26.4 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay weerar caawa ka dhacay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb waxay sheegayaan in ilaa seddax qof lagu dilay bartamaha magaalada, halka ugu yaraan laba qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadkaan oo dhamaantood rag ah ayaa lagu rasaaseeyey goob ay ku sugnaayeen oo qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaalada.

Rag ku hubeysanaa qoryo AK-47 ah ayaa geystay weerarkaan, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah

Weli heybtooda lama garan ragga fuliyey weerarkaan oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa haatan gudaha magaalada ka wada howlgallo balaaran oo lagu baacsanayo raggii fuliyey weerarka khasaaraha nafeed geystay ee caawa ka dhacay caasimadda Galmudug.

 

Muxuu yahay isbaheysiga cusub ee dowlada Ethiopia ka raadsaneyso Geeska Afrika?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa bilaabay qorshe uu ku raadsanayo isbaheysi cusub, kadib markii uu xubnaha xukuumaddiisa, Saraakiisha sare ee Ciidamada Militariga iyo Nabadsugidda uu u kala diro dalalka u arko in uu ka gabbaadsan karo culeyska koray.

Xukuumadda Abiy ayaa wajaheysa culeys xoogan oo dhanka beesha caalamka ah, tan iyo markii uu dagaal ku qaaday maamulkii TPLF, islamarkaana uu si bareer ah u muddo dhaafiyey doorashooyinka, oo aheyd bartii uu ka bilowday xaalka qalafsan ee dalkaas.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shidde oo ay welhiyaan Abaanduulaha Ciidanka Gen. Birhanu Jula iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Temesgen Tiruneh ayaa Jabuuti u tagay inay la kulmaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, si ay u meel-mariyaan qorshaha Abiy.

Is-arag kadib, waxa ay sheegeen in ay kala hadleen Geelle sidii Itoobiya garab loogu siin lahaa joojinta fara-gelinta dibadda, taasi oo uu hore u sheegay ra’iisal wasaare Abiy in marnaba la aqbali karin.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankaas uu kasii horeeyay xiriir Telefoon oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Wang Yi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Wasiirka Arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa asagu si cad u sheegay in xiriirka Shiinaha ay ku wiiqayaan cadaadiska uga imanaaya Qaramada Midoobay.

Itoobiya ayaa wajaheysa culeys uga imaanaya Qaramada Midoobay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha iyo Mareykanka, oo ayagu ka deyrinaya xaalada ka jirta gudaha dalkaas, tan iyo markii ay dowladda sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ay kula jirtay maamulka TPLF.

Xildhibaan FIQI oo madaxda DF Soomaaliya ugu baaqay inay geesinimo muujiyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay banaanbax ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? “inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay madaxda dowladda si geesinimo leh usoo hor istaagi lahaayeen waalidiintaas, islamarkaana ay ka run sheegi lahaayeen xogta rasmiga ah ee dhalinyaradii ay u qaadeen Eritrea.

Sidoo kale waxa uu xusay in oohinta maalin kasta ka qubanaysa waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashooda ay ku noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, isagoona sheegay inaysan helin cid daaweysa dareenkooda iyo tabaashooda.

“Waxaa la joogaa waqtigii si geesinimo leh ay waalidiintaas iyo umadda u soo hor istaagi lahaayeen madaxda dalku oo ay ka run-sheegi lahaayeen xogta rasmiga ee dhallinyaradaas iyo waqtiga dalka dib loogu soo celinayo,” ayuu yiri.

“Oohinta ka qubanaysa hooyooyinka iyo aabayaasha wiilashoodii loogu qaaday tababarka dalka Eritrea ee ka waayay war iyo wacaal waxay noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, waxaana muuqata in aysan helin cid dawaysa dareenkooda iyo tabashadooda. Xogta kaliya oo ay ka helayaan wiilashooduna ay noqotay mid welwelkooda sii kordhinaysa.”

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka ay iska fogeysay in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, ayada oo sheegtay in uu tobabarkooda uu marayo meel gabagabo ah.

Wasiir Dubbe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay caafimaad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-markaana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo, sida uu sheegay.

“Ciidamada waa caafimaad qabaan waa innoo soo socdaan, waana innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri.

Ma jirto wax ka baxsan hadalka afka ah ee dowladda federaalka iskaga difaaceyso eedeymahaas, xili warbixino caalami ah ay muujinayaan in dagaalka Tigray ay qeyb ka ahaayeen askarta Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood kasoo baxsadeen xeryihii ay ku jireen.

Sawirro: Rooble oo si weyn loogu sameeyay Dayniile iyo ballan-qaad uu sameeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo bulshada degmada Dayniile ay ugu sameeysay soo dhoweyn heer sarre ah.

Munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa waxaa taageero loogu muujinayey hoggaaminta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilinta caasimadda.

Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlay munaasabaddaas ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ay u sameeyen bulshada degmada Dayniile, isagoona sheegay inaysan jirin dan gaar ah oo uu ka leeyahay doorashada.

Waxa uu ballan-qaaday in si hufnaan leh oo cadaalad ah uu u fulinayo doorashada la filayo inuu galo dalka, wuxuuna cadeeyay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaridka ay u wada siman yihiin.

“Waan uga mahadcelinayaa bulshada Dayniile soo dhaweynta iyo taageerada ay ii muujiyeen. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa in aanan dan gaar ah ka lahayn doorashada. Musharraxiinta oo dhami way ii siman yihiin, waana in aan dalka gaarsiinnaa doorasho innagoo garbaha is haysanna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay in dalka uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo ka fogaanaya in uu dhinacna garabka saaro.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ugu jirey sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu dalka u jiheeyay heshiiskii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Walidiinta caruurtooda la geeyey dalka Eritrea oo kiis dacwadeed culus u gudbiyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta ay caruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea ayaa dacwad cabasho ah u gudbiyey Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, si uu u furo baaritaan ku aadan arrintaas.

Qoraalka cabashada ah ee ay Xeer ilaaliyaha guud u gudbiyeen waalidiintan oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online ayaa eedeynta u weyn ee qaadista caruurtooda dusha u saareen madaxda sarre ee waqtigooda uu dhamaaday.

Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen 12 kamid ah Waalidiinta caruurtooda Askarnimada loogu qaaday Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyartooda sifo sharci darro ah tobabarka loogu geeyay dalka Eritrea.

“Nidaamka loo qoray carruurteena wuxuu ahaa mid baalmarsan nidaamka sharciga ah ee qorista ciidamda Dowladda, maadama uu ahaa mid lagu khiyaanay anaga iyo ubadkeena, islamarkaasna naloo sheegay in ciidamada loo qaadayo dalka Qatar si loogu soo tobaabro Ciidan Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka dacwada furista ah ee waalidiintu gudbiyaan ayaa lagu sheegay in caruurtooda ay awoodi waayeen inay si xornimo leh ay ula soo xiriiran, kadib markii loo diiday inay wax xiriir ah la soo sameeyan.

“Intii nala soo hadashay mar lama xaqiijin karo xaaladda ay ku sugan yihiin waxayna nala hadleen muddo kooban, iyagoo oo inoo sheegay markaas in dhowr bilood ka hor tobabarka u dhamaaday ayna sugayaan in dowladdu soo celis.”

Qoraalka waxaa Xeer ilaaliyaha guud looga dalbaday in uu si deg-deg ah uga howl-galo sidii ay waalidiintu u heli lahaayeen warbixin dhameystiran oo ku saabsan nolosha, dalka iyo xaalada caafimaad ee ay hadda ku nool yihiin dhalinyaradoodu.

Ugu dambeyntiina waxay waalidiintu ku codsadeen qoraalkaas in dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug yeelata dhagrida iyo khiyaanada lagula kacay iyaga iyo ubadkooda, laguna geeyay dal aan hore loogu sheegin, aysanna rabitaankooda ku tegin

Hoos ka aqriso qoraalka loo gudbiyey Xeer ilaaliyaha oo dhameystiran

Ninkii wejiga ka dharbaaxay Macron oo ka hadlay sababta uu falkaas u sameeyey

0

Paris (Caasimada Online) – Ninkii loo haystay inuu dhawaan fagaare ku dharbaaxay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron ayaa la horgeeyay maxkamad, wuxuuna ka hadlay falkaas iyo siduu ku dhacay.

Ninkan oo lagu magacaabo Damien Tarel oo 28-sano jir ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu madaxweyne Macron dharbaaxay, isagoona iska fogeeyay in falkaas uu ahaa mid uu hore usii qorsheeyay, sida lagu sheegay eedeynta loo jeediyay.

Waxa uu dharbaaxada uu ku dhuftay Macron ku sifeeyay daqiiqad shucuur kacsanayd ah oo uusan hore uga sii baara-dagin, wuxuuna maxkamadda ka hor sheegay in dhacdadaas ay ka dhalatay hoos u dhaca ku yimid Faransiiska.

Dacwad-oogaha maxkamadda ayaa codsaday in ninkaan lagu xukumo Sanad iyo 6-bilood oo xabsi ah, maadama uu ku doodayo dacwad-oogaha inuu eedeysanaha saameyay ficil rabshado oo si ula kac ah.

Sidoo kale waxa kooxda dacwada kusoo oogtay ninka dhirbaaxay Macron ku adkeysaneysa inuu taageersan yahay siyaasadda Midigta-Fog, uuna aad ugu dhowyahay dhaq-dhaqaaqa loo yaqaano ‘yellow-vest’.

Madaxweyne Macron oo maalin ka hor ka hadlay dhacdadaas ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii Salaasaddii ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaas oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay.

Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo.

“Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Waxa uu intaas ku daray “in shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.”

Muuqaallo lagu baahiyey maalintii Salaasada baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujinayey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin kamid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddelkeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya, isaga oo ku dhawaaqay “ha dhaco Macron”.

Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska, ayada oo madaxda sarre ee dalkaas ay ku tilmaameen ficilka lagu beegsaday madaxweynaha mid ka hor-imaanaya dimuqraadiyada.

“Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo. Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Jean Castex oo la hadlay baarlamaanka.

Maxaa keenay isbeddelka siyaasadda IMAARAADKA CARABTA ee Soomaaliya?

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa u muuqda mid isbeddel aan la filayn ku socdo. Ra’iisalwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa June 8, 2021  qaabbilay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo aan tan iyo December 2019 cag soo dhigin dalka. 

Su’aasha isweydiinta u baahan ayaa ah: Maxaa keenay isbeddelka siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya? Mase laysku aamini karaa dal lid ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka?

Walow, wargeysyada qaarkood ay qoreen in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u gargelyooday Maxammed bin Zayed al-Nahyan, haddana isbeddelka siyaasadda dibedda ee dalkaas waxaa loo aaneyn karaa dhowr arrimood: (1) Hoggaanka Mareykanka ee Joe Biden oo la yimid siyaasadda ka duwan tii Donald Trump; (2) Caabuqa Covid-19 oo dhulka la dhacay dhaqaalihii kibirsanaa ee shidaalka; iyo (3) Guuldaro dhaqaale iyo ciidan oo ay kala kulmeen colaaddihii dunida ku cambaareysay ee Libiya iyo Yamen.

Dhinaca kale, Riyaad iyo Abu Dhabi oo u muuqday kuwo aan kala maarmi ayaa isku seegay dhaqan-siyaasadeedkii “muruq isku muquuninta” oo Amiir Maxammed bin Zayed al-Nahyan uu ku wiiqi jiray dalka danaha dalkiisa ka horyimaad.

Waxase cajiib leh in dib uga gurashadii Farmaajo afgambigii dimuqraadiyadda uu laftiisu dhalay rajo aan horray loo filayn. Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo kaashanaya shirkadda LFA Holding oo ah “lobbyist” ayaa awood u helay inuu xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka iyo “State Department”-kaba hordhigo aragti ka duwan tii laga qabay dalka. 

Halkaas waxaa ka dhashay labo arrimood: (b) Dadaalka Qadar ee keenay ergeyga Mutlaq bin Majed Al-Qahtani inuu isku maro Hargeysa, Muqdisho, Nairobi iyo Jabuuti; iyo (t) Casuumaaddii Boqor Salmaan uu u fidiyey wafuud heer sare ah ee ka socotay Qadar iyo Turki, si looga wada tashto isku duwidda hawlaha dib u dhiska Soomaaliya. .

Amiir Maxammed bin Zayed oo ka cagajiidayey inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo xiriir qabow ka dhexeeyo ayaa imaan shirkii Jeddah taas oo dhalisay su’aasha maqaalka ee ahayd, “Soomaaliya ma ka dhalan kartaa xasillooni dadaalkeedu aysan qayb ka ahayn Imaaraadka?”

Fashil Siyaasadeed

Waxaa ruux allaale oo damco inuu arrinkan lafaguro uusan ismoogaysin karin heshiiska Imaaraadka ay la gashay Jubbaland dhowr sano ka hor, kaasoo u fasaxayo inay ka dhisto Saldhig Militari, iyadoo la baalmaray Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo la ogyahay in Abu Dhabi xiriir kaas kasii durugsan la leedahay Puntland iyo Somaliland oo loo barreeray diidmada iyo dhaleecaynta Dowladda Federaalka.

Ma suurtowdo in labada dhinacba (Muqdisho iyo Abu Dhabi) ay ismoogaysiiyaan arrinkaas baaxadda iyo cawaaqibta weyn leh oo ka dhigay Imaaraadka dawladda faraggelinta iyo dagaalka ugu ba’an ku hayso  dibudhiska dowladnimada Soomaaliya halisna ku ah xasilloonida dalka iyo tan gobolkaba.

Waxaa kaloo iyadana meesha jira gacansaarka lidka ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka oo dowladda Imaaraadka ay la leedahay Kenya.

Ka jawaabidda su’aalaha taagan ma sahlana, waxaase la yaab leh waxa isku soo beegay socdaalka uu Ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika Jeffrey Feltman ku tegay Abu Dhabi iyo sida degdegta leh ee Danjire Al-Hammadi dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaate, Dal-Jire Soomaaliyeed oo daahsan ayaa yiri “Awood kasta ee shisheeye oo isku dayday in ay Soomaaliya ku dhisto-sawirka-riyadeeda, ayaa ka tegi ayadoo madax wareer la rajo beeshay. Soomaalida keliya ayaa go’aansaneysa mustaqbalkeeda sida fiican ama xun. Sheekhyada Gacanka Carbeed [Imaaraadka], waxaa laga yaabaa inay si deg deg ah u bartaan casharkaas” (The American Interest – 23/03/2018).

W/Q: Cabdulqaadir Cariif iyo Burhan Rooble

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dibadbaxyo lagu dalbanayo caruurtii la geeyey Eritrea oo maalinkii labaad dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda dibad-baxyo ballaaran oo lagu dalbanayo in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa maanta oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigayey waalidiinta ay ka maqan-yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isla goobtii shalay ee isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? “inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo,” iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta, iyaga oo ilmeynayey ayaa ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ka hadlo arrintan, si ay helaan xogta rasmiga ah ee ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada la geeyey Eritrea.

Walaaca waalidiintan ayaa sii kordhay, kadib markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaateen dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, kuwaasi oo markii hore dalka looga qaaday in la geynayo Qatar balse laga dejiyay Eritrea ogaal la’aantood.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa sidoo kale iyaguna si adag uga hadlay arrintan, iyaga oo shaaca ka qaaday in la iibsaday caruurtaasi, isla-markaana ay mas’uuliyadda qaadi doonaan madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ee dowladda, oo ugu horeeyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.

Dhinaca kale, ma jiro cadeyn rasmi ah oo kasoo baxday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan xaaladda dhalinyaradaasi, marka laga imaado wasiirka warfaafinta oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho uu sheegay in askartaas ay u socdaan tobabaro.

Si kastaba, askarta loo qaaday dalka Eritera ayaa maqan muddo labo sano ah, waxaana marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca laga muujinayo xaaladda dhalinyaradaasi, oo qaarkood ay kasoo baxsadeen xeryihii ay ku jireen.

Kaalin nooce ah ayuu R/W Rooble ka qaadan karaa kiiska dhallinta la geeyay Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay sarre u kacday xiisada ka dhalatay dhalinyaradii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday Eritrea, kuwaasi oo markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada oo Eritrea loogu qaaday Askarnimo ayaa la weysan yahay muddo ka badan 2-sanno, ayada oo banaanka u soo baxeyso in askarta Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdeen dagaalkii qaraara ee gobolka Tigray, ayaga oo gacan siinaya dowladda Ethiopia.

Waalidiinta dhalay dhalinyaradaas iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa eedeynta u weyn ee qaadista askartaas dusha u saaray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, oo ilaa hadda war rasmi ah kasoo saarin xaaladooda.

Sidoo kale waxaa shalay warbaahinta kasoo hor muuqday dhalinyaro kamid ah kuwii loo qaaday Eritrea oo kasoo baxsaday, kuwaasi oo sheegay inay tacadiyo kala duwan kala kulmeen xeryihii lagu hayay, islamarkaana loo diiday in loo sheego waqtiga lagu celinayo dalkooda, ayna sidaas kusoo fakadeen.

Haddaba, maxay tahay kaalinta Ra’iisal wasaare Rooble ee ku aadan xiisada ka dhalatay dhalinyarada loo qaaday Eritrea ee maalmihii u dambeeysay ka tagneyda dalka?

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya arrintaas ayaa sheegay in xiligan ay ra’iisal wasaare Rooble u furan tahay inuu waalidiinta cabanaya la raadiyo ubadkooda, islamarkaana uu dhageysto oo uu qanciyo.

“Raysal wasaaare Rooble waa in uu waalidiinta la fariistaa qanciyaa, ubadkooda la raadiyaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlaya kaalinta uu Rooble ka qaadan karo arrintaas.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu si deg-deg ah ugu soo celiyo waalidiintaas dhalinyaradooda, isagoo ka jawaabaya cabashadooda.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu oohinta hooyooyinka ka jawaabaa. Waa in uu dhallinyarada Eritrea loo qaaday degdeg uga soo celiyaa intii nool,” ayuu yiri

“Waxaan leenahay waalidiinta waa idin garab taaganahay, gurmad iyo garab ayaan idiin nahay. Idinka hari mayno Inta ubadkiina meel lagu sheegayo.”

SOMALILAND oo jawaab iyo digniin adag ka bixisay warqad kasoo baxday Puntland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay warqad dhawaan kasoo baxday maamulka Puntland, taasi oo lagu mamnuucayay in imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland lga mamnuucay gobolka Sanaag.

Somaliland ayaa qoraalka kasoo baxay Puntland ku sheegtay wax laga xumaado, ayadoona ku tilmaamtay mid “xagjir-nimo ah” oo aan sharciyad ku dhisneyn, islamarkaana wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda Somaliland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu faray maamulka gobolka Badhan inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalada qalafsan ee kasoo baxay maamulka Puntland, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Somaliland ayaa sidoo kale ayadoo ka jawaabeysa warqadaas u digtay maamulka Puntland iyo cid kasta oo ku howlan khal-khal gelinta habsami u socodka imtixaanadka shahaadiga ah ee ay qaado.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu dambayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.

Macawiisleyda oo weerar ku qaaday saldhig boolis

0

Buula Burde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus kusoo qaadeyn saldhigga Magaalada.

Saldhigga ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray maleeshiyadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Booliska ee ku sugnaa Saldhigga, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama waqtiga uu weerarka dhacay aheyd xilli habeen ah.

Maleeshiyada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay ahaayeen kuwa macawiisleyda ayaa la sheegay inay isku dayeen in xabsiga kasoo furtaan mid kamid ah ciidamadooda oo halkaas lagu xiray.

Ciidamada Booliska ee saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay inay iska caabiyeen maleeshiyadii soo weerartay, waxaana fashilmay qorshihii lagu soo furan rabay askariga ku xiran saldhigga ee ka tirsan Maleeshiyada Macawiisleyda.

Magaalada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga dareemayaa khilaafka u dhaxeeyo macamiilseyda iyo Booliska, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada ay martgeliso dagaal dhex maro labada dhinac.

Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay la socdeyn ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Degmada Buula Burde, inkastoo aan weli xaqiiq dhab ah loo helin.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin weerarkii culsaa ee xalay lagu soo qaaday saldhigga degmada Buula Burde.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa aad ugu xooggan qeybo kamid ah deegaanada Maamulka Hirshabelle, waxayna dhowr jeer dagaal la galeyn Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda, waxaana ugu dambeysay dagaalkii ay ku qaadeyn ciidamada Booliska Haramcad ee ku sugan Magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas.

Puntland oo meel-marisay xeer dood badan dhaliyay oo la xiriira gabdhaha (Aqri)

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulka Puntland ee toddobaadkan ayaa lagu meel-mariyey xeerar dhowr ah oo uu kamid yahay xeerka Gudniinka Gabdhaha, oo dood badan dhaliyey

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirkaas guddoominayey, waxayna golaha wasiiradu dood iyo falanqeyn dheer kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka Gudniinka Gabdhaha.

Shirka ayaa waxa kale oo looga hadlay arrimaha Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale shirka toddobaadkan ku ansixiyey xeerka Daroogada oo ay fadhiga golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Cadaalada Puntland oo shirkaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cid kasta oo ku kacda fal ah Gudniinka Gabdhaha ay marsiin doonaan ciqaab, maadama sida uu sheegay ay ka hor-imaaneyso xeerka uu golaha meel-mariyey.

“Gabdhaha Puntland waxaa loo daynayaa sida ay ku dhashaan, ciddii guddana waxaa la marsiin doona ciqaab,” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Puntland.

Xeerka Gudniinka Gabdhaha ee uu meel-mariyey goluhu ayaa waxaa ka taagan dood, inkasta oo golaha ay si aqlabiyad leh ugu codeeyen ansixintiisa, midaasi oo xeerkan ka dhigeysa mid dhaqan galaya, walow aan la ogeyn qaabka uu deegaanada Puntland uga fuli doono

QM oo shaacisay xaalad halis ah oo ka taagan Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey in 350,000 oo qof ay ku nool yihiin xaalad aad u daran oo ka jirta gobolka Tigray oo dagaaladii u dambeeyay aafeeyeen iyo sidoo kale gobolada kale ee deriska la’ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Madaxa arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa sheegay in waqooyiga Ethiopia ay ka jirto macaluul daran, taasi oo ay sababeen dagaaladii iyo xaaladihii u dambeeyay .

Dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka TPLF ayaa si weyn u halakeeyay gobolka Tigray, ayada oo ay ku barakaceen 1.7 milyan oo ruux.

Warbixinta QM ayaa looga deyriyay xaalada cunno ee gobolka, taasi oo gaartay “heer musiibo”, oo ay ku macneysay “gaajo iyo dhimasho saameysay kooxo yar oo dad ah oo ku faafay dhul ballaaran”.

Dagaalkii gobolka Tigray ayaa waxaa ka dhalatay xaalad halis ah, waxayna Hay’adda cunnada adduunka ee QM (WFP), Ururka Cuntada iyo Beeraha iyo hay’adda carruurta ee Unicef ​​ay dhammaantood ku baaqayaan in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatada jirta deegaanadaas.

Sidoo kale waxaa soo baxeysa in dad ku sugan Qafta Humera, oo ah degmo ku go’doonsan galbeedka Tigray-ga, ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan macaluul, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka.

Tan iyo markii ay dowladda federaalka Ethiopia dagaalka qaraar la gashay maamulka TPLF waxaa soo baxaya xaalado bini’aadanimo iyo tacadiyo ka dhanka ah oo lagula kacay qowmiyada Tigray-ga, ayada oo gobolo ka tirsan ay wajahayaan xaalada cuni yari.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay 24 saac gudahood laga waayey Coronavirus

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in 24 saac oo xiriir ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo dhan laga waayey hal kiis oo cudurka COVD19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddoyinkii ugu dambeeyey ay sii yaraanayeyn kiisaska COVID19 taas ugu dambeyntii keentay in hal kiis laga waayo Soomaaliya oo dhan 24-tii saac ee u dambeysay.

Kiisaska COVID19 ee Muqdisho ayaa maalmihii dambe si gaar ah usii yaraanayey, waxaana muddooyinkii dambe kiisaska u badnaayeen Gobolada Dalka.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada talaalka cudurka Coronavirus, waxayna dhawaan wasaaradda sheegtay in qeybtii labaad ee talaalka la keenay Soomaaliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaan sidaan u qornaa:

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 770

o Laga Helay: 0

o Bogsashada: 21

Tirada Guud ee Laga Helay: 14,779

Bogsashada Guud: 7,016

Dhimashada Guud: 774

Aqriso Magacyada: Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo Rooble u gudbiyey bedelka xubnihii dib loogu celiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cusub ee ay ku badeleen kuwii hore loogu soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransana.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay afar xubnood.

Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isagna soo bedelay xubnihii lagu celiyay, kuwaasi oo ah labo xubnood oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.

Labada madaxweyne ayaa xubnaha cusub u gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo isagu gacanta ku haya howlaha doorashada, oo kal hore uu kala wareegay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa saddex dowlad goboleed oo aan weli soo magacaabin xubnahooda oo la sugayo, hase yeeshe waxaa hadda harsan oo keliya dowlad goboleedka Galmudug.

Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqday dhinacyadii u horeeyay ee soo magacaaba xubanahooda guddiyada doorashada, midaasi oo qeyb ka aheyd fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Guddiyada cusub ee dhinacyadu soo magacabaayan ayaa bar billow u noqonaya hirgelinta heshiiskii 27-kii May, kaasi oo meesha ka saaraya mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada ay soo gudbiyeen labada maamul

Kheyre oo wajahaya eedeyn iyo cadaadis xooggan oo saameyn kara rajadiisa

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya. ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu qeyb ka yahay mas’uuliyadda kiiska dhalinyaradii Soomaaaliyeed ee loo diray dalka Eretria.

Kheyre ayaa ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya xiliga askarta Soomaaliyeed loo daaabulayay Eritrea, kuwaas oo la qaaday saddex jeer oo kala duwan, islamarkaana illaa iyo hadda aan war iyo wacaal laga hayn xaaladdooda.

Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Dowladda Federalka Itoobiya ku qaaday qowmiyadda Tigray, waxaa soo shaac baxday warar sheeegaya inay ka qeyb qaateen askar Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa tababarka loogu qaaday Eritrea. 

Waxaa warkan sii xoojiyay qoraal kasoo baxay toddobaadkan ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka oo cadeeyay ku lug lahaanshaha askar Soomaaliyeed dagaalkii ka dhacay Ethiopia, gaar ahaan magaalada Aksum ee gobolka Tigray.

Xasan Cali Kheyre ilaa hadda arrintan kama uusan hadlin waxaana uu ka gaabsaday codsiyo kala duwan oo loo diray si uu arrintan xaqiiqda uga sheego.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iskala tirsan yihiin golaha midowga musharaxiinta ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta xilka heysay markii dhalinyaradan Soomaaliyeed loo daad gureynayay dalka Eritrea iney qataan doorkooda oo arrintan ay ka sheegaan wixii ay ka ogyihiin isagoo ula jeeda Ra’isul Wasaare Kheyre.

“Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi hadana ah Musharax madaxweyne ayaa isna ku baaqay in Kheyre arrintan wax laga weydiiyo maadama uu xiligaas ahaa mas’uulka ugu sareeya xukuumadiisa.

Waxaana uu Taabid ku yiri qoraal uu soo saaray “Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas. Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa.”

Sidan si lamid ah waalidiinta ay dhalinyaradaas ka maqan yihiin ayaa dalbaday in Ra’isul wasaarihii hore uu wax uga sheego halka ay ku dambeeyeen wiilashooda balse wali kama uusan hadlin, waxaana dhowr jeer ay ka dalbadeen dowladda Soomaaliya iney ka jawaabto baaqyadooda iyagoo dhowr jeer banaabax ka dhigay Muqdisho. 

Xaqiiqda ayaa ah in eedeyn kasta oo arrintan la xiriirta oo uu wajaho Farmaajo, sidoo kalena uu wajahayo Kheyre, mana jirto sabab loo kala saaro, oo midna loo eedeeyo midka kale kalena looga dhaafo. 

Marka la eego baaqyada kala duwan ee loo dirayo Kheyre waxaa muuqata in Kheyre uu wajahayo cadaadis xooggan iyo eedeymo saameyn ay ku yeelan doonto mustaqablkiisa madaxtinimo ee Soomaaliya, ayada oo ay suurta-gal tahay in qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen gobolka Tigray.

Kheyre wuxuu haystaa fursad uu shacbiyad iyo taageero ku kasban karo, haddii uu sida dhabta ah uga hadlo arrintan, islamarkaana qaato mas’uuliyadda kaga aadan, sababtoo ah waa qofka kaliya ee maanta kusoo xiga Farmaajo ee sidaas sameyn kara.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Rooble oo soo saaray dalab DEG-DEG ah oo la xiriira guddiyada doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo dhawaan soo saaray natiijo ku aadan xubnihii uu mucaaridka ka keenay cabashada.

Rooble ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsaha badan habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in si deg-deg ah loogu soo gudbiyo xubnaha harsan ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay weli so magacaabin qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ah Gudoomiyaha Guddiga uu la kulmay Rooble oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inta badan inay soo gudbiyeen maamuladu badalka xubnihii laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka waxaa ilaa hadda dhiman oo aan weli soo gudbin xubnihii laga dalbaday inay badalaan hal maamul oo keliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada, waxaa’se ilaa hadda aan si rasmi ah u fulin kamid qeybo kamid ah heshiiskii oo ay ugu horeysay in guddiga doorashooyinka si dhaqso leh loo soo magacaabo.

Daawo: Dhallinyaro ka mid ah ASKARTII ay DF u qaaday Eritrea oo kasoo baxsaday iyo xog culus oo ay shaaciyeen

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dhalinyaro ka tirsan askartii ay dowladda federaalka Soomaaliya tobabarka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa kasoo baxsaday xeryihii ay ku jireen ee dalkaas.

Dhalinyarada oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in markii hore laga qaaday magaalada Muqdisho, islamarkaana loo sheegay in tobabar loo geynayo dalka Qatar, kadibna laga dejiyay Eritrea.

Waxay sheegen in dowladda federaalka ay qaaday dhalinyaro ku dhow 5,500 oo Askar, kuwaasi oo kala ahaa dhowr dafcadood oo kala dambeeyay, sida ay warbaahinta u sheegen.

“Waxaa kamid ahaa ciidamadii laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaa markii hore na-lagu qalday in nala geynayo Qatar, balse waxaa nagala dejiyay Eritrea,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada askarnimada loogu qaaday Eritrea ee soo baxsaday.

Dhalinyarada oo socdaal dheer oo dhulka ah kusoo soo maray gobolada Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ugu dambeyntii soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

“Anaga iyo waxaa isku dhacnay askartii Eritrea-ka ahaa oo dagaal ina-dhexmaray waxaa nagala laayay qaar kamid ah askarteeni u socday tobabarka, waxayna nala dhaceen bambooyin iyo xabado” ayuu yiri mid kamid ah askarta kasoo baxsaday Eritrea.

Sidoo kale waxay sheegen intii ay ku jireen xeryaha tobabarka ay la kulmeen tacadiyo kala duwan oo iskugu jira jirdil iyo ciqaab, taasi oo markii dambe ay u adkeysan waayen, oo keentay inay kasoo baxsadaan.

Askarta ay dowladda federaalka u geysay Eritrea tobabarka oo ay qeyb ka ahaayeen dhalinyartaan kasoo baxsatay ayaa waxay dalkaas ku sugnan yihiin muddo ka badan 2-sanno, oo aysan helin daawo iyo xuquuqda aas-aasiga ah, sida ay sheegen.

Dhalinyartaan maanta warbaahinta la hadlay oo wajiyadooda laga dheehan karo diifta iyo rafaadka ay usoo mareen sidii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen ayaa qaarkood waxaa lagu xiray deegaano ka tirsan Itoobiya, kadib markii ay booliska u gacan galeen ayaga oo baxsad ah.

Ugu dambeyntiina waxay baaq u direen waalidiinta ay carruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea, “Alxamdulilh waxaa imaanay dhulkeeni hooyo socdaal dheer kadib, waxaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ay ka maqan yihiin carruurtoodi si deg-deg ah ugu baaqeyna inay jiriyaan oo loo keeno.”

Arrintan ayaa imaneysa xili ay sarre u kacday xiisada ka dhalatay askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea oo sanado ku maqan, waxaana magaalada Muqdisho maanta ka bilowday dibad-bax ballaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Hoos ka daawo muuqaalka

Taliska guud ee ciidanka iyo Gobolka Banaadir oo maanta ka shiray amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay amniga caasiamda dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah uga dhaxeeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.

Waxaa looga hadlay kulankaan u diyaar garowga maalmaha xoriyada ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo dhawaan ka bilaabmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Saalax Cumar Xasan, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo kulanka maanta faah-faahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada muqdsho iyo wada-shqeynta Ha’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta mas’uuliyiintu diirada ku saareen sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga iyo sidii loo adkeeyo amniga caasimada.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay degmooyinka gobolka ay kasoo cusboonanayeen xaalado amni darro iyo weliba diyaar garow loogu jiro xuska maalmaha xoriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

DF oo soo saartay go’aan lagu joojiyey in Kenya ay duqeyn dambe ka fuliso Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay duqeymaha cirka ah ee ciidamada Kenya ka fuliyaan qeybo kamid ah dalka, oo maanta la mamnuucay.

Wasiir Dubbe ayaa markale ku celiyay in dowladda ay cambaareyneyso duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya.

Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay marnaba u dulqaadan doonin khasaaraha bulshada rayidka ah kasoo gaaraya duqeymaha Kenya, isagoona shaaciyey in dowladda ay mamnuucday in duqeymahaas dowladda Kenay ay fuliso amar la’aan.

“Dowladda Kenya maanta laga bilaabo ciidamada cirka ee Kenya duqeyn kasta oo ay geysanayaan waa inay kusoo wargeliyaan Taliska guud ee AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan kusoo wargelin ma fulin karaan wax duqeymo ah, kumana soo xad-gudbi karaan xuduuda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucayso duulimaadyada Kenya ayaa kusoo aadaya, toddobaad kadib markii ay dowladda si adag u cambaareysay duqeymaha Kenya ee Soomaaliya, kuwaasi oo toddobaadkii lasoo dhaafay khasaaro u geystay dad rayid ah.

Kenya ayaa 3-dii Juun 2021 weerar cirka oo aan loo aabbo yeelin ka fulisay deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, islamarkaana sababay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kuwaasi oo banaanka u soo saaray astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.