26.4 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya dowladda KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab usoo direyso Kenya, si ay ciidamada dalkaasi uga taageeraan howl-gallada dhanka milatari.

Joe Biden ayaa go’aankani ku dhawaaqay, kadib markii uu wada-hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Kenya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimaha siyaasadda, amniga, xoojinta xiriirka labada dal iyo la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ciidamada uu Mareykanka usoo dirayo Kenya, goorta ay imaanayaan iyo sidoo kae halka ay saldhiganayaan intaba.

Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa sidoo kale ku warrantay in ciidamadan lagu xoojinayo askar kale oo Mareykan ah oo ku sugan gudaha Kenya, si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada lasoo dirayo oo ah kuwa gaar ah ayaa waxaa la filayaa inay ka hortegaan weerarada ay fuliso kooxda Al-Shabaab oo maalmihii dambe sare u kacay.

Mareykanka iyo Kenya ayaa labaduba waxa ay ka mid yihiin wadamada ka qeyb-qaata dagaallada iyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan Soomaaliya ayaa weeraro khasaare geysta sanadihii dameb ka fulisay gudaha Kenya oo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo codsi xasaasi ah u dirtay dhiggeeda Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya ugu yeertay inay caadi ku soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal, kaas aad u xumaaday waayihii dambe.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay caadi ka dhigto xiriirka kala dhaxeeya Kenya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u soo bandhigeysaa bogaadinteeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya, waxaana sharaf u ah in aan mar kale ku celino in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ugu baaqday inay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ayaa qoraalkaan ku sheegtay in dib u soo noqoshada xiriir buuxa oo Kenya iyo Soomaaliya dhex-mara ay bilaaw wanaagsan u noqon doonto wadahadallada labada dal u dhexeeya.

“Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga faa’iideysanaysaa fursaddan inay dib ugu cusbooneysiiso wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya hubinta tixgelinta ugu sareysa.”

Dowladda Kenya ayaa Khamiistii qaaday tallaabo lama filaan ah oo ay dib ugu furtay duulimaadyadii Soomaaliya, bil un kadib markii ay sheegtay inay hakisay illaa muddo saddex bilood ah.

Kenya ayaa go’aanka ay qaadatay ku macneysay “niyad wanaag muujin” ayada oo rajeyneysa inuu hoggaamin karo in xiriirka labada dal uu si buuxda caadi ugu soo noqdo.

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay maaganaayeen Al-Shabaab iyo xubno la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Rooble oo guddi u magacaabay raadinta askartii loo qaaday Eritrea (Aqriso Magacyada)

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo tan iyo markii dalka laga dhoofiyey aan laga helin xog sugan.

Guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka arrintaan ayaa ka kooban shan xubnood waxayna kala yihiin:

1 – Xasan Xuseen Xaaji wasiirka gaashaandhigga Guddoomiye.
2 – Mukhtaar Xuseen Afrax wasiirka arrimaha gudaha Xubin.
3 – Danjire Cabdullahi Axmed Jaamac Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Xubin.
4 – Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidanka xoogga dalka Xubin.
5 – Maxamed Ibraahim Macalimuu Afhayeenka Xukuumadda Xubin.

Tallaabadaan oo ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ku waayey gacanta dowladda ayaa mudo dheer lagula talinaayey inay qaado dowladda, balse hadda ayuu ku dhaqaaqay ra’iisul wasaare Rooble.

Dhawaan waxaa soo xoogeystay warar sheegayey in ciidamo Soomaaliyeed ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib warbixin ka soo baxday hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqul insaanka oo shaacisay xog ku saabsan arrintaas.

Wixii intaas ka dambeeyey magaalada Muqdisho ayaa marti gelisay mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayeen waalidiinta ay ka maqanyihiin carruurtooda, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay cabashadooda la hor taagnaa xafiisyada waaweyn ee hey’adaha dowladda.

Sidoo kale waxaa jira dhalinyaro la sheegay inay kasoo goosteen askartii tababarka loo geeyey dalka Eritrea oo maalin ka hor lagu soo bandhigay deegaanada Puntland, kuwaas oo sheegay inay wajaheen nolol adag, iyagoo ku cel-celiyey in loo doodo oo dalka deg deg loogu soo celiyo dhalinyarada saaxiibadood ahaa Eritrea ay uga soo tageen.

Hoos ka akhriso warqadda lagu magacaabay guddiga.

Saddex dal oo Carab ah oo billaabay inay Muslimiinta Uyghurs u dhiibaan Shiinaha

Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa billaabay inay masaafuriyaan oo ay Shiinaha u gacan geliyaan Muslimiinta Uyghur ee dalkaas lagu ciqaabo, sida uu shaaciyey taleefishinka CNN.

Warbixinta CNN ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay 2018 illaa 2020, u gacan geliyeen Shiinaha ugu yaraan hal qof oo Uyghur ah, kaasi oo dalkaas u tegay inuu kusoo guto Cumrada. Qof kale ayaa sidoo kale la xiray kadib markii uu dalkaas u tegay Xajka, wuxuuna hadda wajahayaa masaafurin loogu gacan gelinayo Shiinaha.

Sidoo kale, Amannisa Abdullah oo Uyghur ah ayaa sheegtay in seygeeda Ahmad Talip laga qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, bishii Febraayo ee 2018, loona gacan geliyey dowladda Shiinaha. Amannisa ayaa kadib u carartay dalka Turkey oo ay hadda ku nooshahay.

“Dhammaan dalalkan kalama jecla xuquuqda aadanaha,” waxaa sidaas CNN u sheegtay Maya Wang oo ah cilmi-baare sare oo Shiinees ah oo ka tirsan hay’adda xuquuqada aadanaha ee Human Rights Watch (HRW).

“Waa dowlado aan la dooran oo muwaadiniintooda ku cadaadiya dalalkooda, mana jirto xeer iyo sharci dimoqraadi ah marka ay timaado masaafurinta Muslimiinta Uyghurs,” waxaa sidaa bishii April lagu sheegay warbixin ay sii daysya HRW, oo ku saabsaneyd xadgudubyada ka dhanka ah muslimiintan.

Muslimiinta Uyghurs oo ah qowmiyad ku hadasha luuqadda Turkish-ka oo ku nool gobolka Xinjiang ayaa wajahaya cadaadis iyo xagudubyo diimeed iyo mid qowmiyadeed oo ay kala kulmayaan mas’uuliyiinta Shiinaha.

Warbixin ay sanadkii tegtay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay xirooyin xabsi ah ku hayso hal milyan oo ka mid ah Muslimiintan.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato Al-Shabaab ka caawinayey qaraxyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday ganacsato lagu eedeeyay inay gudaha dalka soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Raggaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 7 ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa, Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed iyo  hal eedeysane oo baxsad ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in Raggaan lagu helay dambi ah inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxakamadda waxaa ay ku eedeysay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-dii ilaa 2020 ay Al-Shabaab dekadda Muqdisho uga soo dejiyeen maadooyin laga sameeyo qaraxyada iyo Agab kale.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in Maxamed Cusmaan Maxamed oo raggan Madax u ahaa lagu xukumay Xabsi daa’in halka Cabdisalaan Cali Faarax, Qadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed , Cabdisalaan Cusmaan Maxamed lagu xukumay min 8 sano oo Xabsi ah.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ay siideysay Cabdisalaan Cusmaan Maxamed, kadib markii la sheegay in Maxkamadda baaritaan dheer kadib ay wax dambi ah ku weysay.

Dowladda Itoobiya oo shaacisay magacyada Dekadaha ay isticmaaleyso

0

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.

“Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso” ayey tiri.

Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow.

Itoobiyana waxay dhawaan heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynayo dakadda Berbera.

“Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri.

Tallaabbooyinkaasi haddii ay dowladda Itoobiya qaaddo waxay fursad u siineysaa iney muddo kooban ay ku tallaabsato horumar dhaqaale oo dalka waxbadan ku soo kordhiyo maadaamaa ay dakaduhu halbowlo u yihiin kobac dhaqaale ee dalka.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.

James Swan iyo Rooble oo ka wada hadlay dib u dhaca fulinta qodobadii lagu heshiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Kulanka oo uu qaban qaabadiisa lahaa wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa waxaa looga hadlay howlaha doorashada oo ay ka shaqeeneyso Xukuumadda Soomaaliya oo uu hormuudka u yahay Ra’isulwasaare Rooble.

James Swan ayaa Ra’isulwasaare Rooble waydiiyey sababta keentay dib u dhaca heysta fulinta qodobadii ku qornaa heshiikii ay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ku saxiixdeyn Muqdisho  27 May ee sanadkan.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa si weyn isku difaacay, wuxuuna wakiilada Qaramada Midoobay u sheegay inay ka go’an tahay in waqtiga doorashada aan dib looga dhicin, balse wuxuu ka cudur daartay inay jiraan duruufo adag oo u baahan in Beesha Caalamka ay gacan ku siiso.

Sidoo kale kulanka ayaa waxa si weyn looga hadlay Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xiriira amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood oo Ra’isul Wasaaruhu hogaaminayo kuwaas ka imaanayo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dhanka kale, kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday sidii Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay isaga kaashan lahaayeen taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka degaanada Hirshabelle, waxaana lasoo jeediyey in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo loo gaarsiiyo deegaanada ay fatahaadaha saameeyeen iyo dadka barakacay.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Kulankaan ayaa imaanayo xilli uu dib u dhac yimid fulinta qodobkii ugu horeeyey ee heshiiskii 27 May oo ahaa dib u eegista xubnahii tabashada laga keenay ee guddiyadda doorashada iyo magacaabista kuwa cusub, inkastoo ay hadda mareyso meel gebagabo ah.

Maamul Gobolka Banaadir oo soo saaray amaro culus oo ku socdo Shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey sidii amniga loo sugi lahaa maalmaha xuriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeyn  Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenada Maamulka Gobolka ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo bilicda magaalada inta lagu guda jiro maalmaha xuriyadda.

Waxaa kulanka laga soo saaray amaro culus oo ku socdo Shacabka Muqdisho iyo guddoomiye ku xigeenka si ay shacabkooda u gaarsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo weyneeyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir  Saalax Cumar Xasan oo Akhriyay Awaamiirta soo baxday kulanka ayaa sheegay inay kamid tahay:

1)  in guryaha saaran laamiyada la rinjiyeeyo.

2) In guryaha laamiyada saaran lagu xiro nalal

3 In Calamada Astaanta Qaranka la suro guryaha iyo ganacsiga

4) Jn qof kasta ay nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud.

Amarada kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kuso aadayo xilli ay socoto isku diyaarinta maalmaha xuriyadda oo ay ka dhiman tahay maalmo yar.

DF oo soo saartay dalab ku saabsan xiriirka KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo hadda kasoo hagaagayo sidii hore, waxaana ay dalbatay in la sameeyo guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya soo celinta xiriirkooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka go’an tahay in markale dib loo soo nooleeyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal oo dano wadaag & daris wadaag ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay dib usoo celinta iyo dardar-gelinta xiriirka diblumaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka dadka ee Soomalaiya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in Soomaaliya iyo Kenya uu weligood ka dhexeeyey iskaashi dhinaca amniga iyo ganacsiga intaba.

“Labada qaran ee walaalaha ah waxay weligood iska kaashanayeen amniga, ganacsiga iyo xiriirka dhaqan ee wadajirka ah ee salka ku haya danaha guud,” ayaa markale lagu yiri.

Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey go’aankii ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi, kadib xayiraad muddo ah oo saarneyd.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xumaaday, kadib soo bixidii dacwadda badda ee taalla maxkamad ICJ, iyada oo xiisadu ay kasii dartay markii Soomaaliya joojisay Qaadka.

Si kastaba, waxaa haatan labada xukuumadood ee Muqdisho iyo Nairobi muujinayaan isku soo dhowaasho labada dhinac ah, si meesha looga saaro khilaafka soo kala dhex-galay.

Waddani iyo UCID oo kala qeybsaday xilalka maayarada – Yaa qaatay duqa Hargeysa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee ka jira deegaanada maamulka Somaliland, gaar ahaan Waddani iyo UCID ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray cidda qaadaneya duqa magaalada Hargeysa oo tartan adag loogu jiray maalmihii lasoo dhaafay.

Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaciyey inay doorashada ka hor mucaaradka heshiis ka gaareen awood qeybsiga siyaasadeed ee Somaliland, isla-markaana lagu heshiiyey in maayarka Hargeysa la siiyo UCID, halka guddoomiyaha golaha wakiilada Somlailand loo daayey xisbiga Waddani.

“Korsigan horta Maayarka sida madaxweynayaasha looma doorto ee xisbi ayuu ka soo baxaa marka axsaabta ayaa soo saara qofka noqonaya maayarka iyo maayar ku xigeenka,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe oo ay hareero taagan yihiin musharraxiinta kala ah, Cabdikariin Axmed Mooge iyo Saciid Cabdisamad (Saciid Colay) oo kala metalaya xisbiyada mucaaradka ayaa sheegay inuu tanaasulay Siciid oo u sharraxnaa UCID, isaga oo sheegay inay u daayeen maayarka Hargeysa Mooge oo ahaa musharraxii ugu codka badnaa.

“Korsigan horta kursi UCID ayuu ahaa aan idin warramee annaga iyo Waddani horey ayaan u heshiinay inay qaataan guddoomiyaha golaha wakiilada, annaguna maayarka Hargeysa,”.

Waa kale oo uu intaasi kusii daray “Cabdikariin Axmed Mooge Aabihiis ayaan saaxibo aheyn ilaahey ha u naxariistee waa inankeygii ayuu taagan yahay saaxibno waa aheyn marka uu ku jiray ololaha doorashada oo hore ayaan u taageeray,”.

Siciid Colay ayaa noqonayaa musharraxii saddexaad ee u tanaasula Cabdikariin Axmed Mooge oo u taagan qabashada xilka Duqa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Si kastaba Somaliland ayaa waxaa dhowaan ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay tan golayaasha deegaanka iyo mida golaha wakiilada ee maamulkaasi.

SOOMAALIYA oo safaarad cusub ka furatay waddan gacan-saar la leh Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa safaarad cusub waxay ka furatay dalka Azerbaijan oo ka mid ah wadamada gacan-saarka la leh Turkiga, iyada oo warqada aqoosiga laga guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Azerbaijan.

Si loo xoojiyo xiriirka labada dal, waxaa safiirka Soomaaliya u fadhin doono Azerbaijan, Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed ka guddoomay warqadaha danjirenimo wasiirka arrimaha Dibadda dalkaasi Jeyhun Bayramov.

Jaamaca ayaa si gaar ah uga shaqeyn doono adkeynta xiriirka labada dowladood iyo inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaadayin isaga iyo danjire Jaamac ay ka wda-hadleen sidii loo ballaarin lahaa xiriirka labada dal, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Azerbaijan waxa ay xoogga saareysa xoojinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiibtinamada ku dhisan, booska ay joogto way nagu taageertaa dabcan sidaas oo kale ayaan u nahay, waxa aan rajeynayaa in Danjiraha cusub uu sii wadi doono howlaha horyaalla” ayuu yiri Wasiirku

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xooga saartay xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda, iyada oo xiriir toos la yeelatay wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

John Gachie: Soomaaliya ayaa ku adkaatay loolankii Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa Khamiistii qaaday tallaabo lama filaan ah oo ay dib ugu furtay duulimaadyadii Soomaaliya, bil un kadib markii ay sheegtay inay hakisay illaa muddo saddex bilood ah.

Kenya ayaa go’aanka ay qaadatay ku macneysay “niyad wanaag muujin” ayada oo rajeyneysa inuu hoggaamin karo in xiriirka labada dal uu si buuxda caadi ugu soo noqdo.

John Gachie, oo taxliiliya siyaasadda Geeska Afrika, ayaa wargeyska The Standard u sheegay in Kenya laga adkaaday oo ay dhexda ka taagan yahay xaalad adag, islamarkaana aysan hadda kadib iska indho tiri karin Soomaaliya, taasi oo ku qasabtay go’aanka ay qaadatay.

“Kenya ma lahan ikhtiyaar, way ku qasban tahay inay Muqdisho ula hadasho qaab wax ku ool ah, ayada oo arrimo badan la eegayo, sida ammaanka iyo ganacsiga,” ayuu yiri Gachie.

Gachie ayaa intaas ku daray, in marka la eego go’aanka ay Kenya ku dabcisay mowqifkeeda diblomaasiyadeed ee ku wajahnaa Mogadishu, ay arrintan danta ugu wanaagsna ugu jirto Nairobi, sababtoo ah buu yiri “ayada ayaa ah tan khasaaraha ugu badan uu kasoo gaarayo” haddii uu sii xumaado xiriirka Soomaaliya. 

“Kenya waxay Soomaaliya ka leedahay ahmiyado amni oo ka badan kuwa ganacsiga. Mamnuucista khaatka loo dhoofiyo Soomaaliya, waa kaar ay Muqdisho u adeegsaneyso inay ku cabsi geliso Nairobi,” ayuu yiri.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheeegay in go’aanka ay Kenya kusoo celisay duulimaadyada Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen wada-hadallo hoose oo u socda labada dal.

“Arrimo badan ayaa si qarsoodi ah u dhaca, waxayna arrimahan horseedaan horumaro kala duwan oo dhaca. Xaaladdan ayay u eg tahay in Kenya ay ku qasabtay go’aanka ay qaadatay. Labada dhinac waa in mid uu qaadaa tallaabada koowaad,” ayuu yiri ilo-wareed la hadlay wargeyska The Standard. 

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay ogeysiin diblomaasiyadeed oo ay ku qireyso tallaabada niyad wanaag ah ee ay qaaday Kenya, si ay dib ugu furto duulimaadyada.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday sare u qaadidda xiriirka ganacsi iyo dhaq-dhaqaaqa shacabka labada dal,” ayaa lagu yiri warqadda Soomaaliya.

Qoraalkan oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in tallaabada ay qaaday Nairobi ay bilow u tahay wada-xaajoodyo si buuxda dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. 

Mareykanka oo Imaaraadka Carabta uga baxay heshiiskii Israel, una sheegay inay laba mid kala doortaan -Warbixin

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka ayaa Imaaraadka Carabta u qabtay in laba mid doortaan, xilli uu kordhayo khilaaf soo kala dhex-galay labada dowladood.

Washington ayaa Abu Dhabi u sheegtay inay qalabka shirkadda Shiineeska ay Huawei ka saarto shabakadaheeda afarta sano ee soo socoto gudahood, haddii kale la baabi’in doono heshiiska ay kula jirta Washington ee ay ku iibsaneyso diyaaradaha dagaalka F-35 iyo kuwa drones-ka.

Helitaanka diyaaradahaas ayaa aheyd sababta ugu weyn ee Imaaraadka ay u caadiyeeyeen xiriirka Israel, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in Mareykanka uu la yimid shuruud cusub oo adag. 

Mareykanka ayaa dalbaday in dhammaan qalabka ay sameysay shirkadda Huawei laga furo shabakadaha sigaarsiinta iyo internet-ka Imaaraadka Carabta kahor 2026 ama 2027, oo ah xilliga la qorsheeyey in diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka sameeyo loo daabulo Imaaraadka Carabta.

Washington ayaa sheegtay in shirkadda Huawei, oo ah tan ugu weyn Shiinaha ee bixisa agabyada loo adeegsado habka isgaarsiinta ee 5G, loo isticmaalo inay u jaajuusto xisbiga shuuciga ah ee China. China waa ay beenisay eedeymahaas. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaan diidin dalabka ka yimid Washington, hase yeeshee waxay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeraad ah oo ay ku helaan beddel macquul u ah Huawei, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg. 

Tani waa hanjabaaddii labaad oo Imaaraadka Carabta uga timaada Washington. Bishii tagtay, warar soo baxay ayaa sheegayey in heshiiska diyaaradaha F-35 oo ku kacaya balaayiin dollar uu halis ugu jiro wada-shaqeyn amni oo dhex-mareysa Beijing iyo Abu Dhabi. Lama magacaabin Huawei xilligaas. 

Muranka la xiriira Huawei ayaa soo billowday xillihii madaxweyne Trump. Hase yeeshee Trump ayaa inkasta oo uu dalbanayey in Abu Dhabi ay xiriirka u jarto Huawei, wuxuu haddana Imaaraadka u ogolaaday inay iibsato diyaaradaha F-35, sababo la xiriira heshiiska ay la galeen Israel.

Si kastaba, madaxweyne Biden ayaa markii uu talada qabtay ku dhowaaqay inuu dib u eegayo iibka diyaaradaha, ayna suurta-gal tahay in Imaaraadka aysan helin, sababo la xiriira xiriirka kala dhaxeeya Huawei.

Imaaraadka ayaa hadda waxaa haysta laba daran mid dooro, sababtoo ah China waa dalka uu kala dhaxeeya xiriirka ganacsi ee ugu ballaaran oo sanadkii lasoo dhaafay lagu qiimeeyey $53 bilyan, mana sahlan inay xumeyso, halka ay sidoo kalena aad ugu baahan tahay diyaaradaha F-35. 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay haddii uu is-sharxayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa meesha ka saaray inuu damac uga jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shaaciyey inuusan is-sharxi doonin doorashada la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo. 

Rooble oo ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Dayniile ayaa adkeeyey ballan-qaadka xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, wuxuuna ballan-qaaday inuu u sinnaado dhammaan musharaxiinta.

“Aniga dhankeyga ka Ra’iisal wasaare ahaan waxaan ka shaqeyn doona doorasho cadaalad ah, waxaan tusaale usoo qaadanayaa hadii aay tartamaan Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo musharax ah iyo madaxweyne Farmaajo iney ii siman yihiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

“Dan gaar ah oo aan ka leeyahay doorashadan ma jirto cid gaar ah oo aan leeyahay adigaan kuu xalinayaan ma jirto waa ii sinaanayaan dhamaan musharaxiinta waliba si cadaalad ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray Rooble, oo meesha ka saaray ruurta-galnimada ah inuu is-sharxo. 

Xubnahii kala duwana ee xaflad ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay iney bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee uu qabtay Raysal wasaare Rooble sida inuu ka shaqeeyay xasiloonida Caasimada iyo inuu dalka u dhaqaaqo doorasho xor iyo xalaal ah.

Rooble ayaa dhowaan la wareegay hoggaaminta doorashada dalka, wuxuuna kadib qaaday tallaabooyin dhowr ah oo muujinaya inuu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada, inkasta oo weli ay jiraan walaacyo laga qabo in Villa Somalia ay faro-gelin ku hayso.

GALMUDUG oo war kasoo saartay weerarkii xalay ka dhacay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa war kasoo saaray weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay bartamaha magaaladaasi oo Caasimada u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Qoraalkan oo uu saaray afhayeenka maamulka magaaladaasi, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa waxaa ugu horreyn tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ahna loogu rajeeyey inuu Eebbe siiyo caafimaad deg-deg ah.

Bashiir Sanka ayaa sidoo kale shaaciyey in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay ku raadjoogaan kooxdii ka dambeysay falkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falkan uu ahaa mid wuxuushnimo ah, isla-markaana ay cadaaladda horkeeni doonaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan katacsiyaynaa aniga oo kuhadlaya afka maamulka Caasimada Galmudug iyo kayga falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay ganacsato howlahooda shaqo ee gaarka haystay,kuwana lagu dhaawacay.

Waxaan alle uga baryaa marka hore inuu naxariistiisa janno mida ugu sarraysa siiyo inta inaga baxday,qabrigana waasac uga dhigo,kitaabkooda gacanta midig kasiiyo,janatul firdowsa kawaraabiyo,inta dhaawacaana ubooga dhayo.

Dhamaan caruurta,xaasaska,waalidka,ehelka iyo asxaabta ay kabaxeena in Alle Samir jamila ugu badalo.

Waxaan intaa kadib bulshada deegaanka usheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.

Waxaan ugu dambayn bulshada Caasimada Galmudug dagan iyo deegaanada hoosyimaada kacodsnaa inay lashaqeeyaan ciidamada amniga si looga baaqsado in waxii xalay dhacay aysan mardambe dib udhicin.

Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey inuu isbeddelay fikirkii uu ka haystay Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo shalay hadal ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo degmada Deyniile loogu sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku amaanay sida uu u maareeyey isqab-qabsigii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isagoo bulshadii isugu timid munaasabadaas ka codsaday in si dhab ah loola shaqeeyo Rooble.

“Berigii hore anigu waxaan dhihi jiray ninkaan mas’uuliyadiisa marti ayuu ka yahay, waxaa la dhihi jiray waa wax ma tare oo xilka ayaa ku filnaaday, laakiin hadda xantaas meesha waa ka baxday, waxaa cadaatay inaa tahay nin nabadoon ah oo soo daahay,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mas’uuliyad adag ay hor taallo Rooble, isla markaana dhamaan Soomaalida uu waajib ka saran yahay inay gacan siiyaan Ra’iisul wasaaraha, “Waxaad sidaa Dambiil ay ku jirto danta dadkeena iyo dalkeena waana inaan kula wada qaadno,” ayuu yiri.

Sanbaloolshe oo dadka reer Muqdisho la dardaarmaayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan u sheego magaaladaan Muqdisho dadka degan, afar shay qoladii isku darsataa ma guuleysato. Calaacal joogto ah, eed sheegasho joogto ah, dagaal joogto ah iyo rajo beel joogto ah, intaas hadii ay isku darsadaan dadkaas ma guuleystaan, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay calaacalka hala joojiyo, waxaan rajeynayaa reer Muqdisho inay noqdaan dadka guuleystay oo lagu daysado, dalkaan waxuu ku jiraa xaalad adag, waxaana la rabaa in si degan oo xigmadi ku jirto looga gudbo xaaladaan, dadka reer Muqdishana waxaan rajeynayaa inay hormuud u noqdaan.”

Mar uu si gaar ah ula hadlaayey Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in wixii xumaan ahaa ay dambiil isaga tuureen isaga iyo siyaasiyiinta kaleba, “Mar-marka qaar waxaan is leenahay amaa ra’iisul wasaaraha lugta looga dhegan yahay, laakiin hadda kadib cidii kugu dhegta angoo og ayaan tan dhinaceena ah ka gudbeynaa, ra’iisul wasaare dadka inta maqan isku doon, anagana waan kaala shaqeyneynaa,” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay booqasho ku tegay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir oo ah degmo gees uga baxsan magaalada, sidoo kale ka baaxad weyn inta badan degmooyinka caasimadda Muqdisho.

Siyaasiyiinta iyo bulshada reer Deyniile ayaa ra’iisul wasaaraha iyo wasiirro ka tirsan xukuumadiisa u sameeyey munaasabad ay ku soo dhaweynayeen hanaanka ay u socoto howsha qabsoomidda doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey bulshada degmada Deyniile tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga caasimadda iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka iyo bilicda gobolka Banaadir, isagoo adkeeyey ballan-qaadkii xukuumadiisa ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka  doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.

Dhankooda, waxgaradka, aqoonyahanka iyo bulshada degmada Deyniile ee kulanka soo agaasimay ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaraaha iyo xukuumadda uu hoggaaminayo dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo sida ay uga go’an tahay Ra’iisul Wasaaruha in uu xiriir dhow la yeesho qeybaha bulshada.

 Hoos ka Daawo Sanbaloolshe

Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyey qaraxyo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan inta u dhexeysa Awdheegle & Bariire ee gobolkaasi.

Howl-galladan oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, iyaga oo fashiliyey weerar ay qorsheynayeen Xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale howl-gallada oo ka dhacay tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ayaa waxaa lagu fashiliyey qaraxyo miino, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka.

“Howlgal amni xaqiijin ah ayey sameeyeen ciidamada gaarka u tababaran Xoogga Dalka ee Gorgor waxa ay soosaaeen 4-Miino oo loogu aasay inta u dhaxeysa Awdheegle iyo Bariire, si gaar ahaan Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay,”  ayaa lagu yiri war kasoo baxay milatariga.

Saraakiisha horkaceysa howl-galladaasi ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay ku xoogan tahay Shabaab.

War cusub oo kasoo kordhay xiisadda ka dhex-oogan, Masar, Sudan iyo Ethiopia

0

Qahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa markale digniin adag u diray Ethiopia oo ay kala dhaxeyso xiisada webiga Nile-ka oo ay xukuumadda Abiy Ahmed ka sameysatay biyo xireen.

Labada dowladooda ayaa markale ku celiyay in Ethiopia ay ku xad-gudbeyso xuquuqda biyaha ay ku leeyihiin Wabiga Nile, taas oo ay ku sheegeen in ay halis ku tahay dadkooda.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo wada saareen dalalka Masar iyo Sudan ayaa waxaa lagu sheegay in Ethiopia aysan tix-gelineyn caqabada uga imaaneysa danaha labada dal ee ku aadan biyo xireenkeeda.

Waxa kale oo ay qoraalka ku xuseen in Ethiopia ay iska indho tireyso halista ka imaan karta muranka kala dhaxeeya ee Wabiga Nile ee ku saabsan mashruuca biyo xireenka Ethiopia.

War-saxaafadeedka labada dal ayaa sidoo kale looga hadlay waxyeelada ba’an ee ka dhalan karta buuxinta ay Ethiopia ka wado biyo xireenkeeda, iyada oo aan la gaarin heshiis saddex geesood ah oo ay Ethiopia la gasho dalalka Masar iyo Sudan.

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu xusay in baah loo qabo guddi beesha caalamk ah oo qiimeyn ku sameeya qasaaraha buuxinta labaad ee biyo xireenka Ethiopia.

Si kastaba, digniintan ayaa imaneysa kadib kulamo maalmihii u dambeeyay u socday Guddiga isku dhafka ah ee dalalka Masar iyo Sudan, kuwaasi oo lagu wado inay dhawaan qeyb ka noqdaan Saraakiil Mareykan iyo Reer Yurub isugu jira, si xal hordhac ah looga gaaro xiisada iyo khilaafka muddada badan taagna ee Wabiga Nile.

Digashadii Wasiir Dubbe iyo afar in la is-weydiiyo mudan

Muqdisho waxa ay wehel u noqotay maalmo waalidiin hooyooyin u badan qabowga iyo kuleylkuba ugu darsamay hurdo la’aan iyo harsasho la’aan ku riday maqnaashaha caruurtooda oo nolol iyo heeri midna aysan ku heyn.

Waa dareen xanuunkiisa leh ubad aad dhashay oo kaa maqan, balse waxa ka sii xanuun badan dowladdii mas’uuliyadda dhalinyaradaas qaaday oo Wasiir Dubbe u soo adeegsatay waalidka si uu laabkiciyo, uguna digto, udiir nixid warkii iskaba daa.

Maxaa u diidaya Madaxdii Qaranka u dhaaratay oo ugu horreeyo Madaxweyne Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo in ay u laab qaboojiyaan waalidiinta xanuunka uu heysto.

Waa su’aalo xanuun badan oo dareenka qalbi wehel u noqday murugada uu is weydiinayo:

1. Yaa dalka iyo dadka ka mas’uul ah mar haddey madaxdu qaranku ka aamusantahay waalidiinta cabaneysa?

2. Yey tahay cidda wax laga weydiinayo dhallinyarada tababarka loo qaaday?

3. Waalidiinta Soomaaliyeed ma aamini doonaan tababar dambo oo caruurtooda dibadda loogu qaadayo?

4. Madaxweyne Farmaajo maxaa diidaya in uu horyimaado shacabka kadibna u caddeeyo waalidiinta cabaneysa xaaladda caruurtooda?

Waa dhibaato culeyskeeda leh oo xanuunkeeda si dhab ah u dareemi karto hooyo wiilkeedii ka maqanyahay.

Qalinku waa dareenside xanuunka la qeybsanaya waalidka ilinta ka qubaneysa, qadarina ka waayay madaxdii shalay ay caleemo qoyan u qaadayeen.

Allow u laab qabooji waalidkaan dareenkoodu aan laga damqaneynin.

W/D: Xasan Wali Guure

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid