25 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska askarta la geeyey Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ciidamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in natiijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

“Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyadaan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga.

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

“Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab oo la wareegtay degaan ay kasoo baxeen ciidanka AMISOM

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahanada Al-Shabaab ay si nabdoon kula wareegeen deegaan hoostaga magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaankaasi oo lagu magacaabo Maryan Gubaay, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ay xoogag Al-Shabaab ka wadaan deegaankaasi oo ay ka sameysteen fariisimo cusub.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo u warramay VOA ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in marka ay kasoo baxaan deegaanka Maryan Gubaay AMISOM ay la wareegaan ciidamada Xoogga dalka, balse aysan dhicin taas.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada dowladda uga baaqsadeen inay AMISOM bedalaan, kadib markii ay isaga soo baxeen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo magaalada Baraawe ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada la soo xuli doono, maadaama ay ka mid tahay magaalooyinka la qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada lagu qabanayo Koonfur Galbeed.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo iyagu lagu eedeeyeen inay gaabis ay sameeyeen darteed ay ku timid in lala wareego deegaankaasi.

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada Shabeelooyinka ka socda dhaq-dhaqaaqyio milatari iyo dagaallo dhex-maray ciidamada Xoogga iyo kooxda Al-Shabaab.

Dad la soo qab-qabtay dilkii marxuum Faarax Diir Cabdi

0

Beledwyene (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cabdi Muumin Cilmi ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen magaaladaasi, kadib dilkii xalay loo geystay guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolkaasi, Marxuum Faarax Diir Cabdi, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah oo tuhun-sanayaal ah loo soo qabtay dilka loo geystay guddoomiyihii hore ee ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan dadka lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, kuwaas oo lagu xiray saldhigga Beledweyne.

“Mar haddii uu shil meel ka dhaco waxaa loo soo qabtaa cid walbo oo laga shakiyo, balse baaritaanka ayaa lagu kala saaraa, wayna jiraan dad loo soo qab-qabtay dhacdadaasi oo tuhun-sanayaal ah ,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Muumin.

Allaha u naxariistee Faarax Diir ayaa maanta aas loogu sameeyey gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah.

Dilka loo geystay marxuumka ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Beledweyne ayaa waxaa sidoo kale ay ka mid tahay meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, waxaana jira walaac xoogan oo haatan laga muujinayo amniga guud ee magaaladaasi oo faraha ka sii baxaya.

Sawirro: Gudoomiyeyaal lagu dilay Muqdisho iyo B/Weyne iyo nin dhaawac lagu qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa caawa siyaabo kala duwan magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ugu dilay mas’uuliyiin ka kala tirsaneyd maamullada gobolka Hiiraan iyo kan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ugu horeyn koox ku hubeysan bistoolado oo tiradooda lagu sheegay seddax nin ayaa caawa fiidkii agagaarka Aargada degmada Deyniile ku toogatay Allaha u naxariistee Cabdi Cabdulle (Cabdi Juge) oo ahaa gudoomiyihii Waaxda Kurdamac ee maamulka degmada Dayniile.

Dilka marxuumkaas kadib ciidamo ka agdhawaa goobta ayaa baacsaday ragii hubeysnaa ee dilay guddoomiyaha, waxayna dhaawac ku qabteen mid ka mid ah 3-dii nin, kaas oo watay bistooladii uu uga qeyb qaatay dilka, sida ay muujinayaan sawirro ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka.

Waxaa gacanta ciidamada ka baxsaday laba nin oo kale kuwaas oo dilka marxuumka wax ka geystay, waxaana caawa qeybo badan oo ka tirsan degmada Deyniile ka socda howlgallo lagu baacsanayo ragaas baxsadka ah.

Dhanka kale isla caawa koox hubeysan oo aan weli heybtooda la garan ayaa Faarax Diir Cabdi, oo ahaa guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan waxay ku dileen magaalada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa markii uu dhacay dilka guddoomiyihii dhalinyarada gobolka Hiiraan kadib waxay bilaabeen baaritaano ka dhan ah raggii geystay dilkaas, kuwaas oo markiiba goobta isaga baxdasay.

Hoos ka eeg sawirrada ninka loo heysto inuu wax ka fuliyey dilkii caawa ka dhacay Deyniile.

Labada Marxuum ee caawa lagu kala dilay Muqdisho iyo Beledweyne

DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar qorsheysan

0

Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun, Baaroow, Madiina-Cadde, Gaaleef iyo Buurdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen ugu yaraan 8-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo mid ka mid ah la toogtay isaga oo miino ku aasaya wado aad loo isticmaalo, sida uu sheegay Taliye Xasan Tuure.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka fuliyaan deegaanada qaar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ururka 7-aad, Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgalkaas, waxuuna sarkaalkan hoggaaminayey ciidanka sheegay in qorshahooda uu ahaa ka hor-tagga weerarro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen.

Mudooyinkii u dambeeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa ka bilaawday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna militeriga Soomaaliya ku guuleysteen inay ka saaraan deegaano dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen.

Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa oo soo saaray digniin la xiriirta doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku cadeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan. “inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.”

“Guddigu wuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo kadib doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka guddiga ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.”

Sidoo kale Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, “Waxaa naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Guddigan u xilsaaran la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa ka digaya ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka, taas oo carqaladeyn ku ah ‘xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay.’

Sidoo kale qoraalkan ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in fursadaha ol’olaha doorashada la doonayo inay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhammaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco.

Si loo xaqiijiyo tallaabadaas waxuu guddigu qoraalkaan ku cadeeyey in kormeerayaal ka socda Guddiga loo xilsaari doono, isla markaana ay isha ku heyn doonaan goobaha codbixinta ee dalka oo dhan.

“Guddigu wuxuu ahmiyad gaara siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xad-gudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan  kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.”

Ugu dambeyntii qoraalka guddiga waxaa lagu yiri, “IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.”

Weerar lagu dilay dad horleh oo ka dhacay dalka Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta caasimada dalkaas.

Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha

“Dagaal-yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa,” ayuu yiri mid kamid ah ehelka dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaas.

Dadka la dilay oo u badnaa shaqaalihii ku howlanaa dhismaha buundada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Nin la sheegay in uu cabitaanka bunka ah uu ku iibinayey wadada hareeraheedda.

Faah-faahin intaas ka badan weli lagama hayo weerarkaan, hase yeeshe waxa uu qeyb ka noqonayaa qalaalasaha amni darro ee ka jira Ethiopia, tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyaduhu.

Dhacdadaan ayaa Saraakiisha qaar ay sheegen inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada dalkaas oo maanta loo dareeray, maadama ay isasoo tarayaa walaac dhanka amaanka ah.

Maxkamadda ciidamada oo shaacisay cidda loo haysto dilkii Sheekh Cali Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Allah unaxariisto Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay .

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in guddigaas ay waqti badan geliyeen sidii ay u ogaan lahaayeen qaabka uu dhacay dilka marxuumkaas iyo cidda ka dambeyso, waxayna caddeymaha dilka ka qoreen dad markhaatiyaal ah.

Warka kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib ay xeer ilaalinta ogaatay in dilkaas uu ka dambeeyey Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo.

Xeerilaaliye Ku xigeenka aya intaa hadalkisa ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen qodobada hoos ku xusan.

1) In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2) Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3) In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Eedeysanaha ayaa waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha oo ay dacwad kusoo oogtay CID, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan.

Guddiyada Doorashada oo amar la siiyey iyo guddigii uu magacaabay Rooble oo la kala diray (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray in xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista.

Kooxda farsamada ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 24 Juun si rasmi ah loo bilaabi doono tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.

Tababarka guddiyada ayaa wuxuu socon doonaa muddo todobaad ah, kadibna waxay iska dooran doonaan guddoon sida uu sheegay Guddoomiyaha Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka ay guddiyada doortaan guddoon ay u safri doonaan deegaanada Maamul Goboleedyada dalka si ay doorashada u dhacdo waqtiga loo qorsheeyey.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banaan oo sharci ahaan soo saari lahaa xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana baari doono sida ay u shaqeyn lahaayeen.

Dhanka kale, Guddigii Ra’iisal Wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay.

Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabay  maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda Magaalada muqdisho & Gobolada dalka ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha.

DF oo shaacisay QORSHAHA ka dambeeya kulankii Rooble iyo safiirka IMAARAADKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay ujeedka ugu muhiimsanaa ee kulankii dhawaan Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World isagoo ku sugan magaalada Antalya ayaa xaqiijiyey in kulankii u dambeeyay ee Rooble la yeeshay danjiraha Imaaraadka Carabta uu qeyb ka ahaa dedaalada maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ku saxayo gefafka diblomaasiyadeed ee uu sameeyey intii uu xilka hayey.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowladiisa ay aad u xiiseeneyso inay dib u saxdo waxyabihii horey uga soo qaldoomay ee ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii June xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta, waxaana war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu sheegay in kulanaas looga wada hadlay TRT World.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa xumaa saddexdii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo xiriirka diblomaasiyaddeed Soomaaliya u jartay Imaaraadka kaddib khilaafka Dowladaha Khaliijka. Soomaaliya ayaa sheegtay in ay mowqifka dhexdhexaadnimo ka qaadatay.

Bartamihii Bishii Abriil ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

Dowladdii dalka Sweden oo maanta la riday – Maxaa xiga?

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada.

Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

AFP + VOA

Mareykanka oo soo saaray digniin la xiriirta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta ammaanka, taas oo ku socoto wadamo dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa ka digay halista kooxaha islaamiyiinta ah oo haatan ku sii fidiya qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika.

Taliyaha howl-galka Africom, General Stephen Townsend ayaa xusay in ururada Al-Qaacida iyo Daacish ay ku sii xoogeysanayaan wadamada Somalia, Mali, Niger, Chad iyo Sudan.

General Stephen Townsend ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda Al-Shabaab oo xiriir la-leh Al-Qaacida ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaala Soomaaliya, isla-markaana ay weeraro culus ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammaan, marka la’isku geeyo ururadaasi islaamiyiinta ah ay khatar weyn ku yihiin ammaanka qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa waxaa Afrika ka jooga illaa 7,000 oo askari, inkastoo Donald trump uu Soomaaliya ka saaray 700 oo askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamadaasi la geeyay saldhigyo kale oo Mareykanka uu ku leeyahay afrika.

Si kastaba, howl galka Mareykanka ee Africom ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika uu ka caawiyaa tababarada iyo la dagaalanka ururada ay ugu yeeraan Argagixisada.

Aqriso: Qorshaha amniga doorashooyinka qaran oo xalay shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey qorshaha qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo ka kooban 17 bog, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadban.

Waxaa sidoo kale la dhisay Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood, mas’uulna ka ah amniga doorashada, uuna hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha ay ka mid yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Guddiga Amni ayaa waxa uu qorsheynayaa isla markaana hagayaa hannaanka amniga doorashada; Waxa uu dejinayaa qorshaha amniga; sidoo kale waxa uu hubinayaa isla markaana oo si dhawna ula soconayaa amniga xarumaha hawlgallada doorashooyinka isaga oo kaashanaya Guddi-Hawleedyada Amniga Doorashada Ee Heer Dawlad Goboleed, Guddiga Hirgelinta Doorashada Ee Heer Federaal iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada Ee Heer Dawlad Goboleed. 

Amniga doorashada ayaa waxaa kaalin weyn ku leh ciidamada booliska Amisom oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga magaalooyinka iyo xaruumaha ay ka dhaceyso doorashadu. AMISON Police mas’uuliyadooda waxa ay tahay in ay sugaan amniga gudaha xarumaha. AMISON Military mas’uuliyadooda wax ay tahay goobaha laga soo galayo magaalada iyo meelaha kale ee la isku raaco.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uul ka ah Hagida, isku-duwida iyo hoggaaminta Guddiga Amniga Doorashada. 

Hadda hoos ka aqriso qorshaha oo dhameystiran

DF oo ka hadashay dib u dhaca SAFARKII wasiirka A/Dibadda Turkey ee Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyey dib u dhaca ku yimid safarka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ee ku aadanaa booqashadiisa Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb-galayay Barnaamijka One on One ee Teleefishinka TRT ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib xumo ku timid baaqashada socdaalka wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.

Ma shaacin wasiirku xilliga rasmiga ah ee uu Soomaaliya imaanayo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, maadaama uu haatan dib u dhac ku yimid safarkiisa.

Ujeedka boorashada wasiirkaasi ka socda Turkiga ayaa la xariirta arrimaha doorashada, xiriirka labada dalka, tababarka Ciidanka Xoogga iyo Kaalmada Bani aadamnimada.

“Nasiib xumo waxaa baaqday socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Soomaaliya, waxa aad ogtihiin wadashaqeynta naga dhaxeysa, waxa aan kawada hadli doonaa Amniga, Taageerada ciidanka, Bani aadamnimada, Dhaqaalaha, Maalgelinta & arrimo kale”

Turkiga ayaa galaangal xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya oo haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xoogan oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh, waxaana sidoo kale Turkiga uu Soomaaliya ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah.

Xubno ka tirsan guddiyada doorashada oo lagu eedeeyey inay dambiileyaal yihiin

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegaya inay dad dembiileyaal ahi ku jiraan Guddiyada Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan Xubnaha Jubbaland ku metelaya Guddiyada Doorashooyinka.

Afhayeenka oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa sheegay inay dadka uga digayaan waxa lagu sheegay buu yiri Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo.

“Digniin, waxaan ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba uga digeynaa waxa lagu sheegay Guddi Doorasho oo laga soo diray Magaalada Kismaayo, looguna magac-daray Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland. Waxayna aad dadka Jubbooyinka degan isu weydiinayaan abeeso dhul isu ekeysiin bay dadka u leysaayee, Dowladdii Soomaaliyeed ma indho la’dahay mise Soomaalinimadaa ka badatay?,” ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa xubnahan ku sheegay inay yihiin Guddigii Madaxabannaanaa Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubbaland ee laba sano horteed soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, isla-markaana qabtay doorashadii dib loogu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 22-kii bishii August ee sanadkii 2019, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ka gaysteen deegaanada Jubbaland.

“Waxaan doonayaa Guddiga Doorashooyinka Heer State waxa lagu sheegay ee Magaalada Kismaayo laga soo diray waxa ay yihiin inaan caddeeyo. Taariikhdu markii ay ahayd 23-kii bishii March ee sanadkii 2019 Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubbaland magacawday waxa uu ka koobnaa sideed xubnood, oo ahaa ciidamo jinsiga Soomaali ka ah, laakiin mariin ahoo qalbiga ka jirin oo dhalinyaro da’ yar ahoo aqoonyar, oo dowlad ajnabi ah inta ay tababaratay hub u soo dhiibtay, ayna dooneysay danaha ayada ay leedahay oo dal qabsi duleysi ah iyo xasuuq inay ku fushato asalkoodu saas ayay ahaayeen. Waxaana Gudoomiye u ahaa Xamse Cabdi Barre, Kuxigeena waxaa u ahaa Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed Ilkadheere.) Guddigaas waxay asteeyeen xuduud dhulka Soomaaliya la dhigayo oo dowlad ajnabiya lagu siinayay ciiddii Soomaaliyeed, min Raaskambooni illaa Biibii 1. Xuduudaas oo xuduuddii Ingiriiska uu sameeyay meesha ugu dhow 700 oo tallaabo ay soke ka tahay, meelaha qaarkood-na 17km gudaha dhulkeena la soo geliyay. Anigoo ammaanayo asal iyo asaliyad ahaanbo shacabkii Soomaaliyeed oo sida Falastiin oo kale dhulkoodii ku dagaalamayay, waxaa meeshaa ka dhashay dil loo gaystay tobanaan qof oo shacab Soomaaliyeed ah, ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo Soomaali ah, ayna ku baaba’een hanti Soomaaliyeed oo qaali ahoo aad u fara-badan, oo ay ka mid tahay kaabadii dhaqaalaha ee Shirkaddii Isgaarsiinta Hormuud oo dadkaa maqal, manfac, EVC iyo keydba u ahayd, waayo lacagtii dadkaa way baaba’day, lacag qalaadna inay isticmaalaana aad bay uga qabweyn yihiin,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Tusaale, taariikdu markii ay ahayd 23-kii bishii September 2020 deegaanka Yado oo 30km dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Ceelwaaq, uuna maro xad beenaadka, lagana soke mariyay xadka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ay asteeyeen, dadkii dhagaxa ku dadaalamayay waxaa laga afduubay afar qof, 3 maalmood ka dib tuulada Daarusalaam oo iyaduna xad beenaadka mari jiray waxaa laga afduubay afar qof, oo nin ka mid ah waa la dilay, saddexdii kalena min saddex kun oo lacagta Mareykanka ah ayaa looga soo furtay Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo adeegayaashooda, dadkii kale ee la afduubay illaa iyo hadda ma hayno, oo sidii loo afduubtay bay ku maqan yihiin. Waxaa jira dad kale oo aan hadda i hor oolin magacyadooda, laakiin dabcan ay feel/file ku jiraan oo maqan, ayna sababteeda leeyihiin in la waayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee la magacaabay 23-kii March 2019.”

Aadan Rufle ayaa yiri “Doorashadii Jubbaland ee 2019 la qabtay waxay sameeyeen isimo dhaqan oo gacan ku rimis ah, oo lagu bedelay Odayaashii Dhaqanka ee soo jireenka ahaa, dadkana waxaa loo sheegay inay Xildhibaanada Jubbaland soo xuli doonaan Odayaashii Dhaqanka ee la yaqaanay, waxaan ku eedeyneynaa inay laayeen Odayaashii Dhaqanka ee ka horyimid bedelkii lagu sameeyay. Isimada Dhaqanka ee la laayay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan (Gaari), Suldaan Cabdirashiid Dhurre Cumar, Suldaan Axmed Diiriye Qalyar iyo odayaal kaloo badan. Waxaa sidoo kale jiray odayaal ka horyimid arrintaasi oo loo musaafuriyay Magaalada Muqdisho, kuwaa oo illaa iyo hadda ku sugan.”

Rufle ayaa ku waramaya inaanan Dowladda Federaalka laga sugeynin inay dadkaasi Guddi Doorasho uga dhigto sida uu yiri dadka, oo ay ahayd inay Guddiga Doorashada noqdaan kuwa aan shisheeyaha u adeegin.

“Waxaan leenahay Dowladda Soomaaliyeed dadkaasi waxaas oo dhiba gaystay in Guddi Doorasho dadka looga dhigo maaha waxaan ka lug bixi karno. Dowladdii Soomaaliyeed ee la rabay inay dalka iyo dadka difaacdo, oo dadkii dhulka difaacayayna ay dalacsiin siiso meeshii laga suggayay, inay dembiile-yaashii ay xasaanad siiso, tiraahdana dad bay soo dooranayaan maaha wixii laga suggayay.” Ayuu yiri Rufle oo intaa ku daray “Doorashaddii dhaweyd ee lagu soo doortay Axmed Madoobe, si adag bay uga hortimid Dowladda Federaalka, iyadoo og inaysan guddigaasi qaban doorasho daahfuran. Guddiga noocaas ah sidee baa maanta loogu aaminay doorashadii guud?”

Ugu dambayn waxa uu yiri “Waxaan dooneynaa dad nadiif ah oo Soomaali ah, oo dowlad ajnabiya jaajuus u ahayn oo dhulka difaaca in la keeno, oo aan dadka Guddi Doorasho looga dhigin dembiile-yaashii intaas oo dembi ah gaystay.”

Sarkaal ka tirsanaa Gorgor oo xalay lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxay toogasho xalay magaalada Muqdisho loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay tababartay dowladda Turkiga.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cali Yarami ayaa waxaa lagu dilay gudaha degmada Wadajir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan bistoolado ay marxuumka toogasho ku dileen, iyaga oo kadib goobta isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in xilliga la dilayey uu kusii jeeday hoygiisa oo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo meydka ka qaaday halkaasi.

Maxamed Cali Yarami ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firircoon, kana tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo uu kii ugu dambeeyey xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Daawo: Boqor Burhaan oo si adag uga horyimid xeer ay meel-marisay PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha oo ay meel-mariyeen golaha wasiiradda Puntland.

Boqor Burhaan ayaa ugu horeyntii sheegay in xeerka lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor-imaanaya dhaqanka iyo shareecada Islaamka.

Waxa uu ku tilmaamay tallaabada golaha wasiiradda “mid aan laga aamusi karin oo dhaawac u geysanaysa diinta islaamka,” islamarkaana aysan cidna uga haybeysan doonin wax walba oo khilaafaya diinta Islaamka, sida uu sheegay.

”Anagu mujtamaca iyo umadda wixii wanaageeda ah oo diinteeda ay ku badbaadi kadho, cidna uga haybaysan mayno diyaar baanu u nahay af iyo addinba inaanu kaga hornimaadno, mana aqbalayno,” ayuu yiri Boqor Burhaan oo si adag u diiday xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha.

Sidoo kale waxa uu baarlamaanka maamulka Puntland oo la filayo in xeerkaas la horgeeyo ugu baaqay inaysan waqti ku lumin sharcigaas, oo uu sheegay inuu lid ku yahay qanuunkii ilaahey.

”Waxaa laga hortagay oo waqti badan la geliyey gudniinkii fircowniga ahaa waxay ahayd arrin culimo iyo maamul iyo dowlado kuliba la iska kaashaday, in hadana loosoo gudbo sunigii iyo arrinkii ilaahey weyne ahaa iyo rasuulkiisa, waa wax aan soconayn,” ayuu yiri.

“Waxaa idinka maamul ahaan wax idiinka soconaynna inaad wakhti badan ku lumisaan maaha marnaba.”

Boqor Burhaan ayaa ugu dambeyntiina xukuumadda Puntland inay ka laabato sharcigan muranka dhaliyay, islamarkaana ka hor-imaanaya shareecada, isagoona bogaadiyey tallaabadii ay dhawaan culimada Puntland ku cambaareeyen xeerkaan.

Waxaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay xiisada ka dhalatay xeerka mamnuucaya gudniinka Gabdhaha oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland, kaasi oo ay ku joojinayso in gabdhaha deegaanadeeda ku nool la gudo, midaasi oo qaar kamid ah waxgaradka iyo culimada Puntland si adag uga hor-imaadeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa saaka dadweynaha reer Itoobiya u dareereen goobaha cod-bixinta doorashooyinka, si ay codad-kooda u dhiibtaan.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ay ka dhaceysaa magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi oo ay ugu horreyso caasimada Addis Ababa.

Dadweynaha ayaa dooran doono illaa 547 xildhibaan oo heer federaal ah, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya doorashadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha qaar ee cod-bixinta la furey xilli aan aheyn waqtigii la cayimay, waxaana jira dib u dhac illaa 30 daqiiqo ah, tusaale ahaan magaalada Addis Ababa 15 deegaan doorasho, 11 ka mid ah goobihii codka laga dhiiban lahaa iyo 2 goob cod-bixin oo ku yaalla Bahir Dar, ay dib uga dhaceen xiligii la furi lahaa.

Sidoo kale waxaa goobaha cod-bixinta ku sugan madaxda doorashada iyo sidoo kale murashaxiinta wakiilladooda, si ay dusha ugala socdaan qabka ay u dhaceyso.

Doorashada ayaa ah mid isha lagu wado hayo guud ahaan Itoobiya, marka laga reebo dowladda deegaanka Soomaalida, gobolka Tigray oo aysan ka dhaceyn doorashadu.

Si kastaba qorshaha doorashadan ayaa ahaa in ay dhacdo sanadkii hore, balse waxaa loo baajiyey, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn ballaaran ku yeeshay Itoobiya.

Xiisadii Buulo-Burde oo kasii dartay, kadib xeelad uu sameeyay maamulka…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisada dagaal ee maalmihii u dambeysay ka taagneyd degmada Buulo-Burde ayaa kasii dartay, kadib markii uu maamulka degmada ee gobolka Hiiraan uu xeelad ugu soo gacan dhigay rag ka tirsan maaleeshiyaad beeleed uu dagaal kala dhaxeeyay ciidamada amaanka.

Sida ay sheegen qaar kamid ah Odayaasha degmada Buulo-Burde waxa uu maamulka gobolkaas kula kacay khiyaano weyn, kadib markii uu ka dalbaday in loo yeero ragii dhawaan weerarka ka fuliyey saldhiga booliska degmada, si looga wada xaalo falkaas.

Odayaasha oo raacay soo jeedinta maamulka ayaa u yeeray tobaneeyo kamid ah maleeshiyaadka, si xiisada xal kama dambeys ah looga gaaro, kuwaasi oo markii ay kulan xal raadin ah ugu yeeren, islamarkiiba xabsiga loo taxaabay.

Wararka ayaa sheegaya in 14 kamid ah raggii weeraray saldhiga la xiray kadib markii kulan xal raadin ah loogu yeeray, iyada oo taasi ay ka caroodeen qaar kamid ah maleeshiyaadka ay is-hayeen ciidamada.

“Waxaa naloo sheegay in la qanciyo oo arrinta la xalinayo, kadib markii aan geynay ayaa waxa uu maamulka nooga baxay ballantii,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha degmada Buulo-Burde.

Waxay ugu baaqeen Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedka Hir-Shabeelle inay xiisadaan soo fara-geliyaan, si uusan dhibka intaas uga sii badan, ayagoona mas’uuliyada wixii dhaca dusha u saaray maamulka degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Xiisada ka taagan degmada ayaa sii xoogeysatay, taasi oo u dhaxeysa ciidamada amaanka iyo maleeshiyaadka deeganka, kadib markii ay shalay Buulo-Burde gaareen saraakiil sarre oo ka tirsan maxkamadda ciidamada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qorshaha uu yahay in la maxkamadeeyo raga xiran oo markii hore lagu soo qabtay xeelada uu maamulka degmada uga ballan baxay Odayaasha.

Tacsi ku socota Reer Sheekh Saciid iyo Reer Maxamud Calasow

0

Adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed, Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Reer Maxamud Gacal, gaar ahaan Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiisa Fadumina Rooble, Sayid Caraaye, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afarx, iyo Reer Maxamed Xasan.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Reer Sheekh Saciid iyo Reer Maxamud Calasow, ayaga oo uga tacsiyeynaya geridii ku timid Maxamed Abuukar Sheekh Saciid Shaanshi oo kugeriyoday magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka.

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo ammaan allaha naga siiyo marxuumkana jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ.