24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

“Ogaada dadkiina Muqdisho waa joogaan” – Beel ka mid ah Hawiye oo digniin culus u dirtay Puntland (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Murusade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan rag kamid ah 8 qof oo maamulka Puntland uu ku xukumay dil toogasho ah.

Odayaasha beesha oo kal hore baaq kasoo saaray dhalinyaradaas oo muddo u xirnaa maamulka Puntland oo aan xiligaas maxkamad lasoo saarin, ayaa xiligan lagu daray ragga xukunka dilka ah lagu fulinayo.

Odayaasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo cuskaday xukunkooda lix kamid ah raga 8-deeda ah, islamarkaana ay ciidamadu ku qasbeen inay qirtaan wax aysan shaqo ku laheyn, sida ay hadalka u dhigeen.

Xariga iyo xukunka ku dhacay qaar kamid ah raga 8-deeda ah ee Puntland ku xukuntay dilka ayey sheegen inay tahay shirqool aan loo meel dayin.

“Waxaa idiin sheegeyna dadkii hore ee aad disheen kuwii hore waa tageen, waxa dambe oo hadda gacantiina ku jira bad-baadiya, meel walba ayaa daadsan tihiin. Kuwo cuqaal iyo tujaar ah ayaa halkaan jooga ee dadka nabad geliya, haddaad nabad-gelin weysaan xeradiina ayaa ka garaneysan oo caqligiina imaanaya,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay waraabinta.

Sidoo kale waxay sheegen inaysan u dulqaadan doonin in maamulka Puntland uu gumaado dhalintooda, ayaga oo ku hanjabay haddii dib looga laaban waayo xukunkaas uu ka shalayn doono maamulka, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa ka cabaneyna wiilal yar-yar oo masaakiin ah oo dhexdiina ka shaqeysanayey ayaa inta la aruuriyo oo la jirdilo la saaro maxkamad oo la dhaho waa Shabaab, waa arrin ceeb ku ah Soomaalinimada. Arrintaas waxay dhali doonta arrin dhibaato ah oo aan dadkiina iyo maamulkiina idin anficin.”

Si kastaba, Arbacadii ayey aheyd markii ay Maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ‘ceebeyn’ ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Musharax madaxweyne oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isagoona ku sifeeyay “shaqsi beenlow ah”.

Madaxweynihii hore ayaa wareysi gaar ah oo uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Farmaajo uu been badan yahay oo aysan dhab ka ahayn inuu ku daydo howlaha uu u qabtay bulshada Soomaaliyeed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxarisitee Aadan Cabdulle Cismaan.

Waxa uu ka dhawaajiyey in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday ee Farmaajo uu kal hore ololihii 2016-kii kusoo galay ballan-qaadyo been abuur ah oo uu sameeyay, kuwaasi oo ilaa xiligan uusan fulin.

“Raad kuma lahan, shaqo kuma lahan, ceebeyn waaye inuu Farmaajo yiraahdo Aadan Cadde aan ku daysanaa hal tallaabo oo raadkiisa ah oo uu Farmaajo qaaday majiro,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynihii hore (Aadan Cabdulle) waxa uu ahaa muwaadin xushmad leh, karaamo leh oo ku deysi leh, balse inuu Farmaajo yiraahdo Aadan Cadde ayaa ku daysanaa ceeb ayey ku tahay Aadan Cadde.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in siyaasada aysan aheyn been ama qiiq isku qarin, isagoo dhaliilaya hogaaminta Farmaajo, oo uu ku sifeeyay shaqsi beenlow ah oo aan marnaba fulin ballan-qaadyadiisa.

“Siyaasadu been ma ahan, Qiiq isku qarin maaha, Nin raba in uu Aadan Cadde magaciisa kaarka ku xoqdo, Aadan Cadde madaxweyne la yaqaan waaye oo taariiqdiisu qoran tahay, in dadka Soomaaliyeed waagii loo sheegi jirey beenta waa soo dhamaatay,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku eedeyay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday in bulshada Soomaaliyeed uusan ku qancin karin hadal, xili ay taagan yihiin arrimo badan oo u baahan in si sax ah looga hadlo.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa imanaya xili ay si weyn u baaheen muuqaalo uu maalmihii xoriyadda baraha bulshada soo dhigayey Farmaajo, kuwaas oo uu ku ammaanayey Aadan Cadde, inkasta oo ay jirto in hadda ka hor inta uusan siyaasadda soo gelin uu Aadan Cadde aflagaadeeyey buug uu qoray, oo uu madaxweynihii hore ku qeexay “inuu gumeysi kalkaal ahaa.”

Ammaanta Farmaajo ee maalmihii dambe ayaa lagu macneeyey kaar siyaasadeed doorasho oo uu isugu muujinayo inuu ixtiraamo madaxdii hore, balse waxaa durba dadka ay soo xusuusteen buuggii uu qoray markii uu Jaamacadda ka qalin-jebinayey ee uu ku aflagaadeeyey Aadan Cadde.

XOG: Sidee ku xumaaday xiriirka VILLA SOMALIA iyo guddoomiye Maxamed Cirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal (FIET) Maxamed Xasan Cirro iyo madaxtooyada Soomaaliya uu khilaaf soo kala dhaxgalay ka hor doorashadiisa. 

Xogta ayaa tilmaameysa in Cirro iyo Villa Somalia uu khilaafkooda yimid markii guddiyada lagu sameeynayay baaritaanka oo ay ka dhax arkeen magaciisa 67-ka xubnood ee ay mucaaradka gudbiteen, waxayna markaas kadib aamineyn in uusan soo laaban doonin oo laga saari doono iyo in haddii uu soo laabtana uusan xilkaan heli karin, kadibna ay xiriirka u jareen.

Sidoo kale, xubno ku dhow madaxweynaha ayaa la sheegay in marar badan oo uu xiriir lasoo sameeyey Cirro intii uu baaritaanka socday aysan ka jawaabin wicitaanadiisa, ayaga oo rumeysnaa inuu ku biiri doono xubnaha laga saarayo guddiga ee liiskooda la gudbiyey. 

Si kastaba, Cirro ayaa si lama filaan ah uga badbaaday xubnaha la tuuray, wuxuuna kadib olole u ogolay inuu noqdo guddoomiye, isaga oo aan isku haleeneyn Villa Somalia.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysay in guusha Cirro ee doorashada guddoomiyaha guddiga ay ka dambeeyeen xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta si gaar ahna Xasan Cali Kheyre, inkasta oo markii dambe madaxtooyada ay taageero ku dartay markii ay dareentay inuu guuleysanayo. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Murashax Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo mucaaradka kamid ah ayaa la sheegay in ay aad u taageereen in doorashadii guddiga FIET uu ku soo baxo Maxamed Xasan Cirro oo hore xilkaan u hayay aadna ugu dhawaa Villa Somalia balse ay mar dambe xumeeyeen. 

Sidoo kale guushiisa waxaa la sheegay in uu door ku lahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay wararku sheegayaan in uu yahay Murashax Madaxweyne. 

Maxamed Xasan Cirro iyo xubno guddiga kamid ah ayaa Arbacadii kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waana Murashaxii ugu horreeyay ee la kulma guddiga FIET.

Dilka madaxweynihii Haiti oo lugaha la galay saraakiil Mareykan ah (Xog cusub)

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Laba nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Mareykan – oo mid ka mid ah uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Port-au-Prince – ayaa loo xiray dilka madaxweynihii dalka Haiti Jovel Moise.

Mathias Pierre, oo ah wasiirka doorashooyinka Haiti, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in mid ka mid ah raggaas lagu magacaabo James Solages.

Labada nine e Mareykanka ah ayaa la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Haiti, waxayna ka mid yihiin lix qof oo loo xiray dilka madaxweyne Moise oo aroortii Arbacada ka dhacay gurigiisa gaarka ah. 

Toddoba tuhmane oo kale ayaa lagu dilay is-rasaaseyn dhex-martay booliska, sida uu sheegay Agaasimaha Booliska Qaranka Haiti, Léon Charles. 

Peirre ma bixin xog dheeri ah oo ku saabsan James Solages iyo magaca muwaadinka labaad ee Mareykanka ah. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka war heyso wararka ku saabsan in muwaadiniin Mareykan ah loo xiray dilka Moise, balse aysan xaqiijin karin.

Solages ayaa isku sheegay inuu yahay “wakil diblomaasiyeed oo diiwaan-gashan,” iyo inuu maamulo hay’ad u ololeysa caruurta oo 2019-kii uu ku aas-aasay gobolka Florida ee dalka Mareykanka. 

Website-ka hay’addiisa ayaa waxaa ku qoran in Solages uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Haiti. Safaaradda Canada weli kama hadlin arrintan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in labada nin ee Mareykanka ah Khamiistii laga helay ayaga oo ku dhuumanaya howd ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.

Ra’iisul Wasaaraha ku-meel gaarka ah ee Haiti Claude Joseph ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Saraakiisha illaa iyo hadda ma sheegin sababta loo maleynayo inay dhiiri-gelisay dilka madaxweyne Moise.

Dhinaca kale, garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin.

Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday.

Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay. 

Xog: Guddigii uu Rooble u magacaabay baaritaanka askarta Eritrea ku maqan oo shaqada joojiyay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u xil saaray baaritaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea aysan wali shaqa gelin. 

Xogta ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmeen culeysyo dhinaca Villa Somalia ah kadib markii lagu wareejin diiday xogta carruurtaas, halka warar kale ay sheegayaan in dowladda Eritrea oo fulineysa codsi ka yimid dhinaca Farmaajo aysan wali aqbalin in guddiga ay shaqa galaan ama wax xiriir ah lasoo sameeyaan. 

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Eritrea ay baaritaanka carruurtaas iyo xaaladooda ku xirtay in la siiyo lacagihii lagula heshiiyay ee tababarka ciidanka Soomaaliyeed, oo la filayey inay bixiso dowladda Qatar balse ay diiday.

Guddiga ayaa ku suga Muqdisho mana jirto ilaa hadda waalid, mas’uuliyiin ama hay’ado kale oo ay la kulmeen marka laga reebo in qaarkood oo wasiirro ah looga yeeray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. 

Markii la magacaabay guddigaan waxaa jiray qoraal ay soo saareen mucaaradka, kaas oo ay ku sheegeen in uusan aheyn guddi madax-banaan oo ka warrama xaqiiqda carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas. 

Waxaa isa soo taraya cadeymaha caamliga ah ee ku aadan in dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar u jooga dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowaan dalbaday in madaxweyne Farmaajo is-casilo, mar dambana aan loo ogolaan inuu xil ka qabto dalka, sababo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo sida uu u haligay dhallinyaraas Soomaaliyeed.

Biden oo farriin lama filaan ah u direy reer Afghanistan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa si adag u difaacay go’aankiisa ah inuu ciidamada militariga Mareykanka ka saaro Afghanistan, isagoo sheegay in dadka reer Afghanistan ay khasab ku tahay inay ka tashadaan mustaqbalkooda, isla markaana uusan jiil kale oo Mareykan ah u diri doonin dagaalka 20-ka sano socday.

Biden oo Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in militariga Afghanistan ay awood u leeyihiin in ay iska caabiyaan Taalibaan, isagoo beeniyay wararka sheegaya in sirdoonka Mareykanka ay saadaaliyeen burburka dowladda uu Mareykanku taageero ee Kabul lix bilood gudahood, iyada oo ay jirto digniinta dagaal sokeeye.

Waxa uu Madaxweyne Biden sheegay in maalinta ugu dambeysay ee joogista ciidmada Mareykanka ee Afghanistan ay tahay 31-ka bisha Augusto ee sanadkan, marka laga reebo 650 askari oo ah ilaalada amaanka safaaradda Mareykanka ee Kabul.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanku waqti hore uu ku guuleystay ujeedkiisii asalka ahaa ee duullaankii Afganistan ee sanadkii 2001, kaas oo ahaa in xididada loo siibo maleeshiyada Al-Qaacida, lagana hortago weerar kale oo Mareykanka lagu qaado, kuwaas oo la mid ah kuwii Sept.11, 2001.

Ninkii abaabulay weerarkaas oo ahaa Osama bin Laden, ayaa koox milatari oo Mareykan ah ku dileen dalka ay deriska yihiin ee Pakistan sanadkii 2011.

“Waan gaarnay ujeeddooyinkaas, waana sababta aan u aadnay. Uma aadin Afghanistan in aan dhisno qaran. Waa xaq iyo mas’uuliyad saaran dadka reer Afghanistan inay kaligood go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyo sida ay doonayaan in ay dalkooda u maamulaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Sida laga soo xigtay ra’yi ururin ay sameysay hay’adda cilmi-barista ee Ipsos, laga soo bilaabo bishii Abriil, aqlabiyadda dadka Mareykanka waxay taageereen go’aanka Biden ee ah in ciidamada laga saaro Afghanistan, laakiin kaliya 28% dadka qaangaarka ah ayaa isku raacay in Mareykanku uu ku guuleystay himilooyinkiisa Afghanistan, halkan 43% ay sheen in ka bixitaanka Mareykanka ay hadda caawineyso Al Qaacida.

Reuters + VOA

Liisla madaxweynayaasha dalalka Afrika ee la toogtay iyaga oo xilal haya (Aqriso)

Qaaradda Afrika waxaa ku badan dilalka Madaxda marka la barbardhigo Qaaradaha kale, waxaa lagu toogtay Madaxweynayaal xilal ka hayay dalalkooda, qaarkood ayaa la dilay iyaga oo shaqo ku mashquulsan.

Madaxweynayaasha la toogtay iyaga oo xilalka haya ayaa kala ah:

1- Cabdirashiid Cali Sharma’arke – Soomaaliya:

Cabdirashariid Cali Sharma’arke Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dalka 1960-kii ilaa 1964-dii waxaa lagu toogtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 15-kii October 1969-kii.

Dilkiisa kadib waxaa talka Afgambi aan dhiig ku daadan waxaa ku qabsaday Militarigii oo muddo kadib hoggaan ka dhigtay Maxamed Siyaad Barre oo dalka heystay intii u dhaxeysay 21-kii October 1969-kii illaa 26-kii January 1991-dii.

2- Mucammar Al-Qadaafi – Libya

Col. Mucammar Al-Qadaafi waxa uu xilka Madaxweynaha Liibiya hayay 1-dii September 1969-kii illaa 20 October 2011, xilkaan kuma aanay helin doorasho oo waxa uu ku qabsaday awood Militari.

Waxa uu sababsaday kacdoonkii Guga Carabta oo galaaftay xilalka Madax kala duwan, waxaa lagu dilay Sirte, kadib maalmo kooban oo dagaal ay isku wajaheen askartii daacadda u ahayd iyo xoogagga kasoo horjeeday.

3- Idriss Deby – Chad

Madaxweynihii 6-aad ee Chad Idriss Deby waxa uu xilka ku qabsaday xukun marooqsi, April 2021 ayuu ku geeriyooday dagaal ka dhan ah Fallaagada kasoo horjeedda Dowladdiisa, waxa uu xafiiska joogay 2-dii December 1990 illaa 20-kii April 2021-ka.

4- Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar

Sheekh Cabayd Karume waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Zanzibar iyo ku xigeenkii ugu horreeyay ee Tanzania, waxaa lagu toogtay dhismaha xarunta dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) ee Zanzibar 7-dii April 1972-dii.

5- Laurent-Desire Kabila – DR Congo (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo)

Laurent-Desire Kabila Waa Madaxweynihii 3-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DR Congo) oo xiligiisa loo garanayay Zaire, waxa uu dalka xukumayay 17-kii May 1997-dii ilaa 16-kii Janaayo 2001.

Geeridiisa waxaa la shaaciyay 18-kii Janaayo 2001-dii, Wasiirkiisa caafimaadka Leonard Mamba waxa uu ku sugnaa qofka ku dhegan kan lagu toogtay Madaxweynaha, waxaana toogtay Kabila mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

6- Gen. Ibrahim Baré Maïnassara- Niger

Madaxweynihii 5-aad ee Niger Gen. Ibraahim Barre waxa uu hoggaamiye ka ahaa dalkaas intii u dhxeysay 27-kii January 1996-dii illaa 9-kii April 1999, kadib markii dalkaas uu galay rabshad ka dhalatay Doorashooyinka.

7- Samuel Doe – Liberia

Samuel Kanyon Doe waxa uu hoggaamiye u ahaa militariga awoodda ku qabsaday William Tolbert, ciidamada waxa uu ka gaaray heerar kala duwan, xukunka waxa uu ku qabsaday qori isaga oo hayay intii u dhaxeysay 12-kii April 1980 – 6-dii January 1986.

Waxa uu ku eedeysanaa in uu geystay xadgudubyo ka dhan ah Aadanaha maadama muddada uu xafiiska joogay uu ku sifoobay kali talisnimo & cabsi gelinta dadka isku daya in ay ku hamiyaan xilkiisa.

8- João Bernardo Vieira – Guinea Bissau

Joao Vieira waxa uu hoggaamiye ka ahaa Guinea Bissau saddex waqti doorasho, markii ugu horeysay waxa ay ahayd 1980 illaa 1984, markiisii labaad 1984 ilaa 1999, halka markii saddexaad uu ku guuleystay 2005 ilaa 2009.

Askartiisa ayaa toogatay saacado kadib markii la dilay Taliyihii Ciinka Gen. Batista Tagme Na Waie, qarax ayaa la maqlay markii la dilayay waxa uu dhaliyay shaki la xiriira in Bam lagu dilay inkasta oo aanay la caddeyn.

Isha: BBC Somalia

IMAARAADKA CARABTA oo hirgeliyey hab fudud oo lagu iibsado xoolaha Soomaalida

Dubai (Caasimada Online) – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hirgeliyey nidaam fudud oo uu Soomaalida uga iibsanayo xoolaha xilli hadda lagu guda galay xilliga iibsiga xoolaha ka hor Ciidul Adxaa oo ay naga xigto wax ka yar laba toddobaad.

Nidaamkan ayaa ah in xoolaha lagu kala gato qaab Online ah, taasi oo sahashay in Imaaraadka Carabta la geeyey sanadkan xoolo tiro badan oo laga qaaday Soomaaliya, iyadoo ay Imaaraadka marisay tijaabo caafimaad oo qaadatay waqti badan, kadibna

Sida lagu daabacay Gulf News qiimaha “Wanka Soomaaliya” laga qaado ee yar oo dhan 12kg isla markaana ah Lix bil jir waxaa la iibinayaa lacag u dhaxeysa 925 ilaa 980 Dirham oo u dhiganta ($251-$266).

Dowladda Imaaraadka ayaa dadka shacabka ah u fududeysay kawaano Online looga iibsan karo Xoolaha loogu talagalay Ciidul Adxaa, dadka ayaa dalbanaya kadib waxaa loogu keenayaa Guryahooda.

Waxaa socdo diyaar garow xooggan oo loogu jiro Ciidda Carafo oo la filayo inay noqoto 20 July 2021, maadaama ay dadka gooracayaan xoolo waxaa loo diyaariyey goobo hoosstaga Dowladda Hoose ee Imaaraadka Carabta.

Suuqa Online-ka ah ayaa waxaa lagu kala iibsanayaa Ariga, Lo’da & Geella, waxaana xoolaha inta ugu badan laga keenay dalka Soomaaliya oo ah dal hodan ku ah xoolaha.

Mas’uuliyiinta Abu Dhabi ayaa sheegay in qaabkaan uu fududeynayo dalabaadka dadka & gudbinta Xoolaha ay dooqdaan, xafiisyo kala duwan ayay shirkadaha ka sameysteen xaafadaha Magaalooyinka waaweyn.

Sidoo kale, dalka Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah wadamada xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo, gaar ahaan waqtiga Ciidul adxaa, waxaa dhowr jeer dib loo soo celiyey xoolo laga qaaday Soomaaliya oo la geeyey Sacuudiga, waxaana sababta lagu sheegay in xoolahaas ay xanuunsan yihiin.

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay miino kula qaraxday Bacaadweyn

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayey Miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey ay isku hor fadhiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ee loo yaqaan soo boodada ayaa waxay qabsatay gaari mini-bas ah/hoomeey ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah, wuxuuna ka dhacay meel u dhaxeyso deegaanada Bacaadweyn iyo Qeycad.

Inta la xaqiijiyey illaa 2 qof oo saarnaa gaariga ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana burburay gaarigii ay saarnaayeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamayay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka daraawiishta Galmudug, waxaana aagga lagu dagaalamayo miinooyin ka buuxiyey kooxda Al-Shabaab oo ugu talagashay inay la beegsato gawaarida ciidamad Dowladda.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Gobolka Mudug ka wado dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu doonayo in Gobolkaas looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab oo bilooyinkii dambe aad ugu soo xoogeysaneysay.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa hadda ku sugan deegaanka Bacaadweyn oo ay dib ugala wareegeyn ciidamada Dowladda, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaal halkaas ku dhex maro iyago iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Warbixin: Maxay Ethiopia u joogaan wafdiga ay dirtay DF?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo Agaasimaha Waaxdka Yurub iyo Maraykanka, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku sugan magaalada Addis-Ababa.

Xubnahan ayaa Soomaaliya ku metelaya shir ka furmay magaalada Addis Ababa, oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socday dalalka IGAD ayaa waxa loogu magac daray First Technical Committee Meeting of the IGAD SSP IED Threat Assessment (Farsamo 1-aad ee barnaamijka Amniga dalalka IGAD ee qiimaynta halista qaraxyada ee heer gobobol).

Kulanka shalay ayaa waxaa lagu qiimeeyay sida qaraxyada ay maleegan argagixisada ay u saameynayaan dalalka ku bahoobay IGAD, gaar ahaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo halis amni ay arrintaasi ku hayso.

Kulanka oo uu Shir-guddoominayay madaxa barmaajika Amniga IGAD (IGAD SPP) Gaanshale Sarre Abebe Muluneh Beyene ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii qiimeyn guud loogu sameyn lahaa halista qaraxyadaas.

Dalalka kulanka ka qayb-galay ayaa waxay kala ahaayeen; Soomaaliya, Uganda, Kenya, Suudaan, Konfuurta Sudan iyo Itoobiya, waxaana ka baaqday wadanka Habuuti oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Garbahaarey iyo wararkii ugu dambeeyey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo halkaas oo uu u tagi doono arrimo la xiriiro doorashada ka dhaceyso magaalada iyo sidii loo sugi lahaa Amniga doorashada.

Waxaa Maanta lagu wada in degmada Garbahaarey ay gaaraan wafdi hordhac u ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble si ay usii diyaariyaan soo dhaweynta wafdiga.

Sidoo kale Maanta waxaa Magaalada Garbahaarey loo daabulayaa ilaalada gaarka ah ee Ra’isulwasaaraha, waxaa sidoo kale halkaas la geynayaa gawaarida aan xabadda karin oo uu adeegsan dooni Ra’isulwasaaraha inta uu joogo hallkaas.

Sida ay illo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaare Rooble u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garbahaarey gaaro Maalinta Berri ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garbahaarey kula kulmo  siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ee diidan Maamulka Axmed Madoobe.

Rooble ayaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta Garbahaarey kala hadli doono doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta Jubbaland iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Magaalada Garbahaarey.

Magaalada Garbahaarey ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, iyadoona haatan ay socdaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhex jira dadka dega gobolka Gedo iyo maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe.

Tagitaanka Rooble ee Garbaaharey ayaa kusoo aadayo xilli Shalay Magaalada loo diiday inay tagaan Xildhibaano hore iyo mas’uuliyiin kale oo waday olole ku aadan inay helaan guddoomiyaha Garbahaarey ee dhawaan la magacaabi doono kaasoo maamulayo kuraasta taalo degmadaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay diiday inuu Magaalada Kismaayo ka dago La taliyaha arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage oo la sheegay inuu u tartami doono kursi yaalo magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Daawo: Jubaland oo shaacisay sababta ay u celisay Cabdi Cali Raage iyo xog yaab leh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhacdadii maanta dib loogu celiyay diyaarad uu saarna La-taliyaha Farmaajo, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa saaka ku wargaliyay diyaaradii siday Cabdi Cali Raage in aysan ka soo dagi karin magaaladda Kismaayo, taasi oo keentay in diyaaradu dib ugu laabato magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen.

Waxa uu sheegay in maanta ciidamada ka war-heleen in Raage oo magac been abuur ah uga soo safray magaalada Muqdisho, uu ku soo wajahan yahay Kismaayo, taasi oo keentay in Pilote-kii diyaarada lagu amro in uusan soo degin karin, islamarkaana uu ku laabto Muqdisho.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka warhelnay in kooxo soo abaabulayeen inay soo geliyaan hub sharci darro ah gudaha magaalada Kismaayo, kooxahaas oo uu hormuud u ahaa nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage si amniga magaalada ka jiro khal-khal u galiyaan, ayada oo la ogyahay inay soo dhowdahay doorashooyinka federaalka oo amniga magaaladana la adkeeynayo” ayuu yiri.

“Waxaa maanta ka warhelnay in uu kasoo kicitamay (Cabdi Raage) asaga oo adeegsanaya magaca aan magaciisa aheyn, baaritaan kadib waxaan ogaanay in diyaarad kasoo kacday Muqdisho uu saaran yahay, waxaana ku celinay meeshii ay kasoo kacday.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada amaanka Jubbaland ay marwalba u taagan yihiin inay gacan bir ah ku qabtaan cid walba oo isku dayda inay ka shaqeeyan khal-khal gelinta amaanka maamulka iyo waxkasta oo lid ku ah, hadey guddo tahay iyo haddey dibed tahay, sida uu sheegay.

Jubbaland ayaa ku eedeysay Cabdi Cali Raage inuu muddo ka shaqeynayay curyaaminta maamulkooda, islamarkaana uu kamid yahay dadka isku dayey inay ka faa’iideystaan khilaafka dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xog: DF oo Muqdisho ku xayirtay diyaarad ku socotay Garbahaareey + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijineysa in maalintii 3-aad garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku xayiran-yihiin dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo. 

Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Si rasmi ah looma oga tirada dadka ku xayiran garoonka Muqdisho hase yeeshaa waxaa lagu sheegay ku dhowaad 40 oo la socday diyaaradda oo qaada 60 qof. 

Dadkaan ayaa sidoo kale loo diday in ay ka baxaan garoonka waxaana laga ilaalinayaa in ay la hadlaan warbaahinta. Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan uu ku socda laba qof oo rakaabka ka mid ah. 

Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka. 

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Rooble uu guddi u saaray in dib u heshisiin loo qabto dadka gobalka Gedo gaar ahaan reer Garbahaareey si loo guda galo doorashada Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in arrintaan ay culeys ku keeni doonto dedaalada socdo. 

Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. 

CUMAR FILISH oo weerar culus ku qaaday mid ka mid ah wasaaradaha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa eedeyn culus u jeediyey Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka haysato caqabad weyn.

Cumar Filish oo maanta ka qeyb-galay munaasibad uu gobolka ku shaacinayay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay lugaha hayso heshiiskii ay kal hore ugala wareegen maamulka waxbarashada gobolka.

“Wareejintaas ficil ahaan weli umaysan dhaqan gelin, waxaan rajeynaynaa in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si ubadkeena waxbarashada ku jira horumar u gaaran.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in arday badan ay dhigtaan iskuulada gobolka Banaadir, hase yeeshe ay jiraan kuwo kale oo badan oo wax-baran oo dhibaato ku haya dadka iyo dalka, oo ay tahay in wax laga qabto.

Hadalka Filish ayaa imanaya xili uu maanta maamulka gobolka Banaadir uu shaaciyey natiijada imtixaankii uu qaaday gobolka, kaasi oo uu maamulku uu wado sanadkii labaad oo xiriir ah.

Yaa ka dambeeyey dilka madaxweynihii dalka Haiti?

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Booliska dalka Haiti ayaa dilay afar “calooshood u shaqeystayaal” oo ay sheegeen inay ka dambeeyeen dilka madaxweyne Jovenel Moise, ayaga oo laba kalena xabsiga dhigay.

Booliska ma aysan shaacin xogta dadkan iyo sababta ay u weerareen guriga Moise ee magaalada caasimadda ah Port-au-Prince, halkaasi oo sidoo kalena ay ku dhaawaceen xaaskiisa, Arbacadii.

Madaxa booliska qaranka Haiti Leon Charles ayaa sheegay in weli ay baxsad yihiin xubno kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay.

“Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay, laba kalena waa lasoo qabtay oo gacanta ayaan ku haynaa. Saddex boolis oo na laga afduubtayna waa lasoo badbaadiyey,” ayuu yiri Charles.

Weerarka ayaa abaare 1:00 am ka dhacay guriga gaarka ah ee madaxweyne Moise.

Garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin.

Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday.

Ra’iisul Wasaare Joseph waxa uu sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Safiirka Haiti ee Washington Bocchit Edmond ayaa sidoo kale sheegay in dilayaasha ay ahaayeen “xirfadlayaal” calooshood u shaqeystayaal ah, oo iska dhigay wakiilada maamulka Mareykanka u qaabilsan ka hortagga daroogooyinka ee DEA.

Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay.

AFP + VOA

Daawo: Cabdi Cali Raage oo ka warbixiyey sababta looga celiyey garoonka Kismaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha sare ee arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maanta Kismaayo looga soo celiyey diyaaraddii uu la socday oo ugu dambeyn dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Raage ayaa shaaca ka qaaday in amar kasoo baxay madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland diyaaraddii uu la socday looga soo celiyey hawada magaalada Kismaayo, xilli ay dooneyso inay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Siyaasiyagan oo ay is hayaan Axmed Madoobe oo uu mar u soo noqday la-taliye sare ayaa sheegay in Pilotte-ka diyaaradda lagu amray inuu dib u laabto, kadibna uu la wadaagay dadkii saarnaa diyaaradda oo uu isagu jiray, sidaana loogu soo celiyey Xamar.

Sidoo kale wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in sababta loo beegsaday, looguna diiday inuu ka dago Kismaayo ay tahay kala duwanaashaha siyaasadeed ee u dhexeeya, isaga iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaaraddu markii ay Kismaayo ku hoobatay oo ay ku dhoweyd inay degto ayaa Pilotte-kii waxaa soo gaaray farriin lagu amrayo inuu dib u noqdo arrimo amniga la xiriira aawgood. Ninkii Pilotte-ka ahaa wuxuu noo sheegay in farriintaasi ay soo gaartay, sidaas daraadeedna uusan u bareeri kareyn inuu dego, isla-markaana uu ku qasban yahay inuu dib ugu noqdo magaalada Muqdisho,”ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cali Raage.

La-taliyaha Farmaajo ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabadan ay cadayneyso in Axmed Madoobe uu beegsanayo siyaasiyiinta fikir & siyaasad ahaanBA kasoo horjeedo.

“Anigu markii ugu horreysaba uu farriinta sheegay Pilotte-ka waan fahmay dad badan oo aan xog-ogaal aheyn ayaa saarnaa buuq badan ayaa meesha ka dhacay, laakin waan u sheegay oo waxaan ku iri Prolem ma jiro aniga oo ka duulayo farriimihii hore oo aan helay oo ah in uusan Axmed Madoobe Dooneyn inaan Kismaayo imaado,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in u jeedkiisa uu ahaa in Kismaayo UU u tego ololihiisa doorashada, maadaama kursiga beeshiisa uu yaal Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyey is hortaaga lagu sameeyey uu qeyb ka tahay qorshaha lagu boobayo kuraasta taal halkaasi.

Ugu dambeyn Cabdi Cali Raage waxa uu hoosta ka xariiqay in qoyskiisa ay dagan yihiin gudaha Kismaayo, isla-markaana uu markale dib ugu laaban doono magaaladaasi, sidoo kalena uu ka qeyb-geli doono tartanka doorashada loo galayo kuraasta taalla Jubbaland.

Si kastaba, siyaasigan oo kal hore soo noqday la-taliyaha sarre ee madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, kadib markii uu ku dhowaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

PUNTLAND oo ka hortimid kulankii dhexmaray Kheyre iyo Maxamed Cirro + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa ka fal-celiyey kulankii shalay dhex-maray mushrrax madaxweyne Xasan Cali Khayre iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Guuleed Saalax ayaa shaaca ka qaaday in wax laga haboon yahay ay tahay in guddiyada doorashooyinka ay kasoo dhex-muuqdaan xarumaha ololaha doorashooyinka ee musharraxiinta, maadaama ay u dhexeeyaan xubnaha u tartamaya doorashooyinka.

“Ma haboona in guddiyada doorashadu ka soo dhex-muuqdaan xarumaha ololaha musharraxiinta, maadaama ay dhex-dhexaad u yihiim dhammaan musharraxiinta,” ayuu qoraalkiisa ku yiri gudoomiyaha guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida iyo shaqada guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal.

“Waxaa muhiim ah in laga durko wax walba oo u muuqda ama keeni kara kalsooni darro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Kulanka Khayre iyo Ciro oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii guddiga uga shaqeyn karaan doorasho madax banaan.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada haatan si rasmi ah loo guda-galayo doorashooyinka dalka, maadaama lasoo saaray jadwalkii lagu wajihi lahaa doorashada.

Magacyada 13-ka arday ee ugu kaalimaha sarreeya Muqdisho oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-ka illaa 2021-ka.

Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen Agaasinka Waxbarashada maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxda sare maamulka gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Degmooyinka, Bahda Waxbarashada, Waalidiin iyo Marti Sharaf kale.

Waxaa munaasibadaas lagu shaaciyey liiska 13-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, kaasi oo ay u fariisteen arday ka badan 25-kun, islamarkaana lagu galay 72 xarumood oo hoos yimaada gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo asaguna qeyb ka ahaa munaasibada ayaa waxa uu ardeyda gudubtay iyo kuwa hartayba ku amaanay dadaalka ay muujiyeen, isagoona kula dar-daarmay in lagu dadaalo Waxbarashada si Bulshada u noqdaan kuwo aqoon leh oo jahliga la dagaalama.

Wadarta guud ee Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir ee sanadkaan gudubtay ayaa waxaa lagu sheegay 24,198 arday oo isugu jira 10,275 Dumar ah iyo 13,923 Rag ah, waxaana dhacay gobolka dhan sanadkan arday dhan 1,687.

Waxay noqoneysa sanadkii labaad oo xiriir ah oo uu qaado gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir ee caasimada, tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Hoos ka aqri magacyada ardayda gashay kaalmaha hore

Xog: La-taliyaha Farmaajo CABDI CALI RAAGE oo laga celiyay garoonka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo laga celiyey Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saraakiil sarre oo ka tirsan garoonka Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Cali Raage lagu celiyey amar kasoo baxay madaxda sare ee Jubaland, kadib markii uu diyaarad kasoo raacay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amaanka Jubbaland ayaa ku wargaliyay diyaaradii siday Cabdi Cali Raagge in aysan ka soo daji Karin magaaladda Kismaayo taasi waxa ay keentay in diyaaradu dib ugu soo laabato magaaladda Muqdisho.

Cabdi Cali Raage oo kal hore soo noqday La-taliyaha sarre ee madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, kadib markii uu ku dhowaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa la rumeysan yahay in Raage uu qeyb ka ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa khilaafkii Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ee curyaamiyey qabsoomida doorashada.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta Cabdi Cali Raage looga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana xusid mudan in weli ay xiisad kala dhaxeyso madaxda sarre ee Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta oo asagu gaaray shalay, si loo dar-dar geliyo arrimaha doorashooyinka iyo xal ka gaarista khilaafka mudada dheer ka taagna gobolka Gedo.

DF oo jawaab kulul ka bixisay warbixintii Global Initiative

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin dhowaan kasoo baxday Global Initiative oo ah urur caalami ah oo daraaseeya dambiyada abaabulan, wuxuuna si gaara uga hadlay arimaha kalluumeysiga.

Warqad kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya oo loogu jawaabayey Global Initiative ayaa lagu sheegay in warbixinta uu soo saaray ururkaasi ay tahay dacaayad lagu suura xumeynayo horrumarada laga sameeyey kalluumeysiga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in warbixintan si gaar ah loogu beegsaday iyada, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed, sida qoraalka jawaabta ah lagu sheegay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in arrintan looga gol-leeyahay in lagu difaaco dano shisheeye, gaar ahaan maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha dalka.

Wasaaradda oo lagu dhaliilay qaabka ay u bixiso shatiyada ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaatay inay sii wadi doonto gudashada waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay taageeri doonto shirkadaha wadaniga ah ee ka shaqeeya arrimaha kulluumeysiga dalka.

Si kasta warbixinta kasoo baxday Global Initiative ayaa lagu sheegay inay haatan sii  xoogeysteen kuluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, Kadib markii hoos loo dhigay weerarada kooxaha burcad-badeeda tan iyo sanadkii 2012-kii.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in maraakiibta shisheeye ee kaluumeysiga ay si tartiib tartiib ah ugu laabteen badda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Iran, Yemen iyo Koonfurta Aasiya.