeed, waxa uuna codsi in laga daayo in laga aqbalay,” ayuu yiri wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin 

Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur waxaa lagu badalay Xasan Xundubeey Jimcaale, waxaana dhaariyay wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyadoo uu dood ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Baashe ayaa maalmihii dhowaa dhowr mar ka qeyb-galay kulamo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dhex-maray Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, oo looga hadlayey arrimaha doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi.

Xog: Ahlu Sunna oo muddo kadib dhaq-dhaqaaq ciidan ka billowday gobollada dhexe

0

Guriceel (Caasimada Online) – Xoogag u daacad ah Ahlu-Sunnadii Gobolada Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, maalmo kadib markii madaxda kooxdaas ay dib ugu soo laabteen gobolka.

Ahlu-Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobolada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaadkii hore lagu arkay Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu-Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barbar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu-Sunna deegaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaasha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siyaasiga ee Ahlu-Sunna, loogana hortaggo Shabaabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Galgaduud. Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabileen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maamulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuusamareeb.

General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu-Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isagoona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galmudug.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu-Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xeraale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogagan ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deegaano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, halka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka.

Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu-Sunna ee gobolka ayaa Talaadadii waxay Saraakiisheeda Ciidamada meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulmeen odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Balihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka.

Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu-Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga dareemay deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamareeb. Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galgaduud ugu weyn ee Ugaas Nuur.

Ahlu-Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, waana taas midda keentay in ay Shabaabku ka caagaan dhulkii ay Ahlu-Sunna ka arrimineysay, muddadii laba iyo tobanka sano ahayd.

 

Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya oo shaaciyey hab ay Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah

0

Washington (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Stephen M. Schwartz, ayaa ka hadlay dariiqa Somaliland u mari karto aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Beesha Caalamka, iyo caqabadaha hadda haysta..

Mr. Stephen M. Schwartz oo Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta Somaliland Chronicle, ayaa sheegay in Somaliland Muddadii 30-ka sano ahayd ee u dambeeyay qabsatay shaqooyin waaweyn, kuwaasi oo loo baahan yahay inay sii waddo.

Diblumaasigan ayaa ka warramay xidhiidhkii uu Madaxda Somaliland la lahaa xilligii Maraykanka u fadhiyey Magaalada Muqdisho iyo shaqooyin dhex maray, waxaanu yidhi “Somaliland waxay qabatay shaqo aad u weyn, maalgelin iyo joogtaynta dhammaan hawlaha dawladda. Sidaas darteed, qof kasta oo doonaya in uu ganacsi la sameeyo Somaliland waa in uu la macaamilaa maamulkeeda iyo awoodeeda.”

Ambassador Stephen M. Schwartz wuxuu sheegay oo kale “Intii aan xilka hayey, aniga iyo shaqaalaha safaaradda waxaan si wanaagsan uga wada shaqaynnay madaxda Somaliland arrimo badan. Waxaan la macaamilnay mas’uuliyiinta iyo hay’ado lahaa awood wax ku ool ah oo xakameeya xaaladaha aan ka shaqaynay. Waxaan xusuustaa hal arrin oo muhiim ah oo ku lug leh caawinta muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku nool Somaliland taas oo tiro ka mid ah saraakiisha Somaliland ay bixiyeen kaalmo muhiim ah,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray oo uu ka hadlay sida uu u arko in Somaliland ku heli karto Ictiraaf Caalamo ah “Su’aasha ah in madax-bannaanida Somaliland uu caalamku aqoonsado, ayaa sida cad mudnaanta koowaad u ahayd  mas’uuliyiinta Somaliland muddo 30 sano ah. Aragtidayda, oo aan la wadaagay madaxda sare ee Somaliland, ayaa ah in sida ugu wanaagsan ee yoolkooda loo fulin karo ay tahay heshiis wada-hadal oo lala galo dawladda Soomaaliya.”

Mr. Schwartz oo hadalkiisa sii wata ayaa bixiyey Tusaaleyaal arrintaa la xidhiidha “Dhammaan dawladaha cusub ee kuraasida ka helay Qaramada Midoobay, go’aaminta ugu dambaysa ee aqoonsigooda caalamiga ah, waxay ku heleen oggolaanshaha dawladihii hore ee ay ka tirsanaayeen. Tusaaleyaashii ugu dambeeyay waa Itoobiya oo ogolaatay madaxbannaanida Eritrea, Suudaan waxay ogolaatay madax-bannaanida Koonfurta Suudaan, Indonesia waxay oggolaatay madax-bannaanida Timor Leste, Serbia waxay oggolaatay madax-bannaanida Montenegro. Taas bedelkeeda, Serbia ma oggolaan ku dhawaaqistii Kosovo ee madax-bannaanida in kasta oo ay aqoonsadeen ku dhawaad ??100 dal, Kosovo ma fadhiyo Qaramada Midoobay ee waxay la halgameysaa sidii ay u gaadhi lahayd madaxbannaani buuxda, sidaa darteed Haddii wada xaajoodyada lala yeelanayo mas’uuliyiinta Muqdisho ay horseedaan madaxbannaani, waxa aan dhici karin ayaa ah in Muqdisho ay sii dheerayso go’aaminta maqaamka Somaliland, iyada oo diidan inay gasho wada xaajood dhab ah.”

Ugu dambayn, Diblumaasigan Ameerikaanka ah oo la waydiiyey wuxuu kula talinayo Somaliland, si ay yoolkeeda u gaadho, ayaa ku jawaabay “Waxaan u malaynayaa in waxa ugu wanaagsan ee Somaliland samayn karto si ay ula falgasho adduunka uu yahay inay sii waddo hagaajinta arrimaheed gudaha. Dhisidda dawlad leh nabadgelyo iyo ku-dhaqanka sharciga, dhaqaale xoog leh oo koraya, dad caafimaad qaba oo waxbartay, iyo kaabayaal wax-soo-saar leh, kaasi ayaa u noqon lahaa adeeg weyn dadka reer Somaliland. Waxay sidoo kale soo jiidan doontaa ganacsiyada dowladaha ka baxsan (Maalgeshiga)…” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa sii raaciyey in Somaliland ay Maraykanka ku leedahay martabad weyn “Somaliland waxay ku leedahay matalaad aad u karti badan Maraykanka, taana waxaa sii xoojin kara booqashooyin heer sare ah oo marmar ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha labada dawladood.”

Isha: Wargeyska Geeska

Maxaa looga hadlay shirkii xalay ay yeesheen Rooble iyo madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay ku qabsoomay qadka Zoomka, kaas oo looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shirkaas waxaa xalay diiradda lagu saaray dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo shirka ka qeyb galay.

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in la isku soo hadal qaaday in goluhu shir isugu yimaado, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Shirkaan ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo la baajiyey shir kale oo madaxda dowlad goboleedyada ay horay u iclaamiyeen in Talaaladii shalay lagu qabto magaalada Garowe.

Sida aan xogta ku helnay qabsoomidda shirkaas ayaa gabi ahaanba meesha laga saaray, kadib markii uu dhibsaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah shir guddoonka golahaan wadatashiga qaran ee go’aamiya habsami u socodka doorashada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay duleedka BARAAWE + Khasaaraha

0

Baraawe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee caasimada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay tuulada Ambareeso, gaar ahaan xero ay halkaasi ku leeyihiin maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleyda oo la dagaalama Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa 7 ka mid ah maleeshiyaadka ku sugnaa halkaas, sida uu shaaciyey Aadan Cumar Madoobe oo madax ka ah xeradaasi.

Sidoo kale Aadan Cumar oo ah guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe ayaa ku eedeeyey qaraxan inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay kordhin doonaan dagaalka ay kula jiraan ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay ka qeyb-qaataan howl-gallada ka socda gobolka, si loo xoojiyo nabad-gelyada guud ee deegaanka.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay mid kale oo khasaare geystay uu ka dhacay bartamaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan Shabeelaha Hoose, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay la beegsato ciidamada ka howl-gala gobolkaasi.

Algeria oo qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Morocco

0

Algeria (Caasimada Online) – Golaha amniga ee dalka Algeria ayaa Arbacadii go’aamiyay in hawada dalkeeda laga xiro dhammaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga ee waddanka Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada Algeria, wax ka yar bil kadib markii ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Morocco.

Bayaan ay soo saartay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid “daandaansiga sii socda iyo dhaqamada cadaawadda leh ee dhinaca Morocco”.

Xiritaanka hawada Algeria ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya diyaarad kasta oo sidata numberka diiwaangelinta Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas, kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay inaysan jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca Morocco, waxaana Ilo ka tirsan diyaaradda Royal Air Maroc ay sheegeen in xiritaanka hawada u saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar.

Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xiritaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka.

Algeria ayaa dabayaaqadii bishii hore waxay go’aansatay inay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Morocco, iyadoo ku tilmaamtay “falal cadaawad leh” oo uga imaanayay Boqortooyadan, waxaana Algeria tixraacaysay hadalladii uu ergayga Morocco ee New York ka sheegay inay doorbidayaan madax-bannaanida gobolka Kabylie ee Algeria.

VOA

Daawo: Ehalladii dadkii ay laayeen ciidanka Amisom oo ku dhowaaqay in Axadda ay weerarayaan xerada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada dadkii beeraleyda ahaa ee ciidanka AMISOM ay ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose aya soo saaray go’aan cusub, kadib 43 maalmood oo banaanbaxyo toos ah ay ka wadeen gobollada Shabeelooyinka iyo Banaadir.

Xuseen Cismaan Waasuge, waa afhayeenka beeraleyda gobolka Shabeellada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hadda go’aansadeen in gacmahooda ay cadaaladda ku raadsadaan oo la dagaalamaan ciidanka Uganda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

“8-qof ayaa nalaga dilay hadda waxaan diyaar u nahay inaan u aarno dadkeenii oo caadaladda aan gacmaheena ku raadsano, kala ma naqaano AMISOM, laakiin 8 ka mid ah ayaan u dileynaa,” ayuu yiri Xuseen Waasuge.

Waxa uu sheegay inay la kulmeen saraakiisha AMISOM 19-kii bishaan, oo ay u qabteen 3-maalmood inay jawaab uga helaan, balse AMISOM ay ka codsatay todoba maalmood oo ku eg maalinka Sabtida ee soo socota ee 25-ka bishan.

“Maalinta Axadda ah beeraley waxay u balansan yihiin inay galaan xerada AMISOM ee Golweyn, hadii aan jawaab ka weyno ugu dambeyn Sabtiga, waan dagaalameynaa gacanteenna ayaan ku raadsan doonaa cadaaladda,” ayuu yiri.

Xuseen Waasuge waxuu intaas ku sii daray, “Waxaa naga go’an in dadkii na xasuuqay aan ka aar gudano. Beeraleydu ma ahan dad hubeysan, laakiin markii 500 oo qof aan xerada ku galno, oo 100 naga mid ah ay dilaan, inta kalena ay qoryaha la qabsato, sidaas ayaan rajeyneynaa inaan ku leyno. Ilaahey hadii uu idmo.”

Waxa uu sheegay inay AMISOM ka warqabto caradooda iyo culeyska ay arrintaan ku reebtay.

“Dowladda Soomaaliya, guud ahaan  shacabka iyo culumada Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa inay naga go’antahay inaan dagaalanno, cadaalad aan aheyn inaan sideed askari oo Ugandeys ah aan dilano kuma qanceyno,” ayuu hadalkiisa ku siidaray.

Sidoo kale Afhayeenka beeraleyda Shabeellada Hoose waxa uu sheegay in maalinka Axada ah ee 26-ka bishan ay ka go’antahay inay dhamaadaan, isagoo ugu baaqay cidii gacan sii karta inay deg deg ula soo gaarto garab istaageeda.

43-kii cisho ee la soo dhaafay waxaa qaboojiye ku jiray oo weli ku jira meydadka dadkii ay AMSIOM ku leysay Golweyn, kuwaas oo ehelladoodu ay wacad ku mareen in aan la aasi dooni ilaa loo helo cid loo aaso ama lala aaso.

Hoos ka daawo afhayeenka beeraleyda Sh/Hoose

Go’aankii wasiirka cusub ee amniga oo caqabad wajahaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u ogolaatay qoyska Ikraan Tahliil Faarax iyo shacabka Soomaaliyeed inay dhigaan dibad-bax nabadeed oo cadaalad loogu raadinayo Ikraan oo NISA shaacisay inay dishay Shabaab.

Wasiirka cusub ee amiga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda oo cuksaneyso dastuurka dalka ay qoyska Ikraan Tahliil Faarax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xilka wasiirka amniga uu dhowaan u magacaabay Rooble ayaa sidoo kale xusay in cidkasta oo ka hor imaado banaan-baxaasi ay xukuumadda u aragto inay kasoo horjeedo cadaalad u helidda Ikraan Tahliil, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaalmeenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jirtay mana aqbaleyno,” ayuu yiri wasiirku.

Hase yeeshee, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa kasoo horjeestay tallaabada wasiirka amniga, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay arrin qar iska tuurnimo ah.

Waxa uu xusay in ka gobol ahaan aysan aqoonsaneyn wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur, sidoo kalena uusan ka heysan wax ogolaansho ah, sida uu isna hadalka u dhigay.

“Nin kursigiisa lagu muransan-yahay inuu yiraahdo dadka way banaanbixi karaan waa arrin qar iska tuurnimo ah laamaha amniga gobolkana ma aqoonsano anagana ogolaansho nagama heysto.”

Haddaba Amarka wasiirka amniga iyo go’aanka maamulka gobolka midkee dhaqan-galaya?

Labada nin ayaa awood ahaan marka la’eego waxaa saameyn badan wasiirka amniga oo heer federaal ah, halka guddoomiye ku-xigeenka uu yahay mas’uul heer gobol ah.

Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ah nin aad ugu dhow ra’iisul wasaaraha, halka dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka uu taageero weyn u yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo qeyb ka ahaa ololihiisa doorashada ee 2017-kii.

Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya go’aanada iska soo horjeeda ee ka soo kala baxay labada nin, waxaase shacabka aad u soo dhoweeyeen hadalka wasiirka cusub ee amniga ee qoyska Ikraan Tahliil u ogolaaday dibad-baxa nabadeed.

Si kastaba, waxay arrintu ku xiran tahay natiijada kasoo baxda wada-hadallada ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo haatan maraya meel xasaasi ah, isla-markaana ay yihiin wada-hadaladu kuwa haatan sii soconaya.

Madaxweyne Farmaajo oo ballan-qaad cusub kasoo saaray doorashada (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sameeyeey ballan-qaad cusub oo la xiriira in doorashada dalka ka dhaceysa ay noqon doonto mid xor oo xalaal ah.

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Hadalka Farmaajo ayaa imanaya ayada oo dalka uu sanadkii iyo barkii ugu dambeeyey ku jiray xasarado ka dhashay doorashada dalka, kadib markii Farmaajo uu isku dayey inuu sameysto muddo kororsi, sidoo kalena qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu arbushayo in dalka ay ka dhacdo doorasho uusan ku shuban.

Waxa uu sidoo kale faro-gelin qaawan ku sameeyey maamul goboleedyada dalka iyo guddiga doorashada, taasi oo horseeday in dad badan ay ka quustaan in dalka ay doorasho ka dhacdo inta uu Farmaajo ku dhex sugan yahay Villa Somalia. 

Hadalka madaxweynaha ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli muddooyinkii u danbeeyey uu khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble,iyada oo dad badani ay u arkaan, in khilaafkani wakhti kale dib u sii dhigi karo hannaankii doorashada.

Dhanka kale, waxaa muddooyinkii u danbeeyey socday doorashooyinka aqalka sare, xilli ay maamullada qaar weli aanay soo dhammaystirin xubnaha ku meteli doona aqalka sare.

Hoos ka daawo khudbadda Farmaajo

Somaliland oo qoraal caro leh u dirtay caalamka kadib warkii kasoo baxay xafiiska Rooble

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadashay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku matalayo Gobolada Waqooyiga, iyadoo qeylo dhaan u dirtay beesha caalamka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo labadaba kasoo jeeda gobollada waqooyi, ayaa shalay ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare Somaliland.

“Dowladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri wara saxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay inay tahay dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbiqu doortaan cidda ku matalaysa qolayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose.

“Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbiqu doortaan cidda ku matalaysa qolayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa xustay inay siyaasiyiinta Soomaalida ah uga digeyso sheegashada beenta iyo khiyaaliga ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

“Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadayo xilli Shalay lasoo saaray liiska musharixiinta ku tartamayo xubnaha Aqalka Sare ku matalayo Gobolada Waqooyi.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran

 

 

 

Xog: Wasiir ka tirsan DF oo magaalada Baydhaba looga mamnuucay sabab yaab leh

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydbaba ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in uu khilaaf culus soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur. 

Khilaafkaan oo muddo soo taagnaa ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu gaaray meel sare, kadib markii xog lagu helay in Madaxweyne Laftagareen uu amray in uusan Baydhaba imaan karin Wasiirka Cadaalada Soomaaliya. 

Khilaafka Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaalada ayaa dhashay kadib markii Wasiirka uu safar aysan ka war qabin madaxda Koonfur Galbeed ku tagay degmooyin ka tirsan gobalka Bakool. 

Wasiirka ayaa safarkii ugu dambeeyay ee gobalka Bakool waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Murashax Xildhibaan isagoo boorar ku dhagsaday degmada Waajid, wuxuun intii uu joogay Bakool eedeeyey maamuladii Koofur Galbeed ee Shariif Xasan iyo kan hadda ee Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay in wasiirka ugu goodiyay in uu yimaado Baydhaba. “Kursigaaga waxa uu yaalaa Baydhaba, Bakool ma laguugu dooran doono, Baydhabana ma ahan meel la iska yimaado ee taas ku xisaabtan,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen, sida ay noo sheegeen  xubno ku dhow dhow Wasiirka Cadaalada Soomaaliya. 

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa booska uu joogo waxaa geeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya lamana oga waxa uu kala kulmi doono khilaafka soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweyne Laftagareen. 

FIQI oo WEERAR culus ku qaaday Cali Yare: “Haddii xil loo dhiibo qof aan u qalmin sug saacadda qiyaamaha”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in calaamadaha Aakhiro Zamaanka ay kamid tahay Guddoomiye ku xigeen Gobol oo subax kasta usoo shaqo tagayo sidii uu wax uga sheegi lahaa Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.

Fiqi ayaa soo qaatay xadiith laga wariyey Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee kaasoo ahaa: اذا وسد الامر لغير اهله فانتظر الساعة

Kaasoo micnihiisa yahay “Haddii Arrinta (Xil) loo dhiibo qof aan u qalmin sug Saacada Qiyaamaha.”

Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa wuxuu si toos ah ugu socday guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshada ku weerarayey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cali Yare, oo ah nin aan aqoon maadi iyo mid diini ah toona laheyn, ayaa kamid ahaa dadkii qeybta ka ahaa ololahii doorashada ee madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna qaabilsanaa isku soo bixinta dadka.

Kadib sanado uu xil ka weysanaa Farmaajo, ayaa mar dambe xilligii dhammaadka muddo xileedka Farmaajo loo dhiibay xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Marka + Khasaaraha

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay bartmaha magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay garaashka Cawaale oo ku yaalla agagaarka saldhigga Booliska ee magaalada Marka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa, kadib ay rasaas fureen ciiidamada ammaanka oo goobta gaaray, kuwaas oo haatan bilaabay baaris la xiriirta dhacdadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse waxaa weli socda baaritaano ay wadaan hay’adaha ammaanka.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay waxaa qaraxan ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray Saciid Jalbow iyo sidoo kale ninkii diyaarinayey miinada qaraxyday.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qaraxan uu saameeyey dhaq-dhaqaaq xaafadda Wadajir ah oo ah meesha ay wax ka dhaceen.

Ammaanka Marka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid degan, waxaana ka howl-gala ciidamada milatariga iyo kuwa sugidda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Daawo: “Mareexaan masuul kama aha wixii uu Farmaajo haleeyo,” waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Cabdiweli Cabdullahi Maxamuud oo ah Afhayenka Golaha Aayo ka talinta Jubbalnd oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa sheegay in beeshiisu aysan masuul ka ahayn wixii uu geysto madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadda khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu horeyn Nabadoonka ayaa umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey dulqaadka ay muujiyeen intii uu xukunka joogay Madaxweyne Farmaajo, oo nin fashilmay uu ku tilmaamay.

“Anaga beesheena Mareexaan waxaan degnaa gobollada Gedo iyo Galgaduud, 30-sano ka hor markii dadka Soomaaliyeed isagu tageen oo eryeen madaxweyne Maxamed Siyaad cuqdadii na gashay waxay naga baxday markii Maxamed Farmaajo la doortay ee Soomaali yar iyo weyn ay gacmo iyo qalbi furan ku soo dhaweysay,” ayuu yiri Nabaddoon Cabdiweli Cabdullahi.

“Waxuu idinkugu abaal guday sidii aan kuugu lisay iiguma aadan hambeyn, ee Soomaaliyey naga raali ahaada, anaga hal qarni oo hadda kadib ah ninkii cuqdad dambe idiin qaada nagama dhalan,” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa soo jeediyey in dhegaha laga fureysto Farmaajo oo dadku ay doorashada xoogga saaraan, iyagoo garab istaagaya Ra’iisul wasaaraha.

“Asaga iyo xumaanta uu goobaayo halkooda go’doon ha ku ahaadeen, dowladnimada yar inuu na dhaafiyow rabaa, yaan la garab siinin Farmaajo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Nabadoon Cabdiweli ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay mar dhaw ku baraarugeen hagar-daamada Farmaajo, balse reer Jubbaland uu ku bilaabay isagoo hal sano joogin xukunka.

Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa cadaalad u rajeeyey Ikraan Tahliil, “Xukun faashil ah ma raago, ee dul qaata Soomaaliyey Alle nama moogee.” Ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Ganacsato Soomaali ah oo Turkey lagu xiray lagana soo masaafurinayo + Sababta

0

Ankara (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo laga xiray goobo ganacsi oo dalka Turkiga ay ku lahaayeen, kuwaas oo Khamiistii lasoo dhaafay ay xabsiga dhigeen ciidamada booliska dalka Turkiga.

Caasimada Online waxay ogaatay in tirada dadka Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Turkiga ay gaareyso 9-qof oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo qaarkood heysta baasabooro dalal kale, sida Ingiriiska iyo Canada.

Sidoo kale dadkaan qaar shaqaale ayey ka ahaayeen goobaha ganacsiga ee albaabada loo laabay, halka qaarna ay ayagu ahaayeen milkiilayaasha ganacsiyada la xiray.

Sida aan xogta ku helnay, sababta loo xiray dadkaas, islamarkaana loo mamnuucay ganacsiyadooda ayaa ah inay dalka ku soo galeen Fiisooyin isugu jira dalxiis iyo ardaynimo oo deganaasho lagu siiyey.

Sharciga dalka Turkiga ma ogolaanayo in dad u yimid dalxiis ama waxbarasho ay dalka ka furtaan goobo ganacsi, sidoo kale sharcigu uma ogolaanayo dadkaas inay ka shaqeeyaan gudaha Turkiga.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa la sheegay inay shalay ku guuleysatay in xabsiga laga soo daayo 9-kaas qof ee Soomaalida ah, kuwaas oo intii ay xabsiga ku jireen laga saxiixay in 30-cisho ay dalka uga baxaan.

Marar badan ayaa la sheegay in booliska Turkigu uu u digay ganacsatadaas Soomaaliyeed ee hadda laga xiray goobohoodii, waxayna dowladdu horay uga dalbatay inay sharciga bedeshaan oo ay qaataan Iqaamada shaqada.

Hase yeeshee Caasimada Online waxay ogaatay in shuruudaha lagu helo kaarka shaqada iyo gacansiga ee dalka Turkiga ay adag yihiin oo kharash badan looga baahan yahay, taas oo ku kaliftay ganacsatadan in digniinaha uga imaanaya dowladda ay dhegaha ka fureystaan.

Sidoo kale xubno ka tirsan safaaradda waxay noo sheegeen inay dowladda kula doodeen in dadkaas aan la tarxiilin oo dalka aan laga saarin, maadaama hanta badan ay ka taalo gudaha dalka.

Sidoo kale Safaaradda ayaa qabatay qareeno, si dadkaan Soomaaliyeed loogu doodo inay dowladdu siiso fursad ay ku soo dhameystirtaan waxa ka dhiman iyo shuruucda looga baahan yahay, maadaama qaarkood hanti badan ay dalka u taallo.

Maxay tahay sababta ay maxkamadda ciidamada u baari la’dahay kiiska Ikraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cadbiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo markale war qoraal ah ka soo saaray xaaladda cakiran ee dalka ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha ku geedaamay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee ka taagan Muqdisho.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aallo ka keenay sababta ay illaa iyo hadda tallaabo u qaadi la’dahay maxkamadda ciidamada oo loo gudbiyey kiiska Ikraan.

“Maxay maxkamadda iyo xeer ilaalinta ciidanka u dhaqaaji la’yihiin kiiska dacwadda Ikraan Tahliil. Ma baaritaankii ayaa laga hor istaagay? Ma wadahadalka siyaasadeed ayey ka war sugayaan? Mise cabsi ayey qabaan?” ayaa qoraalka ku yiri siyaasiga caanka ah CC Shakuur.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida looga baahan-yahay inay iska wareejiyaan tuhunka haatan laga qabo, isaga oo sidoo kale ka dalbaday in caddeyaan waxa ka hortaagan inay guda-galaan kiiska ‘dilka’ ah ee Ikraan.

“Waa in ay tuhunka iska wareejiyaan oo ay shacabka u caddeeyaan waxa ka hortaagan gudda galka kiiska dacwadda,” ayuu markale yiri musharrax madaxweyne Warsame.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo illaa iyo hadda aysan wa tallaab ah oo muuqda qaadin maxkamadda ciidamada oo ay kol hore qoyska Ikraan Tahliil Faarax u gudbiyeen dacwad ka dhan ah saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida Soomaaliya.

Si kastaba, kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa noqday mid culus, wuxuuna xiisad ka dhex abuuray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Afar arrin oo uu sameyn karo Fahad Yaasiin kadib markii uu kusoo noqday Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa shalay gaaray agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo dhawaan loo magacaabay la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweyne Farmaajo.

Jimcadii ayay hadal-heyn xooggan ka dhalatay arrinta ku saabsan safarka Fahad oo ka imaanayay Turkiga kaddib markii diyaarad uu saarnaa dib looga celiyay maagalada Jabuuti.

Fahad ayaa Muqdisho ku gaaray diyaarad khaas ah oo la sheegay inay ka soo qaadday Turkiga.

Ilaa iyo hadda lama oga in diyaaraddii wadday ay xogta duullimaadkeeda lasii wadaagtay mas’uuliyiinta ku sugan garoonka ka hor inta aysan soo cago dhiganin.

Imaanshihiisa ayaa ku soo aaday xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sabtidii waxaa baaqday shir ay ku ballansanaayeen guddiga amniga qaranka, kaas oo la filayay in Fahad Yaasiin uu ka qayb galo, kana jeediyo warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Gabadhaas ayaa ka mid ahayd saraakiisha hay’adda sirdoonka, balse waxaa la waayay 26-kii bishii June, ilaa haddana meel laguma sheego, in kastoo dhowaan la shaaciyay in Al-Shabaab ay dishay, taas oo ah tallaabo ay beeniyeen.

Haddaba waxaan eegeynaa howlaha horyaalla Fahad ee uu ku dhaqaaqi karo karo maadaama uu dib u soo noqday.

Korneyl Shariif Xuseen Roobow, oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da u sheegay in arrimaha la gudboon agaasimihii hore ee NISA ay ka mid yihiin afar waxyaaboob:

1-La wareegista Xilka la-taliyaha amniga

Markii uu horaantii bishan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada ka joojiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaa durbadiiba madaxtooyada kasoo baxay wareegto uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu magacaabay Fahad inuu noqdo la-taliyahiisa amniga qaranka.

Qoraalka Farmaajo waxaa lagu sheegay in Fahad uu iska casilay xilkii hore, walow tallaabada Ra’iisul Wasaaraha loo fasiranayay inay ka careysiisay madaxweynaha.

Maadaama uu Fahad dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxyaabaha laga filan karo waxaa ka mid ah inuu la wareego xilkaas.

Hase yeeshee Korneyl Shariif Xuseen Roobow oo mar horay uga tirsanaan jiray hay’adda Nabad sugidda ayaa aaminsan in booska cusub ee Fahad “uusan ahayn mid saameyn ballaaran leh”.

“Hadda awooddii hore ma yeelan doono, ciidankii hay’adda NISA maamulkoodana wuu ka wareegay gacantiisa,” ayuu yiri.

Sidoo kale, howlaha u yaalla waxaa ka mid ah inuu wareejiyo xilkii hore.

Maxay tahay shaqada la-taliyaha amniga?

Sida aan ka soo xigannay xarunta cilmi baarista waxbarashada Mareyknaka ee Mastersclass, xilkan waa mid aad muhiim ugu ah xafiiska madaxweynaha.

Howsha la taliyaha amniga waa:

  • Inuu madaxweynaha ka caawiyo go’aan qaadashada la xiriirta arrimaha amniga qaranka, gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, gaar ahaan amuuraha khuseeya amaanka.
  • Inuu soo diyaariyo xogta kooban ee madaxweynaha laga siiyo arrimaha amaanka qaranka ee markaas taagan iyo qorsheyaasha.

Marka laga soo tago inuu talooyinka noocaas ah siiyo madaxweynaha, waxa uu la taliyaha amniga xubin ka yahay Golaha Amniga Qaranka, sida ay dalal badan sameeyaan, oo uu ku jiro Mareykanka.

Golaha amniga Qaranka waxaa hoggaamiya madaxweynaha oo uu garab taagan yahay la taliyihiisa – oo saameyn weyn ku leh go’aannadiisa – wax badanna tusaaleeya.

2- Ka qayb galka shirkii Golaha amniga qaranka

Kulankii la filayay inuu Fahad ka qayb galo 18-kii bishan September waxaa la qorsheynayay in uu ku soo bandhigo faahfaahin buuxda oo ku aaddan waxa ay hay’adda NISA ka ogtahay kiiska gabadha la waayay ee ka tirsanaan jirtay saraakiisha hay’addaas.

Horay waxaa usoo baxay warar sheegayay in NISA ay ku dhawaaqday in Ikraan ay dileen al-Shabaab, walow ay kooxdaas iska fogeeyeen arrintaas.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ay dib u dhigtay shirka Golaha Amniga waxa ay sheegtay in la qaban doono xilli kale, inkastoo aan si toos ah loo cayimin taariikhda.

3-Soo bandhigidda warbixinta kiiska Ikraan

Maadaama uu Fahad soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa suuragal ah in tallaabooyinka uu qaadi doono ay ka mid noqoto ka inuu ka qayb galo shirka Golaha Amniga Qaranka.

“Kiiska Ikraan Tahliil waxaa ku howlan maxkamadaha, waxba golaha amniga shirkiisuna wax way masoo kordhinayo ayay leeyihiin dadku, maxaa yeelay hay’adaha sharciga ayaa ku guda jira baaritaankiisa,” ayuu yiri korneyl Shariif Xuseen Rooboow.

4- Saameynta kulamada wadaxaajoodka

Sida muddo dheerba la hadal hayay, Fahad Yaasiin waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka saaxiibka dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya, isagoo haddana loo dallacsiiyay jago usii dhaweyneysa madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay sheegayaan in wali la wado dadaallo la isugu soo dhaweynayo labada hoggaamiye ee uu khilaafka ka dhex aloosan yahay.

Inta ay socdaan wadahadallada waanwaanta looga dhex sameynayo Farmaajo iyo Rooble, waxaa saameyn ku yeelan kara Fahad, maadaama uu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha, dalkana dib ugu soo laabtay.

“Waa hubaal in Fahad uu talooyin ku yeelan doono go’aannada madaxweynaha, laakiin danta shacabka waxay ku jirtaa in uu kula taliyo inay qaataan waanwaanta la wado,” ayuu yiri sarkaalka ka faallooda arrimaha amniga.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta sar sare ee Soomaaliya ayaa ku mashquulsan inay xal dhex dhigaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si loo sii wado hannaanka doorashada.

Sidoo kale beesha caalamka, oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa u xusul duubaya in lasoo afjaro xiisadda, si looga baaqsado in doorashada ay dib usii dhacdo.

Isha: BBC SOMALI