25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Daawo: Sarkaal soo jeediyey arrin la xiriirta xaasaska Al-Shabaab oo muran dhalisay

0

Buulo-Burde (Caasimada Online) – Kadib markii maalin ka hor ay Al-Shabaab qarxiyeen garoonka diyaaradaha magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa shalay shir jaraa’id qabtay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo-Burde.

Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Muumin Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag ugu dhaartay dadka gabaadka siiya kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan caruurta iyo xaasaska kooxda, isagoo ka careysan tallaabadii ay ku burburyeen dhismihii garoonka diyaaradaha.

Laba maalmood ka hor ayaa xarigga laga jaray dhismaha ay Al-Shabaab qaraxa ku burburiyeen, kaas oo loogu tala galay in loogu adeego dadka ka duulaya iyo kuwa ka soo degaya garoonka magaalada go’doonsan ee Buulo-Burde.

Abaandulaaha oo aad u careysnaa ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan guryaha amiirada Al-Shabaab ee ku dhex yaalla magaalada iyo meel kasta oo ay dhisme ama hooy ku leeyihiin Al-Shabaab.

“Kuwa garoonka qarxiyey waa Shabaab ka soo jeeda magaaladaan Buulo-Burde, ciidanku waxay amar u qabaan inay guryaha ay dagan yihiin ku gubaan caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab, meel kastana waan uga daba tageynaa,” ayuu yiri Maxamed Muumin Cilmi.

Waxuu sheegay inay yaqaanaan guryaha ay caruurta iyo xaasaska Al-Shabaab ka deegan yihiin magaalada oo aysan waxaba u geysan jirin, balse hadda kadib ay gubi doonaan.

“Waxay doonayaan inay indhaha ka ridaan dadka Soomaaliyeed, war guryihiina waan garaneynaa halkey magaalada uga yaallaan, war ilmihiina Buuloburde ayey degan yihiin waana ku dhaqaaleynaa, war waxaad burburineysaan waa guryihii ay wada laheed umadda Soomaaliyeed, taasna idinka yeeli meynee guryihiina iyo buushashkiina ayaan dabada Taraq uga soo qabaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muumin Cilmi Abaandulaaha Ururka 41-aad Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka daawo

Ku dhawaaqista xukunka ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya – Tallaabooyinka xigi kara iyo filashada Somalia (Warbixin)

0

Sida caadiga ah Maxkamadda markii ay gebo-gabayso dhagaysiga Dacwadda waxa ay gashaa showr ay kaga doodayso Kiiska hor-yaalo “deliberations”, marka ay Garsoorayaasha u codeeyaan cod aqlabiyad ah ama go’aan kali kali ah hadba sida ay u dhacdo codaynta sida ay jideenayaan Qodobada 55, 57 Xeerka Maxkamadda ICJ iyo Qodobka 95/2 Xeer hoosadka Maxkamadda ICJ (rules of court, 1978), waxa uu farayaa Xeerka in la xadido ku dhawaaqista fadhi furan ama xiran marka ay jiraan xalado, laguna war-galiyaa dhinacyada Wakiiladoodo in lagu dhawaaqayo Dacwadda sida ku xusan Q. 94/1-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda “rules of court, 1978” iyo Qodobka 58-aad ee Xeerka Maxkamadda “ICJ STATUTE”.

Sida uu xaqiijiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed Maxkamadda waxay ku war-galisay dhinacyada in ay xukun kasoo saari doonto 12 October 2021, taas oo ka dhigan sida ay jidaynayaan qodobadaas in lagu dhawaaqayo Xukunkii Dacwadda Kenya iyo Soomaaliya, lana soo dhameeyey.

Awoodda Xukunka ICJ

Xukunka Maxkamadda ICJ kasoo baxaa waxuu qasab ku yahay dhinacyada uu ku soo baxay in ay u hoggaansamaan, sida ku cad Qodobka 59-aad Xeerka Maxkamadda iyo Qodobka 94/2-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda, haddii dhinaca laga guulaystay si iskiis ah u fulin waayo waxaa loo gudbinayaa Golaha Amaanka QM si uu uga-qaado Tallaabooyin amni sida ku cad Q. 94/2-aad ee Cahdiga Qaramada Midoobay.

Mar hadii lagu dhawaaqo xukunka ICJ, dib maloo furi karaa mar kale?.

Xukunka Maxkamadda ICJ waa mid Kama dambays ah, mana leh rafcaan sida ku cad Q. 60/1-aad ee Xeerka Maxkamadda balse waa dhici kato xaalado kooban oo dib-loo furi karo, Waxaa kamid ah xaaladahaas;

1- Marka uu ka yimaado dhinac codsi la xariiro Fasiraada xukunka ““Requests for the Interpretation“ ama codsi fasiraad baaxadia xukunka “scope of the judgment “.

Marka dhinaca wax codsaday uu soo gudbiyo meelaha uu rabo in la fasiro ama la cadeeyo dhinaca kale waxa uu xaq u leeyahay in uu kasoo jawaabo, waxaa nidaminayo Q. 98-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda

2- Waxaa kale oo dhinaca qasaaray uu dalban karaa dib- u eegis in lagu sameeyo xukunka haddii uu helo xaqiiqooyin cusub oo wax-karatayo Dacwadda kana maqnayd, taas oo aan ku dhicin gaabis dhankiisa ah, waana in lagu dalbadaa 6-bilood gudahood, waxaana dib loo furi karaa Dacwadda, sida ay nidaaminayaan Q. 61-aad ee Xeerka Maxkamadda iyo Q. 99-aad ee Xeer-hoosaadka Maxkamadda.

3- Haddii ay jiraan wax-kabadalo ama ku daris ay dhinacyada isku raacansyihiin una soo gudbiyaan Maxkamadda maxkamadda waxay leedahay tix-galin marka laga reebo xaalado koobaan “MODIFICATIONS PROPOSED BY THE PARTIES “ sida uu Nidaaminayo Q. 101-aad ee Xeer-hosaadka Maxkamadda.

Maxay Soomaaliya filanaysa maxkamadda ICJ?

Dooda Soomaaliya ee qaabka Xaddeynta badda ee ku salaysan “Equidistance principle” waa mid wafaqsan Heshiiska Caalamiga ee badaha, The United Nations Convention on the Law of the Sea “UNCLOS 1982” iyo Xeerarka badda Soomaaliya Xeer n. 37, 1972-dii, Xeer N. 5, 1989-kii iyo Xeerarka badda Kenya ” Territorial Waters Act 1972, Act No. 2 of 1972), “The Maritime Zones Act, 1989”.

Sidaas darteed waxay ka qabtaa rajo wayn in Maxkamadda ay taageeri doonto doodeeda, waxaa kale oon badnayn in ay dalbato Kenya Dib u eegis maadama aysan jirin xaqiiqooyin maqanan oo la ogyahay, horeyna ay isu difaaci waysay, balse way dhici kartaa in ay codsi fasiraad dalbato.

W/Q. Cali Sheekh Aadan Yusuf  “Cali Somali”.
[email protected]

Sawirro: Muxuu Guudlaawe kala hadlay Senatarada lagu doortay magaalada Jowhar?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Senatarada cusub ee dhowaan lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka oo ahaa mid isugu jiray casho sharaf iyo soo dhoweyn ayaa waxaa loo qabtay lixda Senatar ee illaa iyo hadda kusoo baxay doorashooyinkii ka dhacay Jowhar, waxaana sidoo kale madasha goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed.

Cali Guudlaawe oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa Senatada cusub ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen, wuxuuna shaaca ka qaaday inay hortaallo shaqo adag.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inay u istaagaan wax u qabashada bulshada reer HirShabelle iyo midnimadooda.

“Waxaan ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen waxaana kula dardaarmay inay u shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay kulankaasi.

Dhankooda xubnaha Senatarada cusub oo ay ka mid ahaayeen Muuse Suudi iyo Dr Dufle oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxda HirShabelle, sida hufan ee ay u qabteen doorashada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya maamulkaasi.

Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan hakad-gashay, waxaana harsan illaa laba kursi oo kale oo mid ka mid ah uu dhowaan hareeyey buuq xoogan.

Daawo: 60 jir u dhashay Congo oo shaqo u jooga Muqdisho oo maanta Islaamay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 60-sano Jir lagu magacaabo Powell oo u dhashay dalka Congo, kana tirsan Shaqaalaha Shirkadda UBC Coca Cola ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay Diinta Islaamka, kadib dhowr sano oo uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Xaflad loogu dhigay magaalada Muqdisho ayuu Powell ku sheegay inuu qaatay Diinteenna suuban ee Islaamka, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid ku qasabtay qaadashada Diinta Islaamka oo isagu uu go’aankaas gaaray.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa anigoo magaceyga cusub uu yahay Jabriil, inaan muslim ahay oo qofna uusan igu qasbin inaan Muslimo, waa go’aan aan kaligey soo gaaray, waxaan idinka codsanayaa inaad igu caawisaan inaan Diinta sii barto, si aan markaan dalkeyga ku laabto Diinta Islaamka u sii faafiyo,” ayuu yiri Jabriil.

“Waxaan aaminsanahay inuu Alle iisoo diray Soomaaliya, si aan u muslimo, xoogaa ayaan hadda Diinta ka fahamsanahay,” ayuu sii raaciyey.

Jabriil ayaa Xafladdaan oo lagu qabtay Xarunta UBC Coca Cola ka sheegay in qoyskiisa uu kaliya muslim ka yahay Ibraahim jabriil oo ah wiilka ilmihiisa ugu weyn.

Jabriil oo u dhashay dalka Kongo ayaa xafladaas ka sheegay in Diinta Islaamka ay bartay qadarin iyo in dadka loo mahad-celiyo.

“Waxay Diinta Islaamka ii horseeday isbadal, qalbiga ayey ii dajisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbadal, horay uma aheyn qof muslim ah, inkastoo uu wiilkeyga ahaa Muslim, sidaas ayaan kusoo barbaaray, waxaan qadarinayaa qof walba oo Muslim ah,” ayuu yiri Jabriil.

Maamulaha guud ee Shirkadda UBC Coca Cola Cawil Tooxow Kheyre oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Jabriil uu shaqada shirkadda kusoo biiray sanadki 2014-kii xilligaas oo uu heystay Diinta Karishtaanka ah, balse hadda isagoo weli ka tirsan isla shirkadda uu go’aansaday inuu Islaamo.

Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka qeybgashay xafladda ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid mudan in lasoo dhaweeyo, waxayna u rajeeyeen Jabriil inuu dhinto isagoo heysta Diinta Islaamka.

Hoos ka daawo warbixin

Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Farmaajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed, kaas oo loogu magac daray samata bixinta qaranka iyo taageerada Ra’isul Wasaare Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil ee u dhaxeeya madaxweynaha waqtiga dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble.

Xaad ayaa ugu horreyn sheegay in aysan dalka ka dhici karin doorasho kahor inta aan la iska qaban Farmaajo, wuxuuna yiri “Madaxweynaha mudo xilkeedkiisa dhammaaday ee Farmaajo waa in aan iska qabanaa, sababtoo ah diyaar uma ah in dalka ay ka dhacdo doorasho.”

Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ka fiican in taageero loo muujiyo Ra’isul wasaare Rooble iyo in la badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed oo wajahaya khilaaf iyo dib u dhac doorasho.

“Sidaad ogtihiin waxaa lagu jiraa xilli kala guur, dalkana wuxuu ku jiraa doorasho, waxaana jiro caqabado badan oo hor taagan doorashada, in maanta Qaranka la samata bixiyo waa arrin muhiim ah oo dalka iyo dadkaba faa’ido u ah, waa inaad iska difaacdaan cidda dooneysa in qaranka ay dumiso,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo xusay inay waligood taageeri jireen uuna mudan yahay in la dhiira geliyo, isla markaasna si wanaagsan loola shaqeeyo.

“Waan taageereynaa Ra’isul wasaaraha, waligeyna waan taageeri jirnay, waxaana ku taageereynaa geedi socodka doorashada, iyo go’aanadii uu dhawaan qaatay, kuwaas oo aan u aragno inay yihiin badbaado qaran,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay in dalka iyo dadkaba ay kasoo daaleen khilaaf iyo dhibaatooyin, isagoo xusay in hadda uu dalka gacanta ugu jiro qolo ay fowdadu ku cusub tahay oo aan daalaneyn, sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’isul wasaare Rooble inuu heysto taageerada Shacabka Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, wuxuuna xusay inuu ku taagan yahay wadada saxda ah.

“Waxaa nala gudboon inaan hal dhinac uga soo wada jeesano kuwa doonaya in dalka fowdo kale la geliyo, qofka fiican ee ku taagan wadada saxda ahna waa inaan taageerno, qofkii wax naga qaldayana waa inaan gacanta ka qabano oo yac dhahno, Ra’isul wasaare Rooble wadada saxda ayuu ku taagan yahay, shacabka Soomaaliyeed oo dhan ayaana taageersan,” ayuu Nabadoon Xaad hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in awoodda ugu badan ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan siyaasiyiinta boorsada la yimid ee berrina diyaaradda ka raacaya haddii uu dalka burburo.

“Shacabka waa awoodda ugu weyn ee ummad yeelato, awoodda oday dhaqameedka maahan siyaasiyiinta, ee waa shacabka, waxa laga rabo awoodda ugu weyn waxay ka halaabayaan waa Shacabka, maxaa yeelay nin boorso la yimid oo haddii ay wax ka halaabaan siduu rabo yeeli kara oo diyaarad raaci kara iyo anaga isku baahi ma nihin, wixii aan na anfaceyn awood aan ku diidno ayaan leenahay, balse waa inaan ognahay oo naqaan awoodeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Hoos ka Daawo

Xundubey oo soo bandhigay xogtii uu ka hayey Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey ayaa soo bandhig xog ku saabsan arrimo uu sheegay inay dhex-mareen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble oo salka ku haya dhaqaale, lana xiriira dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Xundubey ayaa xogtan kusoo qoray bartiisa facebook, oo tan iyo markii xilka laga qaaday uu ku weerarayey Rooble. Caasimada Online ma xaqiijin karto sax ahaanshaha xogta uu Xundubey faafiyey. Hoos ka aqriso.

Masar

Kadib: markii aan dareemay in dawladda Soomaaliya ay dhaqaala la’aan xoogani hayso, ayaan Rooble u tegay. Waxa aan ku iri: walaalow, dhaqaala la’aantaan kuma sii jiri karnee, aan Wadamada Carabta ee afartii sano ee la soo dhaafay aan wax dhaqaala ah oo muuqda na siin, aan albaabadooda garaacno! Carabtiina waa taas heshiisay oo arimihii Gacanka Carabtu waa iska dhamaadeene, yaanan kaligeen meel cidla ah iska fadhine!

Waxa uu igu yiri: waa yahaye, ka soo shaqeey. Waxa aan go’aansaday in aan Masar ka bilaabo. Waxa aan la hadlay rag furayaasha Masar in ay haayaan aan ogaay. Arinkii Masar waa laga soo shaqeeyay. Waana lagu guuleestay. Markii uu arinkii bislaaday, asaga ayaa toos ula xariiray oo waa na dhinac maray, hawshiina waxa uu u dhiibtay DAD ay isku JUFA yihiin!

Markii aan ogaaday AF-GEMBIGAAS, waan u tegay Rooble. Waxa aan ku iri: waaba arkaa dhaqankaaga, ee maxaad Masar ula tegi rabtaa? Waxa uu ii sheegay waxyaaba yaryar oo aan i qancin! Waxa aan ku iri: walaalow, dal walba waxa uu leeyahay dad fura oo ay xantamaan, kuna kalsoonyihiin, ee maad qof iyo laba ka wadatid dadka Masar fura, arinkana horay u soo bisleeyay? Waa uu diiday. Waxa aan mar dambe xog ku helay in markii uu Masar tegay lagu yiri: waxa aad rabto ma taqaanide, marka dambe noo imaaw adiga oo yaqaana waxa aad rabto!

Asaguna marna nalama wadaagin wixii uu socdaalkaas iyo kuwii kale ee faraha badnaa uu kala soo kulmay!

Imaaraadka

Markii uu fashiliyay arinkii Masar, waxa aan sii wadnay arinkii Imaaraatka, anaga oo reja ka qabna in uu is garan doono. Sidii hore oo kale waxa aan ku guulaysanay in aan xariirkii Imaaraadka soo celino. Laba jeer ayuu Rooble la kulmay Danjiraha Imaaraadka Soomaaliya u fadhiya. Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliyana waa joogtay fadhiyadaas. Waxa aan ka codsanay Imaaraadka, in ay dhaqaale ugu deeqaan Dawladda Soomaaliya, waana ogolaadeen, wax SHURUUD ah oo ay nagu xireena ma jirin, oo aan ka ahayn in aan RAALI-GELIN ka bixino arimihii lacagta ee horay looga xayiray.

Markii hawshii leesku afgartay waxaa leesku raacay in aan anugu tago Imaaraadka oo aan gogol xaar u sii sameeyo, asaguna uu yimaado. 

Habeenkii talaadada ee 07/09/21, ayaan aniga iyo Rooble balanay oo uu ila dardaarmay.

Hayeeshee,  Rooble wuxa uu mar kale go’aansaday in uu AF-GEMBI kale sameeyo oo uu arinka u dhiibto Dad JUFADIISA ah, anigana uu  DHABAR-JEBIN igu sameeyo.

 Maalintii Arbacada ee 08/09/21, waa maalin kadib uun, markii uu ila dardaarmay, ayuu qaatay go’aan sharci dara ah oo uu leeyahay xiliki waa ka qaaday!

Waxa aan isku dayay dhowr jeer in aan la xariiro oo aan waydiiyo sida ay wax u jiraan? Marnaba Taleefan igama qaban, ilaa haddana isma maqal, hadii laga reebo dad waxgarad ah oo uu ii soo diray oo uu ku yiri: Xundubey igala hadla ee qoraalada ha joojiyo!

Intaa kadib: DADKII ay isku Jufada ahaayeen ayuu u diray Imaaraadka, si ay arinkii ula wareegaan!

Ma aqaano halka arinkaasi ku dambeeyay! Asaga – waa Rooblee – ayaa laga rabaa halka uu arinkaasi ku dambeeyay!

Sida lawada ogyahayna XOGAHA socdaaladiisa oo dhan cid JUFADIISA ka baxsan lama wadaago!

Sida wax u dhaceen oo kooban waa sidaas.
Xogtuna waa HANTI dadweyne, oo lama qari karo!

Daawo: War-murtiyeed ka soo baxay shirkii odayaasha dhaqanka ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmihii u dambeeyay uga socday magaalada Muqdisho Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed si weyn loogu taageeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, looguna digay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay in awoodaha Ra’iisul Wasaare Rooble loo igmaday ay tahay arrimaha doorashooyinka iyo amniga, taasina lagu tixgeliyo.

“Shirweynaha wuxuu adkeynayaa in laga fogaado wax walba oo dhabar jabin kara habsami u socodka shaqada qaranka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

“Maamul goboleedyada qeybta ka ah dowlad federaalka inay dhowraan shuruucda dalka, kana fogaadan wax walba oo dib u dhac ku yimaada kara doorashada dalka. Wuxuuna shirweynaha kula talinaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu ilaaliyo sharciga.”

Sidoo kale waxa qeyb kamid ah war-murtiyeedka lagu sheegay in loo diyaar garoobo in la dhowro dimuquraadiyada iyo dowladnimada haddii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhago adeego baaqyada uga imaanaya beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Shirweynuhu waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uga digayaa inuu joojiyo is hortaaga uu ku hayo kiiska cadaalad u helida sarkaalada Ikraan Tahliil Faarax, kana waantoobo hab-dhaqanka aan shacniga ku dhisneyn ee ku difaacayo eedeysanayaal loo haysto dil, barakac iyo is-hortaaga doorasho xor iyo xalaal ah.”

Ugu dambeyntiina waxay bulshada ugu baaqeen inay iskugu soo baxaan mudaharaad lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo looga soo horjeedo tallaabooyinka jar iska tuurka ah ee Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ka dhacay xafiiska R/Wasaare Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale la kulmay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dadajinta kuraasta Gobollada Waqooyi (Somaliland), xilli ay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi soo saareen Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka uu Rooble la qaatay labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu u ballan-qaaday labada dhinac in doorashadaas ku dhici doonto si hufan oo caddaalad ah.

“Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.”

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.”

Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed oo asagu door weyn ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi

Si kastaba, waa markii labaad ee Ra’iisul Wasaaraha ka dalbo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay soo gudbinayaa liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Video: Hooyada Ikraan Tahliil oo WAR cusub soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ayaa mar kale ka hadashay kiiska gabadheeda la la’ayahay ayada oo farriin u dirtay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaali Maxamed Guhaad oo maanta oo Isniin ah ka qeyb gashay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu kasoo saaro meesha uu ku ogyahay gabadeeda.

Hooyo Qaali ayaa Farmaajo ugu baaqday inuusan siyaasadeyn kiiska Gabadheeda Ikraan, waxayna ku eedeysay inuu hor taagan yahay in cadaaladda la hor keeno dadka ka dambeeyey afduubka iyo dilka loo maleenayo in loo geystay Ikraan.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadheyda maanta hadaad hayso berri ma haysaneysid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su’aalayaa adiga oo taagyar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tahay,” ayay hadalkeeda kusii dartey hooyo Qaali.

Hooyo Qaali ayaa hey’adaha cadaaladda ugu baaqday inay sii dhaqaajiyaan gal-dacwadeedka loo gudbiyey isla markaasna ay ka shaqeeyaan sidii si deg deg ah loogu heli lahaa jawaab ku dhisan cadaalad.

Ku dhowaad saddex bilood ayay maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka haysay jago ah madaxa ammaanka internet-ka.

Hadalka hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadayo xilli uu meel xasaasi ah marayo khilaafka ka dhashay kiiskaan oo u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isuwlasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeysanayo in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda halka madaxweyne Farmaajo uu difaacayo saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo kamid ah eedeysanayaasha kiiska Ikraan.

Goorta la xukminayo kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukunka dacwada muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay si rasmi ah Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ugu dhawaaqi doontaa 12-ka October ee 2021-ka, sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

“Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021.

Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Doorashadii Aqalka Sare ee HirShabeelle oo maanta baaqatay xilli ay xiisad jirto

0

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta markale dib u dhacday doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare, waxaana farriimo loo kala diray xildhibaan baarlamaanka Hirshabelle oo loogu sheegayo inaysa doorasho jirin.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Bulle oo la hadlay idaacada KNN ayaa sheegay in arrimo farsamo ay u baaqatay doorashada maanta, islamarkaana la filan karo in caawa farriimo loo kala diro xildhibaanada si loo qabto doorashada.

“Cilado farsamo awgood ayey dib ugu dhacday, waxaan sugeynaa ilaa caawa, markaa anaga waxaa dhowrnaynaa in sidii kuwii hore loo doortay ay dhici doonto oo la dooran doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in khilaaf adag oo ka taagan kuraastaas ay u baaqatay doorashada, isagoona ku dooday in doorashada Hirshabelle ay aheyd middii ugu daah furneyd ee doorashooyinkii ka dhacay maamulada dalka.

“Waxaa isleenahay arrimahaas waa iska baranbagooda, doorashada Hirshabelle waa doorasho daah-furan oo cid-walba oo wax kasoo doonatay lagu qanciyay, waxaa rajeynaynaa in labada kursi la dooran doono.”

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa xilli uu guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle uu wado in uu tallaabo ka qaado xildhibaano ku buuqay doorashadii habeen hore qabsoomi laheyd.

Xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood, ayaa waxaa lagu qaadaya waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka.

“Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh Isxaaq, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle.

Si kastaba, doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in kuraasta dhiman la dhameystiri doono saacadaha soo socda, haddii uusan dib u dhac kale ku imaan.

Ciidan careysan oo maanta qabsaday waddo MUHIIM u ah Beledweyne iyo rasaas…

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo careysan ayaa maanta xiray waddada ugu muhiimsan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. 

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadaan oo ah kuwa aad u careysan ay rasaas ku kala ceyrinayaan dadka iyo gaadiidka isticmaalaya waddada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne.

Sida wararka sheegayaan, ciidamadaan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday bilooyinkii ugu dambeeyey taasoo keentay inay maanta ku dhaqaaqaan tallaabadaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama uusan hadlin falka ay ku dhaqaaqeen ciidamada Booliska, waxaana dhowr jeer oo hore lagu eedeeyey maamulka inay musuq-maasuqaan lacagaha canshuuraha ee laga qaado Beledweyne.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo ka tirsan kuwa HirShabeelle ay xirteen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Baledweyne, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan heyso.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan qabsaday ciidamo ka tirsan kuwa Militariga oo sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka awood qeybsiga Maamulka Hirshabelle iyo in madaxweyne Guudlaawe uu yimaado Magaalada inkastoo markii dambe xal laga gaaray.

Guddigii dhex-dhexaadinta Masjid Quba Amsterdam oo shaaciyay natiijadii kasoo baxday baaritaanka + Video

0

Amesterdam (Caasimada Online) – Guddigii dhexdhexaadinta & xalinta khilaafka masjidka Quba Amsterdam ayaa shalay la kulmay jaaliyada Soomaalida Holland; kulankaasi oo ahaa mid la wada sugayay waxaa lagu soo bandhigay natiijada dhexdhexaadintii ay wadeen guddiga odayaasha Tilburg & Eindhoven.

Guddiga ayaa kulanka ka hor soo bandhigay qoraal ay ku bayaaninayaan marxaladihii ay soo martay dhexdhexaadintii ay wadeen iyo darafta ay ula muuqato in laga gar leeyahay.
Guddiga odayaasha Tilburug waxaa ay madasha ka sheegeen in xalay sad-dhexe ku gaareen kulan ay la yeesheen Guddi kale oo Amsterdam ka dhisan, kuna soo baxay khilaafka.

Ujeedka kulanka labada guddi ee ka kala dhisan Tilburg & Amsterdam, wuxuu ahaa in laga wadahadalo suurtagalnimada in labada guddi fikir isku mid ahi ka qaadan karaan qaddiyada masaajid Quba.

Guddiga dhexdhexaadinta Tilburug oo ahaa guddiga waqtiga ugu badan geliyay howsha dhexdhexaadinta, ahaana guddigii labada dhinac u qoor dhiibteen, si buuxdana ay u cadeeyeen in ay kalsooni ku qabaan natiijadii ka soo baxda baaritaankooda, waxay shalay dadweynaha ka hor sheegeen in ay go’aamiyeen in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, ayna gar leeyihiin dhalinyarada masjidka ku haray, waxay taxliil ku sameeyeen sababihii ay go’aankaasi u qaateen, oo ay ku kaabayeen dukumintiyo & codad ay sheegeen in ay labada dhinac ka duubeen muddadii ay dhexdhexaadintu socotay.

Dhinaca kale, sida aan ka soo xiganay ilo ku dhowdhow Guddiga ka dhisan Amsterdam, oo ay horkacayeen Cali Waare, Faysal, Qalinle & xubno kale, iyagu biya-dhaca doodoodu waxay aheyd, in labada guddi la middeeyo, howsha dhexdhexaadintana kow laga soo billaabo, dhalinyarada masjidka ku haray na soo wareejiyaan ammaanadii ay ummadda u hayeen si la mid ah sidii Shiikh Suldaan u soo wareejiyay, markaas kaddib na labada guddi oo middeysan ay go’aamiyaan sida laga yeelayo cidda maamuleysa masjidka, hasse ahaatee doodaasi waxaa ku gacan sayray Guddigii Tilburg oo ay ku jireen rag culimo ah, sheegayna in baaritaankooda ku saleysnaa xaq & cadaalad, ayna suurtagal ahayn in howl juhdi badan ay ku bixiyeen ogolaadaan in kow laga soo billaabo.

Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay kulanka

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay magaalada MUQDISHO + Khsaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile, waxaana lala eegtay gaari Spacio ah, sida ay sheegeen ilo degaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka degaanka ee aan la hadalnay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in gaariga la qarxiyey ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo ka mid ah dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydadka iyo dhaawaca dadka ka soo qaaday halkaasi, kadibna xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee gaaray halkaasi.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey kii ka dhacay degmada Wadajir.

Yaa baajiyey shirka madax goboleedyada ee Garowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegay in dib loo dhigay shirka madaxda maamul goboleedyada ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, kaas oo lagu waday inuu furmo beri oo Talaado ah, kuna beegan 21-ka bishani September.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in baaqashada shirka ay timid, kadib soo jeedin ka timid madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maal-mahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu ka waday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Qoor Qoor uu sidoo kale dalbaday in shirka la ballaariyo, si uu ugu biiro ra’iisul wasaaraha, una guddoomiyo shirweynaha ka dhacaya Garoowe.

Madaxda ayaa iska wareysan doono xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, dardar-gelinta doorashooyinka iyo arrimaha amniga ee dalka.

Dib u dhigida furitaanka shirka Garoowe ayaa soo shaac baxday saacado uun, kadib markii ay kulan gaar ah xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah.

Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay kulankaas uga heshiiyeen xorguf u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, shirka ka dhacaya Garoowe ayaa waxaa la iclaamiyey 17-kii bishan, kadib kulan Aaladda Zoom-ka ku yeesheen madax goboleedyada dalka, iyada oo laga reebay Rooble, waxayna taasi dhalisay hadal heyn ku aadan shirkaas oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah.

Cabdiwahaab Cabdisamad oo 10 maalmood kadib lasoo daayey – Yaa afduubtay?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida dalka Kenya ayaa xalay dib u helay xoriyaddiisa kadib muddo 10 maalmood ah, oo la haystay, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.

Ninkan oo ah fallanqeeye siyaasadeed, oo wareysi siiya BBC-da iyo VOA, ayaa Arbacadii 8-da September 2021 lagu qafaashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la waayey meel uu ku sugan yahay, tan iyo markaas.

Cabdiwahaab Cabdisamad ayaa caan ku ahaa inuu aad u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo inuu aflagaadeyn jiray cid kasta oo ra’yi ahaan kasoo horjeeda.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin cidda haysatay Cabdiwahaab, hase yeesheee xubno ku dhow ehelkiisa ayaa sheegay inay haysteen ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaa sirdoonka.

Prof. Cabdiwahaab ayaa diiday inuu wax faah-faahin ka bixiyo sababaha loo afduubtay, hase yeeshee waxa uu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, ayada oo laga yaabo inuu dhowaan ka hadlo wixii dhacay.

Xaaskiiska Xaliimo Maxamed ayaa horey mar ugu eedeysay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu ku lug lahaa afduubka ninkeeda, hase yeeshee dib ayey uga laabatay hadalkaas ayada oo sheegtay in la qalday. 

Sida laga soo xigtay xubno ka mid ah qoyskiisa, eedda loo jeediyey Rooble, ayaa waxaa Xaliimo Maxamed ku cadaadiyey taageerayaasha Farmaajo, si loo sumcad dilo Rooble.

Khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo oo arrrin cusub ku dhaliyey Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda Soomaaliya, kadib markii afduubka Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, uu horseeday khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, saraakiisha Mareykanka ayaa hadda qaba su’aalo la xiriira heerka xasilloni-darrada Soomaaliya, iyo haddii istaraatiijiytadda Washington ee ku aadan Soomaaliya ay u baahan tahay isbeddel.

Michael McCaul, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, islamarkaana ah Jamhuuri laga soo doorto Texas ayaa sheegay inuu aad ula socdo khilaafka siyaasadeed Soomaaliya, uuna “aad uga walaacsan yahay halka Soomaaliya ay ku wajahan tahay.”

“Ayada oo ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Soomaaliya, oo Al-Qacida ay dhiiri-gelin ka heshay wixii ka dhacay Afghanistan, waa dhab in Al-Shabaab ay taas maskaxda ku hayo,” ayuu yiri McCaul. 

“Weli waa halis, waxayna awoodaan inay halis geliyaan danaha Mareykanka iyo dhulka Mareykanka.”

“Nasiib darro sanado badan oo Mareykanka uu taageerayey ciidamada Soomaaliya, kuna bixiyey balaayiin dollar, taasi waxba kama baddalin xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri McCaul.

Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, balse waxaa cad in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu dhaawacay kalsoonidii lagu qabay dowladda federaalka.

Qoraalka Jimcihii kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya.

Netanyahu oo faafiyey arrin ‘ceeb ah oo JOE BIDEN ku qabsatay’ kulankii Bennet

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal uu soo dhigay facebook ku sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhex-hurday kulan uu la lahaa ra’iisul wadsaaraha cusub ee Israel Naftali Bennet, bishii tagtay. 

Biden oo 78 jir ah ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka waxay mar kasta ku ceebeystaan inuu yahay oday xusuustiisa ay sii lumeyso, islamarkaana jirkiisa aanu laheyn adkeysi uu madaxweyne ku noqdo.

Netanyahu ayaa muuqaal uu Axaddii soo dhigay facebook, waxaa laga maqlaa oo cod baahiye uu qabtay isaga oo leh “waad ogtahay soo maaha in Bennet uu la kulmay Biden.” 

“Waxaan maqlay in Biden intii uu socday kulanka uu madaxiisa celi kari la’aa oo uu hoos u dhacayey, sida qof hurdo tacbaan la ah oo kale,” ayuu yiri Netanyahu. 

Horey ayaa waxaa baraha bulshada loogu faafiyey, muuqaal la jarjaray oo laga dhigay in Biden uu ku hurdoonayo kulanka Bennmet, hase yeeshee baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu ogaaday in muuqaalka uu ahaa been abuur.

Netanyahu ayaa waxay saaxiibo ahaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku farxin guushii madaxwene Joe Biden. 

Bishii June, dowlad isbaheysi ah oo ay ku mideysan yihiin, xisbiyada garabka midig, garabka bidix, dhexda iyo kuwa carbeed ayaa Bennet loogu doortay ra’iisul wasaare, isaga oo beddelay Netanyahu kadib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer taariikhda Israel. 

Dal aan la fileyn oo war kasoo saaray khilaafka ka dhex oogan Farmaajo iyo Rooble

0

Vietnam (Caasimada Online) – Dowladda Vietnam ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Vietnam u fadhiya Qaramada Midoobay Pham Hai Anh oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ka xun-tahay xaaladaha soo kordhay ee la xiriira arrimaha Somalia.

Danjire Pham Hai Anh ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay wada-hadal ku xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, isla-markaana ay wax weliba ka horumariyaan danaha qaranka.

“Vietnam waxay ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya inay xalliyaan khilaafaadka oo ay wax walba ka hormariyaan danaha qaranka si ay u xalliyaan xiisadda siyaasadeed ee taagan,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Vietnam ee Q.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhinacyada ku lugta leh khilaafka looga baahan-yahay inay helaan siyaabo lkale oo agu xallinayo xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya.

Pham Hai Anh ayaa sidoo kale soo jeediyey inay muhiim tahay in la dhiso kalsoonida shacabka, xooggana la saaro doorashada, si waafaqsan heshiiskii la gaaray 27 -kii May.

Ugu dambeyn wuxuu caddeeyay in Vietnam ay taageersan-thay doorka iyo tabarucaadka ururada gobolka oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo IGAD, si loo xalliyo xiisadda taagan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay kiiska ‘dilka’ ah ee Ikraan Tahliil Faarax.

Baarlamaanka Carabta oo soo saaray digniin la xiriirta xiisadda ka taagan Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa looga hadla xiisadda siyaasadeed ee hadda u dhexeysa madaxweynaha mkuddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Baarlamaanka Carabta ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka soo kordhay ee Farmaajo iyo Rooble, maadaamo lagu jiro xilli adag oo doorasho.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Baarlamaanka uu ka digayo sii socoshada khilaafkan oo halis ku ah geeddi socodka dalka, loona baahanyahay in la helo xal deg-dega.

“Waa nasiib darro khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in xal loo helaa inta aanay fidin, waxa uu halis ku yahay oo uu burburin karaa geedi-socodka dalka, tallaabada keliya ee furan waa in xal degdeg ah ay ka gaaraan Madaxda Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale bayaanka Barlamaanka Carabta ayaa shaaca looga qaaday in tallaabo kasta oo loo qaado si mas’uuliyadd darro ah inay dhaawici karto muqstaqbalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa xusay inuu diyaar u yahay inuu qeyb ka noqdo wada-hadallada dhex-dhexaadinta ah, si loo soo afjaro xiisadda taagan.

“Baarlamaanka Carabta waxa uu diyaar u yahay in uu taageero tallaabo kasta oo lagu gaari karo is-afgarad, korna loogu qaadayo amniga gudaha iyo xasiloonida, si loo gaaro himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah horumarka iyo nolol wanaagsan” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso marxalad adag oo siyaasadeed, kadib markii ay is khilaafeen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha oo isku maan-dhaafay maareynta kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.