24.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

NATIIJADA doorashadii Ethiopia oo la shaaciyey iyo tiro yaab leh oo soo baxday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada.

Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. 

Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. 

Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia.

Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale. 

Birhanu ayaa doorashada ku waayey kursigiisa, waxaana xisbiyada mucaaradka ay ku guuleysteen kaliya 11 kursi.  

Dowladda Mareykanka ayaa doorashada ugu yeertay mid ay qaladaad badan ka buuxeen, ayada oo cuskaneysa xarigga qaar ka mid ah mucaaradka iyo amni-darro ka jirto qeybo badan oo dalka ka mid ah.

Doorashada ayaa tijaabo u aheyd Abiy Ahmed oo xukunku yimid bishii April 2018 kadib markii ra’iisul wasaarihii hore uu is-casilay xilli ay rabshasho iyo dibad-baxyo hareeyeen dalka. 

Abiy ayaa isbeddelo siyaasadeed ka sameeyey dalka bilihii ugu horreeyey xukunkiisa, hase yeeshee wuxuu dib uga laabtay ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriira siyaasadda iyo warbaahin xor ah.  

Waxa uu sidoo kale cambaareyn caalami ah kala kulmay dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumanaan qof, lagana soo weriyey xasuuq iyo xadgudubyo bani’aadannimo.

Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo odayaasha dhaqanka Garbahaarey?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo ku aadan u jeedka socdaalkiisa.

Rooble ayaa si gaar ah u qaabilay odayaasha dhaqanka ee degmada Garbahaarey, wuxuuna marka hore ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladda magaaladaasi iyo sida looga gudbi karo khilaafaadka xoogan ee ka jira halkaas, maadaama la galayo doorasho.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay waxgaradka Garbahaarey dadaallada dib u heshiisiinta ee ay xukuumaddiisa ka bilaabeyo gobolka Gedo iyo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan soo xulista kuraasta labada aqal ee taalla magaaladaasi.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ah socdaalka Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Ugaaska uga mahad-celiyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada ku dhaqan gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa ugu baaqay dhaqanka Gedo inay xoojiyaan dadaallada ay wadaan, si looga gudbo caqabada ka jira gobolkaasi.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay deegaanada Jubbaland, isaga ka hore Gabahaarey booqasho ku tegay magaallo xeebeedka Kismaayo, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshan hoggaanka sare ee Jubbaland.

Si kastaba socdaalka Rooble ee Jubbaland ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la guda galayo doorashooyinka Soomaaliya, maadaama heshiis rasmi ah laga gaaray.

Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr hoobiye oo aan la garaneyn halka laga soo riday ayaa hadda ku soo dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan shan hoobiye ayaa ku dhacday hareeraha madaxtooyada, illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale lama garanayo meesha laga soo riday hoobiyeyaashaan, waxaana dadka ku nool xaafadaha ku hareereysan madaxtooyada soo wajahday cabsi xoog leh.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka oo doortay guddoon cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee la safan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xubnaha cusub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay

“Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cusub ee ay galabta doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenna u doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.Doorashada Gudoonka waxaa goobjoog ka ahaa Gudiga Doorashada ee heer Federaal. waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa galabta lagu shaaciyey doorashada guddoonka 7-da xubnood ee Mahdi iyo Rooble ay soo magacaabeen, kuwaas Khadar Xariir Xuseen u doortay guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon, taas oo keentay in iyaguna ay caawa doortaan guddoon kale.

Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab markii horaba khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel.

Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi.

Doorasho ay ka maqan yihiin garabka Cabdi Caashi oo guddoon loogu doortay guddiga gobollada Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada metelaya Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku doorteen guddoon cusub.

7-xubnood oo ka mid ah guddigaas ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale.

Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa lagu shaaciyey doorashadaan, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnaha wax doortay aysan ku jirin kuwii uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Todobada xubnood ee maanta guddoonka dooratay afar ka mid ah waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, halka 3-da kale ay yihiin kuwii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana goobta doorashada guddoonka ka maqnaa xubnihii uu soo magacaabay guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon.

Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, oo la xajinayo dhanka Mahdi Guuleed, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi, ayada oo la sheegay in Rooble uu aqbalay.

Si kastaba, doorashadii maanta ayaa lagu jebiyey ballan-qaadkii uu sameeyey Rooble, ayada oo saddexdii xubnood ee uu magacaabay ay doorashada ka qeyb-galeen, sidoo kalena doorashadii lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi.

Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu wadaa inuu berri warbaahinta la hadlo, isla markaana uu cadeeyo mowqifkooda ku aadan guddoonka la doortay ee guddiga maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada federaalka ee gobollada waqooyi.

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka R/Wasaare Rooble ee Garbahaarey + Sawirro

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana si diiran u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka Gobolka.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku yimid Garbahaarey ayaa la xiriira arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta deegaanka.

Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga  ee ku sugan garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.

Safarka Rooble ee Garbahaarey ayaa yimid kadib markii uu soo gabagabeeyey safarkii shaqo ee uu ku joogay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegay in uu kormeerayo dhammaan magaalooyinka ay ku qabsoomeyso doorashada Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka FS.

“Safarkaygan waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo habraacooda, Jubbaland waa deegaankii ugu horreeyey ee an ka bilaabayo safarkaygaas, waxaanna mari doonaa dhammaan magaalooyinka kale ee ay ka dhacayso doorashado, sida Baydhabo, Marka, Jowhar iyo Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacayo, Garoowe iyo Boosaaso,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu ku sugnaa Kismaayo waxa uu kulammo la qaatay odeyaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo sidoo kale ka qeyb galay kulan Golaha Wasiirrada ah ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland.

 

Maxay ahaayeen saddexda diyaaradood ee Villa Somalia ay ka dajisay Garbahaarey?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ugu yaraan Saddex diyaaradood oo ay kireysay Villa Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaaqyo siyaasadeed oo ku aadan 16-ka kursi ee aqalka hoose ee yaalla degmadaas.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeyn Caasimada Online, diyaaradaha laga dajiyey Garbahaarey ayaa siday odayaal dhaqameed maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa mid ka mid ah hoteella magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa lala kulan-siiyey hogaanka dhaqanka iyadda oo ay wehliyaan saraakiil taabacsan Villa Somalia oo ku sugan magaaladda Garbahaareey.

Xildhibaan hore Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa uu sheegey in aggaasimaha NISA Fahad Yasiin uu fashilinayo dadaalada uu wado Ra’iisul  Wasaare Rooble maantana uu odayaal ku xir-xirey Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in musharixiin u raadinayay gudoomiyaha Garbahaareey lagu celiyay magaaladda Muqdisho diyaaradaha lagu wargaliyay inaysan ka qaadi karin magaaladda Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta tagay Magaalada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka  iyo siyaasiyiinta ku sugan deegaankaas.

Sidoo kale, talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Jubaland ay Khamiistii u diidey lataliyaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo in uu ka dego Kismaayo kuna eedeysay “in uu magaalada u waday hub sharci darro ah iyo khalkhal gelin”.

Cali Cabdi Raage, oo musharax u ah kursi degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa cambaareeyay falkaas waxaana uu ku eedeeyay hogaanka Jubaland in ay kasoo horjeedaan musharaxnimadiisa.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xoogiisa isugu geynayo sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa 16-ka kursi ee taalo Garbahaarey, wuxuuna horey ciidamo badan u geeyey Gobolka Gedo si uu awood Militari ugu isticmaalo doorashada.

Jihada cusub ee khilaafka xukumadda iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay in ay dib-u-dhac horleh ku keeneyso doorashooyinka la filayey in ay wadanka ka qabsoomaan dhowaan, waxaana ay soo   kordhineysaa hubantii la’aantii ka taagneyd in coddeyn nabadeed dalka ka dhacdo.

R/W ROOBLE oo shaaciyey cidda uu kala xisaabtamayo kuraasta taalla Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo uu joogay Kismaayo kadib Maanta u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay yaalaan qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Rooble ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka sagootiyey garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kula dardaarmay inuu guto waajibka ka saaran doorashada kuraasta labada Aqal ee taalo Jubbaland.

Rooble ayaa sheegay inuu Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Madoobe kala xisaabtami doono doorashada kuraasta taalo Kismaayo iyo Garbaharey.

“Jubbaland waxa aan kala xisaabtamayaa Doorashooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey, Madaxweyne waa in aad gudataa mas’uuliyadda kaa saaran doorashada labadaas degmo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka ambabaxin magaalada Kismaayo waxaa uu kormeeray goobta magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada labada Aqal, isaga oo kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Rooble ayaa tilmaamay in safarkiisa Kismaayo uu soo gaba-gabeeyay, qorshaha labaad waa Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo si uu ula kulmo qaybaha kala duwan ee Maamulka & Bulshada Magaaladaas.

Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo hadlay ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida: Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo, Jowhar iyo Beledweyne.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay khasaaraha qaraxii Isgoyska Banaadir (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta isgoyska Banaadir, lagula beesgaday kolonyo uu la socday taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in bartilmaameedka weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ahaa taliye Farxaan Qaroole, balse uu ka bad-baaday.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxan ay ku dishay 4 askari, halka ay ku dhaawacday 5 kale oo dhamaaan ka mid ah ilaalada taliyaha, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha booliska kooxda Riddada waxaana ku dhintay 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale  oo ahaa ilaaladiisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Marka laga tego sheegashada Al-Shabaab iyo khasaaraha ay shaacisay ayaa waxaa warar madax banaan waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Taliska Booliska Soomaaliya oo dhankiisa ka hadlay qaraxan, wuxuu shaaciye inuu nabad-qabo taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir oo la doonayey in la khaarijyo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba.

Dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dowladda federaalka ay isku diyaarineyso doorashooyinka dalka oo xal buuxa looga gaaray magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee QARAXII lala beegsaday Farxaan Qaroole + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka ka dhacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole oo marayey waddadaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay qaraxaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay in taliyaha uu ka bad-baaday qaraxa.

Sidoo kale taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro khasaare xoog-leh oo ka dhashay qaraxaas, kaas oo leh dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeeg ummadda loo hayo,” ayaa lagu yiri warka kaso baxay talis Booliska.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayo muraayadaha baabuurka uu qaraxu haleelay oo daadsan iyo burbur gaaray dhismaha ku yaal halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Weli xaaladda isgoyska Banaadir ayaa cakiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda  Soomaaliya oo baaritaano ka wada halkaasi.

Si kastaba, qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo la kulanka Rooble kadib xilka la tegaya

0

Garbaaharey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, Xasan Sheekh Cilmi oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka uu hayo, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kalena doorasho loogu qabto magaaladaasi.

Xasan Sheekh Cilmi ayaa tilmaamay ayaa tilmaamay inuu xilka wareejin doono kadib marka uu la kulmo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo saacadaha soo socdo ku wajahay magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

“Maayarka la badalayo aniga weeye, si ay u sahlanaato qabsoomidda Doorashooyinka ee heshiisyada nuucyada badan laga gaaray waxa aan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uusan dooneyn inay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, isaga dartiis, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu u tanaasulay dalka iyo dadka, si looga gudbo khilaafka muddada dheer ragaadiyey doorashooyinka Soomaaliya.

“Wax dad qancin ah kama raadinayo in aan xilka wareejiyo, ujeedada aan ku qancay ayaa ah in Doorashada xiligeeda ay ku dhacdo, maadaama aan fiiriyay dhibaatooyinka dalka uu ku jiro waxa aan go’aansaday in aan tanaasulo” ayuu raaciyey uddoomiyuhu.

Heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee saldhigga u ah doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe uu soo magacaabo maamulka Garbahaarey, sidoo kalena la geeyo Boolis AMISOM, si magaaladaasi loogu qabatay doorashada kuraasta taal halkaas.

Si kastaba ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haatan ku sugan Kismaayo ayaa maanta tegaya magaaladaasi, si loo dhammeystiro heshiiska doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale u kuur-geli doonaa xaaladda magaaladaasi, maadaama lagu qabanayo doorasho.

Daawo: Macallin Dilib ninkii isku maray Shabaab iyo ISIS oo bixiyey xog xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Gungaar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigto xogta ay bixiyaan xubnaha nolosha lagu qabto ama isaga baxa kooxaha ka dagaalama dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa caawa lagu soo bandhigay nin ku xeel-dheer sameynta document-yada oo lasoo shaqeeyey Shabaab iyo Daacish, labadaba.

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Macalin Saciid Cabdulle Dilib, waxaana lagu sheegay warbixintiisa inuu iskiis isku soo dhiibay oo uu maray nidaamka ay dowladdu u dejisay in lagu dhaqan celiyo dadka isaga soo baxa kooxaha xagjirka ah.

Waxa uu ka sheekeeyey hanaanka ay Al-Shabaab warbaahinta ugu marin habaabiyaan Bulshada iyo qaabka ay u qortaan dagaalyahanada cusub.

Ninkaan oo ku dhashay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxa uu ku taqasusay culuumta Network Engineering, isagoo ka baxay mid ka mid ah jaamacadaha dalka. Sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray magaalada Muqdisho.

Hoggaanka Al-Shabaab oo xilligaas ku qancay aqoonta uu u leeyahay luuqadaha Carabiga iyo English-ka iyo sidoo kale tiknoolajiyadda ayaa Macalin Saciid ku tashkiiliyey inuu la shaqeeyo kooxda, waxuuna ka caawi jiray dhanka warbaahinta iyo sameynta barnaamijyada.

Barnaamijyada ay soo bandhigaan Al-Shabaab markii ay sameynayaan waxa uu sheegay inay kasoo min guuri jireen, warbaahinta kooxaha kale ee jihaadiyiinta ah ee caalamka ka dagaalama, sida Al-Qaacida.

“Waayihii hore dadku waa ku soo yaaci jireen kooxda si ay ugu biiraan, laakiin hada taasi ma jirto oo cid ku biireysa malahan, marka waxay ku qasbanyihiin inay ciidan raadiyaan, qoysaska reer Miyiga ah ayey ilmaha kasoo wataan, waxayna ku dhahaan waxaan idiin bareynaa, inta ay tababarayaan cunugu hadii uu xanuunsado waa lagu celiyaa reerkiisa oo mid kale ayaa keena la dhahaa, markii la tababarana waxaa laga howlgeliyaa gobolka kale oo kii uu u dhashay aad uga fog,” ayuu yiri Macalin Saciid Dilib.

Sidoo kale ninkaan waxa uu sheegay in mar uu isaga baxay Al-Shabaab uu buuraleyda gobolka Bari ee Puntland uu uga biiray kooxda Daacish, balse uu dib ugu laabtay mar kale Al-Shabaab, kadib markii uu wax tix-gelin ah ka waayey Daacish.

Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin ayuu sheegay inuu kula kulmay buuraleyda gobolka Bari, isla markaana kooxdaan uu ka waayey wax tix-gelin ah, balse wax badan ay ka faa’iideystay aqoontiisa.

“Markii aan Daacish aaday waxaan qaatay go’aan shakhsi ah, rag ku jiray oo aan saaxiibo nahay ayaa ii soo bandhigay inaan u sameeyo xiriiro dibadda ah, waana rabay inaan soo ogaado dhaqankooda iyo hadafkooda, laakiin waxay ii noqdeen wadadii ii suurta gelisay inaan isaga haro kooxaha jihadiyiinta ah, waxaan qaatay go’aan ah in dib dambe aana wax xiriir ah ula sameyn haba yaraatee koox jihaadi ah,” ayuu yiri ninkaan isku maray Shabaab iyo Daacish.

Hoos ka daawo barnaamijka lagu soo bandhigay xogta Macalin Saciid Dilib.

Kala fogaashaha Imaaraadka iyo Sacuudiga iyo saameynta doorashada Soomaaliya

Sanadahaan dambe xidhiidhka dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo siyaasaddooda dibadda ku dhisnayd cudud (Hawkish) ku muquuninta “Kacdoonka Carbeed” ee 2011 iyo ka xiridda albabbada xukunka ururrada Akhwaan Muslimiinta ayaa u muuqday mid uu soo dhexgalay is-maandhaaf khuseeya arrimaha gobolkooda.

Dagaalka Yaman iyo taageerada xad-dhaafka ah oo la siiyay inqilaabka askareed ee Masar iyo faraggelinta baahsan ee lagu hayo dawladaha Liibiya, Tuunis, Soomaaliya, Suuriya, oo ay wehlisay cadawtinnimada heerka sare la gaarsiiyay ee dalalka Iran, Turkiga, iyo Qatar ayaa tusaalooyinka ugu cad-cad ah.

Balse, waxaa la yiri “Labadii Sir Ku Heshiisay Caad Bay Ku Collobaan.”  Muranka wax soo saarka OPEC waxuu soo bandhigay loollanka u dhaxeya labada dal. 

Si loola socdo awoodda suuqa ayay aqlabiyadda isbahaysiga OPEC soo jeediyeen in la kordhiyo wax soo saarka 400 kun bishii ilaa laga gaaro 2022. Haseyeeshee Abu Dhabi oo Covid-19 dhulka la dhacay dhaqaalaheedii ayaa dooneysa inay iibiso in ka badan inta loo qoondeyay iyadoo baahida suuqa ay weli hooseyso.

Kala fogaashaha labada dal ayaa sii kordhaya iyadoo Imaaraadku uu si arxan la’aan ah u raacanayo danahiisa taas oo marqaati ma doonto u ah in saaxibtinnimo aysan waxba ugu ool.

Xidhiidhka Israa’iil ee waqtigan iyo ka takhalluska Shacbiga Falastiin waa arrin kale oo ay ku kala fogaadeen labada dal. Sidoo kale, xayiraadda Qadar, oo ay Riyadh horraantii sanadkan dib u soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa ah iyana arrin kale oo lagu kala tagay. 

Gugii dhawaa, Amiir Maxamed bin Zayed oo ka cagajiidayay inuu fool-ka-fool ula kulmo Amiirka Qadar ayaa ka soo qaybgelin casuumaad uu boqor Salmaan u fidiyey dalalka Qadar, Turkiga, iyo Imaaraadka. Ujeeddada kulunka waxay ahayd midaynta xoogagga iskaga soo horjeeday geeddi- socoka dowlad dhisidda Soomaaliya. 

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa Ra’iisalwasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble uu June 8, 2021 qaabbilay Danjire Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo ah safiirka Imaaraadka Carbeed u fadhiyay Soomaaliya, balse fariisinkiisa ka dhigtay Nairobi, halkaasoo dalkiisa safiir kale u fadhiyo.

Ma sahlana in dowladdaha khaliijka ay dib u soo celiyaa cilaaqaadka mar haddii uu burburo. Balse xog Jamhuriyadda soo gaartay ayaa sheegaysa in dal Carbeed oo gargelyo ka ahaa Amirka Abu Dhabi u soo jeediyey Soomaaliya inay wadaxaajood toos ah la yeelato Imaaraadka.

Walow, aan la fahmin sababta Imaaraadku u raadinayey heshiis aysan qayb ka ahayn Riyadh, haddana Villa Soomaaliya si taxaddar leh ayey u soo dhaweesay talada. Balse ma najixin.

Imaaraadka oo indhaha ku haya tartanka madaxtooyada Soomaaliya ayay u muuqataa inuusan dayacin waqti uu ku xusho musharrax ay taageersan yihiin.

Danjire Al-Hammadi waxaa hore looga bartay in markastoo uu soo dhawaado xilliga doorashada madaxweynaha inuu ka dhex muuqdo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u xusulduubaya hoggaanka dalka. 

Saciid Cabdullahi Deni oo u daayey xulafadiisii inay mala-awaalaan musharraxnimadiisa, ayaa socdaalkiisii Kismaayo, eedeyntii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo warar ay faafiyeen baraha bulshada dhaliyeen hadal hayn.

Malaha Deni waxuu u soo tafaxeetay inuu fuliyo qorshe laga la’yahay Cabdirakiim Xusein Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Xasan Cali Khayre oo u cadcad musharrixiinta tartanka ugu jirto madaxweynaha. Mise Amirka Abu Dhabi ayaa u adeegsanaya carqaladeenta dadaalka Riyad, Qadar, Turkiga iyo Mareykanka ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya?

W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

PUNTLAND iyo DAACISH oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo GALGALA

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii saddexaad dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo billowday labo maalin ka hor ayaa geystay khasaare isugu jiri dhimashio iyo dhaawac, waxaana xoogiisa uu ka socdaa buuraha Calmiskaad iyo Galgala.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dhul ballaaran ka qabsadeen Daacish, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare lixaad leh.

Wararka ayaa intaasi kusii saraya in haatan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa PSF-ta Puntland lagu daad gureeyey deegaanada uu dagaalku ka socdo, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, maadaama ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshan dagaalladaasi, iyaga oo bilaabaya inay isaga barakacaan goobaha ay ku dagaalamaan Puntland iyo Daacish.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo ku aadan dagaalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka ee Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa Puntland ay xoojisay howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Baro.

Arrimahan waxa ay kusoo aadayaaan, iyada oo Puntland dhowaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay toogasho ku fulisay, kadib xukun dil ah oo lagu ridday.

Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa ugu dambeyn Beledweyn uga sii gudbay degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey.

Yuusuf Dabageed oo hoggaaminayo wafdi ay qeyb ka yihiin xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Buulo-Burte.

U jeeda socdaalka madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa la xiriira xarig jarka xerada taliska qeybta 27-aad oo laga furi doono gudaha degmadaasi.

Sidoo kale Dabageed ayaa kulamo ku aadan xaaladda Buulo-Burte la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaasi, waxa uu kormeeri doono xarumaha ciidamada iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi.

Safarka Dabageed ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib, markii ay kasii dartay xiisada ka taagan Beledweyne ee u dhexeysa HirShabelle iyo Janaraalka gadoodsan ee Xuud.

Generalka oo dhowaan gudaha u galay magaalada ayaa maleeshiyaadkiisa iyo ciidanka ammaanka waxay isku rasaaseeyeen gudaha degmada Beledweyne.

HirShabelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulkaasi iyo fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar.

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo taliye sare oo ka bad-baaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net

Maamulka gobolka Banaadir oo odayaasha Murusade kala saftay Puntland una hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa soo saaray qoraal ugu hanjabay odayaashii dhaqanka beesha Murusade ee maanta baaqa iyo digniinta u diray dowlad goboleedka Puntland iyo beesha Majeerteen.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Murusade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Puntland uga digay inay toogato sideed nin oo lagu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo la soo bandhigay muuqaalo ay ku qiranayaan inay ka tirsanaayeen Amniyaadka Al-Shabaab, dilal badana ay fuliyeen.

“Waxaan muddo 2 Bilood ah daawanayay wareysiyo qeybo badan leh oo laga qaaday Madaxdii iyo dilaayaashii Alshabaab ee gacantooda ku laayay waxgaradkii gobolka Mudug laguna soo bandhigay Shabakadda AFMEER, waxaase dhakafaar igu noqotay inaan maanta Telefeshinada ka daawaday dad jooga gobolka Banaadir oo u doodaya Dambiilayaashii qiraalkooda iyo caddemahooda lagu xukamay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Yare.

Cali ayaa ku hanjabay in odayaasha u doodaya ragaas lagu xukumay deegaanada Puntland uu la xisaabtami doono.

“Waa wax aan dhici karin inaan gobolka Banaadir wada joogno annaga iyo qof si dadban oo aan qarsoodi laheyn Idaacadaga ugu doodaya cadowga Shabaab waana la xisaabtameynaa dadkaas,” ayaa qoraalkiisa ku yiri.

Qoraalka Cali Yare ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa iswaydiin mudan haddii ay walaalaheen Puntland qaab qabiil ah u beegsanayaan qabiil gaar ah oo hadda gacantooda ku jira maxay asbuucii hore u toogteen 18 nin oo u badnaa wiilashoodii reer Gaalkacyood ee iyagaku heybta ahaa?”

Sidoo kale guddoomiye Cali Yare waxa uu su’aal ka keenay sababta rag qirtay inay Shabaab ka tirsanaayeen loogu doodayo qabiil, maadaama aysan ayaguba qabiil ku cafin dadkii ay ka dileen, isagoo tusaale u soo qaatay dilal ay ragaasi qirteen inay ka geysteen koonfurta Gaalkacyo iyo Muqdisho, gaar ahaan degmada ay beeshaasi degto ee Deyniile.

“Haddiisa qabiilku amni yahay oo ay Alshabab ehelnimo garanayaan maxay kuwa hadda gacanta ku jira ee aan qiraalkooda daawanaynay u tirinayeen inta halaag oo ay Muqdisho iyo Koonfurta Gaalkacyo ka geeysteen inta aanba Waqooyiga Gaalkacyo loo gudbin?Alshabaab ehel iyo arxan toona ma leh ( Waxaan daawaday mid tilmaamaya dadkii uu Degmada Dayniile ku dilay)” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland ay ku garabtaaganyihiin “go’aanka geesinimada leh oo ay indhaha uga rideen cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Alshabaab waxaanan ku boorineynaa in ay sii xoojiyaan howsha wanaagsan oo ay qabteen,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cali Yare waxa uu maamulka gobolka Mudug ee Puntland uga mahadceliyey kaalmadii Shidaalka iyo Raashinka isugu jirtay ee shalay ay ku garab istaageen ciidamada Galmudug ee Al-Shabaab kula dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug.

Odayaasha beesha Murusade ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo cuskaday xukunkooda lix kamid ah raga 8-deeda ah, isla markaana sheegay in ciidamadu ku qasbeen inay qirtaan wax aysan shaqo ku laheyn, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa idiin sheegeyna dadkii hore ee aad disheen kuwii hore waa tageen, waxa dambe oo hadda gacantiina ku jira bad-baadiya, meel walba ayaa daadsan tihiin. Kuwo cuqaal iyo tujaar ah ayaa halkaan jooga ee dadka nabad geliya, haddaad nabad-gelin weysaan xeradiina ayaa ka garaneysan oo caqligiina imaanaya,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii maanta shirka jaraa’id qabtay.

Turkey ‘oo fashilisay weeraro jilbaha loogu dhigi lahaa’

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Turkey ay fashilsay weeraro lagu soo qaaday dhaqaalaheeda oo la doonay in dalkaas jilbaha loogu dhigo.

Erdogan ayaa weeraradan la xiriiriyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii. 

Madaxweyne Erdogan ayaa qalalaasaha dhaqaale ee Turkey sheegay inuu ka dhashay shirqoolo ay maleegeen quwado shisheeye iyo kooxo argagixiso ah.

Erdogan ayaa intaas ku daray in qiimo dhaca lacagta waddankaas ee Lira, oo bilihii ugu dambeeyey gaartay heerkii ugu hooseeyey, ay sababeen weeraro dhaqaale oo lagu soo qaaday dalkaas.

“Waxaa jira shirqoolo lagu beegsanayo heerka sarifka lacagaha, sicir-bararka, iyo dhaqaalaha guud. Ujeedada waa mid siman waana mid xasarad dhaqaale lagu gelinayo dalka, waana ujeedo la mid ah afgambigii 15-ka July,” ayuu yiri Erdogan. 

Madaxweyne Erdogan ma shaacin quwadaha shisheeye ee weerarka ku ah dhaqaalaha dalkiisa, hase yeeshee waxay dhowaanahan xiisad xooggan kala dhaxeysa Mareykanka iyo ururla Midowga Yurub.

Mareykanka iyo Turkey ayaa isku haya habka difaacca gantaallada S-400 oo Ankara ay kasoo iibsatay Ruushka, taasi oo Washington ay kasoo horjeedo, halka dalalka Midowga Yurub iyo Turkey ay isku hayaan loolanka Ankara iyo Greece oo ee dhul-badeedka badda Mediterranean-ka.

Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaaboyin cusub oo ay waxa kaga qabaneyso xasaradaha dhaqaale.

Daawo: Nin Imaam Masjid ahaan jiray oo MUQDISHO loogu maxkamadeynayo dhaca iyo jir dilka 60 haween

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdifataax Cali Cumar, oo ah eedeysane dhawaan kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa loo haysta dhaca iyo jirdalka ku dhawaad 60 haween ah.

Cabdifataax ayaa waxa uu wajahaya kiis hadal hayn badan ka dhex abuuray bulshada, kadib markii uu maxkamadda kasoo muuqday asaga oo loo haysto in uu xiriir Jaceyl la sameeyay dumar badan si uu u dhaco.

Eedeysanaha ayaa meel sarre ka gaaray faafidda diinta Islaamka, isaga oo soo noqday Imaam masaajid, haddana bilaabay inuu ku kaco falalka lagu soo eedeeyay, sida ay sheegtay Xeer Ilaalinta Ciidamada.

Cabdifataax ayaa iska fogeeyay qaar kamid ah haweenka 60-ka ah, isagoona qirtay inuu dhacay 30 haween ah oo keliya, xili ay maxkamadda kasoo hor-muuqdeen qaar kamid ah dhibanayaasha.

“Arrimaha dhaca ee la igu soo eedeeyay qaarkood wax ayaa ka jiro, qaarna waxba kama jiraan. Inta kiis ee aan aniga ogahay waa ilaa 30 oo ah kuwa aniga ii qoran oo aan diyaar u ahay, hadii uu qof igu sheegta inaa siinayo,” ayuu yiri Cabdifataax oo ka hor hadlay maxkamadda ciidamada qalabka-sida.

Haweenay kamid ah kuwa loo haysto inuu dhacay Cabdifataax oo ku sugnaa gudaha maxkamadda oo ayadu ka qeyb aheyd dhageysiga dacwada ayaa sheegtay in dhibaatada uu mariyay eedeysanaha ay gaarsiisay inay ka codsato “inuu dilo oo nolosha dhaafiyo,” sida ay sheegtay.

“Aad ayaa u cabsaday oo aan u qal-qalay, waxaa ku iri xitaa idil. Muddo hal saac ah ayaan gaarigiisa saarna. Markaan wax-yar soconaba wuu ii hanjabaayay. Markaan ogaaday inuu idili rabay ayaan waxa sameeyay fal-celin,” ayey tiri.

Sidoo kale qaar kamid ah dhibanayaasha dacwadaan oo ayaguna ku sugnaa Maxkamadda, ayaa dalbaday in sharciga la mariyo eedeysanaha oo sida ugu dhaqsaha badan u helaan cadaallad.

“Ninkaas wuu i ceejiyay, tarxadda ayuu igu ceenjiyay, isbitaal Madina ayaan tagay daawa ayaa la ii soo qoray. Dhibaatada uu ii gaystay illaa iyo hadda waan naxsanahay,” ayey tiri haweenay kale oo ku sugneyd maxkamadda oo kamid ah kuwa loo haysto in Cabdifataax uu dhibaatayey.

Cabdifataax oo qirtay in keliya uu dhacay 30 kamid ah haweenka u haysta dacwadda, ayaa waxaa maxkamadda laga codsaday inay ku saleyso xukunkiisa keliya inta uu qirtay, halka inta kale uusan shaqo ku laheyn, sida uu ku doodayo Qareenka Cabdifataax.

Sababta loo beegsaday madaxweynihii Haiti ee soo da-dajisay khaarajintiisa

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo dilkii khaarajinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii dalka Haiti, Jovel Moise oo Arbacadii ka dhacay guri khaas ah oo uu deganaa, abaare 1:00 Am ee xilliga Haiti.

Sida la shaaciyey ilaa hadda falkaas ayaa waxaa fuliyey koox howl-gab ka noqotay ciidamada Colombia iyo Laba nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Mareykan, oo mid ka mid ah uu waardiye ka ahaan jiray safaaradda Canada ee Port-au-Prince.

Mathias Pierre, oo ah wasiirka doorashooyinka Haiti, ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in mid ka mid ah raggaas Mareykanka ah lagu kala magacaabo James Solages iyo Joseph Vincent.

Labada nine e Mareykanka ah ayaa la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Haiti, waxayna ka mid yihiin 26 qof oo loo xiray dilka madaxweyne Moise oo aroortii Arbacada ka dhacay gurigiisa gaarka ah.

Haddaba, Maxaa soo da-dajiyey shirqoolka lagu khaarajiyey madaxweynihii Haiti?

Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee Haiti, Claude Joseph ayaa sheegay in madaxweyne Moise loo beegsaday arrimo la xiriiray la dagaalankiisa kooxaha qaska ka wada dalkaas, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in beegsigiisa ay ka dmabeyso siyaasad, maadaama uu Moise xilka isku dhajiyey.

Moise, oo aan taageero badan haysan ayaa Haiti oo ah dalka ugu saboolsan Latin America, ku xukumayey dikreeto kadib markii doorashooyinkii sharci-dejinta ee lagu waday inay dhacaan 2018 dib loo dhigay, kadibna uu diiday inuu doorasho qabto.

Ra’iisul Wasaaraha ku-meel gaarka ah ee Haiti Claude Joseph ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynaha “ay gurigiisa ku dileen koox ajnabi ah oo ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Spanish-ka.” Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Dhinaca kale, garsoore Carl Henry Destin ayaa wargeyska Nouvelliste u sheegay in 12 xabad lagu dhuftay madaxweynaha, kuwaas oo kaga dhacay madaxa, xabadka, sinta iyo caloosha.

Xaaska Moise ayaa iyana lagu dhaawacay weerarka, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Ryder Trauma Center ee magaalada Miami ee dalka Mareykanka oo diyaarad helicopter lagu keenay.

Gabadhooda Jomarlie oo guriga ku sugneyd markii weerarka uu dhacay ayaa ka bad-baaday kadib markii ay sariir hoosteeda isku qarisay, sida uu sheegay Destin.

Waxa uu intaas ku daray in adeegto iyo laba shaqaale kale oo guriga ku sugnaa ay gacmaha iyo lugaha ka xireen kooxda weerarka soo qaaday.

Haiti oo ah dal ku yaalla Caribbean-ka, oo xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica, ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagna rabshado xoogan.

Kadib markii uu baahay warka ku saabsan dilka, waxaa xiligaas rasaas xoogan laga maqlayey qeybo badan oo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan, ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan.

Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira.