26.7 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee QARAX ka dhacay BALCAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka iskuulka sare ee Balcad, waxaana uu ahaa nooca meelaha fog-fog laga hago.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxan uu iskuulka ka socday imtixaan ay galayeen ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, siday ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada oo kadib goobta ay gaareen ciidamo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa, kadib uu qal-qal xoogan soo wajahay ardayda ku sugneyd iskuulka oo markii dambe la fasaxay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi dhaliyey khasaaraha dhaawaca ah.

Balcad oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Jeneraal ZAKIYA: “Inta aan xilkan hayo ma aroosi karo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliya ku-xigeenka labaad ee ciidamada booliska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen ayaa qortay sheeko kooban oo nolosheeda ku saabsan oo ay ugu magac dartay Xilka iyo xubiga kala dooro”, taas oo ay uga hadleyso sababta aysan u guursan illaa iyo hadda. Hoos ka aqriso sheekada.

Xilka iyo xubiga kala dooro

Wiil aan asxaabo dhow nahay ayaa maalin igu yiri saaxiibeey ragg badan oo gayaankaaga ah baa guur ku soo bandhigtayee maa iska aroostid? 

Waxaan dhahay inta aan xilkaan haaya ma aroosi karo.

Waxuu yiri maa xeerka boliiska sidaa qaba mise waa jeebkaada? Waana buufis badan tahayee warka xaqiiqadiisa iisheeg! 

Intaa qoslay ayaa ku dhahay ninyahoow waxaa la aroosi karin inta aan xilkaan haayo waa sadax arrimood awgeed;

1) Hadii nin muxaafid ah aan is aroosno waxaa la leeyahay waxeey xilka ku heshay/heysataa odigeed ayaa team N & N ah. Haduu mucaarad yahayna waaba waa iska fahmi kartaa xaalku

2) Hadii nin qaraabada ah aan is aroosno madaamo tolka ay firqo badanyihiin firqada aan ka aroosay mooyee inta kale weey caroonaayaan. Hadaa u cadaalad faro oo wixii qaraabada  ah aan ka bootiyo tolka waxeey u tagayaan madaxweynaha waxeeyna ku dhahaayaan, Madaxweyne xilka aad na siisay reer kalaa ku shaqeeysanaaya.

3) Hadii aan sarkaal iga darajo hooseeyo arooso waxaa la dhahaa miskiinka inta ay diktoonow gelisay ayee aqbalto xoog ooga ka keentay. Ragga aan isku xilka aan nahay badankood waaba ragg i dhali kara oo tabar ma u haayo. Inkastoo da’ ahaan isku dhawnahay Gen Odowaa hadana iskuma xiran karno waayo labo generaalo oo dabeecad kulul ayaa nahay hadaa is dagaalnana waxaa aroortii lagu soo toosaa Haramacad iyo Gorgor oo dashiika isla dhacaaya. Waana la arkay gabar iyo wiil taliyaal ah oo ciidankooda is dileen iyagoo u kala hiilinaaya mid walba taliyihiisa! 

Sidaa darteed inta aan xilka haayo waxaa ii furan kaliya samir iyo soon ayaa ku iri. Dar Alle ayuu u qancay! 

Sadax bilood ka dib, xalay ayuu isoo wacay. Waxuu yiri sxbeey warkaa maalin hore igu dhahaysay ayaa soo xaqiiqsaday manta! 

Oo maxaa dhacay ayaa ku iri. 

Waxuu igu yiri guddiga doorashooyinka oo la isku heystay waxaa ku jirtay gabar sidaa oo kale aad u firfircoon waxaana guddiga looga saaray hebel oo ay qaraabo dhow yihiin nin ka mid ragga dalka ugu sareeya ayaa shukaansado! Marka waxaa qiraayaa in xisaabta aad isku dhufsatay ay saxantahay ee markaa xilka ka soo dagtid ayaa tartanka Premier liiga generaalada sugeeynaa!

Xilka xaragadiisa aragteenee bal nala eega xanuunkiisa. Intaa xil haysid xaalku waa samir iyo soon….?

NB; Marxaladaan waa dhib haysta kaliya gabdhaha xilal sare haaya, ragga dhigaheenaa ah xaalkooda waa فَٱنتَشِرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَٱبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ 

Unukaa_Yaabnay.

Baxreyn oo war kasoo saartay qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Baxrayn ayaa waxaa si kulul looga hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Macalin Nuur.

Dowladda Baxrayn oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la-leh Soomaaliya ayaa shaacisay inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu yahay mid argagixiso, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Baxrayn ayaa tacsi u dirtay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ah u rajeysay caafimaad.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya uu ka hor imaanayo qiyamka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

“Wasaaradda arrimaha dibedda Baxreyn waxay tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay weerarkaan fuleynimada ah ee argagixiso ee ka hor imaanaya dhammaan qiyamka iyo mabaadi’da,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay Baxrayn.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay inay dowladda federaalka ah la garab taagan tahay taageero, isla-markaana ay kor u qaadi doonto caawimaada kala duwan ee ay siiso.

Si kastaba, weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacab ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Aragtida Mahad Salad & Fiqi ee ku aadan go’aanka gudigii uu magacaabay ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salaad iyo Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyey tallaabada ay qaadeen guddigii wasiirrada ahaa ee faaf-reebka guddiyadaas uu u xil-saaray ra’iisul wasaare Rooble.

Guddiga oo hoggaaminaayey wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa shalay shaaciyey liiska 34-xubnood oo ay ku qanceen in laga saaro guddiyada doorashooyinka, kadib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen 67-dii xubnood ee golaha midowga musharaxiinta ay dalbadeen in la bedelo, hase yeeshee waxay liiska ku reebeen 33 xubnood oo kale.

Ugu horeyn qoraal uu soo saaray xildhibaan Mahad Salaad ayuu ku bogaadiyey, kuna soo dhaweeyey shaqada guddiga heer wasiir ee R/Wasaare Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnaha guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo magacyadooda ay horay u soo gudbiyeen Midowga Musharaxiinta.

“Waxaan codsanaynaa in si buuxda loola shaqeeyo R/W Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Dhankiisa wasiirka amniga Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa bogaadiyey shaqada guddiga heer wasiir ee R/Wasaare Rooble u xilsaaray kala shaandhaynta xubnihii guddigii doorashada ee cabashada laga keenay iyo go’aanka ay ka gaareen.

“Inkastoo dhallinyaro Soomaaliyeed ay ahaayeen xubnaha liiskooda la celiyey oo aan colaad gaar ah loo qabin haddana in dalka doorasho lagu kalsoon yahay  ay ka dhacdo ayaa ku xirantay ayna lagama maarmaan noqotay in isbedel lagu sameeyo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Fiqi.

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Xubnaha cusub ee la soo magacaabayo waxaa muhiim ah in ay noqdaan kuwa heli kara kalsoonida dhammaan saamilayda ku lugta leh doorashada, Raysulwasaare Rooble-na uu hubiyo xubnaha cusub ee la soo magacaabi doono, si la mid ah sidii loo hubiyey kuwii hore oo kale.”

Hase yeeshee waxaa si adag u saluugay tallaabadii guddiga oo waxba kama jiraan ka soo qaaday siyaasiyiin uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo sheegay in uusan ka qeyb geli doonin doorasho ay maamuleyso NISA.

Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabadii uu qaaday guddiga wasiirrada ah ee uu arrintaan u xil-saaray ra’iisul wasaare Rooble.

Xubnaha ay mucaaradku dalbanayeen in la bedelo waxay ku eedeeyeen inay ka kala tirsan yihiin  shaqaalaha dowladda, ciidamada qaranka iyo taageerayaasha Farmaajo, waxaana la sheegay in kuwoodii ugu caansanaa ay ku jiraan xubnaha laga reebay guddiyada doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland oo xil cusub magacaabay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey macaabis cusub, kadib wareegto uu soo saaray.

Axmed Madoobe ayaa maanta Injineer Cabdi Xuseen Maxamed u magacaabay guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland oo lagu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in baahi weyn loo qabo in xal waara loo helo maareynta arrimaha qaxootiga dib u soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha.

“Markuu la tashaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed guddoomiyaha gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale waxa lagula dar-daarmay mas’uulkan cusub inuu waajibkiisa shaqo guto, isla-markaana uu wax ka qabto dhibaatooyinka ay wajahayaan qaxootiga iyo barakacayaasha.

Guddoomiyaha cusub ee gudigga qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa sidoo kale horay u soo noqday wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland.

Deegaanada Jubbaland ayaa waxaa xilligan ku sugan qoysas barakacayaal ah oo wajahaya xaalado nololeed iyo qaxooti kasoo noqday xeryaha Kenya oo dib u dajin loo sameeyey.

Ciladaha Madaxweyne Farmaajo ma sababi karaan soo laabashada XASAN?

Afar sano kaho,r Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa madaxweyne marki hore ka yimid dhinaca bulshada rayidka ah ayaa baneeyey maamulka Villa Somalia, wuxuu baxay iyadoo dad badan ay qabaan inuu ahaa madaxweyne gaabiyey oo la heli doono badal ka fiican, laakiin afar sano kadib aragtii maalintaas la qabay waxay u muuqataa inay geeriyootay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Somali American ahaa ayaa xafiiska la wareegay, filasho ka ballaaran siyaasi walba oo Soomaali ah ayaa laga qabay Farmaajo, waxaana dadka u sawirneyd in la heli doono nidaam xaq soor ah, ilbax ah, adeegyo cusub soo kordhin doono oo sharciga aan ka leexan doonin.

Xataa Al-Shabaab oo ah isbaarada koowaad ee hor taalo dowladda Federaalka ah ayaa laga soo tabiyey inay ka walaacsanaayeen culeyska uu la imaan doono Farmaajo. Laakiin afartii sano ee Farmaajo ayaa dhamaatay iyado dad badan qabaan inay qalad aheyd in Xasan Sheekh laga tuuro xilka.

Maxaa badalay aragtii la aaminsanaa Maalintaas?

Amniga

Waxaa la filayey inuu amniga kasoo roonaan doono intii hore, lana cirib tiro doono Al-Shabaab, taas waxba iskama badalin.

Al-Shabaab waxay markii ugu horeysay canshuurtay Dekadda weyn ee Caasimadda Muqdisho, waxayna canshuur kusoo rogeyn qaar ka tirsan shaqaalaha Dowladda.

Qaladaad badan oo dhanka amniga ah ayaa dhacay afartii sano ee uu xukunka hayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dad badan u sawirmatay in amnigii lagu fashilmay.

Dadka ammaanka ku takhasasay waxay qabaan marka laga soo tago mushaarka joogtada ah inaysan jirin shaqo kale oo uu Farmaajo la yimid oo dhinac ammaanka ah.

Xasan Sheekh, afartiisii sano wuxuu inta badan Gobolada dalka ka xoreeyey Al-Shabaab, afartii sano ee Farmaajo waxaa si weyn ciidamada loogu adeegsaday arrimaha siyaasadda, waxayna taas dadka xasuusisay in laga soo guuray aqal dimoqraadi ah oo loo soo guuray xabsi siyaasadeed.

Ciidanka waxaa kaloo argagax ugu filneyd in qofkii Farmaajo ka hor yimaado laga qaadayey darajada ciidanka iyo xuquuqdiisa gaar ahaan mushaarka taasoo aheyd dhaqan aan la adeegsan dowladdii kacaanka kadib.

Dhinaca Maamul Goboleedyada

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa shidaalkii uga dhammaaday inay iska difaacaan nidaamkii Farmaajo, qaarkood xoog ayaa lagu bixiyey qaarna waxaa lagu ilhaaneeyey lacag .

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii Ramadaan ee lasoo dhaaftay waxaa laga soo xigtay inuu rabay in maamul Goboleedyada lagu dhaqo xeerar kasoo baxaya baarlamaanka Dowladda Dhexe, taasoo ka dhigan inuu rabay inuu laalo sharciyada maamul Goboleedyada ku dhisan yihiin taasoo ah arrin si weyn uga fog wixii ay Soomaalida ku heshiisay.

Maamulada ka badbaaday gulufkii Farmaajo iyo kuwii uu hoggaamiyaasha dul dhigay dhammaan waxay daremayaan qatar ballaaran haddii Farmaajo kusoo laabto xafiiska.

Dhinaca Xasan Shekh Maxamuud, waxaa uga muuqato madaxda Maamul Goboleedyada inuu yahay siyaasi aaminsan in dadka loo madax baneeyo inay is maamulaan, ugu yaraan maamulada waxay dareemayaan inay ka nabad galayaan Xasan Sheekh hadduu kusoo laabto xafiiska.

Dhanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay afartii sano ee Farmaajo la kulmeyn cadaadis xoog leh, waxay aheyd markii kowaad ee la isku dayey in Xildhibaano xasaanada laga qaado. Xildhibaano ayaa sidoo kale awood ciidan looga hor istaagay inay ka qeyb galaan kulamada baarlamaanka, qaar ayaa baarlamaanka dhexdiisa lagu handaday, dhower jeer ayaa ciidan gudaha loo geliyey xarunta Golaha Shacabka, waxaana kaloo baarlamaankii laqday oo sidii ay rabto u isticmaashay Xukuumadda .

Waxay afartii sano ee lasoo dhaafay xildhibaanada arkeyn guddoomiyahooda oo lagu qasbayo inuu is casilo iyo midkii badalay oo korontadii iyo biyihii laga jartay guriigiisa. Walaac, cabsi iyo ilhaano ayey ku qaateyn afartoodii sano.

Xildhibaanada imaan doono ee labada gole kama fakari doonaan kaliya lacag ee waxay sidoo kale ka fakari doonaan sharaf, xasaanad iyo halka ay qiimeyn ku heli doonaan, tani way sii fogeeneysaa rajada Farmaajo.

Xagga Beesha Caalamka

Isku dhaca Farmaajo iyo Beesha Caalamka wuxuu bilowday markii uu Ra’isulwasaaraha ahaa, balse afartii sano ee lasoo dhaafay waa xargo goostay dagaalka Farmaajo iyo Beesha Caalamka.

Lix wadan iyo ururo caalami ah ayaa joojiyey kaalmadii ay siin jireyn Soomaaliya, waxaana ugu wacan hab dhaqanka maamulkii uu waqtiga ka dhamaaday. Cilaaqaadka wadamada dariska ah ayaa isna gaaray meeshii ugu xumaa in muddo ah.

Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa si weyn u saameeyey Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kale shacabkii la shaqeysan jiray dalalka dariska ama kuwii wax ka heli jiray deeqaha Caalamiga ayaa dhibaato weyn kaso gaartay arriimahaan.

Dhammaan qodobadaan waxaa loo badan yahay inuu Xasan Sheekh kaga fiicnaa Farmaajo kaasoo dalka wareejiyey iyadoo uu wacan yahay cilaaqaadka beesha Caalamka midka dalalka dariska ah, awooddii Al-Shabaab la wiiqay, maamul Goboleedyadii la dhameystiray, dalkana uu dhaqaalo ahaan soo kabanayo.

Dad badan waxay qabaan in ficiladaas halaagsamay ee madaxweyne Farmaajo inay fursad weyn siin doonaan Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo maanta loo arko madaxweyne loo darsaday.

Hadda waxaa la joogaa xilligii doorashada Soomaaliya, dadka siyaasadda ka faalooda badi waxay qabaan in farsamo xumaadii Farmaajo ay si weyn u caawin doonto inuu Xasan Sheekh kusoo noqdo kursiga.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Saameyn noocee ah ayuu Isbaheysiga cusub ku yeelan karaa hogaanka Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay isbaheysi cusub oo siyaasadeed, saacado un kadib markii la shaaciyey natiijooyinkii u dambeeyay ee golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Isbaheysiga cusub ayaa waxa uu mideynaya xubnaha goleyaasha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee kasoo baxay xisbiyada Waddani iyo Ucid, taasi oo ka dhigeysa inay noqonayaan aqlabiyada goleyaashaas.

Waddani iyo Ucid ayaa isbaheysigan cusub u sameystay sidii ay saameyn xoogan ugu yeelan lahaayeen hogaanka Somaliland, gaar ahaan hogaanka golaha deegaanada iyo guddoonka golaha wakiilada Somaliland.

Isbaheysiga ayaa dhigaya in xubnaha labada xisbi ay ka wada-shaqeeyan sidii ay u kala qeybsan lahaayeen maayirada iyo kuxigeenada degmooyinka Somaliland, sidoo kalena ay u dooran lahaayeen guddoonka iyo kuxigeenada golaha wakiilada.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno sarre oo ka tirsan labada Xisbi, ujeedka u weyn ee isbaheysiga Mucaaridka ayaa ah sidii hogaanka degmooyinka iyo guddoonka golaha wakiilada uusan hal kursi uga helin xisbul xaakimka Kulmiye.

Kulmiye oo ah xisbiga haya tallada Somaliland ayaa inta badan hore u hayey hogaanka golaha deegaanka degmooyinka iyo golaha wakiilada ee hore, hase yeeshe tallaabada ay mucaaridku qaadeen ayaa meesha ka saareysa in marnaba uu kusoo laabto hogaanka golayaashaas.

Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeyn doonaan sidii labada xisbi u kala qeybsan lahaayeen hogaanka cusub.

Xog: Saameynta Villa Somalia ee magacaabista gudiyada harsan oo sii kordheysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa sababta ay Maamul Gobaleedyada HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya aysan ilaa hadda usoo gudbin xubnaha maamuladooda ku matalaya doorashooyinka Soomaaliya ee heer dowlad gobaleed iyo heer qaran, xilli ay soo gudbiyeen Maamulada Puntland, Jubaland iyo qeybtii waqooyi ee laga sugayay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. 

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa kuwii diidanaa soo magacaabista guddiyada doorashada intii ay socotay muranka doorashada Soomaaliya, halka maamulada HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo magacaabeen, balse waxaa hadda muuqata in xaaladda dhinaca kale isu rogtay. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in Villa Somalia ay door weyn ku leedahay magacaabista guddiyada cusub ee saddexda maamul ee wali dhiman islamarkaana ay socdaan wadatashiyo arrintaas ku saabsan oo u dhaxeeya madaxtooyada iyo maamulladan. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan dowladda islamarkaana ku dhow Madaxweyne Farmaajo islamarkaana soo magacaabay guddiyadii hore ee maamulada saddexda ah ay hadda wali ku howlan yihiin sidii guddiyada cusub loo saari lahaa, waana sababta keentay in ay dib u dhacaan.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in inkasta oo mucaaradka laftooda ay isku dayayaan inay arrintan ku lug yeeshaan, haddana Guudlaawe, Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Mahdi Guuleed laga filayo guddiyo taabacsan Farmaajo, taasi oo sare u qaadeysa qorshihiisa inay soo baxaan xildhibaan taabacsan.

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay si toos uga billaabato goballada dalka, iyadoo ay socdaan diyaar garow ballaaran oo arrimaha doorashada ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wado dadaallo badan uu ku xalinayo dhamaan tabashooyinka jira.

Daawo: 7 Ganacsato ah oo maxkamad loo soo taagay inay KIIMIKADA qaraxyada usoo dejiyaan Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadeynta Ganacsato loo haysto in Agabyada Qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab uga soo dejin jireen dekedda Muqdisho ayaa ka socota xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho.

Ragga loo haysto eedeyntan oo tiradoodu dhan tahay toddoba qof, ayaa waxaa kasoo hor muuqday maxkamadda ilaa shan Nin oo magacyadooda lagu sheegay; Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed iyo Cabdisalaam Cusmaan Maxamed.

Dacwadda dhageysigeeda ay ka bilaabatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa baxsad ka ah cadaalad oo aan kasoo hor muuqan fadhiga maanta labo eedeysane oo kamid ah ragga loo haysto inay Al-Shabaab agabyada qaraxyada uga soo dejin jireen dekedda Muqdisho, sida ku cad galka dacwadda.

Maxamed Cabdi Sheekh Cumar oo loo garan ogyahay Tuutaale ayaa ah eedeysanaha koowaad ee loo haysto agabyada qaraxyada ee Al-Shabaab looga soo dejin jirey dekedda Muqdisho, waxaana maxkamadda lagu soo bandhigay wada-sheekeysi la sheegay inay dhex-mareen isaga iyo ganacsade dibeddda jooga.

Cadeynta la horkeenay maxkamadda ayaa muujineysa eedeysane Maxamed Cabdi Sheekh iyo ganacsade kale oo dalka Shiinaha jooga oo tijaabo horudhac ah ka sameynaya agabyada ka hor inta aan laga soo dejin dekedda, si waxtarkeeda muhalignimo loo hubiyo.

“Xaqiiqda waxaa la ogyahay in qaraxyada daawooyinkaan iyo kiimakadaan loo isticmaalay oo fuleen dad ku dhamaaday huteelo, goobo dadweyne iyo xarumo dowladeed, shaqsiyaad la yaqaan iyo dad shacab ahba ay ku dhamaadeen, waxaana codsaneyna in eedeysanaha koowaad ay maxkamadda ku xukunto dil,” ayuu yiri mid kamid ah xafiiska xeer ilaalinta ciidanka qalabka-sida oo dacwada kusoo oogay raggaan.

Sidoo kale qareeno u doodayey eedeysanayaasha ayaa ku dooday in aan lagu fulin dil toogasho ah raggaan loo haysto inay ka dambeeyen keenista agabyada qaraxyada loo adeegsado, isla-markaasna aan loo gaar yeelin ciqaab aan dalka ka jirin, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, waxaa maanta soo xirmay dhageysigii koowaad ee kiiska dacwada loo haysto raggaan, iyada oo uu guddoomiyaha maxkamadda darejada koowaad ee ciidamada qalabka sida uu sheegay inay maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto.

Hoos ka daawo qaabka ay u dhacday dhageysiga maxkamadda

CC Shakuur: Qodobkii ugu adkaa saddexda qodob ee aan isku haynay DF lama fulin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta mucaaridka ayaa sheegay in dowladad ay isku hayeen saddex qoddob oo midkii ugu adkaa ilaa hadda aysan fulin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qoddobada ay cabashada ka gudbiyeen ay kamid ahaayeen arrinta Somaliland, gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inaysan xukuumadda Rooble ilaa hadda qoddobka saddexaad ka qancin Musharaxiinta.

“Arrimaha doorashooyinka saddex qoddob ayaa la isku hayey oo aasaas u aheyd, qoddobka koowaad wuxuu ahaa arrinta guddigadoorashooyinka, qoddobka labaadna waxa uu ahaa arrinta guddiyada Somaliland iyo qoddobka saddexaad oo ahaa arrinta Gedo,” ayuu yiri.

“Midowga Musharaxiinta tabashooyinkaas oo dhan wey la qabeen dadka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inta kale, laakiin waxaa gooni u aheyd arrinta laga qabo guddiyada doorashooyinka, waxaan liis u gudbinay 31-kii bisha dadkii ay ka qabeen tabashada, waxaas oo dhan waxay sal u yihiin inaysan dhici karin doorasho cadaalad ah, maadama ay yihiin dad u shaqeeya dowladda.”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku doodaya in ujeedka u weyn ee liiska cabashada ugu gudbiyeen ra’iisal wasaare uu yahay in liiska aysan kasoo muuqan xubno dowladda ka tirsan, maadama uu musharax yahay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo xiligan majaraha u haya dowladda.

Waxa uu arrin lala yaabo ku tilmaamay in qaabka turxaan bixinta ay u mareen guddigii uu Rooble u magacaabay xalinta tabashada aysan ogeyn, wuxuuna shaki geliyay in xukuumadda ay cabashada ka qabeen ay haddan garsoor aan la ogeyn hanaankiisa ka noqoto arrintaas.

“Hab raaca loo maray saxidaa mugdi ayaa ku jiraa, waa inay tix-gelisa dadka aragtida ka leh arrinta anaga keliya maaha, guddoonka labada aqal baarlamaanka iyo aqalka sarre cabasho ayey ka keenen. Waxkasta waa in daah-furnaan iyo si cad oo hufnaan leh u dhacaan,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa kal hor oo saaka aheyd shaaciyey mowqifkiisa ku aadan natiijadii kasoo baxday guddigii uu ra’iisal wasaare Rooble u xil saaray cabashadii ay ka qabeen guddiyada doorashada, kuwaasi oo 34-qof oo keliya dib loogu celiyay dhinacyadii soo gudbiyey markii ay baaris ku sameeyen.

Arrinta guddiyada doorashada ayaa markale noqon karta mid caqabad ku noqoto fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho, kaasi oo dalka u jiheynayey dhanka iyo doorasho, kadib is-jiid-jiid muddo soo taagna.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanihii dhowaan xaaskiisa ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay eedeysane loo heysto in 4-tii bishaan uu xaaskiisii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali  ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu soo saaray Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali. 

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac, laakiin, aan ogaanay in  magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo.”

Booliska ma aysan shaacin halka laga soo qabtay eedeysanaha, sida loo soo qabtay iyo goorta lasoo qabtay intaba.

Bashiir Cabdi ayaa Macallin iskuul ka ahaa iskuulka Hanti-wadaag ee degmada Warta-Nabadda.

Ehelada marxuumada ayaa waxay sheegeen in argagax leh uu u dilay marxuumada, isagoo madaxa iyo qeybaha kore jirkeeda bir ugu garaacay taasoo keentay in dadku ay ka argagaxaan markii la arkay marxuumada oo gacmaha ka xerxeran oo meyd ah.

Qoyska gabadha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u danbeeyay aysan lamaanahaasi xiriirkooda fiicneyn wax wada hadalna uusan ka dhaxeyn, taasoo labada qoys ay xal u waayeen.

Wasiir ka tirsan DF oo sabab yaab leh u dalbatay baaritaan lagu sameeyo doorashadii SOMALILAND ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay doorashada golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee dhacay 31-kii May, kuwaas oo shalay lasoo geba-gebeeyey shaacinta natiijooyinkooda.

Wasiirka haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegtay in la baarayo sababta 82 kursi oo Baarlamanka Somaliland loo tartamay hal dumar ah looga waayay, sidoo kale 221 kursi oo golayaasha deegaanka ah ay haweenka uga heleyn keliya saddex xildhibaan deegaan oo kaliya.

“Wasaaradda Haweenka, waxay si dhow ula socotay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka qabsoontay Somaliland 31 bishii May, taas oo ku dhacday jawi nabad geliyo ah, Murashaxiinta golaha baarlamaanka Somaliland, waxaa kamid ahaa gabdho lahaa hami siyaasadeed oo doonayay in ay kamid noqdaan golaha wakiilada oo ka kooban 82 kursi, nasiib daro dhammaan kuraasta waxaa ku guuleystay rag oo qof dumar ah kuma soo bixin tartanka ayaa lagu yiri,” ayey wasiirka ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale qoraal ay si gaar ah usoo dhigtay barteeda shaqsiga ee facebook ayey qeexid cusub ugu sameysay doorashada ayada oo tiri “Doorashada qof iyo codka ah ee Somaliland, 82 kursi oo Barlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin  . Sidoo kale 221kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex  xildhiban deegaan.”

Ugu dambeyn Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo sababta ay ku dhacday in xitaa hal qof oo dumar ah ku guuleysanin in ay kamid noqoto baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 82 xildhibaan.

Doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ku tartamay xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani, iyadoona doorashada sanadkaan ku jirin wax haweyn ah, waxaana durba dhaliilay siyaasiyiin iyo xukuumadda Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Soomaaliland oo ku aadan arinta ay ka dhalatay hadal haynta badan.

Qatar oo war kasoo saartay weerar ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa si weyn u cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay busteejo Gawaarida laga raaco oo ku taalo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Bayaan Maanta kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Debadda ee Qatar ayaa ku celisay mowqifkeeda ah inay si weyn u diidan tahay rabshadaha iyo falalka argagixisada iyadoo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha.

Wasaaradda waxay sidoo kale uga tacsiyeysay  qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo u rajeysay kuwa dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow isgoyska Ex Control Afgooye, waxaana ka dhashay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ay ku ganacsadaan  dad shacab ah, isla markaasna laga raaco gawaarida, lamana oga illaa hadda bartilmaameedka qaraxaas.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, inkastoo qaraxyada noocaan ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka  ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof.

R/W Rooble oo magaacabay laba xil oo cusub, kuwa kalena ka qaaday + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha arrimaha gudaha iyo warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Ra’iisal wasaaraha ayaa agaasimaha guud ee arrimaha gudaha u magacaabay, Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow, halka uu warfaafintana u magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, wareegto uu soo saaray Rooble ayaa Xayir loogu magacaabay xilkaas, isagoona lagu bedelay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Naasir Xuseen.

“Kadib markii uu tix-geliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Rooble waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay mudane Saciid Cabdullaahi Calasow,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

“Sidoo kale Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.”

Caasimada Online ayaa xalay baahisay xogta magacaabista agaasimaha guud ee warfaafinta oo aheyd mid hoose, hase yeeshe uu goordhweyd si rasmi ah u shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha, isagoo uu ku soo lifaaqay agaasimaha cusub ee arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisinta.

Xayir ayaa horay u soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga ayaa xalay loo magacaabay xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, kadib cadaadis ka yimid dhanka madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa aad u dhibsaday hanaanka tafaftir ee ay qaadatay warbaahinta qaranka oo tan iyo markii mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada uu wareejiyey madaxweyne Farmaajo si siman u tebineysay wararka mucaaradka iyo muxaafidka.

Nidaamkaan dhex-dhaxaadka ah ayaa la sheegay in xafiiska Farmaajo uu u arko mid caqabad ku noqon kara ololihiisa doorashada, maadaama doorashada soo socota kaalin muhiim ah ay ka cayaari doonto warbaahinta.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku dareysaa in qorshaha is bedelka lala damacsan yahay wasaaradda warfaafinta uu intaas ka balaaran yahay, waxaana socda qorshe Agaasimaha cusub uu xilalka uga qaadi doono agaasime waaxeedyada TV-ga, Raadiyaha iyo Wakaaladda SONNA.

Arrintaan ayaa waayahaan aad isha loogu wada hayey, maadaama is bedel badan oo dhanka tafaftirka ah laga dareemay warbaahinta qaranka oo si siman u qaadaneysay wararka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee mucaarad iyo muxaafidba.

Xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsamay go’aankii laga gaaray gudiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta mucaaridka ayaa durtaba ku kala qeybsamay natiijadii kasoo baxday baaris ay sameeyen guddigii uu ra’iisal wasaare u xilsaaray cabashada ay mucaaridka ka muujiyeen guddiyada doorashada.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay goor dambe ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan unbey aheyd markii midowga musharaxiinta ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Rooble ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwan uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan-yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Haddaba, qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay natiijada kasoo baxday guddigaas ayaa ku kala aragti duwanaaday, waxayna midaan banaanka soo dhigeysay kala qeybsanaan musharaxiinta ah oo ku aadan guddiyadaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u saaray soo turxaan bixinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka, halka uu si weyn usoo dhaweeyay Musharax Cabdikariin Guuleed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aan laga talo-gelin xubnaha ay xukuumadda shaacisay ee laga saaray guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo ka mid ah xubnaha cabashada laga keenay, walow kuwa kale ay weli ku jiraan guddiyada.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in weli guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan xubno ka mid ah hay’adda NISA, gaar ahaan kuwa ka tirsan dharcadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha, ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay”.

Musharax Cabdikariin Guuleed oo asaguna kamid ah Midowga Musharaxiint ayaa sheegay in guddiga uu Rooble u xilsaaray cabashada guddiyada doorashada ay dadaal badan muujiyeen, islamarkaana ay tahay in lasoo dhaweeyo.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka guddiga heer Wasiir ee kala shaandheynta. Anigoo u arka inay guddiga dadaaleen, muujiyeen faafreeb lagu kalsoonaan karo. Waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda xasilooni siyaasadeed,” ayuu yiri.

Cabdikariin Guuleed ayaa asagu qaba in qanacsani laga muujiyo natiijada ay soo saareen guddiga uu Rooble u xilsaaray cabashada guddiyadii doorashada, kuwaasi oo 34 xubnood oo keliya ka saaray liiska, si buu yiri doorasho xasiloon uu dalka u galo.

Si kastaba, hadallada kasoo baxay labada Musharax ee ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa banaanka soo dhigaya sida ay midowga musharaxiinta ugu kala qeybsan yihiin faafreebka lagu sameeyay guddiyada doorashada, midaasi oo caqabad hor leh ku noqon karta fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay isbaheysi cusub iyo ujeedka ka dambeeya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa waxay hadda magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen isbaheysi cusub, kadib ku dhawaaqistii natiijadii u dambeysay ee doorashooyinka Somaliland.

Labada Xisbi ayaa isbaheysigan cusub u magacaabay hogaan isku-dhafan oo ka tirsan Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeynayaan sidii labada xisbi ay u hanan lahaayeen hogaanka golaha wakiilada iyo deegaanada.

Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Hogaanka labada xisbi ayaa isku raacay in hogaanka u sarreeya ee golaha wakiilada iyo midka degmada Hargeysa laga faro maroojiyo xisbul xaakimka Kulmiye oo muddooyinkiid dambe hogaanka u hayey.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hogaaminayey doorashadii golaha wakiilada iyo deegaanka ee dhawaan ka qabsoomtay, waxayna ka dhigan tahay inuu isbaheysi cusub la sameystay xisbiga Ucid inuu aqlabiyada ugu badan ka helayo hogaanka golaha.

Xisbiga Ucid ayaa asaguna xubno ku leh golaha wakiilada iyo deegaanka, waana midda keentay in xisbiyadu sameystaan isbaaheysi cusub oo la isku gaashan-buureysanayo si ay u hantaan guddoonka iyo guddoon ku-xigeenka golaha wakiilada iyo hogaanka degmada Hargeysa.

Waxaa xusid mudan in doorashadii golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex iyo degmada Hargeysa ay codad tiro badan ku hogaaminayeen musharaxiinta ka tartamayey xisbiga Waddani.

Hoos ka aqriso magacyada guddiga isbaheysigan cusub

Daawo: Guddigii uu Rooble magacaabay oo shaaciyey tirada xubnaha laga saaray guddiyada doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Dhawaan ayaa markii middowga musharaxiinta waxay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha la qorsheeyey in guddiga laga saaro ay markii hore ahaayeen ku dhowaad 45 xubnood hase yeeshee xilli dambe ay soo baxeen cadaadis xooggan oo la saaray xubnaha guddiga xaqiijinta, ayada oo mas’uuliyiin miisaan culus ay ku dhegeen in xubnaha qaarkood loo daayo.

Guddiga xaqiijinta ayaa la filayaa inay dhowaan si rasmi ah u shaaciyaan magacyada xubnaha 34-ka ah ee guddiga laga saaray.

Dhinaca kale, xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa la sugayaa inay ka falceliyaan go’aanka ay guddiga xaqiijinta kusii daayeen 33 ka mid ah xubnihii ay cabashada ka keeneen, mana cadda inay aqbali doonaan iyo inay mar kale kala hadli doonaan ra’iisul wasaare Rooble.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo go’doon ku ah baadiyaha Shabeellaha Dhexe – Xog

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa muddo ka badan 10 cisho waxa uu ku sugan-yahay degaano ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday howgal ka dhan ah Al-shabaab. 

Ciidanka dowladda oo ka kala baxay degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ayaa Al-Shabaab ka qabsaday degaano badan, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Al-Shabaab wadeen abaabulka weeraro ka dhan ciidanka dowladda, sida aan kasoo xiganay saraakiil ka tirsan xoogga dalka. 

Taliyaha ciidanka Xoogga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la qorsheeyay in uu soo baxo Arbacadii, hase yeeshee waxaa la helay xog sheegeysa in Al-shabaab ay diyaariyeen weerar abaabulan, kaasoo dhacay Khamiistii toddobaadkaan. 

Sidoo kale Taliyaha ciidamada xoogga ayaa baajiyay safar kale oo kii Arbacadii iyo Khamiistii ka horreeyay, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay diyaariyeen dagaalamayaal, gaadiid qaraxyo laga buuxiyay iyo miinooyin badan oo dhulka la geliyay, waana sababta uu ilaa hadda taliyaha u joogo baadiyaha Shabeellaha Dhexe. 

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ay ka fuliyeen degaanka Warciise ee duleedka degmada Jowhar waxay ku dileen Korneel Maxamed Cabdiwaaxid Faarah oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, waxaana la sheegay in weerarkaas ay lala damacsanaa taliyaha Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage. 

Ciidanka Xoogga ayaa toddobaadyadii dhowaa xoojiyey howlgallada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka go’an in gobolka laga xoreeyo maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo badan haysata qeybo ka mid ah.

Barkhad Jaamac Batuun: Codad intee le’eg ayuu ka helay doorashada Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kamid ahaa musharaxiintii u tartamayey golaha wakiilada Somaliland ee ka sharaxnaa gobolka Maroodijeex ayaa kasoo muuqday liiska xubnaha u horeeya ee kusoo baxay natiijada horudhaca ah, isagoo noqday xubinta koowaad ee kasoo baxday xisbiga Waddani.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo goor dambe oo caawa ah ku dhawaaqay natiijada horudhaca ah ee golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ayaa sheegay in Barkhad Batuun uu kusoo baxay codad dhan 20,231.

Barkhad ayaa noqonaya xildhibaankii ugu codadka badnaa golaha wakiilada Somaliland, maadama uu kusoo baxay tiro saddex jibaar ka badan xildhibaanada ay kasoo wada muuqdeen liiska musharaxiinta ku guuleysatay golaha wakiilada Somaliland.

Barkhad oo kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland ayaa tan iyo markii uu bilowday ololaha doorashada si weyn u hantay quluubta shacabta gudaha iyo dibedda, midaasi oo keentay in uu helo codad labaatan kun ka badan.

Natiijada doorashada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ee la shaaciyey ayaa waxa uu xisbiga Waddani ka helay 7-Xubnood, waxa uu xisbiga Kulmiye helay 8-Xubnood, halka Ucid uu ka helay 5-Xubnood.

Natiijada la shaaciyey ayaa aheyd mid si weyn loogu dhag taagayey, maadama gobolka Maroodijeex uu yahay gobolka ay kasoo baxaan xubnaha ugu badan golaha, wuxuuna noqonaya gobolkii ugu dambeeyay ee Komishanka doorashooyinka Somaliland uu shaaciyo natiijooyinkiisa si horudhac ah.

Natiijada doorashooyinka Gobolka Maroodijeex iyo Hargeysa oo lagu dhawaaqay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa hadda lagu dhawaaqay natiijada doorashadii golaha deegaanka degmada Hargeysa ee caasimada Somaliland iyo golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex, oo saacadihii u dambeeyay si weyn loo wada sugayay.

Natiijada la shaacinayo hadda ee degmada Hargeysa iyo golaha wakiilada gobolka Maroodijeex ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee degmooyinka si horudhac ah loo shaaciyo, maadama degmooyinka iyo gobolada kale ee Somaliland lagu dhawaaqay natiijooyinkii horudhaca ahaa ee golayaasha deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saddexda xisbi oo si weyn ugu loolamay magaalada Hargeysa ayaa waxa hogaanka u haya xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo helay 7-Xubnood, waxaa ku xiga xisbiga Kulmiye oo isaguna helay 6-Xubnood, halka xisbiga Ucid uu helay 4-Xubnood.

Natiijada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ee ayadna la shaaciyey ayaa waxa uu xisbiga Kulmiye helay 8-Xubnood, halka xisbiga Waddani uu helay 7-Xubnood iyo xisbiga Ucid oo helay 5-Xubnood

Natiijooyinka golaha deegaanka degmada Hargeysa iyo mida golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ayaa si weyn loo wada sugayay, maadama uu yahay gobolka ay kasoo baxaan xubnaha ugu badan ee golahaas, islamarkaana ay sida weyn ugu loolamaan xisbiyadu.

Doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanka ee toddobaadkii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland ayaa ahaa kuwo si weyn indhaha loogu hayey, waxaana codeeyay dad ka badan 1-Milyan oo qof.