24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Yuu ahaa ninkii ay ciidamada DF ku toogteen MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen agagaarka isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ciidamada ay toogteen nin hubeysnaa oo la sheegay inuu doonayey inuu weerar ku soo qaado ciidanka amaanka ee jooga halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay toogteen ninkaasi oo watay qoray AK47 ah, kadib markii uu isku dayey inuu rasaaseeyo ciidamada Booliska ee ilaalada ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay dhacdadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana uu doonayey inuu carqaladeeyo amniga wadadaasi oo ay waardiyo ka hayaan ciidamo ka tirsan ammanka.

“Ciidanka oo ka feejignaa dhagarta cadowga mar walba soo maleego ayaa ka hortagay ninkaan, isla markaana toogasho ku dilay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay boorso uu watay ninka la dilay oo la rumeysan yihiin inuu sitay walxaha qarxa, balse haatan waxaa socda baaritaano ay weli wadaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Ciidamo gaar ah ayaa loo diyaariyey ilaalinta dhismaha jidka xiriiriya labada magaallo ee Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo loogu talagalay inay ka hortegaan weerarada qorsheysan.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada iyo baaritaanada lagu sugayo amniga , si looga hortego falalka lidiga ku ah nabad-gelyada

Howl-galladii ugu dambeeyey ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ah oo dhac ka geysanayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qarax xooggan oo xalay ka dhacay dekedda DUBAI

Dubai (Caasimada Online) – Markab ku xirnaa dekedda magaalada Dubai, oo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn caalamka, ayaa waxaa xalay ka dhacay qarax xooggan oo sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah dekeedda.

Qaraxa ayaa sababay holac xooggan oo laga arkayey hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa hadda sheegaya inay xaaladda gacanta ku hayaan oo ay xakameeyeen.

“Dab ka dhashay qarax ka dhacay mid ka mid ah konteenarada saarnaa markab ku xirnaa dekedda Jabel Ali ayaa la xakameeyey. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay,” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay xafiiska warbaahinta Dubai ee Dubai Media Office (DMO).

Qarax ayaa ruxay dhismooyinka badan oo magaalada ka mid ah, waxaana soo daatay daaqadaha guryaha qaarkood, ayada oo saameynta ay gaartay illaa 25km meelo ka baxsan dekedda. 

Ganacsi ahaan ka sokow, dekeddan ayaa sidoo kale waxaa inta badan kusoo xirta maraakiibta dagaalka Mareykanka. 

Ma cadda xaddiga waxyeelada uu dekedda gaarsiiyey qaraxa. Sidoo kale ma cadda waxa sabab qaraxa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay koronto.

Saraakiisha dekedda ayaa sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si howlaha dekedda ay usii socdaan. 

Mona al-Marri, oo ahaa agaasimaha Dubai Media Offica ayaa sheetay in markabka uu xiranayey markii uu qaraxa uu dhacay. 

Dekedda Jabel Ali oo ku taalla waqooyiga Dubai ayaa ah tan ugu weyn caalamka waxayna u adeegtaaa dalalka Asia iyo Afrika badankood.

Howlgal ka dhacay Muqdisho oo lagu qabtay rag hubeysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weli howl-gallo ka wada magaalada Muqdisho ayaa markale gacanta ku dhigay kooxo burcad ah, xilli ay dhac ka geysanayeen gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Raggan oo watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah ayaa waxaa lagu qabtay howl-gal ay sameeyeen ciidamada ammaanka, kaas oo uu ka qeyb-qaatay maamulka.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo soo badhigay raggaasi oo labo ahaa ayaa shaaca ka qaaday in loo gudbiyey hay’adda CID-da, si loogu sameeyo baaris dheeri ah.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in burcada lasoo qabtay ay dhibaato weyn ku hayeen bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, isla-markaana xilliga la soo qabanayey ay gacanta kula jireen fal-dambiyeedka lagu soo qabtay oo ah dhac baahsan.

Howl-galkan ayaa qeyb ka noqonayo dagaal ka dhan ah burcadda hubeysan oo ay dowladda Soomaaliya ka billowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Tan iyo bishii hore oo ay billowdeen howl-galladan ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo dhac ka waday qeybo badan oo ka mid ah gudaha caasimada.

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkuna uu aadayo doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha intaba.

Rooble iyo Axmed Madoobe oo wada gudoomiyey shirka Wasiirada Jubaland + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Oline) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan gudaha Kismaayo iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shirka wasiirada maamulkaasi.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo qeyb ka ah socdaalka Rooble ee magaalada Kismaayo.

Intii uu socday waxaa shirkan diirada lagu saaray xaaladda Jubbaland iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo ka dhacaya magaalooyin ka tirsan maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo ka duwanaa sidii hore lagu soo hadal qaaday sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta wasaaradaha xukuumada federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay bah-wadaag wada yihiin.

Rooble oo shalay gaaray degmada Kismaayo ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, wuxuuna xalay la kulmay siyaasiyiinta Jubbaland ee kasoo jeedo gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay dadaallada uu wado xafiiskiisa ee ku aadan dib u heshiisiinta gobolkaasi.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu booqday meelo ay ka mid ah tahay dekedda magaallo xeebeedka Kismaayo, isaga oo uu wehlinayey Axmed Madoobe.

Waa safarkii ugu horreeyey ee Rooble ku tego Jubbaland, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna safarkan qeyb ka yahay socdaallo kala duwan oo horay ugu tegay xarumaha dowlad goboleedyada kale ee ka jira gudaha Soomaaliya.

 

Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay siyaasiyiinta GEDO?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ayaa kulamo gaar gaar ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in xalay Rooble uu si gaar ah u qaabilay siyaasiyiinta Jubbaland, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay arrimaha gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo sidii loola shaqeyn lahaa guddiga loo xil-saaray arrintaasi, si howsha loo bilaabo.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo,” ayaa lagu yiri  war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisuul wasaaraha dalka.

Rooble iyo siyaasiyiinta ku abtirsada Gedo ayaa sidoo kale iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii doorasho loogu qaban magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, maadaama uu yar yahay waqtiga, welina ay caqabado iska jiraan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa maanta lagu wadaa inuu mashaariic kala dunwa oo horumarineed ka dhagax-dhigo gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Booqashada uu Rooble ku joogo Jubbaland ayaa ah tii ugu horreysay, waxaana ay ku soo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo la galayo doorashooyin, maadaama heshiis la gaaray.

Si kastaba, Jubbaland ayaa in muddo ah ka mid aheyd maamullada sida weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka, walow haatan ay isaga soo dhawaadeen sidii hore.

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay weerarkii uu wasiir JAMAAL ku qaaday DENI

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse uu is qarinayo, si uu saameyn ugu yeesho xildhibaanada federaalka ee laga soo dooranayo degaanada Puntland.

Afhayeenka maamulka Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa oo ka jawaabay hadalka wasiir Jamaal, waxuuna ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo sawir qaldan oo wasiirku uu bixiyey maamulka gaamuray ee Puntland.

“23 sano oo qaan-gaarnimo muuqata ah kadib. Waa nasiib-darro inaad isku dayeyso inaan sawir xun ka bixiso Puntland iyo shacabkeeda. Taariikhda ayaa weli ah midda wax kala saarta,” ayuu yiri  Jaamac Dabaraani oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay maamul qaan gaaray oo horay u qabtay doorashooyin kala duwan, oo aan xiligaan la khalkhal gali karin.

“Wasiir Jamaal, tweet-kaaga kama duwana kuwii hore ee aad bartan ugu adeegsan jirtay inaad rabashado iyo dagaal kaga huriso Puntland. Puntland waa dowlad 23 jir ah, horeyna u qabatay doorashooyin heer gobol iyo heer federal ah, oo natiijada qaarkood ay noqotay in hal cod lagu kal baxo,” ayuu Afhayeenka Puntland qoraalkiisa ku yiri.

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xil-gaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay musharax doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse hadda uu is qaniyo, taas bedelkeedna uu cagajugleyn iyo boob ku hayo doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee Puntland ka imaanaya.

“Saciid Cabdullahi Deni wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho, una farageliyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Odayaasha beelaha, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka ayaa dhammaantood muujiyey walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleynta iyo faragelinta uu wado Deni,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Jamaal.

Qoraalkaan uu Jamaal Maxamed Xasan soo dhigay twitter-kiisa ayaa intaas ku sii daray, “Maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyaa faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. Mar dambe aamusnaan kuma daawan karno faragelinta qaawan iyo dhaawaca loo geysanayo dimuqraadiyadda iyo kalsoonidii maamulka Puntland.”

Hadalladaan ay is-weydaarsadeen Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo Afhayeenka Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli uu socdo loolan adag oo u dhaxeeya xildhibaanada taageersan madaxweyne Farmaajo ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland iyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo la sheegay inuu ku dadaalayo in xildhibaan taageersan Farmaajo uusan ku soo laaban baarlamaanka federaalka.

Taliyihii Booliska gobolka Shabeelaha Hoose oo ku geeriyooday MUQDISHO

0

Muqdishp (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu magacaabi jiray, Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris.

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo loo keenay xaalado caafimaad, isaga oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday gudaha Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay geerida ku timid Marxuum Muuse Cabdulqaadir Idiris, waxaana si gaar ah qoraalkan tacsi loogu diray ehellada marxuumka, Booliska & guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxuu ehelka iyo ciidanka boliiska ugu tacsiyeenaa geerida naxdinta lahayd ee ku timid Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir oo ahaa Taliyaha Qeybta Shabeelaha Hoose oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inuu marxuumka khabiir sare oo lasoo shaqeeyey Booliska dalka iyo kuwa caalamiga ah.

AUN Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay ciidamada Booliska, gaar ahaan hoggaanka Interpol, sida uu shaaciyey talisku.

“Col Muuse waxuu ahaa khabiir dhanka shuruucda boliiska dalka iyo caalamiga asigoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka boliiska gaar ahaan hoggaanka Interpol”.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii Booliska ee gobolkaasi, kaas oo inta uu noolaa wax badan ka qabtay amniga gobolka.

Daawo: Puntland oo xukun dil ku fulineysa 8 qof oo kale

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kadib dhegeysiga gar-maqalka dacwadda loo haysto 8-da xukmane, oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ee magaalada Gaalkacyo ayuu garsoorku ku dhawaaqay in dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dadka la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka dilka ah.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii Puntland ay dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.

Kooxdaan Al-Shabaab oo iyadana ka jawaabeysay xukunka dilka ah ee lagu fuliyey 21-ka ayaa koonfurta Soomaaliya ku toogatay 24 qof oo dhallinyaro u badan oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonada Mareykanka iyo Soomaaliya.

Hoos ka Daawo maxkamadeyntii maanta ee 8-da nin

Gabadha Soomaalida ah ee afduubka saaxiibteed loo haysto oo lasii daayey

0

Nairobi (Caasimada Online) – Eedeysanayaasha loo heysto kiiskii afduubka ahaa ee lagula kacay haweeney Soomaaliyeed oo gacansato aheyd oo lagu magacaabo Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa maanta waxay maxkamadda ku taala Nairobi kusii deysay damaanad, sida ay daabaceen wargeysada Kenya.

Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu oo ah eedeysanayaash loo haysto kiiska afduubka ah ee Xafsa Luqmaan ayaa markii ay maxkamadda kusii deysay damaanada ku amartay inaysan wax xiriir ah la sameyn karin dhibanaha iyo markhaatiyaasha kiiska.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa hore u shaacisay in Gabarta ay saaxiibada ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay, midaasi oo keentay in la xiro Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu, oo asagu la rumeysan yahay inuu gacan weyn kulaha falkaas.

Labada eedeysane ayaa hore iskaga fogeeyay dacwada loo haysto, kadib markii lagu soo oogay dacwada afduubka, balse ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay in damaanad lagu sii daayo eedeysanayaasha halista geliyey nolosha Xafsa Maxamed Luqmaan, inkasta oo ay weli socota dacwada kiiskaas.

Waxaa la rumeysan yahay inta dacwada kiiska afduubka ah ay banaanka joogi doonaan labada eedeysane, ayaga oo la xadiday socodkooda iyo la kulanka dadyowga qaarkooda.

Xafsa Luqmaan ayaa wareysi hore u siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya, ku sheegtay in haweeneydaas oo lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay.

“Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, inkasta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nahay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqmaan.

Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduubkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqmaan soo gashay dukaanka saacadda markay aheyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June.

Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha.

Xafsa ayaa xustay inay aad isku jeclaayeen iyada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lacagta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsigeeda qudaarta.

“Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri.

Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadiyeen maalin Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun.

Baarayaasha dambiyada ayaa xiligaas xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Xafsa Luqmaan.

Labada eedeysane ayaa waxaa xiligaas laga soo qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay ku dhuumaleysanayeen.

Wasiir JAMAL oo weerar ku qaaday Deni, shaaciyeyna qorshe uu damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xil-gaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan oo qoraal soo dhigay bartiise Twitter-ka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiir Jamaal oo ka mid ah wasiirada sida weyn ugu dhow madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay musharax u taagan tartanka xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo la filayo inuu dhaco 10-ka October 2021.

Jamaal ayaa sheegay in madaxeyne Deni uu dib u dhigay shaacinta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya islamarkaana uu qorsheenayo inuu faragelin ku sameeyo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyaa faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. Mar dambe aamusnaan kuma daawan karno faragelinta qaawan iyo dhaawaca loo geysanayo dimuqraadiyadda iyo kalsoonidii maamulka Puntland,” ayuu wasiir Jamaal ku yiri qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka.

“Saciid Abdullahi Deni wuxuu dib u dhigay ku dhawaaqista musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho, una farageliyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland. Odayaasha beelaha, wakiillada iyo musharixiinta baarlamaanka ayaa dhammaantood muujiyey walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marinta, cagajugleynta iyo faragelinta uu wado Deni,” 

Hadalka kasoo yeeray Wasiir Jamaal ayaa kusoo aadayo xilli uu socdo loolan adag oo u dhaxeeyo xildhibaanada taageersan madaxweyne Farmaajo ee kuraastooda ay taallo deegaanada Puntland iyo madaxweyne Saciid Deni oo saameyn xoog leh ku leh doorashada xildhibaanada.

Saciid Deni ayaa xoogiisa isugu geynayo sidii uu meesha uga saari lahaa xildhibaanada taageersan madaxweyne Farmaajo ee kasoo jeedo Puntland, kuwaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeenayey danaha madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday.

Wasiirada kale ee sida weyn ee taageero madaxweyne Farmaajo isla markaasna kuraastooda xildhibaanimo ay taalo Puntland waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Maxamud Xayir Ibraahim.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray dagaalkii Bacaadweyn, soona bandhigay sawirro

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay dagaaladii ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bacaadweyn, Qeycad iyo Sabeeno Gowrac .

Abuu Muscab ayaa sheegtay inay jab xoog leh gaarsiiyeen ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee weerarka kusoo qaaday, islamarkaana ay dib ula wareegeyn deegaanka Bacaadweyn oo 30k u jirto magaalada Wasil.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada weerarka kusoo qaaday ay garab ka helayeen diyaarado uu sheegay inay leedahay dowladda Mareykanka, sida uu isaga hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in kooxdiisa ay awood u yeelatay inay iska difaacdo.

Wuxuu intaas ku daray inay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada Dowladda isla markaasna ay dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyeen 70 askari sida uu hadalka u dhigay.

Ugu damneyntii Abuu Muscab ayaa sheegtay inay dagaaladii ka dhacay deegaanadaas ay ku qabsadeyn hub iyo gawaari ciidan inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashada Al-Shabaab.

Sida ay dad goobjoogayaal ah Caasimada Online u sheegeyn, ciidamada Dowladda ayaa hadda ku sugan saldhigga ciidamada 21-aad oo wax ka yar 3km u jiro deegaanka Bacaadweyn halka Al-Shabaab ay ku sugan tahay gudaha Magaalada.

Sidoo kale, garabkii kale ee Ciidamada Dowladda ee weerarka ku qaaday Qeycad iyo Sabeeno Gowrac ayaa weli ku sugan goobihii ay Al-Shabaab kala wareegeyn, waxayna dhowr jeer iska difaaceyn weerar uga imaaday kooxdaan.

Ugu dambeeyey ee deeganadaas naga soo gaarayo ayaa sheegayo in Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Senetor Cabdi Qeybdiid ay galabta gaareyn deegaanka Sabeeno Gowrac halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug.

Halkaan hoose ka daawo sawirada ay soo bandhigeyn Al-Shabaab

Xog: Labada ujeeddo ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka leeyahay safarkiisa Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in safarka uu maanta ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Kismaayo uu ka leeyahay labo ujeedo oo la xiriira doorashada iyo dib-u-heshiisinta.

Rooble ayaa u tagay Kismaayo sidii dib-u-heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo iyo weliba sidii loo dar-dargalin lahaa hannaanka doorashada oo dhawaan la filayo inay ka qabsoomto dalka.

Saraakiil ka tirsan xafiiska Rooble oo la hadlay Caasimada Online ayaa sidoo kale waxay sheegen in qorshaha Rooble uu qeyb ka yahay in maalinta Jimcaha uu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, halkaas oo ay muddo badan isku hayeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili uu ra’iisal wasaare Rooble kal hore uu magacaabay guddi dib-u-heshiisinta gobolka Gedo ah, kaasi oo aysan qeyb ka aheyn xubno kasoo jeedo Jubbaland oo ay dowladda isku hayeen maamulka gobolkaas.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan ku howlan inuu meesha ka saaro khilaaf kasta oo dib u dhigi kara jadwalka hanaanka doorashada, islamarkaana caqabad ku noqon kara heshiiskii ay 27-kii May madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

Iska hor-imaad cusub oo dhexmaray ciidamada dalalka AZERBAIJAN iyo Armenia

Baku (Caasimada Online) – Armenia iyo Azerbaijan ayaa Talaadadii isdhaafsaday eedeymo ku saabsan cidda billowday iska horimaad askar ay uga dhaawacmeen labada dhinac oo xuduudda ku dhex-maray.

Waa dhacdadii ugu dambeysay xiisad dhowaanahan kordheysay kadib dagaalkii sanadkii tegay labada dhinac ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

Dagaalkii Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ka tirsan Azerbaijain balse ay degan yihiin dad Armenian ah, ayaa dilay ku dhowaad 6,500 qof kahor inta bishii November lagu dhammeyn xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia, oo Armenia ay dhul badan ugu gacan gelisay Azerbaijan.

Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Armenia, Samvel Asatryan ayaa Talaadadii weriyayaasha u sheegay “in ciidamada Azerbaijain ay xabado ku fureen meel ku dhow xaafadda Verin Zhorzha” ee degmada Gegarkunik ee bariga Armenia.

Hal askari oo Armenian ah “ayaa dhaacwayo fudud ay kasoo gaareen iska horimaadka.”

Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa markii hore beenisay warbixintan, hase yeeshee waxay xalay tiri “ciidamada Armenia waxay rasaas kusoo fureen goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Azerbaijan ee xaafadda Aligaly ee degmada Agdam.”

“Waxaa rasaastaas ka dhashay dhaawaca hal askari oo ka mid ah ciidamada Azerbaijan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. 

Xiisadda Baku iyo Yerevan ayaa sare u kacsaneyd tan iyo bishii May, markaasi oo Armenia ay ku eedeysay militariga Azerbaijan inay kasoo gudbeen xuduudda koonfureed “si ay isugu diyaariyaan qabsashada” dooxo ay labada dal wadaagaan.

AFP + VOA

Sawirro: Sidee Rooble loogu soo dhaweeyay Kismaayo?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Rooble iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyeen magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbalanad, Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo caasimada Jubbaland waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabad-gelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Sidoo kale inta uu joogo Ra’iisul wasaaruhu sida uu qorshuhu yahay waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso gudaha maamulka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha ayaa shalay gaaray magaaladaasi, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Kismaayo, waxaana soo dhamaatay qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta waftiga ra’iisul wasaaraha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee Rooble uu ku tegayo magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska, waxaana uu horey u booqday xarumaha kale ee maamul goboleedyada; Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle.

Madaxweynihii DALKA HAITI oo gurigiisa lagu dhex dilay

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Haiti Jovonel Moïse ayaa lagu dhex-dilay guri khaas ah oo uu degan yahay, abaare 1:00 am ee maanta xilliga Haiti, sida uu shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha ku-meel gaarka ah ee dalkaas Claude Joseph.

Haiti waa dal ku yaalla Caribbean-ka, wuxuuna xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica.

Sida uu sheegay ra’iisul waaare Claude Joseph oo war-saxaafadeed soo saaray, waxaa dilka fuliyey koox hubeysan oo aan la aqoonsan, balse sida uu sheegay ku hadlayey luuqadda Spanish-ka. Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay marwada koowaad, Martine Moïse, waxayna hadda taallaa isbitaal, sida bayaanka lagu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dilka ku qeexay “ficil arxan-darro ah, naceyb ku dheehan, islamarkaana ka baxsan bani’aadannimada.”

“Waxaan qaadnay dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay si aan u xaqjiino sii jiritaanka iyo ilaalinta qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Joseph. 

Kadib warka ku saabsan dilka, ayaa waxaa rasaas dhaceysa laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan. 

Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira.

Madaxweyne Moïse ayaa lagu banaan-baxayey tan iyo markii uu talada dalka la wareegay 2017-kii oo madaxweyne loo doortay, ayada oo mucaaradka ay sanadkan ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu dalka u rogo nidaam kali-talis ah.

Ciidamo ka wada tirsan DF Somalia oo ku dagaalamay DOOLOW + Khasaaraha

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha degmada Doolow oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah u dhex-maray ciidamada nabad sugida Doolow iyo kuwa dowladda ee ka howlgala gudaha degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dad goobgoogayaal oo ay la xariirta shabajadda Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in is-raasaseynta labada dhinac oo muddo socotay uu ku dhaawacmay talityaha ciidanka nabad sugidda Doolow oo lagu magacaabo Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dagaalka dhex-maray labada dhinac, balse mar qura ayey dadka deegaanka ka war-helin xabad dhaceysa.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan deggan tahay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxsay shaqaaqadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada oo la xiriira iska hor imaadkaasi dhaliyey khasaaraha.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa inta badan dhexdooda is rasaaseeya, waxaana ka dhasha khasaare kala duwan oo qaarkood soo gaara dadka rayidka ah ee lagu kor diriro.

Beel ka mid ah ABGAAL oo ka hor-timid saami qeybsiga xildhibaanada BF (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beesha Ebakar-gaab Macalin Dhiblaawe oo ka mid ah beesha Waceysle ee Abgaal maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid saami qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee beeshooda.

Kuraastaan ay beesha Ebakar-gaab Macallin cabashada ka qabto waxay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, waxayna baaq u direen madaxweynaha Galmudug.

Waxgaradka beeshaan ayaa madaxda dowladda federaalka iyo tan Galmudug ka dalbaday inaan lagu hungoobin in la duudsiiyo kuraas ay iyagu xaq u leeyihiin.

War-murtiyeed ka soo baxay beesha Ebakar-gaab Macallin oo laga shaaciyey shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay cabashada ay beeshu ka qabto hanaanka loo qeybiyo kuraas ugu darsan beesha Waceysle.

Waxgaradka beeshaan oo warbaahinta la hadlay ayaa beesha Waceysle ka dalbaday in si cadaalad ah sanadkan oo qeybiyo kuraasta, maadaama ay soo dul qaadanayeen mudo dheer oo sida ay sheegeen ay ka maqnaayeen kuraas ay xaq u leeyihiin.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee waxgaradka beesha Ebakar-gaab

Sidee ayuu PUNTLAND uga baxsaday maxbuuskii ku xukunaa dilka toogashada?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahiyey sida uu u baxsday Axmed Cabdi Jaamac oo ku xirnaa xabsiga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kuna xukunaa, xukun dil toogasho ah.

Afhayeenka ciidanka Asluubta oo lagu magacaabo, G/lle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in maxbuuska oo ay soo wajahday xaalad caafimaad uu u baahday daryeel caafimaad oo ka baxsan xabsiga kadibna marka la waday uu baxsaday.

Xirsi ayaa sidoo kale xusay in tuhun ay ka qabaan saraakiishii iyo ciidankii loo xil-saaray soo daaweynta maxbuuska fakaday, isaga oo tilmaamay inay dayacaad sameeyeen.

“Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay”ayuu yiri Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi  oo afhayeenka ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la xiray saraakiishii loo xil-saaray caafimaadka maxbuuska , sidoo kalena lagu raad joogo mid ka mid ah askartii waday maxbuuska oo maqan..

“Waxaa dhici karto in qaarkood ay xiriir la leeyihiin Raggaas hubeysnaa, waxaa maqan mid kamid ah ciidankii waday Maxbuuska balse waxaa xiran saraakiishii mas’uulka looga dhigay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna ugu soo celiyaan Xabsiga ” ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay ka baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo si gaara u beegsaday xasbigaasi.

Xog: Beesha caalamka oo diidan in DOORASHO lagu qabto magaalo ka mid ah deegaan doorashooyinka

Baraawe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa ka walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah magaalooyinka loo asteeyey deegaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto, ayada oo ay suurta-gal tahay inay soo weeraraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado.

Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, inkasta oo aanu maamulka ku shaqeyn oo uu degan yahay Baydhaba, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay tahay halista amni ee magaaladan ka jirta.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in laga fakariyo inaan magaaladaas lagu qaban doorasho, ama la geeyo ciidan xooggan oo Amisom ah, taasi oo u baaqan qarash malaayiin dollar ah.

Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho, waxay fursad siin kartaa maammullada Jubaland iyo HirShabelle, oo horey u doonayey inaysan doorasho ku qaban Garbahaarey iyo Beledweyne, balse laga diiday, kuwaas oo ku doodi kara in deegaan doorashooyinka lagu soo wada koobo min hal magaalo, ama laba magaalo, balse aysan sax aheyn in maamullada midba si gaar ah loola macaamilo.

“Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho waxay albaabada u furi kartaa maamullada kale ee ku doodaya in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Haddii lagu qabanayana waxay u baahan tahay qarash badan iyo ciidan dheeri ah, marka waa laba ka darran mid dooro,” ayuu yiri sarkaal ku dhow beesha caalamka oo la hadlay Caasimada Online.

Arrintan ayaa hadda aad looga doodayaa, mana cadda go’aanka laga qaadan doono, ayada oo ay soo dhowaatay doorashada Aqalka Sare oo ah tan ugu soo horreysa, xilli guddiyada doorashada ay hoggaan wada doorteen intooda badan.

XABEEB oo sabab yaab-leh uga horyimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Mental Health Foundation oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan jadwalka doorashooyinka dalka.

Dr Xabeeb ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka soo baxay ee ay soo saareen golaha wada-tashiga qaran, siiba doorashada madaxweynaha oo loo asteeyey 10-ka October.

Dhaqtarka ayaa tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee  Dhimirka, isla-markaana ah ay tahay in dadka laga wacyi-geliyo xanuunka Dhimirka.

Waxa kale oo uu sheegay in munaasabada uu qabto 10-ka October lagu casuumo madax kala duwan, sidaas daraadeedna, haddii doorasha la qabanayo ay saameyneyso martida.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay wal-wal ka qabaan xuska maalintan, maadaama lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo saameyn ku yeelaneysa tabinta munaasabadda uu ugu dabaal-dagayo xuska maalinta Dhimirka.

“Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caalamka maanta waa Social Media, haddii ay noqon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Facebook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laakiin maalinta doorashada hadda nin anaga naga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku egyahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku nahay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri Dhaqtar Cadiraxmaan Cali Cawaale.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ka dalbaday in doorashada madaxweynaha ee haatan la shaaciyey in la qabanayo 10-ka bisha soo socota October, laga wareejiyo maalintaasi.

“Tabarta aan leenahay maanta waa (Abil) codsi aan u jeedineyno dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo go’aanka wada gaaray, waxaan ka codsaneynaa walaalayaalow maalintaas waa maalin 18 sano aan la saan qaadeynay caalamka walaalayaalow hanaga reebina ee doorashadiina ka dhigta maalin kale.” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa hadal heyn ka dhex-dhalisay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana la is-weydiinayaa, sida ay suuragal ku tahay in doorashada dib loogu dhigo xuska maalinta caalmiga ah ee Dhimirka ee 10-ka October, maadaama marxalad adag lasoo maray.