24.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

JUBBALAND oo shaacisay qodobadii ay R/W ROOBLE isku fahmi waayeen (Aqriso)

0

Kismaayo (Caasimada Online)  – Iyada oo ugu magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan socdaalkiisii Kismaayo iyo Garbahaarey.

Axmed Ismaaciil oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal ku shaaciyey xog ku aadan socdaalka ra’iisul wasaare Rooble ee deegaanada maamulkaasi, wuxuuna xildhibaanku sheegay inuu ahaa mid natiijo la’aana.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalladii dhex-maray Rooble iyo hoggaanka Jubbaland iyo waan-waantii socotay aysan u dhicin sidii la rabay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaciyey in qodobada la’isuku hayo ay yihiin arrinta dib u heshiisinta iyo sidii loo qaadi lahaa ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay kala hadleen ra’iisul wasaaraha sidii wax looga qaban saraakiisha nabad sugida ee gobolka ku sugan, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka qorayaan, isla-markaana ay u bandhigeen ra’iisul wasaaraha, balse la’isku fahmi waayey.

“Dhibaatada taagan ee u baahan in xalka loo helo waa in dib u heshiisiin la sameeyo, in la qaado ciidanka dowladda federaalka ay geysatay gobolka Gedo, in ciidamada nabad sugidda ee dadka qoraya in uu wax ka qabto, ra’iisul wasaaraha waan u sheegtay balse ma suuragelin,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaanka u hadlay maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan si rasmi ah loo guda-galiyo doorashooyinka dalka, ra’iisul wasaarahana uu shaaciyey in maamulka doorashada ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka looga dambeynayo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Si kastaba maamulka Axmed Madoobe ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu khilaaf xoog-leh kala dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, waxaana la’isku qabtay dib u doorashadiisa iyo sidoo kale ciidamada ay dowladdu geysay gudaha gobolka Gedo.

Khilaafyo iyo caqabado hor leh oo hareeyey doorashada Somalia, dibna u dhigi karta

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey caqabado cusub kadib markii guddiga doorashada gobollada waqooyi ay laba u kala jabeeen, kuwaasi oo kala taabacsan Rai’isul wasaara ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Dhinacyada kala taabacsan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay qabteen doorasho lagu soo doortay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas o durba dad badan ku qeexeen khilaaf hor leh.

Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa BBC u sheegay in khilaafkan kasoo dhex ifbaxay guddiyada doorashada gobollada waqooyi uu saameyn ku yeelan karo heshiiskii la gaaray arrimaha doorashada maadama mid kamid ah qodobada haatan uu khilaaf hareeyay.

“Khilaafkan saameyn wuu ku yeelan karaa heshiiska doorashada waxyeello weyn wuu u keeni karaa, haddii la rabo in doorashada ay xaq noqoto waa in heshiiskaa hore gacan rimis laga ilaaliyo”

Dhinaca Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ay doorteen shir gudoon cusub, islamarkana gudoomiye loo doortay Khadar Xariir Xuseen.

Warqad shalay uu shaaciyay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ‘liiska kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo aanan caddaalad aheyn”

Waxay ku baaqeen in xubnaha qaar laga saaro maadama ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin shaaqalaha dowladda iyo ciidanka.

“Arrinta waqooyiga waa arrinta hadda lagu baratamayo oo kooxda kali ah ee la rabo in lagu kala badiyo ama dhinac ay raacaan waa kooxda waqooyiga iyo kuraasyadooda oo hadda aanan u muuqan in cid ay heysato, ciddii si uun ku hesha gobollada waqooyi waxaad mooddaa in dhinac ay wax u dheelitiri doonaan natiijada soo bixi doonta,” ayuu yiri Faysal Rooble.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed u fiican in tan waqooyigana laga heshiiyo wixii hore ee lagu heshiiyay lagu daayo”

Faysal Rooble wuxuu qabaa in guddoomiyaha guddiyada doorashada ay saameyn weyn ku leeyihiin natiijada sidaas darteedna cid kasta ay ku qasban tahay in ay dhankeeda loollanka ka gasho.

“Guddoomiyaha kooxdan iyo guddiyada doorashada kormeerka ka ah waxay aad iyo aad waxyeello ugu yeelan doontaa sida loo weecin karo natiijooyinka qaarkood laakin waxa saameyn ah ayuu leeyahay qofkii noqonaya guddoomiyaha guddiyada doorashada.”

“Loolanka waxaa weeye ma aha shakhsiga ee waxaa weeye culeyska iyo gacanta culus uu yeelanayo xafiiska shakshiga noqon doono guddoomiyaha..hasa ahaatee waxaa fiican in axdiyo lagu xiro in qodobo loo dejiyo si loo xakameeyo awoooda uu leeyahay guddoomiyaha si aanu dhinac uga eexan,” ayuu yiri Faysal Rooble.

Waxaa socday muddooyinkii u danbeeyey dedaallo dhawr ahr oo lagu xallinayo khilaaf dhanka xulista xubnaha waqooyiga oo u dhaxeeyey Raysalwasaare Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, kuwaas oo ay markii ay labadooduba soo wada magacaabeen guddidan u muuqatay mid la xalliyey oo laga gudbay. Khilaafkan se cusub ayaa u muuqda in xaalka weli halkii taagan yahay.

Xog: Wasiir Khadiija oo gaari iyo lacag u dhiibtay Barkhad

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaari nuuca raaxada ah u dhiibtay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mid noqday Golaha Wakiilada ee Somaliland. 

Xildhibaan Barkhad ayaa gaarigiisa iibiyay intii uu socday olalahiisa doorashada, isaga oo lacagtii kasoo baxday siiyey shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu codeeyay 31-kii May, gaar ahaan haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay Xildhibaan Barkhad u dirtay lacag ka badan 15 kun oo dollar si uu isaga bixiyo lacag deyn ah oo ku baxday olalahiisa doorashada. 

Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ay isku beel yihiin Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa Muqdisho dhowr jeer ku qabatay xaflado ay ugu dabaal dageyso guusha Xildhibaan Barqad. 

Khadiija iyo Barqad ayaa labaduba kasoo jeeda beelaha ay Soomaalida takoorto, waxaana guusha Barkhad aad usoo dhoweeyey Soomaali badan oo rumeysan in dadku wada siman yihiin.

Si kastaba, lacagta ay Muqdisho ku dirtay Wasiir Khadiijo ayaa ku soo aaday iyadoo ay dhibaatooyin badan wajahayaan dad badan oo ka barakacay fatahaada Wabiga Shabelle ee magaalada Jowhar, oo ah magaalada ay kasoo jeedo.

Foreign Policy: Mareykanka ayaa diidan in Somaliland ay aqoonsi hesho + Sababta

0

Washington (Caasimada Online) – Wargeyska Caalamiga ah ee Foreign Policy oo wax ka qora siyaasadda Arrimaha dibedda ee dalalka Adduunka, ayaa baahiyey warbixin dheer oo Weriye wax ka qorta Siyaasadda Arrimaha dibeddu ay kaga faallootay dedaallada Ictiraaf-raadineed ee Somaliland.

Lynsey Chutel oo ah haweenay Weriye ah oo wax ka qorta siyaasadda Arrimaha dibedda, fadhigeeduna yahay Magaalada Johannesburg ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika, ayaa maqaal dheer oo ay ku baahisay Wargeyska Foreign Policy, waxay ku sheegtay in Somaliland muddo 30 sanadood ah dunida ugu baaqaysay inay Ictiraafaan Madax-banaanideeda, iyadoo soo bandhigaysa waxqabadyo ay ka mid yihiin doorashooyin tilmaan u ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay hirgelisay.

“Muddo 30 sano ah, Somaliland waxay ku baaqeysay madax-bannaanideeda, iyadoo ah sida Qaran Madax-banaan,” ayay sheegtay Lynsey Chutel, waxayna intaa ku dartay in xilli Soomaaliya waajahday dhibaato dimuqraadiyadeed la’aan, halka ay Somaliland soo bandhigtay waxqabad muhiim ah, kaasi oo ah ballaadhinta Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah “Hadda, iyadoo Soomaaliya ay waajahday dhibaatooyinkii Dimuqraadiyad la’aaneed, Somaliland waxay soo bandhigtay Qaybta Koontiinnarrada ee Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah.”

Waxay Warbixintu sheegtay in Somaliland u aragto Doorashooyinka ay qabatay ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka wax Beesha Caalamka u muujin kara awooddeeda dhaqaale isla-markaana ay mudan tahay in Beesha Caalamku ictiraafto.

Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good oo Warbixinta uu Wargeysku qoray lagu soo qaatay ayaa sheegay in Somaliland aanay halkii loo baahnaa gaadhin, balse ay aamisan tahay inay jidkii saxda ahaa hayso “Ma lihin waanu wada wanaagsan nahay, balse waxaanu leenahay waxaan ku soconaa waddada saxda ah,” ayuu yidhi Bashiir Goth, waxaanu intaa ku daray in doorashadu hawlaha Somaliland qabatay ay qayb uun ka tahay, balse ay jiraan meelo kale oo ay Somaliland wax fiican ka qabatay “Doorashadu waa hal shay, laakiin waxaa jira meelo aanu si fiican uga shaqaynay, sida Amniga iyo waxyaabo kale, sidaasi darteed waxaanu rajeyneynaa inaanu Beesha Caalamka ka helo Aqoonsi, Waayo? markaa waxaanu awood u yeelan doonaa inaan noqono xubin wanaagsan oo ka tirsan bulshada caalamka..”

Wargeyska ayaa sidoo kale ka hadlay waxa Aqoonsi raadinta Somaliland uu yeeli karo Aragtida Dalalka Midowga Afrika qaarkood qabaan ee ah haddii Somaliland la aqoonsado inay jiri karaan dalal Afrikaan ah oo Gobollo ka mid ahi Madax-banaani dalban karaan.

“Sannadkii 1991-kii, hoggaamiyeyaashii Somaliland waxay go’aansadeen inay Madax-banaanidooda kala baxaan Soomaaliya, waxayna samaysteen siyaasad leh dhammaan astaamaha dawladnimo, lacag, baasaboor, iyo Madaxweyne u gaar ah. Waxay leedahay maalin qaran oo sannad kasta loo dabbaal-dego go’aankii Gooni isku taagga..” ayuu sheegay Wargeysku, waxaanu intaa ku daray in Aqoonsi Somaliland hesho ay dib u dhigayaan Dawladaha reer Galbeedka qaarkood.

Warbixinta uu Wargeysku daabacay oo sii socota, ayaa intaa ku dartay in Somaliland sii waddo dedaalkeeda Ictiraaf-raadinta, laakiin dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo kuwo kale ee Reer Galbeedku ay arrinta Somaliland dib u dhigayaan, Midowga Afrikana aanu go’aan ka gaadhin.

Xog: Villa Somalia oo Rooble ku cadaadineysa inuu eryo Xijaar – Yaa lagu beddelayaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadineyso in xilka laga qaado taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Khilaafka Villa Somalia iyo Jeneral Xijaar ayaa soo jiitamayey tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo sameeyeey muddo kororsigii fashilmay, markaasi oo Xijaar uu diiday inuu amro weerar lagu qaaday ciidamadii diidanaa muddo kororsiga ee Muqdisho soo galay, isaga oo booliska amray inay ku ekaadaan sugidda amniga.

Villa Somalia ayaan sidoo kale ku qancin fur furnaanta taliye Xijaar iyo raali gelintii uu siiyay Murashaxiinta Mucaaradka ah gaar ahaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo murashaxiin kale, kadib markii ay dhammaatay xiisaddii Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay damacsan tahay in taliyaha booliska Soomaaliya laga dhigo Janaraal Asad Diyaano si uu qorshaha Farmaajo uga hergeliyo degaanada Puntland.

Asad Diyaano oo ah Janaraal awood badan ayaa saameen weyn ku leh degaanada Puntland waxa uuna ahaa Murashaxii ugu adkaa ee tartanka la galay madaxweyne. Diyaano ayaa olole ka waday Muqdisho toddbaadyadii tegay.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay hada dejisay hoteel ku yaalo Airport-ka Muqdisho, waxaana la siiyay gaadiid iyo ciidan ka tirsan NISA oo amnigiisa suga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in uusan ilaa hada ka jawaabin codsiga ka yimid dhinaca Madaxweynaha lamana oga nuuca go’aan ee uu ka qaadan doono maadaama uusan Farmaajo laheyn sharciyad uu xil ka qaadis ama magacaabis ku sameeyo. 

Al-Shabaab oo weeraray magaalo uu gaaray Odowaa

0

Beledweyne (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar madaafiic ah oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen degmada Buulo-Burte, xilli haatan uu ku sugan yahay taliyaha ciidamada Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray gudaha magaaladaasi.

Madaafiicda ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dalka Jabuuti ay ku leeyihiin degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, halka qaarkood ay ku hoobteen xaafado ka tirsan degmadaasi oo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda, waxaana ay tilmaameen inay soo wajahday cabsi xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dhankooda ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyeyaashaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada dowladda ay saaka howl-gallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada iyo duleedkeeda, si loo xaqiijiyo amniga.

Weerarkan waxa uu ku soo aadaya, xilli haatan Buulo-Burte ay ku sugan yihiin taliyaha ciidamada Xoogga, madaxweyne ku xigeenka HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo u tegay arrimo la xariira daah-furka qeybta 27-aad oo laga dhigay degmadaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Ciidamada ammaanka oo howlgal ka fuliyey Muqdisho kadib weerarkii hoobiyaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus waxa ay ka sameeyeen xaafado ka titsan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Howlgalka oo sidoo kale ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen gudaha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan uu daba- socdo weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee habeen hore lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay gudaha u galeen guryo qaar oo bartimaameed gaar ah u ahaa, kuwaas oo laga soo qab qabtay dad ay sheegeen inay yihiin tuhmanayaal.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in dadka lasoo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay natiijada rasmiga ah dib ka shaacin doonaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga, kuwaas oo lagu soo qabtay kooxo hubeysan oo ku howlanaa falal liddi ku ah  amniga.

Si kastaba, howlgalladan is daba jooga ah ayaa ku soo aadayo, xilli la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo sido kale mida madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Koonfur Afrika iyo boobka Soomaalida

0

Johannesburg (Caasimada Online) – Magaalooyinka waa weyn ee wadanka Koonfur Afrika, sida Johannesburg, Cap Town iyo Pretoria waxaa ka socda rabshado xoogan iyo dibad-baxyo ay dhigayaan taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jacob Zuma.

Rabshadahan ayaa guud ahaan waxa ay saameyn ku yeesheen dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaasi.

Taageerayaasha Zuma oo ka careysay xukunka xabsiga ah ee lagu ridday ayaa lagu arkayaa waddooyinka waa weyn, iyaga oo dhigayo banaan-baxyo rabshada wata.

Sidoo kale meelaha qaar waxaa lasoo warinaaa inay isku dhaceen Booliiska iyo dadweynaha careysan ee taageersan Madaxweynihii hore ee dalkaas ee la xukumay.

Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayaa waxaa haatan soo wajahday cabsi xoogan, waxaana la soo wariyey in qaarkood loo geystay boob hantiyeed oo xoog-leh.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in wal-wal xoogan uu haatan soo wajahay, waxaana ay shaaciyeen in sidoo kale la gubay gawaari fara badan ay leeyihiin Soomaali, Itoobiyaan iyo sidoo kale dad kale oo u dhashay wadanka Koonfur Afrika.

Ganacsatada Soomaalida ayaa si guud dhibaatooyinka soo kordhay kala siman ajaaniibta kale, waxaana qaarkood ay iska dhiibeen saldhigyada, si ay u bad-baadiyaan naftooda.

Xaaladda ayaa haatan aad u cakiran, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inay sii kordhayaan rabshadaha oo kusii fidaya guud ahaan dalka Koonfur Afrika.

Itoobiyaanka Hargeysa oo dibadbax dhigay kadib arrin xasaasi ah oo lagu eedeeyey

0

Hargeysa (Caasimada Online)-Dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada ee ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa maanta dhigay banaanbax cabasho ah, waxayna ka cabanayaan eedeymo culus oo uga imaanaya bulshada reer Somaliland.

Dadka Oromada ah ee maanta banaanbaxa dhigay waxay sheegeen in mar kasta lagu tilmaamo kuwo caruurta xada ama afduubta, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoog leh oo ka qabaan in dhib loo gaysto.

Waxay sheegeen in ilmayar oo dhawaan gurigooda laga xaday lagu eedeeyey inay xadeen dad Oromo ah, taas oo ku dhalisay cabsi ay ka qabaan in la bartilmaameedsado.

“Anagu dalkan magan-geliyo ayaan ku joognaa, waxaan heysanaa kararka sharciga ah ee qaxootinimo, seddax sano ayaan joogaa dalkaan, waxaan ka codsaneynaa madaxda Somaliland oo xukunkooda aan hoos joogno, in nabad geliyada nada xil la iska saaro, magaalada waxaan kamari la’nahay Orormo caruurta ayey xadaa, waan cadibanahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ragii Oromada ahaa ee banaanbaxaas ka hadlay.

Sidoo kale mid ka mid ah haweenkii Oromada ahaa ee goobtii banaanbaxa ka hadlay ayaa tiri, “Dadkeena Oromada ah intooda badan horta ma shaqeeyaan, waxna ma heystaan, dad gaajo u baqtinaya ayaa dalka ku nool, dadkeenii shaqa tegi lahaana waxaa la leeyahay Ubadkaa xadiin, marka dowladda waxaan leenahay taa nooga gargaara, Somaliland dhexdeeda dhinac aan u dhaqaaqno ayaan garan la’nahay, shaqooyinkii yaraa ee aan heysanay waxaa nagoola joojiyey Oromo dadka ayey qaadataa.”

Dhinaca kale, guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed oo wareysi siiyey VOA ayaa meesha ka saaray inay jiraan dad halis ku ah amniga dadka Oromada ah ee ku nool deegaanada Somaliland.

“Warbaahinta waan ku arkay cabshada dadka Oromada ah, inkastoo aysan noo imaanin oo aysan nala wadaagin waxa ay dareemayaan, laakiin dadka intii sharci dalka ku joogta dowladda ayaa amnigooda damaanad qaaday, sida umadda kale ee reer Somaliland, ma jirto sabab ay cabasho u muujiyaan, ma jiraan dad isku abaabulaya inay dhibaateeyaan dadka Oromada ah,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed Maxamed guddoomiyaha hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland.

XOG: Beesha Caalamka oo weli diidan bixinta lacagta doorashooyinka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa u muuqato inaysan ku dhici karin waqtiga loo asteeyey ee ah 10 October sida lagu dhigay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sababaha ugu weyn oo aysan doorashada waqtigeeda ugu dhici karin ayaa ah in Beesha Caalamka ay weli daahineyso lacagihii laga sugayey inay ku bixiso doorashada Soomaaliya.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, Beesha Caalamka ayaa weli ku kalsooneyn in dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida ay si madax banaan u qaban karaan doorasho la isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacdo.

Wasiirka Maaliyada dowlada federalka ayaa dhawaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.

Beesha Caalamka ayaa dedaal badan waxay ku bixisay sidii doorasho deg-deg ah uga qabsoomi lahayd Soomaaliya, ayaga oo si weyn u taageeray dedaalada ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen hogaanka dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sikastaba ha ahaatee, lacag la’aanta soo wajahay geedi-socodka doorashada ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filayo isla markaana ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay.

25 Bishaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada aqalka sare, welina ma muuqato diyaar garow loogu jiro doorashadaas, taasoo loo sababeeyey inaan weli la heyn lacagihii doorashada lagu dhaqaajin lahaa.

Xog: Ninka Imaamka ahaan jiray ee loo haysto dhaca 60-ka haween oo noqday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo wali uusan dhamma baaritaanka ay waddo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa haddana warar hordhac oo aan ka helnay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay sheegayaan, in Cabdifitaax Cali Cumar oo loo heysta dhaca dumar badan uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. 

Cabdifitaax oo lala soo qabtay nin kale iyagoo wata gaari islamarkaana Bastoolad dadka ku dhacaya ayaa qirtay in uu ahaan jiray Khadiib Masjid iyo in uu dhacay 30 dumar ah, kuwaas oo uu ka qaatay mobeelo ay wateen, inkasta oo tirada dumarka uu dhacay la gaarsiinayo 60.

Ilo-wareedyo kuwa ammaanka ah ayaa sheegay in Cabdifitaax uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab kadibna uu ka baxay isagoo aaday Nairobi markii uu dib ugu soo laabtay dalkana uu markale ku biiray Al-Shabaab isagoo hadda u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda. 

Askartii soo qabatay Cabdifitaax ayaa Maxkamada ka sheegay in uu siiyay lacag dhan 3 kun oo dollar, halka akoonkiisana la sheegay in ay ku jirto lacag ka badan 20 kun oo dollar. 

Xogta ayaa tilmaameysa in ninkaan uu ahaa sarkaal dhinaca maaliyada ah oo ka tirsan Al-Shabaab, waxa uuna lacagaha ka qaadi jiray ganacsatada, hay’adaha iyo dadka kale oo ay lacagaha ka qaadaan Al-Shabaab. 

Si kastaba, ma cadda sababta Cabdifitaax u gaysay dhaca, ayada oo saraakiisha Al-Shabaab aan inta badan lagu aqoon dhaca waddooyinka, balse ay dadka ku dhacaan hab qasab ah, sida canshuuraha iyo lacagaha kale ee ay weydiistaan.

Si kastaba waxaa la filayaa in dhawaan la soo gaba-gabeeyo dhagaysiga dacwadda Cabdifitaax oo si gaar ah isha loogu haayo, ayada oo kadibna la filayo xog badan inay dibedda usoo baxdo.

Waa tuma Saxarla C/llaahi: Gabadhii ugu horreysay ee SOOMAALI ah ee xildhibaan ka noqota Addis Ababa?

0

Addis ababa (Caasimada Online) – Saxarla Cabdullaahi Bahdoon ayaa noqotay inta taariikhda la ogyahay qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo Xildhibaan loogu doorto Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Saxarla Cabdullaahi ayaa hadda ah wasiiru dowlaha arrimaha caafimaadka dowladda federaalka ee waddanka Itoobiya.

Waxay kusoo baxday cod aqlabiyad leh kadib tartan adag oo ka dhacay doorashadii bishii hore loo galay kursiga Xildhibaanimo ee Xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF.

Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.

Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay.

Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba.

2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan.

Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika.

2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi.

Madaxweyne FARMAAJO muxuu ku macneeyey guusha Abiy ee doorashadii Ethiopia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta war kasoo saaray natiijadii doorashada Ethiopia, taasi oo uu ku guuleystay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada.

Farmaajo oo ugu horeyntii guushaas ugu hambalyeeyay Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale ku macneeyay natiijada doorashada Ethiopia mid uu Abiy Ahmed “muddo xileed kale oo awood badan kaga helay” shacabka Ethiopia.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta xukuumadda Abiy Ahmed si loo sii xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladooda iyo shacabka labada dal.

“Waxaa si diirran ugu hambalyeynayaa PM Abiy Ahmed, Soomaaliya waxay sii wadi doonta la shaqaynta dowladdiisa (xukuumadda Abiy) si loo sii xoojiyo xiriirkeenna laba geesoodka ah, si ay uga faa’iideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”

“Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane PM Abiy Ahmed,” ayuu ku yiri Farmaajo qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Guushan la shaaciyey ee doorashada Ethiopia, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah.

Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia.

Jeneral Odowaa oo ka degay Buulo-Burde iyo Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Buulo-Burde taliyaha qeybta 27-aad, Jeneraal Tareedisho iyo Saraakale kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo ku sugnaa degmadaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee degmada Buulo-Burde ayaa ujeedkiisa u weyn yahay ka qeyb-galka munaasibada daah-furka taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay degmadaas iyo dar-dar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Odowaa ayaa inta uu ku sugan yahay Buulo-Burde waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Saraakiisha ciidamada, oo uu kala hadli doona dar-dar gelinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysanayey gobolka Hiiraan.

Socdaalka Jeneraal Odowaa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle gaaray degmada Buulo-Burde, oo kulamo kula qaatay maamulka iyo odaayasha degmadaas.

HirShabeelle ayaa weli wajaheysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hogaanka maamulkaasi, fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar iyo dagaalka Al-Shabaab.

China oo wacad ku martay in ay ka aargudaneyso tallaabo uu qaaday MAREYKANKA

Beijing (Caasimada Online) – China ayaa maanta wacad ku martay inay aargudan doonto, waxayna sheegtay inay “si xooggan uga soo horjeeddo” in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro militari.

Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska “ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha” iyo “caburin aan sabab laheyn” oo lagu sameeyey shirkadaha Shiinaha.

Beijing “waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharciga ah iyo danaha Shiinaha,” ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay.

Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimcihii 14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liiska madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay “inay ku lug leeyihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.”

Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudubyo.

Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa badanaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad weydiistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajahaan baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka.

Washington ayaa sidoo kale liiskan ku dartay shan hay’adood oo ay sheegtay inay si toos ah u taageeraan barnaamijyada casriyeynta ee militariga Shiinaha.

REUTERS + VOA

PUNTLAND oo u jawaabtay odayaasha beesha Murusade

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jaawabay beesha Murusade oo dhowaan soo saartay digniin ku aadan rag siddeed ah oo ay Puntland ku xukuntay dil toogasho ah.

Sanyare oo ka qeyb-galayey munaasabad gaar ah oo ka dhacday Mudug ayaa shaaca ka qaaday in dadka u doodaya xukumanayaasha ay soo adeegsadeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay, isla-markaana ay doonayaan inay difaacaan rag ‘dambiileyaal ah’.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan laheyn cadow aan aheyn Al-Shabaab, isla-markaana uusan jirin qabiil gaar ah oo uu dagaal kala dhexeeyo.

“Nimanka hadda loo qeylinayo 2012-kii ayey Gaalkacyo yimaadeen, Shabaab ayaa kawaanka u furay dadka laaya iyaga yiri, bistooladaha iyaga ayaa u geday. 2012-kii ninkii ay ugu dambeysay baa Shabaab wuxuu yiri shir jaraa’id qabta oo waxaad tiraahdaan wiilal baa Gaalkacyo noolaga heestaa waxaa Shabaab aheyn oo aan cadow nahay ma jiro,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dhanka Puntland.

Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ku gacan seeray dalabka ka soo yeeray beesha Murusade, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan sii deyn doonin ragga haatan la xukumay ee loo heesto inay ka tirsan yihiij kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in cid kasta oo ay maxkamaddu xukunto ay tahay in lagu fuliyo xukunka lagu riddo markaasi.

“Dambiile Shabaab ah inta qabano qabiil u siidayn-mayno luqadaha Argagixisaday ka mid tahay inay dadka adeegsadaan fariimaha ay rabaana ay dhex-marsadaan, cid kasta oo ay maxkamaddu xukuntana waa fulin,” ayuu hadalkiisa raaciyey gudoomiye Sanyare.

Si kastaba, Arbacadii ayey aheyd markii ay maxkamadda ciidamada Puntland ku xukuntay dil toogasho ah 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xooggaga Al-Shabaab ay ku beegsadeen bar-koontarool oo ku taalla wadada aada dhinaca xigta magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana xigay iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ayaa u sheegay Caasimada Online in halkaasi lagu dilay hal askari oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa goobta, waxaana wararka ay intaasi kusii darayaan in raggii weerarka qaaday ay horey u sii qaateen qorigiisa oo ahaa AK47.

Sidoo kale waxaa goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha dmagaalada Balcad.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ka baxsaday dagaalyahanadii ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka geystay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaas iyo howl-gallada ka dambeeyey.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fulisa waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarkan wuxuu sidoo kale kusoo aadayaa, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay laba jibaareen howl-gallada iyo dhaqa-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Aabe iyo caruurtiisa oo dil wadareed loogu geystay gobolka Mudug (Faah-faahin)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaas oo ka dhacay deegaanka Saax-Qurun oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa saddex qof, iyada oo sidoo kale lagu dhaawacay wiil 8 jir ah, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray AUN Xasan Diiriye Cilmi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay oo mar qura rasaas ku furtay qoyskaasi ay goobta isaga baxsatay dhacdada kadib.

Sidoo kale waxaa deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo lagu baadi goobayo ragga dilka geystay ka bilaabay halkaasi.

Sida aan xogta ku helnay dhacdadan ayaa salka ku heysa dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ka bixiyeen falkaasi, waxaase socda baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dhacdada.

Si kastaba deegaanada Galmudug ayaa waxaa inta badan dhaca weeraro iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo salka ku hayo aano Qabiil oo ka taagan Galgaduud iyo Mudug.

Dumar Muslimiin ah oo iyaga oo aan ogeyn la xaraashay

Delhi (Caasimada Online) – Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baaraan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu “xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibaneyaashu ku sheegeen in ay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay.

Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. “Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah.

Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibteed oo u dirtay barta lagu daabacay sawirrada dumarkan.

“Sawirka afaraad waxa uu ahaa keyga. Waxa ay ii xaraashayeen sidii inaan addoon u ahay,” ayay u sheegtay AFP. “Illaa maalintii aan arkay aad baan u careysnahay.”

GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoonnada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha.

Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda.

Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay “in lagu iibinayo” online-ka, waxayna farta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeertay guutada internetka ee xagjiriin Hinduu ah oo sanadihii danbe sii badanayay.

In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiinta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisbiga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah.

AFP + VOA

Xaaska madaxweynihii Haiti ee la dilay oo ka sheekeysay qaabka uu DILKA u dhacay

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Martine Moïse oo ah xaaska madaxweyinihii la dilay ee dalka Haiti ayaa ka hadashay, sida uu u dhacay weerarkii qorsheysnaa ee lagu dhowaan khaarijiyey Seygeedii hore, isla-markaasna uu iyadu kasoo gaaray dhaawac halis ah.

Marwada madaxweynihii hore ee Haiti ayaa sheegtay in ragga weerarka geystay oo ahaa calooshood u shaqeystayaal ay mar qura guriga usoo dhaceen, isla-markaana ay rasaas ooda kaga qaadeen madaxweyne Jovenel Moïse oo ahaa bartilmaameedkooda koowaad.

Martine Moïse waxay sidoo kale shaacisay in xittaa Seygeedii uu awoodi waayay inuu hal erey yiraahdo, ayna toogasho toos ah ku dileen ragga weerarka geystay.

“Muddo ilbiriqsi ah, ayey calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo galeen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas,” ayay ku tiri Mrs Moïse.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa fursad u siinin inuu hal eray dhaho,”.

Ugu dambeyn Mrs Moïse  ayaa wacad u martay inay sii wadi doonaan shaqadii uu hayey  Jovenel Moïse, tanina ay dhaawici doonin mustaqbal dadka iyo dalka Haiti.

Xaaska madaxweynihii hore ee  wadanka Haiti ayaa iyadu weerarka kadib loo duuliyey halka loo yaqaano Miami, si loogu soo daaweeyo xaaladeeda caafimaad.

Si kastaba ciidamada ammaanka ee wadankaasi ayaa weerarka kadib qaaday howl-gallo ballaaran, waxayna warbaahinta u soo bandhigeen qaar ka mid ah rag lagu tuhunsan yahay inay iyagu ka dambeeyeen dilkaasi, hub, rasaas badan iyo sidoo kale baasabooro intaba.