24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

HirShabeelle oo shuruud adag ku xirtay wada-hadal ay la gasho Jeneraal Xuud

Beledweyn (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan kadib markii General Xuud uu ka hor yimid shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay Beledweyne.

Caadle oo wareysi uu siiyey Idaacada Mustaqbal lana waydiiyey inay wadahadal la furayaan Generaal Xuud oo hoggaaminayo kacdoonka ka taagan Hiiraan ee looga soo horjeedo maamulka HirShabelle ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la furi doonin General Xuud inta ay ka qabanayaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee loo qorsheeyey inay ka dhacdo Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal.

Dhowr jeer oo kala duwan ayaa waxaa Magaalada Beledweyn ka dhacay dagaalo khasaare geystay oo dhex maray ciidamada General Xuud iyo kuwa Hirshabelle, waxaana fashilmay wada-hadalo la dhex waday Generaalka iyo madaxda Hirshabelle.

Kacdoonka uu hoggaaminayo General Xuud ayaa soo bilowday markii madaxweynaha Hirshabele laga dhigay Cali Guudlaawe isla markaasna xilka madaxweynimo ee Hirshabelle laga wareejiyey Beesha uu kasoo jeedo General Xuud.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay Bacaadweyne

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howl-gallo ballaaran oo ay si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta maamulkaasi ay uga sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanada Bacaadweyn, Qaycad, Sabeena gawrac oo dhaca koonfurta gobolkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday inay deegaanadaasi isaga baxeen xoogagii Al-Shabaab ee horey ugu sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigtay

“Ciidamada qaranka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale. Alshabaab ayaa isaga baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga.

Galmudug ayaa sidoo kale xustay inay sii laba jibaari doonto howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in dagaal kooban uu ka dhaca dhinaca deegaanka Bacaadweyne, waxaana kadib dib u gurtay dagaalyahanada Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada ay ka wadaan gobollada dhexe, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin la xiriirta doorashooyinka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka & jadwalkii ugu dambeeyey ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore soo dhoweeyey soo saarista jadwalka cusub ee doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay inuu muhiim yahay in la dhaqan-geliyo, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee la heysto.

Sidoo kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, haatana aha Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo uga digay inay sameeyaan musuq-maasuq iyo boob la xiriira doorashada xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Senatorka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in la sameeyo dad korjoogto oo dusha sare kala socda doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay, haddii aan la dheeraanin musuq-maasuq iyo wax is-daba marin inay dhaawac xoogan u geysan karto doorashooyinka ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan heshiis laga gaaray doorashooyinka dalka, isla-markaana lasoo saaray jadwal rasmi ah oo lagu jiheynayo qabsoomida doorashooyinka.

ASKARI booliska Somaliland ka tirsan oo TOOGASHO ku dilay wiil reer PUNTLAND ah

Boorama (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee Somaliland waxay sheegayaan in ciidamada booliska ee ka howlgala magaaladaas ay caawa toogteen wiil dhalinyaro ah, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka loo dilay inuu xirnaa calanka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay sheegayaa in toogashada ay ka dhalatay muran dhex-maray isaga iyo booliska.

Wiilka la toogtay oo ahaa 21-sano jir ayaa kasoo jeeday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim.

Ibraahim Salaad waxuu sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ka dhiganayey Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.

Dilka wiilkaan ayaa Maqribkii ka dhacay afaafka hore ee magaalada, kadib markii ay boolisku qabteen isagoo ka soo laabtay jimicsi uu u aaday meel Dooxo ah oo banaanka ka ah magaalada, sida ay noo sheegeen ehelkiisa.

Inta aan la dilin Ibraahim waxaa la sheegay in muran kooban dhex-maray booliska iyo asaga, kadibna uu dilay mid ka mid ah askartii qabatay. Wararka qaar ayaa sheegaya in muranka uu ka dhashay dhar uu xirnaa oo lahaa midabka calanka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu ku saabsanaa mobile uu uga soo tegay gudaha Jaamacadda.

Sababta dhabta ah ee kiiskan ayaa waxaa ku socda baaritaan ay wadana booliska.

Deegaanada Somaliland waxaa ka jirta caburin lagu hayo shacabka, taas oo marar badan aad loogu dhaliilay xukuumadda.

Puntland oo sharci darro ku tilmaamtay hay’ad ay dhistay DF, digniina u dirtay shirkado

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu shaaciyey in maamulkaas uusan aqoonsaneyn hey’adda Batroolka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority” isla markaana aysan Puntland quseyn heshiisyada ay ku howlantahay hey’adaas oo dhawaan dib u dhigtay waqtiga bixinta shatiyada shidaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa qoraalkaan ku sheegtay in shirkadaha daneeya shidaalka Soomaaliya ay sugtaan inta Soomaaliya ay ka baxeyso howlaha socda ee doorashada, si ay ula macaamilaan dowlad awood u leh in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka dalka, si heshiis lagu wada-yahay.

“Dawladda Puntland waxay kula talinaysaa Shirkadaha Petroletun ee daneeya Liisanka Hydrocarbon ee Soomaaliya inay sugaan inta laga dooranayo Madaxweyne cusub oo la dhisayo dawlad qaran oo dhab ah ka hor inta aan la dalban rukhsadda. Dowladda soo socota ee la soo dooranayo waxay lahaan doontaa xaq iyo awood, sida ku cad dastuurka qaranka, inay qorto heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan maareynta kheyraadka qaranka, horumarinta iyo nidaamka wadaagga, kaas oo ay ansixin doonaan dhammaan dowladaha xubinta ka ah Federaalka,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Puntland.

Puntland oo doodeeda ku saleysay 3-qodob ayaa qoraalkan ku tiri, “Waxa loogu yeero Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA) waxay soo saartay ogeysiis 29-kii bishii hore ee Juun, kordhinta taariikhda gudbinta ee liisanka bilowga hydrocarbon. Dowladda Pentland waxay si cad u diideysaa ogeysiiskaas HBS ee soo socda:”

1 – Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, Dowladda Puntland ma lahan wakiil rasmi ah (SPA). Marnaba ma taageersanin aas-aaskii maamulkaan muranku ka taagan yahay.

2 – Dowladda Puntland ma aqoonsana dhammaan heshiisyada HBS; iyo ogeysiisyada hey’addaas.

3 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay lumisay ansaxnimadeedii dastuuriga ahayd iyo sharci ahaanshaheedii bishii Febraayo 2021.

Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta rag la qabtay iyo wiil u dhintay jir-dil

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay rag ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kalena faahfaahin ka bixiyey wiil yar oo jir-dil uu u geystay Adeerkiis u geeriyooday 3-dii bishan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah tuugada moobeellada ka furata dadka shacabka ay ciidamada ammaanku ku soo qabteen ragku eedeysan dhacaas iyo hubkii ay wateen.

Afhayeenka ayaa sheegay in seddax ka mid ah ragaas lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Kaaraan, xilli ay ku howlanaayeen dhaca dadka shacabka ah ee degmadaas ku nool, waxaana la soo bandhigay hubkii ay ku dhacayeen iyo agabkii ay furteen.

Halka laba eedeysane oo kale, lagu soo kala qabtay degmooyinka Yaaqshiid iyo Cabdicasiis, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyagoo ku howlan dhaca shacabka degmooyinkaas, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Dhanka kale afhayeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Muscab Maxamed Xasan oo ahaa wiil 4-sano jir ah oo 3-dii bishaan u geeriyooday jir-dil uu u geystay Adeerkiis hooyadii qabay oo lagu magacaabo Xasankaafi Cabdi Jaamac.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaan weli socda ay ku ogaadeen in Muscab uu Adeerkii u geystay jir-dil xoog leh, kaas oo sababay inuu Naqasku ku dhego, isla markaana uu geeriyoodo.

“Baritanka kiiska wiilkaas oo meel gabagabo ah mareya waxaan ku ogaanay inuu u dhintay naqaska oo ku dhegay, maadaama uu wiilkaas Adeeerkiis u geystay jir-dil xoog leh oo fiilo uu ku garaacay, baaritaanku markii uu soo dhamaado wixii kasoo baxa waan idinla wadaagi doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Aadan Cali.

Hoos Ka Daawo

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay shirkii Muqdisho iyo jadwalka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Shirkii ay dhawaan yeeshen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee looga arrinsanayey hanaanka doorashada iyo dar-dar gelinta heshiiskii hore loogu gaaray magaalada Muqdisho.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa waxay dhinacyada ugu baaqeen inay uga soo baxaan heshiiskii si aan dib u dhac laheyn, si hore loogu sii socdo, islamarkaana ay dalka uga qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo ku mudeysan xiligii lagu heshiiyey.

“Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29-kii June, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa hoosta ka xariiqeyna in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala bar hoos loogu dhimay kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka lagu hashiiyey.”

Sidoo kale waxay saaxiibada beesha caalamka usoo jeediyeen madaxda iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha doorashada inay si joogto ah u yeeshan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn wax ku ool ah, si loo xaliyo caqabad kasta oo lasoo gudboonata hanaanka doorashada.

“Waxaa ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg-deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada. Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.”

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

HirShabelle oo go’aan kasoo saartay haddii Beledweyne lagu qabanayo doorasho

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay shakiga laga muujinayo in magaalada Beledweyne ay ka dhici karto doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal.

Wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto duruuf baajin karta in magaalada Baladweyne lagu qabto qaar kamid ah Doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Wasiir Caadle ayaa sheegay in Maamulka HirShabele ay ka go’an tahay in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kuraasta aqalka hoose ee magaaladaas taas, wuxuuna sheegay inay fuliyaan heshiiskii 27-ka May ay magaalada Muqdisho ku saxiixdeyn Ra’iisu Wasaare Rooble, madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Baladweyne Doorasho way ka dhici kartaa weyna ka dhaceysaa waana loogu talagalay, Shacabku way rabaan oo heshiiska ayay ku qoran tahay, ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale ayaa joogta,” ayuu yiri Wasiir Caadle.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo kan Jubaland Axmed Madoobe ayaa horey isugu dayey in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, si aysan doorasho ugu qaban Beledweyne iyo Garbahaarey, hase yeeshee qorshahaas ayaa socon waayey.

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ku dagaalameen Ciidamada HirShabelle iyo maleeshiyaad uu wato Jeneral Abuukar Xuud waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabelle.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka HirShabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.

Sawirro: Beesha caalamka oo aqbashay codsi uu R/W Rooble hordhigay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan looga hadlay horumarrada laga sameeyay arrimaha doorashooyinka dalka iyo heshiiskii madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka ku gaareen magaaladda Muqdisho.

Rooble ayaa beesha caalamka hordhigay codsi ah inay bixiyaan dhaqaalaha doorashada qeybta Beesha Caalamka laga sugayo si doorashada loogu qabto waqtigii lagu heshiiyey.

Sidoo kale, Rooble ayaa beesha Caalamka ka codsaday inay kala qeyb qaadato sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay oo ay u siman yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda.

Kulanka ayaa la isku afgartay in beesha caalamka ay qaadato doorkooda ku aadan taageerada dhaqaale iyo farsamo ee looga baahanyahay, si loo gudo galo qabashada doorashooyinka dalka

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ah ayaa shalay doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen guddiga , waxaana si habsame leh u socdo howlaha la xiriiro doorashooyinka.

Heshiiskii 29 June ku dhax maray Muqdisho Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynimo Soomaaliya ay dhici doonto 10 October 2021.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hadallo kulul is-weydaarsaday

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xiriira soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+.

Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka.

Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka.

“Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal.

Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta.

OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka.

Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay.

“Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei.

Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa.

Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka.

AFP + VOA

Wasiirada HirShabelle oo ka soo cararay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaar kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle ay iskaga soo baxeen magaaladaas, kadib markii uu dagaal xoogan ku dhex-maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud.

Wasiirada oo markii hore magaalada Beledweyne uga qeyb-galay shirkii golaha wasiirada ee maamulkaas, ayaa waxaa tallaabadaas si weyn uga carooday Jeneraal Xuud oo asagu kasoo horjeeda maamulka HirShabeelle, taasi oo uu ka dhashay iska hor-imaad u dhaxeeya ciidamada labada dhinac.

Wasiirada isaga baxay magaalada kadib markii uu bilowday dagaalka ayaa waxaa kamid ah; Wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cali Caadle iyo Wasiirka Beeraha & Waraabka ee maamulkaas, Maxamed Cumar Ceeymooy.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa saacadaha soo socda la filayaa in wasiiro kale ay isaga bixi doonaan magaalada Beledweyne oo saacadihii u dambeeyay ay xiisado dagaal ka taagnayeen.

Tallaabada ay uga baxayaan wasiirada HirShabeelle ayaa imaneysay xili ay ciidamada Jeneraal Xuud ku sugan yihiin deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Beledweyne, sidoo kalena Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Bannaaneey oo dhaca duleedka waqooyi ee Beledweyne, midaasi oo dagaal hor leh dhalin karta, inkasta oo ay socdaan dadaalo lagu baajinayo inay dagaalamaan.

Si kastaba, waxaa hadda si caadi ah usoo noqday isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ayada oo maanta dib loo furay goobaha Ganacsiga iyo waxbarashada.

Sawirro: Guddoonka guddiyo kale oo doorasho oo maanta lagu doortay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaga oo cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyeyaal iyo ku-xigeenada Guddiyada.

Xubnaha Guddiga ayaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed u doortay Yuusuf C/qaadir Maxamed Baffo oo asagu helay codad gaaraya 10-cod, halka Maxamed Isxaaq oo la tartamayey uu helay 1-cod oo keliya.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga loo doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan oo asagu helay codad gaaraya 9-cod, halka uu C/llaahi Cabdi Mudalib oo kursigaas u tartamayey uu helay 2-cod.

Doorashada uu maanta qabtay guddiga ayaa hogaan cusub oo rasmi ah u yeelaysa Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan la filayaa in guddiyada maamulada ay iskugu imaadan kulamo ay ku dooranayaan guddoonkoda.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshsy Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, iyaga oo maanta doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa waxaa isu-soo taagay musharixiinta kala ahaa: 1- Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye, 2- Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen.

Madasha Doorashada xubnaha soo xaadiray ayaa gaarayay 11 xubnood, waxaana Maxamed Daahir Guuleed ay u doorteen Guddoomiye, isaga oo helay 11 cod Mana jirin qof la tartamay. Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Saacid Aadan Jaamac waxaa ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen, isaga oo helay 11 cod, mana jirin qof la tartamay.

Maamulada Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan hadda Somaliland ayaa ayagu maalmaha socda lagu wadaa inay doortaan guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda.

Shir u dhexeeya DF & dowlad goboleedyada oo furmay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira gudaha dalka.

Shirkan oo u dhexeeyo wasiirada caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha caafimaadka, gaar ahaa wixii ka qabsoomay shirkii kan ka horreeyey ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirada caafimaadka dowlad goboleedyada dalka, sida Puntland, Galmudug, HiirShabelle, Juballand iyo sidoo kale Koonfur Galbeed.

Fowsiyo oo furitaanka ka hadashay ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimadda shirkan wada-tashiga caafimaadka ee ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

“Shirkaan muhiimadiisa wasiirada ayaa ka hadlay waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awooda dawladaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex bari inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn.” ayey tiri Fowsiyo.

Sidoo kale waxa ay ka warbxisay dadaallada ay wado xukuumadeeda ee ku aadan la tacaalida cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo guulaha laga gaaray.

“Waxaa dhammaantiin wada og-tihiin halka uu marayo caafimaadka dalkeena iyo guulaha la gaaray caqabado jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid19 oo wax badan oo qorshaysnaa caafimaadka in aan la wada gaarin. Waxaan ka rajaynayaa in natiijo wanagsan ka soo baxo sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin laha caafimaadka dalkeena oo inagu masuuliyaddooda aan hayno.”

Shirkii hore ee wada-tashiga caafimaadka ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyada oo sanad kastaa diirada lagu saaro arimaha caafimaadka.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay xiisadda Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay xiisada haatan ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qoraalkan oo uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa marka hore baaq nabadeed loogu diray dhinacya isku haya Beledweyne.

Wasiirka Afrax ayaa sidoo kale ku booriyay labada dhinac in ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara inay kasii darto xiisada haatan laga dareemayo halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday waxgaradka, duubabka dhaqanka & qaybaha kala duwan bulshada waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan, sidii wax looga qaban lahaa xiisadaasi.

“Wasaaradu waxay ugu baaqeysaa Duubabka, Nabadoonada, Culimaa’udiinka, Ganacsataga, Haweenka iyo Dhalinyarada in ay isu taagaan iyagoo iska kaashanaaya soo celinta iyo adkeynta xasiloonida maadaama dalku doorasho aaday Beledweynana ay ka mid tahay goobaha deegaan doorashada loo asteeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in reer Beledweyne looga baahan yahay inay tabashadooda ku soo bandhigaan si nabad doon, si looga fogaado dagaallo hor leh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Xuud uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Xuud oo ka gadooday doorashadii HirShabelle ayaa si weyn uga soo horjeeda in mas’uuliyiinta maamulkaasi ay ku howl-galaan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socda dadaallo lagu qaboojinayo xiisada Beledweyne oo ka dhalatay shir ay golaha wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaaladaas.

Farmaajo oo loogu baaqay inuu laba jeer cudur-daar siiyo madaxweyne Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu laba mar cudur-daar siiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka jawaabayey muuqaalo uu maalmihii xoriyadda baraha bulshada soo dhigayey Farmaajo, kuwaas oo uu ku ammaanay Aadan Cadde, inkasta oo ay jirto in hadda kahor inta uusan siyaasadda soo gelin uu Aadan Cadde aflagaadeeyey buug uu qoray, oo uu madaxweynihii hore ku qeexay inuu gumeysi kalkaal ahaa. 

“Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan halgaamaa Soomaaliyeed oo garba duuban ajnabi uma gacan gelin, uma dirin dhalinyaro Soomaaliyeed in ay dal shisheeye u diriraan, siyaasiyiin ka aragti duwan weerar kuma qaadin, dastuurka kuma tuman, deegaano Soomaaliyeed ma cunaqabatayn, muddo kororsi dagaal uma oogin, siyaasad qamaar iyo qar iska tuur ah ma gelin. Ma aha Madaxweyne Aadan in afka la ga sheegto ee waa in dhaqankiisa lala yimaado, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Farmaajo labo jeer waa in uu Aadan Cade cudur daar siiyaa. Marka koowaad waa gefkii uu u gaystay kaddib markii uu bogga 50-aad ee buuggii uu kaga qalinjebiyey shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ku sheegay in Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke, AUN, ay ahaayeen adeegayaal isticmaar, qabiilladooduna ay gumaystaha gacansaar la lahaayeen. Tan labaad, waa in uu ka raalli geliyaa siduu ugu dheelay qarankii uu budhigayaashiisa ka midka ahaa, dowladnimadana ugu gabood falay,” ayuu yiri. 

Ammaanta Farmaajo ee maalmihii dambe ayaa lagu macneeyey kaar siyaasadeed doorasho oo uu isugu muujinayo inuu ixtiraamo madaxdii hore, balse waxaa durba dadka ay soo xusuusteen buuggii uu qoray markii uu Jaamacadda ka qalin-jebinayey ee uu ku aflagaadeeyey Aadan Cadde.

DF oo shaacisay in la dilay Maxamed Cabdi Toosoow

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen horjooge Maxamed Cabdi Suubiye, oo loo yaqaan Toosoow, oo ka tirsanaa madaxda sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Toosow lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ka fuliyeen aagga Masaajid Cali Gaduud.

Jeneral Odowaa ma shaacin xilka uu Maxamed Cabdi Suubiye Toosoow ka hayey kooxda Al-Shabaab.

Dilka Toosoow ayaa yimid maalin kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay 15 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Tuula-Xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda ayaa dhowaanahan dagaallo culus Al-Shabaab kula jiray gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo qorshaha uu yahay in halkaas laga sifeeyo kooxdan, waxayna sheegteen guulo waaweyn oo ay ka gaareen dagaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale laba toddobaad kahor sheegay in howlgal ay Danab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka, gaar ahaan Sabuun, Baaroow Madiina Cade, Gaaleef iyo Buurdhee, ay ku dileen 8-kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Doorashadii guddoomiyaha guddiga doorashada oo soo shaac bixisay laba arrin oo mid ay lama filaan aheyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii ka dhacay teendhada Afisyooni, ee shalay lagu doortay guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal, ayaa muujisay laba arrin oo mid ay aheyd lama filaan, midda kalena la qiyaasayey.

Arrinta koowaad ee doorashada kasoo shaac baxday ayaa aheyd sida ay u kala fog yihiin xubnaha mucaaradka ee sidii wadajirka ah uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrinta cajiibka aheyd ee ka soo baxay doorashada guddoomiyaha guddiga FIET ayaa ah in xubno ka tirsan Musharaxiinta ay hoos ka taageerayeen guddoomiyaha shalay la doortay ee Maxamed Xasan Cirro oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddigii doorashada ee la kala diray ka hor inta aan la kala saxiixan heshiikii 27-kii May, Cirro ayaa aad loogu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia.

Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsanaayeen doorashada oo aanay hal musharax isku wada raacsaneyn, marka laga reebo in Liibaam Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) si gaar ah loogu tirinayay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Kooxda Waayo Arag.

Mushariinta ayaa xoogooda isugu geeyey sidii uu xilka guddoomiyaha ugu guuleysan lahaa Maxamed Cirro, maadaama ay u arkaan inuu isaga uga roon yahay Liibaan Shuluq oo ah shakhsi si weyn ugu ololeeya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Liibaan Shuluq ayaa sidoo kale la sheegay inuu garab weyn ka helayey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna midaan muujisay sida ay u yar tahay awoodda Rooble ee dhanka guddiyada doorashada dalka.

Arrinta labaad ee doorashada kasoo shaac-baxday ayaa aheyd awoodda dhaqaalaha ku yeesha doorashadii shalay iyo in dhaqaalaha mar kale noqon doono waxa ugu muhiimsan doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha.

Sida aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa xubnaha dooranayey guddoonka u qeybisay lacago aad u badan, si ay u soo saarto guddoomiye Cirro. Sidoo kalena qaar ka tirsan musharixiinta ayaa lacag ku bixinayey inaan la dooran Liibaan Shuluq.

Doorashada Guddoonka Guddiga FEIT oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha guddiga loogu doortay Maxamed Xasan Cirro, kaas oo wareedgii koowaad helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) oo la tartamayay uu ka helay 10 cod.

Doorashadaan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax, iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Maxamed Cirro iyo Liibaan Shuluq.

Guddiga ayaa ka kooban 25 mudane, waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah, iyagoo 24-ka kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen, isla markaana ay wada codeeyeen.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu tiriyaa inuu si weyn ugu dhow yahay garabka Fahad iyo Farmaajo, inkastoo uu isaga dhowr jeer sheegay inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashooyinka Soomaaliya.

Abwaan ku nool Hargeysa oo aqbalay xil ay xukuumadda ROOBLE u magacaawday

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo soo dhaweeyay xil ay u magacaawday dowladda Soomaaliya, waxuuna Abwaanku dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga.

Guddigaas waxaa dhawaan ku dhawaaqday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxuuna sheegay in markii la magacaabayey uu la soo xariiray masuul ka tirsan wasaaradda, kaas oo u sharaxay sababta guddigaas loogu darayo Abwaan Shaacir.

“Ninkii ila soo xariiray waxa uu igu yiri, waxaan kugu dooranay in wixii caqabado ka hor yimaada guddiga aad wax ka xaliso, tusaale eray gobollada dhexe si looga yaqaano, in la yiraahdo Somaliland eraygaas side looga yaqaanaa? Yuusuf Shaacirbaa Hargeysa joogee aan weydiino, ee la isoo dhaho war Yuusufow eraygaas side u taqaan?” ayuu yiri Abwaan Yuusuf Shaacir.

Abwaanka ayaa sheegay in masuulka ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee lasoo xariiray uu u sheegay in wax mushaar ah aysan sii doonin, balse markii shaqo jirto kharashka ku bixi doona shirarka iyo isu imaatinka guddiga ay ka bixin doonto wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.

“Af-Soomaaligu waa wax umadda oo dhan ka dhaxeeya, marka hadii arrinta aysan siyaasad ku jirin oo ay tahay in laga shaqeynayo dhaqan, oo anigoo halkeyga jooga la I soo dhahaayo war Abwaan waxaan naga caawi, wax dhib ah malahan,” ayuu yiri Abwaan Shaacir oo Hargeysa jooga.

Sidoo kale Abwaanku waxa uu sheegay in jaaniskaas ay Somaliland baneysay, maadaama sida uu sheegay 10-kii sano ee u dambeysay ay xukuumadda ka dalbanayeen in la sameeyo xarun dhaqanka iyo Af-Soomaaliga lagu soo nooleeyo.

“Halkaan waxay noqotay meel dhaqanka, afka iyo taariikhda aan laga qiimeyn, hadii la daneynayo dadkeeda ayaa la qiimeyn lahaa Hadraawi, Cabdi Qeys, Dacar, Aadan Tarabi, Muuse Cali Faruur iyo in ka badan ayaa joogta, weli ma aanaa arkin meel ay isugu imaanayaan ama ay ka hadlayaan, hadii ay Somaliland ka jirto meel dhaqan ka shaqeysa, waa mid ay sameysteen dad madax banana oo iyagu sidey doonaan ka yeela,” ayuu yiri.

Abwaan Shaacir ayaa sidoo kale sheegay in uusan fileyn in magacaabidiisa ay xasaasiyad ka qaadi doonto xukuumadda Muuse Biixi, “Madaxweynaha Somaliland maalin dhaweeto waxa uu yiri Xamar waxaan is heynaa maamulka iyo siyaasiyiinta, laakiin shacabka isma heyno, marka waxyaabaha arrimaha bulshada ah, ee afku ka mid yahay, hadii aan cidi siyaasadeyn inay mushkilad tahay anigu ma qabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Abwaan Shaacir.

Hoos ka Daawo

Ganacsadihii Soomaaliga ee lagu la’aa wadanka Koonfur Afrika oo meydkiisa la helay

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in afar cisho, kadib la helay Meydka Allaha u naxariistee Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi.

Marxuumka oo horey loogu la’aa nolol iyo geeri ayaa waxaa haatan Meydkiisa soo helay ciidamada Booliska ee ka howl-gala Gobolka North West, kadib warbixin ay heleen.

Wararka ayaa sheegaya in meydka ganacsadahaasi uu markii hore soo arkay nin Hindi ah, kaas oo ku wargeliyey laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn goobta tegay, kana soo qaaday meydka muwaadinka Soomaaliyeed ee la weysanaa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dilka marxuumka oo si arxan darro ah u dhacay loo adeegsaday rasaas, mana cadda sababta rasmiga ee loo dilay iyo cida ka dambeysa.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa sidoo kale ka sheekeeyey qaabka loo soo helay meydka, iyaga oo shaaciyey in gacan ka xaq-daran ay dishay wiilkooda.

“Meydka walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan….ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yiri Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka.

AUN Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa uu ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shaqeysta gaadiidka lagu wareejiyo alaabaha Delivery ah, waxaana si weyn looga yaqaanay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan gobalka North. West

Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed.

Hargeysa: Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab kacay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana ku geeriyooday caruur walaalo ahaa.

Taliska ciidamada dab damiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in labo caruur ah ay ku geeriyoodeen dabkaas oo ka kacay gurigooda, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray inay si dhaqsi gudaha ugu geli waayeen xaafadda uu dabku ka kacay, sababo la xiriira ciriiri ka jiro waddooyinka xaafaddaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in caruurta ku geeriyotay dabkaasi uu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in xilliga uu dabku  bilaabanayay uu howlo shaqo uga maqnaa guriga ay dagan yihiin caruurta iyo qoyskiisaba.

Waxaa sidoo kale goobta gurmad ahaan u tegay mas’uuliyiin uu horkacayey duqa cusub ee magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u tacsiyeeyey dhibanayaasha.

Haregysa ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana xaafado ka tirsan magaaladaasi siyaabo kala duwan uga kaco dab geysta khasaare kala duwan.