27.1 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Xog: Maamulka dhaqaalaha doorashada oo la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay lasoo geba-gebeeyey shirka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ee looga hadlayey arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lla isku fahmi Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyo iyo sida loo maamulayo, waxaana shirka uu dhammaaday ayada oo aan qodobkaas heshiis laga gaarin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dooday in xafiiskiisa laga maamulo dhaqaalaha ku baxaya doorashada, halka madaxda maamul gobaleedyada ay dalbadeen in la qeybiyo oo maamul kasta la siiyo qiimo gaar ah, sida uu doonana u maamulo.

Qodobkan ayaa lagu heshiin waayey, waxaana la isla gartay in si hoose oo farsameysan loo xaliyo. Dhaqaalaha doorashada ayaa waxaa bixinaya beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah in go’aanka kama dambeysta ah ee cidda maamuleysa uu ayaga ka yimaado.

Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa shalay si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay, ayada oo la qorsheeye in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

Saddex arrin oo Al-Shabaab ay dalbadeen oo qasbay barakac ka socda Mudug

Wisil (Caasimada Online) – Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu hanjabeen in ay soo weerari doonaan.

Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guuraan degaanadooda, haddii aysan bixin doonin lacag ay dul dhigeen Al-Shabaab, islamarkaana aysan keeni karin dhallinyaro u dagaalanta Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dadkan ku amray in la shaqeeyaan maamulkooda, islamarkaana ay u ogolaadaan in dugsiyada Qur’aanka ay macalimiin ka noqdaan xubno Al-Shabaab ah, si carruurta loo baro caqiidada ay aaminsan yihiin Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in boqolaal qoys ay saacadihii la soo dhaafay ka baxeen Bacaadweyn iyo Wasil, islamarkaana ay geereen degaano ku dhow Gaalkacyo si ay u helaan amni.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa u muuqda in ay ku guul dareysteen in Al-Shabaab laga qabto dadka ku nool degaanadaas maadaama ay shacabka awoodi waayeen in ay iska difaacaan qatarta Al-Shabaab ee degaanadaas.

Al-Shabaab ayaa subaxii Axadda weerar culus ku qaaday deegaanka Wisil, waxaana dagaal ka dhacay ku dhintay in ka badan 30 qof. Waxay sidoo kale marar badan horey u weerareen deegaanka Bacaadweyne. 

Sawirro: Koox qaati looga taagnaa MUQDISHO oo gacanta lagu soo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu sugayey amniga guud ee caasimada dalka.

Howl-galladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida uu shaaciyey Gaashaanle Cabdiftaax Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Cabdiftaax ayaa shaaca ka qaaday in ragga lasoo qabtay ay gaaraan illaa 14 ruux, kuwaas oo xilliga gacanta lagu soo dhigayey ku howlanaa furashada dadka rayidka ah.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku sii daray inay ku hubeysnaayeen qoryaha fud-fudud, sida AK47, Bastoolado iyo Mindiyo ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Howl-galka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid lagu baacsanayay kooxaha qowleysatada ah ee dadka furta isla markaana baneystay hantida Shacabka waxaa suuragashay in la qabto 14-ruux oo ku labisan dharka ciidanka iyaga oo watay hubka fud-fudud,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdiftaax Aadan oo ah ku simaha afhayeenka Booliska.

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hotego falalka liddiga ku ah amniga ee ka dhacaya qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

“Bulshada Gobolka Banaadir waxa aan ka codsaneynaa in ay nagu gacansiiyaan kooxaha kale ee aan ku raad-joogno” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa shacabka ku dhaqan gudaha caasimada ay ka cabanayeen dhac baahsan oo habeen iyo maalin loo geysanayo, waxaana tani ay jawaab cad u tahay qeylo dhaanta kasoo yeereysa bulshada oo qaati ka taagan burcad hubeysan.

 

Wadaad caan ah iyo walaalkiis oo lagu dilay BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay Macalin Cali Bashiir Xasan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, balse haatan Imaam ka ahaa masjid ku yaalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Imaamka iyo walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen duleedka magaalada Baydhabo ee caasimada kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Macalin Bashiir ee deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhowaan ka tegay magaalada Boosaaso oo uu ku dhowaad 21 sano ka ahaa Imaam, wuxuuna hadda Mu’din iyo Imaamba ka ahaa  masjidka weyn ee Al-Nawaawi ee ku yaalla magaaladaasi Boosaaso.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay wadaadkaasi iyo walaalkiisa oo si weyn looga yaqaanay deegaanada Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey ciidamada ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Inta badan deegaanada K/Galbeed waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar toos ah oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool.

Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday xero ku taalla Biyo-Cadde

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay markale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeelaha, isla-markaana ay ku sugan yihiin ciidanka dowlada & kuwa AMISOM.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyey xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burudi ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen saldhigga ciidanka AMISOM, balse ma cadda inta uu gaariisan yahay khasaaraha.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamada AMISOM ay dhankooda hooboyiyeaal ku jawaabeen, kadib weerarka lagu soo qaaday xeradooda deegaanka Biyo-Cadde.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan ay ku dishay ugu yaraan illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda haatan degan, hayeeshee waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi.

Biyo-Cadde waxaa ku soo noq-noqday weeraro joogto ah oo ay ku hayaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo ay waxyeelo kasoo gaartay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga oo uu ka mid yahay Korneyl Saney Cabdulle Gaab.

Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.

Puntland oo howl-gal ku dishay xubno Daacish ah

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.

Qoraal kasoo baxay taliska PSF-ta ayaa looga hadlay howl-galkaasi, waxaana taliska uu shaaciyey in lagu dilay xubno ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in xubnaha la dilay ay miino ay ku aasayeen aadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

“Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay  Puntland.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada Puntland laguma shaacin tirada rasmiga ah ee lagu dilay howl-galkaasi ka dhan ahaa kooxda Daacish.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ayaa sare u qaaday howl-gallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba Puntland ayaa xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Islaamiyiinta ah, iyada oo dhowaan xukun toogasho dil ah ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sawirro: Maxuu ahaa u jeedka kulanka Rooble, mucaaradka iyo madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo qaar ka mid ah golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ka dhacay guriga uu madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo galabta la soo gaba-gabeeyey, isla markaana jadwal doorasho laga soo saaray shirkii Rooble iyo madax goboleedyada.

Kulankaan ay caawa isugu yimaadeen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno ka socday golaha midowga musharaxiinta waxaa gogoshiisa dhigay oo madaxda casho sharaf u sameeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Golaha midowga musharaxiinta oo mudooyinkii dambe u muuqday mid ku kala jabay siyaasadda dalka ayaa xubnaha ka socday ee caawa kulankaas ka qeyb galay waxaa ka mid ah, madxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdinaadir Cabdulle.

Xubnaha ugu cad-cad ee ka maqnaa kulankaas waxaa ka mid ah madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuwaas oo aan la cadeyn sababta ka baajisay kulankii ay caawa isugu yimaadeen xubnaha ka kala socday mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horay u muujiyey saluugiisa ku aadan shaandhayntii u dambeysay ee lagu sameeyey guddiyada doorashooyinka, balse illaa hadda ma jiro siyaasi ka hor yimid ama saluugay heshiiskii maanta ay gaareen madax goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo lagu cadeeyey shaxda doorashada.

TPLF oo ku duuleysa Eritrea iyo Amxaarada kadib markii ay qabsadeen Makelle

0

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka, balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’.

TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee ka baxsaday magaalada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle. Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas.

Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalada Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan.

Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka, iyaga oo ridaya baaruud waxayna sitaan calanka ismaamulkii cagta la mariyey ee Tigray, kaas oo hadda soo laba kacleeyey. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socdo banaanka hore ee caasimadda Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidamada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka laga soo galo caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan.

Daawo: Beesha MURUSADE oo baaq u dirtay PUNTLAND

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq culus oo la xiriira dhalinyaro ay xirtay maamulka Puntland oo muddo u xiran, islamarkaana aan lasoo taagin maxkamadd.

Odayaasha ayaa sheegay in dhalinyartaas oo dhan lix qof ay u xiran yihiin maamulka Gaalkacyo ee Puntland, kuwaasi oo ay sheegen inay u xiran yihiin muddo ka badan lix billood.

Dhalinyarta ayaa waxay u tageen Puntland sidii ay uga shaqeysan lahaayeen, ayaga oo qaarkood ka ahaayeen wadayaal mooto bajaaj iyo hiliblayaal, sida ay sheegen Odayaasha iyo waalidka la hadlay warbaahinta.

“Waxaa ka codsaneyna dowladda Puntland, gaar ahaan madaxweyne Deni in ilmahaas uu xoriyadiisa u soo celiyo,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha shirka jaraa’id qabtay ee dalbanayey in dhalinyartaas la sii daayo.

Sidoo kale waxay beeniyeen inaysan wax lug ah ku laheyn dhalinyartaas argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, midaasi oo loo badinayo in maamulka Gaalkacyo uu u xirtay dhalinyartaas, inkasta oo aan loo ogeyn si rasmi ah.

Odayaasha iyo waalidiinta qabtay shirka jaraa’id ayaa ka dalbaday maamulka Puntland in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo dhalinyartaas ama la cadeeyo waxa loo haysto mudada ka badan lixda billood.

Shirka jaraa’id ayaa imanaya xili uu maamulka Puntland uu shalay dil toogasho ah ku fuliyey rag ay ku sheegen inay ka tirsan yihiin kooxaha argixisada.

Hoos ka daawo muuqaalka

Aqriso magacyada guddiga dib u heshiisiinta Gedo ee Rooble uu magacaabay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaare Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isago ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, waxa uu magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland.

Rooble ayaa Guddiga uu magacaabay wuxuu faray inay si deg deg ah u howl-galaan una bilaabaan arrimaha dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, iyagoo wadatashiyo la sameenaya dhammaan dhinacyada dib u heshiisiinta khuseyso.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in howlaha ay qabanayaan guddiga ay la jaan qaadi doonaan qodobka sedexaad ee heshiiskii ay Muqdisho 27 May ku saxiixdeyn Ra’iisul Wasaaraha, madaxda Mamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga uu magacaabay Rooble oo ka kooban 4 xubnood oo ka kala socdo Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ayaa kala ah:

  1. Wasiirka Arrimaha gudaha ee HirShabelle, Maxamed Cali Caadle
  2. Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
  3. Wasiirka Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe Nuunow
  4. Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmudug, Aadan Cismaan Xuseen

Qodobka 3-aad ee heshiiski 27 May ee la faray inay guddigaan ku shaqeeyaan ayaa u qornaa sidaan

  • Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu baaqayaan bulshada Gobolka Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.
  • Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.
  • Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu go’aamiyey abuuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo.
  • Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha XFS.
  • Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubnood ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
  • Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.
  • Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka Degmada Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo.
  • Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Guddiga dib u heshiisiinta in ay ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga.

Jaamacadaha Muqdisho oo war kulul kasoo saartay afar arrin oo maanta lagula kacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen Madaxda ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ASU ayaa waxay cabasho xoogan uga muujiyeen tallaabooyin uu kula kacay maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal ay soo saareen madaxda ururkaas kadib kulamadii ay yeeshen ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiisyada Canshuuraha Berriga degmooyinka gobolka Banaadir uu sameeyay xad-gudub ka dhan ah macalimiinta ku shaqeynaysa duruufaha adag iyo qaar kamid ah goobaha waxbarashada.

“Iyada oo aaney jirin shuruuc si cad u qeexeysa xuquuqda uu leeyahay Macalinka Soomaaliyeed iyo waajibaadka laga rabo, ayaa waxaa soo gaaray Xarumaha Jaamacadaha amar kasoo baxay Xafiisyada Canshuuraha Berriga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dalbanaya in ay soo gudbiyaan gunada ay qaataan macalimiinta si looga jaro canshuur. Waxa uu macalinku ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo dhowr xarumo waxbarasho si uu u daboolo baahidiisa dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sida aad la socotaan burburkii kadib, waxbarashada dalka qeybaheeda kala duwan waxay ku aasaasmeen si is-xilqaan bulsho ah, iyadoo maanta la dareemi karo miraha dadaalka bahda waxbarashada iyo kaalinta ay kaga jiraan dib u dhiska dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale wuxuu Ururka ASU si weyn u cambaareeyay afar hab dhaqan oo uu sheegay inay ku kaceen ciidamo yimid goobaha Waxbarashada, ayaga oo fulinaya amarka maamulka gobolka, kuwaasi oo kala ah;

  1. La soo galid hub goobaha waxbarashada.
  2. Handadaada iyo caga-jugleynta howl-wadeenada goobaha waxbarashada.
  3. Xarig lagula kacay howl-wadeenada goobaha waxbarashada.
  4. Xirida xarumaha waxbarashada iyadoo ay socdaan howlihii waxbarasho ee loogu adeegayay bulshada Soomaaliyeed.

Jadwal cusub oo doorasho iyo go’aano kale oo laga soo saaray shirka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga ee Doorashada Soomaaliya oo labadii maalin ee ugu dambeysay kulan uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay.

Golaha Wadatashiga ee doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in guddiyada doorashada loo furi doono tababarka isla markaasna ay dooran doonaan hoggaanka 30 June illaa 05 July 2021.

Golaha Wadatashiga ayaa jadwalka cusub ee doorashooyinka ku sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare la qaban doono 25-ka July 2021.

Sidoo kale, jadwalka ayaa lagu sheegay in soo xulista iyo diyaarinta ergooyinka doorashada xildhibaanada aqalka hoose la qaban doono 15 July illaa 10-ka August 2021, iyadoo doorshada xildhibaanada bBaarlamaanka la qaban doono 10 August – 10 September 2021.

Dhaarinta Xildhibaanada labada aqal iyo doorashada laba guddoon ayaa lagu sheegay jadwalka cusub in la qaban dooo 20-ka September 2021.

Ugu dambeyntii Golaha Wadatashi ee Doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

DF oo digniin u dirtay 12 Jaamacad oo qaar ku yaalla Somaliland + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 12 Jaamacadood oo ay digniin kama dambeys ah u direyso wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu faray Jaamacadahaas in guddiga ay kula soo xiriiran muddo ku siman 10-maalmood, haddii ay mudadaas ula soo xiriiri waayana ay wasaaraddu kala laaban doonto ruqsadii iyo diiwaan-gelintii ay hore u siisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Guddiga Qaran ee Tacliinta Sarre wuxuu ku wargelinayaa jaamacadaha hoos ku xusan inay Guddiga la soo xiriiraan inta ka horeysa 10/07/2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wargelinta ah ee kasoo baxay Wasaaradda.

“Guddigu wuxuu jaamacadahaan ku wargelinayaa in haddii aysan guddiga lasoo xiriirin ka hor mudada kor ku xusan in Wasaaradda waxbarashada ay kala noqon doonto Ruqsadii iyo diiwaan-galintii ay horay u siisay.”

Jaamacadaha uu guddiga digniinta u direy ayaa waxaa safka hore kaga jirtay Jaamacada Admas oo ku taala Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya iyo nidaamkeeda dowliga ah.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in Guddiga Qaran ee Tacliinta sare uu la xiriiray 12-ka jaamacadooda in ka badan 5-jeer, islamarkaana ay iska dhago tireen oo aysan kasoo jawaabin.

Ma aha markii u horeysay ee Guddiga uu digniin u diro jaamacadaha, hase yeeshe waa midii ugu cusleyd inta la ogyahay, waxaana xusid mudan in guddiga uu kal hore 20 kamid ah Jaamacadaha dalka ku wargeliyay inay soo dhameystiraan habraaca diiwaan-gelinta Jaamacadahooda, kuwaasi oo ay wasaaraddu dib u aqoonsatay.

Hoos ka eeg magacyada 11-ka Jaamacadood

Shabaab oo weerar qarsoodi ah ku qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland

0

Kudhaa (Caasimadda Online) – Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta daabacay in weerar qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab xalay ku qaaday xeebaha gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Weerarkaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayey kooxo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeyn guri ku yaalo jaziiradda Kudhaa, waxana guriga la weeraray daganaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Sida ay baahiyeen warbaahinada taageerta Al-Shabaab, waxaa kooxdaan u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Guddoomiye ku xigeenka Kudhaa Cumar Cabdulle oo u magac dheeraa (Cumar Afloow).

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu qabtay Maxamed Cali Garaar oo ahaa madaxii ugu sareeyey ciidamada Jubaland ee ku sugan Kudhaa.

Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeyn guriga mas’uuliyiintaan ayaa la sheegay inuusan qaadan waqti badan, mana jirin iska caabin sidaas ah maadaama kooxda fulisay howlgalkaan ay ahaayeen kuwa aad u hubeysan.

Kudhaa waa magaalo xeebeed ku taala koonfurta gobolka jubada hoose, waxayna magaalada Kismaayo kaga beegan tahay koonfur, waxeeyna qiyaasti u jirtaa 100Km ama 62 Mile.

Inta aanan lagu magaacaabin magaca hada ee Kudhaa waxaa la oran jiray laanta Gobta iyo Kulmis . Burburkii Soomaaliya ka hor, magaaladu waxaa ahayd meel loo dalxiis tago, waxaana xiligaa imaan jiray dadka ajanabiga ah iyo maamulka gobolka.

DF oo Turkey ka dalbatay inay fuliso heshiis ay la gashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mehmet Yılmaz oo uu ka dalbaday fulinta heshiis ay hore u kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qaaday sidii loo dhaqan-galin lahaa heshiis iskaashi ahaa oo ay horey wasaaradda ula gashay dhiggeeda Turkiga, midaasi oo uu Safiirka ka qaadanayo door dar-dar gelin iyo fudeydin ah.

Heshiiska Is-afgaradka ah ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada, oo wax ka qabaneysa shaqo la’aanta baahsan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka, waxay wasaradda qaadanaysaa door weyn oo taageeraya dalka inuu mar kale cagihiisa ku istaago, waxaana adeegyadii u horreeyay la gaarsiiyay bulshada kuwa ugu nugul,” ayuu yiri Wasiirka oo u mahad celiyay Safiirka kulanka kadib.

Waxa uu xusay in Turkiga uu kamid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd, taasi oo uu ku bogaadiyey wasiirku.

Ugu dambeyntiina Mehmet Yılmaz ayaa asaguna dhankiisa ballan-qaaday in dowladda Turkiga ay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, islamarkaana ay qeyb ka qaadanayaan arrin kasta oo xoojineysa soo kabashada dalkeena.

Wararkii ugu dambeeyey ee TIGRAY iyo mucaaradka oo soo saaray go’aan culus

Mekele (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.

Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen. 

Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele.

“Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.”
Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah.

Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray.

Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo.

“Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres.

Isha: AFP + VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho ka socda oo galay maalintii laabaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo galay maalintiisii labaad oo xiriir ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, halka ay goobjoog yihiin hoggaamiyeyaasha maamul goboleedka dalka iyo sidoo kale duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Intiisa badan waxaa shirka diirada lagu saarayaa dardar-gelinta doorashada iyo wixii ka qabsoomay heshiiska 27-kii May lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa fadhiga maanta ee shirka ka socda Teedhanada Afisyooni warbixin looga dhageysan doonaa guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaar ka mid ah qodobada qaar ee doorashada ayaa sidoo kale la’isku hayaa, waxaana xogta ku helnay in madaxda qaar maamul goboleedyada ay doonayaan in ergada lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii doorashooyinka.

Dhankooda Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taasi beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo, iyada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey, sida ku cad heshiiska la gaaray 27-kii May ee sanadkan.

Si kastaba gabagabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah oo lagu wajahayo qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dheeraaday ka gudubka xaaladda guurka ah, taas oo sababtay in khilaaf xoog-leh uu ka dhasho doorashooyinka, walow haatan heshiis laga gaaray.

FAARAX Macallin oo dhaliil culus u jeediyey DF – Maxaa iska beddalay mowqifkiisa?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macalin Dawaar oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dib usoo celinta xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Faarax Macalin ayaa sheegay in marka hore loo baahnaa in aan lagu deg-degin go’aankii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Kenya, haddii aysan ku adkeysan karin.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay in haatan dib loo soo celiyo xiriirkaasi, isaga oo ku tilmaamay inay tahay arrin nasiib darro ah, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weli ay taagan yihiin eedaha ay Soomaaliya ka tirsaneysay Kenya, wuxuuna intaa ku daray inay sharaf dhac ku tahay arrintan dadka ka shaqeynaya soo celinta xiriirka.

“Shalay adoo goysay xaaladdii aad ka andacootana aysan waxba iska bedalin, bal ay ka sii ballaaran tahay, hadane in maanta aad ku baryooto in adiga aad soo celiso waa nasiib xumo weeyaan,”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka wadanka Kenya.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay weli Kenya faro-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay socdaalkii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tegay magaalada Nairobi i iyo sidoo kale kulmada mucaaradka ay ku yeeshaan dalkaasi.

“Faro-gelinta waxaa ka mid ah Somaliland waa Muuse Biixi oo inta imaaday, Axmed Madoobe, Deni iyo mucaaradka oo dhan oo si joogto ah inta loogu hayo, si loogu adeegto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya.

Hadalka Faarax Macalin iyo eedeyntiisa ka dhanka ah dowlada Soomaaliya ayaa dad fara badan la yaaab ku noqday, maadaama uu siyaasigan ka mid ahaa dadka sida aadka ah u taageersanaa madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xog: Qodob xasaasi ah oo la doonayo in isbeddel loogu sameeyo shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow shirka ka socda Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay inuu socdo isku day lagu yareynayo tirada ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada goolaha shacabka.

Sida aan xogta ku helnay, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in ergooyinka lagu soo koobo 51, halka ay hadda ka yihiin 101, sida ku qoran heshiiskii laga gaaray doorashada ee la saxiixay 27-kii May.

“Madax goboleedyada qaar ayaa ku doodaya in maaliyad ahaan, iyo farsamo ahaan intaba ay ku adag tahay in halkii xildhibaanba ay soo doortaan 101 ergo, taasi oo ka dhigan kumanaan ergo,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Qodobkan ayaa u muuqda mid ay inta badan ka mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada, marka loo eego qodobadii kale ee shirka la horkeenay oo mid ka mid ah durbaba la diiday, kaasi oo la xiriiray deegaan doorashada. 

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa diiday isku day ay Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ku doonayeen in wax looga beddelo deegaan doorashooyinka lagu heshiiyey in doorashada ay ka dhacdo, oo ah laba magaalo halkii maamul goboleedba, iyo magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Waqooyi iyo Banaadiriga.

Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, ayaa taa beddelkeed rabay in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya Jowhar iyo Kismaayo, ayada oo ay ku adag tahay inay ku qabtaan Beledweyne iyo Garbahaareey, sida ku cad heshiiska doorashada.

Labadan Madaxweyne oo ay dantu isku qorshe ka dhigtay ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda.

Si kastaba, arrintan ayaa sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa ka horyimid Rooble, oo sheegay in isbeddel cusub oo lagu sameeyo heshiiska doorashada uu horseedi karo qalalaase siyaasadeed oo cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadan madaxweyne ku goboleed ku qanciyey inuu kala shaqeyn doono xal doorasho loogu qaban karo Beledweyne iyo Garbahaarey.

Sanyare: Dadka mad-madow waa dad kharriban waxaa liibaanay dadka cad-cad

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu doortay maamulka degmada Jariiban ee gobolkaasi ayaa waxa uu ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

Sanyare ayaa khudbaddiisa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira nolosha bulshada, sida bixinta canshuuraha, xoojinta amniga iyo horurmarka deegaanadaasi.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyey shacabka ku dhaqan Jariiban in aysan sugin wax la siiyo, balse looga baahan yahay inay iyagu wax qabsadaan, ayna bixiyaan canshuurta maamulka.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa tusaale yaab leh usoo qaatay dadka mad-madow iyo kuwa cad-cad, isaga oo kala jeedo dadka ku nool qaaradda Afrika iyo kuwa cadaanka ee qaaradaha kale, sida Yurub, wuxuuna tilmaamay in marka is-bar bar dhig lagu sameeyo ay horumarka & wax soo saarka ay ku horeeyaan dadka cadaanka ah.

“Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn gudoomiye Cabdiladiif Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Jariiban inay si dhow u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo doortay degmadaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo deegaanada Puntland ay ka jiraan cabasho xoogan oo bulshada ay ka muujineyso lacagaha canshuuraha & sicir barar ka jira deeganada qaar.