25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Beyle: Maalin kasta waxaan sameyno waa musuq-maasuq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay sheegay in musuq-maasuqa uu si maalinle ah uga dhaco hay’addaha dowladda, islamarkaana uu ka ballaaran yahay macnaha loo adeegsado erey bixintaas.

Beyle oo ka qeyb-galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa telefishanka Universal ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu ku dhex baahay bulshada dhexdeeda, taasi oo u baahan in wax laga qabto, sida uu sheegay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in musuq-maasuqa uusan ku koobneyn lacag la’lunsado, balse uu yahay wax isdaba marin kasta oo ka dhacda hay’addaha dowladda iyo macaamilada bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxa uu is-dul taagay in musuqa uu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta mushaaradka ka qaata dowladda, islamarkaana aan xaadirin shaqada ay ku magacaaban yihiin ee ay bilkasta mushaarka ku qaatan.

“Qof baa dhintay walaalkii ha lagu bedelo waa musuq-maasuq. Haddaa u fiirsato maalinkasta waxaa sameynayno Soomaali ahaan waa musuq-maasuq, waxaa ka hadalno oo dhan ayaa musuq-maasuq ah. Markaa musuq-maasuq ma aha lacag la xado ee waa waxaas oo dhan oo ay tahay in aan bedelno,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la bedelo nidaamka dowliga ah iyo hab dhaqanka bulshada caadiga ka noqday, kaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqa.

Madaxweyne goboleedkii u horeeyay oo Muqdisho soo gaaray iyo xogtii u dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa u yimid magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo shirka uu dhawaan iclaamiyey ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo ay madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ka yeelanayaan dar-dar gelinta doorashada.

Lafta-gareen ayaa noqonaya madaxweyne goboleedkii u horeeyay ee soo gaara Muqdisho, xili ay maalin keliya ka harsan tahay shirka uu Golaha iskugu yeeray ra’iisal wasaare Rooble, kaasi oo la iskaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May.

Shirka oo la qorsheeyey inuu furmo maalinta berri ah, ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya inuu dib u dhici karo illaa maalinta Isniinta ah, maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan-yihiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka uu yeelanayo Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxaa lagu meel-marin doona wax ka bedel lagu sameynayo jadwalkii hore ee doorashada iyo qoddobo kamid ah heshiiskii ay hore u gaareen dhinacyadu.

Si kastaba, Waxaa lagu wadaa inay soo gaaraan caasimada dalka Madaxda kale ee dowlad goboleedyada, si ay uga qeyb galaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee markale Muqdisho uga furmaya ra’iisal wasaaraha iyo dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir.

Xog: Saddex qodob oo ay suurta-gal tahay in heshiiska doorashada laga beddelo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa inay soo gaaraan Muqdisho, ayada oo uu ka furmayo shir ay la yeelanayaan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku saabsan arrimaha doorashada.

Shirkan ayaa la qorsheeyey inuu furmo maalinta berri ah, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu dib u dhici karo illaa maalinta Isniinta ah, maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan yihiin.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga beddelo qaar ka mid qodobadii lagu heshiiyey 27-ka May, inkasta oo ay taasi ku xirnaan doonto sida ay madaxda iskula ogaaldaan, waxaana qodobadaas ka mid ah:

1- Jadwalka doorashada: Waxaa la filayaa in lasoo saaro jadwal doorasho oo cusub, maadaama ay caddahay inuusan hirgeli karin jadwalkii hore oo dhigayey in doorashada ay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, oo kasoo billaabaneysa 27-ka May. Waxaa hadda baxday 30 ka mid ah, ayada oo aanay dhicin wax la taaban karo, marka laga reebo magacaabista guddiyada doorashada.

2- Tirada ergooyinka: Waxaa socda dadaallo la doonayo in tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada oo lagu soo kobo 61, halka ay markii hore lagu heshiiyey 101, si loo fududeeyo in doorashada ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona yareeyo qarashka ku baxaya.

3- Deegaan doorashada: Qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba magaalo halkii maamulba. Qodobkan ayaa waxaa u ololeynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonaya in kuraasta HirShabelle iyo Jubaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Lama ogo sida ay ku suurta geli karto in wax laga badalo heshiiskii 27-ka, waxayna ku xiran tahay sida uu ra’iisul wasaare Rooble u taageero, si gaar ah qodobada 2 iyo 3, oo ah kuwa xasaasi ah.

Faah-faahin ku saabsan dil maanta ka dhacay agagaarka Masjid ku yaalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhoweyd ay koox hubeysan gudaha degmada ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda dilka geysatay oo ku hubeysneyd bistoolado ayaa waxay toogteen Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Cumar Idiris, xilli uu sii galayay Masaajid ku yaala agagaarka Saldhiga degmada Yaaqshid.

Cumar Idiris oo lagu soo waramayo inuu ahaa nin da’ah, ayaa waxaa si weyn looga yaqaanay degmada oo uu saldhigeeda ka shaqeeynayay sanado badan, isagoona ka ahaa OBI qoraha saldhiga degmada.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaan, islamarkaana ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas.

Dilalka qosheysan ee noocan ah oo maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, ayaa waxaa inta badan fuliya dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kala dhaxeeyo dowladda iyo ciidamadeeda.

Video: Saraakiil ballan-qaad u sameeyay qoyskii laga dilay Cabdifataax Maxamed Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska gobolka Banaadir oo ay kamid ahaayeen taliye ku-xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka, taliyaha qeybta galbeed, taliyaha saldhiga degmada Wadajir iyo guddoomiyaha degmada ayaa gurigooda ku booqday qoys dhawaan warbaahinta ka sheegay inay cadaallad u waayen dil loo geystay wiil ay dhaleen.

Saraakiisha ayaa qoyska wiilka laga dilay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Cali Atoore ayaa waxay u ballan-qaadeen inay cadaalada marsiin doonaan dambiilaha ku eedeysan dilkaas, islamarkaana ay ku kalsoonadaan cadaallada.

“Waxaa markale kugu celinayna inaad xaqaaga helayso, oo aad ka helayso cidii gacan ku dhiiglaha aheyd ee wiilkaaga Cabdifataax dishay, sharciga ayaa idiin jooga oo garab idiin ah oo ay tahay inaad kaashataan,” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha u tagtay qoyska wiilkooda la dilay oo ballaan-qaadka u sameeyay.

Dhacdada kiiska dilka Cabdifataax ayaa waxaa loo soo qabtay eedeysanayaal, waxayna saraakiisha sheegen inay wadaan baarista dilkaas, ayna ka warsugaan baarista uu wado booliska.

Saraakiisha ayaa sidoo kale qoyska marxuumka ka dalbaday inay ku gacan siiyan sidii cadaalada loo marsiin lahaa gacan ku dhiiglaha dilay wiilkooda, iyagoona carabka ku adkeeyay in markasta u taagan yihiin sareynta sharciga.

Booqashada saraakiisha iyo guddoomiyaha degmada Wadajir uu ku tegay hoyga qoyska laga dilay wiilkooda ayaa imaneysa kadib markii ay warbaahinta ka sheegen inay cadaalad ka waayen laamaha amniga, xili ay ku gudo-jireen duugista marxuumka.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Maxay tahay halista ay WHO uga digeyso Soomaaliya?

0

Kampala (Caasimada Online) – Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisey in dalalka Afrika oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya ay la kulmayaan mowjad saddexaad oo cudurka COVID-19 ah.

WHO ayaa sheegtay in kiisaska ay kor ugu kaceen 474,000, shan toddobaad oo isku xiga, laga soo bilaabo bishan 20-kii bishan June.

Waxay sheegtay in kororka kiisaska uu muujinayo faafitaan ka dhakhso badan kii labaad ee qaaradda, oo bilaawday horaantii sanadkan, midaasi oo muujineysa halis hor leh.

Kororka kiisaska ayaa waxay eedeynta u weyn dusha ka saaraysa WHO dhowris la’aanta talaabooyinka caafimaadka ee bulshada oo daciif ah, kororka is-dhex-galka iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada, iyo sidoo kale faafitaanka mowjadda nooca cusub ee cudurka oo markii ugu horreysay laga helay India oo laga soo sheegay 14 dal.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in 1% hal oo kaliya dadka reer Afrika si buuxda loo talaalay.

Madaxa xarunta ka hortagga cudurada ee Afrika ayaa sheegay in mawjadda seddexaad la timid darnaan iyadoo waddammada badankood u diyaarsanayn sidaa darteedna ay tahay mowjad aad u xun, wuxuuna ku cel-celiyey baahida loo qabo in si dhakhso leh loo helo tallaalo badan.

Si kastaba, Halista cudurka Coronavirus oo bilihii hore ka taagneyd dalka Soomaaliya ayaa xiligan u muuqata mid  hoos u dhacday, sida ku cad warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, hase yeeshe khubarada caafimaadka ayaa walaac ka qaba sarre u kaca markale ee cudurka.

Al-Sisi oo qaaday tallaabo kasii dareysa xiisadda Masar iyo Ethiopia ee biyaha Nile

Qahira (Caasimada Online) – Xiisada wabiga Nile-ka ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd dowladaha Masar iyo Ethiopia ayaa markale sii xoogeysatay, kadib markii ay bilowday xukuumadda Al-Sisi qorshe ay ku rabto in xulafeysi awood diblomaasiyadeed ka sameysato gudaha gobolka.

Dowladda Masar ayaa waxay isku dayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblomaasiyadeed iyo midda Millateri ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Ethiopia ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka Wabiga Nile-ka.

Wararka ayaa sheegaya in ururka Juquraafi-yahannada Masar ee la aas-aasay 1875-kii ay kaydiyeen dukomintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Dukomintiyadaas ayaa waxaa kamid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika, waxaana xusid mudan in ururka juquraafi-yahannada laftigooda lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay.

Qorshaha ururka hadda wada keydinta lagu sameeyay ayaa waxa qeyb ka ahaa in Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Ethiopia ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876, midaasi oo kusoo dhamaatay guuldarro bahdilaad ah.

Masar waxa ay bilihii la soo dhaafay heshiisyo milateri iyo kuwa dhaqaale oo xiriir ah ay la saxiixatay dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Rwanda iyo Jabuuti.

Qaahira ayaa waxa ay markii horaba heshiisyo isdhexgal ah oo muhiim ah ay la laheyd Sudan, halkaas oo dhawaan ay labadaasi dal ka fuliyeen dhoollatus milateri oo ay wadajir u fuliyaan, kaas oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka iyo ciidammada gaarka u tababaranba.

Xiisada wabiga Nile-ka ayaa si weyn uga dhex tafan Masar iyo Ethiopia, ayada oo dowlada Masar ay mar hore dhinac saartay dowladda Sudan oo uu khilaafka wabiga kala dhaxeeyo Ethiopia, waxaana socda dadaalo la isku gaashanbuureysanayo oo ka dhan ah biyo xireenka Ethiopia.

Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatay qaraar culus oo ka dhan ahaa Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay qaraar ka dhan ahaa Mareykanka, kaas oo ka soo baxay golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, isla-markaana looga soo horjeeday xiyaaradda Mareykanka uu saaray Cuba.

Qaraarkan oo ahaa mid xasaasi ah, laguna cambaareynayey Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale ka gaabsaday saddex dal oo kale oo Soomaaliya ay afar ku noqoneyso, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Myanmar, Moldova iyo sidoo kale Soomaaliya.

Mareykanka ayaa cuna-qabateyta uu saaray Cuba ku sheegay inay aas-aas u tahay inay dalkaasi ka hirgasho dimuqraadiyad, sida uu shaaciyey Rodney Hunter oo ah isu-duwaha arrimaha siyaasadda howl-galka Mareykanka ee u qaabilsan Qaramada Midoobay.

“Cunaqabateyntu waa dariiqa sharciga ah ee lagu gaari karo siyaasada arimaha dibada, amniga qaranka, iyo ujeedooyinka kale ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri.

Si kastaba waxaa qaraarka ka soo baxay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay taageeray illaa 184 wadan, halka ay kasoo horjeesteen Mareykanka iyo Israel.

Xiyaaradda dhaqaale ee saaran Cuba ayaa waxaa soo rogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, wuxuuna saameyn ku yeeshay Cuba oo daris la ah Mareykanka.

CC SHAKUUR: Hal-hayskii Farmaajo ee damac shisheeye & horumarka dekeda Berbera

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, isagoona ku naqdiyey Farmaajo inuu kasoo horjeesto horumarka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dekedda Berbera uu kal hore isku dayey inuu is hortaago madxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

“Farmaajo iyo xukuumaddiisaba waxay ka hor yimaadeen ballaarinta Dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ku dhaliilay in Qaadka looga soo dhoofiyo Itoobiya ku bedelato Kalluun, xili ay dowladda Itoobiya ku howlan tahay ka faa’iideysiga kheyraadkeena.

“Mowqifkeennu maalinkaa wuxuu ahaa horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay in uusan dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn.”

“Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaarinta Dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkaan ayaa imanaya xili shalay xariga laga jaray dib u ballaarin lagu sameeyay dekedda Berbera ee Somaliland oo ay gacanta ku hayso shirkada DP World, oo ay heshiiskeeda kasoo horjeesatay dowladda federaalka.

Qiimeyn: Farmaajo afar sano kadib, waa sidee garsoorka federaalka, Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka?

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, markii uu xilka qabanayey 4 sano ka hor waxaa uu ballanqaaday dib u habeynta garsoorka iyo ka shaqeynta caddaaladda, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Mar dambe dhici meyso , oo anaa ballan-qaaday, oo dowladda ayaa ballan qaadday,  qof Soomaaliyeed intuu hor-tago maxkamad caddaalad darro lagu sameeyo, howshaasi waa waxyaabaha dalkani meesha uu taagan yahay gaar siiyay, oo ilaahey noogu carooday, oo aan adduunka uga hooseyno , Labo qof iyo saddex qof oo xun, ka yeeli meyno in magaceenna isticmaalaan ummadda Soomaaliyeed duleeyaan oo dhibaato u geystaan oo xaq-darro ku sameeyaan u adkeysan meyno”.

Farmaajo waxaa loo dhiibay dal federal ah, iyada la sameeyey sharciga adeegga garsoorka, waxayna ahayd inuu dhammeystiro: (1). Dhammeystirka qabyo qoraalka dastuurka (2). Dhismaha Maxkamadda dastuuriga (3). Dhismaha Golaha adeegga garsoorka (4). Sameynta Xeerka nidaamka garsoorka federaalka ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoorka dalka.

4 sano uu Farmaajo joogay, Muxuu ka qabtay Garsoorka?

Doorashadiisa kaddib, wuxuu wacad ku maray isbeddel xagga garsoorka ah, isagoo kusoo koobay shaqadiisa oo dhan inuu maxkamadaha darajada 1-aad ee gobolka Banaadir beddelay min labo-jeer, waxaa kale uu min hal goor beddelay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta dalka.

Iyada oo aan lasoo marin sharciyadda garsoorka ee shaqo ka tirista garsooreyaasha ayaa Farmaajo waxaa uu ceyriyey 23 garsoore, waxaa uu shaqaaleysiiyey garsooreyaal ka badan 30 iyo kaaliyeyaal kuwaas oo lagu beddelay dad dhintay iyo qaar isaga tagay shaqada.

Miisaaniyadda Garoorka:

Garsoorka federaalka waxaa sannad walba kordhayey miisaaniyaddiisa sida $2.8 Milyan oo ah 2018-kii, $2.7 Milyan ayuu ahaa 2019, $3 Milyan halka sannadkan yahay $7.7 Milyan, laakiin ma jirin garsooreyaal cusub ama adeeg hor leh ama mushaar shaqaale oo kordhay.

Siyaasadeynta Garsoorka:

Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in Farmaajo uu garsoorka ku milay siyaasadda, sida kiisaskii Cabdirashiid Janan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, , kiisas musuq lagu sheegay oo wasaaradaha gargaarka iyo caafimaadka iyo mas’uuliyiin furdada ahaa, waxaa intaa wehliyey kiisaskii weriyeyaasha Cali Aden iyo Cabdicaziz Gurbiye, oo lagu daray kiisas ay dhaqaajisay xeer ilaalinta oo aan maxkamad gaarin sida kiisaska Xildhibaannada Saabir Shuuriye iyo Xasan Macallin iyo kiiskii weriyaha VOA-da Haaruun Macruuf.

Marka laga tago in 4 sano kaddib, uu isku beddelay garsooreyaal iyo guddoomiyeyaal maxkamadeed iyo qaar kale, siyaasadeyeyna garsoorka dalka haddana waxba kama qaban shaqooyinkii laga sugayey sida dhismaha maxkamad dastuuri ah, golaha adeegga garsoorka, lagama heshiin xeerka nidaamka garsoorka dalka, mana ka shaqeyn in gasroorka la federaaleeyo, oo lagu baahiyo jamhuuriyadda federaalka ah oo dhan.

Xaaladda Garsoorka Maamullada Dalka:

Gobolka Banaadir:

Banaadir kama jiro maamul goboleed u gaar ah, mana laha maqaam, waa gobolka ugu dadka badan Soomaaliya, Muqdisho waa xarunta dowladda federaalka ah, waxaa ka jira garsoor,  tusaale ahaan sida ay sheegeyso maxkamadda sare, dhammaan degmooyinka marka laga reebo Boondheere. Marka laga reebo Wadajir oo maxkamad leh inta kale waxay ku shaqeeyaan saldhigyada booliiska iyo degmooyinka. Maxkamadaha racfaanta, xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidanka waxay ku dhex shaqeeyaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Hirshabeelle:

Hirshabeelle waxaa ay ka kooban tahay Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, gobolka Shabeellada dhexe, Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka waa magaalada keliya ee saddex maxkamad ku yaallaan, Racfaanka, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda degmada,  waxaa kale oo xusid mudan in Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado la lahaa aaney hadda lahayn!!

Gobolka Hiiraan:  Magaalada Baladweyn waxaa ay leedahay Maxkamadda degmada iyo midda gobolka, qarash la’aan dhacday awgeed, maxkamadda degmada ayaa la isugu geeyay dacwooyinka darajada 1aad halka maxkamaddii gobolka loo beddelay racfaan, Buula-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Guud ahaan maamulka Hirshabeelle ma laha maxkamad sare iyo xeer ilaaiye,

Galmudug:

Maamulkan Galmudug waxaa dhowaan la magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaiye, waxaa jira goddoomiyeyaasha maxkamadaha gobollada, sidaas ay tahay ma laha xafiisyo iyo shaqo socota.

Caqabadaha heysta garsoorka Galmudug waxaa ka mid ah iney dacwooyinka ku qaadaan geedaha hoostooda, maamulka oo dhan ma laha xabsi, oo dad xukuman ayaa ku xiran saldhigyada magaalooyinka oo aan loo hayn xabsi, mushaar la’aanta waa dhibaato kale.

Koonfur Galbeed:

Maaamul Goboleedka Koonfur Galbeed wax gacan ah kama helin dowladda federaalka ah, laakiin waxay leeyihiin gole adeeg, Baydhabo keliya ayaa waxaa ay leedahay adeeg garsoor oo dhammeystiran, laakiin sharciyada waa qaar aan federal ahayn, oo duugoobay, loomana diyaarin, maamulkan waxaa ka diiwaan geshan 25 qareen iyo 14 isugu jira garsooreyaal iyo inta oo kale kaaliyeyashooda ah oo Bay jooga halka inta kale oo Bakool ama Shabeellada hoose ah aaney diiwaan gashneyn, mushaarna iskaba daa.

Dhibaatooyinka amni xumida iyo baahin la’aanta ah ay keentay waxaa ka mid ah in dhammaan maamulka wixii dacwo madani ah loo aado Al-shabaab kaddib markii March 2019-kii wixii ka dambeeyey la joojiyey qaadista dacwadaha dhulka. Waxaa xusid mudan Bakool ma qabto maxkamad racfaan halka Waajid iyo Bardaale xabsi la’aan yihiin.

Waxaa jira caqabado maamulkani haysta, tusaale ahaan Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan,  dowladda dhexe waxba kama helaan, haddii xitaa ay maxkamad xukun gaarto lama hayo ciidan fuliya iyo xabsiyo la geliyo!!

Jubbaland:

Kismaayo waxaa uu leeyahay gole adeeg garsoor, laakiin garsoorka ma dhaafo Kismaayo, waxaa ku taallo Maxkamadaha degmada, midda gobolka Jubbada hoose iyo midda racfaanka, Dacwooyinka ay qabtaan waa madani iyo ciqaab, waxaa kale oo jirta maxkamadda ciidamada.

Wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo, xitaa garsoorka Kismaayo ka shaqeeya waxaa tababar iyo lacag siiya mamulka Jubbalabd.

Puntland:

Maamul goboleedka Puntland waa midka ugu dhaw xagga sharciyada federaalka ah, waxaa uu leeyahay Maxkamadda sare, mid dastuuri ah, xeer ilaalin, racfaan, maxkamadaha  darajada heerka 1aad, guddiga sare garsoorka,  guddoomiyaha maxkamadda sare,  3 garsoore maxkamadda sare, 2 garyaqaan, iyo xeer illaalinta.

In kasta oo Maxkamadaheeda ay u dhisan yihiin qaabkii federaalka ah haddana sharciyada ay ku shaqeeyaan waa nidaamkii garsoorka ee dowladdii dhexe 1991-dii.

Caqabadaha Haysta Garsoorka Dalka:

Garsoorkii 1991-kii: Garsoorka hadda dalka lagu dhaqo waa midkii ay ka tagtay dowladdii dhexe 1991-kii, waxaa ay dhibaato ka jirtaa iswaafajinta nidaamkaasi iyo midka federaalka ah.

Dastuur Federaal Ah: Dhammestirka dastuurka iyo heshiisyada siyaasiga ah, waxaa ku xiran in nidaamyadii kale ee federaalka ahaa ay shaqeeyaan, taasi oo aan suurogal ahayn inta dastuurka uu qabyo yahay oo aan la ansixin.

Dhisme Garsoor Federaal Ah: Weli ma billaaban ka hadlidda nidaamka federaalka ah, Garsoorka dalku wuxuu noqonayaa saddex Heer oo kala ah: (a) Maxkamad Dastuuri ah (b) Maxkamadaha Heer Dowlad Federaal; iyo (c) Maxkamadaha Heerka Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka. Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Heer Federaal waa Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyadoo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaguna yeelanayaan Maxkamad Sare ee heer Dowladaha Xubinta ka ah federaalka oo iyaga u gaar ah.

Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka: Qodobka 109 ee dastuurka waxaa uu ka hadlayaa dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, golahan waa uu laalan yahay, illaa iyo hadda lama oga wax ku dheggan, golaha waa midka  hawsha guud ahaan garsoorka ku xiran tahay.

Asaaska Maxkamadda Dastuurka: Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare, shaqadan weli ma billaaban

Magacaabista Garsoorayaasha:  Caqabadda ugu weyn ayaa ah:  in garsooreyaashaasi ku yimaadeen xeer madaxweyne, waxaa ay shaqada ka tagi karaan marka ay madaxweynaha u soo jeediyaan Golaha Adeegga Garsoorku isagana uu saxiiso, golahii soo jeedin lahaa

Haddaba, Farmaajo waxaa uu 4-tiisa sano ee Villa Somalia ku dhammeystay qardo-jeex iyo habab baalmarsan sharciga iyo dastuurka jamhuuriyadda federaalka ah, wax shaqo ahna kama qaban garsoorka dalka, hal sharci oo arrintan la xiriirta ma keenin  baarlamaanka, balse taa beddelkeed, waxaa uu isaga isku noqday fulin, sharci-dejin iyo garsoor.

Xigasho: Goobjoog

James Swan oo war cusub kasoo saaray doorashada xilli dib u dhac uu muuqdo

Antalya (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in waqtigeeda oo lagu soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya ay muhiim u tahay dalka, xilli ay muuqato inay dib uga dhaceyso waqtigeeda.

Doorashada ayaa heshiiskii la gaaray 27-ka May waxaa lagu go’aamiyey inay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, waxaana ayada oo hadda ay baxday bil ka mid ah muuqata inaysan taasi suurta-gal aheyn.

“In hanaanka doorashada waqtigeeda lagu soo dhameystiro, iyo si ku dhisan heshiis haysta dhammaan taageerada shacabka Soomaaliyeed, waa u muhiim xaqiiqdii wax ka qabashada ahmiyadaha dalku u baahan yahay ee dadka looga faa’iideynayo,” ayuu James Swan u sheegay wakaaladda wararka Anadolu, isaga oo ku sugan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb-galay madasha diblomaasiyadda ee Antalya Diplomacy Forum.

“Tani waa daqiiqad muhiim u ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxa howlgalka QM ee Soomaaliya.

James Swan ayaa ammaanay dadaallada la xiriira doorashada ee uu wado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo bishii April si rasmi ah ula wareegay maamulka doorashada iyo amnigeeda.

“Aad ayaan ugu qanacsannahy in lixdii toddobaad ee tegay, uu ra’iisul wasaare Rooble hoggaamiyey wada-hadallo dhab ah oo uu la yeeshay madax goboleedyada, oo ay heshiis doroasho isku raaceen 27-kii May, kaasi oo deg deg ah loo hirgelinayo, waxaana si firfircoon u taageereynaa fulintiisa,” ayuu yiri James Swan. 

Swan ayaa sheegay in saaxiibo badan oo caalami ah ay si aad ahu daneynayaan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana Turkiga ay ka mid yihiin kuwa ugu muuqda. 

“Turkey waxay ku lug leedahay taageerada qeybta amniga, waxay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqyada arrimaha bani’aadannimo. Turkey sidoo kale waxay kaalin ka qaadaneysaa xiriirka dhinacyada aan dowliga aheyn,” ayuu yiri.

“Waxaa jira caqabado amni oo weli taagan, gaar ahaa cawaaqibka joogitaanka Al-Shabaab ee dalka, waxaana sii dheer baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.” 

Swan ayaa sheegay in booqashooyin ay dhowaan xubno ka tirsan beesha caalamka ku tageen maamul goboleedyada ay qeyb ka tahay isku day lagu xoojinayo dardarta lagu qabanayo doorashada, si aan looga gaabin. 

Daawo: Beesha Sheekh Cali Dheere oo ka hor-timid natiijada baaritaanka dilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha beesha Saruur oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baaritaan laga soo saaray dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo kamid ahaa mas’uuliyiinta samafalka ka shaqeeya ee gobolka Mudug.

Waxay sheegen in marnaba aysan fileyn qaabka shalay loo shaaciyey natiijada dilka Sheekh, ayada oo guddiga loo xilsaaray baarista dilkaas ay shaaciyeen dad ay ku sheegen inay ku cadaatay dilka Sheekh Cali Dheere, halka ay dalbadeen in mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug iyo maamulkaas sharciga lala tiigsado.

Odayaasha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay arrintaas, oo ay sheegen in dad gaar ah lagu bartilmaameedsaday, islamarkaana ah gef, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxyaabo faro badan ayaa soo if-baxayay dhimashada Sheekha ka bacdi, waxaa xeerinayna wax badan, aamusnaantada aan aamusanahay kama turjumeyn dad aan fahmi kareyn waxa ku dhacaya laakiin waxaanu fiirineyn dhaawaca iyo xanuunka ay leedahay geerida,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

“Shir jaraa’id ayey qabteen dadna wey magacaabeen, oo shaqsiyaad ayey target-gareeyen, waxaan rabnaa in aan meesha ka cadeyno oo aan u sheegno walaalaheen anagu waxaa nahay dadka Mudug dega, waxaana ka samirnay wax aan xaq u laheyn, markaa waxaa maanta na xanuujiyanaya anaga oo Mudug degan inay walaalaheen target-gareynayaan dad shaqo u tagay.”

Odayaasha beesha Saruur ee maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxay si kulul uga hadleen tabasho ay ka qabaan beesha Sacad, oo ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo ka taagan Gaalkacyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Dekedda Berbera oo dib u habeyn iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay

0

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyey marsada caalamiga ah ee Berbera, taasi oo baaxaddeedii hore loogu kordhiyey 400 (Afar boqol).

Munaasibadda xarig ka jarista marsada Berbera ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin wafdi Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda oo ay wehlinayso wasiirka gaadiidka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxaa wafdiga qeybta ka ahaa munaasibadaas kamid ahaa wafuud uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau, Mudane Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka deriska iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah.

Maxaa lagu kordhiyay;

  • Waxaana ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU.
  • Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah.
  • Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU
  • Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika.
  • Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera.
  • Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono.

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland ayaa wuxuu soo bilaabmay 2016-kii, ayada oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen 9-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaas, taasi oo is-qab-qabsi gaaray gacan ka hadal uu ka dhacay fadhigii lagu ansixinayay ee baarlamaanka Somaliland.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo soo saaray amar cusub oo ku saabsan lacagta $50

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar uu ku socodsiinayo lacagta 50-ka dollar oo kal hore ay joojiyeen ganacsato ka tirsan kuwa ka howl-gala Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo kulamo la qaatay guddoomiyeyaasha Bangiyada, xawaaladaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha danabeysan ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin lacag been abuur ah oo soo gashay dalka, kadib baaritaan dheer oo uu sameeyay Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in baaritaanka ay ku ogaadeen in baro-bagaado ay tahay wararka sheegaya in dalka lasoo geliyay lacag 50 dollar ah oo been abuur ah, islamarkaana ay tahay in ganacsatada ay qaadato lacagtaas oo aysan ka muujin shaki.

“Laga bilaabo maanta in Bangiga dhexe uu amray qaadashada iyo bixinta 50-ka dollar, cidii u hogaansami weyda go’aankan uu la xisaabtami doono Bangiga dhexe. Waxaa madaxda ganacsatada isla qaadanay inay u hogaamsanadaan awaamiirta Bangiga,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Cabdillaahi.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkadaha iska dhago-tira amarka Bangiga Dhexe, maadama aysan waxba ka jirin cabsida shacabka lagu abuuray ee la xiriirta in lacag Konton dollar ah oo been abuur ah ay ku jirto dalka.

Amarka kasoo baxay Bankiga dhexe ayaa imanaya xili ay muddooyinkii dambe taagneyd hadal haynta in lacag been abuur ah oo Konton dollar ah ay ku jirto dalka, taasi oo keentay in gebi ahaanba lacagtaas ay iska diidan shirkadaha iyo dadweynaha wax kala iibsanaya.

Ruushka oo rasaas ku furay markab British ah, soona saaray hanjabaad xooggan

Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.

Russia ayaa u yeertay safiirka Britain ee Moscow si ay ugu gudbiso diginin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, kadib markii markab dagaal uu ku xadgudbay wax uu Kremlin-ka ugu yeeray xuduuddeeda badda, hase yeeshee Britain iyo dunida inteeda kale ay u arkaan inay leedahay Ukraine.

Britain ayaa sheegtay in Russia ay baahineyso akhbaar aan sax aheyn waxayna dood ka keentay sida ay u dhigtay dhacdada, ayada oo sheegtay inaysan jirin wax rasaas diginin ah oo lagu soo riday iyo bambooyin lagu tuuray marinka markabka lagu magacabao HMS Defender.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa u yeertay safiirka Britain Deborah Bronnert si ay ugu gudbiso “diginin adag”, waxaana afhayeenka wasaaradda Maria Zakharova ay London ku eedeysay “been cad.”

“Waxaan rumeysannahay inay aheyd daan-daansi cad oo horey loo diyaraiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ka hadlay dhacdadan oo Moscow ay sheegtay in rasaas diginin ah ku furtay, bambooyinna ku qarxisay marinka markabka British-ka.

“Haddii mar kale ay dhacaan ficilladan aan la aqbali karin ee daan-daansiga ah, haddii ficilladaas ay noqdaan kuwa xadkoda dhaafa, ma jirto wax meesha laga saari doono marka ay noqoto difaaca xuduudaha Russia,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Peskov.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain Dominic Raab ayaa weriyayaasha ugu sheegay dalka Singapore oo uu booqasho ku joogo inaysan jirin rasaas lagu furay markabka HMS Defender.

Russia ayaa 2014 jasiirad u yaalka Crimea ka qabsatay Ukraine, kuna darsatay dhulkeeda, waxayna aagga xeebteeda u aragtaa inay ka tirsan yihiin biyaha Russia. Dalalka Reer Galbeedka ayaa Crimea u arka inay qeyb ka tahay Ukraine, waxayna diidaan sheegashada Russia.

Reuters + VOA

Daawo: DF oo is-hortaagtay banaanbax ay dhigayeen waalidiinta ay carruurtooda uga maqan yihiin Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xoog ku joojiyey oo is-hortaagay banaanbax ay dhigayeen Waalidiinta ay dhalintooda uga maqan tahay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe banaanbax ay ku muujinayaan cabashadooda ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegen goobjoogayaal, ciidamada ayaa ku wargeliyay waalidiinta inaysan dhigi karin banaanbax, ayaga oo warbaahinta ka hor istagaay inay la hadlaan, si ay cabashadooda u muujiyan, islamarkaana ay sii wadaan dalbashada in caruurtooda loo soo celiyo.

Waalidiinta oo saaka isku aruursaday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho oo horey uga dhigi jireen banaanbaxa ay ku muujinayaan cabashadooda, ayaa waxay ciidamada booliska ku amreen in goobtaas aysan ku dhigi karin banaanbaxa, ayaga oo aan wax sabab ah ku wargelin.

Ciidamada booliska oo watay gaadiid gaashaman ayaa ugu dambeyntii Waalidiinta ku qasbay inay iskaga tagaan goobta ay ku dhigayeen banaanbaxa, inkasta oo markii hore ay ka madax-adeygeen.

Waa markii u horeysay ee dowladda u adeegsato ciidamada booliska banaanbax ay dhigayaan Waalidiinta ay dhalintooda uga maqan tahay Eritrea, kuwaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay banaanbaxyo ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Xiisada ka dhalatay dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea ayaa muddooyinkii dambe kasoo dareysay, ayada oo ay soo baxayeen xogo sheegaya xaalad argagax leh oo ay ku nool yihiin dhalintaas oo markii hore dalkaas loo geyay tobabar ciidan.

Laba nin oo u kala dhashay Britain iyo Malaysia oo lagu maxkamadeynayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhageysiga labo eedeysane oo Ajnabi ah, kuwaasi oo loo haysto inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab.

Labada eedeysane ee maanta kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxay u kala dhasheen dalalka Malaysia iyo Britain, balse weli lama shaacin magacyadooda.

Eedeysanayaasha ayaa loo haysta inay sifo sharci darro ah kusoo galeen dalka iyo inay ka barbar dagaalameen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda.

Sidoo kale labada eedeysane ayaa waxaa loo haysta in mudadii ay ku sugnaayeen Soomaaliya ay geysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniinta, ayna ka qeyb galeen weeraro argagixisinimo.

Labada eedeysane ee maanta maxkamadda la horgeeyay ayaa waxay kamid noqonayaan eedeysanayaal dhowr ah oo dacwado la xiriira Shabaabnimo loo haysto, kuwaasi oo dacwadooda ay dhageysigooda billowday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Askar Kenyan ah oo ku la’day diyaarad maanta la dhacday

Nairobi (Caasimada Online) – Diyaarad ay leeyihiin millateriga Kenya ayaa maanta ku dhacday deegaanka Eremet ee Oltinga, Kajiado West, xili ay ku jirtay howl-gal tobabar, sida uu baahiyey Wargeyska The Standard.

Wargeyska ayaa kusoo waramaya in diyaaradaas ay saarnayeen ugu yaraan 23 qof, waxaana la arkayay marka ay soo dhaceysay ayada oo aad u holcaysa.

Diyaarada oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Kenya ayaa waxaa lasoo warinaya inay ku la’deen 17 kamid ah Askartii saarneyd, halka qaar kale la samatabixiyey ayaga oo dhaawac culus ah.

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa dhankooda ayaguna xaqiijiyey dhimashada in la diiwaan-geliyey shilkii subaxnimadii, in kasta oo aan la helin tiro cayiman oo khasaarooyin ah oo ay soo gudbisay afhayeenka ciidamada, Zipporah Kioko.

“Waa wax laga xumaado, shilka kadib, waxaan la kulanay qasaaro nafeed. Geedi socodka lala xiriirayo qoysaska si aan u gaarsiino macluumaadka iyo tacsida KDF ayaa socota,” ayey tiri.

Diyaarada oo aheyd nooca Helicopter-ka ayaa ilaa hadda la garaneyn sababta keentay inay soo dhacdo xili ay ku jirtay howl-gal tobabar.

XOG: Isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada dalka oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in Sabtida uu shir uga furmo Magaalada Muqdisho, iyadoona looga arrinsan doono wixii ka qabsoomay heshiiskii dhincyadu ay 27-kii bishii May ku gaareen Xerada Afisyooni.

Ra’iisal Wasaare Rooble iyo masuuliyiinta kale ayaa qalinka ku duugay shan qodob oo heshiiskaasi muhiim u ahaa, kuwaa oo kala ah tubta xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, hannaanka xalinta khilaafaadka Gobolka Gedo, xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, qoondada haweenka iyo in lixdan cisho doorasho lagu qabto.

Waxaa la fahamsan yahay illaa iyo hadda in hal qodob uu ka qabsoomay heshiiskaasi, waana qodobka xalinta cabashada la xiriirta Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, oo Dowlad Goboleedyada ay soo wada gudbiyeen, iyadoona Ra’iisal Wasaaruhu uu Sabtidii magacaabay Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta Khilaafaadka.

Madaxdu waxay garwaaqsan yihiin inaanay lixdan cisho ku qabsoomi karin Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, waxayna mar kale qorsheynayaan inay jiheeyan doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay daneynayaan in lix deegaan doorasho lagu soo koobo doorashooyinka, bedelkii kow iyo toban goobaad lagu qaban lahaa, si lamid ah doorashadii 2016 oo lix goobood ay ka dhaceen.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la fahamsan yahay in uu cadaadis ka haysto Magaalada Garbahaarey, iyadoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu door bidayo in doorashada laga soo wareejiyo Baraawe, sababo ku aaddan amnigeeda oo uu ka walaacsan yahay, halka Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu walaac ka muujinayo Beledweyne, haddii dadka deegaanka ku kala qaybsamayn dhismaha maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay u badan tahay in madaxdu isu raaci doonaan in lix goob doorasho lagu soo koobo doorashooyinka dalka, haddii muddada shirka uu socdo aanay arrimo kale soo bixin, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Jowhar, Dhuusomareeb iyo Garoowe. 

“Dabcan haddii khasab looga dhigo inay lixdan maalmood doorashada ku qabtaan, ayagana xaq waxay u leeyihiin inay yiraahdaan hala soo koobo deegaan doorashada, ayadoo waqtiga yar ee harsan la eegayo,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Dadka u dhuunduleela arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya inay arrintani mucaaradad kala kulmi doonto bulshada qaybteeda, waa haddii deegaan doorashada la soo koobo, isla-markaana ay baalmarsan tahay heshiiskii September 17.

Marxaladaha ku gadaaman doorashada sanadkan ayaa ka dhigaysa inay Soomaaliya wajaheyso doorashadii ugu adkeyd, tan iyo dib u yegleelidda dowladnimadeeda, muddo kow iyo labaatan sano laga jooggo.

Sawirro: Wafti ka socda dalka Itoobiya oo gaaray Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Itoobiya, kaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana sidoo kale qeyb ka ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Mas’uuliyiintan ayaa soo dhoweyn, kadib kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira xarig jarka Dekedda Berbera, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hrageysa.

Qaban qaabada munaasabadda daah-furka dekedda oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada xeebeedka Berbera.

Itoobiya ayaa saami ku leh dekedda magaalada Berbera, sidoo kalena waxay kala soo degtaa badeeco kala duwan oo la geeyo dalkaasi.

Somaliland ayaa xiriir la-leh dowladda Itoobiya, walow muddooyinkii dambe uusan aheyn sidii hore, waxaana sameeyey isbaheysiga ay sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.