26.7 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Amisom oo war kasoo saartay eedeyntii ay DF Soomaaliya u jeedisay ciidamada Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay howlaglka Midowga Afrika ee AIMSOM ayaa lagu shaaciyey in AMISOM iyadoo ka jawaabeysa bayaankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya 4-tii bishan ay bilaawday baaritaanka duqeymihii ciidanka Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo.

“Howlgalka ayaa hada ku howlan aruurinta macluumaadka ku saabsan shilka la soo sheegey, waxaana si dhow ula shaqeyn doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan daneeyayaasha kale oo ay khuseyso inta aan baareyno arintaan,” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

Sidoo kale qoraalkan waxaa lagu sheegay in AMISOM ay waajib ku tahay inay si habsami leh ugu fuliso howlaheeda loo igmaday ee Soomaaliya, si waafaqsan asluubta, iyadoo la raacayo dhammaan sharciyada caalamiga ah ee khuseeya howlgalka. “Sidaas darteed waxaa ka go’an inay baaraan dhammaan eedeymaha ku saabsan xad-gudubyada xuquuqda ka dhanka ah ee loo geysto rayidka.”

“AMISOM waxay si buuxda u baareysaa dhacdada la sheegay wixii ka soo baxana waxaa lala wadaagi doonaa dhammaan daneeyayaasha ay khuseyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka AMISOM.

Maalin ka hor 4-tii June war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyey duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Ugu yaraan geerida hal qof iyo dhaawacyada shan qof oo kale ayaa la soo weriyey inay ka dhasheen duqeymaha ay Gedo ka heysteen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Agaasimihii W/Warfaafinta oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Naasir Xuseen xalay xilkii laga qaaday, iyadoo la magacaabay Agaasime cusub.

Cabdullahi Maxamed Xayir oo horay u soo noqday Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga ayaa la sheegayaa in xalay loo magacaabay xilka Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.

Waxaa horay idiinla wadaagnay inuu jiro cadaadis dhanka madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha uga imaanaya wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, kaas oo ah in la bedelo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa aad u dhibsaday hanaanka tafaftir ee ay qaadatay warbaahinta qaranka oo tan iyo markii mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada uu wareejiyey madaxweyne Farmaajo si siman u tebineysay wararka mucaaradka iyo muxaafidka.

Nidaamkaan dhexdhaxaadka ah ayaa la sheegay in xafiiska Farmaajo uu u arko mid caqabad ku noqon kara ololihiisa doorashada, maadaama doorashada soo socota kaalin muhiim ah ay ka cayaari doonto warbaahinta.

Xogta aan heleyno waxay intaas ku dareysaa in qorshaha is bedelka lala damacsan yahay wasaaradda warfaafinta uu intaas ka balaaran yahay, waxaana socda qorshe Agaasimaha cusub uu xilalka uga qaadi doono agaasime waaxeedyada TV-ga, Raadiyaha iyo Wakaaladda SONNA.

Arrintaan ayaa waayahaan aad isha loogu wada hayey, maadaama is bedel badan oo dhanka tafaftirka ah laga dareemay warbaahinta qaranka oo si siman u qaadaneysay wararka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee mucaarad iyo muxaafidba.

Dagaal culus oo ka dhacay GALGADUUD + Khasaaraha

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa deegaanada Docoley iyo Baxda-Gaabo, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaadkaas oo wada daga halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran ka dhashay baraago laga qoday deegaanadaasi, iyada oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay dagaalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, sida ay Caasimada Online u shegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee isku diriray halkaasu.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug ee ku aadan dagaalkaasi.

Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo khasaare kala duwan geysta, waxaana ay salka ku hayaan dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ay kala tirsanayaan beelaha qaar ee wada dega gobollada Galgaduud iyo Mudug oo dhaca bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Maxaa soo cel-celiyey weerarada Kenya ee Gedo?

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya, isla-markaana hoostago Jubbaland waxaa dhowaan ka dhacay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya, iyada oo khasaaraha ugu badan uu soo gaaro rayidka.

Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena kasoo jeeda Jubbaland ayaa ka hadlay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysanayaa gobolka Gedo, isaga oo shaaciyey in muddo dheer ay soo jireen weerarada ay Kenya ku heyso shacabka ee ku dhaqan gobolkaasi oo Soomaaliya ka mid ah.

Ciyaar Jecel oo u warramay telefishinka caalamiga ah ee Universal TV ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sababta soo cel-celisay weerarada ay inta badan ciidamada Kenya ka fuliyaan Gedo, wuxuuna ku sheegay inay tahay daan-daansi dagaal oo ay wado dowladda Kenya oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ahee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Kenya ay u aragto gobollada Gedo iyo Jubbooyinka meel laga difaaco dhulkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Sababta soo cel-celisa wey iska cadahay sidaad la socoto dowladda Soomaaliya iyo Kenya cilaaqaad xiriira oo ka dhexeeya haba-yaraatee ma jiro waa kuwa dhowr bilood ka hor xiriirkii kala qaatay waxa soo cel-celiyey waxaa weeye daan-daansi micanaha aan loo aabo yeelin, iyaga oo leh Gedo ama Jubbaland waxaanu ka dhiganeynaa meel aan ka difaacno Kenya,” ayuu  wareysigaan ku yiri Xildhibaan Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

Ugu dambeyn wuxuu baaqay dowladda Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiso weerarada ay Kenyo ka wado dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Gedo, sidoo kale wuxuu ku booriyey siyaasiyiinta iyo shacabka inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinkaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey dowladda Soomaaliya ay u cambaareysay duqeyntii u dambeysay oo Kenya ay ka fulisay deegaanka Ceel-Cadde, taas oo ay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay Hooyo Soomaaliyeed iyo caruurteeda.

Amisom ayaa sidoo kale maanta war cusub kasoo saartay duqeyntaasi, iyada oo sheegtay inay sameyn doonto baaritaan dheeraad ah, isla-markaana ay la shaqeyneyso dowladda.

Xog: Labada qof ee lagu tuhmayo dilkii Nafisa Cumar oo meydkeeda laga helay digsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gaba-gabo ah maraya baaritaanka dilkii fooshaa xumaa ee Muqdisho todobaadkii hore loogu geystay Nafiso Cumar Cabdullaahi oo 11 sano jir aheyd, taasi oo meydkeeda maalmo kadib laga dhax helay Digsi ku jira gurigii ay ku nooleyd oo ku yaalla degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir. 

Waalidka Marxuum Nafisa ayaa sheegay in hay’adda Dambi Baarista ee Booliska Soomaaliya ee CID ay soo daayeen 3 qof oo kale oo qoyska kamid ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii la xiray maalintii ay arrintaan soo ifbaxday iyadoo lala haray laba qof oo walaalo ah. 

Aabe Cumar Cabdullaahi ayaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u sheegay in baaritaan gaar ah uu ku socdo gabar iyo wiil walaalo ah, islamarkaana ay walaalo ilma Abti ah ay ahaayeen hooyada dhashay Marxuum Nafisa, kuwaasoo la sheegay in guriga ay kaligood joogeen markii la weynayay Marxuum Nafisa oo 11 jir ah. 

Wiilka xiran ayaa jira 20 sano halka gabadhana ay jirto 16 sano, waxaana la helay cadeymo qaar oo la xiriirinaya in arrintaan ay iyaga ka dambeeyeen sida aan ka soo xiganay CID-da Soomaaliya oo kiiskaan gacanta ku heysa, balse weli laguma caddeyn arrintan.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodisho ayaa maanta warbaahinta u sheegay in kiiskaan uu marayo meel wanaagsan islamarkaana dhowaan ay soo saari doonaan warbixin dhameestiran. Falkaan oo ahaa mid aad u fool xun ayaa cabsi weyn ku abuuray qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo ilaa hadda aad u hadal haaya. 

Xog: Rooble oo fuliyey ballan uu ka qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka dalbaday in aysan ka hadlin rasaastii lagu furay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayay Khamiistii meel u dhow Maxkamadda Gobalka Banaadir. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in uu ka jawaabo wixii dhacay islamarkaana aaggaas laga wareejiyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ama xil ka qaadis lagu sameeyo taliyaha ciidanka Asluubta oo saacado kadib raali gelintii uu bixiyay ka laabtay. 

“Rooble, Xasan Sheekh iyo Mucaaradku waa wadahadleen waxayna ku ballameen in la qaboojiyo xaaladda isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada ka jirta wadadaas waana ka qabtay,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan Xafiiska Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar ayaa shalay ciidankii Asluubta ka qaaday goobtii lagu rasaaseeyey Xasan Sheekh, waxaana lagu beddelay ciidamo boolis ah, kadib markii uu sidaas amray ra’iisul wasaare Rooble.

Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa rasaaseeyay Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo arrintaas ay dhalisay hadal badan waxaana ilaa hadda ka hadlin Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, sababtuna waa codsiga Rooble oo diidanaa in arrinta ay kasii darto.

Booliska oo xog buuxda ka bixiyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa hadda warbaahinta u sheegay in qaraxii is-miidaaninta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Ex-Control ay ku geeriyoodeen haweeney shacab aheyd iyo qofkii is qarxiyey.

Qaraxa ayaa ka dhacayo suuq lagu iibiyo Hilibka, Mallaayga, sidoo kale ay ku dhowdahay busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeynley, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Sidoo kale 23 qof oo kale ayuu sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, afhayeenku wuxuu kaloo ka hadlay kiisaska haweeney uu dhawaan seygeedii ku dilay degmada Warta-Nabadda iyo gabar yar oo dhawaan meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed oo ay ku nooleed.

Waxa uu sheegay in lagu raad joogo eedeysanaha lagu tuhmayo inuu dilay xaaskiisii, kaas oo macalin ka ahaa mid kamid ah Iskuullada Muqdisho, halka baaritaanka kiiska gabadhii meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo oo dad loo soo qabtay. 

Ugu dambeyntii afhayeenku waxa uu sheegay in markii lasoo gabagabeeyo baaritaanka labadaas kiis ee lagu dilay gabdhaha ay natiijada la wadaagi doonaan hey’adaha cadaaladda dalka.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shahaab.

Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinaya ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageen gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray magaalada.

Hoos ka Daawo

Xog: Tirada xubnaha laga saarayo guddiga doorashada ee cabashada laga keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in go’aan kama dambeys ah laga gaaro xubnaha cabashada laga soo gudbiyey ee guddiyada doorashada labada heer oo ay midowga musharixiinta u gudbiyeen Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, Guddiga heer wasiir ee xaqiijinta caddeymaha xubnahaas ayaa la filayaa inay caawa kala saaraan xubnaha 67 ah ee khilaafka ka taagan yahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddiga heer wasiir ayaa go’aan ku gaaray in la badalo qiyaastii illaa 45 xubnood oo ka tirsan 67 xubin ee cabashada laga soo gudbiyey

Guddiga ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbin doono go’aanka ay ka gaareyn kala saarista xubnahaas, waxaana kadib la filayaa inuu si rasmi ah u faafiyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Howsha loo xil saaray guddiga heer wasiir ayaa dhaaftay waqtigii loogu talagalay in go’aan laga gaaro, waxayna saameyn ku yeelatay jadwalkii loo dajiyey doorashada Soomaaliya oo 27 Bishii May ay si wadajir ah u saxiixeyn Ra’isulwasaare Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay mid mid u baaraan xubnaha guddiga, kadibna go’aan kasoo gaaraan kuwa cabashada laga keenay ay saxda tahay si guddiga looga saaro, iyo kuwa aysan saxda aheyn ee ay tahay inaan la taaban.

Shaqada guddiga ayaa waxaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay Villa Soomaaliya, waxaana soo baxeen shakhsiyaad awood ku dhex leh dowladda oo difaacaya xubnaha qaar ee cabashada laga keenay.

Shakhsiyaadkan ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan kuwaas oo guddiga ku qasbaya in xubnaha qaar aysan guddiga ka saari karin, ayada oo midba uu si gaar ah u difaacayo shakhsi gaar ah.

Go’aanka laga qaato xubnaha guddiga ee cabashada laga muujiyey ayaa dhaawici karta ama kor u qaadi karta kalsoonidii madax-banaani ee lagu qabay ra’iisul wasaare Rooble oo iminka wajahaya imtixaankiisa koowaad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qof la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu isku qarxiyay goob Suuqa ah oo ku taal meel u dhow Isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Suuqa uu qaraxa ka dhacay lagu iibiyo Hilibka, Mallaayga, sidoo kale ay ku dhowdahay busteejo laga raro Gaadiidka dadweynaha ee aada dhinaca degmada Dharkeynley, waxaana xilliga qaraxa uu ka dhacayay ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay, waxaana la xaqiijiyey dhimashada 3 qof halka dhaawaca uu gaarayo illaa 10 qof.

Xilliga uu qofka isku qarxinayey halkaas ayaa waxaa meesha taagnaa gaari ay saarnayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Militariga lamana oga haddii uu qofka is qarxiyey bartilmaameedkiisu uu ahaa Ciidamada Dowladda.

Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, waxaana la joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Isgoyska Ex-Control oo markii horeba qeyb ahaan u xirnaa sababo la xiriiro dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana qaraxyada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shahaab.

Muddooyinki dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo badinayey dadka is qarxinaya ee ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada Dowladda si weyn uga hor tageen gawaaridii qaraxyada lagu fulin jiray ee soo geli jiray magaalada.

Xog: Sababta ay maamullada qaar usoo magacaabi la’yihiin guddiyada doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada dalka ayaa ka caga jiidaya inay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaare Rooble liiska guddiyada doorashooyinka heer gobol iyo heer federal si loo dedejiyo arrimaha doorashada.

Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Hase yeeshee maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo lagu tiriyo kuwa ku dhow madaxweyne Farmaajo, ayaan weli soo gudbin liisaska laga sugayo, waxaana durba soo baxaya tuhuno laga qabo arrintan iyo waxa laga damacsan yahay.

Inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in tani ay tahay isku day la doonayo in lagu dheereeyo waqtiga qabashada doorashada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in culeys siyaasadeed oo haysta maamulladan dartood ay ugu wacan tahay go’aan qadasho la’aantooda.

Xogtan aan helnay ayaa sheegeysa in sababta arrintan ugu wacan ay tahay ayada oo maamulladan, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle ay saameyn iyo faro-gelin xooggan ku leeyihiin madaxda dowladda iyo mucaaradkaba, taasi oo ku adkeysay inay gaaraan go’aan deg deg ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli isku dayaya inuu xubno ku dhex yeesho guddiyada ka imanaya maamulladan, halka sidoo kale Midowga Musharaxiinta oo hadda sidii hore ugu dhow madaxda HirShabelle iyo Galmudug ay iyagana loolan ugu jiraan inay wax ka helaan xubnaha guddiyada doorasho. Waxaa sidoo kale faro-gelinta aan ka marneyn xildhibaano miisaan culus oo loolan ugu jira dib usoo laabasho.

Guddiyada doorasho ayaa la rumeysan yahay inay saameyn xooggan ku lahaan doonaan cidda xildhibaan noqoneysa iyo cidda kale, waana taas sababta magacaabistooda la isugu hayo. 

Heshiiska 27-ka May ayaa dhigaya in dalka ay doorasho uga dhacdo 60 maalmood gudahood, hase yeeshee sida hadda ay wax ku socdaan waxaa muuqata inaysan doorasho ku dhici doonin muddadaas.

SOMALILAND oo amar culus dul-dhigtay musharaxiintii guuleystay + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa amar culus dul-dhigtay xubnaha musharraxiinta ee ku soo baxay natiijooyinka hordhaca ah ee la shaaciyey, kadib doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka ee Isniintii ka dhacday maamulkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Hargeysa Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey sida ay u dhaceen doorashooyinka ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddigii ka shaqeeyey qabsoomida doorashooyinkii dhowaan ka dhacay magaalooyinka Somaliland.

Kaahin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan ay harsan tahay kaliya ku dhowaaqista natiijada doorashooyinkii ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo saaray amaro culus oo ku socdo xubnaha musharraxiinta ee guuleystay iyo kuwa laga guuleystay, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida guud.

Halkan hoose ka aqriso

1: Inay sameeyaan dabaal degyo waaweyn oo gawaarida magaalooyinka lagu wareejiyo, taasi oo dhalin karta nabadgeliyo darro.

2:  In ay mamnuuc tahay in lanisticmaalo waxyaabo Bululeer oo kale ah, oo xilliga ololaha ay kujireen Musharixiinta ay isticmaaleen.

3: in sidoo kale ay mamnuuc tahay waxkasta oo kicin kara musharixiintii kaga guuleystay, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Xisbiyada in Xildhibaannada ka tirsan ee guuleystay ay u gudbiyaan xeerarka lagu dhaqo dalka ee ka hortagaya dhibaatooyinka lidiga ku ah amniga.

Go’aanadan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, iyada oo saaka magaalada Gibiley ay dad ka careysan doorashada dibad-bax ka dhigeen magaaladaasi, kadib markii uu doorashada deegaanka kusoo bixi waayey musharraxii Xisbiga Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi.

Dagaal ka dhacay Muqdisho oo khasaare culus gaystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska koontarool Balcad ee degmada Heliwaa, kuwaas oo ilaalo ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib iska hor imaad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac , inkastoo aan is dhab loo ogeyn.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi xigay ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca kooxda Al-Shabaab, iyaga oo intaasu kusii daray inay khasaare xoogan gaarsiiyeen ragga dagaalka soo qaaday.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale dagaalka, kadib howl-gallo kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, iyada oo weerarkan uu qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro gaadmo ah ku qaaday ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha dhismaha ka wada wadada Muqdisho iyo Jowhar.

Axmed Madoobe iyo Deni oo qaaday tallaabo meesha ka saartay eedeyntii madaxweyne FARMAAJO ee doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Tallaabada ay qaadeen labada madaxweyne ayaa noqoneysa mid meesha ka saareysa eedeyntii Farmaajo ee aheyd in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay diidan-yihiin in dalka uu aado doorasho.

Axmed Madoobe ayaa 1-dii bishaan Jun u gudbiyey xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta xubaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa tiradoodi dhameyd 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbalanad, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyey iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale, Wareegto kasoo baxday 2-dii bishaan xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iyadana lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya siddeed xubnood.

Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahaan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska ra’iisal wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqonaya maamuladii u horeeyay ee soo magacaaba xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo ilaa hadda aysna xubnahooda soo gudbin maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda dowlad goboleed ee ilaa hadda aan soo gudbin Guddiga ku matalaya doorashada, ayaa waxaa xusid mudan inay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee soo magacaabay Guddiyadii muranka ka dhashay kaddib saxiixi 17-ka September 2020-ka.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa in guddiyadooda ay soo magacaabi waayan saddexdaan dowlad goboleed, hase yeeshe waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya inuu weli taagan yahay is-jiid-jiid cusub.

Halka laga keeney Turkey iyo meesha loo wado Sacuudi

Mahad dhamaanteed alle ayay u sugnaatay,  nabigeena suuban nah naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato. Maqaalkan waxa aan uga hadlayaa Isbadalo Kasocda qaar kamid ah wadamada islaamka,  gaar ahaan Labbo wadan oo Kamid ah wadamada ugu Tunka weyn wadamada islaamka waaana:….

A) Turkiga
B) Saudia Arabia

Labbadaan wadan waxa aan usoo qaatay sababo la xiriira inay yihiin wadamo muraayad u ah islaamka kuwaas oo taariikh ahaanba huwan diinta islaamka.

Xogtaan waxa ay ku koobnaan doontaa qarnigii tagay iyo kan lagu jiro oo kaliya,  waxaana is dul taagi doonaa wadan waliba suu ahaa anigoo isbadaladaas kusaleynaya qoddobada soosocda.

• Hormarinta dhinaca dacwada Diinta islaamka
• Hormarinta Iyo garab qabashada Wadamada islaamka
• Hiigsiga uu mid waliba hiigsanayo siduu u noqon lahaa mid ka ciyaara darajo sare marka lafiiriyo arimaha laxirriira islaamka iyo guud ahaan caalamul islaamiba.

Si aynu u dheehano sirta ku daahsoon awoodaha iyo loolanka maldahan ee ka jira wadamadaan aynu u daadagno gunta dhigaalka inagoo ku horaysiinana Turkiga.

Turkey

Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ay ku shaqeyn jirtay dowladii Cismaaniyiinta,  taas oo u dambeysay Khilaafooyinkii islaamka soomarey. 

Sidoo kale Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ugu dambeysay oo uu kataliyo taliska guud ee islaamka.

Awoodii ay ku naaloonaysay Turkigu waxa ay daciiftay bilowgii Qarnigii 18aad.

Kolkaas gaaladu waxa ay isku deydey iney inqilaabto Turkiga,  weyna inqilaabtay.

Sannadii 1924 Mustafe Kamal AtaaTurkey ayaa aas-aasay jamhuuriyada Turkiga.

Reer galbeedku waxay la galeen balan salka ku haysa inaan dib dambe loomaqal khilaafo islaamiya iyo in shareecada islaamka latirtiro, laguna shaqeeyo qaanuunka reer galbeedka Iwm.

 Sannadii 1925 waxa uu soo saaray qaanuun mamnuucaya shacaa’irta islaamka sida:

• Gabadhu iney xijaabato
• Cimaamada madaxa lasaarto
• Salaanta Muslimiinta isku salaaman iyo wixii la halmaala.

Sidoo kale sannadii 1928 waxa uu mamnuucay

• In shareecada islaamka la barto
• In Afka Carabiga lagu adimo
• Raga iyo dumarka iney dhaxalka kasimanyihiin.
• Iwm.

Intaas waxaa usii dheerayd mamnuuc ka ahaanshaha uu mamnuuc ka yahay qof Turkey ahi inuu xajka aado muddo dheer oo 20 iyo dhowr sanno ah.

Masaajidka ugu weynaa Turkiga waxaa loobadalay madxaf dadku ay booqdaan.

Nin layiraahdo Cadnaan madri oo reysal wasaare kanoqday dalkaas kaas oo hogaaminayey xisbul cadaala isagoo loolan doorasho ku jira ayuu raacay diyaarad.

Haggaha diyaarada (Beylood) ka ayaa usheegey rakaabku iney isdiyaariyaan oo ay diyaaradu dhacayso cilad jirta owgeed .

Cadnaan wuxuu balan ku qaaday haduu alle ka badbaadsho shilkan uuna mar hogaanka Turkiga u gacan kalo, inuu kuceliyo islaamnimada.

Awooda alle iyo qadar kiisa qurxoon dartiis wuxuu cadnaan noqday shakhsiga kaliya ee ka badbaaday shilkaas.

Wakhtigu waxa uu is guraba waxaa dhacday doorashadii laga qorshaynayay wadankaas waxaana kusoo baxay codayntii cadnaan,  waxa uuna ku guuleysatay majaro u qabashada dalkaas.

Shacabka Turkigu waxay kujireen nolol adag waxeyna u heelanaayeen qof mar qura ka sheekeeya islaamka.

Cadnaan guushiisii kadib waxa uu shacabkiisa usheegey,  hadii ay dhalato bisha ramadaan in lagaga adimi doono af carabiga gabi ahaan masaajida dalkaas.

shacabkiisu waxay aad ugu riyaaqen arinkaas halka ay aad uga xumaadeen reer galbeedku,  maadama uu ka xuub siibtay dal ay kusoo tababareen cilmaaniyada.

Wakhtigaan la joogo Turkigu ma ahan kii hore ee la dhalan rogay se waa mid kudhisan jaceyl diineed iyo difaacida dadka muslimka ah.

Aan inyar kasii ifiyo Turkiga uu maanta hoggaanka u hayo madexweyne Erdogan,  waxaa aad looga dheehdaa inuu yahay shakhsi kufaana islaanimadiisa kaas dalkiisa iyo dadkiisaba Diin jaceyl ku haga.

Sidoo kale waa hoggaamiye in badan ka shaqeeyey sidii uu Turkigu u noqon lahaa dal hormuud u ah islaamka.

Sidii loo mideyn lahaa dalalka islaamka oo ay isku garabsan lahaayen.

Sidii Diinta loo difaaci lahaa loogana soo horjeedsan lahaa islaam nacaybka.

Difaacida dadka muslimiinta ah ee daafaha Aduunka ku dhaqan hadey soo wajahdo dhibaato.

Udoodida qadiyaha islaaamka sida arinta Walaalaheen reer falastiin.

Turkigu marma marka ka danbaysa waxaa kasoo yeera baaqyo farxad gasha quluubta muslimiinta sida in dib loo furo masjidyo horey madxaf u ahaa.

Waxaa tusaale nool ah wakhti xaadirkan Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaalada Istanbul in markale loo bedalay masjid,  kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.       

Guntayda iyo gunaanadkayga Turkigu waa wadan Koraya dhan kastoo laga qiimeeyo sida 

Saudi Arabia 

Wadankani waa dal ku yaal galbeedka Aasiya oo ka kooban qaybta jasiiradda Carabta.

Sacuudi Carabiya ayaa ah gobolka ugu weyn ee madaxbannaan Bariga Dhexe,  kaas oo juqraafi ahaana ah gobolka shanaad ee ugu weyn Asia tan labaad ee dunida Carabta ka dib Algeria iyo 12aad ee adduunka ugu weyn.

Sacuudi Carabiya ayaa xuddun u ah Jordan iyo Ciraaq waqooyi,  Kuwait ilaa waqooyi bari,  Qadar,  Bahrain iyo Imaaraadka Imaaraadka Carabta xagga bari,  Oman ilaa koonfur iyo yemen xagga koonfureed.

Waxaa laga soocay Israel iyo Masar Gacanka Cadanba,  waana waddanka keliya ee leh xeebta Badda Cas iyo xeebta Gacanka oo badi dhulkeedu wuxuu ka kooban yahay lamadegaan,  dhul hoose iyo buuro.

Sacuudi Carabiya waa isha dhaqaalaha ugu weyn ee Bariga Dhexe ilaa Oktoobar 2018 iyo dalka 18aad ee adduunka ugu weyn.

Saudi Carabia waa wadan dadkiisu muslim yihiin waxaana laga soosaaray Nabigeena Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato.

Sidoo kale waa wadan ay kuyaalaan goobo nagu weyn hadaan nahay dad ku abtirsada islaamka,  waxaa kuyaala Xarameynkii.

Waa wadan Islaamku wada ilaashado maadaama uu yahay xaruntii islaamka waa mid waajib naga saaranyahay inaynu wada Ilaalino sharafta iyo Karaamada Saudia Arabia.

Aynu u daadagno gunta digaalkeena iyo dhulka la isku yiraahdo sacuudi carabiya.

Sacuudigu waa wadan soo maray taariikh iyo mar-xaalado kaladuwan , waa wadan xudun u ahaa furashooyin badan (Fatuuxaad).

Uma dhaadhacayo taariikhdii ay soomartay sacuudi carabiya se waxaan waxyar ka iftiimin doonaa xog yar oo ku saabsan.

Sacuudi carabiyadii mucaasirka ahaa waxa uu ahaa wadan kudhaqma diinta islaamka iskuna xukuma dhamaan shacaa’irta islaamka weliba dhowra.

Waxa uu ahaa wadan Lagu barto shareecada islaamka , wadamada islaamkana ka caawiya xaga faafinta dacwada islaamka.

Sucuudigu wuxuu ahaa wadan xudun u ah mabda’a Salafiga.

Waxa uu ahaa wadan Mar waliba isku arka kan ugu sareeya marka laga hadlayo wax yaabaha kusaabsan Islaamka.

Waxa uu ahaa wadan ka qeyb qaata caawinta dadka dhibaataysan ee kudhaqan wadamada danyarta ah ee islaamka.

Waxa uu siin jiray Waxbarasho bilaash ah ardeyda huwan haybada islaamnimada ah ee daafaha dunida kala joogta.

Waxa uu qeyb kaqaadan jirey hormarada wadamada islaamka ee Faqriga ah.

Nasiib darro wakhtiyadan danbe waxa ay cagta saartay wado hoos u dhigaysa qiimaheeda iyo sumcaday islaamku u hayeen.

Tan micnaheeduna ma’ahan in wanaagii sucuudigu ee aan kor kusoo xusnay uu burburay balse waa saadaal laka dheehan karo in loo baqayo.

Sababtoo ah wakhti xaadirkan uu yimid wiilka dhaxal sugaha ah ee Mohamed binu salmaan,  waxa uu la soo baxay dagaal uu kuhayo kudhaqankii shareecada islaamka.

Marba marka ka danbaysa waxaa kasoo dhalaala waxyaabo aan lagu farxin.

Arimihii udambeyey oo uu ku kacay waxaa kamid ah:

  • Inuu furey goobo koob ciyaar lagu sameeyo (dance).
  • Inuu dhiirigashay isdhexgalka Raga iyo dumarka ajanabiga kala ah taas oo qayb ka noqotay inay iskumeel kuwada qoobka ciyaaraan.
  • In uu wadanka kucasumay dadka ugu xun xun dadka kucaanka ah qoobka ciyaarka (dance ) wadankii ugu barakada badnaa wadamada.
  • Inuu hoos udhigey dacwadii hay’ada fariqada kheyrka iyo kareebida xumaanta taas oo kashaqeyn jirtay Saudi Arabia.
  • Inuu badalay boor kudhaganaa Wadada aada medina Almunawara taas oo ay ku qorneyd “waxaa gali kara dadka muslimka ah” isagoo u badalay aaaga xaramka oo kaliya.
  • Inuu sameeyey xarumo shaneemooyin ah oo la iskugu yimaado.
  • In uu mamnuucay in makarafoonka Salaada kor looqaado uuna diiday in banaanka laga maqlo Quraanka iyo Salaada marka latukanayo.
  • In ay dowladiisu ku dadaaleyso In wadanka laga dhigo wadan loo soodalxiis tago,  taas oo saamayn tabab yeelan karta.
  • Inay ciqaab kala kulmaan culumadii isbida inay wax saxdo.
  • In qadiyadihii Islaamka ee guud aad moodid inuu ka xuubsiibanayo sacuudiga,  xitaa laga cabsi qabo inuu afku is dhalan rogo.

Guud ahaan waxyaabahaasu waxay cadaymo u yihiin dib u socodka kasoo dhalaalaya maamulka furaha u haya sucuudiga oo ah wadanka ugu barakada badan wadamada islaamka.

Waxaa nagu waajib ah inaan ka dhiidhino intii awoodeena ah sidoo kale aan u ducayno inuu alle noo xafido wadamada shacaatirka iyo taariikhaha islaamku ku duuganyihiin gaar ahaan sucuudi carabiya.

Ugu danbayn Ujeedadeydu waxa ay ahayd inaan isla aragno halka Turkiga laga keeney iyo halka loowado,  sido kale halka Sucuudigu joogi jirey iyo halka loowado.

Hadaba waxaa muhiim ah arrimaahaas oo dhan inaan sifiican isha ugu hayno waayo Aduunyada maanta isbadalo iyo tartamo xoogan baa ka socda la socodkooduna waxa ay muhiim noogu yihiin fursaha aan uga diirad qaadan karno sidaan u samayn lahayn isbadal dal iyo dad iyo ka qaadashada waayo-aragnimo mid taban iyo mid toggan bah.

Waxaan idin ku dhex xusuusin dhigaalkan in lagu jiro xilli adag,  waxaa muhiim ah inaan diinteena gows dambeedka ku qabsano oo kudhaqankeedana kudadaalno.

Sidoo kale aynu isku ducayno In Alle mideeyo Umadda islaamka.
Alle iimaanka hanagu sugo, Khaatumadana hanoo wanaajiyo.

Abdirahman Mohamed Aden – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Laba dhacdo oo kala duwan oo Taliye Shub uu ka sheegay weerarkii Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay rasaastii lagu furay kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ayaa hadalkiisi ugu horeeyay ku sheegay in falkaas uu u dhacay qaab aan ku talo-gal aheyn, isagoona raali-gelin ka bixiyey wixii ka dhacay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu xabadeeyay Xasan Sheekh.

“Ilaali la socotay Xasan Sheekh ayaa waxa ku qaldamay ciidankii Asluubta, shil ayaa dhacay oo cid loogu talo-galay majirin, madaxweynihiina waa ka raali-gelinaynaa iyo umadda Soomaaliyeedba,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta.

Maalin kadib, Taliyaha ayaa eedeynta u weyn ee falkaas dusha u saaray ilaalada madaxweynihii hore, isagoona sheegay hadal ka duwan midkiisi hore ee kor ku xusan, wuxuuna sheegay in rasaasta ay bilaabeen ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gudbay barkatarool ee lagu rasaaseeyay, kadib markii ay isku dayeen inay hubiyaan gawaarida uu saarna madaxweynaha hore.

“Gaariga cabdi-bilaha ee ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudbay. Waxay ahayd inay istaagaan. Haddii uu dhihi lahaa waxaan wadnaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, askarta jidkey u furi lahayd ma dhihin ee waa gudbay,” ayuu yiri.

“Kadib markii uu gudbay, wuxuu joojiyeen (ciidamada) gaariga dambe si ay u hubsadaan. Gaarigii gudbay ayaa xabad soo billaabay. Kaamiraa jirto, umad badanaa joogtay. Waxa aan sheegayana waa wax cad. Dhibaatada Cabdi-bilahaas ayaa sameeyay. Wuxuu dili gaaray ninkii uu ilaalinayay.”

“Haddii cidi xabad kugu soo riddo, waxay tahayna aadan ogayn, adigana aad xabad haysato, faataxa lama akhrinaayo ee xabad baa loogu jawaabayaa, markaa arrinka xabadda sidaa bay ku dhacday, ma ahan wax Asluubtu bilowday.”

Hadallada Taliyaha ee is-burinaya ayaa dhaliyey hadal hayn badan, ayada oo dadka qaar ay su’aal geliyeen arrinta keentay in labo mar uu siyaabo kala duwan uga hadlo rasaastii lagu furay Xasan Sheekh, xili xildhibaano la socday madaxweynihii hore ay ku tilmaameen “isku-dey dil oo bareer ah,” ayagoona ka dalbaday madaxda dalka inay baaris ku sameeyaan.

Macallin iskuul oo xaaskiisa si arxan daran ugu dilay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay fal aad looga argagaxo, kadib markii Macallin iskuul uu si arxan daran u dilay xaaskiisa, sida ay sheegeen goobjoogeeyaal iyo qoyska gabadha la dilay.

Bashiir Cabdi oo ahaa macallin wax ka dhiga iskuulka Hanti-wadaag ayaa lagu eedeeyey in gurigii uu ka guursaday ku dilay xaaskiisa Salaado Faarax Cali oo u dhashay hal gabar, dhacdadaan oo ka dhacday degmada Warta Nabadda {Ex-Wardhiigleey}.

Ehelada marxuumada ayaa waxay sheegeen in argagax leh uu u dilay marxuumada, isagoo madaxa iyo qeybaha kore jirkeeda bir ugu garaacay taasoo keentay in dadku ay ka argagaxaan markii la arkay marxuumada oo gacmaha ka xerxeran oo meyd ah.

Qoyska gabadha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u danbeeyay aysan lamaanahaasi xiriirkooda fiicneyn wax wada hadalna uusan ka dhaxeyn, taasoo labada qoys ay xal u waayeen.

Dilka marxuumad Salaado Faarax Cali ayaa si weyn looga argagaxay. waxayna qoyska gabadha ay ka codsadeen DF in loo caddaalad falo marxuumada.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa hadda baadi goob ugu jira macalinka dilka u geestay xaaskiisa oo baxsaday. Macalinka dilka geestay ayaa caan ka ahaa degmada Warta Nabada uu degnaa sidoo kale macalin ka ahaa

Facebook oo xukun laba sano ah ku ridday Donald Trump

Menlo Park (Caasimada Online) – Shirkadda Facebook ayaa ku dhowaaqday inay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday isticmaalka shabakaddan muddo laba sano.

Facebook ayaa madaxweyne Trump ku eedeysay inuu huriyay weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka Mareykanka 6-dii Janaayo 2021, isaga oo u adeegsanaya baraha bulshada oo ay Facebook ku jirto.

“Ayada oo la eegayo baaxadda duruufihii hoggaamiyey in la xayiro Mr. Trump, waxaan aaminsannahay in ficilladiisa ay ka dhignaayeen xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarkeena, taasi oo u qalanta ganaaxa ugu sarreeya,” waxaa sidaas yiri madaxweyne ku-xigeenka Facebook ee arrimaha caalamiga ah Nick Clegg, oo soo saaray bayaan. 

“Waxaan cinwaanadiisa xannibi doonnaa muddo laba sano ah, oo kasoo billaabata taariikhda xayiraddii koowaad oo aheyd 7-da Janaayo ee sanadkan.”

Go’aanka Facebook ayaa yimid kadib markii guddi kormeer oo ay shirkadda sameeyey ay bishii tagtay joogteeyeen go’aankii Trump looga mamnuucay shabakaddan, balse ay sheegeen inaysan sax aheyn in Trump lagu soo rogo xayiraad abadi ah.

Trump ayaa si deg deg ah uga jawaabay go’aanka Facebook, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku yiri “Xukunka Facebook wuxuu aflagaado ku yahay 75-ka milyan ee ii codeeyey doorashadii 2020 ee lagu shubtay.”

“Ma ahan in loo ogolaado inay la baxsdaaan faafreebkan iyo aamusintan, ugu dambeynna waa guuleysan doonnaa. Dalkeena uma dulqaadan karno xadgudubkan hadda kadib,” ayuu yiri.

Facebook ayaa sidoo kale go’aan cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in hadda kadib aysan mas’uuliyiinta xilalka haya ka reebi doonin in lagu dabaqo xeerarka shirkadda, taasi oo Trump uu kaga baxsan jiray in tallaabo laga qaado muddadii uu xilka hayey.

Al-Shabaab oo shaacisay inay dib u qabsatay deegaano ku yaalla gobolka Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay markale dib ula wareegeen deegaanadii ay dhowaan ka qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, isla-markaana lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay haatan ku sugan yihiin deegaanada War-Ciise, Qoordheere, Wararaxley iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saaka si nabdoon kula wareegtay deegaanadaasi oo dhowaan howl-gal milatari ku qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidanka dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Biyo-Cadde oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi.

Sidoo kale labada dhinac ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada deegaanadaas, iyada oo shacabka ku dhaqan halkaasina ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo uu khasaare xoogan kasoo gaaray labada dhinac, kadib markii ay isku fara-saareen gudaha gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada maamulka HirShabelle, iyaga oo deegaano badan ka heysta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulkaasi.

Jeff Nyagah oo si qarsoodi ah u booqday saldhigyada ciidanka Kenya ee Jubaland

Kismaayo (Caasimadda Online) – Taliyaha qaybta 2-aad ee AMISOM Jeff Nyagah ayaa kormeer labo cishe ah ku tagay Xeryo Ciidamada Kenya ee ku howlgalka Magaca Midowga Afrika ku tagay saldhigyada kala ah Kubiyoow, Raaskaambooni, Kuday, Cabdalla Biroole, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo oo mas’uul ay ka yihiin sugidda amnigooda.

Taliyaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Ciidamada difaaca Kenya KDF ee ku sugan Dhammaan Xarumaha uu tagay isaga oo ku amaanay qaabka ay uga shaqeynayaan mas’uuliyadda amni ee saaran.

Waxa uu ku bogaadiyay in ay waajibaadkooda kordhiyaan si ay uga soo baxaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Degmooyinka, xarumaha Muhiimka iyo goobaha kale ay ka joogaan Gobolka Jubada Hoose ee DG Jubbaland.

“Waxaan kaaga mahadcelineynaa adeegga aad u haysaan buslahda, Dadaalkiinu waxay gacan weyn ka geysteen kor u qaadida howlaha dhaqaale, kuwaas oo muhiim u ah helitaanka nabadda. Waxaan wali ku adkeysaneynaa waajibaadka AMISOM iyo geedi socodka nabada ee ka jira, ”ayuu yiri Brigadier Nyagah mar uu la hadlayey askarta.

Brigadier Nyagah ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta ay ku guda jiraan howlahooda shaqo si ay uga hortagaan ugana adkaadaan khataraha ku soo food leh amniga.

Taliyaha wuxuu ku dhiiri geliyey Ciidamada inay sii wadaan xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga ee Soomaaliyeed sida ku cad qorshaha kala guurka Soomaaliya.

War kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu xaqiijiyay in taliyaha uu dhameystay kormeerkiisa labada cishe ah isaga oo ku qiimeeyay Askarta difaaca Kenya ee ku howlgasha Magaca AMISOM.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu la kulmay sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Badda Mareykanka oo saldhig ku leh Garoonka Diyaaradaha Kismaayo inkasta oo aan la baahinta xogta wadahadalkooda sida ku xusan warka kasoo baxay AMISOM.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya kuna howlgalla Magaca AMIOSM, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Sawirro: Dad ka careysan doorashada Somaliland oo dibad-bax ka dhigay Gibiley

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweyne careysan ay xirteen wadada isku xirta magaalooyinka Hargeysa iyo Gibiley ee maamulkaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinkaasi oo ay ku xireen taayaro.

Dadweynahan ayaa isku soo baxay, kadib markii uu doorasha golaha deegaanka ee Gibiley uu kusoo bixi waayey musharraxa Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha oo isugu yimid deegaanka Arabsiyo ayaa sheegay in la masuq-maasuqay doorashooyinka Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay maamulkaasi.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa sidoo kale hakiyey isku socodka labada magaallo, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goor dambe ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku guuleystay inay kala dareeriyaan dadkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse goobta ay rabshadaha ka dhaceen ayaa waxaa ka muuqda burbur iyo gubasho laamiga ah, maadaama taayaro wa weyn lagu gubay.

Doorashadan oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaya xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid, iyada oo la shaaciyey natooyinka magaalooyinka qaar.

Somaliland ayaa waxaa todobaadkii hore ka dhacay doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka, iyada oo codadkooda ay dhiibteen dad u kor u dhaafaya illaa hal milyan oo qof.