24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Ciidamada Xoogga dalka oo kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano horleh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka wada gobolkaasi ay la waregeen deegaano horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen deegaanada kala ah Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle iyo Ciise Lugoole oo hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay shaaciyeen saraakiisha.

Sidoo kale ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay howl-galladaasi ku dileen ugu yaraan illaa lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada ay la wareegeen ciidamada ayaa deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka.

Duulimaadyada u dhaxeeya SOMALIA iyo Kenya oo hal arrin ku xiran inay sii socdaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday inay dib u furtay duulimaadyadii tooska ahaa ee labada dal, ayaa waxaa soo baxaya walaac hor leh oo la xiriira halis ay wajahayaan duulimaadyadaas oo ah in markale la hakiyo.

Aqoonyahanada Soomaalida ah qaarkood ayaa u arka in haddii aan xal buuxa laga gaarin arrimaha diblomaasiyadda la xiriira ee labada waddan ay mar kale saameyn ku yeelan karto shacabka labada dal, oo xilli kasta la hakin karo duulimaadyada.

Kaafiye Naaleeye oo kamid ah Aqoonyahankaas ayaa walaac ka muujisay arrintaas ayada oo wareysi ay siisay idaacada VOA-da  ku sheegtay in xiriirka labada dal oo xiliyadii dambe cago adag ku taagneyn uu saameyn xoogan ku yeelanayo duulimaadyada dib loo furay oo noqonaya cawaaqibta ugu weyn ee ka dhalan karta xiriir xumida labada waddan.

“Dadka Soomaalida wadanka ay ugu safarka badan yihiin waa Kenya, marka waxaa dhihi karna rejada furitaanka diyaaradaha aysan weli jirin kalsooni buuxda oo ay ku furnaan karto, waayo caqabadihii taagna ma oga dadweynaha meesha ay ku dhamaadeen ama lagu xaliyay,” ayey tiri.

Xayiraada Kenya ee duulimaadyada ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku-socodkii labada dal, ayada oo bulshada qaarkooda ay wareeg dheer u gali jireen sidii ay u tagi lahaayeen caasimadaha labada dal, inkasta oo ay hadda si maalinle ah usoo laabteen duulimaadyadii labada dal, kadib markii ay Kenya ku dhawaaqday inay laashay xayiraadaas.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa weli mad-madow badan ku jiraa xiriir diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya, ayada oo bil ka hor dib loo soo celiyay xiriirkaas, lamana oga halka ay ku dambeyn doonto xiisada qabow ee xiligan ka dhex aloosan labada dal.

Daawo: Beelaha Banaadiriga oo ka digay qorshe socda oo lagu boobayo kuraastooda

Muqdisho (Caasimada Online – Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa shirweyne ay maanta ku qabsatay Magaaladda Muqdisho ee Gobalka Banaadir si weyn ugu cambaareysay shaqsiyaad ay sheegtay inay isku dayayaan inay boob ku qaataan kuraasta ay Qowmiyadda Banaadiriga ku leedahay matalaadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirweynaha oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha bulshada ayna ka hadleen Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo waxgaradka kale ee Qowmiyadda Banaadiriga ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey Wasiirka Badroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo ninka ay isku heyb yihiin oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shiiqeey Baa-Xasan.

Qowmiyadda Banaadiriga ayaa ku eedeysay Wasiirka Badroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu sanadkii 2016 uu Qowmiyadda Banaadiriga ka qaatay kursi Baarlamaanka oo ka mid ahaa lixdii kursi ee ay Banaadiriga ku lahaayeen golaha shacabka, kadibna uu gaystay magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, kadibna u uku fariistay.

Waxay intaas ku dareen in wasiirka uu mar labaad isku dayayo inuu kursi labaad ka dhaco Qowmiyadda Banaadiriga, si uu ugu fadhiisiyo nin qaabilsan dhanka dallaalida shidaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiiqey Baa-Xasan, kaas oo wasiirka ay isku jufo yihiin, sida ay hadalka u dhigeen.

Shirka waxaa si weyn la isula gartay in dhammaan tallaabooyinka uu wasiirka qaadayo iyo ninka ay isku beesha yihiin ee Baa xasan ah in ay yihiin Xadgubyo ka dhan ah xaquuqda bani’aadamnimo ee Beelaha Banaadiriga, Xaqa matalaadda ee qowmiyadda dulman ee Banaadiriga iyo ku tumasho dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya ee beelaha Soomaaliyeed siinayey matalaado ay ku heleen hab dib u heshiisiin ah, taas oo beel walba lagu xushmeynayey, balse Banaadiri kuraasteeda lagu hayo boob iyo dhac ay u geysanayaa shaqsiyaad adeegsanaya awoodda dowladda.

“Waayahan danbe Qowmiyadda Banaadiriga waxaa lagu hayey farogalin aad u baaxad weyn oo isugu jirta dhan deegaan iyo dhan siyaasadeedba, taas oo ay geysanayaan shaqsiyaad iyo beelo boob ku sameynaya kuraasteena matalaadda. Waxaa jira shaqsiyaad dhibaato nagu hayo oo haddana sheeganaya in ay Ra’iisal Wasaarahaba iyaga ay keensadeen, bulshadana ay boobi karaan oo aan cidna wax ka qaadeyn, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee arrinta maanta aan u fadhinno ay xafiiskiisa quseyso inuu wax ka qabto shaqsiyaadka dhibaatada nagu haya ee adeegsanaya awoodda xafiiskiisa,” waxaa sidaas yiri Guddoomiyaha Dhalinyarada Banaadiriga Luqmaan Cali Macow oo shirka ka hadlay

Sidoo kale Nanaddoon Kamaal Xaaji Maki ayaa yiri “Awalba Banaadiri waxay lahaayeen 6 kursi kaliya, lixdiina mid ayaa horey loo dhacay oo Baydhabo la geeyey, haddii haddana mid kale na laga dhaco waxaa soo baxaysa in aan weyno matalaad oo dhan, waxaana sidaa nalagu dhihi karaa banaadiri maba jirto, waana caddaalad darro”

“Maalin walba haddii uu yimaado nin siyaasi ah oo dantiisa fiirsanaya, uuna xaquuqdeena ku tunto waa dhibaato, anaga waxay nagu noqonee Karaamo darro. Ra’iisal wasaare wax ka qabo arrintan,” ayuu sii raaciyey.

Malaaq Muxudiin Xaaji Xuseen oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Banaadiriga kuwooda ugu da’da weyn oo shir weynaha ka hadlay ayaa sheegay in Banaadiri la dulmiyo mar walba, aysanna jirin dowlad wax ka qabata maaddaama ay qowmiyaddu yahay mid nabadeed.

Malaaqa ayaa waxaa uu yiri “Qowmiyadda Banaadiriga way dulman tahay, dulmigaasna waa loo wada jeedaa, haddana cid wax ka qabaneyso ma jirto. Hase yeeshee dulmigaasi kama aamuseyno, waan ka qaylineynaa, waan ka gilgilaneynaa, waana ka qaylineynaa inta tabarteena ah.”

Marwo Fowsiyo Malaaq oo iyada ku hadashay codka haweenka Banaadiriga ayaa waxaa ay tusaale siisay Ra’iisal Wasaare Rooble, iyada oo canbaareysay shaqsiyaadka u duuban ku tumshada xaquuqda Banaadiriga, isla markaasna baaq u dirtay Ra’iisal wasaaraha inuu wax ka qabto kooxda boobka ku heysa Banaadiriga.

Fowsiyo Malaaq ayaa tiri “Ra’iisal Wasaare waxa maanta kula hadlayaa waa dhammaan qowmiyadda Banaadiriga oo ay u dhan yihiin Culumaa’udiinkooda, Dhaqankooda, Aqoon yahankooda, siyaasiintooda, Dhallinyaradooda, haweenkooda iyo waxgaradkooda. Waxaan cod dheer iyo cod gaaban kugu leenahay naga dhici kooxda qowleysatada ah ee xaqeena boobeysa, xaqeena inooga dhici. Ra’iisal Wasaare, waxaan rabnaa caddaaladda in aad fiiriso, reer Banaadir way dulman yihiin, waxaan kaa codsaneynaa in aad xaqooda u soo dhiciso.”

Aqoonyahan Muscab Maxamed Axmed oo ku hadlayey codka aqoonyahanadda Banaadiriga ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska difaaco dulmiga ay shaqsiyaadkan ku sameynayaan Qowmiyadda Banaadiriga, isaga oo sheegay in ay marar badan cabasho ka gudbiyeen balse aan waxba laga qaban.

“Horey waxaan u dirnay farriin ah in dhammaan talada Banaadiriga looga danbeeyo oo loo maro odayaasha dhaqanka ee hormuud ah, farriinteenaas jawaab lagama soo bixin, mar labaad odayaasha dhaqanka Banaadiriga waxay codsadeen in guddiga doorashada ee kuraasta Banaadiriga oo markoodii hore aan laga talo galin, balse hadda ay arrintooda mar kale taagan tahay in iyaga laga talo galiyo, illaa haddana looma jeedo wax ka soo jawaabay codsigaas, maantana waa baaqii seddaxaad, sidaas darteed, maaddaama aan u taagan nahay xaquuqdeena in aan u doodno waxaan ka codsaneynaa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in uu ina dhegeysto oo cabashadeena wax ka qabto.”

Ugu danbeyntii shirweynaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu arrinta soo farogaliyo, isla markaasna Ra’iisal Wasaarihiisa ku qanciyo inuu u caddaalad falo Qowmiyadda Banaadiriga.

Hoos ka daawo shirka

Jeneraal Xuud oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu xalay dhex-maray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin kulan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuusuf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaasabad ay iskugu timid beeshoodu.

Waxa uu xusay in markii ay isku arkeen Dabageed munaasabadaas, keliya ay isdhaafsadeen hadal kooban, ayaga oo aan marnaba ka hadal arrimo siyaasadeed iyo xiisada ka taagan Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay.

“Dabageed wey jirtaa xalay inaan kulanay ee ma jirin wax kulan gaar ah oo ina dhex-maray anniga iyo isaga ee waxaan ku kulanay kulan qaraabeysi ah oo beesha u dhaxeeyay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa igu soo hadal qaaday in dadku naceen ana waxaan ku iri dadkada dhinac kasoo raac kuma necbe”.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Yuusuf Dabageed oo ku aadan kulanka la sheegay iyo qaabka uu uga warbixiyey Jeneraal Xuud, hase yeeshe waxaa si weyn loogu baahiyay kulankaas baraha bulshada, ayada oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxay ka wada-hadleen labada mas’uu.

Yaa sugaya amniga goobaha lagu qabanayo doorashada labada aqal ee K/Galbeed?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shalay dib ugu laabtay Baydhabo ayaa ka hadlay diyaar garowga howlaha doorashada xildhibaanada labada Aqal ee lagu qabanayo deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan amniga labada Goobood ee ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe, xili uu si dar-dar leh u socdaan howlaha doorashada dalka.

Laftagareen ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisi uu si buuxda ugu diyaar garoobay doorashada uu galayo dalka, islamarkaana ay deegaanadooda ka qaban doonaan doorasho xur iyo xalaal ah oo wada-ogol ah.

Hadalka madaxweynaha HirShabelle ayaa imanaya xili dhawaan la filayo in dalka ka qabsoomto doorasho, taasi oo uu dalka u jiheeyay heshiiskii doorashada ee 27-kii bishii hore lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Amaanka doorashada la filayo inay ka qabsoomto dalka ayaa waxaa amaankeeda iska kaashan doona ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska Soomaaliyeed.

Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo ku wajahan Kismaayo + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ay isugu tegi doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos.

Halkaas maalmaha soo socda waxaa lagu qaban doonaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana shirkaas marti geli doonta Jubbaland.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka ay Kismaayo ku yeela doonaan waxaa looga hadli doonaa dardar gelinta doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa shirkaas lagu qiimeyn doonaa waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii lagu kala saxiixday magalaada Muqdisho 27-kii bishii May.

Illaa hadda waxaa ka hir-galay heshiiskaas in guddiyada doorashooyinka laga reebay qaar ka mid ah xubnihii laga cabanayey ee la tilmaamay inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qaranka, inkastoo ay weli aysan tallaabadaas ku qancin musharaxiinta qaar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lasoo magacaabay safarro ku tegay dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada dalka, markii laga reebo magaalada Kismaayo oo haatan la sheegay inuu ku wajahan yahay, isla markaana uu halkaas ku shir guddoomi doono shirka Golaha Watashiga Qaran.

Saadaq Joon iyo ciidamo la socda oo gaaray magaalada…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay laga dejiyey ciidamo aad u hubeysan oo hor dhac u ahaa wafdigiisa maanta gaaray Dhuusamareeb.

Saadaq Joon lama hadlin saxaafadda, lamana shaacin u jeedada dhabta ah ee safarkiisa Dhuusamareeb, balse warar ay heshay Caasimada Online waxay sheegayaan in Dhuusamareeb uu ka dhigan doono saldhigiisa ugu weyn inta ay socodaan doorashooyinka dalka.

Salkaalkaan ayaa ilaalo xoog leh la tegay Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in qorshihiisu uu yahay inuu saameyn ku yeesho doorshada dalka, gaar ahaan xildhibaanada lagu soo dooranayo Galmudug oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.

Warar aan la xaqiijin waxay tilmaamayaan inuu isku soo sharaxi doono Senator, gaar ahaan kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, kursigaas oo Aqalka Sare ka soo gala magaalada Cadaado.

Saadaq Joon ayaa maalin ka hor ka soo laabtay safar dibadda ah oo mudooyinkii dambe uu ku maqnaa, waxaana jirta xurguf xoog leh oo kala dhaxeysa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal toos ah iyo mid siyaasadeedba ku qaaday Saadaq Joon markii uu noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee ka hor yimid mudo kororsigii fashilmay ee dhacay 12-kii Abriil, waxuuna Farmaajo garaadihii iyo xuquuqdiisii ciidan kala noqday Saadaq Joon.

Safarka Saadaq Joon ee Dhuusamareeb waxa uu ku soo aadayaa xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uusan weli soo magacaabin xubnihii laga sugayey ee guddiyada doorashada, waxaana maalmihii u dambeeyey soo baxaysay xog sheegeysa in Qoor Qoor cadaadis la xariira magacaabidda guddiyadaas uu ka soo wajahaayo xafiiska Farmaajo oo doonaya inuu sameyn ku yeesho.

Video: Xildhibaan Zakariye oo shaaciyey in askarta maqan uu kala xiriiray madaxda ERITREA – Muxuu ogaaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay madaxda dalka Eritrea, islamarkaana uu wax ka weydiiyey nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed ee la weysan yahay.

“Shakhsiyan anigu waxaan isku dayey inaan hubsado wararka laga faafiyey dhalinyarada loo qaaday Eritrea, waxaan la xariiray madax Eritrean ah, hade eyagu kuma dhahayaan ciidankiinii ayaan dagaal gelinay, laakiin waxaan kala hadlay bal inaan dalkaas tegi karo, waxayna ii sheegeen in sidii Coronavirus uga dilaacay dunida aysan diyaaradu tegin Eritrea, marka inaan arrintaas soo hubsado ayaan rabay, laakiin si lagu tegi karo dalka Eritrea maba jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in dhalinyarada maqan ay uga jiraan kuwo ehel la ah iyo kuwo isaga la shaqeyn jiray oo sida uu sheegay qaarkood darawaliin u ahaan jiray.

“Arinigu halbaan ogahay, dadka Eritreanka ah dhamaantood waa tababaran yihiin oo waa dad u soo dagaalamay xorriyadooda, marka hadii ay ciidan ajanebi ah oo aan ciidankooda aheyn ay geeyaan goob dagaal, waxay sumcad xumo ku tahay ciidankeeda oo waxaa hubaal ah in ciidankaas ay jebayaan oo laga guuleysanayo, marka arrintaas waan hubsaneynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in hadii arrintaasi ay run noqoto ay dowladda Soomaaliya ku kacday dembi culus, kaas oo lagu maxkamadeyn doono, “Dunuub weyn waaye hadii ay dowladdu ku kacday arrintaas oo dagaal ay u dirtay askar Soomaaliyeed.”

Xildhibaan Zakariye sidoo kale waxa uu sheegay in hadii la isku dayo in la tago dalka Eritrea ay aad u fududahay, “Hadii ay diyaarad qaataan xubnaha guddiga ee uu Rooble u magacaabay baarintaanka arrintaas inta diyaarad gaar ah qaataan ay dowladda Soomaaliya dhahdo Eritrea diyaaradaas noo fasaxa inay dalka timaado deg deg ayey ku ogolaaneysaa dowladda Eritrea,”ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey Xildhibaan Zakariye xiriirka kala dhaxeeya dowladda Eritrea ayaa waxa uu sheegay inuu madaxda dalkaas la leeyahay xiriir qota dheer oo soo jiray ku dhawaad 30-sano.

“Xiriir qota dheer oo waliba 30 sano ku dhaw ayaa naga dhaxeeya madaxda dalkaas, kaas oo soo bilaawday markii ay u dagalamayeen xorriyadooda, sidoo kale anaga waxay garab noo noqdeen markii ay Itoobiya na qabsatay, anagoo siyaasiyiin Soomaaliyeed ah ayaan u tagnay gacan ayey nasiisay dowlada Eritrea xilligaas, saldhig ayaan ka dhiganay abaal gud ayeyna aheyd, marka xiriir kale oo gooni ah ma jiro,” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Hoos ka Daawo

Kenya oo kasoo jawaabtay soo-jeedintii ka timid DF

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku casuumtay inay dib u furto safaaraddii ay ku laheyd magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya 11-kii bishan ayaa lagu yiri “Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.”

Kenya ayaa qoraalka jawaabta ah oo ay maanta soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay bogaadinteeda usoo bandhigeysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna si xushmad leh ugu war-gelineysaa in dowladda Kenya ay soo dhoweeneyso oo ay qireyso casuumadda dowladda federaalka ee ah inay dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya.”

Dowladda Kenya ayaa intaas ku dartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doonto hanaanka ay ku fureyso safaaraddeeda Muqdisho.

Waxay sidoo kale sheegtay Kenya inay ku casuumeyso safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu dib ugu soo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo waajibaadkiisa.  

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa ugu dambeyn sheegtay inay fursaddan uga faa’iideysaneyso inay mar kale u xaqiijiso wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya inay u hayso tixgelin weyn.

Xamas oo jawaab kulul ka bixisay la-meel dhig ay ku sameysay Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Xarakada Muqaawamada Islaamiga ah ee Xamas ayaa si carro leh uga jawaabtay qoraal kasoo baxay Ilhaan Cumar oo ay kooxdaas kula meel dhigtay Mareykanka, Israel iyo Taliban, oo ay sheegtay inay tahay in dhammaantood lagu sameeyo baaritaano la xiriira dambiyo dagaal.

Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ku tiri “Waa inaan la xisabatan isku mid ah iyo caddaalad u helnaa dhammaan dhibanayaasha dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada. Waxaan aragnay dilal aan lagu fakari karin oo ay gaysteen Mareykanka, Hamas, Israel, Afghanistan iyo Taliban.”

Xamas ayaa taas ku tilmaantay arrin aan la aqbali karin iyo isla meel dhig lagu sameeyey dhibanayaasha iyo dilaaga.

“Waxay isla meel dhigtay dhibanaha iyo dilaaga, markii ay isku si ula dhaqantay wax iska caabinta shacabka Falastiin, dambiyada dagaalka ee Israel ee Falastiin, iyo gardarrada Mareykanka ee Afghanistan,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri afhayeenka Xamas ee arrimaha caalamiga ah Bassem Naim.

Naim ayaa ku ammaanay Ilhaan taageeradeeda ku aadan cadaaladda iyo xuquuqda dadka la caburiyo ee dunida oo dhan, si gaar ahna xuquuqda reer Falastiin.  

“Si kastaba, waa wax aan la aqbali karin inay sameyso is-barbar dhig caddaalad darro ah oo ka hor-imanaya xeerarka cadaaladda ee aas-aasiga ah iyo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Bassem. 

Bassem ayaa ugu baaqay Ilhaan iyo dhammaan kuwa difaaca xuquuqda dadka Falastiin inay qeexitaan sax ah oo ku habboon ka bixiyaan xaaladda. 

Ilhaan ayaa sidoo kale horey ula kulantay dheelaceyn xooggan oo kaga timid xildhibaanada Yahuudda ah ee Congress-ka Mareykanka oo ku eedeeyey inay Mareykanka iyo Israel la meel dhigtay “ururo argagixiso.” 

17 qof oo lagu eedeeyey dilka 300 oo qof oo dil toogasho lagu xukumay, Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa xukun lagu riday dad gaarayo illaa 18 qof oo dhamaantood ay ah rag, kadib dambiyo culus oo lagu helay.

Sida ay maxkamadda ciidamada qalbka sida ee Mudug ku dhawaaqday, 17 kamid ah raggaan ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah halka qofka sideed iyo tobanaad lagu xukumay xabsi daa’in.

Ragga xukunka lagu riday ayaa lagu soo eedeeyey inay dad gaarayo ilaa 300 qof ku dileen magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kala duwan oo ka tirsan deegaanada Maamulka Puntland.

Dadka lagu soo eedeeyey inay laayeen ayaa waxay isugu jireyn xubno kamid ah dowladda iyo shacab rayid ah. Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano.

Ragga xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab isla markaasna ay u qaabilsanayeen dilalka iyo qaraxyada laga geysto gudaha deegaanada Maamulka Puntland .

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegtay raggan iney isugu jireen qeybo kala duwan oo Al-Shabaab ah.

Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeeyey marti gelineysay dilal iyo qaraxyo qursheysan.

Xukunka lagu riday 18-kaan qof ayaa noqonayo tiradii ugu badneyd ee dil toogasho ah lagu xukumo mar qura taariikhda maamul Goboleedka Puntland.

Kiiska ‘isku daygii afgambi’ ee Jordan oo lugaha la galay Maxamed Bin Salmaan

Amman (Caasimada Online) – Amiir Hamzah-ha Jordan ayaa doonayey inuu afgamabiyo walalakiis boqor Cabdallaha Labaad, isaga oo taageero ka helaya Sacuud Carabiya, sida lagu sheegay eedeymo maxkamadeed oo lasii daayey Axaddii oo ka dhan ah laba qof oo kiiskan lagu eedeeyey.

Labada qof ee la eedeeyey ayaa xiriir dhow la leh Sacuudi Carabiya: Mid ka mid ah waa madaxii hore ee maxkamadda boqortooyada Bassem Awadallah oo haysta dhalashada Sacuudiga, kan kalena waa ergeygii hore ee gaarka ahaa ee boqortooyada, Sharif Hassan bin Zaid.

Labada nin ayaa daba-yaaqada bishan lagu maxkamadeyn doonaa Maxkamadda Amniga Qaranka ee Jordan, waxayna wajahayaan illaa 20 sano oo xabsi ah, haddii danbiga lagu helo, sida uu sheegay mid ka mid ah qareenadooda.

Hase yeeshee Hamza, oo ay isku aabe yihiin boqorka, kaasi oo lagu eedeeyey 3-dii April inuu ku lug lahaa isku day “lagu arbushayo amniga boqortrooyada,” ayaan maxkamad lasoo taagi doonin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kiiskiisa lagu dhex xaliyey gudaha qoyska boqortooyada Haashimiyadda.

Sacuudi Carabiya si xooggan ayey u beenisay inay wax lug ah u laheyd shirqoolka la tuhunsan yahay.

Inkasta oo Amiir Hamzah uusan soo hor-istaagi doonin maxkamadda, haddana ku lug lahaanshihiisa shirqoolka ayaa xuddun u noqon doona maxkamadeynta,.

“Amiir Hamzah waxa uu go’aansaday inuu qanciyo damaciisa shaqiyeed ee xukun qabasho, isaga oo ku xadgudbaya dastuurke iyo dhaqanka Haashimiyadda,” ayaa lagu yiri eedeynta.

Awadallah ayaa warbaahinta Jordan ay u arkaan inuu xiriir dhow la leeyahay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed bin Salman.

Dacwadda lasoo oogay ayaa lagu sheegay in Awadallah uu “ku dhow yahay saraakiisha boqortooyada Sacuudiga” uuna dibedda ku leeyahay shabakado xiriir ah.

Hamzah ayaa lagu warramaya inuu ka walacasanaa mowqikfa Riyadh.

“Haddii ay wax igu dhacaan aniga oo jooga Jordan, saraakiisha Sacuudiga ma i caawin doonaan mise?”, ayaa lagu warramay in Hamzah uu weydiiyey Awadallah, sida lagu sheegay eedeynta.

AFP + VOA

SAWIRRO iyo wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha JIDKA Muqdisho iyo Balcad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa si habsami leh u socda, iyadoo maalmihii u dambeeyay la bilaabay in qeyb ka mid ah Wadada la saaro laamiga.

Waxaa socda dhismaha illaa 13KM oo laga bilaabay agagaarka Ex Koontarool Balcad, kaasi oo kamid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Dhismaha wadada oo muddooyinkii dambe si habsami leh u socday ayaa waxaa maal-galisay dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka.

Qatar ayaa sidoo kale hore u bixisay mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo marxalado adag oo uu maray kadib gaba-gabowday, halka midka Muqdisho iyo Balcad uu marayo marxalad bilow ah.

Wadada laamiga ah ee bilowgeeda uu socdo ayaa wax badan ka tari doonta isku socodka magaalada Muqdisho iyo Balcad, oo ay hore ugu dhib qabeen dadweynaha.

Maxaa ka jira in la afduubtay xildhibaan ku soo baxay doorashadii Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Caaqil Maxamed Cabdikariin Aadan oo ka mid ah waxgaradka Berbera ayaa sheegay in muddo 5 cisho ah la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo kusoo baxay doorashadii deegaanka ee magaaladaasi.

Caaqil Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in loo maleynayo in la afduubtay xildhibaan Nuur Cadde, isaga oo ugu baaqay madaxda Somaliland inay qeyb qaataan raadintiisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muran siyaasadeed uu ka dhashay doorashadii ka dhacay Berbera, taas oo uu kusoo baxay mudanaha uu sheegay in la waayey.

Dhinaca kale xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo soo hadlay ayaa beeniyey wararka laga faafiyey, wuxuuna sheegay inuu nabad qabo, kuna sugan yahay gurigiisa.

Nuur Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay inuu u tartamayo xilka maayar ku xigeenka duqa magaalada Berbera.

“Waxaan ku suganahay gurigeyga, waxaana u tartamayaa jagada maayar ku xigeenka duqa magaalada Bebera,” ayuu yiri xildhibaan Nuur Cadde.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan arrinta xildhibaankaasi.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii doorasho loo galay tartan adag oo isugu jirtay golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ay ka dhacday lixda gobol ee Somaliland.

Qaar ka mid ah waalidiinta caruurtooda la geeyey Eritrea oo shaaciyey xog ay heleen

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda dowladda Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shaaciyey xog ay ka heleen wiilashooda oo ku saabsan xadgudubyo culus oo lagu hayo iyo dagaalka la sheegay in loogu qaaday gobolka Tigray. 

Waalidiintaas oo khadka taleefanka ugu warramaya idaacadda BBC-da ayaa sheegay in carruurtooda oo ay khadka taleefanka dhowr jeer kula xiriireen aysan u sheegin wax dagaal ah oo ay galeen, iyagoo ku adkaystay in aanay ka bixin xeryaha lagu tababaro halkaas oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan.

Si kastaba, waalidiinta ayaa sheegay in wiilashooda ay u sheegeen inay ku caddiban yihiin Eritrea.

Hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo.

“Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan.

Dhankiisa Saleebaan Cali oo isna BBCda u warramay ayaa sheegay in walaalkii iyo dhowr wiil oo kale oo uu adeer u yahay ay ku dhibaataysan yihiin waddanka Eritrea halkaas oo tababar loo geeyay bilowgii sanadkii hore.

“Wiilashan Eritrea loo qaaday baa 10 wiil iiga jirto, mid walaalkey waaye, shanna adeer ayaan u ahay, afarna adeer ayaan u ahay, mar ay ila soo hadleen waxay ii sheegeen in 24-kii saacba afar xabbo oo rooti ah oo qalayl ah in la siinaayo, dhar aysan haysan, bannaan ay seexdaan, maalintiina dabayl iyo kulayl aan la joogi karin, habeenkiina dhaxanta ay daran tahay, aad inay u dhibaataysan yihiin.”

“Cunto ma haystaan, hoy ma haystaan, dhar ma haystaan, wax alaale iyo wixii dhibaata ah oo bini’aadam qabsan lahaa meesha waa ku haystaan, naftoodaaba halis ku jirta, xaaladdooda raggaas ma sahlana oo sida ay ii sheegeen aad bay u dhibaataysan yihiin,” ayuu yiri Saleebaan.

Waalidiinta ayaa sheegay in carruurta dhowr jeer oo ay xariir la sameeyeen aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay ka qeybqaateen.

Hooyo Foos ayaa sheegtay in wiilkeeda ay waydiisay in dagaal ay ka qeybgaleen wuxuuna ugu jawaabay: “Annaga khaasatan waxaan nahay 900 oo askari oo xearadan ku jirto. Qof nalagama qaadin, xataa maanan maqal meel wax laga qaaday laakiin annaga xerada gudaheeda ayaa nagalu dhibaateeyay,” ayey tiri Hooyo Foos.

Saleebaan Cali ayaa isna intaas oo kale BBC-da u sheegay.

Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Waalidiinta ayaa dhanka kale sheegay in carruurtooda ay u sheegeen in bishii September ee sanadkii hore mar ay ka gadoodeen dhibaatada lagu hayo ay isku dhaceen ciidammadii tababaray kaddibna ay gacanta iskula tageen arrintaas oo ay sheegeen inay sababtay in carruurtooda awood loo adeegsado halkaasna ay dhowr ku dhinteen halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Gabar Soomaali ah oo qaab aad loola yaabay loogu dilay magaalada Mombassa

Mombasa (Caasimada Online) – Najmo Macalin Cabdullaahi oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan ka baxay Dugsiga Sare ayaa meydkeeda laga helay deegaanka Bonji ee Magaalada Mombasa, ka dib saddex cisho oo la la’aa.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada marxuumadda ayaa sheegay in gabadha ay ugu war dambeysay gelinkii dambe ee Arbacadii, saddex cisho ka dibna ay meydkeeda heleen.

Xasan Bashiir ayaa tilmaamay in gabadha ay is raaceen gabar kale oo saaxiibo ahaayeen, markaasna ay ugu dambeysay.

“Gabar yar bay ahayd oo 19 jir ah. Gabadha waxay maqneyd saddex cisho, waxay baxday Arbacadii 4-ta galabnimo. Gabar kale oo saaxiibteed ah ayay guriga iska raaceen, oo ay u raacday meel la dhaho Martini,” ayuu yiri Xasan Bashiir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meydka gabadha uu ka muuqday dhaawacyo loo gaystay, isagoo intaa ku daray inaanay garanayn sababta loo beegsaday gabadha.

“Gabadha dhaawacyo ayaa ka soo gaaray jirkeeda meelo ka mid ah, sida wejiga dhinaca dhabanka, kelida oo kale, ilkaha oo afka hore ah. Dhaawacyada meelahaas ayaa ugu weynaa,” ayuu yiri Xasan Bashiir.

Xasan Bashiir ayaa yiri “Gabadha sababta loo beegsaday weli maanan garanin, hadda baaritaan baan ku haynaa, baaritaankaas markaan dhameeno uun baan ogaan doonnaa, Insha Allah.”

Waxaase uu sheegay in dilka gabadha ay kaga shakisan yihiin gabadhii ay saaxiibada ahaayeen ee guriga iska raaceen, taasoo ay soo xireen Booliska Kenya.

Soomaalida ku dhaqan magaalo xeebeedka Mombasa ayaa ka carooday dilka halkaasi loogu gaystay gabadha dhalinyarada ah.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo qaadaya laba tallaabo mid si uu uga JAWAABO carruurta ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka fakarayo in uu qaado laba tallaabo middood si uu ugua jawaabo arrimaha la xariira dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea. 

Dhallinyaradan ayaa dalka ka maqan in ka badan laba sano, waxaana dhowaan xoogeystay warar sheegaya in laga dagaal geliyey gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, inkasta oo dowladda ay arrintaas beenisay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay wado qorshe ay ku qaadeyso weriyayaal kasoo warrama xaaladda dhallinyaradaas, maadaama aysan awoodin dowladda Soomaaliya in ay dalka ku soo celiso.

Tallaabo kale oo laga fakarayo ayaa iyana ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorshaynayo in uu tago dalka Eritrea islamarkaana uu la soo kulmo dhallinyaradaas islamarkaana uu wax ka qabto cabashadooda iyadoo ay socdaalkaas raaci doonaan saxafiyiin ka tirsan Villa Somalia. 

“Dowladda Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacagtii lagu tababaray dhallinyarada mana hayso hadda mana jirto cid soo siineysa carruurtaas haddiib ay noolyihiin balse waxaa ka go’an in ay waddo weriyaal taageersan dowladda ama kuwa Madaxtooyada islamarkaana uu tago Farmaajo” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Villa Somalia, oo la hadlay Caasimada Online.

Khamiistii iyo Jimcihii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay dhigeen qaaar kamid ah waalidiinta Soomaaliya oo ay ka maqanyihiin carruurta loo qaaday dalka Eritrea. 

Sidoo kale waxaa jira guddi waalidiinta ka socda oo la sheegay in dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo u gudbiyeen Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta matala si ay ugu sii gudbiyaan hay’adaha garsoorka oo ay arrintaan quseyso. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis badan oo ka dhashay wararka isa soo taraya ee carruurta Soomaaliyeed ka soo baxaya iyadoo waalidiin badan ay ku noolyihiin walwal iyo qeyla dhaan joogto ah. 

Farmaajo oo mar kale fara-geliyey xubnaha guddiyada doorashada Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale fara-gelin ku haya Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiyda uu xubnahooda fara-gelinta ku hayo Farmaajo ayaa waxaa kamid ah xubnihii Somaliland, oo kal hore ay ka dhaqaaqi weyday doorashada, waxayna midaan markale caqabad hor leh ku noqon kartaa doorashooyinka laga heshiiyey ee dalka.

Madaxwaynaha waqtigiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo celinaya guddiyada doorashooyinka xubno hore looga saaray oo uu kamid yahay Guddoomiyihii gugdiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ah shaqaalle ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka dalbaday guddiga inay usoo gudbiayan toddobada xubnood ee ay sheegen in guddiga Somaliland ka saareen, wuxuuna guddiga ka cago jiiday saddexda kiis ee cabashadu ka taagan tahay oo ilaa hadda waxba loo keenin.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu la wareegay Wasiiraddii ay quseysay iyo beelahoodii uuna kala dooday saddexda kiis ee Gudiga warbaahinta ka sheegay in cabasho ka taagan tahay ayna ahayd in ay go’aan ka gaaran Ra’iisal wasaare Rooble, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa asagu dhowr jeer ku baaqay in la fuliyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Muqdisho, si meesha looga saaro khilaafka soo noq-noqday ee ka taagan doorashada Somaliland oo arrintaan markale dib usoo istaadhi karto.

Si kastaba, xiisadan cusub ee uu hor-boodayo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ayaa markale is-mari-waa cusub ku hor-gudbeysa qabashada doorashada oo uu dadaal badan ku bixinayo ra’iisal wasaaraha dalka.

Hoos ka arag warqad caddeyneysa in Khadar Xariir uu yahay shaqaale dowladeed.

Al-Shabab iyo Kenya oo ku dagaalamay Jubada Hoose

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo xoogag ka tirsan Al-Shbaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii weerar ku billowday madaafiic ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidankaasi ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga, halka kuwa kale ay ku hoobteen xaafado ku yaalla deegaankaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka intii uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu qaatay muddo saacado ah.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka qorsheysan ee ka horreeyey intaba.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo khasaaraha uu geystay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada Jubbooyinka laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda.

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo inta badan ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa weeraro iyo dagaallo culus ku qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi.

Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag ‘dil ka geystay’ magaalada Caabud-waaq

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka Galmudug saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Howl-galka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey kooxo habeen ka hore nin muruq-maal ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi.

Taliyaha Booliska magaalada Caabudwaaq, Farxaan Xasan Xuseen oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay in lagu soo qabtay rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen toogashada Odowaa Axmed oo lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo shaqsiyaadka lasoo qabtay, isaga oo xusay in dhowaan lasoo taagi doono maxkamad.

Farxaan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadayaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Caabudwaaq oo dhacda waqooyiga gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga guud ee magaaladaasi.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal salka aanooyin Qabiil, balse waxaa haatan ka billowday howl-gallo ay wadaan ciidamada Galmudug oo amniga lagu sugayo.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa kusoo laa-laabta dilalka qorsheysan iyo sidoo kale dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan gobolladaasi.