26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Xog ku saabsan dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Muqdisho (Caasimada Online)- Faah-faahino ayaa laga helayaa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dilalkaan mas’uuliyadooda waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana loo geystay askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay maanta degmada Kaaraan ku dileen Shariif Muxudiin oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada ee dowladda Soomaaliya canshuuraha uga uruuriya guryaha, kaas oo dableydii dishay ay horay u sii qaateen qorigiisii.

Dhanka kale askari ay tilmaameen inuu ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayey kooxdani sheegatay inay ku dishay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in askariga ay ku dileen Ceelasha Biyaha uu ka tirsanaa qeybta dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan dhankooda wax war ah kasoo saarin dilalkaan.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa batay weerarrada tooska ah, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay fulineyso kooxda Al-Shabaab, waxayna shalay oo u dambeysay qarax ismiidaamin ah ka fulisay gudaha caasimadda Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 10 qof oo askar u badan iyo dhaawaca tiro kale.

Xog: Al-Shabab oo u yeeray macallimiinta dugsiyada ay maamusho DF Soomaaliya 

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Macalimiinta ka shaqeeya dugsiyada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay la soo xiriireen dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana lagu amray in yimaadaan degaan ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.

Macalimiintaan oo aan qarinay magacyadooda iyo dugsiyada ay dhigaan, sababo amni awgood, ayaa sheegay in arrintaan ay muddo soo socotay, islamarkaana ay la wadaageen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka. 

Wararka ayaa sheegaya in macallimiinta loo fasaxay in ay la soo kulmi karaan Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan ka bixi doonaan Muqdisho balse Caasimada Online ma helin caddeymo muujinaya in ay u ogolaatay dowladda Soomaaliya. 

Ilo-wareedyo kala duwan oo bahda Waxbarashada iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka tirsan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in loo wacay barayaasha dowladda balse ma helin wararka kale ee aan ka soo xiganay macalimiinta qaarkood ee ah in hay’adaha ammaanka u fasaxeen la kulanka Al-Shabaab. 

“Waan u sheegnay in xaaladaas soo korartay waxaana ka siman dhammaan macalimiinta qaranka, markii ay garowsatay dowladda in aysan macalin kasta ilaalin karin waxay noo fasaxday inaa la soo kulano Al-Shabaab wixii aan kala soo kulanana aan soo gudbino haddiiba anagoo nool ka nimaano, macalimiinta qaarna waddanka waa ka baxeen qaarkoodna uma qorsheysna in ay aadaan,” ayuu yiri macallin katirsan barayaasha iskuulada dowladda oo la hadlay Caasimada Online. 

Badanaa Al-Shabaab waxay isku dayaan in ay la macaamilaan shaqaalaha dowladda, ciidamada, saraakiisha ciidanka iyo ganacstada ka hor inta aysan beegsan, waxaana qofkiiba Al-Shabaab kula heshiiyaan in uu bixiyo qeyb ka mid ah mushaharkiisa bil walba.

Sawirro: Tigrayga oo soo bandhigay 6,000 askari oo laga qabsaday Ethiopia

Mekelle (Caasimada Online) – Kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ayaa Jimcihii la marsiiyey waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. 

Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig.

Soo bandhigista maxaabiista ayaa looga dan lahaa in lagu beeniyo hadal uu Arbacadii jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo sheegay in wararka ku saabsan in ciidamada laga adkaaday ay yihiin been, taa beddelkeedna ay ku dhowaaqeen xabad-joojin.

Ayada oo ay wehliyaan ciidamada Tigrayga, askarta maxaabiis ahaanta loo qabsaday ayaa afar maalmood lagu hayey xerooyin kahor inta aan waddooyinka lasoo marsiin Jimcihii.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah.

Waxa uu sheegay in saraakiisha Tigrayga ay xiriir la leeyihiin hay’adda laanqeyrta cas, islamarkaana ay dhowaan sii deyn doonaan saraakiisha darajooyinka hoose, balse ay sii hayn doonaan kuwa darajooyinka sare.

Sida ku cad Xeerka Geneva, maxaabiista dagaalka waa in la siiyaa cunno iyo dhar, lagana ilaaliyaa rabshadaha iyo cabsi gelinta. Illaa iyo hadda ma jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya in askarta laga qabsaday Ethiopia loola dhaqmay si xun.


Xog: Villa Somalia oo si farsameysan u baajisay safar Deni ku tagi lahaa Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa baaqday safar la qorsheenayey inuu madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago Magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Safarka uu Deni ku tagi lahaa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa isla go’aamiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo midka Puntland Saciid Deni, balse waxaa safarkaas loo baajiyey si farsameysan, sida aan xogta ku helnay.

Waxaa la qorsheenayey in Deni uu tago Magaalada Baydhabo 30 June saacadda markay tahay 5 Galabnimo, waxaana lagu ballamay in Lafta Gareen uu Baydhabo kaga sii hormaro si uu halkaas ugu soo dhaweeyo, balse markii uu Lafta Gareen gaaray Baydhabo ayaa waxaa Deni loo sheegay inuusan imaan karin Baydhaba sababo la xiriira in Garoonka Shaaati Gaduud uusan shaqeyn Galabtii maadaama lagu wado howlo ballaarin ah.

Saciid Deni oo aan horey loola wadaagin in garoonka Shaati Gaduud uusan shaqeyn gelinka dambe ayaa iska dhaafay safarkii uu ku tagi lahaa Baydhabo, wuxuuna u soclaaday Magaalada Kismaayo oo aheyd magaalada Labaad oo uu qorsheeyey inuu safar ku tago.

Qorshaha lagu baajiyey safarka Deni ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka shaqeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka war helay safarka Deni oo la xiriira olole dhanka doorashada ah, maadaama ay jiraan warar soo baxayo oo sheegayo in Saciid Deni uu isku sharaxi doono xilka madaxweynino ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laft Gareen oo ku dhiiran waayey inuu si toos ah ugu sheego Deni inuusan imaan karin Baydhaba ayaa u adeegsaday qaab farsamo ah, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Saciid Deni uu ogyahay sababta loogu diiday Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u diyaar garoobayo socdaal uu dibadda ugu socdo, taasoo haddana laga cabsi qabo inay meesha ka saarto suuragalnimada abaabulka safar kale oo Deni dadaal ugu jiro inuu ku tago Baydhaba .

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo warinayaa inuu isku sharixi doono xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna durba wajahaya loolan siyaasadeed oo uga imaanayo Villa Soomaaliya.

General Subxaanyo oo ku geeriyooday MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabduqaadir Cali Mire Diiriye oo loo yaqaanay (General Subxaanyo) kana mid ahaa saraakiisha ciidanka qalabka sida, gaar ahaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

AUN Marxuum Subxaanyo ayaa sidoo kale ka mid ahaa budhigayaashii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa maalmahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana geerida ku timid ka tacsiyeeyey madax kala duwan oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale Rooble ayaa war kasoo saaray geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Halkan hoose ka aqriso taariilkh nololeedkiisa.

General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) Waxa uu ku dhashay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan 1952dii, Waxa uu dugsiga dhexe ku dhamaystay Beledweyne, Waxa uu ka baxay, dugsiga sare ee Sheekh Xassan Barsame ee Muqdisho oo markaas lagu dhiganayay luuqadda Talyaaniga, 1972 waxa uu galay kulyida millateriga General Daa’uud millatery Academy oo ku taallay magaalada Kismaayo, kadibna wuxuu aaday 1974 dalki Midowga Soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee magaalada Moskow oo lagu barto culuunta siyaasadda iyo arimaha millateriga, 1977 wuxuu ku soo laabtay dalka waana markii uu dhamaaday xiriirkii uu dalku la lahaa dalkii Midowga Sofiyeti, wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii 77kii waxa uuna ku muteystay billad geesi qalin ah.

Dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee dalka Germany. 1985 ayuu dalka kusoo noqday, waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciddanka Asluubta, waxa uu madax Ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta. Kadib burburki Dalka, jananku waxa uu la shaqeeyay hay’ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii kooxaha koonfurta soomaaliya.

Waxa uu la taliye u ahaa dhamaan dowladihii ku mel gaarka ahaa ee dalka soo maray, General Subxaanyo waxa uu si wanaagsan ugu hadli jiray luuqadaha carabiga, jarmalka, ruushka, ingiriiska, talyaaniga. Wax la taaban karo ayuu ka qabtay waxbarashada  iyo samafalka oo waxaa lagu xasuustaa in manta ay daafaha caalamka kala joogaan dad uu koritaanka aqoontooda kaalin mug leh ka gaystay, Jananku waxa uu dad badan u diray wax barasho dibadda ah kuwaas oo manta saamayn dhan kasta ah ku leh dalka iyo dibaddiisa.

Caalamka oo ka qeyliyey tallaabo ay qaaday dowladda ABIY AHMED kaddib markii laga qabsaday MEKELLE

Mekelle (Caasimada Online) – Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Ethiopia ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaartay gobolka.

Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib. 

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaarin shacabka Tigray. 

Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka.  

Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay burburinta buundooyinka, ayada oo sheegtay in xitaa kahor arrintaas ay ciidamada mar walba celin jireen gargaarka loo sido gobolka Tigray. 

Madaxa isku xirka gurmadka deg degga ah ee WFP Tommy Thompson ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay oo kaliya hal waddo oo gargaarka la mariyo balse ay aad u dheer tahay, xilli ay dad badan wajahayaan macluul. 

Dowladda Ethiopia ayaa maanta iyana beenisay inay xanibeyso gargaarka, waxayna sheegtay in taas beddelkeed ay dib u dhiseyso kaabayaasha.

“Eedeymaha ku saabsan inaan isku dayeyno inaan dhuun qabano shacabka Tigray, inaga oo aan u diideyna inuu gargaarka gaarka, una adeegsaneyna gaajada hub ahaan, waa wax ka baxsan caqliga,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen.

“Waxaan adeegsaneynay dadaal kasta oo suurta-gal ah si aan dib ugu dhisno kaabayaasha waxyeelada ay gaartay, oo aan dib usoo celino korontadii, taleefonkii, internet-kii iyo adeegyadii bankiyada,” ayuu yiri.

Dalal iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa cambaareeyey burburinta buundooyinka, waxaana tani ay sii kordhineysa eedeymihii horey loogu jeediyey maamulka Abiy Ahmed ee ahaa inay xadgudubyo culus ka gaysteen gobolka Tigray. 

Cadaadiska saaran Farmaajo iyo Rooble oo kordhay kadib xogti uu Mareykanka bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cadaadis ayaa mar kale ku kordhaya madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii Mareykanka uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee la geeyey Eritrea ay ka dagaalameen Ethiopia.

Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas.”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka ayaa sheegay “in ilaa iyo hadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xil-gaarsiinta aysan sheegin halka ay ku danbeeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday.”

Waxa kale oo uu sheegay in guddigii uu ra’iisal wasaaraha u magacaabay arrinta dhalintaas in ilaa hadda aan la aqoon meel ay ku dambeeyen iyo wax ay ka qabteen cabashada isa-soo tareysa ee waalidiinta caruurtooda uga maqan tahay Eritrea.

“Guddigii uu Raysal wasaaruhu u saaray meel ay ku danbeeyeen lama yaqaan. Dawlada Maraykanka waxay xaqiijisay in ay ciidan Soomaaliyeed oo Eritrea lagu tababaray ay gudaha Itoobiya ku sugan yihiin. Suuragal maaha in la difiro, ama la iska indha tiro walwalka iyo xanuunka waalidiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo xukuumadda xil-gaarsiinta inay xil dadnimo iska saaran soo celinta dhalintaas iyo ka run sheegista xaaladooda nololeed oo wal-wal ku haysa waalidiintooda.

“Madaxweynaha xilkiisa idlaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta waa in damiir, dadnimo iyo waaldnimo mid uun damqisaa oo waalidiinta intii nool ubadkooda u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale ku dhimatayna uga run sheegaan.”

Dhinaca kale, Senator Abshir Axmed oo arrintaan ka hadlay ayaa asaguna sheegay inay cadeymo hor leh kasoo baxayaan Askar Soomaali ah oo tobabar loogu qaaday dalka Eritrea oo ka bar-bar dagaalamaya kuw Itoobiya.

“Caddeymo dheeri ah oo ka soo baxaya Soomaali maleynayo inay tababar militari ku qaadanayaan Ereteriya ayaa waxay muujinayaan inay ka dagaallamayeen Tigray,” ayuu yiri Senator Abshir

Hadalladaan ayaa imanaya xili uu Mareykanka sheegay inuu ka warqabo in ciidamo Soomaali ah ay joogaan dalka Itoobiya, kuwaasi oo aan si rasmi ah loo xaqiijin inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Tigray iyo inkale, inkasta oo ay soo baxayaan warbixino la xiriirinaya dagaalkaas.

Hogaamiyaha TPLF oo 8 bil kadib gudaha u galay Mekelle

Mekelle (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda TPLF Dr. Debretsion Gebremichael  ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka.

Tagitaanka Dr. Debretsion Gebremichael ee Magaalada  Mekelle ayaa kusoo aadeyso maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Dr. Debretsion waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa ka hor intaan meesha laga saarin.

Hoggaamiyahaan iyo asxaabtiisa waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020.

Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan.

Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay.

Ugu yaraan laba hogaamiye oo kale oo sare oo katirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion.

Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed.

Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.

Muxuu TARSAN ku sifeeyey xiriirka Somalia iyo Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka diblumaasiyadeed ee dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.

Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu mar hoose, marna kor yahay, wuxuuna ku sifeeyey mid marba heer ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan marnaba kala go’i karin shacabka labada wadan, isla-markaana uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid darisnimo intaba.

“Kenya iyo Soomaaliya xiriirkeenu marna waa Hoos marna waa kor laakiin marnaba waxaa kala go’in dadka oo had & jeer isu socodkooda iyo ganacsigooda joogta ah, Soomaalidu waa in ay fahamno in aan nahay dad walaalo ah lagana gudbo khilaafka tirada badan ee soo noqnoqanaya”ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur oo loo yaqaano (Tarsan).

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu soo hagaagayo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, isla-markaana adeega safaaraddiisa uu bilaabanayo beri oo Isniin ah.

“Waxa aan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in Isniinta Safaaradda ay bilaabeyso adeegyadii ay qaban jirtay, Nambarka imaan doona ayaa laga yaabaa in uu badan karo balse waan xalin doonaa”  ayuu sii raaciyey hadalkiisa safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaadaa bilihii lasoo dhaafay, wuxuuna sababay inay safaaradaha kala rartaan xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, walow haatan dib loo soo celiyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris wadaag ah.

Xijaar oo shaaciyey xilliga maxkamad lasoo taagayo burcadda lagu qabtay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howl-galladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidanka amniga.

Xijaar ayaa shaaciyey in howl-galladii ugu dambeeyey oo laga sameeyey degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Wadajir lagu soo qabtay kooxo burcad ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay haatan xiran yihiin, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doono maalinta Isniinta ah ama Talaadada ee todobaadkan.

Taliyaha ciidamada Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka amni darro ka geysta gudaha caasimada.

Dhinaca wuxuu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay dajiyeen qorshe gaar ah oo wax looga qabanayo, si loo yareeyo jaamka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshe gaadiidka dugoobay ama jajaban looga qaado waddooyinka caasimada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorshahaasi ay wax ka fulinayaan wasaaradda gaadiidka, taliska Ciidanka ilaalada wadooyinka oyo  dowladda Hoose, sidoo kalena ay diyaarinayaan ciidamadii howl-galkaas fulin lahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray ciriiri xoogan oo ay walaac ka muujinayeen gaadiidleyda iyo dadweynaha kale ee ku dhaqan gudaha caasimada.

Waa tuma Ramla: Gabadha Soomaaliyeed ee feerka uga qeyb-galeysa olombikada?

London (Caasimada Online) – Ramla Cali oo ah gabar kasoo jeedo Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb geli doonto tartanka ciyaaraha Olomnbikada adduunka iyadoo ku tartami doonto tartanka Feerka.

Ramla oo 31 jir oo qoraal soo dhigtay barteed Twitter-ka ayaa xaqiijisay inay ka qeyb geli doonto tartanka feerka ee Olombikada.

Ramla Cali ayaa ah Gabar Soomaaliyeed, waxayna noqoneysaa gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo abid si xrifadeysan feerka usoo gudubto iyadoo leh rikooka 3-0 ah oo ah rikoor aad u fiican oo muujinayo heerka ay xirfaddaan ka gaartay.

Ramlo Cali ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxana ay hore ugu guuleysatay tartano badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale.

Ramla ayaa qaxooti ahaan u tagtay London iyadoo da’yar jirto, waxayna waqtigaas bilowday barashada xirfadaan.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo horyaalka adduunka” ayay tiri mar la hadleysay saxaafadda.

“Waxaan rajeynayaa markaan sidaas sameeyo in dadku ay aragti wanaagsan ka yeeshaan Soomaaliya.” ayey mar kale tiri Ramla.

Sidoo kale Tartanka Olombikada Adduunka waxaa ka qeyb geli doonto gabar kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Muunira Warasme taasoo iyadana ku tartameysa Taekwondo.

Tartanka Olombikada adduunka ayaa waxaa sanadkaan lagu qaban doonaa dalka Japan, waxaana socoto qaban qaabada loogu jiro iyadoo ay kasoo muuqan doonaan xirfadlayaal ka kala imaanayo wadamo badan .

Al-Shabab oo weerar culus maanta ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah, kaas oo u dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana ay soo wajahday cabsi xoog-leh.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, maadaama goobta la weeraray ay tahay xero, ayna adag tahay in xog laga helo.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidanka AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa sidoo kale haatan aad u kacsan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta.

Golaha ammaanka ee QM oo digniin horleh kasoo saaray colaadda gobolka TIGRAY

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda adag ee ka taagan gobolka Tigray iyo dagaallada kasoo cusboonaaday ayaa digniin culus kasoo saaray in colaad horleh ay ka dhacdo halkaasi.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladii horey uga dhacay waqooyiga Itoobiya ay sababeen macaluul saameyn weyn ku yeelatay qiyaastii illaa 400,000 oo qof.

Madaxa arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Rosemary DiCarl oo kulanka ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay suuragal tahay in colaad hor leh iyo dagaallo culus ay ka dhacaan gobolka Tigray oo ay isku hayaan ciidanka dowladda Itoobiya & TPLF.

“Waxaa suurtagal ah in ay dhacaan iska hor imaadyo badan iyo in si deg deg deg ahi ay xaaladda ammaan u xumaato, arrintaa oo walaaceeda leh,” ayay tiri Rosemary DiCarlo.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Xabbad joojintii lagu dhawaaqay waxay fursad siinaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, oo kooxda TPLF ay ka mid tahay, in ay ka faa’iideystaan oo ay xaaladda ku dejiyaan. Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqeynaa xoogagga difaaca Tigreeda ee TDF in ay si deg deg ah u ansixiyaan xabad joojinta oo gebi ahaanba ay dhaqangeliyaan,” .

Ugu dambeyn waxay baaq yu diratay dhinacyada ay dirirta u dhexeyso, iyada oo ka codsatay inay gacan ka geystaan baaritaanada haatan socda, si la’iskula xisaabtamo xad-gudubyadii iyo sidoo kale dhibaatooyinkii kala duwanaa ee horey uga dhacay halkaasi.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhinacyada ku lugta leh colaadda in inta awoodooda ah, ay gacan ka geystaan baaritaanka wadajirka ahi ee socda ee ay wadaan xafiiska xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya. Waxaa khasab ah oo lagama maarmaan ah in la iskula xisaabtamo xad-gudubyadii xuquuqda aadanaha ee aadka u xumaa ee la galay muddadii ay colaadda socotay, oo ay ku jiraan falalka xad-gudubka dhanka galmada ahi ee lagula kacay carruurta iyo dadka qaangaarka ahi iyo sidoo kale dilalkii tirada badnaa ee dhacay,” ayay hadalkeeda sii raacisay DiCarlo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horraantii usbuucan ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah oo ka hirgaleysa gobolka Tigray ee dalkaasi.

Rooble oo war kasoo saaray qaraxa iyo Al-Shabaab oo sheegtay cida ay la beegsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa warar kala duwan ka soo saaray qaraxii is-miidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qoraal ka soo baxay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa aad loogu cambaareeyey qaraxaas, “Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada,” ayuu yiri Rooble.

Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay in qaraxaas ay mas’uuliyadiisa sheegteen, islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, halka dhaawacyada ka dhashana ay ku sheegeen inay 20 kale kor u dhaafayaan.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay sheegeen in qaraxaas ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ka kala tirsan booliska iyo sirdoonka Qaranka, sida ay ku sheegeen warkan ka soo baxay.

Qaraxa oo uu fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegeen Caasimada Online, sidoo kale warar soo baxaya waxay sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badan yahay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah maqaayad ku taalla isgoyska Jubba ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, waxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey sawirrada qaar kamid ah askartii ku geeriyootay qaraxaas.

Laamaha ammaanka ayaan weli shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, balse saraakiil aan la xariirnay waxay noo sheegeen inay wadaan baaris ku aadan qaraxa ka dhacay maqaayadaas, taasi oo uu fuliyey qof naftii halige ah, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay la hadlaan warbaahinta.

Dhageyso: Sheekh Mukhtaar Roobow oo cunada ka soomay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnuur ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in maalintii 2-aad uu maanta cuntada ka sooman yahay Abuu Mansuur oo muddo saddex sano ah u xiran dowladda Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay oo ah qaraabada Abuu Mansuur ayaa sheegay in shalay subax ilaa caawa uu diiday in uu furo qolkiisa oo dhaxda uga xiran, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan caafimaadkiisa.

Yuusuf Xasan Mursal oo qaraabo la ah Abuu Mansuur, sidoo kalane ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu hogaamiye ka yahay Sheekh Mukhtaar ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan NISA oo la socda xaaladda Abuu-Mansuur ay ku soo wargeliyeen in maalintii 2-aad uu raashinka ka sooman yahay.

“Waxaa naloo xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar shalay ilaa caawa aan idinla hadlayo uu diiday in uu furo qolkiisa si raashin loogu geeyo mana ogin sababta waxaana sidoo kale la ogeyn caafimaadkiisa,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

“Haddii ay dhibaato soo gaarto Abuu Mansuur waxaa masuul ka ah Farmaajo waxaana ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqayaa in xaaladda Sheekha la socdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yuusuf Xasan Mursal.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Baydhabo laga soo xiray daba-yaaqadii sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale dhowr jeed ka soomaya cuntada, waxaana mas’uuliyiinta uu ka soo jeedo iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyaa in aysan xil iska saarin sidii uu cadaalad ku heli lahaa Abuu Mansuur.

Hoos ka dhageyso codka Yuusuf Xasan.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii is-miidaminta ahaa ee caawa ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo galabtii ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.

Qaraxa oo uu fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa shan ruux, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, wuxuuna kusoo aaday qaraxu xili uu mashquul badan ka jiray isgoyska Jubba oo ay ku taalay maqaayada la qarxiyey.

Laamaha amaanka ayaa wada baaris ku aadan qaraxa ka dhacay maqaayadaas, taasi oo uu fuliyey qof naftii halige ah, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wanaagsan, hase yeeshee waxaa si weyn usoo batay qaraxyada ay geysanayaan dad isku soo xira jaakadaha qaraxyada laga sameeyo.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-Shabaab, ilaa haddana majiro war kasoo baxay oo ay ku sheeganeyso mas’uuliyada qaraxaas.

DF oo dheereysay muddada ruqsad bixinta shidaalka xilli ay dib u gurteen shirkadaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa waqti dheeri ah ku dartay xilliga kama dambeysay ah ee shirkadaha caalamiga ah kusoo dalban karaan ruqsadda sahminta shidaalka la rumeysan yahay inuu ku jiro xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Batroolka ayaa bishii August 2020 si rasmi ah u daah-furtay wareegga koowaad ee bixinta ruqsadaha, waxaana kadib bishii March la dheereeyey waqtiga ay ku ekeyd, ayada oo lasoo gaarsiiyey 30-ka bishii hadda dhamaatay ee June.

Si kastaba, Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay 29-kii June oo ay heshay Caasimada Online, waxay ku sheegtay in kadib codsiyo ka yimid maal-gashtayaasha iyo shirkadaha shidaalka ee caalamiga ah ay hadda ka shaqeyneyso inay mar kale waqti ku darto xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay inay shirkadaha kusoo gudbistaan codsiyadooda. 

Wasaaradda Batroolka iyo Hay’adda Batroolka ayaa sheegay inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku shaacin doonaan waqtiga cusub ee lagu kordhiyey xilliga kama dambeysta ah.

Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa rumeysan in kadib qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay, kaasi oo ka dhashay muddo kororsigii fashilmay ee uu sameeyey madaxweyne Farmaajo, ay inta badan shirkadaha caalamiga ah dib u dhigeen inay soo dalbadaan ruqsadda.

Waxaa sidoo kale jirta in Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ay uga digeen shirkadaha inay heshiis la galaan dowlad muddo xileedkeeda sharciga ah uu dhammaaday, haddii ay sidaas sameeyaanna aan la aqoonsan doonin heshiis kasta oo galaan marka ay dalka dowlad cusub ka dhalato.

Arrimhan oo dhan ayaa cabsi geliyey shirkadaha shisheeye, taasi oo sababtay inay dib u dhigtaan dalabyadooda.

Afartii bishii janaayo 2021, waxaa dib u dhac uu ku yimid munaasabadd lagu saxiixi lahaa bixinta ruqsadda shidaalka Soomaaliya, taasi oo ka dhici laheyd madaxtooyada Soomaaliya. Munaasabaddaas ayaa waxa lagu saxiixi lahaa bixinta xirmooyin shidaal (Blocks) oo ku kala yaalla Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Waxa lagu waday inuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed uu heshiiskan u saxiixo labo shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum oo horay loo oran jiray Soma Oil and Gas.

Baaqashadaas ayaa waxaa sababay cadaadis caalami ah oo la saaray dowladda oo ahaa inay dib u dhigto, sida ay ogaatay Caasimada Online, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa u yeeshay sabab kale. 

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed oo xiligaas hadlay ayaa sheegay in heshiiskaas uu u baaqday arrimo farsamo.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Hay’adda Batroolka ee dheereynta waqtiga kama dambeysta ah.

GUDDIGA doorashooyinka heer federaal oo maanta doortay guddoomiye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo maanta yeeshay kulan rasmi ah ayaa waxay doorteen gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddiga ayaa waxay guddoomiye u doorteen Mudane Muuse Geele Yuusuf, kadib markii guddoomiyihii hore ee guddiga, Maxamed Xasan Cirro uu madasha shirka isaga casilay xilkii hore isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku-meel gaarka ah.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada dalka.

Gudoomiyaha cusub ayaa isla maanta dhisay guddi ka kooban shan xubnood oo qabanaya doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka oo dhici doonta bilowga toddobaadka soo socda midaasi oo ku beegan 4-July-2021.

Waxaa si weyn u socota dar-dar-gelinta doorashada dalka oo muddo dhaaf ku yimid, kadib heshiis ay dhinacyada isku hayey ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dalka u jiheynayey doorasho.

MAREYKANKA oo shaaciyey xog ku saabsan ciidamada ay DF geysay dalka Eritrea

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Mareykanka ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya, taas oo ay horay u beenisay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ee dagaalka Tigray.

Godec oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas.”

Ilhaan ayaa mar kale weydiisay Godec sababta ay ciidamada Soomaaliya u joogeen Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.”

Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay suuragal tahay inay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegayo in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.

“Waxaan helnay macluumaad iyo warar ku saabsn in ciidamada Soomaaliya laga soo daabulay saldhig militari oo ay tababar ku qaateen oo ku yaalla Eritrea si ay ugu biiraan dagaalka Tigray, waxaana la socday ciidamo Eritrea ah.”

Dowladda fedaraalka ee Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa  xilliggaas sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

Waa kuma Jeneraalka ka dambeeya guulaha Tigrayga?

Waxaa markii labaad noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ka wada buuraha Tigray janan ka tirsanaa milateriga dalkaas, sida uu qoray falanqeey Alex de Waal.

Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraaga ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga.

68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray igray People’s Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam.

Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda.

May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu.

Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay shaqaalaha dowladda.

Duulaankii Gedo

Todobadkii sano ee xigtay, Jen Tsadkan, ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo dalacsiiyay darajada Jeneraal.

Waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee UK.

Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro xooggan ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996 milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas.

Waxa kale oo uu si qarsoodi ah ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa Cumar Xasan Al-Bashir.

Xilka ayaa laga qaaday

Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya, arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF.

Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray Ra’iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei.

Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya.

Intii muddo ah, waxa uu jananka la qabsan la’aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay hay’adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade, isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka Tigray.

Soo dhoweyntii Abiy

Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra’iisal wasaaraha Itoobiya. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy.

Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu isaga baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra’iisal wasaaraha aanay ka go’neyn inuu si nabad ah ku xalliyo khilaafka.

Markii uu billowday cadaadiska ka dhanka ah mas’uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada Mekelle.

Bishii November 2020, waxaa billowday dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka kala dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta.

Dhalinyaro badan oo ka caraysan tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale hubka qaatay rag da’ ah oo horay u diidanaa nidaamka TPLF.

Dowladda Itoobiya oo jananka iyo saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto.

Isha: BBC