24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee shalay la qarxiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan oo ah Xerada loogu magac daray Janaraal Cabdikariim Yuusuf Adan Dhaga-badan, ee ku taallo Degmada Wadajirwaa goob lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Tan iyo 2010-kii, marki la billaabay in ciidamada lagu tababaro, waxaa xeradaas ka soo baxayey dufcado ciidamo iyo maleeshiyaad aan dowladda ka tirsanayn.

Haddaba wax badan ka ogoow taariikhda Xeradaasi.

Xerada goorta la aasassay

Xerda Janaraal Dhega-badan oo ku taallaa xaafadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho, waxay ku dhawdahay xerada Turkisom uu Turkigu ku tababaro ciidamada Soomaaliya.

Waxaana xeradan la aasaasay billowgii sannadkii 1991. Waxay xarunta xeredaasi laga yagleelay horay u ahaan jirtay warshaddii Nac-naca, balse ku burburtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.

Inkasta oo ay Xerada maaulkeeda guud ahaan, ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, haddana qaar ka mid ah waddamada reer galbeedka ayaa dowladda gacan ka siiyo dhanka tababarrada iyo arrimo la xiriira.

Xerada goorta magaca laga beddelay

Xerada waxaa magacii hore ee ahaa ‘Warshadda Nacnaca’ laga beddelay sannadkii 2015, iyada oo wixi intaa ka dambeeyey loogu magacdaray Janaraal Dhega-badan, oo ahaa Abaanduulihi hore ee ciidamada xoogga dalka oo isla sannadkaasi ku dhintay weerar ay Al-shabab ku qaadeen Hoteel Saxafi.

Janaraal Dhega-badan oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya oo magac iyo maamuusba ku lahaa, ayaa looga magacdaray wixi ka dambeeyey sannadkii 2015.

Xerada oo marki hore ahayd Warshaddi nacnaca ee Soomaaliya, kuna burtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay billowgi sagaashamaadkii, waxay mar ahayd xero ay Al-Shabaab ku tababarayeen ciidamadooda.

Markii Muqdisho laga saaray ururkaas xiriirka la leh Al-Qaacidda, sannadkii 2010-kii, waxaa loo bedelay goob lagu tababaro ciidamada dowladda.

Waxayna ka mid ahayd xerooyiinka ugu muhiimsan ee ciidamada ugu badan ay ka soo baxaan.

Ciidamada lagu tababaro

Xerada Dhega-badan waa goob ciidan oo lagu tababaro dhammaan noocyada askarta Soomaaliya, mana ahan goob u gaar ah askar qaas ah.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye-kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda, haddana ka faalloda arrimaha amniga Soomaaliya, ayaa BBC Somali u sheegay: “Maalmahan waxay dowladdu sheegeysay in dadka doonaya ay ka mid noqdaan ciidamada gorgor ku soo biireen, ay halkaa tagaan. Marka xeradu waxay ahayd meel tijaabada koobaad qofka lagu marsiiyo”.

“Ciidamada gorgor ee hadda lag qorayey, marka dadka raba inay qortaan ayaa lagu kala saarayey – qofka caafimaadkiisa, inuu yahay qof askarinimo ka bixi kara – ka dibna waxaa loo sii gudbinayey qaybaha kale uu tababarka ay ku qaadan lahaayeen ,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed.

Inta badan ciidamada cusub ee ka mid noqonaya kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa tijaabada ugu horreyso looga qaadaa xeradaas, ka dibna, waxaa loo sii gudbiyaa waddamadii ama goobihi kale ee lagu tababari lahaa.

Jananka xeradaasi loogu magac daray

Janaraal Dhega-badan, wuxuu ka mid ahaa taliyeyaashii ugu caansanaa ee ciidamada Soomaaliya.

Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhega-badan), ayaa ka mid ahaa dadkii 2015-kii lagu dilay qaraxi lala beegsaday Hoteel saxafi, oo ay ku dhinteen 15 qof.

Dhega-badan ayaa sida oo kale ka mid ahaa saraakiisha ciidan ee sida weyn uga muuqday dagaalki Soomaaliya ay Itoobiya la gashay, taariikh badanna ku lahaa guulo badanna ka soo hoyey.

Waxaa sida oo kale lagu xusuustaa inuu yahay sarkaal ciidan oo muddo dheer hoggaaminayey dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab ee ka dagaallamay Soomaaliya.

Qaraxa shalay ka dhacay xerada ciidmada lagu tababaro ee General Dhega-badan, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo ka mid ahaa dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa jiro dhaawac soo gaaray illaa 20 kale oo ku sugnaa bannaanka koontarool-ka laga galo xerada, ciidanka ee General Dhaga badan.

“Dadka qaraxaas ku waxyeelloobay waxaa u badan dhalinyaro sugeysay Baaritaanka koontoroolka, ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah”, sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Ma aha marki ugu horreysay oo xeradan uu weeraro qof isku soo xiray walxaha qarxa.

4-tii bishii tobnaad, sannadkii 2017-kii, ayey ahayd marki uu gudaha xerada isku qarxiyey nin watay dharka ciidanka, halkaasna ay ku dhinteen shan askari, 15 kalana ay ku dhaawacmeen.

Isha: BBC

Xaalka dhaqaale ee maamulka G/Banaadir oo sii xumaanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay hore u sheegtay Caasimada Online, maamulka gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaalo la’aan xoog leh taasi oo saameyn weyn ku yeelataay mushaarka shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar. 

Bishii la soo dhaafay ee May ayaa la sheegay in ilaa hadda aysan mushaarkooda helin shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in aysan muuqan rajo lagu bixin karo mushaarka sababo la xariira dhaqaalo la’aan heysata maamulka. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu wado dadaalo la xariira in uu isku dayo in waxyar waxyar lacagta gobalka soo gasha laga siiyo shaqaalaha, taasoo keeni karta in todobaadyo kale ay mushaar la’aan sii ahaadaan qaar ka mid ah shaqaalaha gobalka maadaama aan halmar la wada siin karin. 

Hadal heyn xoog leh ayaa ka dhax jirta shaqaalaha waxayna is weydiinayaan sida uu xaalku noqon karo haddii aysan helin xuquuqda ka maqan iyo sida ay ku sii socon karto shaqada dowladda Hoose. 

Si guud dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa dhaqaalo la’aan taasoo ka dhalatay muddo korarsigii iyo murankii doorashada Soomaaliya iyadoo lacagta gobalka ay noqotay mida kaliya oo ay ku tashato dowladda dhexe iyo canshurta gaadiidka Bajaajta iyo canshuuro kalaba oo hakad ku yimid kadib markii ay shaqada joojisay shirkadii gobalka kala shaqeyn jirtay qaadista Canshuurta. 

Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo gala dhaqaale ku filan mushaharka shaqaalaheeda oo sidoo kalena lagu hormarin karo gobolka, hase yeeshee lacagtaas ayaa waxaa qaata dowladda federaalka ayada oo lagu biilo, xildhibaano, wasiiro iyo shaqaale aan gobolka u dhalan oo ka kala yimid gobollada kale ee dalka.

Ciidamada Puntland oo hub iyo qaraxyo ku qabtay Bari

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, gaar ahaan saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd dhulka buuraleyda ee gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay howl-galladaasi ku qabteen saanad hub ah, qaraxyo iyo aalado laga sameeyo walxaha qarxa.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in ciidamadu ay cagta mariyeen saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bar,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska.

Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee Bari ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliso deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Wafdi ka socda beesha caalamka oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaana wehlinayo safiiro kale.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay xubnaha dalalka beesha caalamka kulan gaar ah ay la qaadan doonaan madaxweynaha Galmudug oo shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo kala hadli doono dardar-gelina arrimaha doorashooyinka, maadaama heshiis laga gaaray.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga caasimada Galmudug.

Xubnaha beesha caalamka ayaa wada dadaallo xoogan oo ku aadan sida loo wajahayo  doorashooyinka, waxaana ay horey u tageen magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, iyaga oo la kulmay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo sidoo kale Jubbaland.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

Afar arrin oo tiirar u ah dib usoo laabashada xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kenya ayaa dib u fasaxday duulimaayadii ka imaan jiray Soomaaliya iyo kuwii tagi jiray. Qoraal ay sii deysay wasaaradda arrimaha debadda Kenya ayey sabab la’aan ku fasdaxday socdaalka labada wadan oo uu xiriirkooda xumaa 10-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Dadka labada wadan isaga kala goosha ayaa sameystay dhowr dal oo socdaal seddexaad ah si ay u tagaan dhinaca ay danta ka leeyihiin. Shacabka labada dal ayaa wajahayey dhibaatada socdaalka dheer iyo dhaqaalaha siyaaday.

Nairobi maadama ay iyada joojisay duulimaadkii haddana iyada ayaa fasaxday, halka Soomaaliya oo markii hore jartay xiriirka labada dal sidoo kalana xirtay safaaradeeda ay shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka isla markaasna ay dib u fureyso safaaradeeda Nairobi.

Waxyaabo badan ayaa weli xayiran, waxaana kamid ah ganacsiga qaadka, sidoo kale dacwadda Badda ee labada dal ayaa weli taagan, haddaba maxaa sababay in Nairobi iyo Muqdisho ku dhawaaqaan tallaabooyinkaan dabacsan? waxaan warbixintaan ku eegi doonaa illaa 4 qodob oo sabab u ah.

1) Dhaqaalaha Kenya kasoo geli jiray socdaalka

Ku dhawaad 10 duulimaad oo 5 illaa 6 kamid ah ay yihiin kuwa rakaabka ayaa maalin walba ka bixi jiray Nairobi oo tagi jiray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, adeegyo ganacsi ayaa sidoo kale laga qaadi jiray Magaalada Nairobi, Diyaaradaha laga leeyahay Kenya ayaa guud ahaan ka howlgala gudaha Soomaaliya, shaqaale badan oo Kenya ah ayaa ku hoos noolaa ganacsiga socdaalka ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dhamaan adeegyadaas diyaaradaha, safarada joogtada, adeegyadii laga soo qaadi jiray Nairobi iyo fursadihii ay heli jireen shaqaalaha Kenyanka ah ayaa meesha ka baxay, sidoo kala Magaalada Addis Ababa ayaa noqotay marin ka faa’iday hakadkaas.

Nairobi waxay fahamtay in xayiraadaan aysan macaash badan ugu jirin, dhinaca kalana aysan joogsaneyn dadka soo gala dalkeeda ama ka baxa ee Soomaaliya aada ayna ka faa’ideyso dal kale oo Itoobiya ah.

2) Dowladda Qatar

Dowladda yar ee Qatar ayaa markii hore hagaajisay cilaaqaadka labada dal, waxay Doha sheegtay in labada dal ay dhex dhigtay heshis balse xiisadda laba dal ayaa durba halkeeda ku laabatay taasoo fashilisay guusha ay sheegatay Qatar.

Diblomaasiyiinta ayaa waxay sheegayaan in Doha ay mar kale xoogeeda isugu geysay in labada dal ay ku cadaadiso inay soo celiyaan xiriirkooda, waxaana la rumeysan yahay in Qatar ay gacan weyn ku leedahay heshiiska cusub ee la gaaray.

3) Dhaqa-dhaqaaqa doorashada

Kenya waxay si weyn u dooneysaa in Farmaajo la bixiyo, inay haweeda sii xirnaato ma caawin karin siyaasiyiinta isbadal doonka ah ee laga yaabo inay taageereyso Nairobi si ay meesha uga saaraan  madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Fasixidda diyaaradaha waxay in badan caawineysaa dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed  iyo midka socdaal ee xubnaha mucaaradka Soomaaliya.

4) Daaweynta cilaaqaadka Arrimaha Debadda

Nidaamka Farmaajo wuxuu bilaabay inuu iska dhayo boogaha siyaasadda, dhawaan waxay bilaabeyn hagaajinta cilaaqaadka Imaaraadka, iyadoo ay Muqdisho isku arkeyn Ra’isulwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Nairobi loo diray wafdi ka socdo wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inuu Farmaajo uga gol leeyahay in aysan dilalkaas la gelin dagaal culus xilliga doorashada balse uma badna in arrintaan ay sababi karto inay ka dabciyaan dagaalka siyaasadda maadaama la wada fahmi karo danta ka dambeyso arrintaan.

W/Q: Cabdullaahi Cusmaan Faarax

DF oo xirtay dhallinyaradii hoggaamineysay dibad-bixii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maanta dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaajta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ay dhigeen banaanbax ay ku dalbanayeen in la dayac tiro wadooyinka burburka iyo biyaha roobku jareen ee isaga kala goosha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ciidamada booliska oo qaaday tallaabo ka dhan ah dhalinyaradaas waxay xabsiga dhigeen qaar ka mid xubnihii hoggaaminayey banaanbaxaas.

Cabdifitaax Ismaaciil Maxamed oo ka mid ahaa dhalinyaradii sida aadka ah uga soo muuqday warbaahinta intii uu socday banaanbaxa ayaa lagu xiray saldhigga booliska degmada Xamarweyne, isaga iyo dhalinyaro kale, kuwaas oo mar dambe lagu soo baxay arrintooda.

Ciidamada booliska degmada Xamarweyne ayaa daba galay dhalinyaraas, waxaana markii ay xabsiga dhigeen arrintooda ku soo baxay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo wadahadal kadib xabsiga laga sii daayey galabta.

Caro xoog leh ayaa la sheegay inay mar kale ka dhalatay dhalinyaradaas lagu xiray sababta ay u banaanbaxeen oo fikradooda ay u cabireen, iyagoo canshuurta laga qaado ku dalbanaya in jidadka burbursan oo biyaha Roobka ay fariisteen loogu dayac tiro.

Dhalinyaradaan ayaa maanta isugu soo baxay isgoyska Shabeelle ee taallada Daljirka Daahsoon, waxayna sheegeen in caqabad weyn ay ka heysato isticmaalka inta badan wadooyinka isaga kala goosha degmooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in canshuurta ay bixiyaan lagu dhiso wadooyinka burbursan ee magaalada.

Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka Turkiga, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida uu qorshuhu yahay waxa uu ka qeyb galaya shir looga hadlaya diblomaasiyadda, oo ka dhacaya magaalada Mediterranean-ka ee Antalya.

Inkastoo shirkan uu yahay mid heer Wasiir Arrimo dibadeed iyo Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah martida ku casuuman shirkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxeysa 18-20 bishaan, waxaana ka qeyb galaya madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madax dalal kale oo dhowr ah oo aysan qeyb ka aheyn dalalka leh quwado millateri.

Dhinaca kale, shirkaan looga hadlayo diblomaasiyada ayaa waxaa hore u qaadacay dalalka ugu waaweyn dunida ee Mareykanka iyo Yurub, waxaana ilaa hadda inta la ogyahay ka qeyb galaya madaxda 36 dal oo u badan dalalka qaaradaha Afrika iyo Asia.

Waxaa xusid mudan in dalalka Yurub ee aqbalay ka qeybgalka shirkan ay yihiin dalal yaryar, oo aan miisaan ku laheyn midowga Yurub.

Dalalka aan awood badan ku dhex laheyn Midowga Yurub ee shirkaas qeybta ka ah, ayaa waxay kala yihiin: Malta, Kosovo, Montenegro, Bosnia iyo Herzegovina, Croatia, North Macedonia, Albania, Moldova, Ukraine, Romania, iyo The Qubrusta waqooyi oo ah dal uu aqoonsan yahay Turkiga keliya.

Safarka lagu wado inuu Farmaajo ugu baxo Antalya ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee uu baxo inta aan la gelin doorashada loo balansan yahay, wuxuuna qeyb ka noqonayaa tirsiga safaradiisa oo in ka badan 100 jeer uu uga baxay dalka.

Daawo: Beesha Mudulood oo ka digtay dhul boobka ka socda degmada Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta iskugu yimaadeen waxgaradka, Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Mudullood oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga horyimid dhul boob ka socda degmada Dayniile.

Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga digay dhul boob ka socda dhul la sheegay in garoon diyaaradeed ay ka hirgelinayso dowladda.

Guddoomiyaha horumarinta Beelaha Mudullood, Muxiyadiin Xasan Afrax iyo qaar kamid ah Odayaal dhaqameedka Beesha oo ka hadlay kulankaas ayaa madaxda sarre ee dowladda usoo jeediyay inay wax ka qabtaan dhul boobka lagu hayo dhulka ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen dukomuntiyo ay ku cadeynayaan in dhulkaas ay leeyihiin dad kasoo Reer Sheekh Axmed Mataan, ayada oo uu dhawaan Wasiir Duraan ku sheegay in dhulkaas laga hirgelinayo garoon diyaaradeed.

“Waxaa sheegayna, oo u sheegayna ra’iisal wasaaraha iyo wasiirka gaadiidka iyo cirka in meesha laga rabo garoonka waxaa ka taagan qeylo oo dadkii lahaa wey taagan-yihiin,” ayuu yiri Guddoomiyaha horumarinta beelaha Mudulood.

Odayaasha beesha Mudulood ayaa ku hanjabay haddii la dhageysan waayo baaqa maanta ay jeedinayaan arrintu isku badali doonto dagaal gacan ka hadal ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Kulanka maanta ayaa imanaya xili si weyn isu-soo tarayso cabasho xoogan oo laga muujinayo hadal kasoo yeeray Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegayay in uu shaqo billaabi doono garoon la sheegay in laga dhisayo dhul shacab laga boobay oo ku yaalla degmada Deyniile.

Cabashada ayaa waxay ka taagan tahay goobta ay dowladda u asteysay garoonka laga hirgelinayo degmada Deyniile, maadama uu yahay dhul shacab oo maamulka degmada Dayniile uu boobay, kaasi oo wasiir Duraan laga dhaadhiciyey inuu sharciyeeyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Saciid Deni oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah DP World

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo Talaadada maanta ah si rasmi ah u daahfuray kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiiladda ee Maamulka Puntland, ayaa ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda P&O oo hoos tagta shirkadda DP World ay ka qaadi jirtay dekedda Boosaaso.

Heshiiska P&O ee marsada Boosaaso ayuu xusay in dib-u-eegis lagu bilaabay. Khuburo ka socda shirkada ayuu xusay in ay sahmiyeen xafaarida goobta ayna shaqada ku bilaabaneyso muddo laba bil gudaheeda.

Mudada dib-u-habeynta socoto oo aan la cayimin ayuu ka dhawaajiyey in akoonka shirkada P&O laga wareejiyey dakhliga dekadda isla markaana haatan ay ku dhacdo akoonka kale oo ay maamusho dowlada Puntland.

Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emirate-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dhaafeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkadda P&O Port ee hoostagta DPWorld ayaa bishii October sanadkii 2017 heshiis kula wareegtay Dekadda Boosaaso iyadoo afar sano kadib weli aysan waxba ka qaban dhismaha Dekedda sida uu qabey heshiisku.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa go’ay kadib markii sanadkii 2018-kii dawladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirka Iimaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, iyadoo ujeedada u yeeriddu la xiriirtay sidii qaab diblomaasiyadda waafaqsan ay Soomaaliya ugu gudbin lahayd mowqifkeeda ku aaddan arrinta shirkadda DP World  iyo faragelinta ay ku heyso Dekadaha Soomaaliya.

12-kii bishii Maarso ee isla sanadkaas ayu Baarlamaanka Soomaaliya gaashaanka ku dhuftay heshiis dhex maray shirkaddaas iyo maamulka Somaliland, kaasoo saamiga ugu badan ay Dekedda Berbera ku yeelanaysay DP World, hallka Itoobiyana loo qoondeeyay 19%.

Mucaaradka oo beeniyey eedeyn la xiriirta waalidintii wiilashooda la geeyey Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo kamid ah xubnaha mucaaridka ah ayaa si adag uga jawaabay eedeyn ay dhawaan u jeedisay dowladda federaalka, taasi oo ay kula xiriirisay kacdoonka waalidiinta caruurtooda looga qaaday askarnimada dalka Eritrea.

Odowaa ayaa eedeynta uga timid dowladda ee uu dhawaan u jeediyay wasiirka warfaafinta ku tilmaamay mid qeyrul mas’uulnimo ah, oo muujinaysa heerka ay dowladda federaalka uga damqaneyn cabashada hooyooyinka ay dhalintooda ka maqan tahay.

“Dowladan waxaa laga bartay inaysan hadlin ama inay si kheyru mas’uul u hadasho hooyooyin ooynaayo in la yiraahdo mucaarad baa soo abaabulay ceyb bay ku tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Waxa uu ku dhaliilay madaxda saree ee dowladda inay ku caan baxday inaysan ka hadlin dhibaatada ay sababtay oo ay kamid tahay Askarta ay u qaaday Eritrea, iyo inay si qeyrul mas’uulnimo uga jawaabto falalka loo haysto.

Odowaa ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo cadeeyo inuu jiro heshiis dhex-maray Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea oo ku aadan askarta tobabarka loogu qaada dalkaas.

“Waxaa dembi ah in ilmahaan markii hore lagu qaaday in la geynayo Qatar, ayada oo habeen madow laga dhoofiyay garoonka Muqdisho, waa in dowladda Qatar ay iska bari-yeesho oo ay soo cadeyso,” ayuu yiri Odowaa isaga oo dowladda Qatar ka dalbaday inay si rasmi ah uga hadasho arrinta ciidamada, islamarkaana ay cadeyso inaysan ku lug laheyn shirqoolka lagu qaaday dhalintaas.

Hadalka Odowaa ayaa imanaya xili dhawaan ay dowladda federaalka ku eedeysay mucaaridka inay arrinta Askarta loo qaaday Eritrea ay ka raadinayaan dano siyaasadeed, islamarkaan ay ka dambeeyan kacdoonka ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalay caruurta ka wadeen magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay ‘ujeedka’ qaraxii ay ka fulisay xerada Dhega-badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan oo ku taal banaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas uu fuliyey qof ka mid ah qeybta is-miidaaminta ee koxodaas, islamarkaana uu ujeedka ahaa in la beegsado dhallinyaro qoraneysay askarnimo.

Kooxda ayaa sheegtay in ay qaraxa ku dishay 40 kamid ah dhallinyaradaas, sidoo kalana waxay sheegatay inay ku dhaawacday 50 kale oo ka tirsanaa ciidan loo qorayey dowladda Soomaaliya, inkasta oo xogta aan hayno ay taas ka duwan tahay.

“Camaliyad Istish-haadi ah ayaa maanta waxay ka dhacday gudaha Xerada Turkiga ee Turkisom ee magaalada Muqdisho, waxaana xiliga camaliyada ay dhaceysay halkaasi ku sugnaa maleeshiyaad askar ahaan loo qorayay oo ka tirsan Ururka sagaalaad ee Gorgor; dhimashada waa 40 askari, dhaawacana waa 50 askari,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo maanta ka dhacay Xerada Tababarka Ciidamada ee Gen. Dhega-badan (Warshadda Nacnaca).

Gen. Odowaa Yuusuf waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Bar kontorool oo ay joogeen ciidamada ilaalada ka ah Xerada, inta uu xaqiijiyay waxaa ku dhimatay 10 qof oo ah Dhalinyaro loo xareynayay tababar halka dhaawac uu soo gaaray 20 kale.

Xiliga qaraxa uu dhacayay waxa ay ku jireen dhalinyaradaas safka baarista si loo hubiyo waxa ay wataan kahor in aanay u gudbin gudaha Xerada oo loogu diyaariyay in ay ku qaataan tababar ciidan sida uu xaqiijiyay Taliye Odowaa.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, tirada dhimashada ay gaartay 18, dhaawacuna ku dhow yahay 40.

Dibad-baxayaal xirtay wado muhiima oo ku taal Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gasha caasimada, iyagoo isugu soo baxay fagaaraha taalada Daljirka Daahsoon.

Bajaajleydan ayaa xirtay wadada Shabelle ee hormarta taallada Daljirka Daahsoon, una dhow xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaajta ayaa ka cabanaya wado xumo, waxayna sheegeen inay waayeen meel ay maraan, isla-markaana jidadka qaar ay biyo xireen, halka kuwa kalena ay gooyeen ciidanka ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in maalin waliba laga qaado lacago canshuuro ah, isla-markaana aan waxba loogu qaban, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale bajaajleyda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ay baaq waxa ay u direen guddoomiyaha gobolka Banaadir, iayagoo dalbadeen inuu soo fara-geliyo cabashadooda.

Dibad-baxan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay, maadaama banaan-baxayaasha ay xiteen wadadaasi.

Si kastaba dibad-baxa ayaa kusoo aadayo, xilli maamlmihii lasoo dhaafay jidadka Muqdisho ay ahaayeen kuwa ciriiri ah, isla-markaana ay biyo xireen wadooyinka qaar.

Taliye Odowaa oo war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaan Yuusuf Raage ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada General Dhaga Badan oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Odowaa ayaa marka hore faah faahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo uu fuliyey ruuxu isku soo xiray walxaha, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhinteen illaa 10 ka mid ah dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Taliyaha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bar-koontarool oo laga galo xerada, xilli ay dhalinyarada sugeysay baaritaan, si ay galayaan gudaha, wuxuuna tilmaamay inuu soo dhex-galay ruuxa is-qarxiyey oo watay jaakadda qaraxyada.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada oo la geeyey goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kastaba ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay in ka badan illaa 10 qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii meesha ku sugneyd, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale goobta ka dhashay burbur aad u xoogan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha badan.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey ay usoo baxeen digniino ku aadan in gudaha magaalada ay soo galeen rag wata jaakadaha qaraxyada, isla-markaana doonaya inay weeraro is-miidaamin ah ka fuliyaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kastaba ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xog: Qorshaha tegitaanka Saadaq Joon ee Dhuusamareb iyo cidda ka shaqeysay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ayaa sheegay in Xildhibaano ay qeyb ka yihiin Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Salaad, wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah ay ka shaqeeyeen in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro Janaraal Saadaq Joon. 

Xogta ayaa tilmaameysa in ujeedada socdaalkiisa uu yahay sugida ammaanka doorashada baarlamaanka, waxaana ogolaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo ay soo baxayaan durbaba cabsi ay qabaan siyaasiinta muxaafadka ah ee ku dhow Madaxweyne Farmaajo. 

Siyaasiyiintaan muxaafadka ayaa aaminsan in musharaxnimadooda uu saameyn ku yeelan karo Janaraal Saadaq Joon maadaama uu hoggaamin doono ammaanka doorashooyinka. 

Xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa aamisan in taliyaasha booliska ee Galmudug oo laga soo magacaabay Muqdisho iyo ciidanka ay wataan oo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ay doorashada u boobi karaan Farmaajo muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasina ay keentay in ay Galmudug geeyaan Janaraal Saadaq Joon. 

Xariirka ka dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Villa Somalia ayaa ahaa mid wanaagsan muddo ka hor hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in mugdi soo kala dhaxgalay labada dhinac, inkastoo wax kasta is badali karaan.

Tegitaanka Saadaq Joon iyo haddii u uku lug yeesho sugidda amniga doorashada Galmudug, waxay albaabka usoo xiri doontaa damacii madaxtooyada ee ahaa in xildhibaano taageersan si xoog ah looga saa soor Galmudug.

Cumar Filish oo xil cusub ku soo kordhiyey G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xil cusub kusoo kordhiyay gobolka Banaadir, kaasi oo aan hore uga jirin, sida lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa wuxuu ku aas-aasay “Waaxda Abaarmiitooyinka magaalada Muqdisho”, oo uu u magacaabay Mudane Kamaaludiin Yuusuf Maxamuud.

Filish ayaa aas-aaska waaxdan cusub ku sheegay mid muhiim ah, maadama gudaha caasimada ay kusoo badanayaan dhismayaasha abaarmiitooyinka.

Waxaa xeerka cusub dhameystirkiisa uu guddoomiyaha u igmaday Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar, sida ku xusan wareegtada uu soo saaray.

Kamaaludiin Maxamuud ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee loo magacaabo Waaxda cusub ee Abaarmiitooyinka dowladda hoose ee Xamar.

Hoos ka eeg wareegtada Filish

DF oo golaha ammaanka u gudbisay dacwad xasaasi ah oo ka dhan ah KENYA

New York (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Abuukar ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dilal iyo dhaawac ay duqeymaha Kenya u gaysteen haween iyo caruur Soomaaliyeed, wuxuuna Kenya ku eedeeyey dambiyo dagaal.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa dhowaan sheegay in Kenya aysan duqayn ka fulin karin Soomaaliya, yadoo aan marka hore lagu war gelin taliska Amisom iyo dawladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu furi doonto safaaraddeedkii magaalada Muqdisho kadib soo jeedin ka timid dowladda federaalka Soomalaiya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sidoo kale lagu casuumay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu kusoo laabto Nairobi, oo uu dib u billaabo howlihiisa.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan xerada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro xeradaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub.

Qofka is qarxiyey ayaa sidoo kale la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka .

Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xerada oo isku geedaamay, isla-markaana wada baaritaano dheeraad ah.

Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net

Bulshada rayidka oo soo faro-geliyey kiiska dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulan ku yeeshay xubnaha Bulshada rayidka ah iyo waalidiinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eretareeya ee illaa hadda lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa welwelka iyo cabashada ay qabaan waalidiinta ilmahooda loo qaaday tababarka.

Waalidiinta iyo Bulshada rayidka ah ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyey guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Ra’isulwasaaraha ka dalbadeyn si guddiga loogu kalsoonaado inuu ku daro qaar ka tirsan waalidiinta iyo odayaashii markii hore saxiixay in tababarka loo qaado.

Guddoomiyaha bulshada rayidka Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa soo jeediyey in tixgelin gaar ah la siiyo cabashada waalidiinta ay ka maqan yihiin ilmaha maadaama uusan jirin xiriir dhexmari karo ilmaha iyo waalidiinta oo ku kala sugan laba wadan.

Shaatax ayaa sheegay in bulshada rayidka ah ay dadaal kasta ku bixin doonto sidii lo qancin lahaa waalidiinta, wuxuuna tilmaamay inay la kulmi doonaan xukuumadda iyo cid walba oo ku lug leh ama wax ka qaban karta xaaladda heysata waalidiintaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii waxaa laga soo saaray afar qodob oo kala ah:

  1. In Guddiga Xukuumadda ay magacawday si kalsooni badan loo helo lagu daro xubno katirsan Waalidiinta iyo Odoyaashii saxiixay markii dalka laga qaadayay.
  2. In Xukuumadda Dalka hadda ka jirto ay baaritaan dhab ah ku sameyso nidaamkii loo diray ciidankaan.
  3. In aan la siyaasadeen cabashada waalidiinta Dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eretareeya oo aanay Xukuumadda iyanna u arag mid siyaasadeed.
  4. In Xukuumadda ay siiso Fursad Waalidiinta cabashada qaba ay kula kulanto si ay ugala hadasho welwelka heysta.

C/Shakuur Cidin oo markale loo doortay duqa Berbera

0

Berbera (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Berbera ee Somaliland waxaa maanta ka dhacday doorashada maayarka magaaladaasi iyo ku xigneekiisa, kadib codeyn ay sameeyeen xildhibaanada cusub ee loo doortay golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku soo baxay Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ahaa duqii hore ee Berbera, isagoo markale loo doortay inuu hoggaamiyo magaaladaasi, wuxuuna helay 8 cod oo ka mid ah 13-ka mudane ee loo doortay degaanka.

Sidoo kale waxaa ku xigeenkiisa loo doortay xildhibaan Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde) oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Cabdishakuur Cidin waxaa dib u doorashadiisa si weyn u soo dhoweeyey xisbiga uu ka tirsan ee Kulmiye oo ku tilmaamay guul u soo hoyotay xisbigooda.

“Dib u doorashada gudgoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera waa dhamaystirka qorshihii xisbiga Kulmiye ku hantiyay mar Labaad talada dalka, waana hanashada mar saddexaad talada dalka oo u sii hogaamiye xisbiga Kulmiye,” ayuu yiri afhayeenka xisbiga.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa intaasi sii raaciyey “Markale Berbera hore u socota waa guusha Qaranka soomaliland,”.

Dhinaca kale golaha deegaanka degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag waxaa sidoo kale saaka ka dhacday doorasho kale, iyada oo maayar loo doortay Maxamed Cilmi Maxamuud halka ku-xigeenka oo loo doortay Sahal Maxamed Ismaaciil, kuwaas oo ka tirsan Kulmiye.

Somaliland waxaa dhowaan ka dhacday doorasho taariikhi ah oo isugu jirtay tan golaha deegaanka iyo mid golaha wakiilada oo ay ku tartameen xisbiyada Kulmiye, Wadani & Ucid.