27.1 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

YUUSUF Garaad oo farriin u diray xubnihii laga saaray guddiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan guddiga doorashada oo dhawaan qaar kamid ah dib loogu celiyay dhinacyadii soo magacaabay, halka kuwa kale lagu waayey eedeyntii ay u jeediyeen mucaaridka.

Yuusuf Garaad ayaa dhinacyada u soo jeediyay in natiijada kasoo baxday dacwadii guddiga doorashada aysan niyad jab ku noqon, islamarkaana ay u arkaan sida danta guud ku jirto.

Sidoo kale waxa uu fariin u direy xubnihii hore ee guddiga doorashada iyo kuwa cusub ee lagu soo dari doono, musharaxiinta iyo madaxda sarre ee dowladda.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad

Xubnaha Guddiga doorashada laga saaray, midkii ku qanacsan in sababta looga saaray ay sax tahay iyo midka tuhunsan in lagu xadgudbay, labadaba waxaan u soo jeedinayaa in aanay niyad jab ku noqon.

U arag waxa hardamayaa in ay yihiin maroodiyaal ayagu isu muuqda oo daaqsin iyo daafaca raxantooda ku loollamaya.

Ha u macneysan in si shakhsi ah laguula diririrsan yahay.

Ka raac ujeeddada guud oo ah in sida la isku waafaqaa ay tahay sida danta guud ay ku jirto.

Ka dhigo waaya aragnimo aad wax ka barato.

Xubnaha kale ee Guddiga iyo kuwa lagu soo dari doono waxaan iyaga kula dardaarmayaa in ay xusuustaan waajibka saaran.

Qofka Guddiga kugu soo daray, midka ku faraxsan ee kugu daafacaya, kan raba in uu sallaan kaa dhigto, kuwa ku dhibsanaya amaba ku colaadinaya, kan laga yaabo in uu wax kala beddeleasho kuula diyaar yahay, intaba xusuusnow in aan midkoodna kaa dhaqi karin haddii aad caddaalad darro sameyso.

Ogow in Soomaali badani ay si dhow indhaha ugu hayso kursi iyo murashax kasta. Ogow in la qiimeyn doono sida aad u dhaqanto. Taa ka sokow, Xusuusnow in aan dadka tartamaya iyo kuwa daba taagan aan midkoodna qabriga kula geli doonin.

Muddada dhexe iyo xilliga fogba, caddaalad falka ayaa ka macaan, ka faa’iido iyo sharaf badan, ajar leh kana hurdo wanaagsan eexda iyo wax isdaba marinta.

Iska xakamee nin jecleysi oo Murashax aad caashaqday iyo dhuuni raacnimo midna yaaneey ku qaadin.

Caro iyo aargoosina ka fogow.

Godob ha gelin. Hana la noolaan dakano.

Hadda ayaad go’aan leedahay ee ka fiirso inta aadan falin.

Gacantaada ha isku cadaab geyn.

Muxuu MACRON ka yiri dharbaaxadii lagu dhuftay?

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaasi oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya.

Qofka dharbaaxay Macron ayaa la maqlayey isaga oo ku qeylinaya “ha dhaco Macron.”

Wareysi uu siiyey wargeyska Dauphine Libere ayuu Macron ku adkeystay inuusan dareemin wax cabsi ah, uuna sii watay inuu dadka salaamo.

“Aad ayaan u fiicanahay. Waa inaan dhacdadan, oo aan u maleynayo inay tahay mid kali ah, aan sisaas u eegnaa,” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Waxa uu intaas ku daray in “shaqsiyaadka aadka u rabshadaha badan” aan loo ogolaan “inay qaabeeyaan doodda dadweynaha, taasi oo aysan xaq u laheyn.”

Dharbaaxada lagu dhuftay Macron ayaa carro ka abuurtay saaxadda siyaasadda Faransiiska.

“Siyaasadda ma ahan in ay marnaba rabshad noqoto. Gardarrada afka ah, iskaba daa midda gacanta ah lama aqbali karo,” waxaa sidaas baarlamanka u sheegay ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex.

“Beegsiga madaxweynaha waa dimqoraadiyadda oo la beegsaday,” ayuu ku daray.

Macron ayaa isaga oo ay wehlisay xaaskiiska Brigette waxa uu sii watay inuu shacabka la kulmo.

“Waxaan mar walba raadiyaa inaan xiriir la sameeyo shacabka, aniga oo ku dhowaanaya. Sida aan sheegay waan doonayaa sidaas,” ayuu yiri.

Waxa uu dhacdadaas ku qeexay “mid nacasnimo ah”, wuxuuna yiri “marka nacasnimada lagu daro rabshado, waa wax aan la aqbali karin.”

AFP + VOA

Sanbaloolshe oo shaaciyey xeelad uu Farmaajo ku kala qeybiyey MUCAARADKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hey’adda Nabad-sugida NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiia dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka shaqeeyey inay dhexdooda isku soo jeestaan xubnihii mucaaradka ahaa ee sida wadajirka ah uga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo.

Sanbaloolshe oo la hadlay Telefashinka Universal ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay noqdeyn jabhado aakhiritaankii dhexdooda isku soo jeestay, isagoo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu aamusnaan ku kala qeybinayo mucaaradka.

“Yaxaaska marka uu webigu biyo beelo dhulkuu galaa wuu is-duugaa markuu roob yimaadana waa soo baxyaa. Hadda Farmaajo waa is-maskiininayaa waa is-duugayaa wuxuu isku dayayaa in uu iska dhigo nin maxmiyad iyo maskiin ah ragga ay iska soo horjeedaana ay is-tusiyaan waxa isku soo haray in ay ayaga tahay oo ay ayaga isku soo jeestaan,” ayuu yiri.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan heysan fursad labaad oo uu mar kale ku noqdo madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas ku daray in haddii uu Farmaajo mar kale kusoo noqdo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay taas ka dhignaan doonto sii socoshada colaad sokeeye.

“Farmaajo wax fursad ah uu leeyahay in dib loo doorto ma jirto. Haddii la doortana macnaheedu waa [sii socoshada dagaal sokeeye, kala qeybsanaanta]; yacnii ballaayo sii socota ayaa qoorta lala geli doonaa mooyee xal maka imaanayo,” ayuu mar kale yiri.

Hadalka Taliyihii hore ayaa imaanayo xilli uu soo if baxay khilaaf u dhaxeeyo xubnaha midowga musharixiinta kadib markii xafiiska Ra’isulwasaaraha uu go’aan ka gaaray liiska xubnaha laga saarayo guddiyada doorashada ee tabashada ka jirtay taasoo keentay in xubnaha qaar ee musharixiinta ay soo dhaweeyaan halka qaarna ay cambaareeyeen.

DAGAAL saacado badan qaatay kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Deynuunay

Daynuunay (Caasimada Online) – Dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunay oo Magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 26km.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan oo seddex jiho ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, wuxuuna dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan soo gaaray illaa barqaddii Maanta.

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey dagaalka ayaa waxaa laga maqlayey meel aad uga fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, wuxuuna geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaal qeyb ka ahaa ay sheegeyn inay iska difaaceyn weerarkii qorsheysnaa ee kaga yimid dhinac Al-Shabaab.

Saraakiishaas ayaa sheegay inay jab xoog leh gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale, Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee deegaanka Daynuunay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60-aad ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalka, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka kadib markii isgaarsiinta hawada laga saaray.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka istaagtay, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta cidda gacanta ku heyso saldhigii lasoo weeraray.

Dhinaca kale weerar culus ayaa lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Turkiga oo aqoonsaday 41 Jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya + Magacyada

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday  liiska illaa 41 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwaas oo helay aqoonsiga dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga ee loo yaqaano YOK.

Liiska jaamacadaha lasoo dhigay oo ku kala yaalla magaalooyinka waa weyn dalka ayaa maray hannaankii saxda ahaa is-diiwangelinta, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda.

Sidoo kale liiskan ayaa waxaa loo soo gudbiyey safaaradda Turkiga ee ku taalla Muqdisho oo iyadu marin u ah safarka Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashad au  aada dalkaasi.

Halkan hoose la aqriso liiska 41 Jaamacadood ee aqoonsiga helay:-

Dhinaca kale guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Turkiga ayaa farriin u diray Jaamacadaha kale ee aan is diiwaan-gelin, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobollada dalka,iyada oo loo qabtay illaa muddo ku siman 05/06/2021.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka  Tacliinta Sare. Hadaba Waxaan ka codsaneynaa  inay  la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu  dambayn 05/06/2021. Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoralka.

Turkiga ayaa waxaa inta badan waxbarashada u aado ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo wax ka barta jaamacadaha waa weyn ee ku yaalla gudaha dalkaasi, waxaana tan wixii ka dambeeyey 2011-kii sii xoogeystay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya & Turkiga.

JUBALAND oo war ka soo saartay askarta Soomaalida ‘ee la geeyey’ gobolka Tigray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta dowlad goboleedka ee Jubbaland Mudane Mursal Khaliif oo ka qeyb-galay dood gaar ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada Soomaaliyeed ee la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, isaga oo caddeeyey mowqifka Jubbaland ee ku aadan arintaasi.

Mursal ayaa marka wax laga xumaado ku tilaamay in askar Soomaaliyeed oo loo qaaday in loo soo tababarayo qarankooda la-geliyo dagaal ka socda dal kale oo shisheeye.

Sidoo kale wuxuu dtilmaamay in kiiskan uu yahay mid caalami ah, isla-markaana loo baahan yahay in ciddii daabushay ciidamadaasi la horgeeyo maxkamad caalami ah.

“Qof kasta oo mas’uul ka ahaa in askarta loo daabulo Tigray waa in uu cadaallada ku wajahaa maxkamad caalami ah, maadaama uu yahay kiis caalami ah,” ayuu yiri Mursal.

Mowqifka Jubbaland ee ku aadan askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa kusoo aadaya, xilli warbixin kasoo baxday guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay lagu sheegay in askar Soomaali ah la geeyey gobolka Tigray, kadib markii uu dagaal culus ka qarxay bishii Novermber ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah ama jawaab ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi.

Arrintani ayaa uga sii dareysa walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo marar badan dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho, si ay war uga helaan wiilashooda tababarka loo qaaday.

Rooble oo magacaabay guddi kale oo doorasho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doono arrimaha doorashooyinka ee dhowaan ka dhacaya dalka.

Guddigan ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisul wasaaraha uga taageerayo arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble.

Sidoo kale wuxuu guddigu la shaqeyn doonaa isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hay’adaha ku shaqada leh, gaar ahaan Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Todobo xubnood ee la magacaabay sidoo kale labo ka mid ah waa gabdho halka shanta kale ay yihiin rag, kuwaas oo kala ah:-

1-Abdkadir Elmi Ali.
2-Avv Omar Mohamed Abdulle.
3-Fatumo Abdi Ali.
4-Mohamoud Mohamed Roble.
5-Laila Abdikarin Mohamed.
6-Liban Rabile Good.
7-Abdulahi Hashi Hussein.

Wareegtada kasoo baxday baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu faray guddigan inuu guto waajibaadka loo igmaday, maadaama la guda galayo doorasho.

Soomaaliya ayaa haatan galeysa doorasho isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo laga gaaray heshiis, kadib kulamo siyaasadeed oo uu garwadeen ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Rooble oo tegaya Kismaayo, si uu Axmed Madoobe ugala hadlo arrin xasaasi ah – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu maalmaha soo socdo safar ku tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. 

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku beegan maalmo kadib markii uu Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe ku laabto Kismaayo, kaasoo hadda jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. 

Ujeedada safarka Rooble ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimo la xariira doorashada Soomaaliya iyo dhameystirka heshiiskii laga gaaray doorashada ka dhici doonto magaalada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo. 

Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhameystiri doonaan waxyaabaha suurta gelin kara in Garbohaarey ay ka qabsoonto doorasho nabad ah, xilli dadka halkaas dagan aysan taageersaneyn maamulka Axmed Madoobe. 

Maamulka Jubbaland waa maamulka kaliya ee uusan ilaa hadda tagin Rooble, waxaana la filayaa in safarkaan uu ka badalnaan doono kuwii hore.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Afisyoone ayaa lagu go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Madaxda shirweynihii doorashada ee Afisyoone ayaa sidoo kale go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kala tashto ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

Farmaajo oo taariikh labaad oo madow ay u qormeyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya Mowjado siyaasadeed oo waa weyn, kuwaasoo ka dhashay war qoraal oo ay baahiyeen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha, islamarkaana baarayay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray dalka Itoobiya. 

Warbixinta guddiga ayaa qodobo kamid ah waxaa lagu caddeeyay in dagaalkii ka dhacay gobolkaas ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababar loo geeyay dalka Eritrea, kuwaas oo qasab lagu geeyey gobolka. 

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eritrea dagaalka ee Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta QM.

Durba waxaa billowday Mowjado siyaasadeed oo waa weyn kadib markii ay ka hadleen qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, Senatoro, Xildhibaano iyo waalidin carruurta dhalay. 

Farmaajo iyo dowladdiisa ayaa muddo qarinayey in ciidan la geeyey Eritrea, hase yeeshee waxay markii ay soo baxday qirteen inay jiraan ciidan halkaas la geeyey balse beeniyeen in loo gudbiyey gobolka Tigray, hase yeeshee warbixinta QM waxay soo xirtay albaabkii beeninta ee dowladda federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo hore u qabay dhaawac culus oo ka soo gaaray dhiibistii Qalbi Dhagax ayaa hadda wajahaya mid taas kasii daran haddii uusan la imaanin cadeymo muujinaya in carruurtaas noolyihiin, oo uusan dib ugu soo celin waalidkooda.

Haddii aanu sidaas sameyn, Farmaajo waxaa u qormeysa taariikh labaad oo aad u xun. Wuxuu horey u noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya cadow. Wuxuuna hadda u muuqdaa inuu noqday mar kale madaxweynihii ugu horreeyey ee caruur Soomaaliyeed u gacan geliya cadow, si dagaal loogu adeegsado.

Dad badan ayaa aaminsan in dhiibistii Qalbi Dhagax iyo haddii ay dhab noqoto arrinta dhalinyarada oo ah in dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen ay meesha ka bixi doonto rajo kasta oo uu qabay Madaxweyne Farmaajo oo ku aadaneyd dib u doorashadiisa. 

Xubno uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dacwad ay ka gudbin doonaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay ka sii dareyso wararka arrintaan ku saabsan wixii ka dambeeyay warbixintii QM. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii 2017 olalihiisa ugu weyn ee codka ku helay ahaa Itoobiye naceyb balse hadda waxaa lugaha la galay falal aad u qaraar oo baal madow uu kaga qormayo taariikha Soomaaliyeed.

Xog: Maleeshiyo ka hortagta doorashada xildhibaanada BF ee HirShabelle oo la qorayo

Beledweyne (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Beladweyne laga qorayaa dhallinyaro maleeshiyaad ah oo ka soo horjeeda maamulka HirShabeelle, kuwaasoo si gaar ah u doonaya in ay caqabad ku noqdaan doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa magaaladaas. 

Siyaasiyiin ka tirsan beesha Xawaadle oo qaarkood hadda ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lacag ku bixinaya in aysan Beladweyne ka qabsoomin doorasho uu hogaaminayo maamulka HirShabeelle oo ay beeshaas si weyn u diidan tahay. 

Doorashada xildhibaanada ayaa la qorsheeyey in maamul goboleedkiiba ay ka dhacdo laba magaalo, waxaana HirShabelle la shaaciyey inay noqon doonaan Jowhar iyo Beledweyne.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Jabhada Janaraal Xuud lagu biiriyay tobaneeyo maleeshiyaad ah islamarkaana loo geeyay hub iyo saanad kale, taasoo la sheegay in loo adeegsan doono qabashada doorasho xor ah oo ay iyaga isku doortaan bulshada Xawaadle iyadoo meesha laga saarayo milinka maamulka HirShabeelle. 

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa la sheegay in uu ugu horreeyo siyaasiinta arrintaan taageersan isagoo lagu eedeeyay in uu lacag ku bixinayo. 

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa hore u taageeray Jabhadda Janaraal Xuud isagoo sidoo kale si weyn u dhaliilay siyaasadda madaxweyne Cali Guudlaawe, oo uu mar uu wareysi bixiyey ku qeexay “nin miyiga ka yimid oo dadka u kala saar saara hab qabiil.”

Beesha Xawaadle ayaa kasoo horjeesatay madaxweynenimada Guudlaawe, ayada oo ku dooday in ayada kaliya ay xaq u leedahay xilka madaxweyne ee maamullkaas, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimada.

Soomaaliya oo xil muhiim ka qabatay gole ka tirsan QM

Geneva (Caasimada Online) – Danjire Ebyan Saalax oo Soomaaliya ku matasho golaha xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ayaa loo doortay xil muhiim ah oo kamid ah xilalka Hey’adda Qaramada Midoobay.

Ebyan ayaa loo doortay inay noqoto mid kamid ah afarta madaxweyne ku xigeen ee xafiiska hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Golaha Qaraamada Midoobay ee Caasimadd Geneva ee dalka Switzerland.

Xilka loo doortay gabadhaan matasha Soomaaliya ayaa la sheegay inay sii heyn doonto waqtiga ka dhiman xil heynta Ali Ibn Abi Talib Mahmoud oo hadda ah wakiilka joogtada ah ee dowladda Suudaan.

Qoraal lagu sheegay doorashadaan ayaa lagu daabacay barta Twitter-ka ee Qaramada Midoobay,balse lagu faahfaahin sababta xilkaan looga wareejiyey Ali Ibn Abi Talib Mahmoud  oo ah ergayga dowladda Suudaan.

Ebyan ayaa xilka madaxweyne ku xigeen ee xafiiskaas kula soo biirtay seddexda dan jire ee kala ah Keva Lorraine Bain, ergayga gaarka ah ee Bahamas, Monique T.G. Van Daalen, oo metesha Netherlands iyo Yuri Borissov Sterk oo Bulgaria ku metela xafiisyadda Qaramada Midoobay ee Geneva.

Afarta madaxweyne ku xigeen ee xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa waxaa xusid mudan in seddex kamid ah ay yihiin haween, halka Yuri Borissov  uu yahay shaqsiga kaliya ee ragga ah ee kamid ah qaanadaas.

Madaxweynaha Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay xafiiska Geneva ayaa waxaa bishii January 2021 loo doortay Nazhat Shameem Khan oo sidoo kale illaa sanadki 2014-kii ah wakiilka gaarka ah ee Dowladda Fiji u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva.

Sawirro: Puntland oo maanta duulimaadyada caalamiga u fasaxday garoonka Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u daah-furtay duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii dib u dhis ballaaran iyo dayactir lagu sameeyey dhismaha garoonkaasi diyaaradeed.

Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley) oo ah wasiirka duullista hawada iyo garoomada Puntland oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha caalamiga ah ay kasoo degi karaan garoonka weyn ee magaalada Boosaaso, sidoo kalena ay ka dhoofi karaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in duulimaadkan uu noqon doona mid joogto ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan, sidii loo sii horurmarin lahaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka maamul ahaan ka go’an tahay horumarinta duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ee maamulka Puntland.

“Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Lugatoor.

Duulimaadkan cusub ee ay Puntland ku soo kordhisay garoonka  Boosaaso ayaa noqon doono mind maalin kasta oo Talaado ah,waxaana sameyneyso shirkadda Halla Airlines.

Sidoo kale wuxuu duulimaadkan isku xiri doonaa magaalada Shaariqa ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Si kastaba, Puntland ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka Carabta oo mashaariic kala duwan ka fuliyo deegaanada maamulkaasi.

 

Afduub ka billowday duleedka Muqdisho iyo dhallinyaro laga bixiyey madax furasho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi xooggan ayaa lasoo daristay dadka ku nool duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kadib markii ay ka dhaceen falal is daba joog ah oo guryahooda looga afduubtay wiilal dhallinyaro ah, labadii todobaad ee ugu dambeysay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kooxo hubeysan ayaa todobaadkii hore oo kaliya deegaanka Ceelasha Biyaha ka afduubtay 4-qof oo 3 kamid ah ay yihiin dhallinyaro da’dooda ay u dhaxeyso 13 ilaa 16, halka qofka kalena uu ahaa oday 60-sano jir ah.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dhammaan dadkaan oo qaabab kala duwan loo afduubtay ayaa lasoo daayey, kadib markii ehelladooda laga qaatay lacag madax furasho ah.

Maxamed Saadaq oo kamid ahaa dhallinyarada la afduubtay, islamarkaana la hadlay telefishinka Universal TV ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay jir dil xoog leh u geysteyn marka la afduubanayey, xilli uu u socday Masjid u dhow gurigiisa.

Maxamed ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay geeyeen meel cid ah oo aysan dad ku nooleyn, wuxuuna xusay in lasoo daayey markii eherlkiisa laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaareysa 300 Dollar.

“Aniga oo gurigeyga kasoo baxay una socdo masjidka gacantana ku heysto Moobeel ayaa waxaa iga soo hor baxay gaari ay saarnaayeen dabley hubeysan, waxaana u heystay inay moobeelka iga dhici rabaan, moobeelkii ayaan tuuray, kadib waxaa la igu bilaabay rasaas, waxaa soo dagay niman hubeysan, kadibna gaariga qeybta dambe ayaa la igu tuuray, waxayna i dhaheyn ma hadin kartid,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay Universal TV.

Maxamed oo ka hadlayey halka la geeyey ayaa yiri “Waxaa la i geeyey meel dhinaca duurka ah ka xigta Lafoole, gaariga waa la iga dajiyey, waxaana la igu hayey bistoolad.”

Leyla Cabdi oo ah hooyada dhashay Maxamed oo kamid ah dhalinyarada la afduubtay ayaa sheegtay in markii ay wiilkeeda weysaneyd saacado ay lasoo xiriireyn dableyda afduubtay.

“Markii aan saacado waayey wiilkeyga, waxaa ila soo xiriiray wiilkeyga oo oynaaya, wuxuu igu dhahay lacag haddii aan la iga bixin waa la i dilayaa, wuxuu iigu dhiibay nimankii afduubtay, waxayna igu dhaheyn 5 daqiiqo haddii aadan 300 Dollar soo dirin wiilkaaga oo meyd ah ayaad arki doontaa,” ayey tiri hooyo Leyla.

Hooyadaan ayaa sheegtay in ugu dambeyntii ay bixisay lacagtii laga rabay ee madax furashada ah, sidaas wiilkeeda lagu soo daayey.

Falalka afduubta ah ee kusoo badanayo Ceelashada Biyaha ayaa cabsi xoog leh ku abuuray dadka deegaanka, waxaana durba bilowday barakac ay sameenayaan qaar ka tirsan Shacabka halkaas dagan.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga wiilka la afduubtay iyo hooyadiisa

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la diyaarinayo kadib markii QM ay xaqiijisay in askar Soomaali ah la geeyey Tigray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa hogaaminaya gal dacwadeed laga gudbinayo Farmaajo.

Guddoomiye Abshir ayaa sheegay in gal dacwadeedka ka dhanka ah madaxweynaha waqti xileedkiisu dhamaaday lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea.

“Waxaa go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo caruur muddo 2-Sano ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yiri.

Abshir ayaa tallaabadan u qaaday si ay cadaalad u helaan waalidkii dhalay dhalinyaradaas, islamarkaana ay u helaan warbixin ku aadan xaaladooda, kadib markii ay dowladda iska dhago tirtay baaqyo kala duwan oo arrintaas la xiriiray.

Waxa kale oo uu qaadistooda ku tilmaamay mid sharci darro ah, isagoona ugu baaqday umadda iyo hey’adaha xuquuqul insaanka iney arrinkan wax ka qabtaan.

Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas.

Dacwada Abshir uu hogaaminayo ayaa kusoo aadeysa saacado un kadib warbixin ay heshay Caasimada Online oo la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigray-ga, ayada oo lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas.

Warbixinta QM ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga.

Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya.

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Dowladda Soomaaliya ay beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigray-ga, iyadoo guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen Ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Waalidiinta askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay dalka Eretria ay ku jiraan xaalad murugo ah iyadoo inta badan askartaas aan lagu heyn nolol iyo geeri, waxayna waalidiinta muddooyinkii dambe dhigayeen banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego ilmahooda.

Maxay tahay digniinta uu maanta gobolka Benaadir u direy shacabka Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta dadweynaha gobolka Benaadir u direy digniin culus, kadib kormeer uu saaka ku tagay xeebta Curubo ee degmada Shangaani.

Cumar Filish ayaa sheegay in xeebta Curubo ee Shangaani ay noqontay goob dadka ay ku shubaan qashinka, midaasi oo keeni karta caafimaad darro, kana hor-imaneyso nadaafada deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka digay in dadweynaha ay qashinka ku shubaan goobo aan munaasibad ku aheyn, taasi oo uu sheegay in uusan maamulka gobolka Benaadir u dulqaadan doonin.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shacabka uga digay inay qashin ku shubaan goobaha qaar ee magaalada, midaasi oo keeni karta caafimaad darro iyo inay hoos u dhacdo bilicdii caasimadda.

Digniinta Filish ayaa imaneysa xili ay goobaha qaar ee Magaalada Muqdisho ay dadka ku shubaan qashin fara-badan, ayada oo magaalada ka jiraan shirkado ka shaqeeya nadaafada, kuwaasi oo si gaar ah lacago uga qaada dadweynaha.

Sawirro: Wafdi Sacuudiyaan ah oo Muqdisho yimid iyo ballanqaad loo sameeyay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xil-gaasriinta, Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo booqasho ku jooga caasimada dalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka iyo sarre u qaadista iskaashiga labada dhinac, oo muddooyinkii dambe uu hareeyay mad-madow badan.

Labada dhinac ayaa diirada saaray sidii dib loogu soo celin lahaa shaqadii safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo muddooyinkii dambe xirney, islamarkaana dib loogu furi lahaa albaabada.

Wafdiga ayaa dhinacooga uga mahad-celiyay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisual wasaaraha soo dhawyenta uu u sameeyay, waxayna ballan-qaadeen inay kordhin doonaan taageerada ay siiyan dowladda Soomaaliya, oo hoos dhac weyni ku yimid.

Kulanka ayaa daba socda dadaalo ay uu ra’iisal wasaare Rooble ku rabo inuu si buuxda ugu soo celiyo xiriirka labada dal oo gaabis badan ku yimid, tan iyo markii uu bishii hore safar ku tagay dalkaas.

Daawo: Madaxweynaha Faransiiska oo meel fagaare ah wejiga looga dharbaaxay

0

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa fadeexad xooggan la kulmay maanta kadib markii qof shacab ah uu dharbaaxo ku dhuftay isaga oo booqanaya gobolka Drome ee dalka Faransiiska.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahisay warbaahinta Faransiiska ayaa muujinayay nin gashan funaanad damis ah oo xiran muraayadaha indhaha iyo maaskaro wejiga ah oo ku dhawaaqaya “Ha dhaco Macron” kahor inta uusan dhirbaaxo wejiga uga dhufan Macron.

Macron ayaa la arkayey isaga oo u socda dad badan oo ku sugna goobta oo ka dambeeyey bir ku hor-gudbaneed kadibna gacanta u fidinaya dadweynaha si uu u salaamo, waxaana markiiba dharbaaxo ku dhuftay nin ka mid ah dadkaas.

Ilaalada Macron ayaa qabtay labo nin, kadib markii madaxweynaha Faransiiska uu ninkaas wejiga ka dharbaaxay.

“Ninka isku dyayey inuu dharbaaxo madaxweynaha iyo qof kale ayaa hadda su’aalo la weydiinayaa,” waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay mas’uuliyiinta gobolka.

Koox ka socota amniga madaxweynaha ayaa si deg-deg ah u soo fara-geliyay, waxaana la rumeysan yahay in gacan ka hadalka ka dhanka ah Macron uu intaas kasii badan lahaa.

Dhacdadu waxay dhacday markii uu Macron booqday gobolka koonfur-bari si uu ula kulmo maqaayadaha iyo ardayda si uu ugala hadlo sida ay noloshu caadi ugu soo noqonayso maaddaama la khafiifiyey xayiraadahii Covid-19 ee dalkaas.

Dhacdadan oo ka dhacday xaafadda Tain-l’Hermitage ee gobolka Drome ayaa ka dhigan dayac amni, waxayna mugdi gelisay safarka Macron uu ku bixinayo dalka oo dhan.

“Madaxweynaha wuxuu qiyaastii 1:15 PM kasoo laabtay dugsi sare oo uu booqday, wuxuuna galayey babauurkiisa, hase yeeshee dib ayuu usoo laabtay markii ay shacab u yeereen. Wuxuu kadib u dhaqaaqay inuu la kulmo, kadibna dhacdadan ayaa dhacday,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka.

Madaxda ka hadashay dhacdadaan oo uu ugu horeeyay Ra’iisal wasaaraha Faransiiska, Jean Castex ayaa cambaareeyay dhacdadan kuna tilmaamay mid meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Qoys Muslim ah oo diintooda darteed loogu laayey Canada

London (Caasimada Online) – Darawal ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyey qoys ka kooban shan qof, isaga oo dilay afar ka mid ah, midka kalena si darran u dhaawacay Isniintii, taasi oo booliska Canada ay ku sheegeen weerar si ula kac loola beegsaday, sababtoo ah waxay ahaayeen Muslimiin.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in darawalka oo ahaa nin da’yar lagu xiray goob baabuurta la dhigto oo ka ag dhow goobta uu shilka ka dhacay habeenkii Axadda ee magaalada London ee gobolka Ontario.

Booliska ayaa sheegay in gaariga xamuulka ah la dhigay waddada dhinaceeda, kadibna lagu dhuftay dhibanayaasha ayaga oo goynaya isgoys.

“Kani wuxuu ahaa dil wadareed lala beegsaday Muslimiin,” waxaa sidaas yiri duqa magaalada London. “Wuxuu la xiriiray naceyb aan laga hadli karin.”

Booliska ayaa sheegay in dadka ay kala ahaayeen haweeney 74 jir ah, nin 46 jir ah, haweeney 44 jir ah iyo gabar 15 jir ah. Wiil 9 jir ah ayaa sidoo kale ku sugan xaalad halis ah. Qoyska ayaa codsaday inaan la shaacin magacyada, sida ay sheegeen saraakiisha.

“Hal ficil oo dil ah ayaa qof wuxuu ku tirtiray saddex jiil oo qoys ah. Waa argagax,” ayuu Holder ku yiri wareysi uu siiyey wakaaladda wararka AP.

Nathaniel Veltman oo 20 jir ah ayaa xabsiga ku jira isaga oo wajahaya afar dambi oo dil darajada koowaad ah. Booliska ayaa sheegay in Veltman, oo degan London, uusan garaneyn qoyska uu laayey.

“Waxaan aaminsannahay in dhibanayaasha loo beegsaday sababo la xiriira diintooda Islaamka,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Stephen Williams.

Zahid Khan oo ehel la ah qoyska ayaa sheegay in qoyska la laayeey ay ahaayeen ayeeyo, nin iyo xaaskiiska iyo gabadhooda. Qoyska ayaa la sheegay inay 14 sano kahor kasoo hijroodeen dalka Pakistan.

QM oo xaqiijisay in askar Soomaali ah laga qeyb geliyey dagaalka gobolka Tigray

Asmara (Caasimada Online) – Warbixin lay heshay Caasimada Online oo a filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea ee dagaalka Tigrayga ayaa lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay Gobolkaas.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigrayga.

Warbixinta oo ka kooban illaa 17 bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya.

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxay si gaar ah warbixinta u xustay in ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loo geeyey Eretariya lagu arkay agagaarka magaalada lagu magacaabo Aksum ee Gobolka Tigrayga, taasoo kamid ah magaalooyinkii ay sida weyn ugu dagaalameyn ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigrayga.

“Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigrayga, iyadoo guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea.

Warbixinta oo qeybtaas yar laga soo bandhigay isla markaasna aan wadan caddeymo la isku haleyn karo ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka ah lagu wargaliyay in guddiga arimaha dibada iyo difaaca ee baarlamaanka ay u yeereen madaxda dowlada si ay ugu diraan Asmara wafdi xaqiiqa raadis ah si baaritaan loogu sameeyo.”

Arrintaan ayaa kusoo  aadeyso xilli waalidiinta askarta ay Dowladda Soomaaliya geysay dalka Eretria ay ku jiraan xaalad murugo ah iyadoo inta badan askartaas aan lagu heyn nolol iyo geeri, waxayna waalidiinta muddooyinkii dambe dhigayeen banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego ilmahooda.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli si cad uga hadlin ciidamada Soomaaliya ee tababarka loo qaaday ee aan weli nolol iyo geeri lagu heyn, waxaana xusid mudan in marki ciidamadaas la geeyey Eretariya uu madaxweyne Farmaajo ugu tagay xeryihii lagu xareeyey.

Halkaan hoose ka akhriso qeybta yar ee laga soo bandhigay warbixinta laga sugayo guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay

Caasimada Online, New York Times, CNN, Guardian iyo website-yo kale oo maanta saacado hawada ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Website-ka Caasimada Online iyo qaar badan oo ka mid ah website-yada ugu caansan caalamka ayaa saacado hawada ka baxay maanta kadib cilad ku timid shirkadda Fastly.com oo ay wada adeegsadaan

Website-yada hawada ka baxay waxaa ka mid ah kuwa CNN, New York Times, The Guardian, HBO, Reddit, Spotify, Pinterest, Twitch iyo kuwa kale, oo dhammaantood adeegsada adeegga Fastly. 

Fastly ayaa bixisa adeegga loo yaqaan CDN (Content Delivery Network) oo sare u qaada xawaaraha website-ka, waxayna u dhaxeysa shabakadda qofka adeegsanaya website-ka iyo shirkadda marti-gelisay (hosting) website-ka.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay ciladda ku timid Fastly, hase yeeshee qoraal kooban oo ay shirkadda soo saartay ayey ku tiri “Waxaan weli wadnaa baaritaanka arrintan.”

Caasimada Online oo isku dayday inay xaliso ciladda ku timid website-ka ayaa markii ogaatay inay la xiriirto Fastly waxaba ka qaban weysay, waxaana ku qasbanaanay inaan sugno si la mid ah website-yada kale ee caalamka, waana kaga cudur daaraneynaa aqristayaasheena. 

Caasimada Online ayaa hawada ka maqneyd ku dhowaad laba saac, waana muddadii ugu dheereyd ee ay na qabsato cilad intaas la eg, shanti sano ee ugu dambeysay.