25 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Guddigii uu magacaabay Rooble oo ay ka maqan tahay J/L oo gaaray Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta ee Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolkaas.

Guddiga oo ka kooban xubno ka kala socdo Maamul Goboleedyada dalka marka laga reebo kan Jubaland ayaa Magaalada Garbahaarey ka bilaabay la tashiyada ku aadan sidii dib u heshiisiin looga dhex abuuri lahaa bulshada gobolka.

Wada-hadalada ka bilowday Garbahaarey ayaa waxaa saldhig u ah sidii Magaalada Garbahaarey loogu diyaarin lahaa qeybgalka doorasho loo dhan yahay oo lagu qabto magaaladaas.

Tagitaanka guddigaan ee Garbahaarey ayaa kuso aadayo xilli Maamulka Gobolka Gedo ee taagersan Farmaajo ay sheegeyn inuusan wax xiriir ah kala dhaxeyn madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay fursad siinayaan inta uga hartay waqtigiisa, oo ay ku sheegeen illaa bisha soo socota August.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maadaama uusan xiriir ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.

Khilaafka ka taagan kuraasta taalo Gobolka Gedo ayaa kamid ah sababaha dib u dhigaya doorashada Soomaaliya, waxaana hadda laga war sugayaa natiijada kasoo baxdo dadaalada ay wadaan guddiga uu Rooble magacaabay.

Villa Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay Gobolka Gedo, waxayna gacan ku heynta gobolkaas kala wareegtay Maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana socdo loolan ku aadan 16-ka kursi ee taalo Gedo.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonto 10 October 2021 sida lagu qoray heshiiskii 27 May madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble ku dhex maray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inkastoo la qiyaasayo inay waqtigaas ka dib dhacdo sababo la xiriiro khilaafka ka taagan Gedo iyo Beledweyne.

Taalibaan oo ku hanjabtay ‘Jihaad’ ka dhan ah TURKEY

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ayaa dowladda Turkiga uga digtay inay sii waddo joogitaankeeda Militari ee dalka Afghanistan, taasoo ay kooxda ku sheegtay haddii ay dhacdo inay u arki doonto in ciidamada Turkiga ay yihiin kuwa gumeystayaal ah, islamarkaana ay ku qaadi doonto waxa ay ugu yeertay ”Jihaad”.

Digniinta ayaa timid iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo hor leh oo dagaal oo dadka dhaleeceeya ay sheegayaan inay muujineyso in Taalibaan ay qorsheynayaan inay awood militari kula wareegaan guud ahaan Afghanistan, taasoo meesha ka saareysa ballan-qaadkoodii nabadeed, waxayna arrintaan sare usii qaadeysaa cabsida laga qabo in dalka uu galo dagaal sokeeye oo buuxa.

Mareykanka ayaa weydiistay Turkiga in ay sugaan amniga garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib markii dhamaan ciidamada xulafada Mareykanka iyo NATO ay go’aan ku gaareyn inay guud ahaan dalkaas isaga baxaan dhammaadka bisha soo socota.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay Jimcihii isaga oo aan faahfaahin ka bixin in uu Washington kula heshiiyey in ciidamada Turkiga ay qaataan amniga iyo maareynta Garoonka Diyaaradaha.

Kooxda Taliban ayaa cambaareysay heshiiska dhex maray dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay mid carro dhallin kara, waxayna ka dalbadeen Turkiga inay dib u eegaan go’aankooda.

Bayaan ay Taalibaan soo saartay ayay ku sheegtay in ciidan kasta oo Afganistan ku hara ay u arki doonaan kuwa duullaan ku ah dalkooda, waxayna Turkey ugu digeen in xiriirka kala dhexeeya uu xumaan doonoo haddii ay sii joogaan.

“Sii joogitaanka ciidamada ajaanibta ah sabab kasta haku marmarsiiyoodaan waxaan u aragnaa inay yihiin gumeysi dhul qabsi ah, shaqo kordhinta loo sameenayo ciidamada Turkiga waxay kicin doontaa shucuurta iyo cadaawadda ka jirto gudaha dalkeena, waxayna dhaawici doontaa xiriirka labada dal,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay kooxda Taalibaan.

Amniga iyo habsami u socodka garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai ee caasimada Afghanistan ayaa muhiim u ah ilaalinta wakiilada diblomaasiyadeed iyo ururada ajaanibta ah ee ka howl gala Kabul, waxaana maalinti Talaadada aheyd qarax bam oo lagu wareeray lagu dilay ugu yaraan afar qof. Sidoo kalana waxaa kor usii kordhay colaadaha ka jira gobolada kale ee dalkaas.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa saxaafadda u sheegay kadib shirkii golaha wasiirrada fiidnimadii Isniinta in Turkigu ogolaaday qodobbada qaar ka mid ah dhiggiisa Mareykanka ee ku saabsan socodsiinta garoonka, wuxuuna sheegay inay wadaan ka shaqeynta heshiiskaas.

“Haddii garoonka diyaaradaha uusan shaqeyn, waddamada waa inay dib ugala laabtaan howlahooda diblomaasiyadeed halkaas,” ayuu yiri Akar.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa la filayaa inay sii joogaan caasimada Afghanistan, iyagoo ilaalinaya xarunta safaaradda Mareykanka.

Xoogaga Taalibaan ayaa si baaxad leh u kordhiyay gacan ku haynta qeybo badan ka tirsan Afghanistan iyagoo ciidamada Dowladda ka fara maroojiyay degmooyin fara badan iyagoon wax iska caabin ah la kulmin tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay si rasmi ah u bilaabeen inay ka baxaan dalka horaantii bishii May.

Ciidamada Dowladda Afghanistan ayaa qaarkoda waxay dib ugu gurteen meelo nabadgelyo ah halka qaar kale oo ka tirsan ay isku dhiibeen kacdoonnada kusoo socda.

Guulihii laga gaaray dagaalka ayaa Taliban u suurta gelisay inay si buuxda u hareereeyaan magaalooyinka waaweyn ee Afghanistan, oo ay ku jiraan caasimadaha gobollada.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Washington Maalintii Isniinta aheyd ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Taliban ay qorsheyneyso inay si militari ula wareegto xukunka wadanka.

“Way cadahay waxay samaynayaan nashqado maamul oo u habeysan si qaran ah. Way cadahay waxa ay sameynayaan inay rumeysan yihiin inuu jiro xal milatari oo lagu soo afjarayo khilaafkan,”ayuu Kirby u sheegay wariyaasha.

“Waxaan sii wadeynaa inaan aaminsanahay in dhamaadka iyo xalka ugu badan ee dagaalkan uu yahay mid siyaasadeed, mid loo maro diblomaasiyadda lagu gorgortamayo,” ayuu mar kale yiri.

Maamulka Afghanistan ayaa wacad ku maray inay iska difaacayaan oo ka celinayaan kooxda Taliban magaalooyinka waaweyn, iyagoo sheegay in ciidamada ammaanka ay dileen boqolaal ka mid ah kooxaha kacdoonka waday maalmihii la soo dhaafay.

Tallaabo uu qaaday Yuuruf Dabageed oo xiisad dhalisay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmadaas, kadib shaqo joojin uu sameeyay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, Faysal Xaaji Aadan iyo labadiisa ku-xigeen, midaasi oo uga sii dartay qalalaasihii ka taagan degmada.

Madaxweyn ku-xigeenka oo dhawaan socdaal ku tegay Buulo-Burde ayaa waxa uu ku eedeynaya maamulkii degmadaas inay xalin waayeen khilaaf muddo ka dhex taagna maamulkooda iyo dagaalo beeleed kusoo noq-noqday degmadaas.

Shaqo joojinta uu sameeyay Dabageed ayaa waxaa ka dhashay xaalad jahwareer ah oo ka taagan Buulo-Burde, ayada oo saacadaha soo socda la filayo in Odayaasha dhaqanka degmadaas iskugu imaadan shir deg-deg ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Odayaasha ayaa waxaa looga hadli doonaan shaqo joojinta uu sameeyay Dabageed iyo xiisada ka dhalatay ee saameynta xoogan ku yeelatay degmada.

Buulo-Burde ayaa xiligan waxaa laga dareemaya xaalad walaac leh, ayada oo dadweynaha deegaankaas ay soo wajahday cabsi baahsan oo la xiriirta xiisada ay uga dartay shaqo joojinta uu sameeyay madaxweyne ku-xigeenka.

Sawirro: BIIXI oo booqday deegaan ay Al-Shabaab sheegatay inay la wareegtay

0

Hobyo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer ku tegay gudaha deegaanka Dhaghaye oo hoostaga degmada Hobyo, kadib markii Al-Shabaab ay shaaciyeen inay qabsadeen deegaankaasi.

Taliyaha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo beeniyey warka kasoo baxay Al-Shabaab ee ah inay si nabadoon ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Biixi ayaa socdaal ku maray qeybo ka mid ah deegaanka iyo saldhigyada ciidamada dowladda uu ku yaalla duleedka Dhaghaye ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay xoojiyaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo.

Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa halkaasi ka jira howl-gallo ay wadeen ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Si kataba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli dagaallo iyo howl-gallo ka fuliso gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Haweeney ‘kufsi iyo dil loogu geystay’ magaalada Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay haweeney lagu magacaabi jiray, Hinda Cumar kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Ehellada Allaha u naxariistee haweeneyda geeriyootay oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ay geeyeen isbitaalka , loona xaqiijiyey in inta aan la dilin, ka hor lagula kacay kufsi iyo jirdil aad u xoogan oo sababay geerida ku timid marxuumadda.

“Dhakhtarku wuxuu yidhi waxay u dhimatay kufsi iyo dil” ayay tiri Hinda dumashideed oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Bulsho.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Hinda ay markii ugu dambeysay saartay gaari bas ah oo ay la socdeen darawal iyo kirishboy isla socday oo looga shakisan yahay dhacdadaasi.

“8:40 PM ayaa bas huruuda oo laba nin saaran yihiin aan saaray, 9:00 PM waxa laygu yidhi inanti waa meyd, sidaas ayey inantii ku geeriyootay, iyada oo kufsi iyo dil loo geystay”” ayey markale tiri marxuumad Hinda dumashideed.

Ugu dambeyn ehellada ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee Somaliland inay soo fara-geliyaan arrintooda, si ay cadaalad u hesho AUN dhibane Hinda Cumar oo geeriyootay.

Booliska Somaliland oo la wareegay kiiskan ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh, si loo soo qabto dadkii ka dambeeyey.

Dhacdooyinka kufsiga iyo dilka arxan darrada ah ee isla socda ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana horey looga soo wariyey meelo kala duwan oo ka mid ah dalka.

Khadiija Diiriye iyo Xamza oo hadallo kulul is-dhaafsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Xamza Saciid Xamza ayaa is dhaafsaday hadallo kulul oo ku aadan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Labadaan wasiir ayaa shaqada labadaas wasaaradood loo kala wareejiyey markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna wasiir Khadiija ka soo jawaabtay dhaliil uu wasiir Xamza u jeediyey wasaaraddii ay ku wareejisay.

Wasiir Xamza Saciid ayaa warbaahinta u sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa ka soo jawaabay, waxayna wasiir Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’.

“28-OCT/2020 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn,” ayey wasiir Khadiija ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.

Wasiir Xamza ayaa yiri, “Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay.”

Wasiir Khadiija oo ka jawaabaysay eedeynta Xamza ee xafiiska iyo fasaxa shaqaalaha la xariirta ayaa tiri, “War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa. Wasiir Xamze waxaad ka mid ahyed golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.”

Guudlaawe oo xildhibaanada Hiiraan u sheegay inuusan wax ka qaban karin qorshaha Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiin reer Hiiraan ah oo uu qeyb ka yahay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa habeen hore Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha HirShabellle Cali Guudlaawe.

Xildhibaanadaan iyo siyaasiinta oo dhamaantood u dhashay beesha Xawaadle ayaa Guudlaawe ka dalbaday in uu is hortaago in guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca HirShabelle aan laga dhigin Axmed Xasan Diini, kaasoo isla maanta la doortay.

Diini oo maanta loo doortay guddoomiyaha guddigaas ayay Xildhibaanadaan ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in dhamaan Xildhibaanada Xawaadle kaliya uu ka soo laaban doono Nuur Iidow Beyle, halka inta kalane uu ku dadaali doono inaysan soo bixin, isagoo sababta ugu sheegay in uu amarkaas ka soo baxay Villa Somalia.

Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in Diini ay wadato Villa Somalia islamarkaana uusan waxba ka qaban karin.

Sidoo kale siyaasiintaan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo isu dhiibay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana loo gaaro go’aanada siyaasadeed ee degaankiisa ama mida guud ee dalka. HirShabelle gaar ahaan magaalada Beladweyne ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada ugu adag ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka HirShabelle ayaa aad loo saadaalinaya inay kasoo bixi doonaan xildhibaano aad u taabacsan Villa Somalia, sababtuna ay tahay in maamulkaas uu si buuxda gacanta ugu jiro madaxtooyada, ayada oo Guudlaawe uu

CC Shakuur oo ka hadlay kiiska Ikraan, shaaciyeyna xubno kale ‘oo la beegsaday’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ku eedeeyey inay handadaad u heyso guddiyada doorashada ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar la la’yahay 17 maalmood oo hooyadeed ay sheegtay inay ku tuhmeyso NISA.

“NISA waxaa horay ugu luglahayd dhalinyaradii Eritrea loo qaaday, kiiskan iyo kuwo kale oo la mid ahna waa lagu haystaa. Waxay hanjabaad joogta ah ku hayaan xubnaha guddiyada doorashada,” ayuu xusay.

Hoggaamiyaha Wadajir ayaa ku baaqay in si deg deg ah xilka looga qaado hoggaanka Hey’adda NISA si xal loogu helo dhibaatooyinka ay hey’adaan ku heyso dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Sida keli ah ee NISA lagu xakamayn karo waa in hoggaankeeda la bedelaa, loona dhiibaa shakhsi shaqada hay’ada ku ekaada. Waa tijaabo hortaala madaxbanaanida Rooble,” ayuu yiri.

Sido kale Hoggaamiye Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu xil iska saaro sidii loo meel loo saari lahaa cabashada ka timid waalidiinta Ikraan.

“Waxaan codkayga ku biirinayaa Hooyo Qaali Guhaad. Waxaan ugu baaqayaa Raysalwasaare Rooble in uu xil iska saaro cabashada waalidka ay gabadhu ka maqan tahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa Ra’isulwasaare Rooble ka codsaday inuu kiiskaan u saaro guddi madax banaan si ay baaritaan ugu sameeyaan kiiska Ikraan oo muddo ugu dambeysay qoyskeeda taasoo markii ugu dambeysay gurigeeda looga qaaday gaari loo maleenayo in laga leeyahay Hey’adda NISA taariikhda markay aheyd 26 June.

“Baaritaanka kiiskan waa in guddi madaxbanaan loo saaro. Sida ay waalidiinta sheegeen iyo xog aan ilo kale ka helayno, Ikraan waxaa ugu war danbaysay gacanta Hay’adda Nabad-Sugida,” ayuu sii raciyey.

Ikraan oo 24 jir aheyd oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

Howlgal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow dhismaha Villa Somalia + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in howl-galka si gaar ah looga sameeyey inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ciidamada inta uu socday baaritaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqa waddooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano, halka kuwa kale ciidamadu ay sii daayeen marka ay qabteen, kasii kadib.

Saraakiisha ammaanka weli war rasmi ah kama soo saarin howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran, isla-markaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in howl-galkan uu daba socdo mid habeen ka hor laga sameeyey degmada Warta Nabadda, kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray xaafado hoosta kaga yalla dhismaha Villa Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal amni darro, sida dilal qorsheysan & weeraro qaraxyo ah.

Si kastaba dhacdooyinkan iyo howl-gallada ay wadaan ciidamada ammaanka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la guda-galayo doorashooyinka dalka oo heshiis laga gaaray.

Tirada dhimasho rabshadaha Koonfur Afrika oo korortay

 Durban (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika waxaa weli ka socda rabshadaha ka dhashay xarigga 15-ka bilood ee madaxweynihii hore ee wadankaasi Mr Jacob Zuma, waxaana xaaladdu ay tahay mid cakiran, iyadoo ay howl-gal wadaan ciidanka ammanka.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay korortay, isla-markaana ay haatan gaartay illaa 72 qof, halka rabshadaha ay kusii fidiayaan magaalooyin horleh oo ku yaal dalkaas.

Dadka dhintay waxaa ku jira kuwa boob u geysanayey goobo ganacsi oo isbuurasho ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika.

Dowladda ayaa sidoo kale dadaal xoogan wada, waxaana ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis la geeyey gobollada ugu daran ee ay dibad-baxyadu ka socdaan.

Sidoo kale Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda ee cikiran ee wadankiisa, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la dajiyo.

Rabshadaha ka billowday Koonfur Afrika ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi, waxaana jira kuwa ku dhintay rabshadaha iyo boob xoogan oo ay la kulmayaan ganacsatada Soomaalida ah.

Waxa sidoo kale soo baxaya digniino culus oo ku aadan rabshadaha Koonfur Afrika oo haddii ay soo socdaan la sheegay inay sababi karaan inuu gaabis ku yimaada cunada.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyey rabshadaha ka soo cusboonaaday wadanka Koonfur Afrika, wuxuuna ururka ku baaqay in si deg-deg ah loo soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida ee dalkaasi.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, wuxuu si adag u cambaareynayaa rabshadaha sababay dhimashada dadka rayidka ah iyo muuqaalada naxdinta leh ee dhaca hantida shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah loogu soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida dalka iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa haatan wajaheysa rabshadihii ugu xumaa tan iyo sanadihii 1990-naadkii, xilligaas oo dad fara badan ay ku dhinteen dagaallo culus oo dhex maray qowmiyadaha sanado yar ka hor intii uusan dalkaasi helin xornimada.

DF oo si kulul uga hadashay afar qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dal kale (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujineyso sida ay uga walaacsan tahay rabshadihii iyo bililiqadii ka dhacday dalka Koonfur Afrika oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay 4-qof oo Soomaali ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale dukaamo badan oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ayey bililiqeysteen tuugo hubeysan, meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KvvaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika inay dadaalkeeda oo dhan ku bixiso, sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jirtay halgankii ay kula jirtay midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.”

Tan iyo markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma todobaadkii hore, kaas oo loo heysto musuq maasuq, waxaa dalkaas hareeyey dibad-baxyo waaweyn iyo boob ay geysanayaan dadka u dhashay dalkaas, dukaamada iyo bangiyada waaweyn ee dalkaas ayaa loo geystay boob xoog leh.

Ugu yaraan afar qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ahaa ayaa la xaqiijiyey inay ka mid noqdeen dadkii maalmihii la soo dhaafay ay galaafteen rabshadaha ka socda dalkaas, sidoo kale waxaa jira Soomaali kale oo dhaawacyo kala duwan loo geystay, waxaana boob xoog leh lagula kacay dukaamo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.

Saameynta Ethiopia ay ku leedahay siyaasadda dalka Soomaaliya 2000 ilaa 2021

Somalia intii ka dambaysay burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 kii waxa markii ugu horeysay dawlad loogu soo dhisay dalka Djibouti gaar ahaan magaalada Carta, waxaana lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan sanadkii 2000.

Magaalada Muqdisho xiligaasi waxa haystay hogaamiye kooxeedyo hubeysan oo mid waliba jufadiisa hor fadhiyo isuna qabo in uu madaxwayne yahay, waxa kale oo soo labaynayey kooxaha xoogaga maxaakiimta oo hubaysnaa ahaana awood qarsoon oo soo kobcaysa.

Magaalada Muqdisho markii uu ka degay Madaxwayne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ( 2000 ilaa 2004 ) waxa ku soo dhaweeyey xoogagaa hubaysan ee markii dambe isku badelay maxaakiimtii islaamiga ahaa, Al-shabab iyo Xisbul Islam, waxa sidoo kale dawladaasi oo dhaafi wayday Hutel Ramadan Muqdisho taageeray laba sadex hogaamiye kooxeed walow aanay awood lahayn .

Xukuumada madaxwayne Cabdi Qaasim waxa ay yeelatay laba Raisal wasaare oo kala ahaa 1-Cali khaliif Galaydh, 2- Xasan Abshir Farax labadaba Alle ha u naxariisto e, waxaana ka hor yimid markiiba dalka Ethiopia iyaga oo ka cabsi qabay urur diimeedyada faraha badan ee awood doon ka ah in uu ka soo jeedo, gaar ahaan ikhwaanu muslimiin oo saldhigeedu yahay Egypt, waxaana ay xukuumadaasi qaadi kari wayday hal talaabo oo yagleel dawladnimo oo rasmi ah.

Waxa ku xigtay xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed (2004 ilaa 2008 ) Alle ha u naxariisto e oo iyada lagu xamanayey in Ethiopia wadato, waxaana lagu soo dhisay magaalada Embaghati ee dalka Kenya sanadkii 2004 .

Xukuumadaasi waxa ay degtay Baydhabo oo ay ciidamo ku urursatay ay ka mid yihiin ciidankii maamul goboleedka Puntland oo uu Cabdilaahi Yusuf madaxwayne hore uga ahaan jirey iyo ciidamo Ethiopian ah oo badan, waxa Raisal wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi, halka uu wasiirka arimaha guduhuna ahaa Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.

Dawladii Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayey xoog iyo dagaal ayey ku tagtay Villa Somalia, waxaana dhacay dagaalo lagu hoobtay, dawlada Cabdilaahi Yuusuf waxa mus dambeed u ahaa dawlada Ethiopia sidaasi darteed ayey uga hor yimaadeen xoogaga islaamiyiinta ah, waxa kale oo ka hor yimid dadka deegaanka Muqdisho qaybo ka mid ah.

Waxa dhacay dagaalo culus oo lagaga soo horjeeday in ciidamada Ethiopia Somalia soo galaan maadaama ay yihiin dal ay Somalia cadaawad soo jireen ahi ka dhaxaysay, dagaalkani oo markii dambe ujeedooyin kale yeeshay oo ay ururo argagixiso oo dano kale lihi dhex galeen, waxaa sameysmay mucaarid xoogan oo dal iyo dibad ba isaga yimid oo Asmara isku urursaday oo wadaado iyo siyaasiyiin ba isugu jira.

Waxa is khilaafay Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo Raisal wasaare ahaa waxaana noqday oo uu Raisal wasaare ka dhigtay madaxwayne Cabdilaahi yuusuf, Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) oo ay markii dambe is qabteen iyo Cabdilaahi Yuusuf oo loo arkay nin wada aargoosi siyaasadeed oo Ethiopia iska hor yimaadeen, markiiba caalamku cadaadis ku saareen in uu talada wareejiyo.

Waxaa xigtay in la dhisay dawlad ay ku mideysan yihiin maxaakiimtii islaamiga ahaa oo uu la heshiiyeen maraykanka iyo dawladihii danaynayey arimaha Somalia xiligaasi waxaana lala hadashiiyey intii ka soo hadhay dawladii Cabdilaahi Yusuf oo uu Nuur Cade hogaaminayo waxa la dhisay dawlad ku meelgaadh ah oo wadata baarlamaan ka kooban laba baarlamaan oo la isku daray oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxaana lagu dhisay dalka Djibouti caasimadiisa Djibouti 2009.

Xukuumada uu madaxwayne Shariif hogaaminayey (2009 ilaa 2012 ) waxa ay fursad u heshay in ay haykalkii dawladnimo dhisto, diyaariso nidaam dalka Somalia kumeelgaadhka lagaga saarayo, waxaa hawlahaa gadhwadeen ka ahaa Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku helay sumcad badan iyo Xukuumadiisii la odhan jirey ( TAYO ) .

Murug iyo isqabsi dhacay ka dib waxa heshiis Kampala lagu gaadhay in Farmaajo iyo xukuumadiisa la rido oo xiligaasi faro baas ku haysay kooxaha argagixisada iyada oo dan loo arkay markaasi cid wadatayba, waxaana heshiiskaa Kampala Accord aqbalay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sidaa kaga tagey xilkii, xukuumadiisiina dhacday.

Waxa kale oo Maamulka Sheekh Shariif iyo sadexdii Raisal wasaare ee kala dambeeyey diyaariyeen hab federal ah in dawladnimada Somalia loo badelo oo maamul goboleedyo la dhiso waxaana la iskula qaatay shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo mudo kooban ka horeeyey shirkii London ee dib u dhiska Somalia 2012 oo 52 dawladood oo aduunka ahi ka soo qayb galeen.

Shirkii London 2012 waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyey ee Somaliland iyo Somalia kawada qayb galaan waxaana ku jirey oo ahaa shirarkaasi communique keegii 26 qodob ahaa qodobkiisa 6aad in beesha caalamku adkaynayso in xukuumada ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo kuwa ka dambeeyaa wada hadal la furaan Somaliland .

Waxa ku xigtay xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud (2012 ilaa 2017 ) oo raacaysay qariirdadii Garowe 2 ( Garoowe Two Roadmap ) oo ahaa hirgalinta nidaamka maamul goboleedyada ( federal system) iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London 2012 ee dib u dhiska Somalia oo ugu weynaa qodobka wadahadalada Somaliland iyo Somalia, Ethiopia waxa loo arkayey cida dabada ka riixaysa nidaankan ee qorshaheega lagu socdo.

Xiligaasi xukuumada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa abuurnayd qadiyad Ethiopia diid ah oo loo arkayey in talada Somalia ay Addis-Ababa faraha kula jirto waxaana si gaar ah saameyn u lahaa General Gabre oo qaabilsanaa arimaha Somalia oo Muqdisho fadhiyey, sidoo kale ciidamada Ethiopia iyo Amisom na taladooda wax weyn ku lahaa.

Madaxweynihii xigey waxa uu noqday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ( 2017 ilaa hadda 2021 ) fadhiya oo ku ololeeyey in aanay aheyn wax la aqbali karo in Ethiopia Somalia dhexdeeda ka taliso waxaana uu ku helay taageero iyo cudud weyn oo dadku siiyeen xiligaasi maadaama aad loo dareemayey culeyska Ethiopia.

Ayaan darada dhacday Madaxwayne Farmaajo oo jooga ayaa muwaadiniin soomaaliyeed inta uu qab-qabtay Ethiopia u dhiibay oo uu ka mid ahaa Qalbi dhagax, ka dib markii xukuumadii Tplf meesha ka baxdayna waxa uu noqday garabka koowaad ee Abiy Ahmed iyo dawlada Ethiopia oo ay wada galeen heshiisyo sadex geesood ah dalalka Somalia, Ethiopia iyo Erateria.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo: Xamza oo shaaciyey arrimo yaab leh oo uu ugu tegay wasaaraddii uu kala wareegay Khadiija Diiriye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa ka sheekeeyey arrimo uusan filaneyn oo uu ugu tegay markii loo magacaabay wasaaradaas, isagoo aad u dhaliilay hanaankii hore ee wasaaradda dhalinyarada ay u shaaqeyn jirtay.

Wasiir Xamza waxa uu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena shaqaalihii ay fasax isaga maqan yihiin in ka badan laba sano, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

”Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay,” ayuu yiri wasiir Xamza Saciid.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hadda uu ku guuleystay in shaqadii wasaaradda uu dib u soo celiyo.

“Markaan imid saddex bilood waxay igu qaadatay inaan Wasaaradii inaan isu keeno, xafiis u raadiyo, shaqaalihii soo noqdaan, lagu shaqo bilaabo, waxay noqotay inaan eber ka bilowno.. Hadda wasaaradda waa socod barad, haddana dhisme ayaaba ka socda..” ayuu yiri Wasiir Xamza oo warkiisu ku socday sidii ay wasaaradda u maamuleysay Khadiijo DiiriyeWasaaradaan markii loo magacaabayey wasiir Xamza waxaa laga wareejiyey Khadiija Maxamed Diiriye  oo haatan ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Hoos ka daawo wasiir Xamza

Daawo: Maareeye oo shaaca ka qaaday qorshe ay u degeen DF iyo maamul goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda dhexe ku eedeeyey inay masuul ka yihiin, oo ay ku heshiiyeen boobka kuraasta xildhibaanada waqooyi.

Waxa uu sheegay in kulamadii looga hadlayey doorashooyinka dalka aysan siyaasiyiinta reer Somaliland wax metelaad ah ku leheyn, isagoo siyaasiyiinta reer koonfureedka ku eedeeyey in aysan dooneyn in dib loo soo celiyo midnimada Soomaaliya.

“Kulamadii doorashooyinka cid noogu jirtay malahan, dhammaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa masuul ka ah in nala kala qeybiyo, si loo boobo kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee ku jirta dowladda federaalka ay lahaa jireen dhaqan ah in qofka ugu sareeya uu hoggaamiyo xilliga doorashada.

“Dowladdu waxay noo diiday oo maamul goboleedyaduna kula safanyihiin inaanaa ka qeyb gelin madashii doorashooyinka looga tashanayey, waxaan dhihi karaa halkaan lagama rabo qadiyada midnimada. Shacabka Soomaaliyeed inuu midoobow rabaa, laakiin dadka kursiga ku shaqeysta midnimo ma rabaan, marka iyagaa na kala qeybiyey oo madashii noo diiday oo hoggaankeenii Cabdi Xaashi u diiday in talada laga qeyb geliyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Maareeye.

Sidoo kale Maareeye waxa uu sheegay in dad badan oo midnimada u taagnaa ay koonfur isaga tageen markii ay waayeen cid kala shaqeysa.

“Hadii doorashadaan aan loo deyn dadka reer waqooyi ka jooga halkaan, dhaawac weyn ayaa gaari doona raadintii midnimada Soomaaliya, hadii laga dhega adeygo dadka iska leh doorashadaan in maamulkeeda loo daayo, tallaabooyin adag ayaa nooga diyaarsan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Hoos ka Daawo

Dhageyso: Aabaha askarigii kasoo baxsaday Eritrea ee lagu dilay degmada Afgooye oo shaaciyey xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo kamid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay.

Aabaha dhalay Cabdimaalik oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in lagu dilay Toorey, oo uu ku dilay wiil kale oo ay dagaaleen, kaasi oo ay saaxiib ahaayeen wiilaal uu sheegay inay maalmihii u dambeeyay wada socdeen.

Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu lacag badan ku bixiyey in wiilkiisu uu imaado magaalada Muqdisho, kadib markii uu dhib badan kala kulmay xeradii ciidamada Eritrea.

“Wiilaal ay saaxiib yihiin ayey isla jireen, khilaafad yar ayaa ka dhex dhacay, Toorey ayaa lagu turay midna wadnaha ayey uga dhacday midna beerka, labo toorey ah ayaa ku dhacday,” ayuu yiri.

“Dilku waxa uu ka dhacay suuqa Jaadka Afgooye, waxaa socota baaris oo ilaa hadda waa lagu jiraa.”

“20 cisho ayuu jooga, waxaa kasoo waday meel la yiraahdo Maqale,lacag ayaa ku bixiyey waxa uu soo maray Jigjiga, waxaa qaabishay dowladda Garoowe oo lix maalmood ayuu meesha joogay, waa lasoo fasaxay Afgooye ayuu joogay,” ayuu yiri.

Aabaha dhalay Cabdimaalik ayaa inta badan ka gaabsaday su’aalo laga weydiiyay dilka wiilkiisa iyo dhibtii uu kala kulmay xeryaha ciidamada lagu tobabaray, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu dowladda ka warsugayo baaritaankeeda.

Allaha u naxariiste Cabdimaalik oo kamid ahaa dhalinyaradii ay hore dowladda federaalka ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shalay waxaa lagu soo aasay qabuuraha Calamada ee duleedka degmada Afgooye.

Hoos ka dhageyso wareysiga aabe Cabdullaahi Xaaji Xasan

Daawo: Wiil da’yar oo kasoo goostay Al-Shabaab oo qiso cajiib ah ka sheekeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal-yahan aad u da’yar oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa u soo gacan galay dowladda kadib markii uu isku soo dhiibay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal-yahankaan oo magaciisa lagu sheegay Calas Axmed Xirsi ayaa xiriir lasoo sameeyay Saraakiisha ciidanka Booliska ee deegaanka Ceeldheere, markii uu u adkeysan waayey dhibaatada ay Al-Shabaab u geysanayaan umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheekeeyey dhibaato uu ku qabay Al-Shabaab oo ah inaan loo ogoleyn inuu waalidkiisa xiriir la sameeyo ee uu go’doon ahaa.

Careys ayaa ka hadlay qiso uu goobjoog u ahaa oo ku saabsan nin ka mida askarta Dowladda ka oo u gacan galay Al-Shabaab ayna jirdil xoog leh ka sameeyeen, sidaasina uu ku qirtay denbigii ay ku heysteen.

“Markii uu denbiga qirtay waxay ku dhaheen: Shaarkaada ayaa lagu soo dhaqayaa, indha ayey ka xireen.. kadib rasaas ayey ku fureen, waana ku dhiman waayey, kadibna mid Alshabaab ka mida ayaa la dul tegay qori oo madaxa ka toogtay.. taas ayaa iigu yaab badneyd, markey i arkeen inaan falkaas ka xumaaday ayey igu yiraahdeen: Gaal murtad ah ayaad u calool xumaaneysaa,” ayuu yiri Calas Axmed Xirsi (Careys) oo saxafiyiinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb.

Calas oo sidoo kale loogu yeeri jiray Careys ayaa sheegay in gebi ahaanba uu ka tanaasulay fikirkii xagjirka ahaa ee Al-Shabaab, isagoona Saraakiisha ka dalbaday in la cafiyo. Waxa uu sheegay in haatan uu diyaar u yahay la dagaalanka Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dhibaato badan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Calas oo hadda dib uga soo laabtay fikirkii xagjirka ahaa sida uu sheegay ayaa waxa uu kasoo dagaalamay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug oo ku sugnaa intii uu ka tirsanaa Shabaab.

Si kastaba, Dagaal-yahankaan ayaa waxa uu ku dhawaad 7-maalmood ku jiraa gacanta dowladda, wuxuuna ku doodaya in Shabaab uu uga soo goostay dhiiga macno la’aanta ay u daadinayaan.

Hoos ka daawo Careys.

Ikraan Tahliil ‘oo laga cabsi qabo in loo waayo’ sidii weriye Jamaal Khaashuqji oo kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee Hey’adda NISA Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa ka hadlay xaaladda Ikraan Tahliil Faarax oo muddo laba asbuuc ah lagu la’yahay magaalada Muqdisho ayada oo hooyadeed Qaali Maxamuud Guhaad ay ku tuhmeyso hay’adda NISA.

Cabdalla oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka dhawaajiyey in uu ka cabsi qabo in Ikraan loo waayo sidii Jamal Khaashuqji, saxafigii reer Sacuudi ee October, 2018-kii lagu khaariyey safaaradda Riyadh ee Istanbul, kaasi oo weli aan la heli meydkiisa.

Taliye ku xigeenki hore ee hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegay in Ikraan ay ku maqan tahay gudaha Xabsiga weyn ee Godka Jilacow taasoo ay gacanta ku heyso Hey’adda Sirdoonka Qaranka

“Ikraan Tahliil waa in ay caddaalad heshaa, waxay ku dhex maqan tahay xarunta NISA ee Godka Jilacow. Waxaan cabsi weyn ka qabaa in sidii Jamal khashuqji aysan dib danbe uga soo bixin Godka Jilacow,” ayuu yiri Cabdalla.

Sidoo kale Cabdalla ayaa sheegay inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen in Ikraan la dilay habeenkii 26-ka June. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto in Ikraan ay ku dhex-maqan tahay xarunta NISA ama la dilay intaba.

Ikraan Tahliil Faarax, oo da’deeda tahay 24-sano jir ah ayaa ehelkeeda ka maqan muddo ka badan 16 maalmood sida ay sheegeen xubnaha ehelkeeda.

Ikraan, oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

Hooyadda Ifraax oo ku dagan dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay heleen muuqaalo CCTV ah oo muujinaya markii ugu dambeysay ee gabadheedu ka baxeyso guriga iyo gaariga lagu sii qaaday.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Hoos ka daawo muuqaalka Hooyo Qaali 

Ethiopia oo heshiis xasaasi ah la gashay Ruushka iyo ujeeddada ka dambeysa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa heshiis Iskaashi Militari ah la gashay Ruushka, ka dib wada-hadal qaatay saddex maalmood, sida ay baahisay Wakaalada Wararka Ethiopia ee FANA.

Heshiiska cusub ee Ethiopia iyo Ruushka ayaa waxa uu yahay mid la xiriira Aqoonta Ciidan, Difaaca, Awoodda farsamo iyo qalabka ay adeegsanayaan.

Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Ethiopia ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono “xiriirka soo jireenka ah ee labada dal”.

Siyaasada arrimaha dibedda Ethiopia ayaa muddooyinkii dambe u wareegtay dhinaca Shiinaha iyo Ruushka, tan iyo intii uu kordhay cadaadiska uga imaanaya xukuumadda Addis Ababa dowladda Mareykanka.

Mareykanka iyo Ethiopia ayaa waxa uu xiriirkooda sii xumaaday kadib markii ay xukuumadda Abiy ay dagaal bareer ah ku qaaday Tigray, kaasi oo ay cambaareysay xukuumadda Washington.

Taageerayaasha Abiy Ahmed ayaa bishii May soo abaabulay mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo Mareykanka, kaasi oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa, sidoo kale waxaa dibad-baxaas looga horyimid wax uu Abiy ku sheegay “fara-gelin shisheeye”, kadib markii ay walaac ka muujiyeen waddamada reer galbeedka xaalada dalkaas.

Waxaa xusid mudan in xukuumadda Biden ay xayiraad ku soo rogtay fiisooyinka iyo kaalmada dhaqaale ee dowladda Ethiopia, taasi oo sarre u sii qaaday xiisada labada dal.

Xukuumadda Abiy ayaa xiligan fursad aargudasho u aragta iskaashi xoogan oo ay la sameysato dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo xifaaltan xoogan kala dhaxeeyo Mareykanka, oo ay si weyn isku hayaan Ethiopia.

Rooble oo amar siiyey guddiga amniga doorashada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka  oo isugu jira taliyeyaasha booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya , taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa diirada lagu saaray kulankaan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo sidii ciidamada iyo taliyaasha ay dhex dhexaad uga noqon lahaayeen doorashada la filayo inay bilaha soo socdo ka dhacdo Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham, wuxuuna Rooble faray saraakiisha ciidamada inay si daacad ah u gutaan waajibaadka ka saaran doorashada.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxa uu kamid yahay saraakiisha loo xil saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka.

Doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhacdo 10 October ee sanadkaan sida ku xusan heshiiskii ay 27 May ku saxiixdeyn Magaalada Muqdisho madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Roole.

Waqtiga loo qabtay doorashada Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka dib dhacdo maadaama ay soo baxeyn khilaaf cusub oo ka dhashay kuraasta reer Waqooyiga (Somaliland) iyo kuwa Jubbaland ee yaal Magaalada Garbahaarey.

Ciidamada TIGRAYGA oo qabsaday magaalo muhiim ah kuna sii siqaya koonfurta

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay kusii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka kahor.

Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Tigray-ga.

Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray. Hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, hase yeeshee wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay “kaftan”.

Afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan.

Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.

REUTERS + VOA