26.3 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Hargeysa: Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab kacay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana ku geeriyooday caruur walaalo ahaa.

Taliska ciidamada dab damiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in labo caruur ah ay ku geeriyoodeen dabkaas oo ka kacay gurigooda, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray inay si dhaqsi gudaha ugu geli waayeen xaafadda uu dabku ka kacay, sababo la xiriira ciriiri ka jiro waddooyinka xaafaddaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in caruurta ku geeriyotay dabkaasi uu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in xilliga uu dabku  bilaabanayay uu howlo shaqo uga maqnaa guriga ay dagan yihiin caruurta iyo qoyskiisaba.

Waxaa sidoo kale goobta gurmad ahaan u tegay mas’uuliyiin uu horkacayey duqa cusub ee magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u tacsiyeeyey dhibanayaasha.

Haregysa ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana xaafado ka tirsan magaaladaasi siyaabo kala duwan uga kaco dab geysta khasaare kala duwan.

Nin been abuuray afduubkiisa si LACAG madax-furasho ah uu uga helo xaaskiiska

Nairobi (Caasimada Online) – Nin 36 jir ah oo ka shaqeeya boda-boda kana soo jeeda tuulada Kabusenduk oo ku taal Bureti, kowntiga Kericho ee dalka Kenya ayaa loo xiray qorshe afduub been abuur ah oo la soo diyaariyey si uu xaaskiisa uga raadsado 100,000 oo lacagta Kenya ah, una dhiganta ku dhowaad 1,000 dollar.

Sarkaalka waaxda dambi baarista ee gobolka (CCIO) John Onyango ayaa sheegay in ninkan la qabtay kadib markii baarayaasha ay qabteen isaga oo ku dhuumaaleysanaya guriga saaxiibkiis xilli uu sugayay in xaaskiisa ay lacagta u dirto.

Xaaska tuhmanaha si kastaba ha ahaatee waxay ku wargalisay booliska in ninkeeda uu soo wacay si uu ugu wargaliyo in la afduubay afduubayaashuna ay dalbanayaan 100,000 Sh.

CCIO waxay intaas ku dartay in tuhmanaha, si uu xaaskiisa uga baqdo inay lacagta u dirto, uu ku wargaliyay in afduubayaashu la sheegay inay gacmihiisa xireen ayna horeyba u joogeen xarunta ganacsiga Chepsir ee ku teedsan wadada weyn ee Kericho-Nakuru islamarkaana ay xawaare ku socodaan meel aan la garanayn.

“Isla markiiba, saraakiisha bilayska ayaa bilaabay baaritaano waxayna heleen mootadii laga shakiyay oo laga helay meel cidla ah oo lagu daweeyo Kebeneti,” ayuu yiri Onyango.

CCIO waxay intaas ku dartay in 24 saacadood ka dib xog aruurin xoog leh oo ay ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha, dhibanaha la sheegay in la afduubay laga helay guriga saaxiibkiis.

“Eedeysanaha wuu iska nasanayay euxuuna sugayay lacag madax furasho ah oo loo soo diro. Waa la qabtay waxaana la dhigay qol bilays ah si loogu soo oogo Isniintii afduub la sheegay,” ayuu yiri Mr. Onyango.

CCIO ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha saaxiibkiis la siidaayay kadib markii baaritaanada hordhaca ah ay muujiyeen inuusan ku lug laheyn qorshaha.

“Ninku wuxuu soo dhoweeyay oo martigeliyay saaxiibkiis isagoo aan ka warqabin dhagar qabe tuhmanaha,” ayuu yiri Onyango.

Sarkaalka Baarista Dambiyada ee Gobolka (CCIO) ayaa ku daray baaritaanada hordhaca ah sidoo kale waxay muujinayaan tuhmanaha inuu doonayo inuu uruursado 10000 Sh.So si uu uyareeyo amaah uu ka qaatay Hay’ad Samafal oo ah Saving and Credit Cooperative Society (Sacco)

Waxaa tarjumay Ahmed Hassan Ibrhim
[email protected]

TPLF oo shuruudo adag ku xiray xabad-joojinta uu Abiy Ahmed dalbaday (Aqriso)

Mekelle (Caasimada Online) – Mucaaradka qabsaday gobolka Tigray ayaa “mabda’ ahaan aqbalay” xabad-joojintii ay iclaamisay dowladda Abiy Ahmed, hase yeeshee waxay soo bandhigeen shuruudo adag oo ay tahay in la fuliyo kahor inta aysan u hoggaansamin. 

Shuruudaha ay soo bandhigeen TPLF, ayaa waxaa ka mid ah in ciidamada Eritrea iyo dagaal-yahanada Amxaarada ay ka wada baxaan meelaha ay uga harsan yihiin gobolka Tigray, oo ay ku sugnaayeen sideed bil. 

Mid ka mid ah shuruudahooda ayaa waxaa sidoo kale ku jira in xukuumadda Addis Ababa ay ku dhowaaqdo in dowladdii kahor dagaalka ka jirta gobolka Tigray lasoo celiyo.  

“Inta aan haysano damaanaad qaad la xiriira amniga shacabkeena, iyo inaan duulaan kale lagu qabsaneyn, waan aqbaleynaa xabad-joojinta mabda’ ahaan,” ayaa lagu yiri bayaanka maanta kasoo baxay “dowladda Tigray”. 

“Si kastaba, kahor inta aan heshiiska xabad-joojinta, rasmi laga dhigin, waa in wax laga qabtaa arrimaha aan dalbanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

TPLF ayaa sidoo kale dalbatay in Abiy Ahmed iyo Isais Afwerki lagula xisaabtamo waxyeeladii ay ka gaysteen gobolka Tigray, sidoo kalena QM ay abuurto guddi madax-banaan oo baara dambiyada argagaxa leh ee gobolka ka dhacay intii uu dagaalka socday.

Shuruudaha kale ayaa ah kuwa bani’aadannimo, waxaana ku jira gargaar ka qeybinta gobolka, iyo in si nabdoon ay dib ugu soo noqdaan shacabka Tigray ee barakacay. 

Dowladda Addis Ababa ayaa mar kasta diida inay wada-hadal la furto hoggaamiyeyaasha TPLF, ayada oo kooxdaas dikreeto baarlamaan ugu aqoonsatay koox argagixiso. Hase yeeshee ma cadda haddii guul-darrada dhowaan gaartay ay taas wax ka beddeli doonto.

TPLF ayaa Jimcihii waxay kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia marsiiyeen waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah.

Sababta Shabaab ku kaliftay xeeladda cusub ee qaraxyada Muqdisho ay u adeegsato

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dembeeyay beddeshay xeeladda ay u adeegsato qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaa Muqdisho, waxayne u weecdeen qaraxyada is-miidaaminta ah oo ay fulinayaan dad isku soo xira waxyaabaha qarxa, kuwaas oo lala beegsanayay bartilmaameedyo kala duwan.

Qaraxyadaas ayaa inta badan waxay sababaan dhimashada dad badan, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmaan, waxayna meesha ka saareen qaraxyadii inta badan lagu yaqaanay argagixisada ee gawaarida iyo miinooyinka.

Haddaba, maxay tahay sababta ay u soo badanayaan qaraxyada is-miidaminta ee dadka isku soo xiraya waxyaabaha qarxa?

Khabiir amni Xuseen Macallin Maxamuud oo ah maamulaha machadka daraaseeya amniga ee Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in xeelada is-miidaaminta dadka is-qarxinaya ay usoo badaneyso waxyeeladeeda oo sareysay iyo sida fudud ee ugu gudbi karaan bartilmaameedkooda.

Xuseen ayaa asagu qaba in argagixisada ay ku guul-dareysteen in gawaari qaraxyo ka buuxan ay soo galiyaan gudaha magaalada Muqdisho, islamarkaana ay u wareegsadeen xeelada is-miidaaminta dadka.

“Tabaha ay kusoo weerar tagaan waa midka baabuurta iyo ciidamada isla socda waana midka ay jeclaan lahaayeen inay fuliyaan, midka badalka ah ee ugu muhiimsan waa qofka is-qarxinaya maadama uu halkii mar leyn karo tiro dad ah,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa magaalada Muqdisho, ayaa xiligaan si weyn u adeegsata qaraxyada is-miidaaminta ee qofku isku soo xiro, kadib markii ay ku guul-dareysteen inay gudaha u soo galiyaan magaalada gawaari ay ka buuxan walxaha qarxa.

SACUUDIGA oo billaabay qorshe uu loolan adag kula galayo Imaaraadka iyo Qatar

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay sameysato shirkad cusub oo dhanka duulimaadka ah, waxayna tartan dhanka suuqa duulimaadyada caalamiga ah la geli doontaa shirkadaha duulimaadyada ee ay leeyihiin dowladaha Gacanka Cadmeed ee The Emirates iyo Qatar Airways.

Tallaabada ay qaadeyso dowladda Sucuudigu ayaa tartan ganacsi oo dhanka suuqa duulimaadyada ah dhex dhigi doonta seddaxdaan dowladood ee Carabta ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, ayaa gadaal ka riixaya qorshahaan ay miisaaniyadda badan ku baxayso, waxayna Sucuudigu ku tashanayaan dhaqaalaha faraha badan ee uga soo xarooda shidaalkooda.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa haatan wel-wel xoog leh ku abuureysaa dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, maadaama ay Sacuudigu ay qorsheynayaan inay noqdaan marinka shanaad ee adduunka ugu weyn dhanka duulimaadka hawada.

Diyaaradda cusub ee ay sameysaneyso Boqortooyada Sucuudigu waxay sarre u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkeeda iyo inuu Sacuudigu noqdo marin caalami ah (International routes) oo dhanka Gacanka Cadmeed ah.

Wasaaradda Gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaan illaa hadda soo saarin qorsheyaal faah-faahsan oo ku saabsan diyaaraddaan cusub ee ay sameysaneyso. codsigooda.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horay u laheyd shirkad duulimaad oo yar oo ka shaqeysa gudaha dalkeeda waana Flyadeal, diyaaraddaas ayaa inta badan waxay sameyn jirtay duulimaadyada bar-ka-barta ah (Point-to-point flights) ee loogu adeego shacabka Sacuudiga oo dhan 35 milyan.

Balse, haatan Sacuudigu wuxuu ballaarin doona adeegyadiisa duulimaad si uu uga mid noqdo dalalka ugu badan ee ay soo maraan duulimaadyada caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, waxayna midaasi walaac hore ku abuureysa ku abuureysaa shirkadaha The Emirates iyo Qatar Airways.

Riyadh waxay durba u dhaqaaqday inay la tartanto Imaaraadka oo ah wadanka ganacsiga iyo dalxiiska ee Gobolka, waxayna Sacuudiga sheegtay in laga bilaabo sanadka 2024-ka ay joojineyso qandaraaska ay siiso shirkadaha aan xarunta ugu weyn ku laheyn gudaha boqortooyada.

“Tartanka ganacsiga ee dhinaca duulimaadka had iyo jeer wuxuu ahaa mid aad u xun, haddana wuxuu u muuqdaa inuu kasii dari doono, waxaa soo dhow jahwareer ku saabsan xiriirka Gobolka,” ayuu yiri Robert Mogielnicki, oo ah aqoonyahan wax ka dhigo Machadka Arab Gulf States Institute ay

Dubai, oo ah xarunta ugu weyn adduunka ee safarka duulimaadyada ayaa ku dhawaaqday qorshe shan sano ah oo lagu kobcinayo boqolkiiba 50% duulimaadyada iyo marinnada maraakiibta iyo sidoo kale in la laban-laabo awoodda dalxiiska labaatanka sano ee soo socota.

Amiir Maxamed wuxuu isku dayayaa inuu soo jiito Ra’simaalka shisheeye si uu u abuuro warshado cusub oo ay ka mid yihiin dalxiiska, wuxuuna hamigiisa yahay inuu kordhiyo guud ahaan dalxiisayaasha lana gaarsiiyo 100 milyan sanadka 2030 halka ay ka aheyd 40 milyan sanadkii 2019.

“Sacuudi Carabiya waxay awood u leedahay inay horey u sii wado istiraatiijiyadeeda duulimaadka iyo dalxiiska marka kuwa kale ay dib u guranayaan oo ay dib uga laabanayaan,” ayuu yiri Brendan Sobie oo ah lataliye dhanka duulista ah.

“Waa istiraatiijiyad qatar ah, laakiin sidoo kale macquul ah marka la fiiriyo mowqifkeeda iyo ujeedada guud ee kala duwanaanta.” Ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, shirkad kasta oo diyaaradeed waxay u baahan tahay Ra’isumaal bilow ah, waxayna khubaradu ka digayaan hamiga Sacuudi Carabiya ee ah inay ku tartanto duulimyaadyada transit-ka taas oo ay kala kulmi karto sannado khasaare ah.

Arrintaan ayaa imaneysa iyadoo shirkadda Emirates ay ku dhawaaqday khasaare dhan 5.5 bilyan oo dollar bishii lasoo dhaafay, maadaama uu isku socodka duulimaadyada caalamka saameyn xoogan ku yeeshay feyriska Covid-19.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay shirkadda Emirates ku kabtay adduun dhan 3.1 bilyan oo dollars, si ay u sii wado shaqadeeda duulimaadyada.

Guddiga doorashada heer FEDERAAL oo guddoomiye cusub oo rasmi ah doortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer Federaalka ayaa goor dhaweyd doortay guddoomiye cusub oo rasmi ah kadib codeyn Maanta ka dhacday Xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Tartanka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa u tartamay illaa 5 musharax oo kala ah:1- Maxamed Xasan Cirro, 2- Liibaan Axmed Xasan (Liiban Shuluq), 3- Cabdi Xiis Aadan 4- Cabdcasiis Yuusuf, 5- Maxamed Muuse.

Wareegga labaad doorashada ayaa waxaa usoo gudbay Maxamed Xasan Cirro oo helay 12 cod iyo Liibaan Axmed Xasan (Liiban shuluq) oo helay 8 cod.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Cirro oo helay 14 cod halka Liibaan Shuluq uu helay 10 cod, sidaasna waxaa guddoomiye ku noqday Maxamed Xasan Cirro oo horeyna usoo noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee la kala diray.

Maxamed Xasan Cirro ayaa xilligii uu noqday guddoomiyaha guddigii doorashada ee muranka dhaliyey ee markii dambe la kala diray waxa uu si xooggan ugu xirnaa Villa Somalia, balse ma cadda waxa hadda arrintaas iska beddelay.

Dhinaca kale, Mowliid Xaaji Mataan ayaa isna ku guulaystay doorashadii gudoomiye ku-xigeynka Guddiga Hirgalinta dorashoyinka Heer Federaal.

Doorashada ayaa si daah furan u dhacday, waxaana agaasinkeeda lahaa Guddiga Farsamada ee isku xirka howlaha doorashada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo si weyn loogu amaanay.

Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamanka Puntland oo lala simay kan madaxweynaha maamulka

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka badal ay lagu sameeyay xeer-hoosadka golahaas ee ku saabsan mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha golaha.

Xeer-beddelka la sameeyey ayaa lagu go’aamiyey in mooshinka xilka ka qaadista ay tahay inay u codeeyaan ugu yaraan 44 xildhibaam, halka markii hore ay ka aheyd 34 xildhibaan.

52 Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay waxaa Ansixinta Xeerkaan u codeeyay 38-Xildhibaan, 10 ayaa diidan halka ay ka aamuseen 4-kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ansixinta xerkaan ayaa waxay ka dhigan tahay in madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha barlamaanka ay ka siman yihiijn codadka ay xilalkooda ku waayi karaan haddii mooshin lagasoo gudbiyo. Madaxweynaha ayaa markii hore codadka looga qaadi karo xilka ahaayeen 44, balse hadda waxaa sidoo kale lala soo simay guddoomiyaha baarlamanka.

Codadkan waxay u dhigan yihiin labo meelood oo kamid ah tirada xildhibaanada barlamaanka Puntland oo ah 66 mudane.

Wax ka badalka Xeer Hoosaadkaan waxaa soo Gudbiyay Guddiga Shuruucda & Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Aqrin kadib Golaha Wakiilada ayaa loo qaybiyay ugu dambeyn maanta u codeeyay.

Waa markii ugu horaysay oo barlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka awoodaha guddoonka barlamaanka. Waxaa la aaminsan yahay in uu xeerkaan adkayn doono in guddoomiyaha barlamaanka si fudud xilka looga qaado sida horey u dhacday.

Tan iyo markii la aas-aasay maamul goboleedka Puntland, inta badan guddoomiyayaashii barlamaanada ee soo maray waxay la kulmeen mooshin xilka looga qaadayay, iyadoo loo aaneenayay inuu ka yimid dhinaca madaxweynaha markaas joogay.

Waxaa ugu dambeeyay guddoomiyihii barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed, kaasoo todobadii bishii November ee sanadkii 2019 xilka looga qaaday mooshin lagasoo abaabulay madaxtooyada Puntland, sida uu isagu sheegay.

IMAARAADKA oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Xasan iyo safiir Al-Cusmaani

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Safiirkeeda u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka kooban oo kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynihii hore uu Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani la wadaagay mahadnaq ku aadan kaalinta uu Imaaraadka ka qaatay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dowladda Imaaraadka ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixineyso dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoona xoojiyey xiriirka labada dal iyo xiriirka shacab ee soo jireenka ah.

“Waxa uu la kulmay Mudane Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani , Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu mahad-naq iyo bogaadin ugu jeediyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna xoojiyey xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dowladihii sida adag uga horyimid muddo kororsigii fashilmay ee gadaal ka riixeysay Villa Somalia, wuxuuna hormuud u ahaa wadamo si adag u cambaareeyay falal amni daro oo kal hore ka dhacay caasimada dalka, kuwaasi oo ka dhashay khilaafkii doorashada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe mad-madow badan ka jiray, ayada oo dhowr jeer ay dowladda federaalka si adag uga hortimid qoraalo kasoo baxay Imaaraadka oo ku aadana xaalada dalka.

Sawirro: Ciidamada DF iyo Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta ka dhacay bar laga maamulo amniga garnooka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka u ka dhashay, kadib markii ciidamada dowladda oo howl-gallo waday ay gudaha u galeen deegaanada  Tuula-xaadow & Cabdi Haaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadeen deegaanadaasi, xilli ay isku uruursanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyo halkaasi.

Si kastaba, xog aan helnay ayaa sheegeysa in maleeshiyada Al-Shabaab ay saaka 7-dii subaxnimo soo weerareen goobtaas laga maamulo amniga garoonka oo ay ciidanku ku sugnaayeen. Dagaal socday ilaa 1 saac ayaa la sheegay inuu goobtaas ka dhacay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyo 10 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarka, sida ay sheegayaan ilo-amni oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan magacooda la shaacin.

Saraakiisha ayaa xusay inay dagaalkaasi ku dileen ugu yaraan 15 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayna sidoo kale kasoo furteen hub badan, sida ay hadalka u dhigeen. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay weerar kedis ah ku qaadeen ciidaanka oo ay dileen 8 askari.

Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in xaaladda duleedka Dhuusamareeb ay aad u kacsan tahay, iyada oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shababa oo weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobolladaasi.

Waa wareerkii labaad oo toddobaad gudihiisa ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada Galmuudug.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab Axaddii hore ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

General XUUD oo war kasoo saaray dagaalkii Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – General buukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha golaha la magac-baxay Kacdoonka Hiiraan ayaa faah faahiyey dagaal u dhexeeyey maleeshiyaadkiisa iyo ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay Beledweyne.

Xuud oo wareysi gaar ah siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaasi uu geystay khasaare kala duwan, wuxuuna qiray inay dhankooda uga dhaawacmeen 2 askari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka ka qarxay Beledweyne uu yimid, kadib markii sida uu sheegay looga baxay heshiis ay la galeen HirShabelle oo ahaa in shirar aysan ku qabsan karin magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka waxaa dhaliyay Hir-Shabeelle oo dhowr & toban Wasiir gelisay Magaalada si shir ay u qabsadaan, waxa ay ka baxeen heshiis ay nala galeen oo ahaa in aan kulan ama mas’uuliyiin kale imaan karin” ayuu wareysigan ku yiri Genaral Abuukar Xuud.

Generaalkan ka gooday dooerashadii HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa ku goodiyey in haatan wixii ka dambeeya ay xabad ku wajahi doonaan maamulka HirShabelle.

“Todobo bil ayaan wanaag & nabad raadineynay, dhinac waliba waa nalaga soo galay, waxa ay u muuqaataa in nala qasbayo balse ma aqbali doono, xal aan xabad ahayn kuma wajaheyno HirShabelle” ayuu markale sii raaciyay hadalkiisa.

Xaaladda Belweyne ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq u dhexeeya labada dhinac oo ka socda gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xiisadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maanta la filayo in golaha wasiirada HirShabelle ay shir xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Beleweyne oo bilihii u dambeeyey uu ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Xog: Loolanka gudoomiyaha guddiga doorashada ee la dooranayo maanta iyo Villa Somalia oo wadata musharax

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) oo uu 19-June-2021 magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muuse Geele Yuusuf waxa uu u doortay guddoomiye KMG ah oo fududeynaya doorashada guddoomiyaha iyo kuxigeenka FIEIT si loo fududeeyo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka.

Sida lagu sheegay War ka soo baxay guddiga FIEIT Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban-qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka guddiga

Muuse Geele guddoomiyaha KMG ah ayaa dhisay guddi ka kooban shan 5 xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka oo dhici doonto maanta oo Axad ah, 4-July-2021.
Guddoomiyihii hore  ee guddigan Maxamed Xasan Cirro ayaa u sheegay idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho inuu si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiye ee guddigan oo loo doortay November-2020, isagoona ku wareejiyey guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.
Yaa ku tartamaya xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal?
Illaa hadda inta la ogyahay 4 xubin oo kamid ah guddiga ayaa u taagan xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT) waxa ayna billaabeen ololahooda ay ku doonayaan qabashada xilka guddoomiyaha oo guddiga iska dhex dooranayo maanta. Xubnaha u sharraxan xilka guddomiyaha FIEIT ayaa kala ah

1- Maxamed Muuse Maxamuud
2- Maxamed Xasan Cirro guddoomiyihii hore ee guddiga
3- Cabdi Xiis Aadan
4- Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq)

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan tahay islamarkaana u ololeyneyso in uu xilka guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federal (FIEIT)  ku soo baxo Maxamed Muuse Maxamuud oo gacansaar iyo saaxiibtinimo gaar ah la leh Villa Somalia.

Labada arrin ee uu qalday ABIY AHMED ee fashiliyey!

Siyaasadu waa shax lagu ciyaaro waayo aragnimo iyo khibrad dheeraad ah si aad guul uga gaadha , qofna kuma filna qalin iyo buug wax loogu dhigey oo kali ahi , waa in aad fahmi kartaa sida looga fekero ee loogu nool yahay meesha aad ku uuman tahay .

Bilowgii hore isaga oo ka faaiideysanayey khibradiisii ciidan iyo waayihii ku soo maray Badame ayaa waxa uu qaatey go’aan taariikhda ku suntan oo ahaa kii nabada ee Erateria , waxaana uu soo af jaray colaad ku dhaweyd in ay siddon jirsato , waxa uu la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday, waxa uu sii daayey maxaabiistii siyaasada u xidhnaa oo kumayaal ahaa , halkani waxa ugu jirey dawladiisa dhawr faaiido iyo khatar ba isugu jirey.

1- Ereteria waxa ay ahayd xudunta mucaaridka Ethiopia oo qoomiyad walba leh oo jabhado fadhiyaan waliba taageero ay la garab taagan tahay dawlada Erateria taasi oo halis ku ahayd jiritaanka Ethiopia, nabadeedu waxa ay soo dhaweysay Ethiopia xasiloon.

2- Waxa ay jiheysay kacdoonkii gudaha dalka ee qoomiyada oromada oo joogsan la’aa , iyo guux badan oo ka jirey dawlad goboleedyada Ethiopia in uu soo yaraado , oo uu yimaado aragti kale oo cusubi.

3- Waxa ay isbadel aan la fileyn ku sameysay siyaasadii Ethiopia ee sida wax isaga badelaan ay adkayd oo u dhaqaaqday dhinaca fur-furnaanta iyo nabad kuwada noolaansho gobolka ah .

Maxaa khataro ku dhex jirey heshiiskaa Erateria iyo sii daynta maxaabiista siyaasadeed iyo soo xerogalintii jabhadaha?

Sadex arimood waxa ay si toos ah uga hor imanayeen aragtidii iyo siyaasadii xukuumadii EPRDF ee TPLF gadhwadeenka ka ahayd intaniba waxa ay khatar ku noqdeen qoomiyada Tigray maamulkoogii oo u arkayey ;

1- Dhulkii Ethiopia iyo Erateria ay ku dagaalamayeen in uu yahay dhul Ethiopia leedahay oo ay gaar ahaan qoomiyadoodu xaq u lahayd kuna xoog iyo xoolaba beeleen in dhayal la isaga bixiyey.

2- Sii daynta maxaabiista siyaasadeed oo uu xidh-xidhay maamulkoogii oo marka ooda laga qaadey ay u arkeen suuqa ha lagu kala aargoosto.

3- Jabhadaha ay dagaalka kula jireen 27 ka sanadoodba oo lala heshiiyey waxa ay tustay in iyaga loo jeedo oo aragtida Abiy Ahmed tahay raad sameysasho iyo raad masaxid wada socda oo ku lid ah qoomiyada Tigray.

Talaabooyinka intooda ugu badan markii uu Raisal wasaare Abiy Ahmed qaadayey caalamku dhamaan way ku garab taagnaayeen waana lagu bogaadiyey waxa uu u muuqday qorax Geeska Africa ka soo baxday oo la wada arkay .

Halkaasi iyada oo la isla marayo ayaa qoomiyada Tigray laga sifeeyey taladii dalka oo dhamaantood lagu suntay waxii Ethiopia ka dhacay qaladaad 27 ka sanadood ee ay talinayeen madaxda ka soo jeedaa in iyaga madaxa loo saaro, waxa markiiba bilaabmay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsanayo saraakiishii Tigray , dabadeedna way colaad qaateen waxaana ay isku urursadeen gobolkoogii si ay uga badbaadaan qorshaha Abiy soo degay ee ah in Ethiopia oo dhan farta loogu fiiqo iyaga waxii xumaan dhacday.

Waxa ay galeen diyaar garow siyaasadeed xiliga doorashada si Abiy Ahmed ay meesha ugala wareegaan maadaama uu yahay ku sime doorashada gaadhsiinaya iyagana uu jiritaankooga ku noqday dhib iyo hadimo ku soo wajahan oo ay tahay in ay deg-deg isaga badbaadiyaan.

Dhibtu waxa ay si cad uga bilaabantay Tigray iyo dawlada Ethiopia dhexdooda xiligii doorashadii mudatsnayd Aug 2020 oo uu Abiy Ahmed sheegay in uu #covid19 awgii dib ugu dhigey mudo, Tigray waa ay diideen waxaana ay qabsadeen doorasho, dagaalka siyaasadeed iyo in wadashaqeyntii laga jaro ayaa halkaasi ka soo bilaabantay ilaa dagaalo lagu hoobtay iyo duqeymo lagu weeraray deegaanada Gobolka waqooyi ee Tigray oo barakac iyo burbur hanti iyo nafoba lagu beelay uu meeshaasi ka dhacay.

Abiy Ahmed muxuu qalday?

Dagaalka siyaasadeed ee aduunka ka jiraa waxa uu ku fadhiyaa diblomasiyad iyo dano la kala jiidanayo, Ethiopia iyo dawlada Maraykan markii aanu ogaanay halka ay kala taagan yihiin waxa ay noqotay markii qadiyada biyaha Nile ka uu ka hadlay maraykanku oo uu si cad u taageeray dawlada Egypt.

Halkani dhawr wax ba waa loo fasiran karaa oo kala ah;

1- Xidhiidhkii diplomaasiyadeed ee ka dhexeeyey xukuumadii hore ee Ethiopia iyo USA in aanu noqon xidhiidhka xukuumada Abiy Ahmed gadhwadeenka ka yahay.

2- China oo tartan kula jira USA ayaa Ethiopia aad u dhex galay, arrimahani waxa ay u eeg tahay in khilaafaadka danaha dawladaha waaweyn ay Ethiopia Maraykanku kaga hor yimid.

3- Deg-degii ku jirey Abiy Ahmed iyo aragtidii Abiymania oo dadka gobolka fajiciso ku noqotay iyo in dalal iyo qoomiyadaba wax la isaga weydiiyo waxa uu la soo socdo maamulka Abiy Ahmed iyo qoomiyada Oromia oo si qamuunyeysan.

Arimahani dhamaantood waxa ay fududeeyeen bal in loo fiirsado dhamaan siyaasada iyo dawlada Ethiopia xulafooyinka ay wadato iyo ujeedooyinka ay leedahay, oo il gaar ah dariska iyo duniduba isaga eegaan.

Dagaalkii uu ku qaadey Tigray ayaa noqday dabinkii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee uu ku dhaco, waliba isaga oo isku dhiibey qoomiyada amxaarada oo ay xad la leeyihiin Tigray , taasi oo u eeg aargoosi siyaasadeed in ay rabeen amxaaradu oo ay ka soo gudanayaan intii ka dambaysay taliskoogii dhergiga waxii ku dhacay.

Aduunku waxa uu guud ahaan ka soo horjeestay dagaalka gobolka Tigray oo barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur aan yareyn sababey kaasi oo ay ka qayb galeen dhowr wadan oo huwan ahi si loo xanuujiyo dadka gobolkaasi oo cidiba dano gaar ah u daba socoto.

Isku soo wada xoori Abiy Ahmed waxa uu qalday;

1- Dagaalka ayuu u fahmay in uu qoriga oo kaliya iyo awooda kursiga yahay, waxaanu kaba fekerin dagaalka diplomaasiyadeed waxa uu u diyaarsadey oo ah maanta kan ugu xooga weyn aduunka.

2- Dad wada aargoosanaya ayuu isku wareejiyey oo isagana dhiig faraha u galiyey dalkii Ethiopia na wiiqay meeqaamkii uu aduunka ka taagnaa.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Afgooye oo Farmaajo u gudbiyey dacwad ka dhan ah Filish iyo ku-xigeenkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah cabasho ka dhan guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa 1-aad Caana-boore ayaa la gaarsiiyay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in xafiiska Hanti-dhowrka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in musuq-maasuq ba’an uu ka socdo gobolka, islamarkaana lagu takri falayo hantida dadweynaha.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hanti-dhowrka Qaranka uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in la xiray akoonkii gaarka ah ee gobalka Banaadir lacagtii dowladda Hoose-na lagu shubo akoono gaar ah oo aysan jirin cid la socota, iyo in qeyb kamid ah mushaarka shaqaalaha gobalka Banaadir aan la bixin ilaa hadda. sababo la xariira in la musuq-maasuqay lacagta gobolka. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in uu guddoomay Madaxweyne Farmaajo islamarkaana uu ballan-qaaday in uu wax ka qaban doono eedaha loo soo jeediyay masuuliyiinta gobalka Banaadir.

Dacwadda uu gudbiyay Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ku beegneed maalmo ka hor todobaadka Xorriyada, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu wax ka qabto Madaxweyne Farmaajo. 

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhaya maamul xumada iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira gobalka Banaadir, kuwaasoo saameeyay guud ahaan shaqada gobalka iyo tan dowladda Hoose. 

Caasimada Online ayaa dhowaan qortay warbixino wadata caddeymo oo si buuxda u faah-faahisay akoonada gaarka ah ee maamulka gobolka Banaadir uu furtay, ee lagu shubo lacagta gobolka, iyo warqad uu arrintaas kaga horyimid hanti-dhowraha qaranka. Halkan ka aqri warbixintaas.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu la’yahay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nolol ama geeri lagu la’yahay Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi Koonfur Afrika.

Saruurow ayaa la waayey saddex cisho, ka hor, lamana oga illaa iyo hadda meel uu jaan iyo cirib dhigay, sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsatada Soomaalida.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in muwaadinka Soomaaliyeed ee la la’yahay la waayey, isaga oo gaari Alaab ku wada, kana baxay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan Gobalka North West, waxaana uu ku jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits.

Ganacsatada Soomaalida ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan dadaallo ku aadan sidii lagu heli lahaa muwaadinkaasi Soomaaliyeed, iyaga oo kiiskan la wdaagay ciidamada Booliska ee wadanka Koonfur Afrika, si daba-gal loogu sameeyo dhacdadaasi.

Maqnaashaha ganacsade Cabdullaahi Bootaan Saruurow ayaa wal-wal xoogan iyo walaac ku abuuray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay inay haatan wajahaan xaalado amni iyo dhibaatooyin is-biirsaday.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo sidoo kale boob hantiyeed.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay weerarada ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaas oo dhibaatooyin kala kulma kooxo Koonfur Afrikan ah.

ISRAEL oo mar kale duqeyn culus ka fulisay Marinka Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii nin Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed kaddibna diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraray bartilmaameedyo militari oo ku yaal marinka Gaza, sidaasina waxaa sheegay ciidamada iyo ilo wareedyo Falastiiniyiin ah.

Waxay dhacdadan noqoneysaa tii ugu danbeysay tan iyo bishii May oo Israel iyo Xamaas ay oggolaadeen xabbad-joojin.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay “duqeeyeen goob hubka lagu farsameeyo, lagana rido gantaalaha oo ay leedahay” waxa ay ugu yeereen ururka argixisada ah ee Xamaas oo maamusha Gaza.

Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga iyo dad goobjoogeyaal ah, goobaha la duqeeyay ayaa ku yaalla galbeed magaalada Gaza, iyo dhanka koonfureed ee Marinka, mana jirto wax war ah oo sheegaya haddii uu khasaare nafeed ka dhashay.

11 cisho oo uu dagaal ka dhex socdau Israeli iyo Xamaas ayaa xababd joojin lagu soo afjaray 21-kii bishii May.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 260 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen dagaalyahanno, sida ay ku warrameen maamulka Gaza.

Sidoo kale 13 qof oo Israa’iiliyiin ah oo u uu ku jiray askari ayaa ku dhintay gantaalo ay Xamaas ka tuurtay Gaza oo haleelay gudaha Israel sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo ciidamada Israel.

VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal ka qarxay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ka qarxay bartamaha magaalada, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Abuukar Xuud.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka uu wato Xuud oo kasoo horjeedo HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu ka dhacay halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyada hubeysan ee uu hoggaamiyo Janaraal Xuud.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli xiisad xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo diidmada kooxda Janaraal Xuud ee ku aadan kulan ay maanta magaaladaasi ku yeelanayaan golaha wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo qaarkood shalay gaaray gudaha Beledweyne.

Xuud iyo maleeshiyaadkiisa oo muddo ku sugnaa duleedka Beledweyne ayaa ka waday halkaas abaabul ka dhan ah HirShabelle, waxayna arrintu ka dartay markii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu shaaciyey in shirka golaha wasiirada lagu qabanayo Beledweyne, taas oo uu ka biyo diidan yahay janaraalkan ka gadooday doorashadii HirShabelle.

Si kastaba lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto iyo waxa laga filan karo HirShabelle oo golaheeda wasiirada ay maanta kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin halkaasi.

Daba-geed oo ku guuleystay inuu maamulka HirShabelle geeyo Beladweyne – Maxaa berri ka dhacaya?

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maalinta berri ay markii ugu horreysay ay Golaha Wasiirada HirShabelle shir ku yeeshaan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana shir guddoomin doono Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo sidoo kale ah ku simaha Madaxweynaha.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maanta inta badan Golaha Wasiirada HirShabelle ay ka dageen magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxayna halkaas kaga qeyb gali doonaan shirka Golaha Wasiirada oo muddooyinkan aan la qaban.

Wafdiga Wasiirada ee maanta gaaray Beladweyne waxaa ka horreeyay saraakiil ka socota xafiiska Madaxweynaha HirShabelle, kuwaasi oo maalmahan Beladweyne ka waday abaabul iyo diyaar-garow xoog leh.

Haddii berri magaalada Beladweyne ku shiraan Golaha Wasiirada ee Maamulka HirShabelle waxaa muuqata in Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed uu ku guuleestay in uu maamulka geeyo Beladweyne oo ay u diidanaayeen beesha uu ka dhashay ee Xawaadle.

Sidoo kale in Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Madaxtooyada HirShabelle ay wada joogaan kuna howlgalayaan Beladweyne ayaa ka dhigan in ay degtay xiisadii iyo abaabulkii ka dhanka ahaa maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe ay yaraatay. 

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu tago Beledweyne, waxaana arrintaas kala shaqeynaya dowladda federaalka oo dooneysa in xiisadda lasoo geba-gebeeyo, kahor doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne. 

Maxay tahay warbixinta ka careysiisay SHACABKA Sucuudiga ee ku saabsan Sheekh Naasirudiin Albani?

Shacabka dalka Sucuudiga ayaa si carro leh uga fal celiyey warbixin ku saabsan koox argagixo ah oo laga sii daayey telefishinka Al Ekhbariyaka dib markii warbixintaas ay salka la gashay magaca Allaha u Naxariistee Muhammad Nasiruddin al-Albani oo caan ka ah dalka Sucuudi Carabiya.

Sida lagu sheegay warbixintaan uu sii daayey taleefashinka Al Ekhbariya ee uu fadhigiisu yahay magaalada Riyadh, Sheekh Nasir Al Din Al Baniwaa aasaasihii kooxda argagixisada ah ee Alhul Xadith, kooxdaas oo sii dhashay kooxo kale oo badan oo argagixiso ah.

Warbixinta Al Ekhbariya TV ayaa lagu qoray: “Sheekh Naasiru-Diin Albany ayaa sameeyay kooxda Alhul Xadith oo markii dambe sii dhashay ama ay ka farcameen kooxo kale oo argagixiso ah sida kooxda Al Salafiyaha Muxtasibah ee iska horkeentay shacabka Sucuudiga iyo Dowladda maadaama ay shacabka farayeen inay ka horyimaadaan tallaabooyinka ay u arkaan kuwa xun ee ay dowladdu qaado.”

Muuqaal baahiyaha Al Ekhbariya ee albaabada loo furay sannadkii 2004tii ayaa sidoo kale ku eedeeyey Sheekh Naasiru-Diin Albany iyo kooxdaan Alhul Xadith inay markii qabsadeen Masjidka Barakeysan (Masjid al-Haram).

SIDEE AYEY SHACABKA SUCUUDIGU UGA FAL CELIYEEN WARBIXINTAAN?

Shacabka Sucuudiga ayaa si aad ah uga soo horjeestay warbixinta uu sii daayey kanaalka Al Ekhbariya, waxayna caradooda ku muujiyeen baraha bulshada ee ay ku kulmaan reer Sucuudi.

Inta badan shacabka Sucuudiga ee ka careysanaa warbixintaan uu sii daayey muuqaal baahiyaha Al Ekhbariya ayaa ka codsaday dowladdooda inay la xisaabtanto Al Ekhbariya TV, maadaama ay meel uga dheceen sharafka iyo qofnimada Sheekhaan caanka ah.

Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud wuxuu ka tirsan yahay Boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna ka mid yahay dadka ka hadlay arrintaan: “Warbixintaas ka hadlaysay arrimaha kooxaha Argagixisada ah, waxaa lagu soo hadal qaaday magaca Sheekh Muhammad Nasiruddin al-AlbaniRabbi ha u raxmadee, waa ay guuldarreysteen oo masuuliyaddooda ayey gabeen kuwii soo diyaariyey warbixintaan.”

Sheekh Muhammad Nasiruddin al-Albaniwuxuu dhashay sannadkii 1914tii, wuxuuna ku dhintay Jordan2dii bishii October 1999kii isagoo 85 jir ah, Sheekhaan u dhashay dalka Albaniawuxuu inta badan dacwooyinkiisa kaga soo horjeeday fikirka takfiirka iyo argagixisada, sida uu sheegay Saddaam Bin Khaalid Aal Sacuud oo ka tirsan Qoyska Boqortooyda.

Inkastoo Sheekh Naasiru- Diin Albanyuu ka soo jeeday qoys sabool ah, hadana taasi kama horjoogsan isaga iyo aabihiisba inay noqdaan laba nin oo culimo ah oo dadka dacwada saxda ah gaarsiiya. Intaas waxaa usii dheereyd inuu ahaa farsamo yaqaan hagaajiya saacadaha.

Wuxuu qoray kutubo badan oo ku saabsan cilmiga Xadiithka oo ay kamid yihiin ‘Silsilatul Axaadiith Al Saxeexa’ iyo ‘Silsilatul Axaadiith Daciifa’.

Sanadkii 1999, boqor Feysal ayaa siiyay abaalmarin ku saabsan barashada diinta Islaamka isla sanadkaas ayuu Sheekha geeriyooday.

Xusuusta 49 guuradii dilka halyey Gen. Salaad Gabeyre Kadiye, Ceynanshe iyo Dheel

0

Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 49 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle.

Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samater (dhintay), Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh.

49 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni ma lagu tilmaami karo waqti dheerinay ka soo wareegtay, bal waxaa cad ragga la laayay weli dhiiggooda uu ku sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalyiin Soomaali ah. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah.

Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS.

Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen.

Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan.

Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga.

Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab. La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.
Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan.

Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa kaloo ka mid ahaayeen:-

1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka.

2. Subaxdii koowaad ee maalintii inqilaabku dhacay, lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata.

3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre.

Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah.

Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.”

Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen.

Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasay dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib ugu soo celinta dhaxaltooyadooda loo sugo si sharci oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin.

Cali Muxiyaddiin Cali –  Waxaad kala xiriiri kartaa Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog ku saabsan dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Muqdisho (Caasimada Online)- Faah-faahino ayaa laga helayaa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dilalkaan mas’uuliyadooda waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana loo geystay askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay maanta degmada Kaaraan ku dileen Shariif Muxudiin oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada ee dowladda Soomaaliya canshuuraha uga uruuriya guryaha, kaas oo dableydii dishay ay horay u sii qaateen qorigiisii.

Dhanka kale askari ay tilmaameen inuu ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayey kooxdani sheegatay inay ku dishay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in askariga ay ku dileen Ceelasha Biyaha uu ka tirsanaa qeybta dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan dhankooda wax war ah kasoo saarin dilalkaan.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa batay weerarrada tooska ah, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay fulineyso kooxda Al-Shabaab, waxayna shalay oo u dambeysay qarax ismiidaamin ah ka fulisay gudaha caasimadda Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 10 qof oo askar u badan iyo dhaawaca tiro kale.