26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Khilaaf u dhaxeeya Cumar Filish iyo Caana-boore oo cirka isku shareeray – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeestay khilaaf muddo bilooyin ah u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caana-boore, kaas oo ka dhashay muran dhinaca maaliyadda ah. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaysa in murankaan oo soo taagnaa muddo bilooyin ah uu salka ku haayo qaabka lacagta looga bixinayo akoonka dowladda Hoose ee laga furay Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay. 

Inkastoo saxiixa lacag la soo bixidda ay kuwada qoranyihiin labadaan masuul, haddana waxaa lacag kasta oo la soo bixinayo la socoto warqad ka soo baxeysa xafiiska guddoomiyaha iyadoo la’anteed aan lacag la soo bixin karin. 

Guddoomiye Caana-boore ayaa diiday in uu saxiixo Jeeg lacag la bixid ah kadib markii isaga hore looga diiday in loo qoro warqad ka socoto xafiiska duqa oo xoojisa Jeega ay saxiixaan labada mas’uul waxaana la sheegay in arrintaas ay sababtay muran xoogan oo ilaa hadda taagan, islamarkaana laga dareemay xarunta gobalka Banaadir. 

Wali qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir ayaa qaadan mushaarkii bishii May, iyadoo ay dhamaatay bishii kale ee Juun waxayna sidaas mushaar la’aan ku yihiin laba bilood. Shaqaalaha aan mushaarka qaadan ayaa ka tirsan xafiiska duqa iyo xafiiska arrimaha bulshada ee dowladda Hoose ee Xamar. 

Lacagta uu saxiixeeda muranka ka dhashay ayaa la sheegay in labadan mas’uul ay si shaqsi ah u isticmaali rabeen, waxaana la sheegay in marka hore uu la baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir isagoo sababta ku sheegay in uu isaga bixin doono kiro guro iyo arrimo kale, halka ku xigeenkiisana sidaas oo kale uu soo qortay balse guddoomiyaha gobalka ayaa diiday in uu saxiixo sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Waan-waanta ay Qatar la furtay Al-Shabab ma horseedi kartaa nabadda Soomaaliya?

Ergeyga Qatar u fadhisa Qaramada Midowbay (QM) ayaa sheegtay in waanwaan meel wanaagsan maraysa ay u socoto Qatar iyo kooxda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ilaa hadda war rasmi ah kama soo saarin dadaalkaas!

Danjire Sheikha Caaliya Axmed bin Saif Al Thani oo ka hadaleysay munaasabadda “Toddobaadkii Labaad ee La Dagaallanka Argaggixisata ee QM” ayaa sheegtay in dowladdeeda ka go’an tahay inay si buuxda gacan uga geysato ka hortagga argagixisada Soomaaliya.

Horraantii bishii Juun 2017, ayaa Soomaaliya oo la wadaagto Jasiirada Carbeed xidhiidh qoto dheer ka mid noqotay dalal fara-kutiris ah oo dhexdhexaad ka noqday khilaafkii khaliijka kaddib markii ay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka u jareen xidhiidhka dalka Qatar.

Dooxa ayaa ka soo baxday meel aan laga filayn una fidisay Soomaaliya taageero dhinacyo badan leh. Balse dhaawacyada halista ah ee ku waxyeelloobay weerarrada xagjirka oo ay Qatar daadgurayso ayey ku hanatay quluubta dadka Soomaaliyeed.

Su’aashu waxay tahay, maxay Dooxa ku soo kordhin kartaa la dagaallanka argaggixisada oo uu Mareykanku la tacaalayay in ka badan muddo toban sano? Maxaase looga naadiyay qorshe ku fiicnaa qarsoodi fagaare caalami ah?

Shaacinta qorshaha Qatar waa diginin loo dirayo hay’ado maxalli ah iyo kuwa caalami ahba oo ku lug leh fidnada, ganacsatada iyo sirdoonkaba.

Sideedaba argaggaxisada Soomaaliya waxaa loo qaybin karaa dhowr nooc: (1) Kooxda Al-Shabaab; (2) Koox sirdoonka deriska iyo kuwo caalami ahba ay ka dambeeyaan; (4) Kooxda Daacish; iyo (3) Kooxo qawlaysato maxalli ah (local gangs).

Qorshe Fashilay

Jiilaalkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya ugana sii gudbay dalka Qatar xilli walaac ka taagnaa qorshaha dib u celinta ciidamada dalkiisa ka jooggay Soomaaliya.

Mar dambe waxaa soo baxday in Christopher Miller uu watay qorshe lagu bilaabayo wadahadallo lala yeesho argagixisada Al-Shabaab. Fikraddaas waxaa la oggaa Kash Patel oo waqtigaas ka hayey jago sare Guddiga Amniga ee Aqalka Cad.

Safarka Miller ee Dooxa waxuu ahaa inuu ku qanciyo mas’uuliinta Qatar inay wadahadal la furaan argaggixisada Soomaaliya. Sida uu qoray wargeyska “New York Times,” Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mike Pompeo oo aan lala socodsiin qorshaha ayaa ganafka ku dhuftay hawshii oo qabya ah (New York Times 11/11/2020).

Inkastoo Ajendaha maamulka Joe Biden uu ka duwan yahay kii Donald Trump, haddana ku dhawaaqidda Qatar waxay u muuqataa tab lagu wajihi doono argaggixisada oo ay iska kaashanayaan Dooxa-Muqdisho-Washington.

Tab Cusub

War uu qoray wargays Military Defense ayaa sheegaya in wada xidhiidh gaar ah uu ka dhex socdo taliska ciidamada Africom iyo madaxda rayidka ah ee Pentagon, kaasoo looga hadlayo sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamadii uu Donald Trump kala baxay Soomaaliya (Military Defense 29/06/2021).

Hadalleedii Ergayga Qatar waxaa ka mid ahaa in Dooxa xitaa weydiisatay dawladaha kale inay kasoo qaybgalaan sanduuqa tababbarrada iyo dhaqan-celinta (rehabilitation) dhallinyarada u dagaallamaysa argagixisada inta aan shaqo la geen.

Doorka Dooxa ayaa u muuqdaa inuu yahay adeegsiga habab cusub oo ku tiirsan tikniloojiyada casriga ah si loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo isgaarsiinta argaggixisada, inkastoo wax ka qabashada argaggixisada ee habka amniga aysan kaligood ku filnayn.

Dooxa waxay leedahay khibrad diblomaasiyadeed oo ay ku wajahdo arrimaha xasaasiga ah waxayna sheegtay inay hagaajinayso xaaladaha dhaqaale ee dhallinyarada iyadoo adeegsaneyso fursado shaqo abuur, waxbarasho iyo isboortigaba si loo horumariyo dhaqanka nabadda iyo dulqaadka.

Walow intaba ay yihiim muhiim, halka dhibaatada ka haysato dalka waa caddaalad darrada baahsan. Ilaa ay hay’addaha caddaalada iyo amniga ka noqdaan kuwa sugi kara baahida dadweynaha, argaggisixada ma weyn doonto dad ay ku qanciso in dhabbaheedu yahay midka toosan.

Waxaa xaqiiq ah in khatarta argaggixisada ay hoos u dhacday marka loo eego sanadihii tegay (Africa Center for Strategic Studies – 29/01/2021). Balse waxaa muhiim ah in culumada diinta iyo hoggaamiyeyaasha dhaqankaba door muuqda laga siiyo si kor loogu qaado garaadka bulshada, ololaha la dagaallanka argaggixisadana uu u noqdo mid nabad waarta dhala.

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Wafdi uu Guudlaawe diray oo tegay Beledweyne, si gaar ahna u calaameystay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, waxaa magaalada Beladweyne safar aan la shaacin ku tagay xubno Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha HirShabelle.

Ujeedada socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle u wadeen fariin ka timid Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo in ay soo indha indheeyaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada iyo goobaha ugu amniga roon Beladweyne.

Si rasmi ah looma oga sababta ay u raadinayaan xaafadaha ugu amniga badan Beladweyne, gaar ahaan aagga ay degto beesha Gaaljecel, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu socdo qorshe magaaladaas lagu geyn doono Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Inkastoo aan warbaahinta lala wadaagin wafdigaan ka socda xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle, ayaa haddana waxaa sawiro la baahiyay ka soo muuqday agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo sidoo kale ah gacanyaraha Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Muqdisho iyo Beladweyne waxaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda HirShabeelle gaar ahaan sidii ay Beladweyne uga dhici laheyd doorasho xildhibaano federaal uu maamulkeedu hayo Madaxweyne Cali Guudlaawe. 

Sidoo kale, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle.

QM, Sacuudi, Imaaraadka iyo Masar oo ka wada-hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Dubai (Caasimadda Online) – Ergeyga Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya James Swan ayaa booqasho ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar.

James oo booqasho ku tagay magaalooyinka Dubai, Riyadh iyi Qaahira ayaa kulamo kala duwan halkaa kula qaatay xubno heer wasiiro ah oo ka socday dalalkaas iyagoo ka wada-hadlay arrimo badan.

Waxyaabaha ay ka  wada hadleyn mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah arrimaha amniga, doorashooyinka Soomaaliya  iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Kulanka oo kuso aaday xilli ay Soomaaliya ku jirto xilli doorasho ayaa waxay dhinacyada soo dhaweeyeen qaabka ay socoto qaban qaabada arrimaha doorashada iyo jadwalka ay soo saareen madaxda Soomaalida.

Dhinacyada ayaa isku fahmay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii doorashada Soomaaliya ku dhici laheyd si nabadgayo, xalaal iyo is ogol ah.

James Swan ayaa muddooyinkii dambe waday safaro uu ku tagayo wadamada saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna horey ula kulmay masuuliyiin ka tirsan  wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya  oo dhowr goor oo horey uu dib u dhac ku yimid, ayaa waxaa hadda la qorsheeyey in ugu dambeyn lasoo geba-gebeeyo 10-ka October, markaasi oo ah xilliga la dooranayo madaxweynaha, inkasta oo shaki badan uu ku jiro in jadwalka cusub uu hirgeli karo, dib u dhac la’aan.

Qoor Qoor oo tagaya Wisil iyo howl-gal culus oo socda

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminaayo oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago deegaanka Wisil oo dhawaan uu ka dhacay weerar ay dad badan ku laayeen kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa inta uu ku sugnaa Gaalkacyo bilaabay kulamo looga hadlayo xaaladda Amaan ee gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay aad u xumaatay.

Qoor-Qoor ayaa Mas’uuliyiintii iyo odayaashii kala duwanaa ee uu la kulmay kala hadlay howl-galo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib weeraradii u dambeeyay ee ay ka fulisay deegaanada maamulkaas.

Waxa uu sheegay inay qaadi doonaan howl-galo deegaanada maamulkiisa looga sifeynayo dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo dhawaan dad badan oo iskugu jira ciidan iyo dad rayid ah ku laayay deegaanka Wisil.

Ciidamada Galmudug oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka ayaa gaaray deegaanka Wisil iyo deegaano kale oo maamulkaas ah, si ay u fuliyaan howl-galo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan 16km u jira Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaan istiraatiiji ah.

Saaka aroortii hore ayay ciidamada Al-Shabaab dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Afcagaag oo kaabiga ku haya degmada Guriceel.

Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gaareen deegaankaas daqiiqado kadib markii ay ciidamada maamulka ‘Galmudug’ ay isaga baxeyn Afcagaag oo qiyaastii 16Km u jirta Guriceel.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaankaas, waxayna bartamaha Degmada ka taageyn calanka madow oo ay caan ku tahay kooxdaan.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay xoogaga Shabaab ula wareegeen tuulada Dabarre oo qiyaastii 30Km ujirta Guriceel.

Maamulka Gamudug weli wax war ah kama soo saarin deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn ee u dhow Guriceel.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh ka wado Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxayna todobaadkii hore weerar culus kusoo qaadeyn Magaalada Wasil oo muhiim u ah isku xirka jidka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Xog: Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo is-casilaad gudbiyey + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha Guurtida u gudbiyey waraaq is-casilaada, isagoo ku wargeliyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-casilaada guddoomiye Saleebaan ayaa waxaa dhinaciisa ka aqbalay madaxweynaha Somaliland, waxaana kursigaas buuxin doona Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Maxamed Kaahin, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxa uu xilkaas sii hayn doona ilaa inta laga soo dooranayo golaha guurtida cusub, xili ay dhawaan deegaanada Somaliland ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Guddoomiye Saleebaan ayaa waxay is-casilaadiisu imaaneysa xili ay mudaneyaasha goluhu baneynayaan kuraasta mudada badan ay ku fadhiyeen, taasi oo loo sababeynayo is-casilaadiisa.

Si kastaba, waxaa la filayaa in maalinta Sabtida ah uu guddoomiyaha ka hadlo waraaqda is-casilaada ah ee uu gudbiyey golaha, ee uu aqbalay madaxweynaha

Guterres oo Mareykanka u diray baaq ku saabsan Iran

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si dabacsan uga hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee u dhexeeysa wadamada Mareykanka iyo Iran ee ka dhalatay ka bixitaanka heshiiskii barnaamijka Nukliyeerka ee 2018-kii.

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay maamulka Joe Biden inuu qaado cunaqabateynta haatan saaran Iran, taas oo sare u qaaday dagaalka siyaasadeed ee labada dal.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday dowladaha Mareykanka iyo Iran inay dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee soo baxay sanadkii 2015-kii.

“Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yiri xoghahaya guud ee Qaramada Midoobay.

Guterres oo warbixin siinayey golaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay dadaallada dhowaanahan socday ee ay sameynayeen labada dhinac.

Xiisada Mareykanka iyo Iran ayaa ka dartay wixii ka dambeeyey markii uu Trump ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee bishii May ee 2018-kii, isagoo kadib cunnaqabateyn saaray Iran.

Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goordhowey ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, maadama ay aheyd maqaayad ku taalla isgoys mashquul badan, sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxayna xireen isku socodkii isgoyska, ayaga oo halkaas ka bilaabay baaris horudhac ah oo la xiriirta qaraxa.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga xadiga khasaaraha marka laga soo tago inuu sababay dhimasho iyo dhaawac qaraxaas.

Wixii faah-faahina isha ku hay Caasimada Online

Askar ka tirsan DF oo ku dul-dagaalamay shacab ku dabaal dagayey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe ku dagaalamay taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray qaar kamid ah shacabkii u dabaal-dagayay munaasabadda 1-da Luulyo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan.

Ilo-wareedyo kuwa amaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu rasaas furay, waxayna taasi sababtay in ay u jawaabaan ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa taalada Daljirka Dahsoon. 

“Askari ayaa rasaas ku furay ciidanka ku sugan Godka Jilacow, markii loo jawaabay waxaa dhankooda soo furay rasaas ciidamada Duufaan oo iyagana ku sugnaa banaanka taalada, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo dumar u badan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. 

Dadka dhaawacmay ayaa saddex qof oo ka mid ah waxay ahaayeen dumar halka labada kalane ay ahaayeen rag, waxayna dhamaantood dhaawacmeen iyagoo kor ululaya Calanka Soomaaliya markii ay xalay saacada isku taagtay lix saac oo habeennimo taariikhdana ay ku beegantay 1-da Luulyo oo ku began markii ay xurnimada qaateen gobalada Koonfurta islamarkaana ay midoobeen labada gobal ee Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya. 

Xeer ilaalinta guud Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii hore soo saartay digniin ku aadan in aan rasaas la ridi karin markii la gaaro munaasabadda 1-ada Luulyo, waxaana muuqato in amarkaas uusan fulin

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa NISA ayaa la sheegay in ay soo qabteen askarigii xalay rasaasta furay, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan ciidanka ilaalada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish. 

Isbahaysiga saddex geesoodka ah ee xasillooni darada ka wada Geeska Afrika

Saddex sano ka hor, mawjad isbeddel siyaasadeed ah ayaa ku baahday Geeska Afrika. Suudaan iyo Itoobiya, mudaharaadyo waawayn ayaa horseeday isbeddel xagga hoggaaminta ah iyo waxa ay dad badani u qaateen inuu ahaa kala-guur dimuqraadi ah. Itoobiya iyo Eriteriya ayaa soo afjaray loolankii u dhaxeyay 20 sano, kaas oo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed lagu siiyay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Shucuubta Geeska Afrika waxa ay ahaayeen kuwo raynrayn ka qaba waxa dad badani u maleeyeen inuu baal cusub u noqon doono taariikhda gobolka.

Maanta, si ka duwan wixii laga filaayay, xasuuqyada baaxadda leh, dagaallada dowlad-goboleedyada, iyo kala gaynta maamuladda waxa ay noqdeen astaamaha lagu garto gobolka. Sideedii bilood ee la soo dhaafay, dhowr khilaaf oo caalami ah ayaa (dib) u soo ifbaxay, oo si gaar ah ugu dhexdhacay Itoobiya iyo Suudaan, Ereteriya iyo gobolka Tigreega ee Itoobiya, iyo Soomaaliya iyo Kenya.

Masar iyo Suudaan ayaa sidoo kale Itoobiya ugu hanjabaya in ay dagaal toos ah la galayaan hadii ay sii wado buuxinta labaad ee biyo xireenka Grand Ethiopia Renaissance Dam ee wabiga Blue Nile. Gudaha Itoobiya oo keliya, laba kacdoon oo muuqda ayaa ka qarxay, halka xasuuqyada ballaaran ee ku saleysan qowmiyadda ay si joogto ah u dhacayaan. Geeska Afrika waxaa ku soo kordhay rabshado halkaasoo isku dhacyada gudaha iyo kuwa gobolku ay ku dagaalamayaan iyada oo wali isku hub iyo shidaal qaadanaya.

Colaadaha,  ku xadgudubka xuquuqda Aadana bilihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwo xargaha goostay, waxa ayna sababeen khalkhalgalinta gobolka,waxaana sabab ah u hoggaansanaan la’aanta xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka iyada oo ay u sii dheertay adeegsiga awoodaha Millatari.

Afar isbeddel oo sababay xasillooni darro!

Tilmaamaha ugu horreeya ee fowdada ku socda Geeska Afrika ee ku faafay maanta waxaa ka mid ah khilaafaadka dhuleed iyo guud ahaan tixgelinta xudduudaha gobollada. Tusaale ahaan Ereteriya waxay biloowday in ay qabsato qaybo kamid ah gobolka Tigray ee woqooyiga Itoobiya waxayna siisaa kaararka aqoonsiga Eriteriya dadka deegaanka. Itoobiya waxa ay sheeganaysaa lahaanshaha dhuleed ee gobolka Fashaga ee Suudaan, saraakiisha Suudaan waxa ay sheeganayaan qaybo ka mid ah Benishangul Gumuz ee Itoobiya.

Gudaha Itoobiya, Abiy wuxuu taageeray ku darsiga Dawlad Deegaanka Amxaarada qaybo kamid ah Dawlad Deegaanka Tigray. Markii ay dareentay daciifnimada Itoobiya, Jabuuti waxay dhawaan shaacisay damaceeda ah in ay ka faa’iideysato webiga Cawash ee ku yaal Itoobiya. Isla mar ahaantaana, siyaasiyiinta Itoobiya waxa ay si cad u diideen in waqooyiga dalkaas ay qabsadaan ciidanka Ereteriya. Ugu dambeyntiina, Soomaaliya iyo Kenya waxa ka dhexeeya muran badeed u gudbay maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

In kasta oo aysan jirin wax khalad ah oo ku saabsan damaca dhuleed ee loo maro dariiqa sharciga ah, haddana waxa aan aragno ayaa ah isbeddello dhawaanahan socday oo ay sameynayeen dowlado isku dayaya in ay xoog kula wareegaan dhulka si ay u abuuraan wax wada qabsi ah Tani waxa ay horseeday saameyn isdhaafsi ah in hal dhinac ku xad gudbo midnimada dhulka kuna dhiiri geliyo jilayaasha kale in ay sidaas oo kale sameeyaan.

Talaabada labaad ayaa ah sumcadda ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha khilaafaadka gudaha iyo gobolka. Abiy Ahmed wuxuu kadhigay jabhadeyn askarta Eritereya dagaalka uu kula jiro Tigreega sidoo kale wuxuu ka shaqaaleeyay xadka ay wadaagaan Suudaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu kaloo u adeegsaday ciidamada Itoobiya siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Isla waqtigaasna, askar Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ka dagaallameen Itoobiya iyaga oo ka soo galay dhanka Eretareeya.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta xoogaggan ayaa ah madmadowga xagga sharciga ah, u janjeerida in ay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo awooddooda gaarka ah ee hurinta xiisadaha u dhexeeya beelaha. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waa wadaha dhexe ee isbeddelkan. Wuxuu dhisay dhaqaale badan oo udub dhexaad u ah raadinta kirooyin dhaqaale oo ka yimaada calooshood u shaqeystayaal iyo saldhigyo milatari.

Dhibaatada saddexaad ayaa ah tixgelin la’aanta sii kordheysa ee sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada Sideedii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, ciidamada Itoobiya iyo Eriteriya waxay ku hawlanaayeen tacadiyo, kufsi, gaajo, iyo xasuuq baaxad leh oo aan horay loo arag.

Ciidamada Eriteriya waxay sidoo kale burburiyeen xeryo qaxooti oo kuyaala dalka Itoobiya oo ay ku jireen qaxootiga Eritrea waxayna kumanaan kamid ah si qasab ah dib ugu celiyeen Eritrea Illaa iyo hadda, ma jirto cida dusha loo saaray dambigaan, markii dhaleeceyn la soo daristay, Abiy iyo Afwerki waxaa la eryay dhowr salkaal balse majirto cid qaadatay masuuliyada tacadiyada.

Maanta Geeska Afrika sidoo kale waxaa lagu arki karaa inuu hoos u dhac weyni ku yimid diblomaasiyadda dhinacyo badan leh. Hay’adda gobolka ee Horumarinta ayaa laga saaray inta badan khilaafaadka iyo geeddi-socodka nabadda; waxay si gaar ah uga maqnayd geedi socodkii nabadeed ee Itoobiya iyo Ereteriya iyo dagaalkii Tigray. Taa baddalkeeda, hoggaamiyeyaashu waxa ay doorteen in ay qaabeeyaan iskaashigooda oo ay maareeyaan khilaafaadka ka baxsan qaab dhismeedka hay’adaha iyo marinnada shaqsiyadeed, taas oo caqabad weyn ku ah diblomaasiyadda ka hortagga ah.

Siyaasada gudaha ayaa hurineysa xasilooni darada gobolka.

Xasilooni darrada Geeska Afrika ayaa ugu horreynba ah mid ka shaqeysa siyaasadda gudaha ee Itoobiya, Ereteriya, iyo Soomaaliya. Abiy, Afwerki, iyo Farmaajo waxa ay abuureen isbahaysiga saddex geesoodka ah ee 2018 iyagoo ujeedkoodu ahaa in qaabaynta nidaamka gobolka lagu saleeyo himilooyinkooda siyaasadeed ee gudaha. Saddexda hoggaamiye waxa ay ka soo horjeedaan federaalka, dejinta kala duwanaanta qowmiyadeed, iyo dowlad-goboleedyada. Taabadalkeed, waxa ay doorbidaan dowlad dhexe oo ka amar qaadata hoggaan dhexe oo awood badan ama Xukunka Fiat.

Xukunka Fiat oo ah mid milatari, waa geedi socod lagu gaaro go’aanada laguna fuliyo qaab militari iyadoo aan laga qeyb galin qeybaha kale ee siyaasada. Ereyga fiat oo ah laatiin, ayaa loo tarjumay “ha ahaato,”

Afwerki – aabihii isbahaysiga – wuxuu xukumayay Ereteriya bilaa dastuur ama hal doorasho ku dhawaad 30 sano. Aqoonta hoggaamineed ee Afwerki, waa siyaasad ciidan, waxa uu ku qasbay boqolaal kun oo dhalinyaro ah in ay dalka ka haajiraan ama ku biiraan ciidanka Milatariga. Xaaladahaani waxa ay mucaaradku ku sheegeen wax aan macquul aheyn.

Itoobiya, Abiy waxaa xushay xisbigiisa siyaasadeed si uu dalka ugu wareejiyo dimuqraadiyadda sanadka 2018. Si kastaba ha noqotee, isagoo,  marmarsiinyo ka dhigaya covid-19, ayuu dib u dhigay doorashadii Juun 2020, waxa uu xirxiray kuwa ka soo horjeedaIsku daygiisii ahaa inuu awoodda uruuriyo dowladda dhexe oo uu caburiyo kooxaha qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya taasina waxa ay horseeday dagaal sokeeye iyo macaluul badan.

Farmaajo, waxa uu marmarsiyo ka dhiganayay in uu Soomaaliya u diyaarinayo doorashadeedii ugu horreysay oo toos ah dhawr iyo toban sano. Taabadalkeed, wuxuu iskudayay inuu udub dhexaad u noqdo awoodda dowladda federaalka, taas oo keentay isku dhacyo kaladuwan dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, inkastoo uu ku guulaystay in uu maamulo taabacsan oo xoog lagu dhisay uu ka hirgaliyo Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Farmaajo waxa uu waqtigiisu ku ekaa bishii Febraayo, isagoo raacaya tusaalaha xulafadiisa gobolka, wuxuu u kordhistay labo sano oo dheeri ah. Taasi waxa ay horseeday qalalaase dastuuri ah iyo isku dhac hubaysan, oo ugu dambeynti ku qasbay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay joojiyaan muddo kordhintiisa. Waa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo markii howsha dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ay billaabatay 2004-tii isku dayay inuu xafiiska sii joogo ka dib markii waqtigiisu dhammaaday.

Isbedelada gobolka ka socda ee maanta khalkhal gelinaya Geeska Afrika waxay ka imanayaan xaaladahaas gudaha ka jira. Dadaalladii lagu kala qaybiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horseeday in lagu kala firiyo khilaafaadka xudduudaha dowladda waxayna sii hurisay loollannada gobollada. Xubnaha isbaheysiga seddex geesoodka ah waxa ay sidoo kale u maareeyaan xiriirka ka dhexeeya dowlad-goboleedyada si isku mid ah sida ay u xukumaan siyaasaddooda gudaha – waxa ayna ku qasbaan siyaasadooda iyaga oo u maraya qaab militari.

Dhaqanka isbahaysiga ayaa si gaar ah wax u dumiya sababtoo ah cawaaqibkiisa muddada dheer. Tusaale ahaan, isku dhacyada dhuleed, isir sifeynta, iyo kufsiga oo ah hub dagaal ayaa miraha u abuuraya cabashooyinka jiilka soo socda. Itoobiya gudaheeda, siyaasadaha Abiy waxa ay durba soo nooleeyeen dareenka kala qaybinta Tigray iyo Oromiya. Iyo ilaa heerka ay kusii jiri doonto Itoobiya hal wadan dagaalka kadib hada su’aal baa ka taagan. Lixdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, isku dhacyadani waxay barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Tigray, ergeyga Midowga Yurub ee Itoobiyana wuxuu leeyahay tani waxay noqon kartaa “bilowga mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qaxooti ee adduunka ka dhici kara”.

Waxa ka socda Geeska Afrika ayaa khatar weyn ku ah amniga caalamiga. Joojinta tusaalooyinka muuqda ee dowlad la’aanta waxa ay u baahan tahay, dadaal wadajir ah oo lagu qasbayo hoggaamiyeyaasha gobolka in ay ixtiraamaan dastuurradooda.

Labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliyaba, Abiy iyo Farmaajo waa in lagu cadaadiyaa in ay wadahadal siyaasadeed la galaan kuwa la tartamaya si ay dib ugu soo celiyaan geeddi-socodkooda dib-u-habeynta dimuqraadiyadda Markii labaad, adeegsiga calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ee khilaafaadka gudaha waa in laga hortagaa. Gaar ahaan, qaababka xaqiijinta waa in la dejiyaa si loo hubiyo ka bixitaanka ciidamada Ereteriya ee iskahorimaadyada ka socda guud ahaan gobolka. Ugu dambeyntiina, dambiilayaasha xadgudubyada halista ah u geysta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waa in lala xisaabtamo si loogu gogol xaaro geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, sidoo kale looga hortago kuwa kale in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah.

W/Q: Goitom Gebreluel oo ah falanqeeye siyaasadeed oo diiradda saaraya Geeska Afrika iyo agaasimaha machadka Hatèta Policy Research.

W/T: Mowlid Mo’allim Adan
Mustaqbal Media.

Somaliland oo ka laabatay xayiraad ay saartay shirkad u hogaansantay amarka DF

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dib u fasaxday Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubia oo kal hore ay xayiraad kusoo rogtay, midaasi oo joojisay duulimaadyadii ay sameyn jirtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, Cumar Sayid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Fly Dubai ay dib usoo buuxisay shuruudihii looga baahna ee sababay in la joojiyo duulimaadyadeeda.

Somaliland ayaa hore u soo saartay amar ay ku mamnuucayso in shirkadaas aysan ka shaqeyn Somaliland, kadib markii ay shirkadda u hoggaansantay amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliya ay qaadan karaan Amarka Somaliland, islamarkaana ay ku shaqeyn karin mid ka duwan.

Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa ka carootay amar kasoo baxay dowladda federaalka, oo ayadu gacanta ku haysa maamulka Hawada Soomaaliya oo qeyb ka tahay Somaliland.

Dowladda federaalku Soomaaliya ayaa 19-kii March 2020 dib u celisay diyaaradii Fly Dubai oo qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa xilligaas sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Dowladda federaalka ayaa xilligaas joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi oo rabtay inay ka soo dagto madaarka Somaliland.

Sawirro: Ujeedka safarka uu Saciid Deni maanta ku tegay Kismaayo oo la ogaaday

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyey madaxtooyada maamulka, ayada oo kulamo la qaatay madaxda sarre ee maamulka Jubbaland.

Sida ay wararka qaarkood sheegayaan Saciid Deni oo maalmihii dambe arrimaha doorashooyinka u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Kismaayo u aaday si uu u dar-dar geliyo loolan adag oo ugu jiro madaxtinimada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lasoo warinaya inuu ku jiro damac xilka madaxweynaha Soomaaliya ah oo uu doonayo inuu qeyb ka noqondo musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa kamid ahaa madaxda sida weyn uga soo horjeestay mudo korosigii uu meelmariyay baarlamaanka, asaga oo ku dagaalamay in doorashada Soomaaliya u dhacdo si dhaqso leh, midaasi oo uu jideynayo heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho.

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan uu khilaaf ka taagna ayaa xiligan waxaa socda dadaalo lagu rabo in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu ka shaqeynayo ra’iisal wasaaraha dalka.

CC Shakuur oo u jawaabay madaxweyne FARMAAJO: “DALKA waxaa ragaadiyey kaligii waddani iyo kaligii…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka ah ee ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa waxa uu si adag u naqdiyay khudbadii maanta ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hor-yimid aragtida Farmaajo ee uu maanta ku sheegay in dalka ay ka jiraan labo afkaarood oo kala ah Waddaniyada iyo Qabyaalad, xili uu ka hadlayay munaasibadda 1-da Luulyo oo ka qabsoomtay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Waxa uu sheegay in dalkeena ay ka jiraan labo fikradood oo xagjir ah, kuwaasi oo labadooduba ay magac dileen Diintii iyo dalkiiba, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkeenna laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani. Labadduba Diintii iyo Dalkiiba magaca ayey ka dileen,” ayuu yiri.

“Diintu waa caqiidadeenna, dakuna waa deegaankeenna cid aan magacooda nagu dulmin ee inna wada deeqsiisa, deriskana nabad kula noolaata, dunidana la jaanqaadda ayey shacabku doonayaan.”

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shaaciyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, taasi oo ay tahay in muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay.

“Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda.”

Daawo: Farmaajo: Dalkaan waxaa isku haysta laba afkaar oo kala ah waddaniyad iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibadii 1-da Luulyo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Farmaajo ayaa khudbadiisa isku dul-taagay ‘waddaniyada’ oo uu sheegay inay soo noqotay muddooyinkii dambe, asaga oo tusaale usoo qaatay dhalinyaro badan oo sanadkaan u dabaal-dagayey munaasibada 1-da Luulyo.

Waxa uu ka dhawaajiyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, islamarkaana ay tahay in uu muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay.

“Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda,” ayuu yiri.

“Qabyaaladu umaddeeni waa kala qeybisay, waxayna dhigtay Afrika meesha ugu hooseysa, caddowgeenii iyo shisheeyihii waxay siisay fursad ay nagu sii kala qeybiyaan oo nagu maamulaan.”

“Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaan aragnay wadaniyadii oo soo noolaatay. Ogaada dagaalkii waa socdaa! Hadda rajo ayaa ii muuqata in wadaniyadii ay xoogeysaneyso, qabiilkiina uu jabaayo.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in qabyaalada ay tahay mida dib u dhaca ku keentay dalkeena.

Munaasibada 1-da Luulyo ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, ayada oo lagu qabtay munaasabadda dabaal-degaas xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Video: Maamulka gobolka Banaadir oo beeniyay arrin culus oo lala xiriiriyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan kasoo baxay Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), kaasi oo lagu sheegay in gobolka uu canshuur sharci darro ah kusoo rogay goobaha waxbarashada.

Maamulka gobolka ayaa beeniyay inay canshuur dul dhigeen goobaha waxbarashada, islamarkaana ay ciidamo u adeegsadeen in amarka canshuurta la dhaqan-geliyo, sida lagu sheegay qoraal ururka jaamacadaha kasoo baxay Taladaada.

“Waxaa xaqiijinayna inaysan jirin canshuur uu maamulka gobolka Banaadir ka qaado goobaha waxbarashada, haddii ay noqon laheyd dugsiyada hoose/dhexe iyo jaamacadaha intaba, aysan jirin wax ciidan ah oo maamulka u diray goobaha waxbarashada si ay canshuuro uga soo qaadan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadalka Ururka Jaamacadaha kasoo baxay uu yahay mid aan loo meel-dayin, ayna hubiyaan cida canshuurahaa ka qaadeysa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xusay in goobaha waxbarashada dalka ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin, islamarkaana ay u taagan yihiin sidii ay gacan u siin lahaayeen goobaha waxbarashada ee gobolka.

Hadalkaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii uu Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed soo saaray qoraal uu kaga cabanayo canshuur ay sheegen inay kusoo rogeen maamulka gobolka Banaadir.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo war kasoo saaray doorashada Somalia

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken oo farriin la xiriirta maalinta xoriyadda usoo diray Soomaaliya ayaa baaq ku aadan doorashada u jeediyey madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada dalka.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, waxana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 61-aad ee xoriyaddiina. Waxaan ku faraxsannahay inaan sii wadno taageerada aan siino dadaalladiina ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri Blinken. 

“Munaasabaddan darteed, waxaan boorinayaa in lasii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si taasi ay u suurta-galiso dhameystirka hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay islamarkaana daah-furan, sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan,” ayuu yiri Blinken. 

Blinken ayaa intaas ku daray in tani ay muhiim u tahay in la xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Doorashada Soomaaliyeed oo dhowr goor oo horey uu dib u dhac ku yimid, ayaa waxaa hadda la qorsheeyey in ugu dambeyn lasoo geba-gebeeyo 10-ka October, markaasi oo ah xilliga la dooranayo madaxweynaha, inkasta oo shaki badan uu ku jiro in jadwalka cusub uu hirgeli karo, dib u dhac la’aan.

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dalalka taageerada ugu badan siiyaa Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalkii ka hortagay isku-daygii muddo kororsi ee Farmaajo, kadib markii ay ku hanjabtay cunaqabteyn iyo xayiraado kale, oo ka dhan ah kuwii u lugta lahaa muddo kororsigaas fashilmay.

Mareykanka ayaa hadda qorsheynaya inuu Soomaaliya dib ugu soo celiyo in ka badan 700 oo askari oo dalka uu ka saaray madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump bishii Janaayo, maalmo yar un ka hor inta aanu xilka ka degin. 

Somaliland oo xabsi dhigtay haweeney ka hortimid in la gubo calanka Soomaaliya

0

Haregeyga (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay saaka markale xabsiga u taxaabeen Marwo Deggan Miiraash oo laba goor hore loo xiray Calanka Soomaaliya dartiisa, kadib markii ay ku goglatay qol-keeda jiifka ah.

Wararka ayaa sheegaya in xarigga haweeneydaas uu yimid, kadib markii ay is hortaag ku sameysay dhalinyaro dooneysay inay gubaan Calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan bartamaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Deggan oo ah Hooyo heysata afar caruur ah ayaa la sheegay inay ka biyo diiday in la gubo Calanka Soomaaliya, falkaas oo ay doonayeen inay ku dhaqaaqaan dhalinyaro ku sugan Boorama oo ‘dhibsaday’ in Calanka Soomaaliya lagu faafiyo deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku baxay buuqa ka dhashay arrintaasi, waxaana markii dambe ay xabsiga u taxaabeen Deggan Miiraash oo horey labo jeer loogu xiray Calanka Soomaaliya dartiis.

Xarigga haweeneydan ayaa sidoo kale dood adag ka dhaliyey baraha bulshada oo si weyn loogu faafiyey, waxaana dadka qaar ay ku tilmaamtay inay tahay wadani dhab ah.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigta dadka ku labista dharka Calanka ama Sawirradooda, iyaga oo xiran ku faafiya baraha bulshada ee Internet-ka.

Si kastaba dhacdadan hadal heynta dhalisay, isla-markaana ay xarigga ku muteysatay Degan Miiraasa ayaa kusoo aadeyso, xilli maanta loo dabaal-degayo xuska kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaadatay koonfur, sidoo kalena ay israaceen waqooyi & koonfur.

PUNTLAND oo eedeyn halis ah u jeedisay FARMAAJO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani oo qoraal soo geliyey boggiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay sawir gacmeed muran badan dhaliyey oo uu sameeyey farshaxaniistaha caanka ah ee Amiir Caamir, kaas oo u ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan aheyn Shabaab.

Jaamac Deperani ayaa ku eedeeyey in sawirkaas soo saaritaankiisa uu lacag fara badan ku bixiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay arrintaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in tani ay muujineyso in madaxweyne Farmaajo uu lacag ku bixinayo dacaayad ku salaysan difaacidda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkan in khatar laga badbaadiyay wuxuu qof walba ogaanaya markuu arko Madaxweynihii wakhtigiisu dhammaaday oo Lacag ku bixinaya Alshabaab danbi qirtay oo xukun lagu fuliyey, in lagu difaaco dacaayad ku suntan Sawir-gacmeed! iyadoo laga beensheegayo xogta argagixisada la toogtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jaamac Deperani.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sawir gacmeedkaas looga been sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Puntland toogasho wadareed ku fulisay rag ay ku eedeysay inay yihiin Al-Shabaab waxaa si aad ah u soo baxayey hadal-heyn ku aadan raggaasi oo qaarkood ehelladooda ay sheegeen inay tirsanayaan cadaalad darro.

Puntland oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howl-galada ka dhanka ah kooxahaasi.

Xog: DF oo dhexda u gashay qorshihii Sheekh Shariif ee ku aadanaa Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle.

Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Guudlaawe iyo beesha Xawaadle.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble ayaa maalmahaan bilaabi doono in uu la kulmo siyaasiyiinta iyo odayaasha Beladweyn,e gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadli doonaa in la dhameeyo diidmadooda ku aadan maamulka cusub ee HirShabelle.

Beesha Xawaadle oo Madaxweyne ka aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay maamulka HirShabeelle ayaa ku doodaysa in mar kasta kursiga Madaxweynaha gaar u noqdo iyaga, halka Abgaal iyo beelaha kalana ay qabaan in loo tartamo kursigaan oo dad gaar ahaan loo xirin.

Villa Somalia iyo Rooble ayaa howshaan dardar gelin doona maalmaha soo aadan maadaama ay xog ku heleen in uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweyne Cali Guudlaawe geyn doono Beladweyne, taasoo haddii ay dhacdo dhaawac ku ah maamulka Farmaajo.

Xukuumadda ayaa isku dayeysa ina ka hortagto qorshaha Shariif, si aysan ugu noqon fursad sare u qaadda magaciisa, taasi oo caawin karta ololihiisa doorashada.

Rooble ayaa dhowaan diiday qorshe ay wadeyn Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonayey in deegaan doorashada lagu soo kobo hal magaalo maamulkiiba, si ay uga baxsadaan in doorasho ay ku kala qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey oo laga diidan yahay.