26.4 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Taliska guud ee ciidanka iyo Gobolka Banaadir oo maanta ka shiray amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay amniga caasiamda dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah uga dhaxeeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.

Waxaa looga hadlay kulankaan u diyaar garowga maalmaha xoriyada ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo dhawaan ka bilaabmaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Saalax Cumar Xasan, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo kulanka maanta faah-faahin guud ka bixiyay ayaa sheegay in sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada muqdsho iyo wada-shqeynta Ha’adaha Amniga iyo Mas’uuliyiinta degmooyinka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta mas’uuliyiintu diirada ku saareen sidii loo joogteyn lahaa kulamada looga hadlayo amniga iyo sidii loo adkeeyo amniga caasimada.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay degmooyinka gobolka ay kasoo cusboonanayeen xaalado amni darro iyo weliba diyaar garow loogu jiro xuska maalmaha xoriyada ee 26-June iyo 1-da Luulyo oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

DF oo soo saartay go’aan lagu joojiyey in Kenya ay duqeyn dambe ka fuliso Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay duqeymaha cirka ah ee ciidamada Kenya ka fuliyaan qeybo kamid ah dalka, oo maanta la mamnuucay.

Wasiir Dubbe ayaa markale ku celiyay in dowladda ay cambaareyneyso duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya.

Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay marnaba u dulqaadan doonin khasaaraha bulshada rayidka ah kasoo gaaraya duqeymaha Kenya, isagoona shaaciyey in dowladda ay mamnuucday in duqeymahaas dowladda Kenay ay fuliso amar la’aan.

“Dowladda Kenya maanta laga bilaabo ciidamada cirka ee Kenya duqeyn kasta oo ay geysanayaan waa inay kusoo wargeliyaan Taliska guud ee AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan kusoo wargelin ma fulin karaan wax duqeymo ah, kumana soo xad-gudbi karaan xuduuda,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucayso duulimaadyada Kenya ayaa kusoo aadaya, toddobaad kadib markii ay dowladda si adag u cambaareysay duqeymaha Kenya ee Soomaaliya, kuwaasi oo toddobaadkii lasoo dhaafay khasaaro u geystay dad rayid ah.

Kenya ayaa 3-dii Juun 2021 weerar cirka oo aan loo aabbo yeelin ka fulisay deegaanada Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, islamarkaana sababay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kuwaasi oo banaanka u soo saaray astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.

KENYA oo dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya, kadib xayiraad ay muddo saartay, taas oo uga sii dartay xiriirka ximaaday ee u dhexeeya wadamada dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeyey dib loo fasaxay duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya, kuwa ka imaanayey dhinaca dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay tallaabadan ay horseedeyso in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal oo leh iskaashi ganacsi iyo mid daris wadaag ah intaba.

Warqaddan ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya dadka safraya laga doonayo inay wataan shahaadada cadeyneysa in aysan qabin cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Xayiraadda ay Kenya horey usoo rogtay oo loo sababeeyey khilaafka labada dal ayaa saameyn ku yeeshay duulimaadyada labada dhinac ee Muqdisho iyo Nairobi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka oo ku aadan go’aanka ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Soomaaliya.

Si kastaba labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe xiriirkoodu aad u hooseeyey, iyaga oo kala rartay safaaradaha, waxaana arrintu ay ka sii dartay markii uu soo shaac-baxay kiiska badda ee haatan horyaalla maxkamadda ICJ.

DF oo war kasoo saartay ciidamada la geeyey Eritrea iyo warbixintii QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in laga qeyb-geliyey dagaalkii Itoobiya.

Dubbe ayaa meesha ka saaray in ciidamadaasi Soomaaliyeed ay ka qeyb-galeen dagaalkii Tigray, wuxuuna xaqiijiyey inay caafimaad qabaan askartaasi oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, isla-markaana ay dhowaan dib ugu soo laabanayaan dalkooda hooyo.

“Ciidamada waa caafimaad qabaan waa innoo soo socdaan, waana innoo iimanayaan marka ay yimaadaan waxaan u maleynayaa in haddana la yiraahdo maxay u yimaadeen?” ayuu yiri.

Sidoo kale Dubbe ayaa tilmaamay in tababarkooda uu marayo gabagabo, wuxuuna ka digay in la siyaasadeeyo tababarka ciidamada oo uu tilmaamay inuu yahay sir qaran.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dano gaar ah laga leeyahay arrintan, isla-markaana la doonayo in shacabka laga jeediyo xasuuqa gobolka Gedo.

“Tababarka ciidamadu waa sir qaran, siyaasiyiinta dunidana kama hadlaan tababarada ciidanka, ciidamo dalkooda u maqan oo tababarkooda u dhammaaday oo gabogabo yahay ayaa mar walbo laga hadlaa, si shacabka Soomaaliyeed looga jeediyo xasuuqa cadowga uu ka wado Gedo,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Somalya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay warbixinta la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan tahy ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigray-ga, ayada oo lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas.

Waxa uu sheegay in warbixinta QM ee sheegaysa in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, kuwaasi oo la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga, ay tahay waxba kama jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Warbixin Qaramada Midoobay waxay arrintaas ka qaateen Facebook-yada siyaasiyiinteena, wax cadeyn ahna ma keenin oo maqlid aheyn, wuxuuna ku daray in dowladda federaalka ay beenisay eedeyntaas,” ayuu yiri.

Dubbe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ku eedeyay inay kaambeyn siyaasadeed ka dhigteen arrinta dhalinyarada tobabarka loogu qaaday dalka Eretria, xili ay isasoo tareyso dhawaaqa iyo dadaalada lagu baadi-goobayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii ugu dambeeyey siyaasiyiinta mucaaradka ay dowladda federaalka ku dhaliileen jawaab la’aanta ku aadan ciidamada la geeyey dalka Eritrea oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in laga qeybgaliyey dagaalkii ka dhacay Tigray.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee ay maqan yihiin caruurtooda ayaa sidoo kale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo dalbaday in caruurtooda dib loo soo celiyo.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo si lama filaan ah loogu qasbay wadahadal ay la furaan Iran

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, oo garowsaday in dib loo soo nooleyn doono heshiiski Nukliyeerka Iran ee ay horey uga soo horjeesteen, ayaa wada-hadallo kula jira Tehran, si loo xakameeyo xiisadda, ayaga oo sidoo kalena u ololeynaya in wada-hadallada mustaqbalka ay qeyb ka noqdaan walaacyadooda amni.

Quwadaha adduunka ayaa Iran iyo Mareykanka wada-hadallo kula leh magaalada Vienna si dib loogu soo nooleeyo heshiikii 2015 ee Tehran ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, ayada oo dhaasaneysa in laga qaado cunaqabateynada caalamiga ah.

Maamulka cusub ee Mareykanka ee madaxweyne Biden ayaa doonaya in dib loo soo celiyo heshiiska, kaasi oo Washington ay ka baxday markii uu madaxweyne noqday Donald Trump.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeyey inay qeyb ka nqodaan wada-hadallada Vienna, hase yeeshee waa lagu gacan seeray.

Intii ay sugi laheyd natiijada wada-hadalladaas, Riyadh ayaa aqbashay hindise bishii April ka yimid Iraq oo ah inay dhex-dhexaadiso saraakiisha Sacuudiga iyo Iran, sida ay laba il-wareed oo xog-ogaal ah u sheegeen Reuters.

Sacuudiga ayaa walaac uu soo food saaray kadib markii goobaheeda shidaalka lagu qaaday weerar khasaare xooggan gaystay oo ay ku eedeysay Iran. Iran waa ay beenisay eedeymahaas.

Imaaraadka, ayaa dhankoodana xiriir joogto ah la lahaa Iran dhowaanahan, ayaga oo isku dayaya inay qaboojiyaan xiisadda, tan iyo markii xeebaheeda lagu weeraray markab shidaal, sanaddii 2019, sida ay sheegeen il-wareedyo ku sugan gobolka.

Muhiimadda dalalka Khaliijka ayaa hadda ah inay diiradda saaraan dib usoo kabashada dhaqaalahooda kadib markii uu la degay cudurka COVID-19. Hase yeeshee hubintada dhanka amniga ayaa qeyb ka ah dib usoo kabashadaas.

Reuters + VOA

Dibadbaxyo lagu dalbanayo caruurtii la geeyey Eritrea oo ka dhacay Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Dibad-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa dhigay waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashaasi iyo dadweyne kale, wuxuuna ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritrea loo qaaday aaway? inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta, iyaga oo ilmeynayey ayaa ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ka hadlo arrintan, si ay helaan xogta rasmiga ah ee ku aadan xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada la geeyey Eritrea.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, si ay u kala dareeriyaan dibad-baxayaasha oo maanta si nabadoon isugu yimid isgoyska KM4.

Walaaca waalidiintan ayaa sii kordhay, kadib markii Qaramada Midoobay ay shaacisay in askar Soomaaliyeed ay ka qeyb-qaateen dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa sidoo kale iyaguna si adag uga hadlay arrintan, iyaga oo shaaca ka qaaday in la iibsaday caruurtaasi, isla-markaana ay mas’uuliyadda qaadi doono madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ee dowladda.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan xaaladda dhalinyaradaasi.

Si kastaba askarta loo qaaday Eritera ayaa maqan muddo labo sano ah, waxaana marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca laga muujinayo xaaladda dhalinyaradaasi.

JUXA oo khiyaano qaran ku eedeeyey Farmaajo iyo Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay qaddiyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, balse la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyoga dalka Itoobiya.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay ka weyn tahay khiyaano, isla-markaana ay khatar ku tahay jirtaanka Ummadnimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo,” ayuu yiri wasiir hore Juxa.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaliilay arrintan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, isaga oo xusay inay tani ka reebi karto inay markale u tartaamaan xafiis guud oo dowladeed.

“Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah,” ayuu markale yiri Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay sidoo kale  cirka isku sii shareereysay walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda loo qaaday dalka Eritrea , kadib markii ay soo baxday warbixin ay shaacisay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in askar Soomaaliyeed laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Halkan hoose ka aqriso:

Tani Khiyaano ka weyn:

Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia. Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda.

Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.

Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.

#Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo.

Wararkii ugu dambeeyey dilal xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dilka koowaad oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin ayaa ka dhacay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, waxaana toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa oo la sheegay inuu askari, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday ninkii dambeeyey dilkaasi, waxaana goobta goor dambe tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta dilkan ka dambeysay, balse marxuumka ayaa ka mid ah dhalinyarada aadka looga yaqaanay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa xalay wiil kale oo dhalinyaro ahaa kooxo hubeysan oo burcad ah ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dayniile, iyagoona kadib goobta isaga baxsaday.

Burcadda ayaa la sheegay inay marxuumka ka dhaceen taleefoon gacanta ah oo uu watay, balse ka hor murmeen, taas oo keentay inay rasaas ku furaan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan la geeyey xarunta laanta dambi baarista ee CID.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayey falalka dhaca oo ay si weyn uga cabanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

KENYA oo billowday ‘inay hubeyso’ qaar ka mid ah beelaha Jubaland + Sababta

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay hubeynayso beelaha Jubaland qaarkood, si ay dhexdooda isugu dhibaateeyaan.

“Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago dal iyo dibadba Kenya inay dhibaateyntii halkeedii ka sii waddo 6-dii iyo 7-dii bisha xalay illaa habeen hore inay cimiladii hore cimilo ka fool xun ay howshaa gashay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta.

Afhayeenka ayaa yiri “Degmada Afmadow iyo deegaano hoos-tagga sida Diif, Dhoobley, Cali Buleey iyo meelo kale in hub loogu qaybiyay maleeshiyo beeleed iyo in la weerarayo dadkii reer miyiga ahaa deegaanadoodii iyo xoolahoodii, kuwana la leeyahay reer hebel baan rabnaa inaan barakicno oo xoolaha ka dhacno ee fogaada, oo dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, isla dhashay, isna dhex degenaa qaarna ay Gobolka NFD, Ismaamulka Garissa illaa Libooya u guurayaan oo gudaha u qaxayaan, kuwana la boobayo xoolahoodii iyo nafsadoodii oo la weerarayo.”

Waxaa uu sheegay in goobaha dadka lagu weerarayo ay ka mid yihiin deegaanada Cali Buleey, Dhayac-garoon, Rasho, Cali Yaquub, Toosileey iyo Harro Cali, oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

“Meelaha dadka lagu weeraray waxaa ka mid ah Cali Buleey oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, una dhow deegaanka Dhoobley, Dhayac-garoon oo hoos-tagta deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ah Rasho iyo Cali Yaquub, baldoosyada la yiraahdo ee geelashu cabi jireen, waxaa kaloo ka mid ah Toosileey iyo Harro Cali,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri “Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo dembiileyaal kale oo ay ka mid yihiin kuwii argagixisada, si ay ayaga u sii jariiqaan in ayaga qabiil qabiil leeskugu diro, la kala qaxiyo oo hub iyo qalab la’isugu dhiibo ayay mareysaa.”

Aadan Rufle ayaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Jubaland ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda uu sheegay inay ku soo korortay Jubooyinka iyo Gedo.

“Isimada Dhaqanka waxaan leeyahay wixii la idiin doortay waa maslaxad iyo nabad, dagaalkuna meel xun oo fool xun buu gelayaa, haddii geela la kala dhaco, oo dadka reer miyiga la barakiciyo, dowladana ay daba taagan yihiin oo niman dembiileyaal ah ay doonayaan magac qabiil inay ku jariiq dheeraadaan ama dadka ku barakiciyaan. Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee saddexda gobol kaca oo duubkiina iyo cimaamadiina qaata, dadka walaalaha ee cadowgu isu adeegsanayo inaad kala badbaadisaan baan idinka codsanaya,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Video: Jawaari oo raali-gelin u diray Ismaciil Cumar Geelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore baaralamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey munaasabad lagu sagootinayey safiirkii dalka Jabuuti u joogay Soomaaliya ayaa raali gelin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa reer Jabuuti.

Aadan Xasan Aadan oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa safaaradda ay dowladda Jubuuti ku leedahay Soomaaliya ayaa shalay laga sagootiyey Muqdisho, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkiisii safiirnimo.

Prof. Jawaari oo qeyb ka ahaa madax kasoo qeyb gashay munaasabadii lagu sagootinayey safiirka ayaa dhowr tilmaamood ka bixiyey xiriirka iyo mudnaanta ay Jabuuti siisay Soomaaliya waayihii adkaa.

“Anigoo ku hadlaaya magaca odayaasha Soomaliyeed ee madaxa cad, Madaxweynaha dalka Jabuuti waxaan leenahay aad iyo aad baan galad kuugu heynaa, wax Alla waxii gardarro ah ee aad naga sheeganeyso ka raali ahoow,” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sanadihii uu hoggaanka Soomaaliya hayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa xumaa xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, waxuuna Farmaajo Jabuuti ka soo dhaweystay Ertirea oo waligeed aheyd cadawga reer Jabuuti, arrintaas waxaa aad uga carooday madaxda iyo shacabka reer Jabuuti.

Guddoomiye ayaa sheegay in dalalka caalamka iskadaa walaalnimee ay isugu hiiliyaan derisnimo, “Jabuuti wax kasta waa noo tahay, waa dhiigeenii, waa deriskeenii, waa dhaqankeenii, waa luuqadeenii, isku mid ayaan nahay, waana dowladda kaliya ee wax kasta noo gashay,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Jabuuti ayuu ku amaanay intii uu joogay Soomaaliya inuu muujiyey shaqo wanaag iyo walaalnimo, isagoo aad ugu mahad celiyey.

“Mar kasta Madaxweyne Ismaaciil waxuu noo soo xulaa, dadka xulka ah ee reer Jabuuti oo safiir uu nooga soo dhigaa, waxaana hadda ka rajeyneynaa in mid adiga oo kale ah inuu noo soo diro, anigu waxaan qorsheynayey in Sabtiga soo socda aan Jabuuti tago oo Madaxweynaha dhaho war inta doorashada aan ku jirno safiir Aadan noo daa hanoo sii joogee, laakiin waxaa la yiri waa sharci hadii waqtigu ka dhamaaday inuu baxo,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale Jawaari ayaa Danjire Aadan Xasan ka codsaday inuu noqdo safiir u maqan Soomaaliya oo akhbaar wanaagsan uga gudbiya dalkiisii Jabuuti ama dalkii kale ee loo diro.

Hoos ka Daawo

Xafiiska R/W Rooble oo faah-faahiyey howsha guddiga cusub ee uu magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo hore u ballan-qaaday hogaaminta geedi socod doorasho oo deg-deg ah ayaa dhawaan magaacabay guddi cusub oo doorasho.

Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu guddigaas oo lagu magacaabo “Guddiga hagida iyo isu-duwidda qorshaha RW ee doorashada” u magacaabay si loo dar-dar geliyo doorasho xiligeeda ku dhacda.

Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiiskii 27-kii May.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sidoo kale qeyb weyn ka qaadan doona xiriirinta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Rooble ayaa dadaal xoogan ugu jira hirgelinta doorasho wada-ogol ah, tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay dabayaaqadii bishii hore heshiis doorasho, kaasi oo dalka u jiheeyey dhanka iyo doorasho, kadib jawhareer siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhacay dalka.

Isbaheysiga mucaaradka Somaliland oo wajahaya cadaadis hor leh iyo Muuse Biixi oo tallaabo qaaday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Isbaheysiga xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis hor leh, kadib markii ay xukuumadda soo faro-gelisay heshiiskii dhawaan ay ku sameysteen isbaaheysiga, kaasi oo dhigayay in labada xisbi ay kala qeybsadaan kuraasta hogaanka cusub ee golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Sida ay dhawaan baahisay Caasimada Online, hogaanka labada xisbi ayaa ku heshiiyey in Xisbiga Ucid uu qaato maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka uu xisbiga Waddani isagna uu qaadanayo guddoonka golaha wakiilada, ayada oo ay socdaan shirar looga hadlayo arrintaas.

Saacado kadib waxaa bilaabmay guux ka dhashay qaabka ay xisbiyada mucaaridka u kala qeybsadeen maayirka Hargeysa iyo guddoonka golaha Wakiilada, ayada oo arrintaas uu si rasmi ah usoo faro-geliyay madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kulan la qaatay musharaxii ugu codka badnaa ee golaha deegaanka Hargeysa, kaasi oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kadib markii uu isla shalay u direy baaq la xiriira in la tix-geliyo codadka 26-ka kun ka badan ee ay siiyeen dadweynaha caasimada.

Muuse Biixi ayaa xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge u ballan-qaaday inuu kala shaqeyn dooni sidii uu u hirgeli lahaa hankiisa siyaasadeed oo ay dadweynaha caasimada ugu hiiliyeen, taasi oo dhabar jabin ku noqoneysa qorshaha isbaheysiga mucaaridka.

“Imaatinkeenna maanta waxannu idiin ballan-qaadaynaa xaqa aad leedihiin iyo doorashada aad ka cabateen, wax Alle iyo wixii xad-gudub iyo xaqdarro ah inaanu idin kala hawl-galno in waddadii saxda ahayd lagu soo celiyo, loona maro waddo sharci ah, baaqiinniina jawaabtiisu waxa weeye waannu idin garab taagannahay, wixii xuquuq ah oo doorashadaas, cod-bixintaas iyo miisaankaas aad sidataan ku leedihiin inaannu idin kala hawlgalno,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Cabdikariin Axmed Mooge oo u sharraxan maayarnimada caasimadda Hargeysa, ayaa dhankiisa madaxweynaha si weyn uga mahad-celiyey sida milgaha iyo deg-degsiimaha leh ee uu uga soo jawaabay baaqii uu saacado ka hor u diray, waxana uu tilmaamay inay wanaagaas iyo xilkasnimadaa uu muujiyey ay marag ka tahay sida uu u dhegaysanayo baaqa shacabkiisa.

Kulanka Muuse Biixi iyo Cabdikariin Mooge ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah xildhibaanada wakiillada ee dhawaan la doortay, qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan caasimadda loo doortay iyo haldoor kale.

Madaxweyne CAGJAR iyo ONLF oo weerar isku qaaday

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar ayaa weerar afka ah ku qaaday ururada mucaaradka deegaankaasi, ayada oo uu bilowday loolanka u dhaxeeya xukuumadda iyo ururada siyaasaddu.

Madaxweyne Cagjar ayaa ku eedeeyay ururadaas oo qeyb ka tahay ONLF inay hayso fahan daro dhanka siyaasada, xilli doorashada dalka ay ka harsan tahay wax yar labo todobaad.

Hadalka madaxweynaha DDS oo ka careysiiyay mucaaridka ayaa waxaa si kulul uga jawaabay ururka ONLF, kaasi oo madaxweyne Cagjar ku sifeeyay inuu hogaanka u hayo maamul fashilmay.

Afhayeenka ururka ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in Cagjar uu ku fashilmay hirgelinta nidaam dowli ah oo shacabka dib ugu celiya canshuurta laga qaado.

Hadalladaan ayaa kusoo aadaya xili ay xukuumadda iyo ururada siyaasaddu isku hayaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida dadka cod-bixiyeyaasha ah ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay.

Waxaa deegaanka Soomaalida oo kamid ah 10-ka dowlad deegaan ee xubinta ka ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ka socdaa diyaar-garow xoogan oo loogu jiro sidii ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ay walaac ka muujiyeen geeddi socodkii diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayaga oo ka cabanaya guddiga doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen diiwaan-gelinta dhowr iyo toban deegaan doorasho oo ay cabasha ka soo gudbiyeen xisbiyada deegaankaasi oo mucaarad iyo muxaafidba isugu jira.

DF oo billowday bixinta tallaalka 2-aad ee COVID-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalka oo dhan uu ka bilowday qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortaga cudurka Coronavirus/Covid-19.

Dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtiisi hore ayaa qeyb ka ah cida loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo “Sinoofam”, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

SINOOFAM ayaa kamid ah tallaalada ay u aqoonsan tahay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO inay yihiin kuwo loo isticmaali karo ka hortaga cudurka Coroanvirus/Covid-19.

“Sida ay Dadweynaha Soomaaliyeed wada ogsoon-yihiin Tallaalka ka hortagga cudurka COVID-19 waa laba jeer, sidaa awgeed Wasaaradda Cafimaadka waxey dadki horey u qaatay Tallaalkii 1-aad ee cudurka Covid-19 ku wargelinaysaa in dhamaan dalka oo dhan laga bilaabay bixita Tallaalkii 2-aad (Dooska Labaad),” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa dadwaynaha lagu boorinayaa inay tagaan xaruumaha caafimaad ee loo asteeyay inay ka qaataan tallaalka 2-aad (Dooska Labaad).”

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad ee qaadashada tallaalkaan la siinayo Shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada, Shaqaalaha Dowladda Hoose,llaallada Kontroolada laga soo galo ee dalka, dadka da’dooda ka sareyso 50 sano lyo dadka qaba cudurada raaga sida Macaanka, Dhiig Karka, Wadno Xanuunka, kalyahaXunuunka, kuwaasi oo ahaa dadkii markii u horeysay lagu bilaabay Dooska Koowaad ee tallaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore dalka u keentay tallaalka Covid-19 oo qeybtiisi 1-aad ah, kaasi oo wasaaradda caafimaadka ay siisay kumanaan ruux oo ku nool magaalada Muqdisho, islamarkaana gaarsiisay gobolada dalka.

Al-Shabab oo boqolaal qoys ka barakicyey guryahooda

0

Xudur (Caasimada Online) – Maamulka degmada Xudur, Maxamed Macalin oo ay wehliyaan hay’adaha samafalka ee ka howl-gala gudaha magaalada ayaa soo kormeeray boqolaal qoys oo dhawaan kasoo barakacay tuulooyin hoos-yimada degmada Xudur.

Barakacayaasha oo isugu jira Waayeel iyo qoysas haween u badan oo caruurtooda ay la socdaan ayaa waxa uu maamulku sheegay inay kooxda Al-Shabaab kasoo barakaciyeen, kuwaasi oo xiligan wajahaya xaalad adag oo bini-aadantimo.

Maamulka degmada iyo hay’addaha ayaa kormeerkaas kadib warbaahinta u sheegay inay qoysaskaas wajahayaan biyo la’aan iyo raashiin la’aan, waxayna barakacayaashu isugu jiraan beeralay, xoolo dhaqato iyo dad xirfad muruqmaal ah ku shaqeysanayay.

Dhulka ay xiligan degan yihiin barakacayaash ayaa waxa bixiyay maamulka degmada, ayada uu maamulku dalbaday in kaalmo deg-deg ah lala soo gaaro.

“Majirto wax intaa ka badan oo loo qabtay (deegaan la siiyay) hase yeshee u jeedada kormeerka ayaa ah in xaaladooda dhabta ah la ogaado gar-gaar deg deg ahna lala soo gaaro,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macalin.

Waxaa xiligan magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ku sugan kumanaan kun oo barakacayaal ah, ayada oo maciishada nololeed ee deegaankaas ay cirka isku shareertay, waxaana laga deyrinaya xaalada bini-aadantinimo ee xeryaha ku yaala degmadaas.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyey in la iibsaday askartii loo qaaday Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta dhalinyaradii ay dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Ertirea ee la waayey, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dhalinyaradaas la iibsaday.

Xasan Sheekh ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ka dalbaday in nolol iyo geeri uu meel ku soo sheego dhalinyaradaas maalin kasta waalidiintii dhashay ay wal-walka iyo cabashada banaanka la taagan yihiin.

“Dhalinyaradaas waxaan ku tilmaami karaa kuwo la iibsaday, dowladii dhalinyaradaas qaaday waxaa laga la’yahay inay dadka soo hor istaagto oo tiraa war dhalinyaradii wacaalkoodu waa sidaan. War sidaasi mas’uuliyad maaha, hal nin oo dowladaan ka tirsan kuma dhaco inta warbaahinta soo istaago inuu yiraahdo dhalinyaradii aan iibsanay halkaas ayey ku dambeeyeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ragii xilalka hayey xiligii dhalinyaradaas la qaaday ee aan hadda xilalka heyn waxa uu xasuusiyey inay heystaan fursad ay dadka ugu sheegi karaan inta ay ka ogyihiin hanaankii lagu dhoofiyey dhalinyaradaas iyo xogta ay ka hayaan halka ay ku dambeeyaan.

“Hooyinka maalin kasta ooynaya ee jidadka taagan xaqey leeyihiin, in caruurtoodii loo sheego halka ay ku dambeeyeen xaqey u leeyihiin, madaxweynihii hore, xukuumadda iyo ragii berigaas joogay ee aan hada joogin waa inay u sheegaan hooyooyinka halka la geeyey caruurtoodii, war dowladeena maxaa ku dhacay? Arrintaan in laga aamuso ma mudna,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “In Qaramada Midoobey ay maalin noo sheegto in dhalinyaradeenii dal kale ay dagaal ku gashay, maalina madaxda dalal kale ay noo sheegaan in dekedaheenii loo saxiixay dal kale, nagama qabato madaxda aan mas’uuliyadda u dhiibanay, madaxdu waa kuwa dadka soo hor istaaga oo u sheegay runta, xattaa hadii ay qaraartahay, wax aad qari kartaan malaha ee sheega, inta aysan gaarin meel halkaan ka sii qaraar.”

Hoos ka Daawo

Xog: Ciidamo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna ka qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea.

Ilo-wareedyada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaatay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ay galeen xafiiska dhowr maalmood kahor, ayna qaateen qalab u badan computers iyo cajalado ay xog badan ku jirtay.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa intaas ku daray in xogta la qaatay ay ka mid tahay baaritaan la xiriira askarta ay dowladda gaysay dalka Eritrea, iyo keydkii guddiga difaaca ee sideeddii sano ee lasoo dhaafay.

Ma cadda sababta loo beegsaday xafiiska guddiga, hase yeeshee waxay sida muuqata u badan tahay mid looga hortagayo baaritaanka la xiriira askarta Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea, oo arrinteeda ay aad uga sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysay.

Ciidamadan oo dalka ka maqan muddo ka badan laba sano ayaan weli war rasmi ah laga hayn xaaladdooda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa xalay shaaciyey inuu hogaaminayo gal dacwadeed laga gudbinayo madaxweyne Farmaajo, gal dacwadeedkaas oo lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea.

“Waxaa go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo caruur muddo 2-Sano ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yiri.

Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas.

Arrimahan ayaa kusoo aaday ayada o warbixin ay heshay Caasimada Online oo la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas.

Warbixinta QM ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga.

Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya.

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Rooble oo qaaday tallaabo muujineysa inuu u dhaxeeyo Farmaajo iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7-xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka ee dhawaan la filayo inay ka dhacaan dalka.

Guddiga ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisal wasaaraha uga taageeraya arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray daba-yaaqada bishii hore, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigan ayaa waxa uu ra’iisal wasaaraha u dhisay sidii uu saameyn xoogan ugu yeelan laheyn xifaaltanka ka dhex aloosan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo mucaaridka.

Guddiga cusub ayaa waxa uu ka shaqeyn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isaga oo ka cararaya xifaaltanka ka dhaxeeya kooxda NN iyo kooxaha mucaaradka waxa uu guddiga hogaan uga dhigay Cabdiqaadir Cilmi oo 10 sano ay iskala shaqeynayeen hay’adda ILO.

Cabdiqaadir oo hoggaamin doona kooxda fududeyn doonta howlaha doorashada 2021, ayaa waxa ra’iisal wasaaraha u xushay inuu hogaamiyo qof aan sirihiisa la wadaagin kooxaha siyaasadda ku hardamaya, una kasbado kalsoonida dhinacyadda kala duwan iyo beesha Caalamka, sida ay xubno ka agdhow u sheegen Caasimada Online.

Magacaabista guddiga farsamada ee doorashada ayaa timid kaddib markii jahwareer ka dhashay qaabka uu Rooble uu maareynayo mas’uuliyadda loo igmaaday ee qabashada doorasho loo dhan-yahay.

Madaxa Guddiga Farsamada, Cabdiqaadir oo loo yaqaano Abdul waxaa ku lamaan Avv Cumar Cabdulle Dhagey oo asaguna ah khabiir arrimaha doorashooyinka, horena u ahaa Guddoomiyhii gudigii doorashada ee 2016-ka.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa hordhac u ah qorshaha kalsooni dhiska saamileyda siyaasadda iyo waliba xoojinta wada shaqeynta beesha caalamka, oo xukuumadda u ballan-qaaday inay ka taageerayso arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xiligan xooga saaraya in uu ka baaqsado in saameyn uu ku yeesho hirdanka madaxda sarre ee dowladda iyo mucaaridka, islamarkaana qorshaha doorashada uu sidiisa u socdo ayaga oo dhinacyadaas aysan faro-gelin ku yeelan.

Midowga musharaxiinta oo dalab adag soo saaray kadib go’aankii 34 xubnood looga saaray gudiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah usoo dhoweeyey shaqada hordhaca ah ee ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Guddigaas ayaa go’aamiyey in 34 xubnood laga saaro guddiyada doorashada, hase yeeshee waxay ka tageen 33 xubnood oo kale oo ka mid ahaa 67-ka xubnood ee ay cabashada ka keeneen Midowga Musharaxiinta

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay “in golaha uu si taxaddar leh usoo dhoweynayo shaqada hordhaca ah ee ay qabteen guddigaas,” balse waxay soo jeediyeen dalab cusub.

“Golaha Midowg Musharaxiinta waxey soo dhoweeynayaan dadaaladda dhaqan-gelinta heshiiskii doorashada 27-kii bishii Maajo lagu gaaray magaalada Muqdisho ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa dalbaday in guddiga xaqiiqo raadinta uu si daah-furan oo madax-banaan u soo bandhigo habraaca iyo hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Sidoo kale waxa uu Golaha Midowga Musharaxiinta qoraalka maanta ku dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hanaan daah-furan oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka.

Waxay arrintaas dalbashadeed ku sababeeyen si looga hortago in markale ay guddiyada doorashada kamid noqdaan xubono ka tirsan shaqaalah rayidka ah ee Dowladda, Ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.

YUUSUF Garaad oo farriin u diray xubnihii laga saaray guddiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan guddiga doorashada oo dhawaan qaar kamid ah dib loogu celiyay dhinacyadii soo magacaabay, halka kuwa kale lagu waayey eedeyntii ay u jeediyeen mucaaridka.

Yuusuf Garaad ayaa dhinacyada u soo jeediyay in natiijada kasoo baxday dacwadii guddiga doorashada aysan niyad jab ku noqon, islamarkaana ay u arkaan sida danta guud ku jirto.

Sidoo kale waxa uu fariin u direy xubnihii hore ee guddiga doorashada iyo kuwa cusub ee lagu soo dari doono, musharaxiinta iyo madaxda sarre ee dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

Xubnaha Guddiga doorashada laga saaray, midkii ku qanacsan in sababta looga saaray ay sax tahay iyo midka tuhunsan in lagu xadgudbay, labadaba waxaan u soo jeedinayaa in aanay niyad jab ku noqon.

U arag waxa hardamayaa in ay yihiin maroodiyaal ayagu isu muuqda oo daaqsin iyo daafaca raxantooda ku loollamaya.

Ha u macneysan in si shakhsi ah laguula diririrsan yahay.

Ka raac ujeeddada guud oo ah in sida la isku waafaqaa ay tahay sida danta guud ay ku jirto.

Ka dhigo waaya aragnimo aad wax ka barato.

Xubnaha kale ee Guddiga iyo kuwa lagu soo dari doono waxaan iyaga kula dardaarmayaa in ay xusuustaan waajibka saaran.

Qofka Guddiga kugu soo daray, midka ku faraxsan ee kugu daafacaya, kan raba in uu sallaan kaa dhigto, kuwa ku dhibsanaya amaba ku colaadinaya, kan laga yaabo in uu wax kala beddeleasho kuula diyaar yahay, intaba xusuusnow in aan midkoodna kaa dhaqi karin haddii aad caddaalad darro sameyso.

Ogow in Soomaali badani ay si dhow indhaha ugu hayso kursi iyo murashax kasta. Ogow in la qiimeyn doono sida aad u dhaqanto. Taa ka sokow, Xusuusnow in aan dadka tartamaya iyo kuwa daba taagan aan midkoodna qabriga kula geli doonin.

Muddada dhexe iyo xilliga fogba, caddaalad falka ayaa ka macaan, ka faa’iido iyo sharaf badan, ajar leh kana hurdo wanaagsan eexda iyo wax isdaba marinta.

Iska xakamee nin jecleysi oo Murashax aad caashaqday iyo dhuuni raacnimo midna yaaneey ku qaadin.

Caro iyo aargoosina ka fogow.

Godob ha gelin. Hana la noolaan dakano.

Hadda ayaad go’aan leedahay ee ka fiirso inta aadan falin.

Gacantaada ha isku cadaab geyn.