24.7 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Wada-hadallo guul-dareystay oo xalay dhex maray Rooble iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa xalay wada hadallo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, arrinta Somaliland, hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland, waxaana soo ifbaxay in madaxda maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare ee baarlamanka oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku beegan inay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.

Doorashada Aqalka Sare oo dib u dhacday iyo B/Caalamka oo shuruud ku xirtay lacagta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan maanta.

Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubaland.

Ilaa iyo hadda ma jiro Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da August, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare, si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in lagu dilo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

“Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo A/Madoobe oo maanta magacaabaya liiska musharaxiinta Aqalka Sare

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.

Xog: Sidee FARMAAJO uga faa’iideysanayaa xiisadda beelaha HARTI-ABGAAL?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka faa’ideysanaya tabashooyinka ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone ee Harti-Abgaal, ayaa sameeyay isku dayo uu kuraasta uga weecinayo beelaha Agoonyar Gaabe iyo Owbokar Gaabane.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanada Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale u arko mucaarad weyn, islamarkaana uu qarash badan ku bixinayo in mid ka mid ah kuraastooda sanadkaan loo weeciyo beelaha tabashooyinka qaba ee Cabdalla iyo Nugaale oo ay isku yihiin Suul Harti kana dhaxeeyo kuraasta ay ku fadhiyaan labadaan Xildhibaan. 

Rabitaanka Madaxweyne Farmaajo iyo cabashada beelahaan oo Muqdisho ku qabtay shirar badan ayaa abuuray xiisad ka taagan Jowhar iyo cabsi soo foodsaartay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay u adeegsatay shaqsiyaad kasoo jeeda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone, oo ay isku dhow yihiin, inay kiciyaan beelahaas.

Sidoo kale, warbaahin aad ugu xiran Villa Somalia ayaa loo adeegsaday inay huriso xiisadda ka dhex-oogan beelahan, ayada oo si aad ah u weerartay Shariif Sheeekh Axmed iyo Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay beelaha ay ku eedeeyeen inay weeciyeen kuraastooda.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, sidoo kalane ah murashaxiin beelahaas ka soo jeeda, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulay abaabulka Madaxweyne Farmaajo ayaa safar deg deg ah ugu baxay Cadale, kaas oo ilaa hadda ay ku joogaan magaalo xeebeedka Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa xoogooda isugu geeyay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka beelahaan inkastoo uu jiro culeysyo badan oo wali heesta. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in kalamada ka socda Cadale laga dareemayo farogelinta Villa Somalia. 

Safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa Cadale ku qaadanaya waqti iyo kulamo muhiim ah, kuwaasoo rajooyin badan ay ka qabaan dadka degaanka iyo guud ahaan maamulka HirShabeelle. 

Guddoomiyaha degmada Shangaani oo gurigiisa lagu go’doomiyay xilli saqdhexe ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkaan xili habeen ah weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Shangaani ee maamulka gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in isaga iyo qoyskiisa loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin xoog leh.

Falkaan ayaa dhacay saddex habeen ka hor waxa uuna ka dhacay guriga guddoomiyaha oo ku yaalla isla degmadaas sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin kuwa ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaysa in guddoomiyaha la weeraray uu waday abaabulka qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee degan degmadaas, waxaana mar qura ku yimid ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo loo yaqaano Duufaan.

Aweys Camuudi oo ah guddoomiyaha degmada ayaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ah ahaayeen cida u wakiilatay qeybinta raashinka, halka uu ka keenay iyo haddii uu heysto fasax hay’adaha ammaanka ah, iyadoo kadibna loogu hanjabay in la xiri doono haddii uu sii wado howshaan. 

Guddoomiye Aweys oo ay ciidanka ammaanka hareereeyeen gurigiisa islamarkaana loogu hanjabay in uu joojiyo barnaamijkii samafalka ee ka socday degmadiisa ayaa la sheegay in uu qaatay amarkaas, waxaana la sheegay in uu saacado galay qalqal isaga iyo qoyskiisaba. 

Si rasmi ah looma oga sababta loo diiday bixinta gargaarkaan hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsan mas’uuliyiinta ammaanka oo doonaya in ay wax ka helaan raashinka la bixinayo ama in la siiyo lacag caddaan ah. 

Inta badan Muqdisho iyo gobalada qaar ee Soomaaliya markii la bixinayo raashin gargaar ah amaba la qabanayo adeegyo dheeraad ah oo bulsho ama maamul waxaa lacag ama agabyo kale oo dheeraad laga siiyo mas’uuliyiinta a’maanka ee gobalka ama degmada, waxaana la aaminsan-yahay in sababtaas loo weeraray guddoomiye Aweys Camuudi oo nin dhalinyaro ah, oo la magacaabay 02 December 2019.

Ciidamada DF iyo kuwa GALMUDUG oo Al-Shabaab kala wareegay Shabeeloow

0

Shabeeloow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka .

Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab.

Ciidamada Galmudug, kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo dadka deegaanka ah ayaa dagaal kula jiro kooxda Al-Shabaab oo maleeshiyo badan kusoo daabushay deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Mudug, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhowr degmo kadib dagaal qaatay muddo bil ah.

Ciidamada huwanta oo garab ka helayo diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Mareykanka ayaa qorsheenayo inay gaaraan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weyn ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanada Galmudug.

Safka hore ee dagaalka ayaa waxaa ku jiro Taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya, General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo General Saadaq Joon, waxaana muuqato in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii Gobolka Mudug.

4 qodob oo lagu xalin doono khilaafaadyada doorashada Aqalka Sare oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban ka dhaceysa ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka bilaabaneyso xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

“Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku soo bandhigay cidda ay cabashadooda qaabilayaan iyo shuruudaha looga baahan yahay, waxayna ku soo koobeen afar qodob oo kala ah:

1- Musharax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021, loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka Sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xad-gudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.

“Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanayaa go’aan uu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban.

Jeneral Maxamed Cali oo sheegay in la xiray ganacsato dhaqaale siinayey TPLF

Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xirxiray 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray.

Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso.

“Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in leesla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF.

“Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xiriirka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaari badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.”

General Maxamed Cali Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaanay iyagu beegsan doonin kuwa nabadgelyada ku joogga deegaanadooda, isla-markaana aan dhaqaalaha siinin TPLF.

“Nimanka dagaalka ku jira kuwo dagaal ku jiro weeyaan, kuwa nabadgelyada ku joogga ee cidna biilin, kuwaas kuma jiraan,” ayuu yiri jananku.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayay ahayd, markii hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ay Magaalada Addis Ababa ku xirxireen xubno lagu tuhmay inay gacansaar la leeyihiin TPLF.

Taliban oo shuruud adag ku xirtay nabadda Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ayaa sheegay iney dooneyn talada dalka Afghanistan iney xoog ku marookistaan, waxayna carrabka ku dhufteen iney marnaba suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaar ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado.

Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan.

Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay.

Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah.

Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo.

General Mark Milley ma uusan inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa inti ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen.

“Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP.

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.”

Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu horay ugu soo fashilmay.

Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin.

Talaadadi khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu ka jeediyey munaasabadda Bakrid wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada.

Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay.

Daawo: Booliska oo soo bandhigay sagaal ka mid ah raggii maanta ku dagaalamay Muqdisho iyo hub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen.

“Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalkaan oo caawa la hadlay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

“Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya.

Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan.

Hoos ka daawo

Macalimuu: Gedo waxaan geynay balaayo, Kullane Jiis in la maxkamadeeyo ayuu ku badbaadi karaa (Video)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno.

Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen.

“Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu bartay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.”

Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in maanta maxkamad lasoo taago, “Hadii aan la maxkamadeyn waa la dilayaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeyahay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey inay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninkaas, si wax looga qabto.

“Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa geystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii meesha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Hoos ka Daawo

Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay guddiga doorashada HirShabeelle (Warbixin)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa maalinkii afaraad galay khilaaf ka taagan doorashada Xoghayaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabelle iyo sameynta habraacyada xeer hoosaadka guddiga.

Guddigan ayaa horay u doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa, balse waxaa banaan booskii Xoghayaha guddiga, kaas oo wajahaya loolan siyaasadeed oo adag.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay inay jirto faro-gelin uga imaneysa bannaanka, taas oo sababtay in afar kulan oo guddigu yeeshay lagu kala dareeray, iyadoo aan la gaarin wax is faham ah.

Khilaafkaan ayaa ka taagan laba arrin oo kala ah doorashada Xoghayaha guddiga iyo sameynta xeer hoosaadka guddiga, waxaana la sheegay in faro-gelinta ugu weyn ay ka imaaneyso Agaasimaha guud ee NISA oo sanadkaan musharax Xildhibaan ah.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Fahad Yaasiin uu doonayo in Xoghayaha guddiga laga dhigo shakhsi uu wato, sidoo kalena xeer hoosaadka guddiga lagu cadeeyo awood xad-dhaaf ah oo Xoghayuhu uu yeelanayo, taas oo xubno ka mid ah guddiga ay ka biyo diideen.

Daawo: Qisada cajiibka ah ee Maxamed Cali Cabdiraxman – Wiilka galay kaalinta labaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Cabdiraxmaan waa ardaygii sanadkaan kaalinta labaad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dowladda, waa 18-sano jir ay hooyadiis ku soo korisay agoonimo, waxna ku soo bartay duruufo adag, wareysi lala yeeshay waxa uu uga warbixiyey marxaladihiisii waxbarasho.

Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey sanadkaan ardaydii wax ku baratay gobolka Banaadir, waxuuna ka sheekeeyey sidii uu u maareyn jiray waqtigiisa, intii uu ku guda jiray hayaankiisii waxbarashada.

Ardaygaan oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inuu halkaan ku soo gaaray ducada iyo dadaalka hooyadiis, waqtiga oo aad uu uga faa’iideysan jiray iyo isticmaalka taleefoonka oo uu iska xakameeyey.

Sidoo kale wiilkaan waa xaafid ilaa lix jeer dhameeyey Qur’aanka Kariimka, isla markaana ku guuleystay tartamo Qur’aan akhris ahaa oo uu horay uga qeyb galay, sida uu ku sheegay wareysigaan.

“Marar badan waxaan ka qeyb galay tartamada Qur’aan akhriska ee la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, dhowr mar ayaan ku guuleystay oo hadiyado la I gudoonsiiyey,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Hooyada dhashay Maxamed oo la yiraahdo Bishaar Daahir waxay Shaah ku iibisaa Suuq ku yaalla xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley waxay sheegtay in wiilkeeda galay kaalinta labaad ee Imtixaanka dowladda ay ku soo korisay duruufo adag.

“Xaalado aad iyo aad u adag ayaan Maxamed ku soo koriyey, isaga oo agoon ah, xataa waxaan awoodi weyn jiray inaan u iibiyo buuga iyo qalinka, sidoo kalena aan ka bixiyo kharashaadka yar ee waqtiga bareega, wiilkeyga kama mid aheyn carruunta bareega la siiyo, waxuu I dhihi jiray Hooyo iska dhaaf ha is dhibine, kharashaadka kale ee waxbarashadeyda ayaadba la daalaa dhaceysaahe, nin raga ayuu Alle ka dhigay oo meeshii aan ka filaayey ayuu iiga soo baxay wiilkeyga. Waa Ilaahey mahadiis,” ayey yiri Hooyo Bishaaro Daahir.ooyHpp

Sidoo kale Hooyo Bishaaro oo sheegtay in sanadkaan caruurta u qalin jebisay ay labo yihiin ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ka codsatay in kaalinta uu wiilkeedu ka soo dhalaalay ay ku gacan siiyaan, maadaama aysan hadda awoodin inay ka bixiso kharashka lagu dhigto Jaamacadda.

Hoos ka daawo warbixinta

Xog: Beel Cali Guudlaawe ka hor-istaagtay inuu ka qeyb-galo shir lagu qabtay Cadale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku guul dareestay in uu ka qeybgalo shir u dhaxeeyay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada Cadale iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Odayaasha dhaqanka ee Beesha Celi kana tirsan beel weynta Galmaax Yoonis ayaa diiday in uu kulankaas oo habeen hore ka dhacay degmada Cadale uu ka qeybgalo Cali Guudlaawe, waxayna sababta ku sheegeen in ay isaga dacwo ka yihiin, islamarkaana uusan u cadaalad falin bulshada gobalka Shabeellada Dhexe.

Shirkan u dhaxeeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo odayaasha dhaqanka, ayaa looga hadlayay dagaallo qaraar oo sanadkii 2019-kii ka dhacay degaanada Burdheere iyo Koogaar oo ka tirsan degmada Cadale, dagaalladaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada Cadale. 

Dagaaladaas waxaa ku dhintay tobaneeyo dad ah iyadoo ay sidoo kale ku barakaceen boqolaal qoys, waxaana sidoo kale lagu gubay guryo iyo dhul beereed ballaaran. Wali gobalka Shabeellada Dhexe waxaa ka jira saan-saanta colaadeed ee dagaalkaas oo aan xal waara laga gaarin. 

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dadaal dheer uu sameeyay ku guul darreystay in uu ka qeybgalo shirka iyadoo ugu dambeyn uu ka samray. Arrintaas ayaa noqotay la yaab iyo hadal heyn weyn oo wali ka taagan degmada Cadale iyo safarkii madaxdii hore ee dalka ay ku tageen degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe. 

Sidoo kale, kulankaas waxaa loo diiday dhammaan mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ee heerarka kala duwan, waxaana dadka loo diiday qeyb ka ahaa guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, basle waxaa ku jiray xildhibaanka beeshaas ku matala baarlamaanka HirShabelle. 

Daawo: BEESHA ay kasoo jeedo IKRAAN Tahliil Faarax oo war cusub soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Gaaljecel, oo ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar u shaqeyneysa NISA oo muddo lagu la’yahay nolol iyo geeri, ayaa waxay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay helaan cadaalad, ayaga oo u qabtay saddex maalmood.

Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa tilmaamtay inaysan xaq aheyn in la iska wato qof muwaadin Soomaaliyeed ah, islamarkaana aan muddo lagu heyn nolol iyo geeri.

Odayaasha beesha oo kulan looga hadlayey kiiska Ikraan hadal ka jeediyey ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu meel ku sheego Ikraan, haddii kale aysan suuragal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa inay arrintaas jawaab deg deg ah ka bixiso, madaxweyne adigaa dalka u sarreeya, waxaa lagu mashquulsan yahay doorasho, haddii ay cadaalad daradaan jirto oo sidan wax yihiin sidee doorasho lagu aadaa, mala aadi karo waaye,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan.

Odayaasha ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay inay dareemaan xanuunka maanta iyaga haya maadama ay ka maqan tahay gabadhooda.

“Madaxda Dowladda, haddii ay yihiin saraakiil, madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo inta kale eka hooseysa dhammaantiin ubad ayaad dhasheyn, haddii ubadkiina maqan yahay xanuunka aad dareemi laheedeyn ayaan na haya ogaada,” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa sheegay inay cadda tahay in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta dowladda, maadaama ay sheegeyn in meesha laga watay ay tahay meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo sidoo kalana gaariga lagu qaaday ay laheyd dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa sidoo kale codsaday in warka loo caddeeyo, haddii gabadhooda la dilayna maxkamad lasoo taago ciddii dilka geysatay islamarkaasna lasoo bandhigo sababtii loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda.

Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday madaxweyne Erdogan

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah.

Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin.

“Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

“Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah ayaa sababtay fal-celin caro leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan “mid aan la aqbali karin.” Turkiga ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo.

“Golaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go’aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaaro,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Qybrus ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus.

“Bayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Turkey.

REUTERS + VOA

DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaadii amiirka Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoos-u-dhigtay hanjabaada ka timid horjoogaha guud ee Al-Shabaab ee ku wajahneyd ergadda ka qeybgaleysa xulista baarlamaanka 11aad ee soo aadan.

La-taliyaha koowaad ee arrimaha amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdi Diirshe oo u waramay VOA-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay dedaal badan ku bixin doonan sidii loo burburin lahaa cagajugleynta maleyshiyada.

“Siyaasadda dowladda federaalka ee ku wajahan kooxda Al-Shabaab way cadahay. Sidaas darteed, waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa dalka. Qorshe ayaa nooga degan adkeynta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka guud ahaan dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Amiirka Al-Shabaab oo cod laga soo duubay ay saxaafada maleyshiyadiisu faafisay asbuucii hore wuxuu ku caddeeyay in ay beegsan doonan dhamaan ergada, isaga oo ku booriyey in ay ka baaqsadaan kahor inta aysan khaarijin.

Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri.

“Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

Wasiir FIQI oo u jawaabay ILHAAN CUMAR – “Dumaashi DAGAALKA nala soo gal”

0

Dhuusamareeb (Caasimada Oline ) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facbook-ga ayaa u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay raydika.

Fiqi ayaa kula taliyey Ilhaan Cumar in aysan hiil u fidin kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomalaiyeed.

“Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay deegaanadii duqeynta laga fuliyey, isaga oo xusay in kaliya lagu burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan meeshii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay saraakiishii ciidanka ee qeybta 21-aad.

“Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ilhaan Cumar inay taageerto howl-gallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.Dumaashi dagaalka nala soo gal! ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay dalbatay u qiil u helida duqeyntii uu maamulka Biden ka geystay gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada AQALKA SARE oo berri ka billaabaneysa…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare, taas oo si rasmi ah u billaabaneysa beri, waxaana ay ka dhaceysaa magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in doorashada 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamulkaasi ay dhaceyso beri oo ku beegan 25-ka July sanadka 2021-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashada, si markaasi loo fuliyo jadwalkii kasoo baxay golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay gaari doonaan xubno ka socda dowladda dhexe, waxaana hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo dusha kala socanayo doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaalada Kismaayo.

Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ka qeyb-galayaa shiqsiyaad kala duwan oo daneynaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaallo xeebeedkaasi.

Jubbaland ayaa haddii ay ku guuleysato qabashada doorashadan waxay noqoneysaa dowlad goboleedka horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo si isku mid ah uga dhaceyso dhammaan xarumaha maamul goboleedka ee ka jira dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana dib u dhigay is qab qabsi siyaaasadeed oo muddo u dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ee ka qeybgalaya doorashada.