27.1 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

PUNTLAND oo eedeyn halis ah u jeedisay FARMAAJO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani oo qoraal soo geliyey boggiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay sawir gacmeed muran badan dhaliyey oo uu sameeyey farshaxaniistaha caanka ah ee Amiir Caamir, kaas oo u ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan aheyn Shabaab.

Jaamac Deperani ayaa ku eedeeyey in sawirkaas soo saaritaankiisa uu lacag fara badan ku bixiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in tani ay muujineyso in madaxweyne Farmaajo uu lacag ku bixinayo dacaayad ku salaysan difaacidda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkan in khatar laga badbaadiyay wuxuu qof walba ogaanaya markuu arko Madaxweynihii wakhtigiisu dhammaaday oo Lacag ku bixinaya Alshabaab danbi qirtay oo xukun lagu fuliyey, in lagu difaaco dacaayad ku suntan Sawir-gacmeed! iyadoo laga beensheegayo xogta argagixisada la toogtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jaamac Deperani.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sawir gacmeedkaas looga been sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Puntland toogasho wadareed ku fulisay rag ay ku eedeysay inay yihiin Al-Shabaab waxaa si aad ah u soo baxayey hadal-heyn ku aadan raggaasi oo qaarkood ehelladooda ay sheegeen inay tirsanayaan cadaalad darro.

Puntland oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howl-galada ka dhanka ah kooxahaasi.

Xog: DF oo dhexda u gashay qorshihii Sheekh Shariif ee ku aadanaa Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle.

Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble ayaa maalmahaan bilaabi doono in uu la kulmo siyaasiyiinta iyo odayaasha Beladweyn,e gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadli doonaa in la dhameeyo diidmadooda ku aadan maamulka cusub ee HirShabelle.

Beesha Xawaadle oo Madaxweyne ka aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay maamulka HirShabeelle ayaa ku doodaysa in mar kasta kursiga Madaxweynaha gaar u noqdo iyaga, halka Abgaal iyo beelaha kalana ay qabaan in loo tartamo kursigaan oo dad gaar ahaan loo xirin.

Villa Somalia iyo Rooble ayaa howshaan dardar gelin doona maalmaha soo aadan maadaama ay xog ku heleen in uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweyne Cali Guudlaawe geyn doono Beladweyne, taasoo haddii ay dhacdo dhaawac ku ah maamulka Farmaajo.

Xukuumadda ayaa isku dayeysa ina ka hortagto qorshaha Shariif, si aysan ugu noqon fursad sare u qaadda magaciisa, taasi oo caawin karta ololihiisa doorashada.

Rooble ayaa dhowaan diiday qorshe ay wadeyn Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonayey in deegaan doorashada lagu soo kobo hal magaalo maamulkiiba, si ay uga baxsadaan in doorasho ay ku kala qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey oo laga diidan yahay.

Yaa ka dambeeya AMNI darrada ka jirta Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee caasimada.

Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordhayeen falal liddi ku ah amniga ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay soo kordheen qaraxyo joogto ah, dilal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka muhiimka ah.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku eedeeyey falalka amni darrada ah ee soo kordhay inay ka dambeeyaan  gacmo qarsoon oo shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortego falalkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aan la sugi karin amniga, haddii aysan ka qeyb qaadan shacabka oo uu ku booriyey in la shaqeeyaan ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Marka laga tego qaraxyo iyo dilalka qorsheysan waxaa maalmahaan kusoo kordhay caasimada dhac baahsan oo ay geysaneyso burcad hubeysan, walow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ay soo qabteen rag hubeysan oo dhac geysanayey.

Si kastaba dhibaatooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan lagu jiro marxalad kala guur ah oo la’aadayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

ABIY AHMED oo sabab yaab leh u yeelay qabsashada ciidanka Tigrayga ee Mekelle

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, isaga oo sheegay in sababta ay tahay in magaaladaas aysan hadda kadib aheyn “muhiimadda dagaalka”.

“Markii aan galnay Mekelle toddoba ama sideed bil kahor, waxaan u sameynay sababtoo ah waxay aheyd muhiimadda iyo xudunta dagaalka,” ayuu Abiy u sheegay warbaahinta dowladda, oo muuqaalkiisa baahisay Arbacadii.

“Waxay aheyd xarunta dowladda. Xarunta kheyraadka la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn. Hase yeeshee waqtigii aan ka baxnay ma jiraan wax muhiim ah oo ay leedahay marka laga reeebo 80,000 oo qof oo shacab ah iyo kuwa shacabka bililiqeysta…waxay lumisay mhiimaddeeda,” ayuu yiri.

Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa hadallada Abiy ku tilmaamay been, wuxuuna sheegay in ciidamada Ethiopia lagu qasbay inay magaalada ka baxaan. 

“Xaqiiqda ah inuu sheegay inay ka baxeen Mekelle, waa been cad. Waxaan uga adkaanay cayaartoyda. Waa ay guul-darreysteen,” ayuu Getachew u sheegay Reuters. 

Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa Talaadadii sheegay in ciidanka federaalka ay dib u geli karaan magaalada Mekelle. “Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Eritrea oo horey loogu eedeeyey inay xadgudubyo ka gaysteen gobolka ay hadda ka baxeen. 

Hase yeeshee Getachew ayaa sheegay in taasi aysan sax aheyn, isaga oo intaas ku daray in ciidamada Eritrea ay isku urursanayaan qeybaha waqooyi ee Tigray, si ay “naftooda u difaacaan.”

Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed.

Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. 

Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.

Al-Shabaab oo beegsaday shacab caano iyo biyo ku soo dhoweeyey ciidanka DF

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay beegsaday dadka degan tuulooyin ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle, kuwaasi oo maalmo kahor degaanadooda la sheegay in ay ku soo dhaweeyeen ciidamadii dowladda ee Al-Shabaab ka saaray qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in ku dhowaad 5 qof ay Al-Shabaab ka afduubteen degaanada kala ah Warciise, Qoordheere, Wardhagax iyo Dabagaab oo ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa gubay ugu yaraan saddex guri, kuwaasi oo dab la qabadsiiyay kadib markii ay dadkii daganaa ay ka carareen Al-Shabaab.

Dadka la beegsaday ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibsadeen ciidankii dowladda ee degaanadaas soo galay todobaadyo ka hor balse dib uga laabtay, halka qaarkoodna ay degaanka ku soo dhaweeyeen.

Dadka degan degaanada ay Al-Shabaab cadaadiska saareen ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qaarkood guryahoodii ka soo carareen, markii ay naftooda la baxsadeen kadibna guryahooda la gubay.

Milateriga Soomaaliya ayaa qabsaday degaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeellada Dhexe maalmo kahor waxaana caano iyo biyo ku soo dhaweeyay dadka degaanka, inkastoo ay ciidankii dowladda dib uga baxeen deegaanadii ay qabsadeen.

Al-Shabaab oo dib ugu laabtay degaanadaas ayaa billaabay inay dadka degaanka saaraan cadaadis badan islamarkaana ay qaarkood afduubtaan. 

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabeelle iyo Milateriga Soomaaliya, kaasoo ku aadan xaaladda ay wajahayaan dadkii ku dhaweeyay degaanadii ay maalmo ka hor ka soo laabteen. 

James Swan oo soo saaray farriin ku socota Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano kahor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad iyo barwaaqo ah oo ku dhisan midnimo, sinnaan iyo cadaallad.  

“Ka-go’naanshahaas ilaa iyo hadda wuu sii jiraa waxaana dhowaan tusaale u noqday shir-madexeedkii 27kii Maajo ee sida guusha leh ku soo dhammaaday iyo wada shaqeynta joogtada ah ee loogu gogol xaarayo doorashooyinka qaranka,” ayuu yiri James Swan.

“Iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u dabaal-degayaan Maalinta Madaxbanaanida, ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay mar kale ballan-qaadayaan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda mustaqbal nabad ah oo lagusoo dabaalo dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Swan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey

Sawirro: Farmaajo oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.

Sidoo kale Madaxweynaha oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Magacyada 8 qof oo Al-Shabaab ay maanta toogteen iyo tirada guud ee toddobaadkan oo gaartay 24

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Ururka Al-Shabaab ayaa galabta mar kale 8-qof ku toogtay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunyabarow ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ay ku soo eedeeyeen basaasnimo.

Nin sheegtay Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka raggaas la dilay ayaa sheegay in dhammaantood ay qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay oo ah inay u basaasayeen diyaaradaha duqeymaha u geysta kooxda ee dowladda Mareykanka.

“Dadka maanta la dilay waxaa kamid ah laba Nin oo mas’uul ka ahaa inta badan duqeymihii ay diyaaradaha  Mareykanka  sanadihii lasoo dhaafay ka geysanayeen magaalada Kuunyo Barroow iyo hareeraheeda,” sidaas waxaa ku warantay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo maalinkii Al-Shabaab deegaanada Puntland looga toogtay 21 nin oo kala shaqeyn jiray dilalka qorsheysan, waxay kordhiyeen toogashada dadka ay ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka caawiya dhanka ammaanka, sida dowladda Mareykanka oo diyaaradeheedu ay duqeymo la beegsadaan kooxda.

Afartii maalmood ee u dambeysay fagaarayaal ku kala yaalla degmooyinka Jilib, Kuunyabarow, Buula-fulaay iyo Saakow oo dhamaantood ka tirsan Koonfurta Soomaaliya ayey ku toogteen 24-qof oo haweeney ay ku jirto.

Dhammaan dadkaas waxay kooxdu ku eedeysay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya. Cabsi xoog leh ayaa la soo warinayaa inay soo wajahday dadka ku nool gobollada ay dalka ka maamulaan Al-Shabaab.
8-da qofood ee maanta lagu toogtay Kuunyo Barrow ayaa lagu kala magacaabi jiray:

1- Calas Cali Cabdulle oo 51 sano jir ah, 2- Cabdi-Waaxid Cabdullaahi Diiriye Carrabey oo 25 sano jir ah, 3- Cabdulqaadir Maxamed Abow, 4- Abuu Cabdinuur Fanaay Abuu Weershe oo 35 sano jir ah, 5- Cumar Cabdiraxmaan Cumar Dooyow oo 36 sano jir ah, 6- Xasan Cabdulqaadir Cumar, Xasan Beeriyow oo 31 sano jir ah, 7-Abuukar Cabdi Cumar Abuukar Baseey oo 31 sano jir ah, 8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ah.

Daawo: Booliska oo war ka soo saaray howlgalkii cuslaa ee ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo lagu soo qabqabtay burcad maalmihii u dambeeyey dhac xoog leh ka geysatay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in burcad dhac laba maalin ka hor dhac u geysatay dukaan ku yaalla isgoyska Soobe ay ku guuleysteen inay soo qabtaan mid ka mid ah labadii nin ee dhaca u geysatay dukaankaas oo aad baraha bulshada loogu faafiyey saacadihii u dambeeyey.

Sidoo kale Burcad kale oo dhac ka kala geysatay isgoyska Tarabuunka, inta u dhaxeysa isbitaallada Banaadir iyo Digfeer iyo isgoyska Al-Barako ayuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo lagu soo qabtay gaadiid ay wateen iyo agabkii ay dadkaas ka dhaceen.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay hayaan hanti badan oo isugu jirta moobeello, Dahab, mooto Bajaaj iyo Lacag, kuwaas oo dib loogu celi doono dadkii lahaa.

Ugu dambentii afhayeenka booliska Soomaaliya waxa uu sheegay in dukaankaas laga dhacay 19 taleefoon oo 15 ka mid ah ay Iphono ahaayeen.

Dhanka kale waxaa iska goobtaas warbaahinta kula hadlay milkiilaha dukaankii aad ugu faafay baraha Bulshada iyadoo dhac loo geysanayo maalin cad.

Milkiilaha oo uu garab taagnaa wiilkii xilligaas ku sugnaa dukaanka oo dhaawac uu ka soo gaaray bistoolad ay tuugadu madaxa uga garaaceen, ayaa u mahad celiyey ciidamada ammaanka iyo warbaahinta oo aad u baahisay dhacii loo geystay dukaankiisa.

Hoos ka Daawo Afhayeenka iyo Milkiilaha dukaankii la dhacay

 

Daawo: DF Soomaaliya oo digniin culus ka soo saartay munaasabada 1-da Luuliyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Buula-Kamey ayaa soo saaray digniin ku socota ciidamada dowladda Soomaaliya, taas oo la xariirta dabaal degga munaasabadda 1-da Luuliyo.

“Ummada Soomaaliyeed ee u dabaal degeysa munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa mamnuuc ah in rasaas lagu argagixiyo ama dhibaato ay u geysato,” ayuu yiri Jeneraal Buulakamey.

Xeer ilaaliyaha ayaa qiray in sanadkii hore rasaas ay rideen ciidamada dowladda ay shacabka u geysatay khasaare, isagoo ka digay in taas oo kale ay soo noqoto.

“Sanadkii hore waxaa dhacday in rasaastii macna darrada loo riday in dad shacab ah ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo aan waxba galabsan, sidaas darteed digniin waxaan u jeedinayaa ciidamada qalabka sida, cid kasta oo waxyeelo geysata ama rasaas dadka ku argagixisa iyadoo munaasabada ku marmarsiyooneysa, waxaan hor keeni doonaa sharciga, ciqaabta u qalanta ayaana marsii doonaa,” ayuu Xeer ilaaliye Buulakamey hadalkiisa ku sii daray.

Soomaaliya ayaa ku guda jirta dabaaldegga todobaadka xorriyada, waxaana caawa ilaa berri oo Khamiis ah loo dabaal degi doonaa munaasabadda 1-da Luuliyo oo ku asteysan 61-sano ka hor markii ay gumeystihii Talyaaniga ka xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka, isla markaana ay midoobeen gobollada koonfur iyo waqooyi ee Jamhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Ciidamada Tigray-ga oo qabsaday magaalooyin kale iyo wararkii ugu dambeeyey

Mekelle (Caasimada Online) – Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed. 

Guulaha militari ee mucaaradka iyo hadalladooda adag ayaa shaki gelinaya inay shaqeyn doonto xabad-joojinta halka dhinac ah ee ay dowladda federaalka ku dhowaaqday Isniintii.

Mucaaradka ayaa shalay qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. 

Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.  

Qabsashada Shire ayaa u muuqata inay jabhadda TPLF kaga dhabeyneyso wacad ay martay Isniintii, kadib qabshasadii Mekelle, oo ahaa inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka.

“Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay TPLF, Isniintii.

Hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee ICG ayaa Talaadadii sheegtay in TPLF ay hadda “gacanta ku hayso inta badan gobolka, oo ay ku jiraan magaalooyinka waa weyn.”

“Waxay guulahan inta badan ku gaartay taageerada weyn ee ay ka haysato shacabka iyo qabsashada hub iyo agab ay kala wareegtay cadowgeeda,” ayuu yiri William Davison oo ah taxliiliye ka tirsan ICG. 

Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa Talaadadii u sheegay AFP inay cadowgooda ku eryan doonaan meelo ka baxsan Tigray — xitaa illaa caasimadaha Ethiopia iyo dalka deriska ah ee Eritrea, oo xulufo la ah Abiy.

MAREYKANKA oo saxaya qaladkii ka dhashay go’aankii Trump ee SOOMAALIYA

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa isku dayeysa inay saxdo qaladkii iyo qatartii ka dhalatay go’aankii uu madaxweyne Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare.

Lix bilood kadib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu si lama filaan ah ciidamadiisa ugala baxay Soomaaliya, maamulka cusub ee Joe Biden ayaa kawada hadlaya in dib loogu soo celiyo dalka.

Bishii December, Donald J. Trump wuxuu amar ku bixiyey in ciidammadu ka baxaan Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhimo tirada ciidamada la geeyay Soomaaliya.

Madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM ) Gen. Stephen J. Townsend, ayaa fikradihiisa ah in ciidamada Mareykanka dib loogu soo ceiyo Soomaaliya la wadaagay hoggaanka ugu sarreeya wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Isagoo 29-kii June ka hadlayey Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee EU ee Golaha Difaaca Washington ayuu Gen. Stephen J. Townsend sheegay inaan la dafiri karin qatarta ka dhalatay go’aankii sida lama filaanka aheyd ee ciidamada Mareykanka looga soo saaray Soomaaliya.

“Runtii ma dafiri karno dib uga bixitaankeenii Soomaalida ee sida lama filaanka aheyd horaantii sannadkan ay soo bandhigtay qatar iyo murugo, marka waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan maareyno halistaas maadaama aan wali isku dayeyno inaan gacan ka geysano la-hawlgalayaasheena Afrika dhibaatooyinka ay la leeyihiin xagga amniga,” ayuu yiri Townsend.

Townsend ayaa sheegay in Pentagon-ka ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee go’aan looga gaarayo istaraatiijiyada ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa.

“Waxaan horay iyo gadaalba ula soo xiriiri jiray hogaamiyeyaashayda rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca, Xoghayaha Difaaca, anigoo siinaya xulashooyin, Waxaana u maleynayaa inaan xulashooyinkaas ku ilaalin doonno halka ay tahay inay ahaadaan sidaa darteed hoggaamiyeyaasha rayidka ah waxay fursad u leeyihiin inay go’aanadooda gaaraan,” ayuu yiri Gen. Stephen J. Townsend.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgali jiray Soomaaliya ayaa duqeymo iyo weeraro toos ah ku qaadi jiray xarumaha Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna sidoo kale tababaro siin jireen ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Qiyaastii 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa laga soo saaray Soomaaliya kuwaas oo howlgal Military oo socday 10 sano kula jiray Al-Shabaab oo ah gacanta ugu weyn uguna dhaqaalaha badan al-Qaacidada adduunka.

Fikaradda ah in ciidamada Mareykanka la geeyo Soomaaliya ayaa waxaa lahaa Maamulkii uu hoggaaminayey madaxwneyihii hore ee Mareykanka Bush, waxaana duqeyntii ugu horeysay Soomaaliya laga fuliyey sanadki 2007, taasoo qeyb ka aheyd Istaraatiijyadii danaha Mareykanka looga difaacayey meelo ka baxsan dalkaas.

Sawirro: Doorashada Somalia oo si rasmi ah loo guda galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed, xilli si rasmi ah loo guda galay doorashada.

Tababarka uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble u furay guddiyada kala duwan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa socon doono muddo 4 maalin ah, sida uu qabo heshiiskii ay kala saxiixdeyn dowladda iyo maamul goboleedyada.

Rooble oo la hadlayey xubnaha guddiyada ayaa kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan howsha doorashooyinka ee loo xil saaaray.

Guddiyada doorashooyinka ee heer federal iyo heer dawlad goboleed ayaa muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in dhawaan ay si toos ah u guda galaan howlahooda.

Sida ku cad heshiiska doorashooyinka oo ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Dowlad-goboleedyada dalka, Guddiyad doorashooyinka ayaa tababaro qaadanaya mudada u dhexaysa 30 June-05 Juley 2021.

Jadwalka doorashada ayaa shalay loogaga dhawaaqay shirkii Madasha Qaran iyadoo la shaaciyay in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 10-ka Oktoobar 2021.

Dowladda Ethiopia oo ku dhowaaqday in ciidankeeda ay dib u geli karaan Mekelle

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo, laba maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada TPLF.

Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo.

Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay qabsadeen xoogagga Tigray-ga.

“Ethiopia waxay u baylahan tahay weerar kaga yimaada shisheeeye, sababo la xiriira dagaalka,” ayuu yiri Redwan Hussein, ayada oo ay u muuqato inuu ula jeedo Sudan.

Afhayeenka jabhadda TPLF Getachew Reda ayaa talaadadii u sheegay Reuters in xabad-joojinta ay dowladda ku dhowaaqday ay aheyd “kaftan”.

Redwan ayaa xabad-joojinta ku qeexay go’aan siyaasadeed “oo loo qaatay sababo bani’adaannimo”.

“Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.

Hadalka Redwan ayaa imanaya ayada oo hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ay wacad ku mareen inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekelle.

“Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

REUTERS + AFP + VOA 

Mareykanka iyo UK oo war kasoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradaha dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa war kasoo saaray shirkii shalay Muqdisho ugu soo dhammaaday madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Safaaradda UK oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa xustay inay soo dhaweneyso war muriyeedkii shalay kasoo baxay shirkii mudada labada maalin aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uga socoday magaalada Muqdisho kaasoo lagu soo bandhigay jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa sheegtay inay rajo weyn ka leedahay in doorashooyinka Soomaaliya ay kusoo dhamaato si nabad ah. Sidoo kale waxay bogaadisay in kaalin fiican doorashada laga siiyo Haweenka Soomaaliyeed.

“Dowladda UK waxay soo dhaweeneysaa shirkii golaha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey iyo dadaalka joogtada ah ee lagu abuurayo is afgarad ku saabsan sidii horey loogu sii socon lahaa. Waxaan rajeyneynaa in dhawaan doorashada ay u dhacdo si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo isla markaasna door fiican laga siiyo haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu baahiyey twitter-ka ayaa lagu amaanay jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya ee laga soo saaray kulankii Shalay ugu soo dhamaaday Muqdisho Golaha Wadatashiga Qaranka.

Mareykanka ayaa ku baaqay in doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo qaab nabdoon iyadoo la raacayo waqtiga loo dajiyey inay ku dhamaato.

“Waxaan xuseynaa gabagabadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ku boorineynaa sii wadida wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada si doorashooyinka loogu soo gabagabeeyo qaab nabdoon, loo wada dhan yahay, oo hufan iyadoo la raacayo waqtiga loo dejiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Safaaradaha Mareykanka iyo UK ayaa imaanaya xilli Shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii u socday Shirka Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada  kaasoo laga soo saaray saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka.

Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka.

Sawirro: In ka badan boqol arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda HORMUUD

Muqdisho (Caasimada Online) –  In ka badan 100 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ayaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Hormuud oo kaashaneysa Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia.

Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahanno ka socdo Jaamacadaha kala duwan ee dalka.

Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa intii ay socotay xafladda a guddoon siiyey shahaadooyinka qalin jabinta, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad.

Madaxdii kala duwaneyd ee hadalka ka jeediyey xafladda ayaa ardayda qalin jabisay ugu baaqay inay umadda Soomaaliya iyo dalka ugu adeegaan wixii ay soo barteyn.

Qaar ka tirsan ardayda qalin jabisay oo iygana hadal laga siiyey xafladda qalin jabintooda ayaa Jaamacadda Hormuud uga mahadceliyey fursadda ay u siisay inay Jaamacadda Lincoln University College wax ka bartaan iyagoo ku sugan Soomaaliya.

Jaamacadda Hormuud waxay Program-kaan bilawday bishii February sanadkii 2014 waxaana ka qalin jabiyay in ka badan 900 oo arday oo fursadaan waxbarashada ka faa’ideystay iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Aqriso: Magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii Wasil isku qarxiyey oo la shaaciyey

0

Wasil (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta soo bandhigtay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo naftii haligii isku qarxiyey weerarkii ay kooxdaan Maalintii Axadda aheyd ku qaaday Magaalada Wasil ee Gobolka Mudug.

Idaacadda Andalus ee ku hadasho afka Al-Shabaab ayaa baahisay dardaaran uu reebay dagaalyahankii qaraxa ku daah furay dagaalkii Wasil, waxayna magaciisa ku sheegtay Sagaar Mad Huroow oo Al-Shabaab dhexdiisa looga yaqaanay (Cabdullaahi Jeeri) kaasoo ahaa 28 jir.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaan uu ku dhashay degmada Rabdhuurrre ee gobolka Bakool halkaas oo uu markii ugu horeysay Al-Shabaab kaga soo biiray isagoo 16 jir ah.

Cabdullaahi Jeeri ayaa kasoo jeedo Qabiilka Hadamo ee beelweynta Raxanweyn, gaar ahaan wuxuu ka dhashay lafta Ligsi.

Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Magaalada Wasil ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur ku yimid qaar ka tirsan guryihii ku yaalay Magaalada.

Inta la xaqiijiyey weerarkaas waxaa ku dhintay 25 qof oo isugu jiro dad Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay inay weerarkaas ku dishay 35 qof.

Magaalada Wasil ayaa waxaa hadda gacanta ku hayo ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa u abaabulan qaab qabiil, waxaana halkaas gaaray saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kuso qaaday Magaalada Wasil ayaa la sheegay inay ka yimaadeyn degmada Bacaadweyn oo ay dhawaan la wareegeyn, waxaana socdo abaabul dagaal loogu qaaday Bacaadweyn si Al-Shabaab halkaas looga saaro.

DF oo shaacisay sababta looga jartay dhaqaalihii dalalka beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha dalka, maadaama lagu jiro, xilli kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Bayle ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro, wuxuuna tilmaamay in mar-walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay doorashada la gooyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wax iska caadi ah ay tahay arrintani, isla-markaana dhaqaalaha beesha caalamka, dib loo soo fasaxo markii la doorto dowlad cusub.

“Lix bil kahor doorashooyinka ayey jaraan kaalmada, waxaa lasoo celiyaa marka la doorto madaxweynaha waxa ay ku qiimeeyaan isbadalkiisa iyo sida uu howsha u wado marka ay taa ka qancaan ayey dib usoo celinayaan,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in socdaan mashaariicda kala duwan ee ay beesha caalamka ka wado gudaha Soomaaloay, isla-markaana aysan saameyn dhaqaalaha la jaray ee lasiin jiray dowladda federaalka ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan loo diyaar garoobayo doorashooyinka Soomaaliya oo shalay lasoo saaray jadwalka lagu wajahayo qabsoomideeda.

Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero maaliyadeed oo xoog-leh, taas oo lagu kabo miisaaniyad dowladda, isla-markaana wax ka tarta dhaqaalaha dalka.

Sheekh Shariif oo billaabay qorshe uu Cali Guudlaawe ku geynayo magaalada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna murashax Madaxweyne ee sanadkaan 2021-ka ayaa billaabay in uu xal u raadiyo tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah shacabka gobalka Hiiraan, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aad looga qiimeeyo Soomaaliya, gaar ahaan degaanada HirShabeelle, ayaa billaabay in uu la kulmo siyaasiinta iyo odayaasha qaar ee beesha Xawaadle, isagoo kala hadlay tabashooyinka ay qabaan.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday in uu ergo ka noqdo, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii uu ku tagi lahaa Beladweyne.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Sheekh Shariif dadkii uu la kulmay ee beesha Xawaadle rajo wanaagsan geliyeen, iyagoo u sheegay in aysan ka hor imaan doonin wixii uu u keeno.

“Markii ay u sheegeen tabashada Xawaadle waxay u ballan qaadeen in wixii uu keeno oo xal ah aysan ka hor imaan doonin kuna kalsoonyihiin balse waxay is dul-taageen heerka tabashada ay qabaan oo ah mid culus,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda beesha Xawaadle oo la hadlay Caasimada Online.

Lama oga in qorshaha xal u raadinta tabashada beesha Xawaadle ee uu wado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ka soo hormari doonto doorashada Soomaaliya iyo in ay kadib mari doonto, hase yeeshee wararka ugu badan waxay sheegayaan in laga soo hormarin doono doorashada Soomaaliya.

Heshiiska doorashada ayaa waxa uu dhigayaa in xildhibaanada ka imanaya HirShabeelle lagu kala doorto Beledweyne iyo Jowhar, waxaana Guudlaawe u uku qasban yahay inuu helo xal kahor, xilli dagaal loogu hanjabay ciddii isku daydaa inay doorasho ku qabato Beledweyne.

Xog: Maamulka dhaqaalaha doorashada oo la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay lasoo geba-gebeeyey shirka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ee looga hadlayey arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lla isku fahmi Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyo iyo sida loo maamulayo, waxaana shirka uu dhammaaday ayada oo aan qodobkaas heshiis laga gaarin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dooday in xafiiskiisa laga maamulo dhaqaalaha ku baxaya doorashada, halka madaxda maamul gobaleedyada ay dalbadeen in la qeybiyo oo maamul kasta la siiyo qiimo gaar ah, sida uu doonana u maamulo.

Qodobkan ayaa lagu heshiin waayey, waxaana la isla gartay in si hoose oo farsameysan loo xaliyo. Dhaqaalaha doorashada ayaa waxaa bixinaya beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah in go’aanka kama dambeysta ah ee cidda maamuleysa uu ayaga ka yimaado.

Shirkii Golaha Wadatashiga ayaa shalay si rasmi ah usoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya, maadaama jadwalkii hore uu fashilmay, ayada oo la qorsheeye in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono 10 October 2021.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Rooble oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubbaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Golaha ayaa sidoo kale isaga oo tixgelinaya codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.