26.7 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Sawirro: Dad ka careysan doorashada Somaliland oo dibad-bax ka dhigay Gibiley

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saaka dadweyne careysan ay xirteen wadada isku xirta magaalooyinka Hargeysa iyo Gibiley ee maamulkaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinkaasi oo ay ku xireen taayaro.

Dadweynahan ayaa isku soo baxay, kadib markii uu doorasha golaha deegaanka ee Gibiley uu kusoo bixi waayey musharraxa Ucid ee ka sharraxnaa degmadaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha oo isugu yimid deegaanka Arabsiyo ayaa sheegay in la masuq-maasuqay doorashooyinka Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay maamulkaasi.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa sidoo kale hakiyey isku socodka labada magaallo, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goor dambe ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku guuleystay inay kala dareeriyaan dadkaasi.

Xaaladda ayaa haatan degan, balse goobta ay rabshadaha ka dhaceen ayaa waxaa ka muuqda burbur iyo gubasho laamiga ah, maadaama taayaro wa weyn lagu gubay.

Doorashadan oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaya xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid, iyada oo la shaaciyey natooyinka magaalooyinka qaar.

Somaliland ayaa waxaa todobaadkii hore ka dhacay doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka, iyada oo codadkooda ay dhiibteen dad u kor u dhaafaya illaa hal milyan oo qof.

 

DF oo si carro leh uga hadashay duqeymihii ay ciidanka Kenya ka geysteen Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareyneyso duqeymo maalmihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka DF oo dhameystiran

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa duqeymaha joogtada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya ee lagu dilo laguna dhaawaco dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya.

Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan ​​aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya.

Hawlgalladaan KDF ee lagu soo koobay sheegashada fulinta hawlgallada ka dhanka ah xagjirnimada shaki la’aan ayaa loo qabtay qaab ka baxsan waajibaadkooda hoos yimaada waajibaadka UNSC ee amarka AMISOM, gaar ahaan OP17 oo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in ciidamada AMISOM ay gutaan waajibaadkooda iyagoo si buuxda ugu hoggaansamaya dowladaha ka qayb qaadanaya. waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Waxaa muuqata inay sii kordheysa muuqato daandaansiga iyo kala sooc la’aanta ay ciidamada KDF ay howlgalada ka fuliyaan Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka xagjirnimada, waxna ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada, laakiin kaliya waxay sii xagjirineysaa beelaha taageera xag-jirnimada.

Dadka rayidka ah iyo hantidooda waa in aysan waligood noqon bartilmaameedka ficil militari. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay sare u qaadday tixgelinta xaqdarrada ah ee naf iyo maalba shacabka rayidka ah ee KDF, oo ah waajibaadka ugu weyn ee AMISOM, marar badan oo lala yeeshay Jamhuuriyadda Kenya iyo Midowga Afrika.

Waa in la ogaadaa, madax-adayga Jamhuuriyadda Kenya oo aan awood u lahayn inay ilaaliso heerka laga filayo KDF iyada oo la waafajinayo waajibaadkeeda sharciga caalamiga ah ayaa ah sababta ka dambeysa inuu xumaado xiriirka diblomaasiyadeed, taas oo keentay in DFS ay jarto dhammaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Kenya.

Waa wax laga xumaado in KDF ay wali ku hoos jirto aragtida ah Xaaladda Heshiiska Ergada (SMA) waxay ka ilaalinaysaa ficilladooda la xisaabtanka dilka sharci darrada ah ee kuwa aan waxba galabsan iyo burburinta hantida gaarka loo leeyahay.

Si taas loo gaaro, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay u soo bandhigi doontaa walaaca ay ka qabto hawlgaladan si isdaba joog ah oo KDF ku wajahan PSC, laakiin sidoo kale waxay bilaabi doontaa hanaan lagu dhisayo guddiga sheegashada joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ku cad qodobka) 0N, farqadiisa 59, ee Heshiiska Howlgalka Xaaladda, si loola xisaabtamo kuwa geysta burburka sharci darrada ah ee hantida iyo soo celinta dhibbanayaasha.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa AMISOM inay fuliso waajibaadkeeda sida ku cad farqadda OP18 ee xafiiska UNSC ee AMISOM si loo xoojiyo isku mid ahaanta soo tebinta khasaaraha rayidka iyo in lala shaqeeyo hay’adaha DFS, si ay ula socdaan falalkan foosha xun ee fuleynimada ah ee lagula kacayo bulshada.

Falalkan rabshadaha ah waxay diiradda saarayaan muhiimada doodaha socda ee ku saabsan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya iyo nooca, qeybaha howlgalka Midowga Afrika ee 2021-ka.

Mucaaradka oo bogaadiyey tallaabadii uu qaaday Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah garabka mucaaridka ayaa si weyn usoo dhaweeyay tallaabo uu sheegay inuu qaaday ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, kadib dalab ay u direen xildhibaano uu kamid yahay.

Mahad ayaa sheegay in Rooble uu ka dambeeyo amarka uu taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed uu maanta ku bedelay qaar kamid ah ciidamadii Asluubta ee ku sugnaa xarumaha dowladda iyo kontoroolo muhiim ah.

“Waxaan bogaadinayaa ugana mahadcelinaynaa RW Maxamed Xuseen Rooble tilaabada uu ka qaaday Ciidamadii Asluubta ee joogay wada hormarta Kawaanka Malayga, Maxkamadaha, Xabsiga Dhexe iyo Dekadda ee maalin dhawayd xabadeeyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri.

“Waxaa naga go’an in aan si buuxda ula shaqayno RW Rooble si looga mirodhaliyo dadaaladiisa ku aadan xassiloonida dalka iyo qabashada doorasho xor ah oo loo dhanyahay.”

Sidoo kale, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa soo dhoweeyey tallaabaday uu qaaday Rooble. “Cagaarkii waxaa bedelay kaaki, xabaddiina Faataxo ayaa bedeshay!.! Waa ku mahadsan yahay Raysul wasaare Rooble abuuridda xasilooni siyaasadeed iyo kala danbayn.”

Hadalka Mahad Salaad ayaa imanaya saacado un kadib markii maanta Ciidamada booliska la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta.

Ciidamada Asluubta ayaa dhowr jeer qaaday tallaabooyin muran badan dhaliyay, kuwaasi oo lagula kacay mas’uuliyiin uu ugu dambeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay rasaas ku fureen xili uu marayay aaga maxkamadda gobolka Benaadir.

Jenaraal Xuud oo ra’iisul wasaare ROOBLE uga digay ‘qorshe uu damacsan yahay’

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha la magac baxay Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin culus hawada usoo mariyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

enaraal Xuud ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga digaayo inuu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo uu sheegay inaysan aqoonsaneyn.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u sheegayaa haddii uu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo Cali Guudlaawe wixii dhibaato ah oo ka dhasha mas’uuliyadeeda inuu isaga qaadan doono, balse isaga iyo wafdigiisa kale ay imaan karaan Beledweyne,” ayuu yiri Jenaraal Xuud.

General Xuud ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallada uu Rooble ku doonayo in lagu xaliyo tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan qaab dhismeedka Maamul Hirshabelle, wuxuuna sheegay inay si weyn usoo dhaweenayaan arrintaas.

Generaalka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in shirkii wadatashiga qaran ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya aan marnaba lagu soo hadal qaadin arrinta Hiiraan halka waqti badan la geliyey sidii loo xallin lahaa xiisadda ka jirto Gobolka Gedo.

Hadalka General Xuud ayaa imaanaya xili dhawaan Xukuumadda Rooble ay ku dhawaaqday iney xalinayaan tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabeelle, waxaana soo baxaya warar sheegay in Rooble doonayo inuu tago Beledweyne.

Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabeelle.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka Hishabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.

Sawirro: DF oo maanta qaaday tallaabo jawaab u ah rasaastii lagu furay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay uga jawaabeyso dhacdadii ay ciidamada Asluubta ku xabadeeyen kolonyo gawaari ah oo la socotay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa amray in ciidamada Asluubta laga wareejiyo xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Xamarweyne, kadib dhacdadii Arbacada.

Kadib amarka Xijaar, waxaa gebi ahaanba laga qaaday ciidankii Asluubta xarumihii iyo kontorooladii ay ku sugnaayeen, ayada oo lagu wareejiyey ciidamada booliska.

Ciidamada booliska ayaa waxaa la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta.

Ciidanka Asluubta ee ku sugnaa xarumaha laga qaaday ayaa dhowr jeer ku kacay falal ka dhan ah mas’uuliyiin sarre, kaasi oo uu ugu dambeeyay madaxweynihii hore ee dalka oo ay ku xabadeeyen agagaarka maxkamadda gobolka Benaadir.

Wararka ayaa intaa kusii daraya in ciidanka Asluubta ee laga qaaday xarumahaas loo bedalay goobo cusub oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Dhacdooyinkii ugu saameynta badnaa ee dowladda ka bixisay raali-gelinta ee ay ku kaceen ciidamada Asluubta intii ay ku sugnaayeen kontorooladaas ayaa waxaa kamid ahaa kuwoodii ugu dambeeyay ee ku rasaaseeyen kolonyo ay la kala socdeen Imaamka beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

R/W Rooble oo looga digay qorshe lagu boobayo kuraasta xildhibaanada Banaadiriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa fariin u diray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ka codsaday inuu u madax-baneeyo inay soo magacawdaan xubnaha guddiyada doorashooyinka ku meteli doona.

Odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo marka hore soo dhaweeyey heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii doorashooyinka ayaa sheegay in guddiyadii cabashada laga keenay ay ku metelayeen xubno aan laga tashan soo magacaabidooda, isla markaana ay hadda doonayaan in laga bedelo.

“Waxaan ka shirnay masiirka beelaha Banaadiriga, waxaan taageereynaa heshiiskii dhawaan ay madaxdu gaareen, hadaan nahay dad reer Xamar madaxda dalka iyo dhamaan siyaasiyiinta heshiiskaas waan ku amaaneynaa, ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsaneynaa in metelaada beelaha Banaadiriga waxgaradkooda loo madax-baneeyo, sida beelaha kale,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Nabadoon kale oo goobta ka hadlay ayaa yiri, “Guddiga doorashooyinka, markii hore oo la magacaabaayey lagalama tashan odayaasha dhaqanka, duubabkeena iyo siyaasiyiinteena, waxaan ka war helnay iyadoo la magacaabay, hada waxaa la go’aamiyey in guddiyadii dib loogu noqdo, oo intii cabasho laga keenay la bedelo, marka maadaama markii hore nala dhinac mariyey, hada waxaan rabnaa guddigaan dib loo soo magacaabaayo, in gacanta loo soo geliyo odayaasha madaxda u ah beelaha Banaadiriga, si aan go’aan uga gaarno masiirka umadeena.”

Xubnaha ku jira guddiyada magacaaban ee hadda la isku heysto, kuwooda metelaha beelaha Banaadiriga waxaa ka mid ah 3-xubnood oo aan u dhalan beelaha Banaadiriga, taas oo ay sheegeen inay la yaab ku noqotay.

Xubnaha guddiyada doorashooyinka ku metelaya beelaha Banaadiriga waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana sida ay beelaha Banaadiriga sheegeen ku jira Ibraahim Maxamed Cumar oo u dhashay beesha Shiikhaal, Nuur Maxamed Xasan oo u dhashay Abgaal iyo Maxamed Xaaji Maye oo reer Aw-Xasan ah, kuwaas oo ka yaabiyey beelaha aysan ka dhalan ee metelayaasha looga dhigay.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay wajahayaan hanajbaado la xiriirta inay arrintan ka aamusaan oo uga imanaya saraakiil ka tirsan dowladda.

Hadda beelaha Banaadiriga waxay xukuumadda ka codsanayaan in qaladkaas la saxo oo loo madax-baneeyo inay soo magacawdaan xubnaha ku metelaya guddiyada doorashada, sidoo kale tabashada beelahaan ayaa ah mid soo jireen ah, waxayna horay u sheegeen in xuquuq ay la haayeen lagu duudsiiyey doorashadii ay afar sano ka hor dalka ka qabatay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa sheegay sanadkii hore in beelaha Banaadiriga laga dhacay kursi Xildhibaan, kaas oo deegaan doorashadiisa la geeyey magaalada Baydhaba ee K/Galbeed. Beelahan oo xaq u lahaa 6 kursi, ayaa xilligii Xasan Sheekh laga dhacay hal kursi, waxaana la siiyey beesha Sheekh Gandarshe oo Hawiye ah.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sanadkaan ay jiraan xildhibaano iyo siyaasiyiin qorsheynaya in beelaha Banaadiriga ay ka dhacaan ilaa seddax kursi – xildhibaan, kuwaas oo deegaan doorashadooda la geyn rabo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee odayaas.

Sidoo kale Hoos ka daawo CUmar Shariif Jeeg oo ka hadlaya kursiga la boobay.

 

SACIID DENI oo shaaciyey waxa dhici kara haddii la fulin waayo heshiiskii doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo ka qeyb-galay munaasibad soo dhoweyn ah loogu sameeyay degmada Qardho, ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligaan mareyso meel halis ah oo loo baahan yahay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u istaagan si xal buuxa loo gaaro.

Waxa uu ka digay halista ka dhalan karta haddii uu fuli waayo heshiiskii doorashada ee dhawaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Benaadir ay ku saxiixeen magaalada Muqdisho.

“Marxalad adag ayuu marayaa dalka weli, marxalad noocii Dowladnimo oo aan sugeynay wali wada-hadal uu ka socdo ayuu marayaa. Soomaaliya waxay ku dhici doonta god weyn haddii la fulin waayo heshiiskii,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay madaxweynaha maamulka Puntland muhiimada uu leeyahay heshiiskii ay ku saxiixeen Muqdisho ee arrimaha doorashooyinka, kaasi oo soo afjaray khilaaf muddo badan ka taagna hanaanka doorashada.

Heshiiska doorashada ee dhawaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Benaadir ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa rejo cusub dhaliyey, xili uu dalka galay xaalad hubanti la’aan ah.

Natiijooyin cusub oo kasoo baxay doorashada Somaliland iyo xisbi hoggaanka qabtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada kala duwan ee maamulka Somaliland waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo Isniintii la soo dhaafay si habsami leh uga dhacday magaalooyinka maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey natiijada Golaha Wakiillada gobolka Togdheer, waxaana hoggaanka u hayo xisbiga Waddani oo bilihii ugu dambeeyey halkaas ka wado olole xooggan, waxaana codadka loo kala helay sidan:

Waddani 7
Kulmiye 4
UCID 4

Sidoo kale Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Borama xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa ka helay tiro xildhibaano ah oo 5 iyo 5 ah halka xisbiga UCID uu helay 3 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka degmada Burco ayaa waxaa hoggaaminayo xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan halka xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay kala heleyn min 4 xubnood .

Dhinaca kale natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Sanaag oo lagu dhawaqay waxa hogaaminaya xisbiga Waddani oo helay 5 xildhibaan, Kulmiye ayaa kusoo xiga oo helay 4 xildhiban, halka xisbiga UCID uu ka helay 3 xildhibaan.

Waxaa ilaa hadda la shaaciyey 39 xildhibaan oo saddex Gobol ka yimid, kana tirsan Golaha Wakiilada, waxayna xisbiyada u kala heleyn sidan:

Waddani: 16
UCID: 10
Kulmiye: 13
Isu geyn: 39

Tirada Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland waa 82 xildhibaan; Waxaa la sugayaa natiijada Gobollada: Saaxil (10), Awdal (13) iyo Maroodijeex (20).

Norman Mwongera oo nolol lagu helay kadib 17 maalin oo uu ka dhuumanayey Shabaab

Lamu (Caasimada Online) –  Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Kenya, islamarkaana qeyb ka ahaa koox dhanka ammaanka ah oo loo xir saaray inay kooxda Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanka Lamu ee dalkaas ayaa soo laabtay 17 Maalin kadib oo la weysanaa.

Askarigaan oo lagu magacaabo Norman Mwongera ayaa Arbcaddii dib ugu soo laabtay xeradiisa Basuba GSU oo ku taallo Lamu, kadib markii lagu waayey howlgal ay ciidamada Kenya ku qaadeyn dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa keymaha u dhow Lamu.

Norman Mwongera ayaa waxaa jirkiisa ku yaalay laba dhaawac oo rasaas ah, waxaana la sheegay in mid ay kaga taalay cajirka halka mid kalana ay kaga taalay gacantiisa midig, waxaana durba loo qaaday Isbitaalka si uu daaweyn deg deg ah u helo.

Laamaha Ammaanka ee Dowladda Kenya weli faahfaahin kama aysan bixin sida ay Mwongera ugu suurta gashay inuu keymaha ugu badbaado 17 maalmood maadaama ay halkaas aad ugu xooggan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa weli maqan oo aan nolol iyo geeri lagu heyn 7 kamid ah kooxda ammaanka ee loo sameeyey inay Al-Shabaab kula dagaalamaan keymaha Lamu kadib dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday oo labada dhinac dhex maray.

Kooxda loo xil saaray inay Shabaab ka sifeeyaan Lamu ayaa waxaa hoggaaminayo illaa 10 sarkaal oo loo soo xulay howlgalkaas, wuxuna howlgalka bilowday markii kooxda Al-Shabaab lagu arkay deegaanka Mangai taariikhdu markii ay ahayd 17-kii May.

Saraakiishaan oo saarneyd diyaarad helikobtar ah ayaa iska caabin xoog leh kala kulmay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan keymaha, waxaana ugu dambeyntii lagu qasbay inay diyaaradda dajiyaan oo ay ku dhuuntaan keymaha, kadibna waxaa bilowday dagaal fool ka fool ah oo sababay in la dilo laba kamid ah saraakiishaas halka 8-dii kale ay duurka u carareyn, waxaana illaa hadda la helay kaliya Mwongera halka todobadii kale aan la ogeyn halka cirib iyo jaan dhigeyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku leh keymaha u dhow Lamu, waxayna halkaas kasoo qaadaan weeraro ay ka fuliyaan deegaano ku yaalo gudaha Kenya, waxayna ciidamada Kenya weli ku guuleysan la’yihiin inay halkaas ka saaraan Al-Shabaab.

Xog: Qaar ka mid ah xubnihii cabashada laga keenay ee guddiyada doorashada oo awood lagu soo celinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Faro-gelin xooggan ayaa lagu billaabay guddiga heerka wasiir ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u xil saaray baaritaanka xubnaha guddiga doorashada ee ay cabashada ka keeneen Midowga Musharaxiinta kuwaas oo gaaray illaa 67 xubnood, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay mid mid u baaraan xubnaha guddiga, kadibna go’aan kasoo gaaraan kuwa cabashada laga keenay ay saxda tahay si guddiga looga saaro, iyo kuwa aysan saxda aheyn ee ay tahay inaan la taaban.

Waxay kadib warbixintooda usoo gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo kadib gaari doona go’aanka kama dambeysta ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dood adag ka taagan tahay xubnaha laga saarayo guddiga iyo qaarka lagu reebayo ayada oo durba ay soo baxeen shakhsiyaad awood ku dhex leh dowladda oo difaacaya xubnaha qaar ee cabashada laga keenay.

Shakhsiyaadkan ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan kuwaas oo guddiga ku qasbaya in xubnaha qaar aysan guddiga ka saari karin, ayada oo midba uu si gaar ah u difaacayo shakhsi gaar ah.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in guddiga ay u hoggaansameen cadaadiskan, ayna qorsheynayaan inay soo celiyaan xubnaha qaar oo ay ka mid yihiin shaqaale dowladeed iyo saraakiil sirdoon.

Arrintan ayaa haddii ay dhacdo dhaawici karta kalsoonidii madax-banaani ee lagu qabay ra’iisul wasaare Rooble oo iminka wajahaya imtixaankiisa koowaad ee maareynta doorashada iyo abuurida jawi kalsooni geliya dhinacyada siyaasadda.

Soo-celinta qaar ka mid ah xubnihii cabashada laga keenay ayaa meesha ka saari karta in la helo guddi doorasho oo dhex dhexaad ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Kenya oo yareysay maabka dhererka xeebta Soomaaliya

Maalintii Khamiistii May 27, 2021 oo Soomaaliya looga dabaaldegayey heshiiska doorashada ayaa Kenya waxay ku wargelisay dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta in hawada Kenya iyo Soomaaliya la xiray. Tillaabadaas waxay argagax gelisay dhammaan dhinacyada ay khusaysay. Soomaaliya waxay maalmo uun ka hor si niyad wanaag ah dib ugu soo celisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Kenya waxaa u dhaqan ah in wax kastoo lagu heshiiyo ay u rogto sida ay doonto. Tusaale waxaa noogu filan heshiiskii is-afgaradka ahaa “Memorandum of Understanding – MOU,” ee Abril 2009 oo ujeeddadiisu ahayd in labada dal midkoodna midka kale uusan ka hor istaagin gudbinta dalabka qolfoofta badda. Kenya waxay heshiiskaas u rogtay mid “xeerinaya soohdinta badda” ee labada dal.

In muddo ah waxay ka wadday Afrika, Yurub, Maraykanka, Bariga Dhexe iyo kuwa kaleba duullaan diblomaasiyadeed, si ay taageero ugu hesho mowqifkeeda dib u soo celinta dacwada badda.

Muqdisho diyaar uma ahayn in wadahadal laba-geesood ah amase mid heer gobol ah ka furto qadiyadda badda ilaa ay Maxkamada ICJ go’aan ka gaarto. Balse shirkadda Rational 360 oo ah “lobbyist,” shaqaalaheeduna u badan yihiin kuwii ka tirsanaa maamulladii Bill Clinton iyo Baraka Obama oo ay Kenya u kiraysatay galaangalkeeda ayaa gadaal ka riixaysay dib u heshiisiinta labada dal.

Shirweynaha QM ee September 24, 2019 ayuu Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ku khasbay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu mar uun si fool-ka-fool ah ula kulmo Uhuru Kenyatta oo xiriir qabow ka dhexeeyay.

Mar kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxuu u rogay kulankii gaabnaa in muranka xuduudda badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya lagu xallin doono wadahadal.

Qodobka kale oo xiisaddu ay ka taagan tahay ayaa ah ganacsiga. Soomaaliya waa suuq muhiim u ah qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 148 kun doolar ka soo hooyan jirtay bishiiba.

Si ganacsiga uu u noqdo mid dheellitiran oo labada dalba dheef u leh Muqdisho waxay doonaysaa in Kenya dakhliga qaatka ay ku beddelato badeecado Soomaaliyeed. Halka Kenya ay rabto in qaadka uu u ahaado il joogta ah oo kobcisa kaydkeeda lacagta adag.

Toddobaadkii dhawaa wargeysyada Kenya ayaa soo qoray in heshiiska ay Qadar ka tahay garwadeen ay Muqdisho ku oggolaatay in kheyraadka la wadaagto deriskeeda. Inkastoo Wasiirka A. Dibedda Soomaaliya uu beeniyay warkaas, haddana warku waxuu siday fartiin aan horay looga maqlin Kenya.

Isbeddelka mowqifka wuxuu muujinayaa inaysan gacan ku hayn guul sharciga waafaqsan. Balse ha moogaan in Nairobi ay hayso macluumaadkii sahminta aagaas, baarista ENI iyo Total iyo natiijadii ceelka la qoday.

Go’aanka Maxkamdda ICJ waa mid kama dambeys ah, haddana maxkamaddu ma lahan qaab ay ku fuliso xukunka. Garsoore James Richard Crawford oo ka mid ahaa qaalliyadii dhageysatay kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa May 31, 2021 la soo sheegay geeridiisa.

Inkastoo, taas aysan waxba ka beddeli doono garta hortaal Maxkamadda ICJ, haddana hawshu waxay u muuqataa mid hortegi doonto madaxweynaha imaanaya. Su’aal waxay ka taagan tahay, sidee loo aamini doonaa mas’uuliyiinta Kenya!

Waxaa dhiillo hor leh dhalinaya in Kenya ay soo bandhigtay naqshad (maab) hor leh oo dheereerka xeebta Soomaaliyeed ka dhigeysa 3,025 kiloomitir halkii uu ka ahaa 3,333 kiloomitir.

Nasiib wanaag, waxa lagu muran san yahay ma aha dheereerka xeebta balse waa jihada loo jeediyo marka la dheereeriyo laynka xadka ah. Bedka dhul badeedka lagu muransan yahay kuma xirna dheereerka xeebta. Qiilka Kenya wuxuu u eg yahay: Nin Bad Qaadey Xumbo Cuskay!

Hadalka Nairobi ka soo yeeray waxuu halis u yahay inuu sii xumeeyo xiisadda. Dhinaca kale, waxuu marqaati ma doonto u yahay dhaqan xumida Kenya ee aan tixgelin wixii lagu heshiiyo. Kenya waxay u baahan tahay inay Muqdisho kula dhaqanto ixtiraam iyo deris wanaaga maadaama ay dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay Soomaaliya.

Duulimaadyadii ay xayirtay KENYA ee Soomaaliya oo xeelad cusub looga wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakad galay isku socodkii Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo markii ay dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labad dal.

Go’aanka Kenya ay ku xayirtay duulimaadyada ayaa waxa uu go’doon geliyay dad badan oo ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, oo rabay inay u kala safraan, balse maalmo kadib waxaa soo baxday xeelad cusub oo looga gudbay xayiraadaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar kamid ah dadkii ku xayirnaa magaalada Muqdisho ee u socday Nairobi ayaa ka dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mid kamid ah dadka ku baxay xeelada wareega dheer ayaa u sheegay Caasimada Online in markii uu muddo ku xayirmay magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku qasbanaa inuu tago Nairobi uu go’aansaday inuu ka duulo Addis Ababa.

“Waxaa maalmo u xayirnaa go’aanka Kenya anoo ka dhoofi rabay Muqdisho, qolada diyaaradaha ayaa iisoo jeediyay in aan ka baxo Addis Ababa, Run ahaantii wey ka qarash badan tahay arrintaan midda markii hore oo aan toos uga bixi jirnay Muqdisho,” ayuu yiri.

Arrintaan ayaa u muuqata mid dadka qaar uga gudbayaan xayiraada Kenya, ayada oo suuq cusub oo dhanka duulimaadyada Nairobi u furtay madaarka Addis Ababa, maadama xiligan ay shaqaalaha diyaaradaha dalka kula talinayaan inay aadan Itoobiya si ay uga sii gudbaan Kenya.

Go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii iskaga kala gooshi jirey labada dal ayaa timid kadib markii ay dowladda federaalka ku adkeysatay xayiraadii ay saartay qaadka Miirooga, xili la xaliyay khilaafkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Dowladda Kenya ayaa wajaheysa culeys xoogan oo uga imaanaya ganacsatada Jaadlayaasha oo suuqooda u weyn ahaa Soomaaliya, lamana oga xiliga ay dowladda Kenya wax ka badeli doonto go’aankeeda.

Ciidanka xoogga oo sheegay inay dileen 70 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Ciidamada  xoogga dalka ku qaadeen degaanka Warta-Jilable, ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Warta-Jilable lagu dilay 70 saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, isagoona sheegay in tiro intaa ka badana ay ku dhaawaceen weerarka.

“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in a dilay laba sarkaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay kooxda ugu yeeraan Jabhadaha, waxaa uuna tilmaamay in weli ku raad joogaan dagaalameyaasha kale ee ka cararay goobta dagaalka.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Al-shabaab markii laga soo xoreeyay tuulooyin dhowr ah ay bilaabeen inay Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, halkaasna jab xoogan loogu geystay, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Kornayl Cali Xaashi ayaa sheegay inay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen maleeshiyada Al-Shabaab, maadama ay ciidamadu ku howlanyihiin howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Hase yeeshee dagaalka ka dhacay Warta Jilaable ayaa qasaare ka soo gaaray ciidamada Xoogga dalka waxaana ka mid ah askartii ku dhimatay taliyihii guutada lixaad ee ciidamada Gorgor Maxamed Cabdiwaaxid.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay 18 kamid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya halka ay sheegtay inay ku dhaawacday tiro intaas ka badan.

Xamas iyo Mareykanka oo la dhex-dhexaadinayo – Warbixin

Doha (Caasimada Online) – Qatar waxay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso quwadaha gobolka si loogu guuleysto ammaan iyo xasillooni, waxaa sidaas sheegtay afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Qatar Lolwah Al-Khater.

Lolwah Al-Khater oo wareysi siisay wakaaladda wararka Ruushka ee Sputnik ayaa sheegay n dhex-dhexaadintan ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanka iyo ururka muqaawamada Falastiin ee Xamas.

Lolwah ayaa ka jawaabeysay su’aal ku saabsaneyd suurta-galnimada ah in Doha ay dhex-dhexaadiso kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee Xamas iyo Washington.

Mareykanka ayaa Xamas ugu yeera urur argagixiso, wuxuuna si aad ah u taageeraa dowladda Yahuudda ee gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta. Qatar ayaa iyana dhankeeda taageerta Xamas, ayada oo siisa dhaqaale, sidoo kalena hoggaamiyayaasheeda ku marti-gelisa Doha.

Ma cadda haddii Mareykanka ay ogolaan doonaan wada-hadal ay la galaan Xamas, maadaama ay saameyn badan ku leedahay Israel.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Qatar Lolwah Al-Khater, waxaa sidoo kale wax laga weydiiyey haddii dhex-dhexaadin loo sameeyo quwadaha gobolka ee Iran iyo Saudi Arabia ay suurta-gal tahay.

“Tani weli la iskuma soo qaadin hase yeeshee qatar waxay soo dhoweyneysaa suurta-galnimada arrintan,” ayey tiri, ayada oo carabka ku adkeysay muhiimadda wada-hadal lala yeesho Iran oo ku saabsan “in sida nabad ah loogu wada noolaado gobolka.”

Lolwah ayaa sidoo kale sheegtay in casuumada ay Qatar u dirtay madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi si uu usoo booqdo Doha ay weli furan tahay, ayna taariikhda booqashadan kala shaqeyn doonaan Qaahira.

DF oo 10-bil mushaarka ka haysata shaqaale ay kala soo wareegtay garoonka Hargeysa kadibna ceyrisay + Caddeymo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo ku siman 10 billood aan siin mushaharkii ay xaqa u lahaayeen shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal, kuwaasi oo ay kal hore la soo wareegtay.

Sida ku cad cadeymo ay aragtay Caasimada Online, Shaqaalaha ayaa mudadaas la meer-meerinayay, ayada oo dowladda u ballan-qaaday in mushaharkooda heli doonaan marka laga baxo xayiraadihii Coronavirus, balse la ceyriyay markii dambe ayada oo aan wax xuquuq ah la siin.

Maareeyaha duulista iyo Hawada Rayidka Axmed Macalin ayaa shaqaalahan kahor intii aan la ceyrin “ku qanciyey in mushaharkooda uu ka maqnaanayo inta lagu jiro xaalada Covid-19”, oo kal hore uu ka baxay dalku.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib markii uu dhamaaday culeyskii Covid-19, islamarkaana la qaaday xayiraadihii ka dhashay saameynta cudurkaas oo qeyb ka aheyd duulimaadyadii la joojiyey, ayaa waxay dowladda qaaday afar tallaabo, oo aan marnaba uusan ku jirin ballan-qaadkaas, kuwaasi oo kala ahaa;

1. Waxa soo noqday diyaaradihii over flight.
2. Waxaa la furay diyaaradihii local.
3. Waxa la furay diyaaradihii International.
4. Shaqaalihii ayaa Promotion loo sameeyey oo lacagtii loo kordhiyey.

“Hadaba Axmed Macalin waa uu ka been sheegay balantii uu qaaday ee ahayd waad helaysaa mushaharkiina, waliba waxaanu ka ahaynaa caddeyn oral iyo written ahba oo aanu idinl wadaagaynaa,” ayaa lagu yiri nuqul ay Caasimada Online lasoo wadaageen shaqaalaha 10-ka bilood mushahar la’aanta ah ee la ceyriyay.

“Hadaba, waxaanu bilownay in aan cabashadayada u gudbino xildhibaanadii na-matalayey madaama isku socodkii gobolada la joojiyey, waxaanu la xidhiidhnay Wasiirka Maaliyada Federal Soomaaliya Dr.C/raxmaan Bayle, wuxuu nagu qanciyey anigaa arintaa ka hawlgalaya Mushaharkiina aad xaqa u lahaydeena waad helaysaan, markii dambena wuxuu noola yimid wax aan macquul aheyn oo ah in la helo saxiixa wasiirka Somaliland.”

Shaqaalahaan oo badankooda xiligaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda hay’adda duulista iyo rayidka ay lunsadeen ama musuq-maasuqeen mushaharkii ay xaqa u lahaayeen 10-aad bilood.

Dowladda federaalka ayaa tan iyo markii ay la wareegtay maamulka hawada si rasmi ah ula soo wareegtay shaqaalahan oo kamid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), kadib markii xukuumadda Somaliland ay shaqada uga joojisay inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka.

Wixii ka dambeeyay intaas, dowladda ayaa shaqaalahaan kolba cudur daar u gudbineysay, ayada oo ugu dambeyntiina ka ceyrisay shaqada, ayaga oo muddo ku siman 10-billood ku leh mushaharkooda, waxayna waqti xaadirkan ka cabanayaan madaxda sarre ee wasaaradda duulista, waxayna cabashadooda u gudbiyeen madaxda sarre ee dalka.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaat Oomaar ayaa qoraal uu u diray hay’adda ku dalbaday in wax laga qabto cabashadan, hase yeeshee ma jirto cid dhageysatay, waxayna hadda cabasho kale u direen madaxweyne Farmaajo.

Haddaba waxaan idin la wadaageynaa warqadda shaqada looga eryey shaqaalahan, warqadda Oomaar iyo qoraalka cabashada ah ee ay soo saareen.

Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka Gorgor oo la dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Cabdiwaaxid oo ahaa Taliyihii ururka 6-aad ee ciidanka xooga dalka ee Gorgor ayaa maanta lagu dilay dagaal adag oo ay ciidamadu la galeen kooxda Al-Shabaab.

Allaha unaxariiste Korneylka ayaa ku dhintay dagaal ka socda deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xooga dalka iyo dagaal yahano ka tirsan Shabaab.

Geerida Korneylkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan, Abuukar Dubbe oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalkaan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Taliye Maxamed Cabdiwahaab hoggaaminayey dagaalka iyo askar kale ay ku dhinteen Qarax haleelay gaarigii ay saarnaayeen. Alshabaab ayaa sidoo kale dagaalka looga dilay saraakiil iyo dagaalamayaal waxaana la sheegay in laga qabsaday 2 gaari kuwa kalena laga gubay.

Waxaa maalmihii u dambeeyay degaanada Shabeellada Dhexe ka socday howl-galo ay wadeen ciidamada, kaasi oo ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab deegaanada gobolkaas.

Maxamed C/waaxid ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo dadaal badan ku bixiyey dagaalka lagula jiro Shabaab, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka.

BEESHA Habar-gidir oo kursi ku yeelatay baarlamanka cusub ee SOMALILAND

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Isniintii hore ka qabsoomay gobolada iyo deegaanada Somaliland, waxaana kasoo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku aadan Musharaxiinta ku guuleystay doorashadaas iyo xisbiyadooda.

Natiijada hordhaca ah ee laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Musharax Qaasim Aadan Saleebaan Cali uu ku guuleystay inuu kamid noqdo mudaneyaasha golaha Wakiilada ee baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Qaasim Saleebaan oo kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa kasoo jeeda jufada Fiqi Shini, beesha Ayaale Ceyr ee Habargidir.

Sida ay muujineyso natiijada hordhaca ah ee uu Qaasim ka helay gobolka Sool codadka uu kusoo baxay ayaa dhan 1922 cod.

Qaasim ayaa markii uu isu-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada Somaliland waxaa lagu xiray magaalada Hargeysa, ayada oo markii dambe la sii daayey, wuxuuna xiligaas xarigiisa ku eedeyay inay ka dambeeyaan madaxda xisbiga Kulmiye.

Guusha Qaasim ayaa durtaba qabsatay baraha bulshada waxaana ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo ku hambalyeeyay guusha uu kasoo hooyay doorashada golaha wakiilada ee Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa saacadihii u dambeeyay soo saarayey natiijada hordhaca ah ee doorashooyinkii qabsoomay Isniintii, waxaana lagu soo waramayaa in isla gobolka Sool uu isagna kasoo baxay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland oo xilkaas iska casilay, kadib markii uu isku-soo taagay musharaxnimada golaha wakiilada.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa kamid ah xubnaha ku guuleystay doorashada, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah, wuxuuna helay codad dhan 4456, kana sharaxnaa xisbul xaakimka Kulmiye.

Maxay QATAR ku haysataa ninka Kenyanka ee ay xiratay?

Doha (Caasimada Online) – Waardiye Kenyan ah oo ay Qatar ku eedeysay inuu lacag ka helay “wakiil ajnabi ah” si uu been ugu dhex faafiyo dalkan ayaa xabsiga laga sii daayey, sida ay Arbacadii sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Malcolm Bidali, oo loo yaqaan Noah, ayaa qormooyin ka qoray silica haysta shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka shaqeeya mashruucyada iyo dhismooyinka koobka kubadda cagta adduunka ee 2022 oo ay Qatar marti-gelineyso.

“Malcom hadda xabsi kuma jiro, hase yeeshee waxa uu sida muuqata Qatar ku wajahayaa eedeymo been abuur ah oo la xiriira dhaq-dhaqaaqiisa muddada fog ee sharciga ah,” waxaa sidaas bayaan ay twitter ku daabacaday ku tiri hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

“Dhammaan eedeymaha la xiriira shaqadiisa xuquuqda aadanaha waa in la laalaa,” ayey tiri.

Qatar ayaa 29-kii May sheegtay in Bidali lagu soo oogay dacwadaha “dambiyo la xiriira lacag uu ka helay wakil ajnabi ah si uu u abuuro una faafiyo warar been ah,” kadib markii la xiray horraanytii May.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee kala ah Amnesty International, Human Rights Watch, Migrant-Rights.org, FairSquare iyo Business and Human Rights Resource Centre ayaa dhammaantood ku baaqay sii-deyntiisa.

Kooxahan ayaa sheegay in Bidali “ay u muuqato in loo xiray inuu adeegsaday xuquuqda uu leeyahay inuu si nabdoon ugu ololeeyeo xuquuqda aadanaha,” waxayna intaas ku dareen inay gurigiisa ka xireen booliska sirta ah ee Qatar.

Qatar ayaa marar badan lagu eedeeyey xadgudubyo iyo silic ka dhan ah shaqaalaha dhisaya garoomada koobka kubadda cagta adduunka 2022, kuwaas oo badankood ka yimaada dalalka Asia, sida India, Pakistan, Bangladesh iyo kuwa kale.

AFP + VOA

Mareykanka oo sameeyey qirasho ku saabsan Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa qaatay mas’uuliyadda dilka illaa 23 ruux oo shacab ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday duqeymo ay diyaaradihiisa sanadkii 2020-kii ka fuliyeen dalalka ay ka jiraan colaadaha oo ay Somalia kua mid tahay.

Qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi lagu dilay duqeymo ay ka geysteen dalalka Soonaaliya, Ciraaq, Afghanistan, Yemen iyo Nigeria.

Sidoo kale qiimeyn ay sameysay waaxda Gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka ayey ku sheegtay in howl-gallo milatari oo ay fuliyeen sanadkii 2020-kii ay ku dileen 23 ruux oo rayid halka, 10 kalena ay dhaawacmeen.

Dadka ku dhintay duqeymahaasi ayaa kala joogay dalka Afghanistan oo lagu dilay 20 ruux, halka Soomaaliya iyo Ciraaqna lagu dilay min hal ruux, sida lagu sheegay warbixinta.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaashaandhiga Mareykanka uu Congress-ka dalkaasi ka qaatay lacag fara badan oo gaareyso illaa saddex milyan oo dollar si magdhaw loo siiyo ehellada dadka lagu dilay howl-galladaasi dhanka cirka ahaa.

Dhinaca kale urur aan dowli aheyn oo liis gaareeya dadka lagu dilo duqeymaha diyaaradeed ayaa sheegay in weerarada Mareykanka lagu khaarijiyey illaa 102 ruux oo shacab ahaa, taasoo shan mar ka badan tirada uu sheegay Aqalka Pentagon-ka ee dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro culus ka fuliyo gudaha dalka.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Drones Mareykanka ka geysteen koonfurta Soomaaliya, iyaga oo inta badan sheega in weeraradaaasi ay ku bartilmaameedsadaan saldhigyadda Al-Shabaab.

Sawirro: Ra’iisul wasaare ROOBLE oo gaaray JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehlinayo socdaalkiisa waxaa ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, warfaafinta, gargaarka iyo musiibooyinka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdigan mas’uuliyiin ka socda hay’adaha samafalka iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay, isla-markaana fadhigoodu yahay Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa u kuur-gali doono xaaladda magaalada oo muddooyinkii dambe ku jirtay go’doon ka dhashay daadadka fatahaada wabiga Shabelle.

Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay wajaheyso xaalad adag, kadib markii bartanka bishii May ku fatahay Wabiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon u galay fatahaadaha waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi, inkasta oo si kumeel gaar ah loo macmalay.

HirShabelle ayaa muddo bil ah la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle oo marar badan kusoo noq-noqotay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana xiligaan socda dadaalo lagu samato bixinayo.