24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Xog: JANAN oo saddex bil kadib ka dhoofay Muqdisho iyo qorshaha safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa markii ugu horreysay ka dhoofay Muqdisho saddex bilood kadib markii uu dowladda federaalka la galay heshiis uu isku dhiibay. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Janan ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriirka ujeedka safarkiisa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka dowladda federaalka Cabdiraxmaan Dheere.

Cabdiraxmaan Dheere, oo ay aad isugu dhow yihiin taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayaa ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda, kadibna lagu keenay Muqdisho.

Weli si rasmi ah looma oga ujeedka safarka Janan ee Addis-Ababa, waxaana kasoo baxaya warar is-khilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan inuu arrimo baasabor u tagay, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu u tegay qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo, oo ay suurta-gal tahay inuu uga sii gudbo 

Caasimada Online ayaa qortay 12-kii May, ayada oo soo xiganeysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo, in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. 

Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada. 

Yaa lala xiriirinayaa dilka Najma Cabdullahi, gabadhii Soomaaliyeed ee Mombasa?

0

Mombasa (Caasimada Online) – Haweeney lala xiriirinayo dilka Najma Cabdullaahi, oo aheyd gabar Soomaali ah oo 19-jir ah, taasi oo lagu dilay magaalada Mombasa ah ayaa lagu maxkamadeynayaa magaaladaas.

Maxkamadeynta Faa’isa Cali Xasan oo ah gabadha lagu tuhunsan yahay inay dilka ka dambeyso ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Faa’iso sheegtay inaysan fahmi karin luuqadaha English-ka iyo sawaaxiliga, sidaas darteedna aysan ka jawaabi karin codsi uu sameeyey sarkaalka baaritaanka gacanta ku hayo.

Garsooraha sare ee deegaanka Vincent Adet ayaa amar ku bixiyay in Faa’iso la sii hayo laba maalmood iyada oo maxkamadu ay raadineyso turjumaan Soomaali ah oo u kala turjumo maxkamadda iyo eedeysanaha.

Faa’iso ayaa lagu eedeeyey inay aheyd qofkii ugu dambeeyey ee lala arko Najma Cabdullaahi kahor intaan laga helin iyadoo miir daboolan agagaarka Dongo Kungu.

Najma ayaa u dhimatay dhaawacyo loo geystay saacado yar kadib markii lagu daweynayay isbitaalka degmada Port Reitz halkaas oo booliska ay geeyeen.

Sida laga soo xigtay warqadda dhaarta ah ee sarkaalka baaritaanka John Mutwiri, Faa’iso ayaa ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilka Najma oo ay saaxiib la aheyd isla markaana ay haysay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan dilka.

Mutwiri wuxuu sheegay in gabadha dilka lagu tuhunsan yahay ee Faa’iso la arkay iyadoo la socoto marxuumadda dhimatay fiidkii 9-kii Juun oo ah isla maalintii Najma la waayey.

Marxuumadda ayaa ka tagtay gurigeeda oo ku yaal aagga Chaani abbaare 6-dii fiidnimo waxayna ku wargalisay walaasheed inay raaceyso Faa’iso oo ay saaxiib dhow la tahay.

Si kastaba ha noqotee, taleefankeeda ayaa hawada ka baxay daqiiqado yar ka dib 7 fiidnimo ka dib markii ay walaasheed u xaqiijisay inay dib ugu noqonayso gurigeeda.

Baaraha ayaa maxkamada u sheegay in Faa’iso ay ka baxsatay Mombasa laguna arkay magaalada Eldoret 10-kii June, saacado kadib markii marxuumadda la waayey.

Sarkaalka oo sii hadlayey ayaa u sheegay maxkamadda in eedaysanaha uu markaas ka cararay Eldoret una socday Nairobi markii uu ka war helay in booliisku raadinayo.

Dhanka kale Booliiska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilka gabadhaan Soomaalida ah loogu geystay gudaha magaaladaas.

Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen.

Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.

KENYA oo fulisay heshiiskii ay la gaartay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayada oo fulineysa heshiiskee ay la gaartay dowladda Soomaaliya ee lagu soo celinayo xiriirka labada dal.

Lucas Tumbo ayaa Muqdisho ka maqnaa in ka badan 6 bil kadib markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo horseeday inay safiirada kala qaataan.

Imaashaha safiirka Kenya ee Muqdisho ayaa imaneysa kadib markii labada dowladood ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii dibloomaasiyadeed, waxaana la filayaa in dhawaan dib loo furo safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa 16-ka Bishaan ku heshiiyey in si deg deg ah loo furo safaaradaha labada Dowladood kadib wada-hadal dhanka taleefoonka ah oo dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo.

“Labada wasiirba waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Kenya ee Muqdisho iyo Nairobi, waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya.

Wasiirradu waxay muujiyeen rajo weyn oo ah in la horumariyo ganacsiga, amniga iyo xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, sida lagu shaaciyey qoraalka ay wadahadalkaas ka soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda ka shaqeynaya dib u soo celinta xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo waayahaan mugdi badani uu hareeyey, balse weli waxaa jira marxalado markii hore xumeeyey oo aan hagaagin, sida dacwadda badda, qaadkii ay Kenya u soo dhoofi jirtay Soomaaliya oo aan la fasixin iyo dacwad kale oo Soomaaliya ay  ka gudbisay Kenya, kadib markii duqeyn ka dhacda Gedo ay ku dishay dad rayid ah.

Sababta Xaawo Kiin ‘looga saaray guddiga doorashada GALMUDUG oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday sababta liiska guddiga doorashada Galmudug ee heer dowlad goboleed looga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow (Xaawo Kiin), taas oo ka mid aheyd xubnihii uu dhowaan soo magacaabay Qoor Qoor.

Xaawo Kiin ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay guddiga isaga casishay arrimo ayada u gaar ah.

“Waxaan ogeysiinayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xubinimadii gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug, ee uu ii magacaabay 16/06/2021 madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,” ayey tiri Xaawo Kiin.ls-casilaadeyda waxaa keenay arrimo aniga ii gaar ah. Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug oo ii gartay inaan ka mid noqdo dadka u adeegaya Reer Galmudug, laakiin aan ii suurta-gali karin,” ayey tiri Xaawo Kiin, oo aan faah-faahin ka bixin arrimaha ku qasbay is-casilaadda.

Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in Xaawo Kiin guddiga laga saaray oo aanay is-casilin, sababtana ay la xiriirto inay kasoo horjeedo Farmaajo, oo ay xiriir la leedahay mucaaradka.

“Waxaa guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka. Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira,” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharraxan ayaa sidoo kale xusay in arrintani ay mugdi-gelin karto dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isagu maamulaya doorashooyinka dalka.

“Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble,” ayuu markale yiri.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay dood adag ka taagan tahay guddiga doorashooyinka oo ay horey tabasho uga keeneen musharraxiinta mucaaradka.

Is-casilaadda Xaawo Kiin ayaa dib usii dhigeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu shaaciyo liiska guud ee xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo mar kale laga filayo madaxweyne Qoor Qoor inuu soo buuxiyo booska ay baneysay Xaawo Kiin.

SOOMALAIYA oo tagaeertay lana safatay AZERBAIJAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadsa xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dalka Turkiga kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov.

Labaa mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Azerbaijan & Turkmenistan Jaamac Cabdullaahi Caydiid oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankaasi, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey inuu sii hagaago xiriirka labada dal, isla-markaana uu gaaro meel sare.

Dhinaca kale, warbaahinta Azerbaijan ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya uu taageeray mowqifka Azerbaijan oo ku saleysan xeerarka caalamiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa sidoo kale sheegay in safiirka cusub ee Soomaaliya ee Azerbaijan uu 13-kii June booqday magaalada Aghdam oo ciidamada Azerbaijan ay ka qabsadeen kuw Armenia, halkaasi oo ay ku dagaalameen sanadkii tegay dabayaaqadiisa. 

Kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya Azerbaijan ay dalka Turkiga uga qeyb-galayaan shirka diblumaasiyadda oo Sanadkaan ka dhacaya magaalada Antalya.

Si kastaba xiriirka cusub ee labadaan dowladood ayaa soo shaac baxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey xoojisay xiriirka caalamiga ah, iyada oo iskaashu buuxa la yeelatay wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

Farmaajo oo war kasoo saaray dib u doorashada Guterres

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay dib doorashada Antonio Guterres oo markale loo dhaariyey xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu horreyn madaxweyne Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Antonio Guterres  oo markale Qaramada hoggaaminayo shanta sano ee soo socota.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda federaaka ah ay soo dhowayneyso inuu markale Antonio Guterres noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn madaxweynaha waqtigiisa uu dhammaaday ayaa shaaca ka qaaday in xoghayaha Qaramada Midoobay ay dowladda ula shaqeyn doonto si hagar la’aan ah.

Guterres oo ka hadlayey guushiisana wuxuu ballan qaaday inuu halkiisa kasii wadi doono dadaalladii u waday, isla-markaana uu si dhow ula shaqeyn doono dowladaha caalamka.

“Waxaan ku bixin doonaa wax walba oo aan ku xaqiijinayo inuu soo ifbaxayo kalsoonida u dhaxeysa iyo umadaha waaweyn iyo yar yar, si loo dhiso buundooyin, iyo inaan si hagar la’aan ah uga qeybqaato dhismaha kalsoonida,” ayuu yiri Mr. Antonio Guterres.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la-leh wada-shaqeyn xoogan, iyada oo ka taageerto arrimo dhowr ah sida dhaqaalaha, siyaasadda, ammaanka iyo dhanka bani’aadanimada.

Cali Roba oo shaaciyey inay AL-SHABAAB halis weyn ku tahay amniga magaaladiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya, Cali Ibraahim Roba oo la hadlayey boqolaal dadweyne ah ayaa ka hadlay ammaanka magaalada uu maamula iyo weerarada ay ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Cali Roba ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay halis ku tahay amniga Mandera, isla-markaana ay weeraro joogto ah ka fuliso magaalada iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinkaasi, isla-markaana ciidamada ammaanka ay laftooda cabsanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarada Al-Shabaab ay saameyn xoogan ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla-markaana dadka degaanka ay dareemayaan cariiri xoogan.

Guddoomiyaha Mandera oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay u istaagaan, sidii looga hortegi lahaa weerarada khasaaraha geysta ee Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

“Waa inaan galno dagaal nafsi ah, noloshaanada cariiriga gashay waa inaan u istaagno oo aan isku tashano kan adkaano Al-Shabaab, ma aragno askar la dagaamaleysa oo cabsi ayaa heysa,” ayuu yiri guddoomiyaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xubin ka mid ah guddiga uu magacaabay Qoor Qoor ee doorashada oo is-casishay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu dhowaan dib usoo magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor kadib xubnihii lagu celiyey, ayaa sheegtay inay is-casishay.

Xaawo Aadanyare Culusow (Xaawo Kiin), oo ka mid xubnaha guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ayaa go’aankan ku shaacisay qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda facebook.

“Waxaan ogeysiinayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xubinimadii gudiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Galmudug, ee uu ii magacaabay 16/06/2021 madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,” ayey tiri Xaawo Kiin.

“ls-casilaadeyda waxaa keenay arrimo aniga ii gaar ah. Waxaan u mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug oo ii gartay inaan ka mid noqdo dadka u adeegaya Reer Galmudug, laakiin aan ii suurta-gali karin,” ayey tiri Xaawo Kiin, oo aan faah-faahin ka bixin arrimaha ku qasbay is-casilaadda.

Is-casilaadda Xaawo Kiin ayaa dib usii dhigeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu shaaciyo liiska guud ee xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo mar kale laga filayo madaxweyne Qoor Qoor inuu soo buuxiyo booska ay baneysay Xaawo Kiin.

Qoor Qoor ayaa horey loogu ammaanay inuu soo magacaabay guddi ka maran saameynta Villa Somalia, inkasta oo taas ay ka carreysiisay taageerayaasha madaxweyne Farmaajo. 

Maxaa ka soo kordhay kiiska dacwada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta guud ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay dacwadda ka dhanka ah madaxweyinihii hore ee dowad deegaankaasi, kaas oo haatan ku jiro xabsi ku taallka magaalada Addis Ababa.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa qoraalkan ku sheegay in haatan la soo gaba-gabeeyey dhammaan baaritaanadii socda ee ku aadanaa tacadiyadii uu geystay Cabdi Maxamuud Cumar, xilligii uu hoggaanka u hayey maamulka Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu shaaciyey in natiijada baaritaankan ay u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Itoobiya.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac oo wareysi  siiyey laanta afka Soomalaiga ah ee BBC-da ayaa faah faahin ka bixiyey baaritaankaasi, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo dambiyadii la galay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Cabdiweli Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kiiskan uu qeyb ka yahay musuq-maasuq ay gashay dowladdii xilligaas jirtay.

“Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda Soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuq-maasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kale jeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira.” ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac.

Cabdi Maxamuud Cumar oo xukumayey dowlad deegaanka laga soo bilaabo 2010-kii illaa 2018-kii ayaa haatan wajahaya dambiyo culus, isaga oo loo heysto tacadiyo uu geystay maamulkiisii, wuxuuna marar badan kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Itoobiya.

Ganacsade SOOMAALI ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaray dalka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan gudaha wadankaasi lagu toogtay gobolka Limpopo.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Kaariye ayaa dilkiisu waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeen goobtiisa ganacsi oo lu taalla gobolka Limpopo ee dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in muwaadinkaasi Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa in la dilay, xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo baaritaano kooban ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyaga inta badan wajahay xaalado adag

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayey dilka, dhaawaca iyo boobka hantiyeed ee loo geysnayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika.

AL-SHABAAB oo mar kale weerar ka fulisay Biyo Cadde

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay markale dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka.

Weerarkan oo loo adeegsaday madaafiic ayaa xalay saq-dhexe ka dhacay halkaasi, sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo dadka deegaanka ah.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen gudaha saldhig ay dagan yihiin ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacanta ku haya deegaanka Biyo Cadde ee Shabeelaha Dhexe, halka kuwa kalena ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin shacab.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigga la weeraray.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo saaka ka bilaabay duleedka deegaankaasi oo marar badan ay soo weerareen xoogaga Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Shalay ayey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay weerar is-miidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari ka fulisay deegaanka Biyo Cadde, kaas oo uu dhaawac kasoo gaaray taliyaha Guutada 4-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Col. Saney Cabdulle.

Weeraradan ayaa ku soo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

DF oo qaaday tallaabo dib loogu soo celinayo ‘heshiis ay hore u baabi’isey’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ay dib ugu fasaxeyso dhamaan shirkadaha shatiyada loo siiyey inay shaqaalaha Soomaaliyeed u dhoofin karaan dibedda.

Wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa qaaday tallaabadaas, kadib markii uu Wasiiru-dowlaha wasaaradda uu baabi’iyey heshiiskii hore loola galay shirkadahaas, ayada oo wasiirka uu markale dib usoo celiyay shalay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiir Cabdiwahaab ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib markii ay saameyn dhaqaale ku yeelatay shirkadaha shatiyada u haysta shaqo-siinta dibedda iyo shaqaalihii loo dhoofin jirey dalka dibediisa.

Wasiirka ayaa xusay in soo celinta heshiiskan ee ay kal hore wasaaraddu laashay ku timid tixgelinta cabashada xoogsata Soomaaliyeed oo heysta ruqsad shaqo siin dibedeed iyo dal ku-galka (VISA) si ay ugu dhoofaan, ugana soo xoogsadaan dalalka ay kal hore ka heleen ogolaanshaha shaqo.

Go’aanka dib loogu furayo dhoofinta shaqaalaha dibedda ayaa imanaya iyada oo muddo bil ka hor uu Wasiiru-dowlaha wasaaradaas, Cabdi Axmed Qaasim uu baabi’iyey heshiiska shirkadaha, isla maalinkii xilka loo dhaariyey wasiirka cusub, taasi oo shaki badan uu xiligaas ka dhashay.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta xukuumadda ayaa inta badan lagu eedeya inaysan ka madhneyn masaalix shaqsiyadeed heshiisyada ay la galayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa kale ee ay saxiixan intaba.

Xog: Sababta dib u dhigtay in Rooble uu shaaciyo liiska guddiyada doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ilaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin liiska guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasi oo xubno kamid ah guddiyadaas laga keenay cabasho, ayada oo qaarkoodna la bedalay.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyadaas, hase yeeshe si cad uma sheegin sababta ka dambeysa in ilaa hadda uusan si rasmi ah u shaacin.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in sababta u weyn ee dib u dhaca ku keentay in liiska guddiyada doorashooyinka uu shaaciyo ra’iisal wasaaraha ay tahay guux iyo tabasho weli ka taagan guddiyada doorashooyinka ee wax ka bedelka lagu saameeyay.

Waxaa taagan qeylo dhaanka iyo cabashada ay dhinacyada qaar ka qabaan Guddiyada Somaliland, Galmudug iyo xubno kamid ah Guddiyada HirShabelle, oo qeyb ka yihiin xubno ay saameysay eedeynta mucaaridka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isku dayaya in ka hor inta uu shaacin liiska guddiyada doorashooyinka uu meesha ka saaro diidmo hor leh oo dhinacyada qaar kaga fal-celiyaan liiska, midaasi oo uga sii dari karta xaalada cakiran ee dalka.

Waxaa gebi ahaanba xafiiska Rooble loo gudbiyay xubnihii guddiyada doorashooyinka ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 xubnood, islamarkaana hadda waxa harsan ay tahay kaliya in liiska guud uu shaaciyo xafiiskiisa, kadib marka si buuxda loo xaliyo cabashada taagan.

Xariga Roobow oo saameyn xoogan ku yeeshay qorshe ay DF ‘ugu gacan geli lahayen’ saraakiil Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo Musharax madaxweyne ah dabayaaqada sanadkii 2018-kii, xiligaas oo waqti kooban uu ka harsanaa doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo uu kamid ahaa musharaxiinta ugu saameynta culus.

Xariga Roobow ayaa horseeday in qalaalase amni ka dhaco Baydhabo oo xiligaasku jirtay doorasho, ayada oo kacdoonka ka dhashay xariga ay dowladda kula kacday uu sababay dhimasho iyo dhaawac hor leh.

Haddaba, xariga ay dowladda kula kacday Mukhtaar Roobow ayaa saameyn xoogan ku yeeshay fur-furkii Al-Shabaab iyo Saraakiil sarre oo ka tirsan oo suurta-gal ahaan laheyd inay dowladda isku soo dhiiban, sida uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka oo ka qeyb-galayay barnaamij lagu qabtay barta Twitter Space, ayaa sheegay in qaabka loola tacaalay Mukhtaar Roobow aysan sax aheyn, marka loo fiiriyo sharciyan.

“Dadka waa in la dhiiro-geliyaa, gaar ahaan kuwa Shabaab ka soo goosta. Mukhtaar Roobow waa la afduubtay, waxaana ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in xariga Roobow uu curyaamiyay go’aannada laga yaabo inay qaataan saraakiisha sar-sare ee ka tirsan Al Shabaab, ee ku saabsan in dowladda ay isku soo dhiibaan.

Waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay xirtay albaab muhiim u ahaa la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana Saraakiil sarre oo ka tirsan Shabaab ay isagu soo dhiibi lahaayeen, sida u sheegay.

“Waxay gebi ahaanba xirtay (Dowladda) in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan,” ayuu yiri.

Aqriso: Shan Arrimood oo Maayar Cabdikariim Axmed Mooge uu ballan-qaaday

0

Hargeysa (Caasimada Online – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa shalay ugu dambeyntii Maayirka caasimada u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani, xilkaas oo maalmihii dambe si weyn la’isugu hayay.

Cabdikariin Mooge ayaa ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, gaar ahaan kuwii golayaasha deegaanka, wuxuuna helay codad kor u dhaafay 26-kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Cabdikariin Axmed Mooge oo si aqlabiyad leh ugu doorteen duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka ayaa waxa uu ballan-qaaday shan arrimood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ahaa;

  • Cadaaladda iyo Sinaanta Shacabka

Cabdikariin Mooge ayaa horeyntii markii la doortaykhubad uu jeediyay ku sheegay in shacabka magaalada Hargeysa ay u sinnaan doonaan, kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba, isagoona ballan-qaaday in sinaanta iyo caddaalada uu xoojin doono, islamarkaana uu kor yeeli doono wada-noolaashaha reer Hargeysa-nimada.

  • Qurxinta bilicda Hargeysa

Cabdikariim ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono, taasi oo ugu yeeray magaalada cagaaran ee caasimada, wuxuuna xusay in uu hirgelin doono barnaamij dhir beeris ah, kaasi oo ah “qof iyo geed, Guri iyo geed.”

  • Biyaha, korontada, iskuullada iyo caafimaadka

Maayirka cusub ayaa waxaa ballan-qaadkiisa Saddexaad ahaa waxa ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan biyaha iyo korontada, oo ay reer Hargeysa ku qabaan dhib weyn, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu ka howl-gali doono sidii ay hooyada iyo ilmaheeda u heli lahaayeen xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fogeyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah.

  • Ilaalinta hantida shacabka iyo ku-celintooda

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa kale oo ballan-qaadyadiisa ugu weyna ilaalinta hantida shacabka, ayada oo uu sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha, islamarkaana la dhageysto dhawaaqa kasoo baxaya dadweynaha oo dib loogu celiyo canshuurtooda.

  • Kubadda cagta iyo ciyaaraha

Ballan-qaadka u dambeeya ee uu sameeyay Cabdikariin Mooge ayaa si gaar ah u taabanaya baahiyaha dhalinyarada, gaar ahaan dhanka Kubadda cagta oo ay dhalinyarada reer Hargeysa ku dhiban yihiin.

Waxa uu ballan-qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomada kubadda cagta lagu dheelo iyo guud ahaan cayaaraha, oo hanaankeeda uu xiligan aad u liito.

Tirada gabdhaha Soomaalida ee lagu la’yahay magaalada Nairobi oo korortay (Warbixin)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay gabdhaha Soomaalida ah ee lagu la’yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkooda lacag badan oo madax furasho ah la dul-dhigay.

Aadan Barre oo kamid ahaa siyaasiyiinta bilaabay inay la kulmaan laamaha amniga, kadib markii ay ka war heleen gabdhaha la weysan-yahay ayaa waxa uu sheegay in tirada gabdhaha la la’yahay ay tiradoodu dhan tahay saddex gabdhood.

Gabdhaha Soomaalida ee la la’yahay ayaa Labo kamid ah ahaayeen reer Islii, halka mida kale ee saddexaad ay deganeyd xaafad lagu magacaabo Kayole.

“Bulshada Soomaalida ahaan, waa shay nagu cusub waxaan. Walaac badan ayuu na-geliyay labadii maalmood ee aan soo dhaafnay,” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre oo ka hadlaya gabdhaha la la’yahay.

Gabar kamid ah saddexda gabdhood ee Soomaalida ah oo da’deedu tahay 23 jir ayaa la xaqiijiyey in laga afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi, ayada oo kooxda haysata ay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan Shan milyan oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyey wargeyska The Standard.

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa Talaadadii 15-kii June laga waayey dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku laheyd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii.

“Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo aheyd Arbacaduu, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa.

“Waxaan aad uga walaacsannahay inay waxyeelo u gaysan karaan,” ayuu yiri.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsan ee dukaanka Xafsa ayaa muujiyey ayada oo dukaanka galeysa saacadda marka ay aheyd 4:44pm Talaadadii, ayada oo ay wehliso gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdulwahaab.

Arrintaan ayaa walaac xoogan ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, ayada oo wax ku cusub ay tahay, islamarkaana mas’uuliyiinta Soomaalida ka dalbadeen laamaha amaanka inay ka caawiyaan bad-baadinta iyo guryo soo celinta gabdhahaas.

Xaad oo shaaciyey habkii loo qoray dhallinyarada loo qaaday Eritrea iyo tirada uu beel ahaan u damiintay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha wax ka qoray ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaan iyo halka loo sheegay in markii hore ciidamadaan loo qaadayo.

Nabadoonka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa qirtay inuu damiin ka ahaa 44 dhallinyaro oo kamid ah ciidamada ay hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u sheegtay in tababar ciidan loogu qaadayo dalka Turkiga.

Xaad ayaa sheegay in marki uu damiinta ka noqonayey dhallinyaradaan loo sheegay in loo soo tababari doono inay kamid noqdaan aas-aaska ciidanka Nabadsugidda Galmudug sida uu hadalka u dhigay inkastoo aysan jirin illi madax banaan oo arrintaan xaqiijiyey.

“Inta aan xusuusto illaa 44 Wiil oo dhallinyaro ah ayaan aruuriyey, waxa aan geeyey taliska Nabadsugidda xarun uu leeyahay oo lagu qoro dhallinyarada taas oo aan filayo in ay ku tiil degmada Shangaani, dhallinyaradaasi waxa ay ahaayeen qaybta ay ka heshay beesheyda hoose ee aan Nabaddoonka u ahay, balse waxa naloo sheegay oo keli ah waxa ay ahaayeen laba arrimood, kuwaas oo kala ah In lagu Asaasayo Nabadsugidda Galmudug iyo in lagu soo tababarayo Turkiga,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Xaad ayaa meesha ka saaray in marnaba loo sheegay in ciidamadaan loo qaadayo dalka Eritrea oo ay hadda ku heysato nolol xumo iyo jirdil, iyadoo la sheegay in qaar ka tirsan ciidamadaas ay u geeriyoodeen jirdil loo geystay.

Habka loo diiwaangeliyey ayuu sheegay in Sawirada Dhallinyarada iyo Sawirkiisa iyo macluumaadka kale lagu dhejiyey xaashiyaha lagu diiwaangelinayey dhallinyarada.

Qaar kamid ah dhalinyarada loo qaaday Eritrea oo wareysi siiyey VOA ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha lagu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen.

Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indho-beelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel caafimaad ah, islamarkaana ay ilaa hadda la jiifan xanuuno sababsan kara geeridooda, sida ay sheegen.

“Nolol bini’aadanimo ah kuma noolin, guryaha ayaa nalagu dhistaa, beeraha falnaa, tobabar waxaa noogu dambeysay bishii 9-aad, intaas wixii ka dambeysay waa nala adoonsadaa,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada.

Waxay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in laga soo gaaro xaalada halista ah ku haysata dalka Eritrea, oo markii hore loogu qaaday tobabar ciidanimo.

Midowga Yurub oo qaaday tallaabo ka dhan ah ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga soo xigtay qaar ka tirsan warbaahinta dalka Kenya, Midowga Yurub ayaa dhimay lacagtii uu siin jiray ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasoo wax ka badan 10 sano ka socda gudaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa dhimay 66% oo kamid ah lacagihii uu siin jiray howlgalka lagula dagaalamo ururka Al-Shabaab ee awoodda ku leh gudaha Soomaaliya, waxayna gaareysaa lacagta la dhimay in ka badan $45 Milyan.

Lacag dhimista uu sameeyey Midowga Yurub ayaa dhaqan geli doonto sanad maaliyadeedka cusub oo ka bilaaban doonta Bisha Luulyo ee sanadkaan, maadaama ay soo dhawaatay waqtigii loogu talagalay in AMISOM ay guud ahaan isaga baxdo Soomaaliya.

Sida qorshaha yahay, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeyn rabay Bisha December ee sanadkaan, iyadoo amniga dalka lagu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya inkastoo aysan hadda muuqan ififaalo muujinayo arrintaan, waxaana qorshahaan horey shaki u geliyey khubaro dhanka amniga ah.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ee ka howlgalo Soomaaliya ayaa inta badan Fariisimahooda Militari ku leh deegaanada uu ka arrimiyo maamul Goboleedyada Jubbaland, waxayna Dowladda Soomaaliya dhowr jeer ku eedeysay Kenya in ciidamadeeda ay faragelin qaawan ku hayaan madax-banaanida Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa iydana dhankeeda ku dhawaqday isla waqtigaas inay gudaha u geli doonto Kenya, waxaana kooxdaan u suurta gashay inay weeraro khasaaro geystay ka fuliso gudaha Kenya iyadoo ku hanjabtay inay sii wadi doonto inta ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab inkastoo weli lagu guuleysan la’yahay in la ciribtiro kooxdaan.

AL-SHABAAB oo sheegtay cidda ay ku beegsatay qaraxii ismiidaaminta ee maanta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Al-shabaab ayaa war kasoo saartay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo ay saldhig Militari ku leeyihiin ciidamada Xoogga Dalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warka kasoo baxay ku sheegtay in taliska ciidamada dowladda ee Biyo-cadde lagu qaaday weerar is-miidamin ah oo lagu beegsaday saraakiil uu ka mid yahay taliyaha Guutada 4-aad ee ciidamada Xoogga Col. Saney Cabdulle.

Al-Shabaab ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dhaawacday taliyaha Guutada 4-aad Col. Saney Cabdulle halka sidoo kale ay sheegtay in lagu dilay 10 askar.

“Camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari ayaa saaka ka dhacday xarunta taliska ciidanka dowladda ee deegaanka Biya Cadde ee Gobolka Shabeelada dhexe. Weerarka waxaa ku dhaawacmay Korneel Saneey Cabdulle taliyaha guutada 4aad waxaana ku dhintay 10 askari’” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dhanka kale,  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.

Degaanka Biya-Cadde ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, iyadoo ay sidoo kale joogaan ciidamada milatariga dowladda oo dhowaanahan howlgallo milatari ka waday Gobolka Shabeelada Dhexe.

Guudlaawe iyo A/Madoobe oo sameystay isbaheysi wax looga beddalayo heshiiska doorashooyinka + Sababta

Kismaayo (Caasimada Online) – Xubno muhiim ah oo ka tirsan xafiisyada Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Maxamed Islaaam iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ay wadaan dadaalo wax looga beddelayo heshiiskii doorashada.

Sida aan ogaanay, labadan madaxweyne goboleed ayaa wada qorshe ay xubnaha beesha caalamka uga dhaadhicinayaan in doorashada baarlamaanka lagu qabto min ah magaalo, maamul goboleedkiiba. 

Labadan Madaxweyne oo dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa shirka Kismaayo horgeyn doona ajando ah in la beddalo qorshaha doorashada ee min laba magaalo, haddii aan sidaas la sameyn karinna daruuf gaar ah loo eego labadaan maamul, islaamrkaana doorashada lagu qabto Jowhar iyo Kismaayo oo kaliya. 

Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. 

Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa damacsan in ay saameyn ku yeeshaan baarlamaanka ka imaan doono magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne, waxaase muuqata in haddii lagu qabto aysan ku yeelan doonin awood lamid ah sida magaalooyinka kale ee Jowhar iyo Kismaayo. 

Lama oga sida ay ku suurta geli doonto qorshahaan uu ka fulo dhinaca beesha caalamka iyo sidoo kale dhinaca ra’iisul wasaare Rooble, maadaama uu dhaawacayo heeshiiskii 17-kii September ee doorashada Soomaaliya. 

Magaalada Kismaayo ayaa todobaadkaan marti gelin doonto shirkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho, waxaana ka qeyb geli doono wakiilada beesha caalamka.