25 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Sawirro: Wafti ka socda dalka Itoobiya oo gaaray Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Itoobiya, kaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana sidoo kale qeyb ka ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Mas’uuliyiintan ayaa soo dhoweyn, kadib kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira xarig jarka Dekedda Berbera, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hrageysa.

Qaban qaabada munaasabadda daah-furka dekedda oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada xeebeedka Berbera.

Itoobiya ayaa saami ku leh dekedda magaalada Berbera, sidoo kalena waxay kala soo degtaa badeeco kala duwan oo la geeyo dalkaasi.

Somaliland ayaa xiriir la-leh dowladda Itoobiya, walow muddooyinkii dambe uusan aheyn sidii hore, waxaana sameeyey isbaheysiga ay sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Walaac hor leh oo la xiriira qabashada doorashada Soomaaliya oo soo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay shir loo asteeyey in Sabtida uu ka furmo magaalada Muqsisho ayaa waxaa soo baxaya walaac la xiriira in doorashada dalka ay mar kale ka dib dhacdo waqtigii la qorsheeyey.

Shirkaas ayaa loo qorsheeyey in la isaga wareysto howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka, tan iyo heshiiskii la kala saxiixday 27-kii May, sidoo kale waxaa diiradda la saari doonaa dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Hase yeeshee, waxaa sidoo kale la filayaa in mar kale shirkaas lagu shaaciyo in doorashada aysan ku qabsoomin karin waqtigii la qoondeeyey, loona baahan yahay isbeddel lagu sameeyey jadwalka.

Ustaad Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa isagoo la hadlayey BBC waxaa la hor dhigay su’aalo ku saabsan waxa laga filan karo shirkaas uu iclaamiyey Ra’iisul wasaaraha Rooble.

Ustaad Daahir ayaa sheegay in sida uu qiyaasayo dib u dhac uu ku imaan karo shirkaas iyo guud ahaan doorashada, in kastoo sida uu qabo haatan madaxda ay ka dhex jirto xasilooni siyaasadeed oo wax badan ka bedeshay shakigii iyo cabsidii ay qabeen dadka Soomaaliyeed.

“Tan iyo markii uu dhacay heshiiskaan wax weyn oo muuqda lama qaban, laakiin madaxda waa inaan u garaabo, sababtoo ah xasilooni siyaasadeed oo hor u socod leh ayaa la helay, gudiyadiina waa la soo xareynayaa, hada wixii ka dambeeya waxaa laga wadahadlayaa waxyaabaha xasaasiga ah ee dib u dhigi kara doorashada,” ayuu yiri Daahir Qoriyow oo ka faallooda arimaha siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qabaa in heshiiskii ay gaareen madaxdu uusan ku dhaqan geli karin waqtiga loo qorsheeyey, isla markaana ay ku qasbanaa doonaan in waqti dheeraad ah lagu daro.

“Aad ayey u adag tahay in 60 cisho lagu qabto doorashooyinka, sidii horay loogu heshiiyaba, marka waxaan ka sugeynaa kulanka uu ra’iisul wasaaruhu iclaamiyey qorshe macquul ah oo bulshada Soomaaliyeedna ay ku qanci karaan, waana rajeynayaa in waqtiga howsha lagu qabanayo ay tahay waxyaaba ugu badan eel aga wadahadli doono,” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Casuumaadaan waxay timid kadib kulan ay qadka Zoom-ka ku yeesheen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyey in la isugu yimaado Muqdisho.

Daawo: Xeebaha Somalia oo lagu qabtay markab dembi culus loo haysto iyo 10 nin

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Markab kalluumeysi oo si sharci darro ah uga jilaabanayey biyaha Soomaaliya, sida saraakiisha ciidamada badda Puntland ay warbahinta u sheegeen.

Ciidamada oo warbaahinta u soo bandhigay markabkaas ayaa sheegay in ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii ay ka war heleen inuu halkaas ka wado Jariif.

Sarkaalkii hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay markabkaas ayaa sheegay in wax sharci ah uusan wadan Markabkaas, isla markaana hadda wareejiyey taliska guud ee ciidanka badda Puntland.

Markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa maanta la keenay dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

“Waxaan howlgal uga soo baxnay dekedda Boosaaso, u jeedkeenu waxa uu ahaa soo qabashada Markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebta degmada Qandala, saqda dhexe ee habeenkii ayaan qabanay Markabka, raggii watayna wax iska caabin ah kalama aanaa kulmin, mana aysan wadan wax sharci ah, si sharci darro ah ayuu ku kalluumeysanayey, sidaas ayaana ku qabanay,” ayuu yiri Xidigle Maxamed Axmed oo ah sarkaalkii hoggaaminayey ciidanka.

Sidoo kale sarkaalkan waxa uu sheegay in ragga watay Markabka la qabtay ay ahaayeen 10 nin, isla markaana warbixinta Markabka ay u gudbiyeen taliska guud ee ciidamada badda Puntland.

Bishii Maarso ee sanadkan ayey aheyd markii ciidamada badda Puntland ay howlgal noocaan oo kale ah ku soo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalihii watay, oo si sharci darro ah uga kalluumeysan jiray biyaha Soomaaliya, kuwaas oo laga lahaa dalka Yemen.

Hoos ka Daawo

Sawirro: Muxuu QOOR QOOR kala hadlay KATE FOSTER?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta wada-hadal dhanka khadka Internetka ee Zoom la yeeshay danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, sida lagu shaacisay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

Qoor Qoor iyo Kate Foster ayaa diiradda saaray arrimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee Galmudug.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac isla soo hadal qaadeen arrimaha dardar-gelinta doorashada dalka oo haatan si habsami leh u socota.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale uga mahad-celiyay danjiraha UK taageerada iyo garab istaagga ay mar weliba u muujiyaan guud ahaan Soomaaliya.

Ingiriiska ayaa Galmudug siiyo taageero, waxaana gobollada dhexe uu ka fuliyaa mashaariicyo dhowr ah, iyada oo sidoo kale UK ay gacan siiso hay’adaha maamulkasi.

Si kastaba kulankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Galmudug ay ka socdaan mashaariicyo kala duwan oo lagu hormarinayo deegaanada maamulkaasi, waxaana ka mid ah dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ku yaalla caasimada Dhuusanareeb.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo Safiirka Finland ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Finland u joogay Soomaaliya Mr Erik lundberg, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa ah mid sagootis ah oo la sameeyey Danire Erik lundberg oo kasii tagayo xafiiska, maadaama uu dhammeystay muddo xileedkiisa.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Roobe ayaa uga mahadceliyey safiirka Finland wada-shaqeynta dowladda federaalka, muddadii uu ka howl-galayey magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Mr Erik lundberg uu ka shaqeeyey xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga wanaagsan ee haatan ka dhexeeya labada dal.

Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Finland ay ka mid ah tahay wadamada ugu horreya ee doorka wanaagsan ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, isla-markaana lagu xasuusan doono safiirka sii tagaya wada-shaqeyntii uu la lahaa dowladda Soomaaliyeed.

Finland ayaa ka mid ah wadamada saaxibka la’ah Soomaaliya, iyada oo ka taageerto dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo sidoo kale arrimaha bani’aadanimada.

Si kastaba Soomaaliya ayaa sare u qaaday xiriirkeeda arrimahada dibadda, taas oo keentay in sanadihii u dambeeyey safiiro ka socda dowladaha caalamka ay soo gaaraan Muqdisho.

Dagaal culus oo ka dhacay Biyo Cadde + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhigaciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ay ka qeyb-qaateen ciidamada AMISOM oo madaafiic ku riday raggii weerarka ku soo qaaday deegaanka Biyo Cadde.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaad ka hor weerar is-miidaamin ahaa ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Biyo Cadde, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Korneyl Saney Cabdulle oo dhaawiciisa loo qaaday dalka dibadiisa.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la wareegtay deegaanada War-Ciise, Qordheere , kadib markii deegaannadaas ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa baahisay in haatan ay maamuleyso gacan ku heynta deegaanadaasi oo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey labada dhinaca.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamadii ku sugnaa deegaanadaasi ay dib ugu laabteen degmada Raage Ceelle, waxaana hoggaaminayo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Sh/Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay weli ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Ethiopia oo war kasoo saartay ‘in duqeyn cirka ah ku dishay’ 43 qof oo shacab ah

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Millateriga Ethiopia ayaa iska fogeeyay inay duqeyn cirka ah ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq ku yaala gobolka Tigray, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dagaalyahano mucaarid ah oo lagu raad-joogay.

Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka Ethiopia, Colonel Getnet Adane oo la hadlay wakaalada Reuters ayaa sheegay “inaysan waxba ka jirin in dad gaaraya afartameeyo qof oo shacab ah ay duqeyn ku dileen,” balse ay ahaayeen dagaalyahano xirnaa dhar shacab.

Duqeynta ay fuliyeen ciidamada Ethiopia oo lagu dilay ugu yaraan 43 qof, ayaa waxa uu hogaanka Millateriga Ethiopia ku doodayaa in duqeyntaas lala beegsaday xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda, kuwaasi oo xiligaas ku sugnaa suuq mashquul abdan oo ku yaala magaalada galbeedka ku taal ee Mekelle.

Afhayeenka milatariga wuxuu sheegay in dagaalyahannadu aysan ku sugnayn gudaha suuqa, laakiin ay isugu yimaadeen magaalada si ay u xusaan sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la qarxiyay magaalo kale oo ka tirsan Tigray, Hawzen, 1988, kaasi oo ay geysteen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee xilligaas xukumayay Ethiopia, waxaa ku dhintay boqolaal dad ah waxaana si weyn looga xusaa Tigray

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka ayaa ku tilmaamay dacaayado been abuur ah oo ay baahisay TPLF in caruur ku dhaawacantay weerarka ay fuliyeen ciidamadooda, hase yeeshe waxaa la rumeysan yahay in weerarkaas ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo caruur, maadama ay saxmad badan ka jirtay suuqa uu ka dhacay.

Weerarada Ethiopia ee aan kala sooca laheyn ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, halka ay Qaramada Midoobay walaac ka muujisay weeraradaas.

Millateriga Ethiopia ayaa tan iyo bishii November la dagaalamayay xoogag daacada u ah xisbiga Tigray ee People’s Liberation Front (TPLF), oo ahaa xisbigii hore u xukumi jiray gobolka, kuwaasi oo sababay barakaca dad ka badan labo milyan oo qof, ayada oo ay ku la’deen tiro kale oo dad ah.

Al-Shabaab oo weerar ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada booliska Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Askar ka tirsanaa ciidamada ilaalada xuduuda ee Kenya ayaa la dilay, halka kuwa kalena la dhaawacay, kadib markii rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan Mandheera.

Taliyaha Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, Rono Bunay aya sheegay in weerarka uu ka dhacay goobta dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xadka ay la wadaagto Soomaaliya, halkaas oo ay Al-Shabaab sidoo kale ku gubeen labo ka mid ah gaadiidka dhismaha.

Bunay ayaa intaasi ku daray in ciidamada ilaalada Booliska ay isku dayeen in ay la dagaalamaan raggaasi oo ka soo gudbay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarada Al-Shabaab ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ku soo badanayey deegaanada hoos-yimaada maamulka Mandheera, iyada oo lagu dilay illaa 15 ruux.

Kenya ayaa waxaa horey xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay u soo dhigtay ciidamo gaar ah oo ay ugu tala-galashay inay ka hortagaan weerarada kooxdaasi.

Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa uu xudun u noqday weeraro hubeysan oo ay qaadaan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan beegsanaya saldhigyada ciidamada Kenya.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu martay in ay sii wadi doonto weerarada ay ka fuliso gobalka Waqooyi Bari ee Kenya oo xad dheer la-leh Soomaaliya.

KHILAAF iyo loolan xoogan oo ka dhex qarxay Cali Gacal iyo Qoor Qoor + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa si weyn uga dhex qarxay khilaaf xoogan oo la xiriira doorashada lagu wado inay ka qabsoomto dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Guddoomiye Gacal ayaa waxa uu khilaafkooda la xiriira xubnaha ka imaanaya maamulka Galmudug ee Aqalka Sarre, kuwaasi oo uu madaxweynuhu rabo inuu si madax-banaan u maamusho, halka Gacal uu ku doodayo in si daah-furan looga shaqeeyo.

Xubnaha Galmudug ee Aqalka Sarre oo tiradooda dhan tahay ilaa Siddeed xubnood ayey hanaanka xulistooda ka taagan tahay maamulkaas, midaasi oo sarre u qaaday guux ka dhex taagna baarlamaanka iyo madaxtooyada Galmudug.

Siddeeda xubnood ee ka imaanaya maamulka Galmudug ayaa waxaa dooranaya baarlamaanka maamulkaas, waxayna dooda u adag ka taagan tahay in kuraasta Siddeeda ah loo xiro shaqsiyaad gaar ah oo uu gadaal ka taagan yahay Qoor-Qoor iyo inay noqoto mid daah-furan oo loo tartami karo.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku doodaya in howsha doorashada iyo abaabulkeeda ay u xilsaaran tahay xukuumaddiisa, islamarkaana aysan jirin door badan oo uu ku leeyahay baarlamaanka, midaasi oo ka careysiisay Gacal oo asagu qaba in mas’uuliyad ka saaran tahay hanaanka xulista xubnaha ka qeyb-galaya doorashadaas.

Si kastaba, khilaafka ka dhex qarxay Qoor-Qoor iyo Gacal oo xiligan maraya meel sarre, ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya loolanka adag ee mas’uuliyiintu ugu jiraan in xubno muuqda ku dhex yeeshan goleyaasha cusub ee soo socda.

Turkey oo war cusub kasoo saartay xarunta ay Soamaaliya ka sameyneyso ee laga diri doono dayax-gacmeedyada

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa wada-hadallo kula jirta saddex dal, ayada oo raadineysa in laga caawiyo qorshe ay Soomaaliya uga dhiseyo xarun laga diro dayax-gacmeedyada, sida uu sheegay madaxa hay’adda

Serdar Huseyin Yildirim, oo ah madaxa hay’adda hawada sare u qaabilsan Turkey ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik isaga oo ku sugan magaalada Saint Petersburg oo 14-kii illaa 18-kii June lagu qabtay shirka caalamiga ah ee sahminta hawada sare 

Inkasta oo uusan sheegin saddex dal ee ay Turkey la hadleyso, haddana hadalladiisa ayaa waxaa laga fahmay in Russia ay tahay mid ka mid ah.

“Waxaan Ruushka kala shaqeyn karnaa dhinacyo badan, mid ka mid ah waa xarun laga diro dayax-gacmeedyada. Waxaan kala xaajoonay suurta-galnimada ah in Ruuska ay gacan ka gaystaan dhismaha xaruntan. Khibrad weyn ayey u leeyihiin dhinacan,” ayuu yiri Yildirim. 

Bishii Febraayo ayaa waxaa lagu warramay in Ankara ay ka fakareyso inay Soomaaliya ka dhisto saldhig laga diro dayax-gacmeedyada oo ku kacaya hal bilyan oo dollar, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka sahminta hawada sare. 

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay qorsheyneyso inay dayaxa sare tagto 2023, markaasi oo ku beegan 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda. 

Turkey ayaa dhistay hay’ad qaabilsan hawada sare bishii December 2018. 2020-kii waxay ku dhowaaqday inay horumarisay gantaal hawada sare loo diri karo, kaasi oo ay sameysay shirkad qandaraasle ah oo lagu magacaabo Roketsan.

Waxay sidoo kale qorsheyneysaa inay cir bixiyeeno u dirtay saldhigga hawada sare, ayna dirto satellite u gaar ah, si ay u aas-aasto nidaamka meeleynta caalamiga ah ama la yiraahdo GPS (Global Positioning System). 

Weerar lagu qaaday xarun nukliyeer oo leedahay IRAN iyo wararkii ugu dambeeyay

Tehran (Caasimada Online) – Weerar curyaamin ah ayaa lagu qaaday xarun nukliyeer oo ay leedahay dowladda Iran, taasi oo uu ka socday barnaamijka nukliyeerka rayidka, sida ay baahisay Shabakad warar oo aad ugu dhow hay’addaha amniga dalkaas.

Weerarka oo lagu qaaday dhismo ku yaallo meel u dhow magaalada Karaj, oo 40 km galbeed ka xigta caasimadda Tehran ayaa la fashiliyay ka hor inta uusan waxyeelo u geysan dhismaha.

Nournews, oo ah website la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay Golaha Sare ee Amniga Qaranka, ayaa maanta ku warramay in weerarkaas lagu curyaaminayay howlgalada Iran ee horumarinta nukliyeerka.

“Ka hor inta uusan wax waxyeelo ah u gaysan dhismaha ayaa  la fashiliyey weerarka, waxaana hadda baaritaan lagu wadaa dhacdadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka shabakada ee ay ku shaacisay weerarka la fashiliyay.

“Weerarka ma sababin waxyeelo maaliyadeed iyo mid bani’aadam midna,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta weerarka maanta lagu qaaday xarunta nukliyeer ee Iran.

Sidoo kale wakaaladda wararka Iran ee ISNA ayaa ayaduna baahisay weerarkaas lagu bartilmaameedsaday xaruntaas oo kamid ah kuwa nukliyeerka ee Iran.

Majirto faah-faahin intaas ka baxsan oo laga helayo weerarkaas iyo noociisa, mana aha markii u horeysay ee weerar curyaamin ah lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee leedahay Iran.

Weerarka maanta ayaa imanaya xili bilihii dambe weeraro curyaamin ah lala beegsaday xarumaha nukliyeerka Iran, waxaana bishii April, xarunta nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Natanz lala beegsaday weerar sababay waxyeello gaartay mashiinada kobciya uranium-ka iyo in korontada ay ka tagto.

Waxaa la rumeysan yahay in Israel ay inta badan fuliso weerarada curyaaminta ah, maadama ay xiisad adag kala dhaxeyso Iran, hase yeeshe ma jiraan warar rasmi oo ku aadan arrintaas.

Culimada Puntland oo si adag uga jawaabay eedeyn loo jeediyey iyo xiisad ka taagan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Culimada Puntland ayaa maanta si adag uga jawaabay eedeyn uu u jeediyay maamulka Puntland, taasi oo la xiriirtay xiisada ka dhalatay xeerka gudniinka Gabdhaha ee ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo kamid ah culimada Puntland ee dhawaan ka hor-yimid xeerka gudniinka ayaa “waxba kama jiraan” ku tilmaamay eedeyntii uu Wasiirka Cadaalada Puntland u jeediyay ee aheyd in siyaasad ahaan u diidan yihiin culimadu xeerkaas.

“Majirto colaad gaar ah oo naga dhaxeysa anaga (culimada) iyo xukuumadda Deni, wuxuuna ku kooban yahay muranku xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xeerkaas aysan uga soo horjeedin arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda Deni, balse ay aheyd arrin u murankeeda uu soo bilowday xiligii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole.

Culimaa’udinka Puntland qaarkood ayaa dhawaan si adag uga hor-yimid xeerka lagu joojinayo gudniinka gabadhaha maamulkaas oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland.

Waxaa tan iyo markii la ansixiyey xeerkaasi xiisad cusub ka dhex qaraxday Culimada iyo maamulka Deni, midaasi oo maalmihii dambe cirka isku shareertay, kadib hadalo adag oo hawada isku mariyeen labada dhinac.

Sheekh UMAL oo soo saaray 5 qodob oo looga hortagayo afduubka ka bilowday Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada Soomaalida ayaa ka hadlay falalka afduubka ah ee muddooyinkii dambe kusoo badanayey dalka Kenya, kaasi oo lagu kacay dad dhowr ah oo u badan Haween Soomaali ah.

Sheekh Umal ayaa ugu horeyntii ka digay buun-buuninta falalka noocaas ah, midaasi oo uu sheegay inay ka dhalan karto cabsi iyo wel-wel ka badan isla dhacdadaas.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay raacan 5 qoddob oo tallooyin ah si looga hortago Afduubka kusoo cusboonaday magaalooyin kamid ah dalka Kenya, kuwaasi oo kala ah;

  • In qof kasta uu afka ku hayo xuska Alle iyo ducada oo uusan ka bixin, lagana tegin xirsi-xirka – isagoona soo jeediyay in la baro dumarka iyo carruurta ducooyinka iyo adkaarta.
  • In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta, islamarkaana laga wacyi-geliyo dhibaatadiisa dadweynaha.
  • In qof kasta uu ka feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka inuusan socon xilliyada qaar.
  • In aanan marnaba la bixinin madax-furasho, taasi oo horseedi karta haddii la fuliyo inay sarre u kacaan falalka afduubka ah.
  • In marnaba aan gabaad la siin dadka afduubka geysta.

Falalka afduubka ayaa kusoo badanayey dalka Kenya, gaar ahaan caasimada, ayada oo booliska ay saddex cisho ka hor soo bad-baadiyeen gabadh kamid aheyd dad lagu afduubtay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Waxaa cabsi weyn soo food-saartay Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan haweenka, tan iyo markii ay soo baxeen dhacdooyinka naxdinta leh ee afduubka ah.

Raggii dilay suxufi Jamal Khashoggi oo la ogaaday in lagu soo tababaray dal kale

Washington (Caasimada Online) – Afar kamid ah Sacuudiyaankii ka qeyb qaatay dilkii sanadkii 2018 Dalka Turkiga loogu geystay wariyihii Washington Post ee Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inay tababar qaas ah ku qaaten Mareykanka hal sano ka hor xiliga ay shirqoolka sameenayeen.

Qandaraaska Tababarka ay Mareykanka ku qaateen xubnahaan ka qeyb galay shirqoolkii ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay Khashoggi ayaa waxaa ansixisay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, sida Talaadadii shalay aheyd lagu daabacay New York Times.

Tababarka ayaa waxaa bixisay Tier 1 Group oo ay leedahay shirkadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Cerberus Capital Management, waxaana ujeedka tababarka uu ahaa inay kamid noqdaan ilaalada gaarka ah ee madaxda Dowladda Sacuudiga, sida lagu daabacay New York Times.

Shirkadda Cerberus Capital Management ayaan wax jawaab ah bixin kadib markii Wakaaladda Wararka ee Reuters u gudbisay codsi ah inay ka jawaabaan kiiska ku saabsan xubnahaan ka qeybgalay tababarka ay shirkaddaan qadaraaska kusoo qaadatay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price oo ka jawaabayey warbixinta ay qortay New York Times ayaa sheegay in sharciga u yaalla Wasaaradda uusan u ogoleyn inuu ka jawaabo wax kasta oo ay qorto Warbaahinta.

Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya “ay mudnaanta siin doonto sareynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.”

Khashoggi oo heystay deganaanshaha Mareykanka ayaa Washington Post ku qori jiray faalooyin lagu dhaleeceeyey dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salman. Waxaa dilay oo jarjaray koox howl wadeeno ah oo xiriir la leh Amiirka, wuxuuna dilkaas ka dhacay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul Bishii October ee sanadkii 2018.

Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tababarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aalaha xubnaha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabistiis xilka sare ee wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee maamulkii madaxweyne Donald Trump, sida laga soo xigtay New York Times.

Sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weligood ma helin jawaabahan maxaa yeelay maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aanu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xigtay New York Times oo intaas ku dartay in Bremer uu qoraal ahaan u gudbiyay.

Bremer wuxuu sheegay in Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka iyo wakaaladaha kale ee dowladda ay mas’uul ka yihiin kala shaandheynta ciidamada shisheeye ee lagu tababaray iida Mareykanka, sidaana waxaa qortay New York Times.

Xog: Isbedel lagu sameynayo jadwalkii doorashooyinka ee horey loo dejiyey + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in shirka uu Sabtida shaaciyey ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran in wax ka bedel lagu sameyn doono Jadwalka doorashada.

Shirka Sabtida ayaa sida uu qorshuhu yahay waxay madaxda kaga wada-hadli doonaan howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan oo qaarkood muddo dhaaf ku imaaday.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qorsheynaya in shirka Sabtida uu madaxda usoo bandhigo in muddo cusub lagu daro middii hore loo cayimay ee dhigeysay in doorashada ku qabsoomto 60-maalmood gudahood, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan xafiiska Rooble.

Soo jeedinta xafiiska Rooble oo maan-gal ah ayaa u muuqaneysa xiligan in madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku raaco, maadama uusan xiligan jirin khilaaf weyn oo sababi kara in madaxdu ay ka hor-imaadan muddo kordhinta jadwalka doorashada.

Sida uu dhigayo Jadwalkii ay kal hore soo saareen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran waxa ku cadaa in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana hadda ka baxay in ku dhow soddon cisho.

Jadwalka cusub ee doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah loogu soo saari doona shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, kaasi oo ay iskugu imaanayaan Ra’iisal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, ayada oo ay weli jiraan caqabado kooban oo ku hor-gudban, kuwaasi oo qaarkood laga gudbay, isagoona ku guuleystay dib usoo celinta kalsoonidii dhinacyada isku hayey doorashada.

Dagaallo culus oo dib uga billowday gobolka Tigray iyo TDF oo qabsaday magaalooyin

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaallo u dhexeeya ciidamada milatariga Itoobiya iyo fallaagada (TDF), oo ah koox ka dhalatay isu-tagga TPLF, maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidan kasoo goostay dowladda federaalka, ayaa lagu soo warramayaa inay dib uga qarxeen waqooyiga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan dib uga billowday gobolka Tigray ay yihiin kuwii ugu cuslaa waxii ka dambeeyey bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, xilligaas oo ay dowladdu shaacisay inay ku guuleysatay dagaalladii ka socday gobolkaasi.

Xoogaga fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa shaaciyey inay la wareegeen gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka, isla-markaana ay haatanka talinayaan.

Sidoo kale goobjoogayaal la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay arkeen xoogaga fallaagada oo roondo ka sameynaya magaalooyinkaasi.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay milatariga Itoobiya ayaa beeniyey wararka soo baxaya ee ku aadan in ciidamada fallaagadu ay la wareegeen magaalooyin ku yaalla Tigray, iyaga oo tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been abuur  lagu faafiyey baraha bulshada Internetka.

Dagaalka gobolka Tigray ayaa saameyn xoogan ku yeeshay gobolka, waxaana ku dhintay kumanaan, iyada oo ay ku barakaneen kumanaan kale oo rayid ah.

Waxa kale oo haatan gargaar deg-deg ah u baahan illaa shan milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya, kuwaas oo 350,000 ka mid ah ku nool yihiin xaalad macluul ah.

Itoobiya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho ayaa waxaa ku daba-dheeraadau dagaallada ka socda gobolka Tigray, kuwaas oo saameeyey xasiloonida dalkaasi.

Rag hubeysan iyo gaari ay wateen oo duleedka Muqdisho lagu qabtay kadib dagaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsaday bar-koontarool ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramcad ay ku leeyihiin halkaas oo sidoo kale laga ilaaliyo dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib dagaal kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo raggii hubeysnaa, kaas oo ay guullo ka sheegteen ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday iyo baabuur NOHA ah oo ay wateen kooxdaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo ragga gacanta lagu dhigay, kuwaas oo ay la wareegeen hay’adaha ammaanka dowladda.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka deggan, waxaana ku sugan ciidamada Haramcad oo howl-gallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah ah amniga, kuwaas oo u badan dila qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba.

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay ‘nin dilay’ hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil toogasho ah ku fuliyey nin lagu eedeeyey ‘inuu toorey ku dilay hooyadiis oo 72 jir aheyd iyo walaalkiis’, kaas oo ay xukuntay maxkamadda Al-Shabaab.

Dilkan qisaasta ahaa ee lagu fuliyey marxuum Maxamed Calow Cabdi ayaa waxa uu ka dhacay fagaare ku yaalla deegaanka Shaw oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday degmada Jalalaqsi, kadib markii ‘gacan ku dhiiglaha’ la toogtay uu mindi ku dilay hooyadiis marxuumad Xaliimo Cismaan Cumar iyo sidoo kale walaalkiis Macalin Maxamuud Calasow Cabdi.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa boqalaal dadweyne ah oo la’isugu yeeray fagaarahaasi iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maamula deegaanka Shaw oo ayqisaastu ka dhacday.

Qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaciyey in ninka la toogtay uu soo dacweeyey walaalkiis Ibraahim Calasow Cabdi, isaga oo intaasi ku daray in gacan ku dhiigalaha uu qirtay inuu geystay dilka hooyadiis iyo walaalikiis oo uu mindi ku gowracay.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ku yaallo maxkamado la soo taago eedeysanayaasha ay gacanta ku dhigto kooxdaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Su’aalo ka dhashay sawir Farmaajo ah oo lagu daray boorarka maalmaha xorriyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda diyaar garowga maalmaha xorriyada ee ku asteysan xuska sanad guurada 61-aad ee markii laga xoroobay gumeystihii Ingriiska iyo Talyaaniga 1960-kii.

Magaalada Muqdisho oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga maalmaha xorriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo ayaa waxaa wadooyinka Muqdisho la suray tabeelooyin lagu muujinaayo qiimaha maalmaha xorriyada. Hase ahaatee waxaa tabeelooyinka la suray ka mid ah mid uu sawiran yahay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu hoos qoray “Lixdan iyo kow guurada Xorriyada iyo Midnimada 1960-2021”.

Sawirkaan oo baraha bulshada si weyn looga faafiyay ayaa dhaliyey su’aalo xoogan oo ku saabsan danta laga leeyahay, wuxuuna muujiyey marin habaabin jiilka danbe lagu sameynaayo iyo gudbinta in Farmaajo lala meel dhigay halgamayaashii xorriyada usoo halgamay ee dhiigooda iyo dhiicaankooda ku baxay, inkasta oo uusanba dunida joogin maalinkii la qaatay xoriyadda.

Qoraalada barraha bulshada la isla wadaagay ayaa dhamaantood muujiyay in ay gef iyo aqoondari inay tahay in sawir lagu muujinaayo maalmaha xorriyada in lagu soo gudbiyo madaxweyne mudo xileedkiisa dhamaaday, taasoo dhaawacaysa dowladnimada iyo xuska loo sameynaayo maalmaha xorriyada.

In boorarka lagu xusaayo halgamayaashii xorriyada usoo dagaalamay in lagu xardo sawirka madaxweynaha waxay muujineysaa ama gudbineysaa in shaqsiga lagu sawiray lala meel dhigo halgamaayaashii xorriyada soo gaarsiiyay dalka, taasina waa qeyb ka mid ah marin habaabinta iyo xukun jaceylka ku dhisan diktatooriyada.

Tan iyo burburkii dalka Somalia soo maray ee dowladdihii KMG iyo tii danbe ka gudubtay KMG marna ma dhicin in maalmaha xorriyada madaxweyne lagu xayeysiiyo, iyadoo guddiyadii abaabulka maalmahaasi ay si waafaqsan sharciga iyo muujinta dareenka jaceyl ee loo qabay halgamayaashii gumeysi la dirirka lagu muujin jiray boorarka loo diyaariyo maalmaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Gobolada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa markii ugu horeysay gumeysitihii Ingriiska xornimada ka qaatay 26-kii June, halka gobolada Koonfureed ay ka xoreebeen gumeystihii Talyaaniga 1-dii Luulyo, halkaasina uu ka dhashay israacii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Turkey oo masaafurinaya nin Japanese ah oo arrin yaab leh dalkaas ka sameeyey

Istanbul (Caasimada Online) – Muwaadin u dhashay dalka Japan ayaa lagu wadaa in dowladda Turkiga ay masaafuriso kadib markii ay booliska magaalada Istanbul ku ganaaxeen dilka iyo cunista Biyadaha, sida uu baahiyey wargeyska Daily Sabah.

Wargeyska ayaa sheegay in Ninka Japanese-ka uu ku dhawaad saddex sanno deganaa degmada Kucukcekmece ee magaalada Istanbul, isaga oo dhowr jeerna la arkayey isaga oo baaldi ku sita bisado dhowr ah.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa wargeyska u sheegay inuu arkay Ninkaas oo sita Shan bisado ah, kaasi oo ugu dambeyntii ku wargeliyay booliska toddobaadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa xiray Ninkaan, wuxuuna qirtay inta ay wareysiga ka qaadayeen inuu ceeji ku dilo oo uu cuno bisadaha. Waxaana lagu riday ganaax lacageed oo dhan 10,375 Lira oo u dhiganta 1,212 doollarka Mareykanka ah.

“Waxaa loo wareejiyay Ninkaan Japanese-ka ah xarun u xilsaaran masaafurinta ajaanibta,” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Daily Sabah.

Si kastaba, Istanbul ayaa waxay caan ku tahay bisado badan oo aan deegaan laheyn, waxayn kamid tahay magaalooyinka Turkiga ee ay bisado kor u dhaafaya 125-kun ay daryeel u fidiyaan mas’uuliyiinta iyo bulshadu.