24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Maxay tahay tallaabada ay qaaday xukuumadda Rooble ee Farmaajo uu ku amaanay caawa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya iyo maamulaha shirkadii maanta dalka Itoobiya u dhoofisay Kalluunka, kadib markii uu dhacay heshiis ay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya isku dhaafsanayaan Kalluunka iyo Qaadka.

Farmaajo waxa uu soo dhaweeyey heshiiskaas, isagoo xukuumadda ku amaanay waxa uu ugu  yeeray, “awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.”

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna.

DHAMMAAD

Faah-faahino kasoo baxaya KHASAARAHA ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex – degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaas oo la soo werinayo inuu geystay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey hal qof aya ku dhaawacmay qaraxaas, halka warar soo baxaya ay sheegayaan inay jirto dhimasho, inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah.

Qaraxa oo haleelay gaari Surf ah ayaa warar kala duwan waxay ka soo baxayaan nooca uu ahaa, waxaana weli la kala xaqiijin inuu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda iyo in gaari lagu xiray.

Qofka dhaawacmay ayaa ahaa ninkii waday gaariga qaraxu haleelay, waxaana la sheegay in asgoo dhaawac culus ah isbitaal loola cararay.

Dhinaca kale, waxaa jira qaraxyo dhowr ah oo la sheegay in ciidamada ammaanka ay caawa qabteen lana qarxiyey, iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, inkastoo faahfahin rasmi ah oo ku aadan aysan ka soo bixin hey’adaha ammaanka.

Jugta qaraxyadaan ayaa caawa aad looga maqlay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, welina dowladdu wax faah-faahin ah kama aysan bixin khasaaraha ay geysteen.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.

Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka oo lagu dhowaaqay (Aqris xubnaha)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha guddiga amniga doorashooyinka dalka, kuwaas oo dhamaantood saraakiil ah.

Xubnaha uu ka kooban yahay guddigaan ayaa isugu jira taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Saraakiishaan dhammaantood waxay ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaare Rooble oo hoggaaminaya doorashooyinka dalka, isla markaana si buuxda loogu xil-saaray inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabdoon ku dhacda.

Waxaa xusid mudan in Madasha Wadatashiga Qarano oo ay ku bahoobeen ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay wada saran tahay mas’uuliyadda qabsoomidda doorsho lagu wada qarancsan yahay, maadaama ay si wadajir ah u saxiixeen heshiiskii 27-kii May.

Doorashadaan ayaa laga cabsi qabaa in magaalooyinka qaar ay isku qabtaan dhinacyada tartamaya, maadaama uu ka muuqdo loolan adag, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Dhuusamareeb, Beledweyne iyo Garbahaarey.

Hoos ka akhriso shaxda guddiga amiga doorashada

Fiqi oo ka hadlay heshiiska ay Soomaaliya kalluunka ugu beddelayneyso qaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si yaab leh uga hadlay heshiiskii ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya.

Heshiiska oo saaka lagu saxiixay gudaha garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade, ayaa waxa uu Fiqi ku tilmaamay mid aan baahi badan loo qabin, marka loo eego faa’iidada labada badeeco ee la isku badalay.

“Ethiopia wax soo saarkeedii badnaa ee baahida loo qabay ma waxay dawladeenu nooga doortay Qaadka inaan ka soo qaadanno, ugu bedelno kalluun!?,” ayuu yiri Fiqi oo su’aal ka keenay tallaabada ay qaaday dowladd.

Sidoo kale waxa uu shaki galiyay daah-furnaanta ka ganacsiga qaadka oo uu sheegay inay u xiran yihiin dad gaar ah oo qaraabo dhow la ah madaxda sarre, taasi oo meesha ka saareysay ganacsiga xorta ah.

“Sheekadu waxay maraysaa “ninkaad jeclaanayso qaadkiisaa la jeclaadaa, ka ganacsigiisana qaraabadaa lala jeclaadaa!,” ayuu ugu dambeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Si kastaba, Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxa uu noqonayaa heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah, oo horseedaya in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale.

Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada oo shaaciyey sabab loo haysto askarta la geeyey dalka Eritrea (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay xaaladda askarta ay Dowladda Soomaaliya tababar ahaan ugu dirtay dalka Eritrea iyo sababta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan waqti ka badan intii loogu talagalay inay tababarka ku qaataan.

Baqdaadi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay xaliso waxyaabo badan oo ka qaldoomay oo sababay in askartaan Soomaaliyeed ay muddo badan ku xayirmaan dalka Eritrea.

Baqdaadi oo la hadlay Goobjoog TV ayaa sheegay in arrimaha ka qaldoomay Dowladda Soomaaliya ay kamid noqon karaan wararka la hadal hayo ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay bixin weysay lacago ay ballan qaaday taasoo keentay in askarta laga qaaday dalka loo heysto rahan ahaan.

“Askari dable ah in sanad iyo ka badan la hayo caqliga caadiga ah ma keenayo, waxaan aaminsanahay inuu jiro arrin ay xalin la’ dahay dowladda hadda jirta, waqtigii loogu talogalay way dhaaftay, qorsheyaashii laga lahaana waa suurageli waayeen,” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada.

Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in rajo fiican laga qabo dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga uu magacaabay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in xog rasmi ah oo ay ku qancaan waalidiinta la keeni doono.

Ugu dambeyntii, wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada ayaa madaxda ugu sarreeyo dalka ka codsaday inaysan ka been sheegin xaaladda ay ku sugan yihiin askarta maqan, maadaama waalidiintii dhalay ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ku weyn dalkeena, waxaana ballan-qaadayaa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war kasoo saaray dastuurkii u horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo ku asteysnaa muddo 60 sanno ka hor maanta oo kale.

Sheekh Shariif ayaa maanta oo ku suntan maalintii ugu horeysay ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada ayaa ku tilmaamay inay tahay maalin ku weyn dalkeena.

“Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Dalkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya – 20-June-1961,” ayuu yiri.

“Waxa uu ahaa mid kamid ah dastuurrada heshiis bulsho ee caalamka ugu fiican, qaaradda Africa oo aan ka tirsannahayna ka ahaa tusaalaha ugu fiican, balse gabi ahaanba la baa’biyey markii Milatarigu ay afgambi talada Dalka ku qabsadeen 21 October 1969.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurkii qabyada ahaa ee uu diyaariyey muddo xileedkiisa, in ilaa maanta oo kasoo wareegtay 8-sanno aan wax is bedel ah laga sameyn dhameystirkiisa.

“60 sano kadib maalintaas qiimaha weyn noogu fadhida, maanta waxaan haysannaa Dastuur qabya ah oo intii aan xafiiska joognay aan diyaarinay, hayeeshee 8 sano kadib oo laba Dowladood ay is bedeleen weli aan la dhamaystirin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday hadduu markale kusoo laabto xafiiska u sareeya dalka in uu dhameystiri doono dastuurka qabyada ah, ayada oo lagu ansixinayo afti dadweyne, sida uu sheegay.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa haddii aan xafiiska kusoo noqonno Bi’idnillah, inay naga go’an tahay sidii aan u dhamaystiri lahayn dastuurkaas qabyada ah, Soomaaliyana ugu sameyn lahayn Dastuur rasmi ah, afti dadweyne lagu ansixiyo marka tirakoob shacab aan sameyno.”

Sawirro: Xafsa Maxamed oo laga bad-baadiyey kooxdii afduubatay ayada oo meel yaab leh la dhex-geliyey

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xafsa Maxamed Luqmaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo 23 jir ah, oo dhowaan lagu waayey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo badbaadiyey booliska magaalada Kayole, oo lagu haystay.

Xafsa oo ku nooleyd Xaafada California Estate ee magaalada Nairobi, waxaana sida la xaqiijiyey la afduubtay Maalintii Talaadada aheyd oo ay taariikhda ku beegneyd 15-ka June 2021.

Waxaa laga soo badbaadiyay guri cidlo ah oo ku yaal Matopeni oo ka tirsan xaafadda isku raranta ah ee Kayole ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu khasbay inay gasho Haan loogu talagalay in biyaha lagu keediyo.

Xafsa ayaa laga waayey dukaan ay laheyd oo lagu iibiyo kabaha oo ku yaal xaafadda Islii shan maalmood ka hor, iyada oo afduubayaashu ay ka dalbadeen reerka madax furasho lacageed oo gaareysa 5 million oo lacagta Kenya ah.

Xubnaha qoyska oo la hadlay wargeyska The Standard ayaa sheegay in aysan bixin madax furashada ay ka dalbadeen afduubayaasha.

Baarayaasha waday howlgalka samata-bixinta ayaa sheegay in baaritaano ay ku hayeen kuwa la tuhunsan yahay, waxayna soo xireen nin 24 jir ah oo kiiskan loo haysto.

Ku xigeenka madaxa warfaafinta ee Kayole Rioba Gisiri  ayaa sheegay in haweeneyda la helay maanta abaaro 10-kii subaxnimo, wuxuuna sheegay inay ku jirtay xaalad dagan inkastoo qaar ka mid ah faraha ay nabarro ka soo gaareen.

“Waxaan cunno ka helnay gurigii looga tagay oo ay ku hayeen kuwa afduubayaasha ah, laakiin marnaba ma cunin wixii ay afduubayaasha u keeneyn,” ayuu yiri taliyaha Booliska.

Gisiri wuxuu sheegay in afduubayaashu ay uga tageen guriga buug yar oo ay adeegsanayeen xilli ay weydiisanayeen madax furasho, wuxuuna buugaas ku tilmaamay inuu yahay buug xusuus qor ah oo soo jiitay dareenka deriska.

Wuxuu intaas ku daray in markii ay deriska isku dayeen inay eegaan waxa ku qoran buugga inay mar qura maqleyn dhawaqa Xafsa oo dalbaneyso in caawimaad deg deg ah loo sameeyo taasoo keentay in deriska ay la xiriiraan booliska.

Booliska oo sameenayey howlgal wadajir ah ayaa booqday guriga farriinta laga soo gaarsiiyey, balse waxay tageyn dembiilayaashii oo ka maqan meesha iyo gabadha la afduubtay oo weli ku xiran guriga, inkasta oo mid ka mid ah ragga afduubka lagu tuhmayo dib laga soo qabtay.

Ugu dambeyntii Booliska oo Xafsa kasoo badbaadiyey guriga lagu afduubtay ayaa geeyey saldhigga Booliska ee Kayole halkaas oo ay ku duubtay hadaladeeda.

Kahor intaan la waayin, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda ayaa muujisay inay dukaanka soo gashay 4:44 pm ee Talaadadii iyada oo ay la socotay haweeney kale oo magaceeda lagu sheegay Hafsa Abdulwahaab.

Booliska ayaa wada baaritaan ku aadan qaabka loo afduubtay Gabadhaan, waxayna sheegeyn inay dhawaan saxaafadda la wadaagi doonaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan afduubka Xafsa.

Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub kala saxiixday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah ayey maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya.

Munaasibada lagu kala saxiixanayey heshiiskaas oo saaka ka dhacday garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda federalka, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, iyo Wasiirka gadiidka dhulka iyo cirka, Duraan Axmed Faarax iyo Danjiraha Ethiopia u jooga Soomaaliya, Mas’uuliyiin, Ganacsato iyo Mart kale.

Heshiiska rasmiga ah ee ganacsiga labada Waddan ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa horseeday in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa isla maanta dalka Ethiopia loo daabulay shixnadii ugu horeeysay ee Kalluunka Soomaaliya, kaasi oo ahaa 20,000 oo Tan, waxaana lagu raray labo kamid ah diyaaradaha Shirkada Ethiopian Airlines oo isla maanta Qaad kasoo dejisay garoonka Muqdisho.

Heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya toddobaad un kadib markii ay Wasiiro ka tirsan DF iyo Koox Gaacsato Ethiopian iyo Turkish ah ay booqasho Hawleed ku tageen Degmada Qadiimiga ee Warsheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe, iyagoo kormeer iyo indha-indheyn ku sameeyay fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga ee Kalluunka dalkeena.

Si kastaba, Heshiiska maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa kor u qaadi doona dhoofinta wax soo saarka dalkeena, ayada oo uu hoos u dhigi doono dhaqaalihii xad dhaafka ahaa ee Qaadka kaga bixi jirey dalkeena, islamarkaana waji cusub u furay Ilo Dhaqaale iyo is-dhaafsi Ganacsi ee Badeecadaha Ethiopia.

Sawirro: 24 dagaal-yahan oo ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Howl-galka ayaa daba socday weeraro ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaas oo ay jawaab ka bixiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku fidiyey duleedka magaaladaasi.

Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in jab xoogan howl-galladaasi lagu gaarsiiyey koooxda Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay illaa 24 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub iyo saanad milatari ay kasoo furteen kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay goob fagaare ah ku soo bandhigeen.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa shaaciyey inay sii socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Deegaanada uu howl-galku ka dhacay oo dhammaan hoostaga Diinsoor ayaa waxaa weli laga dareemayaa abaabul xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Musharaxiinta madaxweyne oo laga dalbaday inay soo bandhigaan hantidooda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka qeyb-galayey dood lagu qabtay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tartan adag ee loogu jiro xilka madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta looga baahan yahay inay shacabka u soo bandhigaan hantidooda, ka hor doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya gudaha dalka.

Siyaasigan ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ogaado hantida qofka, ka hor qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo, haddii uu yimaado ku takri-fal awoodeed.

“Musharraxiinta u tartameysa kursiga ugu sarreeya Soomaaliya waa in shacabka ay u bandhigaan hantidooda, ka hor doorashada iyo qabashada xafiiska, si loola xisaabtamo haddii ay ku takri falaan hantida shacabka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay xaqiiqada, isla-markaana la sameeyo guddi la’isla ogol yahay oo baaritaan dhab ah sameeya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in haatan Soomaaliya ay sameeyneyso kobac siyaasadeed, loona baahan yahay in la horumariyo dadka iyo dalkaba.

Warsame waa musharraxii ugui horreeyey ee dhaqaale weydiista shacabka Soomaaliyeed, si uu garab uga helo, maadaama uu qeyb ka yahay musharraxiinta uu hamiga ku jiro.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana ay u diyaar garoobeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo loo diiday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya, odayaal dhaqan iyo siyaasiin, waxaa dowladda Soomaaliya loo diiday in ay qaaddo dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle oo Jimcihii ku dhaawacmay qarax ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xubno kamid ah ehellada Korneelka ay taliyaha xoogga dalka ka diideen in diyaarad gaar ah oo Helicopter ah, isla markaana ay dirtay dowladda Soomaaliya lagu soo qaado kadibna la dhigo Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho. 

Wararka ayaa sheegaya in ugu dambeyn subaxii Jimcaha la soo qaaday balse la dhigay gurigiisa, waxaana la jooga dhaqaatiir gaar ah oo u badan xigtadiisa, iyadoo sidoo kale ay wararku sheegayaan in uu dhaawaciisa fududyahay. 

Qoyska Korneel Saneey Cabdulle ayaa qaba shaki weyn oo dhinaca dowladda ah, iyagoo aaminsan in la sumeyn karo ama loo adeegsan karo daawooyin qaldan maadaama uu yahay mucaarad aad u hubeysan. 

“Dowlad uma baahno Korneelka ehelkiisa ayaa ku filan oo daaween kara, dhawaanna waa la qaadi doonaa inta ka horreysana gurigiisa ayaa lagu dabiibayaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Korneel Saneey Cabdulle oo la hadlay Caasimada Online. 

Saneey Cabdulle ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga leh lasoo galay magaalada Muqdisho bishii April, kuwaas oo soo afjaray damacii Farmaajo uu ku sameystay muddo kororsiga sharci-darrada ah, waxaana la sheegay in muddo dheer ay doon dooneysay dowladda Soomaaliya.

Xisbiyada Wadani iyo UCID oo ku guuleystay maamullada BURCO iyo Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa guullo ka soo hoyey doorashada hoggaanka golaha deegaanka ee magaalooyinka Burco iyo Laacsaanood oo ka kala tirsan gobollada Togdheer iyo Sool oo dhaca waqooyiga dalkeena Soomaaliya.

Burco waxaa guddoomiyaha golaha deegaanka loo doortay, Cabdirisaaq Hero, halka ku xigeenkiisana loo doortay Mukhtaar Baaryare, sida uu shaaciyey maamulka doorashada.

Labada mas’uul ayaa ka wada tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID, kaas oo si weyn usoo dhoweeyey goosha ay kasoo hoyeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidoo kale duqa magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Wadani, halka sidoo kale ku xigeenkiisana uu noqday Axmed Maxamud Cumar (Kawte) oo isna ka tirsan xisbiga UCID.

Arrintan ayaa ku timid, kadib heshiis dhex-maray labada xisbi ee mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaas oo dhowaan isbaheysi siyaasadeed uga dhowaaqay magaalada Hargeysa.

Si kastaba mas’uuliyiinta ku soo baxay doorashadan ee hoggaamin doono Burco iyo Laascaanood ayaa ah kuwo dhalinyaro ah oo laga sugayo inay hormariyaan deegaanadaasi.

Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii hore ee May ka dhacday doorasho ballaaran oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida golaha deegaanka oo ay ku tartameen xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ee Somaliland ee Wadani iyo sidoo kale UCID.

Yuusuf Xasan oo Kenya kala hadlay afduubka Soomaalida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada asalkooda uu yahay Soomaalida ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa afduubka ka dhanka ah Soomaalida ee ka billowday magaalada Nairobi ee dalkaasi.

Yuusuf Xasan Cabdi oo laga soo doorto deegaanka Kamukunji oo ah halka ugu daran oo uu ka jiro afduubka ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka dowladda Kenya uu kala hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey afduubka iyo sidii looga hortegi lahaa.

Sidoo kale wuxuuu tilmaamay in saraakiisha laamaha amniga uu waajib ka saaran yahay amniga iyo inay tallaabo adag ka qaadaan burcadda afduubka ka wada Nairobi.

“Laamaha amniga iyo Nabadsugidda Dalka waxa aan kala hadlay badbaadinta iyo xoojinta nabadgalyada Soomaalida ee afduubka loo geysanayo, waa waajib saaran in ay dabagalaan oo ay qaadaan tallaabo degdeg ah kuna soo afjaraan raad-raaca burcaddaas” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Soomaalida inay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo taxadar, inta ay ka dageyso xaaladda, isla-markaana laga sugayo amnigooda.

Dhanka kale Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabsi iyo walaac xoogan ka muujiya afduubka Nairobi ee loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan aan laga war heynin illaa afar gabdhood oo laga afduubtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasoo qaarkood si xun loo jir-dilay, kadibna laga dalbaday lacag madax furasho ah oo ay doonayaan kooxaha af-duubayaasha.

Ciidanka DF oo dagaal kula wareegay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay howlgal ku qaadeen deegaanka Orshe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaal kadib la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Orshe oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha deegaanka, isla-markaana ay ka sameysteen fariisimo.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana jira cabsi laga muujinayo inay dagaal rogaal celis ah soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo dhinaca Al-Shabaab kaso baxay oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Si kastaba muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ku hayaan deegaanada Galmudug oo ay ugu horreyso caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Lafta Gareen oo abaabul ka bilaabay Waajid + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ku hoyday degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay degmadaasi.

Lafta Gareen ayaa qaabilay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Waajid, isaga oo ka xog wareystay xaaladda nololeed ee degmadaasi oo go’doon ugu jirta Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulankan intii uu socday bulshada deegaanka kusoo bandhigeen baahiyahooda gaarka ah, si uu wax uga qabto maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo abaabul xoogan iyo qorshe ah sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka Bakool.

Waxa kale oo uu ugu baaqay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi.

Lafta Gareen ayaa Waajid u tegay caleema saarka golaha deegaanka ee degmadaasi, isaga oo sidoo kale booqan doono xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro culus ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciyey Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble uu caawa soo saaray liiska dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka ayaa waxaa soo baxaysa fal-celinta siyaasiyiinta ee ku aadan tallaabadaas, waxayna inta ka soo hadashay muujinayaan inay ku qanceen kala shaandheynta xubnihii cabashada kala soo gudbiyey ee guddiyada.

Xildhibaan Mahad Salaad, Wasiir Axmed Macalin Fiqi, Musharax Madaxweyne Maxamed Siiriin iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka soo hadlay tallaabadii uu R/Wasaare Rooble ku shaaciyey liiska guddiyada doorashada ayaa muujiyey inay ku qanacsan yihiin dhammaan xubnaha la shaaciyey magacyadooda ee ku jira heerarka kala duwan ee guddiyada.

Ugu horeyn Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ugu hambalyeynayaa RW Rooble sixidda iyo dhamaystirka guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee caawa uu ku dhawaaqay. Waxaan codsanaynaa in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha iyo team-kiisa si loo dedejiyo qabsoomida doorasho hufan oo loo dhanyahay.”

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna yiri, “Dadaal dheer iyo kala hufid ka dib, RW Mohamed Hussein Roble wuxuu caawa soo saaray liiskii guddiyada doorashooyinka ee la wada sugayay, tallaabadan oo horseed u noqonaysa in dalku uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, Raysul wasaaruhuna uu ka soo dhalaalay ballanqaadkiisii.”

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Bani’aadam tabasho kama dhamaato, hawl bani’aadam qabtayna ma dhammaystirna, balse dowrka hogaamineed ee uu qaatay Raysulwasaare Rooble, ayadoo ay jireen culaysyo kala duwan ee uu waajahayey wuxuu mudan yahay bogaadin iyo taageero iyo in gacan lagu siiyo hawlaha dhiman dhammaystirkooda.”

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey. Waxaa hubaal ah in dalku dhibaato badan ay ka soo gaartay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagna qabsoomidda doorashooyinka Qaran, kuwaas oo keenay fadhiidnimo dhaqaale iyo dib u dhan siyaasadeed.”

Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqayaa in la soo dhaweeyo dadaalada ay wadaan Xukuumadda iyo Madaxda dowlad goboleedyadya isla markaana horey loo socdo, si dalku u galo doorasho xor iyo xalaal ah una horseedda Dalka deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid Amni.”

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Siiriin ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan soo dhaweynayaa dhameystirka raisalwasaare Rooble uu soo dhameystiray guddiyadda doorashooyinka qaranka. waa talaab muhiim u ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay. waxaan ugu baaqayaa guddiyadda doorashooyinka in ay shaqadooda u bilaabaan sida ugu dhaqsida badan.”

Xubno uu ugu horeeyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii muujiyey in guddiyadaan ay ku jiraan xubno uu sharcigu u diidayo, isla markaana aysan ku qancin kala shaandheyntii uu sameeyey guddiga heer wasiir ee Rooble uu u xil-saaray arrintaan, kuwaas oo ku dhawaad 40 xubnood ka saaray heerarka kala duwan ee guddiyada doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa shaaciyey liiska guddiyada doorashooyinka oo gaaraya shan qeybood, kuwaas oo kala ah:

1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,

2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed,  

3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland,

4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga,

5- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada.

Linkigaan ka akhriso liiska guddiyada

Daawo: GABAR 14 jir ah oo kufsi wadareed iyo jir dil loogu gaystay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar yar oo 14-sano jir ah ayaa kufsi wadareed iyo jir dil loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay ehelkeedu warbaahinta u sheegeen, waxuuna falkaasi gabi katuuray noloshii gabarnimo ee dhibanahaan.

Falkaan waxa uu dhacay 17-kii bishaan, waxayna ragii kufsaday gabadhaan duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ku heysteen mudo laba cisho ah, ehelkeedu waxay warbaahinta u sheegeen in ku dhawaad 20 rag ah ay kufsi wadareed u geysteen gabadhooda.

Jabriil Sheekh Maxamed oo Adeer u ah gabadha la kufsaday waxa uu warbaahinta u sheegay in illaa 8-qof loo soo qabtay falkaan, kuwas ooh adda ku xiran xarunta dembi barista booliska ee CID-da.

Sidoo kale Adeer Jabriil waxa uu sheegay in lagu daba jiro ku dhawaad 10 nin oo kale, kuwaas oo laga garanayo deegaanka, isla markaana sida uu sheegay ka baxsaday, si aan loo qaban.

Gabadha Hooyadeed ayaa sheegtay in markii la afduubanayey gabadheeda ay u dirsatay adeeg, isla markaana ay raadinayeen laba cisho oo duurka lagu heystay, waxayna meel duur ah ka heleen iyadoo dhib xoog leh loo geystay.

Hooyadaan waxay dalbaneysaa in raggii dhibkaan u geystay gabadheeda cadaaladda la mariyo.

Yaasiin Maxamed oo isna Adeer u ah gabadhan ayaa sheegay in falkani uu muujinayo sida arxan darradu ay ugu sii baaheyso Soomaaliya, isagoo sheegay in 20 rag ah ay isugu tageen gabadhaan, dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in lagu gacansiiyo sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa raggii kufsi wadareedkaas u geystay gabadhooda.

Hoos ka Daawo warbixin ay ka sameysay KNN

R/W Rooble oo shaaciyey liisaska dhammaan lixda guddi ee doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa digreeto ku magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Rooble ayaa magacaabay: 1- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, 2- Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka, 3- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed,  4- Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland, 5- Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, 6- iyo Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada.

Haddaba hoos ka aqriso dhammaan liiska.

Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka.

2- Liiska Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed

Liiska Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Somaliland

Liiska Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga

Liiska Guddiga Xubnaha Dowladda Federaalku ku darayso dowlad goboleedyada

Liiska guddiga Xalinta Khilaafaadka

Xog: Kala shaki xoog leh oo ka dhashay qaraxii shalay lala beegsaday ciidanka xoogga

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kala shaki xoog leh uu soo kala dhax-galay ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku wada sugan degaano ka tirsan degmooyinka Jowhar, Raage-Ceelle iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.. 

Ilo wareedyo ka kala tirsan ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka iyo Guutada Gor Gor ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ay kala qabaan shaki ballaaran oo ka dhashay qarax shalay lagu qaaday xerada ciidanka 27-aad, kaasoo keenay in ay istaagto wadashaqeyntii ka dhaxeysay ciidamada. 

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada qaar, iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo. 

Caasimada Online ma xaqiijin karto dhamaan eedaha loo jeediyay ciidamada qaar balse waxaan xaqiijinay in kala shaki weyn u dhaxeeyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, shakigaas oo ka dhashay gadoodkii ay sameeyeen ciidamada qaar ee diidanaa muddo korarsigii Farmaajo. 

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay sida la xaqiijiyey 4 sarkaal oo uu ku jiro Col. Saneey Cabdulle, oo ah Taliyaha guutada 4aad ee qaybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, kana mid ahaa saraakiisha diiday muddo kororsiga Farmaajo ee ciidanka lasoo galay Muqdisho

Waa kuma Ebrahim Raisi – Muxaafidka mayalka adag ee noqday madaxweynaha Iran?

Tehran (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo uu Maanta oo Sabti ah qabtay madaxa gudiga sare ee doorashooyinka dalka Iiraan Jamal Caarif ayuu ku sheegay in musharaxa madaxweynimo ee dalkaas Ebrahim Raisi uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Raisi ayaa helay 17 milyan iyo 800 kun oo cod kadib markii ay soo baxday natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday dalkaas, iyadoo ay codadkooda dhiibteen dad gaarayo ilaa 28 Malyan oo qof.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in musharaxa kale ee lagu magacabo Mohsen Rezaei uu helay codad gaarayo 3 Malyan iyo 300 kun oo cod.

Musharaxa qunyar socodka ah, Abdel Nasser Hemmati ayaa helay labo milyan iyo 400 kun oo cod, sidoo kalana Qazizadeh Hashemi ayaa helay hal milyan oo cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga, taasoo ka dhigan in Ebrahim Raisi uu noqday madaxweynaha dalka Iiraan.

Isaga oo ka hadlayey natiijada hordhaca ah ee doorashada, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif wuxuu sheegay in qof walba looga baahan yahay inuu la shaqeeyo Ebrahim Raisi wixii hada ka dambeeya maadaama uu yahay madaxweynaha la doortay, wuxuuna ku tilmaamay Raisi inuu yahay “nin caqli badan” oo wadanka si wanaagsan u hogaamin doona.

Waa kuma Ebrahim Raisi?

Raisi, wuxuu ku dhashay 1960 magaalada Mashhad, waa siyaasi diimeed iyo muxaafid mayal adag. Wuxuu ku soo biiray garsoorka 1980 wuxuuna ka shaqeeyey xeer ilaalinta guud ilaa 1994.

Isla sanadkaas waxaa loo magacaabay madaxa hay’ada kormeerka guud. Sanadkii 2004 wuxuu qabtay jagada ku xigeenka 1-aad ee hey’ada cadaaladda, wuxuuna xilkaas hayey 10 sano, hogaamiyaha sare ee dalkaas wuxuu u magacaabay inuu noqdo madaxa garsoorka sanadka 2019.

Raisi wuxuu ku biiray Golaha Khubarada 2006, ka dibna waxaa loo magacaabay 2017 inuu xubin ka noqdo Guddiga dhanka nidaamka kala taliyo Khamenei sidoo kalana xaliyo khilaafkaadka, sidoo kalana wuxuu doorashadii madaxtinimada ee 2017 ka galay kaalinta labaad kadib Rouhani.

Raisi wuxuu isu muujiyey inuu yahay shaqsiga ugu fiican ee la dagaalami kara musuq-maasuqa isla markaana xallin kara dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan haysta.

Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorkiisa dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii, sidoo kalana waxaa kiiskaas awgiis cunaqabateyn u saaray  Mareykanka,

Iran waligeed ma aysan aqoonsanin xukunada dilka ah Mr Raisi waligiisna kama uusan hadlin eedeymaha ku saabsan doorka uu ku leeyahay taasoo ay si weyn u soo hadal-qaadaan hay’addaha xuquuqda aadanaha.

Awooda Madaxwynaha Iiraan

Madaxweynaha Iran waa shaqsiga labaad ee ugu sareeya wadanka, kadib hogaamiyaha ugu sareeya kaasoo leh awoodaha ugu badan iyo ka go’aan ka gaarida arrimaha masiiriga ah.

Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasadda gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin Hogaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka.

Guushiisa maxay uga dhigan tahay Iran iyo adduunkaba?

Raisi wuxuu ballan qaaday inuu yareeyn doono shaqo la’aanta kana shaqeyn doono sidii meesha looga saari lahaa cunaqabateynta Mareykanka ee ka qeyb qaadatay dhibaatada dhaqaale ee dadka caadiga ah ee reer Iiraan.

Weriyaha BBC-da ee Beershiya Kasra Naji ayaa sheegtay in dadka mayalka adage ee Iiraan ay raadin doonaan inay xoojiyaan nidaamka xaigjirnimada ee ku dhisan islaamnimada, taasoo micnaheeda ay noqon karto xakameyn badan oo ku saabsan howlaha bulshada, xorriyadaha yar yare ee shaqooyinka haweenka iyo xakameynta adage ee warhaabinta.

Kuwa mayalka adag waxay ka shakisan yihiin reer galbeedka, laakiin Raisi iyo Hogaamiyaha Sare Khamenei labaduba waxay door bidaan in dib loogu laabto heshiis caalami ah oo ku saabsan howlaha nukliyeerka Iran.

Heshiiskii Nukliyeerka ee la saxiixay 2015, wuxuu Iran ka yareeyey cunaqabateyntii Reer Galbeedka, waxaana heshiiskaas lagu xakameeyey horumarinta ay Iiraan ka waday dhanka hubka Nukliyeerka.

Mareykanku wuxuu ka baxay heshiiskaas 2018, maamulka madaxweyne Trump wuxuu dib u soo rogay xaddidaadyo curyaaminaya awoodda iiraan ee ganacsiga. Mr Raisi wuxuu kamid ahaa saraakiisha cunaqabateynta la saaray.

Iran waxay ku jawaabtay dib u bilaabida hawlgaladii nukliyeerka ee lagu mamnuucay heshiiska.

Wadahadalada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiska ayaa ka socda magaalada Vienna, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu sidoo kale doonayo inuu soo nooleeyo. Laakiin labada dhinacba waxay yiraahdaan kan kale waa inuu sameeyaa tallaabada ugu horreysa.