25 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Sacuudiga oo billaabay olole ka dhan ah Itoobiyaanka

Riyadh (Caasimada Online) – Booliska Sacuudiga ayaa waday 10-kii cisho ee u dambeeyay qab-qabashada muwaadiniinta Ethiopian-ka ah ee ku sugan dalkiisa, kuwaasi oo si kala sooc laheyn loogu guray xabsiyada, sida uu baahiyey wargeyska Middle East Eye.

Howl-gal ay sameeyeen booliska Sacuudiga oo lagu bartilmaameedsanayay xaafadaha ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ayaa waxaa lagu xiray kumanaan Ethiopian ah oo ku baahsan boqortooyada.

Waxaa howl-galka si isku mid ah loogu soo qabtay Ethiopian-ka aan sharciga haysan iyo kuwa dukumtiyada leh, midaasi oo mowjada xariga ka dhigtay mid bartilmaameed gaar ah, taasi oo bilaabatay saqdii dhexe ee habeenimadii 11-kii June.

Ethiopian-ka ku sugan Sacuudi Carabiya oo la hadlay wargeyska ayaa ku sifeeyay howl-galka booliska “qab-qabasho aan kala sooc lahayn”, waxayna sheegen in qaarkood ay booliska xoog ku galeen guryahooda.

“Booliska waxay dhaheen ‘waxaan haynaa amarro aan ku qaadano wixii Xabashi ah’. Xataa sababaan ku qanacno nama siiyaan. Waxay joojinayaan qof kasta oo u muuqda inuu Ethiopian yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka degan Jeddah.

Hawl-gallada booliska ee muhaajiriinta ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa aheyn mid ku cusub dalkaas, balse midkaan ayaa waxa uu kaga gedisan yahay in booliska uu ku darayo dadka uu aruurinaya xataa kuwa haysta degenaanshaha sharciga ah, midaasi oo si rasmi ah loo ogeyn ujeedka ka dambeeya.

Sacuudiga ayaa tallaabada masaafurinta inta badan uga dan leh yareynta dadka tirada badan ee waddanka ku nool ee aan haysan dukumiintiyada, kuwaasi oo badankoodna ay yihiin Ethiopian. Waxaa xusid mudan in howl-gal kan lamid ah oo dhacay sanadkii 2013-kii ay dowladda xirtay oo ay masaafurisay ilaa 100,000 oo Ethiopian ah.

Si kastaba, 10-kii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay booliska soo qabteen tiro aad u badan oo Ethiopian ah oo wata waraaqaha degenaanshaha sharciga, kuwaasi oo qeyb ka ah dadka ay soo aruuriyeen, waxaana socda dadaalo ku aadan furdaaminta dadkaas oo ay ku howlan tahay qunsuliyada Ethiopia ee Jeddah.

Xog: Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo loo la’yahah mushaaraadkii

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog muujineysa in inta badan shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir aysan qaadan mushaarkii bishii hore ee May, xili ay dhammaad joogto bisha June. 

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa 15-kii bishan billaabay bixinta mushaaraadka, waxaana la siiyay qeybta arrimaha Bulshada iyo guddoomiyaasha degmooyinka, hase yeeshee waxaa dhiman in ka badan 3 meelood shaqaalaha gobolka, oo weli sugaya mushaarkooda. 

Qeybaha dhiman ayaa kala qeybta amniga iyo siyaasadda, qeybta Howlaha Guud, qeybta maaliyadda iyo qeyb kale oo hoos tagta xafiiska guddoomiyaha Gobalka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in markii la billaabay mushaar bixinta la joojiyay maalin kadib markii la waayay lacag shaqaalaha la siiyo. 

Caasimada Online ayaa todobaadyo ka hor xog ay heshay waxay ku sheegtay in gobolka Banaadir uu wajahayo dhaqaale la’aan xoog leh waxaana muuqata in hadda ay dibadda usoo baxday xogtii aan baahinay maalintaas. 

Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta ka soo baxeysa shaqaalaha gobolka oo intooda badan sheegay in ay halis ugu jiraan in laga saaro guryaha ay dagan yihiin oo kiro ah, halka qaarkoodna ay wajahayaan daruufo kale. 

Xariiro aan la sameynay mas’uuliyiinta gobolka kama aysan jawaabin wicitaankeenna, si aan wax uga weydiino cabashada shaqaalaha oo wajahaya daruufo badan. 

Shabaab oo weerar culus ka fulisay degmada Mandera

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar jidgal ahaa oo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanka Ceelqaalow oo hoostaga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi oo ahaa mid culus lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidan ka tirsan milatariga iyo kuwa Booliiska, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarka, kadib uu iska hor imaad kooban dhexmaray ciidamada Kenya dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi ayaa guullo ka sheegatay dagaalkan, waxaana ay shaacisay inay ku dishay, kuna dhaawacday askar ka tirsanaa ciidamada Kenya, walow aysan shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ay waxyeelad soo gaartay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa baahisay inay gubtay gaari nooca xamuulka ah oo u rarnaa ciidamada weerarka lagula beegsaday duleedka magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay howl-gallo ka sameeyey ciidamada ammaanka Kenya, kadib weerarka ka dhacay halkaasi.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa hada iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan xadka dheer ee ay wadaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Guudlaawe oo kulamo ka wada dalka Turkey + Sawirro

0

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa Istanbul kulan gaara kula qaatay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Cali Guudlaawe oo loo fidiyey casuumad heerkeedu sarreeyo ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshaay jaaliyadda Soomaaliyeed, isaga oo uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha HirShabelle waxaa kulankan ku wehlinayey xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo HirShabelle.

Ugu horreyn Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey casuumaadda loo fidiyey iyo sida ballaaran ee loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi inay maal-gashadaan dalkooda hooyo, si looga faa’iideysto ganacsigooda.

Dhankooda ganacsatada oo kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay taageeri doonaan horumarka ka jira Soomaaliya, si gaar ah HirShabelle oo haatan wajaheyso xaalad adag.

Socdaalka madaxweynaha HiirShabelle uu qaatay maalmo kooban ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo dalka si uu uga qeyb-galo shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

Sacuudiga oo qorsheynaya isbeddel lama filaan ah oo la xiriira xeerka xilliyada salaadda

Riyadh (Caasimada Online) – Golaha Shuurada Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qorsheynaya cod u qaadista ka noqoshada go’aanka ah in la xiro meelaha ganacsiga ah inta lagu jiri xilliyada salaadaha sida lagu daabacay wargeysyada kasoo baxo dalkaas.

Wargayska Okaz oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in talo bixinta ah inaan goobaha ganacsiga la xirin waqtiyada salaad  ay soo gudbiyeen wakiilada kala ah Atta Al-Subaiti, Faysal Al-Fadil iyo Latifa Abdul Karim.

Talo soo jeedintaan ayaa waxaa wasaaradda wasaaradda Arrimaha Diinta ee Dowladda Sacuudiga looga codsaday inaysan ku qasbin goobaha ganacsiga, xurumaha Shidaalka iyo farmashiyaasha in la xiro xilliyada saalada, maalin kasta marka laga reebo Saalada Jimcaha.

Dadka talo soo jeedintaan soo gudbiyey ayaa cuksaday dhowr sababood oo ay kamid tahay in xiridda xarumaha ganacsiga xilliyada salaadda ay tahay nidaam cusub oo u gaar ah boqortooyada, taasoo aysan la wadaagin dhammaan wadamada carabta iyo kuwa Islaamka intaba.

Talada ayaa lagu sheegay in go’aanka ay Boqortooyada hirgelineysay muddo tobanaan sano ah, uu ku saleysnaa sharciga mid ka mid ah hay’adaha dowladda, iyadoo talada lagu xusay in aysan jirin Aayad qur’aan ah ama Xadiith waajib ka dhigayo arrintaan.

Sidoo kale talo soo jeedintaas ayaa lagu sheegay in go’aanka ah in la xiro dukaamada inta lagu jiro waqtiga salaadda uu dhaawacayo danaha dadka, taasoo ay ku sheegeyn inay ka soo horjeeddo nuxurka diinta.

Talooyinkaasi waxay ku yimaadeen macnaha guud ee geeddi-socodka “dib-u-habeynta” ee uu bilaabay Amiir Maxamed bin Salmaan, waxaana isbadal lagu sameeyey dhowr waxyaabood tan iyo markii uu Maxamed Bin Salman qabtay xilka loo magacaabay ee Dhaxalsugaha Boqortooyada sanadkii 2017.

Dib u habeynta uu Maxamed Bin Salman ku sameeyey Sacuudiga ayaa waxaa kamid ah in la yareeyey awooddii Hey’adda Faridda wanaagga oo aheyd hey’ad awood buuxda ku leh fulinta waxyaabaha la xiriira dhanka Diinta, waxaana laga takhalusay waxyaabo badan oo u gaar ahaa boqortooyada oo ay ugu horeyso xagga xorriyadda Haweenka.

Wax ka yar bil ka hor, Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay go’aan lagu xaddidayo adeegsiga sameecadaha Masaajidda, taasoo khilaaf weyn ka dhex dhalisay Sacuudiga, laakiin dowladda ayaa ku doodday in dheereynta sameecadaha Masaajidda  aysan ahayn waajib, laakiin ay tahay dadaal.

Madax isku-sheeg aan damiir iyo danqasho lahayn (Faallo)

Waxaa foolxumo wayn ah in nin aan u dhalan magaalo madaxda Hirshabeele  Jowhar,  ammaano kana sheekeeyo quruxdi ay lahayd berri-samaadki iyo dhibaatada iyo burburka maanta ka muuqda,  iyadoo madaxdii iyo masuuliyiinta u dhashay deegaanka ay iska daawanayaan kana damqanayn dhibaatada haysata dadkooda iyo deegaankooda.

Mr. Dubbe, Xil-gaarsiyaha Wasaaradda Warfaafinta ee booqday magaalada Jowhar, waxna ka qoray afkana ku adkayey in Jowhar ahayd magaalo loo soo dalxiis tago, kana mid ahayd magaalooying ugu quruxda badan Soomaaliya.  Sow ayaan daro ma ah Wasiiradi, Xildhibaanadii iyo Mas’uuliyiintii heer federal iyo maamul goboleed oo leh muxaafid iyo mucaaridba ee matalayey dadka iyo deegaanka Hirshabeele ay iska fadhiya Xamar ayagoo wax dareen iyo damqasho ah ka muuqan.

Marka hadiiba nin ka soo jeeda degaan aad uga fog magaalada Jowhar iyo guud ahaan Hirshabeele sidaas uga damqaday dhibaatada haysata dadka reer Jowhar, kuwii deegaanka u dhashana ee sheeganaya in ay matalaan deegaanka ay hoteelada Xamar soo dhaafi la’yihiin, aniga iima muuqato sabab aan ku eedeeyo Dowladda Federalka.  Waxa keliy oo ii muqda Jowhar iyo guud ahaan dadka Hirshabeele ay arrintooda tahay “Cidna uma maqna, ceelna uma qodna”.

Arrinkaan wuxuu I soo xasuusiyey sheeko uu ii sheegay oday ka soo jeeda Hirshabeele, gaar ahaa Shabeelada Dhexe.  Odaygaas oo ka mid ahaa oday dhaqameeyadi waqtigii xukunka militariga.  Wuxuu ii sheegay in ay u tageen Gen. Mohamed Siyaad Barre ayagoo ergo odoyaal ah codsanayana in xariga laga soo daayo Xildhibaan Cabdullaahi Warsame Nuur.  Xildhibaanka ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu khudbad ka jeediyey kal-fadhi Golaha Shacabka kuna muujiyey dareenkiisi ku saabsan dhibaato loo geeystay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Odaygi wuxuu ii sheegay in Gen. Mohamed Siyaad Barre uu su’aal na waydiiyey: “Imisa Xildhibaan oo ka soo jeeda Mudug ayaa Golaha Shacabka fadhiyey marka uu Cabdullaahi Warsame ka hadlaayey wixii ka dhacay Mudug?”.  Jawaabta waxay noqotay xildhibaano tiro badan ayaa Mudug ka soo jeeda.  Siyaad Barre su’aal kale ayuu daba dhigay: “Cabdullaahi Warsame muxuu uga hadli waayey baahida Gobolka Shabeelada dhexe u qabo jidad, ceelal iyo horumarinta deegaankiina?”.  Odaygii wuxuu yiri anagoo ku qanacsan hadalkii Gen. Mohamed Siyaad Barre ayaan albaabkiisa ka soo baxnay.

Marka haddii dadki matalayey degaanka Jowhar aysan wax danqasho aysan lahayn, wax keliya aan leenahay Allaha U Naxariisto dadka ka soo jeeda Jowhar.  Madaxda deegaanka, kuwa federaalka, dhamaan mas’uuliyiinta muxaafid iyo mucaarid waa danaystayaal fiirsada danoohooda gaarka ah.  Alloow Sahal Umuuraha.

Wabilaahi Toowfiiq.

Qore: Abdirashid Ali
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Lix wareegto oo uu saxiixay madaxweyne FARMAAJO oo sharci-darro laga dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga digay, sharci-darana uga dhigay lix wareegto oo uu saxiixay madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday, kuwaasi oo qaarkood wax ka bedel uu ku sameeyay.

Waraaq kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha oo si gaar ah ugu socotay ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada, beesha caalamka, mucaaridka iyo bulshada rayidka, ayaa waxaa looga horyimid shuruucdaasi oo aan la horgeyn Aqalka Sarre, islamarkaana uu saxiixay Farmaajo.

“Goluhu wuxuu si dhow ula socdaa islamarkaasna diiwan-geliyay dhamaan isku-dayo wareegtooyin ah oo lagu dhaqan-gelinayo shuruuc laguna sameynayo hay’addo khilaafsan Dastuurka KMG ah, kuwaas oo aan soo marin Aqalka sarre,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqti xileedkiisa uu dhamaaday ku eedeyay guddoonku “ku tumasho sharci iyo jabinta hanaanka dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka”.

Lixda sharci ee uu saxiixay Farmaajo, islamarkaana uu kasoo horjeedo Golaha Aqalka Sarre ayaa waxaa kamid ah guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, Ansixinta wax ka beddelida qoddob kamid ah sharciga lagu dhisay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka.

Golaha Aqalka Sarre ayaa dhamaan hay’addaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah DF iyo beesha caalamka ku wargeliyay inay sharci darro tahay la macaamilka hay’addahaas, kuwaasi oo lagu dhisay hanaan baalmarsan dastuurka KMG ah, sida uu sheegay.

“Goluhu wuxuu uga digayaa dhamaan hay’addaha ku magacaaban wareegtooyinkan sharci-darrada ah inay ku howl-galaan ama ku shaqeeyaan wareegtooyinkaasi ayna ilaaliyaan dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hoos ka aqriso waraaqda uu soo saaray Cabdi Xaashi iyo Lixda Sharci ee uu ka digay.

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay liis cusub oo ay soo saartay QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay waddamada ugu halista badan oo ay carruurta ku noolaadaan, waxaana liiska kaalinta koowaad ka galay Soomaaliya, ayada oo ay kusoo xigaan Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay colaadaha ugu halista badan oo ay wajahaan carruurta 60% ay ka dhaceyn wadamada Soomaaliya, Congo, Afgaanistaan iyo Suuriya, waxaana wadamadaan lagu sumtay inay ku jiraan liiska madow, waxaana jiro wadamo kale oo ay ka dhaceyn dhibateynta carruurta 40% sida lagu caddeeyey diiwaan gelinta lasoo uruuriyey.

Sida ku xusan warbixinta, in ka badan 3,200 oo caruur ah ayaa la xaqiijiyay in lagula afduubay xaaladaha dagaalada sanadkii 2020, ugu yaraan 1,268 waxay ahaayeen dhibanayaal tacadiyada galmada.

Dambiyaddiiugu xumaa ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay ka dhaceen Soomaaliya oo ay ka jiraan xadgudubyadii ugu badnaa illaa iyo hadda, iyaddoo Al-Shabaab ay tahay cidda ugu badan.

Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaadda ayay warbixintu si cad u sheegtay in horumar kooban laga sameeyay gabaad-siinta dhalinyaradda, balse aysan muuqan dedaalo abaabulan.

Myanmar ayaa sidoo kale, kaalinta koowaad kaga jirta liiska xadgudubyada waaweyn, oo ay ku jiraan tirada ugu badan ee carruurta la askareeyay lana isticmaalay, halka Yemen ay ka mid tahay tirada ugu badan ee carruurta la dilo ama la naafeeyo.

Afgaanistaan, waxay sheegtay warbixinta, in Taalibaan ay mas’uul ka tahay saddex-meelood laba meel xadgudubyada, dowladda iyo maleeshiyooyinka dowladda taageera inta kale.

“Carruurtu hadda kadib ma noqon karaan mudnaanta ugu dambeysa ee ajandaha caalamiga ah ama kooxda ugu yar ee la ilaaliyo ee shakhsiyaadka ku sugan meeraha,” ayay tiri Virginia Gamba, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta xilli ay la hadleysay warbaahinta kadib markii lasoo bandhigay warbixintaan.

“Waxaan u baahanahay inaan siino caruurta bedelida rabshadaha iyo xadgudubka. Waxaan u baahanahay nabad, ixtiraamka xuquuqda carruurta iyo dimuqraadiyadda.” Ayey markale tiri.

Gamba waxay sheegtay in xadgudubyada ugu ballaaran ee dhacay sanadka 2020 ay ahaayeen qorista iyo adeegsiga caruurta ee dhanka ciidamada iyo dilalka iyo rabshadaha ay sameeyaan kooxaha hubeysan taasoo ay ku sheegtay mid cuuryaamineysa carruurta.

Daawo: Xaguu marayaa dagaalka culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Cali Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalka u dhexeeya Militeriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan guluf dagaal oo xoog leh ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ciidanka hor-kacaya Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage.

Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyey ay kooxda ka dileen ku dhawaad 20 dagaalame, isla markaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, sidoo kale waxa uu sheegay in dad shacab ah oo ay Al-Shabaab dhibaateeyeen ay gargaar u fidiyeen.

“Howlgalladii maalmahaan ka socday Sh/Dhexe deegano badan ayaan ku xoreynay, shalay iyo maanta dagaalku waxa uu ka socday deegaanada Araxley, Cali-fooldheere iyo Qurac-madoobe, intaas waa dhul keyn ah oo aad ay ugu dhoomaaleysan jirtay kooxdu, waxaan ku dilnay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, welina dagaalku waa socdaa,” ayuu yiri Cali Xaashi Afhayeenka ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in hadafkooda uu yahay in guud ahaan gobolka Shabeellada Dhexe laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ciidan boolis ah oo ka socda dowlad goboleedka HirShabeelle ay qeyb ka yihiin howlgalka,.

“Go’aanka ay qaadatay wasaaradda gaashaandhigga, si gaar ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waa in nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyo gobolkaan iyo guud ahaa wadanka oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka Militeriga Soomaaliya G/Sare Cali Xaashi Cabdi.

Deegaano badan oo muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellada Dhexe ayaa todobaadyadii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-Shabaab, waxaana guud ahaan gobolkaas ka bilaawday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo furimaha hore ee dagaalka lagu arkay Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka Daawo Afhayeenka

Rooble oo casuumad rasmi ah u diray madaxda dowlad goboleedyada + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in shirka Sabtida la iskaga wareysan doono howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan.

Shirka Sabtida ayaa imanaya kadib markii uu xalay Ra’iisal Wasaare Rooble uu kulanka dhanka qadka Zoom-ka ah kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Xogta shirka Sabtida oo ay hore u baahisay Caasimada Online ayaa waxa uu qeyb ka yahay dar-dar gelinta heshiiskii doorashada iyo kor joogteynta hanaanka doorasho ee hore loogu heshiiyey iyo howlihii qabsoomay.

Shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qorshuhu yahay inay hortegi doonaan guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo warbixin siin doona madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegeysa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland.

Guddiga wasiirrada ah ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Somaliland oo la shaaciyey

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Isbahaysiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xildhibaannada ay ku heshiiyeen inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo loolankiisa uu socday maalmihii u dambeeyay.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa isku raacay in guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland uu qaato xisbiga Waddani, halka labada kuxigeen ayagana la siiyey xisbiga Ucid.

Waxay arrintaan imaneysa shirar isdaba joog ah oo socday maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay xisbiyada mucaaridka kal hore ku kala baxeen xilalkii golaha deegaanka ee maayirada iyo ku-xigeenadooda.

Hoos ka aqriso magacyada mudaneyaasha loo doortay guddonka golaha wakiilada;

1. Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed = Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaa laga soo doortay gobolka Sool – xisbiga Waddani.

2. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax = Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha, waxaa laga soo doortay gobolka Sanaag – xisbiga Ucid.

3- Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil = Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha, laga soo doortay gobolka Awdal – xisbiga Ucid

Isbaheysiga xisbiyada mucaaradka ayaa meesha ka saaray in xisbul xaakimka Kulmiye uu xilal muuqda ku yeesho golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee Somaliland, oo aqlabiyada u badan ay lahaayeen mucaaradka.

Heshiis shan qodob ah oo ay kala saxiixdeen maamullada Muqdisho iyo Konya + Sawirro

0

Ankara (Caasimada Online) – Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Faarax Cabdi Diini, oo uu qeyb ka yahay Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir oo maalmihii dambe safar shaqo ku joogay dalka Turkiga ayaa la kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya.

Mr. Ercan Uslu, oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Konya, oo kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Turkiga, uguna taariikhaha fog, ayaa waxa uu si weyn usoo dhaweeyay wafdiga ka socday dowladda hoose ee Muqdisho, ayagoona kala saxiixday heshiis cusub.

Labda Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada-hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday laga mahad-celiiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweynaha Turkiga uu siiyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta caasimadda dalka ee Muqdisho.

Waxay labada Dawlad hoose intaasi kadib qalinka ku duugen heshiis cusub oo dhigaya in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo arimaha soo socda;

1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.

2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.

3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.

4. In si deg-deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.

5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.

185 milyan oo dollar oo la siinayo Soomaaliya oo la ansixiyey iyo shacab heli doona

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 185 milyan oo dollar oo la siinayo Soomaaliya, ayada oo la marinayo dowladda federaalka,  lacagtaas oo badankeed ay heli doonaan dadka tabaaleysan ee dalka, .

Mashruuca Baxnaano ee uu horey u ansixiyey Bankiga Adduunka ee lagu taageero dadka saboolka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu kordhin doonaa taageero 110 milyan oo dollar ah, taasi oo dheeri ku noqon doonta 65 milyan oo dollar oo la ansixiyey bishii August ee 2019.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka, ujeedka ayaa ah in lasii wado dadaallada ay Soomaaliya ku maal-gelineyso horumarinta raasumaalka aadanaha ee dadkeeda ugu baylahan.

“Taageeradeena mashruuca shabakadda badbaadada ee Baxnaano waxay dhameystiraysaa faro-gelinta aadannimo ee lagu dhisayo adkeysiga dadka saboolka ah ee miyiga ku nool,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah maamulaha Bankiga Adduunka ee qeybta Soomaaliya.

“Tani waxay gacan ka gaysaneysaa in la yareeyo kasoo barakaca miyiga xilliyada ay jiraan xasaradaha, taasi oo la filayo inay qafiifiso culeyska kaalmada bani’aadannimo ee xilliyada soke iyo kuwa fog,” ayey tiri. 

Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa ka faa’iideysta 200,000 oo ah qoysas sabool ah oo ay u joogaan caruur da’dooda ay ka yar tahay shan jirka, kuwaasi oo bil walba hela 20 dollar qoyskiiba, si gacan looga siiyo inay helaan cunno, daryeel caafimaad iyo waxbarasho. 

Ka sokow 185-ka milyan ee loogu talo-galay barnaamijka Baxnaano, Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey 75 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo lagu kordhiyey 40 milyan oo la meel-mariyey bishii June 2020 oo lagu taageerayo Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo jawaabaha ay ka bixineyso dhibaatada ka dhalatay ayaxa ku habsaday.

Sida lagu sheegay bayaanka Bankiga Adduunka, ujeedada guud ee mashruucan ayaa ah in la ilaaliyo amniga cunada iyo nolosha dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka dhashay ayaxa.

Lacagta loogu talo-galay jawaabaha laga bixinyo dhibaatada ayaxa ayaa waxaa la siin doonaa 150,000 oo qoys, kuwaas oo bil walba heli doona 60 dollar, qoyskiiba. 

Guddoomiyihii hore ee Gedo oo shaaciyey inuu Muqdisho ugu xiran yahay hay’ada NISA

0

Muqdsho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa.

“Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo.

Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo,”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA.

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. 

Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. 

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa.

Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo.

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Go’aan lagu gaaray wada-hadallo dhex-maray ROOBLE iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee la kala saxiixday 27-kii May ayaa xalay shir ku yeeshay qadka Zoom-ka.

Shirkaas waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa qabsoomidda doorashooyinka dalka, iyadoo la iska xogwareystay waxyaabaha ka qabsoomay illaa hadda heshiiskii ay wada gaareen madaxdu.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah u ah shirkaas madaxdu waxay ku go’aamiyeen in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay shir isugu yimaadaan, kaas oo ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Shirkaas waxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban ra’iisul Wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoominaha gobolka Banaadir uga wadahadli doonaan dardar gelinta doorashada dalka.

Shirka Sabtiga ka furmaya Muqdisho waxaa hor tegi doona guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la shiri doona dhamaan xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sidoo kale xogta aan ka helnay shirkii xalay waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland.

Guddigaas wasiirrada ah waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka  loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Xog ku saabsan haweeney saaka lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka dabley hubeysan ay ka geysatay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha degmadaasi, waxaana loo geystay haweeney magaceeda lagu soo koobay Suldaano.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi ay la shaqeyneysay maamulka degmada Karaan, isla-markaana ay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmadaasi.

Kooxihii ka dambeeyey toogashada marxuumadda ayaa goobta isaga baxsaday, kadib dhacdadaasi, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay daqiiqado, kadib gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro sidoo kale weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku dileen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Caddeymo: Musuq-maasuq xooggan oo ka jira maamulka Gobalka Banaadir (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay Dokumentiyo caddeynaya musuq maasuq xoog leh oo ka jira maamulka Gobalka Banaadir, kaasoo soo billowday bilo ka hor. 

Xogtaan oo aan ka helnay xafiisyo ka tirsan Maamulka Banaadir iyo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigeysa in maamulka Gobalka uu xiray Akoonkii saxda ahaa ee lagu shubi jiray canshuurta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo ahaa Acc. No, 799. 

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa muujineysa in maamulka uu Banki gaar loo leeyahay ka furay laba akoon oo cusub loona wareejiyay dhamaan dakhliga dowladda Hoose ee Xamar ka qaado dadka Muqdisho. 

Akoonka gobalka oo ahaa mid guud, islamarkaana maamul kasta ku shaqeeya lana ogaa dhaq dhaqaaqiisa ayaa la xiray 10-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana lagu badalay akoonada ay nambaradooda kala yihiin 31935449 iyo 31551472. 

Labadaan akoon ayaa mid kamid ah waxaa lagu shubi doonaa lacagta gaadiidka BL-ka iyo lacagta gaadiidka Bajaajta ah, halka kan kalane la amray in lagu shubo lacagta ee canshuuraha sida guryaha, dad dhigista iyo waxyaabaha kale oo ay qabato dowladda Hoose. 

Akoonkii maamulka Gobalka Banaadir ee 799 ayaa lagu xiray amar ka soo baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxaana heshiis ku ahaa isaga iyo ku xigeenadiisa. 

Dhinaca kale, Caasimada Online ayaa heshay warqad kale oo digniin ah oo ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowrka guud Qaranka, taasoo lagu amrayay maamulka Gobolka in ay joojiyaan xerida akoonkii saxda ahaa ee gobolka Banaadir. 

Warqadaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa soo baxday 23-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana ku saxiixnaa Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, isagoo sidoo kale digniin u diray guddoonka goboka Banaadir kana digay cawaaqib xun oo ka dhalan kara. 

Digniinta Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa la sheegay in aysan keenin wax isbeddal ah, islamarkaana ilaa hadda lagu shaqeeyo akoonada gaarka ah. 

Caasimada Online ayaa sidoo kale heshay sababta loo xiray Akoonkii hore ee gobolka. Sida aan hore u baahinahay, maamulka Gobolka Banaadir waxay isku dhaceen shirkad caalami ah oo ka caawin jirtay kontaroolka Canshuurta Gobolka kadib markii lacag badan lagu yeeshay. 

Shirkadaan oo xariir la leh World Bank iyo hay’adda IMF ayaa la shaqeyn jirtay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir,  waxaana lagu shaqeyn jiray System sahli kara in lala socda dhaq dhaqaaqa akoonada danta guud, waxaana barnaamijkaas lagu magacaabaa PFM oo laga soo gaabiyay Public Finance Management. 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale heshiis la galay shirkad kale oo gaar loo leeyahay taasoo qaadan doonto 25% lacagta soo xaroota, waxaana la sheegay in arrimahan oo dhan ay dhaawac weyn ku noqon doonaan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo qeyb kala socday System-kii hore ee PFM, kaasoo uu ka soo guuray maamulka Gobalka Banaadir. 

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada ay arrintaan quseyso, waxaana jira guux badan oo ka socda gudaha gobolka Banaadir ah.

DF oo TURKIGA u gudbisay dalab la xiriira ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka qeyb-galay shirkii Diblumaaasiyada ee ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal, fursadaha iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidoo kale wada-tashiyo ku saabsan arrimaha danta guud.

Intii uu socday kulanka ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka dalbaday dolwadda Turkiga kordhinta tobabarka ay siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer u lafo gureen qaababka loo taageeri karo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah, si loo waafajiyo hiigsiga labada dal.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiligaan waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo heer sarre ah, waxayna dowladda Ankara ka taageerta dowladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada, ayada oo ciidamo faro badan u tobabartay dowladda, kuwaasi oo qaarkood laga muujiyey cabasho.

DANAB ‘oo bur-buriyey’ saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen SH/DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa maanta howl-gallo ballaaran ka sameeyeey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, iyaga oo guullo ka sheegtay.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ku beegsadeen deegaano ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku yaalla gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in howl-galladaasi lagu burburiyey saldhigyo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidanka Danab oo hoggaaminayey dhaq-dhaqaaqyadan ayaa shaaca ka qaaday inay la wareegeen tuulooyinka Gaaleef, War Ciise, Wararaxley, Leba Buraale, Aqab-duco iyo Galgoof oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn waxay saraakiishu hoosta ka xariiqeen inay sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamulka HirShabelle.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanadaasi ay cabsi ka muujinayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Shabaab ee ay ka wadaan gobolada Shabeelooyinka.