25 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Ciidamada TIGRAYGA oo qabsaday magaalo muhiim ah kuna sii siqaya koonfurta

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor.

Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga.

Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, hase yeeshee wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay “kaftan”.

Afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan.

Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.

REUTERS + VOA

Guddiga doorashada Jubaland oo fulinaya dalab uu u gudbiyey Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo xalay kulan la qaatay guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa u gudbiyey dalab la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Axmed Madoobe oo ugu horeyntii Guddiga ku bogaadiyey shaqada ay hayaan, ayaa ku dhiirigeliyey inay si hufan u qabtaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ka dalbay inay qabtaan doorasho wada-ogol ah oo xor iyo xalaal ah.

Xubnihii ka socday Guddiga doorashada Jubbaland ee la kulmay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda ballan-qaaday inay qaban doonaan doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu ka dalbaday.

Sidoo kale waxa uu Guddiga ka codsaday madaxweynaha Jubbaland inay ka heleen maamulkiisa wada-shaqeyn, si ay si fudud ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

Waxaa si habsami leh u socota dar-dar gelinta hanaanka doorashooyinka, xili uu dhawaan ra’iisal wasaare Rooble uu booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Si kastaba, waxaa lagu wadaa sida uu qorshuhu yahay in dhamaadka bishaan July in doorashada Senatarada Aqalka Sarre ay ka dhacdo qaar kamid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Daawo: Imaamkii hore ee gabdhaha MUQDISHO dhici jiray oo xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqaday go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska la-yaabka lahaa ee loo heystay Cabdifitaax Cali Cumar oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo si gaar ah dhac baahsan ugu geystay gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Cabdifitaax ayaa ugu horreyn ka shekeeyey taariikhdiisa, maadaama uu horey u soo noqday Imaam iyo sidoo kale macalin dhiga Madaraso lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha qaxootiga aaday 2008-dii, kadibna uu arday ka noqday halkaasi, ugana sii gudbay magaalada Gaarisa oo uu ka galay Jaamacad, isaga oo ka bartay Culuumta Diiniga ah, sida uu shaaciyey.

Kadib wuxuu tilmaamay inuu Macalin ka noqday Madaraso, sidoo kalena uu Imaam ka ahaa masjid ku yaalla halkaasi, isla-markaana uu sanado kadib uga sii gudbay Nairobi.

Sidoo kale Cabdifitaax Cali Cumar oo ka hor hadlayey maxkamadda ciidamada ayaa ka hadlay kiis kale oo lagu soo oogay oo ahaa inuu yahay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, wuuna beeniyey, balse wuxuu qiray inuu xiriir iyo la macaamil oo kaliya la sameeyey xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay is yaqaaneyn, kuwaas oo ‘ku dayey inay tashkiiliyaan’.

Cabdifitaax oo sheegay inuu ka tirsan Urur Diimeedka Ictisaam ayaa shaaca ka qaaday in xittaa masaajida ay kala lahaayeen ragga ka tirsan Al-Shabaab ee doonayey inay tashkiiliyaaan,wuxuuna tilmaamay inuu ka diiday ku biiristooda, siduu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu isaga soo tegay magaalada Nairobi, gaar ahaan markii gacanta lagu dhigay mid ka mid ah raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ay wada xiriiri jireen, si aan loo qaban, wuxuuna Muqdisho ku soo laabtay, sanadkii 2015-kii, isaga oo degmada Dharkenley ka furtay Malcamad weyn oo lagu barto Diinta Islaamka.

Intaasi, kadib waxaa mar qura is-bedalay Cabdifitaax oo noqday burcad dhac ka geysta caasimada, wuxuuna sheegay in is-bedalkiisa uu sababay daawashada Filim Hindi ah oo ay jilayeen saddex Atoore oo aan hubeysneyn, balse lacag baad ah ka qaata dowladda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku ridday.

Cabdifaax ayaa tan iyo markaas wixii ka dambeeyey bilaabay inuu si farsameysan ku dhaco gabdhaha Muqdisho, isaga oo xeelado kala duwan adeegsanaya, sida inuu haasaawe la sameeyo, kadibna uu ka qaato moobilka, ama inuu wadada kula kulamo isaga oo gaari wata, kadibna uu ka codsado taleefoon uu ku hadlo, sidaasna uu uga qaato.

Maxkamadda ciidamada oo kiiskan gacanta ku heysay tan iyo 30-kii bishii June ayaa ugu dambeyn ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay xabsi ciidan oo 10 sano ah, halka Nuur Cali Xasan oo caawiye u ahaa, una geyn jiray Moobeelada, si uu ugu iibiyo lagu xukumay 2 sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunsanayaasha haddii aysan ku qanacsaneyn go’aankan ay qaadan karaan racfaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.

Xildhibaanada PUNTLAND oo laba garab u kala jabay – Xog

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf sababay inay noqdaan laba garab oo iska soo horjeeda, kadib ay isku qabteen wax ka bedal lagu sameeyey xeer hoosaadka golahaasi.

Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Axmed Kuluc) oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey waxa sababay in haatan ay  xildhibaanadu labo garab u kala jabaan, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda BBC-da.

Kuluc ayaa shaaca ka shaaca in ansixinta wax ka bedalka lagu sameeyey xeer hoosaadka golaha loo maray hanaan baal-marsan sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan lasoo marsiin heerarkii loogu-talagalay, sidoo kalena aysan ka doodin xildhibaanada Puntland.

“Waxa aan isku heyno waa sharciyad, Xeer hoosaadka la bedalay waa mid hab qaldan loo maray, Guddiga mooshinka keenay ma saxiixin, lama soo marin Guddiga wax ka badalka sameeyay, lagama doodin oo si sharci darro ah ayaa lagu meel-mariyay” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay saameynta ka dhalan karta go’aanka cusub ee la meel-mariyey, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xildhibaan walba oo Puntland soo mara uu helayo maamuus gooni ah, balse wuxuu su’aal ka keenay halka dhaqaalaha looga keenayo.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in xeerkii hore uu kaliya maamuus siinayey guddoonka, hadase xildhibaanada oo dhan laga dhigay.

“Haddii Xildhibaan weliba oo Puntland soo mara uu helayo xuquuq maamuus halkee ayaa looga keenayaa dhaqaalaha ku baxaya, Xeerkii hore waxa uu hab maamuus siinayay Guddoonka oo keliya balse haddii Xildhibaannada oo dhan laga dhigo dabcan dhaqaale looma helayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan.

Si kastaba, waxaa marar badan banaanka u soo baxay khilaaf ka dhex aloolsan xubnaha baarlamaanka Puntland, waxaana horey u jirtay in mooshin lasoo abaabulay lagu ridday guddoomiyihii hore ee golahaasi Dhoobo Daareed oo ay is qabteen madaxweyne Deni.

Daawo: Hooyo raadineysa gabadheeda oo ay sheegtay in ay ka haysato hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo 16 maalmood ah la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonkaqaranka Soomaaliya ee NISA.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA.

Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Hooyo Qaali, ayaa ka codsatay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka cadaaladda ay wax ka qabtaan arrintan, ayada oo intaas ku dartay in kiiskan ay gaysay maxkamadda ciidamada.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online oo ay ayaa sheegaya inay jirto cabsi xooggan oo la xiriirta inay suurta-gal tahay in Ikraan la dilay, islamarkaana la aasay, sida xubno ka mid ah qoyska ay nala wadaagaan.

Maamul Axmed Madoobe kasoo horjeeda oo August ‘laga dhisayo’ JUBALAND

Garbaahrey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay maamul cusub u dhisayaan Jubaland marka la gaaray bisha 8-aad ee soo socota, tani oo muujineysa in xiisadda gooblka Gedo ay weli sideeda u taagan tahay.

Guddoomiyaha gobolkaas ee ku xiran Villa Somalia Axmed Buule Canjeex, oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku eg yahay bisha August, kadibna ay dadka gobolka dhisan doonan maamul cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ay dhammaato muddada xilka Axmed Madoobe) ma jirto cid naga hor istaageyso in aan aayaheena ka tashano, waana go’aan ay gaareen dadka deegaanada Jubaland, dal iyo diba, waa la isku xiran yahay. Guddiyo ayaa la sameystay sidii gogoshaas ay ku meel mari lahayd,” ayuu yiri Axmed Buule.

“Ha u gudbiyo laakin, Axmed muddadiisa 20-ka bisha siddeedaad ayay ku ektahay, hal maalina cid ugu dari karta ma leh, ciddi howshaas damacdana waxay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo in iyaga la weydiinaayo,” ayuu sii raaciyey.

Axmed Buule ayaa u muuqda inuu tixraacayo qoraal 14-kii July 2020 kasoo baxay dowladda federaalka, oo ay ku sheegtay inay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay madaxweynaha ku-meel gaarka ah ee Jubaland, muddo laba sano ah oo ka billaabaneysay bishii August 2019, oo aheyd markii la doortay.

Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qoraalkaas kasoo baxay Villa Somalia, isla maalinkii ay soo saartay, kuna tilmaamay mid sharci-darro ah, mana cadda sida hadda loogu dabaqi karo.

Arrinta gobolka Gedo ayaa ka mid ahayd waxyaabaha heshiiska laga gaari waayay si Soomaaliya ay uga dhacdo doorashada xilligeeda ka dib dhacday, sida ay ku doodeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka.

Xog: XASAN SHEEKH oo ku biiray dadaallo ay wadaan beelaha Abgaal iyo Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku biiray dedaallada uu wado Madaxweynihii ka horreeyay ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ku aadan dhameynta xiisadda HirShabeelle.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay qeyb ka ahaa wadatashiyo ka socday Muqdisho, kuwaas oo dhaxmaray siyaasiin ka soo kala jeeda laba beel ee Abgaal iyo Xawaadle oo ku aadanaa maamulka HirShabelle. 

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda socda ayaa ah in marka hore laga hadlo sidii ay doorashada Beladweyne u qabsoomi laheyd iyadoo aan buuq dhicin, islamarkaana looga balami lahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka kale ee ka dhashay dhismaha HirShabelle. 

Dedaalo xoog leh ayaa ka socda Muqdisho kuwaasoo ku wajahan doorashada ka dhacaysa magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. 

Beladweyne waxaa yaala kuraasta ugu badan markii loo eego xubnaha ka imaanaya dhinaca HirShabelle waxaana lagu soo dooran doonaa 25 Xildhibaan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan maleeshiyo uu hoggaamiyo Jeneral Xuud oo wacad ku maray inaan doorashada xildhibaanada gobolka shacabka aan lagu qaban doonin magaalada, oo ay gadaal kaga hortagi doonaan.

Isku dayga socda ayaa ah in xal laga gaaro xiisaddan kahor doorashada, si loo hubiyo inay ku dhacdo hab nabdoon, kadib markii ay fashilmeen isku day la rabo in doorashada loogu soo kobo magaalada Jowhar oo kaliya.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen musharraxiinta iyo guddiga doorashooyinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen qabsoomida arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxaa goobjoog ahaa Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo inta badan xubnaha midowga musharraxiinta, sida Xasan Sheekh Maxamuud, C/qaadir Cosoble & Xasan Cali Khayre.

Inta uu kulanka socday ayey labada dhinac ku kala warbixino qaateen, iyaga oo is dhaafsaday howlaha socda iyo kaalinta bannaan ee u baahan in la buuxiyo.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho guud oo lagu kalsoon yahay, isla-markaana u dhacda si cadaalad ah.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa dhankooda waxa ay ballan-qaadeen inay gacan weyn ka geysan doonaan sidii ay doorashada u noqon laheyd mid u dhacda xor iyo xalaal.

Dhankiisa guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo maalmihii dambe waday kulamo wada-tashi ah ayaa shaaca ka qaaday inay gudan doonaan waajibaadka loo igmaday ee ka saaran doorashooyinka Soomaaliya ee dhacaya sanadkan aynu ku jiro ee 2021-ka.

Si kastaba, waxaana haatan la guda-galayaa doorashada dalka, iyada oo lagu hormarayo soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay heshiis rasmi ah uga gaareen doorashada.

JUBALAND oo soo saartay digniin ku socota shacabka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shir ay Kismaayo ku yeesheen golaha amniga Jubbaland, isla-markaana uu guddoomiyey madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa digniin culus loogu diray odayaasha iyo dadka kale ee la macaamila kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.

Jubbaland ayaa sidoo kale ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka u fartay in aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab, maadaama la galayo doorasho guud.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu amray hay’adda nabad sugida inay tallaab adag ka qaado cid kasta oo jabisa go’aankan ka dhanka ah la macaamilka Al-Shabaab.

“Waxaa la farayaa wasaaradda amniga in ay gudato waajibaadkeeda kormeerka, dabagalka iyo hubinta habsami u socodka shaqada howlaha amniga, warbixin joogta ahna u soo gudbiso madaxtooyada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay weli ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana go’aankan uu ku soo aadayaa, xilli haatan la aadayo doorashooyinka dalka.

Si kastaba go’aankani ayaa waxaa looga gol-leeyay sidii loo xakameyn lahaa in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato doorashada soo socota, maadaama ay horey ugu yeereen qaar ka mid ah ergadii wax kasoo xulay baarlamaanka uu dhammaaday muddo xileedkiisa, isla-markaana dhalisay shaki ku aadan in Al-Shabaab ay ku milmi karaan dowladda soo socota.

Ciidamada AMISOM ‘oo khasaare lagu gaarsiiyey’ qarax ka dhacay Sh/Hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog-fog ayaa ciidamadaasi lala eegtay, xilli ay marayeenj inta u dhexeysa Buula Mareer iyo Golweyn.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ee AMSIOM, halka uu ku dhaawacmay oo mid kale oo tarjumaan ah.

Ilo deegaanka ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in qaraxa, kadib ay rasaas u fureen hareeraha wadada lagu qarxiyey, ayna markii dambe sii wateen socdaalkooda.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxaya AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ku aadan qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray ciidamada Uganda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana shaacisay in marka laga tego dhimashada askariga iyo midka dhaawaca ah uu burbur uu so gaaray mid ka mid ah kolonyada gaadiidkaas oo kasoo amba-baxay dhanka deegaanka ee gobolkaasi.

Int badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Xog: Goodax Barre iyo Cali Guudlaawe oo la heshiisiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, waxaa kulan qarsoodi ah magaalada Muqdisho ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, kulankaas oo ay ku wehliyeen siyaasiin kale oo reer Hiiraan ah. 

Wasiirkii hore ee waxbarashada Goodax ayaa 3-dii December 2020, wuxuu weerar culus oo qabyaaladeysan ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.”

“Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yiri Goodax Barre xilligaas.

Kulanka lagu heshiisiiyey Guudlaawe iyo Goodax ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in uu ahaa mid xal loogu raadinayo diidamada beesha Xawaadle ee tagitaanka Cali Guudlaawe ee magaalada Beladweyne iyo sidii loo dhameen lahaa khilaafka labada masuul. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qorsheeyay in uu marka hore si gaar gaar iyo koox koox ah u kulansiiyo siyaasiinta Xawaadle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaana xoogga la saaray in marka hore laga bilaabo xubnaha maal-geliyo ama sida weyn u taageero Jabhada Janaraal Xuud. 

Kulankii dhaxmaray Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre islamarkaana uu goob joogga ahaayeen siyaasiin kale ayaa la sheegay in lagu heshiisiiyay labada dhinac oo markii hore khilaaf adag u dhaxeeyay. 

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in sidoo kale ay Muqdisho ka dhacaan kulamo kale oo xal loogu raadinayo arrimaha HirShabelle. 

Wiil ka mid ah dhallinyaradii loo qaaday Eritrea oo lagu dilay degmada Afgooye – Yaa ka dambeeyey? (Daawo)

0

Afgooye (Caasimada Online) – Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay.

Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaaleen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa noo sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin.

10-kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo laga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah.

Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen qabuuraha Calamada ee duleedka degmada Afgooye.

Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay Cabdimaalik markii ay kasoo laabteen Eritrea

Villa Somalia oo gacanta ku dhigtay inta badan hoggaanka guddiyada doorashooyinka (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib usoo laabtay inta badan hoggaankii Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, kuwaasi oo dib loogu doortay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online

Inkasta oo isbeddel iyo kala shaandheyn lagu sameeyay xubnihii guddiyada doorashooyinka ee lagu muransanaa, haddana ma jiro wax is bedelay oo ku aadan hoggaanka guddiyadaas oo sidoodii hore u soo laabtay, marka laga reebo inyar, midaasi oo dadaalkii mucaaradka ka dhigeysa mid aan miro-dhalin.

Sidoo kale, Caasimada Online ayaa fahamsan in hoggaanka guddiyada doorashada heer federaal, guddiga xalinta khilaafaadka, iyo guddiyada HirShabelle, Koonfur Galbeed, Somaliland (Weli waa la isku haystaa) iyo Banaadiringa ay taabacsan yihiin Villa Somalia ama ugu yaraan heshiis kala dhaxeeyo, taasi oo awood ballaran siineysa madaxtooyada.

Waxaa durba soo baxaya hubaal la’aan ku aadan dhex-dhexaadnimada guddoonka guddiyadaan dib loo doortay, maadaama ay ku jireen ragii Midowga Musharaxiinta ay soo eedeeyeen, balse ka bad-baaday kala shaandheyntii xubnaha qaar looga saaray guddigii hore ee lagu muransanaa.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa kal hore gudbiyey 67-xubnood oo kamid ahaa guddiyada doorashada, kuwaasi oo ay cabasho ka qabeen, hase yeeshe waxa laga saaray guddiyadaas 34 xubnood oo keliya, halka laga bad-baadiyey 33 xubnood oo kale. 34-ka lasoo beddelay ayaa badankood noqday kuwa aan aragti ahaan wax badan dhaamin kuwii cabashada laga gudbiyey.

Guddiga xaqiiqo raadinta ee loo xil-saaray cabashada mucaaradka ayaa warkooda dib loo maqal kadib markii ay go’aamiyeen in 34 xubnood oo keliya laga saaro guddiyada doorashada, mana jirto jawaab ay ka bixiyeen dalab uu u direy Golaha Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa 9-ka bishii hore ee 6-aad ka dalbaday Guddiga xaqiiqo raadinta in si daah-furan oo madax-banaan u soo bandhigo habraaca iyo hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Hogaanka guddiyada doorashada ee dib u soo laabtay ayaa ka dhigan in wax macno leh ay iska bedeleen cabashadii mucaaradka, islamarkaana uu fashilmay dadaalkii ay ugu jireen wax ka bedelka guddiyadaas, maadama guddiyada badankooda ay kusoo laabteen hogaanka shaqsiyaadkii hore.

Daawo: DF oo tababar dibadeed u qaaday cutubkii ugu horreeyey oo gabdho ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyey cutubkii ugu horeeyay ee gabdho kamid noqonaya ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo tababar heer sare ah ku soo qaadanaya dalka Turkiga.

Gabdhahaan oo gaaraya 49 askari waa kuwii ugu horeeyey oo iyagoo hal cutub ah ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dartay dalka dibadiisa, waxayna bilihii lasoo dhaafay tababar hor dhac ah ku qaadanayeen xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa saraakiishii gabdhahaan ka sagootisay garoonka Aadan Cadde ayaa kula dar-daarmay inay noqdaan kuwii difaaci lahaa sharafta iyo nabad geliyada shacabka Soomaaliyeed

Taliye Xijaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku yiri, “Waxaan galabta Garoonka Aadan Cadde ku sagootinay 49 gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo u dhoofay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, si ay usoo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo, iyagoo ku biiraya dedaallada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta CBS.”

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo gabdhahaan la dardaarmeysay ayaa tiri, “Hadaa ka kala imaateen qabiilo ama guryo kala duwan, maanta dhamaantiin waxaa tihiin koox ka wada tirsan Haramcad… Qarankiina garab u noqda, gabdhaha Soomaaliyeed waxay la kulmaan dhibaatooyin badan, maanta waxay u baahan yihiin gabdho ciidan ah oo xuquuqdooda u difaaca.”

Ciidanka gabdhahaan lagu biirinayo ee Haramcad ayaa haatan la sheegay in tirahaan uu gaarayo illaa 900 oo askari, waxaana tababartay dowladda Turkiga, haatan waxay ka kala howlgalaan Muqdisho iyo magaalooyin kale, sida Beledweyne, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhaba.

Hoos ka Daawo

Sawirrada hoos ka eeg

Buulle: Guddiga doorashada Kismaayo laga magacaabay ma imaan karaan GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee xirirka la leh madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay inaysan wax xiriir ah kala dhaxeyn oo aysan aqoonsaneyn madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Maxamed (Canjeex)Buulle ayaa warbaahinta u sheegay inay mowqifkooda u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble markii ay kula kulmeyn magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

”Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu inoo sheegay markii aynu la hadalnay doorkiisa koowad in uu yahay dalka oo dhan in ay doorasho ka dhacdo, taasne uu ku dadaalayo uuna diyaar u yahay doorashadaas in ay qabsoonto, annagana waan soo dhaweynay arintaas ayada ah in dalka ay doorasho ka dhacdo diyaarna aan u nahay qodobka koowaad buu ahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle oo la hadlay BBC.

Axmed Buulle ayaa sidoo kale intaas hadalkiisa ku sii daray “Ra’iisul Wasaaraha waxaan kaloo u sheegnay annaga iyo Axmed in aan wax xiriir ah aanan laheyn, Axmedne dadkaan Jubaland go’aaney ka gaareen, Jubaland deegaan keeda dadka u dhashayna ay isku imaanayaan gogolna ay u taallo ayna dhiganayaan magaalada Garbahaarrey, ayna ugaas yadoodii iyo wax garadkooda inta isku yimaadaan ay ddhisanayaan Jubaland in ay naga go’an tahayna, waan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, saacadda Axmed waqtigiisa ay dhamaatana gogosha wa ay u fidsan tahay dadka Jubaland”.

Guddoomiye Buulle ayaa sheegay in muddo xileedka Axmed Madoobe ay ku egtahay 20-ka Bisha 8-aad marka la gaarana wuxuuu sheegay in isla maalintaas ay furi doonaan gogol lagu dhisayo madaxweynaha cusub ee Jubaland.

“Axmed mudadiisu 20-ka bisha 8-aad bey ku egtahay, 20-keeda gogosha waa ay furan tahay Cida hal maalin axmed ugu dari karto malahan, ciddi howshaas ayada ah damacdana waxa ay diyaar u tahay dhibaatada dhulkaas ka dhacdo iyo waxa meesha ka dhaco ayada la weydiina,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle.

Rooble mar uu Kismaayo Ka hadlayay wuxuu sheegay in doorashada Jubaland ka dhacayso – ha noqoto tan Garbahaarreey ama Kismaayo – in maamulka uu mas’uul ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu tilmaamay in uu kula xisaabtamayo Madaxweyne Axmed Madoobe, balse guddoomiye Axmed Buule ayaa sheegay in marnaba aysan aqbalaynin dad Axmed Madoobe uu soo magacaabay. Wuxuu ku doodayaa in “muddo xileedkiisa uu dhammaanayo kuna egyahay bisha Sideedaad ee sannadkan,” ayna raysal wasaaraha arrntaasi u sheegeen.

Gedo ayaa waxa ay ka mid tahay caqabadihii muddo ku hor gudbanaa doorashada Soomaaliya, xilli DF iyo maamulka Jubbaland ay ku kala tageen dhowr jeer.

Hadalka maamulka Gedo ayaa yimid xilli rooble uu booqosho ku tagay maagalada Garbahaarrey ee xarunta gobalka Gedo.

MAAREEYE oo shaaciyey cidda ka dambeysay kala jabkii guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay garabyada guddiga doorashooyinka Somaliland.

Maareeye oo kamid ah garabka Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa waxa uu sheegay in kala jabkii guddiga Somaliland uu ka dambeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal.

Waxa kale oo uu ku eedeyay Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka inuu hareer maray nidaamkii Heshiiskii doorashada ee uu gar-wadeenka ka ahaa ra’iisal wasaare Rooble.

“Heshiiski 27-kii May waxaa ku qornaa in ra’iisal wasaaraha uu hagayo doorashada Somaliland isaga oo la tashanaya guddoomiyaha aqalka sarre iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, balse uu Ciro labo jeer isku dayey in doorasho u qabtaan guddiga Somaliland, ayada oo doorasho hal dhinac ah uu 10-kii bisha u qabtay dhinicii ay dowladda keentay ee uu soo magacaabay Mahdi Guuleed,” ayuu yiri Maareeye.

“Arrintaas ayaa keentay in guddigii kalena uu doorto guddoon oo ilaa hadda saas u kala jaban yihiin, labada guddi waxaa la joogay xubno kamid ah guddiga qaran, taasi oo cadeynaysa in Ciro uusan hanan karin guddigiisa, si cadaalad ahna u qaban karin howl.”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegay in khilaafka iyo kala jabka Guddiga doorashada Somaliland la isku afgartay in kulamo laga yeesho, ayada oo bogaga guddiga qaran laga saarayo in guddoon la doortay, taasi oo aan weli dhicin sida uu sheegay.

Galmudug iyo Puntland oo maanta gaaray heshiis cusub

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo wax ka taraya dhanka amaanka, islamarkaana culeys hor leh saaraya kooxda Al-Shabaab ay labada maamul kula jiraan dagaal.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay sameeysanayaan iskaashi dhinaca Amniga ah, si ay si-wadajir ah ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Heshiiska cusub ee labada ee dhanka amaanka ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay dhawaan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen kooxda Al-Shabaab deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxay labada maamul bilaabi doonaan howl-galo ay si-wadajir ah u fulinayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug, si wiiqo awooda kooxaha argagixisada ah, sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland.

Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka amniga Puntland ayaa asaguna sheegay in Puntland ay ku biireyso dagaalka adag ee Galmudug kula jirto Al-Shabaab, isagoona xusay in marnaba maamulkooda uu kala tashan doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay heshiis ku gaaran iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshe waxa uu midkaan noqonaya midkii ugu cuslaa ee ciidamada labada maamul si wada-jir ah u fuliyaan.

Guddoomiyaha Gedo oo soo saaray baaq deg-deg ah iyo xiisad xooggan oo taagan

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Gareed oo maanta warbaahinta kula hadlayey degmada Garbahaarey ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo uu ku dalbanayo in la joojiyo dagaal xoogan oo ka dhashay xiisad u dhaxeysay labo beelood.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaanka Bohol-Garas inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku xaliyaan xiisada ka dhaxeysay miiska wada-hadalka si xal kama dambeys ah looga gaaro dagaalkaas.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalka ay dad ku dhintaan maahine uusan waxba soo kordhineyn, wuxuuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka degmada Doolow inay u kala dab-qaadan oo kala dhex-galaan dhinacyada dagaalamaya.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya ayada oo saacadihii la soo dhaafay uu dagaal Beeleed ka dhacay degaanka Bohol-Garas oo hoostaga degmada Doolow.

Si kastaba, waxaa xiligan degan xaalada guud ee deegaanka Bohol-Garas ee degmada Doolow oo uu ka dhacay dagaalka u dhaxeeya labada beelood, hase yeeshe waxaa walaac laga muujinaya in mar labaad uu dib u istaadhmo, maadama ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysay beelahaas.

SOMALILAND oo sharci yaab leh dhowaan kasoo saareysa calanka Somalia (Warbixin)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dhawaan hirgelin doonta sharci baneynaya xariga iyo tacadiyada ka dhan ah muwaadiniinteeda qaata calanka Soomaaliya ama ku soo bandhiga meel fagaare ah ee gudaha deegaanadeeda.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa shaaciyey in sharcigaas lasoo saari doono, kaasi oo dambi ka dhigaya in gudaha deegaanada Somaliland lagu qaato calanka Soomaaliya.

“Sharci baa la soo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya, oo waxaa la horgeyn doona golaha cusub,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayey munaasibad ka dhacday Boorama.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay soo saari doonto xeer tallaabo sharci ah looga qaadayo dadka jeediya hadallada xanafta leh ee colaada horseedaya.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya xili dhawaan dhalinyaro badan ay calanka Soomaaliya ku dhex qaateen deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama, kuwaasi oo badankooda xabsiga loo taxaabay xiligii lagu jirey dabaal-degyada maalmaha xoriyada.

Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa haddana inta badan waxay qaada tallaabooyin lagu beegsanayo qof kasta oo taageero u muujiya Soomaaliya ama kasoo horjeesta fikirkeeda gooni-goosadka ah ee mudada badan ay ku raadineysay aqoonsiga.

JUBBALAND oo shaacisay qodobadii ay R/W ROOBLE isku fahmi waayeen (Aqriso)

0

Kismaayo (Caasimada Online)  – Iyada oo ugu magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan socdaalkiisii Kismaayo iyo Garbahaarey.

Axmed Ismaaciil oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal ku shaaciyey xog ku aadan socdaalka ra’iisul wasaare Rooble ee deegaanada maamulkaasi, wuxuuna xildhibaanku sheegay inuu ahaa mid natiijo la’aana.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalladii dhex-maray Rooble iyo hoggaanka Jubbaland iyo waan-waantii socotay aysan u dhicin sidii la rabay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaciyey in qodobada la’isuku hayo ay yihiin arrinta dib u heshiisinta iyo sidii loo qaadi lahaa ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay kala hadleen ra’iisul wasaaraha sidii wax looga qaban saraakiisha nabad sugida ee gobolka ku sugan, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka qorayaan, isla-markaana ay u bandhigeen ra’iisul wasaaraha, balse la’isku fahmi waayey.

“Dhibaatada taagan ee u baahan in xalka loo helo waa in dib u heshiisiin la sameeyo, in la qaado ciidanka dowladda federaalka ay geysatay gobolka Gedo, in ciidamada nabad sugidda ee dadka qoraya in uu wax ka qabto, ra’iisul wasaaraha waan u sheegtay balse ma suuragelin,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaanka u hadlay maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan si rasmi ah loo guda-galiyo doorashooyinka dalka, ra’iisul wasaarahana uu shaaciyey in maamulka doorashada ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka looga dambeynayo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Si kastaba maamulka Axmed Madoobe ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu khilaaf xoog-leh kala dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, waxaana la’isku qabtay dib u doorashadiisa iyo sidoo kale ciidamada ay dowladdu geysay gudaha gobolka Gedo.