26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Shacab si aan caadi aheyn uga fal-celiyay wareegtadii kasoo baxday FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta markii uu soo saaray warqad uu ku sheegayo inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha oo asagu gacanta ku haya hanaanka doorashada iyo amniga dalka, ayaa waxa si aan caadi aheyn uga fal-celiyay shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online, ayaa indhaha la raacday aragtiyada ama commentiga ay dadweynaha Soomaaliyeed ka dhiibteen wareegtadaas oo lagu baahiyay barta Facebook ee Villa Somalia, waxayna badankooda ka mideysanayaan shaki gelinta awood Farmaajo ee ku hakin karo awoodaha Rooble.

Shacabka ka fal-celiyay Wareegtadaas, ayaa qaarkood ku weeraray Farmaajo in qaab sharci daro ah uu kusoo ceshanayo, awoodii uu kal hore wareejiyay, halka qaarkood ugu baaqeen inuu is casilo, maadama uu fashilmay, sida ay sheegen.

Dadka aan aragtidooda idiin soo aruurinay ayaa waxaa kamid ah;

Cabdullaahi Xasan Cabdullahi: Farmaajo awoodi dastuuriga ah iyo mida sharciga ah wuuba ka dhamaday marka wax aa joojin karto maleh hadalkaga marku macno beelo waa sida farmaajo, MP Rooble asaa kaa awood badan hada sharciyadna heysta marka ha dagdagin jawaabtada inyar sug.

Amaal Yaasiin Geelle: Shacabka loo shaqeynayo soo annaga maahan. Anagu kuma rabnee waraaqaha qaldan naga daa.

Abdifatah Ugas: Awood aad Afkaaga ku wareejisay, Umadda Soomaaliyed horteeda, Post Facebook lasoo dhigay kuma so noqoneysee, Macsalaama Maxamadow.

Abdullahi HEYNOSH Mohamed: Waa post iska caadi ah, haddii uu yahay war dowlo aan ka aragno faafinta rasmiga ah sida; SNTV, Radio Mogadishu ama wakaaladda wararka SONNA.

Bilan Sheikh Cali: Mudane madaxweyne sharaftaada inta kugu hartay ha iska sii qaadin!! Warqaddii 6-aad ayaan u maleynayaa in ay tahay middaan. Adigoo is dhahaaya mar walba tii hore waa ay socon-weyday ee middaan in ay soconeyso bal fiiri. Illaa iyo haddana wax kuu suurta gashayna ma jirto. Marka adiga oo Allah SWT ka cabsanaya iskala heshii Ra’iisal Wasaaraha waayo ummadda Soomaaliyeed waxa ay aragtay in Ra’iisal Wasaaraha waddo saxan uu ku socdo, halka adiga dalka iyo dadkaba aad ka dooratay eedeysanayaal dartooda. Allow waddada toosan kugu soo celi.

Yahye Abdi: Soomaali Farmaajo sifiican u barta, caddaalad ma rabo in ay gabdhu hesho wax walba waxaa uga weyn basaaska qatar ee lacagta uga keena, Muddo xileedkiisu wuxuu ku ekaa Feb 8, Guuleyso RW waxaa kula jira shacabka barakeysan ee PL, JL, GM.

Abdirahman Xubey: Walee waxaa Run ah hadalkii Suudi Yalaxow oo ahaay Maxamadoow soobax makusoo baxayee meesha halaga soo saaro waa nin waashay oo waraaqo qoroow kaliya dalkii kahaya.

Ubax Nacfi: Cidu ku dhagaysan mayso ee maad qoraalkan facebook aad xasaradaha ugu kicinayso nagadaysid.

Hon Omar Abdullahi: Madaxweyne waxaa ku sharaf ah inaa xilka iska casisho adigoo 4 sano soo kaabeynayay calacalkaga ma dhageysan karno Fadlan is casil.

Abdifatah Ali Yare: Farmaajo wareersane & Teamkiisu maalinkasta god hor leh ku sii dhacaayan qasaaye markuu arkay inuusan helayn wixii uu rajaynaayay ayuu dalka Qalalaase uhorseeday.

Yahye Mohamett Hussein Qare: Farmaajo Wuxuu Qaadayaa Maalinkasta Talaabo Abuuri karta Qalaalaase Hor Leh Wuxayna kusii kordhinaysaa dambiyada, wuxuuna ku waynayaa Taageradaan Uhaynay.

Amin Hagi: Waxaa ilahey mahaddiisa ah in manta warqad aad soo qortay iyo mid uu aweys baafow soo qoray isku mid agtena kayihiin cid kudhaqmaysaanna jirin cid baahinaysana aysan jirin uu ugu horeeyo SNTV saas darteeda waxaad doonto iska soo qorqor oo isaga nafis Maxamed Qalbi-qalbiyow.

Farmaajo oo sheegay inuu hakiyey awoodihii R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hoos ka aqriso qoraal uu soo saaray Farmaajo.

War-saxaafadeed

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e);

Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas; 

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;

Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood; 

Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan; 

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan; 

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban. 

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay. 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Rooble oo dalab u gudbiyey Mahdi iyo Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan dadajinta kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

War ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan looga arrinsaday sidii dhaqse loogu bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.

Rooble ayaa sidoo kale ka dalbaday Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay si deg-deg ah usoo gudbiyaan xubnaha musharixiinta ah ee ku tartamaya kuraastaasi.

“Waxaa looga Arrinsanayay kulanka u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee  Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed oo door ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Aqalka Sare ayaa haatan mareysa gabagabo, waxaana ku xigta mida golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xog: DF oo diyaarad gaar ah Muqdisho ku keentay ciidan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug diyaarado gaar ah kaga soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska ee GORGOR.

Ciidamada oo laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday ayaa waxaa lagu qiyaasaya tiradooda inta u dhaxeysa boqol illaa saddex boqol oo askari.

Dib u soo celinta askartaan ayaa waxa Caasimada Online u xaqiijiyey Saraakiil ka tirsan ciidamada, waxayna ku sheegen soo celintaas inay tahay arrimo farsamo.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan sababta ka dambeysa in xiligaan dib loogu soo celiyo ciidamo intaas le’eg magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Askartaan ayaa qeyb ka ahaa dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug looga soo saarayey kooxda Al-Shabaab, oo ayagu ku sugnaa deegaano ka tirsan maamulkaas.

Sida lagu soo waramayo goobihii ay soo faarujiyeen ciidamada laga soo dejiyay Muqdisho ayaa waxaa gacan ku hayntooda la wareegay cutubyo boolis ah, oo la qorsheynayo inay xoojiyaan amniga goobahaas.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu maamulka Galmudug isku diyaarinayo qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metalaya baarlamaanka 11-aad, ayna magaalada Muqdisho ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed.

Hooyada WASIIR XANIIFA oo ka hadashay weerarkii ay ku soo qaadeen ciidamada iyo walaalkeed oo beeniyey

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maymuun Aadan oo ah hooyada dashay Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifa Xaabsade), Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii shalay ay gurigeeda ku qaadeen ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Maamo Maymuun ayaa sheegtay in si argagax leh ay usoo weerareen ciidamadaas, ayaga oo si xoog ah uga soo gudbay afaafka hore ee guriga, islamarkaana aysan garaneyn waxa loo beegsaday.

Waxay sheegtay in dhibaato aan loo geysan dadkii ku sugnaa guriga, balse la cabsi galiyey, halkaasi oo ay ku sugnaayeen caruur yar-yar, sida ay sheegtay.

“Aniga gabadh Koonfur Galbeed u dhalatay ayaa ahey, siyaasad kuma jiro wax dembi ahna ma gelin, waxaa la yaabanahay sababta uu iisoo weeraray,” ayey tiri Maamo Maymuun Aadan.

‘Hadda gurigeyga ayaa jooga, wax ii yimid ma jiraan, mana ogi sababta loo daba-gediyay ee loo kiciyay fowdada intaas le’eg, waxaa wada xiriirnay dad akhyaar ah oo arrintaas daba socda.”

Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay inaysan ayada qeyb ka aheyd siyaasadda, islamarkaana aysan jirin dambi kalifaya in la weeraro, waxaana xusid mudan in gabadheeda ay si weyn isku hayaan Lafta-gareen.

Wasiir Xaniifa oo shalay arrintaas ka hadashay ayaa sheegtay in weerarkaas uu la xariiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo soo kala dhex-galay iyada iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest in ay kasocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifa qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dhasha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacabka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab.

Dhanka kale, Waxaa warkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay walaalkeed oo dhawaan Senator loo doortay Cabdiweli Xaabsade, isagoona raali-gelin ka bixiyey hadalka Xaniifa Xaabsade oo uu sheegay in uu dhan ka rarnaa.

Cabdiweli iyo Xaniifa waa isku aabe, ee ma ahan isku hooyo.

“Waxan umadda somaliyeed ee samaha jecel islamarkasna isoo wacayey u xaqiijinaa anigo ku hadalayo magaca Reer Mohamed Ibrahim Xabsade in aysan jirin wax weerar malmulka Konfur Galbeed uu ku qaadey qoyska reer Xabsade,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan ka cudur daàranaya raali galina ka bixinayaa hadalkii xanafta lahaa ee ka soo yeerey Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Haniifa Xaabsade kaas oo u muuqday mid aan laga fiirsan oo aan hanbarsaneen masuuliyad.”

Hoos ka dhageyso Hooyo Maymuun

Dagaal culus oo maanta ka dhacay Gedo iyo Jubaland oo laga dhaawacay mas’uul

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta Jubbaland & ilaalada gudoomiye ku xigeenka amniga Ceelwaaq uu ka dhacay degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada isku qabteen kaarar raashin ah oo ay qey hay’adda cunnada aduunka ee WFP, isla-markaana loogu tala-galay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwooda danta-yar ee ku dhaqan gudaha magaalada Ceelwaaq.

Inta la xaqiijiyey waxaa isku hor imaadka labada dhinac ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmadaasi Shukri Tuure, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Shukri oo ciidamadiisa iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay wada dagaalameen ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana la geeyey goob caafimaad.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus haatan laga dareemayaa gudaha degmada Ceelwaaw oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland iyo kan gobolka oo ku aadan dagaalkaasi geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh.

Inta badan dadka shacabka ah ee lagu kor dagaalamo ayaa khasaare xoog leh waxaa kasoo gaaraa iska hor imaadyada ciidanka dhexdooda ah ee ka dhaca gudaha dalka.

Yaa la wareegay dhulkii lagu dagaalamay ee Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ka warbixiyey iska hor imaad saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir, qeybta xigta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa shaaciyey inuu dagaalka u dhexeeyey laba maleeshiyo beleed, isla-markaana ay ku baxeen ciidamada Booliska, kadibna rasaas lagu soo furay, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ugu dambeyn dhulka lagu muransan yahay ee sababay dagaalka ay la wareegeen ciidamada ammaanka, si loo dajiyo xaaladda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in gurigan ay arrintiisa ku jirto maxkamadda gobolka Banaadir, dhowaana lasoo gabagabeyn doonaa muranka ka dhashay lahaanshihiisa.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijyey dhaawaca taliyaha Haramcad, Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, sidoo kalena ay jiraan khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa dhismaha lagu dagaalamay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo saaka shacabka Muqdisho ay ku soo waabariisteen dagaal ka socda qeybo ka mid ah caasimada, gaar ahaan degmada Hodan.

Si kastaba dagaalkan ayaa kusoo aadayaa, xilli magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad dhexeyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha

Miisaaniyadda NISA oo lagu wareejiyey Bashiir Goobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wareejiyay maamulka Miisaaniyadda ee Hay’adda ay ku laheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu u hoggaansamay amarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ah in Bahsiir Goobe uu yahay agaasimaha saxda ah ee hay’’adda, sidaas darteedna ay isaga u gacan geliyaan maamulka miisaaniyadda NISA.

Miisaaniyadda loo gacan geliyey Bashiir Goobe ayaa u ku dhiira gelisay go’aankii uu shalay qaatay ee uu ku magacaabay Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

“Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayuu Bashiir Goobe ku yiri warqad uu soo saaray.

Arrintan ayaa dhinac u ridi karta loolanka ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo oo isna agaasimaha NISA u magacaabay Yaasiin Farey, oo ahaa taliyihii hore ee NISA ee gobolka Banaadir.

Waxay sidoo kale keeni kartaa in laga baaqsado iska hor-imaad ku saleysan cidda maamuleysa hay’adda iyo xarunta NISA.

Xarunta Habar Khadiijo ayaa waxaa hadda haysta ciidamada Waran ee taaageersan Rooble, hase yeeshee ciidamada Duufaan oo taageersan Farmaajo ayaa jooga aagga xarunta, taasi oo diiday in Bashiir Goobe uu xarunta tago. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiday in ciidankaas awood loo adeegsado, si aanu dhiig u daadan, hase yeeshee hadda oo dhaqaalihii NISA uu gacanta ku hayo, waxay keeni kartaa in ciidankaas iyo hoggaankooda ay tartiib u kala siibtaan. 

Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL saaka ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho.

“Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax, saraakiil kale iyo askar ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta lagu dagaalamay, iyada oo ay dhaawacmeen illaa saddex qof oo rayid ah.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya ciidamada ku dagaalamay aaga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbaday inay faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo jeediyay in faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil madaxweynaha muddo xileedkiiska uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, xili uu khilaaf hor leh ka dhashay kiiskaas.

Cabdiwali Gaas oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa qaba in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’addaha garsoorka iyo maxkamadda ku shaqada leh, islamarkaana xilligaan xooga la saaro habsami u socodka hanaanka doorashada dalka.

“Is-qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daaya hay’adaha shaqadoodu tahay ee cadaaladda, xeer-ilaaliyaha iyo maxkamadda ciidamada, waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u isticmaalayo arrintaan,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

“Waxay noqoneysa labadoodaba arrintaasi (waraaqaha iska hor-imaanaya ee Farmaajo iyo Rooble) in ay dhib ku keento mustaqbalkooda siyaasadeed. Labadoodaba eedeysanayaal ayey noqonayaan. Waxaa kula talinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu u jeesto qabashada doorashada.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha guushiisa iyo guul-daradiisa siyaasadeed ay halbeeg u noqoneyso qaabka ay u dhacdo doorashada, hase yeeshe aan lagu cabiri doonin kiiska Ikraan oo uu dalbaday in uu faraha kala baxo, una daayo hay’addaha shaqada ku leh.

“Kiiska Ikraan meel la’aan ma dhici doono, aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda, Soomaalida oo dhan ayaa ku soo jeeda, markaa waxaa loo baahan yahay in aan lagu mashquulin arrintaan hay’addaha ku shaqada leh loo daayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilligaan uu dalka u baahan yahay cadaadis caalami ah si hoos loogu dhigo xiisadaha ka aloosan gudaha, islamarkaana ay dib ugu joogsan lahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha, sida uu sheegay.

Yuusuf Garaad Cumar oo naqdiyey hadal kasoo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa naqdiyey hadal jeedin uu dhawaan sameeyay Cabdullaahi Sanbaloolshe, Agaasimihii hore ee NISA, kaasi oo ku saabsanaa siyaasadda iyo damiirka.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in siyaasadda aysan u sameyn siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran uu yimaaddo, halka taasi badalkeed uu qabo Sanbaloolshe oo dhawaan sheegay in Siyaasaddu moral laheyn.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran:

Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaan daawaday oo ka hadlay siyaasadda iyo damiirka ama aan si kale dhahee Anshaxa Siyaasadda.

Mowduuc aad u muhiim ah ayuu soo qaaday waana uga mahadcelinayaa inkasta oo aan ku kala ra’yi duwan nahay.

Maaddaama uu yir siyaasaddu moral ma laha, waxay ila noqotay in aan aragtidaas oo keliya lagu sii deyn dhallinyarada. Waxay ila noqotay in mid kale la dhinac dhigo si ay u noqoto dood furan oo keenta in ay culuumta iyo taariikhda siyaasadda dunida ay wax uga baaraan.

Waxaan u dhihi lahaa sidan:

Siyaasadda ka hor ayuu siyaasigu ahaa qof qaangaar ah oo ugu yaraan dad la macaamilay.

Siyaasiyiinta qaarkoodna siyaasadda ka hor ayay lahaayeen khibrad shaqo, qaar kalena waxaa u wehlisay mid maamul oo isugu jirta dejin istaraatijiyad, maamul miisaaniyad iyo maareynta Shaqaale iyo wax soo saar ama adeeg. Kuwan dambe waxay hore u qaateen go’aammo saameynaya nolosha iyo horumarka dad ay iyagu mas’uul u yihiin.

Sidaa darteed siyaasaddu uma sameyso siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran ayuu yimaadaa.

Awoodda ay siineyso iyo xaaladaha adag ee ay dhex taageyso awgood, siyaasaddu waa ay saameyn kartaa damiirka midka aan wax u kala soocneyn, kaan aqoon xudduudaha lama dhaafaanka ah iyo kan aan ku dhiirran karin in uu maya yiraahdo.

Siyaasiga fekeraya, wax isku falaya, dhaarta xusuusan, og in uu xafiiska ka tegi doono, siyaasaddu waa ay imtixaantaa damiirkiisa, su’aalo adag oo badan ayay ku furtaa maskaxdiisa laakiin saameyn kale kuma laha.

Xildhibaan Zakariye oo iska fogeeyey warar laga faafiyey oo la xiriira R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu isaga beriyeelay in si gaar ah uu saaxiib ula yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in laga faafiyey warar been abuur ah.

Xildhibaanka oo aad loogu xagliyo xubnaha siyaasad ah u janjeera dhanka Farmaajo ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble ay u siman yihiin oo labadaba uu saaxiib la yahay.

“Kooxo aan heybtooda la aqoon ayaa waxey baraha bulshada kusoo qorayeen maalmahan inaan anigu ahay nin Rooble liddi ku ah,  taas badalkeedana aan ahay nin ujanjeera dhanka Farmaajo.

Waxaan caddeynayaa inaan ahay oday Soomaaliyeed. Rooble iyo Farmaajo waa rag saaxiibadey ah, waxaana naga dhaxeysa hal shaqo oo ah in qarankan si Soomaalinnimo ah ugu adeegno,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in doorka uga furan khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu yahay in si odaytinimo ku jirto uu xalkiisa uga qeyb qaato.

“Madax markeey shaqo qaranka uhayaan waxaa khasab ah ineey aragti kala duwanaasho meesha imaato, Taasna waxaa iiga furan inaan si cilmiyeysan oo odaytinnimo ahaan ah uxalliyo, Sheegana sida xalku uu yahay, laakiin igama suurtowdo in waxyaabaha la iga baahinayo ee been abuurka ah oo kale aan ku dhaqmo. WAR XUMOOW LAGU WAAAAA!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana guul-dareystay wadahadallo xal loogu raadinayey khilaafka oo ay wadeen xubno ay hor ka cayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xog: Qaar ka mid ah ciidanka Duufaan ee NISA oo goostay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog la isku haleyn karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay goosteen qaar ka mid ah ciidamada Duufaan ee ka tirsan hay’adda NISA, kuwaas oo maalmahaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo ka mid ah Muqdisho. 

Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Hay’ada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Askar gaareysa ugu yaraan 15 Askari oo wata hub casri ah ay goosteen dhowaan markii la geeyay aagga Habar Khadiijo ee xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya. 

Ragga goostay oo markii hore ka tirsanaa Al-Shabaabkii lagu dhaqan celiyay xerada Serandi ee degmada Xamar Jajab ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyaan. 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya askartaan goosatay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga goostay ay Al-Shabaab u galeen iyaga iyo hubkooda, halka warar kalane ay sheegayaan in ay joogaan xaafado ka mid ah Muqdisho, isla markaana ay hubka dhigeen kadibna ay dib ugu laabteen ehelladooda. 

Warkii u dambeeyay ee laga maqlo dhalinyarada goosatay ka hor inta aysan bixin ayaa ahaa “Xerada ayaa nagala soo qaaday mana naloo sheegin in dagaal naloo wado waana nala qiyaanay,” intaas kadib waxaa lagu baraarugay in dhallinyaradii ay baxsadeen. 

Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. 

Ciidanka Duufaan ayaa ah kuwa hadda jooga isgoyska ku dhow xarunta NISA, ee diidan in taliyaha cusub ee NISA Bashiir Goobe uu xarunta u gudbo, halka gudaha xarunta NISA ay haystaan ciidamada Waran oo taageersan ra’iisul wasaare Rooble. 

Minnesota: Maxkamadda Sare ee oo laashay xukunkii lagu riday Maxamed Nuur

Minneapolis (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa Arbacada maanta ah laashay xukunkii dilka darajada-saddexaad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa Somali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sano kahor toogtay gabar soo wacday 911.

Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo darajada-labaad ah oo la xiriira dhimashadii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan 

Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukunku 12-ka sano iyo barka ahaa ee lagu riday 2019-kii.

Maxamed ayaa hadda wajahaya xukun u dhaxeeya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County. 

Haddii Maxamed lagu rido xukun afar sano oo ah dil kama’a oo darajada labaad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay laba meelood saddex meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold. 

Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. 

“Maanta ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad, farxad weyn,” ayuu Wold u sheegay taleefishinka NBC News.

Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oogayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey “ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil darajada-saddexaad ah. 

Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxamed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toogashadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaawici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey.

Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay inay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay.

Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weeraray. 

Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelisay. Maxamed oo argagaxay ayaa kadib toogtay Damond.

Mullah Abdul Ghani Baradar oo war cusub kasoo saaray ‘khilaafka’ kooxda Taalibaan

0

Kabul (Caasimada Online) – Ku simaha ra’iisul wasaare ku-xigeenka Afghanistan, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa ka soo muuqday cajalad fiidiyoow ah si uu u beeniyo wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay isku dhac dhex maray isaga iyo koox ka soo horjeeda ee Taliban.

Aasaasaha Taalibaan ayaan muddo dhowr maalmood ah la arag. Waxaa jiray warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay hoggaamiyeyaasha Taliban, oo uu ku lug lahaa Baradar iyo koox iska soo horjeedda oo daacad u ah shabakadda awoodda badan ee Haqqani.

Laakiin wareysiga cusub ayuu Baradar ku beeniyay wararka ku saabsan isku dhaca gudaha ee la sheegay.

“Maya, tani run ma aha; waan fiicanahay waana caafimaad qabaa,” ayuu yiri Baradar markii la weydiiyay bal in la dhaawacay iyo in kale.

Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in is maandhaafka hoggaanka Taalibaan uu soo taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay.

“Waxaan ka maqnaa Kabul, mana aanan helin internet ii fududeyn lahaa in aan ganafka ku dhufto wararka been abuurka ah,” ayuu raaciyay.

Muuqaalka gaaban – oo lagu baahiyay Twitter-ka xafiiska siyaasadda Taliban ee Doxa – ayaa muujinayay isaga oo fadhiya kursi u dhow wariyaha telefishinka dowladda, oo sida muuqata ka akhrinaya warqad.

“Waa Alle mahadiis ah in aan leenahay xiriir wanaagsan oo ah is xushmeyn. Xiriirkeena xitaa waa ka wanaagsan yahay midka ka dhexeeya qoysaska,” ayuu yiri.

Baradar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Taalibaan oo si toos ah ula xiriiray madaxweyne Mareykan ah, ka dib markii uu wadahadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Donald Trump, sannadkii 2020-kii.

Intaas ka hor, wuxuu saxiixay heshiiskii Doxa ee ku saabsanaa ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isagoo wakiil ka ah Taalibaan.

Muuqaalka cusub ayaa yimid ka dib markii saraakiil sare oo ka tirsan Taalibaan ay sheegeen in taageerayaasha Mullah Baradar ay la dagaallameen garab daacad u ah Khalil ur-Rahman Haqqani – oo ah wasiirka qaxootiga, isla markaana ah shaqsi caan ka ah shabakadda Haqqani.

Xubin sare oo ka tirsan Taalibaan oo fadhigiisu yahay Qatar iyo qof kale oo xidhiidh la leh dhinacyada is khilaafsan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in muran dhacay dabayaaqadii toddobaadkii hore.

Wararka ayaa sheegay in muranka soo baxay ka dib markii Baradar, oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub, uu tibaaxay in aanu la dhacsanayn qaab dhismeedka dawladdooda ku meel gaadhka ah.

Waxaa la sheegay in khilaafka ka dhashay cidda sheegan karta libinta guushii ay Taalibaan ka gaadhay Afghanistan.

Baradar ayaa lagu soo waramayaa inuu rumeysan yahay in guusha lagu gaadhay diblomaasiyaddii ay rag uu ku jiraa wadeen halka xubnaha ka tirsan kooxda Xaqaani ay iyaguna qabaan in libinta lagu gaadhay dagaal.

Dhanka kale kooxda Xaqaani ee awoodda badan ayaa lala xidhiidhiyaa qaar ka mid ah weeraradii ugu rabshadaha badnaa ee ka dhacay Afghanistan ee ka dhanka ahaaa ciidamadii dowladdii Afghanistan iyo xulafadooda reer Galbeedka, sannadihii la soo dhaafay. Kooxdan ayuu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso.

Hoggaamiyahooda Sirajuddin Haqqani, waa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda cusub.

Taalibaan ayaa la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan bishii la soo dhaafay, tan iyo xilligaasna waxay ku dhawaaqday in dalkaasi yahay “Imaarad Islaami ah”.

Golahooda cusub ee ku meel gaadhka ah gabi ahaanba waa rag waxayna ka kooban yihiin saraakiil sarsare oo Daalibaan ah, kuwaas oo qaarkood caan ku yihiin weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka labaatankii sano ee la soo dhaafay.

BBC

Mahdi iyo Cabdi Xaashi oo dalab deg deg ah loo diray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare ku-xigeen  Mahdi Maxamed Guulleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Cabdilahi inay Soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorada ee 17-September lana raacayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan.

Codsiga kasoo baxay guddiga ayaa imaanayo xilli dhawaan ay Muqdisho heshiis ku wada saxiixdeen guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka.

Labada mas’uul oo uu mudda ka dhaxeeyey khilaaf ayaa ku heshiiyey in si siman ay u qeybsadaan xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana xafladda heshiis ka qeyb galay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada gobolada waqoyi

 

 

 

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Pretoria (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi lagu toogtay agagaarka magaalada Pretoria.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Mahad Dheere ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay goobtiisa ganacsi oo lu taallay degmada Malmelodi oo hoostagta Pretoria.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajaha xaalado aad u adag.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo weerarada loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

XUNDUBEY oo ka laabtay qorshihi uu berri damacsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inuu ka laabtay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Khamiista berri ah, kaas oo horay uu u balan qaaday inuu ku soo bandhigayo waxa ay isku hayaan isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Xasan Xundubey, isagoo ku bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, balse Xundubey ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadidaas.

Qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Xundubey ku shaaciyey inuu baajiyey shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigi lahaa waxay Rooble isku hayaan, kadib markii sida uu sheegay ay lasoo xariireen waxgaradka beeshiisa.

“OGAYSIIN! Waxa aan horay u faafiyay in aan beri oo Taariikhdu tahay 16/09/21, 5:00pm aan  Muqdisho ku qaban doono SHIR-WARBAAHINEED. Haddaba, shirkaasi waa BAAQDAY. [WAAYO], waxgarad aad iigu weyn ayaa iga codsadeen in aan SHIRKAAS baajiyo. Wax-Garadkaasina waa ku mahadsanyihiin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xundubey.

Fariintii hore ee shirkaas jaraa’id uu ku iclaamiyey ayuu ku yiri, “Galabta Khamiista ah ee soo socota, ee Taariikhdu tahay 16/09/2021, 5:00pm waxa aan Magaalada Muqdisho ku qaban doonaa I.A. SHIR-JARAA’ID, oo aan uga warbixin doono: waxyaabaha aan isku qabanay oo aan isku haysano aniga & Rooble!”

Xasan Xundubey ayaa noqday wasiirka kaliya ee illaa hadda ku baxay khilaafka siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo, waxaana la sheegay in Xundubey uu si weyn ugu janjeeray dhanka Farmaajo, taas oo keentay in Rooble uu ku bedelo nin aad u naqdiya siyaasadda Farmaajo. Waa wasiirka cusub ee amiga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Yaa ku adkaaday kursigii ay ku loolameen Dufle iyo Tarsan?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada maamulkaas waxaa hadda lagu doortay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ka guuleystay laba musharax oo kula tartamay kursigaas.

Dr. Dufle ayaa dib ugu soo laabtay kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxuuna ku soo baxay 68-cod, halka musharax Raage Xasan Xuuti oo la tartamayey uu helay 28-cod

Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Raage Xasan Xuuti ayaa isula gudbay wareeg labaad, sidaas ayeyna guushu ku raacday Dr. Dufle, kursigaan waxaa horay loo saadaalinayey inuu ka mid yahay kuraasta wajihi doonta loolanka adag.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa musharaxa seddaxaad ee kursigaas ayaa ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxuuna helay 19-cod, Danjire Tarsan waxaa wadatay Villa Somalia, balse wareegii koowaad sooma dhaafin.

Dr. Dufle ayaa ah Senatorka afaraad ee illaa hadda lagu doortay Jowhar, waxaana hartay doorashada afar kursi oo kale, doorashada ayaana sii socon doonta illaa berri, sida qorsheeyey, si loo soo dhameystiro 8-da xubnood ee HirShabeelle ay ku leedahay golaha Aqalka Sare.

Ciidamo ‘weeraray’ guriga hooyada wasiir ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifo Xaabsade) ayaa sheegtay in ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ay maanta magaalada Baydhaba ku xireen Hooyadeed, oo sida ay sheegtay ay gurigeeda ku weerareen.

Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay in xarigga loo geystay hooyadeed uu la xariiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo soo kala dhex-galay iyada iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest  in ay kasocdaan  tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifo qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dhasha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacabka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab.

“Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah. Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan Koonfur Galbeed ku hareeraysan,” ayey wasiir Xaniifo ku tiri qoraalkeeda.

Tan iyo markii uu Koonfur Galbeed hoggaanka u qabtay Madaxweyne Lafta Gareen waxaa iska soo daba dhaceysa cabashada shacabka iyo siyaasiyiinta oo caburin xad dhaaf ah ka tirsanaya maamulkiisa.

Sidoo kale dad badan ayaa la sheegay in maamulkaas uu xabsiga u dhigay ku qanacsanaan la’aantooda hoggaaminta Lafta Gareen.