26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Maxaa sababay isbeddelka siyaasadda Kenya ee Somalia?

Magacaabidda Jeffrey Feltman ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika ayaa rajo iftiimisay. Diblomaasiyaddaas ayaa sare u qaadday dadaallada wax looga qaban karo gobol ay ka jiraan colaado aan wax badan laga fahmin, iyo dhibaatooyin isku miliqsan oo ay hadheeyeen loollan awood iyo dano shisheeye.

Itoobbiya oo culays diblomaasiyadeed kala kulantay buuxinta wejiga labaad ee harada biyoxireenka (Grand Renaissance Dam – GERD) iyo colaadda Tigray ayaa adeegsatay “lobbyist – Holland & Knight” si ay ula jaanqaaddo siyaasadda maamulka Joe Biden dibna loogu xoojiyo saameyntoodii congress-ka Mareykanka.

Diblomaasiyad hufan” waa tubtii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaga badbaaday cunaqabatayn ku soo food lahayd kaddib markii uu ku simbiriirixday talo xumidii Golaha Shacabka.

Dhinaca kale, Nairobi oo xayiraad ku soo rogtay duullimaadyada isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya, maalmo uun ka dib markii Soomaaliya ay si niyad wanaag ah dib usoo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, ayaa June 10, 2021 dib u furtay duullimaadyada hawada Soomaaliya.

Dad badan ayaa su’aal gelinaya xikmadda ka dambeysa tillaabadaas iyo guud ahaan isbeddelka siyaasadda Kenya ee Soomaaliya. Qayb ka mid ah jawaabaha arrintaas ayaa ah: 

  • Kenya oo doonayso inay badbaadsato heshiiska ganacsiga ay la gashay maamulkii Trump iyadoo maamulka Joe Biden uu dib u eegis ku samaynayo si loo hubiyo inuu la jaanqaadi karo ajandahooda, oo ay qayb ka tahay xasilinta Geeska Afrika; iyo 
  • Kenya oo isku muujineyso dunida inaysan khatar ku ahayn deriskeeda ayaa ku barraarugta ashtakada Soomaaliya ay horgeysay Golaha Amniga QM ee xasuuqa dadka rayidka ah iyo burburinta hantida gaarka ah, taasoo maamulka Joe Biden uusan indhaha ka qabsan karin dhici kartana in lagu canaanto mid la mid ah “cunaqabatayntii” lagu soo rogay Addis Ababa oo ahayd “Weysha Gowrac Dibiga Ha Ku Quustee.”

Ka hor inta aan lagu eedayn dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee Tigray, Addis Ababa waxaa weligeedba bogga ku sitay Washington oo u dulqaadan jirtay gaboodfalladeeda dabooli jirtayna daldaloollada maamulladii kala duwanaa ee soo maray.

Dabcan wax badan ayaa isbeddelay tan iyo toddobaadkii ugu horreyay ee June 2020 markii Feltman uu gaarsiiyay dalalka Qadar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya waxa Mareykanku ka filayo. Ujeeddada Washington waa sida ay gacan kaga geysan karto fududaynta xallinta arrimaha murugsan ee Geeska Afrika.

Waxayse su’aal kedis ah ku noqoday dad badan in mar qur ah Muqdisho lagu wada arkay wafdi ka socda Boqortooyadda Sacuudiga iyo Danjiraha Imaaraadka oo aan in muddo ah cag soo dhigin Muqdisho.

Dhammaan digorrogashadaas waxaa loo aaneynayaa inay sababtay “cunaqabateynta,” mase ka tarjumeyso in Washington ay si joogta ah u beddeshay siyaasaddii ay ku dhaqi jirtay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay “ka hortagga iyo xakameynta – deterrent and containment.

Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya iyo Kenya ma awoodi karaan in cilaaqaadku ka sii xumaado meesha uu gaaray. Xidhiidhkooda waxaa had iyo jeer hadheeya “kalsoonidarro.” Waa inay ka gudbaan siyaasadda aragtida gaaban ee ribix doonka ah si hufanna u raadiyaan fursado macquul ah oo sababi kara horumar wadareed raja leh.

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay lix qof + Magacyada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay xukun dil toogasho ah ka fuliyeen xoogaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Saakow oo ka tirsan gobolkaasi ee koonfurta dalka.

Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in toogashada ay ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakow, waxayna ku eedeeyeen lix qof oo la dilay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeyneysay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada lixdaas qof ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen howl-gallo duqeymo ah oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku xoogan gobolladaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab oo xukunkan iyadu soo saartay, ugu dambeyna la fuliyey ayaa sheegtay in lixda qof ay kala yihiin shan rag ah iyo qof dumar ah, waxayna hoosta ka xariiqday inay bixiyeen macluumaad ay siiyeen sirdoonka dowladda Mareykanka.

Magacyada dadka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah 1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36), 2- Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3-Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka, 4-Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 5-Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA, 6-Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.

Toogashada ayaa ku soo aadeysa maalin, kadib markii shalay Puntland dil wadareed ay ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la qisaasay.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay maamusho ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Somaliland oo maxkamad soo taageysa dhallinyaro ay ku haysato arrin yaab leh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shaaciyey in konton dhalinyaro ah la soo xiray kadib markii ay ku labisteen, islamarkaana ay muqaalo iyo sawiro ku soo galeen calanka Soomaaliya, ayaga oo xusayay 26-ka June.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaas la horgeyn doono maxkamada iyo xeer ilaalinta, si loo marsiiyo ciqaabta ficilada ay ku kaceen.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradaas ay gadaal ka riixayaan cid ay ku sheegen inay dano gaar ah ka leedahay Somaliland, islamarkaana ay ku raad-joogan oo deg-deg usoo qaban doonaan.

Ma ahan markii u horeysay ee xukuumadda Somaliland xarig kula kacdo dad ku labistay calanka Soomaaliya, balse waa tiradii u badneyd ee halmar loo xiro arrintaas, midaasi oo la yaab ku noqotay bulshada.

Hoos ka aqri qoraalka kasoo baxay Ciidamada Somaliland

Ciidanka Booliska Gobolka Awdal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro(50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia.

Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada.

Dhalinyaradan ayaa hada ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga.

Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allah

Xog: Wasiiro iyo xildhibaano ka baxay xafladdii 26-ka June kadib arrin la isku qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay habeen hore ka baxeen hoolka lagu qabanayay manaasabaddii loogu dabaal dagayay 26-ka June.

Xafladda oo lagu qabtay hool yar oo ku dhex yaalla xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in dhammaan dadka ka qeyb-galaya oo ay ku jiraan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kalaba loo diiday in ay Mobeelladooda la galaan.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in amarkaas uu ka soo baxay Villa Somalia waxaana diiday oo dibadda munaasabadda uga baxay Wasiirada kala ah Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo ka soo jeedaa Somaliland iyo Wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kasoo jeeda Sool.

Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka baxay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya una badan kuwa ka soo jeeda degaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kalaba. 

Cabashada xubnahaan ayaa ku saleysneyd laba arrin oo kala ah, in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay la geli karaan moobeeladooda islamarkaana aysan jirin daruuf diidi karta iyo haddii laga reebayo in meel gaar ah loogu rido ama looga reebo halka hadda mas’uuliyiinta iyo shacabka la casuumay-ba hal meel looga reebayay. 

Dood muddo socotay ayaa guul dareysatay waxaana la sheegay in xubno badan ay ka baxeen Xafladda halka qaarkoodna ay banaanka hore ka laabteen. 

Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin ku saabsanaa cariiri ka jiray hoolka ay ka dhacaysay xafladda dabaal dagga oo lagu qabtay hool yar kadib markii uu codsaday madaxweynaha Farmaajo, taasi oo iyana keentay in xildhibaano qaar oo aan la casuumin loo diido inay xafladda ka qeyb-galaan.

DF oo war kasoo saartay weerarkii Wisil, iyo wararkii ugu dambeeyey khasaaraha + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkaas oo ahaa mid culus.

Ugu yaraan 30-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayey Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Wasil oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halka dhankooda Al-Shabaab laga dilay 41-dagaalame, sida ay sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo, iskana caabiyey Shabaabkii soo weeraray.

“Xukuumaddu iyadoo dhiiragelineysa guusha shacabka reer Wisil waxay qaaday tallaabooyin deg deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii iyo qaraxyo ay dhulka geliyeen nabadiidka Al-Shabaab,” ayuu yiri Al-Cadaala oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkaas.

Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala deegaanka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda, waxaana galabta Wisil dhaawacyo isugu jira shacab iyo askar ka soo qaaday diyaarad ay dirtay dowladda federaalka, taas oo ka soo dejisay Muqdisho.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada dhexe ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood kooxda looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka DF

Qatar oo QM kahor sharaxday qorshaheeda Soomaaliya

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka hor sharaxday qorshaheeda ku aadan caawimaadda Soomaaliya, ayada mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in loo wajaho qaab dhammaystiran oo looga hortagayo xagjirnimada rabshadaha wata ee ka jirta Soomaaliya.

Go’aankaan ayey Dowladda Qatar ku sheegtay bayaanka uu Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qatar Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani u gudbiyay Qaramada Midoobay.

Ambassador Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani oo ka hadashay munaasabadda asbuucii labaad ee Qaramada midoobay ee La-dagaallanka Argagixisada oo cinwaankeedu yahay “caqabadaha cusub iyo kuwa soo koraya ee tobanka sano ee soo socoto: iyada oo loo marayo dhaqan-celinta iyo dib-u-dhex-galka Soomaaliya,” oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Qatar oo kaashanaysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Hawlgelinta iyo adkeysiga Beesha Caalamka.

Safiirka ayaa sharaxday in Qatar ay taageero siiso Sanduuqa Caalamiga ah iyadoo ay ujeedada tahay ka hortagga iyo la-dagaallanka xag-jirnimada iyo argagixisada, waxayna sheegtay in ay si weyn u aaminsan tahay lama huraanka wax ka qabashada xag-jirnimada rabshadaha wata, iyadoo xustay in howlaha uu qabtay Sanduuqa Caalamiga ah ay ka faa’ideysteen dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

“Qatar waxay leedahay qorshayaal dhowr ah oo caalami ah oo loogu talagalay in lagu dhiso bulshooyin nabdoon, cadaalad ah, oo loo dhan yahay isla markaana kor loogu qaado xasiloonida iyo sinnaanta heerarka siyaasadeed, bulsho, iyo dhaqaal”  ayay tiri Ambassador Sheikha Alya

Waxay sharraxday in Qatar ay higsaneyso inay horumariso dhaqanka nabadda iyo dulqaadka iyadoo loo marayo waxbarashada iyo isboortiga.  Sidoo kale waxay shaacisay in dowladda Qatar ay aad u daneeneyso in la hagaajiyo xaaladaha dhaqaale iyada oo la siinayo fursado shaqo iyo kaalmooyin horumarineed wadamada ku nool xaaladaha khilaafaadka ama kuwa kasoo baxaya.

Sheikha Alya ayaa carabka ku adkeysay  in Qatar ay marwalba tahay saaxiib caalami ah oo la isku halleyn karo oo ay leedahay Soomaaliya, maadaama ay siiso taageero siyaasadeed iyo noocyo kale oo ay ku jirto taakuleynta militariga, si loo xoojiyo laamaha amniga loona wanaajiyo awooddeeda ay ku wajahayaan hanjabaadaha joogtada ah ee uga imaanayo argagixisada.

Waxay hoosta ka xariiqday in garashada Qadar ee wax ka qabashada rabshadaha iyo argagixisada iyo qaadashada habab amni aysan kaligood ku filnayn. Sidaa darteed waxay sheegtay in kaalmada Qadar ay siiso Soomaaliya ay u jihaysay dhinaca bixinta kaalmooyin horumarineed iyo maalgashi dhinacyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo bixinta fursado shaqo oo ka caawiya Soomaaliya soo celinta xasilloonida iyo barwaaqada.

Waxay xustay in abuurista fursado shaqo ay tahay aalad wax ku ool ah oo lagu yareyn karo rabshadaha isla markaana ay muhiim u tahay fududeynta kala-soocidda iyo dhaqan celinta dhallinyarada horay ula xiriiray kooxaha xag-jirka ah ee rabshadaha wata sidaasna ay ku suurta geli karto in dhallinyaradaas ay dib ula midoobaan bulshadooda.

Sheikha Alya ayaa tilmaamtay in howshaas ay tahay mid adag oo u baahan qarash badan loona baahan yahay inay ka wada qeyb galaan hoggaamiyaasha dhaqanka , kuwa Diinta iyo NGO-yada maxalliga ah sidoo kalana ay lagama maarmaan tahay caawinta Beesha Caalamka.

Sheikha Alya waxay iftiimisay doorka Silatech, oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo Qatar ah kana shaqaysa horumarinta bulshada waxayna ka shaqaysaa isku xirka dhalinyarada iyo shaqooyinka iyo xoojinta mashaariicda guuleysta ee dalal badan oo gobolka ah.

Waxay sheegtay in ururku la shaqeynayo la-hawlgalayaasha Soomaaliya si loo horumariyo is-dhexgalka dhaqaalaha iyo nabad ku wada noolaanshaha. Waxay sidoo kale fulineysaa barnaamijyo lagu siinayo kumanaan qaxooti dhalinyaro ah, barakacayaal, iyo kuwa soo noqday fursado nololeed oo waara iyada oo loo marayo tababar xirfadeed, horumarinta xirfadaha ganacsiga yar yar, xirfadaha beeraha iyo kalluumeysiga, iyo shaqaalaynta ardayda qalin jabisay.

Waxay ku dhawaaqday in la aasaasay sanduuq maaliyadeed oo lagu maalgeliyo mashaariicda laguna abuuro fursado shaqo oo la siinayo kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyadoo lagu shaqeynayo shuruucda u degsan Sanduuqa Horumarinta Qatar.

Xog: Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta uu Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe u qaadacay ka qeyb-galka shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada.

Qoraal saaka kasoo baxay HirShabelle ayaa lagu yiri “Dowladda HirShabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir. Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu dareemayo in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysaneyo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay. 

Sida aan xogta ku helnay, Guudlaawe ayaan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka ka dhacaya Muqdisho. Guudlaawe oo ku sugan Turkiga, ayaa awoodi waayey inuu qadka soo galo, hase yeeshee waxaa la qabtay kulanka, ayada oo aan loo sameyn wax cudur daar ah ama aan dib loogu dhigin.

Waxaa sidoo kale, kulankaas lagu go’aamiyey ajendayaasha shirka, taasi oo Guudlaawe aan sidoo kale lagala tashan, wuxuuna madaxweynaha HirShabelle dareemay in laga soo qaaday qof aan miisaan laheyn oo ku gowracan waxa ay isku raacaan xubnaha kale ee golaha wada-tashiga qaran.

Sida ay ku warrameen ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online, ayada oo Guudlaawe uu sidaas dareemayo, ayaa haddana xalay mar kale la go’aamiyey in shirka maanta uu furmo, xilli Guudlaawe uu dalka ka maqan yahay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa markaas kadib sii carrooday, wuxuuna is-weydiiyey sababta marar badan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shirar loogu hakiyey toddobaadyo, isagana loogu dulqaadan waayey maalmo kooban oo uu safar ku maqan yahay, wuxuuna kadib soo saaray qoraalka uu shirka ku qaadacay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa kasii maqnaan doona dalka illaa Jimcaha, markaas oo la filayo inuu kusoo laabto, waxaana hadda hakad galay shirkii kadib go’aankii uu qaatay.  

Xafsa Maxamed Luqmaan oo shaacisay sidii ay saaxiibteed Xafsa Cabdi u shirqooshay

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah, oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa shaaca ka qaaday in Gabar ay saaxiibo ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay.

Wareysi gaar ah oo ay Xafsa Luqmaan siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya ayey ku sheegtay in haweeneydii saaka lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay.

“Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, inkasta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nahay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqmaan.

Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduubkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqmaan soo gashay dukaanka saacadda markay aheyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June.

Xilliga ay dukaanka galeysay ayaa waxaa dukaanka kula sugnaa haweeney kale oo xilligaas magaceeda lagu sheegay Xafsa Abdulwahab.

Muuqaalada ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa waxaa lagu arkayaa Xafsa Maxamed oo kasoo baxeyso dukaanka iyado oo ay la socoto Xafsa Cabdi daqiiqado kadib markii ay dukaanka kabaha lagu iibiyo soo galeyn.

Xafsa Cabdi ayaa la arkaa iyadoo indhaha kala hadleyso nin aan la garaneyn oo fadhiyay kuraasta dukaanka markii iyada iyo Xafsa Maxamed ay ka baxayaan dhismaha.

Maalintaas murugada leh, (Juun 15, 2021) Xafsa Luqmaan waxay sheegtay inay ku sugnayd goobteeda ganacsi ee caadiga ah ee ku taal California xaafadda Islii markii ay Xafsa Cabdi istaagtay oo ay ka codsatay inay u wado Kayole.

“Waxay ii sheegtay inay dukaan ku leedahay Kayole, halkaas oo ay ku iibinaysay qaraha laakiin markii aan tagnay, ma jiraan wax aan ka ahayn balka oo ku faafay meel walba,” ayay tiri.

Xafsa Luqmaan ayaa sheegtay inay salaada maqribka ku dukatay dukaanka ku yaalo Kayole oo ay saaxiibteeda usoo waday, waxayna tilmaamtay in Salaada kadib ay la kulantay afduubka.

Waxay tilmaamtay inta ay ku sugnaayen Bakhaarka ay saaxiibteed Xafsa Cabdi geysay ay ku mashquulsaneyd taleefoonkeeda iyadoo qoreysay farriin qoraaleed isdaba joog ah.

“Markii aan dhameeyay salaaddayda, waxaan arkay laba nin oo xoog leh oo ii imanaya isla markiina waxay bilaabeen inay i garaacaan,” ayay tiri iyadoo ay ilmada ka socoto.

Waxay sheegtay in nimanka afduubka u geystay ay qoorta ka qabteen islamarkaana ay si xun u garaaceen, kadibna waxay sheegtay inay afkeeda ku dabooleen balka si ay uga hor istaagaan inay dhawaaqdo.

Waxay  intaas ku dartay markii la garaacay kadib laga daboolay indhaha, gacmaha iyo lugahana laga xiray in sidaas ay ku geliyeen Haan aan biyo ku jirin sidaasna ay ugu gudbiyeen guri ku yaal Magaalada Matopeni halkaas oo ay dambi baarayaasha markii dambe ay kasoo badbaadiyeen.

“Saaxiibtey isoo waday marka ay dhacayaan waxaan oo dhan isha ayey ka fiirineysa” ayey tiri Xafsa Maxamed.

Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha.

Xafsa ayaa xustay in ay aad isku jeclaayeen iyada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lacagta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsigeeda qudaarta.

“Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri.

Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadiyeen maalintii Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun.

Baarayaasha dambiyada ayaa xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Hafsa Abdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Hafsa Mohamed Lukman.

Labadooda ayaa laga qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay xalay ku hoydeen.

Labada eedeysane weli lama soo taagin maxkamad, wuxuuna wargeyska The Standard sheegay in dadaalkii ay ku doonayaan inay kula xiriiraan qoyska iyo ehelka dhow ee Xafsa Cabdi ay u suurtag geli weysay.

 

Somaliland oo hanjabaad u dirtay laba ka mid xubnaha golaha wasiirada DF + Video

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiir Koore ayaa waxa uu ku eedeyay Mahdi Guuleed iyo Beyle inay ka dambeeyan abaabul ka dhan ah Somaliland oo laga bilaabay deeganadooda, kuwaasi oo inta badan lagu ilduufayo dhalinyarada, sida uu sheegay.

“Koley in aad warqad soo qorataan (Cafis dalbataan) ayaa ku dambeyn doontan, cadaawada aad Jamhuuriyada Somaliland ka galeysaan waa mid idiin qornaan doonto oo bulshadu idiin xasuusnan doontan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in cadaawada mas’uuliyiintaas gashadeen Somaliland, aysan marnaba ilaawin doonin, taasi oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono.

“Waan wada ognahay in waxa Xamar kasoo dhacdaan ama kasoo shaqeysaan aad Hargeysa ku dhistaan, Guryaihiina iyo hantidiiduna waa tirsan tahay,” ayuu yiri Wasiir Koore oo hanjabaad adag hawada u mariyey Mahdi Guuleed iyo Beyle.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka ku dardaaray bulshada reer Somaliland inay meel uga soo wada-jeestan waxkasta oo dhaawacaya jiritaanka Somaliland, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin difaaca iyo nabad-gelyada Somaliland.

30 maalin kadib maxaa ka hirgalay heshiiskii 27-ka May ee doorashada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa 30 cisho ka tagtay 60-kii cisho ee heshiiskii May 27, 2021 ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kaas oo dhigaya in 60 cisho lagu dhameystiro doorashada Soomaaliya.

In kasta oo bil tagtay hadana weli ma jirto wax laga qabtay hannaanka doorashada, iyada oo lagu wado in Muqdisho lagu qabto mar kale shir ay yeelanayaan ra’isul wasaaraha iyo madaxda Dowlad goboleedyada, tiiyo xataa la sheegayo inuu qaadhacay Guud-laawe oo ah madaxweynaha Hirshabelle.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir Maanta  uga furmaya Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hirsahabeelle

Shirkan la filayo inuu dhaco saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro arrimo ay ka mid yihiin

  1. Dib u heshiisiinta Gedo iyo Baladweyn
  2. Jadwalka Doorashada 2021
  3. Ansixinta qorshaha amniga doorashada
  4. Anisixinta habraaca xulista odeyaasha, ergada iyo bulshada rayidka ah
  5. Waxaa kale oo socda dood ku saabsan in ergada 101 lagu soo kobo 51 ergo ah halka labada deegaan doorasho laga dhigayo hal deegaan doorasho.

Intaas kadib, waxaa lagu wadaa in la guda galo doorashada aqalka sare oo ka dhaceysa xildhibaannada baarlamaannada maamul goboleedyada, waxaa kale oo la bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada golaha shacabaka oo gaaraya 275.

GALMUDUG oo war kasoo saartay dagaalkii WISIL

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee gobolka Mudug, Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo u warramay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal ku billowday qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay deegaanka Wisil, kadib weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Mire ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 4:30, isla-markaana ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka ay ka hortegeen dagaalkaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh ay gaarsiiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

“Abaaro 4:30 habeenimo xilliga oo la isku diyaarinayay Salaad Subax ayay weerar gaadmo nagu soo qaadeen kaasi oo ay ku bilaabeen qarax balse khasaaraha iyagu uu soo gaaray,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya

“Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno dhammaan deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah uga joogaan gobolka Mudug, maxaa yeelay awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan kali hadda awoodoodu waxa ay kusoo aruurtay weerarada gaadmada ah,” ayuu sii raaciyey.

Dhanka kale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

PUNTLAND oo toogasho wadareed ku fulisay 21 qof

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey llaa 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamadda ciidamada maamulkaasi oo go’aan ka gaartay kiiskooda.

Xubnaha la toogtay oo dhammaan rag ah ayaa waxaa ay ahaayeen shabakado isku xirnaa oo ay Puntland ku eedeysay inay dad badan ku dileen magaalooyinka maamulkaasi.

Toogashada ayaa ka kala dhacday Gaalkacyo oo lagu dilay 18 xubnood, Garoowe oo lagu toogtay labo xubnood iyo xubin kale oo lagu toogtay magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Sidoo kale ragga la toogtay waxaa ku jiray saraakiil sar-sare oo horey wareysiyo looga qaaday, kuwaas oo qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, isla-markaana ay dilal iyo qaraxyo khasaare dhaliyey ka fuliyeen Puntland, waxaana ka mid ahaa Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-Dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (Jeeri).

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntland Gen. Maxamuud Cabdi Maxamed ayaa fulinta toogashada, kadib la hadlay warbaahinta, wuxuuna ka warbixiyey heerarka maxkamadeynta ee ay soo mareen ragga saaka oo Axad ah ay dilka ku fulisay Puntland.

“Maxkamadda ciidamada waxa ay muddo ku howlaneen in Gobolka Mudug ka ciribtirto dadka laayay labeynta iyo indhaha bulshada, hay’adaha baarista Puntland waxa ay ka qaateen kaalintii ugu weyneed oo qof waliba baaris ayaa la mariyay kahor inta aanay la geyn maxkamadda” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada General Maxamuud.

Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo dad gaaraya 21 qof gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Guudlaawe oo qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa si lama filaan ah u qaadacay shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HirShabelle. 

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa qaadacaadda sabab looga dhigay inaan lagala tashin qabsoomidda shirkan. “Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle,” ayey tiri HirShabelle

HirShabelle ayaa ugu dambeyn sheegtay inay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17-kii September iyo kii 27-kii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago sababta ay sheegtay HirShabelle, haddana ma cadda ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya qaadacaadda Guudlaawe ee shirka, oo la rumeysan yahay in mid ka mid ah qodobada looga hadli doono uu ka mid yahay qodob si gaar ah isaga ugu daneynaya, kaasi oo ah in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo.

Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo laga diidan yahay magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey ayaa olole ugu jiray in doorashooyinka ay ka dhacaan hal magaalo, maalmulkiiba, si ay ugu qabtaan kaliya Jowhar iyo Kismaayo.

Go’aanka uu Guudlaawe qaatay ayaa waxaa durba soo dhoweeyey qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Farmaajo, taasi oo dhalineysa tuhun ku saabsan in qaadacaddiisa ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, inkasta oo aysan caddeyn danta ugu jirta.

Xog: Ciidanka DF oo khilaaf iyo kala shaki dartiis usoo baneeyay furimaha dagaalka

Jowhar (Caasimada Online) – Militeriga Soomaaliya ayaa soo baneeyay degaano badan oo ka tirsan degmooyinka Jowhar, Raage-ceelle iyo Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo dhowaan ay ka qabsadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ciidanka dowladda ay soo galeen Muqdisho kadib safar dheer oo dhulka ah oo ay kaga soo baxeen degaano badan oo dhaca Shabeellada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay usoo baxeen khilaaf saraakiisha dhaxdooda ah, kaas oo salka ku haaya kala shaki ciidanka soo kala dhaxgalay. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka saraakiisha uu sii xoogeestay markii qarax lagu weeraray Korneel Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale. 

“Ciidanka waxaa istaagay wadashaqeyntii ka dhaxeysay waxaana kordhay kala shakiga u dhaxeeya waxayna ku sigteen in dhaxdooda dagaalamaan kadibna waa ka soo baxeen xarumihii,” ayuu yiri sarkaal kamid ah ciidankii ku sugnaa aagga Biya-cadde ee gobalka Shabeellada Dhexe, kuwaas oo habeen hore soo gaaray Muqdisho.

Qaraxii lagu dhaawacay Saneey Cabdulle ayaa waxaa la tuhumayaa in gaarigii lagu fuliyey ay soo fasaxeen ciidanka Gor Gor oo ka amar qaatay madaxweyne Farmaajo, halka ciidanka lala beegsaday ay yihiin kuwii ka hor-yimid muddo kororsiga.

Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday degaanadii ay ka soo baxeen ciidanka dowladda, waxaana la sheegay in ay dileen dhowr qof oo ka tirsan dadka degaanka oo soo dhaweeyay ciidanka xoogga.

Wali Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kama aysan hadlin khilaafka ciidanka, waxaana jira in madaxda wasaaradda ay dareensan yihiin in muddo korarsigii Madaxweyne Farmaajo uu saameen weyn ku dhax yeeshay ciidanka xoogga dalka. 

Al-Shabaab oo weerar ku billowday is-miidaamin ka fulisay Mudug + Khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saaka ka dhacay degaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo loo aadeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku qaadeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi oo u dhexeeyo Hobyo iyo Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay illaa 34 askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ee ku sugan halkaas.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in muddo koobgan ay wareegtay gacan ku heynta deegaanka Wisil, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda saraakiil u hadashay ciidamada dowladdda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxdaasi, isla-markaana ay dib ugu noqdeen deegaanka Wisil.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey waxaa deegaanada Galmudug ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan Al-Shabaab & sidoo kale ciidamada huwanta ay ka wadeen gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Halka lagu bixiyey lacagtii mushaarka ee shaqaalaha maamulka G/Banaadir – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta ay bisha mareyso 27-ka June ayaa wali waxaa mushaarka bishii hore ee May qaadan qaar kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar, waxaana soo baxaya qeyla dhaan xoog leh oo ay dirayaan shaqaalaha mushaarka ka maqan yahay. 

Shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir ee ku qoran Xafiisyada Arrimaha Bulshada iyo Duqa ayaa wali helin mushaarkooda, waxaana la sheegay in qaarka kalane ay haleen laba maalmood ka hor. 

Sababta mushaarka shaqaalaha Gobalka Banaadir bishaan qaar uga soo daahay qaarna ay weysan yihiin ayaa xog aan helnay ay sheegeysaa inay tahay in lacagtii Maamulka Gobalka Banaadir ee dakhliga aheyd loo isticmaalay diyaar garowga toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya. 

Guddoomiye Cumar Filish ayaa qeyb ka ah guddiga qaban qaabada iyo diyaar garowga todobaadka Xorriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana sidoo kale loo sheegay in wixii kharash ah uu ka dabaro guddiga qaban qaabada todobaadka xorriyadda Soomaaliya. 

“Dhaqaalaha Gobalka Banaadir soo gala oo aad u yaraa ayaa haddane waxaa la amray in wixii kharash ah ee ku aadan diyaar garowga todobaadka xorriyadda uu gobaolka bixiyo,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha maamuliyadda ee Gobalka Banaadir. 

Inkastoo aysan warbaahinta la hadli karin shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ee wajahaya mushaar la’aanta ayaa hadane waxaa jirto ay muujinayaan qeylo dhaan badan, islamarkaana ay qaarkood sheegeen in culeesyo dhinaca qoyska ay heystaan. 

Kenya oo dad horleh usoo qab-qabatay afduubkii loo geystay Xafsa Maxamed

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada iyo magacyada laba ruux oo ay sheegeen in laga qabo tuhunka ugu badan ee ah in ay ka dambeeyeen afduubkii dhowaan loo geystay gabar Soomaali ah oo ku nool Nairobi.

Laanta dambi baarista Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa barteeda Internet-ka ku faafisay in ciidamada ammaanka ay saaka gacanta kusoo dhigeen Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah, kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo sidoo kale ganacsato ah.

DCI waxay sheegtay in labadan ruux ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howl-gal gaar ah oo subaxnimadii hore ee maanta ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga  iyaga oo ku sugan deegaanka Kinangop oo ay ka iibsadeen goob maqaaxi ah.

“Kaddib markii ay falka dambiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl-geli jireen,” ayaa lagu yiri qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waaxda dambi-baarista ee dowladda Kenya.

Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono.

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole, waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil xoogan ay u geysteen afduubayaasha.

Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyey afduubka iyo tacadiyada ay la kulmayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nooql dalkaasi oo sare u kacay.

Sida xeeladeysan ee uu mindida ku helay Soomaaligii weerarka ka fuliyey Jarmalka

Würzburg (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa weli baaraya sababta ku kaliftay nin Soomaali ah inuu fuliyo weerar mindi oo uu ku dilay saddex qof, lix kalena ku dhaawacay, kaasi oo ka dhacay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria, Jimcihii.

Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxayaa xog ku saabsan qaabka uu Soomaaligan 24 jirka ah weerarka u fuliyey iyo sida uu ku helay mindida. 

Tuhmanaha ayaa la sheegay in isaga oo aan wadin wax mindi ah uu soo galay dukaan weyn oo alaabaha lagu iibiyo, kadibna uu haweeney weydiiyey halka ay yaallaan mindiyaha, sida laga soo xigtay madaxa booliska gobolka, Gerhard Kallert oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii.

Waxa uu kadib soo qaatay mindi, isaga oo saddex haween ku dhex-dilay dukaanka kahor inta aanu weerarka kusoo qaadin dad ku sugnaa dibedda. Wuxuu halkaas ku dhaawacay lix qof, oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay liidato.

Waxaa kadib laga adkaaday markii booliska ay lugta ka toogteen, isaga oo hadda wajahaya saddex dacwad oo dil ah, iyo lix isku day dil ah, sida uu sheegay qareenkiisa. 

Ninkan Soomaaliga ah ayaa dalka Jarmalka ku noolaa tan iyo 2015.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in si ku-meel gaar ah horraantii sanadkan loo dhigay isbital cudurada dhimirka lagu daweeeyo kadib markii uu mindi ugu hanjabay qof ay iskula noolaayeen xarun ay ku nool yihiin dadka hooy la’aanta ah.

Agaasimaha waaxda dambi-baarista Jarmalka Armin Kühnert ayaa sheegay in baarayaasha ay sidoo kale qoraallo naceyb ah ka heleen taleefonkiisa. 

Wasiirka Arrimaha gudaha Bavaria Joachim Herrmann ayaa sheegay in baarayaasha ay eegayaan in xanuun dhimirka ah ama xagjirnimo islaami ah ay horseeday weerarka.

“Ma garaneyno mid ay tahay dhab ahaan, hase yeeshee midna weli meesha lagama saarin,” ayuu yiri Herrmann.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah uu ku qeylinayey “Allahu Akbar” markii uu weerarka fuliyey. Hase yeeshee ma jiraan dad kale oo sheegay inay sidaas oo kales maqleen. 

Si kastaba, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tuhmanaha aanay booliska ku aqoon wax dambiyo ah “oo u weecan dhanka xagjirnimada islaamiga ah.”

Puntland ‘oo fulisay mid ka mid ah yoolasheeda sifeynta’ Al-Shabaab

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay toogasho ay Puntland saaka ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay horey u xukuntay maxkamadda ciidamada maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa marka hore soo dhoweeyey toogashadan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo, laguna fuliyey illaa 18 xubnood oo ahaa shabakad isku xiran oo Shabaab ah, laguna eedeeyey inay dad badan ku dileen gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan hada ku fulinay Xukunkii Maxkamadeed 18-kii xukumane ee ahaa Shabakadii ugu waynayd Ururka Argagixisada Al-shabaab ee mudada 13 sanaa dhuumashadaa iyo sida Arxan darida ah ku laynayey Bulshada Magaalada Gaalkacyo. Xukunkan Maxkamadeed waxaan ka fulinay Magaalada Gaalkacyo, 18-kii Xukumane Waxaana marinay dariiqii ay mariyeen haldoorka-yagii oo ahayd inaan ka gudno Qisaasta,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay fuliyeen mid ka mid ah yoolashooda ka sifeynta deegaanada Puntland ee kooxda Al-Shaaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Ka maamul ahaan waxaa fulay mid kamida yoolashii aan ka lahayn inaan kaga sifayno Ururka Argagixisada Alshabaab guud ahaan Gobolka Mudug, intaan ka xasuusano waa tiradii ugu badnayd abid ee soomaaliya oo halmar goob fagaaraa lagu toogto, waa maalin taariikhiya maanta oo  dhaxal wanaagsan oo ay ku faani karto unoqon doonta Magaalada Gaalkacyo,” ayuu markale yiri guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Si kastaba waa markii ugu horreysay oo hal maalin oo kaliya toogasho lagu fuliyo rag gaaraya 21 ruux gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ahaa xoogaga Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Xildhibaan Fiqi oo ka hadlay arrintii xalay lagu sameeyey guddoomiye Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha Maamulka Galmudug ahna xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey xafladdii xalay loogu dabaal dagayey munaasabadda 26 June ayaa duray sida Villa Somalia ula dhaqanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo lagu casuumi waayey xafladda..

Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare oo ah odayga ugu da’da weyn islamarkaana ugu xilka sarreeya dadka reer Waqooyiga (Somaliland) aan lagu casuumin xafladda lagu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen madaxda kale ee dowladda dhammaantood.

“Xalay waxaa loo dabaal-dagayey munaasabadda 26 June oo ah maalinta xoriyadda Gobolada Woqooyi (Somaliland) balse sidii caadada ahaan jirtay guddoomiyaha aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah odayga ugu da’da weyn isla markaasna ugu xilka sarreeya dadka reer woqooyi (Reer Somaliland) goobjoog kama uusan ahayn mana garab taagneyn Md. Farmaajo, goobta munaasadda ka dhacaysayna gurigiisa tallaabooyin ayey u jirtay” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale siyaasiyiinta kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya ku eedeeyey inay ku shaqeenayaan siyaasad ku dhisan munaafaqnimo isla markaasna wuxuu sheegay in aysan is laheyn waxa ay afka ka sheegayaan in ficilkooda.

” Haddii gobolada xoriyadda loo dabaaldagayo xaaladda ay ku sugan yihiin waqtigaan la joogo aan is hilmaamsiino, una xafladeyno sidii todobaataneedyadii loo xafladayn jiray, haddii dadkii midnimada u taagnaa kuwoodii u waaweynaa aan la qadirinayn laguna dul xafladaynayo, sow ma muuqato in madaxda reer Koonfurtu ay weli munaafaqaynayaan, dhabna aysan ka ahayn waxa ay afka ka sheegayan”  ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Guddoomiyaha Aqal Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaan xalay lagu casuumin xafladdii lagu qabtay Villa Soomaaliya, waxaana weli muuqato inuu taagan yihiin khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Labadaan Mas’uul ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey is khilaafsanaa, waxaana ugu dambeeyey khilaafka ka dhashay sida loo maamulayo kuraasta reer waqooyiga ee taalo Muqdisho, wuxuuna sidoo kale Cabdi Xaashi si weyn uga hor yimid qorshihii uu Farmaajo ku doonayey inuu ku sameysto muddo kordhin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaana dhawaan wax kama jiraan ku tilmaamay illaa 6 digreeto uu soo saaray madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi, wuxuuna sababta ku sheegay inaan loo marin wadadii sharciga aheyd.

Madaxweynaha waqtigiida dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa afartii sano ee uu xilka hayey wuxuuna hoos u dhigay awooddii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in xildhibaanada qaar lacag lagu laalushay halka kuwa kalana loo adeegsaday awood ciidan.