27.1 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Caasimada Online, New York Times, CNN, Guardian iyo website-yo kale oo maanta saacado hawada ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Website-ka Caasimada Online iyo qaar badan oo ka mid ah website-yada ugu caansan caalamka ayaa saacado hawada ka baxay maanta kadib cilad ku timid shirkadda Fastly.com oo ay wada adeegsadaan

Website-yada hawada ka baxay waxaa ka mid ah kuwa CNN, New York Times, The Guardian, HBO, Reddit, Spotify, Pinterest, Twitch iyo kuwa kale, oo dhammaantood adeegsada adeegga Fastly. 

Fastly ayaa bixisa adeegga loo yaqaan CDN (Content Delivery Network) oo sare u qaada xawaaraha website-ka, waxayna u dhaxeysa shabakadda qofka adeegsanaya website-ka iyo shirkadda marti-gelisay (hosting) website-ka.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay ciladda ku timid Fastly, hase yeeshee qoraal kooban oo ay shirkadda soo saartay ayey ku tiri “Waxaan weli wadnaa baaritaanka arrintan.”

Caasimada Online oo isku dayday inay xaliso ciladda ku timid website-ka ayaa markii ogaatay inay la xiriirto Fastly waxaba ka qaban weysay, waxaana ku qasbanaanay inaan sugno si la mid ah website-yada kale ee caalamka, waana kaga cudur daaraneynaa aqristayaasheena. 

Caasimada Online ayaa hawada ka maqneyd ku dhowaad laba saac, waana muddadii ugu dheereyd ee ay na qabsato cilad intaas la eg, shanti sano ee ugu dambeysay.

Midowga Murashaxiinta oo saddex isbaheysi u kala jabay 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u kala jabeen ilaa saddex qeyb ama koox waxaana lagu sheegay sababta kala qeybisay ay tahay arrimo la xariira arrimaha doorashada. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa dhinacyadaan ay isugu dhawaadaan qabiil ahaan iyo qaar isugu dhawaaday isbaddel doon dhiig cusub ah ama siyaasiin cusub ah. 

Murashaxiinta kala ah Maxamed Siiriin, Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinuur Maxamed ayaa la sheegay in sameysteen isbaheysi cusub kadib kulan ay dorraad ku yeesheen Nairobi. Murashaxa kale ee Dr. Cabdinaasir Cabdulle oo kulankaasi qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in uu ka cudurtaaday isbaheysigaas inkastoo uu ku jiro mid kale. 

Sidoo kale siyaasiga Daahir Sheekh Maxamuud Geelle, Dr. Cabdinaasir Cabdulle, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankooda sameestay isbaheysi cusub, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre ay dhankooda noqdeen isku dhinac. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ka cudur daartay isbaheysi cusub oo laba jeer loo soo bandhigay waxaana la sheegay in uu kaligiis yahay Murashax taagan inkastoo uu ugu dambeyn ku qasbanaan doono in uu isbaheysi sameesto. Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah Murashax kaligiis taagan oo aan isbaheysi qeyb ka aheyn. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Axaddii noqday musharax kaliya ee si cad uga soo horjeestay go’aanka guddiga uu magacaabay Rooble ay 34 xubnood uga saareen guddiga doorashada, isaga oo dalbaday in dhammaan 67-ka xubnood laga saaro, halka inta badan musharaxiinta ay soo dhoweeyeen ama ka aamuseen.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweyne Farmaajo awooda doorashada Soomaaliya ku wareejiyay Rooble waxaa jiray kala fur furnaan mucaaradka dhaxdiisa ah, maadaama ay soo dhowaatay doorashada, oo musharax kasta uu loolan iskiis ah galayo. 

Sawirro: Wasiir Duraan iyo wafdi booqasho ku tegay safaaradda dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta booqday safaarada Soomaaliya ee Itoobiya.

Safaarada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxaa xarunteeda kusoo dhaweeeyay Wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo Safiirka Soomaaliye ee Itoobiya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Wasiir Duraan ayaa warbixin ka dhageystay Danjire Ilka-jiir, oo uga warbixiyey xaalada safaarada dalka iyo shaqooyinka ay u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Itoobiya.

Wafdiga Wasiirka ee ku wehlinayay booqashadan ayaa waxaa kamid ahaa Mareeye ku-xigeenka guud ee Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo Agaasimaha guud ee garoomada dalka.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax oo maalmahan howlo shaqo u joogay dalka Itoobiya ayaa kormeer kala duwan ku tagayey xarumaha dowladda ee dalkaas.

‘Qarax ka dhacay guri ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ay ku dhinteen 61 xubnood’

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya, gelinkii dambe ee shalay ayaa tuulo lagu magacaabo Aala-fuutow oo qiyaastii 65-KM dhanka galbeed ka xigta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa ka dhacay qarax xoog leh oo khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab, sidoo kalena dad shacab ah ay ku dhinteen.

Saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 61-xubnood oo isugu jiray saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, dagaalamayaal kale iyo dad rayid ah, waxuuna ka dhashay gaari weyn oo kooxdu ay ku diyaarineysay waxyaaba qarxa.

Warbaahinta ciidamada qalabka sida oo soo xiganeysa saraakiil militeri ayaa baahisay warka qaraxaan iyo xogta khasaaraha ka dhashay.

Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay oo goobta ka ag dhawaa ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 61-da qof ee ku geeriyootay qaraxaas, halka 59-ka kale ay ahaayeen Shabaab, waxaana ku jira ilaa lix sarkaal oo ajaanib ah, sida lagu shaaciyey xogtaan.

Guri ka koobnaa 11-qol oo qaraxyo isugu jira kuwa gawaarida lagu rakibo, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo jaakadaha is-miidaaminta ay ku diyaarinayeen ayaa la sheegay inuu galabta ku burburay qaraxaas, kadib markii uu ku qarxay gaari weyn oo ay qarax ku rakibayeen, waxaana geeriyooday dhammaan xubnihii saraakiisha iyo dagaalamayaasha isugu jiray ee ku sugnaa gurigaas.

Saraakiisha ajaanibta ah ee ku geeriyootay qaraxaas waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabi jiray Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay dalka Afgaanistaan iyo nin magaciisa lagu soo koobay Khaalid oo isna u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo aad ugu xeel dheeraa sameynta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Soomaaliya.

Xaruntaas waxaa la sheegay inay aheyd tan ugu weyn ee qaraxyada lagu diyaariyo oo kooxdu ay ku laheed gobolka Shabeellada Hoose, waxayna saraakiisha militeriga Soomaaliya balan qaadeen in baaritaan kadib ay soo gudbi doonaan xog dhameystiran oo ku saabsan qaraxaas ka dhacay duleedka degmada Qoryooley.

Mucaaradka Turkiga oo baarlamanka ka dalbaday baaritaan la xiriira Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa laga dalbaday inuu baaritaan deg deg ah ku sameeyo eedeymo ka dhan ah shirkad kamid ah qandaraasleyda gacansaarka dhow la leh madaxwayne Recep Tayyip Erdogan oo laga yaabo inay ka dhaceen dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Codsigaan ayaa waxaa baarlmaanka dalkaas u gudbiyey Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CPH, wuxuuna codsigaas yimid kadib markii ay soo baxeyn eedeymo ah in SADAT International Defense Consultancy ay maleeyshiyaad ku tababarto dalka Suuriya.

Eedeymaha loo jeediyey shirkaddaan ayaa waxaa kamid ah inay taageero qalab iyo mid tababar ay siisay Jabhadda Al-Nusra Front oo ka dagaalanto gudaha dalka Suuriya taasoo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacidda.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga CPH, Unal Cevikoz ayaa qoraalka loo gudbiyey baarlamaanka dalka Turkiga ku sheegay in tallaabooyinka ay qaaday shirkaddaas ay xadgudub ku yihiin shuruucda Qaramada Midoobay iyo guud ahaan kuwa Caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga CPH ayaa baarlamaanka dalkaas ka codsaday in baaritaanka lagu daro haddii Shirkadda SADAT International Defense Consultancy ay tababaro military ka sameyso dalalka Soomaaliya, Suuriya iyo Liibiya.

“Xisbiga CHP wuxuu rabaa in dadweynaha lala socodsiiyo arrimaha SADAT iyo in la baaro dhammaan howlaheeda milatari ee caalamiga ah, haddii ay tababaro milatari ku bixisay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya, iyo haddii ay dirtay hub sharci darro ah oo jabinaya shuruucda  Golaha Amniga ee Qaramada Midoobaya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkada SADAT ayaa bixiso talooyin dhanka istaariijiyadda iyo taageerada xoojinta ciidanka, waxaana la sameeyey shirkadda sanadkii 2012.

Shirkadda ayaa waxaa aas-aasay Adnan Tanriverdi oo ah Jeneraal howlgab ah, wuxuuna sidoo kale ahaa la taliyihii Erdogan ee arrimaha Militariga intii u dhaxeysay sanadihii 2016 illaa 2018, waxaana u shaqeeyo illaa 200 oo saraakiil howlgab ah.

Inta badan saraakiisha howlgabka ah ee ka tirsan Shirkadda SADAT ayaa waxaa la rumeysan yahay inay markii hore shaqadooda ku waayeen sababo la xiriira daacadnimadooda diinta Islaamka.

Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho waxay ka dhistay saldhig weyn oo ciidan kaas oo ay ku tababarto ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada loo yaqaano Gorgor kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xog: Sida uu mucaaridka Somaliland u kala qeybsanayo kuraasta cusub ee golayaasha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa bilaabay kulamo looga arrinsanayo xilalka sarre ee golaha deegaanka iyo wakiilada, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqeen Isbaheysiga cusub oo siyaasadeed.

Sida ay Caasimada Online u sheegen mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan labada xisbi, hogaanka Waddani iyo Ucid ayaa isku raacay inay kala qeybsadaan maayirka Hargeysa iyo guddoonka golaha wakiiladda.

Xogta ayaa sheegaysa in Xisbiga Ucid uu qaadanayo maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka uu xisbiga Waddani isagna uu qaadanayo guddoonka golaha wakiilada, waxaana socda shirar looga hadlayo arrintaas.

Guddiga ay labada xisbi u magacaabeen isbaheysigan cusub ayaa durtaba bilaabay kulamo uu ku qancinayo musharaxiinta labada xisbi ee kal hore isku soo taagay xilalka ay heshiiska ka gaareen hogaanka sarre.

Dooda ugu adag ayaa xiligan waxay ka taagan tahay sidii loo qancin lahaa Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge iyo qaabka shacabka reer Hargeysa looga dhaadhicin lahaa in maayirnimada caasimada Somaliland ee Hargeysa loo doorto shaqsi kale oo ka socda xisbiga Ucid.

Cabdikariin Axmed Mooge oo kamid ahaa musharaxiintii dhawaan kusoo baxday doorashada golaha deegaanka oo ka sharaxnaa Waddani, ayaa waxaa u codeeyay dad ka badan 26-kun oo qof, wuxuuna ololihiisi doorashada ku galay inuu u taagan yahay xilka maayirnimada caasimada, midaasi oo shacabka reer Hargeysa ugu hiiliyeen codadka qeyrul xadka ah.

Cabdikariin Mooge oo si weyn u hantay quluubta dadka reer Hargeysa, islamarkaana kusoo baxay codad ka badan afar jibaar kuwa musharaxiinta kale, ayaa xiligan wajahaya culeys uga imaanaya Isbaheysiga cusub ee xisbiyada mucaaridka.

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxay sanadihii u dambeeyay la daala dhaceysay duruufo kala duwan, ha ugu horeeyan jidad xumi iyo dayac dhanka arrimaha bulshada, taasi oo ay si weyn uga gaabisay dowladda hoose, waana sababta la rumeysan yahay in shacabka reer Hargeysa ay codad xad dhaaf ah ugu rideen Cabdikariin Axmed Mooge oo u taagna maayirnimada caasimada.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa u arka tallaabada ay qaadeen labada xisbi mid wax u dhimi karta kalsoonida curdinka ah ee shacabka ka qabo in codkooda wax ku bedeli karaan oo la ixtiraamayo, iyagoona ku doodaya in arrintaas gef ku tahay 26-ka kun ee 31-kii May u galay safafka dheer sidii ay codkooga ugu bedeli lahaayen hogaanka fadhiidka noqday ee caasimada.

Si kastaba, waxaa weli socda kulamada uu isbaheysigu uga arrinsanayo sidii labada xisbi u kala qeybsan lahaayeen hogaanka, islamarkaana meesha looga saari lahaa in xisbul xaakimka Kulmiye uu hal kursi ku yeesho degmooyinka Somaliland.

Taliye Xijaar oo amar dul dhigay ciidamada booliiska

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo u warramayey warbaahinta ayaa amar culus dul-dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku sugan baraha koontaroolada.

Taliye Xijaar ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska Soomaaliyeed looga baahan yahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlahooda shaqo, maadaama ay wakiil ka yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u yihiin adeegayaal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay inay wada-shaqeyn buuxda yeeshaan ciidamada Booliska iyo shacabka, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga dalka.

”Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimada, maadaama la galayo doorasho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe ay cabasho xoogan ka soo yeereysay shacabka ku dhaqan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan ciidanka ku sugan koontaroolada ku yaalla Muqdisho.

Si kastaba amarka kasoo baxay taliyaha Booliska ayaa ah mid looga jawaabayo qeylo dhaaanta shacabka oo isa soo tareysay, waxaana kusoo aaday, xilli loo baahnaa.

Ciidamada Danab oo howl-gal qorsheysan ku qabtay xubno ka tirsan AlShabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Boorow oo ay ku sugnaayeen dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkan lagu qabtay xubno ka tirsan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, isla-markaana u qaabilsanaa uruurinta lacagaha ay ugu yeeraan Zakawaat-ka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in weli howl-galka uu socday, isla-markaana ujeedkiisa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka oo dhan.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka Cali Boorow oo howl-galka qorsheysan ay ka fuliyeen ciidamada Danab.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xiriira howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, balse waxaa dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan labada dhinac.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha sida weyn ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo weeraro qorsheysan iyo qaraxyo kasoo abaabusho gobolkaasi.

Dhoobo-Daareed oo war xasaasi ah kasoo saaray doorashada Somaliland

0

 Ceerigaabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey cida is hortaagtay in doorashada Somaliland ay ka dhacdo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya oo isku hayaan Somaliland iyo Puntland.

Dhoobo-Daareed ayaa marka hore beeniyey sheegashada Puntland ee ah inay ka hortegtay in doorashada Somaliland lagu qabto deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolkaasi, isaga oo sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay xukuumadda Garoowe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doorashadaasi ay iska diideen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Sanaag, isla-markaana ay mudan yihiin in lagu boggaadiyo.

“Puntland kamay celin doorashada Somaliland dhulka Maakhir ee dadkaa diiday oo ku amaanan” ayuu yiri Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed).

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay sii adkeeyaan mowqifkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan deegaanada Somaliland oo gobolka Sool uu ka mid yahay ay ka dhacday doorashada golaha wakiilada iyo tan deegaanka ee maamulkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan hal milyan oo qof oo codadkooda dhiibtay.

Si kastaba labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaallamay gobolladaasi.

Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Rooble la wadaagay arrin aysan ku qanacsaneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyeen cabasho ay ka qabaan sida ay baarista u sameeyeen guddigii heerka wasiir ee loo saaray kala saarista xubnaha guddiga doorashooyinka ee cabashada laga qabo. 

Labadaan Madaxweyne oo sidoo kale Murashaxiin ah ayaa qoraalka ay u gudbiyeen Maxamed Xuseen Rooble waxay kaga aragti dhawaayeen hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo ahaa in guddiga ay wali ku jiraan xubno ka tirsan ciidanka NISA iyo taageerayaasha Farmaajo. 

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ay cabasho ka ahaayeen in liiska guddiga oo ay ku wareejiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la faafiyay iyadoo aysan ballantu sidaas aheyn. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan wax wadatashi ah laga yeelan qaabka baarista islamarkaana aan lala wadaagin natiijada ka hor inta aan la shaacin, iyagoo qoraalkooda ku dalbaday in dib u eegis markale la sameeyo si loo helo doorasho aan boob aheyn. 

Shaacinta liiska ayaa loo arkaa qorshe looga hortagayo in gadaal laga faro-geliyo liiska, ayada oo la tuhmayo inay ka dambeyso Villa Somalia, si mucaaradka looga dhigo kuwa cabasho joogto ah wada.

Shariif iyo Xasan Sheekh iyo Murashaxiin kale oo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa wali ka hadlin arrintaan waxaana la sheegay in qaarkood ay si hoose u gudbiyeen cabashadooda. 

Sababta aysan Xasan iyo Shariif si shaacsan uga hadal arrintan ayaa lagu sheegay inaysan dooneyn inay culeys siyaasadeed saaraan Rooble, oo ay u arkaan nin wax badan ka qabtay arrimihii la isku hayey, balse ay rabaan in wax walba hab hoose lagu xaliyo.

Farxaan Qaroole oo tallaabo qaaday kadib muuqaal sir ah oo laga soo duubay wadada Afgooye iyo Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa maanta kormeer ku tegay qeybo ka mid ah wadada xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo tan iyo markii la dhisay ay dadka isticmaala ka cabanayeen isbaarooyin xad-dhaaf ah, jir-dil iyo dhac ay kula kacayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa dadkii ku sugnaa goobaha uu tegay waxa uu sheegay in maalmaha soo socda dib loo furayo wadada oo haatan aysan isticmaalin inta badan gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo deegaanada koonfur ka xiga, illaa gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka ku nool inta u dhaxeysa Ex Control Afgooye ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la sheegay inay wajahayaan dhibka ugu badan, waxayna qaarkood warbaahinta u sheegeen in xataa meydka ay garabka ku qaataan.

Gaadiidka kaliya ee inta badan loo ogolyahay inuu isticmaalo wadadaas waa mootada Labalooleyda ah ee FEKON, taas oo darawallada dadka ku qaada ay aad uga cabanayaan jir-dil iyo isbaaro xad-dhaaf ah.

Taliye Farxaan Qaroole ayaa maanta amray in la furo jidadka yar-yar ee gudaha u gala xaafadda Galmudug, kuwaas oo ka leexda wadada laamiga ah ee dhawaan la dhisay, waxaana tallaabadaas ka mahad celiyey qaar ka mid dadka ku nool xaafadaas oo warbaahinta la hadlay.

Tallaabadaan uu maanta qaaday Farxaan Qaroole waxay ku soo aaday saacado kooban kadib markii ay Idaacadda Kulmiye baahisay warbixin loo diyaariyey qaab qarsoodi ah, taas oo ka shiftay dhibaato baahsan oo shacabku ay ku qabeen isticmaalka wadadan dhawaan laamiga la saaray.

Warbixinta Kulmiye waxaa laga dhex maqlayaa askarta oo lacag ku xujeyneysa wadayaasha gaadiidka, iyagoo ugu hanjabaya in aysan ka qaadi doonin kharash ka yar inta ay ka dalbadeen.

Hoos ka daawo labada warbixin

Taliye Cusmaan Xaadoole oo soo saaray digniin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee maamulka HirShabeelle Korneyl Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa diginin xooggan loogu diray Maraakiibta Kalluumeysi ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya, kuwaasoo dhamaantood heysan shatiga ama ruqsadda maamulka. 

Qoraalka ka soo baxay taliyaha ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Markab kasta oo arrintaan isku daya ama hadda ku howlan, iyadoo loogu baaqay in ay dhaqso u raadsadaan shatiga maamulka. 

“Waxaa sii kordhaya Maraakiibta Kalluumeysi ee xeebaha Maamulka HirShabeelle ku sugan islamarkaana aan heysan fasax maamulka ah, iyagoo xeebaha ka wata howlo ballaaran, haddaba wixii ka dambeeyo lama aqbali doono,” ayaa lagu yiri qoraal taliska ka soo baxay oo ay heshay Caasimada Online. 

“Waxaan rabaa inan ku celiyo in dhammaan dadka jabiyay sharciga in la xiri karo oo dacwad lagu soo oogi karo ayagoon lasiinin digniin hore, waxayna la kulmi doonaan ciqaab dambiyeed haddii lagu helo dambi,” ayuu yiri Cusmaan Xaadoole. 

“Waxaa intaas sii dheer, macaamilka iyo duruufaha shaqo ee ay helaan shaqaalaha saaran maraakibta in si joogta ah loo aqoonsado inay yihiin mid kuwo bani’aadannimada ka baxan oo tacaddi ah. Qolyaha la ogaado inay ka masuul yihiin abuurista xaaladahan adag ku talo gal ha ahaato ama yeysan ahaanine waxaa loo heysan doonnaa (will be liable) gelitaanka xad gudubyo xuquuqda bani’aadamka ah sida uu qabo xeerka caalamiga ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka ka soo baxay taliska ilaalada xeebaha ee Maamulka HirShabeelle. 

Guddoomiyaha cusub ee dalladda SAFE oo maanta xilka la wareegay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilalka ku kala wareegaayeen Gudoomiyaha cusub ee Dalladda Waxbarashada SAFE Mudane Keyse Mayow Abul-Xuseen iyo guddoomiyihii hore Mudane Prof. C/raxmaan Macalin Axmed (Ablaal).

Xafladda waxa ka qeyb galay guddiga hogaanka sare ee Daladda Waxbarashada SAFE oo uu ugu horeeyo guddoomiyihii hore ahna aas aasaha Dalladda SAFE mudane Prof. C/raxmaan Macalin Axmed (Ablaal).

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 7 bisha Juun 2021 waxaan xilka Guddoomiyaha si rasmi ah ugu wareejiyay Walaalkeey Keyse Mayow Abul-Xuseen oo aan aaminsanahay inuu xilkan ka soo bixi karo una qalmo hogaaminta Dalladda SAFE,” ayuu yiri Prof. C/raxmaan Ablaal oo kahadlaayay xafladda Xi lwareejinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Keyse Mayow uu awood, karti iyo aqoonba u leeyahay shaqada loo igmaday isla markaana uu dalbaday in lala shaqeeyo.

“Aniga maanta laga bilaabo waxaan ahay xubin ka tirsan guddiga sare ee Dalladda SAFE, waxaan codsanaya in lala shaqeeyo Guddoomiye Keyse Mayow, anigana waxaan diyaar u ahay inaan si dhow ula shaqeeyo,” ayuu mar kale yiri Guddoomiyihii hore ee Dalladda Prof. Cabdiraxmaan Ablaal.

Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Waxbarashada SAFE Mudane Keyse Mayow Abul-Xuseen oo dhankiisa ka hadlay xafladda Xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay xilka lagu wareejiyay.

“Waxaan u mahad celinaya guddiga hogaanka sare ee Dalladda SAFE oo ii idmaday iguna aaminay xilkaan culus, waxaan balan qaadaya inaan si daacad ah waajibkeyga u gudanayo, sidoo kale waxaan amaanaya guddoomiyihii hore oo mudadii uu xafiiska joogay muujiyay karti iyo dulqaad,” ayuu yiri guddoomiye Keyse Mayow.

Ugu dambeyn waxaa xafladda ka hadlay Dr. Maxamuud Maxamed Cabdullaahi, Prof. Cabdullaahi Cali Axmed (Koyto), Eng. Xuseen Calas Cabdi iyo Prof. Cashir Cabdullaahi Maxamuud oo dhamaantooda amaanay soona dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Dalladda SAFE Mudane Keyse.

Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Waxbarashada SAFE mudane Keyse Mayow Abul-Xuseen ayaa mudo dheer ka mid ahaa bahda waxbarashada, isaga oo mudo badan ka soo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada dalka.

Daawo: Barkhad Jaamac Batuun oo maanta ku dhaqaaqay tallaabo ‘dhif iyo naadir ku ah’ Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ahaa musharaxiintii kusoo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ka keenay codad aad u badan ayaa maanta ku dhaqaaqay arrin cajiib ah oo ugu mahad celinayo taageerayaashiisa.

Barkhad Batuun ayaa iibiyey gaari uu lahaa si uu kaalmo lacageed oo mahad celin ah u gaarsiiyo shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu codeeyay 31-kii May.

Tallaabada uu qaaday Xildhibaan Batuun ayaa lagu tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah geyiga Somaliland, maadama musharaxiinta badankooda markay guuleeystan aan dib loo arkin.

“Adduun kale ma haynin gaari baan lahaa waana iibiyey, waxaana u iibiyey in aan dadkii naftooda ii huray wax dib ugu celiyo,” ayuu yiri Barkhad Batuun oo booqday qaar kamid ah dadkii naf hurka u muujiyey xiligii codeynta doorashada.

“Waxa aad ii hurteen naftiini iyo maalkiina codkiina waad igu darteen, dhib badan ayaa idinku gaadhay, Damiirka iyo dadnimadu waxay i faraysa in aan wixi aan hayo idin hibeeyo, Gaadhigi aan watay ayaan dartiin u iibiyey oo aan jeclaaday in aad iga guddoontaan, Guushina waad hesheen oo waan soo baxay! 20ka kun ee codkooda i siiyeyna ma wada gaadhi karo laakin Abaal iyo Ogaal aan abid qalbigayga ka baxayn baan u haya.”

Dadka uu sida gaarka ah u gaarsiiyay kaalmada lacageed ee mahad-celinta ayaa waxaa kamid aheyd haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay, wiil dhalinyaro ah oo ku jabay goobtii codeynta iyo Nin kal hore gudoonsiiyey Buulkiisa si uu xarun olole uga dhigto Batuun.

Muuqaalka uu Batuun kaalmada lacageed ku gudoonsiinayo shaqsiyaadkaas ayaa noqday mid si weyn usoo jiitay bulshada Soomaaliyeed, maadama uu xanbaarsan yahay dareen ugub ku ah Somaliland, islamarkaana muujinaya qalbi wanaagii uu ku hantay codadka 20-ka Kun ka badnaa.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo safiirka dalka Imaaraadka Carabta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal oo muddooyinkii dambe si tartiib ah usoo laabanayey, xili uu kal hore mugdi badan hareeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan laheyd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha HirShabeelle.

Rooble oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Jowhar oo qeybo kamid ah go’doon ugu jirto fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa safiirka la wadaagay xaalada adag ee ka taagan Jowhar iyo nawaaxigeeda si ay kaalmo deg-deg ah uga geystaan.

Maamulka HirShabeelle ayaa la daala-dhacaya fatahaadaha oo sanadihii dambe kusoo noq-noqday maamulkaas, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray Isku socodkii magaalooyinka.

Jubaland oo DF usoo dirtay baaq ku aadan duqeymaha ciidamada Kenya ee Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si rasmi ah uga hadlay duqeymaha ay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ka geysteen qeybo kamid ah Gobolka Gedo.

Kulankii Golaha Amniga Jubaland kaas oo bishiiba mar qabsooma oo uu shir guddoominayey madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa lagu cambaareeyey duqeymaha ay ciidamada Kenya ka geysteen degaanka Ceelcade iyo degaanno hoostaga  Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Jubaland ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay baaritaan dhab ah ku sameyso duqeymaha ay Ciidamada Kenya u geysteen dad shacab ah taasoo ay ku tilmaamtay wax aan loo dulqaadan karin.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubada dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Jubaland  iyo u diyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka  qeybta kaga aaddan Jubaland.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubaland, kuwa Xooga Dalka iyo  ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawan soo saartay war-saxaafadeed ayaa si adag ugu cambaareysay duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

“Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha gudaha.

Waxay sidoo kale wasaaradda tiri “Hawlgalladaan KDF ee lagu soo koobay sheegashada fulinta hawlgallada ka dhanka ah xagjirnimada shaki la’aan ayaa loo qabtay qaab ka baxsan waajibaadkooda hoos yimaada waajibaadka UNSC ee amarka AMISOM, gaar ahaan OP17 oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in ciidamada AMISOM ay gutaan waajibaadkooda iyagoo si buuxda ugu hoggaansamaya dowladaha ka qayb qaadanaya. waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.”

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo horleh maanta geysay Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maanta ciidamo horleh ka dajisay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadan oo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa gaaraya illaa 50 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa askartan kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka ciidamadan loo geeyey Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay sugi doonaan amniga doorashooyinka ka dhacaya gudaha magaaladaasi, gaar ahaan soo xulida xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in ciidamadan la dajiyey xero ku taalla Dhuusamareeb, iyaga oo howl-gallo ballaaran ka bilaabi doono isla degmadaasi.

Galmudug ayaa horey u shaacisay, kadib heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho inay bilaabi doonto qabashada doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada Soomaaliya.

Waa magaaladii labaad oo ay sidoo kale dowladda dhexe ciidamo u direyso, waxaana Dhuusamareeb ka horreeyey Jowhar oo la geeyey ciidamo ka mid ah kuwa Haramcad.

Si kastaba Dhuusamareeb waxaa horey uga howl-galayey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lagu daabulay, xilligii doorashada ee madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Hoggaamiyihii kooxda BOKO XARAAM ‘oo is-qarxiyey’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo kooxdaas.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Abuubakar Shekau ayaa la rumeysan yahay in uu jiray da’da 40, wuxuuna marar badan kasoo dhex muuqday muuqaallo uu uga hadlayey ololaha kooxda.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Illaa iyo hadda dowladda wadanka Nigeria iyo sidoo kale kooxda Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Sidoo kale bishii la soo dhaafay markii uu soo ifbaxay wararka la isla dhexmarayay ee ku aadan geerida Abuubakar Shekau, militeriga Nigeria waxay sheegeen in arrintaas ay baarayaan.

Abuubakar Shekau wuxuu awoodda kooxda la wareegay markii uu gacanta booliska ku dhintay ninkii aasaasay ururkaas sanadkii 2009-kii, wuxuu kooxda u horseeday in weeraro dhiig badan uu ku daatay ay ka fuliyaan waqooy bari Nigeria.

Si kastaba Shekau ayaa intii uu hoggaaminayay Boko Xaram waxay kooxda fuliyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin, falal afduub ah iyo nin ay maxaabiis si xoog ah uga soo sii daayaan xabsiyada, sanadkii sanadkii 2014 waxay kooxda bilowday olole ay ku qabsanayaan magaalooyinka si shareecada Islaamka ay halkaas ugu soo rogaan.

ISHA: BBC

DF iyo Imaaraadka Carabta oo HESHIIS kala saxiixday

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda Imaaraadka Carabta (UAE FIU) ayaa heshiis wada-shaqeyn la saxiixatay Xarunta Warbixinta Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay isku waydaarsadaan warbixinada iyo khibradaha, islamarkaana mas’uuliyiinta labada dhinac ay uga wada-shaqeeyaan la-dagalanka dambiyada lacagaha.

Qoraal ay bahaisay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa lagu sheegay in Imaaraadka ay heshiiskan la galeen Soomaaliya ayada oo ujeedka uu yahay la dagaalanka been-xalaaleynta lacagaha iyo mala-gelinta argagixisada, si labada dhinac ay uga wada faa’iideystaan. 

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday madaxda hay’adda UAE FIU, Ali Faisal Ba’Alawi iyo Agaasimaha Xarunta FRC ee Soomaaliya, Amina Cali.

“Heshiiska aan la galnay Soomaaliya waxay dib usoo celinayaan dadaallada aan ku fududeyneyno is-weydarasiga aqoonta iyo khibradaha ee dhinacyada la-dagaalanka beee xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixisada,” ayuu yiri Ali Faisal Ba’Alawi.

Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo weli uu aad u xun yahay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii ay dowladda federaalka ay Imaaraadka kala safatay Qatar oo ay is-hayeen.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag ka badan 10 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd.

Wararkii ugu dambeeyey ee QARAX ka dhacay BALCAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka iskuulka sare ee Balcad, waxaana uu ahaa nooca meelaha fog-fog laga hago.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxan uu iskuulka ka socday imtixaan ay galayeen ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, siday ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada oo kadib goobta ay gaareen ciidamo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa, kadib uu qal-qal xoogan soo wajahay ardayda ku sugneyd iskuulka oo markii dambe la fasaxay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi dhaliyey khasaaraha dhaawaca ah.

Balcad oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab.