26.2 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Madaxweyne Xasan: Dalka oo dhan waa wada tabasho, waana in la is weydiiyaa

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo jeediyay in xal loo helo tabashada guud & tan gaarka ah ee Dalka ka jirto.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya waxa uu codsaday in laga wada hadlo wax waliba oo sababay tabashada guud iyo tan gaarka ah si looga gudbo loona helo xalka lagu soo afjari karo.

“Arrimaha qaar waxa ay u baahan yihiin in la iska warsado waana la is warsanayaa, wixii maanta la xalin karo waala xalin karaa, wixii kale berri ayaan u dhiganeynaa, Dadkaan dhexdiisa waxa nooga maqan yihiin oo wax duurjira ma aha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tagay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiintaan ayaa Cadale ka sameeyay Kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah oo ay la qaateen maamulka Degmada, Odoyaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada si xal loogu helo tabashada ay qabaan.

Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah.

1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul.

Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale,  inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen.

Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah.

Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka.

Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Hawiye, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Hawiye ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Hawiye, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia.

Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii.

Sidee loo musuqay malaayiin dollar oo loogu talo-galay la-dagaalanka Al-Shabaab?

Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Afrika si loogu maalgeliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Xoghayaha maaliyadda Kenya, Dr Julius Muia, ayaa dhawaan ku guuldareystay in uu sharraxaad ka bixiyo lacag malaayiin dollar ah oo ka maqan dhaqaalaha uu Midowga Afrika ugu tala-galay ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday hanti dhowraha guud ee Kenya oo ku saabsan miisaniyad sanadeedka 2018/19 ayaa lagu sheegay in lacagtaas aysan gaarin ciidanka Kenya ugu jira AMISOM oo tiro ahaan lagu sheegay 3,600 oo askari.

Warbaahinta oo soo xigatay warqad 26-dii bishii July sanadkii 2018 uu wasiirkii maaliyadda Kenya u qoray xoghayihii gaashaandhigga ayaa waxay muujineysay in Kenya ay Midowga Afrika ka sugeysay lacag dhan 78 milyan oo dollar in muddo ah iyadoo dib u eegis lagu sameynayay arrintaas.

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda ayaa xoghayaha maaliyadda Kenya su’aalo dhowr ah ka weydiyay arrinta ku saabsan in uu meel ku sheego lacagaha maqan, gaar ahaan farqiga u dhexeeya warbixinta hanti dhowraha iyo diiwaankii uu horraan soo gudbiyay wasiirkii hore ee maaliyadda ee ku aadan kharashaadka ku baxay ciidamada Kenya ka joogo Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa dejistay qorshe ah in bisha Disembar 2021 ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka, balse khuburada arrimaha ammaanka ayaa su’aal gelinaya suuragalnimada arrintasi.

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa dhaqangeleysa sanad maaliyadeedka cusub ee bilowday bisha July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga

Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Isha: Mustaqbal Media

Farmaajo oo guddi u saaray khilaafka Gobalka Banaadir 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu guddi u saaray khilaaf culus oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo ku-xigeenkiisa dhinaca maaliyadda, khilaafkaas oo curyaamiyay dhamaan shaqooyinka gobalka Banaadir.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in guddi ka kooban wasiiro, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo Hanti-dhowraha Qaranka loo saaray in ay dhax-dhaxaadiyaan labadaan ma’suul si loo sii socodsiiyo shaqada dowladda Hoose oo wajaheysa culeysyo badan. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in bilooyinkii la soo dhaafay aan wax lacag ah laga soo bixin akoonada gobalka, waxaana diiday in uu saxiixo guddoomiyaha Maaliyadda, arrintaas oo sababtay in shaqaalaha qaar aysan mushaar qaadan muddo bilooyin ah iyo in ay istaagto shaqadii gobalka Banaadir.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in ay sameeyaan qodobo lagu maamulo maaliyadda gobolka iyo jawi wadashaqeyn dhaxmarta Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenka dhinaca maaliyadda Caana-boore.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa wajaheysa mid kamid ah marxaladihii ugu darnaa sanado kadib, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay maamul xumo iyo khilaaf ku dhax-raagay maamuliyiinta gobalka Banaadir.

Burcad dhibaato xooggan ku haysay Soomaalida xaafadda ISLII oo toogasho lagu dilay

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada dharcadka ee Kenya ayaa shalay toogasho ku dilay laba ka mid ah koox burcad ah oo dhac u gaysaneysay bakhaar ku yaala xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Ciidamada ayaa sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, kuwaa oo sida la sheegay ka tirsanaa kooxdaasi burcadda ah, waxaana wararka ay sheegayaa in xaaladda qaar ka mid ah ku wa dhaawaca ah ay liidato

Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ka hortaggeen fal burcadnimo ah oo laga gaysanayay xaafadda Islii, oo ay Soomaalida degto, ayna u suurta-gashay inay toogasho ku dilaan laba ka mida demiile-yaashii falkaasi ku lugta lahaa.

Dowladda Kenya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay adkeysay amniga xaafadda Islii, ka dib markii ay ku soo bateen kooxaha burcadda ee dafa teleefanada gacanta iyo sidoo kale falalka afduubta la xiriira.

Xaafadda Islii ee Soomaalida ayaa waxaa aad u beegsada burcadda Kenya, waxaana marar badan ka dhacay boob hanti iyo afduub loo geystay Soomaalida qaarkood oo kadib laga dalbaday lacag madax-furasho ah.

Sidoo kale, ciidamada booliska Kenya ayaa lacag baad ah ka qaata Soomaalida, ayaga oo ugu hanjaba inay xirayaan, taasi oo keentay in inta badan kuwa aan sharciga haysan aysan habeenkii socon.

KENYA oo qaaday tallaabo daba socota diyaaradii ku dhacday garoonka Ceelwaaq

0

Nairobi (Caasimada Online)  – Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa markii u horeysay ka hadlay diyaarad shalay Arbacadii ku gashay garoon diyaaradeed ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Gilbert ayaa sheegay in diyaaradaas ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi, islamarkaana ay kusii jeeday magaalada Mandera ee waqooyi bari.

Waxa uu shaaciyey inay bilaabeen baaritaanka diyaaradaasi, midaasi oo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad toban qof oo kamid ahaa 45-ruux oo saarna diyaaradaas.

Gilbert ayaa ka gaabsaday faah-faahin dheeri ah oo ku aadan shilka diyaaradda, oo si kedis ah usoo wajahday cilad xoogan, taasi oo keentay in duuliyaha uu si deg deg ah ugu dejiyo garoon sanado badan xirnaa.

Diyaaraddan oo uu nooceedu ahaa 5Y-GRS ayaa ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, ayada oo xiliga cilada soo wajaheysay ay ku dhawaad xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Afar qodob oo sababay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay tegaan Cadale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada qadiimiiga ee Cadale, taasoo dhacda xeebta gobolka Shabeelada Dhexe ee koofurta Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh safarka waxaa ku wehliya Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo degaanka ah oo ay ku jiraan odayaal dhaqan iyo ganacsatada Shabeellada Dhexe, waxayna halkaas soo joogi doonaan ilaa dhowr maalmood, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Xog rasmi ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu salka ku haayo afar qodob oo muhiim ah, kuwaasoo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo. 

Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah.

1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul.

Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale,  inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen.

Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah.

Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka.

Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Hawiye, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Hawiye ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Hawiye, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia. 

Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii. 

Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Habeenka 26-ka June ee Ikraan uu baabuurka ka qaaday gurigeeda, waxaa dalka ka maqnaa taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Dhanka kale, taliyaha NISA ee gobolka Banaadir gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud “Yaasiin Farey”, iyo gaashaanle sare Farxaan Maxamuud Qaroole, oo ah taliyaha booliska gobolka ayaa ayaga oo ku sugan xarunta Godka Jilicow hagayey sugidda amniga caasimadda, maadaama la isku diyaarinayay damaashaadkii maalmahii xoriyadda oo habeenkaas kow u ahayd.

Ikraan ayaa ku baxday gaari u muuqday in qofka waday uu awood badan ku lahaa NISA, sidoo kalena ahaa qof ay aamintay. 

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda.

Xildhibaan Mahad Salaad oo maanta qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arrimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis [Taliye ku-xigeenka] ku lug leeyihiin.”

Sidoo kale, dad ehel la ah Ikraan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa si gaar ah u eedeeyeey Kulane oo ay sheegeen inay Ikraan is-qabteen, kana jaray gunnooyinkeeda, sidoo kalane uu amray xanibaad xagga socodka ah oo la saaray.

Sida aan xogta ku helnay, Ikraan laguma baraarugin maqnaashaheeda labadii cisha ee ugu horreysay, markaas kadib ayaa walaasheed oo joogto Faransiiska waxay soo wacday Yaasiin Farey, oo ah taliyaha Nabad-Sugidda gobolka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Yaasiin Farey uu hadda hoggaaminayo kiiska baaritaanka maqnaanshaha Ikraan. Waxyaabaha illaa iyo hadda uu baaritaanka ku ogaaday ayaa la sheegay inay ka mid yihiin inuu hubiyey inaysan dalka ka bixin, maadaama uusan soo helin record galeed ama muuqaallada ay duubeen kaamirooyinka garoonka wixii ka dambeeyey maalmihii la waayey. 

Taliyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale soo helay muuqaallada kaamirooyinka u dhow gurigeeda, oo muujinaya raadka u akaanshiyaha gabadha iyo gaariga nuuciisa, balse weli lama hayo xog intaas dhaafsan.

Taliyaha ayaa sidoo kale weydiistay shirkadaha taleefonada Muqdisho inay siiyaan xogta xiriirka ugu dambeeyay ee ay sameysay gabadha balse sida la sheegay way diideen inay dhiibaan.

Darwalka la magacaabay oo magaciisa lagu sheegay Wadna-qabad ayaa ah sarkaal ka tirsan NISA, oo aan marna darawal u noqon taliye Yaasiin Farey. 

Yaasiin Farey iyo Ikraan Tahliil, ayaa waxaa sida aan xogta ku helnay is-baray taliyaha NISA Fahad walaalkiis, ayada oo la sheegay in sidoo kale uu kala ballamay Fahad laftiisa, wixii markaas ka dambeeyay waxa ay u ahayd xogheyn aqoonteeda kula joogto. 

Yaasiin Faray iyo Ikraan ayaa la sheegay inay aad isugu dhowaayeen oo uu xitaa bartay qoyskeeda, waxa ay isku ahaayeen dad isku fiican oo shaqada isaga dhow. Yaasiin ayaa sidoo kale mas’uuliyad iska saaray Ikraan, waxa uuna bixinayay adeegyada nolosheeda marka ay magaalada joogto sida kirada iyo biilkeedaba, markii ay hay’adda lacagta ka jartay. Waxa uu sidoo kale kala ballamay laba wiil oo darawalladiisa ka tirsan inay u adeegaan marka ay u baahato dhaq-dhaqaaqa magaalada.

Taliye Yaasiin Farey ayaa la sheegay inuu yahay ninka kaliya ee dadaal kasta ku bixiyay sidii uu heli lahaa Ikraan, balse uu aad uga xumaaday markii siyaasiyiin dano gaar ah leh ay ku eedeeyeen darawalkiisa in ay ku dambeysay maqnaanshada Ikraan, taasi oo uu u arkay sumacd dil shaqsi ah.

Doorashada xildhibaanada BF ee Koonfur Galbeed oo la geeyey guriga Lafta-gareen

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer maamul gobaleed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in la dejiyay, islamarkaana lagu amray in ay ku shaqeeyaan Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in guddiga la siiyay qolkii fadhiga ee Madaxweyne Lafta-gareen, halkaasoo la sheegay in ay noqon doonto xafiiskooda ugu weyn oo ay ka maamulayaan doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiin badan oo mucaarad ah ama ka aragti duwan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Caasimada Online u sheegay in guddigaan la awooday in la siiyo qolal kale oo ka tirsan Madaxtooyada qeybaheeda shaqada ama xafiisyada ah, halkii la dejin lahaa qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada arrintaan ay tahay in la boobo doorashada Xildhibaanada iyo in aysan guddiyada u shaqeynin si madaxbanaan. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaamaysa in guddiga heer federaal uu ku qasbanaan doono inuu la dago iyo in uu la shaqeeyo guddiyada heer dowlad gobaleed markii ay tagaan magaalooyinka ay ka dhacyso doorashada baarlamaanka ee maamul gobaleedyada dalka.

Sanadkaan waxaa cabsi weyn laga qabaa in uu musuq maasuq xoog leh hareeyo doorashada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in Lafta-gareen uu yahay Madaxweynaha ugu daacadsan taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo kadib markii doorasho dhiig ku daatay Laftagareen lagu geeyay Baydhabo daba-yaaqada sanadkii 2018-kii. 

DF oo war kasoo saartay kulankii Rooble iyo Wasiirka A/Dibedda Ireland + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ahna Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa maanta garoonka wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wafdigan qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

DF oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah iyo ardayda Muqdisho oo ku hoobtay + Kaalimaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goordhoweyd si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020-2021-ka iyo ardeyda ka galay kaalmaha hore.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tirada ardayda imtixaanka sannadkan u fariisatay ay tahay 34,908 arday oo ku galay 122 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada.

Natiijada lasoo bandhigay ayaa waxaa gudbay 30,262 arday oo ka tirada boqoleyda ka noqoneysa 87%, halka ay ku dhaceen imtixaanka 4,646 oo tirada guud ee boqoleyda ka noqoneysa 13%.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda 4,646 arday ee Haray waxay 1,881 yihiin gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir.

Shaxda Natiijada imtixaanka ayaa muujinaysa in tirada ugu badan ee gudubtay iyo kuwa dhacay ay yihiin gobolka Banaadir oo asagu hogaanka u haya tirada ardeyda gashay imtixaanka shahaadiga.

Gobolka Banaadir, oo sidoo kale sanadkii hore ay arday badan kaga hareen imitixaanka, ayaa sidoo kale waxaa sanadkan ku dhacay 4,382 oo ka mid ah 26,031 arday oo imtixaanka gashay, ama 16.8%.

Dhammaan maamul goboleedyada kale ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin aad u wanaagsan, waxaana gudbay inta badan ardaydii gashay imtixaanka.

Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu wanaagsanaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya saddex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790.

“Wasaaraddu waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda gashay 10-ka Kaalin ee hore, islamarkaana waxay si rasmi ah ugu ballan-qaadaysa deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah. Sidaas oo kale ayey hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 30-ka dugsi ee ugu heerka sarreeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Ugu dambeyntiina Wasaaradda ayaa shaacisay 16-ka arday ee ayagu galay 10-ka kaalmood ee u horeeyay dalka oo dhan, kuwaasi oo magacdooda aad hoos ka arki doonto.

R/W Rooble oo isku keenay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi iyo amar uu dul-dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sarre iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka.

Kulanka uu Ra’iisal wasaaraha la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan, ayada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka kuraasta gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Inta uu socday kulanka Rooble ayaa faray Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay muddo kooban xal uga soo gaaran khilaafka ka dhex aloosan ee sababay in guddiga doorashooyinka Somaliland u kala jabo labo garab.

Rooble ayaa ugu dambeyntiina labada mas’uul ku booriyey muhiimada ay leedahay in la xaliyo kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Si kastaba, Kulanka maanta ayaa imanaya xili uu Ra’iisal wasaaraha shalay sheegay inuu wado wada-tashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wada-hadalladu, si meesha looga saaro khilaafka ka taagan doorashadooda.

Qoor Qoor oo safar deg-deg ugu baxay Qaycad + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta safar deg-deg ah ugu baxay aaga deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, oo ay saaka la wareegeen ciidamada isku dhafanka ah ee dowladda federaalka iyo Galmudug.

Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa safarkaan uu ku tegay furimaha dagaalka ku dhiiri-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada ka dhanka ah.

Madaxwxeynaha maamulka Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha kala duwan ee ciidamada, ayaga oo ka dhageysan doono warbixin ku aadan howl-galada ay ciidamada kula jiraan cadowga dalkeena.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha kala hadli doonaa Saraakiisha ciidamada dar-dar gelinta iyo ballaarinta howl-galada ay wadaan ciidamada ee argagixisada looga saarayo gobolka Mudug iyo dhamaan deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaa sii wadi doona safarkiisa ku aadan kormeerka howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, wuxuuna Qaycad uga sii gudbi doona sida uu qorshaha yahay deegaano kale oo isla gobolka Mudug ah, oo ciidamada ka wadaan howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne kale oo Afrikan ah oo toddobaad gudihiis ka bad-baaday isku day dil

Antananarivo (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.”

Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

“Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xiray Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tiri dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony.

“Marxaladda iminka ee baaritaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tiri.

Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhowaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana.

Maalintii ciidda ayey aheyd, madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita uu isna ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsaday mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha.

“Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi.

Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah.

AFP

Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray Warsheekh + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo labaduba ah musharraxiin u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa safar dhinaca dhulka ah ay ku gaareen Warsheekh oo ka tirsan HirShabelle.

Sidoo kale waxaa mas’uuliyiintan si weyn magaalada ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiintada maamulka ka jira halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dalka ay usii gudbi doonaan dhinaca degmada Cadale oo uu haatan ku sugan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ujeedka safarkooda ayaa waxa uu la xiriira u kuur-galida xaaladaha ka jira deegaanka, iyaga sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgradka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka labada madaxweyne hore ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan kursiga Hop141 oo uu haatan ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Kursigan khilaafka abuuray waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Si kastaba, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa ujeedka socdaalkooda waxa uu yahay in khilaafka hareeyey kursigaas xal rasmi ah laga gaaro.

Uhuru Kenyatta oo jeediyey hadal ‘ka dhan ah’ Soomaaliya, islamarkaana aad u hanjabay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya.

Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Hadalkan oo uu jeediyay shalay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya.

Dhanka kale, keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.

Uhuru ayaa xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Xiriirka labada dal ayaa mar gaaray heerkii ugu xumaa ilaa ay noqotay inay kala qaataan safaaradaha.

Balse dhawaan ayay labada dal ku heshiiyeen in safaaradaha dib loo furo isla markaana safiirada la isu soo celiyo.

Soomaaliya ayaa marar badan Kenya ku eedeeysay in ay faro-galin ku hayso arrimaheeda gudaha gaar ahaan Jubaland, taasi oo ay beenisay xukuumadda Nairobi.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo qeyb ka ah kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Isha: BBC

Mahad Salaad oo shaaciyey XOG ku saabsan kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay, loona heysto NISA.

Mahad Salaad oo xog ku aadan arrintan ku baahiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday ‘in la dilay Ikraan’, isla-markaana khaarijinteeda ay qorsheeyeen saddexda mas’uul ee ugu sarreysa hay’adda nabad sugida, sida uu hadalka u dhigay.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘in shirqoolka loo maleegay Ikraan lagu bixiyey boqolaal kun oo Dollar iyi ballan-qaadyo’, si ugu dambeyn dib loogu soo celiyo dalka, waxaana kadib uu sheegay in marka ay timid Muqdisho la xadiday dhamaan dhaq-dhaqaaqeeda.

“Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!,” ayaa warbixintan ku yiri xildhibaanku.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!,”.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa hoosta ka xariiqay inuu fashilmay qorshe kale oo ay diyaariyeen hoggaanka NISA, isla-markaana la doonayey inay Al-Shabaab ku sheegtaan dilka Ikraan, balse ay ka biyo diideen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxdaasi oo qaraabo dhow ay yihiin Ikraan, sida uu ku xusay warbixinta uu shaaciyey xildhibaanku.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Al-Shabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan,”.

Mahad ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay sababta loo beegsaday Ikraan, wuxuuna ku sheegay labo arrimood oo xasaasi ah oo ah inay macluumaad ka heysay sida loo qorsheeyey dilkii Eng. Yariisow iyo arrimo kale oo ay ku lug leeyihiin hoggaanka NISA.

“Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!,” ayuu sii raaciyey Mahad Salaad.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey ehellada Ikraan Tahliil inay qabsadaan Qareeno dabagal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka gabadhooda, si looga gun-gaaro.

“Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaanku.

Aqriso 6 qodob oo ay soo jeediyeen guddiga loo xil saaray arrinta gobolka Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaas, oo ay ku qoran yihiin talo so—jeedino la xiriira xalka gobolka.

Guddiga xal u raadinta doorashada Gobolka Gedo, kadib u kuurgalis xaaladda Gobolka, gaar ahaan Magaalada Garbahaarey iyo wadatashiyo balaaran oo ay la sameeyeen qaybaha bulshada, masuuliyiin iyo siyaasiyiinba, waxayna ku talo bixinayaan qodobada soo socda in si dhaqso ah loo fuliyo:

1-  In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta socdaalka, Hay’ada duulista hawada iyo hay’adda nabad sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aden Cadde iyo kan Kismaayo in aan Muwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo.

2- In isla wareegtadaas uu Ra’iisul Wasaaruhu ku soo saaro, in si waafaqsan heshiiskii 27 May 2021, aysan ciidamada kala duwan wax faragelin ah ku sameyn karin siyaasadda iyo amniga doorashada Dalka, marka laga reebo hay’adaha amniga ee loo xilsaaray fulinta qorshaha amniga doorashada. Amniga doorashada Garbahaareey waxaa loo marayaa si waafaqsan soo jeedintii Baydhabo iyo heshiiskii 27 May 2021 ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

3- In Guddiga doorashada Jubaland (SIEIT) uu soo gudbiyo jadwalka goorta ay tagayaan Garbaaharey iyo wakhtiga la bilaabayo doorashada kuraasta 16ka ah. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in la tixgeliyo codsigii Bulshada Garbahaarey ee ahaa in lagu bilaabo doorashada magaalada Garbahaarey.

4- In ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagga Garbahaarey ay xoojiyaan amniga guud ee Degmada si looga illaaliyo in Argagixisadu soo farageliso habsami u socodka amniga doorashada Garbahaarey.

5- In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ay si joogta ah uga wadatashadaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee qabsoomidda doorashada Gobolka si loo hubiyo habsami u socodka doorashada iyo hirgelinta dhammaan heshiisyada fududeynaya xasiloonida iyo nabadda doorashada kuraasta Garbahaarey.

6- Ugu dambeyntii waxaan soo jeedinaynaa in Magaalada Garbahaarey laga hirgaliyo mashaariic horumarineed oo deg deg ah si ay qayb uga qaadato soo kabashada kalsoonida bulshada ee dhanka dowladnimada. Mashaariicda horutabinta leh waxaa ka mid ah

1) In la hagaajiyo biyaha Magaalada
2) Dhismaha garoonka kubbadda cagta
3) In la dhiso suuq dadka ka dhexeeya
4) In la hagaajiyo jidadka Magaalada
5) In meel ku haboon laga hirgaliyo garoonka diyaaradaha.

Xoogaga Shabaab oo billaabay inay isku dhiibaan Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada gobolka Mudug uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow uusan shaacin magaciisa & waxa uu qaabilsanaa.

Falagle ayaa sheegay in sidoo kale saacadaha la filayo inay isa soo dhiibaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo koox-koox u socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa jiraa sarkaal sare oo isku soo dhiibay ciidamada Galmudug sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay Number badan isu soo dhiibaan, iyaga oo koox koox u socda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay keentay culeeska la saaray kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada huwabta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dagaallada ay ka wadaan deegaanada dhaca koonfurta Mudug ee bartamaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dhalinyarada ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab ee haatan ku sugan Galmudug in laga keenay meelo fog-fog, isla-markaana lasoo qalday.

“Waxaan is-leeyahay culeeska dagaal ee saaran wuxuu ahaa abid kii ugu cuslaa oo fuula, marka culeeskaas ayey aad u dareemayaan oo meesha ka jira, waxayna dadka u badan yihiin dhalinyaro meelo fog-fog laga keenay oo lasoo qalday,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dhinaca Bacaadweyne Al-Shabaab lagu gaarsiiyey jabkii ugu xooganaa, isaga oo intaasi raaciyey in ciidamada huwanta ee is garabsanaya ay joogaan goobihii lagu dagaalamay.

“Dhaawac weyn ayaa la gaarsiiyey ciidamaduna waxay joogaan meelihii ay howl-galladu ka dhaceen, marka arrimahaasi waa arrimo u gaar ah, laakiin barihii ay dagaalladu ka dhaceen gacanta ayey ku jiraan,” ayuu wareysiga markale ku yiri wasiir Axmed Falagle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo howl-gallo culus ay ka socdaan gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Video: Imaamka Mudulood oo war kasoo saaray khilaafka ka taagan kursiga Hope141

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iimaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay khilaaf xoog leh oo ka taagan mid ka mid ah kuraasta beesha ee golaha shacabka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP141.

Kursigaas waxaa hada ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal.

Imaamka ayaa sheegay in hadallada ay warbaahinta isku marinayaan xubno u dhashay beesha oo Jawaahir Baarqab uu ka carabaabay uu aad u dhibsaday aysana habooneyn, isla markaana loo baahan yahay in si walaalnimo ah wax loo qeybsado.

“Walaalayaalow nama qabato in dadkeenu is cambaareeyaan oo la dhaho reer hebel ayaa xaqeena cunaye hamatageen, taas nama qabato walaalayaalow, hadaan tusaale u soo qaato Harti-Abgaal waxaan leeyahay walaalayaal Cadale lama kala xigo… kursigaas waa naga wada maqan yahay oo Xasan-Warante ayaa nagala wareegay hadaan Harti-Abgaal nahay,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Anigo odaygii Mudullood ayaan ahay u kala eexa maayo, warka kusigaas ku saabsan waa i dhibay, sababtoo ah nin wixiisii meesha uu ka baxshey og ayaa ku leh hebel ayaan wax laleeyahay, maalin dhaweetana waxaan maqlaayey ha matageen reer hebel, warkaas waa i dhibay, waxaana tiri Ina Baarqab. Ina Baarqab waxaan leeyahay walaaley Gob lama matajiyee joog, walaxaa ku saarane meel fariiso.”

Kursigan khilaafka abuuray waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray degmada Cadale. Sida aan xogta ku helnayna safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hordhac u ah safar ay maanta degmada Cadale ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan lahaanshaha kursiga tirsigiisu yahay HOP141.

Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay aad u daneynayaan in khilaafka hareeyey kursigaa xal rasmi ah laga gaaro.

Hoos ka daawo Iimaamka

Daawo R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono in dad safraya laga celiyo garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowaan lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo loo diiday inay u dhoofaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Rooble ayaa cod adag ku sheegay in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, mahaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Qof garoomada diyaaradaha lagu hor istaagi karo ma jirto, diyaaradaha socdaalka waxaan farayaa in cidii ka hor timaada safaradooda magaalo ka magaalo ay si toos ah iila soo wadaagaan, tallaabaan ka qaadayaa, waa xaq dastuuri ah cid aan ka yeeleyno ma jirto.”

Caasimada Online ayaa 8-dii bishan qortay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan ku sameynayeen laba qof oo rakaabka ka mid ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka.

Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo Ra’iisul Wasaare Rooble.