24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Xog: Beesha caalamka oo diidan in DOORASHO lagu qabto magaalo ka mid ah deegaan doorashooyinka

Baraawe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa ka walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah magaalooyinka loo asteeyey deegaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto, ayada oo ay suurta-gal tahay inay soo weeraraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado.

Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, inkasta oo aanu maamulka ku shaqeyn oo uu degan yahay Baydhaba, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay tahay halista amni ee magaaladan ka jirta.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in laga fakariyo inaan magaaladaas lagu qaban doorasho, ama la geeyo ciidan xooggan oo Amisom ah, taasi oo u baaqan qarash malaayiin dollar ah.

Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho, waxay fursad siin kartaa maammullada Jubaland iyo HirShabelle, oo horey u doonayey inaysan doorasho ku qaban Garbahaarey iyo Beledweyne, balse laga diiday, kuwaas oo ku doodi kara in deegaan doorashooyinka lagu soo wada koobo min hal magaalo, ama laba magaalo, balse aysan sax aheyn in maamullada midba si gaar ah loola macaamilo.

“Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho waxay albaabada u furi kartaa maamullada kale ee ku doodaya in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Haddii lagu qabanayana waxay u baahan tahay qarash badan iyo ciidan dheeri ah, marka waa laba ka darran mid dooro,” ayuu yiri sarkaal ku dhow beesha caalamka oo la hadlay Caasimada Online.

Arrintan ayaa hadda aad looga doodayaa, mana cadda go’aanka laga qaadan doono, ayada oo ay soo dhowaatay doorashada Aqalka Sare oo ah tan ugu soo horreysa, xilli guddiyada doorashada ay hoggaan wada doorteen intooda badan.

XABEEB oo sabab yaab-leh uga horyimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Mental Health Foundation oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan jadwalka doorashooyinka dalka.

Dr Xabeeb ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka soo baxay ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran, siiba doorashada madaxweynaha oo loo asteeyey 10-ka October.

Dhaqtarka ayaa tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee  Dhimirka, isla-markaana ah ay tahay in dadka laga wacyi-geliyo xanuunka Dhimirka.

Waxa kale oo uu sheegay in munaasabada uu qabto 10-ka October lagu casuumo madax kala duwan, sidaas daraadeedna, haddii doorasha la qabanayo ay saameyneyso martida.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay wal-wal ka qabaan xuska maalintan, maadaama lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo saameyn ku yeelaneysa tabinta munaasabadda uu ugu dabaal-dagayo xuska maalinta Dhimirka.

“Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caalamka maanta waa Social Media, haddii ay noqon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Facebook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laakiin maalinta doorashada hadda nin anaga naga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku egyahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku nahay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri Dhaqtar Cadiraxmaan Cali Cawaale.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ka dalbaday in doorashada madaxweynaha ee haatan la shaaciyey in la qabanayo 10-ka bisha soo socota October, laga wareejiyo maalintaasi.

“Tabarta aan leenahay maanta waa (Abil) codsi aan u jeedineyno dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo go’aanka wada gaaray, waxaan ka codsaneynaa walaalayaalow maalintaas waa maalin 18 sano aan la saan qaadeynay caalamka walaalayaalow hanaga reebina ee doorashadiina ka dhigta maalin kale.” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa hadal heyn ka dhex-dhalisay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana la is-weydiinayaa, sida ay suuragal ku tahay in doorashada dib loogu dhigo xuska maalinta caalmiga ah ee Dhimirka ee 10-ka October, maadaama marxalad adag lasoo maray.

Ethiopia oo ku dhaqaaqday arrintii ay MASAR ka digtay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad.

Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar.

Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda.

Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha.

Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yiraahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas.

Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka.

Reuters + VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda gudaha  magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ay haatan ku sugan yihiin degmada Kismaayo, kuwaas oo shalay gaaray magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Rooble ayaa marka uu tego Kismaayo la kulmi doono hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyaga oo ka wada-hadli doono, xaaladaha Jubbaland, ammaanka, dagaaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumaha muhiimka ah ee Jubbaland, isaga oo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tegayo magaallo xeebeedka Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada, sida Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle.

Socdaalkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli haatan la guda galayo doorashooyinka dalka, waxaana Kismaayo ay ka mid ah meelaha lagu qabanayo doorashooyinka.

Xog: Loolan dowladda dhexdeeda ah oo sababay in lagu kala tago doorashadii guddiga Banaadiriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaaf culus iyo is mari-waa xoog leh ayaa maanta ka dhashay doorashadii guddoonka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga, taas oo keentay lagu kala dareero.

Goobtii ay maanta doorashadu ka dhaceysay waxaa isku qabtay xubno ka wada socday dowladda federaalka, oo u kala jabay laba garab oo kala taabacsan madaxtooyada iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Kooxda ka socota madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ee beelaha Banaadiriga la doonayey nin lagu magacaabo Prof. Maxamed Xaaji Maye. Hase yeeshee nin lagu magacaabo Cabdinaasir oo isna kasoo jeeda beesha Shiikhaal reer Jazeera ah oo la sheegay inuu ka socday NISA, ayaa ka hor yimid qorshaha garabka Villa Somalia, kaas oo guddoomiye ku xigeen u raba nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullahi Xasan Maxamed.

Khilaafka ugu weyn waxa uu ka dhashay qaabka loogu cadeynayo xubnaha musharaxiinta ah, waxaana doorashada oo markii hore ku bilaabatay gacan taag guddoomiyaha guddigaas loogu doortay Sacdiya Cali Aweys Boolaay oo ah xaaska guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg.

Markii ay soo dhamaatay doorashada guddoomiyaha ayaa la isku qabtay qaabka loogu codeynayo guddoomiye ku xigeenka, taas oo hoolka ka dhalisay buuq iyo in doorashadii dhacday laga soo qaado waxba kama jiraan.

Sida aan xogta ku helnay xubnaha guddiga ee beelaha Banaadiriga oo maanta ku soo kala tegay hoolkii ay dooran lahaayeen goddoonkooda ayaa berri u balansan doorasho kale.

Waxaa jira khilaaf ka taagan qaab loogu codeynayo musharaxiinta, waxayna labada garab ee ka kala socota NISA iyo Villa Somalia kala dalbanayaan in lagu codeeyo gacan taag iyo in lagu codeeyo sanduuq.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in Villa Somalia ay dooneyso in guddoonka guddiga beelaha Banaadiriga loogu codeeyo gacan taag, halka garabka NISA ay dooneyaan in lagu codeeyo sanduuq.

Gabar ka tagtay magaalada Muqdisho oo lagala baxay guri ku yaal magaalada Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online) – Gabar lagu magacaabo Qureesh Abiib Xuseen oo dhawaan ka tagtay magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray magaalada Jigjiga oo reerkeeda ay degan yihiin, kadib markii ay goor habeen ah guriga Hooyadeed ay kala baxeen ciidamo ka tirsan booliska is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Nimco Yuusuf oo ah Hooyada dhashay gabadhaas oo la hadashay BBC ayaa sheegtay in 29-kii bishii hore ee June xilli habeen ah ay gabadheeda guriga kala bexeen ciidamada dowlad deegaanka ee Liyuu boolis loo yaqaano.

Gabadha ayaa dhawaan ka soo tagtay magaalada Muqdisho oo ay mudo ku nooleyd, sida ay sheegtay hooyadeed, waxayna mudo ay weysanaayeen meesha lagu hayo kadib dhawaan loo sheegay in boolisku ay baaritaan ku hayaan gabadha.

“Habeen xilli dhexe ayaa guriga la igu soo garaacay, waxaa la igu yiri fur guriga baaritaan ayaa socdee, markii aan furay waxaa la watay gabadheyda, anigana xoog ayaa la igu reebay, gabadha markiiba taleefanka ayaa laga qaaday, waxaan ka dalbaday booliska inay na baaraan, maadaama aan guriga uga furnay inay na baarayaan, balse jir-dil ayaa nagu bilaawday,” ayey tiri Hooyo Nimco Yuusuf.

Sidoo kale Hooyadaan waxay sheegtay inay sido Asaay, haatana ay cadaalad u la’dahay gabadheeda oo booliska u xiran maalmo badan, isla markaana maalin kasta loo sheego in loo soo deynayo.

“Habeenkii gabadha la iga watay kadib waxaan la xariiray booliska waxay igu dhaheen ma heyno gabadhaas, afar cisho kadib ayey mar kale ii sheegeen inay gacanta ku hayaan oo la ii soo deynayo, weli iska dabawareejis ayaan ku jirnaa, gabadheydiina meel kuma sheego,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Nimco Yuusuf.

Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalladii maanta

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay maanta kula wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano ay ka mid tahay Bacaadweyn, isla markaana ay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ay ka mid tahay Camaara oo ku jirta gacanta Al-Shabaab, taas wax ka yar 15-KM u jirta magaalada Bacaadweyn.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa waaberigii hore ee saakay si nabad ah kula wareegay deegaanada Bacaadweyn, Sabeyno-gowrac iyo Qaycad, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab oo maamulayey waayihii dambe.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa gabal dhicii galabta baahisay in kooxdu ay dib ula wareegtay deegaanka Qaycad oo ka mid ah deegaanadii laga xoreeyey saakay, balse ma jirto cid ka madax-banaan oo weli xaqiijisay sheegashadooda.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayey BBC ayaa sheegay in howlgalkaan uu guuleystay, isla markaana madaxda Galmudug aysan u kala hari doonin xoreynta deegaanada ay gobolladaas ka maamulaan Al-Shabaab.

“Howlgalkaan waxaan qorsheyneynay in mudo ah, Galmudug culeys badan ayey soo sareen Al-Shabaab, waxaana ku guuleysanay qabashada deegaanadii aan saakay ku dhaqaaqnay, ciidankeenu waxay kaabiga ku hayaan Camaaro, howlgalkaana waa balaaran yahay, waxuu ka socdaa inta ka dhaxeysa bariga Gurceel illaa Bacaadweyn,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiir Fiqi oo sii hadlaayey waxa uu yiri, “Howlgalkaan waa mid dhameystiran madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyo madaxweyne Qoor Qoor aysan u kala harin, wasiirrada iyo maamullada degmooyinka ayaa qeyb ka ah, marka howlgal noocaan oo kale ah horay nooma soo marin, waxaana dooneynaa in cadawgaan nasoo beegsaday aan sabab u noqono in guud ahaa dadka Soomaaliyeed ay iska xoreeyaan.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sawiro: Mareykanka oo DF ku wareejiyey gaadiid dagaal

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika o loo yaqaan (AFRCOM) ayaa Maanta waxaa Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku wareejiyay Gaadiid dagaal oo ka kooban noocyada kala duwan kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gawaaridaas kala wareegay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa, waxaana munaasadda sidoo kale goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan AFRICOM iyo xogga dalka.

AFRCOM  ayaa sheegtay in gawaarida dagaalka ee lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya loogu talagalay ciidamada kumaandooska DANAB oo ay tababartay dowladda Mareykanka si ay usii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

General Odawaa oo hadal ka jeediyey munaasadda gawaarida lagula wareegayey ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey gawaarida ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya,

Taliyaha ayaa saraakiisha Mareykanka ka socday u ballan qaaday in ciidamada DANAB  ay gawaaridaan u isticmaali doonaan sidii loogu tala galay

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jiro kooxda Al-Shabaab .

Danjire AMEERIKO oo soo bandhigay buugga Danjire

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo hore u soo noqday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, sidoo kalena ah Qoraa iyo Samafale ayaa soo bandhigay Buug uu ugu magac daray “Danjire” oo uu ku soo aruuriyay macluumaadka dibulumaasiyada, xaalada dalka Soomaaliya iyo arrimo badan oo kale.

Munaasibad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay buuga cusub ee uu qoray Qoraa Maxamed Ameeriko ayaa waxa ka qeyb-galay wasiiro, aqoon-yahan, siyaasiyiin, culimo, dhalinyaro iyo marti-sharaf kale.

Intii ay socotay munaasibada Buuga Danjire ayaa waxaa si weyn loogu bogaadiyey Qoraa Maxamed Ameeriko buuga cusub ee uu soo bandhigay, kaasi oo ay sheegen inuu wax badan xambaarsan yahay.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada, Prof Qaloocow oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa waxa uu ku dheeraaday muhiimada Buuga cusub iyo faa’iidada uu leeyahay in la aqristo.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Booliiska Jeneraal Xijaar, Gudoomiyaha Degmada Kaaran iyo Guddoomiyaha ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed, Najma Maxamuud oo ayaguna munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday mawduuca uu xambaarsan yahay Buuga Qoraa Ameeriko oo si gaar ah uga hadlaya arrimo badan oo ku saabsan diblumaasiyada iyo xaalada dalkeena.

Sidoo kale waxaa ayaguna dhankooda bogaadiyey qoraaga Dr Xasan Sheikh oo ah fallan-qeeya ka hadla siyaasada iyo Prof Faarax Bursaliid, iyagoona dul istaagay nuxurka uu sito buuga iyo xiliga uu kusoo aaday.

Ugu dambeyntiina waxaa munaasibada ka hadlay Qoraaga Buuga, Maxamed Ameeriko oo asagu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray qoraalka Buuga Danjire iyo xaaladaha ku gadaaman buuga sida weyn loo soo dhaweeyay.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa waxa uu gaba-gabadii munaasibada gudoonsiiyay Buuga cusub ee qoray Hay’addo, Mas’uuliyiin iyo Shaqsiyaad caan ah oo dalka iyo dadka wax u soo qabtay.

Abdihakim Elmi Hassan
[email protected]

James Swan oo dowladda Kenya kala hadlay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa waxa uu kulan la qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca ee dalka Kenya, Monica Juma.

James Swan iyo Monica Juma ayaa ka wada-hadlay xaalada amni ee dalalka Afirka, gaar ahaan midda Soomaaliya, maadama ay dowladda Kenya qeyb ka yihiin howl-galka amniga ee dalka, islamarkaana ay ciidamo badan ka joogan gudaha Soomaaliya.

Monica oo kulankaas kadib soo saartay qoraal kooban ayaa waxay sheegtay “in kulankii ay la qaatay Swan ay isku dhaafsadeen qaabab loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka,” kaasi oo qeyb ka noqonaya xoojinta amniga guud.

Kulankaan ayaa imanaya kadib markii uu Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu socdaal kusoo maray dalalka Carbeed ee la rumeysan yahay inay saameyn ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka oo kala soo hadlay arrimaha doorashada iyo amnigeeda.

Safarka Swan ayaa u daaran dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo taageerada dalalka caalamka, wuxuuna socdaalka Kenya kusoo aadaya xili xal laga gaaray khilaafkii mudada soo jiitamayey ee ka dhaxeeyay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Muxuu Abiy ka badalay xiriirkii Itoobiya iyo Mareykanka?

Hordhac 

Kadib dibad-baxyo aad u balaaran oo looga soo horjeeday dowlada Itoobiya taasoo ay sababtay saluug kadhashay qaabka ay dowladdu u wajahday daruufaha shaqo la,aaneed ee haystay dhalinyarada, isku dhacyo soo noq-noqday oo salka ku hayey diimaha iyo Isirka qowmiyahada kunool Itoobiya iyo damaca dowladda ee ahaa inay balaariso caasimadda dalka oo sababay marooqsiga dhulka shacabka ayaa ugu danbeyn horseeday in 15-kii February 2018-dii is-casilaad lama filaan ah uu ku-dhuwaaqo raysal-wasaare Haila Maryam Desalegn taasoo uu ku wareejiey xilkii raysal-wasaarenimo iyo xilkii hogaamiye-nimo ee Xisbiga Dimuqraadiga Kacaanka Dadka Itoobiya ee loosoo gaabiyo (EPRDF) oo ah xisbi ay ku mideysan yihiin jabhado afar ah oo u dhisnaa qaab qowmiyadeed kuwaasoo kala ah Jabhada Xoreynta Dadka Tigreyda (TPLF), Xisbiga Dimuqraadiga Oromada (ODP), Xisbiga Dimuqraadiga Amxaarada (ADP) iyo Dhaq-dhaqaaqa Dimuqraadiga Dadka Koonfurta Itoobiya (SEPDM) oo ay kumideysan yihiin shacuubta koonfurta Itoobiya oo ahaa jabhadihii xilka ka tuuray kaligii taliyihii Mengistu Haile Mariam. 

Is-casilaada Haila Maryam Desalegn ayaa durbadiiba horseeday tartan iyo is-kooxeysi ka dhex aloosmay xisbiga EPRDF oo dalka ka talinayey tan iyo 1991-kii. Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah labada qowmiyadood ee ugu tirada badan dalka Itoobiya islamarkaana ahaa meelaha ugu badan ee ay kasocdeen kacdoonada kacurtay dalka Itoobiya masuug weyna ka qabay qaabka ay qowmiyada Tigrey-du isku laheysiisay awooda siyaasada, ciidamada iyo dhaqaalaha dalka ayaa bilaabay damacooda ah inuusan dhaafin xilka raysal-wasaaraha ayagoo isku-afgartay inay cududooda isku biiriyaan. Dastuurka dalka oo xisbiyada afarta ah midkasta u ogolaanaya 45 kursi ayaa miradhal kadhigay is-bahaysiga Oromada iyo Amxaarada taasoo uu silama filaan ah ugusoo baxay Abiy Axmed oo aan seexada siyaasada markiihore aad uga muuqan balse ahaa xildhibaan katirsan xisbiga talada haya horeyna usoo qabtay xilal kala duwan oo heer wasiir ah iyo kuwa kale oo dhanka ciidamada ah. Arrintan ayaa durbadiiba shaki iyo walaac ku beertay qowmiyada Tigrey-da oo dareentay inuusan Abiy xeradooda kujirin waxna u dhimi-doono dhaxalkii siyaasadeed ee Males Zenawi. Abiy oo arrintaan dareensan ayaa mudo kooban kadib ku dhawaaqay xisbi cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada (Prosperity Party), taasoo muujisay dhamaadkii xisbiga EPRDF.

Dareenkii shacabka Itoobiya ee Abiy Axmed

Abiy Axmed oo inta uusan qaban xilka raysal wasaaraha doorweyn kasoo qaatay abuurida mashaariic horumarineed oo gobolka Oromada laga hirgaliyay iyo xalinta muranada dhulka ee qowmiyadaha ood-wadaaga ah ee Amxaarada, Oromada iyo Soomaalida xiligii uu ahaa madaxweyne k/xigeenka maamulka Oromada, halka uu si weyn ugasoo horjeestay damacii dowladda dhexe ee ahaa la wareegidda dhulka shacabka ee ku teedsan caasimadda dalka Addis Ababa talaabadaas oo uu Abiy ku muteystay taageero mug-weyn gaar ahaan qowmiyada uu kasoo jeedo ee Oromada oo dagan deegaanada ku xeeran caasimadda.

Doorashada kumeel gaarka ah ee Abiy Axmed ayaa durbadiiba waxay yadadiilo galisay dadweynaha reer Itoobiya gaar ahaan da,yarta oo u arkayey shaqsi kajawaabi kara tabashadooda ah inay helaan shaqo, fur-furnaan siyaasadeed iyo in meesha lagasaaro dhaqanka dowliga ah ee kudhisan caburinta iyo cabsi galinta dadka. Abiy oo ah nin dhalinyaro ah haystana shahaadada jaamacada heerka 2aad maadada Isbadalka Hoogaanka (Transformational leadership) ayaa balanqaaday inuu sameyn doono dib u habeyn siyaasadeed, tixgalinta xoriyada mucaaradka, adkeynta midnimada dadka Itoobiya iyo xalinta khilaafka waqtiga dheer dalkiisa kala dhexeeyay dalka Erateriya oo lama filaan aheyd inuu hogaamiye Itoobiyan ah ku dhiirado iskaba-dhaaf shaqsi hogaanka dalka curdin ku ah. Dad badan ayaa Abiy u arkayey shaqsi leh fakar iyo yadadiilo ku qotanta dimuquraadiyad astaamaheedu tahay abuurida xoriyada aragtida, siyaasada iyo diinta. Muwadiniinta Itoobiya ayaa Abiy u sawirtay hogaamiye iskuwadi kara qowmiyadaha kaladuwan ee dalka kunool maadaama Abiy Qudhiisu kasoo jeedo qoys kala diin iyo qowmiyad ah.

Talaabooyinkii dhaxalgalka ahaa ee uu nabadda u Abiy qaaday

Sii-daynta kumanaan maxaabiis mucaarad ah oo ay maamuladii kahoreeyay siyaabo kaladuwan usoo xireen iyo cafis loo fidiyay xubno kale oo dalka dibediisa ku maqnaa.

Inay dowladda Itoobiya liiska arga-gixisada kasaartay jabhadihii xornimo doonka ahaa ee kadhisnaa gobolada Oromada iyo Soomaalida islamarkaana u aqoonsatay xisbiyo siyaasadeed.

Baabi,inta xaaladii deg-dega aheyd ( state of emergence) ee ay xukuumadii ka horeysay dalka kusoo rogtay.

Hirgalinta xoriyada saxaafada iyo baraha bulshada.

Alkumida xiriir dhexmara Itoobiya iyo Erateriya taasoo uu ku muteystay bilada shaqsiyaadka nabada ka shaqeeya aduunka ee (Nobel peace prize).

Dib u heshiisiin miro dhashay oo uu ka sameeyey dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Xiriir iskaashi saddex geesood ah oo ka dhex abuurmay Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya.

Caqabadihii Gudaha ee ka horyimid Abiy

Qudbad aad u dheer oo Abiy uu ka horjeediyay baarlamaanka federaalka ah ee Itoobiya dabayaaqadii sannadkii hore ayuu ku sheegay in markii uu xilka qabtay asaga iyo ku xigeenkiisaba ay ururka Tigreyda ee TPLF ku af-duubteen madaxtooyada dhexdeeda ayagoo ka jaray dhamaan xiriirkii iyo maamulkii dalka.

Isku-day qarax lagu doonayey in lagu qaarajiyo oo ka dhacay Addis Ababa xili uu Abiy ka qeyb-galayey iskusoo-bax uu kula hadlayey taageerayaashiisa balse aysan qasaaro kasoo gaarin.

Dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa oo sida lasheegay lagu doonayey in la iskaga-horkeeno Abiy iyo shacabka Oromada taasoo uu taageero badan ku lumiyey Abiy.

Isku-dhacyo dhanka qowmiyadaha ah oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac oo sida uu sheegay Abiy lagu majo xaabinayey maamulkiisa.

Af-gambigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada oo lagu dilay taliyihii ciidamada dalka, madaxweynihii maamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen oo doorweyn kulahaa in Abiy qabto xilka Raysul-waasarenimada.

Dib u dhacii bishii August 2020-ka ku yimid doorashadii dalka iyo Tigreyda oo gaashaanka u daruurtay kuna dhawaaqay doorasho gaar u ah gobolka Tigrey, talaabadii baarlamaanka Itoobiya ku hakiyey qoondadii heer federal ee lasiin jiray gobolkaas ayaa ugu danbeyn horseeday dagaal ba,an oo kusoo biyo shubtay guuldaro ciidan, mid sumcadeed iyo eedo waaweyn oo xad-gudubyo bini,aadanka iyo danbiyo dagaal ah kuwaasoo suuragal kadhigi kara in Abiy laga xayuubiyo bilada Nobel Peace Prize lagunasoo-oogo dacwado arrintaas laxiira. Dagaalkan ayaa soo bandhigay habacsanaan ciidamada federaalka Itoobiya oo kamid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee isku hayey dalkaas iyo suuragalnimada in gobolada ama qowmiyadaha kale raaci karaan wadadii ay Tigrey-du furtay taasoo Itoobiya u horseedi doonta in awooda dowlada dhexe aad loo yareeyo oo dalku noqdo Conferal System ay awooda yeeshaan dowlad goboleedyada u dhisan qaabka qowmiyadaha.

Xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya oo isbadalay

Tan iyo markii uu meesha kabaxay xukunku militariga ee Mengistu Haile Mariam oo gacansaar dhow la lahaa Ururkii Midowga Soviet-ka, waxaa bilowday xiriir wanaagsan oo dhex-maray dowladii uu hagaaminayey Malez Zanawi iyo Mareykanka oo markii horeba ka taageertay sidii ay jabhadii EPRDF uga guuleysan lahaayeen xukuumadii Mengistu. Xiriirka labadan dowladood waxuu aad u xoogeystay markii uu bilowday waxii loogu magac daray dagaalkii arga-gixisada (War on terror), markaas oo Mareykanku Itoobiya ka dhigay u qeybsanaha Geeska Afrika taasoo Itoobiya lagu siinayey taageero dhaqaale, military iyo af-qabasho hay’adaha xaquuqul insaanka ah, ayadoo lagu abaalmariyey barnaamijka samafalka ee USAID. Sida dad badan ay rumeysan yihiin, Itoobiya oo ka macaashaysa mashruucii dagaalka arga-gixisada ayaa dagaal aad u qaraar gudaha Soomaaliya kulagashay Maxkamadihii Islaamka iyo Al-shabaab taasoo sida warbixino badan lagu qoray ay wehliyeen gabood-falo dhanka bini,aadannimada iyo boob hantiyeed oo aysan cidna kula xisaabtamin. Xiriirka wanaagsan ee Mareykanka iyo Itoobiya waxuu horseeday in ciidamada Itoobiya suuq looga sameeyo ama loo daabulo goobaha iyo dalalka looga baahdo ciidamo nabad ilaalin ah oo huwan magaca Qaramada Midoobay ama Afrika.

Waxyaabihii badalay xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya

a) Xiriirka Itoobiya iyo China: xiriirka ay Itoobiya la yeelatay China oo intiisa badan ku qotoma dhisida kaabayaasha dhaqaalaha Itoobiya iyo iskaashiga ganacsiga labada dal ayaa abuuray inay shaki badan ka muujiyo Mareykanka maadaama uusan ku qanacsanayn xiriirka iyo is-dhexgalka xowliga ku socda ee China iyo Itoobiya taasoo warbixino farabadan oo ay soosaareen hay’addo Mareykan ah aad u dhaliileen lacagta amaahda Balaayiinta ah oo ay Itoobiya heshiiska kula gashay China. Mareykanka oo tartan aad u daran uu kala dhexeeyo China ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay kunool yihiin dadka labaad ee ugu tirada badan Afrika ay u janjeerto dhanka China taasina ay dharbaaxo iyo abaal-dhac ku tahay.

b) Saldhiga AFRICOM ee Djibouti: saldhiga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ee loo yaqaano Camp Lemonnier ee hoostaga howl-galka AFRICOM ayaa wax kabadalay muhiimada ay Itoobiya u laheyd howl-galada Mareykanka ee la dagaalanka arga-gixisada Geeska Afrika. Saldhigaan ayaa sannadihii ugu danbeeyay hayey aruurinta xogaha, isku xirka howl-galada iyo weerarada cirka ee lagu beegsanayo kooxaha qatarta ku ah danaha Mareykanka, taasoo hoos u dhigtay taageeradii iyo muhiimadii faraha badneyd ee lasiin jiray Itoobiya.

c) Dhaq-dhaqaaqyada madaxa bananaan ee Abiy kawado gobolka:  Abiy ayaa mudada uu xilka hayo ku guuleystay inuu xiriir wanaagsan la sameeyo dalka Erateriya oo waqtidheer wajahayey cunno qabateyn iyo go,doomin ay hogaanka u hayeen dowladaha reer Galbeedka, balse go,aanka Abiy ayaa u sahlay Isias Afwerki inuu xiriir ganacsi la sameeyo Itoobiya taasoo mugdi sii galisay xiriir Itoobiya iyo Mareykanka. Abiy Axmed ayaa sidookale ku guuleystay dhex-dhexaadinta dalka Sudan ee militarigii xilka la wareegay iyo xubnihii kasocday shacabka taasoo aad loogu amaanay Abiy laakiin baalmaray talada iyo cuno-qabateyntii Mareykanka ee xiligaas saarneyd Sudan. Waxaan meesha ka marneyn xiriirkii sadex-geesoodka ahaa ee Soomaliya, Itoobiya iyo Erateriya oo uu horkacayey Abiy. 

d) Mashruuca biyo xireenka Itoobiya: Itoobiya oo waqti dheer ku howlaneyd dhisida iyo buuxinta biyo xireenkan aadka u weyn ayaa culeys kala kulantay buuxintiisa dalalka Masar iyo Sudan oo u arka inuu aad wax ugu dhimi doono socodka iyo istcimaalka biyaha webiga Niil ee dhankooda halka ay Itoobiya aad uga biyo diiday. Mareykanka oo xiriir naas-nuujin ah la lahaa Masar waxii kadanbeeyay heshiis Camp David ee Masar iyo Israel 1978-dii una arka Masar dal tiir dhexaad u ah amniga Israel ayaa si cad ula saftay Masar kuna canaantay Itoobiya halka ay Itoobiya qaadacday dhex-dhexaadinta uu qeybta ka yahay Mareykanka taasoo muujinaysa heerka uu gaaray kala-fogaanshaha laba dal. 

e) Is-hortaaga gargaarka samafal ee gobolka Tigrey: kadib dagaalkii gobolka Tigrey iyo eedaymihii loo jeediyay maamulka Abiy oo ay kamid aheyd is-hortaaga gar-gaarka hay’adaha samafalka iyo baaritaanka xad-gudubyada, waxuu Abiy ku macneeyay in hay’adaha gargaarku yihiin basaasiin hubka iyo xogaha u dusiya maamulka Tigreyda. Hay’adaha, sida Human Rights Watch, Amnesty International, DRC iyo kuwa-lamidka ah waa hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka bini’aadanka, lasocodka xad-gudubyada iyo dambiyada dagaalka dabcan laguna xanto inay yihiin aalad lagu cadaadiyo dowladaha iyo shaqsiyaadka baalmara siyaasadaha dalalka reer Galbeedka ah maadaama ay ku abtirsadaan dowladaha sida Mareykanka, Ingiriiska, Denmark iyo kuwa-kale, ogow eedaha ayaga loo jeediyana waa kuwa loo jeediyay dowladahaas, waana  kalmado aanan la barxin lagana baaraan-dagin saameynta ay yeelan karaan oo uu Abiy u bareeray.

Gunaanad

Inkastoo uu Abiy gaaray guulo wax ku ool ah mudadii koobneyd oo uu xilka hayey hadana dagaal sokeeye ee Tigrey ayaa dhawaac weyn gaarsiiyay sumcadii uu kulahaa gudaha dalka iyo dibedaba taasoo ay adag tahay inuu kasoo kabto. Xiriirka Itoobiya iyo dowladaha reer galbeedka oo markiihoreba sii liicayey ayuu dagaalka Tigrey iyo ficiladii kadhashay ceel kusii riday ayadoo Abiy looga fadhiyo inuu kasoo dhalaalo hal-xiraale ah sidii uu iskugu hayn lahaa Itoobiya oo ay Tigrey-du qeyb katahay iyo siduu usoo nooleyn lahaa xiriirkii Itoobiya iyo caalamka. Waxaan meesha ka marnayn dareenka dadweynaha Itoobiya oo si joogta ah baraha bulshada iyo saxaafada kala socday waxii kadhacay Tigrey oo aad ula fajacay in hogaamiye Itoobiyaan ah ciidamo shisheeye u adeegsado dad Itoobiyaan ah kaba sii darane inay yihiin ciidamo Erateriyaan.

Fursadaha suuragalka ah ee xiligaan u banaan Abiy

Fursadaha hada Abiy gacanta ugu jirta waxaa kamid noqon kara 

1. Fursad ku dhisan calool adeyg ayaa ah: Inuu dib u habeyn kusameeyo ciidankiisa soona nooleeyo niyadooda (morale) si ay ugu guuleystaan inay ka hortagaan fiditaanka ciidamada Tigrey-da una go,doomiyaan gobolka taasoo keeni karta in beesha caalamku wadahal furto kuna qasabto Tigrey-da silooga qaado go,doominta inay maamulka gobolka kuwareejiyaan maamul shacab ah, hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaadka lana qarameeyo ciidamada kale iyo inuu ugu danbeyn ogolaado baaritaano madax-banaan oo kadhaca goobaha dhibaatadu ka dhacday hadii ay cadaatana loo max-kamadeeyo askarta iyo shaqsiyaadka lagu helo. waana arrin ay aq-balaadeedu adag- tahay balse hirgalinteedu oo ay ugu horeyso dhisida kalsoonida iyo is-aaminaada laba-dhinac ay kasii adag tahay waqtidheerna qaadan doonto waaba hadii ay sidaas wax u dhacaane. 

2. Fursad kale ayaa ah in Abiy aqbalo inuu guuldareystay, gafkii dhacayna qeybtiisa hogaamineed dusha u rito asagoo talada ku celinaya baarlamaanka dalka si ay u doortaan hogaan cusub, waana go,aan u baahan geesinimo iyo ka hortagista qataraha kale ee kusoo wajahan Itoobiyada barito. Is-casilaada Abiy waxay qanaaco iyo daawo hordhac ah u noqon kartaa dadka Tigrey-da ah oo tabanaya in lagu gumaaday shaatiga Itoobiya.

W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed

Guddiga doorashada P/L oo si ka duwan guddiyada kale guddoon u doortay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland, ayaga oo kulankaas ku doortay guddoonka guddigaas.

Guddiga ayaa waxay cod gacan taag ah ku doorteen guddoomiyaha guddiga Cabdikariim Muuse Maxamed oo helay dhamaan codadka xubnaha guddiga oo dhan 11-xubnood, mana jirin cid xilkaas kula tartamay.

Sidoo kale waxa uu guddiga u doortay guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland, Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo asaguna helay 11-cod, sidoo kalena majirin cid kula tartamay xilkaas.

Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa waxa uu kamid noqonaya guddiyada maamulada ee maalmihii u dambeeyay guddoonkooda ku dooranayey magaalada Muqdisho, si loo dar-dar geliyo doorashada ay madaxdu heshiiska ka gaareen.

Waxaa shalay sidan oo kale magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka Guddiyada doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaga oo cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyeyaal iyo ku-xigeenada Guddiyada.

Maamulada Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo hadda loo yaqaano Somaliland ayaa ayagu maalmaha socda lagu wadaa inay doortaan guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda.

Maxaa ka jira in madaxweyne DENI uu iibsaday hoteelka Sarova Stanley ee Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Iyada oo maalmihii dambe ay soo baxayeeen warar sheegaya in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) uu iibsaday hotelka Sarova Stanley magaalada Nairobi ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay maamulka hotelkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Sarova Stanley ayaa looga jawaabay wararka ku saabsan in hotelooda uu iibsaday Siciid Deni, kadib markii lagu faafiyey baraha bulshada, waxaana maamulka hoteelka uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee hotelka ayaa waxaa lagu beeniyey in ganacsade Soomaali ah uu iibsaday hoteelkaas oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee dalka Kenya.

Sidoo kale maamulka hotelka Sarova Stanley ayaa shaaca ka qaaday inay shacabka uga digayaan wararkaasi been abuurka ee lagu faafiyey Internet-ka.

Warararkan ayaa waxaa horey u daabacay qaar ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer Kenya, iyaga oo sheegay in Deni uu gatay huteelka Sarova Stanley qaybtiisa Nairobi.

Arrintan waxaa sidoo kale gaashaanka u daruuray oo ka horyimid maamulka Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in madaxweynaha uu iibsaday hoteelkaasi.

Si kastaba hadal heyn badan ayaa ka dhalatay soo shaac-bixinta warbixintan ka dhanka ah Siciid Deni oo ah ganacsade & siyaasi haatan madaxweyne ka ah Puntland

Somaliland oo war kasoo saartay dilkii Ibraahim – Ma dhabbaa in loo dilay calanka?

0

Boorama (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbare) oo faah faahin ka bixinayey dilkii AUN Marxuum  Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud ee Boorama ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falka toogashada.

Tiimbare ayaa sidoo kale sheegay in askariga laoo qabtay uu ka mid ahaa Booliska Somaliland haatana uu xiran yahay, isla-markaana loo gudbinayo maxkamad, si cadaaladda loo horkeeno, looguna qaado dambiga dilka ah ee uu geystay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is dajiyaan, kana war sugaan go’aanka maxkamadda ay ka gaareyso dhacdadaasi oo haatan si weyn loo hadal hayo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Marxuum Ibraahim oo ahaa arday waxbarashadiisa ay wanaagsaneyd iyo askariga dilay ay kasoo wada jeedaan bariga Sanaag.

“Nin Askari ah ayaa xabad uga dhacday Ibraahim Cabdishakuur oo ahaa arday waxbarashadiisu wanaagsaneen oo sanadkii labaad dhiganayay Kulliyadda Injineeriyada, Marxuumka & Gacan ku dhiiglaha waxa ay kasoo wada jeedaan Bariga Sanaag” ayuu yiri.

Dilkan ayaa dhacay daqiiqado, kadib markii Ibraahim iyo saaxibadiisa ay ka soo baxeen imtixaan ay soo wada galeen, waxaana la sheegay inuu marxuumka dib ugu laabtay gudaha Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay.

Si kastaba, Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa ayaa waxuu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka eee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.

PUNTLAND oo Somaliland u dirtay dalab la xiriira dilkii IBRAAHIM Cabdishakuur

0

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani ayaa ka hadlay dilkii Allaha u naxariistee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awday loogu geystay marxuum Ibraahim Cabdishakuur Salaad oo dhiganayey Jaamacadda Camuudi, balse deegaan ahaan kasoo jeeday dhanka magaalada Boosaaso.

Jaamac Deperani ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliyadda Engineering-ka Jaamacadda Camuud, gaar ahaan faraceeda magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka dalbaday Somaliland inay cadaalad u hesho marxuumka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado askarigii ka dambeeyey dilka ardaygaasi.

“Soomaaliya meel walbo waxaa ka jira maamul wuxuu doonaba ha aaminsanaadee, koley uun waa dad Soomaaliyeed, waxaan ka rajeyn nidaamka halkaasi ka jira inuu Ibraahim Cadaalad ku helo, si loo illaaliyo badqabka dadka Nugul oo ay ardeydu ka midtahay,” ayuu yiri Jaamac Deparani oo afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Deperani ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay xanuunka iyo murugada la qeybsanayaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland.

Dilkan ayaa dhacay daqiiqado, kadib markii Ibraahim iyo saaxibadiisa ay ka soo baxeen imtixaan ay soo wada galeen, waxaana la sheegay inuu marxuumka dib ugu laabtay gudaha Jaamacadda kadib markii uu doontay Telefoonkiisa oo uu kusoo hilmaamay.

Si kastaba, Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa ayaa waxuu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka eee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama, waxaana dilkiisa si weyn uga xumaaday guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Daawo Dabageed: Doorasho ka dhici meyso Beledweyne haddii aan hal arrin la helin

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa beeshiisa u sheegay in haddii Beledweyne loo diido Cali Guudlaawe aysan doorasho ka dhici doonin magaaladaas.

Waxa uu sheegay in reer Hiiraan oo dhan ay daneynayaan in doorashada xildhibaanada federaalka qeybta ay ku leeyihiin lagu qabto magaalada Beledweyne, balse qaarkood ay ka soo hor jeedaan in madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tago magaaladaas, taas oo ku xiran doorashada.

“Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido inuu yimaado magaaladan Beledweyne, hadii madaxweynuhu halkaan imaan waayo doorashadu ma imaan karto, horayna waan u sheegay, hadana waan ku celinaa, hadii magaaladan ay nabad geliyo noqon weyso doorasho laguma qaban karo,” ayuu yiri

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Meeshaan waxay doorasho ku imaaneysaa in madaxweynaha HirShabeelle uu yimaado, kadibna uu Ra’iisul wasaaraha keeno, oo tuso goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, taas ayaan ku tala jirnaa, ee naga qabta kuwa ku tala jira inay fashiliyaan qorshahaas.”

Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku sii daray in dadka reer Hiiraan ee tabashada qaba ay ku dadaalayaan xalintooda oo xuquuqdooda ay u ogolyihiin.

Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ee Xawaadle ayaa aad u diidan in magaalada Beledweyne uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxayna beeshaasi qaneeco la’aan ka muujisay hanaankii loo soo dhisay maamulka.

Maalin ka hor maleeshiyaad ka amar qaata Jeneraal Xuud oo ku beel ah Yuusuf Dabageed ayaa weerar ku qaaday magaalada Beledweyne, si ay u fashiliyaan shir golaha wasiirrada HirShabeelle ay ku yeesheen magaaladaas, kaas Yuusuf Dabageed uu shir guddoomiyey, waxaana xaafado ka tirsan Beledweyne ka dhacay dagaal xoog leh oo sababay khasaare nafeed.

Hoos ka Daawo Yuusuf Dabageed

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in Farmaajo laga mamnuuco inuu xil dambe qabto hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu horeyn walaac xoog leh looga muujiyey xaaladda nololeed iyo wararka la xiriira dhalinyaradii tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea, kuwaas la sheegay in ay qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

“Wararka la xiriira joogitaanka dhalinyaradaas ee Ethiopia iyo ka qeybgalkooda dagaalada sokeeye waxaa xaqiijiyey Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tirsan dawlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas. Sida lawada ogsoon yahay waxaa dacwado soo jeediyey waalidiinta dhalinyaradaas oo ka codsaday madaxda dowladda in xaaladda ubadkooda ay ka hadlaan, xaqiiqda jirtana la wadaagaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu warka Midgowga Musharaxiinta.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Xisbiga Ilays ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dhegaha ka fureeystay oo diiday inuu shacabka Soomaaliyeed ka jaahil bixiyo eedeeymahaas.

“Isagoo ka welwelsan dacwadaha soo badanaayey iyo banaanbaxyada ku aaddan arrintaan ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble magacaabay guddi loo wada arkay magac-u-yaal oo ay ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo siyaasadda ciidamada, oo aan wax ka dhihin arrintaan cadeeymahoodu soo kordhayaan maalin walba, gaar ahaan markii ay ciidamada Tigrey dib u qabsadeen deegaanadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeedkaan shacabka Soomaaliyeed uga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen fashil iyo ku takri fal awoodeed ay ka hor istaagaan in mar kale uu isku soo sharaxo xilka iyo inuu mas’uuliyad dambe dalkaan ka qabto.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday, haddana u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka, 1- inuu iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrada ku joogo, 2- in umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, iyo 3- in Farmaajo laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar dambe ka qabto dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka Midowga Musharaxiinta.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda BELEDWEYNE

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa maanta howl-galo culus oo lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabay deegaano ku yaalla duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Kheyre oo asagu hogaaminayey howl-galkaas ayaa waxay ka sameeyen oo ay ciidamadu ku sifeeyen siduu sheegay deegaanada Baali, Burjada Ciinta, Doon-Maleeyka oo 25-KM dhanka galbeed ugu bageen magaalada Beledweyne oo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad xoogan.

Maxamed Kheyre ayaa markii uu soo idlaaday wajiga koowaad ee howl-galka ku bogaadiyey ciidamada amaanka howlaha sugida amaanka ee ay ka wadaan magaalada Beledweyne iyo deegaanada ku teedsan.

Waxa uu faray in la dar-dar geliyo howl-galada lagu sugayo amniga, xili uu maalmo ka hor dagaal ku dhex-maray magaalada Beledweyne ciidamo taabacsan maamulka iyo kuwa daacad u ah Jeneraal Xuud.

Magaalada Beledweyne oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu maamulka HirShabeelle ku howlan-yahay sidii looga dhigi lahaa meel nabdoon oo ka maran xiisadaha dagaal ee maalmihii dambe ka taagna.

Howl-galadaan ayaa waxay imanaayaan xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa maamulka HirShabeelle iyo jabhada Jeneraal Xuud, ayada oo magaalada ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan, inkasta oo xiligan uu dagan yahay jawiga guud ee magaalada.

Abiy oo hanjabaad cusub oo yaab leh soo saaray kadib guul-darradii gobolka Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray.

Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”.

“Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka.

“Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.”

Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.”

Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday.

Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta.

Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah.

Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada.

“Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.”

AFP + VOA

Dubbe oo si weyn loogu weeraray ‘marin-habaabin’ uu ku sameeyay arrin taagan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo kamid ah siyaasiyiinta xilalka kasoo qabtay Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Wasiir Dubbe, kaasi oo uu ku sheegay “in la xusi doono” gabar magaalada Boorama loogu xiray calanka Soomaaliya.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in Dubbe arrintaas uu ku marin-habaabinayo xiisada taagan ee dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea, kuwaasi oo xaaladooda laga deyrinayo, kadib markii ay soo baxday inaysan helin adeeg caafimaad iyo daryeel ciidanimo.

“Maanta waxaa Itoobiya ku daadanaya dhiiga dhalinyaro Soomaaliyeed, markuu rabay inuu taas duwo waxay ila muuqatay in aanay habooneyn Inan joogta Boorama oo danbi ka gashay Dalkeed uu kusii adkeeyo, hadduu Inantaas u hayo wax wanaag ah ayada oo xabsi ku jirta oo u xiran wax kasoo horjeeda qadiyada Somaliland kumuu markhaati fureen,” ayuu yiri Mustafe Shiine.

“Hadalka Wasiirka warfaafinta waxaa u arkaa mid lagu marin-habaabinayey oo lagaga duwayay indhaha dhalinyarada ay Eritrea-ku geeyen dalka Itoobiya oo laga horgeeyay Tigray-ga, marin-habaabin uu doonayo arrintaas oo taagan ayaa isaga oo matalaya nin qaranimada jecel ayuu ruwaayad kale ka dhigaya.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xil ay dowladda Soomaaliya u magacaawday Abwaan Yuusuf Shaacir oo ku nool magaalada Hargeysa, kaasi oo dhawaan ka soo dhex muuqday guddi ka shaqeyn doona dib u soo nooleynta Af-Soomaaliga.

Mustafe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Abwaan Shaacir uu aqbalo xilka looga magacaabay dowladda federaalka Soomaaliya, asaga oo dhaliilo u jeediyay xiligaas xukuumadda Muuse Biixi.

“Waa dambi haddaa aqbasho in dal cadow aan nahay uu ku magacaabo, qiilna looma heli karo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Siyaasi Mustafe Shiine.