25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Sidee khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble u saameeyey dhaqaalaha Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay haatan ka sii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa haddane khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha wuxuu sameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa sanadihii ugu dambeeyey sameeyey maal-gashiga xoogan ayaa haatan walaac ka muujinaya xaaladaha soo kordhay iyo is qab-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sarreysa dowladda.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay inuu khilaafkan u horseedi karo burbur dhaqaale oo soo wajaha, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah.

Cabdifitaax Qeydanle oo ka mid ah ganacsatada Muqdisho, isla-markaana ah maamulaha mid ka mid ah carwooyinka waa weyn ee ku yaalla Caasimadda ayaa sheegay inuu hoos u dhacay dhaqaalahooda iyo sidoo kale wax iibsigii badnaa, sababo la xriira khilaafka dalka.

“Markii is qab-qabsiga uu billowday hoos ayuu u dhacay dhaqaalihii iyo wax iibsigii badnaa wuu yaraaday, maxaa yeelay dad badanaa cabsi qaboo lacagahoodii akoonada ku haya ama la baxaayo,” ayuu yri Cabdifitaax Qeydanle oo u warramay Idaacadda VOA-da.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray  “Annaga waxaan cabsi ka qabnaa, haddii uu is qab-qabsiga bato oo colaadihii iyo dagaalladii soo laabtaan inuu kala carar imaado oo shaqo abuurkii iyo maal-gelinta aan sameynay ay hal bacaad lagu liso ay noqoto,”.

Dhinaca kale waxa aad u yaraaday alaabihii kala duwanaa ee laga keeni jiray dalka dibaddiisa, sida Electroniga waxaana ganacsatado ay walaacsan yihiin xiisadda taagan.

“Walaacbey igu heysaa inaan lacag fara badan diro, hadane alaab keeno, iyada oo is qab-qabsiga jiro markastana ay wax dhici karaan,” ayuu yiri ganacsade kale oo jooga Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah, waxaana wax weliba ay is-bedaleen markii ay is khilaafeen Farmaajo iyo Rooble oo isku qabtay kiiska Ikraan Tahliil.

Maalmaha ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, taas oo la guda gelayo maalinta Khamiista ah ee 23-ka bishaan, sida ku cad jadwalka.

23-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la diiwaan gelinayaa musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxayna diiwaan gelintu socaneysaa ilaa maalinka Sabtida ah ee 25-ka bishan.

Axadda 26-ka Septembar waxaa tababar loo furayaa ergada soo dooraneysa senatorrada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, halka maalinka xiga ee 27-ka la dhageysan doono hadal jeedinta musharaxiinta.

Maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan ayaa loo qorsheeyey inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha metelaya Somaliland, waxayna ku egtahay 30-ka bishaan September.

Seddax maalmood oo kala ah, 28-ka, 29-ka iyo 30-ka bishaan ayey Muqdisho ka dhaceysaa doorashada 11-ka kursi ee Somaliland ku metesha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, jadwalkana laguma cadeyn tirada kuraasta maalinkii la dooranayo.

Jadwalkaan uu soo saaray guddiga maamulaya doorashada labada Aqalka ee xildhibaanada Somaliland waxuu ku soo aaday saacado kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay R/Wasaare Rooble u gudbiyeen liiska musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare.

Hoo ka eeg jadwalka

Taalibaan oo magacowday danjiraha Afghanistan ee QM

0

Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Reuters Talaadadii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa codsigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Isniintii.

Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Farhan Haq, ayaa xaqiijiyay warqadda Muttaqi, waxaana warqadda Taalibaan ay meesha ka saareysa Ghulam Isaczai, oo ah danjiraha Qaramada Midoobay ee New York oo matalayay dowladda Afghanistan oo bishii hore ay Taalibaan ka saartay dalkaas.

Warqadda Taalibaan ayaa lagu sheegay in hawshii Isaczai “ay soo idlaatay, oo uusan xilligan matalin Afghanistan.”

Farhan Haq, wuxuu sheegay in codsiyada iska soo horjeeda ee kursiga Afghanistan ee Qaramada Midoobay loo diray guddiga aqoonsiga oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Guddigan ayay dhici karta in aysan arrintan ka fariisan kahor Isniinta oo ah malinta ugu dambeysa shirkan, sidaa darteed waxaa shaki laga qabaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan uu khudbad u jeedin doono Qaramada Midoobay.

Aqbalaadda Qaramada Midoobay ee safiirka Taalibaan waxay noqon doontaa tallaabo muhiim u ah dalabka kooxdan oo raadineysa aqoonsi caalami ah.

Markii ugu dambaysay ee Taalibaan xukuntay Afghanistan intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001 safiirkii dowladda Afghanistan ee ay afgembiyeen ayaa ahaa danjiraha Afghanistan ee Qaramada Midoobay, kadib markii guddiga aqoonsiga uu dib u dhigay go’aankii sheegashooyinka iska soo horjeeda ee kursigaas.

VOA

Xog: Farmaajo oo la yimid laba shuruud iyo wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegaya inay weji cusub galeen caawa, ayada oo Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo uu heshiis ku qaadan karo.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda. 

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu caawa la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo kala ah:

1- In Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana wasaaradda amniga loo magacaabo shaqsi ka imanaya dhankiisa.

2- In Bashiir Goobe, oo uu Rooble u magacaabay taliyaha NISA, la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA, oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo isaga.

Sida ka muuqata labadan shuruud ee uu soo bandhigay, Farmaajo ayaa aad u daneynaya inuu gacanta ku dhigo hay’adaha amniga, taasi oo haddii Rooble uu aqbalo u suurta-gelin karta inuu mar kale si qaldan u adeegsado ciidamada.

Ma cadda in Rooble aqbali doono labadan shuruud, balse waxaa maanta jiray warar sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo inuu isaga tanaasule, kadib markii Farmaajo uu diiday inuu tanaasulo, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in R/W uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook.

Sida ka muuqata labada shuruud ee uu wato Farmaajo, in xal laga gaaro wada-hadalladan ayaa weli fari ka qodneyn, mana muuqata in Rooble uu aqbali doono arrimahan, sida ay saadaaliyeen xubno ku dhow. 

Xog: Shir xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Fahad Yaasiin iyo taliyeyaal ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guriga uu Madaxtooyada Soomaaliya ka degan yahay Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa hadda ka socda shir xasaasi ah oo taliyeyaasha ciidamada uu la leeyahay Fahad Yaasiin.

Ilo-wareedyo ku dhaw shirkaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in guriga Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada ku dhex yaalla uu shir uga socdo Fahad iyo taliyeyaasha Booliska Jeneraal Xijaar, Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, ku simaha NISA uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo Yaasiin Farey iyo saraakiil kale.

Lama oga qorshaha ka dambeeya shirkaan caawa u socoda Fahad Yaasiin iyo taliyayaasha ciidamada, balse waxaa muuqato in Fahad weli uu saameyn weyn ku dhex leeyahay taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana imaatinkiisa Muqdisho uu xaaladda iyo loolanka siyaasadeed ee dalka wax ka beddeli karo.

Fahad Yaasiin ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku xayirnaa dalka Turkiga, ayada oo wararka ay sheegayaan inuu ku yimid diyaarad khaas ah.

Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkay inay qeyb ka aheyd guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahayey Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble.

Kulankaan oo hadda ka socda gudaha Villa Somalia waxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta ay dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddiyo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha golihii waqtigu ka dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal ayaa dhawaan isku howlay inay xaliyaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble, balse illaa hadda ma jirto wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalladii dhacay, inta la ogyahay.

Wasiirka cusub ee amniga oo ogolaaday arrin muddo laga hortaagnaa qoyska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qaaday tallaabo weyn oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay hooyada Ikraan, Qaali Maxamuud Guhaad.

Wasiirka Amniga oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qoyska Ikraan Tahliil ay wasaaradda Amniga ka dalbadeyn inay magaalada Muqdisho ka dhigtaan banaanbax nabadeed oo ay caddaalad ugu raadinayaan Ikraan, kaasi oo dhowr mar laga hor-istaagay.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda oo cuksaneyso dastuurka dalka ay qoyska Ikraan Tahliil Faarax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah.

“Qoyska oo ay ugu horeyso maamada waxay iga dalbadeyn codsi ku aadan banaanbax nabadeed oo ay ku dalbanayaan xuquuqdii aan u raadinayey walaasheen Ikraan Tahliil Faarax, waxaan rabaa inaan qoyska iyo bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo in wasaaradda amniga ay siineyso fasax ku aadan banaanbaxaas,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

“Dastuurka dalka qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu aragtidiisa usoo bandhigo si xor ah, haddii ay ahaan laheyd isku imaatin, dibadbax nabadeed iyo haddii uu si shakhsi ah warbaahinta ula hadlayo,” ayuu sii raaciyey.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dadka kasoo qeybgalayo banaanbaxaas inaysan ku xad gudbin xuquuqda dadka kale iyo dalkaba oo aysan dhibaato u geysan laamiyada iyo ganacsiyada isla markaasna uu banaanbaxooda noqdo mid nabadeed.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hey’adaha Amniga faray inay sugaan amniga muwaadiniintaas, sida sharciga ah usoo dalbaday inay dhigaan banaanbax nabadeed.

“Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaalmeenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jirtay mana aqbaleyno,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdullaahi ayaa qoyska Ikraan Tahliil u ballan qaaday inaan lagu dulmin doonin hey’adaha amniga ee hoos yimaado wasaaradiisa.

Qoyska Ikraan ayaa waxaa dhowr mar dibad-baxyo ay ku dhigan lahaayeen Muqdisho ka hor-istaagay ciidamada ammaanka, intii uu dalka wasiirka amniga ka ahaa Xasan Xundubey, oo xilkaas uu markii dambe ka qaaday ra’iisul wasaare Rooble. 

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilalkii Cabdi Bariise iyo Qoobey iyo sarkaal kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale dib u bilowday dilalkii toogashada ahaa oo ay ka fulin jirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo sida ay sheegtay dishay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska.

Dilalkan ayey Al-Shabaab ka fulisay degmooyinka Dharkeynleey iyo Hodan.

Dabley hubaysan ayaa maanta duhurkii agagaarka saldhig Galbeed ee degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka, oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bariise, wuxuuna ahaa laba xidigle.

Weerar kale oo isna ka dhacay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon ayaa lagu dilay sarkaal ciidan oo magaciisa lagusoo gaabiyay Qoobeey, sida ay sheegatay Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay u suurtagashay inay sarkaalka ay ku toogteen Hodan ay ka qaataan qori noociisa ahaa AK47.

Sidoo kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay ka nasatay falalkii dilalka qorsheysan ahaa oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay magaalada kadib markii ay hey’adaha amniga dhowr jeer toogteen kooxo dilal fuliyey.

Sababta rasmiga ah ee aan loogu tartameyn kursiga Cabdi Xaashi ee Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Liiska musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland oo maanta la shaaciyey, ayaa waxa kursiga 1-aad loo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, midaasi oo hadal hayn badan dhalisay.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee u dhow Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Guddoomiyaha lagu maamusay kursigaas.

Waxa uu sheegay in la waayey cid la tartanta, kadib markii ay dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo ee Aqalka Sare ay go’aansadeen in aan lagula tartamin, isagana uu iska diiday musharax maqaar saar ah oo lala qoro, sida hore u sameeyen musharaxiin badan.

“Sharaf iyo karaamo ayey u tahay Gudoomiye Cabdi Xaashi in dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo (Aqalka Sare) ee Gobolka Waqooyi Galbeed si Volunteer ah u go’aansadaan in aanay Kursiga kula tartamin oo uu yahay National icon lama taabtaan ah, isla markaana Gudoomiyuhu diiday fikir ay dad ula yimaadeen oo ahaa in loo keeno qof waraabe utaag u noqda,” ayuu ku yiri Maareeye qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Maareeye oo saaxiib dhow la ah Cabdi Xaashi, ayaa xusay in Cabdi Xaashi uu yahay Astaan Qaran, halka uu sheegay in loo gartay in kursigaas uu noqdo lama taabtan, waana odayga uga da’da weyn ee siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, oo tiradooda dhan tahay 24 musharax ayaa waxaa maanta Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Senator si weyn u taageera Farmaajo oo laga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf oo ka tirsan xubnaha Aqalka Sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa laga reebay liiskii musharaxiinta ay shaaciyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Senator Ayuub ayaa si weyn u taageera hogaaminta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo xilligii uu taagna khilaafka culus ee kuraasta Somaliland uu la safnaa Mahdi Guuleed.

Ma cadda haddii Ayuub looga reebay liiska khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, iyo haddii uu go’aansaday inuuu wareego Golaha Shacabka ee BFS, kadib muddo sanado ah oo uu ka tirsana Aqalka Sare.

Ayuub ayaa ka hadlin liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland, marka laga reebo in barihiisa bulshada uu ku faafiyay waraaqaha liiska, taasi oo ka dhigan in uusan tabasho ka qabin liiskaas, uuna ka war qabay.

Musharaxiinta inta badan hunguriyeynaysa Aqalka Sare ee laga reebo liiska, ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay ka keenaan cabasho ama dood sababta loogu soo dari waayey liisaska musharaxiinta.

Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland, oo tiradooda dhan tahay 24 musharax ayaa waxaa Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday garoon diyaaradeed oo laga sameeyey degmada Dayniile, balse aan shaqeyn, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Al-Shabaab ayaa weerarkan oo la sheegay inay kasoo qaadeen dhanka xaafadda Gubta waxay ku gubeen konteenaro yaallay halkaas, xafiisyo iyo agab kale, kadibna isaga tagay. 

Markii uu weerarka dhacayey ayaanay cidna joogin garoonka, mana la kulmin kooxdan wax iska caabin ah, sida aan xogta ku helnay. Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka.

Garoonka Dayniile ayaa laga dhisay dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo la boobay, waxaana marar badan fashilmay isku day la doonayey in dowladda federaalka ay ku ogolaato inuu shaqeeyo, sababo la xiriira in dhulkaas yahay dhul shacab leeyahay.

Dhinaca kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile ayaan weli ka hadal weeraradan xalay dhacay.

Rooble ‘oo lagu cadaadinayo’ inuu u tanaasulo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble cadaadis xoogan lagu saarayo sidii uu ugu tanaasuli lahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubnihii waan-waanta ka dhex waday labada mas’uul ay ka quusteen Farmaajo, islamarkaana ay hadda xal bideen in Rooble culeys ku saaran inuu tanaasulo, si xiisada xoogan ee labada dhinac xal looga gaaro.

“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook.

Dhex-dhexaadinta laga dhex-wado madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmatay, ayada oo la isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka.

Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro, waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro.

Qodobada la isku hayo ayaa ah kuwo aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday, waxaana si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo.

Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya, ugana sii daray xiisada kala dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saaray liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay labada mas’uul liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 24 musharax.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ka dalbaday inay si deg deg ah u soo gudbiyaan liisa musharaxiinta kuraasta Somaliland, si loo dhameystiro doorashada Aqalka Sare.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kal hore isku maandhafsanaa maamulka kuraasta Somaliland, ayaa xilligan si wada-jir ah u wada habsami u socoda doorashadaaas, waxayna afmeer u noqoneysa doorashada Aqalka Sare, oo maamulada badankooda ay soo gaba-gabeeyen.

Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan

Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil
Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi
Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan
Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali
Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore
Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan
Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed
Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid
Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan
Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed

 

CALI YARE CALI oo si la yaab leh uga hadlay imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadirm Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si la yaab-leh uga hadlay safarka la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Cali Yare oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa shaaca ka qaaday in muddo kadib uu saaka aroortii hore dalka dib ugu soo laabtay Fahad Yaasiin oo ay wehliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’adda NISA, wuxuuna tilmaamay in howlo shaqo ay u joogeen dalka dibadiisa.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, sidoo kalena ka mid ah xubnaha aadka u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa tilmaamay in xilli munaasab ah, isla-markaana aad la wada sugayey Fahad uu dib ugu soo laabtay dalka.

Sidoo kale Cali Yare oo hadalkiisa ayaa intaasi kus ii daray in ay maanta uga dhigan tahay maalin aad u weyn oo farxad-leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Xilli munaasab ah oo runtii la wada sugayo oo baahi weyn loo qabo fir-fircoonidiisii, kartidiisii, talooyinkiisii iyo saameyntiisii, intaas oo dhan marka la’isku daro waxaan oran karaa maanta waa maalin weyn,” ayuu yiri Cali Yare.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay Cali Yare in tallabada xigta ay noqon doonto in la fuliyo awaamiirta kasoo baxda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan khilaaf uu kala dhexeeyo Ra’iisul wasaaraha.

“Talaabada xigta waxa ay noqoneysaa waddadii madaxweynuhu falo iyo awaamiirta madaxweynuhu bixiyo wadada koowaad ee la qaadaayo ayey noqon doontaa” ayuu  raaciyey.

Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay Cali Yare ayaa weeraro dhanka afka ah si toos ugu qaadayey ra’iisul wasaaraha, isaga oo taageero weyn u muujinayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday oo uu qeyb ka ahaa ololihiisii doorashada ee sanadkii 2017-kii.

Maxay ka dhigan tahay Imaanshaha Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka aroortii soo gaaray la-taliyaha amniga qaranka, Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey saraakiil sar sare oo ku dhow dhow Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha, waxaana sidoo kale garoonka diyaaradaha ka soo galbiyey ciidamo gaar ah oo geeyey xarunta madaxtooyada.

Haddaba maxay ka dhigan tahay Imaanshaha Fahad Yaasiin?

Maxamuud Cumar oo ah falanqeeye siyaasadeed, sidoo kalena ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa ka hadlay imaatinka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku soo aaday, xilli adag oo hadane xasaasi ah.

Falanqeeye Maxamuud Cumar ayaa shaaca ka qaaday in imaanshaha Fahad ay macno weyn u tahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, dhanka kalena ay walaac ku tahay ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, sida uu hadalka u dhigay.

“Imaanshaha Fahad Yaasiin waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu yiri  Maxamuud Cumar.

Qorshaha Fahad Yaasiin ayaa ah in shirka golaha amniga qaranka uu ku soo bandhigo warbixin la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, balse shirka ayaa dib u dhacay, kadib markii diyaaraddii sidday 17-kii bishan laga celiyey garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Jabuuti.

Si kastaba, la-taliyaha amniga qaranka ayaa waxaa haatan ay si weyn isku hayaan ra’iisul wasaaraha oo horay uga qaaday xilka agaasimaha hay’adda NISA, kadib markii uu soo shaac-baxay warka sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax.

Wararkii ugu dambeeyey ee isku dayka afgambi ee Sudan

0

Khartuum (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah.

Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay.

Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka.

“Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka.

Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in la xiray illaa 40 sarkaal oo la sheegay inay hormuud u ahaayeen afgambiga dhicisoobay, kuwaas oo isku dayey inay marka hore beegsadaan xarunta taliska ciidamada ee dalka Suudaan, Idaacadda iyo Telefishinka qaranka dalkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamo oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii.

Dhex-dhexaadintii Farmaajo iyo Rooble oo xalay dib loo billaabay iyo xog ku saabsan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhex-dhexaadintii laga dhex-waday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmay, ayada oo isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka.

Dhinacyadan ayaa marka hore la kulmay madaxweyne Farmaajo, ayaga oo dhageystay waxa uu doonayo iyo qodobada uu ka tanaasuli karo, si heshiis loo gaaro. 

Kulanka Farmaajo kadib ayaa dhinacyada waxay haddana la kulmeen ra’iisul wasarae Rooble, ayada oo markii dambe ay guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoor Qoor ay ku hareen ra’iisul wasaare Rooble.

Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro.

Waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro, maadaama qodobada la isku hayo ay yihiin kuwa aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday.

Waxaa si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo. Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya.

Fahad Yaasiin oo si lama filaan ah ku yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad qaas ah ay saakay xiligii hore garoonka diyaaraddaha Muqdisho kasoo dejisay Agaasimihii hore ee NISA oo ra’iisul wasaare Rooble xilka ka qaaday.

Diyaarad gaar ah oo ka timid dalka Turkiga lana socdeen xubno uu hoggaaminayay Fahad Yaasin ayaa soo caga dhigatay garoonka Muqdisho waaberigii saakay, halkaasi oo ay ku sugayeen ciidamo gaar ah oo usoo galbiyay dhinaca madaxtooyada.

Imaanshaha Fahad Yaasiin iyo xubnaha la socday ayaa ahaa mid qarsoodu ah oo aysan ka war qabin xubnaha xafiiska ra’iisul wasaaraha oo horay u xayiray in diyaarad sida aysan soo caga dhigan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa dib looga celiyay garoonka diyaaraddaha Jabuuti 17-ka bishan xili uu kusoo jeeday Muqdisho, iyadoo diyaaraddii uu saarnaa ee Turkish Airline ay diiday inay u socdaasho Muqdisho, dibna ugu laabatay magaalada Turkiga oo ay kasoo kicintay.

Xafiiska madaxweynaha mudo xileedkiisa dhaamaday ayaa tallaabadaasi ku eedeyay dowladda Jabuuti oo la fahansan yahay inaysan wax shaqo ah ku laheyn, balse hay’adda duulista Somalia uu amarkaasi kasoo baxay iyadoo tixgelineysay amar ugu yimid xukuumadda.

Fahad Yaasiin oo saaxiibkiis Farmaajo xil ka qaadistiisa kadib u magacaabay la-taliyihiisa amniga ayaa la filayay inuu ka qeybgalo shirkii golaha amniga ee uu ku baaqay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaayay si uu ugu soo bandhigo xog ku saabsan marxuumad Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo Fahad Yaasiin iyo saraakiil ka tirsan NISA iyo madaxtooyada balse dib loo dhigay markii Fahad Yaasiin 18-kii bisha lagu celiyey Jabuuti, oo uu Muqdisho iman waayey, kadibna dib ugu laabtay Istanbul.

Illaa hadda lama oga in wada ogolaansha uu ku yimid Muqdisho Fahad Yaasiin iyo in kale, base waxy u eg tahay inuu si dhuumaaleysi iyo ka war qab la’aan uu kusoo gaaray Muqdisho. Waxaana la sugayaa saacadaha soo socda war hor leh oo cusub.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada News

Daawo: Macallinkii Farmaajo oo ka hadlay hab maamulkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Darbo Weyne oo sheegay inuu macalin u ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku dhaliilay hab maamulkiisa iyo in uu jeebka kala soo baxay dhaqan qaab daran, xilli ay ka dhamaaday afartii sano ee la doortay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu wax badan ka xishoonayo, si dalka aysan uga dhicin dagaal hor leh, isagoona ku taliyey in lagu ixtiraamo oo looga dambeeyo arrimaha dalka, xiliga kala guurka.

“Ninka la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dhumiyay ninkii ka horeeyay Rooble, ninkastana in sidaas uga aamusayo ayuu u maleynayey, Ra’iisul Wasaarihii ka horeeyay muu dhihin hal berri dadkayga waxaas ma istaagan,” ayuu yiri.

“Waxaa kula dar-daarma (Ra’iisul Wasaare Rooble) hunguri meesha kuma keenin, waxaa ku keenay sharaf iyo in aad bad-baadiso umaddan, maanta sharaf waa ku taagan tahay ha ka leexan.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba xaqeeda la duudsiin karo Ikraan Tahliil, oo kiiskeeda ay si weyn ugu kala fogaadeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha oo lala qaato nabada iyo maslaxa uu wado, si doorasho loo gaarsiiyo dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Dowlada Mareykanka oo soo saartay digniin culus oo ku socota Farmaajo iyo Rooble

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray uga digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Iskaashiga hogaamiyayaasha Soomaalida – gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble – wuxuu muhiim u yahay xaqiijinta in dalka uu si deg deg ah usoo geba-gebeeyo hanaanka doorashada ee socda,” ayuu yiri Blinken.

“Muranka hadda u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis u yahay inuu adkeeyo hanaankan, wuxuuna u baahan yahay in loo xaliyo si deg deg oo nabad ah,” ayuu ku daray. 

Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay soo dhoweyneyso ballan-qaadka labada mas’uul ee ku aadan hanaanka doorashada, hase yeeshee ay ka walaacsan tahay in doorashada ay mar horeba dhowr bil dib uga dhacday jadwalkeeda.

“Dib u dhac kale oo dheeri ah wuxuu sare u qaadayaa suurta-galnimada rabshado, wuxuuna fursad siinayaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah ee raadinaya inay dalka ka abuuraan xasillooni darro,” ayuu yiri Blinken. 

Blinken ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay ka fogaadaan soo saarista qoraallo kale oo dareen kicin ah ama ay qataan ficillo xasarad abuur ah, ayna khilaafyadooda ku aadaan magacaabista xilalka ku xaliyaan si nabad ah.

“Doorashooyinka oo deg deg loo soo geba-gebeeyo waxay gacan ka gaysan doonaan horumarinta ajendaha ka hor-tagga argagixisanimada Soomaaliya, waxayna dowladda xigta siin doonaan fursad ay wax uga qabato baahida shacabka Soomaaliyeed. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ma mudna wax intaas ka yar,” ayuu yiri. 

Daawo: Sarkaal soo jeediyey arrin la xiriirta xaasaska Al-Shabaab oo muran dhalisay

0

Buulo-Burde (Caasimada Online) – Kadib markii maalin ka hor ay Al-Shabaab qarxiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa shalay shir jaraa’id qabtay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo-Burde.

Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Muumin Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag ugu dhaartay dadka gabaadka siiya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan caruurta iyo xaasaska kooxda, isagoo ka careysan tallaabadii ay ku burburyeen dhismihii garoonka diyaaradaha.

Laba maalmood ka hor ayaa xarigga laga jaray dhismaha ay Al-Shabaab qaraxa ku burburiyeen, kaas oo loogu tala galay in loogu adeego dadka ka duulaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka magaalada go’doonsan ee Buulo-Burde.

Abaandulaaha oo aad u careysnaa ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan guryaha amiirada Al-Shabaab ee ku dhex yaalla magaalada iyo meel kasta oo ay dhisme ama hooy ku leeyihiin Al-Shabaab.

“Kuwa garoonka qarxiyey waa Shabaab ka soo jeeda magaaladaan Buulo-Burde, ciidanku waxay amar u qabaan inay guryaha ay dagan yihiin ku gubaan caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab, meel kastana waan uga daba tageynaa,” ayuu yiri Maxamed Muumin Cilmi.

Waxuu sheegay inay yaqaanaan guryaha ay caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab ka deegan yihiin magaalada oo aysan waxaba u geysan jirin, balse hadda kadib ay gubi doonaan.

“Waxay doonayaan inay indhaha ka ridaan dadka Soomaaliyeed, war guryihiina waan garaneynaa halkey magaalada uga yaallaan, war ilmihiina Buuloburde ayey degan yihiin waana ku dhaqaaleynaa, war waxaad burburineysaan waa guryihii ay wada laheed umadda Soomaaliyeed, taasna idinka yeeli meynee guryihiina iyo buushashkiina ayaan dabada Taraq uga soo qabaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muumin Cilmi Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka daawo