26.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

VILLA SOMALIA oo go’aan cusub kasoo saartay shirkii Golaha Amniga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay shirkii uu iclaamiyey ee amniga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu qabsoomo.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dib ay ka soo shaaci doonaan goorta la qabanayo shirka amniga qaranka ee Farmaajo iclaamiyey.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid.

Shirkaan waxaa codsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taas oo lagu soo bandhigayo warxinta sidii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax.

Hase yeeshee Fahad Yaasiin hadda waxaa loo diiday inuu dalka soo galo, taas ayaana keentay in shirkaan uu baaqdo, Fahad ayaa shalay laga celiyey Jabuuti, isaga iyo rakaabkii la socday, waxaana maanta Muqdisho timid diyaaradii shalay ku celisay Istanbuul – Turkiga.

Golaha Ammaanka QM oo WAR kasoo saaray khilaafka FARMAAJO iyo ROOBLE

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii uu warbixin siiyey eregyga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya James Swan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac qoto dheer ka muujinayaan khilaafka sii socda ee ka dhex-jira dowladda Soomaaliya iyo saameynta taban ee uu ku yeelanayo hanaanka iyo jadwalka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka.

“Golaha Ammaanka waxay ku boorinayaan dhammaan saamileyda inay muujiyaan is-xakameyn, waxayna hoosta ka xariiqayaan muhiimadda joogteynta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Xubanah Golaha Ammaanka ayaa sidoo ku booriyey dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, danta shacabka Soomaaliyeed darteed. 

“Waa inay muhiimadda siiyaaaan qabashada doorasho nabad ah, daah-furan, la isku haleyn karo islamarkaana loo dhan yahay oo ku dhacda waqtigeeda, si waafaqsan heshiisyadii 17-ka September iyo 27-ka May,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijiyaan in khilaaf kasta oo siyaasadeed aanu ka weecin ficil loo mideysan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale xaqiijiyey ixtiraamka ay u hayaan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, seeraha dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.  

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 9-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

0

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka tyaaqshiid & degmada shibis, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Hey’ada Guryasamo Axmed Abshir geedi Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay ubaahnaayeen bulshada soomaaliyeed 

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariha Hyundai-ga  Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay gudoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyaya abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid mudane Axmed C/laahi Cariif oo aa doo bogaadiyay kalinta muuqata ee shirkadda isgaarsiinta somtel 

‘Waxaan goob jog u ahaa Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood taasoo lagu qabtay Hotel Elite ee magaalada muqdisho Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 9aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waxaan leeyahay soomaaliyeed waad qaadatay kaalintii laga sugayay shirkadda dadweynaha soomaaliyeed ay wax ku leeyihiiin taasoo laga rabo inay u damqato bulshadeena jilicsan”

Waxaa sidoo kale munaasabada Cusmaan Saalax Muuse oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan

‘Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano”

Waxaa erayo kooban munaasabada ka sheektay  Xafso Axmed Yusuf oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah

“Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay  in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darted ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay”

Ugu danbeyntii waxaa Shucuurteeda Cabirtay Najmo Cabdi Muuse oo ku guuleysatay Labtop

‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada  oo aan dhawaan qoraayo

Madaxa Waaxda ganacsigaee Somtel, Mudane: C/lahi Cali Caamir oo soo xiray munaasabadda macaamiisha lagu abaalmarinayay ayaa yiri

 “Dhammaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai oo ay horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan  Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi qaba si shirkadda ajar fara badan ugu hesho.”

Daawo: Wiil dhallinyaro ah oo isku dal-dalay xaruntiisa ganacsi ee Xamar + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal aad looga naxo ayaa wuxuu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Waaberi, halkaasi oo wiil dhallinyaro ah ii isku dilay.

Wiilka dhallinyaro ah, oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo Harqaan ku lahaa meel u dhow isgoyska Dabka ayaa isku dal-dalay gudaha xaruntiisa Ganacsi. Waxaa la waayey maalintii Khamiistii aheyd markaas oo la waayey nolol iyo geeri.

Ehelada wiilkaan ayaa go’aansaday maanta inay jabiyaan xaruntiisa, waxaana si lama filaan ah loo arkay isagoo ku xiran xariga uu isku daldalay, oo meyd ah.

Lama ogo waqtiga rasmiga ah ee uu Cabdiraxmaan is daldalay maadaama la waayey Maalintii Khamiista aheyd, waxaana loo badinayaa inuu is daldalay Jimcihii, sida ay sheegeen xubno ka mid ah ehelka.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkaan dhallinyarada ah uu maalmihii dambe ku jiray buuq dhanka qoyska ah, oo aan faah-faahin laga bixin.

Cabdiraxmaan ayaa qoray warqad dardaaran ah oo uu ku sheegay inuu leeyahay xaas iyo laba caruur, warqaddaas oo laga ag helay meydkiisa.

Wiilkaan ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Degmada Waaberi, wuxuuna muddo dhowr sano ah ka shaqeenayey tolista dharka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray xarunta uu wiilkaan isku daldalay ayaa meydkiisa u qaaday xarunta dambi baarista ee CID.

Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo caddeeyey mowqifkooda SHIRKA uu FARMAAJO ku baaqay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa noqday kii ugu horreeyey ee si rasmi ah u qaadaca shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo inuu maanta ka furmo Muqdisho, balse baaqday.

Shirkaas, oo sida la sheegay uu taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu kusoo bandhigayo xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa u baaqay kadib markii Fahad shalay lagu celiyey Jabuuti, oo uu Muqdisho iman waayey, kadibna dib ugu laabtay Istanbul.

Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa ku mideysan madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo taliyayaasha ciidamada amniga.

Wasiirka Arrimaha Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland aysan ka qeyb-galeyn shir uu ku baaqay Farmaajo.

Wasiir Dhabancad ayaa meesha ka saarey doorka Farmaajo ee Shirarka masiiriga ah ee loo qabanayo dalka, isagoo ku sifeeyay inuu yahay Madaxweyne hore, oo sharciyaddii ay ka dhamaatay hadda.

Maamul goboleedyada kale ayaan weli caddeyn mowqifkooda, hase yeeshee waxaa la filayaa in sidoo kale Jubaland ay qaadacdo shirkan, halka HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo xulafo la ah Farmaajo ay aqbali doonaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u diiday in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo mid looga doodo shirar iyo guddiyo, wuxuuna ku amray maxkamadda ciidamada qalabka sida inay baarto, taasi oo ah sida ay doonayaan qoyska Ikraan.

Faransiiska oo u yeeratay safiiradooda Australia iyo Mareykanka kadib markii ‘dhabarka laga mindiyeeyay’

0

Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa Jimcihii u yeertay danjirayaashii u fadhiyay Mareykanka iyo Australia si ay ugala tashadaan khilaafka ba’an ee  ku saabsan baabi’inta qandaraas Australia uga iibsan laheyd marakiibta dagaal ee quusa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda France Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in madaxweyne Emmanuel Macron uu amray in dib loogu yeero danjirayaashaas kadib markii Australia ay ka baxday heshiiskii ay ku iibsan lahayd maraakiibta dagaalka ee badda quusa ee Faransiiska, si ay u iibsadaan kuwa Mareykanka .

“ In laga baxo mashruuca kala iibsiga Maraakiibta dagaalka ee quusa ee u dhaxeeya Australia iyo Faransiisku oo laga shaqeenayey tan iyo 2016 waxay ka dhigan tahay dhaqan aan la aqbali karin inuu dhex maro xulafada” ayuu yiri Jean-Yves Le Drian.

“France waxay dareemeysa in dhabarka laga mindiyeeyey,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacaddii ku dhawaaqay isbahaysiga cusub oo dhanka difaaca ah oo dhex mara Mareykanka iyo Australia, wuxuuna Biden sheegay in Australia uu isbaheysigaan ka caawin doono tikniyoolajiyadda gujiska nukliyeerka, difaaca Internet-ka, sirdoonka macmalka ah iyo awoodaha badda hoosteeda.

Heshiiska ay wada-saxiixdeen Mareykanka iyo Australia ayaa si weyn loogu arkaa mid looga golleeyahay in looga hortago kororka Shiinaha.

Tallaabadaan ayaa waxaa si weyn uga carootay Faransiiska oo qadandaraaska ay la gashay Australia sanadkii 2016 ee lagu kala iibsan lahaa maraakiibta dagaalka ee badda hoosteeda quusa ku weyn doonto lacag gaareysa $36.5 bilyan.

Faransiiska ma aysan qarin carada ay ka qaaday heshiiskaas, waxayna maalintii Khamiista aheyd ku eedeysay Australia inay gadaal ka toogatay halka ay Washinton ku eedeysay inay lasoo baxday dhaqankii lagu yaqaanay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

“Runtii tallaabadaan waa gadaal la toogasho, waxaan Australia la sameysanay xiriir ku dhisan aaminaad balse kalsoonidiii waxay kusoo dhammaatay khiyaano,” ayuu yiri  Le Drian.

Ururka Midowga Yurub oo bayaan culus kasoo saaray xiisada Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa markii ugu horreysay bayaan rasmi ah ka soo saaray xaaladda Sodalka & xiisadda ka qaraxday Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

Bayaanka, oo uu soo saaray wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrel ayaa waxaa loogu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay is xakameeyaan, ayna ilaaliyaan xasiloonida guud ee dalka.

“Midowga Yurub wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan is-maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xilligan,” ayuu yiri Borrel

Midowga Yurub ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in deegaanshaha u fure u yahay bad-qabka guud ahaan dadka Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga fakiro mustaqbalka.

“Waxay tani fure u tahay bad-qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” ayuu yiri.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan-yahay in aan la hakin geedi socodka doorashooyinka dalka, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyey ee 27 May.

Hadalka ka soo yeeray Midowga Yurub ayaa ku soo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay  gaartay xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya, taas oo saameysay doorashooyinka.

Si kastaba, beesha caalamka oo horay warsaxaafadeed u soo saartay ayaa cambaareysay xiisaddan, iyada oo shaacisay inay wiiqeyso xasiloonida haatan ka jirta gudaha Soomaaliya.

Diyaaradda Turkish Airlines oo kasoo degtay Muqdisho iyo Fahad Yaasiin Xaaji oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta kasoo degtay magaalada Muqdisho, taas oo shalay baaqatay islamarkaana dib uga laabatay dalka Jabuuti.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in diyaaraddan uusan la socon la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, balse ay keentay rakaab isugu jiro kuwa shalay laga celiyey garooonka diyaaradaha Jabuuti iyo kuwa kale oo cusub.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dowladda Jabuuti ku eedeysay inay shalay xanibtay Fahad Yaasiin, hase yeeshee Jabuuti waa ay beenisay waxayna sheegtay in diyaaradda ay u baaqatay cilad.

Weli ma cadda sababta diyaaraddii uu Fahad uu uga haray diyaaraddii maanta, hase yeeshee waxaa shalay jiray xog sheegeysa in dowladda federaalka ay amartay diyaaradaha caalamiga ah inaysan soo qaadi karin Fahad.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin, oo diyaaraddii shalay dartiis loo celiyey, uu soo kireysan doono diyaarad qaas ah, si u soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ay sii xoogeysatay, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Fahad Yaasiin ayaa qorshihiisa waxa uu yahay inuu magaalada Muqdisho uga qeyb-galo shirka golaha amniga qaranka ee uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si uu ugu soo bandhigo warbixinta la xiriirta kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil.

Shalay ayey aheyd markii diyaaraddii sidday Fahad Yaasiin ay ka noqotay wadanka Jabuuti, iyada oo Villa Soomaaliyana ay dowladda Jabuuti ku eedeysay inay xanibtay Fahad Yaasiin, walow wasiiro ka tirsan Jabuuti oo ka hadlay dhacdadaas ay iska fogeeyeen eedeyntaasi.

PUNTLAND oo war cusub kasoo saartay shirka madax goboleedyada ee Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey shirka gaarka ah ee la filayo in madax goboleedyada ay ku yeeshaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in shirkan uu furmi doono maalinta Talaadada uu yahay mid ay madaxda maamul goboleedyada uga hadlaan iskaashiga dhexdooda, wuxuuna meesha ka saaray in diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka bilowday ee dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka doorashooyinka ee golaha wada-tashiga qaran uu kaliya u yeeri karo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, isla-markaana uu yahay mid Dastuuri ah.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa u wici kara qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, Kan dawlad Goboleedyadu waa ka duwan yahay waana Dastuuri” ayuu yiri Dhabancad.

Furitaanka shirkan oo isha lagu wada hayo ayaa kusoo aadayo, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday & ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag, iyada oo lagu jiro xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho intaba.

R/W Rooble la’aantiis ma qabsoomi karaa SHIRKA Golaha Amniga Qaranka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Xuseen Macalin Maxmuud oo horey u ahaa la-taliyihii dhanka amniga ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa wareysi uu siiyey BBCda kagag hadlay shirka amniga qaran ee ka dhacaya Muqdisho.

Xuseen Macalin ayaa shirkan ku tilmaamay mid qabyo ah, maadaama uu ka maqan-yahay ra’iisul wasaaraha oo uu xusay inuu muhiim u yahay shirkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay inuu yahay madaxa guud ee fulinta, ayna qasab tahay inuu goobjoog ah shirka.

“Shir uu ka maqan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka lama dhihi karo waa Golaha Amniga Qaranka, maadaama ay dowladdu kala qaybsan tahay lama garanayo sida loo kala qaybsan yahay” ayuu wareysigan ku yiri Mudane Xuseen Macalin Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka laga soo tago ra’iisul wasaaraha ay sidoo kale qabsoomida shirkan ay muhiim u yihiin wasiirada amniga, maaliyadda, gaashaandhigga, cadaaladda, arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xuseen Macalin Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in golahan uusan heysan sharciyad baarlamaan, balse kaliya loogu tala-galay in go’aan looga gaaro arrimaha gaarka ah ee taabanayo amniga guud ee qaranka.

“Golaha amniga qaranka kama aanay gudbin baarlamaanka oo ma heysto sharciyad, balse waa talo soo jeedin oo keliya, waxa uu ku shaqeeyaa xeer jajab, waxaana looga talagalay in arrimaha gaarka ah ee taabanaya amniga qaranka in looga go’aan kaaro” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu hore u iclaamiyey qabsoomida shirka golaha amniga qaranka, kaas oo qorshihiisu ahaa inuu maanta ka furmo Muqdisho, balse waxaan weli caasimada soo gaarin xubnaha shirkaasi.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, iyada oo sidoo kale qorshuhu yahay in lagu soo bandhigayo warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Mareykanka oo war kasoo saaray khilaafka ka dhex oogan Farmaajo iyo Rooble

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble inay deg deg u xaliyaan khilaafka iyo loolanka awoodeed ee u dhaxeeya ee faraha kasii baxaya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa daba socdsay qoraal ay si wadajir ah shalay usoo saareen saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii socda ee Farmaajo iyo Rooble.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.”

Video: Musharaxiin ‘dil loogu hanjabay’ oo kasoo cararay Jowhar – Yaa ka dambeeya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareereysa cabashada qaar ka mid ah musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee aan weli la dooran ee HirShabeelle, gaar ahaan kuraasta beelaha ka soo jeeda gobolka Hiiraan, sida Xawaadle iyo Jijeelle.

Cusmaan Axmed Macow oo afartii sano ee la soo dhaafay Aqalka Sare ku metelayey beesha Jijeele iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur oo sanadkaan u tartamaya kursigaas ayaa warbaahinta u sheegay inay isaga soo carareen magaalada Jowhar, kadib markii dil loogu hanjabay.

Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in Jowhar ay isaga soo carareen, kadib markii dil loogu hanjabay isaga iyo Cusmaan Axmed Macow oo kursigaas beesha Jijeelle ku metelaayey afartii sano ee la soo dhaafay.

Cabdinuur ayaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan ku eedeeyey in musharaxa sedaxaad ee kursiga beeshooda oo ah Xasan Iidow Maxamed (Xasan Kobac) uu la rabo in loo xiro kursigaas, isagoo fulinaya amarka Fahad Yaasiin, sida uu sheegay.

Sidoo kale Musharax Cabdinuur Ibraahim waxa uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan uu si toos ah dil ugu hanjabay isaga iyo musharaxa kale Cusmaan Axmed Macow, taas oo keentay in diyaarad khaas ah ay ka soo raacaan Jowhar oo Muqdisho ay soo galaan.

“Waxaa nasoo wacay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan waxuu nagu yiri ka hara kursigaas, Xasan Kobac ayaa loo wadaa, arrintaan madaxweynaha ayaa ila og, waxiina ayaa la idiin celinaa, hadii aad diidaana, waxaa dhaceysa in la idin khaarajiyo,” ayuu yiri Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur.

Musharaxiintaan ayaa ugu baaqay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe inuu kahiyo doorashada kursiga beeshooda, ilaa inta ay ka helayaan damaanad buuxda oo u saamixi karta, inay dib ugu laabtaan Jowhar oo tartanka ay ka qeyb galaan.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Jowhar ay ka bilaabato doorashada 4-ta kursi ee xubnaha ka haray senatorrada Aqalka Sare kasoo gelaya HirShabeelle, waxaana sidoo kale jirta xog aan helnay oo sheegeysa in khilaaf iyo loolan adag uu wajahayo kursiga Aqalka Sare ee beesha Xawaadle.

Ilaa afar musharax ayaa ku tartameysa kursiga beesha Xawaadle, waxaana la sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa iyo Yuusuf Dabageed ay kala wataan laba musharax oo isku mowqif aysan ka aheyn doorashada kursigaas, taas oo doorashada ku keeni karta loolan siyaasi ah iyo culeys hor leh.

Hoos ka daawo war-saxaafadeedka musharaxiinta ka soo carartay Jowhar

Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabeelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota doorashada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in maanta lasii amba qaadi doono qeyb kale oo ka mid ah doorashada, isla-markaana la qaban doono doorashada saddex kursi oo kale.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tarmaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabduaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen

Sidoo kale kursiga labaad ayaa waxaa ku loolamaya illaa afar musharrax oo iyana kala ah Maxamedamiin Sheekh Cismaan, Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud, Axmed Maxamed Cali (Afcadey) iyoYuusuf Maxalin Xasan (Filadheere).

Kursiga ugu dambeeya ee xubnaha saddexda ah ee maanta la dooranayo ayaa waxaa sidoo kale u sharraxan Naciimo Ibraahim Yuusuf, Zamzam Cabdulaahi Xuseen, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) iyo Abuukar Xasan Cali Maqaney.

Dhinaca kale doorashada HirShabelle ayaa ka hadlay cabashada kasoo yeertay qaar ka mid ah musharixiinta, kuwaas oo laba ka mid ah ay isaga soo tageen magaalada Jowhar.

Guddiga ayaa ugu baaqay musharixiinta kala ah Cismaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur inay dib ugu soo laabtaan HirShabelle, si ay uga qeyb-galaan doorashada.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ku dhowaaqay in kursiga cabashada ka timid doorashadiisa dib loo dhigay illaa Axada, si loo xaliyo cabashada ka timid qaar ka mid ah musharixiinta.

Halkan hoose ka aqriso:-

Xog: Ciidamo laga soo saaray Serandi oo hub loo qeybiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan oo ka tirsan hay’adaha Ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Talaadadii Xerada Serandi laga soo qaaday 50 Askari oo ka tirsan dhallinyarada loo tababaray ciidamada Duufaan ee hay’ada ee Nabad-Sugida Soomaaliya. 

Dhalinyarada tiradooda gaareyso 50-ka qof ayaa la geeyay Godka Jilacow, gaar ahaan xerada ciidamada, waxaana kadib loo qeybiyay hub, dhar ciidan iyo saanad kale. 

Ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA ayaa fariisan gaar ah ku leh Godka Jilacow, waxaana halkaas u yaalla bakkaaro ay ku xareysan yihiin agabyo ciidan. 

Ciidanka cusub ee lagu soo diray ciidamada Duufaan ayaa lagu sheegay in lagu badalay Askar dhowaan ka goosatay ciidamada Duufaan, oo ah ciidanka kaliya ee uu ku tashto Farmaajo. Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedom waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Taliyihii xilka laga qaaday ee Nabad sugida gobalka Banaadir Yaasiin Fareey, balse Farmaajo ugu magacaaban taliyaha guud ee NISA, ayaa la sheegay in uu lahaa amarka ciidamada cusub ee Talaadadii la hubeeyay. 

Xerada Serandi waxaa ku jira dhalinyaro boqolaal ah oo la sheegay in halkaaa lagu dhaqan celiyay, waxayna hore uga tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab. 

Godka Jilacow ayaa waxaa Talaadadii buuxay gaadiidka Beebayaasha oo ay wateem ciidamada Duufaan, waxaana la sheegay in xaligaas la qalabeeyay ciidamada cusub ee Duufaan.

Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa shalay agaasimaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Ma cadda haddii tallaabada uu qaaday Bashiir Goobe ay ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyada uu wado Yaasiin Farey. 

Puntland iyo Galmudug oo heshiis gaaray + Ujeedka

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa wada-hadallo ka yeeshay colaad ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Mudug, si loo soo afjaro dagaal beeleedyada muddada fog ku soo noq-noqday gobolkaasi.

Labada dhinac ayaa marka hore is afgarad ku gaaray in xabad joojin la kala dhex-dhigo beelaha ku diriraya deegaano hoostaga magaalooyinka Galinsoor iyo Dhabbad.

Guddoomiyaha maamulka Dhabbad Aadan Cabdinuur Galaal oo ka warbixiyey wada-hadallada billowday ayaa shaaciyey inuu hormuud u yahay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur, isaga oo rajo weyn ka muujiyey wada-hadalladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedkooda uu yahay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaadan oo muddo fog soo jirtay, taas oo ay hadda u midoobeen Puntland & Galmudug.

“Mar haddii Puntland iyo Galmudug ay ku midoobeen, waxaan ka qabnaa rajo weyn oo weyn in colaada lasoo afjaro. Sababta waxaa weeye, awal hore waxay ahayd aan isku imaano iyo saas aan yeelno” ayuu yiri guddoomiyaha Dhabbad Aadan Cabdinuur Galaal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Labo qolo oo shacab ah ayay ahaayeen oo aan haysan xoog ay wax ku qabtaan,”.

Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey iskaashiga ay leeyihiin, si loo adkeeyo nabadda ka jirta magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Somaliland oo damacsan inay qaado tallaabo ka dhan ah siyaasiyiinta Xamar ku metela

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in la qorsheynayo in xeer laga soo saaro Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in xeerkaas uu ciqaab u noqonayo Siyaasiyiinta sheegta in Somaliland ay metelaan ee ku jira hay’addaha dowladda Soomaaliya iyo Siyaasadeedaba, sida uu sheegay.

“Xeer in la soo saaro ayaa doonayna, xeer dadka halkaa tagay ee magaceena ku shaqeysanaya ee xumaanteena korkooda lagu sameynayo, xeerkii ciqaabeed ha la soo saaro, haddii kale in aan la ogol-nahay ayaa la moodaya,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu naqdiyay hadal kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif oo asagu soo dhaweeyay heshiiskii Siyaasiyiinta Somaliland ee kuraasta gobolada Waqooyi, kadib muddo uu khilaaf ka taagna.

Guddoomiye Faysal Cali ayaa waxa kale oo uu sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo halgankii Somaliland, ee ictiraaf raadinta iyo iska dhicinta Xamar, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey war uu sheegay in uu helay oo sheegaya in madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uusan raadineyn muddo xileedkiisa marka uu dhamaado muddo kororsi, halka madaxdii hore ay sameysan jireen kordhis billaa sharci ah.

Madax goboleedyada ‘oo albaabka ka xirtay’ ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa shaaciyey inay shir iskugu imaanayaan maalinta Talaadada ee toddobaadka soo socda, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa looga hadli doono dar-dargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuuna socon doona 21 illaa 24 bishaan September.

Hase yeesheem, shirka Garoowe kuma casuumna Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo asagu ah hogaamiyaha u sareeya ee loo igmaday hanaanka doorashada iyo amniga, waxaana la isweydiinayay sababta xilligaan keentay shir u gaar ah madaxda dowlad goboleedyada, ayada oo uu jiro Golaha Wadatashiga Qaranka.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo arrintaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in mugdi badan uu ku gadaaman yahay shirka Garoowe.

“Ma muuqato sabab ay Dowlad Goboleedyadu kaligood doorashada uga shiraan. Waa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu shirka Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeraa si loo dardar geliyo doorashooyinka dalka,” ayuu yiri.

“Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland mowqifkoodu wuu caddaa, waxayna taageereen in hoggaanka doorashooyinka iyo amniga dalka looga danbeeyo Raysalwasaaraha, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay dhexdhaxaadin kaga siibteen in ay mowqif qaataan. Markii uu Farmaajo diiday dhex-dhaxaaintii ay wadeena way kala tageen.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxda dowlad goboleedyada ay ka tirsan yihiin Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna arrinta doorashada lagu jaangooyo un Golahaas.

“Golaha Wadatashiga Qaranka deg-deg ha iskugu imaado, Ra’iisul Wasaarahana lagu taageero in asaga uu hore u wado oo uu dadajiyo doorashooyinka, aan shirar kale lagu dhinac qaban ee shirka Golaha lagu wado arrimaha doorashooyinka.”

Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Rooble uu dalka bad-baado u yahay, islamarkaana uu hayo wadada keliya ee xilligaan ku samata-bixi karto Soomaaliya, oo kal hore ku sigatay dagaal siyaasadeed aan la mahdin.

Goodax Barre oo Rooble ugu baaqay tallaabo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Goodax Barre ayaa ugu horeyntii sheegay in Farmaajo uu kasoo daray, kadib markii uu shalay soo saaray Wareegto uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoona u soo jeediyay Wasiirka koowaad ee xukuumadda in uu qaado tallaabo adag.

Wareegtadaas oo Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga, ayaa waxa uu Goodax ku macneeyay mid awood aan jirin uu isku bidayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna cadeyn u tahay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu go’aansaday in isbaaro aan dhamaad laheyn uu hordhigo doorashooyinka dalka.

“Waxaa cad oo marqaati ah oo umadda Soomaaliyeed u muuqata in Ra’iisul Wasaaraha uu aad u qadariyey oo ugu samray in madaxweynaha wax badan oo isbaaro ah oo wadanka dhibaato ku ah, waxaa leeeyahay intaas ha ku filnaato sharaftii iyo qadarintii la siiyey madaxweynaha,” ayuu yiri.

“Mar hadduu cadeystay in uu hor-istaago umadda Soomaaliyeed waxay ila tahay in tallaabo ka duwan sidii loola dhaqmi jiray uu Ra’iisul Wasaaraha ula dhaqmo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qeyb ka qaadayo mas’uuliyada waddanka lagu curyaaminayo haddii uu qaadi waayo tallaabo adag oo looga hortagayo isbaarooyinka horta leh ee uu Farmaajo hordhigayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina arxan darro ku tilmaamay waxa hadda socda, waxa kali ah ee daawo u ah ay tahay qabsoomida doorashada dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu door ku laheyn arrintaas, oo ay shaqadooda billaabaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Beesha caalamka oo qoraal kulul kasoo saartay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-Saxaafadeed ka soo saartay khilaafka adag ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay xakameeyaan is-weydaarsiga qoraallada xaaladda ka sii daraya.

Sidoo kale beesha caalamka oo qoraalkeedu u muuqdo mid dhex-dhaxaad ah ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqday inay deg deg u xaliyaan khilaafkooda, isla markaana la dardar geliyo fulinta heshiisyadii doorashada.

Qoraalka beesha caalamka oo ahaa mid aad loo sugayey ayaa ku soo aadaya sanad kadib caawa oo kale markii Muqdisho lagu kala saxiixday heshiiskii doorashada ee 17-kii September, sidoo kalena uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo haatan uu khilaaf adag kala dhaxeeyo.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran

Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.

Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Diyaaraddii sidday Fahad oo dib ugu laabatay Istanbul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaraddii Turkish Airlines ee siday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhow ka duushay magaalada Jabuuti ayada oo kusii jeeda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid.

Laabashada duulimaadkan, oo lambarkiisu yahay TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” waxaa sidaas galabta yiri wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti yiri Maxamuud Cali Yuusuf

Sababta ay maanta diyaaraddaas u iman weyday Muqdisho, oo laga filayey ayaa weli waxaa ka jira warar is-khilaafksan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri, shirkadda Turkish Airlines.

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xaqiiqda ah in diyaaradda ay ku laabatay Istanbul ayaa muujineysa in loo diido inay timaado Muqdisho, ayada oo sidada Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”