26.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Diyaaraddii sidday Fahad oo dib ugu laabatay Istanbul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaraddii Turkish Airlines ee siday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhow ka duushay magaalada Jabuuti ayada oo kusii jeeda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid.

Laabashada duulimaadkan, oo lambarkiisu yahay TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” waxaa sidaas galabta yiri wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti yiri Maxamuud Cali Yuusuf

Sababta ay maanta diyaaraddaas u iman weyday Muqdisho, oo laga filayey ayaa weli waxaa ka jira warar is-khilaafksan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri, shirkadda Turkish Airlines.

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xaqiiqda ah in diyaaradda ay ku laabatay Istanbul ayaa muujineysa in loo diido inay timaado Muqdisho, ayada oo sidada Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Dowladda Jabuuti oo war rasmi ah kasoo saartay arrinta Fahad iyo diyaaradii baaqatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah kasoo saartay wixii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Jabuuti, xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay xanibtay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri shirkadda Turkish Airlines.

“Mid ka mid ah duuliyayaasha wuxuu haystay fasax gaar oo ah inay soo caga dhigan karto Muqdisho,” ayuu yiri Wasiirka, oo tixaraacaya wararka sheegaya in hay’adaha amniga Soomaaliya ay diideen in diyaarad sidda Fahad aysan iman karin Muqdisho.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Dadka duulimaadka saaran ayaa gaaray 40 qof, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin.

Wasiirka ayaa sheegaya in wararka kale ee arrintan la xiriira ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu sameynayo jahwareer, islamarkaana Jabuuti lugaha loogu gelinayo xasaradda iyo khilaafka gudaha Soomaaliya. 

“Waxaan garab taagnaan doonaan walaalaheen Soomaaliya, hase yeeshee marnaba ma faro-gelin doonni arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Hay’adaha Amniga DF oo amray diyaaradaha inaysan Fahad keeni karin Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ku amray diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo hadda ku xayiran Jabuuti, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Garoonka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu arkay ciidan ka tirsan Nabad-Sugidda, oo sida la sheegay taageersan Fahad, taasi oo dhalisay shakiga ku saabsan imaatinka Fahad, kuna qasabtay hay’adaha amniga inay bixiyaan amarka ah inaan lasoo qaadi karin Fahad.

Fahad Yaasiin, oo ay la socdeen 40 qof, ayaa lagu xayiray Jabuuti kadib markii diyaaradda Turkish Airlines ay heshay amarka ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Si kastaba, sarkaal u hadlay Dowladda Jabuuti ayaa VOA u sheegay inaysan u ogolaan karin Fahad iyo wafdigiisa inay Muqdisho u safraan, maadaama uu amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sarkaal oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdisho ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

FAHAD oo lagu xannibay garoonka JABUUTI iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xannibay garoonka diyaraadaha Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

“La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maanta uu baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Airlines ku imaan laheyd magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, taasi oo ku hakatay Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad-Sugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in diyaaradda Turkish Airlines uu saaran yahay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay ka cabsatay inuu khalalaase ka dhasho duulimaadkeeda, sidaas darteedna ay u baajisay.

Duulimaadkii Turkish Airlines oo baaqday iyo ciidan lagu arkay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Airlines ku imaan laheyd magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta, xilli diyaaradda ay ku hakatay Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad-Sugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in diyaaradda Turkish Airlines uu saaran yahay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasi oo ay dacwad ka taalo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay ka cabsatay inuu khalalaase ka dhasho duulimaadkeeda maanta oo la rumeysan yahay inuu saaran yahay Fahad Yaasiin.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray ciidamo kale oo loo maleenayo inay kasoo horjeedaan in Fahad Yaasiin uu yimaado Muqdisho, taasoo cabsi ku abuurtay Shirkadda Turkish Airlines.

Sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ayaa lagu sheegay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Fahad Yaasiin Xaaj Dahir ayaa qorsheenaya inuu soo raaco Diyaaradda Qatar Airways oo gelinka dambe ee maanta imaaneyso Magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu Maanta Muqdisho u imanayo si uu Berri uga qeybgalo shir la qorsheenayo inuu yeesho golaha Amniga Qaranka, taasoo lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Khilaafka Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ayaa cirka isku shareeray waxaana laga cabsi qabaa in saameyn weyn ku yeelato guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah.

Baashiir Raage Shiiraar oo geeriyooday (Taariikh kooban)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa ee Bashiir Raage Shiiraar oo aad looga yaqaan caasimadda iyo guud ahaan Soomaaliya.

Bashiir Raage ayaa la sheegay inuu geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka tirsan eheladiisa.

Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii.

Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May.

Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye garoonka diyaaradaha Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya.

Farmaajo oo qoraalkii uu soo saaray ‘ku qiray’ in dagaalka ROOBLE looga adkaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku sheegay inuu ku hakiyey awoodaha ra’iisul wasaare Rooble waxay xog weyn ka bixisay halka uu marayo dagaalkooda.

Waxaa warqadda ku jirta jumlad uu Farmaajo ku muujiyey in dagaalka looga adkaanayo, welibana halka ugu muhiimsan oo ah maamulka dhaqaalaha dowladda.

Farmaajo ayaa jumladdaas ku yiri “Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qeylo dhaanta Farmaajo ayaa la xiriirta xog aan saaka hore daabacnay oo aheyd in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu maamulka maaliyadda hay’adda NISA ku wareejiyey agaasimaha uu ra’iisul wasaare Rooble magacaabay, Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”.

Ayada oo xilka agaasinka NISA ay ku loolamayeen Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey oo uu magacaabay Farmaajo, ayaa u gacan-gelinta maamulka maaliyadda hay’adda ee Bashiir Goobe waxay ka dhigan tahay in loolanka uu isaga ku adkaaday.

Waxay tani sidoo kale keeni doontaa in ciidamada Duufaan ee NISA oo Farmaajo taageersan aysan helin mushahar haddii aysan soo raacin ciidanka kale, si la mid ahna saraakiisha sare iyo hoggaanka ciidanka hay’adda.

Halka uu Farmaajo ku leeyahay “awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood,” waxaa sida aan ogaanay loola jeedaa hay’adaha maaliyadda dalka sida wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe oo ayagana taabacsan ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa toddobaadkii tegay soo saaray amar uu hay’adahaas ku faray in lacag uusan isaga saxiixin aan la bixin karin, taasi oo ay u hoggaansameen maalin kadib markii uu kulan la yeeshay.

Sidaas darteed, Jumladdaas ku jirtay qoraalka Farmaajo, waxay muujisay in Rooble uu gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha dowladda, waana taas sababta Farmaajo u carooday ee uu warqad kale oo wiifto ah usoo saaray. 

Musharaxiinta oo 10 qodob kasoo saaray tallaabadiii uu qaaday Farmaajo (Aqriso)

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – War kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan go’aanka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay in uu hakiyay awoodda Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid kahor imaaneysa Dastuurka Dalka isla markaana xad gudub ku ah howlaha shaqo ee Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dalka u horseeday Xasarad siyaasadeed & Qalalaase amni oo halis gelin kara Xasiloonida Soomaaliya, qoraalka uu soo saaray waxa uu muujinayaa in uusan ka tanaasulin damicii ahaa muddo kororsiga” ayaa lagu yiri Xaanshida kasoo baxday Golaha Midowga Musharixiinta.

Golaha ayaa si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha.

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay go’aankii kasoo baxay Farmaajo u arkaan:

1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka.

2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo gorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen todobo qodob oo badankood ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah.

1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska lkraan Tahliil.

2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.

3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.

4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo.

5-In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.

6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto.

7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameytiran

Xaaji Maxamed Yaasiin: Cudur la filayey loo ma xauunsado

0

Kursi Laaluush iyo nacalada Allah lagu kasbaday lagama filayn in lagu helo tawfiiq, wadajir iyo horumar.

Yaa gardaran Farmaajo iyo Rooble?

1- Farmaajo wuxuu khasaariyey 4 sano oo loo igmaday inuu:

– Dhamaystiro dastuurka qabyada ah.
– Inuu dhiso maxkamadda dastuurka si aysan u dhicin qalaalasaha siyaasaddaa dalkeena ragaadiyey.
– In dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa.
– Inuu si fiican uga fiirsado qofka uu u magaacabayo Ra’iisal Wasaare, isagoo eegaya aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo daacadnnimadiisa.
– Madaxwaynaha waa inuu yahay hoggaamiye deggan oo sabur leh, fahmi kara sida looga dabaasho xiliyada adag isagoo u turaya dalka iyo dadka..

Hadaba, maxaa xal ah? 

Jaalle Madaxwayne, adigaa inoo keenay Khayre iyo Rooble, sidaa awgeed, waxay bi’yaan adaa masuul ka ah..blame yourself. 

Jaalle Madaxwayne, madal markhaati leh ayaad Rooble ku wareejisay awoodihii dawladda..Pay your price!

Jaalle Madaxwayne, Qadiyadda murugsan ee Ikraan Tahliil waxa mas’uul ka ah kooxdaada, Rooble “Suudaanta” ma keenin.

Jaalle Madaxwayne, waxaad lumisay kalsoonidii shacabka madaama aad fulinwaysay balamadii aad qaadatay, garabkaaga waxa ka baxay qaybtii fulinta ee dawladda, qaybtii garsoorka, maamul goboleeyada, murashaxiinta, ururada bulshada, culimada, iyo beesha caalamka.

Jaalle Madaxwayne, waad ogtahay in aad magacaabi karto ra’iisal wasaare laakin aadan lahayn awood dastuuri ah aad ku ceeriso ama awoodda rai’sal wasaaraha aad ku xakamayso.

Jaalle Madaxwayne, waxaad ogtahay in waqtigii laguu igmada kaa dhammaaday, fadlan madaxaaga ka cesho ciidda, islamarkaana dalka iyo dadka badbaadi.

Ugu dambayn, Jaalle madaxwayne, waxaa kuu soo jeedinayaa inaad raacdo qaabkii uu ku tanaasulay madaxwayne Cabduallahi Yuusuf (Aun).

A markhaati ka noqo inaan walaalkay, Jaalle Farmaajo, u naseexeeyey.

Alloow Somaali tawfiiqda iyo tubta toosan waafaji. Aamiin

W/Q: Xaaji Maxamed Yaasiin

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Madax goboleedyada oo QORAAL wadajir ah kasoo saaray khilaafka FARMAAJO iyo Rooble iyo kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa war-murtiyeed wadajir ah kasoo saaray khilaafka ka dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hoos ka aqriso qoraalka.

War-saxaafadeed

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:

1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.

3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.

4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.

5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.

6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.

7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.

Lafta-gareen oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo Ra’isulwasaare Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Laftagareen oo ugu horeyn ka hadlay dhex-dhexaadintii ay ka dhex wadeyn Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay weli ku rajo weyn yihiin in wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal iyo isfaham.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay in khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dalka ugu sarreeyo uu dib u dhac u keeni karo dalka iyo doorashadii la filayey inay Soomaaliya ka dhacdo.

Wuxuu sheegay in si looga hortago inuu dalka galo xaalad hubanti la’aan ah ay sii wadi doonaan dhex-dhexaadintii ay ka dhex wadeyn madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur  Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay soo saareen qoraalo iska soo horjeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal u Shalay soo saaray ku sheegay inuu awood dhimis ku sameeyey Ra’isuwlasaare Maxamed Xussen Rooble oo uu horey ugu wareejiyey qabashada doorashada iyo qorsheynta amniga.

Halka Ra’isulwasaare Rooble uu qoraalkaas ku tilmaamay mid baalmarsan dastuurka dalka isla markaasna uusan u hoggaansami doonin.

Xasan Cali Kheyre oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo si gaar ah u weeraray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

Kheyre ayaa warqaddii kasoo baxday Farmaajo ku tilmaamay “mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Kheyre.

Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalkeennu ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble. 

Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka. 

Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni. 

Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe.

Sida ku cad dastuurkeenna, Waa in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. Sidaas daraaddeed waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxaa uu dib u dhac iyo sharaf xumo ku yahay dowladnimadeenna curdunka ah iyo geeddi socodka dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladeenna. 

Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda.

Ugu dambayntii waxaan beesha caalamka oo Soomaaliya la garab-taagan hiil ugu baaqayaa in aanay ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay nagala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka. 

Falcelin weyn oo ka dhalatay wareegtadii yaabka laheyd ee kasoo baxday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaaka fal-celiyey wareegtadii shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ee ku sheegay in uu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Haddaba waa kuwan siyaasiyiinta ka hadlay iyo qoraalladooda.

Cabdullaahi Goodax Barre: Waxaan aad uga xumahay xaaladda cakiran iyo jahwareerka uu dalka geliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday. Waa sharci darro wuxuu maanta sameeyay, mana jirto meel ay uga qoran tahay Dastuurka KMG inuu shaqada ka joojin karo Ra’isul Wasaaraha XFS.

Cabdi Faarax Juxa: Madaxweyne Farmajo: “Aniga ama waxba”. Qalinka Farmajo khad sharciyadeed ma laha, warkiisuna wuxuu keli ah ka dhigan yahay aan is-dillo. Xilligan cidda keli ah oo haysata heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin Dawlad-goboleedyada iyo mid sharci oo ah xilgaarsiin waa Xukuumadda R/W Rooble.

R/W Rooble ayey xilliga kala guurka ah saaran tahay amaanada iyo kalsoonida Soomaaliduba. Awood-dhimis R/W waa erey cusub oo Farmajo kusoo kordhiyey luuqadda siyaasadda Soomaalida.  Dawlad-goboleedyada, shacabka Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba waa inay is-garab taagaan R/W Rooble si uu dalka doorasho u gaarsiiyo.

Taabit Cabdi Maxamed: Ninkii geedka tab looga dago garan waayay ee ka soo dhacay, baa laga hayaa “Dagashadaba ka Fudud.” Villa Somalia oo markii horeba qaaday waddo dhammaadkeedu cirif tahay, ayaa maanta cirifkii iska tuurtay, waana meesha uu damaca dhukan iyo ku tagrifal awood ku idlaado. Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil uga qaadi karo Raisulwasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xilleedkiisii dhammaaday.

Qoraalka Villa Somalia waa in R/W Rooble laga weeciyo hawlihiisa dastuuriga ah ee dardar gelinta doorashada, sugidda amniga, ilaallinta dhaqaalaha ummadda xilligan kala guurka iyo hor-istaag caddaalad u raadinta #IkraanTahliil iyo qoyskeeda. Waxaan shacabka Somaaliyeed & dunida saaxiibka la ah Soomaaliya ugu baaqayaa in si buuxda loo garab istaago sharciga, caddaaladda iyo hannaanka doorasho ee RW Rooble hormuudka u yahay. 

Xasan Maxamed Muungaab: Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha. Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda markay waayaan kalsoonida Baarlamaanka JFS kaliya ayuu Madaxweynuhu xilka ka qaadaa sidda ku cad qodobka 90-aad, Xarafka (d) ee Dastuurka KMG ah.

Ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay waa inuu ku hor istaago dadaalada lagu doonayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd. 

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in ay garab istaagaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalad.

Wasiir KhadiijaMaxamed Diiriye: “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”.

CC Shakuur oo sheeko cajiib ah ugu jawaabay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa qaab sheeko faneed ah uga jawaabay Wareegtadii uu shalay soo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, taasi oo uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran.

Warqadda Farmaajo waxey i soo xusuusay sheeko xariirtii caanka ahayd “Dharka Cusub ee Boqorka “The Empero’s New Clothes” ee qoraaga reer Denmark, Hans C. Andersen uu 1837 qoray. Qisadu waxay ku saabsanayd Boqor labbiska aad u jecel, keliya maahee waxay ugu baxdaa in dadka uu xukumayo, uu isku soo bixiyo kaddibna ku dhex xarrakoodo.

Labo harqaanle oo xarfaan faraha kala xada ah ayaa yimid beledkii boqorka ka talinayey. Waxay sheegteen in ay toli karaan dharka ugu qurxan, kana tolayaan naqshad aan horay loo arag.

Boqorkii ayaa farriintoodii la gaarsiiye. Wuxuu dalbaday in loo keeno. Waxay u sheegeen in dharka ay tolayaan ishu qaban karin, aysana doqomadu arki karin. Waxay dalbadeen xariir iyo dahab ay dharka ka tolaan iyo lacag fara badan oo ay shaqada ku qabtaan.

Markii ay muddo la maqnaayeen ayuu boqorkii wasiirkiisii u diray labadii harqaanle. Wuxuu u tegey rag xuurtaysan oo hawl haya oo neeftu ka tuurmayso. Waxay ku yiraahdeen sow dharku qurux maaha? Wasiirkii wuxu yiri “ war anigu wax ma arkee, malaha doqon ayaan ahay”.

Boqorkii ayuu ku laabtay, wuxuuna u sheegay in tolliinkii dhammaad yahay, isagoo ka cabsanaya in doqonimo lagu sheego. Ugu danbayn raggii way yimaadeen, boqorkiina dhar aan la arkaynin ayey ku cabbireen. Boqorkiina isagoo ka baqaya, yaan nacas lagu oran ayuu labbis aan loo jeedin jam isku siiyey.

Subixii danbe ayaa dadkii la isku soo bixiyey, si uu boqorku ugu xarrakoodo dharka ay dadka caqliga leh oo keliya arki karaan. Cid walba waxay ka cabsatay in caqli la’aan lagu sheego, haddii ay dharka arki weyso, laakiin wiil yar ayaa hal mar la soo booday “ boqorku dhar ma qabo ee waa qaawanyahay” dadkii oo dhan ayaa mar qura codkoodii is qabsaday “Boqorku waa qaawanyahay” boqorkii wuu cararay oo hoygiisii ayuu dib u galay.

Farmaajo waxaan leenahay wiilasha ku leh dhar aan loo jeedin ayaan kuu xiraynaa, yaysan ku ceebaynin. Rooble waxaan leenahay waa la wada arkaa in ay odaygu marada ka dhacday, oo eryiddii Fahad ayaad dadka ku tustay in uu qaawan yahay ee intaas ugu sin, doorashana ka aad.

R/W Rooble oo jawaab kulul ka bixiyey wareegtadii kasoo baxday Farmaajo (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab kulul ka bixiyey wareegtadii uu maanta soo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kuna tilmaamay mid baal marsan dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Hoos ka aqriso bayaanka uu Wareegtada Farmaajo kaga jawaabay Ra’iisul Wasaare Rooble

Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray;

A- Ku xadgudubka sharciga

1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.

2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada.

3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah.

4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan.

5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin.

B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda.

1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay.

2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu.

3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021.

4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya.

C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka.

1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka.

2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka.

3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka.

4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka.

5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Baaq.

1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax.

2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha.

3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho.

4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni.

Balanqaad.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah.

Tallaabadii C/llaahi Yuusuf ee December 14, 2008 iyo midda Farmaajo ee maanta

0

Wax lala yaabay ayuu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (AUN) ku dhaqaaqay December 8, 2008. Wuxuu ku dhawaaqay in uu wareegto xilka uga qaaday RW Nuur Cadde (AUN) oo ku howlanaa nabaddoonimada shirkii Jabuuti iyo soo af jarridda colaad siyaasadeed oo ay dad badani ku naf waayeen. Waxay ahayd arrin sharci darro ah maaddaama RW xilka looga qaadi karo oo keliya mooshin baarlamaan.

Aragtida nabadeynta Nuur Cadde ee shirka Jabuuti ee lagu heshiisiiyay mucaaradkii Asmara fadhiyay waxaa taageeranaa beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed intooda badan.

Sharci darradii ayuu madaxweyne Cabdullaayi Yuusuf ku adkeystay, wuxuuna Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) u mahacaabay RW.

Dec 24, 2008, Gacmadheere oo ma laha dareemay in aysan sheekadaas soconeyn, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii loo magacaabay.

Col.kii tan iyo dhallinyaronimadiisa ku taamayay in uu mar uun Soomaaliya hoggaamiyo, una soo galay halgan dheer oo nabad, colaad iyo xabsiba leh, ayaa garwaaqsaday in uu iska daaye uu dalka sii heysto, aysan suura gal ahayn inuu dhamaysto muddo xileydkiisii oo ay ka dhineyd muddo sanad ah!

December 29, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa Baarlamaankii Baydhabo fadhiyay u sheegay in uu xilka iska casilay!

Waxaa laga bartay dhowr cashar: in aan Soomaaliya xoog lagu heysan karin; in qofka nabadeynta wada ay Soomaali ka jecel yihiin kan colaadda wada; iyo in qofka wax garadka ah uu yahay kan fahma marka ay dabeyshu dhankiisa u socoto iyo marka kale.

Waddadii…..

W/Q: Hassan Adam Hossow 

Fallanqeyn sharci: Farmaajo ma hakin karaa awoodaha ra’iisul wasaare Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sheegayo inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Haddaba, Sharciyan Farmaajo xilligaan awood ma u leeyahay inuu qaado tallaabadaas?

Garyaqaan Daahir Maxamed Carab oo ah sharciyaqaan ku sugan Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday awood u laheyn in uu tallabadaas qaado, maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa sharciga ah.

Garyaqaanka ayaa isaga oo soo xiganaya Dastuurka KMG waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu kalsoonida siiyay xukuumadda, islamarkaana uu Dastuurka uu awooda u badan siiyay xukuumadda xil-gaarsiinta.

“Mar hadduu dhamaado muddo xileedkii madaxweynaha iyo kii baarlamaanka, awoodihii Dastuuriga ahaa ee labadaas hay’adood halkaas ayey ku dhamaadeen, laakiin xukuumaddu waa ka duwan tahay,” ayuu yiri.

“Awoodaha Hay’addaha waxaa bixiya Dastuurka, Madaxweynaha sida ogsoonahay waa lasoo doorta waa afar sano oo ka billaabaneysa marka la dhaariyo, laakiin xukuumadda maadama laga rabo shaqo maalinle ah lagama maarmaan ay tahay inay bulshada u adeegto waxaa awood loo siiyo in shaqada sii wado ilaa xukuumad kale laga soo dhisayo si firaaq Dastuuri ah u dhicin.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuusan jirin qoddob Dastuuri ah oo siinaya in Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay sii wadi karaan shaqada, isagoona xusay in shaqadii caadiga aheyd ee hore u socday uu dar-dar geliyo Ra’iisul Wasaaraha oo uu ka go’aan gaari karo amaanka qaranka, xasiloonida iyo daganaashaha guud ee bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hay’adda keliya ee Dastuurka uu xilligan awooda siiyey ay tahay xukuumadda oo uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo ka dhigan in wareegtada Farmaajo aysan sharciyad ku dhisneyn.

Hoos ka dhageyso wareysiga garyaqaanka.

 

Golaha Ammaanka QM oo kulan deg deg ka yeelanaya xaalada Somalia + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qurshuhu yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri ah kulan deg deg ah ka yeelan doona xaaladda Soomaaliya, kadib markii uu maanta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu soo saaray wareegtu ku sheegay in uu ku hakinayo awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankaan oo ah mid aan caadi aheyn ayaa waxaa lagu eegi doona xaaladaha kasoo cusboonanaya siyaasadda Soomaaliya, xili uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah, islamarkaana ay billowdeen doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa gashay marxalad aan horay loo arag, taas oo ah in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato, uuna madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday is-bidayo awoodo abuuri kara qalaalase amni.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hore u sameeyay is-bedelo cadaalad loogu raadinayo kiiska Ikraan Tahliil, taasi oo uu si cad uga horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday oo abuuray khilaaf cusub.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhinaca saaray saaxiibadiisa siyaasadda oo ugu horeeyo Fahad Yaasiin iyo Xundubeey oo uu xilalkii ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba, Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa gashay waji halis badan, kaasi oo kal hore dalka looga bad-baadiyay kadib markii awoodaha doorashada iyo amniga lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xildhibaano jawaab deg deg ah ka bixiyey wareegtadii uu soo saaray FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay kamid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad, Cabdisaabir Shuuriye iyo Cabdiraxmaan Odowaa ayaa durtaba ka fal-celiyey wareegtadii ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ee ku sheegay in uu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Siyaasiyiintan ayaa qaarkood garab weyn u muujiyey Ra’iisul Wasaaraha oo xiligan asagu gacanta ku haya hanaanka doorashada iyo amniga, oo kal hore uu wareejiyay Farmaajo, kadib xili uu dalku ku sigtay qalaalase amni.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa yiri: Afar sano ayaan sheegayay in nidaamka uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu wadankaan ku wado meel mugdi ah uuna wado baabuur aan fariin lahayn.

Warqadda maanta ka soo baxday waxa ay daliil u tahay in Farmaajo uusan dan ka laheyn wax dowladnimo la xariira iyo sharciyad.

Afar sano ayaan ka digaynay sharciyad darradaas iyo ku xadgudubka dastuurka.
Haba-yaraatee wax awood u siinaya majiraan in uu cid xil ka qaado. Warqadda maata uu soo saarey waa mid wax kama jiraan ah “ null and void”.

Waxaan garab iyo gaashaan u nahey RW Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ah cidda kaliya oo haysta sharciyadda xil gaarsiin. Warqaddaasi waxa ay na tustay midabka runta ah ee Farmaajo, waana la joogaa xilligii dalka laga badbaadin lahaa.

Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri: Oday Farmaajo markii uu tabar hayey talo ma heyn, haddana tabar iyo talo toona ma lahan sida ka muuqata ficiladiisa!. Warqado sharcidarro ah oo baraha bulshada la soo dhigo ayay uga soo hartay!.

Cabdisaabir Shuuriye ayaa yiri: Markii aan arkay Wiiftada uu soo tuurey galabta Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Mudane Farmaajo, waxa aan soo xasuustay oraah aan maqli jirey hadda kahor uu ku Cataabay nin rajo beel ku dhacday oo yiri:

“Waxba dhowran meynee rabbow dhagaxyo soo daadi!” Ninkaani laba mid buu ahaa mid xishood laawa ah oo wax walba oo dhaca aan kala jecleyn ama nin dagaal u diyaar garoobay oo wax walba ha dhaceene wax aan biloowno yiri!!!

Mahad Salaad ayaa yiri: Duqii Farmaajo ahaa wlhi waa wareeray. Hada wixii ka dambeeya gacanta inla haayo ayuu u baahanyahay si uusan xaafadiisa uga lumin!

Shacab si aan caadi aheyn uga fal-celiyay wareegtadii kasoo baxday FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta markii uu soo saaray warqad uu ku sheegayo inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha oo asagu gacanta ku haya hanaanka doorashada iyo amniga dalka, ayaa waxa si aan caadi aheyn uga fal-celiyay shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online, ayaa indhaha la raacday aragtiyada ama commentiga ay dadweynaha Soomaaliyeed ka dhiibteen wareegtadaas oo lagu baahiyay barta Facebook ee Villa Somalia, waxayna badankooda ka mideysanayaan shaki gelinta awood Farmaajo ee ku hakin karo awoodaha Rooble.

Shacabka ka fal-celiyay Wareegtadaas, ayaa qaarkood ku weeraray Farmaajo in qaab sharci daro ah uu kusoo ceshanayo, awoodii uu kal hore wareejiyay, halka qaarkood ugu baaqeen inuu is casilo, maadama uu fashilmay, sida ay sheegen.

Dadka aan aragtidooda idiin soo aruurinay ayaa waxaa kamid ah;

Cabdullaahi Xasan Cabdullahi: Farmaajo awoodi dastuuriga ah iyo mida sharciga ah wuuba ka dhamaday marka wax aa joojin karto maleh hadalkaga marku macno beelo waa sida farmaajo, MP Rooble asaa kaa awood badan hada sharciyadna heysta marka ha dagdagin jawaabtada inyar sug.

Amaal Yaasiin Geelle: Shacabka loo shaqeynayo soo annaga maahan. Anagu kuma rabnee waraaqaha qaldan naga daa.

Abdifatah Ugas: Awood aad Afkaaga ku wareejisay, Umadda Soomaaliyed horteeda, Post Facebook lasoo dhigay kuma so noqoneysee, Macsalaama Maxamadow.

Abdullahi HEYNOSH Mohamed: Waa post iska caadi ah, haddii uu yahay war dowlo aan ka aragno faafinta rasmiga ah sida; SNTV, Radio Mogadishu ama wakaaladda wararka SONNA.

Bilan Sheikh Cali: Mudane madaxweyne sharaftaada inta kugu hartay ha iska sii qaadin!! Warqaddii 6-aad ayaan u maleynayaa in ay tahay middaan. Adigoo is dhahaaya mar walba tii hore waa ay socon-weyday ee middaan in ay soconeyso bal fiiri. Illaa iyo haddana wax kuu suurta gashayna ma jirto. Marka adiga oo Allah SWT ka cabsanaya iskala heshii Ra’iisal Wasaaraha waayo ummadda Soomaaliyeed waxa ay aragtay in Ra’iisal Wasaaraha waddo saxan uu ku socdo, halka adiga dalka iyo dadkaba aad ka dooratay eedeysanayaal dartooda. Allow waddada toosan kugu soo celi.

Yahye Abdi: Soomaali Farmaajo sifiican u barta, caddaalad ma rabo in ay gabdhu hesho wax walba waxaa uga weyn basaaska qatar ee lacagta uga keena, Muddo xileedkiisu wuxuu ku ekaa Feb 8, Guuleyso RW waxaa kula jira shacabka barakeysan ee PL, JL, GM.

Abdirahman Xubey: Walee waxaa Run ah hadalkii Suudi Yalaxow oo ahaay Maxamadoow soobax makusoo baxayee meesha halaga soo saaro waa nin waashay oo waraaqo qoroow kaliya dalkii kahaya.

Ubax Nacfi: Cidu ku dhagaysan mayso ee maad qoraalkan facebook aad xasaradaha ugu kicinayso nagadaysid.

Hon Omar Abdullahi: Madaxweyne waxaa ku sharaf ah inaa xilka iska casisho adigoo 4 sano soo kaabeynayay calacalkaga ma dhageysan karno Fadlan is casil.

Abdifatah Ali Yare: Farmaajo wareersane & Teamkiisu maalinkasta god hor leh ku sii dhacaayan qasaaye markuu arkay inuusan helayn wixii uu rajaynaayay ayuu dalka Qalalaase uhorseeday.

Yahye Mohamett Hussein Qare: Farmaajo Wuxuu Qaadayaa Maalinkasta Talaabo Abuuri karta Qalaalaase Hor Leh Wuxayna kusii kordhinaysaa dambiyada, wuxuuna ku waynayaa Taageradaan Uhaynay.

Amin Hagi: Waxaa ilahey mahaddiisa ah in manta warqad aad soo qortay iyo mid uu aweys baafow soo qoray isku mid agtena kayihiin cid kudhaqmaysaanna jirin cid baahinaysana aysan jirin uu ugu horeeyo SNTV saas darteeda waxaad doonto iska soo qorqor oo isaga nafis Maxamed Qalbi-qalbiyow.