24.7 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada AQALKA SARE oo berri ka billaabaneysa…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare, taas oo si rasmi ah u billaabaneysa beri, waxaana ay ka dhaceysaa magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in doorashada 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamulkaasi ay dhaceyso beri oo ku beegan 25-ka July sanadka 2021-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashada, si markaasi loo fuliyo jadwalkii kasoo baxay golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay gaari doonaan xubno ka socda dowladda dhexe, waxaana hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo dusha kala socanayo doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaalada Kismaayo.

Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ka qeyb-galayaa shiqsiyaad kala duwan oo daneynaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaallo xeebeedkaasi.

Jubbaland ayaa haddii ay ku guuleysato qabashada doorashadan waxay noqoneysaa dowlad goboleedka horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo si isku mid ah uga dhaceyso dhammaan xarumaha maamul goboleedka ee ka jira dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana dib u dhigay is qab qabsi siyaaasadeed oo muddo u dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ee ka qeybgalaya doorashada.

Sawirro: Beesha EELAAY oo saddex qodob kasoo saartay doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada beesha EELAAY oo ka kala dhacay Moqdishu, Beydhaba, iyo kismaayo oo looga hadlayay aayaha beesha iyo doorashooyin inagu soo wajahan, waxaana shirka kasoo qodobadan hoos ku xusan.

1- Beeshu ugu horeyn waxay digniin u dirtay madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen, ayadoo ugu digtay inuusan isku dayin faragalin arimaha beesha dhexdeeda ah iyo arimaha dooroshooyinka kuraasta xildhibaanada ee beesha Eelaay, hadii isku dayana uu cawaaqib xun kala kulmi doono.

2- Waxay kale oo ay beeshu baaq u diraty xubnaha doonaya in ay u tartamaan kuraasta beesha in si nabad ah u ololeystaan eysan abuurin fidno iyo khalalaase beesha dhexdeeda ah.

3- Sidoo kale beeshu waxay baaq u direysaa madaxweynaha Jubaland Ahmed Islaam Madoobe, in beesha ka tabaneyo hab qeybsiga kuraasta aqalka sare ee Jubland oo beesha laga siin saamigii ay ku laheyd, waxay sidoo kale beesha xasuusineysaa madaxweynaha jubland in weli loo dhameyn hab qeybsiga siyaasada maamulkiisa oo beesha lagu duudsiiyay xaqeeda iyadoo la ogyahay deegaanada balaaran ee beesha ka degto Jubland.

Ugu dambeyn beeshu waxay cadeyneesaa in aysan u dulqaadan doonin faragalin iyo boob kuraasteeda baaramanka soomaaliya loona madax baneeyo xulasha xilibaanadeeda.

Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka oo muddo socday aya ka billowday isgoyska Ex-Control Afgooye, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay afar qof oo shacab ahaa iyo labo askari, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale ayaa intaasi ku daraya in afarta ruux shacabka ee geeriyootay ay kala ahaayeen labo arday oo Jaamacad u socotay, Haweeney goobta ku lahayd maqaaxi iyo qof kale oo la socday gaari BL ah oo xilligaas marayey goobta uu dagaalku ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu dagaalku ka dhacay ay noqotay meel lagu kala cararay, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq xoogan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo ku baxay askarta ku dagaalantay halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan israsaaseyntaasi dhalisay dhimashada iyo dhaawaca.

Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana khasaaraha uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Musharaxiinta oo war kasoo saaray xilal ka-qaaditsii uu sameeyey R/W Rooble, fariin xasaasi-na u diray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilalkii uga qaaday saraakiil ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxay fariin u direen Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn golaha ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul Wasaaruhu xilalkii uga qaaday madaxii shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullahi Kullane iyo Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh, kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalkaan isku dayay “inay si sharci-darro ah u hor-istaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

“Golaha oo ka duulaaya marxaladda adag ee dalku marayo iyo xaaladda kala-guurka ah ee doorashada, waxay ugu baaqayaan dhammaan laamaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo dhawro Dastuurka iyo sarreynta sharciga, lagana dheeraado wax kasta oo khilaaf iyo dib u dhac abuuri kara,” ayaa lagu yiri Bayaankaan ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta.

Sidoo kale Golaha ayaa soo jeediyey in tallaabada uu Ra’iisul wasaare Rooble  uga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeystay iyo faro-gelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedi socodka dalkan u jiheeystay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.

Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga faa’iidayaa xil-ka-qaadista KULANE JIIS?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xilalka ka qaaday taliyaha NISA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali iyo madaxa shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aaden Kulane (Kulane Jiis).

Kulane Jiis, waxa uu ka soo jeedaa gobolka lagu muransan yahay habraaciisa doorashada ee Gedo, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa masuulka labaad ee ugu awoodda badan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kadib Fahad Yaasiin.

Dad badan ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, kuna macneeyey inay ka dhigan tahay inuu si buuxda gacanta ugu hayo awoodda dalka, islamarkaana la wiiqay madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha soo dhoweeyey tallaabada Rooble waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada ugu saameynta badan mucaaradka, kuna qeexay inay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabo-gelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in tallaabada uu qaaday Rooble ay tahay digniinta kama dambeysta ah ee la-siiyay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay.

Ujeedada arrintan ka dambeysa ayaa ah in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa sideeddii bishan waxa uu garoonka Kismaayo ka celiyey diyaarad uu saarna la-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashada, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka.

Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen.

Axmed Madoobe ayaa hadda laga soo xiray tallaabo kale uu Kismaayo ugu celiyo kooxda ololaha Farmaajo, haddii uu sidaas sameeyana waxay kusoo jeedin doontaa indhaha bulshada Soomaaliyeed oo idil, sida uu qorshuhu yahay

Tallaabada xigta ee qorsheysan waa in Kismaayo loo diro kooxda olelalaha Nabad iyo Nolol iyo xildhibaano taageersan Farmaajo oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland, Axmed Madoobe-na lagu cadaadiyo in uu oggolaado in ay Kismaayo ka dhex oleleeyaan kana tartamaan. Isla arrinkaan oo kale waxa uu ka billaaban doonaa Puntland.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in kulan uu Rooble dhowaan Kismaayo kula yeeshay Axmed Madoobe la isku hadal qaaday arrinkan, taas oo ka careysiisay Axmed Madoobe, sababna u noqotay in Rooble uu diiday in Axmed Madoobe ama qof ka socda maamulkiisa uu ku wehliyo safarkiisii Gedo.

Rooble ayaa horey u fuliyey tallaabooyin si dadban ama si muuqda ugu daneynaya Farmaajo, waxaana ka mid ah in saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay ee guddiga doorashada Somaliland ay noqdeen kuwa la saftay Mahdi Guuleed oo xulufo la ah Farmaajo, oo ay is-hayaan Cabdi Xaashi, ayada oo ballantu aheyd inuu soo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay in uu si deggan kusoo afjaro dooddii Midowga Musharraxiinta, isaga oo dhammaan dib usoo celiyay guddoonka guddiga doorashada oo uu muranku ka dhasahy, kadibna wadahadal ku dhameeyay khilaaf soo kala dhax galay Farmaajo, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dilay guddigii uu u magacaabay inay baaraan askartii loo diray Eritrea, kuwaasi oo lagu damiyey cadaadiska bulshada iyo mucaaradka, kadibna aan la ogeyn halkii u uku dambeeyey.

Gabar 13 jir ah oo gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay gudniin lagu sameeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gabadh 13 jir ah oo ku nooleyd tuulada Jeerinle oo deegaan ahaan hoostagta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa u geeriyootay dhiig-bax xoogan, kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Gabadha yar oo lagu magacaabi jirey Fartuun Xasan Axmed ayaa si weyn u qabsatay geerideedu wakaaladaha wararka caalamiga ah, ayada oo lagu soo waramayo in dhacdadaan ay tahay middii ugu horeysay ee tan iyo sanadkii 2018-ka, oo xiligaas gabadh yar oo 10-jir ah ugu geeriyootay isla gudniinkaas.

“Waxaan raadinay gaari si aan u qaadno isbitaal, laakiin nooma uusan suura-galin inuu nasoo gaaro waqtigii loogu tala-galay. Ma aanan ogeyn waxaan sameyn lahayn. Markii dambe waxaan helnay gaari, laakiin way dhimatay nasiib darro markii uu yimid,” ayey tiri Nadiifo oo ah hooyada Fartuun Axmed.

Hooyo Nadiifo ayaa sheegtay in gabadheeda ay la joogtay ayada oo dhiig baxeysa saacado badan, laga soo billaabo subixii hore ilaa 4:00Pm galabnimo oo aheyd xiligay geeriyootay gabadha yar.

Sidoo kale, Aabaha dhalay Fartuun oo araga naafo ka ah oo la hadlay warbaahin caalami ah ayaa sheegay in Gabadhiisa yar ay ka caawin jirtay shaqada reerka, ayada oo si fiicana u daryeeli jirtay

“Wax walba way ii samayn jirtay. Way i caawin jirtay wayna ii karin jirtay cuntada, waxayna xanaanayn jirtay xoolaha markii aan nasanayo,” ayuu yiri Xasan Axmed oo ah aabaha dhalay Fartuun yar.

Waalidka Fartuun ayaa si weyn uga qoomameeyay inay u ogolaadan in la gudo Gabadhooda yar, oo ayadu u geeriyootay dhiig bax laxaad leh oo soo food-saartay kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa lagu soo waramayaa inay dhacday horraantii bishan aan ku jirno, ayaa maalmihii dambe si weyn u qabsatay warbaahinta caalamka, waxayna noqoneysa middii labaad ee nooceeda ah ee la diiwaan-geliyo muddo 4-sano ah. Mana jirto qof loo soo qabtay falkaan, oo galaaftay nolosha Fartuun yar.

Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu qaaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay xilal ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsanaa hay’adda NISA ayaa helay boggaadin iyo taageero ay u muujiyeen shacabka & siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta taageeray go’aanka Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu u hiiliyey sarreynta sharciga, isla-markaana waxa uu kula taliyey inuu kusii adkeysto go’aankiisa ilaalinta sharciga iyo dowladnimada.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Rooble ay la gudboon tahay inuu muujiyo feejignaan dheeri ah, wuxuuna tilmaamay inay suuragal tahay inay ‘dagaal rogaal celis ah soo qaadaan madaxweynaha iyo taliyaha Nabad-sugida’.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in ra’iisul wasaaraha looga fadhiyo inuu ku adkeysto ilaalinta sharciga, kana hortago in la sameeyo ku takrifal awoodeed.

“Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad,” ayuu yiri Siyaasi CC Shakuur.

Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska ay fuliyeen amarkii Rooble, isla-markaana ay faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo ku amaanay garashada ay garteen ilaalinta sharciga, hase- ahaatee wuxuu qiray in weli taliyaha NISA uu faraha kula jiro arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaaday agaasimihii shaqaalaha hay’adda NISA iyo taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii ahaa in qofna lagu celin karin gudaha garoomada dalka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka 2021-ka.

Galmudug oo Al-Shabab ka furatay hub iyo saanad ciidan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay hub ka qabsadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay la wareegen goobo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib duqeymihii saaka lala beegsaday.

Duqeymaha ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 60 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, halka kuwo kalena ay ku firxadeen baadiyaha ku dhow deegaanadaas, sida ay sheegen Saraakiisha ciidamada.

Ciidamada huwanta ah ayaa howl-galo culus ka wada goobaha la duqeeyay, oo qeyb ka ah kuwa deegaanada maamulka Galmudug looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe si weyn iskugu soo aruursaneysay.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sidoo kale kal hore xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Mustaqbalka Abiy Ahmed ee hogaaminta Ethiopia iyo xaaladaha ku gadaaman

Yaa keenay talada dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali ku yimid?

Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa.

Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto.

Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi.

Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria fadhiyeen.

Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin,  waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay,  arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma.

Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen,  waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga.

Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem .

Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo,  waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto.

Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria,  la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen.

Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay,  iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan,  waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah.

Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo.

Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay,  waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey.

Halkee ay iska seegeen Maraykanka iyo Ethiopia?

Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey.

Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey,  waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen.

Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa;

1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey.

2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay.

3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay.

4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay.

Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey,  ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen,  ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay .

Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan,  waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya.

Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin.

Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka .

Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan.

Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Ethiopia?

Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray.

Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya,  waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah.

Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021.

Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba;

1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono,  waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia.

2- Waxa loo go’doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay.

3- Waxa loo go’doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba .

Sidee uu Abiy Ahmed dalka Ethiopia uga bad-baadin karaa go’doon iyo dagaalo diblomaasiyadeed oo gudahana dagaal kale kaga fura?

Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed;

1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf.

2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo.

3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado, oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo.

4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo.

Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ilhaan Cumar oo soo saartay dalab la xiriira duqeyntii uu Mareykanka ka fuliyey Mudug

0

New York (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyntii ay todobaadkan dowladda dalkaasi ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ilhaan Cumar oo su’aallo ka keentay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaris lagu sameeyey duqeyntii u dambeysay, si loo helo macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan weerarkaasu dhinaca cirka ah.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeymuhu ay u baahan yihiin istaraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed.

“Sida aan u wajaheyno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay jiraan qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha xilligii Trump, kuwaas oo ay tilmaamtay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan Mareykankam si ay helaan magdhowga loo qoondeeyey.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca milatariga iyo howl-gallada ciidamada ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna tababaraa ciidamada Danab.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo duqeyntii ugu dambeysay ay Jimcihii ka dhacday gobolka Mudug, taas oo uu Mareykanka ku garab siinayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada koonfurta gobolkaas.

Sawirro: AMISOM oo u diyaar garowday doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 23 sarkaal u xilsaartay taageerada Booliiska Soomaaliya & mas’uuliyadda qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka & Madaxweynaha.

Saraakiishaan cusub waxaa waajibka saaran uu yahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen xoojinta Booliiska Soomaaliya oo dhowr xaalado wajahaya sida u diyaargarowga mas’uuliyadda guud ee dalka iyo ilaalinta goobaha Doorashooyinka.

Taliyaha Booliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie oo la hadlay Saraakiishaan waxa uu ku booraiyay in ay dedaal dheeraad ah lasoo baxaan si ay u gutaan waajibaadka ay u igmadeen sida uu hadalka u dhigay.

“Howl shaqeydkiinu waa taageerista Booliiska Soomaaliya, waxa aad ka caawineysaan arrimaha Doorashooyinka waana tan ugu muhiimsan ka qaybgalkiina howshaan, Doorashadu waa tan ugu muhiimsan, fadlan waa in aad ku shaqeysaan xirfaddiina ilaalinta goobahaas” ayuu yiri Taliyaha Booliiska AMISOM.

Saraakiishaan ayaa howlgalka Booliiska AMISOM ku metalaya Dalalka Uganda, Kenya, Zambia, Ghana & Sierra one, waxaana caawinaya Ciidamada kale ee ku sugan Xarumaha Dowlad-Goboleedyada oo dhankooda la siiyay tababaro kala duwan.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka sugidda amniga goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashooyinka Senatarada Aqalka Sare, Golaha Shacabka BFS & Madaxweynaha.

Saraakiisha AMISOM waxa ay ka qaybgaleen kulamada looga hadlay amniga goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka Dalka iyo fadhiyada kale ay yeesheen saraakiisha Dowladda Federaalka ee mas’uulka ka ah xasiloonida Magaalooyinka doorashooyinka loo qorsheeyay.

Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyntii MUDUG

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn cusub ay ka fulisay qeyb ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Jimcihii ka dhacday deegaanka Qaycad oo ay  gaareen ciidamada huwanta, sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay Pentagon-ka.

Afhayeenada ayaa sidoo kale tilmaamytay in weerarkan dhanka cirka ah lagu garab siinayey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee howl-gallada ka wada halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada ciidamada Soomaaliya, isla-markaana ay ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

“Duqeynta dhacday Jimcihii waxa ay ahayd lagu fududeynayo howlgallada Ciidamada Soomaalida, Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo taageerada Ciidamada Soomaaliya” ayey tiri Afhayeenadda u hadashay Pentagon.

Mareykanka ayaa muddo kadib dib haatan u billaabay duqeymihiisii Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jiray hakad, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyada dhaqaalaha iyo milatariga, waxaana ay tababar ay siisaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Mahad Salad oo sheegay hal arrin oo ay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu galabta Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwaab Sheekh Cali, ayaa waxaa tallaabadaas qoraal ka soo saaray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xildhibaanka oo tallaabadaas ku taageeray Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in taasi ay digniin kama dambeys ah u tahay Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Rooble xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxa Shaqaalaha Nabad Sugidda Kulane Jiis iyo Taliyaha Nabad Sugidda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Cabdi Wahaab Sheekh Cali. Tani waxay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabogelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo. Waxaanan rajaynayaa digniinta kama dambeysta ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble galabta siiyay Fahad Yaasiin in ay tusaale fiican u noqon doonto inshaa’allah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu oo galabta warbaahinta u akhriyey wareegtada xilka looga qaaday saraakiishaas ayaa sheegay in sababta xilalkii looga qaaday Kullane iyo Cabdiwahaab ay tahay ka hor-imaasho ay ku sameeyeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in qof muwaadin ah aan lagu celin karin garoomada dalka oo aan laga hor istaagi karin safaradiisa.

Xil ka qaadista galabta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa daba socota tallaabo saakay diyaarad u socotay Gedo looga reebay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda oo wareegtada akhriyey.

Cismaan Macalimuu oo saakay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyey garoonka Aadan Cadde, isla markaana laga hor is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kullane, sida uu hadalka u dhigay.

R/Wasaare Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika?

Jerusalem (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.”

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.”

Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.

Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas.

Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha.

Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay.

Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco.

Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa.

Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”.

Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”.

Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.”

 

Guddoomiyihii hore ee Gedo oo lagu xanibay Muqdisho iyo amarkii Rooble oo aan fulin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa markale saaka lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday in uu udhoofo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Cismaan Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

“Saakay waxaa aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisAl Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay,” ayuu yiri Macalimuu.

“Ninka amarkaas soo bixiyay waa Cabdullaahi Kulane (Taliye ku-xigeenka NISA), waxaan ku qanci karnaa Ra’iisal Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu maalin ka hor Ra’iisal Wasaaraha soo saaray amar uu ku mamnuucayo in garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaanba dalka si bareer ah looga celiyo qof ka dhoofaya, kaasi oo u muuqda in uu shaqeyn waayey.

Waxa uu xiligaa si adag u sheegay Rooble in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, magaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu xiligaas yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba, Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

R/W Rooble oo loo gudbiyey CAQABADAHA hor-taagan doorashada AQALKA SARE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay guddiga doorashooyinka heer federaalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga doorashooyinka heer Federaalka  kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal.

Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa guddiga u sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa cabaqadaha hor taagan qabashada doorashada.

Kulanka Rooble iyo guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa imaanayo xilli ay muuqato dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare oo lagu heshiiyey in la qabto 25 illaa 27 bishaan July.

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubblanad ayaa u muuqada maamulka kaliya ee diyaarka u ah inuu waqtigeeda ku qabto doorashada aqalk sare, waxaana Kismaayo ka socdo dhaq-dhaqaaqyo dhanka doorashada ah.

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku maqan fasax, waxaana la filayaa inuu shaqada dib ugu soo laabto 10 Agoosto taasoo muujineyso in maamulka Galmudug uusan doorashada aqalka sare ku qaban karin waqtigii lagu heshiiyey.

Laba gantaal oo lagu dhuftay saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Hareeri-Dheere

0

Qeycad (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga mamulka Galmudug, diyaarado ayaa duqeyn ka fuliyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay gudaha u galeyn halka duqeynta laga fuliyey.

Wasaaradda ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka dhanka diyaaradda ah ee lala beegsaday Al-Shabaab.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Gobolka Mudug waxaa ka socdo dagaal Gobolkaas looga sifeenayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo badan kusoo daabuleysay, waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda sheegeyn inuu dagaalka sii socon doono inta gacanta lagu soo dhigayo Magaalada Xarardheere.

Mareykanka oo Farmaajo uga digay halis ku gadaaman doorashada xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan qarsoodi ah ay yeesheen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wareejiyay warqad ay ku cadeed in Al-Shabaab ay Muqdisho kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu xooganaa ee doorashada Soomaaliya islamarkaana ay u yeereen dhaqanka, ganacsatada, Barayaasha iyo qof kasta oo ay u arkaan in ay soo geli karaan ergadad doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay loo sheegay in haddii Al-Shabaab ay soo galaan siyaasadda Soomaaliya ama xildhibaano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taasi oo mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan madaxda hadda joogta.

Sidoo kale saraakiishaan ka socotay Africom ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay xoogeysteen afartii sano ee la soo dhaafay awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in dowladdiisa ay qaado talaabooyin cad cad oo arrintaan wax looga qabanayo. Waxyaabaha dowladiisa lagu dhaliilay ee dhinaca ammaanka waxaa kamid ah in aysan waxba ka qaban dadka ay Al-Shabaab u wacayaan iyo goobaha dadka loogu yeero. 

Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sarreysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah.  

Uhuru Kenyatta: Ma dhiibeyno hal taako oo dhulkeenna ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  ayaa sheegay in dalkiisa aanu bixin doonin, oo dal kale siin doonin hal Inji.

Arrintan ayaa la sheegayaa inuu Uhuru Kenyatta  ula dan lahaa muranka badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ka hadlay in Kenyaay diyaar u tahay iney difaacato midnimadeeda sida ay u difaacday nabadda dalalka kale.

Uhuru  ayaa hadalkan ka jeediyey arbacadii booqasho uu ku tagay lama degaanka Boni isaga oo booqdya ciidamo amni oo halkaas tababar uga socday

Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa taalo Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), waxayn dacwadaan keentay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay hadda bilaabatay dib usoo celinta xiriirka labada dal.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.