25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Xildhibaan Fiqi oo ka hadlay arrintii xalay lagu sameeyey guddoomiye Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha Maamulka Galmudug ahna xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey xafladdii xalay loogu dabaal dagayey munaasabadda 26 June ayaa duray sida Villa Somalia ula dhaqanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo lagu casuumi waayey xafladda..

Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare oo ah odayga ugu da’da weyn islamarkaana ugu xilka sarreeya dadka reer Waqooyiga (Somaliland) aan lagu casuumin xafladda lagu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen madaxda kale ee dowladda dhammaantood.

“Xalay waxaa loo dabaal-dagayey munaasabadda 26 June oo ah maalinta xoriyadda Gobolada Woqooyi (Somaliland) balse sidii caadada ahaan jirtay guddoomiyaha aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah odayga ugu da’da weyn isla markaasna ugu xilka sarreeya dadka reer woqooyi (Reer Somaliland) goobjoog kama uusan ahayn mana garab taagneyn Md. Farmaajo, goobta munaasadda ka dhacaysayna gurigiisa tallaabooyin ayey u jirtay” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale siyaasiyiinta kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya ku eedeeyey inay ku shaqeenayaan siyaasad ku dhisan munaafaqnimo isla markaasna wuxuu sheegay in aysan is laheyn waxa ay afka ka sheegayaan in ficilkooda.

” Haddii gobolada xoriyadda loo dabaaldagayo xaaladda ay ku sugan yihiin waqtigaan la joogo aan is hilmaamsiino, una xafladeyno sidii todobaataneedyadii loo xafladayn jiray, haddii dadkii midnimada u taagnaa kuwoodii u waaweynaa aan la qadirinayn laguna dul xafladaynayo, sow ma muuqato in madaxda reer Koonfurtu ay weli munaafaqaynayaan, dhabna aysan ka ahayn waxa ay afka ka sheegayan”  ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Guddoomiyaha Aqal Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaan xalay lagu casuumin xafladdii lagu qabtay Villa Soomaaliya, waxaana weli muuqato inuu taagan yihiin khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labadaan Mas’uul ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey is khilaafsanaa, waxaana ugu dambeeyey khilaafka ka dhashay sida loo maamulayo kuraasta reer waqooyiga ee taalo Muqdisho, wuxuuna sidoo kale Cabdi Xaashi si weyn uga hor yimid qorshihii uu Farmaajo ku doonayey inuu ku sameysto muddo kordhin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaana dhawaan wax kama jiraan ku tilmaamay illaa 6 digreeto uu soo saaray madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi, wuxuuna sababta ku sheegay inaan loo marin wadadii sharciga aheyd.

Madaxweynaha waqtigiida dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa afartii sano ee uu xilka hayey wuxuuna hoos u dhigay awooddii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaanada qaar lacag lagu laalushay halka kuwa kalana loo adeegsaday awood ciidan.

Canada oo qaxooti badan oo SOOMAALI ah qaadaneysa iyo DALKA laga qaadayo

0

Toronto (Caasimadda Online) – Dowladda Canada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay qaadaneyso in ka badan 240 oo badankood qaxooti Soomaaliyeed ah oo ay sharci la’aan ay ku heysato dalka Australia.

Dadka ay Canada qaxooti ahaan u qaadaneyso oo intooda badan ah Soomaali ayaa waxaa sharci u diiday Dowladda Australia, waxayna 150 kamid ah ku xareysan yihiin xeryaha qaxootiga halka inta kalana loo ogolaaday inay sharci la’aan gudaha ugu noolaadaan.

Qorshaha lagu qaadayo qaxootigaan ayaa waxaa iska kaashanayo Dowladda Canada iyo Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNCHR, waxayna Canada ballan qaaday inay qaadi doonto dhammaan qaxootiga ay Australia u diiday Sharciga.

Go’aankan ay ku dhawaaqday Canada waxa soo dhoweeyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan waddanka Australia kuwaas oo la hadlay Idaacadda VOA qeybteeda afka Soomaaliga.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa hadda waxa ay ku nool yihiin dalka Canada iyadoo ay hada dalkaas ka hayaan shaqooyin sar-sare.

Sanad walba gudaha Canada waxaa gala boqollaal qaxooti African ah kuwaas oo magan gelyo u doonta dalkaas, waxayna Dowladda Canada sanadkaan qorsheeneysaa inay qaado Boqolaal kun oo Qaxooti ah.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixintaan oo dhameystiran

Afar ARRIN oo ku saabsan ninka SOOMAALIGA ah ee dadka ku laayey Jarmalka

0

Würzburg (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah xalay ka gaystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka.

Sida laga arkay muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada, ninka falka geystay ayaa la arkayey isagoo toorey dheer wata, oo ay iska caabiyeen dad wadada hareeraheeda marayay.

Booliska ayaa markii dambe joojiyey weerarkan kadib markii ninka Soomaaliga ah ay lugta ka toogteen, waxayna sheegeen inuu gaaray dhaawac aan halis gelineyn naftiisa.

Weerarka ayaa waxaa la xaqiijyey inay ku dhinteyn seddex qof halka dhaawaca uu gaarayo ilaa 10 kale oo qaarkood la sheegay inuu soo gaaray dhaawac aad halis u ah. Saddexda qof ee dhintay waxaa ka mid ah wiil yar iyo mid ka mid ah waalidkii, sida uu sheegay wargayska Main Post. 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria, Joachim Herrmann ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato oo aanan la hubin inay badbaadi doonaan.

Haddaba ogow afar arrin oo ku saabsan weerarka iyo ninka gaystay

1: Ereyadii uu ku dhawaaqayey

Wasiirka Arrimaha gudaha Bavaria, Joachim Herrmann oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku aadan in ninkaan uu falka u geystay sabab la xiriirta xagjirnimo.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in uusan meesha ka saari karin xagjirnimada la xiriirta mintidiinta Islaamiyiinta ah sababtoo ah hal qof oo goob jooge ah ayaa soo sheegay inuu maqlay ninka oo ku dhawaaqaya “Allahu Akbar,”

2: Meesha uu ku noolaa

Sida ay xaqiijiyey Dowladda Jarmalka, ninkaan Soomaaliga ah oo aan weli magaciisa lasoo bandhigin ayaa ku noolaa magaalada Würzburg tan iyo Sanadkii 2015.

Waqtiga uu ninkaan soo geliyey dalka Jarmalka ayaa aheyd sanadkii uu Jarmalka xuduudihiisa u furey in ka badan hal milyan oo muhaajiriin iyo qaxooti ka soo cararay dagaal iyo saboolnimo.

3: Sababta loo qariyey magaciisa

Booliska dalka Jamarka ayaan shaacin magaca ninka falkaan geystay, mana ahan arrin u gaar ah ninka Soomaliga ah ee geystaan falkaan balse waa arrin la arko mar kasta oo ay dhibaato ka dhacdo dalkaas.

Sababta loo qariyey magaca ninkaan geystay falka ayaa lagu sheegay inay tahay dhaqan u yaalo Booliska dalkaas oo aan shaacin magaca qofka dambi galo ama lagu tuhumayo.

4: Xanuun dhanka dhimirka ah

Joachim Herrmann, oo ah Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria oo magaalada Würzburg ay ka tirsan tahay ayaa sheegay in ninka falka geystay uu maalmihii ugu dambeeyey  uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah.

“Xaaladdiisa dhanka dhimirka waxaa la ogaaday bilihii la soo dhaafay, waxaa lagu arkay dabeecad xumo isagoona sameeynayay rabshado.” Ayuu yiri Herrmann.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan maalmihii dhowaa uu marayey daweyn xagga xanuunada maskaxda ah oo lagu qasbay.

Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay 25 GARSOORE kana safray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Dikreeto galabta ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Garsoorayaal, kala fariisan doona maxkamadaha degmooyinka iyo deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaa magacaabidda garsoorayaashaan kadib waxa uu ka soo amba-baxay Dhuusamareeb, isagoo soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri loo asteeyey inuu ka furmo Muqdisho.

Garsoorayaasha uu madaxweyne Qoor Qoor magacaabay iyo degmooyinka uu u kala magacaabay ayaa kala ah:

Maxkamadda Sare ee Galmudug:

  1. Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore
  2. Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- Garsoore
  3. Maxamed C/llahi Ilbir- Garsoore

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud:

  1. Cabdullahi Axmed Cali -Gudomiye
  2. Cabdiraxman Xasan Cali -Garsoore
  3. Cabdirisaaq Cabdulle Xasan – Garsoore

Maxkamadda Gobolka Galgaduud:

  1. Cismaan Cali Maxamed – Guddoomiye
  2. Axmed Salaad Kulane – Garsoore
  3. Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise —Garsoore

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug:

  1. Nuur Cali Culusow – Garsoore
  2. Maxamuud Cabdi Cabdulle -Garsoore

Maxkamadda Gobolka Mudug:

  1. Xuseen Aadan Axmed -Garsoore
  2. Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed – Garsoore

Maxkamadda Degmada Hobyo:

  1. Shaafici Cali Aadan – Guddoomiye
  2. Xirsi Maxamuud Xalane – Garsoore

Maxkamadda Degmada Guriceel:

  1. Maxamuud Jimcaale Xalaned – Guddoomiye
  2. Cabdirisaaq Diiriye Faarax -Garsoore

Maxkamadda Degmada Cadaado:

  1. Cabdicasiis Ciise Cali – Guddoomiye
  2. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud -Garsoore

Maxkamadda Degmada Balanbal:

  1. Xuseen Cabdullaahi Yuusuf – Guddoomiye
  2. Axmed Aadan Cilmi – Garsoore

Maxkamadda Degmada Cabudwaq:

  1. Yuusuf Cumar Maxamed – Guddoomiye
  2. Ibrahim Yusuf Maxamuud – Garsoore

Maxkamadda Degmada Xeraale:

  1. Shariif Ciise Maxamed – Guddoomiye
  2. Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed – Garsoore

Ugu dambeyntii wareegtadan waxaa lagu yiri, “Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan garsoorayaasha Cusub ee la Magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowladda Galmudug. Waa uuna saxiixay.”

Sababta Turkey u dooratay inay Soomaaliya ka dhisto Spaceport iyo shan faa’iido oo ugu jirta Soomaaliya

Waa maxay Spaceport ama Cosmodrome?

Waa meel leh qalabka lagu gano gantaalada xambaarsan dayax-gacmeedyada (satellites). Dayax-gacmeedyada Banii Aadam ka sammaysto waxaa loogu talo galay inay baaraan cimillada adduunyada, beeraha sida ay u baxaan, macdamaysiga, gubidda geedaha iyo dabcan arrimaha ciidamada inay jaasuusaan. Waxaa kaloo loogu talo galay inay baaraan oo war ka keenaan meereeyeyaasha nagu dhow, hab-qoroxeedka (Solar system) iyo galaxy yada aan ku dhex nool nahay sida Milky Way iyo kuwa kale, sida Andromeda Nebula.

Haddaba maxaa Turkey u dooratay inay ka dhisto Spaceport waddan keena? 

Jawaabta waxay la xariirtaa farsamo. Spaceport laga sammeeyo dhulbaraha (Equator) wuxuu suurta gelinaa in xawaaraha uu kaga baxayo gantaalka sida dayax-gacmeedka uu badan yahay. Haddii spaceport laga sammeeyo meelaha ka fog dhul-baraha ee loolashooda badan yihiin (Latitude) waxaa ku baxay shidaal gaas cufan ah oo dareere laga dhigay oo aad u badan. Taas micnaheeda waa xamuul saaid ah oo shidaal ah ayuu wadaa. Waxaana loo baahan yahay xammuul yar inuu sido. Xamuul ka loo baahan yahay inuu qaado oo space ka geeyo waa dayax-gacmeedka iyo qalab kiisa. Mar allaale markaad shidaal badan qaadid, culayska ama cufka aad sare u lalin kartid waa yaraanayaa. Taasna waa khasaaro. Sidaas awgeed, Turkey waxuu rabaa inuu dhul-baraha Soomaaliya ka sammaysto. Gantaalada sida dayax-gacmeedyada way u sahlan tahay inay gaaraan majarraha ay ku wareegi lahaayeen haddii dhul-baraha laga diro. Xawaaraha wareegga dhulka wuxuu ku badan yahay aagga iyo xarriiqa dhulbaraha oo leh xawaare ama kaynaan la eg 465 m/s kaasoo yaraynaya shidaalka loo baahan yahay inay ku gaaraan majarraha (orbit) ku wareegaysan lahaayeen dayax-gacmeed yada oo 200 km ka fog dhulka, inta badan. Dayax-gacmeedyo badan ayaa dhulka ku wareegaysta oo tiradooda lagu qiyaasay 850 sannadkan 2021.

Karaarka dhulka iyo cuf-isjiid kiisa: Karaarka (acceleration) oo cuf-is-jiid ka dhulka uu keeno wuxuu ku badan yahay cirifyad Waqooyi iyo kan Koofur. Sababtana waxay tahay dhulka oo aan kubbad ahayn, oo muuqaal kiia yahay sida ukunta, oo cirifyada u dhuuban, dhexdana ka buuran. Marka aad joogtid cirifyada dhulka, masaafada ama fogaashaha ay kuu jirto bartamaha dhulka way ka yar tahay markaad Dhulbaraha (Equator) joogtid. Taas waxay keenaysaa inaad ka dirtid gantaalada sida dayax-gacmeedyada meelaha dhulka ah ee u dhow dhulbaraha. Dhinaca kale, cufka dhulka (mass) iyo cufnaan (density) giisa waxay u kordhaysaa dhanka dhul-baraha. Sidaas awgeed, markaad dhul-baraha ka dirtid gantaal, xawaaraha dhulka waa 1670 km/saac, marka la barbar dhigo inuu xawaaraha yahay 1180 km/saac. Xawaare xooggan ayuu kaga baxaa dhul-baraha.

Haddaba xaggee ku haboon? Waxaa ku habboon xarriiqa dhul-baraha meelaha uu Soomaaliya ka maro? Waa Jubbada Hoose, degmooyinka Jammaame iyo Afmadow. Haddana waxaa loo baahan yahay inuu ku dhawaado badda si qalabka marka la keenayo looga soo dejiyo dakad arrin taas loogu talo galay oo ku taalla Deemo ama Naftaaquur oo ah tuulooyin deexda Jammaame ee dhul-baraha leh. Markaan ku fiiriyay muuqaal dayax-gacmeed (satellite image) laboo bacaad waaweyn ee deexda ku yaalla ayaa ii soo muuqday. Laakiin meesha Spaceport ga laga sammaynayo waa inay u dhawaataa badda. Baaris taas ka gadaal, waxaa ii soo baxday meesha ugu mac ee ugu habboon inay tahay deexda Deemo ama Naftaaquur ee Degmada Jammaame oo hawshaas Spaceport in laga sammeeyo ku fiican. 

Meel aan meeshaas ka fogaynin ayaa waxay shirkad lagu magacaabo San Marco platform, Broglio Space Centre, Malindi, Kenya ka sammaysatay shirkad Talyaani ah 1967-1988 oo 9 jeer dayax-gacmeed ka dirtay. Dhulbaraha Brazil iyo Dhulbaraha Guyana ee Koofur Ameerika. Spaceport yada iyo Cosmodrome yada ugu caansan waa kuwan: 

1. Bairkonur Cosmodrome ee Kazakhstan ee Ruushka uu ka dirsado
2. Cape Canaveral Space Force Station, Florida, USA
3. Capustin Yar Cosmodrome, Russia
4. Kennedy Space Centre, Florida, USA
5. Jiuquan Satellite Launch Centre, China
6. Satish Dhawan Space Centre, Andhra Pradesh, India
7. Palmachim Air Force Base, Isreal
8. Tanegeshima Space Centre ee Japan
9. Imam Khomeini Space Centre ee waddanka Iran.
10. iyo kuwa kale ee ka jira Australia iyo New Zealnad

Soomaaliya maxay ka faa’idaysaa Spaceport ay Turkiga ka dhex dhistaan Soomaaliya?

a. Shaqo ayaa laga helayaa, khaasatan dhilinyarada wax baratay
b. Waddanka waa dhismayaa: dakad, jidad, dayaarad-degeen iyo dhismaha Spaceport ga. Waxaa la socda kaabayaasha dhaqaale.
c. Farsamo iyo aqoon ayaa laga baranayaa oo laga dhaxlayaa
d. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa sii xoogaysanayaa
e. Aagga Spaceport ga, dhulka u dhow waxaa ka abuurmayo dalxiis

W/Q: Abdulkadir Abiikar Hussein
Almaas University, Mogadishu

Dhallinyaro 26-ka Juun u dabaal-degeysay oo sabab yaab leh loo xiray, Boorama

0

Boorama (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta magaalada Boorama ee gobolka Owdal ku xirxiray dhalinyaro u dabaal degeysay munaasabadda 26-ka Juun, iyagoo weyneynayey maalintaan ku asteysan xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi ee Somalilnd.

Ciidamada Somaliland kama soo hor-jeedin in loo dabaal dego maalintan, balse dhalinyarada xabsiga loo taxaabay waxay ku soo labisteen calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaas xasaasiyad uu ku qabo maamulka Somaliland, maadaama ay sameysteen calan u gaar ah.

Dhalinyaradaan ayaa si ay u muujiyaan dabaal-degooda 26-ka Juun waxay isugu tageen meelo doog leh oo banaanka ah magaalada Boorama, halkaas oo ciidamada booliska Somaliland ay uga dabateen, kadib markii ay ka war-heleen inay sitaan calanka buluugga ah ee Soomaaliya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay dhalinyaradaas oo dusha ka saran gaadiidka booliska Somaliland oo dhex-maraya magaalada, waxaana loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Boorama.

Somaliland marar badan ayey xabsiga dhigtay dad ku labistay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse waxaa muuqata in dhalinyarada ku nool gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay jecelaan lahaayeen midnimo, waxayna qaar badan oo ka mid ah u safraan Muqdisho, si ay uga baxaan caburinta.

Ammaanka, kala dambeynta, ilaa xad adeegyada dowliga ah iyo dimuquraadiyadda ayaa lagu amaanaa maamulka Somaliland, intaas oo maamulkaasi uu uga horeeyo dhammaan maamullada ka arrimiya dhulka kale ee Soomaalidu ay degto, balse waxaa aad loogu dhaliilaa adkeysi la’aanta ka heysata xorriyatul qowlka, waxaana qofka muwaadinka ah xabsi loo dhigaa sanado badan hadal uu afka ka yiri, oo mararka qaar aan wadan wax ficil ah.

Hoos ka daawo warbixin uu ka diyaariyey Dalsan TV

Hoos ka eeg Sawirrada dhalinyarada la xiray

Wararkii ugu dambeeyey qarax maanta lala beegsaday wasiirka amniga Puntland

0

Qandala (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadiid kolonyo oo ay lasocdeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada  Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa Mas’uuliyiintaan lagula beegsaday degmada Qandala ee Maamulka Puntland, waxayna wafdiga ku guda jireen kormeer ka wadeen deegaanka Balli-dhidin ee degmada Qandala.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan oo la hadlay Idaacadda BBC qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in isaga iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ka badbaadeyn qaraxaas.

Wuxuu sheegay in qaraxa uu ku dhintay mid kamid ah askartii ilaalada aheyd ee la socotay halka laba kalana ay ku dhaawacmeen sida uu wasiirka xaqiijiyey.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay howlgal lagula dagaallamayo kooxda Daacish ka wadeen buuralleyda, isla markaana ay u maleynayaan in miinada ay dhulka geliyeen kooxdaas.

Ma jirto weli cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday kolonyada ay la socdeyn Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Puntland.

Buuralayda gobolka Bari waxaa ku xooggan dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al Shabaab oo halkaasi kula dagaalamay ciidanka amaanka Puntland.

Farmaajo oo shaaciyey inay daneystayaal uun yihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay khudbad dheer ka jeediyey munaasabadda xuska 26-ka June ayaa si gaar ah ula hadlay dhalinyarada, isaga oo u jeediyey dar-daaran culus.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyarada qaar oo uu la kulmay ay u sheegeen in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa daneystayaal ah, wuxuuna qiray madaxweynuhu in hadalkaasi uu yahay mid dhab ah, isla-markaana ay siyaasiyiintu ka shaqeeyaan danahooda gaarka ah iyo sidoo kale tan gurigooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen, waxay dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan, sida dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugun siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha intaasi ku daray in haatan ay socdaal is-bedallo ay dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo kacdoon xoogan, si hore loogu sii socdo.

“Dhalinyarada maanta waxaa ku socda isbadal maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa socda dhaqdhaqaaq iyo kacdoon Midnimo doon ah oo xooggan oo ay wadaan dhalinyaro nooga timid waqooyiga” ayuu yiri madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Hadalkani kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo mid uu ku dhaleeceynayo siyaasiyiinta isaga kasoo horjeedo ee mucaaradka ah, maadaama la galayo tartan adag oo ku aadan doorashooyinka soo socda, taas oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho

Sawirro: Sidee 26-ka June xalay looga xusay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ee Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi, ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Somalia, ayada oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa khudbado xambaarsan sooyaalkii halgankii Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyey masuuliyiin, waxgarad, Abwaanno iyo Hoobollada Qaranka Waaberi oo suugaan ku cabbirayey qiimaha gobannimada, waddaniyadda iyo wadajirka.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka Dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku ammaanay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan,” ayuu yiri Farmaajo.

Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dilay WEERAR uu ka gaystay dalka Jarmalka

Wuerzburg (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 10 kalena si darran ayaa loogu dhaawacy weerar loo adeegsaday mindi, oo uu 24 jir ah Soomaali ah xalay ka gaystay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan maalmihii dhowaa uu marayey daweyn xagga xanuunada maskaxda ah oo lagu qasbay, kadib markii laga yaabay hab dhaqankiisa. 

Booliska ayaa markii dambe joojiyey weerarkan kadib markii ninka Soomaaliga ah ay lugta ka toogteen, waxayna sheegeen inuu gaaray dhaawac aan halis gelineyn naftiisa.

Joachim Herrmann, oo ah Wasiirka arrimaha gudaha gobolka Bavaria oo magaalada Würzburg ay ka tirsan tahay, ayaa sheegay in ayada oo inta badan dadka dhaawac ah ay xaaladdoodu ay aad u darran tahay, uusan hubin inta ka bad-baadi doonto. 

Ninka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa ku noolaa magaalada Würzburg tan iyo sanaddii 2015, sida uu sheegay Herrmann.

“Xaaladdiisa ayaa laga war-hayey bilihii tegay, waxaana lagu arkay hab-dhaqan rabshado leh maalmo kahor, kadibna waxaa lagu qasbay inuu maro daweyn dhanka maskaxda ah,” ayuu yiri Herrmann.

Herrmann ayaa goor dambe taleefishin u sheegay, in sida laga soo xigtay hal qof oo ka mid ah goobjoogeyaasha, uu Soomaaliga markii uu weerarka gaysanayey ku qeylinayey “Allahu Akbar”.

“Taasi waxay soo jeedineysaa inay suurta-gal tahay in ficilladiisa ay dhiiri-geliyeen xagjirnimo, balse weli waa la baarayaa,” ayuu yiri Joachim Herrmann.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah wiil yar iyo mid ka mid ah waalidiintiisa. 

Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in dad kale ay ku lug leeyihiin weerarka, islamarkaana xaaladda ay iminka caadi kusoo laabatay. 

Muuqaallo laga baahiyey taleefishinka ayaa muujinaya nin Soomaaliga ah oo cago cad, oo mindi ku eryanaya dadka. Muuqaallada qaarkood ayaa sidoo kale muujiyey dhiig daadsan waddooyinka. 

Würzburg oo ah magaalo qadiimi ah oo ay ku nool yihiin 130,000 oo qof ayaa 100 km koonfur-bari ka xigta magaalada Frankfurt.

Farmaajo oo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Ubax dhigay taallada dhagax-tuur, si loogu maamuso halgameyaashii naftooda u soo huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in halgan adag loo soo maray madax-banaanida dalkeena, isla-markaana taalada Dhadax-tuur ay tahay astaan qaran oo u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay adkeeyaan midnimada iyo wadaniyada, si looga gudbo caqabadaha jira.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee Dalka ayaa ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tilmaamay halgankii adkaa ee loo soo maray madax-bannaanida Dalka ayaa xusay in Taallada Dhadax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loo soo galay gobannimada, waxa uuna dul istaagay caqabadihii ay la kulmeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee inoo horseeday xorriyadda, qarannimada iyo gobannimada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay inaga mudan yihiin geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay Xorriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay midnimada, waddaniyadda, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan XFS, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si mug leh u maamuusayey halyeeyadii u shahiiday gobanimadeenna.

 

DAGAAL culus oo xalay ka dhacay Jowhar + Khasaaraha

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar oo caasimad u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Booliska ee magaaladaasi, waxaana dhex-maray is rasaaseyn khasaare dhalisay oo muddo ka socotay magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan labo askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ay ku dhinteen dagaalkaasi, waxaana jira dhaawac kale oo ka dhashay iska hor imaadkaasi.

Is-rasaaseynta ayaa dhacday, xilli loo dabaal-degayey xuska munaasadda 26-ka June, iyada oo cabsi soo wajahday dadkii ka qeyb-galayey xafladda dabaal-degga.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka dhex-maray labada dhinac, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa goobihii lagu diriray ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelah Dhexe.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha magaalada Jowhar, waxaana ka dhasha khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba ciidamada Haramcad ayaa waxaa halkaasi loo geeyey sugida ammaanka, maadaama ay Jowhar ka dhaceyso doorasho heer baarlamaani ah.

Sawirro: Deni iyo A/Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Siciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardar gelinta arrimaha doorashadda kaas oo uu icilaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Magaalada Muqdisho waxaa horey usoo gaaray Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaa iyana saacadaha soo aadan la filayaa in Muqdisho soo gaaraan madaxda maamulada HirShabelle iyo Galmudug.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor hore oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hortegay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqday madaxweynihii labaad ee soo gaaray Muqdisho, waxaana ka horreeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Shirka Ra’isulwasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmayo Muqdisho ayaa inta badan waxaa looga hadli doonaa hanaanka doorashada iyo qaabka loo wajahaayo kadib markii ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka gaareen heshiis rasmi ah.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga beddelo qaar ka mid qodobadii lagu heshiiyey 27-ka May, inkasta oo ay taasi ku xirnaan doonto sida ay madaxda iskula ogaaldaan, waxaana qodobadaas ka mid ah:

1- Jadwalka doorashada: Waxaa la filayaa in lasoo saaro jadwal doorasho oo cusub, maadaama ay caddahay inuusan hirgeli karin jadwalkii hore oo dhigayey in doorashada ay ku dhacdo 60 maalmood gudahood, oo kasoo billaabaneysa 27-ka May. Waxaa hadda baxday 30 ka mid ah, ayada oo aanay dhicin wax la taaban karo, marka laga reebo magacaabista guddiyada doorashada.

2- Tirada ergooyinka: Waxaa socda dadaallo la doonayo in tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada oo lagu soo kobo 61, halka ay markii hore lagu heshiiyey 101, si loo fududeeyo in doorashada ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona yareeyo qarashka ku baxaya.

3- Deegaan doorashada: Qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba magaalo halkii maamulba. Qodobkan ayaa waxaa u ololeynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonaya in kuraasta HirShabelle iyo Jubaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo. Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Biixi oo DF ku eedeeyey inay ‘cunaqabateyn’ dhaqaale saartay SOMALILAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska 26 June oo ah markii ay gobollada waqooyi qaateen xornimada ayaa weerar afka ku qaaday madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay Somaliland ku qaaday dagaal dhinac kasta leh, isla-markaana ay saartay ‘cunaqabateen’ dhinaca dhaqaalaha ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in afartii sano ee lasoo dhaafay ay ka xayirtay lacag dhan $60 milyan (Lixdan Milyan oo Doollar) oo ah kaalmo uga imaaneysay Bangiga Adduunka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qaramada Midoobay ku dacweysay  dowladda Imaaraadka Carabka oo la macaamishay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda maanta Xamar joogta waxa ay Qaramada Midoobay ku dacweysay Imaaraatka Carabta oo mashaariic ka fulinayay Dekedda Berbera, Heshiiskii London 2012 ee dhigayay in kaalmada sanduuqa naloo furay aan u madax bannaanaano ayay xannibtay oo waxa ay naga joojisay afarta sanadii u dambeysay in ka badan $60 ayaa naga xayiran” ayuu yiri.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ‘meel ka dhac’ ku tilmaamay in xuska 26-ka June oo ah xornimada gobollada waqooyi in lagu qabto magaalada Muqdisho, iyada oo Somaliland ay dagaal ku heyso dowladda federaalka ah.

“Xamar waxa ay leedahay waxa aan u dabbaaldegeynaa Gobollada Waqooyi xorriyadooda, aniga meel ka dhac ka weyn & Gardarro intaa ka weyn ma garanayo, In Xamar tiraahdo anaga ayaa Xukuno Somaliland balse dhanka kale dagaal gudaha ah mid, mid diblumaasi ah, mid xabad ah iyo mid cunaqabateyn ah saarto” ayuu yiri sii raaciyey Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa inta badan dhaliilo hawada u soo mariso dowladda federaalka ah, balse wuxuu hadalkan kusoo aadaya, iyada oo afartii sano ee lasoo dhaafay aan meelna loo dhaqaajin wada-hadalladii muddada fog soo socday ee u dhexeeyey labada dhinac.

SHEEKH SHARIIF oo soo jeediyey talo ku aadan wada-hadallada DF iyo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay qancinta Gobollada Waqooyi (Somaliland) kadib qoral hambalyo ah oo uu hawada usoo mariyey Shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa ku taliyey in waqti la geliyo sidii loo heli lahaa xal fure u noqon kara Dolwad ku dhisan Cadaalad, Midnimo & Walaalnimo taas oo dalka ka saari karta duruufaha kala duwan uu wajahayo.

“Maanta oo kale 61 sano ka hor 26kii Juun 1960 waxa ay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin farxadeed, maalin xorriyadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay qeybo ka mid ah Soomaaliya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib uga fikirno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh ayaa soo bilaabay wadahadalka Dowladda & Somaliland, waxayna labada dhinac kulamo kala duwan ku yeesheen Ingiriiska, Turkiga, Jamhuuriyadda Jabuuti & Imaaraadka.

Afartii sano ee uu xilka hayey madaxwenaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan wax hormar ah laga sameyn wada-hadalaadii u socday Soomaaliya iyo Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya , wuxuuna Muuse Biixi sheegay in Farmaajo uu dhaawac weyn gaarsiiyey wada-haladii u socday Soomaaliya iyo maamulkiisa.

Derek Chauvin oo xukun culus loogu ridday dilkii Floyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ninkii caddaanka ahaa ee horay uga tirsanaa booliska Mareykanka Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sannadood ee badh oo xabsi ah dambiyo la xiriira dilkii George Floyd ee bishii May ee sannnadkii hore ee 2020-kii.

Floyd ayaa geeriyooday ka dib markiii sarkaalka uu jilibka kaga hayay luqunta muddo ka badan 9 daqiiqadood. Mar sii horreeysay Derek Chauvin ayaa qoyska Floyd uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.

Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi.

Dhinaca kale Bannaanka dhismaha ayaa waxay dadka kaga doodayeen in xukunka uu yahay mid u qalma iyo in kale, waxayna dadka qaar ku doodayeen in sannadada lagu xukumay Derek Chauvin ay yar yihiin halka qaarna ay yirahdeen muddada la xukumay iyo dambiga waa ay isu dhigmaan.

Dacwad oogaha ayaa dalbaday in Derek lagu xukumo 30 sannadood oo xabsi ah. Dhanka kale qaeenka qoyska Floyd Ben Camp ayaa xukunka ku tilmamay inuu yahay mid taariikhi ah oo ku aaddan xal u helidda midab takoorka Mareykanka.

Dilkiisii ayaa waxa uu horseeday dibadbayo waaweyn oo ka dhacay guud ahaan dunida.

Mr Chauvin waxaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo loo yaqaanno heerka labaad, taasoo micnaheedu yahay in dilka uu u geystay si aan ku talogal ahayn.

Chauvin ayaa sidoo kale loo sheegay inuu isku diiwaan geliyo inuu yahay dambiile waxaana laga mamnuucay inuu yeesho qori noloshiisa oo dhan.

Qoyska Floyd iyo taageerayaashiisa ayaa soo dhaaweeyay xukunka lagu riday Derek Chauvin.

Mr Floyd walaashiis Bridgett Floyd ayaa sheegtay in xukunka “uu muujinayo in arrimaha ku saabsan naxariis darada booliska ugu dambeyn si dhab ah loo qaatay” laakiin wali “waxaa harsan wado dheer”.

Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in xukunka “uu u muuqday mid ku habboon” laakiin wuxuu qirtay inuusan ogeyn dhammaan faahfaahinta.

Madaxweyne goboleedkii labaad oo Muqdisho yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hortegay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee soo gaaray Muqdisho, waxaana ka horreeyey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa waxa uu la xiriiraa ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaran ee uu dhowaan iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa wararkii ugu dambeeyey ee sheegayaan inuu ku yimid dib u dhac, maadaama lagu ballamay inuu si rasmi u furmo maanta oo Sabti ah.

Dib u dhacan ayaa waxaa sababay arrimo la xiriira dabaal-degga xuska 26-ka June oo maanta ku beegan iyo sidoo kale madaxda qaar oo aan weli soo gaarin caasimada.

Sidoo kale waxaa haatan la sugayaa oo saacadaha soo socda imaan doono Muqdisho madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Puntland.

Wada-hadallada markale Muqdisho ka dhacaya oo ku soo aadaya, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan qodobadii ka fuli waayey heshiiskii horey loo gaaray iyo dar-dar-gelinta jadwalka doorashooyinka 2021-ka.

Qorshaha xasaasiga ah ee Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ma lagu taageri doonaa shirka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu dhowaan ka furmo kulanka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka, ayada oo ay horyaalaan qodobo dhowr ah, oo is-beddel ku sameyn kara heshiiskii doorashada ee horey loo gaaray.

Qodobkan ugu weyn ee la filayo in shirka lagu soo qaado ayaa ah isku day la doonayo in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Isku daygan ayaa waxaa wada madaxweynayaasha HirShabelle iyo Jubaland Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonaya in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda. 

Qorshaha Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa gadaal kaga soo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo isna doonaya in doorashada ay ka dhacdo kaliya magaalada Baydhaba, oo laga soo wareejiyo Baraawe.

Ma cadda inuu hirgeli doono qorshahan, wuxuuna wajahayaa caqabado xooggan oo ay ka mid yihiin sida looga gadi karo madaxweyne Farmaajo oo dagaal adag u galay arrinta Garbahaarey, beesha caalamka, ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada kale.

Farmaajo ma fadhiyo miiska wada-hadalka, waxayna arrintiisa ku go’daa ogolaanshaha ra’iisul wasaare ama diidmadiisa. Sidoo kale beesha caalamka ayaa iyana ka hor-iman karin wax ay ku heshiisyaan madax goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ay suurta-gal tahay inuu taageero qorshahan, isaga oo ugu daneynaya saaxiibkiis Axmed Madoobe, kuna xumeynaya Farmaajo. Waxaan weli caddeyn mowqifka Qoor Qoor, oo haddii isna uu taageero xoojin karta suurta-galnimada ah in qorshahan hirgalo.

Si kastaba, in qorshahan hirgalo waxay ku jirtaa gacanta Rooble, waxaana go’aankiisa uu ku xiran yahay sida ay uga go’an tahay inuu ka horyimaado Farmaajo. Rooble, way u caddahay in Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ay doorashooyin ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey, sidaa darteedna haddii uusan qorshahan taageerin, waa in la helaa xal kale. 

Xuska 26-ka June ee caawa oo lasoo koobay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho caawa waxaa ka socda u diyaar garowgii u dambeeyey ee dabaal-degga maalinta koowaad ee todobaadka xorriyadda Soomaaliya, waxaana saqda dhexe ee caawa saacadu markey tahay 12:00am la saari doonaa calanka dalka.

Sida aan xogta ku heleyno, xuska caawa ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo koobay kaliya hal goob, waxaana loo diyaariyey in lagu munaasabadda 26-ka Juun, waana xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, taas oo dad kooban lagu casuumay.

Warbaahinta madaxa-banaan ayaa galabta lagu war-geliyey in aysan ka qeyb-geli karin munaasabadda caawa ka dhaceysa madaxtooyada.

Cabdulqaadir Maxamed oo wasaaradda warfaafinta u qaabilsan xiriirka warbaahinta mada-banaan ayaa weriyaasha u diray fariin uu uga cudur daaranayo in lagu casuumo kulankaas, isagoo u sheegay in loo soo diri doono Linki, si ay toos ugu baahiyaan munaasabadda.

Fariinta uu Cabdulqaadir uu Weriyaasha u diray waxa uu ku yiri, “Asc Asxabta sharafta leh, Waxaan diyaariyay liis si aan uga qeyb galno xuska 26-ka Juun. Lkn waxaa looga baaqdey goobtii loo asteeyay xafladda Roob dartiis. Hool yar ayayna xaflada ka dhacee  30 TV ma qaado. Sidaas darteed  linkiga  live ka ayaan idinla wadaagi donaa 1001jeer Raali ahaada 1da luuliyo ayaa inoo balana in shaa Alaah.”

Dadkii ugu badnaa ayaa caawa ku sugan fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, kuwaas oo halkaas u soo aaday inay sawirro isaga qaadaan, sidoo kale dadka qaar waxay ku weydiinayaan halka lagu qabanayo munaasabadda weyn ee calanka saarka, si ay uga qeyb galaan.

Dhanka kale magaalooyinka gobollada dalka qaar ayaan caawa lagu dhigeyn wax munaasabad ah, waxaana magaalooyinka aan xaqiijinay ka mid ah Dhuusamareeb iyo Garowe oo kala ah caasimadaha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Lama yaqaano sababta ka dambeysa in caawa caasimadaha dowlad goboleedyada qaar aan laga xusin 26-ka Juun, waxaana caawa oo kale calanka la saaraa saqda dhexe 12:00 am, xilligaas oo ku beegan markii ugu horeysay oo ciidda Soomaaliya laga toogay calanka buluuga ah 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.

Sidoo kale gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa aad looga xusayaa caawa munaasabadda 26-ka Juun, magaalooyin ay ugu horeyso caasimadda Hargeysa ayey ka socdaan munaasabado waaweyn, waxaana ka qeyb-gelaya mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Somaliland, iyadoo ay khudbado ka jeedinayaan madax uu ku jiro Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.

Beyle: Maalin kasta waxaan sameyno waa musuq-maasuq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay sheegay in musuq-maasuqa uu si maalinle ah uga dhaco hay’addaha dowladda, islamarkaana uu ka ballaaran yahay macnaha loo adeegsado erey bixintaas.

Beyle oo ka qeyb-galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa telefishanka Universal ayaa sheegay in musuq-maasuqa uu ku dhex baahay bulshada dhexdeeda, taasi oo u baahan in wax laga qabto, sida uu sheegay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in musuq-maasuqa uusan ku koobneyn lacag la’lunsado, balse uu yahay wax isdaba marin kasta oo ka dhacda hay’addaha dowladda iyo macaamilada bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale waxa uu is-dul taagay in musuqa uu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta mushaaradka ka qaata dowladda, islamarkaana aan xaadirin shaqada ay ku magacaaban yihiin ee ay bilkasta mushaarka ku qaatan.

“Qof baa dhintay walaalkii ha lagu bedelo waa musuq-maasuq. Haddaa u fiirsato maalinkasta waxaa sameynayno Soomaali ahaan waa musuq-maasuq, waxaa ka hadalno oo dhan ayaa musuq-maasuq ah. Markaa musuq-maasuq ma aha lacag la xado ee waa waxaas oo dhan oo ay tahay in aan bedelno,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyntiina waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la bedelo nidaamka dowliga ah iyo hab dhaqanka bulshada caadiga ka noqday, kaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqa.