24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

NORWAY oo aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, kana furaneysa safaarad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay dhowaan dib u furaneyso safaaraddii ay ku laheyd magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka ay la leedahay dowladda dhexe.

Hadalkan ayaa waxaa ka dhawaajisay Elin Bergithe Rognlie oo ah danjiraha Norway u qaabilsan Soomaaliya, kadib kulan ay la qaadatay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, MudaneBalal Maxamed Cismaan.

Marwo Elin Bergithe ayaa shaaca ka qaatay in haatan ay bilaabatay qaban-qaabada dib loogu furayo safaaradooda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in dowladda Norway, gaar ahaan agaasinka socdaalka uu aqoonsaday baasaboorka Soomaaliya, si loo fududeeyo isku socodka labada dal.

“Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya

Dhankiisa wasiir Balal Maxamed Cismaan ayaa soo dhoweeyey go’aanka Norway iyo dib u furashada safaaradeeda Muqdisho, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay danayneyso xoojinta xiriirka diblumaasiyaasadeed iyo iskaashiga kale ee ka dhexeeya labada wadan.

“Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah” ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Norway ayaa ka mid ah wadamada reer Yurub ee sida weyn u taageero Soomaaliya, iyada oo qeyb ka ah wadamada beesha caalamka ee dadaalka ku bixinaya doorashooyinka 2021.

XASAN SHEEKH oo tilmaan cusub ka bixiyey XARIGA Sheekh Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galayey dood ah lagu qabtay barta Twitter Space ayaa markii ugu horreysay si daah-furnaan ah uga hadlay xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku dhowaad sadex sano u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa marka hore afduub ku tilmaamay xarigga Mukhtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay inuu sharci darro yahay xarigiisa, isaga oo arrimo siyaasadeed uu sababeeyey.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Roobow uusan u xirneyn arri amni darteed, balse xarigiisa laga leeyahay dano kale.

“Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xarigga Sheekh Mkhqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) inuu meesha ka saaro in hoggaamiyeyaal kale ee kasoo baxaan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu xusay in dowladdu ay albaabka kasoo ooday hoggaamiyeyaal muhiim ah, oo dib uga soo noqon lahaa kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”.

Roobow oo muddo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay bishii August ee sanadkii 2017-kii, isaga bilo kadib, markii lagu soo dhoweeyey Muqdisho uu isku soo taagay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse xilligii doorashada oo aheyd bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Cabdikariin Axmed Mooge oo loo doortay duqa Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa saaka doortay maayar cusub, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Golaha wakiilada ayaa waxaa xilka maaryarka Hargeysa oo si weyn la’isugu hayay ugu dambeyn u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani.

Mooge ayaa sidoo kale ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, wuxuuna helay 26 kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Doorashada ayaa aheyd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna maayar ku xigeen loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Doorashadan oo gacan taag aheyd waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo deegaanada Somaliland ka billowday dabaal-degyo lagu soo dhoweynayo doorashada duqa cusub ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii May ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay taan baarlamaanka iyo mida deegaanka, waxaana ku tartamay xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxiixday heshiis cusub

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland iyo dhiggeeda Taiwan ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan dhanka caafimaadka, si hore loogu wado xiriirka labada dhinac.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Taiwan ay howl-wadeeno caafimaad usoo direyso Somaliland, kuwaas oo tababar siinayo shaqaalaha caafimaadka ee Hargeysa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa lagu faah faahiyey heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay Taipei.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in muhiimada heshiiskani ay tahay, sidii kor loogu qaadi lahaa daryeel caafimaadka.

“Heshiiska wuxuu awood u siinayaa saaxiibkeenna geeska Afrika iyo bahwadaagkeenna in ay kor u qaadaan awoodda adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay ka faa’iideysanayaan dadka,” ayaa lagu yiru qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan.

Fulinta qorshahan iyo saraakiisha caafimaad ee ay Taiwan soo direyso Somaliland ayaa qeyb ka ah heshiis dhanka caafimaadka oo ay labada dhinac ku kala saxiixdeen Taipei.

Taiwan iyo Somaliland ayaa xiriirkoodu wuxuu soo billowday sanadkii 2020-kii, iyaga oo ku ballamay inay hormariyaan iskaashiga ay haatan leeyihiin labada dhinac.

Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga soo horjeeda xiriirka tooska ah ee Somaliland iyo Taiwan, maadaama ay qeyb ka yihiin dhul ahaan labada dal.

Daawo: Culumada Puntland oo ka hor-timid xeerkii ay ansixisay xukuumadda Deni

0

Garowe (Caasimada Online) – Culumada deegaanada Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si adag uga hor yimid xeer ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Puntland, kaas oo gabi ahaanba lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha.

Culumada ayaa sheegay in xeerkaas uu ka hor imaanayo shareecada Islaamka, iyagoo baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meel marin xeerkaas, maadaama baarlamaanka loo gudbinayo, kadib ansixintii golaha wasiirrada.

Culumada ayaa xeerkaan ku tilmaamay mashruuc mudo dheer laga hor taagnaa inuu dalka ka hir-galo, isla markaana fasahaad ku ah umadda Soomaaliyeed, iyagoo wasaaradii soo diyaarisay xeerkaan ku eedeeyey in la siiyey sandareero, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaani waa mashruuc, dowladihii dalka soo maray ayaa horay u diiday, maanta waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wada jeesano. Baarlamaanka Puntland anigu waxaan ka rajeynayaa inay ansixinta xeerkaas diidi doonaan, wasaaradda soo diyaarisayna anigu waxaan is leeyahay waxbaa lagu siiyey, laakiin hadii ay ka war qabi lahaayeen khatarta mashruucaan diinta Islaamka lagula dagaalayo ma aysan yeeleen,” ayuu yiri mid ka mid ah Culumada.

“Xeerkaan kama hadlayo gudniin suni ah ama gudniin fircooni ah, balse waxa uu mamnuucayaa gudniin oo dhan, marka golaha wakiillada waxaan leeyahya maanta waa doorkiinii, meesha aad dhigtaan ayaana arki doonaa,” ayuu yiri Sheekh kale.

Khamiistii lasoo dhaafay ee 10-kii bishan June kulan uu shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, goobjoogna uu ka ahaa ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayey golaha wasiirrada Puntland dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeer lagu mamnuucayo Gudniinka Gabdhaha, kaas oo wasaaradda Cadaaladda Puntland ay hor keentay golaha.

Hoos ka daawo culumada

Maxaa looga heshiiyey wada-hadalkii wasiirrada arrimaha dibadda Somalia iyo Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xiriir taleefoon oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas looga wadahadlay dib u howl-gelinta safaaradaha labada dal oo xirnaa dhowrkii bilood ee u dambeysay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, ayaa maanta telefoonka isku weydaarsaday muhiimadda ay labada dal u leedahay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed, waxaana kulankaas ka soo baxay is-faham, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

“Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Ugu dambeyntiina, waxay ku heshiiyeen in la sii wado marinnada diblomaasiyadeed ee labada waddan ee isgaarsiinta u dhexeeya labada caasimadood iyo dhammaan arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed ee istiraatiijiyadeed.”

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay maalin ka hor ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah.

DF oo war kasoo saartay xubnaha guddiga doorashada ee laga sugayo Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ‘goor dhaw la filayo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu soo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee Galmudug.

Xubnaha laga sugayo Qoor Qoor inuu soo magacaabo ayaa lagu bedelayaa xubnihii dhawaan laga reebay liiska guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo la tilmaamay inay u qeybsamaan shaqaalaha dowladda, ciidanka Qaranka iyo taageerayaal gaar ah.

“Wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu u xaqiijiyay Ra’isul Wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinayo liiska, sida ugu dhaqsaha badan. Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u mahad celiyay Qoor Qoor si la mid ah sidii uu ugu mahad celiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee  horey u soo gudbiyay liiska,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo saaray goor dhaw.

Qoraalka Afhayeenka xukuumadda ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho, kaas oo dalka u jiheeyay doorasho.”

Qoor Qoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee aan weli soo magacaabin xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayey, waxaana la sheegay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalila oo dooneysa inay saameyn ku yeelato xubnaha laga soo magacaabayo Galmudug.

Xiriirkaan dhex maray Qoor Qoor iyo Rooble ayaa ku soo aadaya iyadoo uu maanta Dhuusamareeb tegay wafdi ka socday beesha caalamka, kaas oo la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, waxaana la sheegay in qodobo ay ku jirto dardar gelinta doorashada ay ka wadahadleen.

Turkiga oo farriin usoo diray DF iyo shacabka Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Fadeexad kusoo baxday guddigii uu R/W Rooble u xil saaray kala saarista xubnaha guddiyada doorashada

0

Muqdishi (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u saaray kala shaandheynta xubnihii ay Midowga Musharixiinta kasoo gudbiyeen cabasho ku aadan inay ka tirsan yihiin shaqaalah Dowladda iyo Hey’adda nabad sugidda qaranka ee NISA, ayaa waxaa kusoo  baxday fadeexad culus kadib markii la ogaaday inay sii daayeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.

Xubnaha la fasaxay oo ay guddigaas sheegeyn inaysan ka tirsaneyn shaqaalaha rayid ah ayaa qeyb ka ahaa 67 xubnood oo cabashada laga soo gudbiyey, waxayna xubnaha la fasaxay gaarayaan  illaa 11 xubnood oo kamid ah NISA iyo Shaqaalaha rayidka ah.

Caasimadda Online ayey u suurta gashay inay hesho magaca mid kamid ah xubnaha ay guddigaas fasaxeyn isla markaasna ka tirsanaa Shaqaalaha rayidka ah kaasoo lagu magacabo Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) kaasoo guddiga kasoo galay Maamulka Hirshabelle.

Sababta aan Yoonis liiska looga saarin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay cadaadis uu guddiga uu hoggaaminayay Cabdullaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’isul wasaaraha kala kumay xubno ka tirsan dowladda.

Yoonis ayaa wuxuu kamid ahaa shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna kasoo shaqeeyey  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, balse markii dambe wuxuu u wareegay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday.

Guddiga shaqaalaha rayidka ah ayaa horey Yoonis Xasan ugu soo eedeeyey inuu laba mushaar ka kala qaadanayey madaxtooyada iyo Hey’adda Qaxootiga, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo magdhow lacageed oo ah mid kamid ah mushaarkii uu qaadanayey oo gaarayey illaa 6,352 dollar sida ku cad waraaqaha hoose.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Siyaasiyinta Waqooyiga ee garabka Cabdi Xaashi oo eedeyn u jeediyey Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo guddiyada doorashada ee Gobolada Waqooyi.

Golaha oo isugu jiro siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weli wado faragelinta guddiyada doorashada Somaliland, waxayna ku eedeeyeen inuu jabiyey heshiiskii ahaa in magacaabista guddiyada ay ka tashadaan  Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka.

“Waxaa noo caddaatay in Farmaajo si toos ah usoo farageliyey howshii guddigii Wasiirada ee Ra’iisal wasaaraha u xilsaaray kala saarisa guddiyaddii dacwadda laga qabay, markii uu amray inay dib gu soo celiyaan xubno ka mida shaqaalaha dowladda oo ay hore uga saareen, kana mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu Farmaajo u rabo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada SEIT ee Somaliland,” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo akhrinayey shirka jaraa’id ee golahaan ayaa sheegay inuu Farmaajo mid mid ugu yeeray wasiirada kasoo jeeda Somaliland iyo odayaasha dhaqanka oo doonayey inay iska bedelaan xubnaha shaqaalaha dowladda, isagoo sheegay inuu culeys ku saaray inay arrintaan isaga haraan.

Madaxweyne Farmaajo ayey sheegeen inuu gacantiisa ku qortay shantii xubnood ee xukuumadda soo magacaabi lahayd ee ka mida Guddiyada Doorashada kala duwan ee Maamulka Somaliland, waxayna ka digeen in lasoo saaro liisaska Guddiyada Doorashada Somaliland iyadoo aan la isku afgaran.

Ugu dambeyntii, Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxay ugu baaqeen inuu shaqadiisa qabsado, maadaama uu isaga mas’uul ka yahay howlaha doorashada iyo hirgelinta heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Muqdisho.

DF Soomaaliya oo dalab u gudbisay dowladda QATAR

0

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Suldaan Bin Sacad, oo uu u gudbiyey dalab la xiriira taageerada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay in si taxadar leh looga gudbo xaalada ay wajaheyso Soomaaliya, xili la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan doorashooyinkii muddo dhaafay.

Wasiirka ayaa Suldaan Bin Sacad ka dalbaday in dowladda Qatar ay kordhiso taageerada ay siiso dowladda federaalka, taasi oo uu ku sababeeyay in xiligan Soomaaliya ay mareyso xaalad xasaasi ah, islamarkaana ay wajaheyso dhibaatooyin kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu si gooni-gooni ah ula qaadanayey qaar kamid ah wasiiradda arimaha dibadda ee dalalka Carbta, kuwaasi oo diirada lagu saarayey xaalada Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageerada ballaadhan siiya dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo dhowr jeer lala xiriiriyey inay saaxiib dhow la tahay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday iyo Agaasimaha NISA.

Qodob ka mid ah heshiiskii doorashooyinka ee xiisadda GEDO oo maanta la fuliyey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo ka socda taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isla-markaana ka howl-gala Soomaaliya  ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasi is weyn loogu soo dhoweeyey.

Saraakiishan ayaa waxaa Garbahaarey si weyn ugu soo soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada, kan gobolka iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada.

Wafdigan saraakiisha ah ee ka midka ah AMISOM ayaa isugu jira saraakiil ka kala socota dalalka Ugandha, Kenya, Seirra Leone iyo Nigeria, waxayna kormeeri doonaan goobaha loo diyaariyay inay ka dhacdo doorashada, si loo geeyo ciidamo ka tirsan booliska AMISOM.

Sidoo kale waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan maamulka gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee bulashada, iyaga oo kala hadli doono amniga doorashooyinka.

Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho, waxaana amniga doorashada ka dhaceysa Gedo sugaya AMISOM.

Socdaalka saraakiishan ka socota howl-galka AMISOM ayaa kusoo aadayo, xilli shalay gudaha magaalada Kismaayo ay gaareen xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe kala hadlay arrimaha doorashooyinka 2021.

Si kastaba dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inay guda galaan doorashada xildhibaanada labada aqal, maadaama heshiis rasmi ah lagu gaaray Muqdisho.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sabab yaab-leh oo loo eryey tababarihii xulka kubadda cagta qaranka Sooomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in gabi ahaanba shaqada laga eryey tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, wuxuuna xilkan hayey wax ka yar saddex todobaad.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in tababare Cabdellatif Salef uu ku kacay aflagaado ka dhan ah ciyaartoyda Soomaaliyeed, oo haatan tababar ku qaadanaya wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale xiriirka kubadda cagta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tababarahaN ajnabiga ah uu si xun ula dhaqmay ciyaatoyda muddadii yareyd ee uu hayey xilka.

“Wuxuu si isdaba joog ah u adeegsanayay ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah ciyaartoyda, wuxuu ula dhaqmayay si xun tan iyo markii uu qabtay xilka xulka, mana uusan laheyn dhaqan wanaagsan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Somalia.

Wareegtada kasoo baxday xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciyaartoyda Soomaaliyeed, gaar ahaan xulka qaranka aysan ku farxsaneyn tababaraha la eyriyey, oo uu xiriirku shaaciyey in uusan laheyn xirfad iyo khibrad ku filan.

“Ciyaartoydu kuma faraxsaneyn tababarkiisa, madaama xirfaddiisa iyo khibradiisuba aysan aheyn kuwa gaarsiisan heerka xulka, halka aanu xitaa la imaan qorshe tababar”

Go’aanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed kasoo baxay ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xulka qaranka dalkeena uu isku diyaarinayo ciyaaraha Carabta ee ka dhacaya Qatar.

Si kastaba horey ayaa waxaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed si weyn loogu dhaliilay  shaqaaleysiinta tababaraha la eryey, maadaama ay joogataan tababareyaal Soomaali ah.

Xog: Khilaaf la xiriira howsha loo xil saari rabo SAADAQ JOON oo ka dhex qarxay Farmaajo iyo QOOR QOOR

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, waxaa khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhinac isku ah iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Khilaafka labadaan masuul ayaa salka ku haaya wararka sheegaya in ammaanka doorashada Galmudug lagu wareejin doono taliyihii hore ee booliska Gobalka Banaadir Jenaraal Saadaq Joon, kaasoo dagaal la galay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Khilaafkaan ayaa soo billowday toddobaadyo kahor markii Madaxweyne Qoor Qoor uu gaarigiisa garoonka diyaaradaha ku geeyay taliye Saadaq Joon oo safar maalmo kooban qaatay ku tagay Turkiga markii uu ka soo laabtayna looga soo qaaday isla gaarigii Qoorqoo, waxaana labada jeer gaariga la saarnaa Madaxweynaha Galmudug iyadoo sababta lagu sheegay in uu Qoor Qoor uu xil gaar ah iska saarayay ammaanka taliyaha oo ay qaraabo yihiin.

Qoor Qoor ayaa horey u kala dhex-galay dowladda iyo Saadaq Joon markii la isku dayey in lagu weeraro xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho, markaasi oo Qoor Qoor uu damaanad qaaday amniga Qoor Qoor.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in Saadaq Joon uu soo saari karo xildhibaanada mucaaradka islamarkaana uu saameyn weyn ku yeelan karo doorashada Soomaaliya maadaama loo xil saarayo ammaanka goobaha doorashada waana sababta keentay in ay kala tagaan Madaxweyne Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa aad isugu haleynayey inuu helo inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana hadidi Galmudug lagala wareego ay sii yareyn doontaa fursadihiisa.

Sawirro: Qoor Qoor iyo Swan oo ku kulmay Dhuusomareb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo usii galbiyay madaxtooyada Galmudug.

Kadib imaatinka wafdigan ayaa waxaa Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku kulmay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Wafdiga uu hoggaaminayo Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlat dar-dar gelinta doorashada, ayada oo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii si dhaqso leh loo hirgelin lahaa howlaha doorashada, gaar ahaan mida deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulankaan dhibaatada ka dhalatay Ayaxa oo ku habsaday degaano ka tirsan Galmudug iyo Arrimo kale.

Socdaalka Wafdiga ayaa qeyb ka ah u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaalada, si loo xoojiyo amniga caasimada oo ay ku sugan yihiin wafdi heer sarre ah.

Si kastaba, Kulankaan ayaa imanaya xili ay haatan Soomaaliya isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

Pentagon-ka Mareykanka oo diyaarinaya hindise cusub oo ku saabsan Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa hormarineysa hindise cusub oo tobaneeyo tababarayaasha ciidamada gaarka ah dib loogu dirayo Soomaaliya, lix bilood kadib markii uu kasoo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaas qoray New York Times.

Hindisahan ayaan weli loo gudbin Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd J. Austin III, sida ay sheegeen saraakiisha, mana cadda haddii madaxweyne Biden uu ansixin doono qorshahan.

Qorshahan ayaa sidoo kale wajahaya cabaqado ay ka mid yihiin dood siyaasadeed ka taagan haddii ay tahay in la horumariyo xeerar cusub oo la xiriira ficillada tooska ah ee ka hortagga argagixisanimada, sida duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha drone-ka.

Biden ayaa markii uu xukunka qabtay wuxuu xadiday howlgaladaas, illaa laga hormariyo siyaasad cusub. Militariga ayaa xilligii Trump haystay fasax ay ku fulin karaan howlgal kasta oo loo arko muhiim ayaga oo aan fasax soo dalban, hase yeeshee waxaa taas joojiyey Biden oo qasab ka dhigay in howlgal kasta la ansixiyo si loo yareeyo khasaaraha shacabka soo gaara.

Wixii markaas ka dambeeyey Aqalka Cad ayaa diiday codsiyo dhowr ah oo ka yimid taliska AFRICOM oo Soomaaliya looga fulin lahaa duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, sababtoo ah ma aysan buuxin xeerarka cusub, sida ay sheegeen saddex sarkaal oo la hadlay New York Times.

Inta badan 700 oo askari oo Mareykan ah oo Soomaaliya laga soo saaray bishii Janaayo ayaa la kala geeyey Kenya iyo Jabuuti, halkaasi oo saldhig u ah diyaaradaha drone-ka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan qiyaastii 100 sarkaal oo Mareykanka oo gacan ka gaysta isku ururinta xogaha ay soo gudbiyaan diyaaradaha daba-galka ee dusha kala socda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Hase yeeshee, tijaabooyin ay sameeyeen militariga Mareykanka oo hab online ah ay tababarka u siinayaan ciidamada Soomaaliya ayaga oo jooga Kenya iyo Jabuuti ayaa noqday kuwa aan wax ku ool aheyn.

Waxay taasi qasabtay in saraakiisha AFRICOM ay sare u qaadaan booqashooyinkii ay ku tagi jireen Soomaaliya, oo laga dhigay maalinle, halka markii hore ay ka ahaayeen toddobaadle.

Saraakiisha ciidamada gaarka ah ayaa sheegay in haddii aan la heli joogitaan joogto ah oo Soomaaliya ah, inay wiiqmi doonto wax ku oolnimada iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.

Wasiirada iyo xildhibaanada Puntland oo qorshe ka dhan ah Deni ka billaabay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga da’da yar ee madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u arko inuu caqabad ku yahay siyaasadiisa iyo maamulka uu hoggaamiyo ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay shirar uu la yeelanaayo wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland, kuwaasi oo xusul duub ugu jira inay xajistaan mar kale kuraastooda doorashada soo socoto.

Kulamadaan ayaa ah is xulufeysi siyaasadeed oo ay wasiirada iyo xildhibaanada Puntland kala sameynayaan siyaasiga da’da yar ee Asad Cismaan Diyaano oo miisaan culus ku leh siyaasadda Puntland iyo dhinaca awooda ciidan ee Puntland, waana gogol xaar u ah ka hadalka arrimaha doorashooyinka iyo is-xulufeysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Deni.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kulamadaasi looga hadlay sidii si wada jir ah ah la isaga kaashan lahaa arrimaha doorashooyinka heer xildhibaan iyo in la abuuro isbaheysi ka dhan ah madaxweynaha Puntland oo xusul duub ugu jira in doorashooyinka xildhibaanada labada aqal damacsan in ay kusoo baxaan xubno taabacsan.

Caasimada Online ma xaqiijin karto in kulamadaan u dhaxeeya Asad Diyaano iyo xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ay Villa Somalia ay taagereyso, hase ahaatee waxaa cad in xifaaltan siyaasadeed uu ka dhaxeeyo Asad Diyaano oo miisaan culus ku leh siyaasadda Puntland iyo Madaxweyne Saciid Deni.

Asad Diyaano oo ah siyaasi dhalinyar waa wiil uu dhalay agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Puntland PIS Cismaan Diyaano oo geeriyooday, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom oo taageera sirdoonka Puntland.Doorashadii Puntland ee January 08, 2019 oo Asad Diyaano iyo Saciid Deni aad ugu tartameen ayaa waxaa afar cod kaliya looga guuleystay Asad Diyaano oo helay 31 cod halka Saciid Deni uu ka helay 35 cod.

Ali Muhiyaddiin Ali
Caasimada Online

ROOBLE oo ballan-qaaday daryeelka dhalinyarada ku dhaawacantay qaraxii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay isbitaalka Madiino ku booqday dhalinyaradii ku soo dhaawacantay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa mid mid u dul-tegay dhalinyaradan oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarkii xerada General Dhega-badan, xilli ay doonayeen inay ku biiraan ciidamada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Rooble ayaa sidoo kale maamulka isbitaalka si gaar ah kala hadlay daryeelka iyo daaweynta bukaanadaasi oo ay xukuumaddu ballan qaaday inay ka war heyn doonto.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu maamulka Isbitaalka kala hadlay daweynta Bukaannada oo si gaar ah ula soconeyso Xukuumadda, waxaana u rajeyneenaa Caafimaad degdeg ah in uu alle siiyo” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomnaaliya oo ka mid ah xubnaha booqashada ku wehlinayey Rooble.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, isla-markaana ay sheegtay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Weerarkan ayaa noqonayo kii labaad oo is-miidaamin ah oo lagu qaado xerada tababarka ciidamada ee General Dhega-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyey Israel oo duqeysay GAZA

Tel Aviv (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa sheegay in ay xalay xiligii dambe madaafiic ku garaaceen bartilmaameedyo ay Gaza ku leeyihiin ururka Xamaas.

Weerarka duqeymaha ayey Israel ku sheegtay mid jawaab u ahaa buufinno holcayay oo ay Xamas u dirtay Koonfurta Qudus, kuwaasi oo sababay dab ka kacay beeraha Koonfurta Israel.

“Waxaa diyaar u nahay xaalad kasta oo timaada, oo dagaal ayna ku jiraan kooxaha Marinka Gaza,” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay Israel.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in duqeymaha Israel ay la eegten xero tobabar ku qaadanayeen dagaal yahanada Falastiiniyiinta, oo dagaal adag kula jira Yuhuudda.

Xiisadaha cusub ee labada dhinac ayaa imanaya kaddib markii ay Talaadadi shalay kumannaan Israa’iiliyiin mayal adag oo ruxayay calamo ay socod ku mareen qeybo ka mid ah Bariga Qudus oo ah halka ay degaan Falastiiniyiinta ugu badan ee ku nool dhulka la heysto.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Israel ay ka geysato Marinka Gaza, tan iyo markii xabad joojintii ay soo afjartay 11-maalmood oo dagaal ah bishii hore.

Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee shalay la qarxiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan oo ah Xerada loogu magac daray Janaraal Cabdikariim Yuusuf Adan Dhaga-badan, ee ku taallo Degmada Wadajirwaa goob lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Tan iyo 2010-kii, marki la billaabay in ciidamada lagu tababaro, waxaa xeradaas ka soo baxayey dufcado ciidamo iyo maleeshiyaad aan dowladda ka tirsanayn.

Haddaba wax badan ka ogoow taariikhda Xeradaasi.

Xerada goorta la aasassay

Xerda Janaraal Dhega-badan oo ku taallaa xaafadda Jasiira ee Magaalada Muqdisho, waxay ku dhawdahay xerada Turkisom uu Turkigu ku tababaro ciidamada Soomaaliya.

Waxaana xeradan la aasaasay billowgii sannadkii 1991. Waxay xarunta xeredaasi laga yagleelay horay u ahaan jirtay warshaddii Nac-naca, balse ku burburtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.

Inkasta oo ay Xerada maaulkeeda guud ahaan, ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, haddana qaar ka mid ah waddamada reer galbeedka ayaa dowladda gacan ka siiyo dhanka tababarrada iyo arrimo la xiriira.

Xerada goorta magaca laga beddelay

Xerada waxaa magacii hore ee ahaa ‘Warshadda Nacnaca’ laga beddelay sannadkii 2015, iyada oo wixi intaa ka dambeeyey loogu magacdaray Janaraal Dhega-badan, oo ahaa Abaanduulihi hore ee ciidamada xoogga dalka oo isla sannadkaasi ku dhintay weerar ay Al-shabab ku qaadeen Hoteel Saxafi.

Janaraal Dhega-badan oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya oo magac iyo maamuusba ku lahaa, ayaa looga magacdaray wixi ka dambeeyey sannadkii 2015.

Xerada oo marki hore ahayd Warshaddi nacnaca ee Soomaaliya, kuna burtay dagaalladi sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay billowgi sagaashamaadkii, waxay mar ahayd xero ay Al-Shabaab ku tababarayeen ciidamadooda.

Markii Muqdisho laga saaray ururkaas xiriirka la leh Al-Qaacidda, sannadkii 2010-kii, waxaa loo bedelay goob lagu tababaro ciidamada dowladda.

Waxayna ka mid ahayd xerooyiinka ugu muhiimsan ee ciidamada ugu badan ay ka soo baxaan.

Ciidamada lagu tababaro

Xerada Dhega-badan waa goob ciidan oo lagu tababaro dhammaan noocyada askarta Soomaaliya, mana ahan goob u gaar ah askar qaas ah.

Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye-kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda, haddana ka faalloda arrimaha amniga Soomaaliya, ayaa BBC Somali u sheegay: “Maalmahan waxay dowladdu sheegeysay in dadka doonaya ay ka mid noqdaan ciidamada gorgor ku soo biireen, ay halkaa tagaan. Marka xeradu waxay ahayd meel tijaabada koobaad qofka lagu marsiiyo”.

“Ciidamada gorgor ee hadda lag qorayey, marka dadka raba inay qortaan ayaa lagu kala saarayey – qofka caafimaadkiisa, inuu yahay qof askarinimo ka bixi kara – ka dibna waxaa loo sii gudbinayey qaybaha kale uu tababarka ay ku qaadan lahaayeen ,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed.

Inta badan ciidamada cusub ee ka mid noqonaya kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa tijaabada ugu horreyso looga qaadaa xeradaas, ka dibna, waxaa loo sii gudbiyaa waddamadii ama goobihi kale ee lagu tababari lahaa.

Jananka xeradaasi loogu magac daray

Janaraal Dhega-badan, wuxuu ka mid ahaa taliyeyaashii ugu caansanaa ee ciidamada Soomaaliya.

Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhega-badan), ayaa ka mid ahaa dadkii 2015-kii lagu dilay qaraxi lala beegsaday Hoteel saxafi, oo ay ku dhinteen 15 qof.

Dhega-badan ayaa sida oo kale ka mid ahaa saraakiisha ciidan ee sida weyn uga muuqday dagaalki Soomaaliya ay Itoobiya la gashay, taariikh badanna ku lahaa guulo badanna ka soo hoyey.

Waxaa sida oo kale lagu xusuustaa inuu yahay sarkaal ciidan oo muddo dheer hoggaaminayey dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab ee ka dagaallamay Soomaaliya.

Qaraxa shalay ka dhacay xerada ciidmada lagu tababaro ee General Dhega-badan, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof oo ka mid ahaa dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa jiro dhaawac soo gaaray illaa 20 kale oo ku sugnaa bannaanka koontarool-ka laga galo xerada, ciidanka ee General Dhaga badan.

“Dadka qaraxaas ku waxyeelloobay waxaa u badan dhalinyaro sugeysay Baaritaanka koontoroolka, ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah”, sidaas waxaa Warbaahinta Qaranka u sheegay, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Ma aha marki ugu horreysay oo xeradan uu weeraro qof isku soo xiray walxaha qarxa.

4-tii bishii tobnaad, sannadkii 2017-kii, ayey ahayd marki uu gudaha xerada isku qarxiyey nin watay dharka ciidanka, halkaasna ay ku dhinteen shan askari, 15 kalana ay ku dhaawacmeen.

Isha: BBC