24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Dibadbax ka dhan ah Kenya oo ka dhacay Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo duqeymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay gobolkaasi ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya.

Dibad-baxani oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey  arayo ka dhan ah dowladda Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe, sida Kenya ha dhacdo, daba-dhilifka ha dhaco iyo erayo kale.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee ay magacowday dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay xasuuq ka wado gobolka Gedo, isla-markaana loo baahan-yahay in laga hortego dhibaatooyinka ay waddo.

Sidoo kale wuxuu dhaliil xoogan u jeediyey madaxda Jubbaland oo uu ku eedeeyey inay Kenya ku garab siinayaan dhibaatada ay ka wado gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

Axmed Buulle Gareed oo hadalkiisa sii wata ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan gar-darrada ay Kenya ku heyso shacabka gobolka Gedo.

Kenya ayaa dhowan duqeyn lagu laayey dad rayid ah oo caruur ay ka mid yihiin ka fulisay deegaanka Ceel-Cadde ee koonfurta Soomaaliya.

Si kasta dowladda federaalka ah oo uu khilaaf diblumaasiyadeed kala dhexeeyo Kenya ayaa si adag uga hadashay tacadiyada ciidamada dalkaasi ay ka geysanayaan Jubbaland.

Qorshaha Galmudug kadib kiiskii Balanbal iyo ceyrintii Wasiir Cabdi Waayeel

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga isku-duwidda wasaaradaha ee siyaasadda maamul baahinta iyo aasaasida xafiiska xariirka maamulka.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo agaasimay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo kan wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug. Waxaana kasoo qeyb galay wasiirrada ilaa sagaalka wasaaradood iyo inta badan agaasimayaasha wasaaradaha Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay qorsheynayaan daadejinta shaqada wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaa muhiim ah in la aasaaso xafiiska xariirka wasaaradaha, kaas oo kor joogteyn doona howlaha wasaaradaha Galmudug, sida uu sheegay Cali Ciid.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in maamulku uu bilaabayo barnaamij dib u heshiisiin ah, isla markaana ay dhawaan isu-keeni doonaan dhammaan beelaha walaalaha ah ee dirirta ku kala maqan.

“Waxaa koow muhiim noo ah in la daadajiyo maamulka, waxaan dhiseynaa dhammaan dowladaha hoose ee degmooyinka, inta uusan sanadkaan dhamaan waxaan dhiseynaa golayaasha deegaanka degmooyinka Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Balambal, Cadaado iyo Hobyo, waxaana soo magacaabi doonaa wasiir cusub oo ay yeelato wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo shaqadiisa ugu badan ay noqon doonto dhismaha golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Ciid.

Hoos ka Daawo Warbixin

Ethiopia oo shaaca ka qaaday hay’ado ‘rabay’ in si hoose ay hub u geliyaan Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Demeke Mekonnen ayaa eedeyn culus u jeedisay hay’addaha gargaarka bini’aadanimo, gaar ahaan kuwa ka howl-gala gobolka Tigray, xili ay taagan tahay saameyntii ka dhalatay dagaalkii gobolkaas.

Demeke Mekonne ayaa sheegay in hay’addahaas ay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku geliyaan gobolka Tigray, ayaga oo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ethiopia waxay heysaa caddeymo muujinaya inay isku dayayeen in hub si sharci darro ah ay ku siiyaan kooxaha argagixisada ah iyagoo ku mar-marsiiyoonayo gargaar bini’aadanimo, arrintaasina lama aqbali doono,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Ethiopia ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigray, isagoona ugu baaqay shakhsiyaadka iyo saaxiibada beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Ethiopia.

“Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bilaabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, madaxbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku marmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo”

Ugu dambeyntiina waxa uu wasiirku sheegay in Ethiopia ay ka go’antahay inay la shaqeyso beesha caalamka si wax looga qabto dhibaatada bini’aadanimo ee ka taagan Tigray, balse aysan qaadan karin faro gelin.

Midowga Musharaxiinta oo Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyey dalab xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray dalab deg-deg ah oo la xiriira guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray baarista Askartii ay dowladda u qaaday dalka Eritrea, oo ay ku dalbanayeen in uu dib usoo magacaabo ra’iisal wasaaraha guddigaas.

Bayaan ay soo saareen Golaha ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday ra’iisal wasaare Rooble, oo uu guddi heer qaran ah ugu magacaabay sidii ay baaritaan ugu sameyn lahaayeen cabashada Waalidiinta dhalintooda tobabarka loogu qaaday Eritrea ee ku aadan xaalada ubadkooda.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka uu qaatay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ah in uu magacaabo guddi heer qaran ah oo baaritaan ku sameeya dacwooyinka ay soo jeediyeen waalidiinta ee la xiriira xaalada ubadkooda oo tobabar ciidan ugu maqan dalka Eritrea iyo eedeymo ay baahisay Hay’adda xuquuql insaanka QM oo ah in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen dagaalada sokeeye ee dalka Ethiopia,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Golaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble uusan ka turjumeyn guddi xaqiiqo raadin sax ah, maadama ay qeyb ka yihiin guddigaas wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ku eedeysan arrintaas.

Golaha ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in si umadda Soomaaliyeed ay ugu kalsoonadaan guddigaan uu sida ugu dhaqsaha badan dib usoo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah, asaga oo ka saaraya mas’uuliyiinta dowladda ee qeybta ka ah.

“Dowladda Soomaaliya waa inay ka waantoowdaa jahwareerka iyo marin-habaabinta ay ku hayso umadda oo ah inay mar walba gacan-bidixeeyaan oo aaney si xalaal ah u gudaneyn howlaha qaran sida dacwadda waalidiinta iyo doorashooyinka dalka,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

“Golaha wuxuu mar labaad ku boorinayaa Mudane Rooble in uu si deg-deg ah usoo magacaabo guddi hor leh oo raali laga wada-noqon karo oo hanan kara kalsoonida waalidiinta dacwada qaba iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.”

Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta keentay duqeynta Kenya ay ka waddo Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta keentay in duqeymaha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka fuliyaan gobolka Gedo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duqeymaha Kenya uga hadlay dood ay si Online ah u qabatay warbaahinta Garowe Online oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad kun qof oo isugu jiray madax hore, kuwa hadda xil haya, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno.

Isaga oo ka jawaabaya su’aallo kaga timid mid kamid ah ka qeyb-galayaasha kuna saabsaneyd duqeymihii u dambeeyay ee rayidku ku dhinteen laguna eedeeyay ciidamada Kenya, ayuu Xasan ka hadalka arrintaan oo kaliya uusan xal waara ku imaan karin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaari karo duqeymaha ay Kenya fulineyso, balse wuxuu tilmaamay inay jirto siyaasad xumo, loona baahan yahay in xalka laga raadiyo hagaajinta siyaasadda.

“Horay waan uga hadalnay, haddana waan ka hadleynaa. Laakiin, cambaareyn kaliya xal kuma imaanayo duqeymaha Gedo waxaa keenay waa siyaasad xumo. Siyaasadda oo la hagaajiya ayuuna xalka ku jiraa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Kenya ayaa 3-dii bishaan duqeyn ka dhacday gobolka Gedo waxay ku dileen dad Shacab ah oo isku qoys ahaa, kuwaas oo ahaa curruur iyo hooyadood, waxaana falkaas aad u cambaareysay dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ciidamada Kenya aysan duqeymo ka geysan karin gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa duqeyntaas kadib sheegtay in Midowga Afrika ay u gudbineyso dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, balse waxaa hadda muuqata in laba dowladood ay isku soo dhawaanayaan.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay dib u bilaabaan xiriirkooda diblomaasiyadeed oo go’naa bilihii u dambeeyey, waxaana la filayaa in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ee Muqdisho iyo Nairobi.

Booliska oo shaaciyey xogta gabdho si qarsoodi ah loo dhoofin rabay iyo mid la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana warbaahinta la hadlay Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka ayaa ka hadlay laba kiis oo kala ah dad lagu soo qabtay iyagoo dhalinyaro u qalqaalinaaya safarro dibadda ah iyo gabar dhawaan meydkeeda laga helay duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in 8-dii bishaan June ay hoggaanka baarista dembiyada ee booliska Soomaaliya ay soo qabteen 27 qof oo lagu eedeeyey inay si qarsoodi ah dalka uga dhoofinayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo aan ilaa hadda la xaqiijin halka loo waday iyo qorshaha ka dambeeyey, sida uu sheegay Afhayeenku.

23 ka mid ah dadkaas waa dumar, waxuuna sheegay Afhayeenku in dhammaan dhalinyaradaas la dhoofinayey aysan garaneyn halka loo waday markii ay su’aalo ka weydiiyeen, waxuuna ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay ka war hayaan carruurtooda.

Dhanka kale Afhayeenka booliska Sadiiq Aadan ayaa sheegay in xalay xaafadda Galmudug ee degmada Dharkenley lagu arkay meydka garab lagu magacaabi jiray Caasho Maxamed Cabdicasiis oo aheyd Hooyo 20-sano jir aheyd.

Waxa uu sheegay in illaa hadda aan lagu guuleysan in la qabto cid ku eedeysan kiiska gabadhaas la dilay, isla markaana ay wadaan baaritaano xoog leh, si cadaaladda loo hor keeno dadkii geystay dilka gabadhaas.

Hoos ka Daawo

Wararkii ugu dambeeyey ee magacaabista guddiyada doorashada GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug oo noqonaya maamulkii u dambeeyay ee soo gudbiya bedelka xubnihii guddiga doorashada ee cabashada laga muujiyey, ayada oo hore usoo gudbiyeen afarta dowlad goboleed ee kale.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyada Galmudug, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa kama dambeys illaa caawa xafiiska ra’iisal wasaaraha u gudbin doona xubnaha laga sugayay, kuwaasi oo dhan illaa shan xubnood.

Xubnaha uu Qoor-Qoor u gudbinayo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa noqonaya bedelka xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada labada heer.

Magacaabista uu madaxweynaha dowlad goboleedka sameynayo caawa ayaa meesha ka saareysa daahitanka dheeri ah oo ku yimaada hanaanka doorashada, sida ay Caasimada Online u sheegen saraakiil ka tirsan xafiiska Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa wareegto rasmi ah ku soo magacaabi doona Guddiga doorashada heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si howshooda uga horeysa u bilaabato xareynta iyo seminaarada loo furi doono.

Waxay imaaneysa arrintaan kadib markii ra’iisal wasaare Rooble cadaadis hor leh ku saaray maamulada sidii ay si dhakhso leh ugu soo gudbin lahaayeen xubnaha guddiyada doorashada, si loo dar-dar geliyo howlaha doorashada.

Daawo: Digniin laga bixiyey isku day wasiir Duraan uu GAROON uga dhigayo dhul laga boobayo dad shacab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn isu-soo taraya cabasho xoogan oo laga muujinayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile.

Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay goobta ay dowladda u asteysay garoonka laga hirgelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada Dayniile uu boobay, kaasi oo wasiir Duraan laga dhaadhiciyey inuu sharciyeeyo.

Qaar kamid ah Odayaasha deegaanka Deyniile ee dhulkan leh, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhulka uu Wasiir Duraan ku sheegay in laga hirgelinayo Garoonka ay leeyihiin milkiyadeeda, oo uu yahay dhul shacab.

Waxay sheegen inay xaqdaro tahay in dhulkaas ay dowladda si xoog ah uga sameynayso garoon diyaaradeed, ayada oo sharci rasmi ah u haystaan dadkii iska lahaa mulkiyadeeda.

“Waxaa ku leenahay mudane Wasiir dhulkaas garoon maaha ee waa dhul shacab leeyahay, sharcigana maray, documant-giisana uu saxan yahay oo dowladda u sharciyeysay, oo gobolka iyo madaxtooyada ay ogtahay. Arrintaas ayaa waxay nagu noqotay fajiciso, waxaana bilowday dhaq-dhaqaaq aan hore uga jirin xili ay socotay in dhulkaas dib loogu celiyo dadkoodii,” ayuu yiri Cumar Santooni oo kamid ahaa Odayaashii la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxay ka dalbadeen Wasiir Duraan inuu ka laabto arrintaas oo ay sheegen inuu ku deg-degay, islamarkaana uu raali-gelin ka bixiyo dhulkaas uu ku sheegay in laga hirgelin doono garoon diyaaradeed.

Odayaasha ayaa waxay si adag uga digeen dhibaatada ka dhalan karta haddii dhagaha laga fureysto baaqa ay maanta soo saareen, taasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadi doonto dowladda federaalka, ayaga oo ka dalbaday madaxda sarre inay si deg-deg ah usoo fara-geliyaan arrintaan.

Ugu dambeyntiina waxa ay baaq u direen shirkadaha diyaaradaha oo ay uga digeen inay ka degaan dhulkaas uu sheegay Wasiirka in laga hirgelinayo garoon diyaaradeed.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxii hore ee Sirdoonka Israel oo sameeyay qirasho lama filaana oo la xiriirta Iran

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa sirdoonka Israel ee Mossad ee xilka ka degaya ayaa sameeyey qirashadii ugu dhoweyd oo ah in dalkiisa uu ka dambeeyey weeraro dhowaanahan lagu qaaday Nukliyeerka Iran iyo saynisyahano militari.

Yosi Cohen oo la hadlay barnaamijka daba-galka ee “Uvda” oo ka baxa taleefishinka Channel 12 ee dalkaas ayaa bixiyey qirasho aan caadi aheyn oo aan laga fileyn madaxa hay’ad sirdoon.

Hadalladiisa ayaa sidoo kale diginin cad u diray saynisyahanad Nukliyeerka Iran, oo ah in sidoo kale ay noqon karaan bartilmaameedka khaarijin.

“Haddii syanisyahanada ay doonayaan inay shaqadooda beddelaan, oo aysan na waxyeeleyneyn, haa, waxaan u yabooheynaa hab ay uga baxaan,” ayuu yiri Cohen.

Weeraradii ugu weyna ee Iran lagu qaado, ayaa laba ka mid ah, waxay ka dhaceen xarunta Natanz, halkaasi dhulka hoostiisa lagu kobciyo macdanta uranium-ka, si looga hortago in la weeraro.

Bishii July 2020, waxa uu qarax kala dhantaalay mashiinada loo adeegsado uranium-ka, waxayna weerarkaas Iran ku eedeysay Israel. Sidoo kale bishii April ee sanadkan ayaa waxaa isla xaruntaas ka dhacay qarax kale oo saameeyey hoolalka lagu kobciyo macdanta uranium-ka.

“Mashiinada Centrifuge-ka halkaas ayey ku shaqeyn jireen,” ayuu yiri. “ooh adda ma shaqeeyaan miyaa,” ayey weydiisay weriye Ilhan Dayan, wuxuuna ka jawaabay “dhab ahaantii.

Cohen si toos ah uma qiran weerarka, hase yeeshee wuxuu yaboohay qirashadii ugu dhoweyd ee ah in Israel ay ku lug laheyd weerarada.

Barnaamijka Uvda ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii November loo gaystay saynisyahan qeyb ka ahaa billowga barnaamijka Nukliyeerka Iran oo lagu magacaabay Mohsen Fakhrizadeh, wuxuuna sheegay in Cohen uu saxiixay dilkaas.

Cohen ayaa ugu baaqay saynisyahanada Iran inay faraha kala baxaan barnaamijka Nukliyeerka, waxaana mar la weydiiyey waxa dhacaya haddii aysan sidaas sameyn uu ku jawaabay “way arkeen saaxiibadood,” isaga oo ula jeeda kuwa la dilay.

AP + VOA

Guddiga uu magacaabay ROOBLE oo ballan-qaad muhiim ah ka helay QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii Farsamada arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil sarre oo ka socota Qaramada Midoobay.

Guddiga Farsamada iyo Kooxda ka socotay QM ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan isu-duwida iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaalada Ra’iisal wasaare Rooble ee hirgelinta doorasho daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay xiligan leedahay dar-dar gelinta hanaanka doorashada, maadama uu heshiiskii dhawawan lagu saxiixay magaalada Muqdisho dhigayay in muddo ku siman lixdan maalmood ay ku dhacdo doorashada.

Kooxda ka socotay Qaramada Midoobay ayaa xubnaha Guddiga u ballan-qaaday inay kala shaqeyn doonaan howlahooda ku aadan hirgelinta arrimaha doorashooyinka ee uu u igmaday ra’iisal wasaare Rooble.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ay Guddiga farsamada ka bilaabeen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dar-dar gelinayo howlaha doorasho ee loo xil-saaray.

Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu kal hore sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiiskii 27-kii May, ayaga oo qeyb weyna ka qaadan doona xiriirinta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Xog: Taliyeyaal ciidan iyo saraakiil isbaarooyin dhigtay Muqdisho iyo duleedkeeda 

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in saraakiil sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay lacago ka qaataan Isbaarooyin ay ciidanka dowladda dhigteen waddada xariirsa Muqdisho iyo Afgooye, iyo sidoo kale xaafado ka mid ah Muqdisho. 

Isbaarooyinka yaalla gudaha Muqdisho ayaa ku teedsan wadada aada Ex Contarol Balcad ama xaafado kamid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxaana dadweynaha looga qaadaa lacag u dhaxeysa $2 ilaa $10, iyadoo lacagta ugu badan laga qaado gaadiidka dhagaxa iyo ciidda lagu raro. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in toddobaadkii lacag laga siiyo saraakiil sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya dhammaan Isbaarooyinka yaala Muqdisho iyo duleedkeeda. 

“Laba taliye oo ah kuwa sar sare ayaa todobaadkii midna waxaa la siiyaa $300 halka kan kalane la siiyo $500, waana Isbaarada taalo duleedka Muqdisho oo kaliya, halka kuwa gudaha ay qaataan saraakiil hoose laakiin ku xiran kuwa ka sarreeya,” ayuu yiri mid kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online. 

Afar maalmood ka hor ayaa la qaaday Isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kadib markii warbaahinta Muqdisho ay baahiyeen warar la xariira in halkaas dadka lagu dhibaateeyo. 

Jahwareerka siyaasadeed ee xilliga kala-guurka ayaa saraakiil badan ay kaga faa’iideysanayaan inay lacag ku urursadaan, ayaga oo rumeysan inaan lala xisaabtami karin, islamarkaana haddii ay dowlad cusub timaado xilka laga wadi qaadi doono.

Jabuuti war kasoo saartay go’aanka DF ee xiriirka Kenya

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti, Mudane  Maxamuud Cali Yuusuf oo soo saaray war qoraal ah ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ee ku aadan dib usoo nooleynta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee dib loogu soo celinayo xiriirka ay la laheyd Kenya, isaga oo ku tilmaamay horumar weyn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonoda gobolka oo dhan.

“Jabuuti waxay soo dhaweyneysaa dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Walaalaha ah ee Kenya. Runtii waa horumar weyn oo ka jirta gobolkeenna IGAD nabad iyo xasillooni darteed” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dowladda federaalka ayaa warqad u dirtay Kenya, taas oo ay ku shaacisay inay dooneyso dib usoo nooleynta xiriirka labada dal, si dib loogu furo safaaradaha labada dowladood.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaa muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana Kenya ay joojisay duulimaayada inkastoo ay markale dib u furtay, halka Soomaaliya ay iyana horey u joojisay qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga soo daabuli jiray dalka Kenya.

Arrimahan ayaa kusoo aadeyso, iyada saaka ay si rasmi ah u billowdeen duulimaadyada diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii la qaaday xayiradii saarneyd.

Si kastaba labada dowladood ayaa haatan muujinayo isku dhowaasho dhinaca dibulmaasiysadda ah iyo fur-furnaan, si meesha looga saaro khilaafka labada dal.

Xog: Villa SOMALIA oo mar kale xubno badan ku darsatay guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wali Madaxtooyada Soomaaliya ay saameen weyn ku leedahay saddex kamid ah maamul gobaleedyada dalka, kuwaasoo markii horaba taageersanaa Madaxweyne Farmaajo. 

Villa Somalia ayaa la sheegay in ay gacanteeda ku soo magacaawday inta badan xubnaha beddalka ku yimid ee guddiyada heerarka kala duwan ee maamul gobaleedyada Koonfur Galbeed, iyo HirShabeelle. 

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ilaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya ay farogelin ku heyso maamulka Galmudug oo ah maamulka kaliya ee aan ilaa hadda soo magacaabin guddiyada doorashada kadib heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka dalka. 

Qof xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta aysan Galmudug usoo magacaabin ay tahay culeys weyn oo ka saran dhinaca Villa Somalia, waxaase la filayaa in maalmaha soo aadan ay ku dhawaaqaan guddiyada doorashada ee heerarka kala duwan. 

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dorraad sheegay in taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya uu wali farogelin ku haayo arrimaha guddiyada doorashada Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loogu eedeeyay in dhinaciisa ka yimaadeen inta badan xubnaha maamulka HirShabeelle. 

Mucaaradka Soomaaliya ayaa quus taagan, waxaana dadaalkii ay u galeen in xubnaha ku xiran Villa Somalia hal bacaad lagu lisay ka dhigay u heylanaanta madax goboleedyada qaarkood ee Villa Somalia.

“Haddii guddiyadii hore xubno laga saaray, haddana kuwa lasoo magacaabay haddana ka hor imaadno, oo la beddelo, Villa Somalia mar kale ayay haddana kuwa kale keeni doontaa, marka maxaa xal ah, ileyn arrintan ma dhamaaneyso illaa maamul goboleedyada ay madax-banaani muujiyaan,” ayuu yiri xildhibaan mucaarad ah oo la hadlay Caasimada Online.

Madax goboleedyada taabacsan Villa Somalia ayaa weli ka tanaasulin inay dhageystaan madaxtooyada, taasi oo wiiqday dadaalkii midowga musharaxiinta.

DAAWO: Maxay salka ku heysaa cadaawada ay dadka Muqdisho u qaadeen Dubbe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa wajahaya naceyb ay hadalladiisa u qaadeen dadka reer Muqdisho, kadib markii dhawr mar uu la soo hor istaagay hadallo aysan mahadin, waxaana ugu dambeysay maalin ka hor markii uu qabtay shir jaraa’id oo qeyb ka mid ah uu uga hadlay dhalinyarada warkooda la waayey ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Wasiir Dubbe ayaa markii uu ka hadlayey arrinta dhalinayadaas waxa uu sheegay inay buun-buuninayaan siyaasiyiin dano gaar ah ka leh, balse ma uusan shaacin xog dhab ah oo ay ku qancaan waalidiintii maalinkaas banaanbaxa ka dhigayey afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Mid ka mid ah waalidiinta maalmihii lasoo dhaafay ku hor banaanbaxaayey madaxtooyada dalka ayaa si gaar ah fariin ugu diray wasiir Dubbe, isagoo ka dalbaday hadii arrintaan uu wax ka galo in xeryaha lagu tababaro dhalinyarada la weysan yahay uu geeyo seddax qof kaliya oo metesha dhamaan waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtoodu ka maqan yihiin.

“Wasiirka warfaafinta maalin dhaweeto waa uu hadlay, maalin ka horeysana waa uu hadlay, waxuuna sheegay laba kelmadood oo is weydaarsan, waa nin kursi ilaashanaya oo inuu been sheego u diyaar garoobay, wasiir Dubbow dad nool hadaa heysid seddax qof oo na metesha qaad, meesha hala tago, hadii dad fiican oo tababaranaya halkaas loogu tago, anagaa been sheegeyna, laakiin hadda waxaa noo muuqata inaad adigu been sheegeyso,” ayuu yiri Aabahaas oo ka mid ahaa waalidiin maanta banaanbaxayey.

Isagoo sii hadlayey isla markaana ay caro xoog leh ka muuqatay wajigiisa ayaa waxa uu yiri, “Wasiir Dubbow raggii anaga daabaqa nagu dhuftay ayaad noo duleyneysaa, Uur dalab leh Ilaaheybaa u jeeda, Adin dalab lehna Aadanahaa arka, hadda aadanuhu waa ku arkaan, laakiin waxaan ku dhihi lahaa, weligaa dhibaato ka jirta Muqdisho kama aadan hadlin, maalin kastana dhib ka jira meelo kale ayaad ka hadashaa, marka colka kaala dhaxeeya reer Muqdisho garan meyno.”

Dhanka kale wasiirkii hore ee amniga Qaranka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna aad u dhaliilay hadalkii wasiir Duube ayaa yiri, “Wasiir Dubbe waxan ku leeyahay dumarka iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtoodii waayey gef weyn ayaad u geysatay, waxaad kiiskooda ku tilmantay arrimo siyaasadeysan, dhowr mar oo horana hadallo xanaf ayaad dadka reer Muqdisho la hor timid.”

Xildhibaan oo sii hadlayey ayaa yiri, “Arrinta dhalinyaradaas wax uu ka ogaa malan wasiir Dubbe, marka waxaan ku leeyahay ha noqon qof lagu adeegto oo yaan laguu adeegsan dhabaateynta umadda Soomaaliyeed.”

Wasiir Dubbe ayaa sidaan oo kale loo dhibsaday shir jaraa’id oo bilowgii bishii Abriil uu ka sheegay in lagu kala tegay shir madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socday teendhada Afisyooni, isla markaana ay shirka fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Deni, balse waxaa la xaqiiqsaday in taasi ay been aheyd oo Farmaajo uu damacsanaa mudo kororsi.

Duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya oo dib u billowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo Axad ah 13-bisha June ee sanadka 2021- waxaa si rasmi ah u billowday duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo hakad ku jiray muddo bil ah, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dowladood.

Dib u furista duulimaadyada ayaa yimid, kadib markii ay Kenya 10-kii bishan ku dhowaaqday inay dib u fasaxday diyaaradaha ka tega Soomaaliya iyo kuwa ka yimaada dalkeeda.

Sidoo kale arrintan ayaa ku timid, kadib isku dhowaasho ay labada dhinac ay muujiyeen si loo hagaajiyo xiriirka xumaada labada dal ee dariska ah.

Intii ay xirnaayeen duulimaadyada waxa ay sameeyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa dadka ee labada wadan, waxaana ka dhashay sameeyn  kale oo dhaqaale, sida uu sheegay  Abuukar Xasan Dhaqane dadka khasaaraha kala kulmay duulmiyaadyada horey oo joojiyey.

Dhaqane ayaa sheegay in go’aanka Kenya uu markii hore ahaa mid deg deg ah oo lagu soo aaday, xilli uu jiray cudurka saf-marka ee Covid-19.

“Saameyn dhaqaale ayaa naga soo gaartay joojinta Duullimaadyada Soomaaliya iyo kenya, muddada xayiraadda ma aanay shaqeysan, waxaa nagu dul xayirmay alaab aan u wadnay macaamiisheena, waan soo dhaweynayaa dib u fasaxidda Diyaaradaha” ayuu yiri Abuukar.

Si kastaba labada dowladood ayaa haatan wada dadaallo ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda, maadaama uu go’ay, isla-markaana la kala rartay safaaradaha.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda waxauu xumaaday, tan iyo markii soo shaac baxay kiiska badda ee hor yaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Xog: Sababta ay DF u qortay WARQADDA cusub ee ay u dirtay dowladda KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay waraaq lagu soo bandhigay warbaahinta oo toos ugu socotay dhigeeda Kenya, taasi oo ay uga dalbaneyso xukuumadda Nairobi inay caadi ku soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal, xili ay bil ka hor DF ku dhawaaqday inay dib usoo celisay xiriirkaas.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno sarre oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waraaqdaas ayaa waxaa dalbatay dowladda Kenya oo ayadu ku qanacsaneen qaabkii hore ee dowladda u shaacisay in lasoo celiyay xiriirkii ay hore u jartay.

Kenya ayaa ku qasabtay dowladda federaalka inay qaado tallaabadan, kadib markii ay diiday in dib loo furo safaaradaha labada dal, oo albaabada loo laabay, tan iyo markii ay Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay Kenya.

“Waraaqda ay soo saartay wasaaraddu ee ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal waxay qeyb ka tahay dalab ay hore usoo gudbisay dowladda Kenya oo ay ku xirtay furitaanka safaaradaha labada dal oo aan si rasmi ah u shaqeyn,” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha la hadlay Caasimada Online ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda dalka.

Waraaqda ay dowladda Soomaaliya sida tooska ah ugu dirtay Kenya ayaa waxaa loo yaqaana “Note Verbale”, waana marinka diblomaasiyadda ee la adeegsado marka ay dowladaha wada xiriirayaan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u soo bandhigeysaa bogaadinteeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya, waxaana sharaf u ah in aan mar kale ku celino in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ee ku socday Kenya.

“Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.”

Kenya ayaa kal hore dood ka keentay qaabkii ay dowladda Soomaaliya u soo celisay xiriirka, waana sababta keentay in dowladda Kenya ay ku qanci weydo ogeysintii Warbaahinta kaliya la mariyay ee xiriirka lagu soo celinayay, islamarkaana loo baahan yahay in Soomaaliya ay si toos ah warqad ay kaga codsaneyso u dirto Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaalada ayaa shir jaraa’id oo uu 6-dii bishii May 2021 ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyey in dib loo soo celiyay xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo ay hore u jartay dowladda.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa maalmo un kadib markii ay Kenya si lama filaan ah dib ugu furtay duulimaadyadii Soomaaliya, kuwaasi oo ay hore u joojisay dowladda Kenya illaa muddo saddex bilood ah.

Shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah iyo sarkaakiil oo lagu qabtay Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Sanyare ayaa wariyeyaasha u sheegay in howl-galkan lagu qabtay saraakiil iyo dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga gacanta lagu dhigay ay ahaayeen shabakad isku xiran oo dilal qorsheysan ka geysta koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sidoo kale xusay in raggaasi ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana la horkeeni doono cadaaladda.

Waxaa kale oo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka ee fuliyay howl-galkaasi lagu soo qabtay shabakaddan isku xiran ee uu sheegay inay ka dambeeyeen weeraro iyo dilal qorsheysan oo dhowaan ka dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada laga sugayo amniga ee ka socda magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.

Sacuudiga oo go’aan rasmi kasoo saaray xajka sanadkan

0

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan Xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin Xajka sanadkan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60-kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada Xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqoN doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Go’aankan ayaa noqonaya midkii labaad ee noociisa ah oo ay soo saarto dowladda Sacuudiga, ayada oo sidan oo kale sanadkii hore u ogolaatay Xajka tiro dad ah oo kooban, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Waxay noqoneysa sanadkii labaad oo xiriir ah oo aan dalalka caalamka looga imaan Xajka, halka awal Xajka ay gudan jireen dad gaaraya 2.6 milyan oo qof.

Al-Shabab oo soo bandhigtay sarkaal sare oo ‘isku dhiibay’

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gobolka Bakool waxa ay kusoo bandhigtay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Gallbeed oo ay sheegtay inuu isku dhiibay, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee dhanka Internet-ka.

Al-Shababa oo baahisay Sawirka sarkaalkaasi ayaa sidoo kale magaciisa ku sheegtay Col. Mustaf Xasan Axmed kaasoo gaaray deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa bayaankan ku sheegtay in Col. Mustaf uu ka carooday dhibaatada ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Koonfur Galbeed, sida ay hadalka u dhigtay.

Sarkaalkan ayaa ka goostay ciidanka Daraawiishta ee ku sugan degmada Xudur, wuxuuna kusoo tababarat degmada Bardaale, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab.

Col. Mustaf Xasan Axmed ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya uu ka bar-bar dagaallami doono Al-shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan sarkaalkaasi lagu soo bandhigay gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa si aad ah weli ugu xoogan deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana weerar culus ay ka fulisaa gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya dowladda KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay ciidamo gaar ah oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab usoo direyso Kenya, si ay ciidamada dalkaasi uga taageeraan howl-gallada dhanka milatari.

Joe Biden ayaa go’aankani ku dhawaaqay, kadib markii uu wada-hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Kenya, iyaga oo ka wada-hadlay arrimaha siyaasadda, amniga, xoojinta xiriirka labada dal iyo la dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ciidamada uu Mareykanka usoo dirayo Kenya, goorta ay imaanayaan iyo sidoo kae halka ay saldhiganayaan intaba.

Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa sidoo kale ku warrantay in ciidamadan lagu xoojinayo askar kale oo Mareykan ah oo ku sugan gudaha Kenya, si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada lasoo dirayo oo ah kuwa gaar ah ayaa waxaa la filayaa inay ka hortegaan weerarada ay fuliso kooxda Al-Shabaab oo maalmihii dambe sare u kacay.

Mareykanka iyo Kenya ayaa labaduba waxa ay ka mid yihiin wadamada ka qeyb-qaata dagaallada iyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan Soomaaliya ayaa weeraro khasaare geysta sanadihii dameb ka fulisay gudaha Kenya oo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya.