25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Farmaajo iyo Qays – Maxay wadaagaan xagga aragtida?

0

Dhawaanahaan warfidiyeenka adduunku waxay mashquul ku ahaayeen fallanqaynta dhacdo dhabanahays ku noqotay dadkoo idil! 

Arrinka filan waa’ga noqday wuxuu ahaa: in Qays Siciid madaxweynaha jumhuuridda Tuunis ( Tunisia)  uu kala diray barlamankii dalkaas, joojiyayna ku shaqaynta dastuurka, dhammaan shaqooyinkii hay’adaha garsoorkana uu isagu gacanta ku dhigay. 

Talaabadaas – filan waa’ga ku noqotay dunidoo idil- waxay muujinaysa kaligii-talisnimo uu la soo baxay macallinkii “qaanunka dastuuriga ah” ee jaamacadaha Tuunis.

Waa dalkii kaliya ee ka badbaaday hirarkii “Gu’ga Carabta” waa dalkii xorriyadda ee uu maansayahankii caanka ahaa “Abuul-Qaasim Al-Shaabi” ka tirayay tixdii taarikhda gashay ee “IDAL SHACBU YOOMAN ARADAL AL-XAYAAT). Maantase, Tuunis waxay u muuqataa in ay god mugdiy ku dhacday. 

Qays Siciid waa 63 jir, wax ku bartay dalkiisa iyo dibaddaba, isagoo shahaadada sare ee takhasuskiisana ka  soo qaatay Talyaaniga. Wuxuu bare-sare ka noqday qaar ka mid ah jaamacadaha dalkiisa ee Tuunis. 

Dayrtii 2019-kii ayaa doorasho dad weyne uu ku noqday madaxweynihii 7-aad ee jamhuuriyadda Tuunis. Intii uu ku guda jiray ololihiisa siyaasadeed wuxuu hantay quluubta dadweynaha Tuunis, wuxuu ka sheekayn jiray sida uu barwaaqo u gaarsiin doono muwaadiniinta aan heli karin nolol-maalmeedkooda, ugu qareemi doono, wax uga qaban doono dhibaatooyinka haysta. 

Badiba, wuxuu ku hadli jiray Afka Carabiga fasiixa ah, wuxuu iska dhawri jiray adeegsiga “lahjadda” arrinkaas ayuu ku macnayn jiray: in uu yahay ruux aan haybtiisa doorin, welina ku faro-adeeygaya dhaqankiisa iyo afkiisa hooyaba! 

Dhamaadkii bishii July  sannadkaan aan ku guda jirno ee (2021) ayuu Qays Siciid soo saaray wareegto uu ku kala diray golayaashii dowladda Tuunis, isagoo cuskaday -siduu sheegay-  qodobka 80-Aad ee dastuurka dalkaas! 

Haddaba, aan u dhaadhacno ubucda dhambaalkayga ee nuxurkiisu yahay: is-bar-bardhigga labada hoggamiye ee kala ah: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qays Siciid.

Maxay wadaagaan xagga aragtida siyaasadeed? Sidee u maareeyeen dalalkooda? Muxuu yahay raadka ay ka tageen?!!

Su’alahaas iyo kuwa kaleba ayaa ka guuxaya maankayga, waxaan in badan u fiirsaday sida labadaa hoggaamiye ay u maran-habaabiyeen dadkooda, sida ay ugu ciyaari karaan caqliga shacabka, u adeegsan karaan warbaahin u durbaan tunta, ugu dadaalayaan -labaduba- in ay noqdaan madaxweynayaal aan waligood kursiga bannayn!

Ku dayasho! 

Ma aha arrin ugub ah in hoggaamiye kastaa uu yeelan karo mid kaloo uu ku daydo, waa taxane soo jireen ah, haddaan tusaale dhow u soo qaadanno madaxweynihii Tuunis ee kacdoonkii “Gu’gii Carabta 2011” talada dalka qabtay “Abuu Munsif Al-marzuuqi”  waxaan in badan ka akhriyay -dhambaaladiisii joogtada ahaa ee uu qori jiray- in hoggaamiyihii Koonfur Africa Nelson Mandela (1918-2013) uu ahaa ruux uu ku daydo xagga siyaasadda, ma ahayn arrin uu qarsan jiray dhaqtarkaas bidixda fog ahaa, dabadeedna la shaqeeyay xisbi Islaami ah (Al-Nahda oo ah xisbiga aqlabiyadda barlamanka Tuunis) noqdayna hoggaamiye si xushmad iyo nabadba ku dheehan tahay u wareejiyay taladii dalka Tuunis. 

Anigu, qof ahaan, waxaan xaqiiqsaday in “Abuu Munsif Al-Marzuuqi” uu ahaa hoggaamiye ka dhabeeyay aragtiyadii uu qori jiray ee lagu daabici jiray warbaahinta dunida Carabta kuwooda ugu afka dheer. 

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Aadam Cabdulle Cismaan (1908-2007) madaxweynihii ugu horreeyay markaanu madax-bannaanida qaadannay uu yahay hoggaamiye uu ku daydo, sawirkiisa ayuu ku xardhay darbiyada madaxtooyada “Villa Somaaliya” ficillada ka soo fulayase, dhammaantood waa kuwa muujinaya xil isku dhajin, awood maroorsi, la dagaallanka waxay Soomaali ku heshiisay, dhinac-mar dastuurka ah. 

Haddii – Alle ha u naxariistee- madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya uu xilka si nabad ah ku wareejiyay, Farmaajo uma muuqato arrinkaas, waxa uu hammuun iyo harraadba u qabaa kursi. 

Madaxweyne Qayska Tuunis, markuu loolanka doorashada ku jiray wuxuu ballanqaaday in maamulka uu baahin doono, ogolaynna in awoodaha dowladnimo ku aruurto gacan kaliya; maanta oo uu yahay madaxweynaha Tuunis isaga ayaa xukuumaddii madax u ah oo ay wax kasta ku soo dhamaadaan; wuxuu guluf-colaadeed la galay raysul-wasaarohii dalka, guddoomiyihii barlamanka, madaxdii garsoorka, meel uu dalka u wadana cid saadaalin kartaa ma jirto! 

Sidaas si la mid ah ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu uga horyimid wax kasta oo uu ballanqaaday. Labada hoggaamiye waxay wadaagaan nacaybka dastuurka ay madaxda ku yihiin, midkoodna ma oggola ku dhaqankiisa! 

Qodobbo Dastuuri ah! 

Markii uu Qays Siciid kala dirayay golaha sharci dajinta ee dalka Tuunis wuxuu cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka dalkiisa; kaas oo qeexaya in madaxweynuhuu kala diri karo barlamanka marka uu dalka xaalad khatar ahi ay soo foodsaarto. 

Tuunis iminka wax halis galin kara jiritaankeeda qarannimo kama dhicin, madacweyne Qaysna wuxuu cuskaday qodob aan xiriir la lahayn tilaabada uu qaaday! 

Sidaas si la mid ah, ayaa madaxweyne Farmaajo ku soo saaray wareegtooyin uu ku carqaladaynayay xafiiska raysul-wasaaraha intii lagu guda jiray baaritaankii gabadhii la afduubay Ikraam Tahliil.

Waraaqihii tirada badnaa ee uu madaxweyne Farmaajo soo saaray waxaa dhammaantood uu ku xusay qodobka 87-Aad oo farqadiisu “C” qeexayso in madaxweyne Farmaajo uu yahay ilaaliyaha guud ee mabaa’dida dastuurka. 

Qodobkaas cuskashadiisu ma aha mid ku habboon dhacdada meesha ka dhacday, ee waa ka shaqaynta nidaamka Federalka ee dalku leeyahay iyo dhamaysirka dastuurka ku-meel-gaarka ah. 

Farmaajiyo Qays waa laba hoggaamiye oo aad u yaqaan humaag isku qarinta, fasiraadda dastuurka sida ay iyagu doonayaan.

Igu sawir !

Labada hoggaamiye waxay aad u jecelyihiin adeegsiga warbaahinta, mudane Qays muddaba markuu joogo wuxuu la kalmaa warbaahinta dalkiisa ka hawl gasha, isagoo dhoolatus xagga aftahammada luuqadda ah soo bandhiga, ma ogola in saxafiyiintu su’aalo weeydiiyaan, ta baddalkeed wuxuu ku dul akhriyaa casharro xagga dowlad-wanaagga ah iyo in warbaahintu ka shaqeyso dowlad-dhiska, dulucduse, waa in warfidiyeenku u sawiraan isagu in uu yahay hoggaamiye aragti leh! Waa barti-yaqaan, tiisa mooyee, aan tu kale aqoon! 

Dhanka Farmaajo ma leh isagu aftahammo uu ku xardhan karo tiraabtiisa, wuxuuse la wadaagaa Qays, in aanu jeclayn weeydiimaha warbaahinta, dhammaan khudabadihiisu waa kuwa diyaarsan. 

Waxay labaduba xoogga saaraan in ay majaraha ka lumiyaan shacabka, adeegsadaan caadifad wadaniyadeed, halkeenaan Soomaaliya waxaa aad u faafay “Farmaajo ii geeya” Tuunisna wuxuu Qays ku qalbi-diirsadaa “KULUNAA QAYS SICIID” oo iyadu tan hore la macne ah!

Raadka ay ka tagi doonaan waa mid taban, waa mid dhaawici doonaa dareenka shacabka ay xukumaan, waxay horseed u noqon karaan in aan la aaminin qof kastoo Sheegtaa hufnaan iyo dhawrsanaan, labuduba dadka waxay ku sireen is-dabcin, qunyar socod aan dhagar ka marnayn, horay ayay Soomaalidu u tiri “ Abeeso dhul u eki bay kugu dishaa, wadaadna dad u eki.”! 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qoor Qoor iyo R/Wasaare Rooble oo xalay heshiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay heshiis uga gaarayeen madmadow waayahaan soo kala dhex-galay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulanka oo goordhaw u soo idlaaday Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay uga heshiiyeen xorguf siyaasadeed uu u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa dhinacyadii isku howlay xalinta khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa la sheegay inuu dhinaca Farmaajo u janjeeray, taas oo Rooble ka careysiisay. 

Sidoo kale dhinacyo kala duwan isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa horay ugu dhaliilay Maadaxweyne Qoor Qoor in doorkiisii saxda ahaa uusan qaadan khilaafkaas, isla markaana dhexdhexaadinta Madaxweynaha iy Ra’iisul wasaaraha uusan u gelin hab dhex-dhexaad ah.

Waxaa guul-dareystay dadaaladii ay hor kacayeen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ee lagu xalinayey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo haatan gaaray heer laga quustay dhex-dhaxaadintooda, inkastoo Puntland ay ku dhawaaqday inay dhex-dhexaadin doonto.

Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay meesha laga saaray mad-madowgii u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo labadoodu ay xal ka gaareen.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed oo qarax miino lagu weeraray

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka degmadaas, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan qaraxa ah ay ku dhaawacmeen taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar kale oo la socotay, xilliga uu dhacayey weerarka qaraxa ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Weli maamulka Koonfur Galbeed faah faahin kama bixin qaraxaas, balse mas’uuliyiinta ay dhaawacyada soo gaareen ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee degmadaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo gaashanaya AMISOM ay howlgallo ka wadeen gobolada Baay & Bakool.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan ay ka fulisaa weeraro geysta khasaare dhimasho & dhaawac.

Sawirro: Madaxweyne Geelle oo maanta ku laabtay Jabuuti kadib wararkii laga faafiyey

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta kusoo laabtay Jabuuti, maalmo kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu xanuusan yahay, kuwaas oo dowladda ay beenisay.

Geelle oo ku maqnaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti ayaa qoraal u muuqda inuu ku socday dadka faafiyey wararkaas oo uu maanta soo dhigay twitter ku yiri “Hamiga aan ku hiigsaneyno horumarka dalkeena lama kulmi doono waxa tabar-darri ah. Waxaan madaxweynaheena u rajeyneynaa soo laabasho nabad ah.”

Toddobaadkii tageya ayaa waxaa aad ugu baahay baraha bulshada, warar sheegayey in madaxweyne Geelle “loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.”

Hase yeeshee waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

“Wuxuu fasax qaatay dhowr maalmood, wuxuuna marayaa tijaabooyin caafimaad oo la xiriira nasasho la’aan oo ah inuusan ka tegin dalka xagaagan oo dhan,” ayuu ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 73 jir ah ayaa Jabuuti xukumayey tan iyo 1999-kii, waxaana bishii June ee 2021 loo doortay muddo xileedkiisii shanaad.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saray habraaca doorashada Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Hoos ka aqriso habraaca.

Habraaca Doorashada Aqalka Sare BFS (Somaliland)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, Habraacii doorashada dadban ee kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee 2016kii oo saldhig u ah hannaanka doorashada kuraasta Aqalka Sare iyo heshiisyadii madasha Wada-tashiga Qaran ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021.

Iyagoo maanka ku haya muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo doorasho hufan, xor iyo xalaal ah oo aan daahitaan lahayn, waafaqsanna Shuruucda, heshiisyada iyo habraacyada sare ku xusan. Waxay soo saareen hanaanka loo marayo dooorashada kuraasta Aqalka Sare ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 1aad: 

Shuruudaha Murasharaxa Aqalka Sare Si waafaqsan Qodobka 58aad ee Dastuurka KMG ee JFS, Murashaxa u tartamaya BFS:

1. waa in uu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ka soo jeeda Somaliland, da’diisuna aanay ka yarayn 25 sano xiliga doorashada. 

2. Inuusan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagu hakin 5-tii sanno ee u dambeeyey ama aanay Maxkamaddi ku xukumin dambi 5-tii sanno ee u dambeeyey; 

3. Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ah ama waayo aragnimo u dhiganta oo la xaqiijiyey, 

4. In lagu yaqaan dhaqan suuban iyo akhlaaq wanaagsan. 

5. Musharraxa u tartamaya Aqalka Sare ee BFS waa in uu ka soo-jeedo gobolka uu yaalo kursiga uu u tartamayo sida waafaqsan habraacii doorashada Aqalka Sare ee 2016. 

6. Musharaxiinta aan ka mid ahayn Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada aqal, waa in uu la yimaado warqadda dambi la’aanta oo ka soo baxday Waaxda Dambi Baadhista Booliska Soomaaliyeed, 

7. Murashuxu waa in uu bixiyey lacagta musharaxnimada ee lagu jaangooyey heshiiskii Madasha ee 22 August 2021. 

Qodobka 2aad: Habraaca Doorashada 

1. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenku waxa ay si wada jir ah u soo saarayaan liiska xubnaha u tartamaya 11-ka kursi ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee BFS. Waxayna liistada u gudbinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Somaliland (SEIT) si ay u asteeyaan goorta doorashada. Goobta doorashada kuraasta Aqalka sare ee Xildhibaanda ka soo jeeda Gobolada Waqooyi waxay noqoneysa Hanger-ka ciidamadda Cirka ee Afisiyooni. 

2. Ergo ka kooban 46 xubnood oo ka kala yimaada 23-da saxeexe (Oday dhaqameed) iyo 23 xubnood oo ay saxeexayaashu soo xuleen ayaa dooranaya xubnaha Aqalka Sare. 

3. Codbixintu waxa ay noqonaysaa mid sir ah oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland (SEIT) korjoogtana ay ka yihiin Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyo Gudiga khilaafaadka. 

4. Haddii kursiga ay ku tartamayaan in ka badan labo murashax, waxa guulaysanaya murashixii hela 2/3 codadka ergada codsanaysa, haddii kale waxa loo gudbi karaa wareegga labaad ilaa saddexaad, 

5. Kursiga ay u tartamayaan labo musharax waxa lagu kala guulaysanayaa hal dheeri (50%+1) ee codadka ergada codaynaysa. 

6. Haddii kursi uu u tartamayo murashax kali ah, waxa loogu codaynayaa hab gacan taag ah, waxaanu ku murashuxu ku guulaysanayaa hal dheeri codka ergada (50%+1) 

Qodobka 3aad: Mabaadii guud 

1. Murashaxa u tartamaya kuraasta labada Aqal ee BFS ee haya xil dawladeed (ee aan hayn xubnaha golayaasha Qaranka ee mudo xileedkooda dhamaanayo) ama shaqaale dawladeed ahi waa in uu istiqaaladdiisa u gudbiya Guddiyada Doorashooyinka (SEIT iyo FEIT) 7 maalmood ka hor maalinta doorashada. 

2. Murashaxa u tartamaya Aqalka Sare mar labaad uma tartami karo Golaha Shacabka. 

3. Si looga hortago in bulshada dooranaysa wakiiladooda ku metelaya golayaasha qaranka la soo dhexgelayo laaluush, musuqmaasuq iyo eex, loona fuliyo shuruucda dalka ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluushka, waxaa ka reeban dhamaan dadka ku lugta leh doorashada sida oday dhaqameedyada, gudiyada doorashada, gudiga xulista ergooyinka, ergooyinka wax dooranaya iyo murashaxiinta tartamaya adeegsiga nooc kasta oo laaluush iyo musuqmaasuq ah. 

4. Cid kasta oo lagu qabto ama ay ku cadaato qaadashada nooc kasta oo laaluush, musuqmaasuq iyo eex ah wuxuu gelayaa fal dembiyeed, waxayna gudoonka sare ee Doorashada Somaliland ka joojinayaan hawlaha doorashada, waxaana kiiskiisa lagu wareejinayaa hay’adaha garsoorka. 

M.ne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS 

Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi
Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS

Yaa ka dambeeyey warqada laga faafiyey R/W Rooble, maxaase ku qoran? – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey waraaq been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, xilli ay sare usii kacday xiisadda ka dhaxeysa isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Warqadda ayaa muujineysa in Ra’isul Wasaare Rooble ku dalbaday lacag ku jirta qasnadda dowladda.

Warqaddan ayaa ku socota Bankiga Dhexe, iyadoo Ra’iisal wasaare Rooble ku dalbanayo in lagu soo wareejiyo lacagtii Imaaraadka Carabta ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho April 2018, taasoo gaareysa 9.6 milyan oo dollar, welina ku xayiran Bankiga Dhexe.

Warqaddan ayaa waxaa si degdeg ah ah u beeniyey oo been abuur ku tilmaamay afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Maxamed Ibrahim Macalimuu, wuxuuna war uu soo saaray ku yiri: “Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh”.

Warqaddan ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ku tilmaamay inay muujineyso in Villa Somalia ay kusoo ururtay kaliya inay sameyso been abuur.

“Halkaan ayay naf ka dooneen CBB-dii shaqa la’aanta la dhigay! Warqadddani kama duwana kuwii maalmihii dhoweyd xafiiska Villada ka soo baxayey,” ayu yiri Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia waxay u xaqiijiyeen Caasimadda Online, madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dambeysay faafinta waraaqdaan been abuurka ah si loo sumcad xumeeyo Rooble oo hadda u muuqda inuu haysto inta badan taageerada shacabka Soomaaliyeed, taasoo ka dhalatay sida uu uga falceliyey kiiska Ikraan Tahliil Warsame.

Halkaan hoose ka arag waraaqda been abuurka ah ee laga sameeyey Rooble

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Masjidka Quba ee Soomaalida Amsterdam

0

Waxaa maanta [19/092021/ loo madlan yahay in jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland, gaar ahaan Amsterdam iyo agagaaraheeda ay dhageystaan natiijadii ka soo baxday baaritaanka guddiga dhexdhexaadinta [Tilburg] oo in muddo ah ku howlahaa in ay baaritaan ku sameeyaan khilaafka u dhexeeyey guddiga maamula masjidka Quba Amsterdam, waxaanna lagu wadaa in mushtamaca la wadaagaan wixii ka soo baxay baaritaaankooda, iyada oo qaddiyada ku saabsan khilaafka masjidka ay si weyn u dhibsadeen Soomaalida dalkan ku dhaqan & kuwa dacalada dunidda ku sugan.

Khilaafka masjidka, wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa guddiga, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim & Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maamulka & howlwadeenada masaajidka.

Guddiga maanta natiijada warbixintiisa la sugayo oo isugu jira odayaal indheer-garad ah fadhigooduna yahay Tilburg & Eindhoven ka sokow; Sidoo kale khilaafka dadka ku soo baxay ee degan Amsterdam iyo agagaarkeeda waxaa ka mid ah guddi ay xubno ka yihiin Cali Waare & Eng. Faysal oo ah aqoonyahanno ka mid ah hormuudka Soomaalida, waxaanna siddeedii cisho ee u dambeysay ee la sugayay natiijada baaritaanka dhacday 2 dhacdo oo xaalada khilaafka kaga sii dartay.

Dhacdada hore, wadaadka Shiikh Suldaan Gasle ayaa Axadii shir uu isugu yeeray mushtamaca Soomaalida, madasha ka sheegay in sababta khilaafka keenay ee loo cayrsanayo ay kow ka tahay isaga oo hortaagnaa dhaqaalaha masjidka oo si shaqsi ah loogu tasarufay; dhinaca kale na wuxuu duray dhexdhexaadnimada guddiga odayaasha Tilburg.

Dhacdada 2aad ayaa aheyd; 14-kii bishan in Shiikha xilli habeenimo ah loo geeyey warqad lagu wargelinayo in marka subaxa la gaaro inuu masjidka isaga tago, waxaana Shiikhu arrintaasi uu ku wargeliyey qaar ka mid ah mushtamaca Soomaalida, isla subixii loo balansanaa in Shiikhu isaga tago masjidka waxaa afaafka hore ee masjidka soo buuxiyay dad Soomaali ah, una badnaa dumar iyada oo sawaxankii & qeylada dadkii u soo baxay inaan Shiikha masjidka laga saarin ay sababtay in boolis goobta uu yimaado, waxaanna xaaladu ku dhammaatay in Shiikha amar lagu siiyo inuu masjidka isaga tago. Muuqaalada shaashadaha laga arkay ee tilmaamaya Shiikhii iimaamka ka ahaa masjidka tan & markii la aasaasay, dad badanina u aqoonsanaayeen inuu ahaa [Shiikhul-balad] waxay noqotay dhado dad badani ka careysiisay. Dadka qaar doodoodu waxay aheyd xittaa calal-aqal haddii Shiikhu qaldanaa waxay aheyd inuu ku baxo xaalad taasi ka duwan.

Labadaas dhacdo ee dhacay intii ay dhexdhexaadintu socotay waxay soo xireen albaab kasta oo suurtagelin karay in khilaafkaasi waqtiga dheer soo jiitamayay xal loo helo.

Wareysiga maanta aynu la yeelanay Guddiga masjidka ku haray, oo ahaa waraysigii ugu horreeyey ee ay bixiyaan Guddiga, iyaga oo sababaha aamusnaantooda dheer ku sheegay in uu jiray heshiis laga saxiixay labada daraf markii ay dhexdhexaadintu billaabaneysay, heshiiskaas oo qeexayay in labada dhinac aysan saxaafadda la hadli karin inta guddigu howshiisa baaritaanada uu soo dhammeysanayo, iyada oo laga duulayo in xaaladda aan looga sii darin. [Heshiiskii oo qoraal & saxiix ah waxaa na tusay C/llaahi Qalaf & Guuleed Wayrax].

Kulanka saxaafadda ay isugu yeereen guddiga ku haray masjidka waxaa goob joog ka ahaa Guuleed Wayrax, Shiikh Ibraahim oo loo yaqaan [Abuu-Khadiija], C/llaahi Khalaf, Xassan Barre, Guuleed Xersi & xubno kale.

Guddiga masjidka waxay u xilsaareen in su’aalihii saxaafadu ay weydiisay guddiga inuu ka jawaabo Guuleed Wayrax oo maamulka guddiga ka tirsan.
Guddiga ayaa sidoo kale fursad u siiyay saxaafadda in ay la wadaagaan dokumintis muujinaya heerarka khilaafku soo maray.

Su’aalaha la weydiiyay Guuleed waxaa ka mid ahaa; Inuu si koobban u sharaxo sida khilaafku ku bilowday & marxaladihii uu soo maray, wuxuuna ku jawaabay:

“Masjidka wuxuu ku aasaasmay dad walaala ah oo isu tegay, Jaaliyadii SOMVOA ee xilligaasi jirtay ee aynu ka wada tirsaneyn waxay ka koobnayd qeyb howlaha ishtimaaciga u xilsaarnaa, waxaanna horkacayay waddaadada & qeyb maamulka qaabilsan, walaalo uu ka mid ahaa Abuu-Khadiijo oo magaalada nala dagan ayaa qeybtaas hayn jiray aniga iyo walaalo kale waxaan kaga soo biirnay Amsterdam west, intii aan masjidka la aasaasin waxaan si weyn kaga qeybqaadan jirnay marka dalkeena ay ka dhacaan arrimaha masiibooyinka sida fatahaadaha iyo abaaraha, mushtamaca dalkan Holland degan waxay kaga duwan yihiin Soomaalida kale ee qurabaha waa dad aan shaqo ku lahayn qabiil & xisbi oo midnimo ku caana-maala, waana tan dhaxalsiisay in masjidkan oo ka mid ah masaajidada ugu quruxda badan dalka, kuna yaal xuduntii dalka in ay dhistaan.

“Fikirka quseeya in loo baahan yahay masjid, wuxuu yimid markii ay nagu yaraatay goobtii masaajidka & dugsiga ee waddaadu ay ku shaqeynayeen, waxaanna is tusnay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo muásasaad ballaaran, howsha masjidka waxaan bilownay 2007, muddo kaddib Shiikha ayaa ku wargelinay, markii aan aragnay in lacagtii la uruuriyay ay badan tahay ayaa billownay raadinta dhul aan ribo lahayn, mu’asasada waxaa ku qornaa Nuuradiin, Abuu Khadiija & Guuleed markii la aasaasayay 2008-dii, 3 sanno kaddib oo ku beegneyd 2011 ayaa go’aansanay in Shiikha ku soo biirino guddiga, waxaanna ka dhignay Guddoomiye.  Markii masjidku furmay howlo badan ayaa soo fakaday, jaanibyo badan ayaa u baahday in howshooda la tayeeyo, sida in dadkii masaajidka ku xirnaa in la badiyo, tabarucaada oo uu masjidku ku socday la xoojiyo, dhinicii tahliinta iyo dacwada la ballaariyo, waxaa dhacday in dhinicii dacwada sidii la rabay horumar looga gaari waayo, khilaafka wuxuu salka ku hayaa horumarkinta dacwada & khidmada masaajidka. Annaga muddo badan ayaa isku daynay inaan qaab is fahan ah ku wajahno, waa dhalan waysay isfahamkii, halkaas ayuu khilaafku ka bilowday.

Teeda kale, intii howsha dhedhexaadintu socotay khilaafka waxaa ku soo baxay dhinacyo badan waxaa ka mid ah culimo Soomaaliyeed oo UK joogta, go’aankoodu wuxuu ahaa in Shiikhu dacwada uu ekaado howlaha maamulkana uusan soo fara gashan, sidaas ayaa lagu xaliyay shiikhana waa aqbalay, muddo kaddibna khilaafku wuu soo noqday.

Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay, Arrimaha Shiikhu idinku eedeeyey waxaa ka mid ahaa; ku-takrifal hantida masjidku leeyahay, doodaas maxaad kaga jawaabaysaan.?

“Masaajidka lacagaha ka baxaayo Accoun-ka masaajidka wuxuu leeyahay 3 kaar bangi. Lacagaha la isticmaalo waa lacago maalin walba [daily] la isticmaalo, waxaanna ruqsad loo weydiiyaa 3 qofood oo kala ah: Shiikh Suldaan, aniga & Cabdullaahi Qalaf, lacagaha ka baxsan [daily] waxay ku baxaan ogolaanshaha aniga & Shiikha, mana jirin lacag qasnada masjidka ka baxday oo aanu Shiikhu saxiixin Waxaan haynaa lacag kasta oo masjidka qasnada ku soo dhacday & sida ay ku baxday.

Guuleed, waxaa kale oo la waydiiyay su’aal ahayd; Haddii loo baahdo in baaritaan lagu sameeyo bangiga masaajidka lacagihii soo galay & sidii ay lacagahaasi u baxeen xilligu Shiikhu sheegayo in wax la is-daba mariyay baaritaan madax bannaan ma ogoshihiin.? Wuxuu ku jawaabay:

“Haa, sannad walba xisaab xir waa la sameeyaa hay’aad annaga naga madaxbanaan ayaa sameysa wax kasta oo aan sameynayo isaga oo digital ah ayaa la hayaa, way sahlan tahay in qofku hadal iska yiraa, laakiin cid kasta ee wax sheegta waa in ay cadeysaa, marka Shiikha ha na tuso lacagta lagu tasarufay”

Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay su’aal ahayd; Dadka Soomaalida ah ee u aqoonsan Shiikha inuu masjidka oday ka ahaa, kana careysan sida aad Shiikha ula dhaqanteen ama ku sagootiseen maxaad dadkaasi oran laheydeen.?

Guuleed, wuxuu ku jawaabay:

“Waxaa ina qabsatay 2 darran mid doorta, Shiikhu iyada oo natiijadii baaritaanka laga dhur-sugayo isagaa booliska dacwad geeyey oo [Aangift] sameeyey, booliska inuu masjidka yimaado annagu raali kama aynaan ahayn, umana yeerin. Shiikha dadka isaga ayaa u yeeray oo cajalad u duubay, waxaa nasiib darro in dadkii yimaaday aysan dhihin war Shiikhoow xaalada deji, annagu ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan Shiikha la hadalno oo aan dhahno warqada gurigaaga ku sug, dadkii xittaa markaas yimid ee careysnaa markii ay booliska tageen waa aan dhageysanay, horayna waa isugu daynay inaan dejino, markii dambe cabashadooda waa dhageysanay.

Su’aal kale, oo la weydiiyey waxay aheyd, Markii boolisku yimid waxaad tiraahdeen Shiikha ha baxo, dadka bannaanka dhoobana ha la hadlo, sidii ayeey boolisku yeeleen, shalay Video aad soo duubteen waxaad sheegtay in Shiikha aydnaan ku qasbin inuu baxo, hadaladiina sow is khilaafi maayaan.?

Guuleed, wuxuu sheegay in Shiikha ay ku wargeliyaan bixitaankiisa, balse aysan ku qasbin xilliga uu baxay.

“Boolisku, markii uu yimid ee dadka uu sarta ka saaray annaga iyo Shiikha waa ay nala kulmeen, Shiikha waxay ka dalbadeen inuu dadka kala diro, isagana uu iska baxo, markuu bannaanka u soo baxay wuxuu ku yiri dadkii meesha isugu soo baxay, raggani booliska waxay ka dhaadhiciyeen inay yihiin milkiilayaal [Eigenaar], wuxuuna u sheegay in hantidooda oo ay iyagu leediyihiin ay si kale u dhacsadaan. 9-ka subaxnimo inuu baxo ayeey aheyd waxaan dhahnay ha iska joogo isaga waqtiga uu rabo ha baxo.

Booliska markii uu nala fadhiyay waxaan ku niri wixii dhexdeeana ah annaga ayaa xalineyno, dumarka maadaama shiikhu u yeeray annaga iyo Shiikha oo wada jirna inaan dadkaas hor istaag markii uu soo baxay

Guuleed waxaa kale oo la weydiiyay sida uu arko in waddaadadu xilligii ururkii SOMVOA iyo maamulkiisa ay is-qabteen inay ku doodeen in boolis loogu yeeray, in ku dhowaad 15 sanno kaddib iyagii ay boolis isugu yeeraan, sida uu tillaabadaasi u arko.?

Guuleed wuxuu sheegay in waddaadadu marnaba aysan oran boolis ayaa na loogu yeeray.

“Walaalaha SOMVOA waxay ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee aan ku wargeliyay markii dhulka la gaday, weliba waxaan ka dalbanay in ay dhismaha na la soo dagaan inkastoo markii ururkaasi burburay” Ayuu yiri Guuleed Wayrax

Arrinta kale, ee ay muhiimka tahay in halkana lagu xuso ayaa ah; been abuur laga sameeyey walaal Guuleed Xersi oo ka mid ah dhalinyarada masaajidka u qidmeeya.
Warbixinadii hore ee masjidka laga qoray mid ka mid ah ayaa lagu xusay in maamulka masjidku iyaga oo isticmaalaya dhaqaalaha masjidka in baabuur taksi ah ay u iibiyeen Guuleed Xirsi.

Baaritaan ay saxaafaddu sameysay markii uu warkaasi baxay waxaa la soo ogaaday in Guuleed Xirsi uu arrintaasi beri ka yahay, taksiga uu wato-na uu ku iibsaday lacagtiisa.

Xiisadda Faransiiska iyo Mareykanka iyo Australia oo weji cusub yeelatay (Aqriso)

0

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalmaha soo socda wada-hadal taleefon la yeelan doona dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, xilli ay xiisad diblomaasiyeed ka dhex oogan tahay labada dal ee xulufada ah, waxaas sidaas sheegay afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Gabriel Attal.

France waxay raadin doontaa “sharaxaad” ku saabsan baabi’inta dalab ay Australia ku iibsan laheyd gujisyada Faransiiska, kaasi oo hadda ay ka iibsaneyso Mareykanka, sida uu Attal u sheegay taleefishinka BFM TV.

Dhinaca kale, Australia ayaa maanta difaacday ka bixidda heshiiska gujisyada Faransiiska, waxayna sheegtay in muddo bilo ah ay Paris la wadaageysay walaacyo ay ka qabto, kahor inta aanay heshiis cusub la saxiixan Mareykanka iyo Britain.

“Kama shaleynayo go’aanka aan danta qaranka Australia uga dhigay midda koowaad,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Scott Morrison.

Australia ayaa ka baxday heshiis ay 2016 la gashay shirkadda Faransiiska ee Naval Group ay ugu dhisi laheyd gujisyo, waxayna Khamiistii ku dhowaaqday inay sideed gujis u dhisi doonaan Mareykanka, taasi oo qeyb ka ah heshiis amni oo ay sidoo kale Britain ku bixin doonta taknoolajiyadda.

Tallaabadan ayaa ka carreysiisay France, oo xulufo NATO la ah Mareykanka iyo Britain, taasi oo dhalisay inay u yeerato safiiradeeda Washington iyo Canberra.

Marrison ayaa sheegay inuu dareensan yahay niyadjabka Faransiiska ee baabi’inta dalabka oo lagu qiimeeyey 40 bilyan oo dollar, hase yeeshee wuxuu ku celiyey in Australia ay go’aanadeeda u qaadato si waafaqsan danteeda ugu wanaagsan.

“Tani waa arrrin bilo ka hor aan shaqsi ahaan usoo hadal qaaday, waana ka wada-hadleynat arrintan, ayada oo uu qeyb ka yahay wasiirka difaaca” ayuu yiri Morrison.

Heshiiskan cusub ayaa wuxuu horseeday xasard diblomaasiyad oo ka dhex-qaraxday Washington iyo Paris, taasi oo fallanqeeyayaasha ay sheegeen inuu horseedi karo waxyeelo raagta oo ku timaada isbaheysiga Mareykanka ee Faransiiska iyo Yurub.

Paris ayaa baabi’inta heshiiska ugu yeertay “dhabarka oo laga mindiyeeyey,” ayada oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Jean-Yves Le Drian uu sheegay in xiriirkooda Mareykanka uu ‘qalalaase” galay.

REUTERS + VOA

Sawirro: AL-SHABAAB oo qaraxyo ku buburisay garoon diyaaradeed + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo miino ku burburisay garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte oo dhowaan uun lagu sameeyey dib u dayactir balaaran.

Garoonka oo dhimihiisa shalay lasoo gaba-gabeeyey ayaa gabi ahaanba burburay, kadib markii ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku xireen qaraxyo nooca miinada ah, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare kale oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac.

Qaraxyada ayaa si gaar ah waxay u burburiyeen qeybta hubinta iyo sidoo kale qeybta sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burte, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday garoonka, kadib marka ay dhaceen qaraxyadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan hal qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Sidoo kale waxaa garoonka la burburiyey si wadajir ah uga  howl-gala ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo durbaba howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

Weeraradan qaraxyada ah ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Buulo-burte ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay uun lasoo gaba-gabeeyey dhismaha garoonkaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka waa weyn ee gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka.

 

Tallaabada beesha caalamka ay qaadeyso ee la xiriirrta loolanka Farmaajo iyo Rooble

0

Washington (Caasimada Online) – Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo ah aqoonyahan, Soomaaliyeed oo ku sugan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay xiisada u dhexeyso madaxda dalka iyo sidoo kale doorka beesha caalamka ee ku aadan khilaafkooda.

Culusow ayaa wareysi uu siiyey VOA-da uga hadlay suurtagalninad culeys ka imaan kara beesha caalamka oo haatan si dhow ula socoto khilaaf u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Ma laga yaabaa in beesha caalamka ay cadaadis saarto madaxda dowladda?

Dr Culusow ayaa shaaca ka qaaday inay dalalka beesha caalamku leeyihiin awood ay wax ku yiraahdaan, si cadaadis xoogan loo saaro madaxda Soomaaliyeed ee is khilaafsan.

Aqoonyahankan ayaa sidoo kale xusay in beesha caalamku ay tix-gelineyso dareenka madaxda Soomaaliyeed iyo garashooda, si ay iyagu xal wada gaaraan.

“Waa leeyihiin inay awood wax ku yiraahdaan, laakin runtii illaa iyo hadda la xeyrinayaa in la tix-geliyo iyaga dareenkooda iyo garashadooda,”ayuu wareysigan ku yiri Dr Culusow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tiirsan tahay kaalmada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho dalalka beesha caalamka.

“Soomaaliya maanta waxay ku tiirsan-tahay kaalmada taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee dowladaha maanta gacanta siiya Soomaaliya, sida Yurub, Mareykanka iyo dalal kale,” ayuu markale ku yiri wareysigaan Dr Maxamuud Culusow siiyey Idaacadda VOA-da.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday shirka maamul goboleedyada ee ka dhacaya Garoowe, wuxuuna sheegay in isna cadaadis lagu saari karo madaxda dalka inay kala saaraan doorashooyinka iyo kiiska la xiriira Ikraan Tahliil Faarax oo cadaalad u baahan.

“Madaxda dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kaleba waxa ay kaalin weyn ku leeyihiin in ay culeys saaraan madaxda is khilaafsan si ay heshiis uga gaaraan, in la kala saaro arrimaha doorashooyinka & Kiiska Ikraan Tahliil oo u baahan Cadaalad,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday & ra’iisul wasaaraha.

Xijaar oo ciidankii ka watay Jaamacada Umada, kadib markii ay ka diideen codsi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jaamacada iyo booliska Soomaaliya, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa amray in la xareeyo askar ilaalo ka aheyd Jaamacada oo ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya. 

Ammarka Janaraal Xijaar ee ciidanka looga watay Jaamacada Umada ayaa yimid kadib markii maamulka Jaamacada u diideen in ay siiyaan 25 minxo waxbarasho oo dibadda ah. 

Xijaar ayaa la sheegay in uu codsaday Minxooyin ay Jaamacada ka hesho, Turkiga, Ruushka iyo Taliyaaniga in laga siiyo 25 kursi oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ah, hase yeeshee maamulka Jaamacada ayaa sheegay in 5 kurso oo sidaan oo kale hore loo siiyay uusan uga faa’ideen booliska Soomaaliya, balse uu siiyay dhalinyaro ka yimid degaanada uu dago. 

“Minxooyinkii hore loo siiyay ayaa ahaa dalka Ruushka, mana siinin ciidanka magacooda ayuuna ku qaatay, hada waxa uu rabaa 25 oo ah wadamada ugu fiican ah sida Ruushka, Talyaaniga iyo Turkiga macquulna ma ahan,” ayuu yiri mid ka mid ah maamulka Jaamacada oo la hadlay Caasimada Online. 

Jaamacada Umada ayaa keensatay askar kale oo gaar ah oo aan qayb ka aheyn ciidanka booliska Soomaaliyeed mana jirto wax war ah oo aan ka helnay dhinaca taliyaha booliska ee la eedeeyay. 

Jaamacada Umada Soomaaliyeed waxaa guddoomiye sharafeed ka ah Madaxweynaha Soomaaliya ee talada haya ilaa haddana ma jirto wax warbixin oo lala wadaagay ilaa hadda, sida aan warbixinta ku helnay, waxaana xafiiskiisa ka jira mashquul badan oo dhinaca siyaasada ah.  

Puntland oo shaacisay inay qaadeyso tallaabo la xiriirta khilaafka Farmaajo & Rooble

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan gudaha Villa Soomaaliya.

Qawdhan ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda u dhexeysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ay salka ku heyso arrimo ay ka mid yihiin dastuur jebin iyo hor socod la’aanta doorashada ah, isla-markaana lagu xalin doono magaalada Garowe.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in khilaafkan oo sameeyey doorashooyinka uu kusoo dhammaan doono caasimada Puntland ee Garoowe.

“Khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa caasimadda Puntland ee Garoowe” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Cabdi Ibraahim Warsame.

Sidoo kale Cabdi Ibraahim sharraxaad kama bixin sida ay Puntland ku wajaheyso dhex-dhexaadinta labada ma’uusl ee ugu sarreysa ee dalka, si loo soo afjaro khilaafkooda.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirka gaarka ah ee ay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ku leeyihiin Garoowe, isaga oo si weyn u boggaadiyey shirkaasi.

“Soo dhawaada ayaan idin leenahay Madaxda maamuladow Hooyada Federaalka gacmo furan ayey idinla diyaar tahay doorasho ayeyna rabtaa” ayuu ku sii daray qoraalkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay Puntland ay diyaar u tahay in la sii amba qaado doorashooyinka, si looga gudbo xaaladda guurka ah ee haatan lagu jiro.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Puntland horay u qaadacday shirkii golaha amniga qaranka oo uu dhowaan iclaamiyey nadaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xog: Sababta ay siyaasiyiinta reer waqooyiga ula safteen Ra’iisul Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa maalmihii ugu dambeeyey safaf dhaadheer ugu jiray xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii uu khilaaf adag soo kala dhex galay Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa kasoo wareegay xafiiska madaxweynaha, iyagoo u baqaya mustaqbalkooda xildhibaanimo oo saameyn badan uu ku leeyahay Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga maamulayo doorashada reer waqooyiga oo Muqdisho ka dhaceysa.

Labada wasiir ee ka tirsan Xukuumadda Rooble, isla markaasna kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee kala ah wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe iyo kan Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa si toos ah ula saftay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, maadaama ay  u sharaxan yihiin Xildhibaano.

Sidoo kale, waxaa khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Farmaajo ka gaabsaday inuu ka hadlo Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo sidoo kale ah musharax doonaya in sanadkaan uu noqdo Xildhibaan.

Sababta ay reer waqooyiga ula safteen Rooble ayaa lagu sheegay inuu Ra’isul wasaare Rooble uu si toos ah isku hoos geeyey awoodda lagu faragelin karo kuraasta reer waqooyiga.

Xafiiska Rooble ayaa xaqiijin iyo kor joogteen ku sameyn doona in badan oo kamid ah mashruuca doorashooyinka reer waqooyiga, xulista ayuu sidoo kale awood ku leeyahay, waana marka la eego ama lagu dhaqmo habraacii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka.

Sidaas darteed, siyaasiyiinta reer waqooyiga ayaa Ra’isul wasaare Rooble u arka inuu waqtigaan kala guurka ah kaga muhiimsan yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan wax awood ah ku laheyn doorashada xubnaha Somaliland.

Tan iyo markii Ra’isulwasaare Rooble uu la wareegay maamulka doorashada xubnaha Somaliland ayaa waxaa socday dadaalo kala duwan oo ay midowga musharixiinta ku doonayaan inuu Rooble xubno ka siiyo xildhibaanada gobollada waqooyi.

Nin kaligii ku guuleystay inuu Al-Shabaab kaso xareeyo dad kor u dhaafaya 100 qof

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Cabdi Sheekh Farxaan oo hore u ahaa Amiirkii Al-Shabaab ee Baar-sanguuni iyo Xubin kamid ah guddiga shuurada ee kooxdaasi, ayaa xiligan ah Shaqsi si weyn u kala fur-fura dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Cabdullaahi oo kasoo hor-muuqday barnaamijka Daljir ee Telefishanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in sababta u weyn ee kooxdaas ugu baxay aheyd kadib markii uu arkay gefaf badan oo ka dhan ahaa Diinta Islaamka.

“Markaa shaqadoodii ka tegay, waxay (Al-Shabaab) i xireen 40 cisho kadib markaa ka hor imid in aan soo guro lacagaha ay ka qaatan beelaha,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh.

Markii uu ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay maamulka Jubbaland, oo asagu uga faa’iideystay dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee maamulku kula jiro fikirkaas xagjirka.

Cabdullaahi Sheekh Cabdi ayaa waxa uu waqti badan geliyay tan iyo markii uu kasoo baxay kooxda Al-Shabaab sidii uu dad badan uga soo saari lahaa kooxdaas, maadama uu xiligan is-bedel weyn ku yimid fikirkiisi.

“Dadku inta badan wey ila soo xiriiran, aniguna aan qolada amniga la xiriiriyo, kadib marka aan tagno furimaha hore ayaa ka shaqeyna sidii aan ninkaas u soo galin laheyn xeyndaabka aan rabno,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxa uu ku guuleystay intii uu ku jiray howsha kala fur-furka Al-Shabaab in kooxdaas ka soo baxaan in ka badan 100 ruux oo iskugu jira dumar iyo rag, kuwaasi oo badankooda ay fursado shaqo abuuris ah siisay maamulka Jubbaland.

HirShabelle oo tallaabo ka qaadeyso xubnihii buuqa ku sameeyey doorashada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag wuxuu uga hadlay buuqii xalay lagu sameeyey doorashada Aqalka Sare, gaar ahaan kursiga UH #14 oo dib loo dhigay, kadib markii ay xubno ka tirsan Golaha buuq ka sameeyeen hoolka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in guddoonka uu gudbiyey dacwad ka dhan ah xildhibaanada buuqa sameeyey, si looga tiigsado sharciga u yaalla.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood lagu qaadayo waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka.

“Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Siraaji ayaa intaasi kusii daray in doorashada kursigan la qaban doono isla maanta, maadaama xalay fowdo ku sameeyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada.

Kursigan oo ah kii lixaad oo doorashadiida lagu qabanayo Jowhar ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen.

Si kastaba doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in saddex kursi ee ugu dambeysa lasoo doorto saacadaha soo socda.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Cabdicasiis Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay safiirka Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay saacado badan, waxaana sidoo kale goob joog ahaa wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Lafta Gareen iyo safiirka Itoobiya ay kulankooda ku soo hadal-qaadeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama ciidamo ka socda Itoobiya ay joogaan maamulkaasi.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweyne Lafta Gareen oo qeyb ka ah mas’uuliyiinta ku howlan qaboojinta xiisadda ka taagan dalka.

Baydhabo ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinka haatan laga dareemayo diyaar garowga doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan golaha shacabka ee Soomaaliya.

Si kastaba, kulamadan siyaasadeed ee is-daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah dalkana ay ka jirto xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Maxay imaanshaha Fahad Yaasiin uga dhignaan doontaa Farmaajo iyo Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin oo lagu waday inuu shalay ku laabtay Muqdisho, ayaa lagu xanibay dalka Jabuuti, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo kadibna dib ugu laabtay magaalada Istanbul.

Dowladda Jabuuti waa ay beenisay in Fahad ay xanibtay, waxayna sheegtay in sababta diyaaradda Tukish Airlines ay uga baaqatay duulimaadkii Muqdisho ay aheyd cilad farsamo.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta ka degtay Muqdisho, hase yeeshee ma uusan saarneyn Fahad.

Ilo-wareedyo amni oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay diyaaradaha caalamiga ah siiyeen amar ah inaysan soo qaadi karin Fahad Yaasiin.

Haddaba maxay ka dhigan tahay imaanshaha Fahad?

Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels ayaa sheegay in imaanshaha Fahad, haddii ay dhacdo ay guul weyn u tahay madaxweyne Farmaajo.

“Imaanshaha Fahad waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin saameyn weyn ku leh dalka, sidoo kalena ah xeelad yaqaaan wax kala furfuri kara. 

Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkaa inay qeyb ka tahay guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahay Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble.

Daawo: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray xaaladda dalka baaqna u diray ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay xaaladihii u dambeeyey ee siyaasadda dalka, isagoo baaqyo kala duwan u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo hadalkiisa uu walaac badan ka muuqday ayaa sheegay in shacabka iyo maal-gashadayaasha Soomaaliyeed ay niyad-jab weyn ku abuurtay xaaladda siyaasadeed ee maanta dalka ka jirta.

“Waxaa kor soo martay cabsida ah in dalku galo xaalad aan la garaneyn meesha ay ku dhamaan doonto, Hooyo iyo Aabe kasta waxay bilaabeen inay ka fekeraan, mustaqbalkii ay caruurtooda u qorsheeyeen iyo waxa iska bedeli kara, ganacsade kasta hadda waxa uu ka walwalayaa maal-gashigii uu dalkiisa ku sameystay, shaki ayaa ku yimid rajadii wanaagsaneed ee mustaqbalka dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladaan ay abuureen hoggaamiyayaasha qaar oo ka gows adeygay fulinta wixii lagu heshiiyey, gaar ahaan maareynta doorashooyinka dalka, xilligaan kala guurka ah.

“Xaaladaas jirta aawgeed waxaan bogaadinayaa odaytinimada, Ra’iisul wasaare Rooble oo inta badan si ay u turis ku jirto ku wajahay xaaladihii lasoo dhaafay, waxuu u taagnaa meel dhexe oo koox kasta ay u arkeyso qof ku taagan fulinta heshiisyadii la gaaray,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Mar uu la dardaarmayey shacabka Soomaaliyeed waxuu yiri, “Garab istaagga caddaaladda waa waajib diini ah, dastuurina ah, ee aan qeyb ka noqono sidii ay qoyska Ikraan u heli lahaayeen caddaaladda ay xaqa u leeyihiin.”

Fariin uu u diray Taliyeyaasha ciidamada qaranka ayuu Xasan Sheekh ku yiri, “Taliyeyaasha ciidamada waxaa idin saaran mas’uuliyadda amniga dalka, ka digtoonaada ku milmidda siyaasadda oo ku taagnaada mabda’a aad u taagan tihiin oo ah ilaalinta sharafka Soomaaliyeed. Xilliyadaan oo kale waa in aad iska hubisaan tallaabooyinka aad qaadeysaan.”

Madaxda dowlad goboleedyada ayuu tilmaamay inay qaateen kaalin wax ku ool ah oo dalka soo gaarsiisay in ay billaabato doorasho. “Waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan dadaalkaas ilaa dalku ka baxayo marxaladdan kala guurka ah.”

“Faa’iidooyinka uu federaalku leeyahay waxaa ka mid ah in waxa Villa Somalia ka dhacaya aysan saameyn badan ku yeelan Jowhar, Garowe,Baydhaba, Dhuusamareeb iyo Kismaayo, nidaamkaan waxa uu naga badbaadiyey in hal meel uu dalkeenu ka burburo” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

“Mudane Farmaajo hanoo sheegin ra’iisul wasaaihii aad ku wareejisay amiga dalka waan kala noqday maanta, caqliga saliimka ah ma aqbali karo taas, shalay waxaad ceyrisay ra’iisul wasaarihii hore markii doorasho laga hadlay, taasi waxay muujineysaa in wax doorasho la yiraahdo aysan qorshaha kuugu jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in isaga iyo saaxiibadiis aysan Soomaaliya uga darin, hadii aysan dalkaan ka fikireyna ay ugu yaraan mustaqbalkooda ka fikiraan.

Hoos ka Daawo

Buuq iyo qalalaase hareeyey doorashadii Jowhar, kadib doorashadii Korneyl Afcadey

0

Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar waxaa caawa waxaa ka dhacday doorasho buuq iyo qalalaase ku soo dhamaatay, laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee dalka ayaa la doonayey in la doorto, balse waxaa la doortay hal kursi, kadibna waxaa hoolka ka bilaawday gacan ka hadal.

Ugu horeyn Korneyl Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare, waxuuna wareegii koowaad ee doorashada kursigaas 52-cod uga guuleystay musharaxii la tartamayey Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo helay 44-cod.

Musharaxa laga guuleystay ee Maxamed Amiin Sheekh Cismaan waxuu kursigaan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Musharaxa guuleystay ee Senator Afcaddey oo ah Sarkaal Militeri ah ayaa laba jeer soo noqday Taliyihii ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale xilal kale ayuu ka soo qabtay taliska ciidanka xoogga Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa bilaabatay doorashada kursiga kale ee caawa la dooran rabay, balse markii uu soo dhamaaday wareegii koowaad ee codeynta, ayaa intii ay socotay tirinta codadka waxaa bilaawday buuq iyo gacan ka hadal ay bilaabeen qaar kamid ah xildhibaanada HirShabeelle.

Ilaa afar musharax ayaa ku tartameysay kursigaas, kuwaas oo dumar ku jiray. Waxaa la demiyey leyrarkii hoolka ay doorashadu ka socotay, waxaana ugu dambeyn lagu kala tegay goobta, kadib markii la demin waayey xiisadda.

Shan kursi oo kan caawa uu ku guuleystay Korneyl Afcaddey uu u dambeeyey ayaa lagu doortay Jowhar, waxaana si nabad ah ku dhacday doorashada shantaas kursi, balse hadda waxaa bilaawday buuq iyo gacan ka hadal, waxaana weli la dooran seddax kursi oo kan caawa doorashadiisa lagu fashilmay uu ku jiro.

VILLA SOMALIA oo go’aan cusub kasoo saartay shirkii Golaha Amniga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay shirkii uu iclaamiyey ee amniga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu qabsoomo.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dib ay ka soo shaaci doonaan goorta la qabanayo shirka amniga qaranka ee Farmaajo iclaamiyey.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid.

Shirkaan waxaa codsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taas oo lagu soo bandhigayo warxinta sidii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax.

Hase yeeshee Fahad Yaasiin hadda waxaa loo diiday inuu dalka soo galo, taas ayaana keentay in shirkaan uu baaqdo, Fahad ayaa shalay laga celiyey Jabuuti, isaga iyo rakaabkii la socday, waxaana maanta Muqdisho timid diyaaradii shalay ku celisay Istanbuul – Turkiga.