24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Qoor Qoor iyo mucaaradka oo heshiis cusub galay – Xog

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xogoay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu heshiis la galay Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ka soo jeedo Galmudug, Xildhibaanada labada Gole ee hadda ku jira baarlamaanka kana soo jeeda Galmudug iyo siyaasiyiinta kale ee degaanka. 

Heshiiskan ayaa dhigaya in Qoor Qoor uu dhex-dhexaad ka noqdo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Galmudug, oo la filayo inay ku loolamaan siyaasiyiin miisaan culus oo ka kala socda dowladda dhexe iyo mucaaradka. 

Xogta ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Qoor Qoor loo sheegay in kursigiisa uu ku weyn doono haddii uu doorashada Xildhibaanada u boobo Musharax gaar ah, sidoo kalane uu la safto dhinac kamid ah kooxaha siyaasadda Soomaaliya. 

Goobta Qoor Qoor lagula balamay waxaa ku sugnaa guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug, sidoo kale goob joog ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. 

Kulankan ayaa Muqdisho ka dhacay todobaad ka hor intuu uu Muqdisho joogay Qoor Qoor waxaana xogta aan helay saacadihii la soo dhaafay. 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu ballan qaaday in uusan cidna taageeri doonin islamarkaana uu ka shaqeyn doono in si cadaalad ah doorashada ku dhacdo isagoo wadashaqeyn ka dalbaday xubnaha mucaaradka ah ee ka soo jeeda degaanka. 

Qoor Qoor ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee heshiiskan isaga oo soo magacaabay xubno guddi doorasho oo aysan ku jirin cid lagu xiriirinayo madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada baarlamaanka ee dhinaca Galmudug ayaa sanadkaan loo arkaa in ay wajihi doonto tartan adag waxaana lagu hayaa il gaar ah. 

Gen. Odowaa oo war kasoo saaray qaraxii ismiidaaminta ee saldhigga ciidanka xoogga

0

Biya-cadde (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Biyo-cadde oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.

Gen Odaywaa ayaa intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay inay banneysatay daadinta dhigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

4 askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa geeriyootay halka tiro kale ay dhaawacmeen sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan kadib markii Gaariga qarxay lagu dhuftay mid kamid ah Difaacyada Xerada Ciidanka.

Askarta la qarxiyay waxa ay hoostagaan Taliska 27-aad ee Militariga Soomaaliya, waxaana gaaray Gurmad ay u sameeyeen ciidamada kale ee ku sugan xeryaha u dhaw sida ay  sheegeen ilo kala duwan.

Ciidamadaan waxa ay qayb ka ahaayeen Askartii diidday muddo kororsiga Madaxtooyada ee Golaha Shacabka uu sameeyay ee la magac baxay “Badbaado Qaran” oo heshiis kadib dib loogu celiyay Saldhigyadii ay kasoo baxeen 7-dii May 2021.

Muxuu xafiiskii Kheyre ka ogaa qorshaha lagu qaaday dhalinta la geeyay Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay si weyn isku soo tareysay xiisada ka dhalatay dhalintii kal hore tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo laga deyrinayo xaaladooda caafimaad tan iyo markii laga dejiyay dalkaas.

Hanaanka loo maray qorista Askarta tobabarka loogu qaaday Eritrea ayaa la isku raacay inuu ahaa mid baal-marsan nidaamka ay dowladda ku qorto Askarta ay tobabarka ugu qaadeyso dalalka deriska, ayada oo qaabka loo maray qaadistooda uu ku daboolna mugdi iyo shaki badan.

Haddaba, kaalin ma kulahaa xafiiskii ra’iisal wasaare Kheyre oo xiliga uu socday qorshaha lagu qaadayo Askartaas joogay xafiiska?

Samiira Axmed Gaydh oo aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee xiligii ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegtay xafiiska Kheyre uu xiligaas waxba kala socon qorshaha lagu qaaday Askartaas.

Samiira oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa waxay sheegtay inuusan jirin heshiis rasmi ah oo xukuumadda saxiixay, kaasi oo dhigaya in dhalinyaro Soomaaliyeed tobabar loogu qaado dalka Eritrea.

“Heshiis kasta oo ciidan dal kale loogu qaadayo waxaa la keena golaha wasiiradda oo meeshaasa lagu faah-faahiya oo tallo laga bixiyaa. Ciidamada loo qaaday Eritrea-na majiro xataa Wasiir saxiixay, anagana nama soo marin,” ayey tiri Samiira Gaydh oo hore u aheyd La-taliyihii dhanka Amniga Qaranka ee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka.

Sidoo kale waxay sheegtay in qorshaha lagu qaaday dhalintaas iyo qaabka qoristoodaba ay si gaar ah uga wada-shaqeynayeen xafiiska madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Hay’adda Nabad-sugidda NISA.

Si kastaba, dhalinyarada tobabarka ciidanimo loogu qaaday dalka Eritrea ayaa waxaa laga deyrinayaa xaaladooda nololeeda, ayada oo ay soo baxday in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay kasoo baxsadeen xeryihii lagu tobabaray, halka kuwa kalena ay wajahayaan tacadiyo ka baxsan tobabarkii la sheegay in loo qaaday.

Ciidanka Kenya waa in si deg deg ah looga saaro Somalia

Waxaa layaab noqotay in Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya oo dhawaan la hadashay dhiggeeda Soomaaliya aysan kusoo qaadin duullimaadkii Khamiistii June 4, 2021 ciidamadooda ay markale ku duqeeyeen Ceel Cadde iyo Xisa-u-Guur ee gobolka Gedo. Duullaanka aan loo meel dayin waxay ku garaaceen guryo qoysas Soomaaliyeed oo hurday oo ay ku jiraan 8 carruur ah.

Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan – Abuukar Baalle ayaa Golaha Amniga ka sheegay in shacabka Soomaalida ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen ciidamada Kenya ee AMISOM.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa lab-kiciyay in hooyo iyo ilmihii ay nuujinaysay isku kor-dhinteen. Warkaas waxaa laga  maqlay afka saygeeda Cali Axmed Sheekh oo cisbitaalka Erdogan (Digfer) la jooga afarta rajo oo u soo hartay (laba wiil iyo laba gabar) oo dhaawacan (Reuter 7/6/2021).

Dambiyo dagaal oo Joogta ah

Kenya waxay si sharcidarro ah Dalka u soo gashay 2011 iyadoo si rasmi ah AMISOM looga mideeyey February 2012. Sheegashada la dagaallanka argaggixisada ayaa shaki la’aan leh ujeeddo ka duwan midda hawlgalka AMISOM sida: (1) Inay barakiciyaan tuulooyinka dhaca xuduudda (as a buffer); (2) In xuduudda laga dhigto meel xiisad joogta ah ka taagan tahay (disputed area); iyo (3) In la qariyo gacanta daahsoon ee saraakiisheeda kula shaqeystaan kooxda Al Shabaab. 

Warbixin uu Guddiga Khubarada Arrimaha Soomaaliya uu u gudbiyay Golaha Amniga ee QM November 2019, ayay ku xaqiiqsadeen in ilaa iyo 12 siiman isgaarsiin “telecom towers” ay burburiyeen ciidamada Kenya, (APNews – 15/11/2019).

Khubarada ayaa xaqiijiyey bambooyinka lagu layo dadweynaha Soomaaliyeed inay yihiin “cluster munitions” oo mamnuuc ka ah caalamka (UN Press 15/06/2021). Hawlgallada Kenya waa dambiyo dagaal (war crimes) oo u baahan in loo gudbiyo Maxkamadda ICC.

Debshide Ma Noqon Karo Debdemiye

Dowladda Soomaaliya waxay tobankii sanadood ee tegay marar badan ugala hadashay dowladda Kenya iyo Midowga Afrika weerarrada soo noqnoqday ee aan kala sooc lahayn.

Danjiraha Abuukar ayaa ergayga Kenya Danjire Michael Kapkiai Kiboino weydiiyey haddii duqeynta cirka ee baahsan iyo burburka joogtada ah ee hantida ay tahay nabad ilaalin.

Nasiibdarro, gardarraysiga joogtada ah oo ay Kenya ku xasuuqdo dadka, duunyada, iyo hantida gaarka ah uma eka kuwa joogsan doono mustaqbalka dhaw. Joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxay su’aal gelineysaa doorka nabad ilaalinta AMISOM. Sidaas darteed, ciidamada Kenya waa inay si degdeg ah looga saaro dalka.

Gardarro Garab Og

Kenya waxay isku hallaynaysaa garabka hiilo oo ay mar waliba ka helayso Ururrada caalimiga ah (Sida UA, IGAD, iwm), quwadaha waaweyn ee addunka (sida EU, France, UK, iwm) oo badidooda dano dhaqaale ka leh (ganacsi, maalgashi iyo baaris shidaal iwm), iyo xitaa dawlado horraantii saaxiib la ahaa Soomaaliya (Sida Jabuuti, Masar, Qatar, iwm).

Haddii kale ma dhacdeen in dawladdaha lagu tirinaayo saaxibbada ay usoo jeediyaan Soomaaliya talooyin aan maangal ahayn sida inay dib uga gurato dacwada badda, waan waan la gasho amaseba la qaybsato bar iyo bar (50-50) khayreaadka ku jira badda Soomaaliya oo ay Kenya hunguriyaynayso.

Malahaa waa sababta xanniibaada hubka ka dhigtay mid joogto ah si Dalka uu u yeelan cudud militari, iyadoo aysan jirin sabab muuqata oo sidaa loo yeelo.

Kenya waxay rumeysan tahay in dhaqankeeda gurracan ay raali ka yihiin dalalka Yurub ee masruufa iyo kuwa hubka siiya AMISOM. Waxay filaysaa in dilka sharcidarrada ah ee loo geesto kuwa aan waxba galabsan iyo burburinta hantida rayidkaba aan lagula xisaabtami karin. Daaddaansigaas iyo ku xadgudubkaba ma soo noqnoqdeen haddii Dalka uu hub iyo saanad u heli laha Xoogga Dalka oo maanta diyaarka u ah.

Ilaa la helo ciidan Soomaaliyeed oo hub iyo saanadba leh waa habeenkii xalay oo tagay in dalka uu ka guuleysto argaaggaxisada; waana arrinka ka dhigayso AMISOM inay sii joogto dalka. Malaha, adduunweynaha wuxuu ka doorbidayaa inuu malaayiin doollaar ku bixiyo ciidamo shisheeye (AMISOM) intuu arki lahaa Soomaaliya xur ah oo leh cudud ay kaga hortagto argaaggaxisada.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dalalka Khaliijka ‘oo soo jeediyey’ dalab cusub oo la xiriira wada-hadallada Iran

0

Riyadh (Caasimada Online) – Dalalka Khaliijka ayaa Arbacadii sheegay inay halis noqon doonto in wada-hadallada quwadaha caalamka ay kula jiraan Iran ee barnaamijkeeda nukliyeerka laga reebo banraamijka gantaallada iyo “dhaqanka xasilooni darrada ah” ee Tehran, waxayna mar kale ku celiyeen inay wada-hadallada qeyb ka noqdaan.

Dalalka ugu awoodda badan caalamka iyo Iran ayaa waxaa Sabtdii Vienna ugu billowday wareeggii lixaad ee wada-hadallada la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeer-ka Iran, kaasi oo ay ka horyimaadeen Sacuudi Carabiya iyo xulufadeyda, islamarkaana Mareykanka uu ka baxay 2018.

Tehran ayaa diiday isku day kasta oo arrimo kale loogu darayo heshiiska, kaasi oo ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda nukliyeerka, ayada oo ku beddelaneysa in laga qaado cunaqabteynada saaran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo heshiiska oo uu ka baxay madaxweynihii ka horreeyey ee Donald Trump.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Khaliijka ayaa ku booriyey quwadaha caalamka inay xaqiijiyaan heshiis wata xanibaado xooggan iyo waqti fog, ayna “ku xiriiriyaan tallaabooyin lagu dhisayo is-aaminaad,” si looga hortago in gobolka uu ka dhaco tartan dhinaca hubka ah.

Bayaan ay soo saareen kadib kulan ay ku yeeshee, Riyadh, waxay ku sheegeen in dalalka Khaliijka ay tahay in laga qeyb geliyo wada-xaajoodyada lala leeyahya Tehran, ayna diyaar u yihiin “inay ka wada shaqeeyaan in si dhab ah oo wax ku ool ah ay ula macaamilaan diiwaanka nukliyeerka Iran, ayada oo lagu saleynayo dhowrista iyo madax-banaanida iyo daris wanaagga.”

Bayaanka ayay ku adkeeyeen “halista ka iman karta in heshiiska nukliyeerka laga reebo” cawaaqibka barnaamijka gantaallada Iran iyo taageerada Tehran ay siiso kooxo ka dhisan gobolka, waxayna ku booriyeen Tehran inay si dhab u gasho wada-xaajoodka si looga fogaado in xaaladdu sii xumaato.

Sacuudi Carabiya iyo Iran oo xiriirka kala goostay 2016 ayaa bishii April waxay wada-hadallo toos ah ka billaabeen Iraq, si loo xakameeyo xiisadda gobolka.

Reuters + VOA

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka

0

Biyo cadde (Caasimadda Online) – Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay goobo aad uga fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida dad goob joogayaal ah u sheegeyn Caasimadda Online, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, sidoo kalana Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco caasimadda Online.

Lacag malaayiin ah oo laga dalbaday gabar Soomaali ah oo laga afduubtay Nairobi, iyo mid labaad oo la la’yahay

Nairobi (Caasimada Online) – Gabar 23 jir Soomaali ah oo laga afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi ayaa kooxda haysata waxay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan Shan milyan oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyey wargeyska The Standard.  

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa Talaadadii 15-kii June laga waayey dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku laheyd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii. 

“Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo aheyd Arbacaduu, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa.

“Waxaan aad uga walaacsannahay inay waxyeelo u gaysan karaan,” ayuu yiri. 

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsan ee dukaanka Xafsa ayaa muujiyey ayada oo dukaanka galeysa saacadda marka ay aheyd 4:44pm Talaadadii, ayada oo ay wehliso gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdulwahaab.

Labada gabar ayaa durba u baxay deegaanka Kayole, ayada oo aan la ogeyn sababta. Waxaa hadda soo baxday in sidoo kale Xafsa Cabdulwahaab oo qare ku iibisa deegaanka Kayole iyana la’a yahay.

Galabkii Arbacadii, kooxda afduubka gaysataya ayaa soo dirtay muuqaal 35 ilbiriqsi ah oo muujinaya Xafsa Maxamed Luqmaan oo indhaha ka daboolan, gacmaha iyo lugahana laga xiray, ayada oo ay ka muuqdaan jir dil.

Xafsa ayaa la maqlayey ayada oo qoyskeeda ku leh “Waa ley afduubtay, waxayna dalbanayaan madax furasho, fadlan siiya.”

Qoyska Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa hadda dalbanaya in si deg deg ah loo soo faro-geliyo arrintan. Sidoo kale qoyska Xafsa Cabdulwahaab, ayaa iyagana booliska ka codsaday inay caawiyaan gabadhooda.

Xog: Farmaajo oo ka baaqday safarkii Turkiga + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kaasi oo lagu waday inuu ka qeyb-galo.

Farmaajo ayaa kamid ahaa madaxdii lagu martiqaaday shirkaas, ayada oo qorshaha uu ahaa in shirkaas kadib uu kulan-doceed la qaato madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia.

Xogta ayaa sheegaysa in Farmaajo uu ka qeyb-galka shirkaas uga baaqday sababo la xiriira xaalada siyaasadeed ee ka taagan dalka, xili uu dhawaan dalka u jiheystay dhanka iyo doorasho, kadib heshiiskii 27-kii May lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Baaqashada safarka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa sidoo kale qeyb ka ah xiisada ka taagan dhalinyaradii tobabarka ciidaminimo loogu qaday dalka Eritrea oo xaaladooda kasoo dareyso, xili ay xukuumadda u saartay arrintaas guddi baaris ku sameeya.

Wararka ayaa intaas kusii daray in qorshaha safarka Farmaajo ay si gaar ah u daneynayeen dowladah Qatar iyo Turkey oo ayagu maalmihii u dambeeyay ka wada-shaqeynayey kulan gaar ah oo dalkaas ku yeeshan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kadib dib u soo celintii xiriirka labada dal.

Safarka Farmaajo ee Turkiga ayaa fursad cusub u noqona lahaa dhidibo u taagida xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, sida ay aamisan yihiin xukuumaddaha Ankara iyo Doha, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ragaadiyey mad-madow badan, inkasta oo labada dal ay isku raaceen dib u soo celinta wada-shaqeyntii ka dhaxeysay.

Magaaladee ayey ka dhici doontaa doorashada ugu adag ee baarlamanka 2021? 

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Inkasta oo si guud ay sanadkaan u adag tahay doorashada xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira saddex magaalo oo ah kuwa uga adag ama cabsida weyn laga qabo ee doorashooyinka ay ka dhici doonaan. 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ay ka dhici doonto doorashada ugu adag, waxaana laga cabsi qabaa in uu dhiig ku daato. 

Waxaa ku loolami doono siyaasiin qaarkood hadda ku jira baarlamaanka oo kala jira dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana u dhaxeeya Qoor Qoor oo labaduba mid la safan karin daruufo badan oo ku geedaaman aawgood. 

Magaalada ayaa durbo noqotay magaalo ciidan, waxaana ku qulqulayo ciidamo ka socda mucaaradka halka sidoo kale ay hore u joogeen ciidan ka amar qaata Villa Somalia. 

Qoor Qoor ayaa loogu hanjabay in kursigiisa uu ku waayi doono haddii uu boob ku soo saaro musharaxiinta taabacsan Villa Somalia, waxaana ugu hanjabay Xildhibaanada Habargidir iyo Musharaxiinta Madaxweyne ee ka jeeda Galmudug. 

Sidoo kale Villa Somalia ayaa Qoor Qoor ku cadaadineysa in aysan soo laaban Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. 

Dad badan ayaa aamisan in Dhuusamareeb ay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashada mida ugu xiisaha badan uguna qatarta badan. 

Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne ayaa sidoo kale ah kuwa xiga. Dad badan ayaa qaba in labadaan magaalo haddii aan si fiican loo maareynin ay ka dhici karaan isku dhacyo ka dhasha doorashada inkastoo madaxda HirShabeelle iyo Jubaland ay wadaan olale doorashada loogu soo koobayo min hal magaalo. 

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in loo dhaqaaqo maalmaha soo socda, waxaana loo arkaa in doorashadaan ay tahay mid adag oo sababi karta dagaalo haddii aan loo maareynin si dagan oo ay ku jirto wada-hadal iyo is faham.

Rooble oo war cusub kasoo saaray guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Rooble ayaa hadalka sheegay isaga oo maanta golaha wasiirada, oo Muqdisho ku shiray siiyey warbxin kooban oo ku aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka dalka kadib heshiiskii laga gaaray is-mari waaga doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xubnihii guddiyada ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 la soo wada dhammeystiray, islamarkaana hadda waxa harsan ay tahay kaliya in liiska guud uu shaaciyo xafiiskiisa.

Madaxweynaha Galmudug oo ahaa kii ugu dambeeyey ayaa maanta Rooble u gudbiyey xubnaha guddiga doorashada ee matalaya Galmudug, wuxuuna magacaabay saddex xubnood oo guddiga doorashada ah iyo xubin guddiga xalinta khilaafaadka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay ka dhici doonto doorasho hufan oo daah furan, iyadoo oo sida uu sheegay la ilaalinayo qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha qaran ee la soo dooranayo.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa maanta warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in howlaha lagu xaqiijinayo amniga ay si wanaagsan soconayaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, jab xoogganna ay gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Golaha u soo bandhigtay xaaladda deegannada ay saameeyeen fatahaaduhu iyadoo xustay dadaallada dowladdu ay hoggaaminayso ee gurmadka loogu fidinayo dadkeenna ay saameeyeen fatahaaduhu.

Ugu danbeyn Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey Habraac Shaqo siinta dibadda ee Shaqaalaha Xoogsatada Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay, golahana horkeentay Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Dhageyso: Dhallinyaradii loo qaaday Eritrea oo la hadlay VOA, ka sheekeeyey xaalad argagax leh oo ay ku jiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijkii Bandhigga VOA ayaa waxaa toddobaadkan lagu soo qaatay qaar kamid ah dhalinyaradii kal hore Askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, oo xiligan wajahaya xaalada halis ah.

Qaar kamid ah dhalinyaradaas oo lagu wareystay barnaamijka ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha lagu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen.

Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indho-beelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel caafimaad ah, islamarkaana ay ilaa hadda la jiifan xanuuno sababsan kara geeridooda, sida ay sheegen.

Dhalinyarada la wareeystay oo cabsi badan ka muuqatay ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaaday uu mar keliya booqday intii ay ku jireen xeryahaas, ayaga oo loogu hanjabay inaysan dhibaatoodada u sheegan karin, oo aysan ka warami karin dhibaatadooda.

“Nolol bini’aadanimo ah kuma noolin, guryaha ayaa nalagu dhistaa, beeraha falnaa, tobabar waxaa noogu dambeysay bishii 9-aad, intaas wixii ka dambeysay waa nala adoonsan yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada la hadlay idaacada VOA-da oo magaciisa loo qariyay sababo amni.

Waxay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in laga soo gaaro xaalada halista ah ku haysata dalka Eritrea, oo markii hore loogu qaaday tobabar ciidanimo.

Hoos ka dhageyso codka dhallinyarada

 

Daawo Xaaf: Wixii uu Qoor Qoor sameeyey, waxaan kala xisaabtameynaa Saleebaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka la aadayo ee ka dhacaya Soomaaliya.

Xaaf oo soo hadal qaaday doorashadii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkii 2016-kii ayaa ka digay musuq-maasuq iyo in la soo celiyo wixii horey u dhacay, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

“2016-kii wixii ka dhacay Cadaado hadday soo laabtaan Yoomul Qiyaama dhacaaya Soomaaliya, waligey isma oran waagaas wax nuucaasaa ka dhici kara Soomaaliya. Ragga baahasha metalayana waa raggii laftiisii qaar badanoo ka mid ah ayaa joogo war yaan sidii Cadaado lagu celin arrinta waa iga dar-daaran,” ayuu yiri madaxweynihii hore Galmudug.

Sidoo kale wuxuu Xaaf weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaaroye (Qoor Qoor) ioo uu tilmaamay in isaga loo adeegsaday mudadii uu joogay xafiiska.

“Saddexdii sano ee aan meesha joogay Dubbihii la’ii adeegsaday ayuu ahaa Qoor Qoor oo la’iila dhacaayey, isaga iyo ragga uu wataba,” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Labo sano inaan diyaarad ku kormaro Cadaado, Qoor-Qoorna maalintii ugu horreysay buu tegay illaa hadana la qaabilaayo, Saleebaan jawaabteeda waa laga rabaa,”.

Ugu dambeyn Xaaf ayaa khudbadda uu maanta jeediyey ku muujiyey inuu weli ku jiro hami siyaasadeed oo uu ku doonayo inii ka qeybgalo  doorashada soo socota, isaga oo farriin ku aadan damaciisa u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

“Inuu shaki i geliyo maantana ka rajeyn maayo wax waa iska rabaa hadda, lkn umaleyn maayo inaan ku sii dheereynaayo,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Galmudug iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada ay ka bilaaban doonto doorashada xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

Amar culus oo la dul-dhigay gaadiidka madaxda iyo kuwa shacabka ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amar cusub kusoo rogay dhamaan Gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee lagu dhex wato gudaha caasimadda.

Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ee taraafikada ee gobolka ayaa faray in gaadiidka kuwa garka loo leeyahay iyo kuwa Madaxda ay wataan in loo sameeynayo Sharciga gaadiidka, sida Buuga iyo Aqoonsiga Darawalnimo.

Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in arrintaan ay u sameynayaan sidii kor ugu qaadi lahaayeen amaanka caasimada iyo bad-qabka waddo marista.

Sidoo kale waxa uu xusay inay u qorsheysan tahay in wadooyinka magaalada Muqdisho ay keenaan Ciidamo dheeraad ah oo xirfad u leh marista wadooyinka oo muddooyinkii ay shilalka kusoo bateen.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in shilalka Gaadiidka ay kusoo bateen magaalada Muqdisho, isagoona carabka ku adkeeyay in qof walba oo Gaari ku dhex wata magaalada ay ka qaadi doonaan imtixaan, si buu yiri loo hubiyo darawalnimadiisa.

Amarkaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ee caasimada dalka laga dareemayo saxmad fara-badan oo dhanka wado marista, islamarkaana ay xiran yihiin waddooyin muhiim ah, halka kuwo kalena uu ka muuqdo bur-bur baahsan.

Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha gudiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goordhoweyd oo maanta ah xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta u gudbiyey liiska xubnaha bedelka ah ee cabashada laga soo gudbiyay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Galmudug, kuwaas oo gaaraya afar xubnood.

Xubnaha lasoo bedelay ee afarta ah ayaa saddex kamid ah qeyb ka noqonayaan Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii u dambeeyay ee soo gudbiya bedelka xubnaha guddiyada doorashooyinka ee cabashada laga keenay, kuwaasi oo guddigii xaqiiqo raadinta ee ra’iisal wasaaraha u magacaabay ku heleen eedeymihii loo jeediyay.

1. Yahye Cismaan Gedi = SEIT
2. Mahad Abdullahi Mahamud = SEIT
3. Hawo Adan Yare Culusow = SEIT
4. Ayan Abdirahman Mahamud = FEIT (Guddiga Xalinta Khilaafaadka)

Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqonaya dhinacyadii u horeeyay ee qaada tallaabo lagu fulinayo heshiiskii maalmo ka hor lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho, kaas oo meesha ka saaray mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Sawirro: Musharax Darmaan oo soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa qeyb ka ahaa siyaasiyii, waxgarad, aqoonyahano iyo haween kuwaasi oo dareen farxadeed umuujiyay.

Imaam Cabdullaahi Khaliif oo ah Imaamka Beelaha Habargidir ayaa sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin imaanshiyaha Darmaan iyo Musharaxnimadiisaba.

“Cabdinuur Darmaan waxa ay Soomaalidu ku xasuusataa waxyaaba badan, waa nin aan dagaaladii sokeeye ka qeybqaadan, sidoo kale waxa uu ku amaanan yahay in maxaabiis badan uu xabsiyada ka soo daayay xilli dowladnimadu marxlad adag ku jirtay,” ayuu yiri Imaam Cabdullaahi Khaliif.

Sidoo kale, Suldaan Mahdi oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa carabka ku adkeeyay in Musharax Madaxweyne Cabdinur Darmaan uu yahay siyaasi aan wax garaafo ah laheyn, sida uu yiri.

Musharax madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan oo dadkii soo dhaweeyay lahadlay ayaa u mahadceliyay isagoo tilmaamay in dalku uu u baahan yahay badbaado.

 

CALI DHEERE oo la sheegay ‘inuu ku dhacay’ CANCER

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay xanuunka Kansarka, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo sheegay inuu helay xogo amni.

Sanyare oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay in xogo lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ay ku ogaadeen in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Sheekh Cali Dheere oo muddo fog ah afhayeenka dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray in afhayeenka uu si xun u haleelay xanuunka Kansarka, isla-maraakan uu haatan la daala dhacayo xaalad aad u adag.

“Xogo Amni oo lagu kalsoonyahay oo aan helnay waxay tibaaxayaan in Afhayeenkii Argagixisada Al-shabaab Cali Dheere uu ku dhacay Xanuunka Cancer-ka ilaa hadana uu la daala dhacayo oo uu si xun u haleelay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaa bishaaro iyo guula in dhiigii umada islaamka ah uu ilaahay ka soo saaray dushooda Aakhirana ay sugayso Cadaab daran oo looga gudayo waxii dhibaato ay aduunka Ugu gaysteen Umada islaamka ah.

Cali Dheere ayaa in muddo ah kasoo muuqan warbaahinta, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku sugan yahay.

Si kastaba illaa iyo ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan xaaladda caafimaad ee afhayeenkooda, maadaama la soo wariyey inuu ka dhacay Kansar.

Xog: R/W Rooble oo xilal ku abaal mariyey qaar ka mid ah madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu xilal agaasimeyaal guud oo dowladda dhexe ah siiyay Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada qaar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Cali Guudlaawe uu geestay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dhowaan la magacaabay. Qoor Qoor ayaa sidoo kale geestay agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka ee dhowaan la magacaabay, halka Mahdi Guuleed uu geestay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta. 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isagana keensaday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaanshaandhigga Soomaaliya, kaasoo ay qaraabo dhow yihiin.

Si rasmi ah looma oga sababta, hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay jiri doonaan agaasimyaal kale oo ka imaan doona maamulada kale ee harsan sida Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda maamul gobaleedyada oo ka faa’ideysanaya xiliga kala guurka ah iyo culeysyada heesta ayaa la sheegay in ay damacsan yihiin in ay isaga yareeyaan magacaabista xilal kala duwan, kuwaasoo ka dhici doona dowladda dhexe iyo maamulada dhaxdooda. 

Rooble ayaa kahor magacaabistan wuxuu wasiirada dowladda ka reebay inay sameeyaan wax magacaabis agaasimeyaal ah, isaga oo si toos ah ula wareegay awoodihii wasiirada xukuumaddiisa.

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada ku maqan Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: Farmaajo oo awood loo siiyay soo xulashada sagaal xubin oo ka mid ah guddiga doorashada ee G/Waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online ku heshay xog la isku haleyn karo, madaxweyne Farmaajo ayaa wali farogelin ku haya soo magacaabista guddiyada doorashada ee gobalada Waqooyi. 

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana laga soo doorto Gobalada Waqooyi ayaa Caasimada Online u sheegay 15-ka xubnood ee gobalada Waqooyi ay 9 kamid ah ku imaan doonaan rabitaanka Farmaajo, halka 6-da kale uu soo gudbin doono Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Cabdi Xaashi. 

Xogta ayaa tilmaameysa in 6-da Xubnood ee la siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed laga soo gudbin doono xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, xogta ayaa tilmaameysa in 3-da xubnood ee kalana oo uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagana ay Villa Somalia ku heyso farogelin, waxaana arrintaan qeyla dhaan ka muujiyay siyaasiinta gobalada Waqooyi. 

Xildhibaano Xuseen Carab Ciise oo kamid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobalada Waqooyi iyo kuwa kale ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wali maamulayo soo magacaabista guddiyada ka imaanaya gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyagoona baaq u diray RW Rooble. 

Ka sokow xubnaha gobollada waqooyi, madaxweyne Farmaajo ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xubnihii laga soo xulay HirShabeelle, oo badankood la sheegay inay ku yimaadeen rabitaankiisa, sida ay xaqiijisay Caasimada Online.

Kenya oo xanibaado kusoo rogtay qeybo ka mid ah Gedo

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay weli dhibaatooyin ka wadaan Gobolka Gedo, ayna sidoo kale xanibaado kusoo rogeen qeybo ka mid ah gobolka.

“Waxaan doonayaa ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaagno dal iyo dibadba inaysan Kenya joojin dhibaatooyinkii ay ka waday Gobolka Gedo,” ayuu yiri Afhayeenka.

Inkastoo Kenya ay Khamiistii dib u fasaxday duulimaayadii labada dal oo bishii May ay xanibtay sababo aanay sheegin awgood ayuu Afhayeenku sheegaya inay sii waddo dhibaatooyinka ay ku hayso dadka reer Gedo.

“Xilli maalmo ka hor ay Kenya qaaday cunaqabateyntii ay ayada isa saartay ee duulimaadyadii labada dal ayay hadana dhibaatooyin kale ka waddaa Gobolka Gedo. Tusaale ahaan buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq baabuur ganacsi oo Caasimadda Soomaaliya laga raray intuu ka gudbay ma taggi karo Gobolka Gedo degmo ka mid ah. Garbahaarey ma taggi karo, Beled Xaawo ma taggi karo, Doolow iyo Luuq dhexdooda oo aad ammaan ah uun baa laga yaabaa inuu baabuur ka gudbo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Waxa kaloo uu yiri “Degmada Ceelwaaq, Kismaayana uma furno, Gedo inteeda kalena uma furmo. Deegaanada Faafaaxdhuun, Buusaar, Samaroole, Dhaso, Burcalaan, Ceelcadde, Wargaduudo iyo Ceelgaduud kiilada (1kg) sonkorta waxay ka joogtaa shan dollar ($5), wax ganacsi ahna aysan gelin. Gaadiidka ganacsiga waxay ka baqayaan in diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan, sidii dhacdayba.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa xusid mudan Degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, Ceelwaaq iyo Garbahaarey, Ceelwaaq iyo Beled Xaawo, Ceelwaaq illaa Diif inta ka dhaxeyso meel deegaan ah oo jiingad cad ay ka dhisan tahay oo lagu hoydaa ma jirto. 4-ta galabnimo ayaa meel kastaa oo la degan yahay laga caraabaa, hooyooyinka umulaya geedaha bay ku hoos umulaan oo dadkaasi habeenkii oo dhan duurkaas ayay yaallaan, oo kaneecada iyo dhibaatada ay hoos jooggaan. Deegaanadii la deganaa xilliyada habeenkii waxaa gaaf wareegaya diyaaradaha Kenya.”

Waxaa uu intaa ku daray “Shirkaddii Isgaarsiinta Hormuud oo dadkaa u ahayd manfac, shanta qaaradood qaraabadoodii jirtay ee lacagaha ugu soo diri jireen teleefanadooda gacanta waa laga burburiyay, sababtoo ah adeegga EVC Plus deegaanadaasi waa ka go’an yahay. Wax kale iska daayee naftoodii baa qof walba wuxuu leeyahay goormaa diyaaradi gantaal kugu dhufan doontaa.”

Hadalka Aadan Rufle ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay cadeymo muujinaya labaatan duqaymo oo dhanka cirka ah, oo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka gaysteen Gobolada Koonfureed ee dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka hordhigay cadeymaha duqaymahaasi, isagoona sheegay in Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada Dagaalka ay tahay in baaritaan ay ku sameyso duqaymahan.

“Nooca duqaymaha tirada badan ee joogtada noqday ee gaaraya illaa iyo labaatanka ee lala beegsaday dad shacab ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaa oo ay gaysanayaan Ciidamada Kenya ayaa gaarsiisan heerka dembiyo dagaal, marka la eego sharciga caalamiga ah. Tacadiyadan ay gaysanayaan Ciidamada Kenya ayaa u baahan in baaritaan deg-deg ah ay ku sameyso Maxkamadda Caalamiga. Waa waajibaad saaran dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobey inay difaacaan shuruucda caalamiga ahi. Tacadiyadani waxay u baahan yihiin in golahani uu mowqif adag ka qaato, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida adduunka, isla-markaana lagula xisaabtamo kuwii ka dambeeyay jebinta shuruucda caalamiga iyo kuwa bani’aadanimadaba,” ayuu yiri Abuukar Baalle.

Danjire Baalle ayaa markale yiri “Soomaaliya uma dulqaadan kareyso weeraro noocaani oo ka dhacaya xuduudahayaga, maadaama duqaymahani ay gaysayanaan ciidamo lagu aaminay inay suggaan ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa ay su’aal gelinayaan doorka nabad ilaalineed ee Kenya, waxayna noqonayaan kuwa xagal-daacinaya doorka Ciidanka AMISOM, joogitaankooda Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.”