26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Sanyare: Dadka mad-madow waa dad kharriban waxaa liibaanay dadka cad-cad

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu doortay maamulka degmada Jariiban ee gobolkaasi ayaa waxa uu ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Sanyare ayaa khudbaddiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira nolosha bulshada, sida bixinta canshuuraha, xoojinta amniga iyo horurmarka deegaanadaasi.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyey shacabka ku dhaqan Jariiban in aysan sugin wax la siiyo, balse looga baahan yahay inay iyagu wax qabsadaan, ayna bixiyaan canshuurta maamulka.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa tusaale yaab leh usoo qaatay dadka mad-madow iyo kuwa cad-cad, isaga oo kala jeedo dadka ku nool qaaradda Afrika iyo kuwa cadaanka ee qaaradaha kale, sida Yurub, wuxuuna tilmaamay in marka is-bar bar dhig lagu sameeyo ay horumarka & wax soo saarka ay ku horeeyaan dadka cadaanka ah.

“Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn gudoomiye Cabdiladiif Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Jariiban inay si dhow u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo doortay degmadaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo deegaanada Puntland ay ka jiraan cabasho xoogan oo bulshada ay ka muujineyso lacagaha canshuuraha & sicir barar ka jira deeganada qaar.

Maxaa ka dhacay gobolka Tigray kadib markii ay dib u qabsadeen ciidamada TDF?

Mekele (Caasimada Online) – Dabaal-dagyo waa weyn ayaa xalay illaa saaka ka socday magaalada Mekele ee caasimadda maamulka Tigray ee dalka Ethiopia, kadib markii ay halkaas dib u qabsadeen ciidamada qowmiyadda Tigray, lagana saaray maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy Ahmed iyo ciidamadiisa.

“Ciidamada difaaca Tigray ee TDF ayaa si buuxda ula wareegay magaalada. Indhaheyga ayaan ku arkay, way soo galeen,” waxaa sidaas yiri xubin ka mid ah maamulkii uu halkaas ka dhisay Abiy ee laga eryey.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa xaqiijiyey in ciidamada TDF ay ku yimaadeen baabuurta xamuulka iyo kuwa yar yar oo tiro badan. 

Soo gelitaankooda magaalada ayaa dhaliyey dabaal-degyo xooggan, waxayna askarta kor u ridayeen rasaas halka ay shacabkuna isugu soo baxeen waddooyinka ayaga oo wata calanka Tigray. 

“Magaalada waa ay dabaal-degeysa, qof walba waa uu qoob ka cayaarayaa,” ayuu yiri xubin ka mid ah maamulka ku-meel-gaarka ah.

“Dadka oo dhan ayaa faraxsan, music ayaa waddooyinka lagu garaacayaa. Sidoo kale waxay dadka oo dhan ridayaan buleer, mana qaaan sida ay ku heleen,” waxaa isna sidaas u sheegay AFP, qof ka mid ah dadka deegaanka. 

Maamulka ku-meel gaarka ah ee uu Abiy halkaas ka dhisay ayaa magaalada ka cararay Isniintii markii ay kusoo dhowaadeen ciidamada mucaaradka.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii federaalka iyo booliska ee Addis Ababa raacsanaa ay ka baxeen magaalada.

Dalalka Mareykanka, Ireland iyo UK ayaa Isniintii ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka QM uu ka yeelanayo xaaladda gobolka Tigray, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen AFP.  

Sawirro: Haamo Kiimiko laga soo buuxiyay oo ku caariyay xeebta degmada Cadale

0

Cadale (Caasimada Online) – Haamo sumeysan ayaa kusoo caariyey xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Shacabka ah ee halkaas dagan.

Sida dadka halkaas dagan ay u xaqiijyeen Caasimadda Online, goobaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa kamid ah ah hareeraha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Haamaha la arkay ayaa gaarayo illaa 3 Haan oo waaweyn kuwaas oo afka xiran, waxayna dadka deegaanka sheegeyn in ay sun ka buuxdo.

Dadka dagan meelaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa lasoo daristay cabsi weyn, maadaama laga cabsi qabo inay dilaacaan iyadoo xusid mudan tahay in dadkaas aysan laheyn aqoon ay uga gaashaantaan walxaha kiimimada ah.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa wasaqda iyo kiimikada kusoo daadiyo dowlado badan tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soomaray Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa lagu eedeeyey inay heshiis u saxiixeen dowlado shisheeye si ay xeebaha Soomaaliya ugu soo daadiyaan haraaga kiimikada loo isticmaalo warshadaha iyo hubka casriga.

 

Muxuu yahay mashruuca culus ee uu wado Erdogan ee walaaca laga muujiyey?

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si loo yareeyo saxmadda ka dhalatay marinka mashquulka badan ee ku yaala gacanka magaalada Istanbul wuxuu dhawaan xarigga ka jaray mashruuca kanaal looga dhisayo magaaladaas.

Erdogan ayaa mashruucaan oo uu ku baxayo 15 bilyan oo dollar, laguna magacaabo Canal istanbul, ku sheegay inuu yahay mashruuc han weyn laga leeyahay islamarkaana ah mid ka shaqeenayo danaha shacabka Reer Turki.

“Waxaan u aragnaa mashruuca kanaalka Istanbul in uu yahay midkii mustaqbalka badbaadin lahaa magaalada, waxaan fureynaa bog cusub oo ku saabsan taariikhda horumarka Turkiga,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayay xafladda xarig jarka mashruucaas.

Marka la dhameystiro mashruuca kanaalka waxaa maalin kasta isaga kala gooshi doonaa ilaa 160 maraakiib ah. Waxaa la qorsheynayaa in masaafo ahaan uu ku fadhin doono ilaa 45 kilo mitar, wuxuuna mari doona waqooyiga illaa koonfurta Istanbul, oo galbeedka ayuu ka xigi doonaa marinka Bosphorus.

Mashruucaan ayaa wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad lix sano sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Dowladda Turkiga, balse wuxuu mashruucaan la kulmay dhaleeceyn tiro badan oo ka imaaneyso qeybaha kala duwan ee Bulshada dowladdaas iyo hey’adaha kala duwan.

Dadka dhaleeceynta usoo jeediyey mashruucaan ayaa sabab uga dhigay inuu dhibaato ku yeelan doono deegaanka, sidoo kalaa waxay ku tilmaameyn inuu yahay mashruuc waali ah oo waxyeelleyn u geysanayo bilicda deegaanka iyo Biyaha.

Sidoo kale dhaleeceynta loo soo jeediyey mashruucaan waxaa kamid ah inuu ku kacayo lacag aad u badan taasna ay keeni karto in deymo badan uu soo amaahdo Turkiga.

Dooda looga soo horjeedo mashruucaan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inuu yalis weyn ku yahay noolaha badda, halka uu halis gelin karo biyaha macaan oo ay hadda helaan dadweynaha reer Turki.

Qaar kamid ah ururada beeraleyda Turkiga ayaa sheegay in mashruucan uu ka qeyb qaadan doono burburinta tuulooyin dhowr ah.

Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor iyo Lafta Gareen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan kuwa sugan Muqdisho ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada hoggaamiye waxa ay diirada ku saareen xaaladihii ugu dambeeyey ee soo kordhay iyo fulinta heshiiska 27-kii May laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, kaas oo muhiim u ah doorashada soo socota.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku saabsan labada maamul iyo wada-shaqeyntooda.

Waxa uu kulankan sidoo kale kusoo aadayaa, iyada oo haatan caasimada uu ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana goob jooga ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha maamulka HirShabelle oo shirka uga qeyb-galayo Aaladda Zoom-ka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qodobada qaar ee ku jira heshiiska doorashooyinka wax laga bedalayo, sida in la yareeyo tirada ergada soo dooraneyso xildhibaanada iyo in la koobo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka, haddii ay isku fahmaan golaha.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad kala guur ah, waxaana haatan isku diyaarineysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha.

Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah doorashadii Somaliland ee la gudbiyey?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay isa-soo tarayay cabasho xoogan oo ka dhalatay doorashadii Somaliland ka dhacday 31-kii May, taasi oo qaar kamid ah musharaxiintii ka qeyb-galay ay sheegen in la musuq-maasuqay.

Musharaxiin kamid ah kuwa cabashada ka qaba doorashadaas oo ka sharaxnaa xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa waxay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sarre ee Somaliland, maadama ay ku doodayaan in la dhacay codadkoodii oo la musuqay.

Musharaxiinta maxkamadda u gudbiyey dacwada ayaa warbaahinta u sheegay “in codadkii ay heleen lagu soo saaray musharaxiin kale oo cid gaar ah ay wadatay”, iyagoona xusay in arrintaas ay cadeymo u hayaan.

“Musharixiinta halkan fadhiyaa waxay ka kooban yihiin labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid, dhammaan waxay yihiin musharixiintii labada Xisbi Mucaarad oo codkoodi si xaq daro ah u boobeen, iyaga iyo Komishankuba, waxaan caqliga iyo maankuba yeelayn in dadweynaha ku nool Hawd iyo Hargeysa tiro ahaana ah dad soo saari kara Musharixiintooda,” ayuu yiir Dr. Ciise Kayd oo kamid ah Musharaxiinta dacwada gudbiyey.

“Waxaa nasiib-daro ah in dadka leh misaankaas in labada Xisbi Mucaarad iyo Komishanku codadkii musharixiinta ay ku soo saareen dad iyagu jeebada ku siteen, oo doorashada ka hor sii calamaydaysteen, inay codadkayagii ku soo saareen.”

“Waxaan hayaa anigu in ka badan 800 goobood oo cod iga yimid, waxaan hayaa in ka badan boqol goobood, oo cod iga iman lahaa oo siro la ii soo qoray, waxaan hayaa waraaqihii caddaynta ahaa ee goobahaas eberka la iiga soo qoray, inaan tiro ku lahaa, waxaan lahaa markhaatiyaal aan Xisbiga Waddani ahayn oo ii caddayn doona maalinta ay Maxkamaddu furanto.”

Si kastaba, doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland ayaa aheyd mid isku sidkan oo lagu dooranayay mudaneyaasha golaha deegaanka iyo wakiilada, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof.

Xog: Rooble oo diiday qorshihii Axmed Madoobe iyo Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka maanta Muqdisho ka furmay ku diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo qodob ka mid ah heshiiska doorashada oo la xiriira deegaan doorashada.

Labadan madaxweyne goboleeda ayaa doonayey in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey.

Diidmada Rooble, ayaa waxaa si dadban sidoo kale maanta u xaqiijiyey afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu oo yiri “Ma jirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May.”

Al-Shabaab oo dilay 16-qof, kadib markii 21-nin ay ka toogatay Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bay waxay ku toogteen ugu yaraan 16-qof oo ay ku eedeeyeen in dhamaantood ay sirdoon u aheeyeen Dowladda Soomaaliya Mareykanka iyo AMISOM.

Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ah iyo deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan gobolka Bay ayaa lagu kala dilay dadkaas.

10 ka mid ah 16-kaas qof waxaa la toogtay gelinkii dambe ee maanta, waxaana 5 ka mid ah lagu toogtay fageere ku yaalla deegaanka Buula-Fulaay ee gobolka Bay, halka 5-ta kale lagu toogtay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxayna 10-ka qof ee maanta la toogtay dhamaantood ahaayeen Rag.

Shalay ayaa sidaan oo kale fageere ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose waxay Al-Shabaab ugu toogteen 6-qof, waxayna tirada guud ee dadka saacadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab toogteen gaareysaa 16-qof.

Dadka ay shalay ku toogteen Saakow waxaa ku jirtay gabar lagu magacaabi jiray Fartuun Cumar Abkow, waxayna dhammaan dadkaas ku soo eedeeyeen inay ahaayeen sirdoon u kala shaqeeya Dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo AMISOM.

Dil wadareedkaan ay Al-Shabaab ka geysteen deegaanadan dhaca koonfurta Soomaaliya waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo shalay dowlad goboleedka Puntland uu dil toogasho ah ku fuliyey 21-nin oo ka tirsanaa jiray Al-Shabaab, kuwaas oo maxakamadaha Puntland ay horay u xukumeen.

18 ka mid ah ragaas waxaa lagu toogtay Gaalkacyo, laba kamid ah waxaa lagu toogtay Garowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay nin kale, raggaas badankood waxay muuqaallo la soo bandhigay ku qirteen in 13-kii sano ee lasoo dhafay ay dadka ku dili jireen magaalooyin ay ugu horeyso Gaalkacyo.

Dalalka saacadihii lasoo dhaafay ay 16-ka qof ku fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dadka qaar ku macneeyeen aar gudasho iyo inay ka caroodeen raggaas ka tirsanaa ee Puntland ay laysay, balse waxaa xusid mudan in kooxda Al-Shabaab deegaanada ay ka maamusho dalka mar kasta ka fuliso dilalka dad ay ku eedeeyaan basaasnimo, gogol-dhaf, xatooyo iyo waxyaabo kale.

Tigrayga oo dib u qabsaday caasimadda MEKELE iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed oo ka cararay

Mekele (Caasimada Online) – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa isaga carartay magaalada caasimadda ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay gudaha u soo galeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan.

Xooggaga falaagada Tigray ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen guud ahaan magaalada Mekelle saacado kadib markii ciidammada dowladda federaalka ay isaga huleeleen magaaladaas, kadib xabbad joojin hal dhinac ah oo ay maanta dowladda Addis Ababa ku dhawaaqday.

“Caasimadda Tigray ee Mekelle, gacanteena ayay ku jirtaa”,ayuu yiri Getachew Reda oo ah afhayeen u hadlay falaagada TPLF, xilli uu u waramayey wakaaladda wararka ee Reuters.

Arrintan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sideedda bilood ka socda gobolkaas, iyo guul-darro siyaasadeed oo soo wajahday Abiy Ahmed.

Mucaaradka oo la baxay Ciidamada Difaaca Tigray. Tigray Defence Forces (TDF), ayaa toddobaadkii tegay billaabay weerar culus ayaga oo kusoo beegay doorashooyinka ka billowday dalka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in maamulka uu go’aansaday inuu ka cararo caasimadda Mekele, kadib markii ciidamada TDF ay kaga soo dhowaadeen “dhinac kasta.”

“Qof kasta waa uu cararay. Kii ugu dambeeyey galabta ayuu ka baxay. Gobolka ma lahan wax dowlad ah iminka,” ayuu yiri. 

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan hay’adaha bani’aadannimada oo ku sugan caasimadda ayaa xaqiijiyey in dowladda ay ka carartay halkaas.

“Saraakiisha ku-meel-gaarka ah waxay carareen saaka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adahaas oo isna codsaday inaan la magacaabin.

Goobjoogeyaal dhowr ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada federaalka iyo booliska ay sidoo kale ka carareen Mekele, waxaana lagu warramayaa in rasaas dabaal deg ah laga maqlayo magaalada.

Hey’adda UNCIEF waxay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ku eedeysay in qalabkeedii Mekelle u yaalay burburiyeen, taas oo xad gudub weyn ku ah sharciga Qaramada Midoobe ee ilaalinta xuquuqda shaqaalaha gargaarka.

Xafiiska Abiy Ahmed ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Kahor inta aysan gobolka ka cararin, dowladda ayaa ku baaqday xabad-joojin, ayada oo sheegtay in ciidamada federaalka ee taageersan Abiy Ahmed ay ka baxayaan gobolka. 

Maalmihii dhowaa ayaa dagaal xooggan wuxuu ka socday gobolka, ayada oo ciidamada Tigray ay soo qabsadeen deegaano badan kuna soo siqeen magaalada caasimadda ah ee Mekele. 

Madaxda dowladda carartay Abraham Belay ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in magaalada ay kusoo socdaan ciidamada Tigray.

Naga filo, faah-faahin dheeri ah goor dhow, Insha Allah.

Video: Xukuumadda oo ka warbixisay shirkii maanta, sheegtayna haddi qodobada qaar wax laga beddelayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd ka warbixiyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay Golaha Wada-tashiga Qaran iyo qoddobadii looga hadlay.

Afhayeenka ayaa ugu horeyntii sheegay in shirka maalintiisi koowaad ay soo gaba-gabowday, kaasi oo looga hadlay waxyaabihii qabsoomay mudadii bisha aheyd ee hanaanka doorashada iyo heshiiskii 27-kii May.

Shirka maanta oo uu shir-guddoominayay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo guddiga farsamada ee uu hore u magacaabay Rooble la faray in berri Golaha keenaan qorshahooda ku aadan doorashada.

Afhayeenka ayaa waxa kale oo uu beeniyay in qoddobada qaar laga bedelayo heshiiskii ay hore u saxiixeen ra’iisal wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada, midaasi oo si weyn loo hadal hayey maalmihii la soo dhaafay.

“Guud ahaan waxaa laga wada-hadlay arrimo la xiriira shirkan iyo shirkii 27-kii May, majirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May, wararka qaarkood ee ay dadka sheegayaan ee la isla dhexmarayo wax ka jira majiraan,” ayuu yiri Afhayeenka.

Heshiiskii 27-kii May ay madaxda ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana baxday in ka badan 30-maalmood, taasi oo meesha ka saari karta suurta-galnimada in doorashada ku qabsoomto mudadaas.

DF oo shaacisay liiska Jaamacadaha dalka ee ay aqoonsan tahay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta markale soo saaray liis cusub oo ay ku shaacineyso 63 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

Qoraal Wargelin ahaa oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas ay xaq u leeyihiin inay howshoodii waxbarasho ee ay bulshada u hayeen wali sii wadi karaan, kuwaasi oo hore looga reebay liis ay wasaaraddu ku shaacineysay jaamacadaha ay aqoonsan tahay.

“Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare waxuu ku Wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaani heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodi Waxbarsho ee ay bulshadda u hayeen wali sii wadan karaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

Waxaa xusid mudan in Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya uu 19-kii May soo saaray liis uu ku shaacinayo 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu, kuwaasi oo xiligaas kasoo gudbay wajiga 1-aad ee qiimeeyntii.

Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre ayaa bilihii lasoo dhaafay waday hubinta jaamacadaha, hase yeeshe waxaa soo baxeysa in jaamacadihii hore u haystay ruqsada wasaaradda markale la siiyey, ayada oo aan la ogeyn hanaanka uu guddiga u maray hubinta tayadooda.

Daawo: Xasan oo booqday dhaawacyada WEERARKII WISIL, soona saaray baaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawacyada iyo maamulka isbitaalka, isagoona ku bogaadiyey sida ay ula tacaalayaan dhaawacyada.

Madaxweynihii hore ayaa waxa uu ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Al-Shabaab, wuxuuna xusay inay lagama maarman tahay in laga ciribtiro Soomaaliya argagixisada maalinkasta laynaysa umaddeena.

“Waxaan shacabka, mas’uuliyiinta heer gobol iyo federaal-ba ugu baaqayaa in loo midoobo ciribtirka argagixisada. Lama aqbali karo in cadowgu laayo shacabkeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka tacsi u direy dadkii ku geeriyooday weerarka Wisil, isagoona dhaawacyada ku jira Digfeer u rajeeyay soo kabasho dhakhso ah.

“Eebbe ha u naxariisto muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii Wisil, bogsosho deg-deg ahna ha siiyo dhaawacyada.”

Mareykanka oo fuliyey weerar xooggan oo sare u qaadaya xiisadda kala dhaxeysa Iran

Baghdad (Caasimada Online) – Duqeymo Mareykanka ay fuliyeen oo ka dhan ah maleeshiyo ay Iran taageerto oo ku sugan xuduudda Iraq iyo Syria ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba dagaal-yahan, saacadihii hore ee Isniintii.

Weerarkan ayaa dhaliyey baaqyo deg deg ah oo ku saabsan in laga aarguto, wuxuuna sare u qaaday cabsida laga qaabo inay kasii darto xiisadda Washington iyo Tehran.

Duqeyntan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ee lala beegsado bartilmaameedyo ay taageerto Iran, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Pentagon-ka wuxuu ku qeexay “aargudasho”, waxeyna kusoo aaday ayada oo la isku dayayo in dib loo soo nooleeyo heshiiska barnaamijka nukliyeerka Iran.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in saddex xarun oo militari oo ay adeegsato maleeshiyo ay Iran taageerto, la garaacay – Laba ku yaalla Syria, iyo mid Iraq ah.

Kirby ayaa sheegay in bartilmaameedyada ay adeegsadaan “maleeshiyo ay Iran taageerto, oo ku lug leh weeraro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (drone) oo ka dhan ah shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Iraq.”

Kataeb Hezbollah iyo Kataeb Sayyid al-Shuhada, oo ah laba koox oo hubeysan oo Iraqi ah, islamarkaana xiriir dhow la leh Tehran, ayaa ka mid ah “maleeshiyooyin dhowr ah oo Iran ay taageerto” oo xarumahan adeegsada, sida uu sheegay Kirby.

Danaha Mareykanka ee Iraq, halkaasi oo ay ku sugan yihiin 2,500 oo askar Mareykan ah, ayaa waxaa sanadkan lala beegsaday 40 weerar, oo isugu jira kuwa loo adeegsaday drone, iyo gantaallo toos ah.

AFP + VOA

Sawirro: Shirka wada-tashiga qaran oo ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo looga hadlayo dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka ee dhacaya sanadkan aynu ku jirno ee 2021-la.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho.

Furitaanka shirkan ayaa dood adag ay taagneyd, kadib markii uu qaadacay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, kaas oo ugu dambeyn laga qanciyey tabashadii uu qabay, waxaana shirka uu uga qeyb-galayaa Aaladda Zoom-ka, isaga oo ku sugan dalka Turkiga.

Arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirkan waxaa ka mid ah ka tashiga dib u dhaca ku yimid qodobada qaar heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaadayaa waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, wuxuuna shirka ka socdaa teendhada Afisyoone oo ku dhex-taalla xerada Xalane oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana la’isku diyaarinayaa doorasho baarlamaan & mida madaxweynaha.

 

GALMUDUG oo ciidamo faro badan u dirtay WISIL iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaanka Wisil oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraray halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa weli cabsi ka muujinayo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo.

Galmudug ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah u dirtay Wisil, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa waxa ay kasoo ka dhaqaaqeen magaalooyinka Dhuusamareeb, Hobyo iyo Gaalkacyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Wasaaradda ayaa shaacisay in ciidamadaasi loogu tala-galay inay ka hortegaan dagaalka ay kooxda Al-Shabaab ka wado koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Waxaa xusid mudan in Dawladda Galmudug ay u dirtay gurmad ciidamo fara badan oo laga soo kala diray magaalooyinka Gaalkacyo, Dhusamareeb, Hobyo iyo deegaamo kale oo gaaray nawaaxiga Wisil, kuwaasoo diyaar u ah in ay argagixisada dersi lama ilaawaan u dhigaan maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedkan ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Wisil ee gobolkaasi.

“Dawladda Galmudug waxay tacsi u diraysaa ehelada shuhadadii ku shahiiday weerarkii argagixisada ee Wisil ee isugu jiray ciidamo iyo shacab, ayadoo aan u rajaynayno dhaawacyada caafimaad degdeg ah,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayey gobollada Galgaduud iyo Mudug oo weli ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Xog: Rooble oo diiday codsi ka yimid FARMAAJO oo ku saabsan shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in uu ka qeybgalo shirka maanta ka furmay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble u sheegay in maadaama heshiis laga gaaray doorashada Soomaaliya, islamarkaana shirka hadda qabsoomaya uu yahay mid farsamo iyo dardar gelinta doorashada uu Madaxweynaha daneynayo in uu ka qeybgalo si uu ula dardaarmo madaxda maamullada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeybgalaya. 

Farmaajo ayaa sidoo kale doonayey in niyad-wanaag iyo is-cafis la sameeyo kahor doorashada dalka, si rajada shacabka sare loogu qaado.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweynaha u sheegay in ka qeybgalkiisa ay abuuri karta xasarad siyaasadeed oo cusub, islamarkaana uu dhalan karo khilaaf siyaasadeed oo markale saameeya doorashada Soomaaliya. 

Cadaadis badan kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qancay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha,  waxaana la sheegay in uusan ka qeyb-geli doonin balse waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynaha u ballan qaaday in uu la kulansiin doono Maamul Gobaleedyada dalka oo intooada diidan Madaxweyne Farmaaajo. 

Shirkii la filayay in uu maanta ka qabsoomo Muqdisho ayaa u baaqday qaadacaad uu sameeyey madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo dalka Turkiga ku maqan.  

Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka halkan ka aqriso.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qanciyey Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyey inuu ka qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Rooble oo xiriir khadka telefoonka ah la sameeyey Cali Guudlaawe oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ugu horreyn ka raalli-geliyey tabashadii uu ka qabay shirka maanta ka furmaya Muqdisho.

“Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran,”

Sidoo kale qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu shirka uga qeyb-galayo aladda fogaan aragga ee ZOOM, maadaama uu ka maqan yahay dalka, kuna sugan yahay gudaha wadanka Turkey.

“Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Guudlaawe ayaa ka cabanayey in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysanayo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay, maadaama uusan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka wada-tashiga ee ka dhacaya gudaha magaalada caasimada Muqdisho.

Shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii horey loo gaaray.

XOG: Maxaa dhex-maray odayaasha beesha Sacad iyo Shabaab kahor weerarki Wisil?

0

Wasil (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay irridda hore ee xerada.

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 qof oo isugu jira shacab iyo askar, halka khasaare xoog leh loogu geystay dagaalyahanadii weeraray deegaankaas, Al-Shabaab markii ay gudaha u galeen Wisil waxay madaafiic u qeybiyeen deegaanada kale ee u dhaw, waxyoolo badan ayaana kasoo gaartay dad u badan shacab.

Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala deegaanka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe xoogga isugu geeneysay sidii ay ula wareegi laheyd deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug oo magaalada Wasil ay ku jirto, waxayna horay ula soo xirireen odayaal dhaqanka deegaankaas oo ka soo jeeda Beesha Sacad, waxayna u gudbiyeen dalab ah in maamulka magaalada Wasil lagu wareejiyo Al-Shabaab.

Odayaasha Sacad ayaa si cad uga hor yimid qorshaha Al-Shabaab, waxayna kooxdaan ku hanjabtay inay magaalada Wasil ka sameyn doonto dhibaatadii ay ka sameysay deegaanka Bacaadweyn oo qiyaasatii 30-km u jira Wasil.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer ku fashilmay weerarro ay ku soo qaadeen magaalada Bacaadweyn, balse ugu dambeyntii way u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan, kadib markii ay mid mid u ugaarsadeen odayaashii iyo waxgaradkii ugu muhiimsanaa deegaankaas, taas oo ugu dambeyntii keentay inay is dhiibto beesha Qubeys – Dir oo degta Bacaadweyn, iskana difaaci jirtay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa siyaabooyin kala duwan Magaalada Muqdisho iyo Bacaaweyn ugu dishay dad gaaraya 20 qof oo isugu jiray dhallinyaro, culumo, waxgaradka iyo ganacsato ay ku eedeeyeen inay sabab u yihiin in Al-Shabaab laga hor istaago qabsashada Bacaadweyn, waxayna ugu dambeyntii beesha dagan Bacaadweyn ogolaatay inay hoos tagto Al-Shabaab, kadib cabsi xoog leh oo soo wajahday.

Kooxdaan ayaa dhawaan maamul cusub u sameysay deegaanka Bacaadweyn, waxaana loo sameeyey garsoor iyo ciidan, iyadoo la sheegay in hadda doonayaan in sidaas oo kale ay ka sameeyaa Wasil oo muhiim u ah isku xirka jidka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiir ka tirsan DF Soomaaliya oo ciidamo ku diyaarsaday duleedka Kismaayo – Xog

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Dheere ayaa lagu warramayaa in uu ciidamo beeleed ku diyaarsaday duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku badan yihiin qoyskiisa ama dadka uu ka soo jeedo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirka oo siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, la filayo in kursigiisa lagu doorto Kismaayo maadaama uu ka soo galo Jubaland.

Waxaa suurta-gal ah in kursigaas loo wareejiyo degmada Garbahaarey, hase yeeshee waxaa hadda socda dadaal la doonayo in deegaan doorashada maamul goboleedyada lagu soo koobo min hal magaalo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiir Cabdiraxmaan Dheere uu beeshiisa ka dalbaday in loo diyaariyo ciidamo beesha ah, kuwaasi oo suga ammaankiisa haddii ay dhacdo in uu tago Kismaayo ama la isku dayo in la boobo kursiga beesha, sida uu u sheegay odayaashiisa degaanka. 

Wasiir Cabdiraxmaan Dheere waxa uu kamid ah shaqsiyaadka ugu dhow Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uuna ku jiraa shaqsiyaadka xoogga geliyay in uu badasho kursigiisa inkastoo qorshahaas suurta geli waayay. 

Cabdiraxmaan Dheere ayaa sidoo kale ahaa ninkii ka shaqeeyey heshiiskii uu wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda federaalka, ugana soo goostay Jubaland.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo arkaa in sanadkaan ay ka adagtahay sanadihii hore waxaana sababta lagu sheegay ahmiyadda ay doorashada sanadkaan leedahay iyo siyaasiinta Soomaaliyeed oo aad ukala fogaaday muddooyinkii dambe. 

Q/Midoobe oo warbixin ka soo saartay dagaalkii Wisil

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xafiiska Qaramada Midoobay arrimaha bani’ aadanimada ee OCHA ayaa warbixin kooban ka soo saaray dagaalkii cuslaa ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Warbixinta hay’adda OCHA ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaasi oo khasaare kala geystay ay ku barakaaceen kumanaan ruux oo shacab ah.

OCHA ayaa shaacisay inay barakacaaysha ka cararay dagaalkaasi ay gaareen xerada Dhagaxley, magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi ay soo wajaheen daruufo nololeed iyo hoy la’aan, waxaana ay shaacisay inay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah.

Sidoo kale xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalladaasi sababay barakaca dadka shacabka ah.

Shalaye ayey aheyd markii dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Wisil, kaas oo geystay khasaare xoog-leh.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.